Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirka Amniga Qaranka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho,sida ay daabacday Wakaaladda SONNA oo xiganaysa Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta ee Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed. Shirkaan oo ah kii saddexaad ee ay yeeshaan Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada,sida ay qortay SONNA. Muddada uu socdo shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeeyo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha mudnaanta la siinayo.Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed,taaso leh guddiyo hoosaad iyo xeer anshax. The post Shirka Amniga Qaranka oo maanta ka furmaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha Amniga Qaranka, ee lagu falanqeyn doono amniga dalka iyo dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Shirkan oo daba socda mid isla Muqdisho ka dhacay December 4, ee sanadkii hore, waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro sidii loo dhisi lahaa ciidamada xoogga dalka, maal-gelintooda iyo soo celinta amniga guud ee dalka. Shirkaan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Madaxweynaha Somalia, waxaana ka qeyb gali doona Madaxda dowlad goboleedyadda. Shirka ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa waxyaabihii ka qabsoomay Shirarkii hore ee dhexmaray dowladda Dhexe iyo maamulada. Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa ku sugan caasimadda, xalay waxaa casho sharaf u sameeyay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Geesta kale, Kulankii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa horudhac u ahaa Shirka Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa diirada lagu saarayaa shirka Golaha Amniga Qaranka ee Muqdisho ka furmaaya (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta xiran qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, kadib markii dadka shacabka ah ay ku soo tooseen ciidamada ammaanka oo xiray wadooyinka, gaadiidkana u diidaya socodka. Wadooyinka xiran ee loo diidayo gaadiidka ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sheekh Cali Suufi oo Baabuurta loo diidayo dhanka Maka Al-Mukarama inay u soo gudbaan, Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Darjiin illaa Isgoyska Sanca. Ciidamada NISA ayaa gabi ahaan lagu soo daadiyay goobaha ay ku kala gooshaan gaadiidka sida Isgooysyada iyo goobaha kale, waxa ayna waddooyinka qaar u diidayaan lugta. Waddooyinka qaar ayaa waxaad ku arkeysaa shacab farabadan oo raxan-raxan u socda kuwaa oo doonaaya in goobahooda shaqo ay ku gaaran lug, halka qaarna aysan shaqo tagin. Inta badan laamaha ammaanka ayaa lagu arkaa waddooyinka marka uu waagu baryo iyaga oo dadka iyo gaadiidka dadweynaha ku celinaya. Dhinaca kale, Xirnaanshaha maanta ayaa lagu sheegay u diyaar garowga xuska 8-February ee sanad guurada 1-aad ee doorashadii Madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post U diyaar garowga xuska 8-February oo loo xiray waddooyinka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. Wararka ka imaanaya degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaaa ku warramaya in halkaas uu Saaka dagaal ku dhexmaray ciidamada koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday. Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo garabsanaya ciidanka Ethiopia eek a tirsan AMISOM ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen dagaallamayasha Al-shabaab,waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan,inkastoo aan faahfaahin sii dheer laga hayn. Dadka degaannada hoosyimaada degmada Qansax-dheere ayaa sheegay in dagaalka oo in muddo ah socday la isu adeegsaday hub aad u culus,kaasoo loo malaynayo in ay ridayeen ciidanka Ethiopia ee halkaas ku sugan. Weli wax war ah kama soo bixin dhinacyada dagaallamay ee Al-shabaab iyo Koonfur Galbeed,lamina xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas. Wixii ka soo kordha kala soco:puntlandpost.net The post Al-shabaab oo weerar ku qaadday Qansax-dheere appeared first on Puntland Post.
  5. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Qarax xoogan. Qaraxa ayaa intiisa badan laga wada maqlay xaafadaha magaalada Beledweyne, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay miino xiliga Qaraxa la aasaayay. Qaraxa oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa waxa ay la Qaraxday qofkii aasaayay oo ka tirsanaa maleeshiyada al-Shabaab, waxaana uu ka dhacay Qaraxa agagaarka Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi Beladweyne. Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa gaaray Saraakiisha iyo ciidamada amaanka oo halkaa ugu tagay Meydka ninkii aasaayay miinada oo goobta yaalay. Ujeedka miinada ayaa la sheegay inay aheyd mid loogu tallo galay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabouti oo isticmaala wadada lagu aasay oo ay ku Qaraxday. Docda kale, Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili isla xalay magaalada Beledweyne lagu dilay Gudoomiyihii hore ee dagmada Buulaburde Cabdi Iidow Warsame, oo kooxo hubeysan ay ku toogteen Xaafada Xaawo-taako ee Beledweyne asaga oo ka soo baxayay Masaajid ku yaala Xaafadaas. Maalmihii danbe ayaa wuxuu ka mid ahaa ama lasocday Culumada Tabliiqa Gudoomihii hore ee degmada Buulaburde Cabdi Iidow Warsame. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne & Guddoomiye hore oo la toogtay appeared first on Caasimada Online.
