Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,019
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The African Union Mission to Somalia (AMISOM) troops have launched a massive operation to flush out Al-Shabaab militants in Lower Shabelle region and secure main supply routes in the area. According to Lt Col, Israel Kaheru Bagenda, the Commanding Officer of 11 Infantry Battalion of Uganda People’s Defence Force (UPDF), the operation will be conducted in phases by both AMISOM and Somali National Army (SNA) troops. Lt Col Bagenda said the exercise was launched following information received that Al-Shabaab militants were destabilizing areas along Afgooye- Balidoogle road, Afgooye town mainly around Elasha Biyaha- Mogadishu Road and surrounding areas of Jambalulu, Baghdad and Basra. “The purpose of today’s operation is to ensure that we wipe out the Al-Shabaab elements in these general areas, and of course as you are aware that AMISOM is here to support the Somali National security forces who are already moving ahead of us in this operation,” he said. AMISOM and SNA troops have been conducting joint operations in various parts of the country to drive out Al-Shabaab and liberate regions under the control of the militants. Lt Col Bagenda, who is also the Field Operations Commander, said the operation will be ongoing to ensure the main supply routes connecting the region and Mogadishu are secured to allow free movement of goods and services. The exercise, he added, will also improve security in the adjacent areas to enable residents live in peace. Commenting on the preparedness of the SNA to fight Al-Shabaab, Lt Col Bagenda said the soldiers were committed to securing Somalia and had played a major role in the stabilization process. “The Somali National Security Forces, I would say they are on course. Their morale so far is so high that is why they were able to accept to move ahead of us and whatever we do is to support them,” he added. The Field Operations Commander’s sentiments were echoed by the Spokesman of the UPDF contingent, Major Robert Kamara, who said the operations will continue until Al-Shabaab is defeated. “We must send a clear message to Al-Shabaab wherever they are, that we cannot allow them to sneak back into Afgooye, sneak into Bal’ad, Elasha Biyaha, Lafoole, and begin to cause havoc. So, our operations today were intended to send a clear message to Al-Shabaab that wherever they are, we will be there,” Major Kamara added. AMISOM has managed to drive out Al-Shabaab from vast swathes of the country, including key towns in Somalia. This was executed through three major military operations namely; Operation Eagle, Operation Indian Ocean and Operation Jubba Corridor. The objective of the operations were three-fold, namely, freeing cities, disrupting the terrorists’ supply routes and preventing them from collecting illegal taxes from the population. Source: – Independent.ug
  2. Somalia is drafting regulations to govern investment in energy sector following decades of absence of functioning government institutions. Speaking at two-day Energy Forum In Mogadishu, Somali minister for Energy, Salim Aliyow Ibrow said the country needs to develop its energy sector through renewable energy resources. “We are working on now with the support of the international partners to start the regulatory framework for energy. We hope in the next three or four months, we will get it ready,” said Ibrow adding, “The country needs investment to harvest energy from the sun, water and wind. The investment will develop industries and hence employment,” said Ibrow. Ibrow applauded Private Sector for its commitment fill the gap left by the government institutions which collapsed in 1990s. “I congratulate the private companies that stood in taking care of the energy needs of the public in the country but you also need the government to assist you in the field,” the minister commended. The stakeholders, among Planning, Public, UN and investors said sustainable energy is vital for achieving progress and stability in the country. UN Envoy to Somalia and Head of UNSOM, Michiael Keating said Somalia has enormous energy resources which can be used to address health, education, social, environmental and security challenges facing the country. “At the moment it’s fairly unregulated and even though some businesses are making money, it is very small compared to what could be done if the sector was more regulated,” Mr. Keating noted. The forum which will be discussed challenges facing the energy sector that include low rates of investment and the high cost of energy in Somalia concludes on Wednesday.
  3. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminyo ayaa maanta 08 Nov 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ka gadaal muddo laba todobaad ah oo ay Muqdisho kaga qayb galeen shirkii wada tashi ee DFS iyo dawladdaha Xubnaha ka ah. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabullaahi Cumar Camey, Guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha dawladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in isaga iyo weftigisu Muqdisho kaga qayb galeen shirkii wada tashiga qaran ee muddada halkaasi kocdey, waxaana uu cadeeyey Madaxweynuhu in qodobadii is afgarad ee kasoo baxay shirkii Muqdisho ay ahaayeen qodobo u hiilinayey fadaraaliisamka, dawladdnimada, dastuurka Soomaaliya iyo wixii kale ee lagu heshiiyey. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in heshiiskaasi keenay isu soo dhowaansho iyo is afgarad dawladda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah dhexmaray, waxaana uu timaamay Madaxweynuhu in heshiiskaasi uu hormuud u ahaa shirkii Kismaayo ee lagu aas aasay golaha iskaashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS. Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa xusay in hebeenimadii xalay 07 Nov 2017 isaga iyo guddiga gurmadka Puntland ee masiibadii qaraxii Soobe ku wareejiyeen Madaxda DFS iyo guddigii gurmadka qaran ee DFS deeqdii shacabka Puntland ugu tala galeen walaalahooda ku wax-yeeloobey masiibadaasi, deeqdaasi ayaa dhammayd ku dhowaad Nus Malyuun $491, 107 Dollar. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay tacadi dhowaan loogu gasytey magaalada Boosaaso gabadh da’yar, taas oo Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland si deg dega ula tacaashey xaaladdeeda caafimad, iyadoona wakhti xaadirkan lagula tacaalayo cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha ayaa sheegay in shakhsigii ka danbeeyey falkaasi sharciga la horgeydoono sida ugu dhakhsiyaha badan, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu maamulka Jubbaland uga mahadnaqay qabashada denbiilihii gaystey falkaasi. