-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkaan oo muddo dhowr beri ah ka socey magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ahaa mid looga hadlayey horumarrada laga gaarey mashruuca tayaynta shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ee Capacity Injection Project kaas oo uu Baanka adduunku ka caawinayo Dawladda dawladda Puntland.. Shirka ayaa dhinaca dawladda Puntland waxa uga qayb galay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka shaqada, shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha ayna ka mid ahaayeen Wasiiro Agaasimayaal, masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladda Puntland, xubno ka socdey xiriirka Mashruuca ee PCU iyo khuburo caalami ah oo meteleysey Baanka adduunka. Ujeeddada shirka ayaa ahayd in dib loo eego muddadii labad sano ahayd ee uu soconayey mashruuca CIP horrumarradii ama guuulihii laga gaarey, waxyaabaha qorshaysnaa ee la gaari waayey iyo talooyin la xiriira dar-dargelinta mashruuca maadaama uu noqday mid si weyn looga dareemay guud ahaan Puntland. Muddadii uu shirku socdey ayaa masuuliyiintii Metelayey dawladda Puntland iyo xiriirka mashruuca oo isagu marwalba laf dhabar u ahaa hirgelidda mashruuca waxay soo bandhigeen guulo wax ku ool ah oo muujinaya in ay Puntland si mugleh uga faa’iideysatey Mashruuca, isla markaana ay muhim tahay in la kordhiyo hay’adaha ka faa’iidaysanaya mashruuca maadaama uu noqday mid taabbo gal ah. Dhinaca kale madaxdii ka socotey Baanka adduunka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay Puntland tusaale wanaagsan u tahay guud ahaan Soomaaliya maada Mashruucu sidaa si la mid ah uu uga shaqeeyo Dawladda Federaalka iyo qaybo kamid ah maamullada dalka balse ay Puntland noqotay meesha keliya ee uu ilaa iyo hadda sidii la rabey uga hir-galay. Gebagebadii shirka ayaa waxaa laysla qaatay in mashruucu uu yahay mid u soconaya sidii loo qorsheeyey isla markaana Baanka adduunka looga baahan yahay inay qaybtooda sii xoojiyaan maadaama la guranayo muddadii koobnayd ee uu shaqaynayey mirihii la beertay. The post Shir looga hadlayey natiijadii laga gaarey Mashruuca CIP labadii Sano ee Lasoo dhaafay oo Kenya lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 December 2017 kormeeray xarumaha dawladda ee magaalada Gaalkacayo , isla mar ahaantaana xarigga ka jaray sadex waddo oo laami ah iyo dhismaha bangiga dhexe ee magaalada Gaalkacayo. Madaxweynaha ayaa waxaa xadhig jarka waddooyinkaasi iyo dhismaha bangiga dhexe ku wehelinaayey guddooyimaha gobolka Mudug, duqa degmada Gaalkacayo, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. Waddooyinka muhiim ka ah ee Madaxweynuhu xadhigga ka jaray ayaa waxaa kamidda ahaa waddada Cumar Dheere oo dhererkeedu yahay 1km iyo 140m [ Hal kiloo mitir iyo bogol iyo afartan miter] , waddada Xero-dayaxay oo dherer keedu yahay 200m[ laba boqol oo Miter], iyo waddada Gaadda Yare oo iyana dherer keedu yahay 2km [laba Kilo Miter ]. Madaxweynaha oo ka hadlay waddooyin kaasi uu xadhigga ka jaray ee halbowlaha u ah magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in ay waddooyin kani muhiim u yihiin bilicda iyo horumarka magaalada, waxaana uu mahad balaadhan u jeediyey hawlwadeenada degmada Gaalkacayo oo iyagu hirgeliyey dhismaha waddooyin kani. “Waxaan ku faraxsan-nahay inaan xadhigga ka jarno waddoyinkan muhiim ka ah ee ay yeelatay magaalada Gaalkacayo, waana ku mahadsan yihiin hawl wadeenada degmadu hirgelinta waddooyin kani, saan sheegnayna dabcan waxay wax ka bedelayaan bilicda, horumarka iyo amaanka magaalada madaama ay tahay magaalo furan oo shiddo badani ay ka jirtey, inay heshaa jidad wanaagsan waa wax wanaagsan, waxaanna loo baahan yahay in jidadad kaasi la geliyo nal si habeen iyo maalin ay shacabku ugu ganacsadaan” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo kormeeray dhismaha cisbitaalka weyn ee magalada Gaalkacayo oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah, dhismaha suuqa xero dayax, xarunta Wasaaradaa Ganacsiga, iyo xarunta Wasaaradda kaluumaysiga oo dhismaheedu heer gebo-gebo ah marayo. Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa maanta intii uu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo waxa uu xadhigga ka jaray dhismaha cusub ee bangigaga dhexe ee magaalada gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa soo kormeeray xarunta cusub ee Madaxtooyada magaalada Gaalkacayo oo dhismeheedu si xawli ah u socdo loona dhisayo si casri ah taasi oo ka kooban xafiisyo,deegaan iyo hoolalka shirarka, waxaana dhismeheeda lasoo gebagebayndoonaa bish Labaad ee sanada 2018, Madaxweynaha oo ka hadlaya muhiimadda ay leedahay dhismaha Madaxtooyadu iyo mashaariicda waaweyn ee dawladdu ka hirgelisey magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa uu yidhi. “Waxaan nimi madaxtooyada Magaalada Gaalkacayo waxay kamid tahy mashiircada waawayn ee kasocota magaalada Gaalkacayo kuwooda ugu muhiimsan, waxaan kale oo soo booqanay meelo kale aa ay kamid tahay rexo dayax oo ah meeshii aan kadhisnay suuqii waynaa ee Gaalkacayo, waxaan soo marnay dhismihii waynaa e cisbitaalka oo socda, waxaan kale oo soo marnay bangigii oo shaqa fiican ay ka socto oo meel fiican maraya” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. “waxaan kale oo soo marnay wadooyin badan oo aan xariga kasoo jarnay, kuwo kalena waan hirgelin-doona inashaa Alla, waxaa kale oo kamid ah mashruuciida waa weyn eeaan ka hirgeliney magaalada dhsimaha Wasaaradda kalluumaysiga iyo hay’adda jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Maaliyadda waxaas oo dhan waxay ahaayeen mashaariicdii aan kafulinay gobolkan iyo kuwo kale oo tira badan oo aanan soo koobi karin”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Ugu danbayn, Madaweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqay Islaam Bashiir Islaan Cabdulle, waxaana ay yeesheen Madaxweynaha iyo Islaanku kulan gaar ah oo qaatay wakhti kooban.
