-
Content Count
215,102 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Esmond Martin, whose groundbreaking investigations contributed to the fight against elephant poaching, died after being stabbed at his home in Nairobi Source: Hiiraan Online
-
Kismayo (HOL) - The Jubbaland administration has released Ahmed Abdi Hassan (Ahmed Tajir) on Monday after Hassan spent five days in jail for allegedly inciting crisis in the federal member state. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somali leaders at the federal and regional level are expected to hold a High-Level forum on security, which is scheduled to begin on Monday in Somalia's capital. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mas’uul cusub ku soo kordhiyay Madaxtooyada, kaasoo loo magacaabay inuu noqdo kaaliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa jago cusub oo ah kaaliye u magacaaba nin lagu magacaabo Deeq Xasan oo ka yimid dalka Mareykanka, isla markaana ka mid ahaa wafdigii madaxweynaga uga horeeyay degmada Caabudwaaq. Magacaabida Kaaliyaha gaarka ee Madaxweynaha ayaa waxaa ka dambeeyay agaasime ku xigeenka madaxtooyada C/qaadir Shoole oo mas’uulkan cusub kula kulmay Nairobi, iyadoo ay isu dhow yihiin madaxweynaha. La-taliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya ee faraha badan iyo xubnaha ka howlgala madaxtooyada ayaa hadda tiro ahaan ku dhow golaha wasiirada, waxayna Madaxtooyada ka mid tahay meelaha ugu badan ee miisaaniyadda dowladda ay ku baxdo shaqaalaha. Caasimada Online
-
Garowe (Puntlandi) Xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Garowe ayaa maanta kormeerkii ugu horeeyay ku tagay goobtii uu ka kacay Dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee 30-kii bishii hore ka kacay goob shidaalka lagu iibin jiray. Dabkaas oo ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee sannadaan ka kaca Garowe, ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baxaad leh Waxaa xildhibaanada halkaas ay haatan ka wadaan diiwaan galinta khasaarihii nafeed iyo kii hantiyeed ee ka dhashay Dabka, iyagoo wareysiyo la yeelanaya ehelada dadkii dhintay iyo dadkii iskalahaa xarumaha ganacsiga ee goobta ku gubtay. Kormeerkaan ayaa qorshihiisu yahay sidii loogu gurman lahaa dadkii dhibaatadu ay kasoo gaartay Dabka, iyadoo gurmadkaas ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka, Waxaa sidoo kale kormeerka qeyb ka ah in golaha degaanku uu diiwaan galiyo xarumaha Shidaalka lagu iibiyo ee kuyaala Garowe, si go’aan looga qaato xaruntii loo arko inay qatar ku tahay amniga shacabka Xarumaha shidaalka lagu iibiyo ee Garowe, ayaa intooda badan kuyaala goobo aan haboonayn, iyagoo qaarkood kaabiga ku haya goobo meherado ah oo uu dabku mar walba ka holcayo. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online ): Inaad maqasho wasiirka Amniga ayaa sida Dowlada hoose oo kale dhul u bixinaaya yeysan la yaab kugu noqon markii aad joogto Somalia oo dhaqan siyaasadeedka iyo hanaanka maamulku uu yahay mid jahwareersan. Fadeexad cusub ayaa soo if baxeysa iyadoo gobalka Banaadir uu dhowaan yeeshay maamul cusub, dhul ku yaalla kasoo horjeeda Dakadda Muqdisho ayaa dhismo ka bilaawday iyadoo jiingad lagu wareejiyay dhowaan. Dhulkaan waxaa dhisanaya dad ay madaxweyne Farmaajo qaraabo dhow yihiin, sida aan xogta ku helnay waxaa hor istaagay gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Taabit Cabdi oo diiday in dhulkaas danta guud ah shaqsiyaad la siiyo oo ay dhistaan. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online dadka raadinayay dhulkaan ayaa dhinacyo kale u weecday markii ay waji gabax kala kulmeen maamulkii hore ee gobalka Banaadir, wararku waxaa ay sheegayaan in wasiir Amniga Maxamed Abuukar Isloow uu u qoray warqad uu ku amraayo iney shaqsiyaadkaas dhistaan dhulkaas ku yaalla kasoo horjeedda Dekada weyn ee Muqdisho. Isloow ayaa taliyaasha ciidamada ku amray iney sugaan amniga goobtaas oo aan la hor istaagi karin dhismahaas, wararku waxaa ay intaa ku darayaan in maamulkii hore ee gobalka Banaadir iyo wasiir Amniga ay arintaas isku khilaafeen laakiin uu wasiirku ku adkeystay go’aankiisa. Baaris aan sameynay ayaan ku ogaanay in gudoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Eng Yariisow uu raadinaayo qaabkii loo joojin lahaa dhismahaas sharci darada ah ,laakiin waxaa adag inuu ka hor yimaado amar uu bixiyay wasiir Amniga Maxamed Abuukar Isloow oo ka mid ahaa ragii soo jeediyay in Eng Yariisow loo magacaabo gudoomiyaha gobalka Banaadir. Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo madaxweyne Farmaajo uu dhowaan sheegay inuu ka walaacsan yahay boob uu sheegay inuu ku socdo dhulka danta guud, lamma oga inuu hayo xogta dhulkaan ay bixisay wasaaradda Amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com The post Xasaasi: Dhul uu bixiyay wasiirka Amniga Isloow oo kasoo horjeeda Dekada Muqdisho oo dhismo ka socdo + Sawiro appeared first on Caasimada Online.
-
Bosaso (Puntlandi) Dooni u rarnayd ganacsato reer Puntland ah ayaa kusoo caariday xeebta magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii ay soo wajahday cilad dhinaca Matoorka, sida ay Puntlandi u sheegeen masuuliyiinta dekeda. Doontaan oo kasoo shiraacatay Dubai, ayaa haatan laga dajinayaa badeecooyinkii ku rarnaa oo ay ku jiraan gaadiid, si looga hortago in hantida halkaas saaran ay dhibaato soo gaarto. Wararka ayaa sheegaysa in Doonta oo sugaysay inay kusoo xirato dekeda Bosaso ay ciladaan soo wajahday kadibna ay u suurtoobi weyday in ay hesho fursad ay dekeda ugusoo xirato, iyadoo ay ka horeeyeen Doonyo kale oo rarnaa.. Illaa iyo hadda lama sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray hantida saaran, iyadoo uu si xowli ah u socdo gurmadka lagu samato bixinayo. Puntlandi.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa daboolka ka qaaday in dhawaan ay qaadi doonto talaabo ay baasaboorada kala noqoneyso Hogaamiyayaal ka tirsan Mucaaradka NASA ee aadka uga soo horjeeda dowlada Uhurro Kenyatta. Ilo ku dhow dhow Wasaarada Arimaha Gudaha iyo amniga Qaranka iyo waaxda Diiwanka Muwaadiniinta ayaa xaqiijiyay in dowladu ay bilowday talaabada ay baasaboorada kala laabaneyso mucaaradka. Hogaamiyayaasha ay dowlada kala laabaneyso baasaboorada ayaa tiro ahaan lagu sheegay 8 ilaa 10 Hogaamiye mucaaradeed oo NASA ah. Qorshaha Wasaarada arrimaha Gudaha ayaa la sheegay inuu yahay in la qaado howlgal Hogaamiyayaasha looga soo uruurinaayo baasaboorada kaa oo ay iska kaashan doonaan Wasaarada iyo maamulada Garoomada. Dowlada