-
Content Count
205,035 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Booliiska dalka Giriiga ayaa xuduudka ka xiray ilaa 200 muhaajiriin iyo magangelyo-doon ah,kuwaasoo doonayey in ay u gudbaan dhinaca dalka Macedonia,iyagoo rajaynaya in ayu safraan dalalka kale ee Yurub. Booliiska ayaa gawaari ku hor gooyey muhajiriinta,waxayna u diideen in ay horay ugu socdaan dhinaca xadka Macedonia,laakiin dadkaan oo qaarkood wataa carrruur da’yar,ayaa waddooyinka fariistay,halkii ay dib ugu noqon lahaayeen waddanka Giriiga. Muhaajiriinta oo u badan Soomaali ayaa sheegay in raadinayaan nolol fiican iyo waxbarasho carruurtooda ay geeyaan,taasoo ay ka heli karaan dalalka kale ee Yurub,,sida ay rumaysan yihiin,waxayna xukuumadda Giriiga ku eedeeyeen in ay muddo lix bilood ah ku haysay xeryo,islamarkaana ku fashilantay in ay qorshe fiican u samayso. Tiro kamid ah Muhaajiriinta ayaa ka ka soo jeeda dalalka Suuriya iyo Ciraaq. In ka badan 60,000 oo muhaajiriin ah iyo qaxooti oo markii ugu horeysay tegay dalka Giriiga ayaa weli ku sugan waddanka. Dalalka qaar ayaa xoojiyay xuduudooda si looga hortago in haajiriintu ay si sharci darro ah u yimaadaan, halka qaar kalena ay diideen in ay magangelyo siiyaan kuwii xadka ka soo gudbay. PUNTLAND POST The post Muhaajiriin u badan Soomaali oo lagu xannibay xadka Giriiga iyo Macedonia. appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland Non-State Actors Forum (SONSAF) has deployed a total of 620 local observers on the Somaliland Presidential election held on 13 November 2017, which covers 41% of the national total polling stations of 1,642 across the country. SONSAF engages deepening peace and stability, accountability and good governance, which elections are included. In general, the observation work of the local observers was successfully completed. The domestic observers have reached all assigned polling stations and they reported the process that the E-Day started peacefully and continued calmly, the preliminary feedback from domestic observers stated that 90% of the polling stations opened on time at 7:00Am morning time. The domestic observers of SONSAF have also confirmed:- That all polling stations in the country were closed peacefully and vote counting started on time. That the election materials successfully reached all polling stations. That the representatives of political parties, staff of the NEC, security forces were present for the polling stations observed, and international observers were also observing polling stations. The disabled and elderly voters have received support and assistance at the time of voting. The polling stations were prepared appropriately. There was no obstacle at the commencement of vote counting. The local observers have observed presence of stronger participation of women in voting. It is worth to mention, the participation of youth on the smoothness of the election and that youth has worked as polling stations officials, local observers and as voters. Voter registration has contributed to the process of the administration of the presidential election at this time. Domestic observers have also faced some challenges for the entrance of the some polling stations where some of them dismissed during the polling and counting. Domestic observers have also reported that a senior WADDANI Official was forced to leave polling station #364-2 during the counting stage. Observers have also reported that WADDANI party agent at the polling station of # 365-2 was removed from the polling station by senior NEC Officers. There will be a detailed report, which explains the work of the Domestic Observation Mission and recommendations to be addressed to all concerned parties for the future improvement and development of the area that recommendation is to focus. Conclusions: Based on the feedbacks returned from domestic observers’ on the presidential election held on 13 November 2017, SONSAF is announcing this preliminary press release that the presidential election held on 13 November 2017 was peaceful and smooth administratively, at same time the presidential election was free when it comes to NEC compliance of the laws and regulations laid for the presidential election. SONSAF is calling the political parties and their candidates to respect the choice of the public and therefore, avoid any things that may impair the good credits that the people and the country have received from this presidential election and the previous elections held in Somaliland. SONSAF congratulates the people of Somaliland for the successful result they achieved from their peaceful election on 13 November 2017. SONSAF also appreciates the role of the NEC, security forces, political parties, civil society, media, the international community and whoever contributed the process that made this presidential election happen.
