Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    203,080
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Soomaali waxey aad ugu mashquulsantahay Khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe ee Madaxweyne Farmaajo iyo Baha DIRHAM (Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada). Xildhibaan Mudane Axmed Xaashi Maxamuud ayaa isagu ku tilmaamey Khilaafkani inuu yahay sida mid u dhaxeeya Aabo & Wiilashiisa. Daacadweyne waa ku waajib in uu gutto Mas’uuliyadda ka saran korinta, daryeelka, waxbarashada iyo barbaarinta Wiilashiisa, ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Xaashi oo ka mid ahaa Caqligii, Cududii iyo Laf Dhabartii uu ku taagnaa Ciidankii (Ciil Tire) ee gaadhka ka hayey Jiritaanka, Heybadda iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, intii aanuu bur-burin. Haatanna, Kuf & Kac uu Dalku galey dabadeed, Axmed Xaashi waa Xildhibaan Dareen iyo Wadaninimo leh kana tirsan Aqalka Sare si marka loo eegana, ugu hooseeya uguna tayada iyo saameynta yar Aqalada looga arimiyo Dalka Soomaaliya, wallow Ninka Gudoomiyaha u ah Aqalkani Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi uu ka mid yahey Ragga ugu cad-cad ee ugu Cadaaladda, Kartida, Runta, Wadaninimada iyo Geesinimada badan Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed waqtigan la joogo. “Mas’uul Dowladeed oo dhan baa wiil ah. Sidoo kale Muwaadin Soomaaliyeed oo dhamina waa wiil.” Qoraalkayganse, waxaa si gaar ah ugu eegayaa Wiilasha DIRHAM ka ku bahoobey lana baxay Baha DIRHAM iyagoo aaminsan in Danahoodu isku xidhanyihiin Aabahoodna (Dowladda Dhexe) uu ka hor imanayo Maslaxadooda gaarka ah. Xubnaha Baha DIRHAM waxaa ka mid ah, kunase koobneyn: Nacweyne Beenweyne Daalinweyne Eexweyne Faanweyne Dabinweyne Munaafaq Madoobe Ahmed Xaaf Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xubno kale oon halkan ku xusneyn oo ay ku jiraan xisbiyo. “Fiiro Gar Ah : 6 da Magac ee hore waxaan bixiyey Maqaal aan qorey 5 sano ku dhowaad horteed (Madaxweyne mise Waxkaleweyne) Farmaajo na isla Maqaalkaa waxan ugu bixiyey #Daacadweyne. Baha DIRHAM waxaa amakaag iyo yaab ku noqdey Dabeecadaha iyo isbedaladda cusub ee uu la soo baxey Aabahood laga bilaabo 08.Feb.2017 sida: Dabagalka, la xisaabtanka iyo Ilaalinta hantida Qaranka iyo Kaabayaashiisa dhaqaale. Ka hor taariikhdaa aan kor ku xusey waxey arki jireen Aabahood #Nacweyne iyo #Beenweyne oo labaduba la qasta, iyaguna dhinacooda Hantida Qaranka ka faganaya, Wiilashana la qaybsada Boobka iyo Boolida laga lunsado Shacabka Soomaaliyeed iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Gobolada ay Hogaamiyeyeesha u yihiin. Xildhibaan Axmed Xaashi inkastoon looga baran Cadaalad Darro, hadana sidii loo baahnaa ugama hadal Waajibaadka waalidnimo ee Wiilasha Baha DIRHAM ka saaranan Ixtiraamka, Qadarinta iyo ka Dambeynta Aabahood sida looga dambeeyo Aabo walba markey timaado Arrimaha Qoyska (Dowladda) gaar ahaan Arimaha Dibadda, Gaashaandhiga ilaha iyo