-
Content Count
215,397 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wax gadarka iyo cuqaasha degmada Towfiiq ee gobolka mudug ayaa ku howlan dadaalo ay ku dhex dhexaadinayaan beelo dhawaan ku dagaalamay degmada Towfiiq. Nabadoonada ayaa sheegay in haatan nabadaynta labadaasi beelood ay meel wanaagsan umarayso oo labada dhinacna laysa soo hor fariisiyay si xal looga gaaro waxa ay kala tabanayaan. dhanka kale wararka naga soo gaaraya degmada Towfiiq ayaa sheegaya in Ceel biyood ku yaalay halkaasi ay soo weerareen kooxo hubaysan,kuwaas oo iska hor imaad socday mudo nususaac ah ku dhexmaray halkaasi ilaalada ceelka, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaasi. Hadaba Nabadoon Siciid Nuur Xirsi oo kamid ah ah Nabadoonada degmada Towfiiq ayaa warbaahinta usheegay in ay kuhowlanaayeen maalmahan daminta colaada beelahasi ,waxaana uu dhanka kale uu faah faahin kabixiyay weerarkii lagu soo qaaday Ceel biyood kuyaalay degmada Towfiiq. Halkan ka dhagayso Nabadoon Siciid . Nabadoon-Sicid
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War ka soo baxay Wasaarada Dastuurka Maamulka Koofur-Galbeed ayaa lagu sheegay in xariirkii ay la haayeen wasaarada Dastuurka Soomaaliya ay u jareen, sidaasi waxaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka dastuurka Koofur-Galbeed Cabdullahi Shiiq Xasan. Wasiirka wasaarada Dastuurka Maamulka Koofur-Galbeed Cabdullahi Shiiq Xasan ayaa sheegay in la dafiraad weyn loogeystay Wasaarada Dastuur ee Koofur-Galbeed isla markaana dafiraadaasi uu ka danbeeyay Wasiirka Wasaarada Xukumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jirriil. Sidoo kale dafiraadaasi ayaa lagu micneeyay in ay timid kadib markii booqasho oo uu horkacayo wasiirka dastuurka ee xukuumadda soomaliya islamarkaana qeybn ay ka ahaayeen gudigada dastuurka ee baarlamaanka soomaaliya iyo midka qaran ee madaxa banaan ay ku tagi lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay uu baaqday iyaga oo aan lagu wergelin wasaarada dastuurka ee maamulkaKoofur-Galbeed ee soomaliya. Booqashadaasi ayay kula kulmi lahaayeen wafdigaan Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaliya Shariif Xasan Shiiq Aadan iyo waliba ururada bulshada rayidka ah ee maamulka koonfur galbeed soomaliya balse waxaa lagu yiri arintyaasi ayaanana dhicin. Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Guddiyada Dastuurka ayaa safaro ku kala bixinayay deegaanada maamul goboleedyada, kaasoo la xiriira sidii wadatashi loogu soo sameyn lahaa Dastuurka, lalana kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada deegaanka. Warqadaan uusoo saaray wasiirka wasaarada dastuurka ee maamulka koonfur galbneed soomaliya Cabdullahi Shiiq Xasan ayaa waxa sidoo kale lagu sheegay mar hadii qaladkaasi dhacay lagu laabto ismaalrkaana raali gelin laga bixiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasaaradda Dastuurka Koofur Galbeedka oo xiriirka u jartay Wasaaradda Dastuurka Federaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Waxaa maanta dib loo furmay qeybo ka mida Suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho, kadib markii uu xirnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay. Ganacsatada waaweyn ayaa xiray suuqa, iyadoo ganacstada kale ku amray inay xiraan ganacsigooda, taasoo keentay in Suuqu shaqeyn waayey muddo laba maalmood ah, laakiin waxaa muuqata inaysan socon karin tallaabada ay Ganasatada isku xayireen, iyagoo ka cabanaya canshuur ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku adkeysaneysa in canshuurta iibka ee lagu soo rogay badeecadaha lagu qaado Dekeda, halka Ganacsatada ay diidan yihiin in alaab aan wali suuqa la geyn laga qaado canshuurta Iibka oo ah 5%. Ganacsatadda gadoodka wada ayaan weli ku guuleysan in wax tanaasul ah ka helaan dowladda Soomaaliya oo ku adkeysaneysa canshuurta iibka ee ay soo rogtay, waxaana is mari waaga jira uu yahay kii ugu adkaa ee labada dhinac ka dhex oogma. Ganacsatada ayaa kulamo la leh xildhibaannada Baarlamaanka, iyagoo raadinaya qaab loo xaliyo khilaafka kala dhaxeeya wasaaradda Maaliyadda, iyadoo dekadda ay ku xayiran yihiin alaab uu kharash ku socdo, welina la soo xirin maraakiib u socota ganacsatada oo taagan xeebta Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo dib u furmay & Dowladda Soomaaliya oo dhegaha ka fureysatay Ganacsatada appeared first on Caasimada Online.
