Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,091
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay dalka Imaaraatka ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama uu ku soo beegmayo xilli Soomaaliya ay wajahayso dagaal ka dhanka ah Alshabaab, fara gelin shisheeye iyo cadaadis ku aaddan go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay arimaha khilaafka Khaliijka. Dadka u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo uu hordhigayo dhiggiisa Khaliifa Binu Saayid, arrimaha iskaashiga labada dal, cabashooyinka Soomaaliya ay ka qabto dowladda Imaaraatka iyo kaalinta la rabay in ay ka qaataan dib u soo kabashada dalka. Hadaba, Caasimadda Online waxay ka xog waraysatay dad khubara ah qodobada ugu muhiimsan ee la filayo in ay labada dal ka wada hadlaan. Arrimaha Soomaaliya in lagala xaajoodo Dowladda Dhexe Bilihii la soo dhaafay dowladda Imaaraatka waxa ay qaabishay madaxda Maamul Gobeleedyada taas oo ay si wayn uga biya diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ugu dambayntiina Madaxda Imaaraatku ay ka garwaaqsadeen arrinkan fahmeenna in furaha kaliya ee Soomaaliya uu yahay Dowladda dhexe taas oo horseedday in ay haatan diyaar u noqdaan in arrimaha Dalka lagala xaajoodo dowladda Federaalka Soomaaliya. In Soomaaliya lagu tixgaliyo go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khilaafka Khaliijka. Waxaa cadaadis muuqda lagu saaray dowladda go’aankaas iyadoona Dowladda Imaartku ay arrinkaas gundhig u ahayd. Cadaadiska waxaa ka mid ahaa taageerada ay u sameeyeen Madaxda Maamul Goboleedyada dowladda Imaaraatka iyaga oo soo saaray qoraallo ay ku taageeraayan go’aanka Xulafada Imaaraatka iyo Sucuudiga. Waana markii ugu horreysay oo Madaxda Maamul Gobeleedyada ay isku dayaan in ay ka hor yimaadaan Siyaasadda Arrimaha Dibadda taas oo noqotay arrin ugub ku ah hannaanka siyaasadeed ee dalka la iskuna waafaqay in arrinkan uu ka soo horjeedo dastuurka dalka. Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka. Saraakiil ka socota hay’adda Socodaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa safarkan Madaxweynaha ku wehelinaya taas oo ka dhigan in madaxweynuhu uu soo bandhiggayo Imaaraatka in ay u fududeeyaan ganacsatada Soomaaliya hawlaha la xiriira socdaalka maadama dalkaasi uu yahay suuqa ugu weyn ee ay ku xiranyihiin ganacsatada Soomaaliyeed. In Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshaynaaya in uu ku soo qanciyo hoggaanka dalka Imaaraatka sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyadoo lagala hadli doono qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xogga Dalka. Khubadara falaanqeeya Siyasaadda Dibadda iyo kuwa amniga ayaa isku raacsan in heshiis laga gaaro qodobadan ay ahmiyad gaar ah u leedahay dagaalka Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Warmurtiyeed kasoo baxay shirweyne qatay mudo labo maalin ah oo ay ka qayb galen wasiirka wasaaraadda dhalinyarad iyo sportiga xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedayada dalka ayaa lagu so gabgabeyaay magaalada Kismaayo ee maamulka goboleedka Jubaland. Waxana loga ariinsanyaay wada shaqeynta ay yeelnayaan wasaaraaddah dhalinyarada iyo Sportiga maamul goboleedayda dalka iyo wasaaraada dalinyarada iyo spoortiga xukuumaada somaliya, iyada oo ugu dambeynta la soo saaray: Waxaa la go’aamiyey in 29ka November ilaa 1da December ay noqoto keenista iyo dejinta cayaartoyda dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale la isla qaatay 2da ilaa 5ta December in ay kooxaha tababar ku qaataan garoonka kubadda cagta waamo ee Kismaayo. Isla sedexda bisha waa qori tuurka si uu u soo baxo jadwalka isku aadka kooxaha. Lixda bisha December waa maalin nasasho. Waxaa la go’aamiyey in 7 da bisha December uu si rasmi ah u furmo tartanka ku badda cagta ee dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Waxaa la isla go’aansaday in dib loo dhigo qabashada shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka furmi lahaa 30 November,waxaana laga dhigay 17-20 December. Waxaa kaloo la go’aansady maadaama ay bisha November suurtagal ahayn in la qabto daahfurka siyaasadda qaran ee Isboortiga oo ka dhici lahaa cadaado caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Galmudug in laga dhigo horraanta bisha Janaayo 2018 haddii uu allaha awoodda leh idmo. Goobjoog News Source
  3. Muqdisho (CaasimaddA Online) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey ku eedeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jebiso cunaqabateynta Hubka ah ee saran Somaaliya. Qaramada Midoobey waxaa ay Dowladda Imaaraadka ku eedeysay in ay Hub sharci darro ah ka iibiso Maamullada Soomaaliya,sidoo kalena mararka qaar kaalmo ahaan u bixiso. Warbixinta ayaa lagu sheegay in taageerada Imaaraadka ee Maamullada qaar ee Soomaaliya ay horseedi karto in ay dib u soo laabtaan Burcad badeedda Soomaaliya sidoo kalena dhibaato weyn ku tahay halganka loogu jiro xasilooni soo celinta Soomaaliya. Kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegay in ay caddeyn buuxda u hayaan in Markan uu hub saaranyahay oo ay leedahay Dowladda Imaaraadka iyo sidoo kalen alaabo mamnuuc ka ah Soomaaliya lagu afduubay Biyaha Soomaaliya,lana qabtay ka hor inta uusan gaarin Soomaaliya. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Midowga Yurub ayaa duubay Markabkaas oo tagay Xeebaha Soomaaliya,kaas oo labo doomood ay ugu yimaadeen halka uu ku soo xirtay islamarkaana laga dejiyay Hubkii uu waday. Guddigu waxaa ay sheegeen in dhismaha saldhigga Milatariga ee Imaaraadka ka dhisayo Berbera uu xadgudub ku yahay cunaqabateynta saran Soomaaliya,markii ay wax ka weydiiyeenna aysan ka jawaabin weydiimahooda. Isha:middleeastmonitor.com Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Kismaayo (Caasimadda Online) – Magaalada Kismaayo waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir looga tashanayay qaabkii uu u dhici lahaa tartanka Kubadda Cagta Gobolada dalka Soomaaliya. Shirkaan ayaa waxaa kaqayb galay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka soomaaliya, Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada dowlad gobolledyada dalka iyo madaxda xirirrka kubadda cagta dalka. Shir socday laba cisho oo looga hadlaayay sidii loo bilaabi lahaa tartanka u dhaxeeya Maamul Goboledyada iyo Gobolka Banaadir ee dhanka Kubadda Cagta, ayaa ugu dambeyn lagu go’aamiyay inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Kismaayo.Tartankan, ayaa wuxuu furmi doonaa 7-da Bisha December ee soo socota, wuxuun ka furmi doonaa Magaalada Kismaayo, gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta Waamo. Qoraal ka soo baxay Shirkii u dhaxeeyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya iyo Wasiirada Ciyaaraha ee Maamul Goboledyada ayaa lagu gaaray go’aankaan.