Kaabayaasha Dhaqaale. Dhan kale oo ta Xildhibaanka ka duwan, hadaan aniga Axmed Qadhabo ahi ka eego, Dhal Baastani, wiilal khayr qaba ma aha eh waxaa ku waajib ah, oo Aabahoodna rabaa sida Aabo waliba jecelyahay in uu ka arko Wiilashiisa sidan: Wiilashiisa oo Baarri u noqda, Aabahoodna ka dambeeya, tallaabooyinka ay qaadayaan ee saameyn fog ku yeelankara Mustaqbalka Bahahooda (Maamulkooda) iyo guud ahaan Dalkana la wadaaga. Wiilashiisa oon dhaq-dhaqaaqoodu ka qarsooneyn iyo marba halkey marayaan, Cidey u tagayaan, waxay ugu tagayaan iyo Heshiisyada ay la galayaanba. Wiilasha baasi waa kuwo ku baratamaya Boobka Kaabayaasha Dhaqaale. Marka iyagoo ah Cadceed Casar liiq joogta ay Heshiisyo 30 Sanadood ah galayaan waxey boobayaani soo Dhaqaalihii Dalku Wada lahaa ma aha. Soo Mustaqbalkii Dhalinyarada iyo Jiilka iman doona ma aha. Dhaxalka ay inooga tagayaani soo dacwad iyo waxay lunsadeed daba orod iyo Maxkamad aan dhamaad laheyn Soomaaliya ha dhex taagnaato ma aha. Wiilashiisa oo hadey Maal gashi shisheeye Goboladooda la damcaan u mara qawaaniinta iyo shuruudaha Dastuurku qeexayo oo ay ka baaraandageen qodobadiisa Garyaqaano Soomaaliyeed oo khibrad gaar ah u leh Heshiisyada Maal gashi Heer Caalami. Heshiisyadaasoo noqda kuwo lawada ogyahay oo inta loo dhoofo Dalal shisheeye, aan hoos loola soo galin. Wiilashiisa oon Dariska iyo Dibadaha Dhubuq-dhubuqleyn Hantida ma Guuraanka ah ee Qarankanu wada leeyaheyna la suga inta umadda Soomaaliyeed ey ka wada dhaxeysaa wada jir u ansixinayaan Sharci iyo Qodobbo qeexaya waxa lawada leeyahay iyo waxa lakala leeyahay iyo siyaabaha wax loo wadaagayo. Wiilashiisa oo Xil iska saara horumarinta dhan kastaba Maamulada ama Bahaha ay iyagu Hogaankana u yihiin oon ku koobnaanin kaliya Maslaxadooda Gaarka ah. Wiilashiisa oo mid waliba u qalmo Xilka uu Bahadiisa u hayo, Aqoonteeda, Khibradeeda iyo Kartideedana leh. Wiilashiisa oo si Hufnaan, Cad-cadaan iyo Isla xisaabtan ku jiro u gutta Mas’uuliyadda ka saran ilaalinta iyo gudashada Waajibaadka Gobolada ay hogaaminayaan. Wiilashiisa oo qeyrkood dhinac ka raaca, kulana tartama kor u qaadida tayada Aqooneeed iyo Xirfadeed, Shaqo iyo Dhaqaale ee Dhalinyarada Mustaqbalka Bahahooda. Wiilashiisa oo isku duuban, Aabahoodna Garab iyo gaashaan u noqda oon Odeyga isku soo nacaseyn, iskuna dhererin ee Maqaamkooda ku ekaada. Wiilashiisa oon dhabar jabin iyo carqaladeyn ku noqon Dadaalka uu Aabahood ugu jiro dib u heshiisiinta, dib u dhiska iyo dib u nabadeynta Dalka guud ahaan. Wiilashiisa oon Xaafado kale lagu shirin, xoogaa Dirham ahna loogu soo qaybin, dabadeed laga dhigan Baqashii loo soo fuulayey la dagaalanka iyo ka hor tagga Dowladnimo ka hana qaada Dalkooda Hooyo. Waxaa la yidhi: Nin soori qaadey waa Nin Seefi qaadey Nasiib darro, taa badelkeeda waxaan arkayaa: Wiilal Xadhig lama sitaan ah. Wiilal ka dhacsan heerkii Abahood la doonayey oo ku mashquulsan kaliya, Danahooda Gaarka ah. Wiilal maslaxadooda uga faa’ideysanaya Nadaamkan Federaalka ah, oo