-
Roma (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayo arrimaha magaalooyinka Afrika oo ka furmay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka socda Afrika, Maaamulada magaalooyin iyo Duq magaalooyinka wadamo ku yaala Afrika, Ururo, Hey’ado Caalami ah iyo Bulshada Rayidka magaalooyinka. Guddoomiye Taabid ayaa waxaa shirkan ku wehliya Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Rome iyo Mas’uuliyiin kale. Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Angelino Alfano oo ka hadlay kobaca ay sameynayaan magaalooyinka Afrika, horumarada ka jira Qaaradda iyo arrimo kale. Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa Khudbad ka jeediyey shirkan oo uu uga hadlay horumarka iyo is bedelka ka jira magaalada Muqdisho, muddo 27 sanno kaddib bur burkii. Gudoomiyaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri: ” Waxaan maanta magaalada Rome – Italy uga qeybgalay shir caalami ah oo lagu casumay dhoor magaalo ee qaaradda Aftica oo ay Wasaaradda Arimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Talyaaniga nagu casuntay. Waxaa sharaf weyn ii aheyd anigoo matalaya Magaalada Muqdisho in aan ka hadlo arimaha aminga, nabadgelyada & magaalo-uguurista (Urbanization) oo sii kordheysa. Waxaan u mahadcelinayaa Safiir Cabdiraxman Sh. Ciise & teamka Safaaraddeena oo si diiran inoo soodhaweeyay”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta noqotay wasiirkii ugu horreeyey ee u dulqadan weysa ficillada ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee is-casisha. Maryam Qaasim ayaa sheegtay inay isku casishay isku dhex yaac ka jira dowladda dhexdeeda, inkasta oo aysan shaacin waxa uu yahay. Halkan ka aqri. Si kastaba, Caasimada Online ayaa ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in Kheyre uu guddiyo isaga ka amar qaata oo maamula gargaarka u magacaabaty wasaaradda, taasi oo Maryam ka careysiisay una fahamtay inaan shaqadeeda lagu ixtiraamin. Arrintan ayaa ah dhibaato soo socotay tan iyo markii Kheyre la magacaabay, waxaana jiray wasiiro badan oo Kheyre uu ka hoos magacaabay guddiyo iyo qaar ka carrooday inuu sida ciyaal iskuul oo kale shaqadooda uga hubiyo. Saddexdii bishii August, shirkii golaha wasiirada ee xukuumadda ayaa ku dhammaaday buuq, kadib markii ay is-qabsadeen ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa, oo ka carrooday guddiyo uu magacaabay, sida ay Caasimada Online xilligaas shaacisay. Halkan ka aqri. Wasiiro badan ayaa Kheyre u arkay qof isla weyn oo faro-gelin badan, oo shaqadooda aan ku ixtiraamin. Waxaa mararka qaar dhacday in Kheyre si lama filaan ah ku tago wasaaradaha oo uu wasiirada ku amray inay banaanka soo dhigaan dokumentiyada shaqada, taasi oo wasiiro badan ka carreysiisay. In kasta oo isla xisaatanka ay wasiiro badan diyaar u yihiin, haddana ficillada Kheyre ayaa loo arkaa kuwa xeerka dowladeed ka baxsan, oo xitaa mararka qaar wasiirada ay u arkaan inuu ula dhaqmayo sida ilmaha iskuulka oo kale, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Si kastaba, is-casilaadda Maryam Qaasim ayaa dhaawac xooggan gaarsiin karta Kheyre, waxayna horseedi kartaa wasiiro kale oo is-casila ama inuu abuurmo isbaheysi wasiiro ah oo isaga ka dhan ah, kuna sameeya kacdoon. Maryam Qaasim oo ah qof muxtaram ah, islamarkaana shaqadeeda gudata, kana mid ah wasiirada ay sida aadka ah Soomaalida ugu kalsoon yihiin una aaminsan yihiin, ayaa is-casilaaddeeda ay farta ku godi karta Kheyre, loona arki karo nin dhibaato ku ah shaqada dowladda. Haddii wasiiro kale ay raacaan waddada Maryam Qaasim, isna casilaan, sida laga cabsi qabo, waxay tani hoggaamin kartaa burburka xukuumadda iyo in Kheyre xilkiisa ku waayo ficilladiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Harare (PP) ─ Xaaladda magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe ayaa weli kacsan, iyadoo meelaha qaarkood caawa laga maqlayo rasaas aan badnayn oo dhacaysa, inkastoo madaxweynihii waddamadaas Robert Gabriel Mugabe oo muddo 37-sano ah xilka hayay uu ku xayiran gurigiisa. Millateriga Zimbabwe ayaa weli talada gacanta ku haya, kaddib markii saaka ay la wareegeen goobo badan oo ay ku jiraan kuwii dalkaas looga talinayay, balse saraakiisha hoggaaminaya ciidamada ayaa sheegay in hawl-galkoodan uusan ahayn mid ay ku af-gambinayaan xukuumadda. “Waxaan daba soconnaa kooxo dambiilayaal ah oo ku dhaw-dhaw Mugabe, balse hawsheennu ma ahan mid aan xilka kula wareegayno,” ayuu saakay u sheegay warbaahinta taliyaha millateriga Zimbabwe. Balse, Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in tallaabooyinka ay millateriga dalkaasi qaadeen ay tahay mid u muuqata afgabi, iyadoo mas’uuliyiinta ugu sarreysa ururkan ay ku baaqeen in la dhawro dastuurka lagana digtoonaado wax walba oo dastuurka dalkaas wax u dhimaya. Madaxweynaha xilligan ee Midowga Afrika, isla markaana ah madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde, ayaa sheegay in ururku cambaareynayo falka ay ciidamadu ku doonayaan inay awoodda