Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,019
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. By: Farah Yusuf HARGEISA— Voting in the presidential election will begin in a matter of days in Somaliland. Somaliland security heightened amid fears of terrorist attacks carried out before and after the elections. Security remains tight across the country on the directives of the interior ministry and the police commissioner. Police nabbed on last Monday 7 suspects in Hargeisa who are thought to be masterminding attacks against Somaliland. Two other suspects were arrested in the down town armed with weapons as reports indicate. The nine suspects who are in detention as police are interrogating at the moment. The landlord whom the suspects rented a house is under police custody.They are said to be in the country for two weeks planning to conduct terrorist attacks against Somaliland. Al Shabab conducted terrorist attacks in Somaliland in 2008 targeting the presidential palace, UNDP compound and Ethiopian Consulate in Hargeisa. In another development ahead of SL presidential polls that Puntland, a provincial administration in Somalia which borders with Somaliland is said to be amassing troops in amid a border spat with Somaliland’s armed forces. Puntland deployed armed vehicles and troops in Tukaraq and Taleeh which is under SL’s control. The objective behind Puntland amassing troops in the Sool is perceived as an act of aggression with Somaliland. Somaliland defense forces in the front lines are on high alert and have moved to the areas that Puntland have deployed its forces. It is likely that the two forces will clash in a deadly skirmishes. This comes after Puntland parliament voted that its forces must stop SL to conduct elections in Sool, Sanaag and Ayn regions. It is said that Somaliland exceeds Puntland in terms of defense forces. Defense reports confirm that Puntland cannot withstand SL’s armed forces due to lack of equipment and as well as robust forces.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay olole cusub oo shaqaalaha dowladda uga saarayo shaqaalanimo, isagoo garab maray sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya. Mustaf Dhuxulow ayaa bilaabay olole uu laf kamid ah Beeshiis Murusade oo lagu magacaabo Saciid Abakar uga saarayo Liiska Shaqaalaha dowladda Soomaaliya, isagoo boos kasta oo kamid ah boosaskaas uu ku badalayo shakhsiyaad kale oo kasoo jeedo Beeshiisa Habarceyn,gaar ahaan Orgaale. Mustaf Dhuxulow ayaa asbuucii lasoo dhaafay Liiska Shaqaalaha dowladda ka saaray Wariye ka tirsan Idaacadda Radio Muqdisho oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Maxamed (Gulfaan) kaasoo aan gelin wax dambe qaran oo uu ku muteystay inuu ku waayo shaqadiisa, maadaama uu Dastuurka Soomaaliya dhigayo inaan shaqaalaha rayidka laga saari karin liiska illaa lagu helo dambi qaran oo lasoo marsiiyey maxkamad. Mustaf Dhuxulow oo garab ka helayo Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa si sharci darro ah shaqada uga ceeriyey Wariyahaas ka tirsan Idaacadda Radio Muqdisho, wuxuuna mar qura ka war helay waraaq laga dhigay albaabka hore ee Xafiiska Raadiyaha isagoo aan la siin wax degniin ah ama loo sheegin sababta uu shaqadiisa ku waayey. Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Mustaf Dhuxulow la xiriirayo shaqaale kasta oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kana soo jeedo Beeshiisa isagoo waydiisanayo lacag baad ah oo laga siiyo mushaaraadkooda, wuxuuna tallaabo shaqo joojin ah ka qaadayaa cid kasta oo diido baadaas aan la ogeyn marka ay sharci noqotay. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa si qaldan uga faa’ideysanayo awoodda dowladinimo, mana jirto xil uu dowladda Soomaaliya u hayo marka laga reebo xubinimadiisa Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana is waydiin mudan xilka uu Dhuxulow ka hayo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Maahan markii ugu horeysay ee uu Mustaf Dhuxulow qaado tallaabo noocaan ah, waxaana horey loo xasuustaa inuu shaqada ka ceeriyey Agaasimihii hore ee Radio Muqdisho Axmed Faarax Gaatamow oo kasoo jeedo Beesha Daguuro, wuxuuna Mustaf Dhuxulow ka sheeqeeyey in booskaas loo magacaabo Cabdifataax Daahir Jeyte oo kasoo jeedo Beesha Habarceyne. Cabdifataax Daahir Jeyte oo gudayo abaalkii uu Mustaf Dhuxulow u galay ayaa Mustaf ka caawiyey in shaqada laga ceeriyo Wariyahaas ka tirsan Radio Muqdisho oo si sharci darro ah shaqada looga joojiyey. Musftaf Dhuxulow oo garab taageero ka heysto Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay inuu ku takrifalo awoodda dowladeed, isagoo liiska Shaqaalaha dowladda ka saaray shakhsiyaad badan oo kasoo jeedo Saciid Abakar. Mustaf Dhuxulow ayaa lasoo baxay dabeecado aan horey loogu aqoon, lamana garanayo sababta ilaa hadda keentay inuu si gaar ah u ugaarsado beeshiisa. Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka socdo kulamo waaweyn oo ay leeyihiin Odayaasha, Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beesha Murusade, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo ka dhan ah ugaarsiga uu maalmihii dambe bilaabay Muftaf Dhuxulow.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa olole ugu jira inuu la wareegto ammaanka Gobolka Banaadir. Warar ay heshay Caasimadda ayaa sheegay in Guddoomiye Taabit uu si toos ah uga dalbaday madaxda sare ee dowladda inay ammaanka G/Banaadir ku wareejiyaan Gobolka, isla markaana kula xisaabtamaan wixii ammaandarro ah ee ka dhaca. Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa qorshihiisa ammaanka ee caasimadda waxaa ka mida in loo qoondeeyo miisaaniyadda 10% kharashka dowladda ee ilaha dhaqaalaha Muqdisho oo hore Golaha wasiirada ay u ansixiyeen laakiin aan weli u suuragelin. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku doodaya inuu ammaanka gaarsiinayo heer degmo iyo xaafadeed, isla markaana uu heysto ciidamo iyo kaadiriin howsha amniga hanan kara, wuxuuna diiday tallooyin ku saabsan inuu isaga haro arrintan. Lama oga in arrintan ay aqbali doonaan madaxda sare ee dowladda federaalka iyo inkale, waxaase weli gobolka Banaadir laga hortaagan yahay inuu helo qoonde miisaaniyadeed ay u ansixiyeen Golaha Wasiirada. Guddoomiyeyaashii hore ee G/banadir oo dalbaday in lagu wareejiyo arrimaha amniga iyo ciidamada ayaa waxaa ka hor yimid hoggaanka ugu sareeyay dalka, iyadoo la xusuusto balanqaadyadii fuli waayay ee madaxweynihii hore Xasan Sheekh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dowladda Shiinaha ku cadaadiyey in ay dadaal dheeraad ah ku bixiso Barnaamijka Nukleerka Kuuriyada Waqooyi,wuxuuna sheegay in ganacsiga laba-geesoodka ah ee ay Shiinaha la wadaagan uusan cadaalad u ahayn Maraykanka. Laakiin Trump ayaa madaxweyne Xi Jinping ku ammaanay sida ay uga go’antahay in dalkiisu noqdo mid u furan shirkadaha debadda. Mar uu ka hadlayey arrinta kuuriyada Waqooyi ayuu yiri”Shiinuhu wuu awoodaa in uu xalliyo dhibaatadan si deg deg ah oo fudud“,isagoo ku boorriyey xukuumadda Beijing in ay xiriirka ganacsi u jarto Kuuriyada Waqooyi,sidoo kalena Ruushka ugu baaqay in uu caawimaad ka geyso arrintaasi. Donald Trump ayaa hadalkaan jeediyey,xilli dhinac taagnaa dhiggiisa Xi Jinping oo ay ku kulmeen caasimadda Shiinaha ee Beijing,halkaasoo ay ku saxiixeen heshiis ganacsi oo ku kacaya $250 bilyan oo Doollar,kaasoo u dhexeeya shirkadaha Maraykanka iyo Shiinaha. Madaxweyne Xi Jinping ayaa dhankiisa sheegay in dhaqaalaha dalkiisu uu noqon doono mid u furan shirkadaha debadda oo ay ku jiraan kuwa maraykanka,sidoo kale wuxuu soo dhoweeyey shirkadaha Maraykanka ee maalgeshanaya dalkiisa,halka uu ballan qaaday in Xukuumadda Shinaha ay xiriirka ganacsi u jarayso Kuuriyada Waqooyi. Xigasho/Reuters The post Maraykanka iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis ganacsi oo ballaaran. appeared first on Puntland Post.