  6. Maxkmada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun saakay ku riday eedeeysanayaashii qaraxii qasaaraha badanaa geeystay oo 14-Octobar ee sanadkii horay ka dhacay Muqdisho. Eedeeysanayaashaan oo gaaraya ilaa 5- ruux ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kiiskooda la dhageeysanayay iyaga oo maanta ugu dambeeyn xukun lagu riday. Maxkmada ayaa ku kala xukuntay ragaasi dil toogasho ah, xabsi daa’id iyo Muddo xabsi ah iyada oo fasaxday labo ruux kadib markii dambi lagu waayay. Hoos ka Aqriso Qaabka uu xukunka u dhacay 1- Xasan Aadan Isaaq Cali Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah 2- C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in 3- C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah Maxkamada ciidamada waxa ay fasaxday eedeysanayaasha kala ah 4- Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble iyo 5-Cabdul Cabdi Warsame Cali oo wax dambi ah lagu waayay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Maxkmada Ciidamada Qalabka sida oo Xukuntay Eedeeysanayaashii Qaraxii Soobe appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa saaka xukun maxkamadeed ku riday eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe 14-kii October sanadkii 2017-kii. Maxkamada oo tan iyo wixii ka danbeeyay Qaraxa ku howlaneed baaris iyo baadi-goobka cadeymo muujinkara in ragaasi ay ku lug leeyihiin Qaraxa ayaa maanta riday xukunka maxkamadeed. Xukunka Maxkamada ayaa u dhacday sida tan: 1-Xasan Aadan Isaaq Cali Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah. 2-C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in. 3-C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah. Maxkamada ciidamada waxa ay fasaxday eedeysanayaasha kala ah:- 1-Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble 2-Cabdul Cabdi Warsame Cali oo wax dambi ah lagu waayay. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sidaasi ku sheegtay inuu yahay xukunka eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe. Qaraxii Zoobe oo taariikhda u galay Umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 600 oo ruux, halka dadka dhaawacmay ay gaarayaan ilaa 400. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxkamadda CQS oo xukuntay eedeysanayaashii loo heystay Qaraxii Zoobe appeared first on Caasimada Online.
  8. Kenyan police should urgently produce Miguna Miguna, an opposition party lawyer who was arrested in Nairobi on February 2, 2018, Human Rights Watch said today. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf soodhaweyn ah waxa uu Madaxtooyada ugu sameeyey Golaha Amniga Qaranka. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo maanta iyo shalay soo gaaray Muqdisho, ayaa u yimid ka qeybgelitaanka Shirka Amniga Qaranka oo berri furmi doona. Casho sharafta waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga iyo Sidoo kale Taliyaasha Ciidamada qalabka sida, Nabad-sugidda iyo Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee golahan Xubnaha ka ah. -DHAMMAAD- PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Casho Sharaf u sameeyay Madaxda Maamul Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada casho sharaf iyo soo dhoweyn ugu sameeyey golaha amniga qaranka ee madaxda maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir. Madaxda maamul goboleedyada ee xubnaha ka ah guddiga amniga qaranka ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb gelitaanka shirka amniga qaranka oo maanta ka furmi doona Muqdisho. Xubnaha kasoo qeybgalay casho sharafta ayaa waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaaliya, Xasan Cali Kheyre, ku Xigeenkiisa, Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka, Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Galmudug, Axmed