marka la eego sababaha ay Wadamadu u doortaan ama u qaataan Federaalka, aan sinaba ugu habooneyn Dalkeenan Soomaaliya. Federaalka Soomaaliya dibadda looga keenay iyadoon lagala tashan waxna laga weydiin ilaa iyo maantana aan la ogeyn in Afti lagu yeeli doono iyo in la diidi doono. Federaalka wali Dastuurkiisii qabyada yahey ee habka iyo qodobada uu ku saleysanyahay ee Awood qaybsigu yihiin kuwa qalalaasaha siyaasadeed ee manta jira abuuraya. Federaal sibiq iyo si fudud inoo soo galay, duuduubna lagu liqsiiyey Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo u jeelanaa in maruun Madax baa tihiine, kacoo anagana noo hogaansama la yidhaa. Federaalka Soomaaliya ay durba ku hafatey een dareensanahay in aanuu waligii ka hirgali doonin. Federaalka Xuduudihii Dalku lahaa loo soo rarey Xaafadaha dhexdooda, si aan Khilaaf iyo Colaad Soomaaliyeed waligeed loo waayin. Federaalka u daneynaya Dowladaha Shisheeye iyo Dilaalada Soomaaliyeed ee isu bahaystay in ay ka faa’ideystaan Dastuurka Qabyada ah oo ay ku boobaan Hantida, Dhulka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Badda Soomaaliyeed. Federaalka loogu talo galay in ay Soomaali ku heshiiso in aaney waligood heshiinin. Federaalka ma dhaleyska ku ah Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Waxaa la yidhi : Jidwaaq meelna ma wada dagana, Warna iskuma seegana. Ma xog baa inagu seegan in Wiilashani aaney ahayn Wiilal khayr qaba. Ma xog baa inagu seegan In Daalinweyne oo la aaminsanyahay in uu horey u boobey Badaha Dalku uu maantana Danaha Kooxdan Baha DIRHAM u fadhiyo Dubey oo uu yahay ninka Wiilashan fasahaadiyey ee barey Shisheeye Jaceylka, dibad wareega Dakad Xaraashka iyo Dirhamka inkastoo qaarkood horeyba u fadareysnaayeen Dariskana Jaajuusiin & Dilaallo u ahaayeen. Ma xog baa inagu seegan in Wiilashani aaney Adoogood faro ugu jirin oo ayba iskala weynaadeen, maantana uu Munaafaq Madoobe Kismaayo ka abaabuley isbaheysi ay ku doonayaan in ay Awoodii Dowladda Dhexe ku wiiqaan. Ma xog baa inagu seegan in ay Dowladda dhexe ku hayaan Dhabar jabin Cadowgana u loogayaan iyagoo dareemay in Qaabka Shaqo, Hufnaanta, Isla-xisaabtanka, Hanti dhowrka iyo Cad-cadaanta uu la yimid Mudane Xasan Cali Khayre uu yahay mid ka hor imaanaya Danahoodii Gaarka ahaa iyo Afduubka xaaraanta ah ee ay ku heysteen Goboladda iyo Dowladda Dhexe lafteeda, ka hor 08.Feb,2017. Ma xog baa inagu seegan in ay Xaaraan Quutayaal yihiin, Dakadihii, Garoomadii, Xeebihii, Warshadihii iyo Beerihii Dalku lahaa dibadaha la wareegayaan iyagoo Dowlado iyo Shakhsiyaad dano guracan oo fog ka lihi ay kaga doorsanayaan xoogaa Dirhamka nacaseeyey ah. Ma xog baa inagu seegan xoolaha ay Dalalka Soomaaliya u diidan Nabadda iyo Horumarka ay magacyada Gobolada kaga soo qaataan in uu jeebkooda ku uruuru, maalinkey maqlaan Aabahood inuu shilin meel ka soo galeyna, ay Gaawaha soo culanayaan si ay u carqaladeeyaan Qorshaha Dowladda ee Horumarka Dalka. Ma xog baa inagu seegan Heshiisyada 30 ka sanadood