Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,035
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali ptesident, Mohamed Abdullahi Farmajo is to make his second visit to the United Arab Emirates (UAE) next week after receiving official invitation, farmajo entourage source confirmed. Sources privy to the UAE invitation said the president would be travelling to United Arab Emirates on Monday next week. “President Mohamed Abdullahi Farmajo will be travelling to UAE on November 20th, the president received official invitation from Dubai authorities,” said a source close to Villa Somalia. According to the sources, Egyptian president Abdel Fatah El-Sisi has been carrying out attempts bring Somalia and UAE leaders closer after Somalia decided to stand its ground on neutrality in the Gulf Crisis. “Following Somali president’s visit to Egypt in late August, president Abdel Fatah was trying to bring Somali and United Arab Emirates leaders closer on the matter related to Gulf Crisis” he said. Some of regional state leaders will also be travelling to Dubai next week, according to the sources. “Leaders of Southwest and puntland states, Shariif Hassan and Abdiweli Ali Gas repectively will be heading to UAE,” the sources confirmed.
  2. Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa Goordhaweyd waxaa ka Qarxay dagaal U dhexeeya Maleeshiyaadka Maamulka Somaliland iyo Shacab Gadoodsan oo Hubaysan kana soo jeeda Dhanka Cabdiraxmaan Cirro. Rabshadan Ayaa timid Ka Gadaal markii Galinkii Danbe maanta Ay ku Dhawaaqen Saraakiil kamid ah Wadani in Aanay Rajo Ka qabin Doorashada Maamulkaasi Islamarkaana musuq maasuq iyo Isdaba barin La galiyay. Shacab Aad u faro badan aya isugu soo baxay Siirooga Burco kuwaaso Ku Dhawaaqaya Guusha yaa leh Ciraa leh Badaluu Kulmiye iyo Ereyo lamid ah. Intaasi wixii ka danbeeyay waxaa Goobta yimid Ciidan kamid ah Kuwa maamulka Somaliland Kuwaaso rasaas ku Afrogay shacabkaasi waxayna xaaladu isku badashay in Shacabku Gubaan Kaalmo Shidaal Oo badan islamarkaana qaar kood Hub la soo baxan. 15 Daqiiqo kadibna waxa is Qabsaday dhawaaqa rasaasta kala duwan gudaha Burco oo ilaa hada Ka socota lamana Garan Karo inta uu leeg yahay khasaaraha Jira. Dhinaca kale waxaa adag Dhaqdhaqaaqa Isgaadhsiinta oo mashquul Badani Galay Gobolada Burco iyo Hargeisa
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Militariga dalka Zimbabwe ayaa xabsi guri geliyay madaxweyne Robert Mugabe, waxayna la wareegeen telefishinka qaranka iyo awoodda dalka. Ciidamada iyo gawaaridooda ayaa ku sugan jidadka Harare halkaas oo rasaas iyo qaraxyo laga maqlay Arbacadii. Ma inqilaab baa? Militariga waxay ku adkeysanayaan in uusan afgembi ahayn, balse waxaa jiro calaamado badan oo muujinaya. Calaamadaha lagu garto in afgembi uu socdo markaste waa isku mid dunida oo dhan. Halkan waxaa idiinkugu soo gudbineynaa sida lagu ogaado inqilaabka iyo awood la wareegidda. 1-Qofna ma dhahayo waa afgembi Ugu horeyn, ogow in kuwa afgembiga sameeya marna aysan ku dhawaaqeyn in ay sameynayaan inqilaab. Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika u fadhiya, Isaac Moyo, wuxuu so cad u sheegay in afgembi uusan dhicin, iyo in dowladda ay weli “shaqeyneyso”, militarigana uusan la wareegin awoodda dalka. “Keliya waxaan eeganeynaa burcadda ku hareereysan madaxweynaha, kuwaas oo sabab u ah dhibaatada dhaqaalaha iyo mid bulsho,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Janaraal Moyo oo TV-ga toos uga hadlay shalay. “Isla marka aan dhameyno howlgalkeena, waxaan fileynaa in xaaladda ay caadi ku soo noqoto”. Balse “xaaladda” dhankooda waxay u muuqataa mid xun oo digniin leh, gaar ahaan kuwa ku jira dhanka militariga qaaday ficilka ay awoodda kula wareegeen. Hadallada noocan ah ee maldahan waa kuwa lagu garanayo iskudeyada afgembi. Dalka Venezuela, oo dibadbaxyo ka dhan ah dowladda ay ka jireen muddo, militarigeeda waxay isku deyeen afgembi fashilmay oo ka dhan ah madaxweyne Nicolas Maduro, bishii August. “Kani ma ahan inqilaab, balse waa tallaabo ay u dhan yihiin shacabka iyo militariga, si loo soo celiyo kala dambeynta dastuureed”, ayuu yiri ninkii hoggaaminaya kooxda, Juan Caguaripano. Xisbiga hanti-wadaagga ee Venezuela ayaa hadalkaasi beeniyay. Kuxigeenka madaxa xisbiga, Diosdado Cabello wuxuu ku tilmaamay “dullaan argagixiso”. 2-Halkee buu ku sugan yahay madaxweynaha dalka? Marka la hubinayo afgembi, eeg meesha uu ku sugan yahay hoggaamiyaha dalka. Madaxweyne Mugabe waxaa lagu ha Waxaa la sheegay in uu qadka telefoonka kula hadlay, uuna nabad qabo madaxweynaha. Lama garanayo meesha ay ku dambeyso xaaskiisa awoodda leh, Grace Mugabe oo 52-sano jir ah, Taas oo loo saadaalinayay in ay bedeli doonto seygeeda oo 37 sano dalka xukumayay. Sikastaba, xildhibaan ka tirsan xibiga mucaaradka ee MDC, Eddie Cross, ayaa BBC-da u sheegay in ay habeenkii Talaadada u qaxday dalka Namibia. In la xiro qofka lala damacsan yahay kacdoonka waa arrin muhiim u ah afgembiyada. Sida uu sheegay weriyaha arrimaha diblumaasiyadda ee BBC-da Jonathan Marcus, in afgembigii Turkiga uu guuldaraysto waxaa sababay in ciidamada ka dambeeyay ay garan waayeen meesha uu ku suganaa madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Safaaradaha ajaaniibta waxay gabaad u noqdaan madaxda xilka laga xoogay iyo kuwa lagu raad joogo ee xulafada la ah. Markii madaxweyne George Bush kii hore uu ku duulay Panama, 1989-kii, sarkaalka awoodda lahaa Janaraal Manuel Noriega wuxuu ku dhuuntay safaaradda Vatican-ka ee magaalada Panama City. Mararka qaar, madaxda waxay ka soo muuqdaan dalal kale. Sanadkii 2009-kii, militariga dalka Honduras waxay xilka ka tuureen madaxweyne Manuel Zelaya, wuxuuna ku baxsaday diyaarad. Markii uu gaaray Costa Rica, wuxuu sheegay in la afduubtay isagoo xiran dharka habeenkii lagu seexdo. 3-Dadka oo jidadka u soo baxa iyo rasaas iska dheceysa Dibadbaxyo iyo kacdoon waa arrin muhiim u ah afgembi. Dadka isu soo baxa waxay badanaa ku dhawaaqaan dalab dimuquraadiyad iyo in uu dhaco maamul markaa jira, Waana midda keliya ee sababta in militariga soo dhaqaaqo, awooddana la wareego. Dalka Masar, madaxweyne Xusni Mubaarak waxaa xilka ka tuuray dibadbaxayaal intii uu socday kacdoonkii carabta ee 2010-11-kii. Kacdoonkaasi wuxuu saameeyay dalalka Libya, Tunisiya, Yaman iyo Suuriya. Arrinta muhiim ka ah waxay ahayd, markii militariga Masar uu sheegay in aysan awood u adeegsanayn dadka isu soo baxay ee careysan. Madaxweyne Mubaarak ayaa iscasilay, maamul militari ayaana dalka la wareegay. Afgembigii fashilmay ee Turkiga ee 2016-kii, Shacabka ayaa jidadka isugu soo baxay waxayna difaaceen madaxweynaha ayagoo ka hortagay militariga. Sidoo kale ciidamada taageersan Erdogan ayaa caawiyay dadweynaha. Dalka Zimbabwe wuxuu kaga duwan yahay, shacabka maysan dhigin dibadbaxyo, maadaama ficilka militariga uu ka dhashay Mugabe oo shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa, isagoo doonayay in xaaskiisa Grace uu ku bedelo. Jidadka Zimbabwe kama jiraan wax dhibaato ah, laakiin gawaarida gaashaaman ee ciidamada ayaa gaaf wareegaya gudaha caasimadda. 4-Dowladaha awoodda leh ee caalamka oo u diga muwaadiniintooda Xitaa haddii aysan gabaadsiin hoggaamiye aan halis ku ahayn, safaaradaha waxay xaq u leeyihiin in ay ka fikiraan nabadgelyada shacabkooda, waxayna billaabaan in ay tilmaamo siiyaan. Dalka Zimbabwe, Safaaradda Britain waxay la talisay muwaadiniinta hadda ka joogo dalkaasi. “Haddii aad joogto Harare, si aysan dhibaato kuu gaarin, gurigaaga ku sugnow ama hoteelka aad deggan tahay illaa xaaladda la ogaanayo”. Safaaradda Mareykanka ee Zimbabwe waxay Tweet-gareysay in aysan shaqeyneyn shalay oo Arbaca ahayd “ka dib xasillooni darada siyaasadeed”. 5-Warbaahinta Qaranka oo la qabsado Farriinta in la baahiyo waa muhiim, hadaba, mucaaradka aalaaba waxay ku ordaan in ay qabsadaan warbaahinta qaranka iyo kuwo gaar loo leeyahay si ay afkoodana u adeegsadaan. Dalka Zimbabwe, militariga wuxuu ku guuleystay in uu qabsado xarunta telefishinka qaranka ee ZBC. Balse, isticmaalka mowjadaha hawada waa mid aan markaste guuleysan. Dalka Turkiga, 2016-kii ciidamada waxay galeen warbaahinta qaranka waxayna sheegteen in ay awoodda la wareegeen si ay dimuquraadiyadda u difaacaan. Balse xaqiiqdii cadaadis ayaa looga awood badiyay. Dalka Zambia, sanadkii 1997-dii waxaa ka dhacay afgembi ku fashilmay seddax saacadood gudahood. Nin isku magacaabay kabtan Solo ayaa idaacadda dowladda kaga dhawaaqay in uu dalka la wareegay, saraakiisha ciidamadana shaqada ka tiray. Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweyne Frederick Chiluba uu isku soo dhiibo illaa 9-ka subaxnimo, ama la dili doono. Balse 10-kii barqanimo, madaxweynaha ayaa idaacadda ka hadlay wuxuuna sheegay in lix qof la xiray, wuxuuna u mahadceliyay ciidamada “shaqada wanaagsan qabtay”. 6-Xudduudaha, buundooyiinka iyo garoomada diyaaradaha oo la xiro In la xakameeyo maamulka dal ama caasimad, waxaa qeyb ka ah xiridda xudduudaha, hakinta dhaqdhaqaaqyada buundooyiinka iyo meelaha kale ee muhiimka ah ee dadka u fududeynaya isu socodka. Bishii Sebtembar 2015-kii, ilaalada madaxtooyada ee hoggaaminayay afgembigii Burkina Faso waxay amreen in la xiro isu socodka cir iyo dhul, waxayna soo rogeen afgembi habeenkii ah. Sida la ogyahay, casharka ugu wanaagsan ee xakameynta garoon diyaaradeed waxaa laga bartay Pakistan sanadkii 1999-kii, xilligaas oo ra’iisul wasaare Nawaz Sharif uu isku deyay in uu shaqada ka tiro taliye ciidan oo awood lahaa, Janaraal Pervez Musharraf, waxaana bilowday dagaalka kala sareynta. Janaraal Musharraf wuxuu ku sugnaa dalka Sri Lanka markii uu helay farriinta ah in Mr Sharif uu qorsheynayo tallaabo isaga ka dhan ah. Wuxuu si qarsoodi ah kaga duulay garoonka Colombo, wuxuu doonayay in uu ka dego Karachi. Ciidamada cirka waxay u diideen in diyaaradda oo siday 200 oo qof ay degto, waxaana duuliyaha lagu amray in uu Cuman aado, ka dibna Hindiya. Janaraalka ayaa duuliyaha ka dalbaday in uu hawada ku dul wareego, inkastoo shidaalka uu ka dhammaanayay diyaaradda. Ugu dambeyn, diyaaradda waxay degtay ka dib markii ciidamo taageersan Musharraf ay la wareegeen garoonka. Si nabad ah ayuu ku degay, saacado ka dibna wuxuu sheegay in uu Pakistan la wareegay. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. The post Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo Looga Hadlay Amniga, Dastuurka DFS, Horumarinta Dugsi Quraanka iyo Masaajiddada Puntland iyo Arrimo Kale oo Muhiim Ah. appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 16 Nov 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe kusoo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo danjiraha dalka Chine u fadhiga Soomaaliya Mr. Qin Jian. Kahor kulanka Madaxweynaha iyo safiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland iyo safiirka dalka chine ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen mashaariicda horumarineed ee dalka Chine ka fuliyo Puntland gaar aahan mashariicda waaweyn ee hadda dalka ka socda , adkaynta xidhiidhka Puntland iyo dalka Chine iyo iskaa shiga labada dhinac ee arrima ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn safiirka iyo weftigiisaba ku soo dhoweeyey Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in xidhiidhka ka dhexeya dalka Chine iyo Puntland uu yahay mid wanaagsan oo soo jireena, taasna ay tusaale u tahay mashaariicda horumarineed ee dalka Chine ka fuliyey gudaha Puntland iyo kuwa hadda kasocdaba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay in dawladda Puntland diyaar u tahay adkaynta iyo xoojinta xidhiihka ee ka dhexeeya labada dhinac. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in arrimaha iskashiga Puntland iyo dalka China ee ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka ay yihiin kuwo buldhig u ah wada shaqaynta dhow ee ka dhexysa Puntland iyo dalka Chine, isla mar’ahaantaana ay dawladda Puntland diyaar u tahay adkaynta, wanaajinta iyo dardargelinta arrimahasi iskaashi. Dhinaca kale danjire Mr. Qin Jian ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhankooda adkaynta xidhiidhka wanaagsan ah ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Chine iyo sidoo kale dardar gelinta iskaasiha labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka , waxaana uu sidoo kale xusay Safiirku inuu ku faraxsan yahay imaanshaha Garoowe iyo guud ahaan gudaha dawladda Puntland. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad kusoo dhoweeyey Safiirka iyo weftigiisaba dawladda Puntland, isagoona Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo shacabkeeduba diyaar u yihiin waxkasta oo wanaajinaya horumarinta ganacsiga iyo kabayaasha dhaqaalaha ee ka dhexeeya dawladdaha Puntladn iyo China. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Safiirka China Ee Soomaliya. appeared first on Puntland Post.
  6. Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa Maanta 16 November 2017 magaalada Garoowe ka daah-furtay Barnaamijka sahanka waxyeellada cudurka duumada sannadihii la soo dhaafay iyo tirada ilmaha ka yar shanta sano ee laga tallaalay cudurka. Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiinta wasaaaradda Caafimaadka Puntland,shaqaalaha caafimaadka iyo hay’adaha UNICEF IYO WHO oo wasaaradda la shaqeeya. Barnaamijkaan oo lagu sahaminayo natiijadii ka soo baxday waxqabadkii shantii sano ee la soo dhaafay laga sameeyey cudurka Duumada iyo saamayntii uu ku yeeshay bulshada ,ayaa laga fulin doonaa dhammaan degaannada Puntland,waxaana fulinaya kooxo taba-baran oo ka socda Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland oo ay dhanka farsamada ka caawinayaan hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Mac-hadka Cilmi Baarista Caafimaadka Kenya ee Kenya Medical Research Institute. Madaxa Cudurka Duumada ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdikariim Xuseen Xassan oo warbixin ka jeediyey furitaanka Barnaamijkaan,ayaa sheegay in sahamintaan lagu ogaanayo xogta ku saabsan cudurka Duumada ee shantii sano ee tegay,si qiimayn loogu sameeyo wixii qabsoomay iyo meesha haatan la’ taaganyahay,si looga sii dhaqaaqo. “Waxaa sahan lagu samaynayaa waxqabadka shantii sano ee la soo dhaafay ee cudurka Duumada,haddii ay noqoto dadkii la daaweeyey, iyo haddii ay noqoto kuwii la siiyey tallaalka,si qiimayn loogu sameeyo wixii qabsoomay iyo meesha haatan la’ taaganyahay,si looga sii dhaqaaqo sidooo kale waxaa lagu ogaanayaa saamaynta uu ku yeeshay guud ahaan bulshada”,ayuu yiri Cabdikariim. 5 kooxood oo ka socda Wasaaradda ayaa fulin doona barnaamjikaan,kuwaasoo ay dhanka farsamada ka caawinayaan hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Mac-hadka Cilmi Baarista Caafimaadka Kenya ee Kenya Medical Research Institute,sida uu sheegay Madaxa Cudurka Duumada ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdikariim Xuseen Xassan. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan oo daah-furay barnaamijka ayaa sheegay in ujeedka sahankaan yahay sidii loo heli lahaa xog dhammaystiran oo ku saabsan heerka cudurka Duumada degaannada Puntland shantii sano ee la soo dhaafay iyo dadka laga tallaalay. “Waxay farxad weyn noo ah Maanta wasaaaradda Caafimaadka in dib u eegis lagu sameeyo laba shaqo oo shaqooyinka ugu waaweyn ee wasaarradu qabto ah,labadaas shaqo oo kala ah xogta laga hayo cudurka Duumada shantii sano ee la soo dhaafay iyo qaybta kale oo ah intee ilmo ayaa tallaalku gaaray,taasoo macnaheedu yahay in tiimamkaani labadaas shaqo soo qaban doonaan haddii Ilaahay idmo“,ayuu yiri Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan. Agaasimaha ayaa sidoo kale tilmaamay in barnaamijkaan yahay qorshe loogu talo galay Soomaaliya oo dhan si loo ogaado heerka cudurka Duumada iyo tallaalka laga sameeyey,islamarkaana Puntland tahay meeshii ugu horreysay ee laga bilaabay guud ahaan Soomaaliya. “Waa qorshe Soomaaliya oo dhan runtii loogu talo galay bal tallaal ka inta uu gaarsiisanyahay in la ogaado iyo heerka cudurka Duumadu ay Soomaaliya ka tahay in la ogaado.Puntland waa meeshii ugu horreysay ee laga qabanayo Soomaaliya”,ayuu yiri. Kooxaha Caafimaad ee sahamintaan fulin doona ayaa la siinayaa taba-bar ku saabsan hannaanka sahaminta,kaasoo ay qaadan doonaan muddo saddex maalmood ah oo laga bilaabo Sabtida soo socota,sida uu munaabadda ka sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan . Sahamnintaan oo la qabto shantii sanaba mar,ayaa loogu talo galay in lagu qiimeeyo barnaamijyada Caafimaadka ee uu taageero Sanduuqa Caafimaadka Global Fund,kuwaasoo kala ah(Malaria,HIV AIDS iyo TB),si qiimeyn loogu sameeyo wixii qabsoomay,islamarkaana mudnaan gaar ah loo siiyo meelaha u nugul cudurka. The post Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo daah-furtay Barnaamijka Sahanka heerka Cudurka Duumada shantii sano ee la soo dhaafay. appeared first on Puntland Post.
