Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,620
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. HALKAAN HOOSE KA DHEGAYSO QUDBADA MADAXWEYNE FARMAAJO Madaxweyne Farmaajo - My Recording HALKAAN KA DEHEGAYSO CODKA MADAXWEYNE FARMAAJO. Madaxweyne Gaas. - My Recording
  2. The marginalised Boni community in terror-prone Basuba has accused teachers of using "non-existent" insecurity to turn down jobs. Source: Hiiraan Online
  3. Garoowe (Caasimadda Online) – Dowlad goboleedka Puntland oo qoraal ka soo saaray dagaal ay Somaliland kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo ka tirsan Sool waxaa sheegeen in dagaalkaas la doonayo in lagu carqaladeeyo booqashada madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku joogo magaalada Garoowe. Puntland waxaa ay qoraalkaasi ku sheegay in ay ka jawaabi-doonto wixii dhacay iyada oo shacabkeeda ku war-gelisay in ay u diyaar-garoobaan difaaca dhulkooda. Ugu dambeymntii, Puntland dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo dalalka dariska ku war-gelisay in aanay mas’uul ka noqon-doonin khasaaraha iyo cawaaqib xumida ka dhalan karta. Akhriso, Qoraalka: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Puntland: Dagaalka Tukaraq waxaa lagu carqaladeynayaa booqashada Madaxweyne Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  4. The online ad was pretty blunt: "Dominate [sic] male police officer seeks fun, discreet, sub playmate -- m4w." Source: Hiiraan Online
  5. BEIJING — One of the BBC’s top journalists, Carrie Gracie, has resigned from her China post over what she called a “secretive and illegal” pay structure that had her male peers making 50 percent more than her. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah maanta oo Isniin ah u Daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe. Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada daah furka Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ayaa sheegay in mudo ay ku taamayeen iney helaan Garoon caalami ah oo laga hirgeliyo Garowe oo hadda caasimad u ah maamulka Puntland,islamarkaana ku suurta gashay isku tashi dadweynaha iyo Dowlad Goboleedka Puntland ah. Wuxuu madaxweynaha Puntland Mr. Gaas uu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay dhameystirka Garoonka iyo iney daboosho baahida loo qabo adeega tababarada,qalabka iyo baahiyaha kale ay qabaan shaqaalaha Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland. Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabddiraxmaan Maxamed Faroole oo Munaasabadda hadal ka jeediiyey ayaa sheegay in mudadii Xukuumaddisa uu dadaal dheer u galay hirgelinta Garoonkaan Cusub. Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo xiray Munaasabada ayaa sheegay in marka hore maamulka Puntland uga mahad celinayaan horumarka dhanka dumuqraadiyada ay ku tallaabasadeen,wuxuuna ku amaanay dadaalka ay geliyeen sidii loo heli lahaa Garoon caalami ah oo la jaan qaada Garoomada kale ee caalamka oo laga hirgeliyo magaalada Garowe. Waa Garoonkii labaad oo laga hirgeliyo Puntland,waxaana Garoonka diyaaradaha Garowe ee maanta xariga uu ka jaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo loogu magacdaray Generaal Abshir Maxamed Muuse oo qeyb ka ahaa saraakiishii Ciidamada Puntland. The post Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo daah-furay Garoonka Cusub ee Diyaaradaha Garoowe. appeared first on Puntland Post.
  7. Dowlad goboleedka Puntland oo qoraal ka soo saaray dagaal ay Somaliland kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo ka tirsan Sool waxaa sheegeen in dagaalkaas la doonayo in lagu carqaladeeyo booqashada madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku joogo magaalada Garoowe. Puntland waxaa ay qoraalkaasi ku sheegay in ay ka jawaabi-doonto wixii dhacay iyada oo shacabkeeda ku war-gelisay in ay u diyaar-garoobaan difaaca dhulkooda. Ugu dambeymntii, Puntland dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo dalalka dariska ku war-gelisay in aanay mas’uul ka noqon-doonin khasaaraha iyo cawaaqib xumida ka dhalan karta. Akhriso, Qoraalka: Source
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee xilka laga qaaday Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay inay koox kaliya aysan Soomaaliya isku koobi karin oo keligeed og meesha loo guurayo. Isagoo ka hadlayay munaasabad uu xilka ku wareejinayey wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ayuu farriin cad u diray hoggaanka dowladda Federaalka ee madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre isagoo sheegay in loo baahan yahay talo wadaag iyo isu dulqaadasho, wuxuuna adeegsaday ereyada Wadaad iyo Qarandumis. Wasii Juxa ayaa farriintiisa ugu danbeysay ee xil ka tegistiisa ka dhigay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka waxba ka qaban karin. “Intii burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama Qaran-dumis” ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa oo dhowaan xilka laga qaaday. Waxaa uu sheegay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka wax ka qaban karin, isla markaana loo baahan yahay in dood caafimaad oo dhab ah laga yeesho xaaladaha jira, iyadoo aan la eegin dan shaqsiyeed ama dan kooxeed, balse si Soomaalinimo loo baahan yahay in loo gaaro xalka. “Intii Burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama qaran dumis”ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa. 4-tii bishan ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xilka looga qaaday Cabdi Faarax Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha, waxaana hadal kooban uu bartiisa uu ku qoray markii xilka laga qaaday ku sheegay inuu ka maqlay idaacadaha. Dhageyso Khudbaddii Juxa ka jeediyay munaasabaddii uu xilka ku wareejinayay:- https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/01/10000000_331878857327738_6223328515786276864_n_ALLConverter.mp3The post Juxa ” Dalka wuxuu soo maray Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda qaran dumis” appeared first on Caasimada Online.