ah ee Cadowgu u fududeynayo ee ay la galayaan Dalalka shisheeye in ay yihiin kuwo ay ku boobayaan Kaabayaashii Dhaqaale ee Dalka iyo Dadkiisu wada lahaayeen, walina ay hortaaganyihiin dhameystirka Sharciga khuseeya Khayraadka iyo Kaabayaasha dhaqaalaha iyo qeybsigooda. Ma xog baa inagu seegan Magacood ha ba’ee in Wiilashani Yahaabur yihiin, Horumarka Dalku ku talaabsan lahaa xag walbana ay lugta hayaan. Waa kuwo Dirham, Shilin, Birr iyo malafsi bartey, Waa hore faraha ka baxay, waliba qaarkood Gadh inoo deysteen oo Wadaado isaga keen dhigayaan mid walibana doonayo inuu Soof (Lacag) iyo Suu inagu sii hogaamiyo. Ma Wiilal baa, meelo Durugsanba Balag looga lulayaaye Bal ila eega waa kuwan qaarkood eh: Eexweyne: Waa Ninka Wiilasha u weyn ama Curadka ah. Wuxuu noqdey Caasi. Isagu Aabihiiba ma ictiraafsana, isagana cidi ma ictiraafsana. Wuxuu Aabihii kula doodayaa, imabaad dhalin. Anigoo Ninweyn ah baan kuu imid, Hadana waan kaa noqdey. Reer aan Sharci ku saleysneyn ayuu goonidiisa u yagleeshey. Caalamkuse wali waa la wada yaabanyahey, Cid Caasinimada Aabihii ugu garowda oo ictiraaftana wali muu arag. Xagga wax qabadka iyo Maamulka waa bahda loogu qaatey, waxaase xagaldaacinaya oo dib u riixaya Wiilal ku hoos naban oo iyaguna Baha Dirham ah. Waxaa la yidhi: Nabsi bil ha jiro boqolse ha jiro, isha baalkeeda ka dhow. Dhibkii & Jabhadeyntii uu Aabihii ku hayey ayaa isagana hadda lagu hayaa. Meel markuu moosaba, Mid Maansoor soo seexiyaba, dhinac kalaa Mowjadi kaga furmeysaa. Aabihii hadda Yahaabur buu xero ugu jiraa oo xag-xaganaya. Meel uu ugu noqdaaye ma jirto. Aabihiina filimaayo inuu hadda leeyahay ii soo noqo, waase in aanuu ka fogaanin, gacantana hiil iyo hooba ka laaban ileyn waa Curadkiisiiye. ilaa uu ka raaligaliyo oo uu Caasinimada ka toobad keenana lagama yaabo in uu wuxuu jecelyahay helo. Faanweyne: Markuu Warbaahinta hor yimaad, Caqligii iyo Tacliintii uu soo baratay baan is weydiiyaa meeshuu kaga yimid. War Sow taad Macalin Ardey wax bara ahayd. Ma waxan aad hadda nagu heysaad Ardeydana ku heysay. Wax la taabto Gobolka ka qabatay. Qardhadii Qaaliga aheyd, Dhakhtar Dadka lagu daweeyo in aad dhagax dhigtey warkeedu igu soo dhibic. Go’anaheyne, markase aad hadleyso waa yaabe, Caqliga iyo Cilmiga ma Flash Memmory baad ku soo shubataa. Soo adigan la moodo in aanad alifna baran. Soo adigan hor boodaya kuwaan filaayey in aad u caqli celiso. Soo adigan ka daray kuwaad shaley ku faaneysay, Aalkoliistayaal bey ahaayeene, anigaa Bahdeyda badbaadinaya. Soo adigan bahdii sii kala firdhinaya. Soo adigan Aabahaa (Madaxweynaha Dalka) is moodey sidiisana u hadlaya. Dhaqaaleyahnakow, marka aad leedahay Aabahay Reerkuba gacan uguma jiro, oo aniga iyo Walaaladey baa ka arimiya, soo ma ogid in la yidhi: Nin waliba inta uu cuno ayuu ciidamiyaa. Nidaamka Federaalka hadii la raaco sida aad sheeganeyso waa in adiga iyo Baha Dirham aad taageero dhaqaale siisaan Aabihiin, halka aad gacmaha isaga u hoorsaneysaan. Dhaqaaleyahnakow waa