  7. Hargeysa (PP) ─ Kor-joogtadii Caalamiga ah ee dusha kala socota Doorashadii Isniintii ka dhacday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay in aysan arkin khaladaad waaweyn oo wax u dhimaya hanaanka ay doorashadu u dhacday. Balse waxay tilmaameen in ay jiraan “arrimo dareen leh”. Hadalkan ayaa imaanaya ayadoo la sugayo in lagu dhawaaqo natiijada kama dambaynta ah ee doorashada madaxtinimo. Kor-joogtada oo maanta Hargeysa ku qabtay shir jaraa’id waxay ka hadleen aragtida ay ka qabaan sida ay doorashada madaxtinimada ee Isniintii u qabsoontay. Kor-joogtada oo ay maalgeliso Briatian waxay ka kooban yihiin 60 xubnood oo ka kala socda 27, waxay sheegeen in ay jiraan arrimo ay welwel ka qabaan oo ay arkeen markii ay kormeerayeen doorashada. Arrimaha ay soo qadeen waxaa ka mid ah in hanaanka la raacay uu wanaagsanaa, balse in meelaha qaar uusan si wanaagsan u shaqeyn. Waxay soo hadal qaadeen in “dad aan qaangaar ahayn ay codeeyeen, goobaha codbixinta qaar oo aan la raacin nidaamkii codaynta, iyo xiritaanka baraha bulshada”. Michael Walls oo ah madaxa korjoogtada wuxuu yiri: “Waxaanu aragnay khaladaad ku saabsan hannaanka codbixinta iyo weliba tirinta, balse waxaan inoo cadaatay in khaladaadkaasi ay yaraayeen oo aanay saameyn ku yeelan karin hannaanka guud ee doorashada.” “Waxaan is tusnay in doorasho kaste oo caalamka ka dhacda aanay boqolkiiba boqol ahayn (mid hameystiran) sidaa awgeedna doorashadan ay leedahay waxyaabo badan oo la wanaajin karo”, ayuu hadalkiisa ku daray, Mr Walls. “Waxaan Somaliland ugu hambaleyneynaa doorashada ku qabsoontay sida ammaanka ah, waxaana shacabka ugu baaqaynaa in ay wadaan taageeridda nabada.” Korjoogtadu horey waxay uga gaabsadeen in ay ka hadlaan xiritaanka baraha bulshada oo hawada ka maqan tan iyo markii la soo gababeeyey codbixinta, hase yeeshee shirkii jaraa’id ee maanta ayey ku soo hadal qaadeen. “In la xiro baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa ah tallaabo adag, waxayna xadideysaa xorriyadda ay dadka u haystaan in ay aragtidooda cabiraan, taasoo ah wax ay ogol yihiin shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri madaxa korjoogtada. “Hadaba walaac ayaan ka qabnaa dhankaas. Balse arrinta kale ee jirto ayaa ah in aysan yeelan saameyntii looga gollahaa joojiyo baraha bulshadu kuwada xiriirto, taas oo ah in lagu yareeyo faafidda wararka aan xaqiiqada ahayn. Waxaanu aragnaa in hadallada kutiri-kuteenka ah ay weli socdaan.” ayuu hadalkiisa ku daray Walls oo Hargeysa kula hadlay warbaahinta. Somaliland iyo dunidaba waxaa aad loo dhawrayaa natiijada doorashadii Isniintii ka dhacday Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, taas oo lagu tilmaamay inay tahay middii ugu xamaasadda badnayd ee ka dhacda Somaliland tan iyo marki ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya, bishii May 1991. Waxaa isa soo taraya wararka la isla dhex marayo ee aan runta ahayn iyo xaflado guul lagu sheeganayo, kuwaas oo guddiga doorashooyinka uu horey uga digay. Madaxa korjoogtada doorashada Somaliland Michael Walls oo ka hadlay dib u dhaca natiijada ayaa sheegay in ay keeneyso “wararka beenta ah ee la faafinayo, haddii natiijada aan si degdeg ah loogu dhawaaqin. Dadka weli waxay ka dhursugayaan natiijada doorashada madaxtinimada Somaliland. Guddiga ayaa sheegay in qaar ka mid ah codadka lagu soo tiriyay gobollada lana gaarsiiyay hadda Hargeysa, Kuwana weli la sugayo. Waxaa la filayaa in natiijada rasmiga ah ee doorashadda madaxtinimada jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland lagu dhawaaqo maalmaha soo socda. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Waxyaabaha Kor-joogtada Caalamiga ah ay ka Saluugeen Doorashadii Somaliland appeared first on Puntland Post.
  8. Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirwynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo. Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta amniga, isagoo sheegay in ay hay’adaha amniga wadaan howlgalo qorsheysan oo kuwii ugu danbeeyey ee laga fuliyey degmada Afgooye lagu soo qabqabtay 29 oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen, 1. Aweys Khadar Ahmed, oo ahaa Amiirka u qaabilsaanaa howlgalada Afgooye 2. Abdullahi Mohamud Mukhtaar (Ileey), farsamoyaqaanada qaraxyada, 3. Salah Abdulkadir Abdulle, Madaxa lacagaha Sakawaatka 4. Mohamed Aweys Ali, oo ka tirsanaa amniyaatka 5. Mohamed Hussein Salad (Yemeni), oo ka tirsanaa amniyaatka 6. Mohamed Ali Hassan – Amniyaatka 7. Bakar Mohamed Yaqub – Miiniiste ahaan tashkiiliyaha dhalinyarada 8. Sakariya Salad Mohamed – Amniyaatka 9. Aweys Kamal Muhiadin – Amniyaatka Sidoo kale waxaa la soo qabtay gacan ku dhiigle Cabdiweli Cabdi Daauud oo ka tirsanaa Booliiska Laanta Canshuuraha oo horey u baxsaday ka dib dil uu u geystey marxuum Guled Abdulkadir Muse. Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystey Faduma Osman Farah, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan horumarka maamulka iyo maareynta maaliyada. Faduma ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu diyaariyey nidaamkii loo baahnaa oo ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada, Bankiga Dhexe, Bankiga Aduunka iyo Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF). Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha wasiiradda siiyey warbixin mashaariicda dhowaan la bilaabi doono, oo ay ka mid yihiin waddooyinka dalka qaarkood iyo hay’adaha dowliga ah si loo hirgeliyo maamul wanaag. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqey muhiimada dib u dhiska dalka si shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo la filayo in la qabto bisha December ahna shir wadatashi ah bacdamaa culumadu ay yihiin hormuudka bulshada. Wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sida ugu habboon ee loo qaban karo shirweynaha oo ay tallooyin ku biiriyeen. Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta ayaa golaha uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Nidaaminaya Naqshadeynta magaalooyinka, Horumarinta dhismaha iyo maamulka Dhulka. Dood dheer ka dib, waxaa lagu ballamay in usbuucyada danbe la ansixiyo. Wasiirka Dastuurka ayaa ka warbixiyey shir ay wada shir guddoominayeen isaga iyo wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay ka soo qeybgaleen dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo looga hadlayey dardargelinta dib u eegista dastuurka, xasilinta dalka, iyo dardargelinta doorashooyinka halka cod iyo halka qof ee 2020ka. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Wasiirada DFS oo Looga hadlay Arimo Xasaasi ah appeared first on Puntland Post.
