Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,035
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maryan Qaasim Axmed, Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Federaalka ee maanta iska casishay xilkaan ayaa Goobjoog News uga warbixisay sababta ku kalliftay iney is casisho. Waxay sheegtay Drs. Maryan in sababta ugu weyn ee ay isku casishay ay tahay ineysan ku shaqeyn karin is barbar yaac, sidaasi darteedna ay ka doorbiddey iney xafiiska baneyso. Sidoo kale waxay sheegtay wasiir Maryan in iyadu aanay ahayn mucaarad, ayna xukuumadda u rajeeneyso guul iyo horumar. “Aniga oo ah Maryam Qaasim Axmed, wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka, waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee aan u hayey xukuumadda, aniga oo ilaahay uga baryaya xukuumadda booskeega qof aniga iga wanaagsan oo u buuxiyana iney hesho, hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga hay’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa, xukuumadda waxaan ilaahay uga baryayaa iney horumar gaaraan, ma ihi qof mucaarad ah, dowladeeda mucaarad kuma ihi laakiin aniga duruuftaan is barbar yaaca ah wey igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, aniga shaqsiyan waxaan doorbiday siyaasad inaan gacmaha kala baxo oo sidii kale aan bulshadeeda ugu shaqeyn jirey aan ugu shaqeeyo” Maanta oo Arbaco ah ayeey Drs Maryan Qaasim Axmed waxay si rasmi ah u sheegtay iney iska casishay xilkii wasiirnimo ee ay ka haysay xukuumadda uu hoggaamiye Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Goobjoog News Source
  2. Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu gaaray Ra’silwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre. Wafdiga Ra’isilwasaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo Dhoweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh oo halkaasi kaga sii horeeyay. Sidoo kale waxaa magaaladaasi Baraawe gaaray wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating. Dhanka kale Warar ay warbaahinta Puntland Post ka heleeyso Baraawe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe oo ay maamulaan AMISOM. Lama oga qasaaraha madaafiicdaasi ka dhashay hayeeshee Al-Shabaab ayaa ku soo beegay Madaafiicdooda xiligii ay soo dageen Wafdiga Ra’isilwasaare Kheyre. Faahin Faahin Dheeraad ah Dib ugala soco Puntland Post Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo Gaaray Baraawe iyo Al-Shabaab oo Madaafiic ku Garaacay Garoonka Baraawe appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore 15 Nov 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley qaar kamid ah hay’addaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Puntland, hay’addahaas uu Madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa waxaa kamid ah Relief International, SCF, SSF iyo UNICEF. Kulamadaas uu Madaxweynaha Dawladda Puntland la qaatay hay’addahaasi oo ahaa kulamo gaar gaar ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabddullaahi Cumar Camey iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland Mudane. Burhaan Cilmi Xirsi. Kulankii ugu horeeyey ee Madaxweynuhu la qaatay saraakiisha ka socotey Hay’addaha Relief International ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen kobcinta waxbarashada hablaha, taageeridda ciidamada Puntland iyo waxbarashadooda, dhismaha xarumo waxbarasho ee deegaanada fog-fog gaar ahaan gobolada Gardafuu, Sanaag, Cayn iyo Hayland, waxaana dhammaan qodobadaasi laysla meel dhigay in sida ugu dhakhsaha badan loo dardar geliyo wax kaqabashadooda, iyadoona ay sheegtay hay’addu in ay gelindoonaan mashaariicdaasi lacag gaadhaysa 1.5 Million. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xafiiskiisa kulan kula qaatay masuuliyiin ka socdey hay’adda SCF [Save Children Fund] oo ay kamid ahaayeen Madaxa xafiiska SCF Soomaaliya Mr. Timothy Bishop iyo madaxa Xafiiska SCF Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, waxaana kulanka lagaga wada hadlay mashriicda ay Puntland ka fuliyaan hay’addu, kuwaas oo ah Waxbarashada, taageeridda caruurta danyar ta ah, Caafimaadka, Biyaha iyo Nadaafadda. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ay wehelinayaan Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka socdey hay’adda SSF [ Somali Stability Fun], waxaana kamid ahaa saraakiisha ka socotey hay’addani madaxa xafiiska SSF Soomaaliya Vishalina Lowrance iyo madaxa Xafiiska SSF Puntland Abshir Maxamed, isla markaana waxaa kulanka looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin taakulaynta ciidamada Booliska Puntland, horumarinta dhalinyrada Puntland iyo biyo gelinta magaalooyinka waaweyn ee Puntland, Ugu danbayn, kulanka Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ka kala socdey hay’addaha Relief International, SCF iyo SSF ayaa ahaa mid ku qotomay dardargelinta mashaariicaha horumarineed ee hay’addahaasi ka fuliyaan guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland, =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulamo La Qaatay Qaar Kamid Ah Hay’addaha Caalamiga Ah Ee Ka Hawlgala Puntland. appeared first on Puntland Post.
