Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Lamu (Caasimadda Online) – Maleeshiyaad Hubeeysan ayaa la wareegay Xarun Booliiska Kenya ay ku lahaayiin Degaan lagu Magacaabo Ishakani oo ka tirsan gobolka Lamu waxayna ka Taageen Calankooda ka hor intii aysan ka Bixin. Ciidamadii joogay Saldhiga ay Maleshiyaad ka Hubeeysan Qabasadeen ayaa ka tagay isbuuc ka hor iyagoo ka cabsi qaba in lasoo weeraro, sida uu Qoray the Standard. Waxaa jira Cabsi laga qabo in Al-shabaab oo Weeraro ku qaaday Ciidamadda Kenya Bishii January ee Sanadihii 2016 iyo 2017 ay isu Diyaarinayaan Weerar weeyn oo ay Damacssanyihiin in ay Xeelad cusub kusoo Bandhigaan. Dad ka Deegaanka ayaaa Warbaahinta u sheegay in Maleeshiyaad ku ay ay Tuuladda joogeen Muddo Saacado ah waxayna ka Tageen 8 dii Subaxnimo ee saaka. Markii Kooxdii hubeeysneeyd ay isaga Baxeen Degaaanka waxay rakibeen Waxyaabaha Qarxa oo ay dhigeen Wadooyinka ka baxa IShakaani, mid ka mid ah Qaraxyadaasi waxaa uu qabsaday gaari ay wateen ciidamo ka Tirsan Military-ga Kenya oo ku Dabajoogay Maleeshiyadkii Degaanka lawareegay . Warbaahinta Kenya oo ka Warantay qaabki ay Kooxda Hubeeysan ay Degaanka u qabsadeen ayaa Qoray in Tobanaan Maleeshiyaadka ka mid ah ay Tuuladda isku hareereeyeen kuwo kalena ay Abaareen Xaruntiii Booliiska kadib ay Halkaas ka Taageen Calanka Madoow ee lagu yqaano Al-shabaab iyo Kooxaha kale ee Jihaad doonka ah . Wargeeyska the standard ayaa sidoo kale Daabacay in Kooxda Hubeeysan oo tiro ahaan u dhexeeysay 30 ilaa 40 ay xadka Soomaaliya ka talaabeen una gudbeen tuuladda ishakani ee Gobolka Lamu Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa Baahisay in Kooxda Tiradoodu ay ahayd ku dhawaad 100 islamarkaana ay u Qodbeeyeen Dadkii Tuuladdda oo argagaxsan. Sidoo kale Masaajid ku yaala tuuladda ayey kooxdu ka Qodbeeyeen, sida ay Warisay Xinhua. Masuulinyiinta Gobolka ee Kenya ayaa sheegay in la aaminsayahay in kooxda Weerarka Fulsay ay ka Tirsanhyihiin Al-shabaab hase ahaatee Al-shabaab Wali war kama soosaarin Weerarkaasi lagu qaaday Tuulada Ishakani ee Gobolka Lamu. Dhacdadaasi waxaa ay kusoo aadeeysaa Xalay oo kale 2016 kii Markii Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Saldhigii Ciidamadda Kenya ay ku lahaayeen Deganka Ceel-cadde ee Gobolka Gado, Halkaas oo ay ku Dileen Ciidamo aan si Rasmi ah loo heeyn Tiradooda. Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa sidoo kale Duqaymo ka Geeystay Ceel-cadde iyo tuulooyinka ku Hareereeysan oo ay Al-shabaab ka taliyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo la wareegay Saldhig Booliiska Kenya ay ku leeyihiin Lamu. appeared first on Caasimada Online.
