-
Content Count
210,038 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii shaacisay inay magacaabi doonto hoggaamiye cusub oo madax u noqon doona maamulka ku-meel gaarka ah ee gobolka Tigray, halkaas oo xiisado bilooyin socday oo u dhexeeya kooxo iska soo horjeeda ay halis gelinayaan heshiiskii nabadda ee jilicsanaa. Gobolka ayaa weli la daalaa dhacaya saamayntii dagaalkii culusaa ee socday laba sano, kaas oo ku dhammaaday heshiis nabadeed oo sanadkii 2022 lagu gaaray magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, heshiiskaas oo lagu dhisay maamulka ku-meel gaarka ah ee hadda jira. Dagaalka ayaa ka mid ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa tobankii sano ee la soo dhaafay, isaga oo galaaftay nolosha ku dhawaad 600,000 qof. Waxaa isku dagaallamay kooxda mucaaradka Tigray iyo ciidamada federaalka Itoobiya oo ay taageerayeen maleeshiyooyin deegaanka ah iyo ciidamada dalka Eritrea. “Dowladda federaalka, iyadoo tixgalinaysa xaaladaha dhabta ah ee dhulka ka jira, waxay qaaday tallaabo ay muddo hal sano ah ugu kordhinayso waajibaadka maamulka ku-meel gaarka ah,” ayuu ku qoray Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed bartiisa X. Waxa uu intaa raaciyay in maamulka hadda jira uusan ku guulaysan inuu dhamaystiro howlihiisa muhiimka ah muddadii loo qorsheeyay. Abiy oo fariintiisa ku qoray afka Tigrinya ayaa sheegay inay lagama maarmaan noqotay in madax cusub loo magacaabo maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray, kaas oo beddeli doona Getachew Reda, balse ma sheegin wakhtiga rasmiga ah ee lagu beddelayo. Getachew kama jawaabin codsi faallo oo ay u dirtay wakaaladda wararka AFP. Khilaafka Getachew iyo Debretsion Xiisadda hadda ka taagan Tigray ayaa ka dhalatay khilaaf gudaha ah oo la xiriira awood qaybsiga, kaas oo u dhexeeya Getachew iyo Debretsion Gebremichael, oo ah hoggaamiyaha Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF). “Haddii si wanaagsan loo maareeyo xilliga kala-guurka, waxay noqon kartaa fursad looga baxo xiisadda hadda jirta,” ayuu AFP u sheegay Wondimu Asamnew, oo aad ugu dhow Debretsion. “Labadii sano ee maamulka uu hayay Getachew Reda waxaa lagu tilmaami karaa mid xiisado iyo iska hor imaadyo badan lahaa; hadda waxaan u baahanahay dowlad xasiloon,” ayuu sii raaciyay. Inkasta oo xabbaddu istaagtay, haddana fulin la’aanta qayb ka mid ah heshiiskii Pretoria ayaa sii hurisay khilaafka ka dhex jira hoggaanka siyaasadeed ee gobolka Tigray. Taageerayaasha hubaysan ee Debretsion ayaa bishan la wareegay maamulka degmada Adigrat, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Tigray, kuna dhow xadka Eritrea, waxayna meesha ka saareen duqii magaalada ee uu magacaabay Getachew. Kooxda Debretsion ayaa sidoo kale la wareegtay xarunta maamulka magaalada Mekele, iyagoo dib ugu soo celiyay duqii magaalada ee ay iyagu doorteen iyo idaacadda deegaanka. Awoodda Getachew oo sii yaraaneysay Kjetil Tronvoll, oo ah khabiir arrimaha Geeska Afrika ahna borofisar ka tirsan Jaamacadda Cusub ee Oslo, ayaa sheegay inuusan la yaabin isbeddellada hadda socda. Kooxda Getachew ayaa si tartiib-tartiib ah u waayay gacan-ku-hayntii maamulka, wuxuuna sheegay in awoodda Getachew ay sii yaraanaysay. “Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa si dhow ula socday isbeddelka xaaladda loollanka siyaasadeed,” ayuu Tronvoll u sheegay AFP. Wuxuu intaas ku daray inay ahayd waqti munaasib ah in dowladda federaalka ay xilka ka qaaddo Getachew maadaama uu dhammaaday waqtigii maamulka kumeel gaarka ah. Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadaha cusub ee gobolka. Sidoo kale, dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay xiisadda qaboojiyaan, isla markaana si degdeg ah u bilaabaan wadahadallo xal lagu raadinayo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in Talaadadii ay fuliyeen duqeymo badan oo cirka ah oo ka dhan ahaa Daacish-ta Soomaaliya, iyadoo howlgalkaasi lagu fuliyay iskaashi buuxa oo lala yeeshay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Weerarrada ayaa ka dhacay Buuraha Golis, oo ah dhul buuraley ah oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, kaas oo muddo dheer xarun u ahaa kooxda xiriirka la leh Daacish ee ka howlgasha Geeska Afrika. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeynta hordhaca ah ay muujinayso in lagu dilay dhowr xubnood oo ka tirsan ISIS-Somalia, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah. “ISIS-ta Soomaaliya waxay muujisay rabitaan iyo awood ay ku weerarto ciidamada Mareykanka iyo kuwa ay bahwadaagta yihiin,” ayuu yiri taliska AFRICOM, wuxuuna intaas ku daray, “Kooxdani waxay si joogto ah halis ugu tahay amniga iyo danaha Mareykanka.” Howlgalka Talaadada ayaa qeyb ka ah taxane weerarro ah oo dhawaanahan lala beegsanayay xubnaha kooxda Daacish ee Soomaaliya. Laga soo bilaabo 1-da Febraayo, oo ahayd dhowr toddobaad uun kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu dib ugu soo laabtay xafiiska, AFRICOM waxay fulisay ugu yaraan afar duqeyn oo cirka ah oo lala beegsaday