  9. Somaliland’s Opposition party has now announced that it has completely suspended the cooperation between the Wadani party and the Somaliland National Electoral Commission (NEC), for electoral frauds and other irregularities during the just ended November 13 presidential elections. The official who spoke on behalf of opposition pary has said that all the National Electoral Commission failed to address the concerns raised by Wadani party.Mr. Osman Afgab has said that he will take the matter to Wadani’s senior officials for further discussions and a decision will be taken later. He pointed an accusatory finger to NEC members for neglecting their gripes to be addressed. The opposition party has pulled out all its representatives at NEC’s offices in provinces and districts.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirwynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo. Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta amniga, isagoo sheegay in ay hay’adaha amniga wadaan howlgalo qorsheysan oo kuwii ugu danbeeyey ee laga fuliyey degmada Afgooye lagu soo qabqabtay 29 oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen, 1. Aweys Khadar Ahmed, oo ahaa Amiirka u qaabilsaanaa howlgalada Afgooye 2. Abdullahi Mohamud Mukhtaar (Ileey), farsamoyaqaanada qaraxyada, 3. Salah Abdulkadir Abdulle, Madaxa lacagaha Sakawaatka 4. Mohamed Aweys Ali, oo ka tirsanaa amniyaatka 5. Mohamed Hussein Salad (Yemeni), oo ka tirsanaa amniyaatka 6. Mohamed Ali Hassan – Amniyaatka 7. Bakar Mohamed Yaqub – Miiniiste ahaan tashkiiliyaha dhalinyarada 8. Sakariya Salad Mohamed – Amniyaatka 9. Aweys Kamal Muhiadin – Amniyaatka Sidoo kale waxaa la soo qabtay gacan ku dhiigle Cabdiweli Cabdi Daauud oo ka tirsanaa Booliiska Laanta Canshuuraha oo horey u baxsaday ka dib dil uu u geystey marxuum Guled Abdulkadir Muse. Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystey Faduma Osman Farah, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan horumarka maamulka iyo maareynta maaliyada. Faduma ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu diyaariyey nidaamkii loo baahnaa oo ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada, Bankiga Dhexe, Bankiga Aduunka iyo Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF). Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha wasiiradda siiyey warbixin mashaariicda dhowaan la bilaabi doono, oo ay ka mid yihiin waddooyinka dalka qaarkood iyo hay’adaha dowliga ah si loo hirgeliyo maamul wanaag. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqey muhiimada dib u dhiska dalka si shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo la filayo in la qabto bisha December ahna shir wadatashi ah bacdamaa culumadu ay yihiin hormuudka bulshada. Wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sida ugu habboon ee loo qaban karo shirweynaha oo ay tallooyin ku biiriyeen. Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta ayaa golaha uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Nidaaminaya Naqshadeynta magaalooyinka, Horumarinta dhismaha iyo maamulka Dhulka. Dood dheer ka dib, waxaa lagu ballamay in usbuucyada danbe la ansixiyo. Wasiirka Dastuurka ayaa ka warbixiyey shir ay wada shir guddoominayeen isaga iyo wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay ka soo qeybgaleen dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo looga hadlayey dardargelinta dib u eegista dastuurka, xasilinta dalka, iyo dardargelinta doorashooyinka halka cod iyo halka qof ee 2020ka.
  11. Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo warbaahinta goordhaweyd kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay joojiyeen wada-shaqayntii ay la lahaayeen guddida doorashooyinka Somaliland kaddib markii ay ka jawaabi waayeen cabashooyin ay u gudbiyeen. Dr. Maxamed Yaasiin, Cismaan Afgaab iyo Xuseen Axmed Caydiid oo ah xubnaha xisbiga Waddani u qaabilsan Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa soo bandhigay waraaqo ay ku sheegeen ku been ah abuur ah oo lagu codeeyay doorashada iyagoona sheegay in deegaanada qaar lagu shubtay Doorashada. Goobjoog News Source
  12. Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magacyada rag ka tirsan Al-shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen ciidamada dowladda degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Wasiirka amniga, Maxamed Abukar Islow ayaa kulankii maanta ay yeesheen golaha wasiirada waxaa looga dhageystay warbixin amniga ku saabsan. Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cismaan Yariisow oo warbaahinta la hadlay kulanka golaha wasiirada kadib ayaa akhriyey magacyada ay soo bandhigtay wasaaradda amniga iyo ragga la haayo qaarkood waxyaabihii ay qaban jireen ama u qaabilsanaayeen Al-shabaab. “Wasiirka wuxuu sheegay in howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay ka fulinayeen Afgooye ay ku guuleysteen iney soo qabtaan 29 qof oo runtii ah dad lala xiriirinayo kooxaha argagaxisada ah oo ay kamid yihiin eedeysane Aweys Qadar Axmed oo ahaa amiirka qeybinta howlgallada degmada Afgooye, eedeysane C/laahi Maxamuud Mukhtaar Suuley Farsamayaaqanka qaraxyada oo gacan yare u ahaa C/weli, Saalax C/qaadir Cabdulle oo ahaa madaxa lacagaha Sakawaatka, Maxamed Aweys Cali oo amniyaatka ka tirsanaa, Maxamed Xuseen Salaad Yemeni oo amniyaatka ka tirsanaa, Maxamed Cali Xasan Amniyaatka ka tirsanaa, Bakar Maxamed Yacquub oo isna ahaa miiniiste ahna tashkiiliyaha dhallinyarada, Sakariye Salaad Maxamed oo amniyaatka ka tirsan, Aweys Jamaal Sheekh Muxyadiin oo isna amniyaatka ka tirsan, dhammaan 29-kooda gacanta ayaa lagu hayaa waxaana socota baaris ah sidii loo horgeyn lahaa sharciga, sidoo kale waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo C/weli Cabdi Daa’uud oo horey dil ugu geystay marxuumka la yiraahdo Guuleed C/qaadir Muuse” ayuu yiri wasiirka. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay howlgallo ballaaran ka wadeen magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood. Goobjoog News Source
  13. Afhayeenka guddiga doorashooyiinka Soomaliland Saciid Cali Muuse ayaa sheegay in gollabada jidka ku soo jiraan, Jimcahana la soo gabagabeyn-doono. Saciid Cali Muus waxaa uu intaasi ku daray Sanaag, Sool iyo Saaxil ay soo socdaan halka Togdheer iyo Awdal la filayo in berri soo dhammaadaan, waxaa kale uu ka hadlay gobolka Maroodi-jeex in uu ka tiro iyo dhib badan yahay gobollada kale. Gobolka Maroodi-jeex waxaa uu ka hadlay in ay soo xaroodeen Balli-gubadle iyo Salaxley, waxaa dhiman Gabiley iyo Hageisa. Dhinaca kale, Korjoogayaasha caalamiga ah ayaa warbixin kale kasoo saaray doorashada Somaliland iyagona sheegay in doorashadu u dhacday si nabad-galyo ah oo wanaagsan isla markaana aanay arkin wax wax u dhimaya guud ahaanba nidaamka doorashada. Sidoo kale, waxay sheegeen korjoogayaasha caalmiga ah in ay jireen walaacyo ay kamid yihiin xannibaada baraha Bulshada Goobjoog News Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa lasoo warinayaa inay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Mohamed Sheekh Osman ”Jawaari”. Mooshinka oo saacadihii ugu danbeeyay soo ifbaxay ayaa waxaa la xaqiijiyay inay gudbiyeen Xildhibaano dhan Lixdan kuwaa oo Mooshinka ku biiriyay ajandaha horyaal Golaha Shacabka. Xildhibaanadan ayaa Guddoomiyaha ku eedeeyay howl gudasho la’aan iyo inuu ku mashquulay dib u dhigyada howlaha horyaal baarlamaanka Somalia, isagoo doonaaya inuu fashiliyo kiisas dhowr ah oo horyaal baarlamaanka. Waxaa Jawaari sidoo kale lagu heystaa tirada Shaqaalaha xarunta Golaha Shacabka oo iyagu gaaraya 380 qof oo mushaari ah, dadka shaqeeyana ay yihiin wax ka yar 40 qof. Maalmihii tagay kulamada Golaha Shacabka ayaa u baaqday muran ka jira Xildhibaanada gaar ahaan Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mooshinka ka