Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,035
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga Doorashooyinka Soomaali-land ayaa Shaaciyey Waqtiga ay ku Dhawaaqayaan Natiijada Codadkii ay Shacabka Soomaali-land ku soo Dooranayeen Hogaanka Maamulka ee sanadaha Soo Socda. Guddiga Doorashooyinka Soomaali-land ayaa Sheegay in ay Soo Afjareen Tirinta Coddadkii ay kala Heleen Xisbiyada Maamulka, balse ay dib u Dhigeen ku Dhawaaqida Natiijada, si ay u Xaliyaan Cabashooyin ka yimid Qaarka mid ah Xisbiyada Mucaaradka oo Sheegay in Xisbiga Talada haya ee Kulmiye uu Doorashada ku galay Dhamaan Awoodii Dowladda. Afhayeenka Guddiga Siciid Cali Muuse ayaa Sheegay inay Natiijada si Rasmi ah ay ugu Dhawaaqi Doonaan 17-Bishaan oo ah maalin Jimco ah ka horna ay Dabagal iyo Hubin ay ku Sameynayaan Suurto-galnimada in Musuq-maasuq uu dhacay. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka Soomaliland oo ku Dhawaaqay Xiliga Lagu Dhawaaqayo Natiijada Doorashada appeared first on Puntland Post.
  2. Dhulgariirka naadirka ah ee ku dhuftay Kuuriyada Koonfureed Arbacadii waa mid kii labaad ee ugu awoodda badnaa ee dalkaas soo mara abid, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Dhulgariirkan oo cabirkiisu yahay 5.4 ayaa galinkii dambe ku dhuftay magaalo xeebeedka Pohang ee ku taalla koonfurtaa-bari ee dalkaas, intaas ka dibna dhulka ayaa marar badan dhaqdhaqaaqay. Ugu yaraan 57 ayaa ku dhaawacan tahay in kabadan 1,500 oo ruuxna hoy la’aan ayay noqdeen. Tallaabo aan horray loo saadaalinina, wasaaradda waxbarashada ayaa dib u dhigtay imtixaankii qaran ee qorshaysnaa in ardayda laga qaado Khamiista. Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warrantay in ay tahay markii koobaad ee arrin dabiici ah ay baajiso imtixaankan qaran ee ardayda iyo waalidka ay ku qaadato in ay u diyaargaroobaan billooyinka. PUNTLAND POST The post Dhulgariir ku dhuftay Kuuriyada Koonfureed appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ka jirto xiisad aad u weyn uu dhaxeyso Taliyaha sida kumeel gaarka ah u hayo Xilka Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Mukhtaar iyo Taliyaha ciidamada Booliska ee Qeybta Waliyow Cadde ee Magaalada Muqdisho Korneel Maxamed Daahir. Xiisadda u dhaxeyo labadaan Taliye ayaa ka bilaabatay qabashada dadkii loo soo bandhigay inay ka dambeeyeen Qaraxii weynaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho. Taliyaha Booliska Qeybta Waliyow Cadde Korneel Maxamed Daahir ayaa la sheegay inuu isaga soo qabtay inta badan raggaas, waxaana la sheegay in loo qabsaday kiis kale oo ahaa inuu sii daayey kana soo tagay ragg kale oo ku lug lahaa qaraxaas una dhashay Beeshiisa. Xiisadda ku saabsan kiiska soo qabashada dadkii ka dambeeyey qaraxii Soobe ayaa meel xun ka gaartay Korneel Maxamed Daahir iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Genera Mukhtaar, waxana la sheegay inuu Korneel Maxamed Daahir Boskoolad ula baxay Taliyaha Ciidamada Booliska. Wararka qaar ayaa sheegayo inuu Korneel Maxamed Daahir Dharbaaxo ku dhuftay Taliyaha Ciidamada Booliska inkastoo arrintaan aan si cad loo xaqiijin. Murankaas kadib, Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa ku amray Korneel Maxamed Daahir oo ah Taliyaha Qeybta Waliyow Cadde oo ah Afar degmo ka tirsan Gobolka Banaadir inuu Xabsiga galo isla markaasna uu qaato amarka la siiyey. Taliye Maxamed Daahir ayaa arrintaas ka dhaga adeegay, waxaana la sheegay inuu diiday amarka Taliyaha. Taliyaha Ciidamada Booliska General Mukhtaar ayaa Xarunta CID u gudbiyey Waraaq lagu amrayo in si deg deg ah loo soo xiro Taliyahaan. Wararka ay heleyso Caaismadda Online ayaa xaqiijinayo inuu Taliyaha iyo laba gaari oo kuwa dagaalka ah ay gudaha u galeen Xarunta Shiirkoole oo ay ku badan yihiin Beesha Saleebaan oo uu Taliyaha kasoo jeedo, wuxuuna sheegay inuu is difaaci doono haddii lasoo weeraro. Inta badan Taliyayaasha Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay adagtahay in lasoo xiro Maxamed Daahir, maadaama uu heysto gawaari dagaal arrintaas ay ka dhallan karto dagaal dhaco, waxayna dalbadeen in arrintaan loo xil saaro Ciidamada AMISOM ee Muqdisho u joogo nabad ilaalinta iyo Nabad Dhallinta. Saacdadihii ugu dambeeyey waxaa cirka isku sii shareertay Xiisadaan, waxayna gaartay dhammaan qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Booliska iyo Taliyayaasha Ciidamada, waxaana la ogeyn tallaabada xigta ee la qaadi doono. Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allaah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo qax ay sameynayaan xaasaska iyo carruurta Horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-shabaab. Wararku waxa ay tibaaxayaan in Horjoogayaasha ay lasoo daristay cabsi dhanka amaanka ah, kadib markii ay ehel u noqdeen duqeymo iyo weerar dhulka ah oo ay qaadayaan ciidamada dowlada. Horjoogayaasha intooda badan ayaa isaga baxay goobihii ay kula dhuumaaleysan jireen xaasaska iyo carruurta, waxaana lasoo sheegayaa inay kusoo qulqulayaan magaalada Muqdisho. Gaadiidka ka imaada degmada Afgooye ee soo gala magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la socda xaasas iyo carruur u muuqda inay u dhaxaan Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab kuwaa oo amaan kasoo raadiyay magaalada Muqdisho, maadaama dowlada Federaalka ay duulaan ku tahay Gobolka Shabellaha Hoose. Sidoo kale, ciidamada dowlada ee ku diyaarsan qeybo kamid ah Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa bilaabay in dadka deegaanka ay ku wargaliyaan inay ka fogaadan goobaha xarunta u ah Alshabaab. Ciidamo wata gaadiid iyo Makaroofano ayaa lagu arkayaa qeybo kamid ah Gobolka kuwaa oo ka digaaya in dadka shacabka ah ay waxyeelo kusoo ag gaarto Alshabaab. Dhinaca kale, duulaanka ay ku goodisay dowlada ee u muuqda inuu dib dhac ku imaaday ayaa sababi kara in maleeshiyada Alshabaab ay fursad u helaan inay u baxsadaan deegaano kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Baydhabo (Caasimadda Online) – Warbaahinta qaar ee Soomaalida ayaa faafiyey inay Golaha Wasiirada Maanta ku shirayaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed. Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xogta rasmi ah ee ku saabsan waxa ka jiro Arrintaas. Shirka Golaha Wasiirada ayaan ka dhici doonin magaalada Baydhabo, wuxuuna hadda Shirkii Khamiislaha ahaa Golaha Wasiirada uga socdaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Shirkaan hadda socdo ayaa looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ku saabsan Siyaasadda Soomaaliya iyo is casilaadii Wasiirkii gargaarka Dr. Maryan. Markuu shirkaas dhamaado ayaa waxaa la filayaai inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u dhoofo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed. Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota magaalada Baydhabo, iyadoo la sheegay in ammaanka si aad ah loo adkeeyay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb gelaya sanad-guuradii 3aad ee aas aaska Maamulka Koofur Galbeed, taasoo maalinta berri ka dhici doonta magaalada Baydhabo, Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa furi doona mashaariic laga hirgeli doono magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay ku shiraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waana shirkoodii Todobaadlaha ahaa. Arbacadii shalay waxaa magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyadoo maantana magaaladaasi tagayaan Ra’iisul wasaare Kheyre iyo golahiisa wasiirada. Kulanka maanta ee golaha wasiirada ku yeelanayaan magaalada Baydhabo waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan ammaanka guud ee dalka iyo arrimo kale oo muhiim ah. 13-kii July ee 2017-ka, golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ku shiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  7. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku booriyey mas’uuliyiinta maamulka K/galbeed iney ku shaqo bilaabaan degmada Baraawe ee Shabellaha Hoose, maadaama ay tahay xaruntii maamulkaasi. Kheyre oo shalay tagey Baraawe ayaa sheegay in magaaladaasi ay tahay mid aad u muhiim ah, taariikh badanna ku leh dalka. Waxa uu sheegay sidoo kale Ra’iisul wasaaraha in la dhisi doono garoonka diyaaradaha ee Baraawe, mashaariic kalena ay ka fulin doonaan magaaladaasi. “Waxaan idiin kugu nimid inaan garoonka dhagax dhigno si loo bilaabo dhismaha, waxaan idiin kugu nimid in madaxweynaha dowlad goboleedkiina iyo madaxda dowlad goboleedka kulli inaan ku dhiiro gelinno iney usoo guuraan magaala madaxda Baraawe” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre. Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka kale soo hadal qaaday dagaallada ka dhan ah Al-shabaab, wuxuuna sheegay in shacabka ay diyaar u yihiin iney la dagaallamaan cadowgooda, dowladana ay garab ku siin doonto. “Waan ognahay inaad diyaar u tihiin inaad cadowga iska difaacdaan, laakiin ma idin ku deyneyno kaligiin, waan idiin garab istaageynaa waan idiinla difaaceynaa, ciidan idin ka tagaya malahan” Degmada Baraawe ayaa xarun u ah maamulka K/galbeed, hase ahaatee weli maamulkaasi kuma aanu shaqo bilaabin, iyadoo dib u dhiska degmadaasina ay socoto. Goobjoog News Source
  8. Wasaarada waxbarashada Soomaaliya Iyo Amiin Ambulance ayaa heshiis iskaashi ka gaaray arrimaha la xiriira tababarka ardeyda iyo gargaarka degdegga ah. Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare mudane Cabdiraxman Daahir Cismaan oo munaasbadda ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida Amiin Ambulance uga qeyb qaateen qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe 14-kii October. Mudane Cabdiraxman Daahir Cismaan ayaa codsaday in Amiin Ambulance ay tababar iyo wacy-gelin siiyo ardeyga Iskuullada iyo Jaamacadaha Dhinaca kale, Dr. Cabdiqadir Cabdiraxman oo ahaa agaasimaha Amiin Ambulance oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay wasaaradda kula heshiiyeen sidii ardeyda iskuullada iyo Jaamacadaha loogu tababari lahaa arrimaha la xiriira gargaarka degga ah arrintaas oo ku jira manhajka, loona siin lahaa Numberada Amiin Ambulance si haddii wax dhacaan u helaan gargaar degdeg ah. Dr. Cabdiqadir Cabdiraxman in ardeyda ay qeyb ka yihiin kooxaha gacanta siiya shirkadda gargaarka degdegga ah, barnaamijkanna uu qeyb ka noqon-doono in xiriirka sii xoogeysto. Goobjoog News Source