-
Wax gadarka iyo cuqaasha degmada Towfiiq ee gobolka mudug ayaa ku howlan dadaalo ay ku dhex dhexaadinayaan beelo dhawaan ku dagaalamay degmada Towfiiq. Nabadoonada ayaa sheegay in haatan nabadaynta labadaasi beelood ay meel wanaagsan umarayso oo labada dhinacna laysa soo hor fariisiyay si xal looga gaaro waxa ay kala tabanayaan. dhanka kale wararka naga soo gaaraya degmada Towfiiq ayaa sheegaya in degmada iyo Ceel biyood ku yaalay degmada ay soo weerareen kooxo hubaysan,kuwaas oo iska hor imaad socday mudo nususaac ah ku dhexmaray ilaalada ceelka iyo malayshiyaadkii soo weeraray kuwaas oo aan ilaa iyo hada lasheegin cida ay yihiin. Hadaba Nabadoon Siciid Nuur Xirsi oo kamid ah ah Nabadoonada degmada Towfiiq ayaa warbaahinta usheegay in ay kuhowlanaayeen maalmahan daminta colaada beelahasi ,waxaana uu dhanka kale uu faah faahin kabixiyay weerarkii lagu soo qaaday Ceel biyood kuyaalay degmada Towfiiq. Halkan ka dhagayso Nabadoon Siciid . Nabadoon-Sicid
-
Muqdisho (PP) ─ Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa qaarkood dib loo furay saakay oo Talaado ah, kaddib markii sababo la xiriira canshuur ay soo kordhisay dowladda Somalia ay u xirnaayeen labadii casho ee lasoo dhaafay. Dib u furidda qaybo ka mid ah suuqan oo ah kan ugu weyn Soomaalia ayaa imaanaysa iyadoo aan wax xal ah laga gaarin murannadii Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda Somalia u dhexeeya ee ku aaddanaa canshuuraha ay dowladdu soo kordhisay. Sidoo kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo kulan shalay Muqdisho ku dhex-maray ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Guddiga Ganacsiga iyo Warshadaha ee Baarlamaanka Somalia aan wax xal lagu gaarin. Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku adkeysaneysa in canshuurta iibka ee lagu kordhiyay badeecadaha lagu qaado Dekedda, halka Ganacsatada ay diiddan yihiin in alaab aan wali suuqa la geyn laga qaado canshuurta 5% ah. Dhanka kale, Golaha wasiirrada Somalia oo shalay Muqdisho ku kulmay ayaa soo jeediyay in canshuurta in la qaado ay tahay mid lagama maarmaan ah si ay dowladdu hawlaheeda ugu fududeyso. Ugu dambeyn, Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Somalia ayaa maanta la filayaa in kulan gaar ah ka yeesho arrintan is mari waaga keena ee u dhexeys Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda Somalia. PUNTLAND POST The post Ganacsiga Suuqa Bakaaraha Qaarkiis oo dib u furmay iyo Murankii Canshuurta oo Taagan appeared first on Puntland Post.