Ducaale Geele Xaaf, Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle , Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan madaxtooyada Villa Somalia. The post Sawirro: Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada oo ku kulmay Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku kulmayaan Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada ka jira dalka. Axmed Madoobe ayaa sheegay inay muhiim tahay in mar waliba ay iska warqabaan Golaha Amniga Qaranka, isla markaana sameystaan shirar ay uga wadatashanayaan xaalada uu ku jiro dalka. Axmed Madoobe,waxa uu sheegay inaanu macquul aheyn in iyadoo dhaqaale xoogan lagu bixinaayo shirarka Golaha Amniga Qaranka, hadana aan la qaadan qodobada kasoo baxa shirarka qabsooma. Waxa uu Madoobe sheegay in heerka amni daro ee ka taagan dalka uu gaaray heer Caasimadaha maamul Goboleedyada ay xiliyada qaar ay qalqal galiyaan al-Shabaab, waxa uuna cod dheer ku sheegay in taa ay ugu wacantahay gaabis ku yimid ka dhabeynta talaabooyinka lagu sugaayo amniga. Waxa uu Axmed Madoobe sheegay in dowlada laga doonaayo inay la imaado qorsho cad oo looga gaashaamankaro dhagarta ay al-Shabaab u maleegayaan dadka shacabka ah, waxa uuna ku taliyay in xili hore leyska kaashto ka hortaga al-Shabaabka. ‘’Shirka waa inuu yeeshaa qorsho fulineed, waxba masoo kordhineyso in dhaqaale lagu bixiyo shir ceynkaan ah, hadana aanu kasoo bixin wax natiijo ah, waxaan dooneynaa in la dhaqan galiyo wixii kasoo baxa shirka’’ ‘’Waad aragtaan al-Shabaab waxa ay gudaha u galayaan deegaano aysan horay u heysan marka aaway qodobadii kasoo baxay shirarkii hore ee amniga, ma waxay aheyd in la diiwaangaliyo oo keliya, waa inaan yeelanaa awood aan isaga soo afjari karno shabaabka’’ Sidoo kale, Madoobe ayaa wacad ku maray in Jubbaland ay Naf, Dhaqaale iyo Hubka ku bixineyso iska xoreynta al-Shabaab, hase yeeshee dowlada laga doonaayo isgarabtaag. Haddalka Axmed Madoobe ayaa u muuqanaaya mid lagu duraayo dhammaan xubnaha qeybta ka ahaa shirkii hore ee Golaha Amniga Qaranka oo iyagu u muuqda kuwo aan weli qaadin wax talaabo ah, waxa uuna hadalkaan kala dhantaalay rajada Xubnaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Axmed Madoobe oo kala dhantaalay niyada xubnaha golaha amniga qaranka appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in la sumeeyay fannaanka caanka ah Cali Dhaanto, ayaa waxaa wararkaasi ka hadlay Fannaanka. Cali Dhaanto, ayaa sheegay inuu yahay mid caafimaad qaba isla markaana ay soo gaaren warar sheegaya in lagu sumeeyay magaalada Kismaayo, hase ahaatee wararkaasi ay been yihiin. Cali Dhaanto oo u waramaayay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in laga faafiyay warar been ah, isla markaana magaalada Kismaayo uu ku sugnaa muddo todobaad ah. ‘’Wey isoo gaaren warar sheegaya in leygu sumeeyay xaflad ka dhaceysay Kismaayo waxaas ma jiraan anigu waan caafimaad qabaa dantii aan u aaday Kismaayo waan soo gaaray’’ ‘’Waxaa jira dad aad uga faa’iideysta dhibaatooyinka dadka anigu dhibaato lama kulmin waxaana taageerayaasheyda u sheegayaa inaan caafimaad qabo’’ Fannaan Cali Dhaanto, waxa uu hadalkiisa intaa raaciyay in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanagsan, waxa uuna ugu baaqay dadka baraha Bulshada isticmaala in aysan faafin wararka been abuurka ah. Haddalka Cali Dhaanto ayaa imaanaya xili inta badan dadka isticmaala baraha bulshada ay iska wareysanayaan wararka la faafiyey ee la xiriira in Fannaanka lagu sumeeyay Xaflad uu uga qeybgalaayay magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa ka jira wararka sheegaya in Fannaanka Cali Dhaanto lagu sumeeyey Kismaayo? appeared first on Caasimada Online.