ISIS-Somalia, iyo dhowr kale oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida. Duqeyntii dhacday 1-dii Febraayo ayaa lagu dilay 14 dagaalyahan, oo uu kamid ahaa Axmed Macalinaynayn, kaas oo ahaa mas’uul sare oo ISIS-Somalia u qaabilsanaa qorista iyo maalgelinta dagaalyahannada. Saraakiisha ayaa ku tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye muhiim u ah howlaha dibadda, isla markaana mas’uul ka ahaa dirista dagaalyahannada jihaad-doonka ah ee gudaha u gala waddamada Mareykanka iyo Yurub. Duqeyntaasi oo sidoo kale lagu qaaday Buuraha Golis ayaa lagu burburiyay godad iyo bohollo ay ku dhuumanayeen madaxda sar-sare ee ISIS-ta Soomaaliya. Kooxda Daacishta Soomaaliya ayaa la aas-aasay sanadkii 2015-kii, waxaana sameeyay xubno hore uga tirsanaa Al-Shabaab. Tan iyo markaas waxay isku ballaarisay awooddeeda, iyadoo noqotay halis weyn oo gobolka ka jirta. Warbixinno sirdoon ayaa qiyaasaya in tirada dagaalyahannada kooxdaasi ay u dhaxeyso 600 ilaa 1,500 dagaalyahan, iyadoo tiradu isbeddelayso marka loo eego qorista dagaalyahannada ajaanibta ah iyo xiriirada kooxdu ay la leedahay ururrada kale ee xagjirka ah. Daacishta Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal qorsheysan, qaraxyo, iyo weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ahaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. AFRICOM ma aysan shaacin faahfaahin gaar ah oo la xiriirta weerarradii Talaadada, iyadoo sabab looga dhigay ilaalinta amniga iyo xogta sirta ah ee howlgalka.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Somali National Bureau of Statistics (SNBS) today published its 2024 annual report. The report contains conflicting information about data collection and what a retired statistician described as “politically motivated statistics that could fuel distrust.” In the report, Puntland is mentioned only twice —not as a Federal Member State, but once as “Puntland region”— to highlight data collection constraints that prevented the SNBS from gathering relevant data in Somalia’s founding federal member state. The SNBS 2024 report references Bosaso, the commercial city of Puntland, stating that it has 31,491 businesses. Meanwhile, Hargeisa is referred to as Waqooyi Galbeed, but the report gives the impression that the SNBS faced no data collection barriers in parts of the Federal Republic of Somalia controlled by the secessionist Somaliland administration. Anomalies in the SNBS 2024 Report raise questions about the independence of the Somali National Bureau of Statistics. These anomalies raise questions about the reliability of the SNBS annual report and its usefulness for policymaking. “The Federal Government of Somalia clearly urged the SNBS not to mention the political causes of incomplete datasets and misleading information that call into question the professionalism of SNBS staff,” said a statistical research methods lecturer in Mogadishu, who spoke on condition of anonymity. The Puntland State of Somalia government is likely to distance itself from the SNBS report. “Puntland sees the report as unreliable and politically divisive,” said a senior officer from Puntland’s Ministry of Planning. © Puntland Post, 2025 The post SNBS Report Sparks Questions Over Data Reliability in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka soo laabtay furimaha dagaalka ayaa berri safar deg deg ah ugu baxaya dalka Turkiga, halkaas oo heshiisyo cusub uu ku soo saxiixayo. Sida aan horay u baahinay Soomaaliya waxaa la keenay diyaarado dagaal oo Turkiga laga keenay, kuwaas oo maalmahaan lagu howlanaa dib u howlgelintooda. Xasan Sheekh ayaa hadda Turkiga u aadaya inuu soo saxiixo heshiis ku saabsan diyaaradahaas oo ka howlgeli doona dalka oo dhan, gaar ahaan goobaha ay joogaan kooxaha argagixisada ah. Madaxweynaha dalka Turkiga iyo madaxda sare ee shirkadda sameysa diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar, heshiisyada la gelayo ayaa ku saabsan howlgelinta diyaaradaha cusub ee Soomaaliya la keenay oo labo nooc oo casri ah, kuwaas oo ugu yaraan seddax xabo ah. Inkastoo aan lasii faahfaahin nooca heshiisyada la kala saxiixanayo, hadana waxay Soomaaliya si joogto ah ugu baahnaa doontaa in laga caawiyo gantaalaha ay diyaaraduhu ku ridayaan argagixisada iyo tababarka askarta Soomaaliyeed ee howlgelineysa. Xasan Sheekh ayaa hadda qorsheynaya inuu xoogga saaro duqeymaha, isagoo maaanta kasoo laabtay furimaha dagaalka, kadib markii saakay Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku xiga degmadii uu xalay Xasan Sheekh ku hoyday ee Cadale. Xasan Sheekh oo shalay ka baxay Muqdisho ayaa sii maray degmada Raagaceelle oo ciidan xoog leh oo dadka deegaanka ah uu ku diyaarsanaa, wuxuuna kula balamay inay is difaacaan oo dhulkooda aysan ka cararin, wuxuuna u gudbay Cadale oo saldhig uu ka dhigtay. Culeys badan ayaa ka jira dagaalka dhulka ah, waxaana gacanta Al-Shabaab galay dhul badan, lama garanayo meesha ay wax ka qaldan yihiin, balse waxaa muuqata in habac badan uu ka jiro dhanka hoggaaminta dagaalka ee dowladda.