in aad fahamtaa Cadowga qorsheystay in boqolaal sano oo soo socda ay Dalkaaga madaxbanaanidiisa iyo dhaqaalihiisaba madaxa kaga taagnaadaan adigana kuu soo maraan. Cidi kaama aqoon badnee ilaahey ha ku tuso Nimcada iyo Khayraadka dhex jiifa Dalkaaga ee ku filan adiga iyo inta kula leh ba. War waxaan ogahay Shacabka Puntlandow miyeydaan ogeyn. War Dal Shisheeye wax uu kaa qabsado mooyee in aanuu waxba kuu qabaneyn maslaxad la’aan miyeydaan ogeyn. Daalinweyne Dakanuu tirsanayaaye Dirhamka uu Wiilka barey in uu Dalka iyo Danta guudba u daranyahay miyeydaan ogeyn. Abkoy Dooli dilow, Dad nool maas u daahaa. Daalinweyne oo biyihii Badda fuuqsadey in aanuu Barri iyo Boosaaso u daaheyn miyeydaan ogeyn. Dakadii Berbera Eexweyne oon ogeyn in Wiilal baasi Dubey Dirham kaga doorsadeen maantana ay xidhantahay miyeydaan ogeyn. Muraadka Dirhamka loo bixinayo miyeydaan ogeyn. In lagugu duleysanayo marka dhaxalkii Dhalaanka soo kacaya aad wareejisaan miyeydaan ogeyn. In Dalkeenu dib Cagahiisa isugu taago oo dunida doorkuu ku lahaa dib ugu laabto in la inoo diidanyahay miyeydaan ogeyn. Ahmed Xaaf Warqadiisa oo madhan baan bixinayaa. Ha la iga raali noqdo. Meel aan ku qoro oo qaadda ma hayo. Shacabka GalMudug siiba Dhalinyarada waan u duceynayaa. Mohamed Waare Galinba muu joogin gurigii Gobolka looga ariminayey. Wali mabuu nasan, markuu la kowsadey Gogol baastii #Munaafaq Madoobe ee kismaayo. Waxaan leehay #Waarow waari meyside, War ha kaa hadho. Nin weyn korkiisu waa wada indho eh, Gogol baasta aad ku fadhiisatey kismaayo iska hurguf. Wiil baari ah oo Waalid adeec ah Abihiina garab u noqda ahow. Wiilasha xun-xun ka hadh oo ha raacin, ha la fadhiisan waxna ha la cunin yaan lagu fasahaadin oon Shiishadda iyo Dirhamka lagu barin ee is ilaali ilaahey ha ku ilaaliyee. Ogow Waarow Bahda aad Hogaamiyaha u tahay ayaa maanta ugu yar Qoyska, marka laga reebo Walaal Banaadir oo filayo in shinkeedii dhamaadey, Ilaahey ha nabad keenee. Guud ahaan Dalku Nabad, Nolol iyo wax qabad buu kaa sugayaa. War Waaroooooow Dubey iyo Dariskaan kaaga digayaaye, ka feejignow garabkaaga ilaahey ha galee. Dabinweyne Munaafik ma eh Beenlow ma eh Balantii usi gali ma ka bahow Dabinweyne isagoo yar buu Afawarke gardaadiyey. Nakfa lagu ababiyey oo ruugi yaqaanaa.Dirhamka sida loo xoogsado awalba waa yaqaaney oo Ganacsatuu ka ahaa Dubey. Cilmigu ha ii dambeeyee Caqli buu leeyahay. Aabo #Daacadweyne iyo Baha Dirham labaduba Duruustiisa Siyaasadeed Dabinba ha u badnaadeene kama maarmaan. Dabinku difaaca Cadowgana waxbuu kaa taraa ee taa hala ogaado. Haduuba xanuunka manta lagu hayo ka kaco, rajuu leeyahey. Dhaqan celin yar buu u baahanyahay iyo balaayaduu ku Shubey Wiilal Bi’iyeh Daalinweyne oo laga shubo. Munaafaq Madoobe Reer Soomaaliyeed (Salaan Sare Asxaabteyda Reerkaa, dhamaantiin) oo lagu tilmaamo in ay yihiin Reer aad u Niyad wanaagsan oo u Qalbi furan, ayey Dhalinyaro ka mid ahi isla garteen in Munaafaqnimadu aaney ahayn wax Bulshada dhexdeeda ku