si xoog ah kula wareegaan. https://av.voanews.com/Videoroot/Pangeavideo/2017/11/5/5f/5f39ff6b-8552-4df9-b998-b8c32d5c3dbc.mp4 “Ururka Midowga Afrika wuxuu ka walaacsan yahay xaaladda Zimbabwe ka taagan iyo in ciidamadu ay isku dayaan inay afgambiyaan dowladdii dalkaas ka jirtay,” ayuu yiri Conde, wuxuuna intaas ku daray inay weli taageerayaan xukuumaddii sharciga ahayd ee dalkaas ka jirtay. Awood-maroorsiga millateriga Zimbabwe ayaa timid kaddib markii uu eryay madaxweynaha dalkaas Mugabe toddobadkii lasoo dhaafay ku xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa isagoo ku eedeeyay in awood aanu lahayn uu lasoo baxay. Sidoo kale, Qaar ka mid ah waddamada caalamka qaarkood ayaa waxay ka digeen in xaaladda Zimbabwe ay lunto, inkastoo sarkaal ka tirsan ciidamada xukunka la wareegay uu sheegay inaysan doonayn in xasilloonida Zimbabwe ka jira ay lunto oo uu dalkooda la mid noqdo Soomaaliya. Dhanka kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya in xisbiga talada dalkaas haya ee ZANU-PF ay sheegeen inay xilkii gudoomiyaha xisbigaas ay ka qaadeen Robert Mugabe, ayna u dhiibeen madaxweyne ku xigeenkii hore Emmerson Mnangagwa oo uu toddobaad ka hor shaqada laga eryay, taasoo u muuqata in laga yaabo in isaga si KMG ah loogu magacaabo xilka madaxweynenimo ee dalkaas. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo Robert Mugabe ay taleefoonka ku hadleen uuna ku sugan yahay gurigiisa isagoo caafimaad qaba. Waxaase shacabka dalkaas ay isweydiiyaan sida ay xaaladu noqon doonto maalmaha soo socda. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Millateriga Zimbabwe oo weli talada gacanta ku haya iyo rasaas dhacaysa appeared first on Puntland Post.
-
Abdirahman Irro är uppstickaren i valet i Somaliland. Han grundade Wadanipartiet 2012 och beskriver sitt parti som inspirerat av europeisk socialdemokrati. Foto: AP/Barkhad Kaariye On Monday, elections were held in the Somaliland Republic. The election results are delaying. But the small country in the Horn of Africa has the world’s most modern system to make sure no-one is voting more than once. This is done by checking the eye’s iris. At the last election in Somaliland there was a lot of strul in the ballrooms. A really dissuasive example is the mess that occurred after the election in Kenya earlier this year – and which ended with the Supreme Court annulling the election. The new technology is used to avoid such. It also happens that Somaliland is one of the world’s leading in terms of mobile payments. While mobile payments have gone through in Sweden in recent years, people in Somaliland have been accustomed to having their mobile wallet for a long time. When the Örebro company Transfer Galaxy transfers contributions from relatives in Sweden to relatives in Somaliland, the recipients receive the money registered in their mobile phone. When they go to the store and shop, they click on their mobile to pay. In this way, people living in remote villages can also enter the globalized economy, using companies such as Transfer Galaxy. The fact that a country is poor does not mean that technology is being held back. But the desire to get out of poverty hurries a technology development that looks different in Somaliland than in Sweden. The transfer of money from the Somalis abroad means a fine word called remittances. But there is also a term called “social remittances”. Somalis living in countries such as Sweden, the United States, Great Britain and Finland are affected by our values. Some also engage politically. And they return their values to their homeland. It is not so difficult to see the benefits of democracy, welfare and the absence of corruption. That Örebro’s good service can thus affect the policies of a country in another part of the world. Just the fight against corruption is one of the most important issues for ordinary people in Somaliland. The feeling of going to Örebro municipality and meeting an official who is actually trying to help you find a place in childcare is different from going to a corrupt official who requires some extra money under the table to solve your problem. That Örebro’s good service can thus affect the policies of a country in another part of the world. Just the fight against corruption is one of the most important issues for ordinary people in Somaliland. One of the two main candidates in the election to Somaliland, Abdirahman Irro, has lived in Finland for several years and speaks excellent Finnish. He is the opponent who formed the new Wadani Party as late as 2012. He describes himself as a party inspired by the European Social Democracy. He has criticized the sitting government for, for example, shortcomings in terms of freedom of the press. Sitting President Ahmed Mohamed Silanyo does not resign for re-election. The ruling Kulmiye party’s candidate for the presidency is Muse Bihi Abdi. The outside world regards Somaliland as part of Somalia, despite the fact that the country has a well functioning government. There must be a conflict about this that has to be handled with care. But Somaliland is the most free country on the Horn of Africa. And every step that Somaliland seeks to be a full-fledged democracy should lead to concrete steps from, for example, Sweden, which facilitates exchange and trade. Na.Se