-
Siyaasi Axmed Shire Xukuumadda madaxweyne Siciid Deni oo bilowday in ay beegsato siyaasiyiinta ka ra’yi duwan ayaa maanta xabsiga dhigtay siyaasi Axmed Shire Yaasiin oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Mideeye. Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbi siyaasadeedka Mideeye ayaa lagu xaqiijiyay in xukuumadda Puntland ay xabsiga dhigtay Axmed Shire Yaasiin oo ka tirsan xisbiga Mideeye, kaasi oo maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe. Xisbiga mucaaridka ah ee Mideeye ayaa si adag u cambaareeyay xarigga siyaasigaasi oo uu ku tilmaamay mid sharciga ka baxsan” Xisbiga Mideeye wuxuu si adag u cambaaraynayaa xarigga sharci-darrada ah ee loo geystay Mudane Axmed Shire Yaasiin oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga.” “Mudanaha ayaa si aan waafaqsanayn sharciga loogu xiray Garoonka Diyaaradaha Garoowe, iyada oo aan la sheegin wax denbi ah oo uu galay.Waxaan si cad u muujinaynaa in xariggaas uu yahay mid baalmarsan xeerarka dalka u yaalla, maadaama uusan jirin wax denbi ah oo lagu eedeeyey Mudabe Axmed Shire Yaasiin” ayuu sii raaciyay Mideeye. Xisbi siyaasadeedka Mideeye oo ka digay xarigga siyaasadaysan ee dowladu ku caburinayso xisbiyada mucaaridka ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Axmed Shire Yaasiin, islamarkaana xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo. “Hab-dhaqanka ay dowladda hadda jirta la timid wuxuu u egyahay midkii kaligii-talisyada oo aan oggolayn isla-xisaabtan iyo sixid , isla markaana aan tixgelinayn sharciga iyo xuquuqda muwaaddiniinta. Xisbiga Mideeye wuxuu ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah, loo sii daayo Mudane Axmed Shire Yaasiin, xoriyaddiisana dib loogu soo celiyo “ “Ma aqbalayno in Puntland ay ku dayato dhaqanka laga soo min-guuriyay Somaliland, oo qof kasta oo caasimadda Soomaaliya taga la xiro. Puntland waa in ay dhowrto dastuurkeeda iyo xeerarka u yaalla, ayna xaqiijiso xornimada muwaadiniinteeda iyo wada-noolaanshaha bulshada” ayuu intaasi ku daray xisbiga Mideeye. PUNTLAND POST The post Xukuumadda madaxweyne Deni oo bilowday beegsiga siyaaasiyiinta ka ra’yi duwan appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, Somalia – Somalia’s National Independent Electoral Commission (NIEC) has extended the deadline for political party registration by 21 days, from March 31 to April 21, 2025, ahead of planned June local elections. NIEC Chairman Abdikarin Ahmed Hassan announced the decision in Mogadishu, citing the need to give political associations more time to comply with new electoral regulations. Hassan emphasized that previously registered associations must also re-register for updated certification due to recent legislative changes. “Over the past few days, we held extensive discussions with previously registered groups and those still in the registration process,” Hassan said. “They requested a 21-day extension beyond the initial March 31 deadline.” Historic shift to direct elections Somalia is preparing for its first direct local council elections in June, a significant departure from the traditional clan-based voting system. Chairman Hassan described this as a historic step in returning electoral power to the Somali people. Voter registration will commence shortly, with trained electoral officials ready to manage the process across districts. However, the move toward direct elections has increased political tensions between Somalia’s federal government and regional administrations, notably Puntland and Jubbaland, which have openly opposed the central government’s electoral strategy. Both regions have suspended cooperation with the federal government, citing concerns over perceived attempts at centralizing political power. In December 2024, tensions escalated into violence when federal and regional troops clashed in Raskamboni over a disputed local election, highlighting the fragility of the current political environment. Implications of new electoral laws The recently enacted Political Associations and Parties Bill, approved by Somalia’s cabinet in August 2024, clearly distinguishes between political associations and parties. Associations must compete in local elections, with the top three subsequently recognized as national political parties qualified for national and regional elections. Under this law, political groups are also subject to stringent financial transparency and regulation guidelines and must participate in a public funding mechanism with contributions from federal and regional governments. Chairman Hassan clarified that previously registered political groups will not incur additional re-registration fees, emphasizing the commission’s commitment to an inclusive political process. Despite efforts to streamline the electoral process, Somalia faces significant hurdles, including ongoing security threats from Al-Shabaab, logistical issues in voter education and registration, and persistent political disputes among key stakeholders. The international community continues to urge political leaders in Somalia to engage in dialogue, emphasizing the necessity of cooperation and compromise for credible and peaceful elections. Somalia’s clan-based power-sharing Somalia’s political landscape has been characterized by a protracted transition, often shaped by intricate clan-based power-sharing arrangements. Historically, elections have primarily relied on indirect voting, where lawmakers chosen by clan delegates elect high-ranking officials. The current push for a direct “one person, one vote” system signifies a potential paradigm shift in Somali electoral practices. Supporters argue that it would bolster democratic legitimacy and directly empower citizens. Conversely, critics voice concerns about potential manipulation, lack of adequate infrastructure and security across all regions, and the risk of exacerbating existing clan tensions if such a significant change is not implemented through broad consensus and careful planning. Puntland has emerged as a leading voice of opposition against the federal government’s perceived unilateral approach to this electoral model, advocating for a more inclusive and consultative process involving all relevant stakeholders. Jubbaland has echoed these concerns, emphasizing the imperative of establishing a stable and secure environment before undertaking such a fundamental electoral transformation. The NIEC’s decision to extend the political party registration deadline could be seen as an attempt to provide additional time for parties to meet new regulatory requirements and potentially alleviate some immediate tensions surrounding electoral preparations. However, the underlying disagreements regarding the national electoral framework remain a formidable challenge as Somalia navigates its path towards future elections.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo caawa hadlay ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro cadowga Khawaarijta ee nabadda iyo horumarka u diiddan umadda Soomaaliyeed. Xamsa ayaa sheegay in cadowga jab xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, xilli uu ka hadlayey munaasabad Afur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia. “Qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo, inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Hadalka Xamsa Cabdi Barre ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay jabeen dagaal culus oo kooxda Al-Shabaab ay kula wareegtay Masaajid Cali Gaduud oo ah deegaan muhiim ah oo 40 KM waqooyi ka xiga degmada Cadale. “Caawa waa 27 Ramadan, waliba sida culimada badankoodu sheegtay aad baa loogu badiyaa in ay tahay habeenka Leylatul Qadriga, waxaan ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed dhammaantood in la is cafiyo, qof qof iyo koox koox in la isku cafiyo, dalkana loo duceeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisul Wasaaruhu. Xamsa ayaa munaasabadaas uga mahadceliyey aqoonyahanka afurka soo agaasimay, isagoo ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska ka socda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kaalinta aqoonyahanka ay tahay lama huraan, si buu yiri “loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.” Dhibaatada ugu weyn ee hadda Soomaaliya ka jirta waa kooxda Al-Shabaab oo dadka aad u laysa, kana soo horjeeda wax kasta oo nidaam iyo dowladnimo ah, sidoo kale dowladda oo dagaal rasmi ah kula jirta ayaa hadda waxaa soo wajahay culeys dhanka qorshaha dagaalka iyo nidaamka ciidanka ah, taas oo fursad u siisay kooxdaan cadowga ah inay dib ugu soo laabtaan dhul labo sano ka hor laga xoreeyey.