  9. Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri-barwaaqo ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Inkasta oo wasiirku aanu ka hadal khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka tukaraq ee dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, ayaa haddana waxa uu dawladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku kacday falal colaad abuur ah gudaha Somaliland, isagoona sharci darro ku tilmaamay socdaalkii wasiirka qorshaynta Soomaaliya uu ku yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland aanay diyaar u ahayn inay ku xad-gudbaad xuduudaha dalalka deriska hase ahaatee ay mar walba heeggan u yihiiin inay qarankooda difaacdaan, waa sida hadalka u dhigaye. Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri Barwaaqo waxa uu dalalka deriska ah iyo bulshada caalamka ugu baaqay in ay la socdaan waxa uu ku sheegay dhaq-dhaqaaqyada colaadeed ee ay soomaaliya ka wado labada xad xuduud. Dagaal maanta ka dhacay deegaankaas waxaa la wareegay ciidamo ka socda Somaliland, deegaanka oo ka tirsan Sool waxaa mar walbo ku dagaala beelo iyo maamullo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland. Goobjoog News Source
  10. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo waddo furis ah waxay ka bilaabeen inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee Hiiraan. Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Dabaashe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan ay u socdaan sidii loogu talogalay, islamarkaana ay Al-shabaab ka saareen deegaanno ay ku dhuumanayeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inaanu jirin wax iska horimaad ah oo ay Al-shabaab kala horyimaadeen ciidamada howlgalka wada. “Ciidamada waxay ku baxeen deegaanno badan oo u dhaxeeya B/weyne iyo Maxaas, nimankii nabad diidka ahaa wey kala carareen oo nin walbo meeshii uu aadi karo ayuu afka aadiyay, ma jirto wax dhib ah oo ay ciidamada la kulmeen, magaca Al-shabaab ayaana laga ilaabi doonaan guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Afhayeen Dabaashe. Xarakada Al-shabaab ayaa go’doomiyey deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ah, iyadoo sidan oo kale ay marar badan howlgallo waddo furis ah u sameeyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM. Goobjoog News Source
  11. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xarigga ka jaray garoonka caalamiga ah ee Garoowe. Garoonkaan oo si heer caalami ah loo dhisay ayaa wixii maanta ka dambeeya waxaa kusoo degi doona diyaaradaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Madaxweyne Gaas oo munaasabadda xarig jarka garoonkan hadal ka jeediyey ayaa sheegay shaqo badan la geliyey dhismah garoonka Garoowe, islamarkaana hadda uu lamid noqonayo kuwa caalamiga ah ee dalka ka jira. Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhankiisa hambalyo u diray shacabka iyo maamulka Puntland, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in dhismaha garoonkan uu muujinayo dib usoo kabashada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay safar ku tagay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, wuxuuna socod ku mari doonaa qaar kale oo kamid ah gobollada uu maamulkaasi ka arrimiyo. Goobjoog News Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dood iyo muran badan ayaa ka taagan lacagaha faraha badan ee laga qaado xujeyda Soomaalida, taasoo ka mida kuwa ugu qaalisan dunida ee xujey ay bixiso. Arrintan oo gaartay Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa weliya in Soomaalida xajineysa ay yihiin kuwa ugu adeeg liita marka la goojo xaramka, haddana dabagal ay Caasimadda Online ku sameysay arrintan ayaa waxaa soo silsilad isku xiran oo qeybsada lacagahan. Silsiladda ku shirkoobay dhiig miirashada xujeyda Soomaalida ayaa u taxan sida soo socota: AMIIR