-
Content Count
203,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee Konoco ka dib markay jiireen gaari yar oo labo qof ay la socdeen kolonyo ka mid ah gadiidka UN –ka oo ishareer yaacaya wadada. Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa loo xaqiijiyay inay ku dhimatey shilkaan gabadh la socotey gaariga yar, halka dhaawac culus uu soo gaarey darawalkii gaarigaas oo lagu magacaabo Cabdiqani Faruur-dheer. Dhacdadaan oo ahayd mid argagax leh ayaa mid ka mid ah gadiidka kolonyadda UN-ku dusha ka mareen gaari yar oo ay la socdeen labadaas qof oo midkood geeriyooday, xilli gadiidka UN-ku si xawliya isu hareer yaacayeen jid cadaha loo maro garoonka macmalka ah ee Konoco. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Kolonyadda UN-ka oo maanta labo qof ku jiirey Garowe. appeared first on Puntland Post.
-
Shir ku saabsan wada hadalada bulshadda qaybeheeda kala duwan sida laamaha aminga,gudoomiyaasha xaafadaha,barakacayaasha,wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ayaa maanta lagu qabtay maagaalada Garowe ee caasumada Dowlada Puntland. Hay,adda GRT oo ka shaqeysa tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo caruurta ayaa soo qabanqaabisay shirkan, waxaana daahfurtey Maamo Safiyo oo ka socotay Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland,waxayna sheegtay in falalka ugu badan ee ka dhaca deeeganada Puntland loo gaysto haweenka iyo caruurta,Iyadoona xustey inay goob joog u ahayd kiisas badan oo noocaan oo kale ah kuwaas oo badankooda wax laga qabtay. Dhinaca kale Muxubo Siciid Maxamed oo ah madaxa ilaalinta tacadiyadda ka dhanka ah caruurta iyo haweenka ee Hay,adda GRT ayaa sheegtay inay kasoo diyaariyeen barakacayaasha iyo dadka kale ee loo gaystay kufsiga iyo tacadiga kiisas badan. Ugu dambeyn Bashiir Yuusuf Maxamuud oo ah madaxa Hay,adda GRT ayaa sheegay inay ka go,an tahay sidey gacan weyn uga geysan lahaayeen u qareemida iyo dabargoynta kufsiyadda iyo tacadiyadda loo gaysto haweenka iyo caruurta,wuxuuna fariin u diray cid kasta oo ku lug leh ka shaqaynta arimahaan inay xoojiyaan sdiii meesha looga saari lahaa tacadiyadda noocaan oo kale ah. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan tacadiyadda ka dhanka ah caruurta iyo haweenka oo lagu qabtey Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wargeyska The East African ayaa qoraya in uu jiro xiriir Ganacsi oo ka dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Wargeyska oo soo xiganaya ilo ka mid ah Ciidamada AMISOM,Dowladda Soomaaliya iyo Dadweynaha rayidka ah ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ay meelaha qaar wada shaqeeyaan. Waxaa uu tusaale u soo qaatay Marka gaadiidka waaweyn ee wada Badeecadaha Ganacsiga ay lacago ka qaadayaan labada dhinacba. Waxaa uu sheegayaa in Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ay baro koontarool oo isu muuqda ku leeyihiin Gobollada qaar ee Soomaaliya islamarkaana marka Gaari Xamuul ah uu mid ka mid ah labada dhinac koontroolkiisa tago laga qaado lacag dhan $50 Doollar,iyada oo dhinaca 1aad marka uu lacagta qaato uu Rasaas hawada u ridayo,isaga oo u baaqaya dhinaca kale una sheegaya lacagta laga qaaday Gaariga ku soo wajahan. Marka uu Gaariga tago dhinicii kale ayaa isla lacagtii la weydiinayaa iyada oo marka lacagtaas $50 ah laga qaado uu dhinacaas Rasaas Hawada u ridayo si uu dhinicii kale ugu xaqiijiyo in uu lacagtii ka qaaday. Sanadkii Hore Ciidamo ka socda Dalka Uganda ayaa la qabtay iyaga oo Ganacsi ka sameynaya Hubka iyo Shidaalka AMISOM,kana iibinaya Ganacsato iyo xubno ka tirsan Al-shabaab. Degaanka Jannaale oo ay Saldhig ku lahaayeen Ciidamada AMISOM ayaa 2015kii waxaa weerar ku ekeeyay Xarakada Al-shabaab,waxaana ku dhintay Askar tiro badan,xilligaas Hubka Al-shabaab ay ku weerareen Xeradaas waxaa ay dowladda Uganda xaqiijisay inAskar ka mid ah Uganda ee degganaa Jannaale ay AL-shabaab Hub ka iibiyeen. Askartii loo xiray waxaa ka mid ahaa Nin sidii Ciidamada Uganda ay u garaaacayeen Xaniyaha beelay islamarkaan dib loogu celiyay Uganda isaga oo aan nolol iyo geeri midna heysan. Qareen uu qabsaday ayaa ku guul darreystay in uu kiiska Ninkaas qiil u helo,waxaan Maxkamadda ay ku xukuntay dil kaddib markii uu jebiyay xeerarka Ciidanka Dalka Uganda. Isha:The East African. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mudane Madaxweyne Maxamed Cabduulaahi Maxamed Farmaajo waxaan ka mid ahay Shacabka Soomaaliyeed sida Xamaasada leh kuu soo dhaweeyey islamrkaana kuu muujiyay Taageerada Xoogan iyo Dhiirri galinta,Ilaahay hakaa dhigo midkii Daweyn-lahaa Dhaawaca iyo Uur ku taallada Shacabkaaga haysta muddada Dheer oo isugu darsameen Colaad, Abaar iyo Cudur Mudane Madaxweyne Hogaankaada hore ayaan u soo aragney waxaana nagu filan sidaa u kasbatey Shacabka Soomaaliyeed Lixda Bilood aad Wadankaa Raiisul Wasaare ka ahayd,hadaan dib u Milicsanno Taariikh Nololeedkaagi & Tar-tankaagi Madaxtinimo, Dhiig Soomaaliyeed ma aadan Daadinin adoo Kursi doon ah,Waxaana Xaqiiqo ah in Taariikdaada ay tahay mid aad u wanaagsan oo Nadiif Mudane Madaxweyne Xoolo Ummadi leedahay iyo Xaq Muslim intaad Aruursattay Madaxweyne kuma aadan noqonin,Dawlada Shisheeye iyo Ajnabi Dibad kaasoo Abaabulay ma jiro, waxaa kursiga ku heshey taageerrada Shacabka Soomaaliyeed oo qaba in aad ku hagaamisid Cadaalad iyo Horumar Maadaama ay hore u arkeen Daahfurnaataada Dowladnimo Mudane Madaxweyne Intaa aan soo sheegay iyo ino kale markii la isku daro waxaa Shacabka Soomaaliyeed iyo adigaba kuu caddaynayaa,Qaddarka iyo Xukunka Rabbigeen ayaad