-
Mogadishu, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud is set to travel to Turkey for urgent talks and to sign new agreements just hours after returning from frontline areas where government forces are battling the Al-Shabaab militant group. The visit comes as Al-Shabaab claimed to have retaken a strategically important town in the Middle Shabelle region, highlighting the persistent security challenges facing the Horn of Africa nation. President Sheikh’s trip to Turkey, scheduled for Thursday, will focus on finalizing a deal for Turkish-made combat drones, according to sources familiar with the matter. Somalia has recently received several of these aircraft, which have been undergoing reactivation. The president is expected to meet with his Turkish counterpart and top executives from Bayraktar, a Turkish defense company that manufactures the drones. The agreements are anticipated to cover the full operationalization of the newly acquired drones across Somalia, with a particular focus on targeting areas where Al-Shabaab militants are active. While the specifics of the agreements remain undisclosed, it is understood that Somalia will require continued assistance with drone-launched munitions and training for Somali personnel who will operate the advanced aircraft, reported to be at least three in number and of two modern types. Al-Shabaab offensive in Middle Shabelle The president’s diplomatic push in Ankara coincides with a significant setback on the ground. On Wednesday morning, Al-Shabaab launched a fierce attack, beginning with vehicle-borne explosives, on the town of Masaajid Cali Gaduud in the Middle Shabelle region. This area, located near the town of Cadale, where President Sheikh spent the previous night, had been under government control since it was recaptured from Al-Shabaab two years ago. Local sources confirmed that after the initial explosions, Al-Shabaab fighters engaged in direct clashes with Somali government forces and the local pro-government militia known as Macawiisley. Al-Shabaab claimed in a statement that their fighters had entered and fully controlled the town and that operations were ongoing. Da’uud Haji Cirro, a spokesperson for the HirShabelle state, where Masaajid Cali Gaduud is located, confirmed the withdrawal of government forces but vowed that the militants would not hold the town overnight and would be driven out. “They will not spend the night in Masaajid Cali Gaduud,” he stated in a brief message. The attack underscores the ongoing challenges in the fight against Al-Shabaab, which frequently launches early morning assaults on government positions. Despite previous territorial gains by government forces, the group maintains a strong presence in parts of the country, particularly in the southern and central regions. President’s frontline engagement President Hassan Sheikh has been actively involved in directing the counter-offensive against Al-Shabaab in the Shabelle regions, which border the capital Mogadishu. On Tuesday, he visited the frontline town of Cadale, meeting with local clan militias in Raagaceelle and urging them to defend their territory. His presence in the area aimed to galvanize efforts to push back against the militants, who have been exerting pressure on previously liberated areas. However, the recent loss of Masaajid Cali Gaduud raises questions about the government’s current military strategy and leadership effectiveness. “ There is a lot of pressure in the ground war, and Al-Shabaab has taken a lot of territory. It is not known what is going wrong, but it seems there is a lot of weakness in the leadership of the government’s war,” a local observer noted. Turkey’s role in Somalia’s security Turkey has become a significant security partner for Somalia in recent years, providing military training, equipment, and infrastructure development. The acquisition of Turkish-made drones is a notable step in bolstering Somalia’s air capabilities against Al-Shabaab, which has relied on ambushes and ground attacks. The Bayraktar TB2 drones, which Somalia is believed to have acquired, have proven effective in various conflicts. They offer reconnaissance and precision strike capabilities. Their deployment could significantly enhance the Somali National Army’s ability to target Al-Shabaab’s strongholds and disrupt their operations. The upcoming agreement in Turkey is expected to solidify this security cooperation and provide Somalia with crucial tools in its long-standing fight against the Islamist insurgency. However, the recapture of Masaajid Cali Gaduud serves as a stark reminder of the complexities and persistent threats on the ground, even with enhanced military capabilities.