-
Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 December 2017 kormeeray xarumaha dawladda ee magaalada Gaalkacayo , isla mar ahaantaana xarigga ka jaray sadex waddo oo laami ah iyo dhismaha bangiga dhexe ee magaalada Gaalkacayo. Madaxweynaha ayaa waxaa xadhig jarka waddooyinkaasi iyo dhismaha bangiga dhexe ku wehelinaayey guddooyimaha gobolka Mudug, duqa degmada Gaalkacayo, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. Waddooyinka muhiim ka ah ee Madaxweynuhu xadhigga ka jaray ayaa waxaa kamidda ahaa waddada Cumar Dheere oo dhererkeedu yahay 1km iyo 140m [ Hal kiloo mitir iyo bogol iyo afartan miter] , waddada Xero-dayaxay oo dherer keedu yahay 200m[ laba boqol oo Miter], iyo waddada Gaadda Yare oo iyana dherer keedu yahay 2km [laba Kilo Miter ]. Madaxweynaha oo ka hadlay waddooyin kaasi uu xadhigga ka jaray ee halbowlaha u ah magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in ay waddooyin kani muhiim u yihiin bilicda iyo horumarka magaalada, waxaana uu mahad balaadhan u jeediyey hawlwadeenada degmada Gaalkacayo oo iyagu hirgeliyey dhismaha waddooyin kani. “Waxaan ku faraxsan-nahay inaan xadhigga ka jarno waddoyinkan muhiim ka ah ee ay yeelatay magaalada Gaalkacayo, waana ku mahadsan yihiin hawl wadeenada degmadu hirgelinta waddooyin kani, saan sheegnayna dabcan waxay wax ka bedelayaan bilicda, horumarka iyo amaanka magaalada madaama ay tahay magaalo furan oo shiddo badani ay ka jirtey, inay heshaa jidad wanaagsan waa wax wanaagsan, waxaanna loo baahan yahay in jidadad kaasi la geliyo nal si habeen iyo maalin ay shacabku ugu ganacsadaan” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo kormeeray dhismaha cisbitaalka weyn ee magalada Gaalkacayo oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah, dhismaha suuqa xero dayax, xarunta Wasaaradaa Ganacsiga, iyo xarunta Wasaaradda kaluumaysiga oo dhismaheedu heer gebo-gebo ah marayo. Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa maanta intii uu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo waxa uu xadhigga ka jaray dhismaha cusub ee bangigaga dhexe ee magaalada gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa soo kormeeray xarunta cusub ee Madaxtooyada magaalada Gaalkacayo oo dhismeheedu si xawli ah u socdo loona dhisayo si casri ah taasi oo ka kooban xafiisyo,deegaan iyo hoolalka shirarka, waxaana dhismeheeda lasoo gebagebayndoonaa bish Labaad ee sanada 2018, Madaxweynaha oo ka hadlaya muhiimadda ay leedahay dhismaha Madaxtooyadu iyo mashaariicda waaweyn ee dawladdu ka hirgelisey magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa uu yidhi. “Waxaan nimi madaxtooyada Magaalada Gaalkacayo waxay kamid tahy mashiircada waawayn ee kasocota magaalada Gaalkacayo kuwooda ugu muhiimsan, waxaan kale oo soo booqanay meelo kale aa ay kamid tahay rexo dayax oo ah meeshii aan kadhisnay suuqii waynaa ee Gaalkacayo, waxaan soo marnay dhismihii waynaa e cisbitaalka oo socda, waxaan kale oo soo marnay bangigii oo shaqa fiican ay ka socto oo meel fiican maraya” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. “waxaan kale oo soo marnay wadooyin badan oo aan xariga kasoo jarnay, kuwo kalena waan hirgelin-doona inashaa Alla, waxaa kale oo kamid ah mashruuciida waa weyn eeaan ka hirgeliney magaalada dhsimaha Wasaaradda kalluumaysiga iyo hay’adda jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Maaliyadda waxaas oo dhan waxay ahaayeen mashaariicdii aan kafulinay gobolkan iyo kuwo kale oo tira badan oo aanan soo koobi karin”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Ugu danbayn, Madaweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqay Islaam Bashiir Islaan Cabdulle, waxaana ay yeesheen Madaxweynaha iyo Islaanku kulan gaar ah oo qaatay wakhti kooban. -DHAMMAAD- XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxwaynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha Dawladda Wadooyina Xarigga Ka Jaray Magaalada Gaalkacayo. appeared first on Puntland Post.
-
Tunisia has banned Emirates airline from landing in the capital Tunis after a number of Tunisian women were prevented from boarding its flights. The move comes amid widespread anger in Tunisia, with rights groups condemning “racist and discriminatory” measures. The transport ministry said the measure would stay in place until Emirates was able to “operate flights in accordance with law and international agreements”. Ads By Google The UAE said “security information” had caused the delays. “We contacted our Tunisian brothers about security information that necessitated taking specific procedures,” Emirati Foreign Minister Anwar Gargash said on Twitter on Sunday. “We highly value Tunisian women and respect them,” he added. Strained ties Tunisian government officials said the UAE had banned Tunisian women from flying to or transiting through its territory. On Friday the Tunisian government said it had asked the UAE ambassador to clarify what was happening and had been told that the measures had been temporary and had already been lifted. Local media reported that Tunisian women had been blocked from boarding Emirates flights to Dubai over several days. According to AFP news agency, some Tunisian women said their journeys to the UAE had been delayed and some that their visas had to undergo additional examination. Tunisia has been trying to improve relations with the UAE that were damaged by its 2011 revolution. Tunisia’s Ennahda party – part of the governing coalition – also has links to Qatar, which has been cut off by the UAE, Saudi Arabia and Bahrain over its alleged support for terrorism. Source: BBC The post Tunisia bans UAE Emirates airline from landing in Tunis – BBC appeared first on Caasimada Online.