Madaxweyne ku noqotay,waxaad ku soo aaday Xilligii aad bad-baadin lahayd Umadaada, oo Haysata Amni Xumo, Garsoor la’aan, Dhaqaale Xumo Mudane Madaxweyne Sidaa darteed waxaan kaaga digaayaa in lagaa hor istaago ama lagaa marin habaabiyo Maslaxadda guud ee Dalkaaga iyo Dadkaaga,iyo wax u qabashada qaybaha kala duwan ee Shacabkaaga, waxaan kaaga digaayaa inaad Kooxo kuugu manna sheegta inay Madaxweyne kaa dhigeen isku keli yeesho Fikirkooda gaarka u ah maadaama ay horey ugu fashilmeen kuwii kaa horeeyey oo isku koobey shaqsiyaad dano gaar ah wata Mudane Madaxweyne inta aana u galin Dulucada Qormadayda waxaan rabaa inaan is weydiinno Su,aalo dhowr ah iyo Jawaabahooda, si aan farta ugu wada fiiqno dhinaca uu naga jiro Xalka iyo wadada ugu sahlan ee loo mari karo:gaar ahaan Garsoor Cadaalad ah oo dalkaan ka hana qaada kaa oo aan ogahay in aad u liito marayana in maalin waliba dad Soomaaliyeed Xaqooqda lagu duudsiiyo Mudane Madaxweyne Amni la isku Mushquuliyo waxaa ka hooreeya Garsoor Cadaalad waxaana la yiri “ Hadii Guri la dhisayo waa in Aas –aaska laga bilaabaa” marka Aas Aaska waa Garsoor Cadaalada ah taasoo marka la helo laga shaqeyn karo Amniga , Mudane Madaxweyne Amaan iyo kala dambayn inoo taaba gashaa inaysan jiri doonin Haddii la waayo Garsoor hufan iyo Cadaalad dulmiga lagu Xakameeyo, sidaa darteed Hawl-gal Ciidan oo joogta ah inaysan miro dhal noqon haduusan jirin Garsoor iyo Garsoorayaal la isku hallayn karo,islamarkaana Kasban kara Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed oo la Daa la dhacaya Duruuufo kala duwan. Mudane Madaxweyne Waxaan Qaylo dhaan kaaga sidaa xaaladda Garsoorka dalka oo aan ogahay in weli wax isbedel ah uusan ku imaan, waxaan Rajeyneyney in talaabada koowaad oo aan Qalbiga ku hayney ay tahay in aad isbedel ku sameyso Garsoorka dalka oo meeshii ugu hooseysey uu marayo. Soomaalida waxay tiraahdaa “Madax Meel ka sareysa oo la Salaaxo ma leh”Waxaa Xaqiiqo ah in aad Tahay Astaanka Dastuuri ah oo Kulmisa Dhamaan Awoodaha Fulinta Dalka ka jira Mudane Madaxweyne Daah kaama saarna in Garsoorka Dalka uu yahay meesha laga eego Qaranka sidaa Darteed shacabka Sooomaaliyeed waa Meesha keliya oo ay Doonayaan in sid deg deg ah wax ugu qabatid, Waayo ma jirto Cid ka sareysa Sharciga ,Dowlad aan garsoor Cadaalad ah lahayn waligeedna Horumar ma gaarto Mudane Madaxweyne Masuuliyiinta Sar-sare ee Gasoorka iyo Garsoorayaashaba waxaa lagu soo xulaa Shuruudo Adag oo waliba ugu horeysa Aqoonta midka Diiniga iyo kan maadiga ah waana mida la doonayo in Garsoorka uu ka Madaxbanaanaado Eex, Laaluuysh, Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin Taa badalkeedina la daboolo baahidiisa oo dhan, si uu u dhowro Cadaaladda iyo Xuquuqda shacabka iyo Qarankaba, Mudane Madaxweyne Dad Baa Guryahoodii Xoog lagu haystaa , kuwaa Inta la dilley kii diley iska laafyoonaya, kuwaa Hantidoodii inta la dhacay lagu sii Macaashayaa , Kuwaa Inta Gabdhahoodii la kufsadeyt aan weli helin Garsoor Cadaalad ah, kuwa inta loo hanjabey Dalka isaga Cararey,waxaana Hubaal ah in dadkaa Dhibanayaasha ah aysan maanta awoodin in ay furtaan gal Dacwadeed maadaama lagu Xujeeyey Dhaqaale badan dhamaan Xadgudubyadaas waxay Madaxweyne Tilmaamayaan sida uu weli u shaqeynin Garsoorkii dalka kaasoo aan dhihi karo waa meesha Keliya ee dadka Soomaaliyeed si weyn ugu dulman yihiin mana garan karo sababta ilaa iyo Hadda aysan Dowlada wax ugu qaban la’dahay Mudane Madaxweyne Gabagabadii Dowlado badan baa na soo marey mid waliba inta aan la dooranin avuu waxaa uu Shacabka u sheegaan in wax badan ka qaban doono Garsoorka, hase yeeshee maalinka la dooro ayaa ugu dambeysa wax ka qabashadii Garsoorka marka madaxweyne Bulshada Soomaaliyeed u sheeg Hadii aad raacdey Wadadii ay raaceen kuwii kaa hareeyey oo aan ogahay in ay ku Fashilmeen wax ka qabashada Garsoorka dalka mise ma dooneysid in mar kale aad Dalkaan Madaxweyne ka noqoto Mahadsanid Madaxweyne Sh Cumar Xasan Gurey E-Mail gure114@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayaa qaraxii gaariga oo ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana gaarigaasi watay ruux ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliya. Sida ay sheegayaan Saraakiisha Hay’addaha ammaanka qaraxa ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Imigration-ka oo ku taallo wadada Shaqaalaha. Aadan Cismaan Xuseen oo ah Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska degmada Hodan, ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi uu lahaa Dhaqtar lagu Magacaabo Xaashi Dhiblaawe. Taliye ku-xigeenka waxa uu sheegay in Dhaqtarka lugtiisa midig ay Go’day isla markaana haatan lagu daweynayo Isbitaalka Daaru-Shifa ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Dr Xirsi Dhiblaawe ayaa la sheegay in uu ahaa Dhaqtar dhanka Cudurada Wadnaha, isla markaana uu ka howlgalayay Xarun Cafimaad oo ku taalla agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo u dhaw Iskuulka Hoyga Xamar Xaruntiisa KM4. Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan waxa ay sheegeen inay ka dambeeyeen iyaga oo gaariga qaraxa ay ugu xireen Sarkaalkaasi ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Somaliya ahna Dhakhtar ku takhasusay wadnaha. Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka jirin falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo Magaalada ka dhacaayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maalmahan waxaan warbaahinta Soomaalida ka qariyey warar la xiriira in wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Dr Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan loo jeediyey eedeymo la xiriira shaqada wasaaradda iyo dad shaqada laga ceyriyey. Waxaan ahay xog ogaal la socda xaaladda wasaaradda, waxaana ogahaya in warbixinada la faafiyey ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan kooxo ujeedooyin gaar ah leh, oo ka soo horjeeda is-bedelladii lagu diirsaday ee uu ka sameeyey waaxyaha wasaaradda. Wasiirka ayaa markii la magacaabay wuxuu durba billaabay inuu is-beddel sal iyo baar ah ku sameeyo Wasaaradda Waxbarashada, taasoo ahayd shaqadii loo igmaday oo ay u xilsaartay Dowladda Soomaaliyeed. Wasaaradda Waxbarashada oo ka koobnayd 18 waaxood ayuu wasiirku ka soo reebay 10 waaxood, si loo tayeeyo maamulka waxbarashada dalka, oo aysan xadka uga bixin. Waaxyaha ayaa loo xulay dad lagu soo xulay aqoon, karti iyo hufnaan. Wasaaradda Waxbarashada ayaa iyadu haatan ah midda ugu shaqada badan wasaaradaha dowladda. Laba maalin ka hor ayay ahayd markii wasaaraddu ay dalka Suudaan u dirtay arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay imtixaan loo galay deeq waxbarasho. Hooyooyinkii ardaydaas ayaa telefishinnada laga daawaday iyagoo u duceynaya madaxda dowladda, isla markaana sheegaya inaan wasaaradda waxbarashadu aysan hal shillin ka qaadin carruurtooda. Haddaba dadka ceebeynaya Wasiirka Waxbarashada ayaa ah kuwii sida musuqmaasuqa ah ku joogay wasaaradda muddada dheer ee laga qaaday xilalkii ay isaga fadhiyeen. Mabda’a ay ku shaqeyso dowladda Nolol iyo Nabad ayaa ah in la dhiso wasaarado u shaqeeya si casri ah oo la jaanqaada caalamka. Wasiirka Waxbarashada ayaa ku mahadsan sida aqoonta iyo kartida leh ee uu uga soo dhalaalay howshiisa. W/Q: Xasan Cali Xasan Muqdisho Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka dhacay Qarax gaarigiisa loogu xiray masuul katirsan Wasaarada Caafimaadka xukuumada Soomaaliya. Masuulkaan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Xirsi ayaa gaari uu watay xili uu marayay wadda Makka Al-Mukarama ku qarxay waxaana gaaray dhaawac culus. Dhaawaca Masuulkaan ayaa hadda lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Durba waxaa sheegtay qaraxaasi Al-Shabaab oo ku soo qoray warbaahinta iyaga taageera in ay ka dambeeyeen qaraxaasi. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo isugu jiro ismiidaamin kuwo miinada dhulka lagu aaso iyo kuwa lagu soo xiro gaadiidka ay wataan dadka u shaqeeya dowlada Soomaaliya. Laamaha amaan ka dowlada Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin qaraxaani ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Hoos ka dhagesyo Warbixin Wariyaha PP Muqdisho Cowke uu ka diyaariyay qaraxa http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/War-Cowke-PP-Qarax-Muqdisho.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Masuul Katirsan wasaarada Caafimaadka oo Gaarigiisa Qarax Loogu Xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
BOSASO-[Puntland Post]-Hay’adda Rapewatach International oo fadhigeedu yahay Somalia , isla markaana u dood-da xuquuqda haweenka iyo caruurta loo gaysto tacdiyada ka dhanka ah jinsiga ayaa dowladda Puntland ka dalbatay in cadaalad-da la marsiiyo askari bishii hore gabar dhalinyaro ah ku kufsaday magaalada Bosaso. “Walaal arinta dhacday waxa ay mudan-tahay in si iskuwada mid ah aan dhamaanteen uga murugoono ,waayo waxa la kufsaday waa gabar Somaliyeed oo dan yar ah ” ayuu yiri agaasimaha hay’adan C/rixmaan Axmed oo hadda ku sugan magaalada Minneapolis. “Waxaan dowladda Puntland ku amaanayaa in ay dhamaan diyaar yihiin xeerarkii ciqaabta ee kufsiga isla markaana uu waajib naga saaran-yahay sidii aan u xakamayn lahayn kufsiyadan oo kale ” ayuu mar kale yiri C/rixmaan uu xusay in ay garab-taagan-yihiin Faa’izo Maxamed oo ah gabadha uu dhibku gaaray. Agaasimaha ayaa sheegay in waaxda Jinsiga ee hay’adda ay ku dadaalayso sidii xuquuq dhamaystiran ay u heli lahayd Faa’izo oo hadda arimo caafimaad ugu jirta Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdsiho. “Waxaan ka shaqaynaynaa si kasta oo aan xuquuq dhamaystiran ugu raadin karno Faa’izo iyo dadka kale ee la kulma tacadiyadan caynkan oo kale ah ” ayuu mar kale yiri C/rixmaan oo sheegay in ay canbaaraynayaan falalkan caynkaan oo kale ah. Ifraah Xaashi Albabaab oo ka tirsan madaxda hay’adda ayaa iyadana sheegtay in ilaa iyo hadda ay sameeyeen dadaalo dhowr ah oo xuquuq loogu raadinayo Faa’izo oo sidoo kale dhaawac xoogan uu ka soo gaaray xubinta taranka ee dumarka. “Wasaaradaha Haweenka iyo cadaaladda Puntland waxaan kala shaqaynaynaa in Faa’izo si gooni ah xaaladad-deeda indhaha loogu hayo ,lana hubiyo in ay hesho cadaalad ” ayey iyana tiri Ifraax oo wax laga xumaado ku tilmaamtay kiiskan. Taliska ciidanka Puntland ayaa maalmo ka hor beeniyay in askirga kufsiga gaystay oo lagu mgacaabo c/qaadir Warsame uu iyaga ka tirsan-yahay , xili dowladda Puntland ay sheegtay in ninkaasi gacanta lagu dhigay , isla markaana sharciga loo horgayn doono. Ugu danbayn,Kiiskan kufsiga ah ayaa ka dhacay magaalada Bosaaso 27-dii bishi aynu soo dhaafnay ,waxaana la sheegay in gabadha la kufsaday iyo askariga ay ahaayeen muddo sheeko wadaag , isla markaana ay ugu timid magaalada Bosaaso si ay ula kulanto. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Hay’adda Rapewatach International oo canbaaraysay Kufsi ka dhacay Bosaaso, appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 51 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa galabta lagu wadaa in ay kulan kula qaataan Magaalada Muqdisho madaxweynah Dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Xildhibaannadan oo ah kuwii sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf,ayaa la filayaa Madaxweynaha in uu u soo bandhigo wixii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xaaf iyo Dowladda Federaalka ah. Kulankan waxaa goobjoog ka noqonaya Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey,Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayaya in Xildhibaannada sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf uu ku qanciyo in ay ka tanasulaan go’aankii hore islamarkaana Xaaf loo daayo shaqadiisa in uu sii wato. Maanta ayuu qorshuhu yahay in la soo gaba gabeeyo Khilaafkii muddada soo jiitamayay ee u dhaxeeyay Madaxda Maamulka Galmudug ee sababtay in qaarkood ay xilalka iska qaadaan kuwana Xabsi Guri la geliyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu yahay meesha kaliya ee Soomaaliya ka dagi la’dahay. Isagoo maanta khudbad ka jeedinayey Fagaare ku yaalla Magaalada Hargeysa ayuu in Puntland ay qasto siyaasadda Soomaaliya, haddii aanay iyada ahaan lahaynna ay Soomaalida nabad ahaan lahaayeen sida uu hadalka u dhigay. “Walaalayaal Soomaaliya waxay la degi la dahay waa Puntland, qoladan oo aanu jaarnahay wuxuu baarlamaankooda shalay yiri doorasho kama dhici doonto Sool iyo Sanaag, bal eegga walaalayaal dhibaatada ay wadaan, waxaa ka degi la Soomaaliya, waxay maalin walbo ka shaqeeyaan dhibta Soomaaliya” ayuu yiri Waraabe. Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii xisbigiisa uu ku guuleysto doorashada 13-ka bishan in uu keeni doono gooni isku taagga Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye. Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa shalay isku raacay in doorasho aanay ka dhici gobollada muranka uu ka jiro ee Sool iyo Sanaag. Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa imaanayo xilli ay Somaliland ka socdaan olole uu xisbi kasta ku doonayo inuu ku helo madaxweynimada Somaliland. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa muddo badan ku muransan deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag, waxaana halkaas dhawr jeer oo hore ka dhacay dagaalo khasaaro badan geystay. Somaliland ayaa horey u sheegtay inay doorasho ka dhicid doonto deeganadaas, halka Maamulka Puntland uu sheegay inay arrintaas keeni doonto dagaal labada maamul dhexmaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
-
Dabasiti (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay Boolisku ka baadi goobayaan Sarkaal ka tirsan booliska oo la waayay Habeen hore. Sarkaalka ayaa la sheegayaa in ugu war dambeysay dadkii la socday markii uu dhacay qarax Laba gaari Booliska looga gubay oo Mandera ka dhacay, waxaana Kenya ay qiratay in 12 ka mid ah Askartooda ay ku dhinteen weerar ay Al-shabaabku ku qaadeen Kolonyo Boolis ah oo marayay Mandera. Tuulo lagu magacaabo Dabasiti oo aan sidaas uga fogeyn Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayuu sheegay sarkaal sare oo Booliska u hadlay in ay marayeen 13 Askartooda Booliska ah oo weerarku qabsaday, 12-kii kale dhimashadooda ayuu xaqiijiyay halka uu sheegayo in la la’yahay Sarkaalka kale. Sarkaalka la la’yahay ayaa markii ugu war dambeysay Booliska wuxuu sheegay in uu Xudduudda joogo oo uu dhuumaaleysi ku jiro, balse intaas keddib xiriirkiisa lama helin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka gaashaamatay dhibaatooyinka ay maleeshiyaadka Alshabaab u maleegayaan ciidamada Qalabka sida ee isticmaala wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose. Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Xoogga ee ka howlgala Wasaarada Gaashandhigga ayaa noo xaqiijiyay in dowlada Federaalka loogu deeqay qalab ay ku baaran miinooyinka lagu aaso waddooyinka ay marayaan. Waxa uu sheegay in qalabkaasi oo casri ah ay sheegayaan goobaha ay maleeshiyaadka ku aasan miinooyinka lagu qarxiyo gaadiidka, waxa uuna tilmaamay in qalabkaas lagu galbin doono ciidamada duulaanka ku ah goobaha ay gacanta ku hayaan Alshabaab. Qalabka ayaa la xaqiijiyay inay isticmaali doonaan kolonyada gaadiidka dagaal ee la marin doono wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose, oo la rumeysan yahay in maleeshiyaadka ay ku aasi doonaan miinooyin. Dhinaca kale, Qalabkan ayaa waxaa loo sameeyay ciidamo gaara oo ku shaqeeya in ay dowlada ka qabsanayaan dhammaan goobaha ku jira gacanta shabaabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa warbixin kooban oo ku aaddan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay’adaha QM, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan. Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisoow] oo kulan la qaatay saraakiishan Qarmada Midoobey ayaa u sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u jecel warbaahinta, loogana baahanyahay inay dadaalkooda warbaahinta uu noqdo mid taageeraya qorsheyaasha dowlada federaalka ee ku aadan horumarinta warbaahinta dalka. “Waxaan idin kaga mahad-celinayaa dadaalkiina ku aaddan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay’adaha QM iyo Horumarka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatejiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya si waxqabadkiina u noqdo mid dhiirigelinay hay’adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in Dowladooda ay horumar joogta ah sameyneyso,” ayuu yiri Wasiir Yariisoow. Kulankaan ayaa ahaa mid labo maalmood u socday saraakiisha warfaafinta u qaabilsan dhamman hay’adaha QM ee dalka k howlgala oo ay ku diyaarsanayeen qorshe sanadeedkooda. Wasiir Yarisow ayaa ku ammaanay