-
Could the Turkish Drones Supplied to Somalia Pose a Threat to Somaliland? The recent delivery of Turkish drones to Somalia has raised concerns and sparked debates about regional security dynamics, particularly regarding Somaliland. Given the complex history and ongoing tensions between Somaliland and Somalia, the presence of advanced military equipment in the region adds another layer of uncertainty. Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991, has maintained de facto autonomy for over three decades, operating with its own government, military, and institutions. Despite lacking international recognition, Somaliland has established relative stability compared to other parts of the region. However, Somalia continues to claim Somaliland as part of its territory, leading to strained relations and occasional military clashes along their disputed border. The introduction of Turkish drones into Somalia’s military arsenal has therefore raised questions about whether they could be used in a future conflict. Somalia has justified its acquisition of drones as part of its counterterrorism efforts against al-Shabaab, a militant group that remains a significant threat in the region. Turkey has been a key ally to Somalia, providing military training, equipment, and infrastructure support. While these drones are intended to strengthen Somalia’s defense capabilities, concerns persist in Somaliland that the weapons could be redirected for political or military pressure. Furthermore, Somaliland’s authorities may view the drone acquisition as an imbalance in military power, potentially undermining regional stability. In a worst-case scenario, the drones could embolden Somalia to take a more aggressive stance regarding its territorial claims. Conversely, diplomatic channels could be pursued to ensure transparency and prevent military escalation. Ultimately, whether the Turkish drones pose a direct threat to Somaliland will depend on Somalia’s intentions and how it chooses to deploy these assets. Regional and international actors, including Turkey, may also play a role in ensuring that the drones are used strictly for counterterrorism operations, rather than exacerbating political conflicts. Diplomacy, dialogue, and regional cooperation will be essential in preventing further tensions and maintaining peace in the Horn of Africa. Abdihafid Ismail Qaran News
-
Countering alarmist narratives on Al-Shabaab’s ‘power grab’
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
In response to Adam Daud Ahmed’s op-ed, “From Insurgency to Power Grab: Al-Shabaab’s Deadly Advance on Mogadishu Signals Somalia’s Descent into Disaster,” published in the Addis Standard on March 21, 2025, a critical examination of its central assertions is warranted. Ahmed’s analysis, while aiming to highlight Somalia’s security challenges, presents an oversimplified and alarmist portrayal of Al-Shabaab’s capabilities and the Somali government’s resilience, necessitating a more nuanced and evidence-based assessment. Ahmed’s core argument, positing Al-Shabaab’s transition from an insurgency to a governing entity poised for the capture of Mogadishu, is fundamentally flawed. This narrative disregards the established pattern of Al-Shabaab’s fluctuating territorial control, characterized by a reliance on asymmetric warfare rather than sustained conventional dominance. This pattern indicates an insurgency focused on disruption, not the establishment of enduring governance. Furthermore, Ahmed’s analysis omits crucial context regarding the counterterrorism efforts of the Somali National Army (SNA) and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Recent military operations have yielded demonstrable successes, reclaiming strategic territories and disrupting Al-Shabaab’s operational capacity, directly contradicting the notion of an imminent takeover. The depiction of the Somali federal government as a “failing entity” consumed by internal strife necessitates a more nuanced perspective. Political tensions within Somalia’s federal system, such as those with Puntland and Jubaland, reflect the inherent complexities of a developing federal structure. While significant, these disputes do not necessarily signify systemic collapse. The current administration’s efforts to unify regional states under a national security framework, alongside intensified military operations and increased civilian-military cooperation, demonstrate a proactive approach to security challenges. The assertion that the fall of Mogadishu would destabilize the Horn of Africa and lead to the establishment of a radical Islamist state is an overstatement. Unlike the Taliban, Al-Shabaab lacks widespread popular support, maintaining control through coercion rather than voluntary allegiance. The Somali population largely rejects the group’s extremist ideology. 1 Moreover, Somalia benefits from substantial military, intelligence, and financial support from international allies, including the United States, Turkey, Qatar, and the African Union, mitigating the risk of regional destabilization. 2 Simplistic comparisons with the Taliban’s takeover of Afghanistan fail to acknowledge the fundamentally different socio-political context in Somalia, characterized by a stronger tradition of resistance to extremist rule and a robust network of international support. Instead of alarmist pronouncements, a constructive approach necessitates a balanced analysis that acknowledges both the challenges and the progress in Somalia. This includes recognizing the government’s efforts to strengthen its security apparatus and address governance issues. The international community should prioritize sustained support for Somalia’s stabilization efforts, including military assistance, capacity building, and governance reforms. Emphasizing the resilience of the Somali people and the vital role of community-led resistance in countering Al-Shabaab’s influence is crucial. Sensationalist narratives undermine stability efforts and can create a self-fulfilling prophecy of despair. In conclusion, Ahmed’s op-ed, while