  5. Taliyihii Ciidamada ilaalada wadooyinka Cali Maxamuud Cali (Shariif) ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, Waxaa geerida Taliyaha Saxaafada u xaqiijiyey eheladiisa ku sugan Gobalka Banaadir Taliyaha ayaa mudooyinkii danbe xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayay isbitaal ku yaal dalka hindia, balse markii danbe oo losoo celiayay Magaalada Muqdisho uu Xalay ku geeriyooday. ehelada Marxuumka ayaa u sheegay iney Xaaladiisa kasii dareysay marba marka ka danbeeso Xalayna uu Alle qadaray inuu geeriyoodo. General Cali Maxamed Cali, ayaa howlo badan uqabtay Qaranka intii uu noolaa isagoo laba jeer noqday Taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Xamar, wuxuuna kala wareegay General Cali Gaab. Marxuum Cali Maxamuud Cali (Shariif) ayaa lagu wadaa maanta in aas kiisa ay ka soo qeyb galaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Taraafikada Soomaaliya iyo Ehelada marxuumka. PUNTLAND POST The post Taliyihii Ciidamada Taraafikada Soomaaliya oo Geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  6. Nairobi(Caasimada Online)-Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa soo dhaweeyay wadahadal uu la galo Madaxweynaha la doortay ee Kenya Mr Uhurro Kenyatta. Raila Odinga oo u waramaayay warbaahinta Reauters ayaa sheegay ka hor inta uusan dhicin wadahadal in la doonaayo in marka hore Kenya loo sameeyo dowlad kumeel-gaar oo wadaag ah. Waxa uu sheegay in dowlad wadaagaasi ay Kenya uga badbaadi karto xasil daro iyo in dalka uu ka dhaco burbur. Raila Odinga, waxa uu sidoo kale sheegay inaan lagu dheeran doonin dhismaha dowlad kumeel-gaar ah, balse ay sii shaqeyn doonto muddo 6 bilood ah. Odinga waxa uu tilmaamay in kumeel-gaarka looga bixi doono khilaafka iyo xiisada kala dhexeysa Uhurro Kenyatta, waxa uuna meesha ka saaray in ujeedkiisa uu yahay in Kenya ay gasho carqalad iyo xasilooni darro. Raila Odinga waxa uu ku celshay in la doonaayo in mar Seddexaad la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, maadaama uu horay u dhacay musuq-maasuq. Raila waxa uu tilmaamay in Uhurro uusan maamuli karin Kenya maadaama kala bar dadka Kenya ay aaminsan yihiin in la gacan bidixeeyay Qaranka. Sidoo kale, doorashadii ugu dambaysay ee dalka ka dhacday 26/10/2017 waxaa ku guuleystay Uhurro Kenyatta walow hogaamiyaha xisbiga mucaaradka uu isaga baxay tartanka kadib markii uu ku tilmaamay doorasho sharci dara ah. Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa u muuqaneysa mid ay kusii kordhayaan khilaaf siyaasadeedka suuragalinkara in dalka uu cagaha la galo amni darro. Caasimada Online Xafiiska nairob Caasimada@live.com
  7. Booliiska gobolka Nugaal ayaa xiray saddex nin oo lagu eedeeyay in ay dhac u geysteen bakhaar ku yaalla caasimadda Garoowe,kuwaasoo xalay guryahooda laga soo qabtay,sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliiska. Taliyaha Saldhigga dhexe ee Garoowe Dhamme.maxammud Muuse Bile(Fardafuul) oo la soo xiriiray PUNTLAND POST ayaa sheegay in saddexda nin ay dhac u geysteen bakhaar lagu magacaabo Rowda oo ku yaalla bartamaha Garoowe,islamarkaana Booliisku raadinayeen maalmihii la soo dhaafay,hase yeeshee xalay laga soo qabtay guryahooda. Dhinaca kale Fardafuul ayaa sheegay in la qabtay nin khamraysan oo xalay saqdii dhexe weeraray saldhigga dhexe ee Garoowe,kaasoo muddo saacado ah la-gaallamayey Ciidanka. Wixii ka soo kordha kala soco:puntlandpost.com The post Booliiska Nugaal oo qabtay nin soo weeraray Saldhigga dhexe ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay in ciidamada dowlada Federaalka ay ku dhiiradaan dhibaateynta dadka shacabka ah. Kheyre ayaa sheegay inay jiraan dacwado badan oo laga soo gudbiyay ciidamada oo aan la dhaqmin dadka shacabka ah. Waxa uu sheegay in anshax darada askarta qaar ay sii fogeyneyso rajadii laga lahaa is dhexgal dhexmara ciidamada iyo dadka shacabka ah, waxa uuna ka digay in lagu xadgudbo shacabka. Kheyre waxa uu tilmaamay in rajadoodu ay tahay in anshaxa ciidamada ay ku dhiiradaan shacabka si muwaadiniinta dhan ay isaga diiwaan galiyaan Hay’adaha amniga. Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre carab dhabay in dacwadaha ugu badan ee laga soo gudbiyo ciidamada ay tahay inay faquuqaan shacabka isla markaana Hubka Qaranka u adeegsadaan dadka shacabka ah ee iyaga garabka u noqon lahaa. Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in askari waliba ay kula xisaabtami doonaan falka uu geysto isla markaana uu saldhig u noqon doono sharciga. Dhinaca kale, dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay in dhankooda ay ka ilaaliyaan sharciga isla markaana ay ka fogaadan waxyaabaha dhibka u keenikara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu geeriyooday Taliyihii ciidamada Taraafikada Somalia General Cali Maxamud Cali ”Cali Shariif ”. Taliyaha Ciidamada Taraafikada ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhex geeriyooday Xafiiskiisa oo qeyb kamid ah u ahaa Hooy. Sarkaal ka tirsan ciidamada Taraafikada ayaa warbaahinta u sheegay in Cali Shariif , uu waayadan ahaa mid u saaxiib ah xanuun, isla markaana dhawaan kasoo laabtay dalka India oo uu ugu maqnaa xanuun. Taliyaha marxuumka ah ayaa muddo laba asbuuc si KMG ah howsha ugu wakiishay ku-xigeenkiisi oo hada hawsha waday. Sidoo kale, Cali Sharif ayaa horay usoo noqday Taliye xigeenkii Booliska Gobolka Banaadir, waxa uuna ahaa shaqsi inbadan kusoo dhex jiray howlaha ciidanka. Dhinaca kale, meydka Cali Sharif ayaa lagu aasayaa qabuuraha ku dhexyaala Isbitaal Madiina oo inta badan lagu aaso halgamaayaasha Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – General Cali Maxamed Cali oo lagu naaneesi jiray “Cali Shariif “ ayaa xalay ku geeriyooday xafiiskiisa uu isla hooy u ahaa Taliyaha ayaa xanuusan waayadan Waxaana dhawaan laga keenay dalka India . Saraakiil Taraafikada ka tirsan aya Dalsan u sheegay in taliyaha uu si KMG 2 isbuuc ka hor xilka ugu wareejiyey ku xigeenkiisi Oo hada hawsha waday . Cali Sharif ayaa Sido kale so noqday Taliye xigeenkii booliska G/Banaadir . Saaka ayaa lagu aasayaa qabuuraha Isbital Madiina . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Midoowga Afrika ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in ay bilaabayaan in ciidammada nabad illaalinta AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa. Tirada askarta baxaysa sanadka waa kun askari, waana tiro aad u yar marka laga qiyaas qaato tirada guud ee AMISOM ee Soomaaliya ku sugan oo gaaraysa 22 kun oo askari. Balse waxa ay ahayd war lama filaan ah oo dhegaha Soomaalida ku cusub 10kii sano ee lasoo dhaafay ee AMISOM ay ku sugnayd gudaha Soomaaliya , xiligaas oo ciidamo lasoo kordhiyo mooyee, wax dhimis aysan jirin. Ciidammada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM) waxa ay markii ugu horaysay dalka yimaadeen bishii Maarso, sanadkii 2007-dii, xiligaas oo uu Soomaaliya madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxayna suurtagaliyeen in markii ugu horaysay oo madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ayka howlgalaan caasimadda. Inkasta oo afar degmo oo kaliya xiligaas ay dowladda ka shaqaynaysay, 12-ka kalee degmo ee caasimadda iyo 10 gobol oo dalka ka mid ahba waxaa haystay xoogagga dowladda kasoo horjeeda. 10 sano kadib maanta nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya heer federaal iyo mid maamul goboleedba waxa uu ku baahay dalka oo dhan, waxaana gacanta lagu hayaa inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka. AMISOM ayaa gacan ka qeysatay in qeybo ka mid ah dalka la gaaro. Balse marka la eego mudada ay ku qaadatay iyo qarashka ku baxay, iyo hawsha tirada badan ee hadda dhiman, waxaa muuqata in arrinta aysan ahayn ‘guul iyo gunaanad’. “Rajadii laga lahaa AMISOM ma la gaaray” Cabdinuur Daahir oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, kuna sugan dalka Turkiga oo u waramay BBC-da ayaa sidan qaba: “Wixii laga sugaayay, iyo rajadii laga lahaa ma aysan keenin, boqolkiiba 40% ayay hawshii loo keenay qabteen, boqolkiiba 60% kuma aysan guulaysanin, sababtoo ah shaqada ay qabanayeen waxaan isleeyahay ma ahayn shaqo ay daacad ka ahayd, shaqo waxay ahayd meesha mushaar ay usoo doonteen”. Alshabaab waxa ay hadda si buuxda u haysataa gobolka Jubbada Dhexe, degmooyin ka tirsan Jubbada Hoose, deegaano ka mid ah gobolada Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo xitaa gobolada Dhexe, waxayna markasta weeraro qasaaro badan ka dhasho ka geysataa caasimadda iyo meelo kale oo dalka ka mid ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga maanta kula hadlay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka. Waxay sidoo kale geysteen weerarro qasaaro baaxad leh u geystay ciidammada AMISOM oo ay ku qaadeen saldhigyadooda Soomaaliya. AMISOM waxaa soo gaaray qasaare nafeed oo aad u badan mudadaas, waxaana ugu darnaa weeraro ka dhacay Dayniile oo Muqdisho ah iyo deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo halkaas oo tiro badan oo askar nabad illaalin ah lagu dilay mar kaliya. Iyada oo ay sidaas tahay, wali waxa ay dad badan ku doodayaan in ay wali taagantahay baahidii markii horeba ay dalka u yimaadeen. Xilliga lagu dhawaaqay bixitaankoodana wuxuu ku soo beegamayaa mar loo diyaargaroobayao duulaan ka dhan ah Alshabaab, “gacansiintoodana aad loogu baahan yahay”. Hase yeeshee waxa ay u egtahay in dowladda federaalka aysan walwal badan ka qabin bixitaanka AMISOM ee biloowday sida uu sheegayo wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan. “Soomaaliya waxay isku duba riday hab nabadgelyo oo wanaagsan, waxaanan aaminsanahay in ciidammadeena ay heleen tababar ku filan, xiligan waa markii loo baahnaa in aan anaga dhabarka u ridano mas’uuliyadda amniga”, ayuu yiri Yariisow. Falanqeeye Cabdinuur Daahir ayaa dhankiisa isna qaba in bixitaanka AMISOM ay faa’iido tahay “10kii sano ee ay dalka joogeen ciidammada AMISOM, madaxda dalka waxa ay iska dhaadhiciyeen iyaga ayaa Alshabaab idinka difaaci doona, balse maadaamaa ay hadda baxayaan taas micnaheedu waxa ay tahay in ay Soomaalida isku tashato”. AMISOM lafteeda ayaa qirsan baahida hayso ciidammada Soomaaliyeed sida uu shalay shir jaraa’id ka sheegay Francisco Madeira oo ah ergayga Midoowga Afrika ee Soomaaliya. “Waxaan baahi degdeg ah loo qabaa in la hubeeyo, la qalabeeyo, islamarkaasna mushaaraadkooda la siiyo ciidammada Soomaaliyeed, waxaa kale loo baahanyahay adeeg caafimaad oo ku filan iyo waliba abuurista kaabayaashii militariga sida xerooyin ay wax kasta u dhamaystiranyihiin”, ayuu yiri Madeira AMISOM Markii ay ku dhawaaqaysay bixitaanka, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dareeska ciidammada xiran ayaa tagay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, halkaas oo uu kula hadlay askarta, una sheegay in ay isu diyaariyaan hawlgal militari oo ka dhan Al-shabaab. “Waxaan aaminasanahay in aan ka guuleysanayno Shabaab, khibradeedii waad leedihiin, waddaniyadeedii waad leedihiin, dowlad wanaagsan oo diyaar idiin ahna waad heysataan, anaga ayaana koow ka ah, shacab baraarugsanna waad heysataan, wax noo haray ma jiraan, dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaalo,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. “Maskaxdii iyo aqoontii uu shacabka sugayay waa idinka, cid kale oo Soomaalida u maqan ma jirto oo aanan idinka ahayn”, ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha oo la hadlayay saraakiisha militariga oo isugu yimid goob ku taala wasaaradda Gaashaandhigga. Madaxweynaha ayaa hadaladan ku celceliyay marar badan tan iyo intii xilka loo doortay bishii Feberaayo ee sanadkan, wuxuuna marar badan muujiyay sida ay uga go’antahay in ammaanka dalka uu dowladda si buuxda gacanta ugu galo. Kalsoonidaas uu madaxweynaha muujinayo marka laga soo tago, caqabadaha ma ahan kuwa yar, wuxuuna hadda dalka ku jiraa xilli uusan lahayn wasiir gaashaandhig, iyo taliye nabad suggid, kuwaas oo xilka uga tagay xaalado mugdi ah. AMISOM waxa ay qeyb ka tahay hawlgalka hadda la qorshaynayo in lagu qaado Alshabaab, balse waxaa biloowday in ay si tartiib ah dalka uga baxaan dalka, waxaana laga wardhawri doonaa sida dowladda u hanato amniga dalka ka dib markii ciidamada nabad ilaalinta ay wada huleelaan illaa 2020-ka. Xigasho BBC The post Soomaaliya ma isku filan tahay bixitaanka AMISOM ka dib? appeared first on Puntland Post.