-
The Executive Committee of Ethiopia’s ruling coalition, the Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF), has finally accepted the resignation of Abadula Gemeda as Speaker of the House of Peoples’ Representatives. The former Oromia State premier cited lack of respect for his people as the main reason for his decision but continued to hold his post as a lawmaker. The resignation of Gemeda in October this year came as a shock to most political watchers in the country. His decision came in the wake of an escalation in deadly violence between Oromia and Ethiopia-Somali regional states. The crisis which has ethnic underpinnings and battle for resource control led to deaths, massive displacement of people with federal security forces blamed for their complicity. The government did not immediately accept his decision with Prime Minister Hailemariam Desalegn stating that there were talks ongoing to have Gemeda rescind his decision. “We will be happy if he reconsiders his decision,” PM Hailemariam said at the time. Since submitting his resignation, the 59-year-old has not presided over proceedings in the parliament. He was, however, part of a group of Oromo and Amhara MPs who recently boycotted sittings over a security crisis in the Oromia region. Gemeda’s resignation was followed by that of another top official, Bereket Simon – then a policy analyst to the premier. Desalegn in speaking on the resignations dispelled claims that they were connected. According to him, the two needed to be taken in context. The government accepted that of Simon – a former information minister who Desalegn said had severally asked to quit in the past but had been talked out of it. Source: – Africanews The post Ethiopia govt finally accepts shock resignation of speaker Abadula appeared first on Caasimada Online.
-
The Somali Football Federation (SFF) has announced plans to host international games beginning next year because of improving security, the head of the body has announced. President of the SFF, Abdiqani Said Arab, says the time has come for Somalia to organize home games in the country’s soccer stadiums in 2018. “Due to the betterment of the security situation in Somalia we have decided to stage our home games at home,” Arab said in a statement. “The Somali people have the right to watch their national team play at home and we have to make that happen now that the country is going ahead.” Arab said his federation will first invite East African soccer national teams to play friendly matches with the Somali national team. He said staging friendly matches will be followed by hosting regional soccer tournaments, such as the CECAFA (Council for East African and Central Africa Football). SFF has not released the dates and fixtures of international matches to be played at home for next year. Somalia hosted its last international match in Mogadishu in 1988. Following the collapse of the state in 1991, the Somalia national soccer team was forced to play its home games abroad in a neutral country, mainly in the region, like Djibouti and Ethiopia, denying it the all-important home advantage that other teams enjoy against opponents. The Confederation of African Football chief Ahmad Ahmad approved Somalia’s plan to host international soccer games when he visited Mogadishu in April. Somalia soccer has made steady development over the years despite the country’s difficulties. In April 2012, a suicide bomber killed both the head of the Somali Olympic Committee, Aden Yabarow Wiish, and the president of Somali Football Federation, Said Mohamed Nur. But in December that same year, the SFF completed installing an artificial turf at Mogadishu stadium. Two years later in December 2015, the soccer body had showed the first-ever live stream of a football game on TV. And in August this year, it was a bright night for Mogadishu as the first soccer game was played at night in more than 30 years. Source: VOA The post Somalia once again to host international soccer matches appeared first on Caasimada Online.
-
Bosaso (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe waxaa xabsi la dhigay Taliyaha laanta ilaalada cashuuraadka maamulka Puntland Axmed Cabdi Sugulle. Xariga Taliyaha ayaa yimid kadib markii uu si qarsoodi ah ugu shaqeystay saxiixa Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo sharci daro ah. Taliyaha Xabsiga la dhigay ayaa la xaqiijiyay inuu ka been abuuray saxiixa Madaxweyne Gaas, isla markaana uu ku dhacay dhaqaale xoogan oo dhanka canshuurta ah. Ciidamada amaanka oo amar lagu siiyay xariga Sarkaalkaan ayaa waxa ay ku xireen xabsi ku yaala Magaalada Garoowe, waxaana ku socota baaris lagu sameeynayo sida ay sheegen Saraakiisha Hay’adaha amaanka maamulka Puntland. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in lacagaha ugu badan ee lagu dhacay saxiixa Madaxweynaha maamulka ay tahay mid lagu uruuriyay qaab canshuur ah, waxaana arrintaa fashiliyay Askari ilaali u ahaa Taliyaha. Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ayaa horay ugu goodiyay inay sharciga marin doonaan cid waliba oo sifo musuq ah ku qaadata Hantida maamulka. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@liveo.com The post Taliye lacag badan ku xaday saxiixa madaxweynaha oo xabsi la dhigay + Magaca appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Amniga Somalia, Maxamed Abuukar Isloow ayaa 27-sano kaddib Maanta xarigga ka jaray xarunta carruurta Agoonta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo ay ka qayb-galeen munaasabada xarig-jarka ku simaha ahna taliye ku-xigeenka Booliska Somalia, Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax, la-taliye sare ee xafiiska madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda, Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan] iyo Mas’uuliyiin kale. Xaruntaan oo ku Taalla Dhabarka dambe ee Isbitaalka Madiina, ayaa waxaa loogu magacdaray taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka Booliska Somalia, Jen. Maxamed Abshir Muuse oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka. Sidoo kale, Xaruntan lagu Xanaaneynayo Carruurta Agoonta Booliiska, ayaa waxaa ku jira 20-carruur ah oo Waaliddiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii Oktoobar ee sannadkan ka dhacay Isgoyska Zope ee Muqdisho. Ugu dambeyn, Xaruntaan Agoomeed ayaa waxay ka kooban tahay