intended to raise awareness, presents a distorted and counterproductive narrative. A more nuanced and evidence-based analysis is essential to inform effective policy and support Somalia’s progress towards stability. The focus must remain on fostering constructive engagement and recognizing the resilience of the Somali people. About the Author Prof. Abdinasir Ali Osman is a senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His expertise spans the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond. A leading expert in migration, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his career to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development in fragile and conflict-affected environments. Contact: ipi2024@hotmail.com Reference: Ahmed, A. D. (2025, March 21). From Insurgency to Power Grab: Al-Shabaab’s Deadly Advance on Mogadishu Signals Somalia’s Descent into Disaster. Addis Standard. Retrieved from: https://addisstandard.com/from-insurgency-to-power-grab-al-shabaabs-deadly-advance-on-mogadishu-signals-somalias-descent-into-disaster/# -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, kadib weerarkii maanta ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud. Weerarkan ayaa ka dhacay deegaan aan ka fogeyn Cadale, halkaas oo uu ku sugnaa madaxweynaha, taasoo keentay inuu soo gaabiyo safarkiisii gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah. Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta qabsatay Masaajid Cali Gaduud, oo qiyaastii 40 km dhanka koonfureed kaga beegan degmada Cadale, halkaas oo saacadihii dambe uu ku sugnaa madaxweynaha. Qabsashada kooxda ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay degmada isaga baxeen, kaddib weerar aroornimadii saaka ka bilowday qaraxyo, sida wararku sheegayaan. Xaaladda amni ee Shabeellaha Dhexe ayaa laga deyrinayaa, maadaama gobolkan uu xuduud la leeyahay caasimadda Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sii wada weerarrada ay ku beegsanayaan goobaha ay dowladda maamusho ee ku dhow caasimadda. Kooxda oo muddo nafis ah helaysay, ayaa hadda muujinaysa in ay weli xooggan tahay, iyagoo si joogto ah u adeegsanaya qaraxyada iyo weerarrada tooska ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ciidanka. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka madaxweynaha ee ku aaddan soo gaabinta safarkiisa Cadale wuxuu muujinayaa heerka sare ee khatarta amni ee ka taagan gobolka, taasoo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo. Madaxweynaha ayaa shalay magaalada Raaga Ceelle, oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kula kulmay boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawiisleyda, kuwaas oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geesiyaasha deegaanka ku dhiirrigeliyay go’aanka ay ka qaateen in ay argagixisada Al-Shabaab uga dulqaadaan shacabka ay dhibaataynayaan. Madaxweynaha ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale, halkaas oo uu maanta kasoo tegay, isagoo soo gaabiyay qorshihiisii uu halkaas uga waday hoggaaminta abaabulka iyo howlgalka ka dhanka ah argagixisada.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Banaan-baxayaasha Turkey ayaa sii wada in aysan u jixin-jixin xarigga lagu beegsanayo, xilli 1,500 oo qof la xiray ayada oo toddobaad ay galeen mudaaharaadyadii ugu waaweynaa ee ka dhaca Turkiga tan iyo 2013 ee ka dhan ah maamulka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Bannaan-baxyadu waxay qarxeen 19-kii Maarso kaddib markii la xirhay duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, oo ka tirsan mucaaradka, taasoo qayb ka ahayd baaritaan musuq-maasuq iyo “argagixisanimo” lagu eedeeyay, arrintaas oo taageerayaashiisu ku tilmaameen “afgambi”. Kumanaan qof ayaa maalin kasta isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo jebinaya xayiraadaha bannaan-baxyada ee ka jira Istanbul iyo magaalooyin waaweyn oo kale, iyadoo la xiray 1,418 qof ilaa Talaadadii, sida ay sheegtay dowladda. Dadkii la xiray waxaa ka mid ah wariyaha AFP Yasin Akgul, oo wakaaladda fadhigeedu yahay Paris ay sheegtay inuu shaqadiisa ka qabanayay goobta bannaan-baxyada. Madaxweyne Erdogan, oo si isdaba joog ah ugu tilmaamay mudaaharaadyada “argagixisanimada waddooyinka”, ayaa kordhiyay weerarrada uu ku hayo xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga Dadka (CHP), oo uu ka tirsan yahay Imamoglu, iyo hoggaamiyahooda Ozgur Ozel. Ozel oo la hadlayay dadweyne badan ayaa sheegay in xisbigiisu aanu ku baaqi doonin bannaanbax habeenimo oo cusub oo Arbacadii ka dhici lahaa xarunta duqa magaalada Istanbul, balse halkii laga tagi lahaa wuxuu ugu baaqay shacabka inay ka qaybqaataan isu-soo-bax weyn oo Sabtida ka dhici doona magaalada. Si kastaba ha ahaatee, lama hubo haddii ardayda carooyinka wata – oo door muuqda ka qaadanayay bannaan-baxyada oo aan dhammaantood taageere u ahayn CHP – ay ka baaqsan doonaan inay waddooyinka buuxiyaan. Intii uu socday todobaadkii la soo dhaafay, habeen kasta bannaan-baxyadu waxay isu beddelayeen iska hor-imaadyo laamaha booliiska rabshadaha, kuwaasoo sida ay sheegayaan hay’adaha xuquuqul insaanku ay cabsi gelin ku noqdeen. Hase yeeshee, ma jirin iska horimaadyo noocaas ah Talaadadii, sida ay sheegeen wariyeyaasha AFP. ‘Qol kama banaan xabsiyada Istanbul’ Xarigga Yasin Akgul, oo Talaadadii maxkamad la hor geeyay kadib markii isaga iyo lix wariye kale lagu qabtay howlgallo waaberigii Isniinta, waxaa si adag u cambaareeyay hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo wakaaladda AFP, oo sheegtay in xariggiisa, isagoo 35 jir ah, uu yahay mid “aan la aqbali karin”, islamarkaana ay dalbanayaan in si degdeg ah loo sii daayo. “Waxaan si aad ah uga walaacsannahay wararka sheegaya cadaadiska ka dhanka ah bannaan-baxayaasha iyo suxufiyiinta Turkiga,” ayuu yiri diblomaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska, isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin, wuxuuna xusay in Akgul “si xirfadaysan u tabinayay bannaan-baxyada”. Hoggaamiyaha CHP Ozgur Ozel, oo la hadlayay kumanaankii qof ee habeenkii toddobaad ee isku xigay isugu yimid hoolka magaalada Istanbul, ayaa