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kahadlay mashruuca dhismaha dekedda magaalada Boosaaso ayaa sheegay in mashruucaasi horumar iyo wanaag u yahay shacabka Puntland iyo dawladdoodaba, waxaana uu fariin adag u diray Madaxweynuhu shakhsiyaadka carqaladaynaya habsami u socodka dhismaha dekedda magaalada Boosaaso, isagoona sheegay inay yihiin shakhsiyaad dana gaarale oo aan ka talinayn danta guud ee shacabka ka dhexaysa, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in dawladdu diyaar u tahay inay kala hadasho kalana fadhiisato ganacsatada iyo dadka wax ku ool ka ah ee arrinkaasi ka qaba fikir. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha dawladda Puntland oo Garoowe Dib Ugu Soo Laabtay. appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Midoowga Afrika ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in ay bilaabayaan in ciidammada nabad illaalinta AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa. Tirada askarta baxaysa sanadka waa kun askari, waana tiro aad u yar marka laga qiyaas qaato tirada guud ee AMISOM ee Soomaaliya ku sugan oo gaaraysa 22 kun oo askari. Balse waxa ay ahayd war lama filaan ah oo dhegaha Soomaalida ku cusub 10kii sano ee lasoo dhaafay ee AMISOM ay ku sugnayd gudaha Soomaaliya , xiligaas oo ciidamo lasoo kordhiyo mooyee, wax dhimis aysan jirin. Imaashiyihii AMISOM Ciidammada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM) waxa ay markii ugu horaysay dalka yimaadeen bishii Maarso, sanadkii 2007-dii, xiligaas oo uu Soomaaliya madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxayna suurtagaliyeen in markii ugu horaysay oo madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ayka howlgalaan caasimadda. Inkasta oo afar degmo oo kaliya xiligaas ay dowladda ka shaqaynaysay, 12-ka kalee degmo ee caasimadda iyo 10 gobol oo dalka ka mid ahba waxaa haystay xoogagga dowladda kasoo horjeeda. 10 sano kadib maanta nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya heer federaal iyo mid maamul goboleedba waxa uu ku baahay dalka oo dhan, waxaana gacanta lagu hayaa inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka. AMISOM ayaa gacan ka qeysatay in qeybo ka mid ah dalka la gaaro. Balse marka la eego mudada ay ku qaadatay iyo qarashka ku baxay, iyo hawsha tirada badan ee hadda dhiman, waxaa muuqata in arrinta aysan ahayn ‘guul iyo gunaanad’. “Rajadii laga lahaa AMISOM ma la gaaray” Cabdinuur Daahir oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, kuna sugan dalka Turkiga oo u waramay BBC-da ayaa sidan qaba: “Wixii laga sugaayay, iyo rajadii laga lahaa ma aysan keenin, boqolkiiba 40% ayay hawshii loo keenay qabteen, boqolkiiba 60% kuma aysan guulaysanin, sababtoo ah shaqada ay qabanayeen waxaan isleeyahay ma ahayn shaqo ay daacad ka ahayd, shaqo waxay ahayd meesha mushaar ay usoo doonteen”. Alshabaab waxa ay hadda si buuxda u haysataa gobolka Jubbada Dhexe, degmooyin ka tirsan Jubbada Hoose, deegaano ka mid ah gobolada Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo xitaa gobolada Dhexe, waxayna markasta weeraro qasaaro badan ka dhasho ka geysataa caasimadda iyo meelo kale oo dalka ka mid ah. Waxay sidoo kale geysteen weerarro qasaaro baaxad leh u geystay ciidammada AMISOM oo ay ku qaadeen saldhigyadooda Soomaaliya. AMISOM waxaa soo gaaray qasaare nafeed oo aad u badan mudadaas, waxaana ugu darnaa weeraro ka dhacay Dayniile oo Muqdisho ah iyo deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo halkaas oo tiro badan oo askar nabad illaalin ah lagu dilay mar kaliya. Iyada oo ay sidaas tahay, wali waxa ay dad badan ku doodayaan in ay wali taagantahay baahidii markii horeba ay dalka u yimaadeen. Xilliga lagu dhawaaqay bixitaankoodana wuxuu ku soo beegamayaa mar loo diyaargaroobayao duulaan ka dhan ah Alshabaab, “gacansiintoodana aad loogu baahan yahay”. Dareenka Dowladda Federaalka Hase yeeshee waxa ay u egtahay in dowladda federaalka aysan walwal badan ka qabin bixitaanka AMISOM ee biloowday sida uu sheegayo wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo BBC-da u waramay “Soomaaliya waxay isku duba riday hab nabadgelyo oo wanaagsan, waxaanan aaminsanahay in ciidammadeena ay heleen tababar ku filan, xiligan waa markii loo baahnaa in aan anaga dhabarka u ridano mas’uuliyadda amniga”, ayuu yiri Yariisow. Falanqeeye Cabdinuur Daahir ayaa dhankiisa isna qaba in bixitaanka AMISOM ay faa’iido tahay “10kii sano ee ay dalka joogeen ciidammada AMISOM, madaxda dalka waxa ay iska dhaadhiciyeen iyaga ayaa Alshabaab idinka difaaci doona, balse maadaamaa ay hadda baxayaan taas micnaheedu waxa ay tahay in ay Soomaalida isku tashato”. AMISOM lafteeda ayaa qirsan baahida hayso ciidammada Soomaaliyeed sida uu shalay shir jaraa’id ka sheegay Francisco Madeira oo ah ergayga Midoowga Afrika ee Soomaaliya. “Waxaan baahi degdeg ah loo qabaa in la hubeeyo, la qalabeeyo, islamarkaasna mushaaraadkooda la siiyo ciidammada Soomaaliyeed, waxaa kale loo baahanyahay adeeg caafimaad oo ku filan iyo waliba abuurista kaabayaashii militariga sida xerooyin ay wax kasta u dhamaystiranyihiin”, ayuu yiri Madeira Farmaajo muxuu hayay xilligii AMISOM ay shaacineysay bixitaankooda? AMISOM Markii ay ku dhawaaqaysay bixitaanka, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dareeska ciidammada xiran ayaa tagay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, halkaas oo uu kula hadlay askarta, una sheegay in ay isu diyaariyaan hawlgal militari oo ka dhan Alshabaab. “Waxaan aaminasanahay in aan ka guuleysanayno Shabaab, khibradeedii waad leedihiin, waddaniyadeedii waad leedihiin, dowlad wanaagsan oo diyaar idiin ahna waad heysataan, anaga ayaana koow ka ah, shacab baraarugsanna waad heysataan, wax noo haray ma jiraan, dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaalo,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. “Maskaxdii iyo aqoontii uu shacabka sugayay waa idinka, cid kale oo Soomaalida u maqan ma jirto oo aanan idinka ahayn”, ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha oo la hadlayay saraakiisha militariga oo isugu yimid goob ku taala wasaaradda Gaashaandhigga. Madaxweynaha ayaa hadaladan ku celceliyay marar badan tan iyo intii xilka loo doortay bishii Feberaayo ee sanadkan, wuxuuna marar badan muujiyay sida ay uga go’antahay in ammaanka dalka uu dowladda si buuxda gacanta ugu galo. Kalsoonidaas uu madaxweynaha muujinayo marka laga soo tago, caqabadaha ma ahan kuwa yar, wuxuuna hadda dalka ku jiraa xilli uusan lahayn wasiir gaashaandhig, iyo taliye nabad suggid, kuwaas oo xilka uga tagay xaalado mugdi ah. AMISOM waxa ay qeyb ka tahay hawlgalka hadda la qorshaynayo in lagu qaado Alshabaab, balse waxaa biloowday in ay si tartiib ah dalka uga baxaan dalka, waxaana laga wardhawri doonaa sida dowladda u hanato amniga dalka ka dib markii ciidamada nabad ilaalinta ay wada huleelaan illaa 2020-ka. Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay cidda uu ku tuhmayo iney ka dambeyso mooshinka la doonayo in isaga xilka looga qaado. Waxa uu tilmaamay in kaalinta ugu weyn ay leeyihiin shaqsiyaad waayay xildhibaannimada golaha shacabka, loogana adkaaday doorashooyinkii ka dhacay magaalada Baydhabo. Wuxuu tilmaamay in shaqsiyaadkaasi ay moodayaan in isaga uu ka dambeeyey guuldaradooda, balse wuxuu ku baaqay inaan laga shaqeyn duminta K/galbeed. “Kuwo aaminsan inaan kuraasta aniga ka qaaday ayaa gadaal ka riixaya mooshinka, aniga ma lihi eedda ah xildhibaan xil helay ama mid waayey, annaga waxaan sameynnay wixii tabarteenna ah, si wanaagsan ayaana uga shaqeynay, ma wanaagsan in laga shaqeeyo duminta K/galbeed” ayuu yiri Shariif Xasan. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka K/galbeed ayaa sheegay iney mooshin ka diyaariyeen Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasi oo ay ku doonayaan iney xilka kaga qaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Makka Al-Mukarama (Caasimadda Online) – Caalamka oo idil ayaa laga hadal haya isbedellada lama filaanka ah ee xukuumadda Aala Sacuud ay ku dhaqaaqday bilihii lasoo dhaafay. Saxafiyiin iyo siyaasiyiin reergalbeed ah oo falanqeeyay siyaasadda cusub ee uu lasoo shirtagay Max’med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha koowaad ee Sacuudiga ahna wasiirka difaaca ayaa sheegay in shacabka Sacuudigu wajahayaan caburin uga imaanaysa siyaasiyiin isbedel doon ah balse qaaday dhabbihii kaligii talisnimada. Wargeyska Washingtonpost oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer dalka Mareykanka ayaa daabacay silsilado maqaallo ah oo ku saabsan maamulka kaligii taliska dalka Sacuudiga. Maqaal ciwaan looga dhigay “Kim Jong-un Cusub oo Khaliijka Kasoo Muuqday ” ayaa isbarbar lagula sameeyay Bin Salmaan iyo hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi. Daniel Dresner oo ah siyaasi maqaal hore ah ayaa sheegaya in siyaasadda kaligii talisnimo ee qoyska Aala Sacuud lasoo baxay uu ka dhiganyahay in Kim Jong-un madaxweynaha jeega xiirka ah ee Waqooyiga Kuuriya uu helay wehel cusub oo ah Max’med Bin Salmaan marka loo eego siyaasadda gacanta birta ah ee u ula dhaqmayo muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta Fikirkiisa diidan. “Dhammaan dawaaqiidda caalamka ayaa maanta doonaya in ay noqdaan sida madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un”ayuu yiri Daniel Dresner isaga oo xusay in Max’med Bin Salman uu yahay sidaas. Dhaxal sugaha sacuudiga ayaa la sheegay in ay isku siyaasad yihiin sedax hoggaamiye oo katirsan caalamka kuwaas oo kala ah madaxweynaha shiinaha, madaxweynaha Kuuriyada waqooyi iyo madaxweynaha Ruushka. Siyaasadda Cusub ee sacuudiga ayaa ah in ladilo ama xabsiyada lagu guro dhammaan culimaa’udiinka iyo shakhsiyaadka ku baaqay in shareecada islaamka laysku maamulo ugu yaraana ka dhiidhiya faafinta fuxshiga. Aala Sacuud waxay bilaawday in ay xilalka ka qaaddo oo ay xirto wasiirro iyo saraakiil ciidan oo loo arko in ay kasoo horjeesan karaan siyaasadda calmaaniyaynta cusub ee Bin Salmaan uu ku raalli gelinayo Trump iyo reergalbeedka. “Kaligood taliyayaal badan oo duqaad ah waxay wadamadooda ka dhaqan gelinayaan qawaaniinta qoob ka ciyaarka ah ee Kim Jong-un, waxayna ka shaqeynayaan sidii loo xakamayn lahaa astaamaha iyaga kasoo horjeeda” ayuu markale yiri Daniel Dresner oo maqaalkiisa lagu daabacay Washingtonpost. Mufakiriin iyo siyaasiyiin reergalbeed ah ayaa wax layaab leh ku tilmaamay in Nidaamka Aala Sacuud ay kasiibtaan wax ay ugu yeereen Madarasadii Wahaabiyadda ayna burburiyaan!. 4,November 2017 waxaa sacuudiga ka dhax dhacay wax lagu tilmaamay dhul gariir siyaasadeed kadib markii la xiray tobanaan kamid ah amiirrada wadanka,ganacsato maal qabaneenno caan ah iyo 4 wasiir oo xilal ka hayay dowladda sidoo kale waxaa xilkii uu hayay laga xayuubiyay Mutcab Bin Cabdalla wasiirkii ilaalada qaranka ahaana siyaasi rug caddaa ah. Mid kamida lataliyayaashii dhanka amniga ee G.W Bush Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sheegay in Ficilka inanka Boqorka Sacuudiga uu yahay mid waalli ah oo wax ka bedeli doonta taariikhda Sacuudiga. Dad badan ayaa arrintan u arka tallaab uu Bin Salmaan ku xaarxaarnayo wadada si waqti aan dheereyn u iclaamiyo in uu yahay boqorka wadanka.
  7. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 08 Nov 2017 waxa uu kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade International Airport wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Michal Keating. Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe, waxaana looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Fadaraaliisamka Soomaaliya, heshiiskii dhexmaray 05 Nov 2017 Dawladda Federelka Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah, amniga qaranka Soomaaliya, isku dhafka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka xisbiyada badan ee dawladda Puntland. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiskii dhexmaray Madaxda qaranka Soomaaliyeed uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday, isla markaana Madaxweynaha ayaa tilmaamay in DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ahiba ay ku heshiiyeen sidii ay shacabka Soomaaliyeed ay umidayn lahaayeen uguna horseedi lahaayeen in la helo Soomaali oo mida oo ka midaysan xoraynta dalkooda hooyo iyo horumarka dalkaba. Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in qodobadii laga guul gaaray ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, fadaralisamka, dastuurka iyo gulluf colaadeed ee loodhan yahay kaas oo dalka lagaga xoraynaayo argagixisada Al-shabaab, Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku dhafka ciidamada qaranka Soomaliyeed loo-saaray gudi arrimahooda, gudigaas oo dhowaan soo dhamaystiri doona qorshaha isku dhafka ciidamadaasi, kuwaas oo Soomaaliya ka xorayn doona cadawga arxan darada ah ee kooxaha Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa sido kale cadeeyey in Puntland uu ka tisqaaday kana hirgashay nidaamka xisbiyada badan dhawaanna ay shacabka Puntland iyo dawladdooduba gaadhi doonaan doorasho hal qof iyo hal cod ah, kuwaas oo looga gudbi doona nidaamka awood qaybsiga ee hada jira. Ambassador Michal Keating ayaa dhankiisa Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyaba ku amaanay uguna hambalyeeyey hishiiska qaran ee ay ka yeesheen arrimahooda qaran ee u baahnaa wada tashida, isla markaana waxa uu xusay in Soomaaliya idilkeed cagta saaratay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku naaloodaan. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho Kulan Kula Qaatay Ergeyga Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  8. Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee Konoco ka dib markay jiireen gaari yar oo labo qof ay la socdeen kolonyo ka mid ah gadiidka UN –ka oo ishareer yaacaya wadada. Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa loo xaqiijiyay inay ku dhimatey shilkaan gabadh la socotey gaariga yar, halka dhaawac culus uu soo gaarey darawalkii gaarigaas oo lagu magacaabo Cabdiqani Faruur-dheer. Dhacdadaan oo ahayd mid argagax leh ayaa mid ka mid ah gadiidka kolonyadda UN-ku dusha ka mareen gaari yar oo ay la socdeen labadaas qof oo midkood geeriyooday, xilli gadiidka UN-ku si xawliya isu hareer yaacayeen jid cadaha loo maro garoonka macmalka ah ee Konoco. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Kolonyadda UN-ka oo maanta labo qof ku jiirey Garowe. appeared first on Puntland Post.