  5. Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland iyo xafiiska UNSOM Garowe ayaa si wada jir ah ugu qabtay bulshada rayidka ah kulan wada tashi ah, kaas oo diiradda lagu saarayey sidii la isaga kaashan lahaa baahinta maamul wanaagga iyo ka hortagga la dagaalanka musuqmaasuqa. Kulanka oo xoojinayey wadashaqaynta dowladda iyo bulshada rayidka ah oo loo baahan yahay in ay bulshadu ay doorkeeda qaadato siiba dhanka wacyi galinta maamul wanaagga, ka hortagista musuqmaasuqa iyo in la soo saaro bulsho bisil oo horusocod ah. kulankan ayaa si qoto dheer waxaa loogu lafa guray fahamka maamul wanaagga la doonaayo in uu Puntland ka taabba galo ilaa heer tuulo, heerka la joogo iyo qorshayaasho musutaqbalka dhow lagu taamayo. kulankan oo ka dhacay xarunta nabadda, Horumarinta iyo cilmi baarista PDRC ee caasumadda Garoowe ayaa furitaankii waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Astaynta maamul wanaagga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye wuxuuna ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay ha’adda ilaa hadda , halka ay joogto iyo qorshaheeda dhow, isagoo xusay in ay dhawaan soo saari doonaan saddex dokominti oo dhaxal gal ah kuwaas oo looga golleeyay in la helo maamul wanaag dhidibbo adag ku taagan; dokumentigaas oo kala ah Axdiga adeegga dadweynaha, (Service delevery charter), Nidaamka Maaraynta cabshooyinka dadweynaha iyo Anshaxa iyo shaqo hufnaanta howl wadeennada,The Ethics of code of conduct for the Public services. Agaasimaha Hay’adda Astaynta maamul wanaagga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay u gudbi doonaan dokumentigaas golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland si loo ansixiyo una dhaqan galo. dhanka kale agaasime Guureeye wuxuu xusay in bisha Dicember ee soo socota ay qaban doonaan shirweyne ballaaran oo socon doona laba maalmood oo lagu lafa gurayo Maamul wanaagga iyo in si wada jir ah loo wajaho yaraynta iyo ka hortagga musuqmaasuqa. Waxaa sidoo kale shirkaas ka hadlay oo taagero iyo dhiira galin u mujiyey madaxa Labada aqal ee UNSOM iyo UNDP kuna amaanay hay’adda Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa howlaha baaxadda leh ee ay wadda iyo siday uga go’an tahay in ay door weyn ka qaadanayso reforms ay dowladda Puntland waddo, Sidoo kale waxaa kulankaas haddalo kooban iyo dhiira galin ka jeediyey, Guddoomiyaha Guddiga ku meel gaarka ee doorashooyinka Puntland Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye qoorad, Madaxa difaaca xuquuqda aadanaha dowladda Puntland Maxamed Yuusuf Cali, dhanka kale waxaa taooyin dhaxal gal soo jeediyey aqoon yahanno iyo in dheer garad ka socda bulshada rayid ah, waxayna hoosta ka xarriiqeen in ay doorkooda wadaninimo ay ka qaadanayaan qorshaha dowladdu waddo ee maamul wanaajinta iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Maamul wanaagga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa Puntland ayaa in dhawaale waday kulamo iyo tababar bixin joogta ah oo ay howlaha ay waddo si siman ula wadaagaysay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana xusud mudan in todobaadkii tagay ay tababar ku qabatay xarunta maxkamadda sare ee Garowe si looga xoojiyo bahda garsoorka dhanka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. kulankan oo ahaa mid qiimo badan leh ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan kaas lagu wado in uu horseedo bog cusub oo iskaashi dhinacyo badan yeesha mustaqbalka dhow. PUNTLAND POST The post Garowe: Hay’adda maamul wanaagga Puntland oo kulan wada tashi ah u qabatay bulshada rayidka ah appeared first on Puntland Post.