SACUUDIYAAN AH WAKIIL SOOMAALI AH SHIRKADAHA DIYAARADAHA (JUBBA & DAALLO) WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA Qeyb waliba oo silsiladan kamida ayaa dhaqaale ka heshaa lacagaha faraha badan ee laga qaado xujeyda Soomaalida, waxaan fure u ah wakiilka Soomaalida iyo shirkadaha qandaraaska aan dhicin ku heysta xujeyda Soomaalida. AMIIR SACUUDIYAAN AH Waa halka ugu muhiimsan ee ay ka xiran tahay silsiladan, iyadoo muddo sanado ah ay socoto, Amiirkan iyo saaxiibadii ayaa heshiis dhex maray wakiil Soomaali ah, kaasoo qandaraas ku qaatay in dadgureynta Xujeyda Soomaalida. Amiirkan iyo dadka la shaqeeya oo awood ku leh Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaa suuragal noqon weyday in qandaraaskan laga wareejiyo wakiilka uu Soomaaliya heshiiska la galay ama xitaa diyaarado kale la siiyo. Dowladihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh kala hoggaaminayeen ayaa isku dayay in shirkado diyaaradeed oo kale wax laga siiyo qandaraaskan, kaasoo lagu fashilmay markii amiirka Sacuudiyaanka ah ka hor yimid. 2- WAKIIL SOOMAALI AH Wakiilkan waa ninka lagu magacaabo Abuukar Alkowthar waa ganacsade mukhalas ka ah xajka oo amiirka Sacuudiga ah qandaraaska kula jira, wuxuuna Sacuudiga wakiil uga yahay shirkadda Jubba Airways, iyadoo la sheego inuu ka mid yahay ganacsatada qeybta ku leh shirkadda. 3- SHIRKADAHA DIYAARADAHA (JUBBA & DAALLO) Qandaraaska Xajka waxaa heysata Shirkadda Jubba Airways oo uu leeyahay Ganacsade Saciid Nuur Giriish oo hadda noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedreaalka, kaasoo lacag aad u fara badan ku bixiyay kursigan, waxaana qeyb laga siiyay shirkadda Daallo oo muddooyinkan danbe hoos u dhacday. Waxaa xusid mudan kadib markii ay bateen qeylo dhaanta xujeyda Soomaalida iyo wararka warbaahinta in Xildhibaanka ganacsadaha ay uu xilligan qorsheegay olole lagu soo bandhigyo dad xujey ah oo sheegaya inay adeeg fiican ku heystaan xajka, iyadoo la adeegsanayo Wasiirka arrimaha diinta iyo Awqaafta oo howshan loo xil saaray. 4- WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA Sanad kasta xilliga xajka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxay heshaa lacago laaluush ah oo laga siiyo lacagaha laga qaado xujeyda Soomaalida, waxaana la qiyaasay in $200,000 ilaa $300,000 uu wasiirku ka helo xaj kasta, taasoo ku xiran is afgaradka dhex mara Shirkadda Jubba Airways iyo isaga si loo helo ogolaashaha dowladda. GABAGABO Adeegyada loo fidiyo xujeyda Soomaalida ayaa ah kuwa ugu liita guud ahaan xujeyda tagta Beyt-ka Alle, waxaana heysta dayac weyn oo keenay in sanad kasta wax la iska weydiiyo ganacsiga heerkan gaaray ee lagu dhiig miirto xujeyda Soomaalida. Lacagta qofka caadiga ah ee xajinaya laga qaado waxay sanadkan gaartay $3800 doolar, iyadoo dadka gaarka ah ama loo yaqaan VIP-da laga qaado $5000. Kharashka guud ee xaj kasta kooxdan isbaheysatay wuxuu gaarayaa 40 Milyan oo doolar, waxaana kala bar si toos ah u qaata shaqsiyaadka sare ku xusan oo ay hormuud u tahay Shirkadda Jubba Airways, tiiyo aanay bixin adeegyadii ay lacagtaasi ku qaateen intoo badan, kuwaasoo oo kala ah: Tikidhka Diyaaradda = $600 Soo saarista Fiisaha Xajka. Safarka Makka ilaa Madiina Jiifka iyo guryaha Makka iyo Madiina Hagista xujaajta oo hoggaaminayaan dad khibrad u leh. Baraarujin iyo Muxaadarooyin ay soo jeediyaan culimadii Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sir Culus: Sidee loo qeybsadaa Lacagta faraha badan ee laga qaado Xujeyda Soomaalida..? appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo katirsan ciidamada badda ee wadanka Iiraan ayaa sheegay xilli uu ka hadlay xaflad soo dhaweeyn aheed oo loo sameeyay cutubyo katirsan ciidamada badda Iiiraan, kadib markii ey soo afjareen sahan dhanka badda ah oo ciidamada Iiran ey ka wadeen badda caalamiga ah oo 