  9. Shir ku saabsan wada hadalada bulshadda qaybeheeda kala duwan sida laamaha aminga,gudoomiyaasha xaafadaha,barakacayaasha,wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ayaa maanta lagu qabtay maagaalada Garowe ee caasumada Dowlada Puntland. Hay,adda GRT oo ka shaqeysa tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo caruurta ayaa soo qabanqaabisay shirkan, waxaana daahfurtey Maamo Safiyo oo ka socotay Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland,waxayna sheegtay in falalka ugu badan ee ka dhaca deeeganada Puntland loo gaysto haweenka iyo caruurta,Iyadoona xustey inay goob joog u ahayd kiisas badan oo noocaan oo kale ah kuwaas oo badankooda wax laga qabtay. Dhinaca kale Muxubo Siciid Maxamed oo ah madaxa ilaalinta tacadiyadda ka dhanka ah caruurta iyo haweenka ee Hay,adda GRT ayaa sheegtay inay kasoo diyaariyeen barakacayaasha iyo dadka kale ee loo gaystay kufsiga iyo tacadiga kiisas badan. Ugu dambeyn Bashiir Yuusuf Maxamuud oo ah madaxa Hay,adda GRT ayaa sheegay inay ka go,an tahay sidey gacan weyn uga geysan lahaayeen u qareemida iyo dabargoynta kufsiyadda iyo tacadiyadda loo gaysto haweenka iyo caruurta,wuxuuna fariin u diray cid kasta oo ku lug leh ka shaqaynta arimahaan inay xoojiyaan sdiii meesha looga saari lahaa tacadiyadda noocaan oo kale ah. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan tacadiyadda ka dhanka ah caruurta iyo haweenka oo lagu qabtey Garowe appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wargeyska The East African ayaa qoraya in uu jiro xiriir Ganacsi oo ka dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Wargeyska oo soo xiganaya ilo ka mid ah Ciidamada AMISOM,Dowladda Soomaaliya iyo Dadweynaha rayidka ah ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ay meelaha qaar wada shaqeeyaan. Waxaa uu tusaale u soo qaatay Marka gaadiidka waaweyn ee wada Badeecadaha Ganacsiga ay lacago ka qaadayaan labada dhinacba. Waxaa uu sheegayaa in Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ay baro koontarool oo isu muuqda ku leeyihiin Gobollada qaar ee Soomaaliya islamarkaana marka Gaari Xamuul ah uu mid ka mid ah labada dhinac koontroolkiisa tago laga qaado lacag dhan $50 Doollar,iyada oo dhinaca 1aad marka uu lacagta qaato uu Rasaas hawada u ridayo,isaga oo u baaqaya dhinaca kale una sheegaya lacagta laga qaaday Gaariga ku soo wajahan. Marka uu Gaariga tago dhinicii kale ayaa isla lacagtii la weydiinayaa iyada oo marka lacagtaas $50 ah laga qaado uu dhinacaas Rasaas Hawada u ridayo si uu dhinicii kale ugu xaqiijiyo in uu lacagtii ka qaaday. Sanadkii Hore Ciidamo ka socda Dalka Uganda ayaa la qabtay iyaga oo Ganacsi ka sameynaya Hubka iyo Shidaalka AMISOM,kana iibinaya Ganacsato iyo xubno ka tirsan Al-shabaab. Degaanka Jannaale oo ay Saldhig ku lahaayeen Ciidamada AMISOM ayaa 2015kii waxaa weerar ku ekeeyay Xarakada Al-shabaab,waxaana ku dhintay Askar tiro badan,xilligaas Hubka Al-shabaab ay ku weerareen Xeradaas waxaa ay dowladda Uganda xaqiijisay inAskar ka mid ah Uganda ee degganaa Jannaale ay AL-shabaab Hub ka iibiyeen. Askartii loo xiray waxaa ka mid ahaa Nin sidii Ciidamada Uganda ay u garaaacayeen Xaniyaha beelay islamarkaan dib loogu celiyay Uganda isaga oo aan nolol iyo geeri midna heysan. Qareen uu qabsaday ayaa ku guul darreystay in uu kiiska Ninkaas qiil u helo,waxaan Maxkamadda ay ku xukuntay dil kaddib markii uu jebiyay xeerarka Ciidanka Dalka Uganda. Isha:The East African. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Mudane Madaxweyne Maxamed Cabduulaahi Maxamed Farmaajo waxaan ka mid ahay Shacabka Soomaaliyeed sida Xamaasada leh kuu soo dhaweeyey islamrkaana kuu muujiyay Taageerada Xoogan iyo Dhiirri galinta,Ilaahay hakaa dhigo midkii Daweyn-lahaa Dhaawaca iyo Uur ku taallada Shacabkaaga haysta muddada Dheer oo isugu darsameen Colaad, Abaar iyo Cudur Mudane Madaxweyne Hogaankaada hore ayaan u soo aragney waxaana nagu filan sidaa u kasbatey Shacabka Soomaaliyeed Lixda Bilood aad Wadankaa Raiisul Wasaare ka ahayd,hadaan dib u Milicsanno Taariikh Nololeedkaagi & Tar-tankaagi Madaxtinimo, Dhiig Soomaaliyeed ma aadan Daadinin adoo Kursi doon ah,Waxaana Xaqiiqo ah in Taariikdaada ay tahay mid aad u wanaagsan oo Nadiif Mudane Madaxweyne Xoolo Ummadi leedahay iyo Xaq Muslim intaad Aruursattay Madaxweyne kuma aadan noqonin,Dawlada Shisheeye iyo Ajnabi Dibad kaasoo Abaabulay ma jiro, waxaa kursiga ku heshey taageerrada Shacabka Soomaaliyeed oo qaba in aad ku hagaamisid Cadaalad iyo Horumar Maadaama ay hore u arkeen Daahfurnaataada Dowladnimo Mudane Madaxweyne Intaa aan soo sheegay iyo ino kale markii la isku daro waxaa Shacabka Soomaaliyeed iyo adigaba kuu caddaynayaa,Qaddarka iyo Xukunka Rabbigeen ayaad Madaxweyne ku noqotay,waxaad ku soo aaday Xilligii aad bad-baadin lahayd Umadaada, oo Haysata Amni Xumo, Garsoor la’aan, Dhaqaale Xumo Mudane Madaxweyne Sidaa darteed waxaan kaaga digaayaa in lagaa hor istaago ama lagaa marin habaabiyo Maslaxadda guud ee Dalkaaga iyo Dadkaaga,iyo wax u qabashada qaybaha kala duwan ee Shacabkaaga, waxaan kaaga digaayaa inaad Kooxo kuugu manna sheegta inay Madaxweyne kaa dhigeen isku keli yeesho Fikirkooda gaarka u ah maadaama ay horey ugu fashilmeen kuwii kaa horeeyey oo isku koobey shaqsiyaad dano gaar ah wata Mudane Madaxweyne inta aana u galin Dulucada Qormadayda waxaan rabaa inaan is weydiinno Su,aalo dhowr ah iyo Jawaabahooda, si aan farta ugu wada fiiqno dhinaca uu naga jiro Xalka iyo wadada ugu sahlan ee loo mari karo:gaar ahaan Garsoor Cadaalad ah oo dalkaan ka hana qaada kaa oo aan ogahay in aad u liito marayana in maalin waliba dad Soomaaliyeed Xaqooqda lagu duudsiiyo Mudane Madaxweyne Amni la isku Mushquuliyo waxaa ka hooreeya Garsoor Cadaalad waxaana la yiri “ Hadii Guri la dhisayo waa in Aas –aaska laga bilaabaa” marka Aas Aaska waa Garsoor Cadaalada ah taasoo marka la helo laga shaqeyn karo Amniga , Mudane Madaxweyne Amaan iyo kala dambayn inoo taaba gashaa inaysan jiri doonin Haddii la waayo Garsoor hufan iyo Cadaalad dulmiga lagu Xakameeyo, sidaa darteed Hawl-gal Ciidan oo joogta ah inaysan miro dhal noqon haduusan jirin Garsoor iyo Garsoorayaal la isku hallayn karo,islamarkaana Kasban kara Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed oo la Daa la dhacaya Duruuufo kala duwan. Mudane Madaxweyne Waxaan Qaylo dhaan kaaga sidaa xaaladda Garsoorka dalka oo aan ogahay in weli wax isbedel ah uusan ku imaan, waxaan Rajeyneyney in talaabada koowaad oo aan Qalbiga ku hayney ay tahay in aad isbedel ku sameyso Garsoorka dalka oo meeshii ugu hooseysey uu marayo. Soomaalida waxay tiraahdaa “Madax Meel ka sareysa oo la Salaaxo