Kenya ayaa hogaamiyayaasha la beegsanaayo ku eedeysay inay ku dheelayaan magaca Kenya, sidaa aawgeed aysan munaasib u arag inay sii isticmaalaan baasaboorka. Go’aanka soo dadajiyay baasaboor ka qaadista Siyaasiyiinta qeybta ka ah NASA ayaa ah mid looga jawaabayo talaabadii ay mucaaradka ku dhaariyeen Hogaamiyaha NASA Odinga. Sidoo kale, dowlada ayaa arintaan uga dan leh in ay ku Xadido dhaqdhaqaaqa iyo safarada dhanka dibada oo ay Hogaamiyeyaasha Mucaaradka ee sida weyn uga soo Horjeeda in ay ku Xakameyso. Si kastaba ha ahaatee, waxaa wali xiran Murashixii hore ee Barasaabka ismaamulka Nairobi Mr Miguna Miguna. Dowlada ayaa sidoo kale Habeenimadii Jimcihii La soo Dhaafay Xirtay Maayerkii Hore ee Magaalada Caasimada ah ee Nairobi ayaa Shalay Lagu sii daayay Si Damaanad ah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com The post Arrin cusub: Hogaamiyeyaal ka tirsan Mucaaradka Kenya oo laga uruurinayo baasaboorada! appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada Militeriga ee Gobolka Jubadda Dhexe ayaa shaaca ka qaaday inay dileen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Hubeysnaa oo ka tirsan al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada Militeriga ayaa sheegay in Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka hubeysan ay ku dileen dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay degmada Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe. Waxa ay sheegen in dagaalka ay ku dileen ilaa 30 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab xili ay dhinacyada uga dhaceen Xarumo ay ku diyaarinayeen weeraro qorsheysan. Horjoogayaasha lagu dilay dagaalka ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu kamid ahaa Hoggaamiyaha al-Shabaab ee Gobolada koofureed. Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay u qeybsamihii maleeshiyada al-Shabaab ee dhinaca howl-galinta, oo meydkiisa iminka la geeyay deegan ku dhow magaalada Kismaayo. The post Sawirro: Meydadka Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo lagu soo bandhigay… appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay qof Ajnabi ahaa. Qofka ajnabiga ee la dilay ayaa waxaa dilkiisa ka danbeeyay Askari ka tirsan ilaalada Hay’adda la magacbaxday SPU ee ka howlgasha magaalada Boosaaso. Dilka ninkaan ajnabiga ahaa oo dhacay habbeenimadii xalay ayaa waxaa dilka kadib suuragashay in goobta uu ka baxsado Askariga falka toogashada ah geystay. Dilka ajnabigan ayaa yimid kadib markii xili danbe habeen ah uu kasoo baxay meel mugdi ah, waxaana sidaa rasaas ooda uga qaaday Askariga, iyadoo uu sidaa ku dhintay marxuumka. Saraakiisha Hay’adda SPU ee uu ilaalada ka ahaa askariga dilka geystay ayaa si hordhaca u sheegay in dilka uu ahaa mid ku dhacay si aan ku tallogal aheyn. Sidoo kale, goobjooge ayaa dhankiisa ka sheegay in qofkaasi Ajnabiga ah lagu dilay shaki maadaama ay aheyd xili habeen ah isla markaana Askarigii falkaasi geystay uu goobta ka baxsaday. Geesta kale, Askariga ayaa la sheegay in xiliga uu dilka geystay uu ahaa mid sarqaansan sidaana uu ku dilay marxuumka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Nin ajnabi ahaa oo si fool-xun loogu dhextoogtay magaalada Boosaaso (Yaa dilay) appeared first on Caasimada Online.
