-
Content Count
215,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa muddo hal sano ah ugu kordhiyay Ciidamada dalkaas ee ka howlgala Soomaaliya,Yemen iyo Gacanka Cadmeed. Kulan ay golaha Baarlamaanka ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Ankara ayey markii 10aad muddo kordhin u sameeyeen Ciidamada Turkiga ee ka howlgala Bariga Afrika iyo Gacanka Khaliijka Carabta. Ciidamadan waxaa ay isugu jiraan kuwo ilaaliya Maraakiibta mara Biyaha Soomaaliya,Gacanka Cadan iyo Marin biyoodka Baabal Mandab,waxaana Baarlamaanka Turkiga uu isku raacay in ay sii joogaan ilaa 10ka Bisha 2aad ee Sanadka 2019ka. Marin biyoodka Baabal Mandab waa midka 4aad ee ugu adeegsiga badan Caalamka,waxaana ka gudba ama isaga kala goosha Maraakiibta Ganacsiga ee daafaha caalamka taga. Sidoo kale Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida siiyay in Ciidamo dheeraad ah lagu daro Ciidamada Turkiga ee howlgalkaas ku jira kuwaas oo iyana ku biiraya 10ka Bishan February. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Baarlamaanka Turkiga oo muddada u kordhiyay Ciidankooda Somaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho Maanta waxaa laga dareemayaa Sanadguuradii Koowaad ee markii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku beegneyd Maanta oo kale 8,dii Bishii Sanadkii tegay ee 2017. Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa waxaa la dhigay Teendhooyin uu ku xardhan yahay Sawirka Madaxweyne Farmaajo,waxana ku sugan tiro kalkaaliyaal ah kuwaas oo dadka u sameynaya Gurmad Caafimaad oo lacag la’aan ah. Dadka ka faa’ideysanaya barnaamijkan adeega caafimaad ee lacag la’aanta ayaa waxaa ka mid ahaa dad da’ ah oo lixaadkooda aan u dhameystirneyn iyo dadweyne kale oo dan yar ah, kuwaasoo aan awoodin baaritaanada caafimaad ee Isbitaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay in la qabto wax xaflad ah oo dabaal deg u ah sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegatay doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxayna taas badalkeeda qarashkii ku bixi lahaa u garatay inay u adeegto dadka Masaakiinta ah. The post Sawirro:-Sanad-Guuradii 1-aad ee Doorashada Farmaajo oo lagu maamuusayo adeeg Caafimaad bilaash ah appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Somali government on Wednesday feted the former force commander of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Osman Noor Soubagleh for his contribution in the in the ongoing process to stabilize Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Balanbale (Caasimadda Online) – Heshiis taariikhi ah ayaa magaalada Balanbale ee gobolka Galguduud ku dhex maray beelo Soomaaliyeed oo muddo qarni ah halkaasi dirir soo noqnoqatay ku dhexmaraysay, sida ay BBC-da u sheegeen odayaasha labada beelood. Wariyaha BBC-da Xasan Geelle oo qadka taleefoonka kula xiriiray odayaasha ayaa waxaa marka hore u waramay Suldaan Cabdinaasir Xasan oo ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka ee heshiiska saxiixay, wuxuuna yiri suldaanka “Labadan beelood muddo dheer oo illaa qarni ah ayay dhibaatadan kasoo dhex jirtay, waxay colaadaha ka nasteen xiligii Maxamed Siyaad, markii ay meesha ka baxdayna bartii ayay kasii bilaabatay, balse hadda waan ka heshiinay”. Labada beelood ayaa ku heshiiyay in wixii hadda ka dambeeya dhibaato kasta oo ka dhex dhacda ay la tiigsadaan diinta Islaamka, gaar ahaan dilka oo qofkii qof kale dila loo gacan galinayo reerkii uu wax ka dilay oo leh qisaastiisa. Dad gaaraya illaa 41 nin oo labada beelood ay kala dileen ayaa lagu xisaabtamay, qoysaskii ay ka baxeene la siiyay xaqoodii. Nabadoon Maxamed Daahir oo isna BBC-da u waramay ayaa yiri “hadda ka bacdi wixii dhaca, shareecada islaamka