  9. Kismaayo (Caasimadda Online) – labo Wariye oo ka tirsan Jubaland TV Xaruntiisa Magaalada Kismaayo ayaa shaqada looga eryey kadib markii ay Comment ka bixiyeen qoraal la soo geliyey Facebook. Labada Wariye ee shaqada laga eryey ayaa lagu kala Magacaabaa Sahro Bishaar Cabdiraxmaan iyo Foos Cali Cabdiraxmaan waxaana sida ku cad qoraalada hoose la arkayaa ni Lagu magacaabo Liban Cabdi oo Reer Kismaayo ah haatana ku sugan Dalka Malaysia oo u muuqda inuu Mucaarad ku yahay Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe uu soo qoray In helay xog ah in qofkii Reer Kismaayo ah ee qoraaladiisa Comment, Share iyo Like Saara In NS ay soo xiri doonto. Qoraalkaasi kadib ayaa dad kala duwan oo ay ku jiraan Labada Wariye ay ka soo bixyeen Comment Laakiin Gabadha la yiraa Sahro Bishaar waxa ay tirtay Comment ay soo dhigtay lkn ilaa hadda Foos Cali weli ma tirin wixii ay qortay Foos Cali Comment ay ka bixisay kadib waxaa isna hal Dhibic soo dhigay Agaasimaha TV Jubaland taasoo loo fasiran karo inuu u digayo Foos Cali oo isagu madax u yahay. Qoraalkan Sababay in shaqada laga eryo Labada Wariye ayaa la soo Post gareeyey 29 Oct. 2017 Laakiin Agaasime Ku xigeenka Warbaahinta Jubaland Jaamac Axmed Cali Joofane ayaa 04 Nov 2017 soo saaray Warqad uu shaqada kaga joojiyey Labada Wariye ee ka hawl galayey Jubaland TV. . Arrintaan ayaa yaab ku noqotay dadweynaha iyo Wariyaasha deegaanada Maamulka Jubbaland, waxayna Agaasimaha Warbaahinta Jubbland iyo ku xigeenkiisa ku eedeeyeen inay ku takri falayaan awoodda dowladeed isla markaasna ay dano iyaga u gaar ah ku fushanayaan. Agaasimaha TV-ga Jubbalanad Yuusuf Xasan Caddaani ayaa horey uga hor imaaday amarada Wasiirada Warfaafinta Maamulkaas, wuxuuna sheegay inaysan Wasaaradda Warfaafinta shaqo ku laheyn maamulka Idaacadda iyo TV-ga Dowladda. Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso in Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiiro kale ay dacwad ka dhan ah Agaasimaha u gudbin rabaan Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe, waxayna qoreen waraaq xilka loogaa qaadayo kadib markii uu isticmaalay awood uusan sharciga u baneyn. Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli muuqda raadadka uu reebay Qaraxii 14 Bishii hore ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho oo ay ku nafwaayen ku dhawaad 400 ruux. Tirada dadka ku geeriyooday Qaraxa ayaa waxaa dheer tirro intaa ku dhow oo nolol iyo geeriba lagu la’ yahay kuwaa oo hilbahooda uu raacay qalfoofta gaariga Qarxay. Dhibaatooyinka ka dhashay Qaraxa kuma ekeen Geeri iyo Dhaawac, balse waxaa jiray tirro dada oo ku waashay jugta Qaraxa kuwaa oo iminka qaarkood ku xirxiran goobaha Qur’aan saarka, halka qaarna ay yihiin kuwo duruuf kula xiran guryahooda. Raage Axmed Ceynab waxa uu kamid ahaa dadka Qaraxa ku waayey Maskaxdiisa waxa uuna xiliga Qaraxa ahaa mid ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay ee Isgooyska Zoobe. Xanuunka uu ka qaaday Qaraxa ee maskax la’aanta ah ayaa sabab u noqday inuu u gacan qaado reerkiisa, waxaana xusid mudan in aabihii dhalay uu yahay mid aan laheyn indho uu wax ku arko. Hoos ka daawo muuqaalka muujinaaya Nabarada Qarsoon ee Qaraxii Soobe
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin kasoo baxday Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka ee AFRICOM, ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay fuliyeen weeraro hor leh oo muujineysa in la beegsanaayo falaagada al-Shabaab. Waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay fuliyeen duqeyn hor leh oo lagu beegsaday Saldhigyo ay ku sugnaayen Horjoogayaal ka tirsan al-Shabaab kuwaa oo ku sugnaa Gobolka Shabellaha hoose oo Saldhig u ah argagixisada Somalia ee al-Shabaab. Saraakiisha Ciidamada cirka Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaan lagu dilay Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo ay ku jireen Khubaro dhanka dagaalka iyo Qaraxyada. Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa intaasi ku daray in 28 weerar cirka ah ay sanadkan 2017-ka fuliyeen gudaha Somalia taas oo ka dhigan in ay saddex jibbaareen weeraradii ay qaaden sanadkii hore ee 2016-ka. Duqeyntii ugu danbeysay oo ka dhacday meel 96km ka xiga caasimadda Muqdisho dhanka waqooyi galbeed, ayaa la xaqiijiyay in laga gaaray dantii laga lahaa, waxaana lagu dilay Saraakiil iyo maleeshiyaad Hubeysnaa oo ka tirsan al-Shabaab. Dhinaca kale, Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka ee AFRICOM, ayaa sheegay in lasii kordhin doono duqeymaha bilaha ka harsan sanadka aan ku jirno ee 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha Lebanon Michel Coun ayaa ku eedeeyay Sacaduudiga in ay xireen ra’iisulwasaare Sacad Xariiri kadib markii si kadis ah xilka iskaga casilay isaga oo ku sugan Riyaadh. Ra’iisulwasaaraha ayaa shaqada ka tagay 4 November isaga oo ku sheegay sababta in uu u baqay naftiisa. Iran iyo xisbullaha ayaa waxaa uu ku eedeeyay inay ku ciyaarayaa amniga gobolka Carabeed. Dhanka kale Madaxweynaha Faranasiiska Emmanuel Macron ayaa ugu baaqay ra’iisulwasaaraha dalka Lebanon ee is casilay Sacad Xariiri isaga iyo qoyskiisa in ay soo booqdaan Faransiiska, balse madaxweynaha ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay inaysan siineynin magan gelyo siyaasadeed. Mas’uuliyiin u dhashay Faransiiska ayaa waxay sheegeen in u yeeridda Xiriri ay timid ka dib markii Emmanuel Macron uu qadka telefoonka uu kula xiriiray Xariiri iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan. Todobaadka wareysi uu bixiyay Xariiri waxaa uu sheegay in uu dib ugu noqon-doono dalka Lebnon isla markaana uu mar labaad isku hor casili-doono madaxweyne Michel Coun. Goobjoog News Source
  13. Qatar has lauded efforts of Ethiopia in maintaining peace in the Horn of Africa region. The applause from Emir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani was during a meeting with Ethiopian premier Hailemarian Desalegn. The state-affiliated FBC reports that the two leaders spoke on areas of strengthening security, investments and diplomatic ties. The Emir is said to have lauded Ethiopia as a strategic partner and one key to peace in the Horn of Africa region. Desalegn is in Doha on an official visit reciprocating a similar one earlier this year by the Emir to Addis Ababa. Another Ethiopian state outlet, ENA, reported about diplomatic agreements signed by both countries in the area of visa waivers. “Foreign Minister Dr. Workneh Gebeyehu and his Qatari counterpart Sheikh Mohammed bin Abdulrahman signed the agreement providing for waiver of visa requirements for holders of diplomatic and official passports. “Finance and Economic Cooperation Minister Dr. Abraham Tekeste and Qatari Economy and Trade Minister Ahmed Bin Jassim signed the protection of investment agreement,” ENA reported. On the issue of the Gulf crisis, Ethiopia reiterated its stance with the Kuwaiti move to resolve the dispute through dialogue. Unlike Djibouti and Eritrea who took sides in the crisis, Ethiopia and Somalia maintained a neutral stance and backed calls for dialogue. Source: – Africa News
  14. Apart from the London mayoral elections, I have never voted Tory, but I know many black and brown people who have. My beautiful younger brother is one such person. Not only is Mohammed a proud Tory but he is also the chair and founder of the Somali Conservatives and will be standing for the party in 2018 local elections. So when a 2010 blog by Kensington Labour MP Emma Dent Coad surfaced, referring to Shaun Bailey a “token ghetto boy”, I took offence. No, actually I was livid. Like my brother, Shaun is black and a Tory. My brother and many of those I love and respect, who are proud Conservative members, are not tokens. They are brave, bright people who have chosen to vote for and back a party they believe in. They also want to help it change. As a child, Mohammed, like me, saw our grandfather dragged out of his bed in Hargeisa, now the capital of Somaliland, in the middle of the night for speaking out against a dictator. As a result of this and the civil war my family were forced to flee. Something like that shapes your life. For my family it meant we became very political and some of us joined political parties. None is perfect — I am a member of the Women’s Equality Party — but there is a prevalent idea that Labour owns black and minority ethnic (BAME) people, which I reject. That was the undertone of Dent Coad’s statement, and a toxic reminder of why Labour has lost me and many of my peers. To me, the Labour Party is all talk and no action. I get trolled by its members and I have even been blocked on Twitter by members of the shadow cabinet — I think because I work with Tory MPs to end female genital mutilation. Many on the Left still believe that FGM is a cultural issue and that we should be “talking” to abusers and prefer to “respect” differences rather than saving girls like me. One senior Labour figure once told me they would have to see “how it plays out with the mosques” when I asked him to back me in my fight. During my campaigning on FGM I have been open to working with anyone in power, but in my experience the Labour Party has shown little interest, while those in the Conservative Party have been quick to respond. From David Cameron to the current Prime Minister, Conservative politicians have demonstrated that they care about ending FGM. For me and 200 million women across the world who have been cut this is crucial. Today there is a real possibility that FGM can and will end within our lifetime and