diyaariyay. Xildhibaano kale oo ka tirsan isla baarlamaanka ayaa la sheegay inay wadaan Mooshin kale oo ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaa oo aan weli la dhameystirin is diiwaan galintiisa. Mooshinka diiwaan galintiisa ay socto ayaa waxaa la xaqiijiyay inay gadaal ka riixaya qaar ka mid ah Guddoomiyaashii hore ee Guddiyada Joogtada ah oo intooda badan na siib u yeelan in ay xilalkoodii ku soo laabtaan. Mooshinka labaad ee diiwaan galintiisu socto ayaa salka ku haya ku tagri fal awoodeed oo lagu heysto Guddoomiye Jawaari, waxana lagu wadaa in la horkeeni doono Golaha Shacabka. Wax ay sidoo kale Jawaari ku eedeeyen in Safarada dibadda ay u raacan shaqsiyaad ku dhaw dhaw Xafiiskiisa oo kaliya, halka dadka kale laga reebo liisaska Safarada. Geesta kale, waxaan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono Mooshinada laga wado Guddoomiye Jawaari, kaa oo u muuqda inay gadaal ka riixayaan mas’uuliyiin dhowr ah oo kusoo fashilmay Siyaasada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab. Goob jooge ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaasi. Dagaalka oo ka bilowday bartamaha Xaawo Cabdi ayaa hadda lasoo sheegayaa in dhinacyada dagallamaya ay banaanka iskula baxeen, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha halkaasi ka dhashay. Dagaalkan ayaa socda in ka badan 30 daqiiqo, waxaana ciidamada dowladda u tagey gurmad, iyadoo sidoo kale Labada dhinac isku adeegsanayaan rasaas xooggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  16. Ha’yadda GRT ayaa tababar ku saabsan tacdiyadda loo gaysto dadka magangalyo doonka ee ku nool deegaanada Puntland kusooo gabagabaysay magaalada garowe,waxaana loo qabtey tababarkaan dadka ay ka mid yihiin Yemeniyiinta iyo Ethopian-ka. Tababarka oo socday labo maalmood ayaa lagu bartey tacadiyadda ka dhanka dadka,waxaana ka faa,iidaystay dad gaaraya 30 qof oo ka mid ah dadka magangalyo doonka ah ee kasoo qaxay dalalka Ethiopia iyo Yemen. Hay,adda GRT oo ka shaqeysa arrimaha quseeya tacadiyadda loo geysto caruurta, haweenka iyo dadka magan-galyo doonka. Ma ahan markii ugu horeysay oo tababar noocaan oo kale ah ay qabato Hay,adda GRT, Iyadoona horey usoo qabatey tababaro bulshada qeybaheeda kala duwan muhiim u ah. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Hay,adda GRT oo tababar usoo xirtey qaxootiga Yemen iyo Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxmed Sheekh Jawaari ayaa wajahaya laba mooshin oo is-bar-bar socota oo ay ka diyaariyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaannada mooshinnadan diyaaryay qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa ii xaqiijiyay inay ugu yaraan 50 mudane ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah guddoomiye Jawaari, kaasoo lagu daray ajandaha baarlamaanka, sidoo kalena lagu hawlan yahay mooshin kale oo looga hor-jeedo Jawaari. Mooshinkii hore loo gudbiyay ee lagu soo daray ajandaha Baarlaaanka ayaa ku qotamay qaladaad ka jira dhismaha guddiyada baarlamaanka, murankaas oo soo bilaawday markii la dhisay guddiyada. Sidoo kale, Mooshinkan ayaa waxaa dabada ka riixaya guddoomiyaashii hore ee guddiyada joogtada ah ee baarlaanka qaarkood, kuwaasoo intooda badan aan nasiib u yeelan inay xilalkoodii kusoo laabtaan. Labadii casho ee lasoo dhaafay ayaa kulammada Baarlamaanka u baaqdeen muran ka dhex-jira xildhibaannada, gaar ahaan guddoomiyaha iyo xubnihii mooshinka ka diyaariyay. Dhinaca kale, Hoteello ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa ka socda diyaarinta mooshin kale oo ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo noqonaya mooshinkii labaad oo ka dhan ah Prof. Jawaari. Xildhibaannada ku mashquulsan mooshinka labaad ayaa warbaainta qaar ka mid ah u xaqiijiyay inuu salka uu ku haayo ku takri-fal awoodeed oo ay ku eedeeyeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Qodobbada aadka loogu muransan yahay ayaa waxaa ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka tiradooda iyo lacago lagu sheegay Qaaraan oo bil walba laga jaro xildhibaanada. Iyadoo xildhibaannadu ay sheegeen in tirada shaqaalaha baarlamaanka ay gaarayso 380-qof oo mushaari ah dadka shaqeeyana ay ka yar yihiin 40-qof. Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa sheegay in bil walba Mushaarkooda laga jaro $100 oo ah Qaaraan loo qorsheeyay xildhibaankii dhinta ama xanuun iyo dhib kale uu lasoo darso, taasoo ay sheegeen inaan la ogeyn halka ay ku baxdo, iyadoo aanay jirin xildhibaan wax loogu qabtay lacagaha. Dhanka kale, Safarrada dibadda ee Guddoomiye Jawaari ayuu muran xoogan ka taagan yahay, iyadoo xildhibaannadu ay ku eedeeyeen guddoomiyaha in shaqsiyaad ku dhaw-dhaw xafiiskiisa oo kaliya ay u raacaan safarrada uu ku aadayo dalka dibaddiisa. Ugu dambeyn, Lama oga halka uu ku dambeyn doono mooshinka laga wado Prof. Jawaari oo xilligaan iyo xilligii ka horreeyay ahaa guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ahaa guddoomiye ay jecel yihiin gabi ahaan xildhibaannada baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno diyaarinaya Mooshino ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (PP) ─ Xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa sheegay in wasiirka maaliyadda Somalia C/raxmaan Ducaale Bayle uu ka baxay shirkii Khamiislaha ahaa ee ay golaha wasiirrada Somalia joogtada ugu yeeshaan Muqdisho. Tallaabadan uu qaaday Wasiir Bayle ayaa la sheegay inay ku timid, kaddib markii muran daqiiqado socday uu soo dhex-galay isaga iyo Ra’iisul wasaare Khayre, inkastoo aan la ogeyn wuxuu murankan salka ku hayo. “Wasiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa soo dhex-galay muran, taas ayaana keentay inuu shirka oo socda dibadda uga baxo, welina waxaa socda shirkii ay golaha wasiirradu lahaayeen oo doodo adag la isku dhaafsnayo,” ayay u sheegeen wasiirro ka tirsan xukuumadda qaar ka mid ah warbaahinta. Shirka oo billowday saakay 9:15 daqiiqo ayaa weli socda, iyadoo dhamaan xubnaha ka qayb-galaya ay is-dhaafsanayaan dodo kulul oo intooda badan salka ku haya hawlaha xukuumadda Soomaaliya. Xubnaha Golaha Wasiirrada xukuumadda ayaa horay ugu eedeeyay RW-ha inuu fara-gelin ku hayo hawlahooda shaqo, iyadoo wasiirrada Xukuumadda ay ka digeen fara-gelinnada lagu hayo shaqooyinkooda gaarka ah. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shalay ay xilkii iska-casishay Wasiirradii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maryan Qaasim Axmed oo sheegay inay salka ku hayso is-casilaadeeddan is-barbar-yaac ka jira dhex-jira shaqada Xukuumadda Federaalka Soomaaliay. PUNTLAND POST The post Wasiirka Maaliyadda Somalia oo ka baxay shirkii Golaha Wasiirrada kaddib markii uu muran… appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Villa Somalia ayaa sheegaya in Shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia uu ka furmay Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre, kadib markii uu dib u dhac ku imaaday qorshihii ahaa in shirka lagu qabto magaalada Baydhabo. Shirka maanta oo inbadan ka duwan shirarkii hore ayaa waxaa la xaqiijiyay in Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia C/raxmaan Ducaalle Bayle uu isaga baxay shirka. Wasiir Beyle ayaa la sheegay in shirka uu ka baxay muran dheer oo ay wada galeen Ra’isul wasaare Kheyre kadib, waxaana lasoo sheegayaa in muranka uu ka dhashay lacag. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dood ka keenay hanaanka lagu bixiyay lacago farabadan oo aan ku jirin qasnada dowlada, isla markaana gaarin gacanta shaqaalaha dowlada, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in lacagahaasi ay yihiin kuwo laga qaaday Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, taa oo maalmahaani ay labada mas’uul isku hayeen. Sidoo kale, waxaa jira lacago la sheegay in lagu uruuriyay qaab gargaar oo ilaa iyo hadda aan la garaneynin halka ay martay, waana tan sababta u noqotay in Wasiir Maryan Qaasim ay iscasisho. Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyr iyo Wasiirka Maaliyadda Beyle ayaa ku dhawaad Sodon daqiiqa murmay waxaana intaa kadib gabi ahaan shirka banaanka uga soo baxay Wasiirka Maaliyada Mr Beyle. Khilaafka Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiir Beyle ayaa bilowday muddo Afar bil ka hor, balse waxa uu u muuqdaa mid hadda soo xoogeystay. Warar dheeraad ah oo ku saabsan Shirka Golaha Wasiirada oo Saaka ilaa iyo Hadda socda ayaa sheegaya in Wasiir Beyle dib loogu celshay Shirka, waxaana weli socda dooda shirka. Arintaan ayaa ku soo beegmayso iyadoo maalintii Shalay ay is casilaad ku dhawaaqday Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maryan Qaasim Axmed waxa ayna iscasilaadeeda u cugsatay is bar bar yaaca ka jira shaqada Xukumadda. Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in goordhow go’aan laga qaato muranka labada Mas’uul walow ay jiraan warar sheegaya in Wasiiro dhowr ah lagu helay Musuq-maasuq. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. This presidential campaign may be the craziest, most divisive one in the history of the Republic of Somaliland. Don’t worry. I’m not going to get all political in this piece. Everyone is biased, and social media shapes and broadcasts these biases in profound ways. Every time there’s a revolution in Africa, from Egypt to South Africa, Nigeria to Ethiopia, Zimbabwe to Somalia’s Farmaajo campaign slogan ‘Nabad iyo Nolol’ (peace and life), whatever it is — social media plays a part. In short, social media is changing Africa. According to Mohamed Abdi Sheikh “Elig” Horn Cable TVs executive director, the news cycle has drastically changed in the past decade since the rise of the social network. As both Somaliland politicians and journalists often get much of their news from following key social media accounts where the news stories are also shared by readers/viewers, which has shifted the news cycle into a new paradigm. Presidential candidates realized that using social media platforms can reach as many news outlets as a press conference in a much more efficient manner. By posting their views on Facebook and Twitter, politicians are able to gain immediate insight into how the public responds and can even interact candidly with their followers directly, a fact that draws a lot of younger people to use social media to research the issues. In this manner, Hon. Abdirahman Mohamed Abdullahi “Cirro” the presidential candidate for Somaliland’s main opposition party (Waddani) will go live on Facebook, just less than forty-eight hours before polling day. Social media marketing campaigns can really stand out when done correctly, and an important piece of that puzzle is the hashtag. Hashtags allow accounts with large followings to create rallying points for their messages in a way that’s easy to track. Here are some of the leading hashtags during Somaliland Presidential Election Debate. Inspire Groups #SomalilandDebates that made more than 3 million impressions on Twitter and #SomalilandVotes which is trending right now in the Horn of Africa. All this data shows that the campaign is definitely catering to social media. UCID party leader, Faisal Ali Waraabe has the largest and most engaged social media following among the presidential candidates. Love him or hate him, you’ve heard of Faisal, and his social media exploits alone have earned him quite a bit of free attention from the mainstream media. He may say offensive things, but you can be assured Faisal means what Faisal says. There’s a lesson here. The more unbalanced, bombastic, and extreme you are, the more free press you’ll get. People love a good fight. People love to feel angry. If you want to learn more about how people feel toward Faisal’s ideals, all you have to do is search his name on Twitter and Facebook. And that brings up an important point. However, both Muse Bihi Abdi and Abdirahman Mohamed Abdullahi “Cirro” also have strong showings on other social networks like Facebook, Twitter and YouTube, where visual content trumps links and text. Although most political discussions online are taking place between regular users sharing news stories. It’s important to understand, however, these numbers don’t necessarily equate to registered voters who support a candidate, merely people whose attention they have. The cyclical nature of news and marketing means that the same stories will simultaneously appear in various social and traditional media platforms. Many find their way to WhatsApp but many more originate from there. Unlike the other forms of social media, the WhatsApp groups drop all the way down to single family groupings or rise up to political party collectives, with all the other subdivisions in between (clan, town, city, religious, women, etc.). Here ideas are shared, grievances discussed and plans are formulated. Whether by design or accident, the Somaliland political parties utilized such groups and embedded their own operatives, activists and supporters to promote the parties’ manifestos and future strategies. Whilst some may decry the clannish nature of such groups (and that’s indeed an argument worth exploring), we nevertheless cannot ignore social media’s ability to engage the electorate and allow them to feel a tangible connection to the process that goes beyond registration and voting. Here the “influencers” are influenced and, in turn, influence party policy. The journey to the 13th of November however started way before that date. Both the ruling party and the opposition parties understood early enough the need to involve the youth of Somaliland. Prior to the elections, the presidential and vice presidential candidates opened Twitter accounts and made their presence known on social media in which they engaged directly with young people. Social media usage is on the rise, and social networks are becoming an important part of every political strategy. A new force for political change is emerging across Africa: popular protest. Widespread urban uprisings by youth, the unemployed, trade unions, activists, writers, artists, and religious groups are challenging injustice and inequality. Lively discussions, posts and virtual town hall meetings were held almost on a regular basis on cyber space. People were able to air their opinions, and for once in the bistros of the country, young people became actively involved politically. Indeed, social media helped shape the opinion of a lot of youth in the elections and increased the political awareness and consciousness of the youth of Somaliland, be it by offering a platform for the candidates to interact directly with voters or offering a setting to hold virtual town hall meetings. The presidential elections have come and gone, winners and losers now know their fate. But the elections have definitely raised the bar for civic participation via social media for future elections in Somaliland. Samir Dualeh SAMIR.DUALEH@GMAIL.COM