  6. Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay soo dhawaynaysaa go’aankii ka ka soo baxay Golaha shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya 18 November, 2017 ee ku saabsanaa dhiibista Abdikariim Sh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo meeqaamka (status) ururka (JWXO/ONLF). Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu aqlabiyad aad u ballaadhan ku go’aamiyay: In dhiibistii C/kariim Sh Muuse ay ahayd sharci darro, isla markaana ay ka soo horjeedday shuruucda dalka u yaalla oo dhan. In Jabhadda ONLF ayna argagixiso ahayn, beesha caalamka iyo Soomaaliyana aynu u aqoonsanayn inay argagixiso tahay. Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay si niyad-sami ah u soo dhawaynaysaa go’aanka Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna aaminsan tahay inuu yahay go’aan ka turjumaya xilka Golaha Shacabka ka saaran ilaalinta shuruucda dalka iyo la-xisaabtanka cidda ku xadgudubta. Iyadoo munaasabaddan ka faa’iidaysanaysa, waxay (JWXO/ONLF) u mahad celinaysaa xubnaha Guddigii Gaarka ah ee kiiska loo xilsaaray oo si cadaalad iyo wadaninnimo ku dheehan tahay u baadhay daw-darrada lagu sameeyay muwaadinkaas Soomaaliyeed iyo xubnaha Golaha Shacabka oo si kalasooni ku jirto u ansixiyay natiijadii baadhista ka soo baxday. Waxay sidoo kale u mahad naqaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, oo isaguna si aan kala-hadh lahayn uga dhiidhiyay gabood-falka ay xukuumadda federaalku u gaysatay mudane C/kariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax). JWXO waxay si adag u cambaaraynaysaa xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ku caddaatay inay galeen dambi u dhigma khiyaano qaran, siday ka dhawaajiyeen mudanayaasha qaarkood, iyagoo si cadna ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya, ka dib markii ay si sharci darro ah Itoobiya ugu gacan galiyeen mudane C/kariim Sh Muuse (Qalbi-dhagax), daba-yaaqadii bishii Agust, 2017, si aad ahna uga shaqaysay inay u samayso dambiyo uuna galin. ONLF waxay ka doonaysaa Dawladda Soomaaliya inay sida ugu deg-deg badan ugu hawlgalaan sidii lagu soo celin lahaa Cabdikariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax). JWXO waxay caddaynaysaa inayna waligeed gabbaad ka dhiganin dalka Soomaaliya, hadda ka dibna ayna ka dhigan doonin. Halganka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay wuxuu ka socdaa gudaha Ogaadeenya, waxaana bud-dhige u ah shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo isugu isku tashaday, doortayna inuu aaya-ka-tashigiisa u dagaallamo. Waxaa kaloo taageera muwaadiniin badan oo Somaliyeed oo gudaha iyo daafaha caalamkaba ku kala nool. ONLF waxay u halgamaysaa xaqa ayaa-ka-talinta shacbiga Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato, waxayna diyaar u tahay in qaddiyaddan si nabadgalyo ah lagu xaliyo. Mindnimo, Mintid, Isku-tashi iyo Guul Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) Goobjoog News Source
  7. Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaa Goordhow ka Amba baxay magaalada Muqdisho. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wajahan Magaalada Abuu Dubai ee caasimada Dalka Imaaraadka Carabta. Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa qeeyb ka ah wasiiro xildhibaano iyo madax ka socoto Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa si dhab ah looma oga waxyaabaha ay kala hadli doonaan madaxweynaha dalka Imaaraadka. Waa safarkii labaad oo tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la doortay 8 February ee sanadkaan 2017-ka uu ku tago safar dalka Imaaraadka Carabta. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Dalka Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
  8. Wasiirada arrimaha dibadda ee carabta ayaa maanta kulan degdeg ah yeelana kaasi oo Sacuudiga uu dalbaday, waxaana looga hadli-doonaa sida ay Iran u la dhaqanto bariga dhexe. Saacado ka hor inta uusan kulanka qabsoomin ayaa waxaa la sheegayaa in wasiirka arrimaha dibadda Lebanon uusan ka qeybgaleynin kulankaani lagu qabanayo xarunta ururka Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira. Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in kulankani lagu gorfeynayo sidii looga hortagi lahaa faragalinta ay Iran ku heyso arrimaha dowladaha Carabta, taasi oo ay ku burburineyso amniga iyo nabadgalyada Carabta. Wakaaladda ayaa waxay sheegtay in dowladaha Baxreyn, Imaaraadka iyo Kuwait ay aqbaleen codsigii Sacuudiga ee ahaa in la qabto kulanka. Maalmihii dambe waxaa cirka isku shareeray xiisadda dhanka gobolka ah ee ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Iran taasi oo gaartay arrinteeda meel sare. Ra’iisulwasaaraha Lebanon Sacad Xariiri ayaa ku dhawaaqay 4 November inuu iska casilay xilkiisa isaga oo ku sugan Riyaadh, siyaasiyiin badan oo reer Lebanon ah ayaa waxay ku tilmaameen arinkaasi in Sacuudiga uu ku riixay Sacad inuu iscasilo. Goobjoog News Source
  9. Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay soo dhawaynaysaa go’aankii ka ka soo baxay Golaha shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya 18 November, 2017 ee ku saabsanaa dhiibista Abdikariim Sh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo meeqaamka (status) ururka (JWXO/ONLF). aaddan G’oaanka ka soo Baxay Golaha Shacabka Soomaaliya. Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu aqlabiyad aad u ballaadhan ku go’aamiyay: In dhiibistii C/kariim Sh Muuse ay ahayd sharci darro, isla markaana ay ka soo horjeedday shuruucda dalka u yaalla oo dhan. In Jabhadda ONLF ayna argagixiso ahayn, beesha caalamka iyo Soomaaliyana aynu u aqoonsanayn inay argagixiso tahay. Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay si niyad-sami ah u soo dhawaynaysaa go’aanka Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna aaminsan tahay inuu yahay go’aan ka turjumaya xilka Golaha Shacabka ka saaran ilaalinta shuruucda dalka iyo la-xisaabtanka cidda ku xadgudubta. Iyadoo munaasabaddan ka faa’iidaysanaysa, waxay (JWXO/ONLF) u mahad celinaysaa xubnaha Guddigii Gaarka ah ee kiiska loo xilsaaray oo si cadaalad iyo wadaninnimo ku dheehan tahay u baadhay daw-darrada lagu sameeyay muwaadinkaas Soomaaliyeed iyo xubnaha Golaha Shacabka oo si kalasooni ku jirto u ansixiyay natiijadii baadhista kasoo baxday. Waxay sidoo kale u mahad naqaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, oo isaguna si aan kala-hadh lahayn uga dhiidhiyay gabood-falka ay xukuumadda federaalku u gaysatay mudane C/kariim Sh Muuse (QalbiDhagax). JWXO waxay si adag u cambaaraynaysaa xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ku caddaatay inay galeen dambi u dhigma khiyaano qaran, siday ka dhawaajiyeen mudanayaasha qaarkood, iyagoo si cadna ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya, ka dib markii ay si sharci darro ah Itoobiya ugu gacan galiyeen mudane C/kariim Sh Muuse (Qalbi-dhagax), daba-yaaqadii bishii Agust, 2017, si aad ahna uga shaqaysay inay u samayso dambiyo uuna galin. ONLF waxay ka doonaysaa Dawladda Soomaaliya inay sida ugu deg-deg badan ugu hawlgalaan sidii lagu soo celin lahaa Cabdikariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax). JWXO waxay caddaynaysaa inayna waligeed gabbaad ka dhiganin dalka Soomaaliya, hadda ka dibna ayna ka dhigan doonin. Halganka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay wuxuu ka socdaa gudaha Ogaadeenya, waxaana buddhigeu ah shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo isugu isku tashaday, doortayna inuu aaya-ka-tashigiisa u dagaallamo. Waxaa kaloo taageera muwaadiniin badan oo Somaliyeed oo gudaha iyo daafaha caalamkaba ku kala nool.ONLF waxay u halgamaysaa xaqa ayaa-ka-talinta shacbiga Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato, waxayna diyaar u tahay in qaddiyaddan si nabadgalyo ah lagu xaliyo. Mindnimo, Mintid, Isku-tashi iyo Guul Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) PUNTLAND POST The post Ururka ONLF oo Ka Hadlay Go’aanka Baarlamaanka ee C/kariin Qalbi Dhagax appeared first on Puntland Post.