that is thanks to some very white and posh men who saw me and listened. As Kemi Badenoch — a rising star and very black Tory MP — said, the attitude that black people cannot be Tories “traps many black children within imaginary boundaries they believe they aren’t allowed to cross. They end up living less than the very best lives they can.” Seeing MPs such as Badenoch and James Cleverly in the House of Commons means that my niece and little cousins can see people like themselves in positions of power. The BAME population of this great country is diverse, and as such, we have the constitutionally-given right to join and support whichever party we wish. Dent Coad and her party would do well to remember that. I did not need Jeremy Corybn to unlock my talent in order to get three law degrees and I am not waiting for him and his band of Lefty loons to set me free. Hijab Barbie is not for children to play with I’ve never played with a Barbie doll and I don’t intend to buy one for any of the girls in my family. I totally get that the makers of Barbie want to sell more of them in the run-up to Christmas but I would not buy my six-year-old niece Sofia a make-up-wearing Barbie, and for the same reason I would not buy her a hijab-wearing one. The hijab, like make-up and other things meant for adults, is not for children to play with. Instead I would love a world in which girls have strong female icons to admire in many industries — and not have dolls marketed to them by a company such as Mattel. My homeland is leading the way in outlawing FGM On Monday Somaliland held its fifth multi-party presidential election, though the results are not in yet. Despite the lack of international recognition, Somaliland is leading the way in the region on so many fronts. Last week, in the final days of the election campaign, I visited Hargeisa, the city of my birth, to lobby for legislation to ban FGM. Somaliland has the world’s highest incidence of FGM. Like me, 98 per cent of women and girls in the country have undergone FGM — but there is hope. Not only did all three of the men seeking to be the next president agree with me on the subject, they and their party chairmen agreed to table legislation on FGM in their first 100 days. I know politicians will say anything to get elected but sitting down with these men, I believed them. I hope to travel back to Somaliland in February with Zac Goldsmith, who has played a significant role in supporting this work. Ending FGM within a generation is something I believe we will achieve. I am proud that Somaliland is leading the way. Source: – Evening Standard
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxwaynaha Faransiiska ,Emmanuel Macron,ayaa ku casuumay rai’sul wasaaraha Lubnaan, Sacad Hariri,iyo qoysiiska in ay yimaadaan Faransiiska. Hasa yeeshee Mr Macron ayaa sheegay in uusan siinayn mr Xariiri musaafuris siyaasadeed. Xasarada Lubnaan ka taagan ayaa waxa huriyay iscasilaadii la yaabka lahayd ee 11 maalmood ka hor uu Mr Xariiri kaga dhawaqay magaaladda Riyadh. Saraakiisha faransiiska ayaa sheegay in ay filayaan in Mr Xariri uu yimaado maalmaha soo socda. Casuumaada ayaa timid xilli uu wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska, Yves le Drian,uu booqasho ku joogo dalka Sacuudiga. Mar sii horreysay madaxwaynaha Lubnaan, Michel Aoun, ayaa ku eedeeyay Sacuudiga in ay xireen Mr Xariri. Balse Mr Xariri ayaa ku celceliyay in uu bad qabo oo uuu xor yahay. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Ciidamada Militariga Mareykanka waxaa ay duqeyn hor-leh ka geysteen Soomaaliya, iyaga oo sheegay in ay dileen dagaal-yahanno Al-shabaab ah. AFRICOM waxaa ay intaasi ku dartay in 28 weerar oo cirka ay sanadka 2017-ka ka fuliyeen gudaha Soomaaliya taas oo ka dhigan in ay saddex jibbaareen weeraradii sanadkii hore. Warbixin ay soo saareen arbacadii waxaa lagu sheegay in weerar cirka oo ay qaadeen habeenka talaadada ay ku dileen dagaal-yahhano Al-shabaab, duqeynta waxaa ay ka dhacday meel 96km ka xiga caasimadda Muqdisho dhanka waqooyi galbeed. Goobjoog News Source
  17. Key priorities for the next JSL government: Below are some of the key initiatives summarised, that should be the basis of the next government’s priorities term in the office. Reduction of extreme poverty: The government should assign a committee to determine the level and type of poverty the general population is experiencing. Targets are to be set to reduce the poverty levels on annual basis, and to develop a focused strategy for making progress on reducing child poverty as a matter of urgency.Poverty is not just an issue, is the biggest problem in JSL currently, where most of its population lives in poverty, an average higher than other countries in the region, the government should aim to reduce extreme poverty, to lower than 10 % in the next 5 years. From the time a newly government is elected they should issue a decree, declaring that its main