Qayb jiif ah, iskuul wax lagu barto, dugsiga Qur’aan, Masjid iyo Garoon kubadeed oo loogu talo-galay inay caruurta agoonta ah ku cayaaraan. PUNTLAND POST The post Wasiirka Amniga oo Xariga ka jaray Xarunta Carruurta Agoonta Ciidanka Booliiska DF appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada AMISOM ee deggen Garoonka Stadium Muqdisho ee cayaaraha ay sanadka soo socda 2018 ka bixi doonaan garoonkaas, si loo dayactiro. Xasan Kheyre ayaa sheegay in la gaaray xilligii la isticmaali lahaa Garoonka, isla markaana ay dib uga billaaban doonaan cayaaraha kubadda cagta, halka haatan lagu cayaaro hal garoon oo keliya. “In dib loogu soo celiyo Garoonka Stadium Muqdisho gacanta shacabka waa mid ka mid ah qorshaha Dowladda, Waxayna fursado balaaran u abuureysaa dhallinyarada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Khayre oo ka hadlayay Munaasabad lagu sagootinayay xulka kubbada cagta Jubbaland oo ku guuleystey tartankii ciyaaraha maamul-goboleedyada dalka oo dhawaan Muqdisho lagu qabtay. Sidoo kale, Hadalka Khayre ka jeediyay xafladii sagootinta ayuu ku sheegay in dadaalku uu yahay mid guul laga gaaro isagoo tusaale u soo qaatay xulka Jubbaland oo sannadkii hore loogaga badiyay ciyaarta finalka balse marka ay isi soo dhiseeen oo ay dadaaleen ay sanadkan koobkii ku guuleystey. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed, C/qani Siciid Carab ayaa soo dhoweeyay warka ka soo baxay RW Kheyre, wuxuuna sheegay in ciyaaraha Somalia ay hormari doonaan haddii dib loo dayac-tiro oo lagu ciyaaro garoonka Muqdisho Stadium. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegay AMISOM inay ka baxayso Garoonka Muqdisho Stadium appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa manta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka hirgaliyay Xarun lagu xanaaneeyo carruurta ay ka dhinteen Askarta Booliska. Munaasabad xariga looga jaraayay xarunta ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana Xaruntaasi xariga ka jaray Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow. Wasiirka ayaa waxaa ku wehlinaayay ku-simaha ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax, La-taliye sare ee xafiiska madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda. Wasiirka amniga ayaa goobta ka sheegay in Taliska uu xaruntaan yeelanaayo mudo 27-sano ka dib, waxa uuna sheegay in carruurta ay heli doonaan daryeel gaar ah. Xaruntaan oo ku taalo dhabarka danbe ee Cisbitaal Madiina ayaa waxaa loogu magacdaray Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Abshir Muuse. Xaruntan lagu xanaaneynayo Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale waxaa ku jira 20-carruur ah oo waalidiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay Qeyb jiif ah, Iskuul wax lagu barto, Dugsiga Qur’aan, Masjid lagu tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan carruurtan Agoonta ah. The post Sawirro: DFS oo ugu danbeyntii 27-sano kadib Muqdisho ka hirgalisay xarun muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne kuxigeenada koowaad iyo Xubanaha golaha wasiirada,xildhibaanada barlamaanka jubbaland, Saraakiisha ciidamada iyo Kumanaan shacab oo ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa garoonka kismaayo kusoo dhaweeyay laacibiinta xulka jubbaland oo guul taariikhi ah ka soo gaaray tartankii dowlad gobolleedyada iyo gobolka banaadir. Soo dhaweyntii ciyaartooyda ayaa ahayd tii ugu weyneyd uguna xiisaha badneed ee loo sameeyo mudanayaal la maamusay iyo dhammaan martidii kala duwanaa ee soo gaaray kismaayo,Shaqada garoonka diyaaraha ayaa loo kali yeelay maanta soo dhaweynta ciyaartoyda jubbaland. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo koobka ka gudoomay xulka ayaa ugu hambalyeeyay xulka iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee Muqdisho u tagay niyad dhiska iyo dhiiro galinta laacibiinta xulka Jubbaland. Madaxweynaha jubbaland ayaa sheegay in jubbaland ay ehel u tahay kubadda cagta ayna taqaan sida loogu guuleysto koobabka. Soo dhaweyn kadib waxaa loo galbiyay hoolka shirarka ee daawad halkasoo qado sharaf loogu sameyay ciyaartoyda xulka Jubbaland iyo dadweynihii kaqayb galay soo dhaweynta ciyaartooyda,waxaana kala qayb galay madaxda ugu sareysa Jubbaland. Puntlandi.com
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa gaaray guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland. Wafdigan gaaray Baydhabo waxaa sidoo kale kamid ah, guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa iyo mas’uuliyiin kale oo maamulkaasi ah ayaa wafdigan kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo. Ulajeedka xubnahan u tageen magaalada Baydhabo ayaa ah sidii ay uga qeybgali lahaayeen shir maalinta berri ah ka furmaya magaaladaasi, wuxuuna socon doonaa Labo cisho. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana shirkan lagu waday inuu maanta furmo, balse maalinta berri ah ayuu dib ugu dhacay. Halkaan hoose ka daawo sawirada: Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Aragti ururintii ugu horreysay ayaa la sameeyey tan iyo markii ay si toos ah isugu dheceen Dowladda Federalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah. Tvga Universal ayaa barnaamij ay ugu magic dareen Arrimaha Soomaaliya waxa ay khadka u fureen shacabka Soomaaliyeed si ay aragtidooda uga dhiibtaan arimaha taagan ee la xiriira siyaasadda dalka. Dadka ka qeyb qaatay aragti ururintan ayaa ka jawaabay suaalo ay mid yihiin: Sidee u aragtaa shaqada ay hayso dowladda federaalka ah? Xagee ka jiraan daldalooda dhaliyey xiisadda siyaasadeed? Soomaaliya halkee ku socotaa ? Sidee dadka Mucaaradka ah iyo Muxaafidka ay wax u wada dhisi karaan? Maxay tahay dhaliisha ay leeyihiin Mucaaradka iyo Dowladuba? Maxay Tahay masuuliyadda mucaaradka? Soomaaliya side uga gudbi kartaa dhibaatooyinka jira ee la xiriira siyaasadda? Aragtiyaha barnaamijka lagu soo bandhigay ee muhiimka ah ayaa waxaa ka mid ah tan uu kaga qeyb galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sheegay in dowladda hatan jirta ay samaysay wax qabad muhiim ah loogana fadhiyo in ay sii la laabto waxqabdkaas, balse looga baahanyahay shacabka in ay garab ku siiyaan shaqadan dastuuriga ah. “Waxay ku xirantahy in shacabku ay gacansiiyaan dowladda, Siyaasiyiin hadii ay yihiin iyo haddii ay dadweynaha kale yihiin. Waa in ay lashaqeeyaan, haddii ay khalad gasho waa in la saxo oo lagu dhaho khaladdaadkan iska sax, wixii wanaagsanna in dhinacyada laga istaago oo lala qabto.” Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa ka digey in ay sii socdaan isqabqabsiga soo jireenka ah ee rakaadiyey hor-u-socodka dalka isagoona si kulul u dhaleeceyey qorshayaasha ay wadaan mucaaradka haatan ka jira Soomaaliya. “Mucaarad in la noqdaa waxa ay tahay markii wax aan fiicnayn dowladdu samayso in laga saxo oo laga toosiyo, balse mucaarad ban u noqonayaa si aan anigu dowlad u dhisto ama aan wax u noqdo ma ahan wax la arkay, wax macno lehna ma ahan. Taas mucaaradnimo lama yiraahdo ee waa qof daneysta ah oo aan danta Qaranka ka shaqeyneyn.” Sidoo kale, Raiisul Wasaarihii hore ee Xukuumaddii Kumeel-gaarka ahayd Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed in ay ilaashadaan dowladnimadooda melena iska dhigaan danahooda gaarka ah si looga wada shaqeeyo Soomaaliya oo dib ugu soo laabata booska ay ka daagneyd Afrika iyo caalamkaba. “Waxaan arkaa ka siyaasi ahaan, in dowladdan curdunka ah lagu bilaabay markii la dhisayba jellaafooyin iyo in loo dhigo qodxo iyo masaamiir si aysan horey ugu socon, nasiib darro ayaan u arkaa arrinkas. Waxaan kula talinayaa umadda Soomaaliyeed meel kasta oo la joogo in laga waantoobo in umadda dib loogu celiyo dhibaatadii gaamurtay ee ay soo martay.” Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Dolwadda Federaalka ah ayaa ka fogeeyey Golayaasha Baarlamaanka eedaymaha joogtaa ah ee shacabka uga imaanaya kuwaas oo sheegaya in ay ku qaraabtaan mooshinnada iyo qalaalasaha siyaasadee. “Wax la mucaarado uguma horreeyo Madaxweynaha iyo Wasiir. Waxaaba jira shakhsiyaad raba in ay Barlamaanka magaca ka dilaan. Waad ogeyd markii Baarlamaanka la soo dooranayey ugu yaraan 1800 ayaa u tartantarty, marka dadkii iyo in kale oo hada hammuum u qaba in ay xildhibaanno noqdaan oo Baarlamaanka niyadda ka dilaan ma ahan wax soconaya, wax shacbkuna yeelaayaan ma ahan.” Dad kor u dhafaaya tobeneeye qof ayaa khadka taleefanka aragtidooda ka dhiibtay taas oo lagaga qiyaas qaadan karo guuxa ay ka qabaan shacabku xaaladda siyaasadeed ee dalka. Maxamuud Cabdi, Mahad Ajuuke, Maxamed Jaamac, Maxamed sheekh Cabduqaadir.Sahro Cabdi iyo Mustaf waa Daawadayaal dhamaantooda waxa ay isku aragti ka yihiin in la taageero Dowlada Madaxweyen Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Hogaaminaayo oo ay sheegeen in muddo la sugaayay Dowlada ku timid rabitaanka Shacabka iyagoo sheegay in mucaaradka haatan jira uu yahay kuwo dano gaar ah wata. Soomaaliya halkee ku socotaa? Maxamuud Cabdi Maxamed oo ku sugan Soomaaliya ayaa ka qeybgalkiisa barnaamijka waxa uu sheegay in Soomaaliya ay haatan meel fiican wax marayaan balse ay jiraan shakhsiyaa isku tilmaama mucaarad oo u adeegaya dalal shisheeya sida uu sheegay. Sahra Cabdi oo iyaduna kasoo hadashay dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku jawaabtay “Soomaaliya manta aad iyo aad ayaanugu faraxsannahy meesha ay taagantahay, sababtuna waa isfahanka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha iyo sida ay uga shaqeynayaan danaha Soomaaliya.” Balse, hadalkan waxaa si weyn uga soo horjeestay Cabdi Weli oo jooga UK isaga oo yiri: “Dowladdinimadu ma ahan mid ku dhisan qof hadii qof xumaadey ma ahan in la dhaho dowladda baa la duminaya, hadii Farmaajo loo arko in uusan ahayn kii shalay Xildhibaannadu waa badeli karaan.” Hadalkan oo ay si weyn u dhaliileen qaar ka mid ah ka qeyb-galayaasha dooda oo sheegay in ay Soomaaliya aysan ku jiri Karin maalin walba in hoggaanka loo badalo sababo ay ka muhiimsantaahy danta guud iyo wax qabadyada kale ee ay samaysay dowladdu. In kastoo arrimaha qaarkood lagu kala aragti duwanaa hadana dadka ka qeyb galay doodaan tooska ah ayaa u mooqday kuwo aad u dhaliishan mucaaradka oo mararka qaarkood ay ku tilmaamayeen kuwo aan wadin danta shacabka Soomaaliyeed. “Dadka Mucaaradka ah waa dad iyagu wata dan gaar ah, waayo dadkan waa kuwii hore ee shalay xilalka hayey Wasiir ha ahaado ama Raiisul Wasaare ha ahaado mana ahan dad aan mucaarad ku tilmaami karno, waayo kaalintoodii waa qaateen, daacad kama ahan haatan in ay wax toosiyaan ee in ay wax kharibaan ma ahane.” Ayey tiri Sahro Cabdi oo ku sugan Dalka Sucuudiga. Maxay Tahay masuuliyadda mucaaradka? Suaashan oo la weydiiyey daawado lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Dheere oo jooga dalka Swedhan ayaa waxa uu sheegay in masuuliyadda ka hor ay yeeshaan mucaaradku qorshe iyo siyaasad ay ka warqabaan shacabku ee aysan caaeysan tallaabo kasta oo dowladdu ay qaado in ay dhaliilaan oo kaliya. “Dadka Mucaaradka ah malahan qorshe cad oo ay u soo bandhigeen dadka hadana qof kasta oo taageersan markii aad waydiiso sababta uu utaageersanyahay waxa ay ku soo biya shuban hab Qabiil taasna waa midda meesha ina dhigta.”ayuu yiei daawadahaasi. Maxaa keeni kara in qof Soomaali ah oo siyaasi ah ama ganacsade ah ama aqoonyahan in uu dalkiisa houmarkiisa ka shaqeyn waayo? Mahad Ajuuke oo jooga Norway ayaa kaga jawaabay “Waxaa keeni kara qof calooshiis u shaqeysta ah oo fiirinaaya hungurigiisa uun, Mustaqbalkiisa iyo carruurtiisa aan ka fakareyn kaliya hungurigiisa wixii mari lahaa fiirinaaya laakiin dowladnimada qiimaha ay ku fadhido aanan garaneynin.” Xalku Muxuu ku jiraa? “Mucaaradku waa in ay noqdaan dad wadaniyiin ah oo ku dadaalaya horumarka dalka daacadna ay ka tahay sixidda iyo toosinta dowladda kana dheeraadaan xifaaltanka iyo weerarka ay ku hayaan dowladda.”ayey kaga jawaabtay Sahra Cabdi oo barnaamijka ka qeyb qaadatay. Sidoo kale, Fikirkan waxaa qabay inta badan siyaasiyiinta iyo dadweynaha ka qeyb galay dooda oo uu ka mi ahaa Cabdirixmaan Maxamuud Cali oo ku sugan Caasimadda Wales. “ Dhibaatooyinka jira waxaa lagaga bixi karaa in gacanta la isqabsado oo Soomaalidu ay u jeesato dowladinimada. Inagu dad wadaniyiin ah ma nihin, qof kasta waxaa muhiim u ah dantiisa gaarka ah iyo danta qabiilkiisa.” Doodaan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee muujisa sida ay u taageersanyihiin inta baan shacabku Xukuumadda iyo guud ahaan dowladda tan iyo markii ay sii ifbaxeen qorshayasha mucaaradka iyo dhacdooyinka ka dhashay waxaana si cad u muuqatay in 99% dadka aragtidooda dhiibtay ay u janjeereen dhanka dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Aragti ururintii ugu horreysay ee laga sameeyey todobo arrin oo Mucaaradka waji gabax ku ridday appeared first on Caasimada Online.