67maalmood soconayay eyna ka qeyb qaateen 49 markiib iyo doonyo isu jiray. Sarkaalkan ayaa sheegay in ey jiraan wadamo iyo kooxo taageero maal iyo xogba isu jirta ugu tabaruca kooxahan kuwaa oo ujeedkood yahay sidii ey ucuuryaamin lahaayeen dhaqaalaha wadanka Iiraan, balse ey iyaga xogtaan siiba heleen kal hore. Waxa uuna intaa ku daray in burcadddi badaha ee kal hore awoodda badneed ey asaaseen wadamo cadaw ku ah Iiraan. Ciidamada wadanka Iiraan ayaa waxa ey kusoo biireen howlgalkii ladagaalanka Burcad badeeddii soomaalida sanadkii 2008dii ee ka soconayay xeebta dheer ee dalka iyo waliba biyaha caalamiga ah. Iiraan oo dhaqaalaheedu ku xiranyahay gacanta beershiya ayaa intii ey xooga badan ku taamayeen kooxaha burcad badeedda ey dhibaato badan ku hayeen dhaqalaah wadanka Iiraan iyada oo xilligaa saliidda qeyriin iyo shidaalkii ey dhoofin jirtay Iiraan uu hoos udhac ku yimaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Iiraan oo sheegtay in burcadbadeedda soomaalida la maalgaliyo si awooddeeda dhaqaale loola diriro appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal kasoo baxay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in xal kama dambeys ah laga gaaray khilaafkii ka jiray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana qoraalkan lala socodsiiyay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha. Wasaarada Ganacsiga ayaa ka laabatay kala diristii Hogaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo jiritaankeeda la baabi’iyay bishii Agoust ee sanadkii hore, waxa ay sidoo kale Wasaarada si KMG ah ugu aqoonsatay Hogaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir . 1-Cabdi Naasir Cali Maxamed : Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir 2-Cali Xasan Warsheekh :Gudoomiye kuxigeenka Koobaad 3-Mahdi Xasan C/Raxiim : Gudoomiye kuxigeenka Labaad Halkan ka AKhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Caddeyn: Khilaafkii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia iyo kan G/Banaadir oo Xal laga gaaray appeared first on Caasimada Online.
  15. Wasiirka amniga dowladda Puntland, Axmed Cabdulaahi Yuusuf (dowlad), ayaa si adag u cambaareeyay duulaan ciidanka maamulka Soomaaliland kusoo qaadeen degmada Tukaraq ee gobolka Sool. Wasiirka amniga oo BBC- u waramayay ayaa sheegay tilaabadaan inay u arkaan mid ay Soomaaliland ku taageerayso kooxaha argigixisada ay dowladda Puntland dagaalka kula jirto. “Arrinta saakay ka dhacday Tukaraq waa arrin aanu u aragno inay tahay taageero lasiinayo argigxisada, caalamkanka waxaan u sheegaynaa inay Soomaaliland qaadayso masuuliyada wixii ka dhasha abaabulka ay ka wado gobolka Sool,” ayuu yidhi dowlad. Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay maamulka Hargeysa inuusan marnaba sheegan karin degaano Puntland dhulkeeda kamid ah oo Soomaaliland ay si xoog ah ku haysato. Halkaan ka dhegayso codka wasiirka amniga. Wasiirka amniga Puntland Puntlandi.com
  16. LASANOD— Somaliland defense forces & Puntland army clashed in Tukaraq, which lies 35 km from Garowe, Puntland’s provincial capital. According to reports coming from Lasanod, Sool’s capital confirm that heavy fighting broke out early on Monday. Puntland army launched massive attack against Somaliland defense forces and repulsed as the attackers. It is accused that Puntland forces have initiated the hostilities. Puntland was the sole premeditated aggression against Somaliland on numerous times.There are human casualties but still details are sketchy. Reports said that there are deaths and injuries. Somaliland defense forces have been on high alert since the first visit embarked by Somali president, Mohamed Farmajo Puntland. There are reports indicating that the Somali president is about to visit regions controlled by Somaliland in eastern Sanaag and parts of Sool.