goal will be the reduction of poverty, and looking after the weakest in the country. For its purpose, coordinated work between Ministries and public institutions to develop and implement a (National poverty Reduction program). Since JSL still has a mainly rural economy around (60% of GDP), one of the main aims should be to provide families with an alternative farming methods. Most of the rural population lack any rural farming or agricultural education and equipment, thus the government should propose services to train people in building local infrastructures with the involvement of the public and the private sector. These types of policies and legislations are expected to create a “spill-over” effect which will benefit all sectors of the JSL society, i.e. education, security, health etc. Energy: The Government should commit to reduce the cost of (energy) electricity and gas by 10% by the year 2022. These targets should be met, in part, through the creation of integrating the national power system, where the government should be largest stake holder of any energy provider or the sole share holder, until the infrastructure and the relevant regulations for the energy sector has been established. The government should also invest and fund renewable energy projects, such as wind and solar power, and the modernization of the current power facilities. The Government should also introduce new and robust legislation that would ban or reduce the cutting down of tree for coal, to reduce pollution and climate change. Economic Development: The Government should commit to a seven point economic plan: · Major investment in the health, education, and agriculture; · Lowering taxes for market traders and small business or providing 6 months tax breaks; · Supporting innovative ideas through new funding initiative; · Accelerating infrastructure investments, including road and water expansion project; · Investing in major manufacturing and exporting projects; · Lowering imports of essential goods, paving the road to self sufficiency; · Effective plan with a time table to eradicate the effect of draughts. Government should commit to creating a valuable Manufacturing sector, the key importance is the government to commit to invest 4% of the national GDP on Manufacturing every year. Government should work with the Agricultural sector to deliver a program to assist grain and livestock farmers to expand and to cope with the regular draughts to increase and establish support for the economical development of rural areas by 60%. Health Care and Education: The Government should strive to ensure more of the population meets the basic standard in writing, reading and mathematics. The national literacy level should be at 80% within the next 5 years for rural areas. Government should also improve the current education funding formula by investing an additional 10% annually on education by 2022. A new general hospital should be built, with the latest equipment and technology, to meet the needs of the public health for major surgeries and treating of diseases such as Hepatitis, Diabetes and other major complications, where people currently have to travel overseas to seek medical treatment. A Strategy and legislations should be introduced that will see a roadmap to meeting the targets for improving public health. The program should continue to increase the quality of the public health overtime and hire additional staff, while guaranteeing new graduates jobs. Ahmed miino London
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta kooxda QM u qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka ee Somalia iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa ku eedeysay ciidamada dowladda Soomaliya inay ka qeyb galeen dagaal beeleedyo. Warbixinata ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ee beelaha Habar-Gidir ay ka qeyb-galeen dagaal beeleed dhex maray Habar-Gidir iyo Biyo-Maal oo ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose, halkaasi oo ay sheegeen in dad badan lagu dilay, qaar kalena lagu dhaawacay. Beelaha Biyo-Maal iyo Habar-Gidir ayaa marar badan ku dagaalamay Marka, waxayna warbixintu sheegtay in xitaa mararka qaar ay dhacday in xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ee beesha Habar-gidir ay isku dhinac noqdeen, ayaga ooh al beel ah. Dhinaca kale, warbixinta ayaa ku eedeysay ciidamada dowladda ee gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda beesha Wacbuudhan Abgaal inay ka qeyb galeen dagaal beeleed ka dhan ah beesha Shiidle ee Jareer Weyne. Waxay warbixintu sheegtay in illaa 5,000 oo qof oo Shiidle ah guryahooda laga bara kiciyey, halka qaarna guryahooda la gubay. Waxay warbixintu xustay in beesha Abgaal oo ku xooggan gobolka Sh/Dhexe ay marar badan dagaal dhex mareen ayaga iyo beelaha Shiidle, oo laga tiro badan yahay. Kooxda QM u qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka ee Somalia iyo Eritrea ee