  2. Two weeks after being forcibly evicted from their shelters, thousands of vulnerable families are still living rough in the outskirts of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  3. Wasaaradda maaliyadda ayaa maanta daah furtay habka dhaqan-gelinta Miisaaniyadda 2018ka iyo sidii ay sare ugu qaadi lahaa dhaqan-gelinta howlaha Dowladda horyaala, iyadoo habka loo soo bandhigaay dhaqan-gelinta Miisaaniyada ay tahay mid ka duwan sanadihi hore. Sida ay qortay SONNA, Munaasabadda ayaa waxa goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle, wasiir ku-xigeenka, xisaabiyaha iyo hanti dhowraha guud ee qaranka, agaasimaha guud ee wasaarada iyo agaasimiyeyaasha waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda. Wasiirka Wasaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa daah furay dhaqan gelinta Miisaaniyada 2018ka ee Dowladda Soomaaliya isagoona tilmaamay iney muhiim tahay in Miisaaniyada Dowladda noqoto mid laga wada faa’ideysto laguna gaaro horumarka dalka iyo sare loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha. Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Faadumo Cismaan Faarax oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Wasaaradaha ay soo xareeyaan macluumaadka Mushaaraadka shaqaalaha Dowladda. Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud Cali Afgooye ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo dowladnimada. Guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha rayidka Xasan Abshirow ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta shaqaalaha Dowladda loona gudbiyo Wasaaradda Maaliyadda. Goobjoog News Source
  4. Degmada Waabari oo ka tirsan 17 degmo ee gobolka Banaadir dhul ahaan waxaa la aas-aasay sanadii 1957-dii, waxaana bixiyey duqii magaalada ee xilligaasi lana dhihi jiray Asalooti dhalasho ahaanna ka soo jeeday dalka Talyaaniga. Waxaa ku yaallo in ka badan 25 masjid iyo suuq weyn oo degmadu caan ku tahay sidoo kale waxay leedahay hal saldhig iyo labo MCH. Sanadkii 1972-dii ayaa asalka degmada magaca iyo calankeedaba waxaa yegleelay Maxamed Cabdi Yuusuf oo aabihii ka mid ahaa halgamayaasha Soomaaliyeed oo ku dhintay dagaalkii dhagax tuur. Waabari waxaa ay caan ku tahay goobo Taariikhi ah oo muddo soo jiray taariikh ahaanna qofkii arko ay maskxdiisu ku soo dhaceyso berisamaadkii iyo xiligii lagu jiray halgankii lagu baadi goobayey xoriyada. Cismaan Maxamuud Maxamed Odayaasha Demada waxaa uu yiri : “Meeshaan halganka Soomaaliya ayaa ka bilowday taaladaani waa taalada uu ka bilowday halgankii Soomaaliya dhagax tuur waxaa uu ku baxay waxay aheyd meel gumeystaha ay u badnaayeen ayna soo mari jireen “. Dadka ku dhaqan degmada Waabari nolol ahaan waxay ku tiirsanyihiin ganacsiga iyo xoogsiga maalin laha ah waana dad ay ka dhaxeyso derisnimo iyo walaalnimo soo jireen ah taas oo ay ku saleeyeen hal heyskooda ah. Rowdo Cabdullahi Colaad Guddoomiyaha degmada Waabari: “Waabariyow wanaagsanow walaalaheen waa ay is wataan waxaa ay ku dheehantahay hadaad fiirisid ereygaas waxaa kuu soo baxayo walaalaha is wato waabari waa meel aad u kala duwan nolol ahaan kala duwan dadka meelaha ay ka kala yimaadeen ayaa kala duwan”. Waabari waxay deris la tahay soohdimana ay wadaagaan degmooyinka ugu badan ee gobolka Banaadir taas oo muujineyso baaxadda ay leedahay iyo meesha ay ku taallo ah meel dhextaal u ah degmooyinka gobolka Banaadir. Rowdo Cabdulahi