  4. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa kusoo dhoweeyay Baraawe, madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, mas’uuliyiinta gobolkaasi iyo kan Baraawe. Waxa uu Ra’iisul wasaare Kheyre u guurgeli doonaa xaaladda guud ee Baraawe iyo arrinta ciidamada maadaama dowladda Federaalka ay dhowaan qaadi rabto dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab. Sidoo kale, waxaa magaalada Baraawe ku sugan Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera. Goobjoog News Source
  5. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay u ambabaxeen degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararku waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha u kuurgalayo xaaladda ammaanka ee degmadaasi, arrimaha ciidamada maadaama ay dowladda Federaalka dhowaan qorsheynayso iney qaaddo dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed ayaa ku sugan degmada Baraawe, iyadoo ammaanka guud ee degmadaasi aad loo adkeeyay. Sidoo kale waxaa socota qaban qaabada lagu doonayo in lagu soo dhoweeyo Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  6. November 15, 2017 HARGEISA– Colonel Muse Bihi Projected Winner of Somaliland Presidential election. Muse Bihi Abdi, 69, will become the 5thPresident of Somaliland, GubanMedia projects, a landslide victory for him. Muse Bihi, the former military commander, will become the first Somaliland to win over 50% of the votes cast. GubanMedia is confident when all the electorate commission officially declares the result; he would win 53.5 percent of all votes cast. Muse Bihi won most of the major population centers of Somaliland, including Hargeisa, Gabiley area, Burao, Borama, Berbera, and Las Anod. He also received more votes than Silanyo did in 2010 election. Muse Bihi’s victory will most likely end the political career of then candidate Irro, who was the Speaker for 12 years three months ago. Now, President-elect Bihi faces the job of uniting the country after divisive and smear campaign conducted by Irro during the election. Colonel Muse Bihi, who is the first Somaliland President with military experience, campaigned for national security, and vowed to address the most pressing issues facing the nation: the crushing poverty in our society, our broken judicial system, providing basic services like water and electricity,healthcare, and youth unemployment.He also pledged to combat female genital mutilation, to increase women representation in politics, and to introduce compulsory national service for high and college graduates. Somaliland voters have spoken and voted for a change.They voted against Irro because he was not an agent for a change. And they are expecting from President-elect Bihi to put together a lean and competent cabinet with fresh faces. Jamal Hussein who has experience in finance and banking is expected to become finance secretary. While the reform minded Ahmed Samatar is favorite to run Education Department.Both men have campaigned tirelessly for Candidate Bihi. But, first, Muse Bihi must swear in as 5th President of Somaliland on inauguration day, December 16. Gubanmedia
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa goor dhow waxay iska casishay xilkaasi. Wasiir Maryan ayaa xaqiijisay iney xilkaasi iska casishay, waxaana ay sheegtay in daqiiqado kadib ay saxaafadda u faah faahin doonto sababaha ay xilkaasi uga tagtay. Drs. Maryan Qaasim ayaa mudadii ay xilkaan haysay waxbadan soo qabatay. Wasiir Maryan ayaa muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha. Waxaa lagu wadaa inay saxaafadda faahfaahin ka siiso sababaha ay isu casishay, iyadoo ka mid ahayd xubnaha ugu dhow madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
  8. Waxaa Goordhow is Casishay Wasiirka Gargaar iyo Maareeynka iyo Musiibooyinka Xuukumada Federaalka Soomaaliya Drs Maryan Qaasim. Wasiirka oo Goordhow la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay isaga tagtay xilkii ay ka heeysay Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Qoraal Kooban oo Ay Soo Dhigtay Twitterkeeda ayeey ku Sheegtay in ay iska Casishay xilkaasi Sababo iyada u gaar ah. Lama Oga sababta rasmiga ah oo ay isku casishay Wasiiirkii Gar Gaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Xukuumada Soomaaliya. Marwo Maryan Qaasim ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumada Dalka Soo martay waxaana xusid mudan in Wasaarada ay iska casishay ay aheyd mid ku cusub dalka. Horay waxaa isku Casilay Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Soomaaliya oo is Casishay. appeared first on Puntland Post.