  13. Mogadishu, 5 February 2018 – The top United Nations envoy in Somalia today praised the work of the Aamin Free Ambulance Service in responding to the urgent medical needs of Mogadishu’s residents, and called for more support for the 24/7 volunteer-run service. Source: Hiiraan Online
  14. For More than a quarter of a century the state of Somalia is experiencing a protracted conflict, this prolonged conflict which lasted for a generation now has negatively impacted all groups in Somalia's population but one group's impact stands above all with the exception of women and children, that group is Somali youth. The population of Somali youth is estimated at 70% of the general population of Somalia, two-thirds of them were born after the overthrow of Siad Barre government in 1991. This period marked the downward spiral, disintegration and collapse of the state of Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. Hargiesa—-27 of the 59 senior officials appointed to senior positions by President Musa Behi Abdi are carry overs from his predecessor Statistically this figure which is 46% of his entire appointments so far made through a number o decrees issued from the presidency indicate that a large number of policy formulators and implementers are exactly as they were before elections of November 2017. MINISTERS Of the current 32 appointments to the cabinet, Five full ministers and four deputies are Silanyo carry overs. Similarly the minister of sportsis also a carry over having served the past administration as the governor of maroodi-Jeeh Region. DIRECTOR GENERALS and PARASTATAL HEADS Of the fourteen below minister level appointments made by President Behi which include DGs, parastatal chiefs, presidential advisors and presidency spokesperson have nine of them as past officials in the Silanyo administration. REGiONAL GOVERNORS With a total of 13 regional administrations a recent shake saw President Behi make changes through injection of new faces, transfer of others and restitution of some in their post Silanyo administration stations Of the seven appointments made last Wednesday to governorship positions , three were Silanyo carry overs while five were retained in their offices as was post November 2017. So what can we deduce here inspire of the fact that Both President Behi and his predecessor are from the same Kulmiye party. First is the fact that maintaining almost half of past administration is not the norms in Somaliland though not illegally. With a citizenry that believes a new president must bring in new faces thence desired changes or a semblance of change the large number of Silanyo officials still in office raise eyebrows. Horn
  16. Hargiesa —Attributing the out of control inflation in Somaliland to electronic bs King services is not only a fallacy but poor strategic thinking This was stated by politician Ismail Mohamed Buba Hurre during a Briefing to Geeska Afrika in Hargeisa from where he was reacting to recently announced plans by the government towards arresting inflation. In the announcement the administration of President Musa Behi ordered the two electronic money providers, namely Telesom and Somtel to limit dollar transfer in their Zaad and edahab platforms to only over hundred “Any amount below a hundred dollars should be translated in the local currency” the order read Terming this move as erroneous the Opposition politician and senior member of the Wadani party urged government to dig deeper for the root cause of the huge devaluation to the local currency since it is obvious that electronic banking services are not the culprit “Rather than put in place policies that might injure local business adversely it is better to deal with the root problem which is the out of control minting of new currencies”said Buba According to the politician the outgoing administration of president Silanyo printed large sums of money which were dumped in the market as a gimmick to hide the clearing of foreign currencies in the central coffers by unscrupulous officials Urging caution Buba said the good will given President Behi should not be marred by hasty policies Stressing on the importance of protecting the Zaad and edahab platforms of banking Ismail Buba reminded on the international acclaim that Somaliland has accrued from popularity of the two services A Somaliland shilling is transacting a 10,000 to a dollar which is almost 40% increase to the rate of 2 years ago Horn
  17. BELEDWEYNE (HOL)----Unidentified gunmen have killed the former mayor of Buloburde - a town in the central Hiran region of Somalia, 220km north of the capital Mogadishu - in Beled Weyne on Monday evening. Source: Hiiraan Online
  18. BELEDWEYNE (HOL)----Unidentified gunmen have killed former mayor in the central Somali town of Bula Burte on Monday evining. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) - A commercial ship carrying millions of dollars worth of cargo has run aground near Bosaso port in Puntland. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyay xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo masuuliyiin kale. Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka ah iyo dadweyne kale ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu uu yahay shirka dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee lagaga hadlayo amaanka Soomaaliya. “Maanta Cadowga kaliyah ee aan leenahay ee dadkeena dilaya waa Shabaab sidaas oo ay tahay wali waxaan rajaynayaa in loo midoobo oo si dhab ah loola dagaalamo” ayuu yiri Madaxweynahu. Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Argagixisadu uu u baahan yahay wadajir in loo wajaho oo aan cid gaar ah lagu halayn si dhibaatada dadka looga dulqaado. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. In 1932, the U.S. Public Health Service (USPHS) conducted an experiment in Tuskegee, Alabama. Source: Hiiraan Online