-
Taliska ciidanka booliiska gobolka Nugaal ayaa warbaahinta uga yeeray saldhiga bartamaha Garowe, halkaas oo goor dhow lagusoo bandhigayo gaari Xamuul ah oo sida Raashin dhacay oo la doonayay in la galiyo suuqyada Puntland. Ciidankaan amniga ayaa qabtay gaarigaan, kadib markii ay xogtiisa heleen, waxaana lagu xiray isaga iyo raggii wadayaasha ka ahaa saldhiga dhexe ee Garowe. Faahfaahin intaan ka badan goor dhow la socda.
-
Shacabka Puntland oo kaashanaya dowladdooda ayaa guulo lataaban karo ka gaaray Barnaamijkii ahaa Puntland iyo shacabkeeda ha is kutashadaan oo uu hal kudhigeeda uu lahaa Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas. iyadoo laga duulayo hal kudhigaasi Madaxweynaha Puntland ayaa wax yaabihii shacbaka Puntland uqabsoomay waxaa kamid ahaa. 1- Soo dhawayntii iyo Ambabixintii loo sameeyay kumanaan Qoxooti soomaali iyo yamaniyiin isugu jira oo Bosaaso ka soo dagay sandii 2015 kii kuwaas oo ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yaman iyadoo haatana wali ay soo gaarayaan magaalada Bosaaso dakaasi ka soo cararaya dagaalka ka socda dalka Yaman. 2- Gurmadkii loo sameeyay dadkii ay saamaysay Sunaamidii ku dhufatay qaybo kamid ah gobolada Puntland 2013kii . 3- dhismaha wadada Ceel daahir iyo Ceerigaabo oo haatan meel gabo gabo ah maraysa ,iyo wadooyinkale oo haantan abaabulkooda dhismo uu socdaan ,oo ay kamid tahay wadada Caluula iyo kala beer. 4- Gurmadkii ay shacabka Puntland ufidiyeen walaalahooda ku waxyeeloobay Qaraxii masiibada ahaa ee Zoobe oo ay Puntland gudigii Qarixii Zoobe ay ku wareejisay lacag cadadkeeda gaaraysa ku dhawaad nus malyan doorlarka Maraykanka ah. 5- Badbaadintii doonidii ku soo caariday xeebta magaalada Bosaaso 4tii bishan oo ay ukaceen shacabka, dowladda ,ganacsatada Culimada , iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka howlaga magalaada Bosaaso,waxaana lagu guulaystay in labad baadiyo mudo sagaal maalmood ah kadib hantidii saarneed doontaasi oo lagu qiyaasay kudhawaad 9 boqol oo kun oo doolar. Hadaba Warbixin arintaasi ku saabsan oo uu idiin diyaariyay Warsidaha Puntlandi.com halkan hoos ka dhagayso. Warbixinta iskutashiga shacabka Puntland
-
Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay xukuntay Sarkaalkii dilka u geeystay Abaanduulahii Ciidamada Badda Soomaaliya. Maxkmada ayaa dil toogasho ah ku riday G/sare Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo horey u dilay Sareeye Guuto Saciido aadan Yuusuf (Mariino) Ex, Abaanduulihii Ciidamada Badda. G/sare Cabdi Naasir Xoosh Maxammed Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 10-kii bishaan dhageeystay dacwada G/sare Cabdinaasir Xoosh oo gacantiisa ku dilay Sareeye Guuto Saciido aadan Yuusuf (Mariino) Ex, Abaanduulihii Ciidamada Badda. Taasi ayaa ka dhigeeysa Sarkaalkii ugu horeeyay oo dil bareer ah u geeysta sarkaal kale kadib muran soo kala dhaxgala Qareenka u doodaya Gaashaanlaha la xukumay ayaa hore u qiray in sarkaalku uu dilay Abaanduulaha isaga oo ku baaqay in eedeeysanaha loo naxariisto islamarkaasina uu dhiibo diyo. Hoos ka dhageeyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/02/Cod-Maxkmada-By-Cowke.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Maxkmada CQS oo Xukun ku riday Sarkaalkii Dilay Abaanduulihii ciidamada Badda appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu, Somalia - It used to be Hollywood. Then it became Bollywood. Now Yesilcam, as Turkey calls its film industry, has taken over silverscreens in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah kuriday maanta G/sare C/naasir Xoosh oo ahaa sarkaalkii dilay Abaanduulihii Ciidanka Badda Soomaaliyeed Siciid Aadan yuusuf Siciid Mariino. Maxkamada ayaa sarkaalkan ku xukuntay sidoo kale in darajadii uu ciidanka kulahaa laga xayuubiyo. Maxkamada ayaa sheegtay markii ay aragtay marag muujinta iyo cadaymihii la horkeenay Maxkamada ay u cadaatay in uu G/sare C/naasir Xoosh si ulakac ah uu udilay Abaanduulaha. Go,aanka ka soo baxay Maxkamada waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute. Halkan hoose ka dhagayso codka Gudoomiyaha Maxkamada. mmmmmmmmmmmmmmm