  12. IOM, the UN Migration Agency, in cooperation with the Intergovernmental Authority for Development (IGAD), organized a capacity building training from 30 October to 3 November at IOM’s African Capacity Building Centre (ACBC) in Moshi, Tanzania. The training aimed at enhancing the understanding of international migration law and migration and development, as well as building the capacity within the IGAD region, including Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan and Uganda. The first two-week training took place from 18 to 29 September also at the ACBC. Thirty-three trainees were selected from institutions belonging to the National Coordination Mechanisms (NCMs) with diverse backgrounds including Ministries of Interior, Foreign Affairs, Labour, Members of Parliament (MPs), and Immigration and Police Services from IGAD Member States. “We believe that it is important to have a holistic approach to migration management with the aim of emphasizing the positive contribution that well-managed migration can bring to the development of the IGAD region, ‘’ said Aaron Tekelegzi, IOM Special Liaison Office (SLO) in Addis Ababa, Ethiopia. “Sound policy and integrated approaches to migrant assistance during crisis situations, well supported regional labour policies, and cohesive free movement frameworks are of paramount importance to the development of the region,” added Marcellino Ramkishun, IOM ACBC Senior Migration Specialist. “Effective participation and valuable proposals are needed to improve migration management, maximize the benefits of migration and strengthen the cooperation among the IGAD countries,’’ stressed Dr. Khalid A.A. Lord, Director of the Sudan Centre for Migration and Development Studies. The recommendations to IGAD countries emerging from the training included better diaspora mapping and closer collaboration with financial institutions and private sector to encourage diaspora investment in their home countries. The training also led to recommendations to establish closer collaboration on bilateral labour agreements with host countries, as well as the development and adoption of migration policies and their fast-tracking at national levels. “This second training represents an important step in achieving the project’s objectives, building predominantly on capacity building of the NCMs from the IGAD Member States,” said Qasim Sufi, IOM Tanzania Chief of Mission. “The practical recommendations made by participants are also clear indicators of the success of the Regional Migration Policy Framework project,” he added. The training was held under the auspices of a joint regional migration project that is being co-implemented by IOM and IGAD to build regional and national capacities and implement the Regional Migration Policy Framework (RMPF). The RMPF aims at empowering the NCMs on migration through trainings, seminars and advocacy activities that help address mixed migration in the region and mainstream migration into development planning and programming by Member States. Source: IOM
  13. NAIROBI (Reuters) – A militant faction loyal to Islamic State (IS) has increased its following in northern Somalia from a few dozen last year to up to 200 this year, a U.N. report said, days after the group came under U.S. air attack for the first time. The increase in strength of the IS spin-off group has attracted attention because some security officials fear it could offer a safe haven for Islamic State militants fleeing military defeat in Syria or Iraq. “The Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL) faction loyal to Sheikh Abdulqader Mumin – estimated…in 2016 to number not more than a few dozen…, has growing significantly in strength, and (now) consists of as many as 200 fighters,” said the report by a panel of U.N. experts obtained by Reuters. “Even a few hundred armed fighters could destabilize the whole region,” said a regional diplomatic security source. “It(air strikes) is a recognition from the U.S. that the situation in terms of the (Islamic State) faction in Puntland is becoming increasingly critical.” Somalia has been riven by civil war and Islamist militancy, though more in the south than in the north where the Puntland region is located, since 1991 when clan warlords overthrew a dictator before turning on each other. Friday’s air strikes failed to kill Mumin, the security source said. But Abdirizak Ise Hussein, director of semi-autonomous Puntland’s spy service, said the strikes killed about 20 militants, including a Sudanese fighter and two Arabs. Almost all Mumin’s fighters are Somali, the U.N. report said, though the group is believed to include a Sudanese man sanctioned by the United States. The group also has contacts in Yemen. It was unclear if the Sudanese man under U.S. sanctions was the same one reported killed in the air strike. “The number of IS fighters