Colaad Mar kale “Degmadaani waa degmada gobolka Banaadir ugu xaduuda dheer waxaana xaduud la leh lix degmo oo kala ah Xamar-jajab, Xamar-weyne,h Hodan, Hoolwadaag iyo Wardhiigley”. Degmada waxaa ku yaallo guryo badan oo ay deganaan jireen dad soo maray heer madaxweyne,ra’iisulwasaarayaa,wasiiro siyaasiyiin iyo dad kaloo bulshada Soomaaliyeed saameyn ku dhex leh. Maxamed Cubiye Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada “Halkaani waa gurigii madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo kuna dhashay kuna sooo barbaaray ilaa waxbarashadiisii ayuu deganaa gurigaani waxaa uu ka mid yahay goobaha taariikhda leh eek u yaallo degmada”. Marka la eegi sooyaalka waxbarashada ee degmadaani waxaa ku yaallo 17 Iskuul oo taariikhi ah oo iskugu jira hoose,dhexe iyo sare iyo iskuullada gacanta farsamada. Goobjoog News Source
  5. Cadaado (Caasimadda Online) _ Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu guulo muhiim ah gaaray intii uu madaxweynaha ka yahay Maamulka Galmudug. Gaas,waxaa uu sheegay in Xaaf uu ku guuleystay xaqiijinta heshiiskii Galmudug iyo Puntland,sidoo kalena heshiis la gaaray Ururka Ahlu Sunna taas oo uu sheegay in ay muhiim u tahay Maamulka Galmudug. Gaas,waxaa uu rajo ka muujiyay in inta uu Xaaf,madaxweynaha ka yahay Galmudug la dhameystiro heshiisyada Puntland iyo Galmudug,islamarkaana uu guul kaga tago. Waxaa kale oo uu sheegay in Xaaf uu yahay Nin oday ah oo degaanka xasilllooni u horseeday marka loo eego ilaalinta heshiisyada Puntland,Galmudug iyo Ahlu Sunna. C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa carrabka ku adkeeyay in amniga Gobolka Mudug uu muhiim u yahay bulshada labada dhinac islamarkaana ay iyaga wax u tareyso nabad ka dhalata Gobolkaasi Mudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gaas: “Xaaf inta uu madaxweynaha yahay guulo ayuu gaaray” appeared first on Caasimada Online.
  6. Hal qof oo muruq-maal ah ayaa Ku geeriyoodey halka labo kalena Ay Ku dhaawac meen gudaha degmada Garbahaarey ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland. Arrintan ayaa timid kadib markii rag hubeysan oo ciidamada Jubbalad ah ay diideen dhismaha guri lagu sheegay in uu leeyahay Maxamed Kadiye oo u shaqeeya WFP, iyaga oo ku doodaya in dhismaha uu qeyb ka yahay Isbitaal dowladeed. Xiisad ayaa weli taagan, waxaana lagu waramayaa in odoyaasha iyo bulshada deegaanka isku soo baxeen. ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland dhismo guri ee Ay ka shaqeynayeen ninka dhintey iyo kiwa dhaswaca ah,xiisad ayaa xilligan ka taagan degmadaasi oo LA xariirta dhacdadasi. Goobjoog News Source
  7. MOGADISHU– Somalia’s minister for Posts, Telecommunication & Technology, Eng. Abdi Anshur, has issued a stern warning to private telecommunication firms that they will not use other country code rather than 252. This comes after Somaliland’s minister for posts said that plans underway to introduce new country code. Hon. Eng. Abdi Anshur has said that any firm which tries to introduce a new country code then it would face its negative consequences. The minister added that it would not be possible but if that happens then Somalia will take actions. Somaliland’s minister for posts, Hon. Abdiwali Abdilahi Suufi made the remarks during confirmation hearing at the parliament that short term plans of the ministry is to work the introducing of country code for Somaliland.