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidanka Qalabka ayaa goordhow riday Xukun Toogasho ah kadib markii lasoo afjaray kiista toogashada bareerka ah ee uu geystay Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya. Maxkamada ayaa Xukunka ku riday Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh, waxa ayna sheegtay inuu qirtay in falka dilka ah uu u geystay si kutalo gal ah. Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh ayaa lagu eedeeyay in uu dil bareer ah u geystay Taliye ku-xigeenkii hore ee Ciidamada Badda Sareeyo Guutto Siciid Aadan Yuusuf Mariino. Maxkamadu waxa ay sidoo kale sheegtay in gacan ku dhiigle C/naasir Xoosh ay u dhamaatay dhageysiga dacwada oo horay u dhacday. Eedeysanaha ayaa heysto fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan, hadii uusan ku qanacsaney xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Somaliya. Xasan Cali Nuur Shuute, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka lagu riday Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh. Sidoo kale, Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh, ayaa taliye ku-xigeenkii badda Saciid Mariino ku dhex dilay Xafiiskisa 18-kii Bishii lasoo dhaafay. Geesta kale, taliye ku-xigeenkii badda ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray dhowr xabadood oo looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sawir: Gaashaanle Sare ka tirsan dowlada Federaalka oo lagu riday Xukun dil ah + Warbixin appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - An outspoken and prominent traditional elder has passed away in a Mogadishu hospital late Monday night. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - A outspoken and prominent traditional elder has passed away in a Mogadishu hospital late Monday night. Source: Hiiraan Online
-
The African Union (AU) has deployed its election observers in Djibouti, for the legislative elections scheduled to take place on Friday in the Horn of African nation. The Chairperson of the AU Commission, Moussa Faki Mahamat, has deployed the AU election observation mission (AUEOM) led by Anicet-Georges Dologuele, former Prime Minister of the Central African Republic (CAR), according to a statement from the pan-African bloc on Monday. The mission is composed of 38 members, including, ambassadors accredited to the AU in Addis Ababa, pan-African parliamentarians, heads of institutions in charge of elections and members of organizations of the African civil society. The Members of the observation mission are drawn from 22 African countries, including, Benin, Burkina Faso, Burundi, Cameroon, Congo, Ivory Coast, Ethiopia, Gabon, Guinea, Madagascar, Mali, Mauritius, Mauritania, Central African Republic, Republic Democratic Congo, Rwanda, Senegal, Seychelles, Somalia, Chad, Togo and Tunisia. The main purpose of the mission is to make an honest, independent and impartial observation and assessment of the organization and conduct of these elections. The mission will meet with the political, administrative and judicial authorities of the country, the institutions in charge of elections, the national actors involved in the electoral process and the representatives of the international community in order to be aware of the arrangements made to ensure a free and credible elections in the country. The AU mission will deploy its observers to all the regions and districts of the country. The mission will present its preliminary report at a press conference on Feb. 26, highlighting its observations and recommendations to the political authorities and other stakeholders, according to the statement. Source: – Xinhua The post AU deploys election observers in Djibouti appeared first on Caasimada Online.