in Puntland has increased. Mostly they come from southern Somalia and a few, including foreigners, come from Yemen,” Colonel Abdirahman Saiid, a military officer in Puntland, told Reuters. The U.N. report said defectors from Mumin’s faction reported the group had received money and orders from Iraq and Syria, and one member said he had seen Mumin and another leader using TrueCrypt software to communicate with them. The United Nations could not independently verify those claims. Mumin’s group has been slowing increasing its activity over the past year. In late 2016, it occupied the port of Qandala in Puntland, a semi-autonomous region, for a month. Earlier this year, it carried out its first attacks. Its fighters killed four guards at a hotel in Bosasso, the economic capital of Puntland, in February. The same month, the group beheaded three men it had kidnapped. Somalia’s main Islamist insurgent group, al Shabaab, is aligned with al Qaeda and is most active in the Horn of Africa country’s south. It has repeatedly clashed with the Islamic State-aligned faction in the north. Additional reporting by Abdiqani Hassan in Bosasso; editing by Mark Heinric Source: Reuters
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab. Wasaarada ayaa sheegtay in Dagaalka uu yahay mid waajib ah oo uu Iclaamiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed ”Farmaajo”. Prof. Sokor Jaamac Geyre oo ah Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia, ayaa sheegay in iminka ay ku howlan yihiin abaabul dagaal oo lagu doonaayo in maleeshiyaadka Alshabaab looga saaro dalka. Agaasimaha oo u waramaayay Idaacada VOA-da ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu dhawaan ka bilaaban doono guud ahaan Gobolada dalka sida uu qorshuhu yahay. Wuxuu sheegay Ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM in ay diyaar u yihiin sidii ay al-Shabaab uga saari lahaayen dhamaan degmooyinka iyo degaanada ay kaga sugan yihiin dalka, si Soomaaliya ay mar kale u hanato qaranimadeedii iyo midnimadeedii. Waxa uu sheegay in Howlgalada ka dhanka ah al-Shabaab ay bilowdeen, hadana ay marayaan meelo wanaagsan kaliyana ay ka dhimantahay in ciidamada is garabsanaaya ay xoojiyaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan. Sidoo kale, Prof. Sokor ayaa sheegay in ay diyaarsan yihiin Ciidamada Soomaaliya balse ay sugayaan oo kaliya amar ka soo baxa Madaxda Qaranka oo ku aadan in la dhaqaaqo. Awoodda Al-Shabaab ayuu ku sheeegay in ay tahay mid aad u liidato oo aysan ka hor imaan karin Ciidanka Xoogga Soomaaliya. Dhinaca kale, jidgooyooyinka ay dhigeen al-Shabaab ayuu sidoo kale sheegay inaysan u hakan doonin ciidamada, waxa uuna cadeeyay inay kaashanayaan khibrado ka fog kan ay wataan maleeshiyaadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Priti Patel ayaa iska casishay wasiirka horumarka caalamiga ah ee UK iyadoo bartanka lagaga jiro dooda kulanka aan loo fasixin ee ay la yeelatay masuuliyiinta Israa’iil. Waxaa laga dalbaday in ay ka soo laabato safar shaqo oo rasmi ah oo ay Afrika ku joogtay, Ra’iisulwasaaraha ayaana ugu yeertay xafiiskeeda Downing Street si arrintan wax looga waydiiyo. Waraaqda is casilaadda ah ee ay qortay Patel waxay ku sheegtay in ficilkeedu “uu ka hoos maray heerkii daahfurnaanta ee ay u ol’olayn jiray, dhiirigalin jirtayna”. Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegtay in ay qaadatay go’aan “sax ah” iyadoo ay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxeen arrintan”. Patel ayaa raali galisay Ra’iisulwasaare Theresa May Isniintii ka dib markii ay soo baxday in ay kulan aan loo fasixin la yeelatay bishii Agoosto siyaasiyiin reer Israa’iil ah oo uu ka mid yahay ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu. Laakiin intaas ka dib waxaa soo baxday in ay labo kulan oo kale gashay iyadoo aysan wehelin masuuliyiinta dawladda UK, bishii Sabtembar. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Kooxda taabacsan ururka Daacish ayaa dagaal yahanadeedu kordheen kadib markii sanadkaan tiradoodu gaartey 200 qof, sidaas waxaa lagu sheegey warbxin QM soo saartey maalmo kadib weerar cirka ah markii ugu horeysay ay la beegsadeen kooxdaan ciidamada Mareykanku. Kororsiimada dhinaca awooda ee ururkaan ayaa soo jiidatey dadka khubarada amniga taasoo sababi karta in ISIL lagaga adkaadey dalka Siiriya iyo Ciraaq gabaad ka dhigtaan deegaanada Puntland. ” Kooxaha daacada u ah ururka ISIL Ciraaq ee Shiikh Cabdulqaadir Muumin- waxaa lagu qiyaasey… sanadkii 2016 waxaan ka badneyn Dhowr Daraasin…, ayaa si xoogan u kordhey awoodna yeeshey kuwasoo hadda ka kooban dagaalyahano gaaraya 200,” sidaas waxaa yiri warbxin QM qortey. “Xitaa dhowr boqol oo dagaal yahan waxay khalkhal amni galin karaan gobolka oo dhan,” sidaas waxaa yiri diplomaasi qaabilsan arimaha amniga. ” Weerarka cirka ee dowlada Mareykanka ku qaadey kooxdaan marka loo eego jaanibka Daacish Puntland waxay ka tarjumeysaa in xaaladu Halis tahay.” Weerarkii cirka ee Jimcihii la soo dhaafey lagu qaadey Muumin waxaa uu ku guuldareystey in lagu dilo, sidaas waxaa sheegey xogta amniga. Laakiin Cabdirizaq Ciise Xuseen oo ah agaasimaha hay’ada sirdoonka PIA ayaa sheegey in duqeyntaas lagu diley 20 maleeshiyo oo ka tirsan kooxdaan, Nin Suudaani ah iyo Labo Carabta kale ah. Dagaal yahanada Muumin kuligood waa Soomaali, sidaas waxaa lagu yiri warbxinta QM, iyadoo la rumeysnaa in kooxdaan uu la joogey nin Suudaani ah ay raadineyso dowlada Mareykanka. Kooxdaan ayaa sidoo kale xiriir la leh dalka Yemen. Lama xaqiijin karo Ninka Suudaaniga ah ee ku dhintey duqeyntaan inuu yahay kii dalka Mareynka uu raadinayey” Inta badan dagaal yahanada kooxda Puntland ee taabacsan IS waa kordheen, badankooda waxay ka yimaadeen Koonfurta Soomaaliya inyar