hay’adaha QM doorkooda ku aadan inay caalamka u soo jeediyaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa iyo doorkooda adeegyada aasaasiga ah, kana codsaday in dhammaan adeegyada ay fuliyeen loo baahanyahay inay si dhow oo toos ah ugala shaqeeyaan hay’adaha Dowlada Federaalka ah si loo xoojiyo awooda dowlada Federaalka Soomaaliya. Ugu dabmeyn, Wasiir Yariisow ayaa ugu dambeyntii siiyay warbixin ku aadan horumarka warbaahinta dalka, qorsheyaasha iyo istraatejiyada Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka, kana codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Warfaafinta oo u xilsaaran horumarinta warbaahinta dalka. PUNTLAND POST The post INJ. YARIISOOW: QM waxaan ka codsanaynaa inay xoojiyaan Doorka Dowladnimo ee Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxwyenaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Shalay kulan xasaasi ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka, Ugaasyada, Salaadiinta iyo waxgaradka kasoo jeedo deegaanada Galmudug. Kulankaas oo uu qaban qaabadiisa lahaa Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa looga wadahadlay xiisadaha ka jira Galmudug iyo sidii Xal looga gaari lahaa. Madaxweynaha Galmudug oo halkaas khudbad ka jeediyey ayaa odayaasha ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii maamulkaas loo gaarsiin lahaa horumar isla markaasna laga shaqeyn lahaa sidii Ahlu Sunna loogu soo dari lahaa. ” Waxaan idinka codsanayaa inaad igala shaqeysaan sidii Maamulka Ahlu Sunna loogu soo dari lahaa Galmudug, markaasna waxaa noo fududaaneyso inaan xoreyno dhulka ay Shabaab naga heystaan” ayuu yiri Xaaf. ” Wixii hore ee dhacay xalay dhalay ayaan ka noqday, waxaana idiin ballan qaadayaa inaan ka shaqeeyo nabadeynta dadka Galmudug kasoo jeedo” ayuu sii raaciyey. Qaar ka tirsan odayaashii ka qeyb galay shirkaas ayaa sheegay in haddii la qaato talada madaxweyne Xaaf ay badbaadi doonaan dadka iyo deegaanada Galmudug. Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada
-
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya ayaa sheegay in uu bilowday dagaalka dowladiisa ay ku qaadayso dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab. Madaxweynaha oo Saraakiisha la hadlayay, ayaa u sheegay inay haystaan shacab diyaar u ah in ay kala qayb qaataan dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay inaanu fadhin u oolin. “Shacab wanaagsan oo baraarugay oo soo jeedo waad haysataan, oo idin daba taagan oo garab idin siinaya. Wax noo haray ma jiraan dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaalo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya. “Maskaxdii, aqoontii iyo khibraddii umadda ay sugeysay waa idinka, marar badana waa idin sheegay, hadana waan idinkugu celinaya, cid kale oo Somaliya u maqan ma jirto, aan idinka ahayn.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa bishii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-shabaab, kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho. Hoos ka Daawo Video-ka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland post The post Farmaajo:-“Fadhi Nooma Yaalo Inta Al-shabaab Dalkaan Ku Sugan Yihiin”, appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ka hadlay halka ay ka baxday lacagtii loogu tallo galay in maamulka uu ku dhiso Dekadda Magaalada Hobyo. Xaaf oo la hadlaayay xubno ka kala tirsan labadiisa Gole, ayaa sheegay inuu jiray dhaqaale ay ugu tallo galeen in dib loogu dayactiro Dekadda magaalada Hobyo, waxa uuna tilmaamay in lacagtaasi uu isku difaacay. Xaaf waxa uu tilmaamay inuu la kulmay caqabado Siyaasadeed oo lama dhaafan ah, si looga gudbo uu maciin biday inuu ku daweeyo dhaqaalahaasi oo dhamaa Hal milyan oo dollarka Mareykanka ah, sida uu hadalka u dhigay. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Runtii lacagtii loogu talo galay dhismaha Dekadda Hobyo ee halka Milyan aheyd waxa ay ku baxday difaaca dagaalkii nagula soo qaaday”. ”Waan ku qasbanaanay inaan bixino lacagtaas waayo waxaa nalagu soo qaaday dagaal qaawan oo jahwareer na galiyay muddo ku dhow bil” Hogaamiye Xaaf waxa uu intaa kadib sheegay in shaqsi ahaantiisa uu iminka diyaar u yahay keenista lacagtaas, si loo sii anbaqaado dhismaha Dekadda Hobyo. Dhinaca kale, Xaaf ayaa xubnaha labadiisa Gole ku wargaliyay inuusan aheyn sanduuq wax lagu keydsado, balse uu sheegi doono wax waliba oo lasoo gudboonaada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Saudi Arabia’s anti-corruption purge has widened after one of the country’s top businessmen was reportedly detained, accounts were frozen and a no-fly list was drawn up. On Monday, Nasser bin Aqeel al-Tayyar, a board member of Saudi Arabia’s biggest travel company, was reportedly added to the list of detainees, which already included some of the country’s most influential officials and entrepreneurs. Among those detained are 11 princes, four ministers and several former ministers, in what is seen as an unprecedented crackdown that has shaken the kingdom. The dramatic steps were the latest in a series of measures by Crown Prince Mohammed bin Salman to assert power over the country and its previous leaders. On Saturday, King Salman bin Abdulaziz Al Saud announced that his son, the crown prince, would oversee a newly formed anti-graft commission that would purge the country of corruption. In a statement via the Saudi Center for International Communication, Khalid bin Abdulmohsen Al-Mehaisen, president of the anti-corruption commission, said: “The evidence of transgressions and financial