  9. Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa goor dhow waxay iska casishay xilkaasi. Wasiir Maryan ayaa Goobjoog News u xaqiijisay iney xilkaasi iska casishay, waxaana ay sheegtay in daqiiqado kadib ay saxaafadda u faah faahin doonto sababaha ay xilkaasi uga tagtay. Drs. Maryan Qaasim ayaa mudadii ay xilkaan haysay waxbadan soo qabatay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  10. Washington (Caasimadda Online) – Waxaa weli socdo soo bandhigista sirihii laga helay Gurigii Usama Bin Laden ee sanadkii 2011 kadib markii ay halkaas weerareen Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Mareykanka oo ku guuleystay inay dilaan Hoggaamiyahaas muddo badan ku dhuumaleysanayey buuro ku yaalo dalka Afghanistan balse markii dambe usoo guuray Pakistan. Hay’adda dembi baarista ee Mareykanka CIA (Central Intelligence Agency) ayaa markaan soo bandhigtay qeyb kale oo kamid ah sirihii laga helay gurigiisa. Sirta markaan lasoo bandhigay ayaa aheyd waxyaabo ku qornaa Buugga Xusuus qorka Bin laden oo laga dhex arkay nuqul ka hadlayo sababtii keentay inuu Bin laden qaado weerarkii lagu laayey dad badan oo mareykanka u dhashay iyo kuwa kale oo dhacay Sanadkii 2001. Waxaana C.I.A-da ay ku sheegeen in ay sababtu ahayd iyada oo AL-Qaacidda iyo hoggaamiyahooda Usamaba aysan u arkin Waddamada Carabta Ragga Madaxweynayaasha ka ah in ay yihiin kaligood taliyeyaal loo baahan yahay in xilka laga tuuro. Si loogu sameeyo xil ka qaadista hoggaamiyayaasha Waddamada Carabta marka hore la dumiyo Dowladda Mareykanka maaddaama ay Dowladda Mareykanku tahay midda ilaalisa Hoggaamiyayaasha Carbeed sidoo kalena maal gelisa. Al-Qaacidda waxaa ay rumeysneyd in hoggaamiyayaasha Carabta ay dhici doonaan marka Mareykanka uu weerarkaas ka dhaco kaddibna Al-Qaacidda mid mid u riddo Madaxweynayaasha Waddamada Carabta. Siraha la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa qorshaha Al-Qaacidda ee Sucuudiga,Liibiya,Masar,Tunisia iyo Jordan,waxaana ay kala ahaayeen sidan. Marka hore in Dowladda Mucaamir Qadaafi ee Liibiya lala heshiiyo laguna gacansiiyo Gugii Carabta,si uu u oggolaado in Mujaahiddiinta gabaad ka helaan Liibiya,halkaaas oo ay ka weerari karaan Dalalka Masar iyo Tunisia. Waxaa kale oo qorshaha ku jiray in ka hor inta aysan Al-qaacidda qabsan Dalka Sucuudiga marka hore la rido dowladda Jordan oo loo arkayay in ay muhiim tahay ridideeda si loo rido kaddib boqortooyada Sucuudiga. Xusuus qorka Bin Laden ee CIA-du soo bandhigtay ayaa lagu xusay in Usama uusan ahayn Nin diinta aad u yaqaanna,sidoo lakalena ahayn aqoonyahan Islaami ah laakiin waxaa uu ahaa Ganacsade dhaqaale badan heystay,kaas oo markii uu ku jiray Dugsiga sare go’aansaday in uu jihaadka galo,kana guuleysto gaalada. Dhinaca Dalka Yemen,Al-Qaacidda waxaa u qorsheyneyd in Cali Cabdalla Saalax la qaarijiyo dalka Yemenna laga hirgeliyo dowlad Islaami ah. Sirahaan ay soo bandhigtay CID-da Mareykanka ayaa la hubin run ahaanshaheeda 100%, waxaana macquul ah in arrintaan laga leeyahay ujeedooyin gaar ah iyo in wadamada Carabta lagu baraarujiyo inay ka hor tagaan Al-Qaacidda. Osama Bin Laden ayaa ka tagay Ururka Al-Qaacidda oo hadda awood ku leh adduunyada, inkastoo ay dhuumaaleysi ku jiraan, haddana weli laguma guuleysan in si rasmi ah loo baabi’iyo kooxdaan. Al-Qaacidda ayaa dhawr koox oo xiriir la leh iyada ka sameysay wadamada Islaamka, waxaana dalalkaas kamid ah Soomaaliya oo ay Al-Qaacidda ka abuurtay ururka Al-Shabaab oo dhibaato badan ku hayaan Shacabka, waxayna 14 October Magaalada Muqdisho ka sameysay qarax lagu dilay ku dhawaad 400 qof oo Soomaali ah oo aan waxba galabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Dalka Zimbabwe oo Dhaca Qaarada Afrika ayaa Xalay ilaa iyo Saaka waxaa ka socdo Dhaq Dhaqaaqyo u muuqda