wanaagsan, waajibna ay tahay in talaabo laga qaado sidii looga hortagi lahaa. Waxey go’aansadeen in kuwa reerkooda ah ey garanayaan ay Bulshada ka dhex qabtaan. Mid dhalintii ka mid ahaa ayaa gacanta taagey oo yidhi: Ninba Ninkuu ku bartey Munaafaqnimada ha ka bilaabee aniga Hebel Hebel iga qora. Jubbaland waxay gacanta u gashey Nin waxa uu ku hadlayo iyo waxa uu ku kacayaa kala duwanyihiin. Ninba Ninkuu ku bartey ha ka bilaabee, anigana Munaafaq Madoobe iga qora. Wuxuu soo kala badalay Shaadhadhka, Itixaad, Maxaakiim, Xisbul Islaam, Shabaab, Raas Kaambooni, Dowladda Soomaaliya, Taajir Dhuxuleed iyo Dillaal Shisheeye oo uu hadda marayo. Geed dheer iyo mid gaabanba wuxuu u fuuley oo Dhiig badan oo sokeeye Soomaaliyeed ah, oon cid kale laheyn u daadiyey in mar uun la yidhaa Madaxweyne. Dibad iyo gudahaba loolankii Siyaasadeed ee uu ku yimid Hogaaminta Jubbaland, khayr qabaan moodayoo waan ka qayb qaatey aniga oo Qoraalo iyo Talooyinba ugu hiiliyey. Marxalad kastabase waxaan ka qabey tuhun weyn markaan arkey sida deg-dega ah ee uu isu badbadalayo. Markaan arkay marba geed ku xoqod kiisa, is dhuf-dhufadkiisa, hadba dhinac u boodkiisa, Waji badalkiisa – Mar Caseyntiisa, Mar Cadeyntiisa iyo Mar Madoobeyntiisa ayaan yaqiinsadey in aan wax khayr lihi ka soo socon Munaafaq Madoobe. Waxaan ogadey In Gadhku gadhkaan moodey aheyn. In Hadalkiisa macaani aanuu dibnihiisa dhaafsiisneyn, waxba kama jiraana yahey. Shacabka Jubbaland Cadaalad, Sinaan, Amaano Dhowr, Dib u heshiisiin iyo Waxqabad dhan kastaba ah ayey u baahan yihiin. Daacadnimo, Niyad wanaag iyo Dhe-dhexaadnimo, Tabari waa halkeedee lagu hogaamiyey u baahanyihiin. Shacabka Jubbaland waxay wada arkeen, Dareemen Dha-dhamiyeen in Hogaamiye Madoobe, Munaafaq yahay. Afkiisa, Uurkiisa iyo Ficilkiisu 3 kala duwan yihiin. Shacabka Jubbaland wey wada arkaan in Maamulkiisu yahay mid ma dhaleys ah oon Magaalada Kismaayo dhinacna u Dhaafsiisneyn. Maamul Wasaaradihiisa iyo Laamihiisa kala duwan mid qudha oo ka shaqeysaa aaney jirin, inta isaga ilaalisa mooyee. Maamul uu madoobe ku boobayo Hantidii Qaranka, tii Dadweynaha kulana wareegey Kaabayaashii dhaqaale ee Gobolka ee lawada lahaa. Maamul ku mashquulsan kala fogeynta Shacabka Sharafta leh ee Jubbanad oo Marba geed ugu soo gabada kala irdheynta iyo argagaxinta Shacabka sida Magacyada Daarood, Kablalax haatan iyo kowna Kuumade. Maamul fadhiid ah oo halkii aanu kaga ridney Nacweyne Xasan Sheekh talaabo dhaafi kari waayey. Maamul Shacabkiisii diidey oo dareemey Cadaalad daradiisa, Wax qabad la’aantiisa iyo Dib u dhaca uu u horseedey Jubbaland guud ahaan sida, Caafimaadka, Waxbarashada, Howlaha Guud iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha. Munaafaq Madoobe marka uu hadlayo ee uu Muwaadinka matalayo waxaa hadaladiisa ka mid ah: Aynu Gobolada wax ka qabano oo hoosta wax ka soo dhisno. Yeynaan cidna isula tagin, aynu inagu heshiino. Lama arag wax madoobe dhisay wuxuu salka ka ridey mooyee. Lama arag Shisheeye Madoobe ka