sheegay in cadaadiska dowladda uu kaliya sii xoojinayo dhaqdhaqaaqa shacabka. “Waxaa jira hal arrin oo Mr Tayyip u baahan yahay inuu ogaado: tiradeennu kuma yaraanayso xariga iyo caburinta!” ayuu ku adkeystay. Wuxuu sheegay in xadiga xariggu uu gaaray heer “xabsiyada Istanbul aysan wax meel ah ka sii harin.” Imamoglu isna wuxuu fariin ad-adag ku baahiyay baraha bulshada, isagoo si toos ah u bartilmaameedsanaya Erdogan, wuxuuna ku hanjabay in “sanduuqa codbixinta lagaga adkaan doono”, isagoo ku eedeeyay hoggaamiyaha Turkiga “inuu ku dhuumanayo xafiiskiisa Ankara si uu u ilaashado kursiga, halkii uu dalka maamuli lahaa.” “Waan midoobi doonnaa… waan guulaysan doonnaa,” ayuu ku daray. Erdogan ayaa isna weerar toos ah ku qaaday Ozel, isagoo khudbad u jeediyay xisbigiisa, wuxuuna ugu yeeray hoggaamiyaha CHP “siyaasi si buuxda u guul-darreystay oo ay nafsaddiisa haysato rajo iyo cabsi is biirsaday.” Wuxuu intaa ku daray in CHP ay sababtay “qoraallo badan oo xitaa musalsallada Brazil-ka ka badan” marka loo eego kiisaska musuqmaasuqa ee ka jira degmooyinka Istanbul. ‘Annagu argagixiso ma nihin’ Inkasta oo cadaadiska dawladeed uusan yareynin tirada bannaan-baxayaasha, haddana sida uu sheegay wariye AFP ah, ardaydii tiro badan ee isugu soo baxday magaalada Talaadadii ayaa wejiyadooda qarinayay. “Waxaan rabnaa dowladda inay is-casilaan, waxaan rabnaa xuquuqdeena dimoqraadiyadeed, waxaan maanta u dagaallamaynaa Turkiga xor ah,” ayuu yiri arday 20 jir ah oo magaciisa ku sheegay Mali, mar uu la hadlayay AFP. “Annagu argagixiso ma nihin, waxaan nahay arday, sababta aan halkan u joognaana waa inaan u ololeyno xuquuqdeena dimoqraadiyadeed iyo ilaalinta dimoqraadiyadda,” ayuu yiri. Sida inta badan dadka kale ee bannaanbaxaya, wajigiisa wuu qariyay wuxuuna ka gaabsaday in magaciisa oo dhameystiran la shaaciyo sababo la xiriira cabsi uu ka qabo aargoosi. Arday kale oo 25 jir ah oo magaceeda ku sheegtay Lydia, iyadoo wejiga qarsatay, ayaa ugu baaqday shacabka intiisa kale inay bannaan-baxyada ku soo biiraan. Si ka duwan maalmaha hore, CHP ayaa sheegtay inaanu jiri doonin isu-soo-bax Arbacada ka dhacaya hoolka magaalada, balse Ozel ayaa ugu baaqay dadka inay isugu yimaadaan Sabtida xaafadda Maltepe ee Istanbul si ay u dalbadaan in doorasho degdeg ah la qabto.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo loo geystay wiil da’diisa lagu sheegay 18 jir. Wiilkan dhallinyarada ah ayaa kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed, wuxuuna ka shaqayn jiray dhaqidda baabuurta gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Mustafe Manuur oo baabuur nooca Leyla-Calaawi ah ku dhaqayay bannaanka hore ee Hotel Taleex, ayaa la toogtay kadib markii askari ka tirsan ilaalada hotelka uu rasaas ku furay. Goob-joogayaal ayaa sheegay in marxuumka la amray inuu joojiyo dhaqidda baabuurka, balse isla markiiba lagu dhuftay tacshiirad, taas oo sababtay geeridiisa. “Askari hubaysan oo ilaalada hotelka ka mid ah ayaa qori ku qabtay marxuumka, wuxuuna ku amray inuu joojiyo dhaqidda baabuurka,” ayuu yiri qof ka mid ah dadkii ku sugnaa agagaarka hotelka xilliga dilku dhacay. Waxa uu intaas ku sii daray: “Si lama filaan ah ayuu rasaas ugu furay, waxaana meydkiisa laga qaaday goobta, isagoo rasaas badan jirkiisa ka muuqatay.” Mustafe Manuur waa qofkii labaad ee toddobaad gudihiis lagu dilo magaalada Garoowe, isagoo kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Waxaa ka horreeyay Cabdimaalik Xuseen, oo isna lagu dilay goob tima-jare ah, iyadoo aan weli la soo qaban eedeysanaha loo haysto falkaas, taas oo si weyn uga naxdisay dadka ku dhaqan Garoowe.
-
By: AMB Bashe Awil Omer In a world where power and access are key, Somaliland offers an opportunity that many have yet to recognise. Somaliland, in the Horn of Africa, has operated independently for over 30 years without official recognition from other nations. It has held credible elections, built functioning institutions, and maintained peace in a challenging region. What it now requires is greater international engagement, and two countries—India and the United Arab Emirates (UAE)—could play a significant role in this. Somaliland declared its independence in 1991 following the collapse of the Somali Republic, which came after years of poor governance and repression. Rather than descending into chaos, it rebuilt itself. Local communities restored governance through their efforts and established a multiparty political system. Elections are held regularly. Leaders change without disruption, even in closely contested races. For example, in 2003, the presidential election was decided by just 80 votes. Opposition victories in 2010 and again in 2024 led to peaceful transitions. In a region often troubled by conflict and political instability, Somaliland demonstrates that peace and democracy can work—even without international recognition or external aid. India has global ambitions and growing ties across Africa. It now has a timely opportunity to take a principled and strategic step. In 1971, India was the first country to recognise Bangladesh’s independence—an act that changed the course of South Asian history. Somaliland presents a similar opportunity for clarity and leadership. India already trades extensively with Somaliland, exporting oil, pharmaceuticals, machinery, and clothing. Many Somalilanders travel to India for healthcare and education. Establishing a trade office in Hargeisa and launching direct flights to Berbera would strengthen both economic co-operation and people-to-people links. Somaliland is more than just a trade partner. Its location—adjacent to the vital maritime routes of the Red Sea and Gulf of Aden—is of significant strategic value. Its Berbera Port is rapidly developing into a key regional hub, following major investment by the UAE’s DP World. As India seeks alternatives to infrastructure controlled by China, Berbera presents a secure, open, and reliable option. Unlike Djibouti, where China maintains a military base, Somaliland offers India and its Western partners an opportunity to expand their presence without entanglements. The UAE