-
Sharjah: Jordan’s Fuheis look like serious contenders for the Arab Women Sports Tournament (AWST) basketball finals after beating Somalia’s Mogadishu 95-49 over the weekend. Source: Hiiraan Online
-
Kenya is the leading tax haven in Africa, Financial Secrecy Index released on Friday last week by the Tax Justice Network has revealed Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha degmada Boocame ee Gobolka Sool. Xayle Xasan Shirre ayaa beeniyay in degaankiisa ay gacanta ku dhigeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland. Xeyle Xasan Shire ayaa sheegay in dhallinyaro ka carootay qabsashada Tukaraq ay baraha bulshada geliyeen sawirro iyo muuqaallo been abuur ah oo lagu sheegay in Ciidamadaii Somaliland ee dhawaan qabsaday degaanka Tukaraq ay la wareegeen Boocame. Waxaa uu xusay in Puntland looga baahanyahay in degaanka Tukaraq ka saarto Somaliland iyada oo dhallinyarada deegaankaasna uu sheegay in ay ka careysanyihiin duullaanka maamulka Hargeysa uu kusoo qaaday gobolka Sool. Dhinaca kale, dowladda Puntland ayaa wada diyaar garowdii ugu dambeeyay ee ku saabsan xoraynta iyo difaaca gobolka Sool, waxaana gabi ahaanba heegan la galiyay ciidamada difaaca. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaain magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu shir uga furmo madaxda dowladda dhexe ee Somalia iyo kuwa maamul Gobaleedyada ka jira dalka. Shirkaan oo ah mid gaara ayaa waxaa looga hadli doonaa amniga Qaranka, waxaana labada dhinac ku wehlin doona xubno farakutiris ah oo laga soo kala xulay Golayaasha. Shirkaan oo ahmiyad gaara u leh dowlada iyo maamulada ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Somaalia Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaana. Shirka ayaa waxaa dhanka Gobolka Banaadir u matali doona Guddoomiyaha gobalka Banaadir Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Sidoo kale, shirkaan mudada uu soconaayo ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa waxyaabihii ka qabsoomay shirarkii hore ee dhexmaray dowladda Dhexe iyo maamulada dalka ka jira. Dhinaca kale, Madaxda maamul goboleedyadda ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana wali imaan Muqdisho Madaxda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo iyaguna la sugaayo maanta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoominaaya shir ka furmaaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Refugee are ready to pay for cleaner energy, a new survey shows. Source: Hiiraan Online
-
Child Abductions Rise amid South Sudan's Grinding Civil War
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
It's been almost two years since Deng Machar's three young children were abducted from his home and likely sold for cattle. Sitting in South Sudan's opposition-held town of Akobo, the 35-year-old pointed to the dirt beneath his feet. Source: Hiiraan Online -
Somalia President Mohamed Abdullahi "Farmajo" will mark his one year in office on February 8, celebrating a few successes that eluded his predecessor. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya cabashooyinka laga qabo shirkada Sahal oo qaabilsan Gaadiidka dadka geeya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Shirkadan ayaa la soo warinayaa inay dhibaatooyin badan ku heyso dadka musaafiriinta ah, iyadoo Xukuumada Somalia ashtakooyin badan kadib ay sheegtay in dib u eegis lagu sameynaayo Heshiiskii ay la gashay shirkada. Ashtakooyinka ugu badan ayaa la xaqiijiyay inay yihiin in ciidamada fadhiya afafka hore ee Garoonka ay dhaqaale ku siiyaan qabashada iyo jir dilka dadka musaafuriinta ee aan iska bixinkarin lacagaha kuwaa oo cagahooda maala. Mid kamid ah dadka safarada galay ee dacwada gudbiyay ayaa sheegay in isagoo aan heysan dhaqaale uu ku raaco gaadiidka loogu goodiyay in laga raabayo diyaarada haddii aanu bixin lacagta Baska ee lagu geynaayo gudaha Garoonka. Dadka ugu badan ee musaafuriinta ayaa sidoo kale ay ka tagtaa diyaarada iyadoo sababta ugu weyn lagu sheegay inaanu jirin farqi u dhexeeya raacista basaska iyo gaadiidka raaxada ee sida gaarka ah ay u wataan musaafuriinta. Dhibaatooyinka ay shacabka ku qabaan Shirkada ayaa waxaa kamid ah in askarta dowlada ee sida hoose dhaqaalaha ugu qaata shirkada kana howlgala afafka Garoonka ay jir dil iyo hanjabaado u geystaan dadka aanu awoodin dhaqaalaha lagu raaco basaska ee Isgooyska