in ay yihiin kuwo lagu Afgambinayo Madaxweynaha Dalkaasi Robert Mugabe. Ciidamo aad u hubeeysan ayaa Xiray Wadooyinka Soo gala Magaalada Hareera ee Casimada Dalkaasi Zimbabwe. Ciidamada ayaa la wareegay Xarunta Tv-ga ee Dalka ZBC iyaga oo sidoo kale la wareegay wadada gasha Xisbiga talada haya ee dalka Zimbabwe ee la yiraahdo Zanu-PF iyaga oo ku xidhay Gawaari u badan Taangiyo. Xaalada ayaa ah iminka mid kacsan iyada oo meelaha qaarna laga maqlayo Qaraxyo iyo rasaas sida ay sheegayaan Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta. Madaxweyne Mugabe ayaa wajahaya xiisado Siyaasadeed waxaana arintaasi ka dambeeysay kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in Mugabe uu doonayo in talada dalka uu ku wareejiyo Xaaskiisa taasi oo ay ka biyo diideen Xisbiyada dalkaasi. Robert Mugabe oo ah hadda 93-Sano Jir ayaa Muddo 30 sano ah haya xilka Madaxweynaha Dalkaasi isaga oo qabtay 1987. Wadamada qaarada Afrika ayaa waxaa ku badan Afgambiga talada looga tuuro Madaxweynaha dalalka Afrika . Wixii ku soo kordha xaalada Zimbabwe kala soco Puntland Post Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ciidamada Milatariga oo afgambi kula wareegay Dalka Zimbabwe appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madax sare oo ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa sheegay in mid ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda ee xukuumadda Somalia uu shirkadda weydiisay lacag baad ah oo dhan nus milyan dollar ($500,000) intii ay socotay baarista Qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Zoobe ka dhacay 14kii October. Wasiirkaan ayaa shirkadda u sheegay in labo shaqsi oo ka tirsan shirkadda Hormuud oo dhowr bilood ka hor damiintay gaarigii is qarxiyay inuu dusha u saari doono kiis Al Shabaabnimo ah hadii aaney ka bixin lacag nus milyan Dollar ah oo ay ragaasi kaga bad baadineyso Shabaabnimo. Labaddan shaqsi oo wasiirka Amniga Somalia uu tiro labo jeer ah sheegay iney damiinteen gaarigii is qarxiyay ayaa hada ku jira gacanta Dowladda Somalia. Hormuud waxey u sheegtay Dowladda Somalia in la baaro Ragga gaariga damiintay ee shaqalahooda ka tirsanaa lana marsiiyo cadaaladda oo hadii ay dambi lee yihiin la xakumo ,hadii aaney dambi laheyna lasii daayo waxaase la yaab ku noqotay madaxda Hormuud in mid ka mid ah wasiiradda xukuumadda uu shirkadd weydiisyto lacag intii ay baaristu socotay. Wasiirkaan oo heysta dhalashadda UK ayaa qaar ka mid saamileydda shirkadda Hormuud ee kunool Ingriiska waxey sheegeen iney dacwad ka gudbin doonan iyagoo sheegay iney hayaan codad cadeynaya lacagaha uu weydiistay iyo hanjabaadiisa, sidoo kale waxey sheegeen iney arintaan la wadaagi doonaan Ra’iisul wasaraha iyo madaxweynaha Somalia. Waa wasiirkii labaad oo ka tirsan xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre oo lugaha la gala kiis fadeexad iyo musuq maasuq ah bil gudaheed mana jirto wali talaabo uu qaaday Mr Kheyre. Dowladda ayaa xalay soo saartay warar is diidan oo la xiriira Qaraxii Zoobe iyadoo wasiirka amniga Isloow uu sheegay in la hayo 5 nin oo qaar ay Al Shabaab yihiin qaarna ay gaariga damiinteen halka wasiirka warfaafinta Yariisoow uu isna sheegay in 5ta ninba ay Al Shabaab yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay hindisihii qeyb ahaan Soomaaliya looga qaaday Cunaqabateynta Soomaaliya. 11 ka mid ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in ilaa 15ka November 2018 la gaarsiiyo qaadista qeyb ka mid ah cunaqabateynta Hubka ee saran Soomaaliya. Waxaana isla kulankaas lagu mamnuucay dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya iyo in Hubka sharci darrada ah la mariyo biyaha Soomaaliya. 