-
Somali minister for Humanitarian and Disaster Managment, Maryan Qassim has resigned on Wednesday citing incertitude and disorder in the government. In a press conference held Mogadishu, the minister said she could not work in atmosphere associated with confusion and disorder. “I can work in professional way in a department or ministry but you get confused when the work is done in disorderly manner, therefore I am not in a way to oppose the government. I have decided to go back for a private job and stay clear from politics,” said Qasim. Qasim She is the second high profile minister to resign in less than forty days following the resignation of the former Defense minister, Abdirashid A Mohamed on 12th October just two before the deadly truck bombing. Her resignation comes amid the defense position has not been filled yet. Qasim who is one of the prominent ministers in prime minister Kheires cabinet, prevously headed several ministries including Family Affairs, Social Development and Health ministries. She is close ally of the current president, Mohamed Abdullahi Farmajo. Source: HOL
-
Suspected drone targeted Alshabaab base in Lower Shabelle region, killing several militants, authorities and residents said on Wednesday. The local residents of Yaqbariweyne village confirmed the bombardment on Tuesday night saying the explosion caused by the missiles fired at the outpost could be heard all over the village. “We heard big crashes at Idow-Jalaad locality where Alshabaab has a training camp, the area is just few killometers from here,” said Mustaf Raghe in Yaqbariweyne village. Authorities in the region say aerial strike appeared to be a drone attack which targeted the training camp in the area. Yaqbariweyne chief, Olow Mohamed said a drone targeted a camp in Idow-Jalaad where Alshabaab had been amassing its fighters in recent days. “A drone hit the base, though we don’t know the exact casualties but several people killed there,” Islow said. It not yet known who was behind the aerial strike but the United States has in the past targeted al Shabaab fighters. US has been carrying out aerial bombardment on Alshabaab bases in Somalia since the beginning of this month. The president of United States, Donald Trump earlier this year approved expanded military operations against Alshabaab militants including airstrikes. Alshabaab, Al-Qaida Affiliate has not yet commented the aerial strike. The militant group which wants to impose its own radical brand of Islam on the Horn of Africa country has been carrying out deadly attack on Somali capital Mogadishu since the group was pushed out the city by Somali forces backed by continental troops known as AMISOM.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiil ka tirsan mucaaradka Zimbabwe ayaa wargeysyada u sheegay in xaaska Madaxweynihii Zimbabwe Grace Mugabe ay ka baxsatay dalka. Saraakiisha ayaa sheegay in Grace Mugabe ay sacado un ka hor xiliga kacdoonka u dhooftay dalka Namibia oo ay ka heshay magan galyo Siyaasadeed. Waxa ay tilmaameen in Grace Mugabe ay ka daran tahay Madaxweynaha dalkaasi oo isna ku jira Xabsi guri, waxa ayna sabab ka dhigeen inay aheyd shaqsiyada maskaxda u aheyd Mugabe. Ciidamada Militariga ee dalka Zimbabwe ayaa xalay saqdii dhexe iyo arooryadii Saaka oo Arbaca ah la wareegay Telefishinka dowlada ZPC iyo qaar kamid ah Xarumaha dowlada. Warbaahinta Zimbabwe qaarkood ayaa qoraaya in afganbi uu ku socdo dalka Zimbabwe, isla markaana ciidamo mucaarad ah ay isku go’doomiyeen qasriga Zimbabwe. Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Militariga oo kasoo muuqday Telefishinka ayaa sheegay in hawlgalka socda uusan ahayn afgembi balse ay wadaan hawlgal ay kusoo qab qabanayaan burcad ku hareeraysan Madaxweynaha iyo Madaxtooyada, ayuu yiri Gen.Moyo. Hawlgalkan ayaa kusoo beegmay todobaad kadib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa oo la filayey inuu noqon doono ninka xilka kala wareegi doona. Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka xilka laga qaaday Asbuucii hore Mr. Emmerson Mnangagwa ayaa taageero badan ku leh Militariga dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte ayaa xukuumadda Soomaaliya ku tilmaamay sida geed qalllalay oo caleentiisu dhulka ku hoobanayso,kadib markii ay is-casileen labo Wasiir oo muhiim ah. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in xukuumadda Soomaliya ay lamid tah geed bolol ah oo sii dhimanaya,islamarkaana aan nuxur iyo neecaw midna lahayn. “Caleemaha geedku marka ay qallalaan(engagaan) way hoobtaan. Geedkii oo aan nuxur &neecaw toona laheyn ayaa bolola,ka hor intuusan dhiman,kaddibna qambobin. Kolkaas ayaa qashinkiisa la iska xaaqaan #Somalia“, ayuu yiri Cayne. Hadalka Caynte ayaa ku soo beegmay xilli ay maanta is-casishay Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed, iyadoo sheegtay in ay ku adkaatay duruufta shaqado ee Wasaaradda oo ay ku tilmaantay “mid isku-qasan oo is-barbaryaac ah”. Wasiirkii Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxmmed ayaa sidoo kale is-casilay 12 bishii hore ee October, kadib markii uu soo baxay fashil ku aaddan dagaalka xukuumadda Soomaaliya ee dalka looga saarayo Al-shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayey shirkii madaxda Qaranka iyo maamul goboleedyada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka adkaan waayeen Al-shabaab,islamarkaana raadinayaan qorshe kale. Cabdiraxmaan Caynte ayaa soo noqday Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumaddii Xassan Sheekh Maxamuud. Bishii June ee sannadkaan ayaa madaxweyne farmaajo u magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka UK, inkastoo uu durbadiiba iska casilay. Puntlandpost.com
-
Dr. Maryan Qaasim Axmed, Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Federaalka ee maanta is-casishay, ma aheen wasiir la iska magaacay, ee haddii siyaasadda xulufo, garab iyo maslaxad taqaano haweeneydan ayaa cinwaan u aheyd, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kuma heysto xukuumaddan Xasan Kheyre qof uga dhaw Dr. Maryan. Muddo sanad iyo bar la joogo ayey igu marti-qaaday hoygeeda magaalada Muqdisho, si aan ugala sheekeysto arrimaha siyaasadda, Banii’aadnimada iyo qaar kale oo kolkaas ay ku mashquulsaneed. Marwo Qaasim inta ay ka hadleysay Taariikh Nololeedkeeda, magaca Farmaajo waxaa uu ahaa qofka ugu badan oo ay soo hadal-qaaddo. Gabadhan ku dhalatay Baardheere, kuna soo bar-baartay Marka, in kasta oo horay uga soo shaqeysay jaamacadda Umadda, isbitaallo haweenka iyo dhallaanka ee dalalka Yemen iyo Holland, iyo Ingiriiska oo ay ka aheyd ”Learning Mentor” Laakin waxaa dadka Soomaaliyeed baray mudane Farmaajo isaga oo November 18, 2010 u magacaabay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska, xilligaas uu ahaa ra’isul wasaarahii TFG-da. 2012: Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay guddoomiye ka noqotay Xisbiga Tayo oo ah xisbi uu aasaay mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xitaa markii ay jagada uga degtay, waxaa ay qeyb ka noqtay ololihiisa doorashada 2016. 4-tii sano ee la soo dhaafay Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay wasiir ka noqotay xukuumaddii Shirdoon 2012-kii, waxaa kale oo ka shaqeysay UNICEF iyo WHO illaa ay Xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka aheyd la taliyaha arrimaha bulshada, Marwo Qaasim waxaa ay iigu dhaaratay in aaney waligeed la shaqeyn, lana shaqeyn-doonin qof ka fiican Farmaajo. Dhankiisa, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan xisbiga Tayo kala sheekeystay inta aanu madaxweynaha noqon waxaa uu ii sheegay in Dr. Maryan Qaasim Axmed ay shaqo fiican ka qabatay xisbiga marka ay guddoomiyaha ka noqotay isaga oo intaa raaciyay in ay kaalin fiican ku laheyd in xisbiga ku fido magaalooyinka Oslo, Nairobi, Dhadhaab, Muqdisho, Boosaaso iyo meel kale. Hadaba, Xiriirkaas dheer Farmaajo iyo Maryan Qaasim kadib, Maxaa keenay in maanta ay ka tagto shaqada fulinta iyada oo ka sheeganeysa qas iyo jaho-wareer, sida ay u sheegtay Goobjoog News. “Hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga hey’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa, xukuumadda waxaan ilaahay uga baryayaa iney horumar gaaraan, ma ihi qof mucaarad ah, dowladeeda mucaarad kuma ihi laakiin aniga duruuftaan is barbar yaaca ah wey igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, aniga shaqsiyan waxaan doorbiday siyaasad inaan gacmaha kala baxo oo sidii kale aan bulshadeeda ugu shaqeyn jirey aan ugu shaqeeyo”. Qaraxii Isgoyska Zoobe kadib Dr. Maryan Qaasim, waxaa ay warbaahinta u sheegtay in aaney ku farax-saneen sida loo maareynayo gargaarka la xiriirka dadka waxyeellada soo gaartay, waxaa jira guddiyaal badan oo arrimaha gargaar ah kuwaas oo ka garab shaqeeya wasaaradda. Maanta markii aan la hadlayey waxaa ka muuqatay niyad-jab iyo caro, waxaa ay ka gaabsatay in sababta oo faah-faahsan ay ila wadaagto, Laakin su’aasha weli waa taagan tahay? Waa wasiirkii 2aad ee xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre iska casila muddo bil iyo xoogaa ah, isna lama sheegin sababta. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga ayaa uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen. “Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,”ayuu yiri R/W Khayre. “Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in degmada ay sii joogi doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda, isla markaana looga baahan yahay shacabku iney ka qeyb qaadaan dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixsada ah.