oo ajaanibta la joogtana dalka Yemen,” sidaas waxaa warsidaha Reuters u sheegey Col. Cabdiraxman Siciid oo ka tirsan ciidamada Puntland. ” Warbixinta QM ayaa lagu sheegey in dad kasoo baxsadey kooxdaan xogta ay bixiyeen ku xuseen in IS Puntland lacag heshey iyadoo dhinaca kale amarada ka qaadata ISIS Ciraaq iyo Siiriya, mid kamid Ragaan soo baxsadey ayaa arkey in Muumin iyo hogaamiyaasha kale isticmaalaan qalab Teknaloojiyada intrenet (TrueCrypt software) ee lagu wada hadlo kaasoo kooxdaan caan ku tahay. QM si madax banaan uma aysan cadeyn xogtaan. Kooxda Muumin oo si tartiib ah u kordheysay ayaa dhaqdhaqaaqeeda kordhisay sanadkii la soo dhaafey. Iyadoo dabayaaqadii 2016, qabsatey magalada Qandala ee ka tirsan maamulka Puntland. Sanadkaan bilowgiisa, koxdaan waxay qaadey weerarkeedii ugu horeeyey. Dagaal yahanadeedu waxay ku dileen Afar Askari Hotel ku yaala magaalada Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland, bishii February. Isla-bishaas, kooxdaan waxay madaxa ka gooyeen Sadex nin oo ay afduubeen. Ururka Al-shabaab oo ah midka ugu xooga badan kooxaha sheegta islaamiyiinta ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa iyagu dhaqdhaqaaqooda u badan yahay Koonfurta Soomaaliya kuwasoo dagaalo goos goos la gala kooxdaan taabcsan Daacish ee ka jirta Woqooyiga Soomaaliya. Isha: GO
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa ka digay in la dhaqan galiyo Mooshin la sheegay in dhawaan laga keenay Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan. Xildhibaanada oo shirar looga soo horjeeda Mooshinka ay wadaan Xildhibaanada kale ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay caqabado dhowr ah ka dhalankarto haddii xilka laga tuuro Madaxweyne Shariif Xasan. Xildhibaanada waxa ay tilmaameen in maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabkuba aysan dan ugu jirin in maamulka uu cagaha la galo qalalaase siyaasadeed, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay sheegen in Shariif Xasan ay u hartay muddo sanad ah, xiligaana aanan loo baahneyn in meesha laga saaro, maadaama uu soo qabtay hawl adag. Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Xasan Black oo sheegay in xildhibaanada mooshinka wada ay sidoo kale doonayaan burburka maamulka, sida uu hadalka u dhigay. Geesta kale, waxa uu wacad ku maray inay la dagaalami doonaan Xildhibaanada Mooshinka wada, maadaama ay dhibaato ku yihiin xasiloonida maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michal Keating, ayaa ka hadlay rajada ay ka qabaan in la dhaqan galiyo heshiiskii 05 Nov 2017 dhexmaray Madaxda DF iyo kuwa maamul Goboleedyada ka jira dalka ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Danjire Michal Keating, waxa uu sheegay in heshiiskii dhexmaray Madaxda qaranka Soomaaliyeed uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday. Michal Keating, oo saxaafada kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay inay qabaan rajo aad u weyn, waxa uuna cadeeyay inuu jiro farqi kala geynaaya dowlada hadda jirta iyo tii hore ee dhacday. Waxa uu Michal Keating tilmaamay in dowlada hadda jirta ay heysato fursado ay ku dhaqan galinkarto qodobada ay la saxiixatay maamulada, halka dowladii hore ay ku furnaayen kacdoono siyaasadeed. ”Waxaan qireynaa in dowlada Somalia ee hadda jirta ay heysato fursado badan oo aysan heysan dowladii hore, farqiga u dhexeeya ayaa ah in dowladaan jirta ay heysato taageero shacab oo ka difaaci kara kacdoon siyaasadeed”. ”Sidaa aawgeed waxaan ku rajo weynahay in dowlada hadda jirta ay sideeda u dhaqan galiso heshiisyada jira si ay Somalia uga hanaqaado halka ay taagan tahay” Waxa uu Michal Keating carab dhabay inay filayaan in dowlada hadda jirta ay ka fursado badnaan doonto tii hore, balse ay ka rajeynayaan inay ka dhabeyso himiladeeda dhanka siyaasada iyo horumarka. Sidoo kale, Keating ayaa xusay in Somalia ay cagta saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba. Dhinaca kale, Keating ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadaha qaaliga ah ee horyaal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa 30-kii October maalin Khamiis ah soo saaray laba wareegto oo la xiriira Gaadiidka Xamuulka iyo kuwa Booydaha ee isticmaala wadooyinka Muqdisho. Wareegtada la xiriirtay Gaadiidka Xamuulka ayaa waxa ay ku saabsaneyd in aysan qaadi karin rar Gaariga ka badan, cidii amarkaas fulin weydana in lagu ganaaxi doono lacag dhan 10 Million oo Sh.S. Sidoo kale Wareegtada kale ayaa waxa ay ku saabsaneyd Gawaarida Booyadaha iyo kuwa xamuulka in magaalada aysan mari karin maalinkii, keliya ay socon karaan 08-da fiidnimo ilaa 07-da Subaxnimo. Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la wadaay wareegtadaas ayaa Idaacadda Risaala xilligaasi uga waramay go’aankaas iyo sida uu ku dhaqan geli karo. Wuxuu sheegay Xalane Saddex maalmood gudahood in warbaahinta uu la wadaagi doono go’aankaas kadibna cidii dhaqan gelin weyda laga qaadi doono talaabo sharci ah iyo ganaax lacageed oo dhan 10 Milyan oo Sh. So. Wuxuu kaloo sheegay C/fataax Xalane ujeedada wareegtada in ay tahay sidii loo yareyn lahaa mashquulka iyo ciriiriga ka jira wadooyinka iyo in aysan dhibaato u geysan dadka shacabka ah, fulinta amarkana ay u xilsaareen Ciidamada ilaalada wadooyinka iyo kuwa ammaanka. Hadaba go’aankaas ma yahay mid dhaqan galay ? waxaana xilligii ay soo baxday wareegtadan laga joogaa muddo 10 maalmood ah. Gaadiidleyda Xamuulka ayaa si dareen la’aan ah u isticmaala Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho, marka laga reebo wadada Maka Al-mukarama oo ammaankeeda aad loo adkeeyay, loona ogoleyn in ay maraan Gaadiidka waa weyn. Go’aanka maamulka Gobolka kadib weli waxaa muuqata ciriiri iyo mashquul badan oo ka jira wadooyinka Muqdisho, maanta oo Arbaco ah waxaa Gaari Moos siday oo laga shakiyay lagu qabtay meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Xaaji Baasto. Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo aad ula socda go’aanada isdaba jooga ah ee ka soo baxa Maamulka Gobolka Banaair oo arrintan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen wareegtadan in ay aheyd mid lagu fududaaday oo markii horeba aanan loo sameyn Istiraatiijiyad sax ah. Waxa ay sheegeen ammaanka Muqdisho inaan lagu sugi Karin in la xayiro Gaadiidka Xamuulka, marii horeba Maamulka Gobolka uu ku qaldanaa hanaanka uu u soo saaray go’aankan. Dhanka kale Mid ka mid ah Gaadiileyda Xamuulka Muqdisho ayaa sheegay in arrintan ay ku tahay culeys, wuxuuna Gobolka Banaadir ka dalbaday in si kale wax loo dhigo. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horey u soo saaray amaro kala duwan oo ilaa hadda aanan dhaqan gelin, waxaana ka mid ahaa go’aankii Ciidamada AMISOM looga mamnuucay wadada Maka Al-mukarama maalinkii, taasi oo weli aysan jirin wax ka soo naaso cadaaday, waliba la xusuusto maalin cad in si bareer ah muwaadin Soomaaliyeed Gaarigiisa ay ku jiireen Isgoyska KM4, Ciidamada AMISOM. W/Q Abdirashiid Ali Dubbad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. London (Caasimada Online) – Shirkadda International Research Network ayaa waxaa ay soo saartay war saxaafadeed ku aadan shirka Somalia Oil, Gas and Mining ee lagu wado in uu dhaco March 2018 Shirkadda waxaa ay qoraakeeda ku bilowday in labo bil muddo laga joogo warqad ogolaashiyo shirkadda ay ka heleen dowladda federaalka ah, iyaga oo intaasi raaciyay in ay la yaabeen ay heleen November 5 warqadda kale oo ka socota Wasiirka Petroolka dowladda federaalka ah kaas oo lagu diiday isla shirka. IRN waxaa ay sidoo kale ka hadleen in laga soo bilaabo July sanadkan ay la xiriireen shirkado Soomaali iyo caalami ah sidii maalgelin loogu heli lahaa shidaalka Soomaaliya oo ay ku sheegeen meel mustaqbal leh. International Research Network waxaa kale oo ay ka hadleen khibaradooda, iyaga oo sheegaya in 6dii sano ee la soo dhaafay ay shirar noocaan u qabteen shirkado iyo dalal badan, gaar ahaan arrimaha la xiriira shidaalka, shirarkaasi ay qaban-qaabiyeen oo inta badan carabta u badnaa Soomaaliya waxaa ay ku aheyd marti. Shirkadda waxaa ay soo dhaweynsay warqadda ay dowladda federaalka ah ka heleen September 19 taas oo ay sheegayaan in ay ku dhiirigelisay in ay horay u sii wadaan qaban-qaabada shirka, shirkan oo kuwa la mid ah lagu qabtay London 2013, 2014 iyo shirkii ugu dambeeyay ee London. Shirakkada International Research Network qaban-qaabineysa shirkaa shirka Somalia Oil, Gas and Mining ee Nairobi loo balansan yahay March 2017-ka waxaa ay hadalkeeda ku soo gabagabeeyay in ay xiriir iyo wada hadal u socdo dowladda federaalka iyada oo ku rajo-weyn in shirka qabsoomid-doono. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Boosaaso (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe, ayaa ka hadlay askari toddobaadkii hore gabar ku kufsaday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Askariga ayaa la sheegay in uu kufsaday gabadhaasi oo 16 jir ahayd, ka dibna uu rasaas la dhacay, ka hor intii aanu ka cararin magaalada Boosaaso. Hogaamiye Gaas, ayaa sheegay in ninka falkaasi sameeyay la horgeyn doono cadaaladda, si sharciga loogu qaado. Waxa uu Gaas cadeeyay in mowqifkooda uu yahay in ninkaasi la mariyo wixii uga soo baxa sharciga xumaan iyo wanaag, iyadoo la maraayo nidaamka jira. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Ninka tacadigaa sameeyay sharciga in la horkeeno weeye. Puntland sharci iyo nidaam baa ka jira, marka cadaalad iyo nidaam ayaa la waafajinayaa, dembiga uu gaystayna waa uu ka jawaabayaa” Gaas, ayaa bogaadiyay kaalinta Jubbaland ee ku aadan soo qabashada ninkaasi, isagoo intaa ku daray in Hogaamiyaha Jubbaland ay ka wada hadleen arrintaasi. ”Waa ku mahadsan yihiin Dowladda Jubbaland iyo dadkeeda, doorkii ay ka qaateen arrintaa iyada ah. Madaxweynaha Jubbaland waa wada soconay, waana ka wada hadleynay.” Ayuu yiri Gaas. Haddalka Gaas, ayaa kusoo beegmaaya xili dhacdadaani ay noqotay mid dhalisay hadal heyn, maadaama ay Puntland saaxiib u noqotay kufsi aan ciqaab laheyn. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  22. Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe kadib safar qaatay toban cisho oo ay ku tageen magaalada Muqdisho. Madaxweyne Gaas ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada kaga waramay safarkiisa Muqdisho iyo waxyaabo la xariira muranka dekedda Boosaaso. Gaas ayaa ugu horayn tilmaamay in shirkii Muqdisho ay kasoo baxeen qodobo wax ku ool ah oo taageeraya nidaamka Federaaliisimka, isu soo dhaweynta umadda Soomaaliyeed, is-afgaradka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday tacaddi dhowaan loogu gasytey magaalada Boosaaso gabar da’yar, ayaa sheegay in qofkii falkaas ka dambeeyay sharciga la hor-keeni doono danbeeyey shakhsigii falkaas ka dambeeyay, wuxuuna mahadcelin u jeediyay maamulka Jubbaland oo magaalada Kismaayo ku qabtay Dambiilaha oo kamid ah ciidamada Puntland. Ugu dambayn Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa wax laga weydiiyay hakadkii ku yimid dhaq-dhaqaaqa ganacsiga dekedda Boosaaso, wuxuuna ku jawaabay, “Arrinta kale ee muhiimka ah waxaa weeye Dekedda, dekeddu waa hormar, qofkii ka horyimaadana waxaana u haysanaa inay tahay cid dan gaar ah leh.” Wuxuu intaas ku daray in dowladdu diyaar u tahay inay kala hadasho ganacsatada wixii tabasho ah ee ay qabaan. Hadalkan ayaa yimid xilli dekedu ku shaqaynayo heshiis toban cisho ku salaysan oo loogu talo galay inaan lagu joojin shaqooyinkii ka socday kadib markii ganacsatadu sheegeen in lagusoo kordhiyay lacago dheeraad ah.