-
Iyada oo la tixraacayo qodobka 87aad faqradiisa C oo dhigeysa in madaxweyna J.F yahay Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka ayey guddiga joogtada ah ee aqalka sare waxaa ay kulan deg-deg ah la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyaga oo kala hadlay anisixinta miisaaniyadda 2018-ka. Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa ay dawco ka yihiin golaha shacabka oo miisaaniyadda 2018-ka la garab maray golaha aqalka sare, iyada oo ansixinta kadib u gudbiyay madaxweynaha si uu u saxiixo. Senator Xuseen Sheekh Maxamud oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aqalka sare ay xaq-u-leeyihiin in la soo mariyo miisaaniyadda iyo dhammaan sharciyada ka soo gudba golaha shacabka, isaga oo intaasi raaciyay in dhibaatada jirta ay abuureen golaha shacabka oo hor-istaag ku sameeyay in miisaaniyadda la geeyo aqalka sare iyaga doonaya in awoodihii sharci-dejinta ee aqalka sare la wareegaan. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu heystaa saxiixa miisaaniyadda illaa December 31-deeda, si looga fogaado in ay dhacdo “Government shut-down” taas oo micnaheedu yahay in miisaaniyadda sanadka dambe gasho, oo shaqaalaha rayidka iyo ciidanka aaney mishaar heli-doonin. Hey’adaha lacagta ayaa si gaar ah isha ugu hayo miisaaniyadda iyo muranka u dhaxeeya labada aqal, iyada oo la sheegayo in uu hadda soo wanaagsanaanayo xiriirka hey’adahaasi iyo dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Xasilinta ee ku sugan koontaroolada baaritaanada ee Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay hab cusub oo ay lacag uga qaadanayaan gawaarida hamuulka iyo kuwa raashinka isaga kala goosho Xaafadaha kala duwan ee Magaalada. Kontaroolada ay kamid yihiin kuwa isgoyska Digfeer, Seybiyaano, Tarabuunka iyo Taleex ayaa la arkayaa Askarta oo gawaarida Xamuulka, kuwa Raashinka iyo kuwa kalaba ee aan aheyn kuwa raaxada iyo kuwa dadweynaha iyagoo ka qaadanayo lacag. Mid kamid ah Darawalada gawaarida Alaabaha qaado isla markaasna si weyn u isticmaalo isgoysyadaas oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay inay dhibaato xoog leh ku qabaan askarta joogo Kontaroolada loogu talagalay inay ka hor tagaan Qaraxyada ay soo maleegto Kooxda Al-Shabaab. ” Runtii dhibaato xoog leh ayaan ku qabnaa, subixii laba saac ilaa inta uu qaadka kasoo dhacayo waxaana nalagu amraa inaan gawaarida meel gaar ah dhigno, markaas kadibna waxaa nalaga qaadaa lacag baad ah” ayuu yiri darawalkaas oo diiday inaan magaciisa warbixintaan u isticmaalno sababo amni awgeed. isagoo ka hadlay waxa lagu sameeyo haddii ay diidaan lacagaha baada ah ee laga qaato ayuu yiri ” Haddii aad diido lacagtaas waxay Askarta kugu amrayaan inaad dib uga noqoto meesha ay joogaan arrintaas waxay nagu noqotay mid rafaad ah” Darawalkaan ayaa sheegay inay Alaabaha ay wadaan ay kusoo qaadaan lacag yar isla markaasna ay haddana ciidamada dowladda xoogaa kasii qaataan, wuxuuna yiri: ” Walaalow alaabta aan soo qaadno lacag yar ayaan kusoo qaadnaa, ciidamadana lacagtaas qaar badan oo ka tirsan ayey naga qaataan, shaqada dhan niyad jab weyn ayaan ka qaadnay wax aan sameyno ma garanayo” Mar aan waydiinay haddii la baaro gawaaridooda iyo haddii kale ayuu yiri ” Haddii aad lacagta dhiibto iyo haddii kalaba laguma baarayo, hadaad lacagta bixiso waad gudbeysaa iyadoo aan la fiirineyn waxa aad wado, haddii aad lacagta diidana waxay kugu amrayaan inaad dib uga noqoto, haddii aad dhahdo baabuurkeyga baari ma ogolaanayaan, muhiimada ay meesha u fadhiyaana waa inay lacag naga qaataan maahan inay na baaraan”. Darawalkaan ayaa baaq u diray madaxda dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada wuxuu yiri ” Waxaan Madaxda dowladda ka codsanayaa inay arrintaas wax ka qabtaan, masaakiin xamaasho ayaan nahay dhibkaan kuma jiri karno, haddii kale waxaan u fahmeynaa inay iyaga raali uga yihiin inay Ciidamada Xasilinta na badaan” Ciidamada Xasilinta oo loogu talagalay inay Al-Shabaab ka ilaaliyaan inay Magaalaad Muqdisho soo geliyaan gawaarida qaraxyada lagu soo xiro ayaa shaqadooda u badalay inay lacago baad ah ka qaataan Gawaarida isticmaasho Xaafadaha kala duwan ee Magaalada, wuxuuna falkaan u muuqdaa inuu yahay Isbaaro dadban oo laga bilaabay Magaalada dhexdeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yaab: Ciidamada Xasilinta oo Shaqadii loogu talagalay mid aan aheyn ka bilaabay Jidadka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland parliament speakers have met with Head of State, H.E. Musa Bihi on Monday. The meeting held at the presidential palace was mean to strengthen Somaliland’s peace and security. The meeting came upon the invitation of Somaliland’s new president, Col. Musa Bihi Abdi. Issues that were high on the agenda were ways and means to further boost security in the country. The President apprised the parliament speakers that they have to accomplish the laws pertaining to hold parliamentary and local council elections before March 2019. They have reviewed ways to enhance the working cooperation between the government and the parliament.