  21. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhaxal-sugaha dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu casuumad rasmi ah u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu maalinta axadda ka dhoofo magaalada Muqdisho, isaga oo Isniinta si rasmi ah ula kulmi doono Mohammed bin Zayed Al Nahyan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in casuumadda Imaaraadka Carabta ay astaan u tahay isku soo dhowaansho dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka. Kadib markii dowladda Soomaaliya ay mowqif dhex-dhexaad ah ka qaadatay xiisadda dalalka Carabta, waxaa mugdi galay xiriirka dowladda iyo dalalka ka soo horjeeda dowladda Qatar, oo doonayey taageerada dowladda Soomaaliya. Arrintan ayaa sidoo kale waxaa dhaliilay siyaasiyin ku sugan gudaha dalka oo markii horeba mucaarad ku ahaa dowladda, una arkay fursad siyaasadeed oo ka faa’iideysan karaan. Si kastaba, mowqifka dowladda Soomaaliya ayaa ku saleysnaa siyaasad ku dhisan ilaalinta madax banaanida Soomaaliya, iyo in dowladda Soomaaliya aysan abuuran cadaawadda dalal kale, xilli cadaadis siyaasadeed uu markii horeba ka haystay gudaha dalka iyo gobolka. Wixii markaa ka dambeeyey, madaxweyne Farmaajo ayaa hab diblomaasiyeed ugu guuleystay inuu dowladaha Masar iyo Sacuudiga ka dhaadhiciyo in danta Soomaaliya ay ku jirto in xilligan aysan dhinac ka raacin dalalka carbeed ah ee is-haya, waxaana taas caddeyn u ahaa markii Sacuudiga ay dowladda ugu deeqeen 50 milyan oo dollar, ayaga oo garowsaday in mowqifka ay qaadatay uu ahaa mid lagama maarmaan ah. Warar ku dhow Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in markooda ay garwosadeen in mowqifkii dowladda ay qaadatay uu danteeda ku jiray, ayna hadda diyaar u tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato, islamarkaana taageerto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Helidda Garsoor ku dhisan caddaalad loo wada siman yahay islamarkaana dhowra xaquuqda muwaadinka goob kasta iyo goor kasta oo la joogo ee ka yagleela Soomaaliya waa Baahida aasaasiga ah ee ugu weyn oo ay qabaan shacbiga soomaaliyeed ee looga fadhiyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, sidaa darteed Wadan aan lahayn hanaan hufan ee garsoor cadaaladeed ma gaari karo xasilooni, horumar iyo nabad waarta, cadaalad darrido ka jirta dalkeena waa sababta keentay burburka iyo is aamin la’aanta aafaysay Dhamaan adeegyadii Bulshada gaar ahaan caqabada garsoorka In badan oo ka tirsan Madaxda Dalka ayaa mar waliba ku soo celceliya in ay Xooga Saari doonaan Garsoorka Dalka hase yeeshee haatan arrintaas ma muuqato oo waxaa moodaa in masuuliyiintii ay hilmaameen wax ka qabashada Garsoorka dalka oo maraysa maanta meeshii ugu xumeyd, maxaa yeelay guud ahaan Dowladaha soo maray dalka oo ay ku jirto tan maanta, midna waxba kama qaban caddaalad darrada ka jirta garsoorka, taasina waxay ina dhaxalsiisay maanta in caddaalad darrada ka jirta garsoorka ay cirka isku shareerto kana sii darto. Aqalkii Sare iyo Golaha Shacabka ayaa moodaa in ay hareer mareen sidii dhiddibada loogu aasi lahaa Garsoor ay ummada Soomaaliyeed aamini karto, waxaa laga filanaayay Baarlamaanka ka kooban labada aqal in ay ugu horeynba wax ka qabtaan Garsoorka dalka, hase yeeshee taas badel keeda waxay ku mashquuleen Mooshin iyo isqabqabsi aan waxba soo kordhineyn. Waxaa hubaal ah marka la rabo in guri la dhiso ugu horeynba ay muhiim tahay in marka hore laga bilaabo Aas-Aaska, sidaas oo kale garsoorka waa aasaaska dib u yagleelida dowladnimo,haddii laga tago dhisidda garsoor hufan ee caddaaladeedna waa guri aan aasaas lahayn ama dawladnimo aan garsoor lahayn, sidaas darteed Baarlaamnka Soomaaliyeed ee wakiilka ka ah Shacabka waxaan u soo jeedinaynaa in ay sida ugu dhaqsida badan wax uga qabataan garsoorka iskana daayaan arrimaha kale ee ay ku muqshquulayaan oo aan ka tarjumayn danta shacabka, si loo helo dhameystirka tirar dowladnimo oo wax ku ool ah ee shacabka soomaaliyeed gaarsiisa dowlad caddaaladeed oo ku dhisan sharci. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Bulshada Soomaaliyeed ku tilmaameen Nin Wadani ah oo Sumcad ku leh Bulshada Dhexdeedahase yeeshee maalmahaan dambe ku dhex milmey Siyaasiyiinta ku shaqeeya Qabiilka oo danaha guud ee Dalka ka hormariyey dantooda gaarka ah, waayo waxaa la sheegey in Dhowr jeer uu Raiisul Wasaaraha damcay in uu wax ka qabto Garsoorka hase yeeshee waxay dadka ay qabaan inuu hab qabyaaladeed ku isku hortaagey waxaa ku riixaya ay tahay Qabyaalad maadaama Bulshada Soomaaliyeed ka dheregsan tahay in garsoorkii dalka Boqalkiiba Shgaashan ay ka tirsan yihiin Hal Qabiil. Madaxweynaha oo ah iIlaaliyaha dastuurka horayna u ballanqadey inuu muddo saddex bilood guddahood ah wax uga qabanayo Garsoorka dalka, hase yeeshee uu isagiina dhabarka u jeediyey Garsoorkii dalka oo bulshada Soomaaliyeed ay baahida weyn u qabtey, waxaa intaas dheer in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka fa’aaiideysanaaya dhammaadka saddexdaas bilood ee uu qabsaday Madaxweynaha waxna ka qaban garsoorka, muddadaas oo ku aadaneyd 04/09/2017, ayuu Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle markey taariikhdu ahayd 05/09/2017 u sheegay warbaahin inuu shaqada ka fadhiisiyay 18 garsoorayaal,(oo uu horey uga fadhiisiyay sanadkii 2016), arrintaasna uu sheegay iney ka dambeyso ballanqaadkii Madaxweynaha, hase yeeshee Shacabka Soomaaliyeed beentaas ma mudna, beentaas waxaa daliil cad u ah warqadda tixraaceedu yahay MS/137/2017 ee 15/08/2017, kana soo baxday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare kuna socotay Madaxweynaha, oo ujeeddadeedu ahayd Soo Jeedin, uu uga dalbanaayay Madaxweynaha inuu xilka ka qaado mushaarkana laga joojiyo 18kaas garsoor oo uu dhammaadkii sanadkii 2016 uu shaqada ka fadhiisiyay. Shacabka Soomaaliyeed ma aha dad loo sheegi karo beentaa, waxaase dhammaantood la yaab ku noqotay inuusan waxna ka dhihin beentaas shacabkiisa loo sheegaayo laguna masabitay isla Madaxweynaha, aamusnaantaasna ay u qaateenba inuu isla Madaxweynuhu raali ka ahaa in shacabkiisa beentaas loo sheego si uu u daboolo ballanqaadkii saddexda bilood ee uu horay u sameeyay waxna uusan ka qaban ay halkaas ka daboosho, haddaba shacabka soomaaliyeed waa ka war hayaan iney xilligaas uu ballantaa qaaday Madaxweynaha in ay ka soo wareegtay muddo 7-da Bilood ah, oo ay ku mushquuleen Dagaalka Shabaabka, Amniga, Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada, Kulamo, Xaflado, Tababaro, Banaanbaxyo, islamarkaasna la xisaabtanka shacabkana waa mid soo jeeda ee aan been loo maleegi karin. Haddaba Dowlad kasta oo Dalka ka dhalata waxaa uu fashilka ugu weyn uga yimaadaa Dhinaca garsoorka oo aysan wax ka qaban, sidaa darteed Waxaan madaxweynaha ugu baaqaynaa in sida ugu dhaqsidda badan wax looga qabto Garsoorka dalka islamrkaan isbedel weyn uu ku sameeyo guud ahaan garsoorka dalka si loo helo garsoor caadil ah oo ka haqabtira Shacabka Soomaaliyeed caddaalad darrada ka haysata garsoorka. Rasiiul Wasaaraha dalka oo ah Madaxa Fulinta Dowlada wuxuu ku mashquuley arrimo aan loo baahneyn waayo waxa ay shacabka weli isha ku hayaan bal in uu Xukuumadiisa isbedel ku sameyso garsoorka dalka, hadii aan dib ugu laabano hadalo uu hore u jeediyey Raiisul Wasaaraha oo ahaa in uu wax ka qabanayo Garsoorka dalka marka hadaladaas sow lama dhihi karo kuwo afka Baarkii ah oo u eeg Qowda Maqashii waxna ha u qaban , tan iyo markii la magacaabey waxuu kormeer ku sameysey Wasaaradaha iyo Hayadaha dowlada sidaa darteed waxaa isweydiin mudan muxuu u arki waayay ama u dareemi waayay Musuq iyo cadaaladaro tii ugun weyneyd ee ka jirta garsoorka, ileyn kormeerku ujeedadiisu waa inuu qiimeeyaa sida ay wax u jiraan, sidaa darteed Raiisul Wasaaraha waxaan u sheegeynaa kormeer waa halkiise, in Shacabka Soomaaliyeed ay si degdeg ah ugu ooman yihiin iney helaan garsoor Cadaaladeed oo hufan si loo badbaadiyo jiritaanka dowladnimo ee shacabka soomaaliyeed. Mudane Madaxweyne Waxaa Xaqiiqo ah in Garsoorka Dalka ay Maanta Maamulayaan ama u badan yihiin Hal qabiil oo sidey doonaan ka yeela waxaa arkeysaa dacwado Dhow jeer la Xukumey, Dad si xaqdaro ah Sannado lagu Xukumey iyo kuwa la iska toogtey oo aan la marin Baarintaan rasmi ah, sidaas darteed Mudane Madaxweyne Shacabka Soomaaliyeed waxay kuugu baaqayaan inaadan wax marmarsiyo ah kaaga bannaaneyn, oo aad uga qaban weysi Cadaaladarada baahsan ee ka jirta garsoorka Dalka mise waxaa rabtaa in aad Raacdo Dariiqii ay raaceen Madaxdii kaa horeysey kuwaa oo ku