ma leh”Waxaa Xaqiiqo ah in aad Tahay Astaanka Dastuuri ah oo Kulmisa Dhamaan Awoodaha Fulinta Dalka ka jira Mudane Madaxweyne Daah kaama saarna in Garsoorka Dalka uu yahay meesha laga eego Qaranka sidaa Darteed shacabka Sooomaaliyeed waa Meesha keliya oo ay Doonayaan in sid deg deg ah wax ugu qabatid, Waayo ma jirto Cid ka sareysa Sharciga ,Dowlad aan garsoor Cadaalad ah lahayn waligeedna Horumar ma gaarto Mudane Madaxweyne Masuuliyiinta Sar-sare ee Gasoorka iyo Garsoorayaashaba waxaa lagu soo xulaa Shuruudo Adag oo waliba ugu horeysa Aqoonta midka Diiniga iyo kan maadiga ah waana mida la doonayo in Garsoorka uu ka Madaxbanaanaado Eex, Laaluuysh, Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin Taa badalkeedina la daboolo baahidiisa oo dhan, si uu u dhowro Cadaaladda iyo Xuquuqda shacabka iyo Qarankaba, Mudane Madaxweyne Dad Baa Guryahoodii Xoog lagu haystaa , kuwaa Inta la dilley kii diley iska laafyoonaya, kuwaa Hantidoodii inta la dhacay lagu sii Macaashayaa , Kuwaa Inta Gabdhahoodii la kufsadeyt aan weli helin Garsoor Cadaalad ah, kuwa inta loo hanjabey Dalka isaga Cararey,waxaana Hubaal ah in dadkaa Dhibanayaasha ah aysan maanta awoodin in ay furtaan gal Dacwadeed maadaama lagu Xujeeyey Dhaqaale badan dhamaan Xadgudubyadaas waxay Madaxweyne Tilmaamayaan sida uu weli u shaqeynin Garsoorkii dalka kaasoo aan dhihi karo waa meesha Keliya ee dadka Soomaaliyeed si weyn ugu dulman yihiin mana garan karo sababta ilaa iyo Hadda aysan Dowlada wax ugu qaban la’dahay Mudane Madaxweyne Gabagabadii Dowlado badan baa na soo marey mid waliba inta aan la dooranin avuu waxaa uu Shacabka u sheegaan in wax badan ka qaban doono Garsoorka, hase yeeshee maalinka la dooro ayaa ugu dambeysa wax ka qabashadii Garsoorka marka madaxweyne Bulshada Soomaaliyeed u sheeg Hadii aad raacdey Wadadii ay raaceen kuwii kaa hareeyey oo aan ogahay in ay ku Fashilmeen wax ka qabashada Garsoorka dalka mise ma dooneysid in mar kale aad Dalkaan Madaxweyne ka noqoto Mahadsanid Madaxweyne Sh Cumar Xasan Gurey E-Mail gure114@gmail.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayaa qaraxii gaariga oo ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana gaarigaasi watay ruux ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliya. Sida ay sheegayaan Saraakiisha Hay’addaha ammaanka qaraxa ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Imigration-ka oo ku taallo wadada Shaqaalaha. Aadan Cismaan Xuseen oo ah Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska degmada Hodan, ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi uu lahaa Dhaqtar lagu Magacaabo Xaashi Dhiblaawe. Taliye ku-xigeenka waxa uu sheegay in Dhaqtarka lugtiisa midig ay Go’day isla markaana haatan lagu daweynayo Isbitaalka Daaru-Shifa ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Dr Xirsi Dhiblaawe ayaa la sheegay in uu ahaa Dhaqtar dhanka Cudurada Wadnaha, isla markaana uu ka howlgalayay Xarun Cafimaad oo ku taalla agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo u dhaw Iskuulka Hoyga Xamar Xaruntiisa KM4. Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan waxa ay sheegeen inay ka dambeeyeen iyaga oo gaariga qaraxa ay ugu xireen Sarkaalkaasi ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Somaliya ahna Dhakhtar ku takhasusay wadnaha. Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka jirin falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo Magaalada ka dhacaayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Maalmahan waxaan warbaahinta Soomaalida ka qariyey warar la xiriira in wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Dr Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan loo jeediyey eedeymo la xiriira shaqada wasaaradda iyo dad shaqada laga ceyriyey. Waxaan ahay xog ogaal la socda xaaladda wasaaradda, waxaana ogahaya in warbixinada la faafiyey ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan kooxo ujeedooyin gaar ah leh, oo ka soo horjeeda is-bedelladii lagu diirsaday ee uu ka sameeyey waaxyaha wasaaradda. Wasiirka ayaa markii la magacaabay wuxuu durba billaabay inuu is-beddel sal iyo baar ah ku sameeyo Wasaaradda Waxbarashada, taasoo ahayd shaqadii loo igmaday oo ay u xilsaartay Dowladda Soomaaliyeed. Wasaaradda Waxbarashada oo ka koobnayd 18 waaxood ayuu wasiirku ka soo reebay 10 waaxood, si loo tayeeyo maamulka waxbarashada dalka, oo aysan xadka uga bixin. Waaxyaha ayaa loo xulay dad lagu soo xulay aqoon, karti iyo hufnaan. Wasaaradda Waxbarashada ayaa iyadu haatan ah midda ugu shaqada badan wasaaradaha dowladda. Laba maalin ka hor ayay ahayd markii wasaaraddu ay dalka Suudaan u dirtay arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay imtixaan loo galay deeq waxbarasho. Hooyooyinkii ardaydaas ayaa telefishinnada laga daawaday iyagoo u duceynaya madaxda dowladda, isla markaana sheegaya inaan wasaaradda waxbarashadu aysan hal shillin ka qaadin carruurtooda. Haddaba dadka ceebeynaya Wasiirka Waxbarashada ayaa ah kuwii sida musuqmaasuqa ah ku joogay wasaaradda muddada dheer ee laga qaaday xilalkii ay isaga fadhiyeen. Mabda’a ay ku shaqeyso dowladda Nolol iyo Nabad ayaa ah in la dhiso wasaarado u shaqeeya si casri ah oo la jaanqaada caalamka. Wasiirka Waxbarashada ayaa ku mahadsan sida aqoonta iyo kartida leh ee uu uga soo dhalaalay howshiisa. W/Q: Xasan Cali Xasan Muqdisho Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka dhacay Qarax gaarigiisa loogu xiray masuul katirsan Wasaarada Caafimaadka xukuumada Soomaaliya. Masuulkaan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Xirsi ayaa gaari uu watay xili uu marayay wadda Makka Al-Mukarama ku qarxay waxaana gaaray dhaawac culus. Dhaawaca Masuulkaan ayaa hadda lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Durba waxaa sheegtay qaraxaasi Al-Shabaab oo ku soo qoray warbaahinta iyaga taageera in ay ka dambeeyeen qaraxaasi. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo isugu jiro ismiidaamin kuwo miinada dhulka lagu aaso iyo kuwa lagu soo xiro gaadiidka ay wataan dadka u shaqeeya dowlada Soomaaliya. Laamaha amaan ka dowlada Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin qaraxaani ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Hoos ka dhagesyo Warbixin Wariyaha PP Muqdisho Cowke uu ka diyaariyay qaraxa http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/War-Cowke-PP-Qarax-Muqdisho.