  17. Garoonka Diyaarahada cusub ee magaalada Garowe oo maanta la daahfuray ayaa loogu magacdaray General Maxamed Abshir Muuse (Hammaan). Alle ha u naxariistee General Maxamed Abshir Muuse (Hammaan) oo taariikh mug weyn ku lahaa dalka Soomaaliya iyo Qaaradda Afrika waxa uu dhashay 1925, isagoo ahaa qofkii ugu horeeyay oo Soomaaliya oo qaata darajada Generalnimo. General Maxameed Abshir ayaa noqday taliyaha ciidammada difaaca Soomaaliyeed (Somali Defence Force) intii aan la aasaasin ciidanka booliska Soomaaliyeed, markii ciidankaas la kala qaybiyay General Maxamed Abshir isagoo 32 sano jir ah ayuu taliye u noqday Booliiskii ugu horreeyey ee Soomaaliya yeelatay markii ay xorriyadda heshay sannadkii 1960, waxaana lagu tilmaamo inuu ahaa aasaasihii ciidammada boliiska Soomaaliyeed. Intii uu burburka dalka ka dhacay waxaa General Maxamed Abshir lagu xasuustaa inuu ahaa Oday Soomaaliyeed oo nabad doon ah kana soo hor jeeday dagaalladii iyo coladihii dalka ka socday, wuxuuna magaallada Muqdisho iyo inta ka dhexeysa magaallada Kismaayo caan ku ahaa in meeshii dagaal ka bilowdo isagoo calan cad wata uu dhex tago dhinacyada dagaalamaya isago ku dadaalaya inuu heshiis iyo nabad dhex dhigo. Sidoo kale waxaa la rumaysan yahay in General Maxamed Abshir Alle ha u naxariistee uu isagu hormuud ka ahaa nabad gelyada iyo inay gobollada Puntland ay ka badbaadaan burbur soo gaara, markii uu noqday guddomiyaha ururka SSDF ee xilliyadii colaadaha wuxuu xoogga saaray in uu kooxaha dagaalamaya ku qanciyo inay wada hadal ku bedelaan dagaalka iyo xiisadaha colaadda, wuxuuna ka qayb galay dhammaan shirar dib-u-heshiisiinta ahaa ee Soomaalida loo qabtay marka laga reebo kii u dambeeyay ee lagu qabtay dalka Kenya (Mbagathi) shir kasta oo uu tegayna wauxuu ku tilmaanaa shakhsi u taagan ama mar kasta ujeeddadiisu ahayd nabadayn, isu soo jiidis, dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed. Alle ha u naxariistee General Maxamed Abshir Muuse (Hammaan) waxaa uu 25 bishii October ee sanadkii hore ku geeriyooday dalka Mareykanka, isagoo da’diisu ahayd 91 jir. PUNTLAND POST The post Garoonka Diyaarada Cusub ee Garowe oo loogu magacdaray General Maxamed Abshir (Hammaan) appeared first on Puntland Post.
  18. Somaliland President, Musa Bihi Abdi returned home today after completing a successful two-day State visit to Republic of Djibouti on an invitation extended by the Djiboutian President, Hon. Ismail Omar, strengthening the bilateral cooperation. Somaliland’s FM, Dr. Sa’ad Ali Shire said that the delegation led by President Bihi warm welcome from Djibouti President, ministers and the people of Djibouti. He further noted that during the two day visit to Djibouti, Somaliland delegation have inspected development projects in Djibouti. The delegate led by Somaliland President was seen off by Djibouti FM, Mohamed Yusuf.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa dagaal khasaaro geystay waxa uu duleedka degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ku dhexmaray laba Beelood oo halkaasi ku wada nool. Maamulka degmada Balanbale ayaa ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaas kaas oo sheegay ay ku lug leeyihiin Siyaasiyiin iyo mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud Jaamac Xeyle Maxamed ayaa Dalsan u sheegay in dagalkaas uu ka dahcay deegaanka Kaxandhaale ee duleedka Balanbale isla markaana uu ku lug leeyahay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ay wada dagaalameen dad Reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah,isla markaana dadkaas ay dagaalkooda hurinayaan Xildhibaan Mahad Salaad iyo Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho. Dhanka kale xiriir ayaan la sameynay Xildhibaan Mahad Salaad oo lagu eedeeynayo in uu hurinayo dagaalkaas si uu uga jawaabo eedeynta loo jeedinayo balse kama jawaabin taleefoonadeena. Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/01/Cod-Guddoomiyaha-Deegaanka-Balamballe-Jaamac-Xeyle-maxamed-Dagaalka-ka-dhacay-Halkaa-iyo-Eedeynta-Xildhibaan-Mahad-Salaad.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Mahad Salaad oo la ogaaday inuu hurinayo dagaal beeleedyo ka dhacay Gobolka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  20. Kitui East MP Nimrod Mbai has asked all Somali herders in his constituency to leave in 10 days. Source: Hiiraan Online