4 ka mid ah 15ka dale e Golaha amaanka ayaa ka maqnaa kulanka waxaana ay kala ahaayeen China,Masar,Bolivia iyo Ruushka,iyada oo 11kii fahdiyay u codeeyeen muddo kordhinta. Sidoo kale waxaa iyana ilaa 15-ka December 2018 la gaarsiiyay heshiiska Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobey,waxaana looga codsaday in ay sii wadaan shaqadooda baaritaannada u badan. Kooxdan SEMG, ayaa sanadkan baaritaannadooda diiradda ku saaraya waxyaabaha qarxa ee loo dhoofiyo Soomaaliya sida Kiimikada, Precursors ammonium nitrate, potassium chlorate, potassium nitrate iyo sodium Chlorate, oo Goluhu tuhmayo in lagu fuliyay Qaraxyo ka dhacay Soomaaliya. Sidoo kale kooxda dabagalka ayaa warbixin looga dhageystay kulanka waxaa ay ku sheegeen in baaritaankooda sanadkii la soo dhaafay ay ku waayeen in wax xiriir ah ka dhaxeeyo Al-Shabaab iyo Dowladda Eritrea. Warbixinta Golaha ammaanka ayey dowladd Eritrea uga codsadeen in kooxdan dabagalka u oggolaadaan in ay dalkaasi galaan islamarkaana sameeyaan baaritaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Harare (Caasimadda Online) – Waaberigii hore ee saakayto ayey Milliteriga dalkaasi waxay la wareegeen Talada dalkaasi, waxayna Gaadiidka Gaashaaman ku go’doomiyeen dhamaan Xafiisyadda Dowladda, Dhismaha Barlamaanka iyo Maxkamadda Sare ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Harare. War ay Milliteriga soo saareen, lagana sii daayey Telefishinka Qaranka ayey ku sheegeen inay beegsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweynaha da’da ah ee Robert Mugabe. Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweynaha oo 93-jir iyo Qoyskiisa bad-qabaan Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay. Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah. Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso. Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo. Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii. Madaxweyne Zimbabwe iyo Xaaskiisa Grace Mugabe oo rajeynayso inay Xilka kala wareegto Ninkeeda ayaan la arkin ama la maqlin halka ay ku dambeeyeen. Wasiirkii Maaliyadda ee dalkaasi, Ignatius Chombo oo hoggaamiyaGarabka G40 ee Xisbiga ZANU PF ee haya Talada dalkaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanku Xabsiga dhigeen. Sarreeye Gaas SB Moyo oo ah Taliyaha Guud ee Loojistikada oo ka hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay Ciiddanka begsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweyne Mugaabe, kuwaasi oo uu ku eedeeyey inay galayaan Dembiyo dhibaataynaya Dhaqaalaha iyo Bulshadda Zimbabwe. Wuxuuna intaasi ku daray in Dembiilayaasha la hor geyn doono Caddaalada.. “Isla marka aan dhamayno Hawlgalkaasi, waxaan rajeynaynaa inay Xaalladu caadi noqon doonto”ayuu yiri Jeneral SB Moyo. Dhaqdhaqaaqa Mucaaradka ee Isbedel-doonka Zimbabwe (Movement for Democratic Change) waxay ku baaqeen in si nabad ah loo soo celiyo Dastuurka Dimuqraadiyadda, waxayna rajo ka muujiyey inay Faragelinta Milliteriga horseedi doonto Asaaska Deganaansho, Dimuqraadiyad iyo Horukaca Qaranka. Warbaahinta Koonfur Afrika: Mugabe “wuxuu doonayaa in uu iscaslio” Sida ay baahinayaan qaar ka mid ah warbaahinta dalka Koonfur Afrika, Madaxweyne Robert Mugabe wuxuu isu diyaarinayaa in uu xilka ka dego, saacado ka dib markii “militariga ay la wareegeen awoodda”. “Mugabe wuxuu doonayaa in uu iscasilo”, ayuu wargeyska News24 ku qoray boggiisa asigoo soo xiganaya sarkaal sare. Balse faafaahin dheeraad ah kama bixin. Xiisad siyaasadeed ayaa sare u sii keceysay tan iyo markii madaxweyne Mugabe uu shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa, kaas oo muddo saaxiib dhow la ahaa Mugabe. Gawaari gaashaaman oo ku sugan jidadka Harare Militariga ayaa dhex wareegaya jidadka caasimadda dalka Zimbabwe ee Harare. Sawirro saaka laga qaaday Harare ayaa muujinaya gawaari waawayn oo gaashaaman iyo ciidamo si toos ah u joojinaya gawaarida.