ayaan la tiigsanaynaa, wixii hadda ka hor dhacayna in dadkii laga sabarsiiyo”, wuxuuna intaas ku daray in ay suurtogal tahay in hubka laga dhigo dadka hubeysan, laguna wareejiyo dowladda. Mar aan wax ka weeydiinay odayaasha sida ay u hirgalinayaan heshiiska ayay sheegeen in hadda ay dalka ka jirto dowlad federaal iyo mid heer goboleed ah, taas oo soo qaban karta qofkii dambi geysta, beelahana ay ka go’antahay in aysan hoosta ku heysanin qof dhib geystay. Inkasta oo ay aad u yaraadeen dagaaladii beelaha Soomaaliyeed dhexmari jiray, ayaa haddane heshiiskan waxa uu ka dhiganyahay mid muhiim u ah nabadda Soomaaliya, wuxuuna soo afjarayaa colaad muddo dheer soo jiitamaysay, waa haddii la hirgaliyo. Xigash: BBC Somali Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Beelo Soomaaliyeed oo kala qaatay magta 41 nin oo ay kala dileen appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimadda Online) – Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey in timaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay yihiin kuwo kabkab ah oo qeybo badan ay maqan yihiin, basle uu isku daboolo si loo qariyo madaxa ruquqsan. Muuqaalka xaqiiqada ah ee timaha madaxweyne Trump ayaa waxaa bannaanka soo dhigay dabeyl xoog leh xilli uu diyaaradda Aqalka Cad raacayey, waxaana si cad loo arkay in qeybta dhexe madaxa madaxweyne Trump aanu lahayn wax timo ah iyo bidaar qeybo ah oo madaxa uu ku leeyahay. Madaxweye Trump oo 71 sano jir ah ayaa lasheegay inuu timihiisa ku qariyo kareemooyin gaara oo lagu dhejiyo in timo lagu beeray oo si gaara looga shaqeeyo, waxaase intaas oo dhan isku fuuqsaday dabeyshii haleeshay Trump. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muuqaal: Dabeyl soo saartay Xaqiiqada Timaha kab-kabka ah & Bidaarta Madaxweyne Donald Trump appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah Magaalada Nairobi kula qaatay Xildhibaano, Wasiiro iyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh oo dalka ka maqnaa tan iyo markii lagaga adkaaday doorashadii dhacday sanadii hore ayaa gaaray Magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dhinacyo kala duwan oo badankood ay soo wada shaqeeyeen sanadihii uu talada dalka Maamulayay. Dadka uu Nairobo kula kulmay waxaa ka mid ah Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo ah Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan C/Qaadir Cali Cosoble, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo C/Sallaan Hadliye oo soo noqday Wasiirkii arimaha dibadda Somaliya. Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo kooban joogaya Nairobi, ayaa masuuliyiinta uu la kulmay waxa uu ka dhageystay warbixin ku saabsan xaalada guud ee dalka iyo waxyaabaha ay dalka ka qabatay Dowladdii isaga ka danbeysay ee Madaxweyne Farmaajo hogaanka uhayo. Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu maanta u duulo Magaalada Jabuuti, halkaas oo uu uga qaybgali doono Shir lagu casuumay oo ka dhacaya Caasimada dalka Jabuuti. Dadka odoroso Siyaasada ayaa la yaaban kulanka ay Nairobi ku wada qaateen Xasan Sheekh oo sidoo kale hadda ka mid ah Golaha Shacabka iyo Wasiir Khadiija Diiriye oo lagu tiriyo inay qayb ka tahay dadkii wax ka riday Xasan Sheekh Maxamuud xiligii doorashada 8 February, hadana ka mid ah dadka u horeeyay u ololeynta Xukuumada Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xogo cusub oo kasoo Kordhay Kulamada Xasan Sheekh Maxamuud uu ka wado dalka Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa tababar la xiriira hannaanka Qiimaynta iyo Kormeerrada (Monitoring and Evaluation) u qabatay shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee dawladda u qaabilsan Qiimaynta iyo kormeerrada. Shaqaalahaan ayaa waxaa lagu