  22. Garoowe (Caasimada Online)-Sida ay wararku sheegayaan waxaa xeebta Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari ee maamulka Puntland kusoo caariyey Dooni u rarneyd Ganacsato Soomaali ah. Doonidan ayaa la sheegayaa inay soo food saartay cilad dhanka matoorka ah, waxaana la xaqiijiyay inay ka imaaday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Saraakiisha maamulka ayaa sheegay in Doonida ay siday raashin iyo gawaari nooca raaxada ah, hase ahaatee ay sababsatay cilad. Doonta ayaa ku dhex xumaatay badda dhaxdeeda, iyadoo xaaladeeda liidato ayeeyna soo gaartay Dakadda Magaalada Boosaaso, balse maamulka Dakadda Boosaaso ayaa diiday in Doontaan ay ku xirato dakadda, waxayna ugu dambeyn sababtay Doonta inay ku caariso aaga Nekfish, halka loo yaqaan. Sidoo kale, kala bar agabkii saarnaa Doonida ayaa qaarkood dul sabeynaaya Badda, waxaana suuragal ah in inta harsan ay sii degto, waa haddii aan la helin gurmad. Dhinaca kale, Maamulka Dekadda ayaa gurmad xooli ah u diray Doonida, waxaan iminka socda badbaadinta agabka badqaba. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Dooni siday rar culus oo kusoo caarisay xeebta magaalada Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
  23. ADDIS ABABA: Clashes between two of Ethiopia’s largest ethnic groups have forced around one million people to leave their homes, according to a UN report seen by AFP. Source: Hiiraan Online
  24. Somalia President Mohamed Abdullahi “Farmajo” will mark his one year in office on February 8, celebrating a few successes that eluded his predecessor. Unlike his predecessor, President Farmajo has remained popular across clans, with observers saying having a prime minister for over 10 months is good for the continuity of government. Sakariye Cismaan, a writer and political analyst based in Cadaado, Galmudug in Somalia, told The EastAfrican that the ongoing negotiations with the International Monetary Fund to secure debt relief for the country’s $5.3 billion external debt would be a major achievement for the president. “His popularity, although briefly dented by the rendition of a Somali national to Ethiopia where he was wanted for terrorism charges, has not diminished. On the contrary it has increased as seen in his 16-day ‘peace trip’ to towns in Puntland and Galmudug states,” said Mr Cismaan. President Farmajo has made progress in breaking the Galmudug deadlock after Ahlu Sunna Wal Jama, based in Dhusomareb, made concessions to work with Mogadishu. He has also made efforts to reduce corruption, which was one of his main campaign slogans. He eliminated ghost workers and reduced wastage in the finance ministry. However, Liban Ahmad, a political commentator, said corruption will remain a major challenge until the country starts employing on merit rather than for regional balance. The unemployment rate for those aged 14 to 29 is at 67 per cent. Another major challenge for the president is getting donors and development partners to honour their pledges. During the Somalia International Conference in London in May last year, world leaders pledged $1.3 billion to support the new government and its security and economic reforms. He has to convince the international community to pump in more funds and investments that would enable Somalia to tackle challenges of insecurity, economic growth, corruption, constitutional reforms and strengthening regional federal states. According to Mr Cismaan, apart from Turkey, which has implemented projects like building roads, hospitals, a new terminal at Aden Abdulle Airport and improving the Mogadishu Seaport, other development partners who made pledges at the London conference have been slow to deliver. The European Union — the biggest donor for Somalia — pledged to invest $1.03 billion this year, which will bring total support to $4.5 billion until 2020. This includes support for the African Union Mission for Somalia, salaries for police, development aid, and $596 million for humanitarian assistance to tackle the devastating effects of the drought. The United Kingdom pledged $27 million to be spent over the next two years to be spent training and mentoring the country’s army and improving security. President Farmajo’s grand “National Security Architecture” suffered a major blow last October when a truck bomb exploded near market in Mogadishu, killing over 500 people. It was considered the biggest terrorist attack in the country’s history. The National Security Architecture involves creating an 18,000-strong army and a 32,000-member police force to be trained and distributed across all federal member states. Another challenge for the president is achieving universal suffrage in 2021. The formation of federal states has gone on smoothly and the National Independent Electoral Commission is travelling across the country educating the public about the elections and preparing the local electoral commissions. Source: – The East African The post President Farmajo Remains Popular appeared first on Caasimada Online.