  15. Korjoogayaasha caalamiga ahaa ee doorashada Somaliland ayaa qoraal hor-u-dhac ah oo ay soo saareen waxaa ay guud ahaan ku tilmaameen qaabka ay doorashadu u dhacday mid wanaagsan. Kooxdan ayaa sidoo kale ku soo bandhigay qoraalkooda dal-daloolooyin ka muuqday qaabka doorashadu u socotay, waxaa ay sheegeen in hannaanka wacyigelintu ay aad u liidatay taasina keentay in dad badani garan waayaan goobaha ay codka ka dhiibanayeen. Korjoogayaasha caalamiga waxaa ay qoraaalka ku sheegeen in ka war hayaan carruur aan gaadhin da’da codaynta oo loo ogolaaday inay codeeyaan. Dhinaca kale, waxaa ay sheegeen sidoo kale sheegeen in qaabkii sirta ahaa ee loogu tallo gallay ama ay ahayd in codeeyuhu u dhiibto codka dibadda la soo dhigay ama la khashifay. Dadka da’da ah ama waayeelka u badan ee u baahnaa in laga caawiyo cidday u codaynayaan la isweydaariyay meelaha qaarkood. Waxaa ay sheegeen in ay warbixin buuxda soo saari doonaan dhawaan. Dhinaca kale, Cabdiqaadir Jirde oo u hadlay Xisbiga Wadani ayaa ka cawday in mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga la xiray, qaarna dhaawacyo soo gaareen sida Faadumo Saciid iyo Xamse Kheye iyaga oo intaasi ku daray in xeerkii lagu tuntay sida muraaqibiintooda oo la saaray, handadaad loo geystay dadkii ka wakiilka ahaa xisbigooda iyo meelo uu sheegay ay Barasaabyada galayaan goobaha codadka lagu tiriyo. Goobjoog News Source
  16. Dowlada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Magacyada dad lagu tuhnsan yahay qaraxii 14-kii bishii la soo dhaafay Octoober ka dhacay isgoyska Zoobe, ka dib baaritaano dheeri ah oo ay sameeyeen Hay’adaha amaanka. Wasiirka Amniga gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa shaaca ka qaaday shaqsiyaadka loo qabtay falkaasi qaraxa waxayna kala yihiin Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) – Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo. Abdullahi Abdi Warsame Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji) Source
  17. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay xiriirka wada-shaqeyneed ee isaga iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ka dhexeeya ayaa sheegay inaysan jirin wax khliaafaadyo ah oo soo dhex-galay isaga iyo madaxweynaha tan iyo markii xafiiska loo magacaabay oo laga joogo haatan siddeed bilood. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad ka dhacday xalay Muqdisho oo ay ka Qayb-galeen boqolaal dhallinyaro ah, isla mar ahaantaana loogu baroor-diiqayay dadkii ku naf-waayay Qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii Oktoobar. “Sideeddii bilood ee aan Xafiiska joogay Aniga iyo Madaxweynaha marna isma khilaafin, wax muran ahna nama soo dhex-gelin, waana mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia. Khayre oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay horay u arki jireen in madaxda ugu sarreysa dalka ay arrimo siyaasadeed oo aan mug badan lahayn isku qaban jireen, balse aanay taasi hadda jirin. Marka dib loo eego eego Sooyaalka khilaafka siyaasadeed ee Mas’uuliyiinta dalka soo kala dhex-gala ayaa la dareemi jiray marka xafiiska ay muddo sannad ah joogaan Ra’iisul Wasaarayaashii Dalka soo maray, marka la eego afartii sano ee Xukunka hayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ay sannadka ugu horreeya is-qaban jireen Ra’iisul Wasaarayaashii hore, sida Cabdi Faarax Shirdoon iyo C/wali Sheekh Axmed, oo labadaba markii uu soo dhex-galay khilaafka iyaga iyo madaxweynaha ugu dambeyn kalsoonida ay kala laabteen xildhibaannada Baarlamaankii hore. Ugu dambeyn, Hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre kasoo yeeray oo ah in isaga iyo Madaxweynaha aysan is khilaafin ayaa kusoo beegmaya, xilli ay farqaha ku dhagan yihiin siyaasiyiin mucaaradsan xukunkooda. PUNTLAND POST The post RW KHAYRE: Ma jiro khilaaf nasoo dhex-galay aniga iyo Madaxweynaha tan iyo markii aan… appeared first on Puntland Post.
  18. Ra’isilwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ku wajahan Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose. Amaanka guud ee Magaalada Baraawe ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi sugaya amaanka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. ujeedada Ra’isilwasaare Kheyre uu Baraawe u tagayo ayaa ah sidii u soo indha indheeyn lahaa xaaladaha halkaasi ka jira. Magaalada Baraawe ayaa ah Magaalo Xeebeed dhacd Gobolka Sh/Hoose waxaana ay ku Magacaabtahay Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed inkastoo aanay Maamulka ku Shaqeeynin. Dhowr Sano ka hor ayaa Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM Al-Shabaab ka saareeyn magaalada Baraawe oo ah magaalo istiraatiiji ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo ku Wajahan Baraawe appeared first on Puntland Post.