  8. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho taabit Cabdi Maxamed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Xildhibaanno Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka ah iyo mas’uuliyiin kale ayaa guddoomiyaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Dhuusamareeb. Shacab aad u badan oo wata sawirada Taabit iyo sidoo kale boorar ay ku qoran tahay hadallo soo dhoweyn ah oo ku socda guddoomiye Taabit. Degmada Dhuusamareeb waxaa maalmahan dambe si aad ah looga dareemayaa mashquul badan, waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka socota xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. Waxaa sidoo kale la filayaa in degmada Dhuusamareeb ay gaaraan madaxda maamul goboleedyada dalka oo la filayo iney goob joog ka ahaadaan dhammeystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu-sunna. Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo ayaa isna lagu wadaa inuu booqdo degmada Dhuusamareeb, wuxuuna safarkiisan qeyb ka yahay midka uu kusoo marayo deegaannada Galmudug. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  9. Three world leaders have called Western New York their home. The first two, the American presidents Millard Fillmore and Grover Cleveland, are well known to people living in the region. The third is less celebrated here. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadatashiyo la leh madaxda iyo qeybaha bulshada ee Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay go’antahay nabadeynta Galkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin socdaalka dib u heshiisiinta ee uu ku marayo Madaxweynahau Dowlad Gobolleedka Galmudug. “Madaxweynaha inta uu nala joogay waxaan uga warbixinnay xaaladda guud ee gobollada, annagoona u gudbinay baahiyaha jira. Runtii muhiimad weyn ayuu noo leeyahay socdaalkaagu Mudane Madaxweyne.” Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in socdaalka uu ku marayo gobollada Galmudug uu yahay mid uu ku xoojinayo nabadda iyo is dhex-galka Bulshada. “Maadama aan cidna kali noolaan Karin waa in dhammaanteen aan danta dalka u mideysannahay. Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasillinta deegannada Galmudug iyo sidii aan u mideyn laheyn shacabka ku dhaqan.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiska dhawaan lagu mideeyey dhinacyada Galmudug uu ka tarjumayo hiigsiga Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan Galmudug oo xasilloon, dadkeeduna nabad iyo horumar gaareen. Munaasabadda soo dhaweyn ah waxaa ka soo qeyb galey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed, Wasiirro iyo xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ay wehelinayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa marti qaad ugu sameeyey goob beer ah oo 45 Km ka jirta waqooyiga magaalada Gaalkacayo Islaan Bshiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa marti qaadkan mid lamid ah u sameeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdulqaadir. DHAMMAAD Source
  11. A Somali refugee who lived through a deadly civil war and famine which killed hundreds of thousand of people has called for a renewed public focus on rebuilding the war-torn country. Source: Hiiraan Online
  12. Shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa isku diyaariyey soo dhoweynta madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ku wajahan magaaladaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu tago degmada Cadaado, waxaana aad loo adkeeyay amniga guud ee magaaladaasi. Sawirada madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xardhay waddooyinka waaweyn ee Cadaado. Waxaa la arkayaa shacab badan oo wata boorar ay ku qoran yihiin erayo soo dhoweyn ah oo waddooyinka magaalada Cadaado taagan. Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay waxaa u bilaabatay booqashooyin uu ku marayo deegaannada Galmudug, maadaama uu soo dhammeeyay booqashadii uu ku marayey deegaannada Puntland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  13. Gaalkacayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadatashiyo la leh madaxda iyo qeybaha bulshada ee Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay ka go’antahay nabadeynta Galkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin socdaalka dib u heshiisiinta ee uu ku marayo Madaxweynahau Dowlad Gobolleedka Galmudug. “Madaxweynaha inta uu nala joogay waxaan uga warbixinnay xaaladda guud ee gobollada, annagoona u gudbinay baahiyaha jira. Runtii muhiimad weyn ayuu noo leeyahay socdaalkaagu Mudane Madaxweyne.” Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in socdaalka uu ku marayo gobollada Galmudug uu yahay mid uu ku xoojinayo nabadda iyo is dhex-galka Bulshada. “Maadama aan cidna kali noolaan Karin waa in dhammaanteen aan danta dalka u mideysannahay. Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasillinta deegannada Galmudug iyo sidii aan u mideyn laheyn shacabka ku dhaqan.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiska dhawaan lagu mideeyey dhinacyada Galmudug uu ka tarjumayo hiigsiga Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan Galmudug oo xasilloon, dadkeeduna nabad iyo horumar gaareen. Munaasabadda soo dhaweyn ah waxaa ka soo qeyb galey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed, Wasiirro iyo xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ay wehelinayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa marti qaad ugu sameeyey goob beer ah oo 45 Km ka jirta waqooyiga magaalada Gaalkacayo Islaan Bshiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa marti qaadkan mid lamid ah u sameeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdulqaadir. The post Sawiro: Farmaajo “Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasilinta deegannada Galmudug” appeared first on Caasimada Online.