-
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa mudo 27-sano ka dib maanta oo isniin ah xariga ka jaray xarunta Carruurta agoonta ciidanka booliska iyadoo ay ka qeyb galeen ku simaha ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax,la-taliye sare ee xafiiska madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda. Xaruntaan oo ku taalo dhabarka danbe ee Cisbitaal Madiina ayaa waxaa loogu magacdaray Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Abshir Muuse. Xaruntan lagu xanaaneynayo Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale waxaa ku jira 20-carruur ah oo waalidiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay Qeyb jiif ah, Iskuul wax lagu barto, Dugsiga Qur’aan, Masjid lagu tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan carruurtan Agoonta ah. Source
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay deegaan ka tirsan Gobolka Baay xukun dil ah kula rideen dhawr ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Sirdoonno caalami ah iyo kuwa maxalli ah. Deegaanka Iidaale oo qiyaastii magaalada Baydhabo ujirta 60-KM ayaa lagu dilay illaa 5 ruux oo Shabaab ay sheegeen in ay la shaqeynayeen dowladda Mareykanka, Dowladda Federaalka iyo Maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Qaadiga Maxkamadda Shabaab u qaabilsan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa fagaarihii dilku ka dhacaayay oo ay joogeen dadweyne fara badan ka akhriyay dambiga lagu soo eedeeyay Ragga lagu dilay deegaanka Iidaale. Wuxuu sheegay Qaadiga Maxkamadda dhammaan raggan la soo eedeeyay in lagu helay dambigii lagu soo oogay, kadibna lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa oo lagu xukumay. Ragga Shabaabka ay toogteen ayaa waxa ay kala ahaayeen Mahad Cali Xasan oo Shabaab ay sheegeen inuu la shaqeynayay ciidamada Bancroft ee Maraykanka uu tababaray. Jibriil Saalax Xaaji Maxamed oo la shaqeynaayay sirdoonka Dowladda Federaalka. Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland sida ay ku eedeeyeen. Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda iyo C/casiis Ibraahim Maxamed oo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay maamulka Koonfur Galbeed. Ururka Al-shabaab ayaa sidan oo kale dhawr jeer dilal toogasho ah ugu fuliyay rag isugu jira caddaan iyo Soomaali, kuwaasi oo Shabaabka ay ku eedeeyeen in ay warar hoose u gudbinayeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Shisheeye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Magacyada Shan dhalinyaro ah oo Shabaab ay toogteen iyo waxa lagu eedeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Baydhaba ka socda qabanqaabo lagu soo dhoweynayo wufuud ka socota Baarlamaanka Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo shir uga furmi doono magaladaasi. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ka degaan Garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba. Shirka Baarlamaanka Federaalka iyo maamul Goboleedyada oo khilaaf ka dhashay guddoonka labada aqal dib ugu dhacay ayaa la sheegay inuu maalinta gelinka danbe ka furmi doono magaalada Baydhaba, kadib markii la xaliyey khilaafkii labada aqal u dhaxeeyay. Wararka ayaa sheegaya in shirku socon doono muddo saddex maalmood ah, iyadoo laga yaabo inuu maalin dib u dhaco, waxaana looga doodayaa xiriirka Baarlamaannada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo qaabka ay isula shaqeyn lahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shirkii Baarlamaanka Federaalka & kuwa Maamul Goboleedyada oo Baydhaba ka furmaya (Khilaafkii labada Aqal…) appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (Puntlandi) Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar Nuur oo socdaal 3 cisho qaadanaya ku timid Garowe, ayaa sheegtay inay dowladda Puntland kala hadlayso dajinta qorshayaasha caafimaadka Soomaaliya ee shanta sano soo socota. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ayaa maanta booqatay xarunta wasaaradda caafimaadka waxayna halkaasi uga qeyb gashay shir ku saabsan tababarida kooxo gobolada loo dirayo oo soo aruurinaya xogta caafimaadka Puntland. Fowsiyo Abiikar waxay sheegtay barnaamijkaan ay uga qeyb gashay magaalada Garowe inuu yahay barnaamijka sahminta caafimaadka Soomaaliya, kaasoo ah qorshe horey usoo socday oo maalinta berrito lasoo gabagabayndoono. Wasiirka caafimaadka Puntland Dr, Cabdinaasir Cuuke, ayaa sheegay inay Puntland maalmahaan marti galinaysay shirar muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka Soomaaliya. Dr. Cuuke ayaa soo dhoweeyay in wasiirka caafimaadku timaado magaalada Garowe, si ay qeyb uga ahaato dadaalada wasaaraddu wado ee ku saabsan dajinta qorshaha horumarinta caafimaadka Soomaaliya. Maalinta berrito ayaa la filayaa inay labada wasiir ay qabtaan shir jaraa’id oo kusoo bandhigayaan waxyaabaha labada wasaaraddood isku afgarteen, iyagoo sidoo kale baaq udiridoono hay’addaha si taageero dhaqaale loogu helo qorshaha caafimaadka Soomaaliya shanta sano soo socota. Halkaan ka dhegayso codka wasiirka caafimaadka Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Fowzia Abiikar Nuur Halkaan ka dhegayso codka wasiirka caafimaadka Puntland. Wasiirka caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke Puntlandi.com
-
Xog muhiim ah oo aan ka helnay illo Dublamaasiyadeed ayaa Warbaahinta Puntlandi u xaqiijiyey innDowlada Qatar ay Aduun badan ku bixinayso Sidii Soomaaliya looga cirib tiri lahaa Kooxaha u janjeera Dhinaca Xulufada Sacuudiga iyo Emaaraatka. Xogtaan aan helnay waxay sheegaysaa in Dowlada Qatar ay laba bilos ka hor kernen Muqdisho lacag gaaraysa 35 Milyan oo dollar, Si Howlgalkaan baaxada weyn loogu bilaabo. Waxaa jira iyana 65 Milyan oo kale oo Qatar ay balan qaadeen iney keenayaan bilowga Sanadkaan soo socda 2018-ka. Hadii ay arkaan in Howlgalku bilaabmay. Sida aan xogta ku heyno waxaa jira 5 shaqsi oo u dhexeeya Qatar iyo Raysal wasaaraha kuwasoo lacagta iyo macluumaadka kasoo qaada Qatar si looluga dagaalamo Xiriirka Soomaaliya,Sacuudiga iyo Emaaratka. Waxaa jira iyana Wafdi Dowlada Federaalka ah oo dhowaan u bixi doona Doha kuwasoo qayb ka ah ololaha ay Qatar kula dagaalameyso Maamul Goboleedyada Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta u janjeera Dhinaca Emaaraatka iyo Sacuudiga. Saraakiil ka tirsan Ciidanka iyo NISA ayaa wafdiga qayb ka noqon doona. Puntlandi Nairobi