  10. Koox cilmi-baarayaal ah ayaa waxaa ay soo saareen saacad Smart ah, taasi oo kormeereysa xaaladda qofka bukaanka ah maalintii oo dhan, taasi oo lagu tilmaami karo hab cusub oo lagula soconayo xaaladaha degdegga ah ee caafimaad. Saacaddan ayaa sidoo kale waxay u sameyneysaa qofka bukaanka ah inay ugu yeerto si dhaqso ah gawaarida Ambalaasta ah. Saacadda waxaa gudaheeda ku jira qalab dareemo leh oo ku shaqeynayo koronto, waxaa uuna la soconayaa shaqada uu qabanayo wadanaha, garaaca wadnaha, heerka uu marayo Oxgenka iyo heer kulka. Mid ka mida cilmi-baarayaasha soo saaray saacaddaan oo u dhashay dalka Filand ayaa sheegay in arrintaani ay tahay nidaam looga hortagyo cudurada marka ay soo muuqdaan calaamadahooda. Tom Horvat oo ka mida Engineerada soo-saaray sacaddaan Smartiga ah ayaa tilmaamay in ay awood u leedahay sacaddaan inay soo aruuriso macluumad badan oo ku saabsan dhanka Sataliteka ah. Waxaa uu intaasi ku daray marka kasta oo dheeraado waqiga uu xiranyahay saacaddaan qofka bukaanka ah, waxay si dabiici ah ay ula soconaysaa sida dhaqtarka oo kale bukaanka,iyada oo marnaba aan ka soo gudbineynin bukaanka digniino been ah oo ku saabsan in halis ay ku jirto xaaladda bukaanka. Source
  11. Muqdishdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ka taagneyd cabsi dhanka amaanka ah oo saameyn xoogan ku yeeshay degnaanshiyaha Hoteelada waaweyn ee magaalada. Cabsida ugu badan ayaa timid kadib markii maleeshiyaadka al-Shabaab ay fariimo goodin ah u direen dhowr Hoteel oo ku yaalla Muqdisho weerarkii Nasa-Hablood Two kadib. Cabsida jirta ayaa sabab u noqotay in mas’uuliyiinta qaar ay isaga guuran Hoteelada, xili maleeshiyaadka al-Shabaab ay horay xasuuq uga geysteen Hoteelo dhowr ah. Hoteelada qaar ayaa lasoo sheegayaa in kalabar qololkooda ay yihiin kuwo xiran, halka qaarna ay u xirmeen kiro la’aan, waxaana xusid mudan in hoos dhac uu ku imaaday tirada Hoteelada. Mas’uuliyiinta cabsida uga guuray Hoteelada ayaa sidoo kale degay Xaafadaha qaar kuwaa oo jaray waddooyinka hormara guryahooda sababo la xiriira cabsi. Waddooyinka xiran ayaa u badan kuwa ku dhow dhow laamiyada, gaar ahaan wadada Makka Al-Mukarama oo ah halka qura ay dagan yihiin madaxda dowlada. Dowlada Somalia ayaa dhawaan sheegtay inay qaadeyso duulaan ka dhan ah Al-shabaab kaa oo lagu burburinaayo Saldhigyada maleeshiyada ee Gobolka Shabellaha Hoose. Dhinaca kale, goodinta dowlada ayaa u muuqaneysa in maleeshiyada al-Shabaab ay ka qaaday dhiirigalin maadaama ay laba jibaaren weeraradii lagu qaadi jiray Xarumaha dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Daraasad cusub ayaa sheegeysa in dadka cuntada tartiib u cuna ay yihiin kuwa aan cayilin. sidoo kale dadkaani kuma dhacaan cudurada loo yaqaano Metabolic Syndrome­. Metabolic Syndrome­: waa koox cuduro ah, kuwaas oo inta badan ka dhasha kororka Miisaanka iyo buurnida, waxayna keenaan cudurada ku dhaco wadnaha, Macaanka iyo wadnaha oo istaaga. Daraasaddaan ayaa waxaa sameeyay cilmi-baariyaal ka tirsan Jaamacadda Hiroshima ee ku taalo dalka Japan, waxayna cilmi-baarayaashaan ay baaritaan ku sameeyeen 642 qof oo rag ah iyo 441 haween ah, waxayna ku gudbiyeen daraasadda ay sameeyeen jamacyiyadda qaabilsan cudurada wadanaha ee ku taalo Mareykanka. Cilmi-baarayaashaan ayaa ogaaday inta ay wadeen baaritaankaan in dadka sida degdegga ah u cuno cuntada ay dhici karto inay ku dhacaan cudurada Metabolic Syndrome boqolkiiba 11.6%,halka dadka cuntada u cuno si dhexdhexaad ah ay ku dhici karaan cuduradaan 6.5%. Daraasadda ayaa waxay sheegeysaa in dadka sida tartiibta ah wax u cuna ay dhici karaan in cuduradaani loo yaqaano Metabolic Syndrome ay ku dhacaan 2.3%. Sida ay sheegayaan cilmi-baarayaashaan qofka sida degdegga ah u cuno badarka ma ahan qof dherga,mida kale mar walba oo uu degdeg wax ku cuno waa mar walba uu cuno waxbadan,taasi oo keeneysa in kor iyo hoos ay aado sokorta ama dhiigga. Goobjoog News Source
  13. Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi oo sabtidii ka hadlayey mashaariic uu furayey ayaa wax laga weydiiyay arrimaha biyaha iyo dhismaha biyo-xireenka“Al-nahda” ee dalka Itoobiya. Cabdifitaax al-sisi waxaa uu digniin u diray dalalka Itoobiya iyo Suudaan, arrintan waxaa ay imaaneysaa Itoobiya oo mareysa marxaladihii ugu dambeeyay biyo-xireen ay ka dhistay webiga Nile-ka. Madaxweynaha Masar waxaa uu ka hadlay in arrinta biyaha ay kala hadleen dalalka Itoobiya iyo Suudaan, una sheegeen in biyaha ay ka xigaan nolol ama geeri. “Waxaan kala hadalnay walaalaheenna Itoobiya iyo suudaan 3 arrin: waxaa ka mid ah in aan la taaban biyaha, waxaan ku dhahnay wixii hor-u-mar ah waa fahmi karnaa, Laakin hor-u-marintaas waxaa jira in biyaha nolol iyo geeri u yihiin shucuub badan, biyaha ilaahay ayaa abuuray, cidna shaqo kuma leh, kumanaan sano ayey sidaasi ahaayeen, waxaan rabaa in aad is dejisaan”. Wada hadal u dhaxeeyay 3da dal ayaa burburay todobaadkii hore, lamana oga tillaabada xigta. Goobjoog News Source
  14. Mr Tillerson’s intervention has come after North Korean weapons earlier this week were seized aboard Iranian smuggling ships on their way to war-torn Somalia. North Korea has repeatedly taken part in a series of illegal activities to fund its nuclear and missile programmes. Speaking at a meeting with his counterparts from some 30 African countries, Mr Tillerson said: “The DPRK presents a threat to all of our nations. “Everyone, including each country represented here today, must play a part in this peaceful pressure campaign to convince the DPRK that the only way to achieve true security and respect from the international community is to abandon its current path and choose a meaningful dialogue about a different future. “I urge you to take additional measures to pressure the DPRK by downgrading your diplomatic relationships with the regime, severing economic ties, expelling all DPRK laborers, and reducing North Korea’s presence in your country in all other ways it may be found.” It is believed that the weapons discovered on their way