  23. Jowhar (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar culus galabta ku qaaday Saldhig ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Basra oo ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Maleeshiyaadka oo ku hubeysnaa Gaadiid iyo Hub culus ayaa Saldhiga weerar uga soo qaaday laba Jiho, waxa ayna iska caabin kala kulmeen ciidamada dowlada ee ku sugnaa Saldhiga. Dagaalka oo saacado qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo ay ciidamada Saldhiga goor danbe ay heleen gurmad ciidan. Mid kamid ah dadka deegaanka oo u waramaayay warbaahinta ayaa sheegay inuu arkay meydadka ku dhawaad Siddeed ruux oo labada dhinac isugu jira, halka dhaawacana uu gaaray 11 oo ay ku jireen dad shacab ah. Ciidamada dowlada ayaa caawa deegaanka Basra kawada howlgalo lagu baadi-goobaayo Alshabaabkii weerarka ku qaaday Saldhiga, waxaana kacsan xaalada Basra. Si kastaba ha ahaatee, degaanka Basra ayaa ka mid ah degaano Ciidamada Dowladda Somalia ay todobaadkan kala wareegeen Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  24. washed oil to onshore in Batalaale beach, Berbera Introduction Growing evidences of marine/sea pollution have constantly been noticed in Berbera coast and the entire country’s coastline at large. Reliable sources to mention but not limited to the local press have incessantly shared some videos, pictures and other related evidences that show clear pollution in Berbera coast where substantial flocks of oil are found at onshore. This oil was unleashed out by certain foreign ship, and it has resulted into physical changes of the seawater and at the same time stemming from biological and chemical changes of seawater. This unleashed oil is very harmful to human feet and perhaps may cause skin diseases. To curb this however, the ship(s) that has done this pollution can easily be identified and litigate if laborious is given. washed oil to onshore in Batalaale beach, Berbera Alarming to mention, it is not the first time that such kind of environmental tribulations are encountered; discernable evidences are normally seen in Sanaag and Sahil coast whereby toxic waste materials are exposed to onshore zones of Somaliland coast by natural cyclones that hit our coast once a while. The last tragedy was the toxic cylinder that was found in Harshaw coast onshore two years back. waste cylinder found at Harshaw beach, HarshawHowever, this is a very furious issue that needs an urgent intervention from the Government of Somaliland. Oil spillage into sea is not the only pollution catastrophe we encounter but also to mention hazardous wastes namely radioactive wastes that are normally dumped into our marine ecosystems by reckless foreign ships. This in turn detrimentally affects the health of the people and impedes the marine biodiversity. Notably seafood, which can be considered a potential food reserve for future generations, is being jeopardized by such growing marine pollution incidents. Apparently, terrestrial environment resources in Somaliland have been suffering from cyclic droughts, climate change and growing concern of carrying capacity of land resources, these factors have put at risk future food security in our country, but the untapped marine resources(seafood) that is considered potential food reserves for future generations are now endangered by these growing marine pollutions. It is clear as mud that the waste dumping activities into Somaliland coast is inexorable as long as there is absence of capacitated institutions that are able to properly supervise the foreign fishing firms. Some of the fishing firms/fishers operating in Somaliland and Somali coast at large are not only there for fishing purposes but pursue other veiled intentions which perhaps my include spying, indiscriminate dumping of radioactive and toxic wastes and bottom-trawling that hampers on sustainability of biodiversity and seafood at large. In the face of these events, the problem is outsize than what it is thought. The dumped wastes are perilous that is why these fisher groups tend to take off these toxic wastes from their respective countries into this fragile state. This is unacceptable in accordance to International Environmental Laws.There are international precautionary and trans-boundary environmental protection laws and Protocols about preservation of environment particularly marine environment which is critically vulnerable yet important in human life. It is not allowed by certain state/ foreign firm to shift waste materials from one country to another and dump it there. RIO declaration (1992) says “polluters causing trans- frontier pollution should be subjected to legal and statutory provisions no less severe than those which would apply for any equivalent pollution occurring within their country. Meanwhile, the discharge of toxic wastes into sea has been overly discussed in many conventions and resolutions include the Stockholm Conference(2001) where declaration is set out about waste discharge into sea emphasizing on discharge of toxic substances or of other substances and the release of heat, in such quantities or concentrations as to exceed the capacity of the environment to render them harmless, must be halted in order to ensure that serious or irreversible damage is not inflicted upon ecosystems. These fisher groups however, can be taken to both local and international courts of law if laborious are given on their haunt pollution activities by the Government of Somaliland. Most of them have been illegally utilizing potential fish resources in Somaliland coast yet conducting bottom trawling and by-catch fishing practices. These fishing practices are not allowed internationally as they destruct biodiversity of aquatic species. Unfortunately for those who have the onus to conserve marine resources haven’t been peering into such issues moreover the coast is important for the livelihood of thousands of people. The Likely Effects Of These Pollution Activities Apparently these growing pollution activities which include oil spillage into the sea, burying of toxic materials into the sea, and other concealed pollution activities that take place across Somaliland coast impair aquatic species in the seawater as it affects organisms both from internal exposure to these wastes through ingestion or inhalation and from external exposure through skin and eye irritation. Oil can also smother some small species of fish or invertebrates and coat feathers and fur, reducing birds and mammals ability to maintain their body temperatures thus resulting in death to numerous aquatic species hence biodiversity extinction. In turn, these growing pollution activities in Somaliland do impede on habitats and perturb the ecosystem in the seawater. More important yet, there are health problems that associate with such pollutions and adversely affect human health through skin rush, skin irritation, asthma, cataracts, cardiovascular diseases and mutation to human beings when they get into contact. Understanding such health implications depend upon the chemical substances that the pollutants contain. However, marine/sea pollution is far critical than land pollution as it poses both immediate and cumulative hazardous effects to human beings. For instance, when a person eats contaminated fish with these toxic pollutants, it may cause brain damage and disorder the biological genes in the long run. Also if these toxic wastes leak into water, it alters the chemical and biological composition of water by reducing dissolved oxygen in water and chemical equilibrium of the water body and this consequently causes aquatic species’ extinction and significant economic loss of both the government and the local people. Local people are therefore may not be in position to fetch more fish from the sea, because most of the fish species have either died or escaped away and this ultimately stagnates their livelihood. Conclusion Relevant Government institutions namely Ministries of Interior, Fishing and Environment and Natural Resource Management should work hand in hand to avert any sort of sea/ marine pollution which could be incurred by the foreign fishermen. Police at coasts should be increased in numbers and fully capacitated to be able to carry out surfeit surveillance across the coast, and supervise foreign fishers about their operations. Also adequate salaries must be given to them so that they can desist from the “cancer of corruption and bribery” that might ruin their activities consequently promoting vandalism of our marine resources by foreign fishermen. Also Research and laboratory stations should be established by the Government for research and experimental analysis on various chemical substances that may be found in our sea. Sharmaarke Abdi MusseHowever, Peace and Prayer By: Sharmaarke Abdi Musse Researcher and University Lecturer Email: jamaal_77@hotmail.co.uk
  25. HARGEISA— The National Elections Commission (NEC) begins dispatching staffers at polling stations in nationwide. The staffers are university students across the the nationwide and have left for the assigned polling centers in the regions and districts in Somaliland. Those who were recruited from Marodi Jeh and nearby districts have left from Hargeisa on Wednesday and headed to assigned polling centers across the nation. The varsity polling station staffers in other provinces will leave in a matter of days. NEC distributed ballot papers to the country so as the citizens go to polls to elect Silanyo’s successor on 13th Nov. There are three political parties which are contesting the polls mainly Kulmiye, led by Musa Bihi, Wadani led by former house speaker, Irro, and Ucid led by Faisal Ali Warabe. It will be the third presidential election which reached a fever pitch and is expected that the ruling Kulmiye party is due to defeat Wadani Unionist party by overwhelming vote.