recognised Somaliland’s potential early on. It has invested substantially in Berbera’s infrastructure and collaborated on trade and defence initiatives. This partnership illustrates what is possible when Somaliland is treated as a serious and capable actor. Some fear that recognising Somaliland might encourage other separatist movements. However, Somaliland was an independent state in 1960, recognised by over 30 countries before entering a union with Italian Somalia—a union that was never legally ratified. Somaliland’s reassertion of independence is based on sound legal and historical grounds, as well as the clear will of its people. While Somalia continues to struggle despite decades of foreign aid, Somaliland has achieved peace and democratic governance largely on its own. It is not seeking charity—it is seeking recognition, dignity, and a rightful place in the international community. Recognising Somaliland is not merely a moral decision—it is a strategic one. It offers India and the UAE a trusted partner in East Africa, counters China’s expanding influence, and contributes to greater regional stability through partnership and shared interests. To see the value in Somaliland and engage now would be a timely and meaningful move—not when it becomes politically convenient, but precisely when it is needed. Bashe Awil Omar is a diplomat and politician. He served as the Somaliland Representative to the UAE (from 2015-2018) and Kenya (from 2018-2021). Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in isbeddel ku yimid jadwalkii doorashooyinka, gaar ahaan diiwaan-gelinta ururrada siyaasadeed. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in guddigu uu 21 maalmood oo dheeraad ah ku kordhiyay waqtigii diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, taas oo markii hore ahayd in la soo gabagabeeyo 31-ka Maarso. Waxa uu xusay in xisbiyadii hore isku diiwaangeliyay billowgii sannadkan ay mar kale u baahan yihiin inay dib isu diiwaangeliyaan, maadaama sharciga cusub ee doorashooyinka sidaas farayo. “Maalmihii la soo dhaafay, waxaan wadahadallo la yeelanay ururradii hore isku diiwaangeliyay iyo kuwa weli ku guda jira howsha diiwaangelinta. Waxay naga codsadeen in 21 maalmood lagu daro muddadii hore loo asteeyay ee 31-ka Maarso,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Sidoo kale, waxa uu sheegay in dhawaan la qaban doono doorashada golaha deegaanka dhammaadka bisha Juun, taas oo ay shacabka ku dooran doonaan mas’uuliyiinta hoggaaminaysa, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka. Diiwaan-gelinta iyo qaadashada shahaadada ururrada siyaasadeed ayaa sidoo kale waxaa barbar soconaysa saxiixa shuruucda la soo kordhiyay, oo ururrada laga rabo inay saxiixaan. Guddoomiyaha ayaa shaaciyay in aan wax khidmad ah laga qaadi doonin ururradii hore isku diiwaangeliyay ee markale la faray inay dib isu diiwaangeliyaan si ay u qaataan shahaadada cusub. Tallaabadani waxay ku soo aadaysaa xilli dalka uu ku jiro dagaal, ayna ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka, oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka, iyo qaar kamid ah maamullada dalka. Villa Soomaaliya ayaa qorsheysay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, balse qorshahaasi waxaa si cad uga horyimid Puntland, Jubbaland, iyo madaxdii hore ee mucaaradka ah, kuwaas oo u arka mid dano gaar ah laga leeyahay.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda federaalka, taas oo la xiriirta khilaafka ka dhashay kaarka aqoonsiga ee ay bixiso hay’adda NIRA ee dowladda dhexe. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii xalay ciidamada ammaanka Puntland ay magaalada Gaalkacyo ku xireen Wariye madax-bannaan oo lagu magacaabo Dalmar Socdaal oo kaarka aqoonsiga muwaadinimo ka qaatay Gaalkacyo, dhanka Galmudug. Puntland oo si weyn u diidan xafiiska NIRA ee koonfurta Gaalkacyo ayaa xabsiga dhigtay Wariyaha oo illaa iyo hadda ku xiran xabsi ku yaalla waqooyiga magaaladaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daray ain Wariyaha la jir dilay ka hor inta aan la xirin, taas oo dhalisay caro xooggan oo ay muujiyeen ururada saxaafadda iyo bulshada deegaanka. Dhowaan Puntland ayaa si cad uga hortimid kaarka aqoonsiga qaranka oo dowladda federaalka ka bilowday Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta ay maamusho Galmudug, waxaana arrintaas su’aal ka keenay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali (Jifojabsade). Guddoomiyaha ayaa ku hanjabay in tallaabo adag ay ka qaadayaan qof weliba oo reer Puntland ah oo qaata kaarka aqoonsiga muwaadinnimo ee hay’adda NIRA oo hoostagta dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna xariga Wariyaha la xiriira go’aankaasi. Faysal Sheekh (Jifojabsade) ayaa intaasi kusii daray in qofkii qaata kaarkaas uu lumin doono xuquuqda aas-aasiga ah ee Puntland, balse ma caddeyn tallaabada ay qaadayaan ama waxa ay tahay xuquuqda uu waaynayo qofka qaata kaarka hay’adda NIRA. Sababta ugu weyn ee ay Puntland ku diiday arrintan wuxuu ku sheegay in jiritaanka hay’adda NIRA aysan aqoonsaneyn, isla markaana ay tahay hay’ad aan ku dhisneyn nidaamka dastuurka ee heshiiska lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay. “Qofkii qaata Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ee Soomaaliya ee NIRA wuxuu lumin doonnaa xuquuqda aas-aasiga ah ee Puntland, Dadbaa inta tagaan ayay leeyihiin aqoonsi Ayaan ka qaadaneynaa, horta dastuur ahaan ayaa jiritaankeeda la isku hayaa” ayuu horay u yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Puntland. Horay Puntland ayaa marar badan uga hortimid tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka, sida qaadista imtixaanaadka mideysan, wax ka beddelka dastuurka, dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo go’aanno kale oo xasaasi ah. Dhammaan go’aannadan ayaa daba socda is faham-waaga Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo horay ugu kala tegay arrimaha siyaasadda oo ay isku fahmi waayeen, waxaana haatan xiisadda uga sii daray qorshaha ay waddo Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka oo dhaliyay khilaaf horleh oo xooggan.