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Masuul Katirsan wasaarada Caafimaadka oo Gaarigiisa Qarax Loogu Xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. BOSASO-[Puntland Post]-Hay’adda Rapewatach International oo fadhigeedu yahay Somalia , isla markaana u dood-da xuquuqda haweenka iyo caruurta loo gaysto tacdiyada ka dhanka ah jinsiga ayaa dowladda Puntland ka dalbatay in cadaalad-da la marsiiyo askari bishii hore gabar dhalinyaro ah ku kufsaday magaalada Bosaso. “Walaal arinta dhacday waxa ay mudan-tahay in si iskuwada mid ah aan dhamaanteen uga murugoono ,waayo waxa la kufsaday waa gabar Somaliyeed oo dan yar ah ” ayuu yiri agaasimaha hay’adan C/rixmaan Axmed oo hadda ku sugan magaalada Minneapolis. “Waxaan dowladda Puntland ku amaanayaa in ay dhamaan diyaar yihiin xeerarkii ciqaabta ee kufsiga isla markaana uu waajib naga saaran-yahay sidii aan u xakamayn lahayn kufsiyadan oo kale ” ayuu mar kale yiri C/rixmaan uu xusay in ay garab-taagan-yihiin Faa’izo Maxamed oo ah gabadha uu dhibku gaaray. Agaasimaha ayaa sheegay in waaxda Jinsiga ee hay’adda ay ku dadaalayso sidii xuquuq dhamaystiran ay u heli lahayd Faa’izo oo hadda arimo caafimaad ugu jirta Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdsiho. “Waxaan ka shaqaynaynaa si kasta oo aan xuquuq dhamaystiran ugu raadin karno Faa’izo iyo dadka kale ee la kulma tacadiyadan caynkan oo kale ah ” ayuu mar kale yiri C/rixmaan oo sheegay in ay canbaaraynayaan falalkan caynkaan oo kale ah. Ifraah Xaashi Albabaab oo ka tirsan madaxda hay’adda ayaa iyadana sheegtay in ilaa iyo hadda ay sameeyeen dadaalo dhowr ah oo xuquuq loogu raadinayo Faa’izo oo sidoo kale dhaawac xoogan uu ka soo gaaray xubinta taranka ee dumarka. “Wasaaradaha Haweenka iyo cadaaladda Puntland waxaan kala shaqaynaynaa in Faa’izo si gooni ah xaaladad-deeda indhaha loogu hayo ,lana hubiyo in ay hesho cadaalad ” ayey iyana tiri Ifraax oo wax laga xumaado ku tilmaamtay kiiskan. Taliska ciidanka Puntland ayaa maalmo ka hor beeniyay in askirga kufsiga gaystay oo lagu mgacaabo c/qaadir Warsame uu iyaga ka tirsan-yahay , xili dowladda Puntland ay sheegtay in ninkaasi gacanta lagu dhigay , isla markaana sharciga loo horgayn doono. Ugu danbayn,Kiiskan kufsiga ah ayaa ka dhacay magaalada Bosaaso 27-dii bishi aynu soo dhaafnay ,waxaana la sheegay in gabadha la kufsaday iyo askariga ay ahaayeen muddo sheeko wadaag , isla markaana ay ugu timid magaalada Bosaaso si ay ula kulanto. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Hay’adda Rapewatach International oo canbaaraysay Kufsi ka dhacay Bosaaso, appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 51 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa galabta lagu wadaa in ay kulan kula qaataan Magaalada Muqdisho madaxweynah Dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Xildhibaannadan oo ah kuwii sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf,ayaa la filayaa Madaxweynaha in uu u soo bandhigo wixii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xaaf iyo Dowladda Federaalka ah. Kulankan waxaa goobjoog ka noqonaya Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey,Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayaya in Xildhibaannada sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf uu ku qanciyo in ay ka tanasulaan go’aankii hore islamarkaana Xaaf loo daayo shaqadiisa in uu sii wato. Maanta ayuu qorshuhu yahay in la soo gaba gabeeyo Khilaafkii muddada soo jiitamayay ee u dhaxeeyay Madaxda Maamulka Galmudug ee sababtay in qaarkood ay xilalka iska qaadaan kuwana Xabsi Guri la geliyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  17. Hargeysa (Caasimadda Online) – Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu yahay meesha kaliya ee Soomaaliya ka dagi la’dahay. Isagoo maanta khudbad ka jeedinayey Fagaare ku yaalla Magaalada Hargeysa ayuu in Puntland ay qasto siyaasadda Soomaaliya, haddii aanay iyada ahaan lahaynna ay Soomaalida nabad ahaan lahaayeen sida uu hadalka u dhigay. “Walaalayaal Soomaaliya waxay la degi la dahay waa Puntland, qoladan oo aanu jaarnahay wuxuu baarlamaankooda shalay yiri doorasho kama dhici doonto Sool iyo Sanaag, bal eegga walaalayaal dhibaatada ay wadaan, waxaa ka degi la Soomaaliya, waxay maalin walbo ka shaqeeyaan dhibta Soomaaliya” ayuu yiri Waraabe. Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii xisbigiisa uu ku guuleysto doorashada 13-ka bishan in uu keeni doono gooni isku taagga Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye. Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa shalay isku raacay in doorasho aanay ka dhici gobollada muranka uu ka jiro ee Sool iyo Sanaag. Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa imaanayo xilli ay Somaliland ka socdaan olole uu xisbi kasta ku doonayo inuu ku helo madaxweynimada Somaliland. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa muddo badan ku muransan deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag, waxaana halkaas dhawr jeer oo hore ka dhacay dagaalo khasaaro badan geystay. Somaliland ayaa horey u sheegtay inay doorasho ka dhicid doonto deeganadaas, halka Maamulka Puntland uu sheegay inay arrintaas keeni doonto dagaal labada maamul dhexmaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  18. Dabasiti (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay Boolisku ka baadi goobayaan Sarkaal ka tirsan booliska oo la waayay Habeen hore. Sarkaalka ayaa la sheegayaa in ugu war dambeysay dadkii la socday markii uu dhacay qarax Laba gaari Booliska looga gubay oo Mandera ka dhacay, waxaana Kenya ay qiratay in 12 ka mid ah Askartooda ay ku dhinteen weerar ay Al-shabaabku ku qaadeen Kolonyo Boolis ah oo marayay Mandera. Tuulo lagu magacaabo Dabasiti oo aan sidaas uga fogeyn Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayuu sheegay sarkaal sare oo Booliska u hadlay in ay marayeen 13 Askartooda Booliska ah oo weerarku qabsaday, 12-kii kale dhimashadooda ayuu xaqiijiyay halka uu sheegayo in la la’yahay Sarkaalka kale. Sarkaalka la la’yahay ayaa markii ugu war dambeysay Booliska wuxuu sheegay in uu Xudduudda joogo oo uu dhuumaaleysi ku jiro, balse intaas keddib xiriirkiisa lama helin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka gaashaamatay dhibaatooyinka ay maleeshiyaadka Alshabaab u maleegayaan ciidamada Qalabka sida ee isticmaala wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose. Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Xoogga ee ka howlgala Wasaarada Gaashandhigga ayaa noo xaqiijiyay in dowlada Federaalka loogu deeqay qalab ay ku baaran miinooyinka lagu aaso waddooyinka ay marayaan. Waxa uu sheegay in qalabkaasi oo casri ah ay sheegayaan goobaha ay maleeshiyaadka ku aasan miinooyinka lagu qarxiyo gaadiidka, waxa uuna tilmaamay in qalabkaas lagu galbin doono ciidamada duulaanka ku ah goobaha ay gacanta ku hayaan Alshabaab. Qalabka ayaa la xaqiijiyay inay isticmaali doonaan kolonyada gaadiidka dagaal ee la marin doono wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose, oo la rumeysan yahay in maleeshiyaadka ay ku aasi doonaan miinooyin. Dhinaca kale, Qalabkan ayaa waxaa loo sameeyay ciidamo gaara oo ku shaqeeya in ay dowlada ka qabsanayaan dhammaan goobaha ku jira gacanta shabaabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa warbixin kooban oo ku aaddan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay’adaha QM, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan. Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisoow] oo kulan la qaatay saraakiishan Qarmada Midoobey ayaa u sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u jecel warbaahinta, loogana baahanyahay inay dadaalkooda warbaahinta uu noqdo mid taageeraya qorsheyaasha dowlada federaalka ee ku aadan horumarinta warbaahinta dalka. “Waxaan idin kaga mahad-celinayaa dadaalkiina ku aaddan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay’adaha QM iyo Horumarka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatejiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya si waxqabadkiina u noqdo mid dhiirigelinay hay’adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in Dowladooda ay horumar joogta ah sameyneyso,” ayuu yiri Wasiir Yariisoow. Kulankaan ayaa ahaa mid labo maalmood u socday saraakiisha warfaafinta u qaabilsan dhamman hay’adaha QM ee dalka k howlgala oo ay ku diyaarsanayeen qorshe sanadeedkooda. Wasiir Yarisow ayaa ku ammaanay hay’adaha QM doorkooda ku aadan inay caalamka u soo jeediyaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa iyo doorkooda adeegyada aasaasiga ah, kana codsaday in dhammaan adeegyada ay fuliyeen loo baahanyahay inay si dhow oo toos ah ugala shaqeeyaan hay’adaha Dowlada Federaalka ah si loo xoojiyo awooda dowlada Federaalka Soomaaliya. Ugu dabmeyn, Wasiir Yariisow ayaa ugu dambeyntii siiyay warbixin ku aadan horumarka warbaahinta dalka, qorsheyaasha iyo istraatejiyada Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka, kana codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Warfaafinta oo u xilsaaran horumarinta warbaahinta dalka. PUNTLAND POST The post INJ. YARIISOOW: QM waxaan ka codsanaynaa inay xoojiyaan Doorka Dowladnimo ee Somalia appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxwyenaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Shalay kulan xasaasi ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka, Ugaasyada, Salaadiinta iyo waxgaradka kasoo jeedo deegaanada Galmudug. Kulankaas oo uu qaban qaabadiisa lahaa Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa looga wadahadlay xiisadaha ka jira Galmudug iyo sidii Xal looga gaari lahaa. Madaxweynaha Galmudug oo halkaas khudbad ka jeediyey ayaa odayaasha ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii maamulkaas loo gaarsiin lahaa horumar isla markaasna laga shaqeyn lahaa sidii Ahlu Sunna loogu soo dari lahaa. ” Waxaan idinka codsanayaa inaad igala shaqeysaan sidii Maamulka Ahlu Sunna loogu soo dari lahaa Galmudug, markaasna waxaa noo fududaaneyso inaan xoreyno dhulka ay Shabaab naga heystaan” ayuu yiri Xaaf. ” Wixii hore ee dhacay xalay dhalay ayaan ka noqday, waxaana idiin ballan qaadayaa inaan ka shaqeeyo nabadeynta dadka Galmudug kasoo jeedo” ayuu sii raaciyey. Qaar ka tirsan odayaashii ka qeyb galay shirkaas ayaa sheegay in haddii la qaato talada madaxweyne Xaaf ay badbaadi doonaan dadka iyo deegaanada Galmudug. Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada
  22. Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya ayaa sheegay in uu bilowday dagaalka dowladiisa ay ku qaadayso dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab. Madaxweynaha oo Saraakiisha la hadlayay, ayaa u sheegay inay haystaan shacab diyaar u ah in ay kala qayb qaataan dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay inaanu fadhin u oolin. “Shacab wanaagsan oo baraarugay oo soo jeedo waad haysataan, oo idin daba taagan oo garab idin siinaya. Wax noo haray ma jiraan dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaalo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya. “Maskaxdii, aqoontii iyo khibraddii umadda ay sugeysay waa idinka, marar badana waa idin sheegay, hadana waan idinkugu celinaya, cid kale oo Somaliya u maqan ma jirto, aan idinka ahayn.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa bishii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-shabaab, kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho. Hoos ka Daawo Video-ka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland post The post Farmaajo:-“Fadhi Nooma Yaalo Inta Al-shabaab Dalkaan Ku Sugan Yihiin”, appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ka hadlay halka ay ka baxday lacagtii loogu tallo galay in maamulka uu ku dhiso Dekadda Magaalada Hobyo. Xaaf oo la hadlaayay xubno ka kala tirsan labadiisa Gole, ayaa sheegay inuu jiray dhaqaale ay ugu tallo galeen in dib loogu dayactiro Dekadda magaalada Hobyo, waxa uuna tilmaamay in lacagtaasi uu isku difaacay. Xaaf waxa uu tilmaamay inuu la kulmay caqabado Siyaasadeed oo lama dhaafan ah, si looga gudbo uu maciin biday inuu ku daweeyo dhaqaalahaasi oo dhamaa Hal milyan oo dollarka Mareykanka ah, sida uu hadalka u dhigay. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Runtii lacagtii loogu talo galay dhismaha Dekadda Hobyo ee halka Milyan aheyd waxa ay ku baxday difaaca dagaalkii nagula soo qaaday”. ”Waan ku qasbanaanay inaan bixino lacagtaas waayo waxaa nalagu soo qaaday dagaal qaawan oo jahwareer na galiyay muddo ku dhow bil” Hogaamiye Xaaf waxa uu intaa kadib sheegay in shaqsi ahaantiisa uu iminka diyaar u yahay keenista lacagtaas, si loo sii anbaqaado dhismaha Dekadda Hobyo. Dhinaca kale, Xaaf ayaa xubnaha labadiisa Gole ku wargaliyay inuusan aheyn sanduuq wax lagu keydsado, balse uu sheegi doono wax waliba oo lasoo gudboonaada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Saudi Arabia’s anti-corruption purge has widened after one of the country’s top businessmen was reportedly detained, accounts were frozen and a no-fly list was drawn up. On Monday, Nasser bin Aqeel al-Tayyar, a board member of Saudi Arabia’s biggest travel company, was reportedly added to the list of detainees, which already included some of the country’s most influential officials and entrepreneurs. Among those detained are 11 princes, four ministers and several former ministers, in what is seen as an unprecedented crackdown that has shaken the kingdom. The dramatic steps were the latest in a series of measures by Crown