-
Harare (Caasimada Online) – Milatariga ayaa la wareegay awoodda dalka Zimbabwe, balse madaxweyne Robert Mugabe oo wadooda dalkaasi hayay tan iyo 1980 ayaa la sheegay inuu badqabo. Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay inuu la hadlay Mugabe oo u sheegy in laga dhigay xabsi guri balse uu aad u fiican u yahay. Ciidammo ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen xarunta guud ee telefishinka qaranka ee Zimbabwe ee magaciisa loo soo gaabiyo ZBC, iyadoo badhtanka lagaga jiro xiisadda sii koraysa ee dalkaasi ka jirta. Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay. Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah. Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso. Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo. Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii. Chiwenga ayaana sheegay in milatarigu uu u diyaarsan yahay in uu soo afjaro khilaafka xisbiga Zanu-PF Xiisadduna waxay cirka isku sii shareertay Talaadadii markii gawaari qafilan lagu arkay iyaga oo ka boos qaadanaya duleedka wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Harare, inkastoo uusan caddayn ujeedadoodu.Milatari la wareegay telefishinka qaranka Zimbabwe. Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo. Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii. BBC
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga ayaa uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen. “Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,”ayuu yiri R/W Khayre. “Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in degmada ay sii joogi doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda, isla markaana looga baahan yahay shacabku iney ka qeyb qaadaan dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixsada ah, PUNTlAND POST The post Raisilwasaare Kheyre oo Lagu Soo Dhoweeyay Baraawe appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU– The fragile government stalled in Mogadishu and backed by African Union congratulates on Somaliland for the peaceful presidential polls held on 13th Nov. 2017. The council of ministers meeting chaired by Somalia’s Prime Minister, Hon. Hassan Khaire was briefed about the presidential campaign and the smooth holding of free and fair elections in Somaliland. Despite the ministers having lengthy discussions about the poll in Somaliland, they have not hesitated to send congratulatory message to the people of Somaliland and its government for well done job. Somalia’s council of ministers said that the polls were conducted in peaceful where it was free and fair. They said that the democratic elections were much better in ones hold in the western countries. The ministers called upon that it is necessary that the people must await the final results that NEC set to announce.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa ku dhawaaqday inay xilkii ay u heystay dowladda iska casishay laga bilaabo maantana ay shaqada isaga tagtay. Haddaba waxaa durba la is waydiinayaa sababta keentay inay is casisho, inkastoo ay iyada ay ka hadashay sababta haddana si faahfaahsan ugama aysan hadlin. Wasiir Maryan ayaa xaqiijisay iney xilkaasi isaga casihay is-bar bar yaac ka dhex jira dowladda Soomaaliya, oo aysan macneyn waxa uu yahay. “Aniga hay’ad dhisan ha ahaato mid dowladeed iyo mid kaleba waa ka shaqeyn karaa, laakiin waa ay igu adag tahay inaan ka shaqeeyo meel isku dhex yaac uu ka jiro” ayay tiri Maryam Qaasim. Hadalka Maryan Qaasim kasoo yeeray ee ahaa (Isku dhex yaac) ayaa muujinayo in lagu soo farageliyey shaqadeeda isla markaasna aan loo madax banaaneyn howlaha Wasaaradeeda. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wasiir Maryan muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha. Wasaaradda ay madaxda ka aheyd ayaa laga ilaaliyey dhammaan shaqooyinkii khuseeyeyey, wuxuuna Ra’isulwasaare Kheyre u xil saaray Shaqadeeda Guddi, taasoo keentay inay Wasiirada weyso wax ay qabato. Maryan Qaasim ayaa Kheyre kala kulantay cadaadis badan oo xagga shaqada ah, waxayna dhawr jeer ka cabatay arrintaas sida ay xaqiijiyeen Shakhsiyaad aad ugu dhow Wasiir Maryan. Caburiska lagu hayey Wasaaraddaas ayaa waxaa tusaalaheeda kamid ah in laga ilaaliyey inay maamusho gargaarkii dalka la keena, weliba si gaar ah markii ay dhacday Musiibadii Isgoyska Zoobe markaas oo dalal badan ay keeneen raashin badan oo ay aheyd in lagu wareejiyo Wasaaradda isla markaasna ay iyadaa maamusho, waxaase dhacday inuu Kheyre u magacaabay guddi ka madax banaan wasaaradda Gargaarka. Illo wareedyo ku dhow dhow Wasiir Maryan ayaa noo xaqiijiyey inay ku dooday inaysan wax shaqo ah qaban muddo badan, aysana jirin sabab ay xilkaas usii heyso. Is casilaadaan ayaa dhibaatada kusoo badin doonto Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waa Wasiirkii labaad ee iska casishay Xukuumadda Kheyre muddo labo bil gudahood. Is casilaadan ayaa soo dedejin karta isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada oo muddooyinkii u dambeeyay xaalado adag soo wajahayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Press Release: United Nations Security Council maintains partial lifting of arms embargo on Somalia for one year 14 November 2017 – The Security Council on Tuesday renewed until 15 November 2018 the partial lifting of the arms embargo on Somalia, authorization for maritime interdiction of illicit arms imports and charcoal exports, and the humanitarian exemption. In the resolution adopted by 11 affirmative votes and four abstentions, the 15-member body requested the Somalia and Eritrea Monitoring Group (SEMG) to continue its investigations related to the export to Somalia of chemicals that may be used as oxidisers in the manufacture of improvised explosive devices, such as the precursors ammonium nitrate, potassium chlorate, potassium nitrate and sodium chlorate. Those abstained in the vote were Bolivia, China, Egypt and Russia. Further, the Council extended until 15 December 2018 the mandate of the SEMG, and recognised that during the course of its current and three previous mandates, the SEMG has not found conclusive evidence that Eritrea supports Al-Shabaab in Somalia. The Council expressed its intention to keep measures on Eritrea under regular review, in light of the upcoming midterm update by the SEMG due by 30 April 2018. Recalling the three meetings between an Eritrean government representative and the SEMG, the Council reiterated its expectation that Eritrea’s Government will facilitate the entry of the SEMG into Eritrea to discharge fully its mandate. The Council urged Eritrea and Djibouti to engage on the issue of the Djiboutian combatants missing in action and to seek all available solutions to settle their border dispute peacefully.