  21. Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxaa ay hadda ku jirtaa isbeddel dar dark u socda oo Siyaasadda iyo Bulshada ah ah,waxaana boqortooyadda hadda saran tahay waddada qunyarsocodnimada,waxaana uu dhaxal sugaha doonayaa in uu dunida la hortago Sucuudiga oo ka madaxbanaan xagjirnimada. Waxaa loo arkaa in uu yahay maskaxda ka dambeysa isbeddelka dhinaca istiraatiijuyadda ah ee hadda ka socda Sucuudiga,kaas oo lagu lagu jiheynayo ilaha dhaqaalaha Sucuudiga,sidoo kalena lagu xaddidayo awoodda Culimada Diinta. “waxaan ku laabaneynaa wixii aan ahaan jirnay oo ah waddan qunyarsocod Islaami ah,kaas oo u furan diidamaha iyo Adduunka”ayuu yiri Maxamed Bin Salmaan oo ka hadlayay kulankii maalgagashiga Caalamiga ah ee Bishii October-2017 ka dhacay Magaalada Riyaad. Isaga oo sharxayay damaciisa waxaa uu yiri “waxaan rabnaa Sucuudiga oo soo laabta,wixii Sucuudiga ka dhacayay 30kii Sano ee la soo dhaafay ma ahayn Sucuudiga”,waxaana uu madaxda kaga horreysay xilka uu dhaxal sugaha ka yahay u eedeeyay in Sucuudiga ay u wadaan Waddadii 1979kii uu maray Dalka Iraan ee uu ilaa hadda ku jiro oo ah kacaan Islaami ah oo ay Culimada ugu sarreyso dhinaca Awoodda,tii oo ay Iraan u dheertahay in ay dooneyso in Bariga dhexe oo dhan ay ku faafiso. Hadallada waxaa ay leeyihiin labo sababood oo muhiim ah. Midda 1aad qunyarsocodnimada waa turjumaadda ama matalaadda saxda ah ee uu doonayo Sucuudiga in uu raaco,midda 2aad, waxaa uu diiddanyahay in Dadka qaabilsan maamulka Diinta ay maamulaan dhaqaalaha iyo Bulshada ,mana aha arrintaas mid ka turjumeysa jiilka dambe masiirkooda. Sidaas darted, waxaa la doonayaa in turjumaadda qaldan ee Culimada bixyeen laga hortago si aysan u dhicin kacdoonkii Islaamiga Iraan oo ilaa hadda maamula dalkaas.. Sucuudi Carabiya 1979. 1979kii Sucuudiga waxaa uu u ahaa Sanad muhiim u ah taariikhda dalkaas ,waxaana cinwaan looga dhigay “Sanadkii qabsashada Masaajidka Barakeysan iyo Magaalada Makkah”,markaas oo ay qabsadeen kuwo mucaarid ah oo ujeedadoodu tahay in ay afgambiyaan qoyska Boqortooyada Sucuudiga,iyaga oo ku eedeynaya musuq iyo xiriirka reer galbeedka. 20kii November, 500 Askari oo uu hoggaaminayay Juheymaan bin Maxamed Seyf al Cuteyba oo horay u soo noqday Taliyaha ilaalada Qaranka ,ayaa qabsaday Masaajidka Nabiga,waxaana uu sheegay in walaalkii Maxamed Al-Qaxtaani uu yahay Mahdigii ,kaas oo Islaamka ka xoreyndoona gaalada. Inkasta oo dhacdadii todobaatamaadkii ay saameyn taban ku yeelatay Sucuudiga ,haddana dalku ma noqon mid ay xagjiriinta la wareegaan. Labo todobaad oo uu Ninkaas heystay Masaajidka iyo hareerihiisa waxaa ku dhintay boqollaal Xujey,Ciidanka Sucuudiga iyo ciidamadiisaba ah,waxaana uu falkaas daba socday ama ku xigay kacdoonkii Iraan,waxaana aad la isula dhexmaray in qabsashada Makkah laga soo agaasimay Tehraan. Al-Cuteybi iyo walaalkiisba shiicado waxaa ay u arkayeen kuwo aan ku wanaagsaneyn aragtidooda,waxaana dadka aan labada dhinac ahayn isku qaldayeen in uu xiriir ka dhaxeeyo. Xilliga qabsashada Masaajidka ay dhacday boqortooyada Sucuudiga waxaa ay wajaheysay xaalad adag ok degganaansho la’aan ah,afar sano ka hor xilligaas oo uu dalka xukumayay Boqor Feysal,waxaa uu Sucuudiga u riixayay dhinaca qonyarsocodnimada,waxaana markii ugu horreysay Boqortooyada yeelatay TV,baahinayay dhiirra gelinta dhaqaalaha,Waxbarashada,iyo waxbarashada Gabdhaha ee Dugsiyada,hayeeshee boqorkii ayaaba shir qool lagu dilay,waxaana dilay mid ka mid ah ilmaha uu abtiga u ahaa,waxaana halkaas ku istaagay damicii boqor Feysal ee dhinaca qunyarsocodnimada u janjeeray. Qabsashadii Masaajidka Boqortooyada waxaa ay ku abuurtay fajac iyo naxdin,waxaase ka sii darneyd markii Ayatullah Cali Khamanii oo Kacaankii Iraan ee xilligaas dhacay hoggaaminayay uu qabsashada Masaajidka ku cambaareeyay Israel iyo Mareykanka,waxaana Dunida Muslimka qaadatay hadalkii Ayatallah oo ay ka dhasheen Banaanbaxyo ay dad badan ku dhinteen Adduunka oo dhan,waxaana marka maamulka Sucuudiga ee Islaamka wakiilka uga ah dhowridda Makkah iyo Madiina ay qatarta wajaheen. Qoyska boqortooyada oo arrintaas ka jawaabayay ayaa sheegay in arrintan ay sababtay hamigii boqor Feysal ee u jajeersashada qunyarsocodnimada,waxaana markaas awood la siiyay Golaha Culimada Sucuudiga oo ay Wahaabiyada hoggaaminayeen,waxaa Culimadii soo rogeen amarro ay ka mid ahayd in Ganacsiga