tababarayey sida loo isticmaali doono habraacyo la xiriira hannaanka Qiimaynta iyo Kormeerrada ama (M&E Framework) kaas oo dhowaan la dejiyey isla markaana ay ku jiraan shuruuc badan oo barnaamijkaasi la xiriirta. Qiimaynta iyo kormeerrada mashaariicdu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee tiir dhexaadka u ah taabba-galka dawladdanimada, iyadoo taas laga duulayo ayaa shirka lagu casumey dhmmaan shaqaalaha dawladda khibradda u leh M&E si loo dardar-geliyo shaqada dawladda. Tababarka ayaa socon doona muddo labo maalmood ah waxaan lagu lafo guri doonaa sidii ay shaqaaluhu u noqon lahaayeen kuwo faham buuxa ka haysta buugga habraaca M&E Framework iyo sidii loo isticmaali lahaa loogana faa’iideysan lahaa cilmiga dheeraadka ah ee buuggaasi lagu soo koobay. The post Wasaaradda Qorshaynaynta Puntland oo Tababar u qabatay qayb kamid ah shaqaalaha dawladda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa maanta u dabaaldageysa sanadguuradii koowaad ee markii sida lama filaanka ah xilka loogu doortay Madaxweynaha xilka haya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Xuska maalintan ayaa loo bedelay adeeg caafimaad oo loo fidinayo dadka danyarta ah, iyadoo teendhooyin lagu xarashay boorar uu ku sawiran yahay madaxweynaah la suray meelo ka tirsan Caasimadda, waxaana dadweyne fara badan ay saf u galeen adeegga caafimaad ee madaxtooyada ay u fidisay dadka. Ciidamada amniga ayaa la dhigay Waddooyinka waaweyn, waxaana la arkay iyadoo Biyo iyo dhagxaan lagu gooyay qeylo ka mida Waddooyika laga soo galo jidka Maka Al-Mukarrama. Sidoo kale Jidka Wadnaha oo ka mida kuwa ugu waaweyn ayaa iska xiran. Waxyaabihii ugu weynaa ee xilligii doorashada uu madaxweyne Farmaajo balanqaaday ayaa waxaa ka mid ahaa inaan Wadooyin loo xiri doonin, arrintaasoo ka mid noqday balanqaayada aan fulin ee Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xuska 8-da Febraayo ee Doorashadii Farmaajo iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey ku sheegtay in Ururka Al-Qaacidda uu ka xoog badan yahay Daacish islamarkaana meelaha qaar Caalamka Al-qaacidda ku leedahay awood xoog le. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ururka Al-Qaacidda uu aad ugu awood badan yahay Daacish marka loo eego dalalka Soomaaliya iyo Yemen. Sidoo kale Al-qaacidda waxaa ay awood ka badan midda Daacish hadda ku leedahay Galbeedka Afrika iyo Koofurta Aasiya,taas oo iyana la rumeysanyahay in Ururrada cilaaqaadka la leh Al-Qaacidda in ay ka badanyihiin kuwa Daacish. AP oo warbixintan qortay ayaa sheegtay in waddamo aan la magacaabin ay Al-qaacidda halis ku tahay hadda marka loo eego Daacish qatarteeda,waxaana warbixintan lagu sheegay in Al-Qaacidda ay qorsheyneyso weerarro culus oo ay caalamka ka fuliso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qaramada Midoobay oo warbixin xasaasi ah ku sheegtay in Al-qaacidda ku xoog badan tahay Somaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Jilib (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabaab ayaa Odayaasa Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe u qabtay tartan dhinaca toogashada ah iyada oo lagu tartamayay toogashada qoryaha AK47. Fagaare ku yaalla Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ayaa la isugu geeyay tiro dad ah oo daawadaal ka ahaa tartanka Odayaasha ee dhinaca toogashada la xiriira. Al-shabaab ayaa Odayaashan horay ugu tababaray dagaalka,waxaana tartankan loogu talagalay in lagu ogaado heerka toogashada Odayaashan oo Ciidan ahaan loogu talagalay. Al-shabaab waxaa ay inta badan tababaraan Odayaasha Haweenka iyo dhallinyarada degaannada ay ka maamulaan dalka iyaga oo ugu talagalay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.