  14. Gaalkacyo (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadatashiyo la leh madaxda iyo qeybaha bulshada ee Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay go’antahay nabadeynta Galkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin socdaalka dib u heshiisiinta ee uu ku marayo Madaxweynahau Dowlad Gobolleedka Galmudug. “Madaxweynaha inta uu nala joogay waxaan uga warbixinnay xaaladda guud ee gobollada, annagoona u gudbinay baahiyaha jira. Runtii muhiimad weyn ayuu noo leeyahay socdaalkaagu Mudane Madaxweyne,” ayuu yiri Xaaf. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyay shacabka iyo maamulka Galmudug soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in socdaalka uu ku marayo gobollada Galmudug uu yahay mid uu ku xoojinayo nabadda iyo is dhex-galka Bulshada. “Maadama aan cidna kali noolaan Karin waa in dhammaanteen aan danta dalka u mideysannahay. Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasillinta deegannada Galmudug iyo sidii aan u mideyn laheyn shacabka ku dhaqan,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa tilmaamay in heshiiska dhawaan lagu mideeyey dhinacyada Galmudug uu ka tarjumayo hiigsiga Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan Galmudug oo xasilloon, dadkeeduna nabad iyo horumar gaareen. Munaasabadda soo dhaweyn ah waxaa ka soo qeyb galey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed, Wasiirro iyo xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ay wehelinayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa marti qaad ugu sameeyey goob beer ah oo 45 Km ka jirta waqooyiga magaalada Gaalkacayo Islaan Bshiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa marti qaadkan mid lamid ah u sameeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa Ugaas Maxamuud Ugaas C/qaadir. PUNTLAND POST The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Dowladda Somalia waxay dadaal dheer-gelisay xasillinta Galmudug appeared first on Puntland Post.
  15. President Isaias Afwerki denied the presence of any Egyptian troops in Eritrea on Sunday, amid heightened regional tensions that have led Sudan to deploy additional troops on its side of the border. Source: Hiiraan Online
  16. A leading Somaliland politician says his son, who joined the Islamic State militant group five years ago, was killed in Syria. Faysal Ali Warabe, leader of the UCID party who ran for president of the self-declared republic during the November 13 election, says his son — Hussein Faysal Ali Warabe — was killed in an airstrike. Hussein, also known as Abu Shuaib As-Somali, joined the militant group in 2013, along with his wife. “We learned the news of his death yesterday [Saturday],” Warabe told VOA Somali. “His wife sent a recorded message via WhatsApp saying he was killed on Dec. 29.” Warabe did not say where son was killed but says his family assumed he had left Raqqa safely. IS was pushed out of its former capital of Raqqa last year. “There was no fighting in the area he was staying, so it will have been an airstrike that killed him,” he said. VOA
  17. Allaha u naxariistee waxaa Magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyootay Fanaanadii caanka ahayd Khadiija Cabdullaahi Dalays oo ka mid aheyd fanaaniinta Soomaaliyeed iyo hoboladii Waaberi. Fanaanada geeriyootay ayaa qaar ka mid ah eheladeeda waxa ay sheegeen muddooyinkii dambe inay xanuunsaneysay, ugu dambeyna xanuunkii u geeriyootay. Burburkii dalka ayaa Khadiija u dhooftey dalkaasi Canada halkaas oo ay ku nooleyd kana qayb qaadan jitey guubaabada shacabka Somaliyeed oo lagu yaqaanay. Khadiija ayaa fankeedu aad u kala duwanaa waxaase dhinaca heesaha ay ku caan ahayd heesaha wadaniga ah iyo wax soo saarka. Waxay ka dhinaca kale ka qayb qaadatey ruwaayado badan. Allaha u naxariistee Khadiija Cabdullaahi Daleys, ayaa waxa ay aheyd qof da’ ah oo ku nool dalka Canada oo sanadihii dambe ku nooleyd. Heesaha ay qaadeen ee sida wayn loogu xusuusto Fanaanada, waxaa ka mid ah. Muruqiina maalo dhulka miro ku beera Macdanta, dahabka Muujiya wanaagaay Puntlandi.com
  18. Security agencies are on high alert as the country marks the second anniversary of the El Adde attack, which was one of the deadliest and largest defeats the Kenya Defence Forces (KDF) has ever suffered in the battle front. Source: Hiiraan Online
  19. TORONTO– Ms. Khadija Abdilahi Daleys, was born in 1936 in Baidabo and was the first to sing live at Radio Mogadishu in 1952. becoming the first female recording vocalist in Somalia particularly the South. She died in a hospital in Toronto according to reports. Ms. Khadija was among Wabari band.