mismanagement uncovered recently points to widespread corruption in a number of cases. “The responsibility of the new anti-corruption committee is to ensure that investigations into those cases are completed, and that the full force of the law is applied,” Mehaisen said. Attorney General Sheikh Saud al-Mojeb said that the purge was only “phase one” and that detainees had been questioned. “Yesterday [Saturday] does not represent the start, but the completion of Phase One of our anti-corruption push,” Mojeb said, adding that investigations were done discreetly “in order to preserve the integrity of the legal proceedings and ensure there was no flight from justice”. Prince Alwaleed bin Talal, a billionaire businessman who owns investment firm Kingdom Holding was among those held, according to Reuters news agency, citing an unnamed senior official. The list of detainees also included senior ministers who were recently sacked, such as Prince Mitaab bin Abdullah, the head of the National Guard, and Adel Faqih, the economy minister. ‘No-fly list’ On Monday, stock in Al Tayyar Travel was down 10 percent in the opening minutes at Saudi Arabia’s stock index after media reported the detention of Tayyar. Meanwhile, Saudi banks reportedly started freezing bank accounts of the suspects. “The committee has the authority to reveal the bank details of the accused, freeze their assets and funds, and take other appropriate measures,” anti-corruption commission president, Mehaisen, said. “However, it will ensure that no wrongdoer is able to escape punishment, regardless of their position and status, while at the same time doing everything to protect the innocent. As Crown Prince Mohammed bin Salman has stated clearly, no one is above the law, and no one who is proven to have indulged in corruption will escape, not even a prince or a minister.” Pan-Arab daily Al-Asharq Al-Awsat reported that a no-fly list has been issued and that security forces in several Saudi airports were ordered to bar private jets owners from taking off without a permit. “Security members were seen in the lounges of private jets to monitor the situation and to make sure that no plane leaves the kingdom without a permit,” the newspaper reported, citing unnamed sources, adding that security personnel were given a list of specific names of individuals who should be prevented from leaving. The shake-up of the Saudi government comes just months after King Salman replaced his nephew Mohammed bin Nayef with his son Mohammed as the kingdom’s crown prince. Mohammed bin Salman has been responsible for pushing through a number of changes both at home and abroad since he became first in line to the Saudi crown. Source: – Aljazeera
-
The bombs won’t stop in the Somali capital, Mogadishu. As the country was still reeling from the shock and horror of the deadliest ever single bomb attack in Somalia’s capital on October 14, the terrorists struck again on October 28. The October 14 bombing was so bloody that, although Al Shabaab was widely seen as being responsible, it dared not claim it. This has led to the theory that the driver set off the bomb prematurely, and it was meant for a different target with a more “reasonable kill rate.” Al Shabaab, though, took full responsibility for the latest attack, which started after a suicide car bomber detonated an explosives-laden vehicle at the entrance gate of a Mogadishu hotel. Security forces ended a night-long siege that followed at a hotel by five terrorists, which left 23 people dead and more than 30 injured. For Al Shabaab, that number of casualties apparently is just about right. The response to the attacks has been firm. The US promised to up its support for the war against the militants. Uganda, which already has the largest number of troops in the African Union peacekeeping enterprise in Somalia, Amisom, reportedly offered an additional 5,000 men. There was, understandably, no talk of negotiations with Al Shabaab. The ironical thing about that is that the foot soldiers of Amisom and Al Shabaab, know better. While their presidents and generals talk tough, the “small” soldiers and militants have been doing business and talking. If it were left to them, they might already have clinched a political deal. For years, some Ugandan Amisom officers and soldiers have been doing business with the Shabaab, including selling them arms. A few have been arrested and tried back home in Uganda. However, it would have been also useful to ask them: “Okay, these Shabaab buddies of yours to whom you sell guns, why can’t you ask them what deal they are willing to take to end this war?” No one did. What a waste. A brilliant researcher on Somalia tells of what is happening today in some parts of the country. There are some Al Shabaab and Amisom roadblocks that are only a few kilometres apart. The soldiers on two sides have reached an understanding on how to tax goods. If a trader arrives with his truck at an Amisom roadblock first, he will pay the boys, say the equivalent of $50. The soldiers will shoot in the air in a coded pattern, to alert the Shabaab roadblock that they have already taken their cut. Shabaab then will know how much to extract. It will probably also take $50. If the goods truck arrives at an Al Shabaab roadblock first, the militants will take their bit, and shoot in the air to report to Amisom, who will know how much has been left for them. It’s totally mind-bending, and quite impressive. If you think coldly about it, there is a higher level of political consensus between elements in Amisom and Shabaab, than there is between incumbent politicians of the troop-contributing countries like Kenya, Uganda, Burundi – and the US – and their opposition parties back home! Amisom is a peacekeeping mission, and it has all it needs to make peace in Somalia. It’s just that for now it is using it for war-war not yaw-yaw. Charles Onyango-Obbo is publisher of data visualiser Africapaedia and Rogue Chiefs. Twitter@cobbo3 http://www.theeastafrican.co.ke/oped/comment/Negotiating-with-Al-Shabaab/434750-4176420-wxyni6/index.html