to Somalia earlier this week were sent by Iran in an attempt to arm militants fighting in Somalia. The ships were intercepted in the Arabian Sea by a French vessel. It is understood that the intercepted Type 73 machine guns were manufactured in North Korea before being sold to Iran between 1970 and 1980. Last month, a North Korea ship was also seized after it was caught carrying a huge supply of weapons to Egypt. More than 30,000 rocket-propelled grenades discovered on board the freighter named the Jie Shun which the hermit kingdom had decorated with deceptive Cambodian colours. Despot leader Kim Jong-un’s cargo was stopped in its tracks when the US warned Cairo about the incoming ship. An investigation launched by the United Nations found that Pyongyang had good relations with Egyptian business executives who had ordered millions of dollars worth of North Korean weaponry. The monumental weapons supply was disguised under bins of iron ore that were used as a front for the hugely destructive delivery. Last month, Rex Tillerson praised political partners to the US from across the globe for helping to deliver the toughest UN sanctions to date on North Korea. He added: “Countries must increasingly decide whether they will do business with North Korea or with the community of peace loving nations.” Source: – Express
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Masar ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaci doonto dowlada Ethiopia oo ay ku muransan yihiin Wabiga Nile. Madaxweynaha Masar Cabdifitaax al-Siisi, ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlaayay Sxaafada dalka Masar, waxa uuna tilmaamay in Ethiopia ay ku dadaaleyso leex sashada Wabiga. Cabdifitaax al-Siisi, waxa uu tilmaamay inaysan aqbali dooni in lagu xadgudbo qeybta ay ka leeyihiin Wabiga, haddii ay taa dhacdana ay qaadi doonaan talaabo adag. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowlada Ethiopi ay dooneyso inay leexsato Wabiga Nile, balse dowladiisa ay kasoo horjeedo isla markaana ay diyaar u tahay inay iska caawiso dowlada xadgudubka u bareertay ee Ethiopia. Al-Sisi waxaa uu sheegay in shacabka Masar ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkaste oo kusoo duusho, una muuqata in ay doonayaan in ay qaataan qeyraadka ay leeyihiin dadka Shacabka ah. Al-Sisi waxa uu intaa ku daray in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xireenka ay Ethiopia dhawaan sameysay. Sidoo kale, waxa uu ku goodiyay inay qaadi doonaan talaabo adag oo ay dhulka ku dhigi doonaan Ethiopia, haddii ay dhacdo in lasii wado xadgudubka qaawan. Geesta kale, Shacabka Masaarida ayuu ugu baaqay inay u istaagan sida ay Wabigooda uga ceshan lahaayen dowlada Ethiopia oo iminka wada dadaalkii ugu danbeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlayay rabshadihii ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa sheegay in 3 ruux iyo 19 askari ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi Wasiir Xaashi ayaa yidhi; “Xoggaha aanu hayno rabshadaha ka dhacay caasimadda qaybo kamid ah iyo magaalada Burco qayb kamid ah illaa hadda waxa ku qudh waayay ama ku geeriyooday 3 qof oo rayid ah waxa ku dhaawacmay 19 kamid ah ciidamada qaranka ee amniga ka shaqaynayay dhaawacyadoodu kala duwan yihiin oo badankoodu u badan yihiin dhaggax ama aan idhaahdee illaa 18 askari waxa lagu dhaawacay dhaggaxaan lala beegsamay nin sarkaal ah daankaa la jabiyay mid kale madaxaa laga jabiyay waxa jira hal askari oo isaga xabbad lagu soo toogtay oo aqal laga soo toogtay oo addinka kaga dhacday xabbaddaasi” Ugu dambeyntii, magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa waxa 16kii bishan ka dhacay dibad-baxyo rabshado wata sababay dhimasho iyo dhaawac kuwaasi oo ay dhigayeen dad taageersan xisbiga Waddani oo ka cawday in lagu shubtay doorashada deegaanada qaar. Goobjoog News Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhoofi doonaan magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa dhoofka ku wehlin doona Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada. Madaxweynaha ayaa u dhoofi doona dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo uu ka helay casuumaad gaara, waxaana lagu wadaa in halkaa uu ku nagaan doono muddo Seddex cisho ah. Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegaya in uu salka ku haayo xiisadda dhanka khaliijka ka taagan iyo sidii dowladda Imaaraadka uu kaga dhaacin lahaa go’aanka ay qaadatay Somalia. Bilihii lasoo dhaafay ma wanaagsaneyn xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna safarkaani noqonayaa mid loo soo diray diyaarad gaara. Geesta kale, waxaa magaalada Abu Dabai ku wajahan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo iyaguna casuumaad ka helay Dowlada Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, muran ayaa ka jiro soo magacaabista wasiirada cusub ee maamulka Hirshabelle. Xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi qaarkood ayaa waxay doonayaan iney iska dhex arkaan liiska wasiirada, halka madaxweyne Waare uu doonayo in wasiiradiisa ka madax banaanaadaan baarlamaanka. Madaxweyne ku xigenka Hirshabelle ayaa isna la sheegayaa inuusan ku aragti ahayn madaxweynaha, iyadoo guud ahaan Jowhar laga dareemayo arrintan. Waxaa jira kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabelle iyo sidoo kale siyaasiyiin ku sugan Jowhar. Lama oga sidey wax ku dambeyn doonaan, hase ahaatee madaxweyne Waare ayaa raba inuu wasiiro ka dhigo shaqsiyaad u badan Qurbe-joog iyo sidoo kale rag aan xil ka hayn maamulka Hirshabelle. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  19. KESENNUMA, MIYAGI PREF – Japan has agreed to lease 3 hectares (7.4 acres) of empty land in the strategically important northeastern African country of Djibouti for use by the Self-Defense Forces troops operating in the Gulf of Aden off Somalia on antipiracy missions, Defense Minister Itsunori Onodera has said. The lease is designed to expand the SDF’s 12-hectare (30-acre) operational base in Djibouti that at present houses facilities such as hangars and barracks. The base was set up in the northwestern section of Djibouti-Ambouli International Airport in June 2011. The Japanese and Djibouti governments agreed on a new lease Wednesday that covers the land on the eastern side of the SDF base, Onodera. Speaking to reporters Saturday in his home constituency of Kesennuma, Miyagi Prefecture, Onodera said Sunday that the government had pursued the lease to prevent the safe operation of the SDF base from being adversely impacted if another country were to have used the land. The United States also operates its own base at the international airport. The government is considering using the land to build facilities for sheltering Japanese nationals in the event of crises, sources said. In July 2016, the government flew the SDF’s C-130 transport aircraft from Djibouti to evacuate four staff members at the Japanese Embassy in Juba, the capital of nearby South Sudan, amid a deteriorating security situation. The base, Japan’s first long-term, large-scale overseas post since World War II, also acts as a counterweight to what Tokyo sees as growing Chinese influence in the region. China’s People’s Liberation Army Navy formally opened in August its first overseas base, a logistics hub in the tiny Horn of African country, ostensibly also to protect Chinese vessels and conduct antipiracy missions. Japan Times
  20. Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney jirto cabsi ku aadan in Xarakada Al-shabaab ay weeraro ka geystaan magaalada Mandhera iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ah. Sarkaal u hadlay ciidanka Kenya ayaa sheegay in shacabka la farayo iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago qataraha Al-shabaab. Waxay dowladda Kenya ay si gaar ah ugu digtey dadka aan Kenyanka ahayn ee ku sugan Mandhera si aanay dhibaato usoo gaarin. Sidoo kale wararka laga helayo Lamu ayaa iyana waxay sheegayaan in halkaasi ay isaga baxeen ajaaniibtii ku sugneyd, kadib markii ay ka baqeen dhibaatooyin ay kala kulmaan Al-shabaab. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxay dowladda Kenya ay shacabkeeda uga digeysay iney weeraro ka geystaan deegaanno kamid ah dalkaasi, dagaalyahannada Al-shabaab. Goobjoog News Source
  21. Ogaden National Liberation Front activists hold a banner in Mogadishu that reads, “The Ogaden freedom is the key to peace in the Horn of Africa,” during a ceremony that marked the organization’s 22nd anniversary in Somalia, Aug. 15, 2006 The controversial extradition of a prominent ONLF rebel leader to Ethiopia was illegal, a report by a Somali parliamentary commission said Saturday. Abdikarim Sheikh Muse, a top member of Ogaden National Liberation Front (ONLF), which is based in Ethiopia, was handed over to Ethiopian authorities on August 28, after he was detained by Somali security forces in the central Somali town of Galkayo on August 23. Somali authorities say Muse is a “terrorist and a regional threat.” His transfer is sparking outrage in Somalia, however, along with a social media uproar against the Mogadishu-based government. Somalia’s lower house of parliament has endorsed Saturday’s report, which was submitted by a 15-member special commission set up in September. The Somali cabinet had defended the transfer of Muse, saying it was done under a deal reached in 2015 that designates ONLF and al-Shabab as terrorist groups. But the parliamentary commission report found the deal was not struck at a federal level and should not be used as justification for exchanging criminals or prisoners. Intelligence agency blamed The commission’s report also dismissed labeling the ONLF rebel group as a terrorist group, and it blamed the country’s intelligence agency for the extradition of Muse and for misleading leaders. “The National Intelligence and Security Agency provided the leaders of government with the wrong information and did not inform the judiciary sector,” the report said. “If the president and the prime minister knew about the rendition, it’s a disaster. And if they did not, then they cannot be trusted to lead the nation,” Abdirahman Hussein Odowaa, former interior minister and a member of parliament, said during the session. Muse lived in Mogadishu for years, and his supporters say he holds dual Somali-Ethiopian citizenship. He is one of the ONLF’s top leaders. Speaking to VOA Somali from Australia, ONLF spokesman Addani Hirmooge hailed the report and said it showed the parliament was against the “aggression” and stood with the true feeling of Somali people. Since 1984, the ONLF has waged an armed struggle against Ethiopia as it seeks secession of the Somali Region in Ethiopia. In 2011, Addis Ababa labeled the group a terrorist organization, alongside al-Shabab and al-Qaida. VOA
  22. Last week, the voters of the Republic of Somaliland went to the polls, to elect a new President. A preliminary count has indicated that candidate Abdirahman Irro, former Speaker, losing the election by a wide margin, especially in Hargiesa, nation’s capital and Gabiley area, the stronghold of candidate Muse Bihi Abdi. To pre-empt the imminent defeat, Irro and his political hackers of the Wadani party have decided to cast doubt the integrity, and the manner the election was conducted by the Somaliland electoral commission (NEC). Even alleging Somaliland election was being rigged; although, on November election, to combat fraud, first ever in the world, iris recognition technology has been deployed for the voter registration Last Thursday,Wadani party representatives held a hastily arranged press conference, where they presented a batch of paper ballots belonging to NEC. The batch actually was stolen from one of the polling stations in Sahel region, according to the local media. Did Irro or Wadani party representative know the batch of ballot papers was stolen? Wadani party did not explain how and when they receive the stolen ballot papers. As far as I know, stealing