  20. The UAE strongly condemned the move, and said it will take every step possible to ensure safety of its planes and passengers. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) - Veteran Somali female musician, Khadija Abdullahi Dalees passed away on Monday in Toronto, Canada, Somali government confirmed. Source: Hiiraan Online
  22. Fasciolosis is a well known worldwide and an important helminthic disease of silvatic ruminants caused by liver fluke species of the genus Fasciola, which is one of the most neglected diseases that can lead to human infection. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimadda Online): Samiiro Cumar Maxamed waa gabar 3 jir ah oo indhaha ka xanuunsan, qoyskeeddu waa sabool waxaana ay ka mid yihiin qoysaska Barakacayaasha ah ee Muqdisho. Iyadoo 7 bilood jirta ayuu asiibay xanuunkan aafayeeyay arageedda, waxaa adag iney farxad ku jiifato habeenkii ama ay ku joogto maalinkii ,waalidkeed waxaa ku adag iney maareeyaan nolasha kale ee qoyska tiiyoo ay Samiira caafimaad daro la jiifto. Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo baraarugay xaaladda gabadhaan markii ay dhaqaatiirta isbitaalka Digfeer sheegeen inaan dalka waxba looga qaban karin ayna u baahan tahay caafimaad dibadda ah gaar ahan isbitaaladda waa weyn ee wadanka Turkiga. Gudoomiye Taabit aya durba u howl galay sidii maamulka gobalka Banaadir uu wax uga qaban lahaa caafimaadka gabadhaan iyadoo durba loo raadiyo Visa, tikidh iyo qarashkii daaweynta. Isagoo wariyaasha kula hadlaayay gudaha isbitalka Digfeer wuxuu yiri gudoomiye Taabit “ Dhaqaatiirtu waxey noo sheegeen in xaaladda caafimaad ee Samiira wax laga qaban karo hadii la geeyo Isbitaaladda waa weyn ee Turkiga, Maamulka gobalka Banaadir wuxuu la wareegay guud ahaan inuu la tacaalo xaaaladda gabadhan oo qoys Barakac ah ka dhalatay, waxaan Alle ka rajeynaya iney hesho caafimaad buuxa waana ku dadaali doonaa maamul ahaan inaan la socono xaaladeedda”. Iisha Xasan Aadan oo ah hooyaddda dhashay gabadhaan ayaa sheegtay iney aad ugga walaacsan tahay xaalada Samiiro , waxey u mahad celisay duqa magaaladda Muqdisho oo la wareegay masuuliyadda caafimaad ee gabadhaan. Samiiro Cumar Maxamed waxaa barri loo qaadi doonaa Turkigga , maamulka gobalka Banaadir ayaa u muuqda mid dusha u dhigtay inuu dhibaatadda la qeybsado dadka caasimadda ku nool gaar ahaan dadka caafimadkooda wax looga qaban waayay dalka gudihiisa. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com The post Duqa Muqdisho oo ka faalo qaaday caafimaadka gabar indhaha ka jiran oo dalka wax looga qaban waayay + Sawiro appeared first on Caasimada Online.
  24. BERBERA–Berbera district court today sentenced journalists Abdirahman Mohamed Egge and Ahmed Said Mohamed, to seven months of prison. The mayor of Berbera, Hon. Abdishakur Idin sued the two reporters working for Saab TV and Eryal TV respectively. There are five reporters currently serving prison terms in Hargeisa, Borama and Berbera. Media and human rights organizations have condemned the sentence and called on the government to free the journalists without condition. It is now apparent that Somaliland authority is muzzling media and reporters who are critical to government should be immediately arrested.
  25. Maamulka degmada Bursaalax iyo wafdi kasocda Wasaaradda Arimaha gudaha dawladda Puntland iyo khabiiro weheliyey wafdiga ayaa waxay shirwayne u qabteen in kabadan 500 oo ah bulshada ku nool degmada Bursaalax. Dadkaan ayaa la iskugu yeeray wacyigelin dhanka horumarinta canshuuraha degmada Bursaalax ka bilaamay. Nidaamka canshuuraha ayaa meel fiican ka maraya degmada, waxaana barbar socda wadatashi ku aadan baahiyaha asaasigaa ee bulshada Bursaalax u baahantahay in loo hirgeliyo sida ugu dhaqsaha badan. Puntlandi.com