fashilmey in ay wax ka qabtaan garsoorka Dalka sidaa darteed haddii aadan Madaxweyne deg deg wax uga qaban waxa ka taagan Garsoorka waxaa hubaal ah Shacabkii shaley ku doortey ay kalsoonida kaala laabanayaan waayo Shacabka waxay u ooman yihiin garsoor hufan oo caadil ah. Shacabka Soomaaliyeed Waa Og Yihiin Muhimadda Garsoorka Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Dhawaan meel Fagaaro ah ka hadlayey ayaa waxaa uu Madaxweyne kuu soo jeediyey in aad hakiso Xukunada ay qaadaan Garsoorayaasha dalka waayo dadka maanta ka shaqeeya waa dad aqoontooda aad u hooseeyo oo aan garaneyn habka baaritaanka kiisaska ama dambiyada Dalka ka dhaca sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee dalka in ay deg deg wax uga qabtaan Cadaalodarada ka jirta hayadaha Garsoorka dalka.sidoo kale Aqoonyahan Axmed Sh.Cali Buraale oo ah sharci yaqaan ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Garsoorka dalka waxaa uu yiri “Waa dumay Garsoorkii iyo dalkii oo dhan, waxa uu u baahan yahay in la soo dhiso oo la nooleeyo, waxaana lagu soo celin karaa garsoor Daacad ah iyo garsoore munaasab u ah aqoontii dadnimadii garsoornimo iyo hufnaantii oo xalaal miirad ah ayaa loo baahanyahay”. Waxaa uu Sii raaciyey Madaxweynaha, Raiisul Wasaaraha, iyo Labada Aqal ee baarlamaanka u soo jeedinaynaa in muhiimadda la siiyo hirgalinta nidaam cadaaladeed oo waafaqsan diinta Islaamka sida uu qeexayo Dastuurka kana dhaqan galo dalka oo idil si loo joojiyo Gabood falada iyo sidoo kale caddaalad darrida haraysay Ummadda Soomaaliyeed.. Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo dhawaan ka hadlayey Kulan looga hadlayey Amniga Dalka ayaa waxaa uu Madaxweynaha si cad ugu sheegey in wax ka qabashada xasilloonida Dalka ay ka horeyso in marka hore dadka ay helaan cadaalad taas ayuu sheegey in dadka Soomaaliyeed aad ugu baahan yihiin, sidaas darteed Madaxweyne Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa deeqa oo keliya waa iyadoo la helo Garsoor cadaalad ah, GUNAANAD Ugu dambeyn awoodaha Tiirarka Dowladda Soomaaliyeed, ma dhammeystirna, waxaana ka maqan tiirka aasaasiga u ah dowladnimada, taasoo ah Awoodda Seddexaad ee Garsoorka, waayo si dowladnimo loo helo waa iney wada taagnaadaan tiirarka seddexdaa woodood ee Dowladnimada, gaar ahaan Golayaasha sharci dejinta, Golaha Fulinta iyo Glaha Adeegga Garsoorka. Waxaa xusid mudan in 30kii Juun,2014, la ansixiyey Sharciga Dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka, oo Qod. 5aad, faqradda 3aad uu dhigayo in Xilalka iyo Awoodaha Golaha uu yahay in: “lnta laga dhamaystirayo jagooyinka qaabka Garsoorka ee heerka Dawladda Federaalka, Garsoorayaasha iyo howlwadeennadahada xilka Garsoorka haya waxay ahaanayaan siihayayaalka hawlaha iyo xilka Garsoorka”. Waxaa iyadoo sharcigu sidaa farayo la kala Diray Golaha Adeegga Garsoorka ee ay ahayd inuu sii jiro, sida ku cad Xeer Madaxweyne Lam. 08 ee 11/03/2015 Arrintaasi waxay keentay in si sharci darro lagu magcaabay, iyadoo loo cuskaday, soo jeedinta xubno aan dastuuri ahayn Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaa sidoo kale sharcidarro lagu magacaabay Guddoomiye Maxkamad Sare markey taariikhdu ahayd 4tii Maajo 2016, iyadoo aan la dhisin Golihii Adeegga Federaalka, isla markaana ka soo horjeedda Qod. 5aad, faqradda 3aad sharciga Golaha Adeegga Federaalka, Iyagoo sharci darro ku magcaaban, xubinna ka ahayn, Gole Adeeg garsoor, ayey noqdeen sii-hayayaasha Guddoonka Maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka, siina magcaabeen Garsoorayaal iyo Xeer Ilaaliyayaal, kuwo kalena ka joojiyeen shaqada ama mushaarka, waxaana suuragal noqotay in Garsoor aan madaxbanneyn uu Dalka ka shaqeeyo. Haddaba ilaa iyo maanta oo ay ka soo wareegtay muddo dheer markii la kala diray Golaha Adeega Garsoorka ayaan la dhisin golahaas, sidaas waa lagama maarmaan in si degdeg ah lagu dhiso Golaha Adeega Garsoorka oo ah tiirka aasaasiga u ah Dowladnimada Halkaan ka Daawo sida Shacabka u soo dhaweeyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Talaabooyinka la rabao in shacabka loo qabto waxaa nagu filan Heestii ahayd HALYEYGII LA DOORTOW FARMAAJO HALYEEYGII LA DOORTOOW FARMAAJO 2017 HD-0.mp4 Sh Cumar Xasan Gurey E-Mail gure114@gmail.com
  23. Madaxweyne Robert Gabriel Karigamombe Mugabe waxaa uu dhashay sanadkii 1924 waxaa uuna ka dhashay qoys sabool ah . Waxbarashadiisa Robert Gabriel Karigamombe Mugab,markii uu dhameystay waxbarashadiisa asaasiga ah waxaa uu ku biiray Jaamacadda Fort Hare ee ku taallo South Africa, waxaa uuna ka baxay sanadkii 1951. Mugabe intii uu dhiganaayay Jaamacadda Fort Hare waxaa uu kula kulmay jaamacadda oo ay wax isla barteen qaar ka mida hogaamiyaasha qaaradda Afrika oo ay ka midyihiin madaxweynihii ugu horreeyay dalka Zambia Kenneth Kaunda. Mugabe waxaa uu heystaa sideed shahaado oo Jaamacadeed oo is kugu jira Bachelor’s degree, Master’s Degree iyo Doctorate Degree. Takhasusaadka uu jeclaa oo uu bartay waxaa ka mida kuliyadaha uu bartay kulyadda macalinnimada iyo kulyadda dhaqaalaha, qaar ka mida shahaadooyinkiisa Jaamacadeed waxaa uu ka qaatay Jaamacado ku yaallo wadamada UK iyo South Afrika kuwaas oo ku baranayay habka loo yaqaano fogaan darsi waxbarashadeed Distance education. Mugabe ayaa waxaa uu ka helay Jaamacado dhowr ah oo caalamiya shahaadooyin Sharafeed Caalami ah. Noloshiisa Mugabe markii uu dhameystay waxbarashadiisa Jaamacadeed waxaa uu shaqo ahaan u bilaabay inuu noqdo Macalin, taasi oo aheyd noloshiisa shaqadii ugu horreysay oo uu qabto, muddo ka dib isaga oo macalinnimada ku shaqeynaya ayaa la xiray sababta xariiga ka dambeysay waxaa lagu sheegay inuu mucaarad ku bilaabay nidaamkii cunsuriga ahaa oo markaasi dalka ka talinaayey. Shaqooyinka uu Soo qabtay Rubert Mugabe waxaa uu soo noqday ra’iisulwasaare ka dib markii xisbiga Sanu uu ku guuleystay doorashooyinkii la qabtay sanadkii 1980 kuwaas oo ka dhacay Zimbabwe, ka dibna waxaa uu noqday madaxweynaha dalkaasi sanadkii 1987. Mugabe waxaa uu maamulayay Zimbabwe muddo dhan 30 sano, waxaa uuna Jiraa 93 sano sanadka 94-aad ayaa waxaa uga harsan muddo dhan 45 bari. W/Q: Jaamac Cali Shidane Source
  24. Madaxweynaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Maxamed oo ku sugan mgaalada Washington, D.C. ayaa sheegay in ururka uusan aqbaleyn awood walba oo lagu maquuniyo Zimbabwe oo aan waafaqsaneyn dastuurka. Moussa Faki Maxamed oo sii hadlay ayaa sheegay inuu cambaareynaayo awood walba oo loo adeegsado xaaladda Zimbabwe taasi oo lagu doonayo in wax laga badalo awoodaha dalka waxaa uuna yiri “Waxaan Cambaareyneynaa awood walba oo lagu badalayo Nidaamka haka timaado dhanka ciidamada ama dhanka falaagada”. Dhanka kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya Zimbabwe inay xakameeyaan nafsadda, isaga oo tilmaamay in ay u diri doonaan Magaalada Harare ee caasimadda dalksaasi hay’ado iyo ururada Afrika si ay dhexdhexaadin uga sameeyaan halkaasi. Zimbabwe waxaa ka soo cusboonay maalmihii dambe qalaalo siyaasadeed, waxayna doonayaan ciidamada in ay la wareegaan dalka, balse waxaa ay sheegeen inaysan wadin wax afgambi ah balse ay beegsanayaan dad ay ku sheegeen inay yihiin dambiilayaal ku hareereesan madaxweyne Mugabe. Siyaasiyiinta reer Zimbabwe ayaa waxay sheegayaan in arrinta ay wadaan ciidamada ay u egtay mid afgambi,waxayna ciidamada la wareegeen qaar ka mida xarumaha dowladda oo uu ka mid yahay telefishinka qaranka dalkaasi iyo madaxtooyada. Ciidamada ayaa la kulmin wax iska caabin ah tan iyo markii ay la wareegayeen awoodaha dalka, xaaladda madaxweyne Mugabe ayaa ah mid hadda wanaagsan in kastoo uu yahay xabsi guri. Waxay ciidamadu ku doodayaan inay beegsanayaan dambiilayaal agjooga mugaabi,kuwaasi oo ay ku sheegeen iyaga dardood inay u burbureen kaabayaashii dhaqaale uu wadanka lahaa. Goobjoog News Source