Prince Mohammed bin Salman to assert power over the country and its previous leaders. On Saturday, King Salman bin Abdulaziz Al Saud announced that his son, the crown prince, would oversee a newly formed anti-graft commission that would purge the country of corruption. In a statement via the Saudi Center for International Communication, Khalid bin Abdulmohsen Al-Mehaisen, president of the anti-corruption commission, said: “The evidence of transgressions and financial mismanagement uncovered recently points to widespread corruption in a number of cases. “The responsibility of the new anti-corruption committee is to ensure that investigations into those cases are completed, and that the full force of the law is applied,” Mehaisen said. Attorney General Sheikh Saud al-Mojeb said that the purge was only “phase one” and that detainees had been questioned. “Yesterday [Saturday] does not represent the start, but the completion of Phase One of our anti-corruption push,” Mojeb said, adding that investigations were done discreetly “in order to preserve the integrity of the legal proceedings and ensure there was no flight from justice”. Prince Alwaleed bin Talal, a billionaire businessman who owns investment firm Kingdom Holding was among those held, according to Reuters news agency, citing an unnamed senior official. The list of detainees also included senior ministers who were recently sacked, such as Prince Mitaab bin Abdullah, the head of the National Guard, and Adel Faqih, the economy minister. ‘No-fly list’ On Monday, stock in Al Tayyar Travel was down 10 percent in the opening minutes at Saudi Arabia’s stock index after media reported the detention of Tayyar. Meanwhile, Saudi banks reportedly started freezing bank accounts of the suspects. “The committee has the authority to reveal the bank details of the accused, freeze their assets and funds, and take other appropriate measures,” anti-corruption commission president, Mehaisen, said. “However, it will ensure that no wrongdoer is able to escape punishment, regardless of their position and status, while at the same time doing everything to protect the innocent. As Crown Prince Mohammed bin Salman has stated clearly, no one is above the law, and no one who is proven to have indulged in corruption will escape, not even a prince or a minister.” Pan-Arab daily Al-Asharq Al-Awsat reported that a no-fly list has been issued and that security forces in several Saudi airports were ordered to bar private jets owners from taking off without a permit. “Security members were seen in the lounges of private jets to monitor the situation and to make sure that no plane leaves the kingdom without a permit,” the newspaper reported, citing unnamed sources, adding that security personnel were given a list of specific names of individuals who should be prevented from leaving. The shake-up of the Saudi government comes just months after King Salman replaced his nephew Mohammed bin Nayef with his son Mohammed as the kingdom’s crown prince. Mohammed bin Salman has been responsible for pushing through a number of changes both at home and abroad since he became first in line to the Saudi crown. Source: – Aljazeera
  25. The bombs won’t stop in the Somali capital, Mogadishu. As the country was still reeling from the shock and horror of the deadliest ever single bomb attack in Somalia’s capital on October 14, the terrorists struck again on October 28. The October 14 bombing was so bloody that, although Al Shabaab was widely seen as being responsible, it dared not claim it. This has led to the theory that the driver set off the bomb prematurely, and it was meant for a different target with a more “reasonable kill rate.” Al Shabaab, though, took full responsibility for the latest attack, which started after a suicide car bomber detonated an explosives-laden vehicle at the entrance gate of a Mogadishu hotel. Security forces ended a night-long siege that followed at a hotel by five terrorists, which left 23 people dead and more than 30 injured. For Al Shabaab, that number of casualties apparently is just about right. The response to the attacks has been firm. The US promised to up its support for the war against the militants. Uganda, which already has the largest number of troops in the African Union peacekeeping enterprise in Somalia, Amisom, reportedly offered an additional 5,000 men. There was, understandably, no talk of negotiations with Al Shabaab. The ironical thing about that is that the foot soldiers of Amisom and Al Shabaab, know better. While their presidents and generals talk tough, the “small” soldiers and militants have been doing business and talking. If it were left to them, they might already have clinched a political deal. For years, some Ugandan Amisom officers and soldiers have been doing business with the Shabaab, including selling them arms. A few have been arrested and tried back home in Uganda. However, it would have been also useful to ask them: “Okay, these Shabaab buddies of yours to whom you sell guns, why can’t you ask them what deal they are willing to take to end this war?” No one did. What a waste. A brilliant researcher on Somalia tells of what is happening today in some parts of the country. There are some Al Shabaab and Amisom roadblocks that are only a few kilometres apart. The soldiers on two sides have reached an understanding on how to tax goods. If a trader arrives with his truck at an Amisom roadblock first, he will pay the boys, say the equivalent of $50. The soldiers will shoot in the air in a coded pattern, to alert the Shabaab roadblock that they have already taken their cut. Shabaab then will know how much to extract. It will probably also take $50. If the goods truck arrives at an Al Shabaab roadblock first, the militants will take their bit, and shoot in the air to report to Amisom, who will know how much has been left for them. It’s totally mind-bending, and quite impressive. If you think coldly about it, there is a higher level of political consensus between elements in Amisom and Shabaab, than there is between incumbent politicians of the troop-contributing countries like Kenya, Uganda, Burundi – and the US – and their opposition parties back home! Amisom is a peacekeeping mission, and it has all it needs to make peace in Somalia. It’s just that for now it is using it for war-war not yaw-yaw. Charles Onyango-Obbo is publisher of data visualiser Africapaedia and Rogue Chiefs. Twitter@cobbo3 http://www.theeastafrican.co.ke/oped/comment/Negotiating-with-Al-Shabaab/434750-4176420-wxyni6/index.html