or receiving stolen ballot papers to taint the integrity of an election is a serious crime. I want know why the Criminal investigation Unit of the Somaliland police or Attorney General Office not opening an investigation on the stolen ballot papers? During the conference, Dr Mohamed Yasiin Hassan, a Senior Irro campaign adviser, alleged that the NEC fraudulently let those ballots to be counted for candidate Muse Bihi, especially in Hargiesa and Gabiley area. And then he added, from now on, “Wadani has to suspend working relationship with the NEC.” The following evening, candidate Irro also said, “We will only accept the result of free and fair election…” Right after his statement, a mob of Irro supporters went into riots, looting and destroying properties in Burao and Hargeisa. So far, three people died and scores of police officers and civilians were injured, and several businesses were destroyed, including Sagal Printing, according Somaliland news websites. For what reason those people died, just Irro to be a President? Irro is a Sore loser. He lost election because he was a status quo candidate. He lost election because he was not able to build a coalition enough to win the highest in the country—the presidency. Now, Irro and his political handlers must stop distraction and lies about how the NEC conducted the election. The votes have been counted. Recount, after recount, will never change the final result. He must respect the will of the people, because Somaliland voters have rejected him, including those in Hargeisa and Gabiley. Gubanmedia believes candidate Muse Bihi of the incumbent Kulmiye party won fair and square, because he was a better candidate, and his campaign has a better message than that of Irro’s. Of course, no doubt, incumbent party always has advantage other the challengers. But there is no scintilla of evidence that Somaliland election is being rigged or any irregularities from the NEC whatsoever. And if he has a legitimate claims the manner the election was conducted, he should address his grievances and concerns through the legal channel, after the NEC announce the final result. But taking to the streets, mob rule, hooliganism, intimidation and thuggery for settling election dispute; Somaliland people will never accept. Common sense, the rule of law and peace must prevail here. According to Somaliland election laws, the NEC has the authority to do their job: making sure our elections to be free and fair, so every vote to be counted. For the NEC, delaying announcing the election result, when the commission knows that Irro lost the election, or holding press conferences or meetings with him repeatedly, would create confusion and uncertainty about the legitimacy of the result. Irro and his surrogates will never satisfy until NEC declares him as the winner. NEC must stop delaying tactics and announce the final result, because Somaliland voters deserve to know who win the best election Somaliland has executed, so far. On Election Day, thousands of voters drove, and walked miles to their polling stations. Some of them lined up all the night, and stood up all day in the baking sun, just to vote. They are voting to decide their own political destiny, and to help efforts for Somaliland to gain diplomatic recognition. For the sake of the country, Irro should graciously concede election defeat and move on. Losing an election is not the end of his political ambition, as retiring President Silanyo discovered. In 2003, Silanyo lost a higly flawed election by less than 84 votes. He accepted the result and went off to win presidency in 2010.Silanyo showed leadership: courage, integrity and honor.Now, the leadership Irro lacks. Mohamed Ali Lewis, Ohio
  23. Madaxweynaha dawlad Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa 18 Nov 2017 si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe . Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay danjiraha ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta mashaariicda Dowladda China ay kawaddo Puntland, samaynta xiriir dhaw oo ay yeeshaan Puntland iyo dalka Shiinaha, horumarka ay Puntland ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaanadaeeda. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo danjiraha dalka Shiinaha ee Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii ay shirkaddaha laga leeyahay dalkaasi u maalgashan lahayeen Puntland maadaama ay tahay dhul nabadda, horumar iyo xasilooniba ka jirto Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Madaxweynaha Puntland uu kusoo dhammaaday guul, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntlaand ay ka jiraan nabad iyo horumar, isla markaana waxa uu safiirku shacabka dalka China ku dhiirigeliyey inay maalgashtaan Puntland, yimaadaan oo wada shaqayn dhow layeeshaan shacabka Puntland. Mr Qin Jian ayaa tilmaamay in Puntland ay horumartay, isla markaana muhiim u ah Soomaaliya, samaysayna horumar, kala danbayn, dhaqaale wanaagsan, sidoo kalena hirgashatay kaabayaal dhaqaale oo horumariyey dhulkooda, waxaana uu timaamay in dhulka Puntland yahay mid qurux-badan, khayraad dabiiciya ku duugan yahay, isla markaana waxaa uu ku dhiirigeyey shirkaddaha waaweyn ee Shiinaha inay maalgashtaan Puntland sida ay shirkadda CCECC u maalgelinayso garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo dhismaha waddada Garoowe-Eyl. Danjiraha dalka China ee Soomaaliya ayaa waxa uu isagoo kahadlaya sida ugu fudud ee loo samayn karo xiriir ah oo ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiinaha loo baahan yahay in la sameeyo wufuud labada dhinac ah oo isu waydaarta , si loo hirgeliyo is dhexgal iyo is-fahan ku salaysan wanaajinta xiriirka labada dhinac. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in wada hadalkii isaga iyo danjiraha dalka China uu kusoo dhammaday guul, isla markaana uu sidoo kale guul-kusoo idlaaday safarkoodii ay ku joogeen Puntland, isagoona Madaxweynuhu danjiraha guddoonsiiyey haddiyadda ka koobnayd hiddaha iyo dhaqankeena Soomaalida. Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) ayaa soo saartay bayaa ku aaddan G’oaanka ka soo Baxay Golaha Shacabka Soomaaliya ee ku aadanaa baaritaanka kiiska dhiibistii Qalbi-Dhagax. Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (ONLF) waxay soo dhawaynaysaa go’aankii ka ka soo baxay Golaha shacabka Dawladda FederaalkaSoomaaliya 18 November, 2017 ee ku saabsanaa dhiibista Abdikariim Sh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo meeqaamka (status) ururka JWXO(ONLF). Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu aqlabiyad aad u ballaadhan ku go’aamiyay: 1-In dhiibistii C/kariim Sh Muuse ay ahayd sharci darro, isla markaana ay ka soo horjeedday shuruucda dalka u yaalla oo dhan, 2-In Jabhadda ONLF ayna argagixiso ahayn, beesha caalamka iyo Soomaaliyana aynu u aqoonsanayn inay argagixiso tahay. Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay si niyad-sami ah u soo dhawaynaysaa go’aanka Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna aaminsan tahay inuu yahay go’aan ka turjumaya xilka Golaha Shacabka ka saaran ilaalinta shuruucda dalka iyo la-xisaabtanka cidda ku xadgudubta. Iyadoo munaasabaddan ka faa’iidaysanaysa, waxay JWXO (ONLF) u mahad celinaysaa xubnaha Guddigii Gaarka ah ee kiiska loo xilsaaray oo si cadaalad iyo wadaninnimo ku dheehan tahay u baadhay daw-darrada lagu sameeyay muwaadinkaas Soomaaliyeed iyo xubnaha Golaha Shacabka oo si kalasooni ku jirto u ansixiyay natiijadii baadhista ka soo baxday. Waxay sidoo kale u mahad naqaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, oo isaguna si aan kala-hadh lahayn uga dhiidhiyay gabood-falka ay xukuumadda federaalku u gaysatay mudane C/kariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax). ONLF waxay ka doonaysaa Dawladda Soomaaliya inay sida ugu deg-deg badan ugu hawlgalaan sidii lagu soo celin lahaa Cabdikariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax). ONLF waxay u halgamaysaa xaqa ayaa-ka-talinta shacbiga Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato, waxayna diyaar u tahay in qaddiyaddan si nabadgalyo ah lagu xaliyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Waxaa maanta oo Sabti ah 18ka November 2017, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la horgeeyey warbixintii ay soo diyaariyeen guddigii loo saaray inay soo baaraan kiiska Cabdikariin Sh. Muuse Qalbi-dhagax oo ahaa muwaadin Soomaali ah kana mid ahaa saraakiisha Jamhada ONLF. Nuxurka Warbixinta Guddiga Guddiga Baarlamaanka u saaray arrintan ayaa ka koobnaa 15 xildhibaan oo uu guddoomiye u yahay Xildhibaan Cali Yusuf Cali, (Cali Xoosh). Kooxdan Baarlamaanka u saaray baaritaanka kiiskan ayaa qoraalkii ay maanta usoo gudbiyeen Baarlamaanka ku cadeeyey in dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax ay ahayd mid “Sharci Daro ah.” Waxay guddiga qeexeen in heshiisyadii horey u dhexmaray dowlada iyo Itoobiya aysan ahayn kuwo la xariira is-dhaafsiga eedeysanayaasha, aysana jirin horey heshiis u dhaxeeyey labada dal oo arrinta beenanaya. Dhiibitaanka Qalbi Dhagax sidoo kale looma marin nidaamka saxda ah ee Garsoorka. Xog Khaldan Warbixinta Guddiga ayaa lagu sheegay in hay’ada Nabadsugidda ay xog khaldan u adeegsatay soo qabashada Qalbi dhagax, dhiibidiisa iyo waliba go’aankii kasoo baxay golaha Wasiirada ee lagu sheegay in ONLF ay tahay koox argagaxiso ah. Waxay guddiga sheegeen ONLF inay tahay koox jamhad ah oo aan caalamka u aqoonsaneyn argagaxiso. Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay wareysiyo guddigan la yeesheen Qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Kheyre iyo Agaasimayaasha Amniga & Socdaalka. Su’aalaha weli taagan Inkastoo qoraalka iyo warbixinta guddiga soo gudbiyey ay u badneyd tixraac shuruucdii hore ee dalka iyo talooyin ku aadan Xukuumada sida arrimaha noocaan loo xalin karo mustaqbalka, hadana warbixintan meelna ugama qorneyn sida laga yeelayo Muwaadinka sida sharci darada ah loo dhiibay iyo cida mas’uuliyadeeda qaadeysa!. Sida ka muuqata warbixinta ay guddiga soo gudbiyeen waxay wareysi la yeesheen qaar kamid ah Wasiirada, Agaasimihii hore ee Nabadsugida, Socdaalka, Taliyaha Booliiska iyo Saraakiisha CID Federaalka. Dhamaan xubnahan wareysiyadooda ayaa dhacay intii u dhaxeysay 21kii Oktoober illaa 23kii Oktoober. Xubnaha ay wareysteen iyo Taariikhda Wasiirka Cadaalada ee Federaalka Soomaaliya – Taariikh 21 Oktoober 2017 Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaran – Taariikh 22 Oktoober 2017 Wasiirka Amniga – Taariikh 22 Oktoober 2017 Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha – Taariikh 23 Oktoober 2017 Taliyaha Booliiska iyo Hay’ada Danbi barista CID – Taariikh 23 Oktoober 2017 Waxaa la yaab ah Guddigan oo la magacaabay bartamihii bishii September inay wareysiyada kiiskan bilaabeen dhamaadkii bishii Oktoober, todobaad kadib markii uu dhacay qaraxii ka dhacay isgoyska KM5 (Soobe) oo ay dadka badan ku dhinteen. Dhinaca kalena “Eeda” ugu weyn ee khaladka dhacay ayuu guddiga dusha ka saaray Hay’ada Nabadsugida iyo madaxdeeda, waxaana cad in arrintan lagu soo beegay xili shaqadii uu ka tagay Agaasimihii hore ee Nabadsugida Sanbalooshe. Waxaana sidoo kale warbixintan laga weeciyey in wax dhaliil ah loo jeediyo Xukuumada Kheyre oo iyadu 6-dii September si cad u taageertay go’aankii dhiibista Qalbi-Dhagax. Guddigan wax wareysi ah lama yeelan Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha dalka oo iyagu ah madaxda Qaranka ee la sheegay inay bixiyeen amarka ugu danbeeyey ee lagu dhiibay Qalbi dhagax, guddiga meysan sheegin sababta ay madaxda sare u wareysan waayeen. Waxaa xusid muddan in qaar kamid ah Xildhibaanada ku jira guddigan oo xiriir dhaw laleh Xafiiska Raysalwasaaraha ay olole siyaasadeed ka wadeen gobalada ay kasoo jeedaan todobaadyo kahor qaraxii Soobe iyagoo ku mashquulsanaa xiisadihii ka dhex aloosnaa xiligaa Maamul gobaleedyada iyo Dowlada Federaalka, taasi oo lafteeda shaki gelin karta madax banaanida guddigan. W/Q: Maxamed Jeenyo Horseed Media