-
Somaliland’s governing Peace, Unity & Development Party (Kulmiye) has advised supporters to remain in doors amid the wild jubilation over the anticipation that ruling party’s decisive victory in the presidential election. The National Electoral Commission (NEC) has urged political parties not to celebrate before the actual results are announced. Kulmiye Party Spokesman, Hon. Hassan Gafadhi flanked by Party’s secretary held a press conference at the party’s headquarters in Hargeisa. The duo urged that their supporters must wait until the winner is declared before any celebration can be conducted. They expressed thanks to its supporters for voting the ruling party with overwhelming majority. The opposition, Wadani party hoped to challenge Kulmiye ruling party dominance for first time. Somaliland’s National Election Commission said that speculating on the results of the polls can result into conflicts and adverse consequences, which can negatively affect the nation.
-
Cilmi baarayaal ayaa sheegay kool-koolinta faraha badan ay ku sameeyaan waalidiinta ilamaha ay awoowaha ama ayeeyada ay u yihiin inay ku yeelato saameyn caafimaad ee togan. Cilmi-baaristaan lagu sameeyay jaamacadda Glasgow laguna faafiyey majalada OnePlus ayaa waxaa lagu sheegay in ayeeyayaasha ay u leexdaan inta badan koolkoolinta ilmaha ay waalidka u yihiin inay siiyaan cunto farobadan . Daraasadda ayaa waxay hoosta ka xariiqday in awoowayaasha ama ayeeyayaasha ay ilmaha hortooda ay ku cabaan sigaarka mana siiyaan fursad ku fulan oo ay ku aala miiteeyaan caruurta. Cilm- baariyaasha sameeyay daraasaddaan ayaa waxay baareen 56 daraasad, kuwaas oo ay ku jiraan bayaanaadka 18 dowladood oo ay ka mid yhiin UK,Mareykanka Shiinaha iyo Japan. Daraasaddaan ayaa waxay xoogga saareysaa saameynta ay ku yeelato caruurta koolkoolinta faraha badan oo ay u sameeyaan ayeeyayaashooda inta ay yaryaryihiin. Goobjoog News Source
-
Daraasad ay sameysay mu’asasada Freedom House oo xarunteedu tahay dalka Mareykanka ayaa waxaa ay sheegtay in wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo baraha Internetka ay saameeyeen doorashooyinka 18 dowladood. Daraasadda ayaa waxay diiradda saartay qaabka ay wararkaan u saameeyaan dowladaha iyo afkaarta dadweynaha, waxay tilmaanaty in lacago lagu bixiyo wararka been abuurka ah ee la isla dhexmaro baraha Internetka. Warbixin sanadeedka ay soo saartay mu’asasada Freedom House ayaa waxaa lagu sheegay in isku geynta 30 dowladood ay ka qeyb qaateen habka isticmaalka baraha bulshada ee lagu faadiyo wararka beenta ah si ay oga adkaadaan mucaaradka. Warbixinta waxay intaasi ku dartay in laga wacyi galiyo dadka isticmaalaya baraha bulshada in ay hoos u dhigaan wararka been abuurka ah iyo in lagu wacyi galiyo shirkadaha Teknoloojiyadda in ay siyaasad u dajiyaan shabakadahooda si loola dagaalamo wararka beenta ah. Goobjoog News Source
-
Dr Maryan Qaasim Axmed oo Aheyd wasiirka Gargaar iyo Maareeynta Musiibooyinka Xuukumada Federaalka Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkaasi ayaa si kooban uga hadashay sababaha ay xilkaasi isaga casishay. Maryan Qaasim oo si kooban u la hadashay Wariyaasha ayaa sheegtay in xilkaasi isaga tagtay isbar baryaac xaga shaqada ah sida ay sheegtay. ” Aniga oo ah Dr Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Wasaarada Gar gaarka iyo maareeynta Musiibooyinka Waxaan Rabaa in aan idiin Xaqiijiyo in aan iska casilay wasiirnimada oo aan u hayay xukuumada aniga oo ilaaheey uga baryaaya xukuumada Booskeeyga Qof aniga iga wanaagsan uu u buuxiyo in ay hesho” ayeey Tari Drs Maryan Qaasim Axmed Mar ay sii kooban uga hadashay sababaha ay xilkaasi uga tagtay ayaa markale waxa ay Tiri Drs Maryan Qaasim ” Waxaan uga tagay Xilkii aan hayay waxaa