UN Monitoring Group, ayaa marar badan lagu eedeeyey inay si aan daacad ahayn QM ugu gudbiso warbixino aan sax ahayn, si gaar ahna warbixinada badankood ay ugu beegsato dadka iyo siyaasiyiinta Hawiye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Dr. Maryan Qaasim Axmed, Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Federaalka ee shalay is-casishay, ma aheen wasiir la iska magaacay, ee haddii siyaasadda xulufo, garab iyo maslaxad taqaano haweeneydan ayaa cinwaan u aheyd, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kuma heysto xukuumaddan Xasan Kheyre qof uga dhaw Dr. Maryan. Muddo sanad iyo bar la joogo ayey igu marti-qaaday hoygeeda magaalada Muqdisho, si aan ugala sheekeysto arrimaha siyaasadda, Banii’aadnimada iyo qaar kale oo kolkaas ay ku mashquulsaneed. Marwo Qaasim inta ay ka hadleysay Taariikh Nololeedkeeda, magaca Farmaajo waxaa uu ahaa qofka ugu badan oo ay soo hadal-qaaddo. Gabadhan ku dhalatay Baardheere, kuna soo bar-baartay Marka, in kasta oo horay uga soo shaqeysay jaamacadda Umadda, isbitaallo haweenka iyo dhallaanka ee dalalka Yemen iyo Holland, iyo Ingiriiska oo ay ka aheyd ”Learning Mentor” Laakin waxaa dadka Soomaaliyeed baray mudane Farmaajo isaga oo November 18, 2010 u magacaabay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska, xilligaas uu ahaa ra’isul wasaarahii TFG-da. 2012: Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay guddoomiye ka noqotay Xisbiga Tayo oo ah xisbi uu aasaay mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xitaa markii ay jagada uga degtay, waxaa ay qeyb ka noqtay ololihiisa doorashada 2016. 4-tii sano ee la soo dhaafay Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay wasiir ka noqotay xukuumaddii Shirdoon 2012-kii, waxaa kale oo ka shaqeysay UNICEF iyo WHO illaa ay Xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka aheyd la taliyaha arrimaha bulshada, Marwo Qaasim waxaa ay iigu dhaaratay in aaney waligeed la shaqeyn, lana shaqeyn-doonin qof ka fiican Farmaajo. Dhankiisa, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan xisbiga Tayo kala sheekeystay inta aanu madaxweynaha noqon waxaa uu ii sheegay in Dr. Maryan Qaasim Axmed ay shaqo fiican ka qabatay xisbiga marka ay guddoomiyaha ka noqotay isaga oo intaa raaciyay in ay kaalin fiican ku laheyd in xisbiga ku fido magaalooyinka Oslo, Nairobi, Dhadhaab, Muqdisho, Boosaaso iyo meel kale. Hadaba, Xiriirkaas dheer Farmaajo iyo Maryan Qaasim kadib, Maxaa keenay in shalay ay ka tagto shaqada fulinta iyada oo ka sheeganeysa qas iyo jaho-wareer, sida ay sheegtay. “Hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga hey’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa, xukuumadda waxaan ilaahay uga baryayaa iney horumar gaaraan, ma ihi qof mucaarad ah, dowladeeda mucaarad kuma ihi laakiin aniga duruuftaan is barbar yaaca ah wey igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, aniga shaqsiyan waxaan doorbiday siyaasad inaan gacmaha kala baxo oo sidii kale aan bulshadeeda ugu shaqeyn jirey aan ugu shaqeeyo”. Qaraxii Isgoyska Zoobe kadib Dr. Maryan Qaasim, waxaa ay warbaahinta u sheegtay in aaney ku farax-saneen sida loo maareynayo gargaarka la xiriirka dadka waxyeellada soo gaartay, waxaa jira guddiyaal badan oo arrimaha gargaar ah kuwaas oo ka garab shaqeeya wasaaradda. Waxaa shalay ka muuqatay niyad-jab iyo caro, waxaa ay ka gaabsatay in sababta oo faah-faahsan ay ila wadaagto, Laakin su’aasha weli waa taagan tahay? Waa wasiirkii 2aad ee xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre iska casila muddo bil iyo xoogaa ah, isna lama sheegin sababta. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in taariikh cusub ay tahay Madaxweynaha iyo isaga oo wada shaqeeyay wax ka badan sideed Bil in weli howsha ay ku socoto buuq la’aan is qabqabsi la’aan iyo wixii la mid ah. Wuxuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha in dalka rajo aad u wanaagsan leeyahay, islamarkaana muhiim ay tahay in loo wada istaago dib u dhiskiisa iyo ka shaqeynta amniga. Si gaar ah wuxuu ula hadlay Ra’iisul Wasaare Khayre dhallinyarada Soomaaliyeed oo uu sheegay in fursadda kaliya ee dalka uu haysto iyaga yihiin. “Bilawga Madaxweyne iyo Raiisal Wasaare wada shaqeeyay Sideed bilood ka badan iyadoo maalin la idiin sheegin way is dagaalsan yihiin miyaanay taariikh ahayn ka duwan tii ka horreysay, waxa uu leeyahay wadanka rajo weyn, rajada weyn ee uu leeyahay waxay tahay in idinku (Dhallinyarada) aad soo jeedsateen” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul wasaaraha oo hadal ka jeedinaayay kulan xalay ka dhacay Muqdisho, looguna magac daray kacdoonka Nabadda ayaa sheegay in xukuumaddiisa mudadii yareed ee ay jirtay ay wax badan qabatay, haatanna diyaar u yihiin in dalka wax badan u qabtaan. Mudadii ay jirtay dowladda uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in Soomaaliya aan loo soo raacan deyn haba yaraatee. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa dalka Somalia kusii kordhaaya weerarada ay maleeshiyaadka al-Shabaab ka geystaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada iyo dadka shacabka ah ee u nugul dowladnimada. Weerarada ugu badan ayaa waxaa geysta falaago ka tirsan argagixisada Somalia kuwaa oo doonaaya inay indhaha tiraan dadka daneeya dowladnimada ee qeybaha ka ah Ciidanka, Shaqaalaha dowlada iyo dadka taageera dowladnimada. Dadka qaar ee ku xeeldheer arrimaha amniga ayaa qaba in fashilka amni ee heysta dowlada Federaalka uu yahay mid ku qotoma ilaa 3 Qodob oo la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay mushkilada ka jirta dalka. Waxa ay khubaradaasi qabaan in dowlada Somalia aysan guul ka gaari karin dhanka amniga, haddii ay dhacdo in laga takhluusin waayo Seddexda qodob ee hortaagan in guul laga gaaro amniga guud ahaan Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Maleeshiyaadka al-Shabaab ee dowlada ku haya qalqalka amni ayaa iyaguna ah kuwo ka faa’iideysanaaya dayacnaanta heysata dowlada waxa ayna kala yihiin: 1-Fashilka koowaad ee dowlada ka heysta dhanka amniga ayaa ah in Saraakiisha Hay’adaha amniga lagu xulo qaab qabiil, taa oo mamnuuc ka ah adduunka. 2-Saraakiisha ciidamada Amaanka oo mas’uuliyada saaran u fahmay inay ku imaaday awooda beesha uu kasoo jeedo, bacdamaa lagu xulay qaabk qabiil. 3-Ciidamada Amaanka oo ku dhisan qaab qabiil, waxaana xusid mudan in xiliga ay marayaan tababarka qabiil waliba laga soo xulo tirro gaara, waxa ayna taa fashilisay amniga. Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ka faa’iideysanaaya dayacnaanta Hay’adaha amaanka ee u muuqda inay yihiin kuwo ku dhisan qaab qabiil, taa oo caqabad ku noqotay in guul ka gaarista amniga. Si kastaba ha ahaatee, amniga Somalia ayaa ku xiran in Hay’adaha amniga laga saaro nidaamka awood qeybsiga oo la orankaro inuu yahay mid indhaha riday Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa xal hordhac ah ka gaaray khilaaf siyaasadeedka Xildhibaanada Koonfur Galbeed kala dhexeeya Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Kheyre ayaa inta uu ku sugnaa magaalada Baraawe si hordhac ah u kulmiyay Hogaamiyaha maamulka iyo tirro Xildhibaano ah, waxaana la xaqiijiyay in wadahadalka dhiman uu ku dhameystiri doono magaalada Muqdisho. Kheyre waxa uu Shariif Xasan u sheegay in xiisada kala dhexeysa Xildhibaanada u adeegsado maskax si xal loogu helo khilaafka iminka taagan. Kheyre ayaa sidoo kale Shariif Xasan ku xiray Xildhibaano dhowr ah oo uu sheegay inay qeyb ka noqon doonaan garabka xalka u raadin doona Mooshinka laga gudbiyay Shariif. Sidoo kale, Kheyre waxa uu Shariif Xasan ku amray inuu shuruuda ka daayo mushaarka Xildhibaanada, sida uu xaqiijiyay mid kamid ah Xildhibaanada ku sugnaa kulanka oo isagu markii hore kasoo horjeeday Shariif Xasan. Dhinaca kale, faragalinta ay Xukuumada Somalia ku sameysay khilaaf Siyaasadeedka Shariif Xasan kala dhexeeya Xildhibaanada maamulkiisa ayaa u muuqda mid maslaxad ugu jirta madaxda dowlada Federaalka oo iyagu ku tiirsan maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Tafatiraha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane oo todobaadkii horre socdaal ku marey deegaano ka tirsan Gobolladda Mudug iyo Nugaal ayaa u kuurgalay barwaaqadda dayrta iyo nolosha xilligaan ka jirta dhulka baadiyaha oo kasoo doogay Abaartii SIMA ee ka dhacday Soomaaliya. Bahda PUNTLAND POST ayaa kusoo bandhigaysa muuqaalkaan nolosha dadka reer guuraaga iyo xoolahooda, wuxuuna diirada saarayaa jawiga quruxda badan ee ka jira deegaanada roobsadey.
  24. Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhimatay,soddon kalena waa ku dhaawacantay qaraxyo is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Maiduguri ee Waqooyi bari Nigeria,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wakaaladda gargaarka deg degga ah ee dalkaasi. Ururka Boko Haram ee xagjirka ah, ayaa dilay in ka badan 20,000(labaatan kun) oo ruux,tan iyo sannadkii 2009,taasoo qayb ka ah isku dayga ay ku raadinayaan in ay dowlad islami ah ka sameeyaan jiinka harada Chad. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan u dambeeyey oo saraakiisha waaxda gurmadka deg degga ah iyo xubnaha dowladdu ay sheegeen in ay fuliyeen afar haween ah oo qaraxyo isku soo xiray,islamarkaana ka dhacay Muna Garage oo ka tirsan Maiduguri. Haweenka is-qarxiya,waa astaan lagu yaqaan weerarada ay qaaddo Boko Haram. “Waxaan ilaa hadda diiwaan-gelinay dhimashada toban ruux iyo dhaawaca soddon kale”,sidaasi waxaa yiri af-hayeenka Wakaaladda gurmadka deg degga h ee dowladda, Bello Dambatta. Maiduguri waa caasimadda gobolka Borno,waana magaalada dhibka ugu xumi ka soo gaaray dagaalka ay wadaan fallaagada jihaadiyiinta. Ugu yaraan 221 qof ayaa ku dhintay qaraxyada iyo weerarada waqooyiga dalka Nigeria,tan iyo bishii June ee sannadkan,sida ay xustay Reuters. Xigasho/Reuters PUNTLANDPOST The post Boko Haram oo dalka Nigeria ku dishay in ka badan labaatan kun oo ruux. appeared first on Puntland Post.