-
Egypt’s Foreign Ministry says it accepts Ethiopia’s request to delay a meeting about a dam that Ethiopia is building on the Blue Nile River, after Addis Ababa declared a state of emergency amid the worst anti-government protests in decades. The meeting, which was to discuss contentious issues over the dam, which Egypt fears could reduce its share of the Nile waters, was to include Sudan and take place in Khartoum on Feb. 24-25. Foreign Ministry’s spokesman Ahmed Abu Zeid said on Sunday that Egypt understands “the circumstances that might have led Ethiopia to request delaying the meeting,” which Cairo hopes will be rescheduled soon. Ethiopia and Sudan will benefit from the construction of so-called Renaissance Dam, while Egypt will see its share of the river reduced, at least temporarily. Source: AP The post Egypt accepts delay of Ethiopia dam meeting as protests rage appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - A well known outspoken traditional elder, Ahmed Diriye Ali died in Mogadishu after long Illness. The elder passed on at Erdogan Hospital in Mogadishu where.... Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib magacaabista Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska, Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta, hadaba maxay soo kordhin karaan raggan cusub, maxayna kaga duwan yihiin Taliyeyaashii hore. Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya iyo Hay’adda Booliska ma aysan laheyn Taliyeyaal mudo ku dhow Afar bilood, kadib markii xilalkii hal kol laga wada qaaday Sambaloolshe iyo Saacid, 29-kii October 2017-kii. Xilka qaadista labadaasi Taliye ayaa soo da dejisay kadib markii Muqdisho bil gudaheed ay ka dhaceen laba Qarax oo kala ahaa midkii Zoobe iyo kii kale ee Hotel Naasa-hablood oo Madaxtooyada Soomaaliya wax ka yar u jira. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed, wuxuu hada ahaa Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska, waa sargaal guun ku ah hanaanka ciidmada Booliska wuxuu daganaa London oo uu maamule ka ahaa shirkada lagu magacaabo cooperative. Saddex sano ka hor ayaa shaqadaasi uu ka tagay si uu wax ugu biiriyo Booliska Soomaaliya oo mudooyinkan uu la shaqeynayay, Dadka falan qeeya Siyaasadda ayaa qaba sarkaalkan inuu ka hoos shaqeynayay markii hore laba Taliye oo isaga ka sareysay, balse isaga oo taas ka duulaya laga filan karo inuu la yimaado isbedel iyo horey u socod. Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa kahor inta aan xilkan loo magacaabin ahaa La Taliyaha dhinaca arrimaha Ciidamada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), sidoo kale horey ayuu u soo qabtay hoggaanka Nabad Sugidda iyo Asluubta. Bashiir Goobe ayaa dadka ka hadla arrimaha ciidamada waxa ay aaminsan yihiin in marki horeba ay qalad aheyd in xilka qaadis lagu sameeyo, hadana uu ka soo bixi karo shaqadan uu horey hoggaankeeda u soo qabtay, horey ayuu Gen. Goobe ugu guuleystay dib u dhiska Xabsiga dhexe, kor u qaadista xuquuqda Maxaabiista. Dowladda Soomaaliya ayaa sanad wax ka yar waxa ay shaqada ka ceyrisay Gen. Bashiir Goobe Taliyaha Asluubta, ku dhowaad sanad kadib shaqadii ayaa loogu soo celiyay, Taliyihii Ciidanka Asluubta S/Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa 9-kii April 2017-kii xilkan kala wareegay Bashiir Goobe oo xilkan dib loogu soo celiyay markale. Taliyaha Asluubta ayaa xilligii xilka qaadista lagu sameynayay ku guda jiray howlihiisa shaqo, sidoo kale wuxuu u diyaar garoobayay xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegsan Khamiista soo socota, 22-ka bishan. Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Xuseen Cismaan Xuseen ayaa hada ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, sidoo kale wuxuu ka tirsan yahay Baarlamaanka Soomaaliya. Dadka qaar ayaa qaba Dowladda in ay isaga dhex yaacsan tahay Siyaasadda iyo Amniga, waxayna sheegeen in aragti ahaan aysan qabin qof aanan in mudo ah ku soo jirin in arrimaha Ciidamada in loo magacaabo Taliye amni. Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Gen. Tuuryare oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay magacaabista Taliyeyaashan in ay tahay talaabo ay horey u qaaday Dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay ka fursad fiican yihiin Taliyeyaashii hore. Dowladda Federaalka ayaa looga bartay in aysan wargelin xubnaha ay xilka qaadista ku sameyneyso, mar qurana ay ogaadaan in xilka laga qaaday iyaga oo ku guda jira howlahooda shaqo, taasi oo nabar iyo naxdin ku noqioneysa masuulka xilka qaadista lagu sameeyay, Dowladda marka ay masuulka u magacaabeyso xilka waa ay ku wargelisaa, sida muuqata. Aan dib u laabano Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa sheegay xilka qaadistii horey loogu sameeyay inaan lagu soo wargelin, un keliya uu u soo sheegay qof jooga Mareykanka, kadibna uu soo wacay Wasiirka Warfaafinta, sidaasina loogu xaqiijiyay, waqtigaasina wuxuu ku guda jiray Howl uu Ra’iisul Wasaaraha u xilsaaray, maalinkaasina uu doonayay inuu horgeeyo Golaha Wasiirada. Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, wuxuu sheegay xilka qaadistii lagu sameeyay inuu ka maqlay oo keliya Idaacadaha, xilligaasina uu u diyaarinayay Booqasho Madaxweynaha uu ku tagayay degaanada Puntland iyo Galmudug. W/D- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog& Xaqiiq: Maxay soo kordhin karaan Taliyeyaasha cusub ee degdega lagu magacaabay ? (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Tartanka kooxaha heerka saddexaad ee caasimadda Puntland ee Garowe, ayaa galabta ka furmidoona garoonka Mir-awaare ee magaalada Garowe.Waxaa tartankaan ka qeybgalidoona 16 koox oo uu qiimayn uu ku sameeyay maamulka ciyaaraha gobolka Nugaal. Guddoomiyaha ciyaaraha gobolka Nugaal, Siciid Maxamed Cabdi, oo dhawaan xilkaan loo magacaabay ayaa tartankaan qabanaya markii ugu horeysay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shaki badan uu ka dhashay kulan dhexmaray Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Danjiraha Imaaraadka ee Somalia Al-Othmaani. Kulanka labada mas’uul oo qaatay wakhti kooban ayaa la xaqiijiyay in lagu dhameystiraayay kulan qabyo u ahaa Jawaari iyo Al-Othmaani ka hor inta uusan Guddoomiye Jawaari u bixin fasaxa kalfadhiga baarlamaanka ee hadda gabagabada ah. Kulanka qabyatirka labada mas’uul ayaa salka ku hayay qorsho ku aadan sida dowlada hadda jirta loogu dhex abuuri lahaa Xubno daacad u ah dowlada Imaaraadka balse ka tirsan garabka Damul-Jadiid. Xubnaha uu Danjire Al-Othmaani usoo bandhigay Guddoomiye Jawaari ayaan horay uga soo dhexmuuqan dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud. Xubnahaan oo tirro ahaan ka kooban ilaa Siddeed xubnood ayaa la doonayaa in lagu buuxiyo Kuraas muhiim ah oo ka tirsan Xukuumada sida Wasaaradaha ku magacaaban Kheyraadka. Sidoo kale, Kuraasta uu sida aadka ah u doondoonaayo Al-Othmaani ayaa ah Agaasimayaasha ilaa Afar Wasaaradood iyo Waaxyo dhowr ah oo ay Imaaraadku u arkaan ahmiyad gaara. Xubnahaan ayaa sidoo kale la doonayaa in laga soo kala sooco beelo dhowr ah, iyadoo ahmiyada ugu weyn ay noqoneyso aaminaanshiyaha danaha Imaaraadka Carabta. Jawaari ayaa bilihii ugu danbeeyay u janjeeray dhanka dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa ayna talaabada ceynkaasi ah dareen gaara ku abuurtay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa aad uga didsan Siyaasada dowlada Imaaraadka Carabta iyo xiriir hoosaadka kala