-
Berbara (Caasimadda Online) – Muuqaal lagu baahiyay Baraha Bulshada oo ay soo duubeen shan nin oo yemeniyiin ah ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ay ka warqabto dhaqdhaqaaqyada millateri ee Imaaraatka Carabta iyo xulafadiisu ay ka wadaan Magaalada Berbera ay si dhow ula socdaan islamarkaana ay dhaawac ku keenayso nabada ka jirta Somaliland. Nimankaasi oo luqada Carabiga ku hadlayay waxay sheegeen in Somaliland ay ka noqoto go’aankii ay hore ugu ogolaatay Imaaraadka saldhiga millateri ee Berbere haddii ay sameyn waayaan gantaalaha ay ku garaacayaan dalka Sacuudiga ay ku garaaci doonaan Magaalada Hargeysa. Waxay ugu baaqeen xukuumada Cusub ee Somaliland qabsatay inay ka laabato heshiiskaasi. Muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada ayaa cabsi ku abuuray shacabka ku nool Somaliland, maadaama dekada Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee Somaliland ku nooshahay ay 200KM u jirta biyaha Yemen. Xuutiyiinta dagaalka kula jira dowlada Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa laga cabsi qabaa inay weeraro ka geystaan biyaha badda Berbera iyagoo ka hortagaya duulaan xulafada sacuudigu kaga soo qaadaan Xeebta Magaalada Berbera. Xukuumada Somaliland ayaa Emaaraatka Carabta ku warerjisay saldhiga milateri oo ku yaala Berbera bishii April ee sanadkan kaasi oo shacabka ku nool deegaanadaasi kasoo horjeesteen go’aankaasi ay gaadhay xukuumadu.. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xuutiyiinta Dalka Yemen oo ku Hanjabay in ay Duqeynayaan Magaalada Berbera appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Farmaajo ayaa casumaad u sameeyey Guddoomiyaha iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka dowladda Puntland kuwaas oo Magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka Wada tashiga Baarlamaanada heer Federaal iyo heer dowlad Gobeleed. Sidoo kale, casumaaddan waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Qaranka xoojinta iyo dar-dargelinta wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland iyo in sidii loo dhammaystiri lahaa arrimaha muhiimka ah ee ay ka mid tahay dhammaystirka dastuurka, hirgelinta doorashooyinka sanadka 2020 iyo xoojinta hannaanka Federaal ee dalka. Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay joogteynta kulamada iyo shirarka ay la qaadanayan Baarlamaannada heer dowlad Gobeleed taas oo dhabbaha u xaareysa dhammaystirka howlaha qabyada ka ah nidaamka Federaalka. Madaxweyne Farmaajo oo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda Puntland Guddoomiye Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay kaalinta mugga leh ee Puntland ay ka qaadatay hirgelinta hannaaka Federaal iyo dib u kabashadiisa dalka. Puntlandi.com
-
Baydhabo (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla Deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogteen shan qof oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada dalka ka jira qaarkood iyo Dowlado shisheeye. Dadweynaha ku nool Iidaale ayaa la isugu keenay Fagaaraha ay Toogashadu ka dhacday, waxaana la sheegay in shanta ruux oo dhammaantood rag ahaa ay la kla shaqeynayeen; Maraykanka, Dowladda Soomaaliya, maamullada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, waxayna dhammaantood ku sheegeen inay ahaayeen jawaasiis. Shanta Ragga ah ee la Toogtay ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen; Mahad Cali Xasan, Jibriil Saalax Xaaji Maxamed, Mahad Cabdi Axmed, Maxamed Cali Aadan iyo C/casiis Ibraahim Maxamed. Dhallinyaradan ayaa waxay ahaayeen dhammaantood dhallinyaro da’adoodu u dhexeyso 20-sano illaa 30-sano, waxaana toogtay dhallinyaro Al-shabaab ka oo wajiyadu u qarsoonaayeen. Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa marar badan ooh ore sidaan oo kale u toogtay dhallinyaro ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiis, kuwasoo la shaqeynayay Dowladda Somalia iyo waddamo shisheeye. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab Toogtay Dhallinyaro uu ku eedeeyeen inay Basaasiin u ahaayeen DF appeared first on Puntland Post.
-
Siyaasi Cali Xaaji Warsame, oo katirsan siyaasiyiinta Puntland, ayaa ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro colaada ka taagan howdka gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen beelo walaalo ah. Cali Xaaji oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha isagoo ku sugan Nairobi, ayaa wuxuu sheegay sababta colaadaan soo celisay inay ugu wacan tahay fulin la’aanta heshiiskii dhexmaray labada beelood, wuxuuna sheegay inaan cidina lagu eedayn karin inay colaada bilowday. “Inaa Lilaahi Wa Ileyhi Raajicuun. Waxaan Illaahey uga baryayaa ragga ku dhintey shaqaaqada Hawdka, ee ay ku dirireen labo beelood oo wada-dhashey, in uu naxariisto, innagoo dhanna samir iyo iimaan naga siiyo, iyaga iyo kuwii ka horeeyeyba, inta dhaawaca ahna uu degdeg u caymiyo oo u booga-dhayo,” ayuu yidhi Cali Xaaji. Wuxuu sheegay arrinta dhacdey inaysan ahayn ugub lana filayay duruufaha taagan dartood in ay imaan karto. Wuxuu codsaday inaan lagu degdegin dil iyo aargoosi dad ehel ah oo hore dhibkaan oo kale u gaarey. “Yaan dhib laga dooran nabadda iyo ehelnimadda. Waxaan rajeynayaa in caqligu caadifadda iyo xanuunka ka hormaro, oo uu xakameeyo.” ayuu hadalkiisa ku daray. Cali xaaji ayaa ugu baaqay dowladda Puntland iyo cid kasta oo arrintaan xalkeeda qeyb ka qaadan karta in laga shaqeeyo nabadda, wada-noolaanshaha iyo in wixii dhaca laga heshiiyo. Puntlandi.com