ay booliska xoog ku xiraan xilliga salaadaha,in Haweenka aan lagu arki Karin banaanka,waxaana Ciidamada Booliska ah ee shaqadaas qabanaya mushaarkooda bixinayay Culimada oo dowladduba waa laga wareejiyay,si ay hoos ula socdaan nolosha dadka Sucuudiga ah. Waxaa dib loogu laabtay qarnigii 18aad ee Boqortooyada Sucuudiga iyo Qoyska Maxamed Bin CabdulWahaab ay heshiiska galeen. Heshiiskii Wahaabiyada iyo Sucuudiga? Aragtida Wahaabiyada waxaa Sucuudiga looga diiwaangeliyay in ay tahay midda saxda ah ee ka turjumeysa Islaamka ,waxaana la beddelay Manhajkii dalka iyada oo la qaatay midda Wahaabiyada,waqtigu waa 1703-1792. Wahhabism, cited as the official Saudi religious doctrine for which the country’s leadership has been so vehemently criticised and which MBS is looking to rebrand, is based on the teachings of Muhammad ibn Abd al-Wahhab (1703-1792). Cabdul Wahab waxaa uu ahaa aqoonyahay Islaam ah,kana yimid Gobolka Najid ee gacanka Carbeed,waxaa uu ahaa Nin safar badan,qoraa ah,Kutubada uu qoray waxaa ka mid ah (Midnimo,Muwaxid),waxaase inta badan diiday Culimadii kale ee Muslimiinta. Cabdulwahab waxaa uu oggolaa in meel aan ahayn Kitaabka iyo Sunnaha aysan Culimada wax ka soo daliishan Karin,wixii ka soo harana waxaa uu u bixiyay (BIDCO),waxaana Muslimiinta aan aragtidiisa qabin ku daray gaalada. Ma jirin wax gaar ah oo ku cusbaa doodad Wahaabiyada oo salka ku heysa Mad-habta Xambaliga,waxaana ay u horseedday isaga in uu aad ugu dhawaado qoyska boqortooyada Sucuudiga maamusha. Aragtida Maxamed Bin Sucuud,waxaa ay daryeeleysay Dhallinyarada,laakiin uma ballan qaadeynin Awood dheeraad ah. Bin Sucuud,waxaa uu maamulayay Degaanka Al-Diriya oo hadda ku taalla Duleedka Riyaadh,xilligaas oo uu Maxamed Bin Cabdul Wahabna si aan guuleysan aragtida Wahaabiyada ku faafinayay Makkah iyo Bariga dhexe. 1744tii Cabdul Wahab waxaa uu ka cararay Madiina,waxaana uu tagay Al Diriya,waxaa uu magan gelyo ka helay Maxamed Bin Sucuud,halkaas waxaa ay ku dhiseen heshiis dhexmaray labada dhinac oo ahaa in Ibnu Sucuud iyo Qoyskiisu maamulaan Milatariga iyo Siyaasadda,halka Maxamed ibnu Cabdu wahaab loo dhiibay maamulka Diinta,isaga oo ku hubeysan Diin iyo Ciidan ayuu ibnu Sucuud Al-Diriya kaga dhawaaqay dowladdii ugu horreysay ee Sucuudiga yeesho. Waxaa geeriyooday Cabdul Wahaab,laakiin geeridiisa waxba kama beddelin awood qeybsigii,waxaana xubnaha qoyskiisu qabteen halkii uu baneeyay,halkaas oo ilaa maanta ay hayaan,waxaa ay hadda awood badan ku leeyihiin meelaha go’aamada Diinta (Fatwada)laga soo saaro,waxaa ay heystaan Wasaaradda Diinta iyo Wasaaradda Waxbarashada iyada oo Manhajkoodiina yahay kan ilaa maanta adeegsado Sucuudiga. Sucuudi Qunyarsocod ah?. Heshiiskii Wahaabiyada iyo Sucuudiga hadda waxaa uu marayaa 250; Sanadood,walina dhinaca Diinta waxaa heysta Wahaabiyada halka dhinaca kalena ay heystaan Milatariga iyo Siyaasadda,waxaase hadda yimid waqtigii gebagebada heshiiskaas,umana baahna wax badan Qoyska Sucuudiga xilligan. Sanadihii la soo dhaafay Boqortooyada Sucuudiga waxaa ay xaddidayeen awoodaha dhinaca Diinta ee dadka ku abtirsada Cabdul Wahaab, Bishii August 2010kii, Boqor Cabdallihii geeriyooday ayaa soo saaray wareegto amreysa in Culimada fatwada dhinaca Diinta ay kaliya ka amar qaadanayaan Dowladda Sucuudiga,halkii ay ka hoostagi lahaayeen Golihii sare ee Diinta ee Qoyska Cabdul Wahaab maamulayeen. Maamulka hadda ee Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ku xiga ee Maxamed waxaa ay April 2016kii,waxaa ay la wareegeen awoodda maamulka Guddiga xuma reebista iyo wanaag farista,waxaana ay xir xireen Raggii ugu sarreeyay Guddigaas,December 2016kii Boqorka waxaa uu sameeyay Guddi Culimo qunyarsocod ah oo ah Guddiga ugu sarreeya dhinaca Diinta,2017kii Dowladdu waxaa ay fasaxday Goobaha Musigga,in Ciyaaraha daawan karaan Haweenka,iyo Shaleemooyinka oo 35 Sano kaddib shati ama ruqsad ganacsi loo goosan karo. Sikastaba tallaabooyinka ugu adag ee la filayo waxaa ay ka dhici doonaan hanaanka awood qeybsiga maamulka Dowladda,sababta oo ah dowladda waxaa ay ku shaqeysaa sharciga Islaamka,waana halka golaha shuurada Sucuudiga ay ka soo xigtaan go’aannada ay gaarayaan. In meesha laga saaro aragtida Wahaabiyada ee Sucuudiga waa mid si gaar ah uu isha ugu hayo Caalamka,tanina waa midda caddeyneysa in Heshiiskii Wahaabiyada iyo Sucuudiga dhaamanayo. Su’aasha