-
Ethiopia’s year-on-year inflation rate edged down to 13.4 percent in January, the statistics agency said on its website. Source: Hiiraan Online
-
A section of Kenyan doctors have put Kenya on the global map for the wrong reasons after it was ranked third among countries that mutilate girls in hospitals. Source: Hiiraan Online
-
A Somaliland government minister is in the UAE to drum up investment for power projects to stabilise the self-declared state’s precarious economy where energy costs are among the highest in the world. Source: Hiiraan Online
-
Turkey's parliament on Wednesday okayed the extension of Turkish forces serving in the Gulf of Aden, Somalia, and the Arabian Sea. Source: Hiiraan Online
-
Being a huge continent, the food found in Africa varies among the countries within it. Some staples are seasoned meats, rice, couscous and fried plantains. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saaka oo khamiis ah inta badan xiran waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana waddooyinka dhooban ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid. Amaanka magaalada ayaa waxaa iska kaashanaaya ciidamada amniga oo jaray waddooyinka ugu muhiimsan sida waddaha Makka Al-Mukarama iyo wadada Wadnaha. Adkeynta amniga ayaa waxaa looga gol leeyahay si aanay u dhicin arbushaad inta ay socdaan Munaasabadaha lagu xusayo 8 February oo ku began maalinta la doortay Madaxweynaha Somalia. Wadooyinka aadka u xiran ee xitaa loo diidaayo isticmaalka ayaa waxaa kamid ah Isgoysyada Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi, Tarbuunka, Taleex, iyo Maka Al-mukarama. Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxaa lagu dadiyay wadooyinka Muqdisho, Ciidamada ayaa gaadiidka u diidaya in wadada Maka Al-mukarama ka soo galaan dhanka jid cadayaasha. Geesta kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii la doortay sheegay in aanay jiri doonin wado la iska xiro, balse taas mid ka duwan ayaa hada muuqata, waxaan wadooyinka la iska xiraa maalinkii laba jeer. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waddooyinka Muqdisho oo Saaka lagu arkaayo Gaadiid dagaal & Ciidamo appeared first on Caasimada Online.
-
Shirka Golaha amniga Qaranka oo maanta lasoo gaba-gabeynayo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka Golaha amniga Qaranka oo maalintii doraad ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo xiro maanta. Shirka oo inta badan looga hadlay qodobadii la qorsheeyay ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho. Shirka oo ahmiyad gaara u leh dowlada ayaa waxaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku xusan qodobadii lagu heshiiyay mudada uu socdo shirka. Qodobada Shirka looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah Dastuurka, dhismaha Ciidamada, Doorashada Soomaaliya ee 2020, iyo qodobo kale, qodobadaan ayaa soo taagnaa mudadii ay dhisnaayeen Golaha amniga Qaranka oo markii hore loogu yeeri jiray Madasha Qaranka xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shirka ayaa warbixino looga dhageystay Madaxda Maamul Goboleedyada, Talisyada Ciidamada, Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga. Waxaa looga dooday sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen Mas’uuliyadda amniga ee dalka, oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, arrintaasna meel wanaagsan ay mareyso. Geesta kale, Madaxda ka qayb galeysa Shirkaan ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan xaflad loogu dabaal dagayo sanad guuradii ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku beegan manta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shirka Golaha amniga Qaranka oo maanta lasoo gaba-gabeynayo appeared first on Caasimada Online.