-
The United States embassy in Turkey has announced it will resume processing non-immigrant visas for Turkish nationals “on a limited basis”, after visa services were suspended last month. “We believe the security posture has improved sufficiently to allow for the resumption of limited visa services in Turkey,” the US Mission to Turkey said in a statement on its website on Monday. Non-immigrant visas – which include student, tourist, media and work visas – will be processed “on a limited basis”, the mission said. “A reduced number” of interviews will be scheduled to process the applications. In response, the Turkish embassy in Washington, DC, said it would also resume processing visa applications for US nationals “on a limited basis”. The moves come as Turkish Prime Minister Binali Yildirim is due to travel to the US to meet with US officials on Tuesday. He is expected to discuss the visa issue, as well as reiterate Turkey’s call for the extradition of Fethullah Gulen. Turkey blames Gulen, a US-based Muslim cleric, for orchestrating a failed coup attempt in July 2016. Gulen has denied the accusation. Tit-for-tat suspensions The US embassy suspended the issuance of non-immigrant visas in Turkey in October. The move came after a US consulate staff member in Istanbul was arrested for allegedly having ties to Gulen. In response, Turkey suspended its own non-immigrant visas for US nationals last month. “Recent events have forced the Turkish Government to reassess the commitment of the Government of the US to the security of the Turkish Mission facilities and personnel,” the Turkish embassy in Washington, DC, said at the time. On Monday, the US mission said the decision to resume issuing the visas cames after it “received initial high-level assurances” from the Turkish government that its local staff are not under investigation. It said it also received “initial assurances” from Ankara that its local staff would not be detained or arrested for performing their jobs. Ankara has also pledged to inform the US government should Turkey plan to detain or arrest any of the local staff in the future, the US mission said. Source: Aljazeera
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa lagu eedeeyay inuu musuqay dhaqaalihii ku jiray keydka maamulka. Xildhibaanada maamulka ayaa Shariif Xasan ku eedeeyay in dhaqaalahaasi uu ku bixiyay dano gaara, isla markaana aanu jirin cid uu uga faa’iideeyay. Cibaado Cabdi Cali oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo u warameysay idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in lacagtaasi uu ku weyn doono xilkiisa. Waxa ay tilmaantay in dhaqaalahaasi badankii uu maamulka kasoo galay dhanka canshuurta, balse loo bixiyay qaabab khaldan oo aanu ku jirin maslaxada maamulka, sida ay hadalka u dhigtay. Xildhibaanada waxa ay tilmaantay in aan waxba loogu qaban Canshuurahaasi shacabka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, xili ay sii kordheyso baahiyaha ka jira deegaanada maamulka. Sidoo kale, Xil. Cibaado Cabdi Cali ayaa carab dhawday in Mooshinka ujeedkiisa ugu weyn uu yahay mid looga jawaabayo musuqa iyo ku tagri falka Hantida maamulka. Haddalka Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaaya xili deegaanada maamulka aad looga hadal hayo Mooshinka iyo eedeymaha ka dhanka ah Shariif Xasan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa qiratay in weerar ay kusoo qaaden maleeshiyaadka Alshabaab looga dilay ciidamo ka tirsan Booliska. Waxa ay Kenya sheegtay in ciidamadaasi la dilay xili ay galbinayeen gaadiid Samafal oo maraayay xadka kala beyra Somalia iyo Kenya. Ciidamada laga dilay ayey ku sheegtay inay yihiin 12 Askari oo mar qura ku baxay gacanta maleeshiyaadka Al-shabaab. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay iska caabiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee soo weeraray balse laga dilay 12 Askari. Sargaal u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay Amaanka xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya si aysan u soo noqon weerarada joogtada ah ay Al-shabab ka soo qaadayaan dhinaca xadka Soomaaliya. Xadka kala qeybiya Somalia iyo Kenya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro lid ku ah ciidamada Kenya ee isticmaala xadka. Alshabaab ayaa horay u sheegay inay kordhin doonaan weerarada ay ku qaadayaan ciidamada Kenya, ee u kala goosha Somalia iyo Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qahira (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qeyb galay shirka Dhalinyarada adduunka, ayaa maanta magaalada Sharm al-Sheikh ee dalka Masar uga qeyb galay dhowr doodood oo lagu falan-qeynayey caqabadaha haysta dhalinyarada adduunka iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa fikradaha xagjirnimada ah. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada dhanka xagjirnimada ah ee haysta dhalinta Soomaaliyeed. Waxuuna ka mahadceliyey dadaalka la geliyey sidii xal loogu heli lahaa aafada xagjirnimada iyo muhiimadda ay leedahay abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada la siiyo. “Shirkani wuxuu muujinayaa in dhallinyaradu ay awood u leeyihiin inay billaabaan isbaddal waxtar leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhalinyarada Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed inay taageeraan horumarka iyo Nabadda, kuna gacan seyraan afkaarta xambaarsan xagjirnimada”. Ayuu ku yiri R/Wasaare ku xigeenka dalka. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa u xaqiijiyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka go’an tahay dawladda taageerista dhallinyarada. “Waxaan diyaar u nahay caawinta dhallinyarada annagoo siineyna waxbarasho wanaagsan iyo fursado shaqo oo uga maarmaan kooxaha Argagixisada. Waxaan ayaga ugu baaqayaa inay taageeraan nabadda iyo isku soo dhaweynta bulshada” ayuu yiri. ”Somalia wey ka fiirsan doontaa in dhalinyaradeeda ay galaan argagixisada intaa ha nagu filnaato” Shirka Dhallinyarada Adduunka oo ujeedkiisu yahay helitaanka nabadda, barwaaqada, isdhexgalka iyo horumarka adduunka oo dhan ayaa la qabtaa sanadkiiba mar, waxana sanadkan ka qeyb galaya 3,200 qof oo ka kala socda 113 waddan oo ay weheliyaan Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Chad, Ra’iisul Wasaaraha Equatorial Gunnie iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan ku dhawaaqay inuu xilkii iska Casilay Wasiirkii hore ee Gaashandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed markaas oo ay golaha wasiirada ku sheegeen sababta uu isku casilay inay aheyd arrin shakhsi ah. Tan iyo markaas waxaa soo baxayey warar kala duwan oo ku saabsan sababta keentay inuu is casilo, iyadoo xilligaas ay wararka qaar sheegayeen inuu doonayo booska Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku dhagan yihiin Xildhibaan badan oo doonayo inay ka qaadaan xilka Madaxweynimo ee Koonfur Galbeed. Haddaba xogta ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeyso in is casilaaddii Wasiir Cabdirashiid ay timaaday kadib markii uu sidaas ku amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka soo baxayo ayaa sheegayo in Wasiirka Gaashaandhigga lagu helay musuq maasuq ku aadan inuu Kharashaad dheeraad ah saartay Saanad loo iibiyey Ciidamada Militariga. Arrinta uu ku kacay wasiirka ayaa la sheegay in laga helay Caddeyno iyo marqaati isla markaasna uu arrintaas ka xumaaday Madaxweyne Farmaajo oo si deg deg ah ugu amray inuu isaga dago xilkaas . Arrintaas ayaa waxaa ka dhalatay muran fara badan oo dhex maray madaxda ugu sareyso dalka iyo Wasiirka is casilay, waxaana ugu dambeyn loo sheegay inuu is casilo ama la casilo. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isku dayey inuu dhex dhexaadin sameeyo balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuu Wasiirka isaga tago shaqada maadaama uu ku kacay Musuq maasuq cad oo loo hayo Caddeymo. Ugu Dambeyntii Wasiirkii Gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib markii uu Ra’isulwasaaraha u geeyey Waraaqdii is casilaada kadibna waxaa arrintaas aqbalay oo soo dhaweeyey Golaha Wasiirada. Wasiirka is casilay ayaa sabab u dhigay is casilaadiisa inay jiraan arrimo Shakhsi ah si aysan arrintaan u ogaan saxaafadda iyo shacabka, wuxuuna markaas kadib kulan xasaasi ah la qaatay Xildhibaanada kasoo jeedo deegaanada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa codsaday in gabi ahaanba Gobolada iyo degmooyinka maamulkaas hoos taga laga jaro internet-ka maalmaha lagu guda jiro codaynta iyo tirinta doorashada. “Guddiga ayaa codsaday in internet-ka la jaro, iyagoo ka walaacsan xaalada dalka iyo qaabka wax u dhici karaan, runtii waa markii ugu horaysa saddex murashax oo saamaynta intaas le’eg ku leh bulshada Somaliland ay tartamaan taas ayaa walaaca keentay, ciidamada heegan ayaa la galiyay,” sidaas waxaa yiri qof xog ogaal ah oo magaciisa codsaday inaan la shaacin. Shirkadaha Internet-ka bixiya iyo qaybaha ay khusayso ayaa la qaatay go’aankan kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Somaliland. “Waan qaadanay go’aanka Guddiga iyo tala soo jeedinta ay sameeyeen, waxaan sugaynaa marka ay noo soo diraan Email oo ay dhahaan jara internet-ka,” sidaas waxaa yiri mid kamid ah maamulka shirakaadka bixiya adeegaas oo ku sugan Hargaysa. Xogta ayaa intaas ku daraysa in qorshahan uu bilaaban doono Isniinta soo socota 13 Novermber, waxayna ku egtahay 17 Isla bishaan. Muddo 4 cisho ah gabi ahaan lagama isticmaali doono deegaanada Somaliland wax internet ah, taasoo meesha ka saari doonta in la helo xogaha doorashada iyo qaabka wax u socdaan. Lama oga in qorshahan ay la qaadan doonaan axsaabta siyaasadda Somaliland. Waa markii ugu horaysay muddo intaas le’eg Internet-ku maqnaado Somaliland oo ka go’dey Soomaaliya inteeda kale 1991. Qorshahan waxaa dadka wax odorasa sabab uga dhigayaan loollanka murashaxiinta iyo taageerayaashooda oo maraya meeshii ugu sarraysay, waxaana tallaabada loo sameeyay iyadoo ay jirto Cabsi dhinaca amniga ah. Marka ay dhammaato tirirnta codadka ayaa la filayaa in la sii daayo Internet-ka. Lama oga xisbiga guulaysan doona, balse murashaxiinta madaxtooyada u tartamaya ayaa booqasho wali ku maraya gobollada Somaliland. Xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa in maalinta Khamiista uu sameeyo iso soo baxiisii ugu dambeeyay magalaada Hargeysa halka xisbiga Wadani tageerayaashiisu ka banaanbaxeen Ceerigaabo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Popular Contributors