KM4 ilaa Garoonka soo maala cagtooda. Dhibaatooyinka ka dhashay wada shaqeynta hoose ee ka dhexeysa Shirkada Sahal iyo Ciidamada qaabka laaluushka loo siiyo lacagaha lagu dabo shacabka musaafuriinta ayaa waxaa kamid ah in March 28, 2017 Askari ka tirsan kuwa Garoonka uu toogasho ku dilay Haweeney musaafur aheyd kadib markii ay iska bixin weyday lacagta baska lagu raaco. Askariga oo ay u muuqato lacagta laaluushka ayaa dhowr xabadood ku dhuftay Haweeneyda kadib markii ay diiday inay dib ugu laabato isgooyska KM4 oo ay kasoo lugeysay, waxaana lagu amray inay iska soo bixiso lacagta baska oo aysan xiligaa heyn. Sidoo kale, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Oomaar) oo ka duulaaya cabashooyinka cusub ee laga qabo shirkada Sahal ayaa sheegay inay ka qaadan doonaan go’aan. Oomaar waxa uu sheegay inay dib ugu laaban doonaan Heshiiska ay Xukuumadu la gashay shirkada, waxa uuna dhankiisa ka qiray inay jiraan cabashooyinfarabadan. Haddii ay Xukuumadu indhaha ka qabsato ficilada ay ku kacdo shirkada Sahal ayaa waxaa suuragal ah inay ka dhashaan fal celin, maadaama shirkadu tahay mid ay ku midooben Ganacsato ku tiirsanaa dowladii hore. Si kastaba ha ahaatee, shaqooyinka shirkada ayaa waxaa dhibaatooyin intaa kasii badan ku qaba dadka xamaalatada ah ee noloshooda kasoo saarta qaadista boorsooyinka iyo alaabada kale ee musaafuriinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Fadeexado isbiirsaday oo lagu helay shirkado ka shaqeysa Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xarunta dowlada Hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo qorsho xilalka looga xayuubinaayo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Qorshahaani oo socda maalintii Seddexaad ayaa waxaa si wada jira u wada maamulka cusub ee Gobolka, waxaana wehlinaaya Siyaasiyiin dooneysa in Guddoomiyayaasha iminka jooga loogu bedelo kuwo kale oo cusub. Wasiiro ka tirsan Xukuumada ayaa sidoo kale gacan ku yeelan doona qorshaha xulista, wallow ay dhicikarto inay caqabad kala kulmaan sida ay shaqsiyaadka ay wataan uga soo dhex muujin lahaayen Degmooyinka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow), ayaa daaqada ka tuuraya ilaa 6 Guddoomiye Degmo oo si dhow ula shaqeynaayay Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday, kuwaa oo si gaara uga qeybqaatay fekerka ah in mar kale la doorto Taabit. Guddoomiyayaasha ugu hadal heynta badan ee la filaayo inay qaadi doonto Seefta Guddoomiyaha Gobolka Eng. Yaroosow ayaa waxaa kamid ah: 1-Guddoomiyaha Degmada Kaaraan: C/fataax Nuur cali yaanyo 2-Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag: C/kariin Cali Kaar 3-Guddoomiyaha Degmada Wadajir: Cumar C/llaahi Xasan 4-Guddoomiyaha Degmada Hodan: Maxamed Axmed Cantoobo 5-Guddoomiyaha Degmada Waabari Rowdo C/llaahi 6-Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Zeinab Maxamuud Warasame Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa horay u sheegay inay ka fiirsan doonaan shaqsiyaadka ay ku bedeli doonaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka ee iminka haya xilka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Yariisow oo diyaarinaya gudoomiyayaasha cusub iyo 6 gudoomiye oo hor bixi doona appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa safaaradda Imaaraadka eek u taalla Muqdisho ku booqday danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cismaan Al Xamadi . Al-Xamadi iyo Yariisow ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal mideynta naqshadaha Muqdisho iyo Abu Dhabi iyo iskaashiga labada dal. C/Raxmaan Yariisow ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad celiyay mashaarciida ay ka fuliso Soomaaliya,waxaana sidoo kale safiirku uu ka mahadceliyay booqashada duqa Muqdisho ee safaaradda Imaaraadka eek u taalla Muqdisho. Sida ay qortay wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM,labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii dowladda Imaaraadka uga qeyb qaadan lahayd dhinacyada horumarinta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo mashaarciida kale ee dalka. Danjire Al-Xmaadi ayaa kulanka ku ballan qaaday in dowladda Imaaraadka diyaar u tahay wada shaqeynta Muqdisho iyo Abu dhabai sidoo kalena ay ka wada shaqeynayaan nooc kasta oo horumarinta la xiriirta. The post Magaalooyinka Muqdisho iyo Abu Dhabi oo la mataaneynayo appeared first on Caasimada Online.