igu adkaatay duruufta shaqo Aniga nidaamyo sidii looga shaqeeyo aan aqaanaa Waaxyo dhisan Ama wasaarad ha ahaato waa ka shaqeeyn karaa , laakiin shaqada markii ay is bar bar yaac tahay wax walba isku qasanyihiin waxba kala baxsaneeyn macnaha wareer ayaa laga qaadaayaa” ugu dambeeyntii waxa ay Drs Maryan Qaasim sheegtay in ay la shaqeeyn doonto Dowlada oo ayna mucaarad ku aheyn islamarkaasina iyada shaqsi ahaan ay ku adkaatay in ay dowlada la sii shaqeeyso. is casilaadaan ayaa imaaneeyso xili dowlada Soomaaliya ay dhistay guddiyo kala duwan oo ay ku shaqo laheyd Drs Maryan Qaasim Axmed. Hoos ka Dhageyso Codka Drs Maryan Qaasim http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Maryam-Qaasim.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Drs Maryan Qaasim” ” Waxaan uga tagay Xilkii aan hayay is bar baryaac Shaqo oo aniga igu adkaatay” appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Saraakiil ka socota Urur Goboleedka IGAD ayaa kulamo gaar gaar ah madaxda Maamullada Galmudug iyo Puntland kula qaatay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Waxaana ay ka wada hadleen ammaanka Magaalada Gaalkacyo, iyo sida looga hortagi karo Colaadaha soo laa laabtay ee ka taagan Magaaladaasi. Saraakiisha ka socoto IGAD ayaa 3 maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay ugu baaqeen labada dhinac in ay ka wada shaqeeyaan Nabadda iyo hormarka Magaaladaasi. Source: Shabelle.
-
Hay,adda GRT ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatey shir ku saabsan isku xirka bulshadda iyo laamaha amniga, waxaana kasoo qayb galay Taliyaha iskuxirka Police-ka iyo bulshada,Gudiyada xaafadaha, Wasaarada haweenka,Barakacayaasha iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan. Abshir Yuusuf Maxamuud Madaxa Hay,adda GRT ayaa ugu horeyntii faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirka, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay isku xirka laamaha amniga iyo xaafadha magaalada Garowe,Isagoona xusay ka hay,add ahaan inay ka go,an tahay ciribtirka tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo caruurta. Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Taliyaha isku xirka Police-ka iyo bulshada Cabdirishiid Cadceed Geelle, wuxuuna sheegay in Police-ku ka hawlgalayaan tacadiyada loo gaysto haweenka iyo caruurta . Wuxuuna ku dhiirigaliyey bulshaddu inay warbixinada ay usoo gudbiyaan police-ka si looga hortago tacadiga ka dhanka ah caruurta iyo haweenka. Ugu dambeyntii waxaa shirka soo xirtay Aamino Maxamuud Nuur oo ka socotay Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha qoyska,waxayna ka dalbatey kasoo qeybgalayaasha kulankaan inay xiriir yeesheen bulshada iyo laamaha Amniga si looga hortago tacadi walba oo loo geysto haweenka iyo caruurta, Iyadoona xustey deegaanada Puntland inay kusoo badanayaan falalka noocaan ah. CIID QARAN. PUNTLAND POST The post Hay,adda GRT oo shir u qabatay bulshada iyo Booliska Garowe. appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta xilka iska casishay, waxayna goor dhow sheegtay sababta ay isku casishay. Wasiir Maryan ayaa xaqiijisay iney xilkaasi isaga casihay is-bar bar yaac ka dhex jira dowladda Soomaaliya, oo aysan macneyn waxa uu yahay. “Aniga hay’ad dhisan ha ahaato mid dowladeed iyo mid kaleba waa ka shaqeyn karaa, laakiin waa ay igu adag tahay inaan ka shaqeeyo meel isku dhex yaac uu ka jiro” ayay tiri Maryam Qaasim. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wasiir Maryan muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha. Kheyre ayaa inta badan guddiyo u magacaaba wasaaradaha isaga oo aan la tashay wasiirada, taasi oo wasiiro badan ka careysiisay. Hoos ka daawo muuqaalka Maryam Qaasim Source: caasimada.net
-
Popular Contributors