  19. Dowlada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Magacyada shaqsiyaad ku lug yeeshay qaraxii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ee 14-kii bishii la soo dhaafay Octoober ka dhacay magaalada Muqdisho, ka dib baaritaano dheeri ah oo ay sameeyeen Hay’adaha amaanka. Wasiirka Amniga gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa shaaca ka qaaday shaqsiyaadka loo qabtay falkaasi qaraxa waxayna kala yihiin 1- Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) – 2- Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado 3- Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay. 4- Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo. 5- Abdullahi Abdi Warsame Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey 6- (Cismaan Xaaji) PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Shaqsiyaad loo Qabtay Qarixii Soobe appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno Villa Somalia, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu maanta socdaal kadis ah ku gaari doono degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa hogaamin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan, waxa ayna booqan doonaan Saldhigyo ay ciidamada dowlada kala wareegen maleeshiyaadka Al-shabaab. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale booqan doona Xarumaha maamulka degmada iyo Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ee halkaasi laga dhisay. Waxa uu sidoo kale Kheyre booqan doonaa Xerooyin ay ku jiraan ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo loo diyaariyay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay kasoo jabiyaan dhabarka, si Gobolka Shabellaha Hoose ay ugu soo laabato gacanta dowlada. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inta uu halkaa ku sugan yahay la kulmi doona Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka oo halkaa iminka ku diyaarsan kuwaa oo ay kawada hadli doonaan duulaanka iyo sida ciidamada dowlada looga caawin lahaa la dagaalanka Alshabaab. Dhinaca kale, waxaa aad loo adkeeyay amniga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, maadaama ay halkaa daris la tahay Saldhigyada ugu waaweyn ee maleeshiyaadka Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa xalay dekada Muqdisho ku qabtay raashin dhacay oo dhaafay xadkii loogu talagalay. Raashinkaan ayaa ku jiray baqaar ku yaala Dekada Magaalada Muqdisho halkaasi oo ganacsato ay keensadeen lana doonayay in lagaliyo gudaha Magaalada Muqdisho. Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo uu wehliyo kusimaha taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka soomaliya ee (NISA), g/sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (jaamac) ayaa tagay goobta raashinkaan lagu qabtay. Wasiirka oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in ay raashinkaasi ay ku tuhunsanyihiin gacansato Soomaaliyeed baaritaanka kadibna warbaahinta ay u soo bandhigi doonaan. Tan iyo markii ay dhacday xukuumadii dalka Soomaaliya 1991 dalka Soomaaliya waxaa la soo galiyaa raashin dhacay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada Dowlada oo Muqdisho ku qabtay Raashin dhacay appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay la socto dhibaatooyinka ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku qabaan Baasaboorka xiliyada ay safarka yihiin. Wariirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar oo ka hadlaayay arrinta Baasaboorka ayaa tilmaamay inay ku howlan yihiin xal u helida, waxa uuna carab dhabay in muwaadiniinta qaarkood aan loola dhaqmin sida inay wataan Baasaboor sax ah. Wasiir Garaad waxa uu sheegay inuu culeys ka jiro Baasaboorka Soomaaliga oo intiisa badan taagan xiliyada ay muwaadiniinta u socdaalan wadamo ay kamid yihiin kuwa deriska la ah Somalia. Wuxuu sheegay wadamada qaarkood Baasaboorka Soomaaliga in aysan aqoonsaneyn, ama culeysyo gaar ah ay saarayaan, taas bedelkeeda wuxuu codsaday in wadamadaas ay yareeyaan culeyska jira. Waxa uu Garaad tilmaamay in dhammaan wadamada muhiimka ah uu kala hadli doono aqbalaada Baasaboorka xiliyada ay safarka yihiin muwaadiniinta Soomaalida ah si ay u gutaan qorshooyinkood Safar. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in wadanka Hindiya uu kala soo heshiisyay in ay ardayda iyo dadka xanuunsan ee Soomaaliyeed u fududeeyaan Viisaha. Geesta kale, waxa uu Wasiirka cod dheer ku sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay Wasaaradiisu la kaashan doonto hanaanka lagu fududeyn lahaa in Baasaboorka Somalia lagu aado dhammaan dalalka afrikanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen gobolka Bari, lalana eegtay dagaalyahanno ka tirsan Daacishta Soomaaliya. Wasiirka amniga iyo hub ka dhigista Puntland, Axmed C/laahi Yuusuf oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu diley ku dhowaad 40 ka tirsan Daacish. “Arrintaasi waa ay jirtay waana cadowga Labada buurood ku jira, sidaan wararka ku hayno waa in ka badan 40 askar ah ayaa lagu diley, laakiin markii ay wax dhacaan muddo ayeey qaadataa in wixii xaqiiqada ah si sax ah loo helo” Wasiirka ayaa howlgalladan ku tilmaamay kuwo lagu baacsanayo Daacish iyo Al-shabaab, iskana kaashanayaan ciidamadooda iyo kuwa Maraykanka. “Wey jirtay duqeymo is xigxigey oo ciidamada Maraykanka sameeyeen, ciidamadeena oo iskaashi la sameynayana halkaasi waa ay tageen, laakiinse weli wararka waxay sheegayaan in ninkii hoggaaminayey uu buuraha ku jiro” Ugu dambeyn wasiir Axmed ayaa sheegay in maamulkooda ay ka go’an tahay iney soo afjaraan dagaalyahannada Daacish ee ku sugan buuraha Galgala. Goobjoog News Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa duqeymo cirka ah oo xalay ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la xaqiijiyay in lala bartilmaameystay Saldhig ay ku sugnaayen Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab kuwaa oo horay uga baxsaday duqeyntii ka dhacday deegaanka Basra. Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka oo uu leeyahay Mareykanka. Laba gantaal ayaa la sheegay in lagu dhuftay Saldhiga ay maleeshiyada ku leeyihiin deegaanka Yaaq-bariweyne, waxaana xiligaa ku sugnaa Saraakiil caan ahaa oo ka tirsan argagixisada Somalia ee al-Shabaab. Duqeynta ayaa waxaa lagu dilay ilaa 6 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga lagu duqeeyay. Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo si dhow ula shaqeeya Ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia, ayaa sheegay in Duqeynta ay ka dhacday bar Kontarool oo Al-shabaab ku lahayeen Degaanka Yaaq-bari Weyne. Dhinaca kale, Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha ay ku fuliyaan Drones-ka ee lala beegsado Saldhigayada Shabaab ee Gobolada dalka ay ku leeyihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Zimbabwe’s military has read out a statement after taking over the national broadcaster, ZBC, saying it has taken action to “target criminals”. However, it said this was not “a military takeover of government” and President Robert Mugabe was safe. Heavy gunfire and artillery were heard in northern suburbs of the capital, Harare, early on Wednesday. Zimbabwe’s envoy to South Africa, Isaac Moyo, earlier dismissed talk of a coup, saying the government was “intact”. The statement read out by Maj Gen Sibusiso Moyo came hours after soldiers overran the headquarters of ZBC. He said: “We wish to assure the nation that his excellency the president… and his family are safe and sound and their security is guaranteed.” The statement added: “We are only targeting criminals around him who are committing crimes… that are causing social and economic suffering in the country. As soon as we have accomplished our mission, we expect that the situation will return to normalcy.” The statement did not name those targeted but a government source quoted by Reuters said Finance Minister Ignatius Chombo was among those detained. It is not clear who is leading the military action. Other key points of the statement included: Citizens should remain calm and limit unnecessary movement The military assures the Zimbabwean judiciary that its independence is guaranteed Security services should “co-operate for the good of our country” and any provocation would “be met with an appropriate response” All leave for the defence forces is cancelled and they should return to barracks immediately The UK Foreign Office advised Britons “currently in Harare to remain safely at home or in their accommodation until the situation becomes clearer”. The US embassy in Harare tweeted that it would be closed on Wednesday “due to ongoing uncertainty”. It also advised US citizens in Zimbabwe to “shelter in place” until further notice. The latest events came hours after Zimbabwe’s ruling party accused the country’s army chief of “treasonable conduct” after he warned of possible military intervention. General Constantino Chiwenga had challenged 93-year-old President Mugabe after he sacked the vice-president. Gen Chiwenga said the army was prepared to act to end purges within Mr Mugabe’s Zanu-PF party. Tensions were raised further on Tuesday when armoured vehicles were seen taking up positions on roads outside Harare, although their purpose was unclear. Some staff at ZBC were manhandled when soldiers took over their offices in Harare late on Tuesday evening, sources told Reuters. Workers were told that they “should not worry”, a source added, and that soldiers were only there to protect the site. The BBC’s Shingai Nyoka, in Harare, said the sounds of heavy gunfire and artillery had been heard in northern suburbs where a number of government officials, including the president, live. Gunfire was heard near Mr Mugabe’s residence in the suburb of Borrowdale early on Wednesday, a witness told AFP news agency. Mr Mugabe sacked Vice-President Emmerson Mnangagwa last week, amid a row over succession. Mr Mnangagwa had previously been seen as an heir to the president, but First Lady Grace Mugabe is now the clear front-runner. The rivalry between Mrs Mugabe and Mr Mnangagwa has split Zanu-PF. Last month, Mrs Mugabe warned of a possible coup plot, saying allies of Mr Mnangagwa were threatening the lives of those who didn’t support him. The Zanu-PF party said Gen Chiwenga’s comments were “calculated to disturb national peace… [and] incite insurrection”. The party said it would never succumb to military threats, and that it “reaffirms the primacy of politics over the gun”. The leader of Zanu-PF’s youth wing, Kudzai Chipanga, said the general did not have the full support of the entire military. “It is our country and future at stake and we will not let any individual military man interfere with the leader of the party and legitimately voted president of this country,” he told reporters on Tuesday. The youth wing is a strong supporter of Grace Mugabe. Gen Chiwenga’s warning of possible military intervention came on Monday at a news conference at army headquarters where he was surrounded by senior army officers. He said the “purging” within Zanu-PF was “clearly targeting members of the party with a liberation background”, referring to the country’s struggle for freedom from white minority rule. “We must remind those behind the current treacherous shenanigans that when it comes to matters of protecting our revolution, the military will not hesitate to step in,” he said. Mr Mnangagwa is one such veteran of the 1970s war which ended white minority rule. Source: BBC