dhexeeya Guddoomiye Jawaari. Geesta kale, shakiga ugu weyn ayaa ah in Jawaari uu Xukuumada kala safto dowlada Imaaraadka oo caqabado Siyaasadeed u maleegeysa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Kulan dhexmaray Jawaari iyo danjiraha Imaaraadka oo shaki badan dhaliyay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somalia ee shalay ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyeyaasha ciidamada Nabad sugidda, Booliska iyo Asluubta, hadaba wax ka ogow taariikh kooban oo ku saabsan Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo markale loo magacaabay Taliyaha ciidanka Asluubta. Waxbarashada Madaniga Taariikhda dhanka waxbarashada ee Madaniga ah, Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu Jaamacadda heerka koowaad ka qaatay Culuumta Bulshada Taqasuska (Social Work) iyo isla heerka koowaad ee Jaamacadda oo uu ka diyaariyay Culumta Siyaasadda, sidoo kale Waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda (Master degree) ka sameeyay Culuumta Amniga iyo Nabadgelyada (Master in Peace and Security Study) wuuxu kaloo u sharxanyaahy in uu qaato shahaadada PHD oo la xiriirta arrimaha amniga iyo xasalinta. Waxbarashada Amniga Haddii aan eegno dhanka Waxbarashada ciidanka wuxu wax barashadiisa sargaalnimo ku soo qatay Dalka Jarmalki Federaaliga ee Galbeed (West Germany) Isagoo Waxbarashada abaandulka ciidamada iyo dugsiga sare ee dagaalka ku soo qaatay (SCUOLA Di GUERRA) ee dalka Talyaniga, wuxuu kaloo waxbarashada Amniga, dambi-baarista iyo hogaaminta ciidamada ku soo qaatay Dalalka Faransiska, (Interpol) Sacudiga, South Africa iyo kuwa kale. Dhanka Shaqada Haddii aan wax yar oo kooban ka sheegno taariikhda dhanka shaqo, Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac wuxuu ka soo shaqeeyay ciidanka booliska muddo dheer Ilaa uu ka gaaray xilka Taliye ku-xigeenkaciidanka booliska Soomaaliyeed, sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka. Wuxu kale uu soo noqday Wasiir ku-xigenka Wasaaradda Adeega Bulshada Xukumadii 10 Wasir ka koobneed, wuxuu dhowr mar so noqday Xildhibaan ka tirsan Baarmanaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uu horey u soo noqday Garsoore heer Caalami ah oo Kubbada Kollayga (FIBA Referee) iyo Garossore Caalami ah ee Kubbada Cagta (FIFA Referee) Isagoo mudadaas ka soo noqday Macalin soo saaray Garsoorayaal badan oo Soomaali ah, wuxuu kaloo soo noqday xubin Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya iyo guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta. Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu kaloo soo noqday Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, NISA iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana uu ugu dambeyn ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee dhanka Ciidanka Xoogga dalka, waxaana maanta markale si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoo ahaa shaqsigii xabsiga Dhexe ee Xamar ka hirgeliyay in maxaabiista loo qabto tartamo isboorti oo lagu dhiiri gelinayo iyo inay helaan adeegyo waxbarasho oo dhameystiran. Sidoo kale waxa uu Xabsiga dhexe ee Xamar ka hirgeliyay Warshad sameysa agabyo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waa kuma Taliyaha ciidamada Asluubta Sareeyo Guud Bashiir Goobe (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Security officers in Nairobi were Monday evening piecing together details of a plot to bomb the city, and cordoned off a room in a prime city hotel where the would-be terrorists booked a room since the Friday of February 9 this year. Source: Hiiraan Online
-
A United Nations long-range weather forecast for the Horn of Africa foresees no end to drought in eastern Kenya. Source: Hiiraan Online