ugu weyn ee la is weydiinayo ayaa ah Sucuudiga miyuu xididdada u siibi doonaan Wahaabiyada oo dhan oo uu ka mid tahay Manhajka mise? Boqortooyooyinka kale ee Khaliijka Carabta ma raaci doonaan Waddada Sucuudiga,mise sidooda ayey baaqi u sii ahaan doonaan? W/Q: Yury Barmin; ka tirsan Qubarrada golaha arrimaha Caalamka ee Ruushka,gaar ahaan Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika. W/Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi). Isha: AlJazeera. The post Xasaasi: Maxamed Bin Salman ma jebin doonaa heshiiska 250 Sano jirka ah ee Wahaabiyada iyo boqortooyada Sucuudiga? appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu, Somalia:The legitimate National Union of Somali Journalist (NUSOJ) received complaints from media practitioners and families of victims of recent terrorist attack in Somalia and is deeply concerned the recent reports by some of the local media indicating Funds meant for Wounded Journalists and families of a deceased journalist to be misappropriated or stolen in Somalia as recipients declared to media . Local media approached us thinking that the legitimate NUSOJ is the one that collected the money from IFJ, but we made it clear to them that the real and the legitimate of NUSOJ never received any funds to support Somali journalists from International Federation of Journalists. The two wounded journalists Abdishakur Mohamed Hassan and Abdulkadir Omar Ibrahim who spoke with local media on the phone from Beledweyn in central Somalia confirmed that they only recieved $700 each three of them including the widow of Abdullahi. However, NUSOJ is very suspicious that the money received by the beneficiaries of Beletwein attack in September 2017 among them Abdishakur Mohamed Hassan who works for Saab TV and Abdulkadir Omar Ibrahim of RTN TV and the widow of the deceased journalist Abdullahi Osman Moalim, from IFj safety fund is the actual amount of money allocated for the victims. Local media reports say that the three beneficiaries were allocated to €2000 each totaling €6000 The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) expressed concern the misappropriation of the Funds allocated to the Somali journalists and family of killed journalists, raising accountability questions about whether the amount received by both the family members of deceased journalists and journalists wounded in the Beletwein attack in September is the actual amount allocated by the safety fund of the IFJ “We are concerned that IFJ safety fund for Somali journalists has been partially stolen by corrupt individuals if not all.” Mohamed Ibrahim Moalimuu, NUSOJ Secretary General said, “We are very suspicious that the amount reportedly received by the benefices is the actual amount allocated by the IFJ safety fund.” The former Secretary General of NUSOJ, Omar Faruk Osman was sacked after he was found to be involved in extreme fraud and widespread corruption during his long term leadership of the Union (from 2006 to 2011) and misused the funds and donations from the international organizations to Somali journalists including IFJ Safety fund. Furthermore he deliberately violated the constitution of NUSOJ for not accepting the decisions of Somali journalists when they removed him from office in 2011. It is time for IFJ to listen to us as we previously warned and reported to them about the true character of the former NUSOJ SG. The Somali Journalists democratically elected their leaders in May 2016, who was officially endorsed by the Somalia’s Supreme Court but unfortunately International Federation of Journalists still deals with former Secretary General because of his close ties with some members of IFJ steering committee. We, as the genuine NUSOJ leadership we again request IFJ to deal with those who have the mandate and the legitimacy from Somali journalists to promote the freedom of expression and to assist Somali journalists.
  23. Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa ka baaqdey Safar uu ku tago lahaa deegaano Hoos yimaada Gobolka Sool ka dib markii Ciidan taabacsan Soomaaliland ay saaka kusoo waabariisteen. Deegaanada ayaa waxaa ka socday abaabul lagusoo dhaweyn lahaa Madaxweyne Farmaajo. Ciidan xoogan ayay Puntland u dirtay Deegaanka saaka. Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com Puntlandi Garowe