fogaadey kuwo uu difaaco xasuuqey Shacabka ku hayaan iyo kuwo uu dilaalo mooyee. Madoobe cid uu kala fogeeyo waa la arkey. Cid uu xabadeeyo waa la arkey. Walise lama hayo cid uu heshiisiiyey iyo cid uu xanaaneeyey aan ka aheyn inta yar ee uu danahiisa ku fushado. Madoobe falkii foosha xumaa ee dayuuradaha Kenya ku xasuuqeen Shacabkii Soomaaliyeed ee Jubbaland ayuu xaqoodii duudsiyey oo uu ku sheegay in ay yihiin Shabaabka uu isagu hubeeyo. Madoobe wuxuu gacan saar la leeyahey Ururka Shabaab. Wuxuu afka ka yidhaahdaa aan la dagaalano, aan barri ku duulno, tallaabo in dhankooda loo qaadana Madoobe ma ogola oo isagaa ka hor taagan Raggii Dhulka ka xoreyn lahaa. Soomaali oo dhami waxey wada yaqiinsadeen oo hadda Daalac Yaa Shamis ah inuu Munaafaq Madoobe isagoo Cimri dherer ka dhiganaya dano gaar ahna ka leh uu yahay Ninka hortaagan in Shabaab lala dagaalamo iyo in Dhulka Jubbaland oo ay 90% gacanta ku hayaan laga xoreeyo. Mar la weydiyey Madoobe su’aasha ah: Maxaad war baahinta horteeda uga tidhaahdaa Meel heblaan u hub uruursaneynaa oo shabaab baan ku duuleynaa. Soo Dagaalku Xeelad, Gaadmo iyo Kadis ma aha. Wuxuu ku jawaabo ayuu garan waayey. Dabadeedna wuxuu si Munaafaqad leh u yidhi: Wixii hore waa laga ilbaxay oo hadda Dagaalka Casriga ah waa la isu sii sheegaa. Jawaabtaa uu bixiyey faaladeeda meel aan ku qoro oo qaadeysa anigu ma hayo. Shacabka Soomaaliyeed baan u deynayaa. Madoobe, isagaa gudoomeye Baarlamaan ah. Isagaa Wasiir ah. Isagaa Agaasime ah. Isagaa Mareeye ah. Isagaa Taliye Ciidan iyo Abaan duule ah. Isagaa Lacag aruuriye ah, Isagaana qeybiye ah. Isagaa Jubbaland wax walba isu ah. Gobol Ba’ow yaa ku leh Dadkiisii tolow meeye. Malakul Mowtka ayaa isa soo dul taagey Nin ay qorneyd in uu Nafta ka qaado Diqiiqado gudahood. Wuxuu u yimid Ninkii oo la gorgortamaya Kabo tole uu Saan u dhiibtey. Wuxuu leeyahay Kabatolow, hadana labo kabood iiga tol. Sanadka dambe markey kuwaase iga dhamaadaana, labo kalaad ii toli doontaa. Ninkii isagoo wali badhtamaha Qorshihiisii Aduun iyo Gorgortankii kaga jira ayuu Malagii oo aad ulayaabanaa nafta ka qaadey. Munaafaq Madoobe Birtii iyo Shilinkii ayuu Dirham na ku darsadey. Wuxuuba taaga qorsheynayaa Kaabayaasha dhaqaale ee markoodii horeba kalidii u irmaanaa in uu hadana Dalal shisheeye kula Heshiisyo kana kireeyo 30 sanadood sida Baha Dirhamka kale. Shacabka Jubbaland oo ah Malakul Mowtkii isaga ka takhalusi lahaana wey fahmeen maanta waxa uu yahay weyna arkayaaan weyna ka go’antahay in ay iska qabtaan. Waxaa la yidhi: Guumeystu jirka haya kama oydee, ka soo socdey ka oydaa Nin weyni wedkii waa yaqaanaa. Munaafaq Madoobe Khilaafka Khaliijka isbaheysi uma sameysane wuxuu dareemey in aabihii is badaley wixii ka dambeeyey 08.Feb.2017. Wixii taariikhdaa ka horeeyey Aabihii Nacweyne Xasan Sheek hantida Dalka iyo Kaabayaashiisa Dhaqaale xil iska saari jirini. Beeso gurubsi ayuu ku mashquulsanaa isagoo muraadkiisu ahaa in uu doorashadii 08.Feb.2017 dib ugu guuleysto. Shacabka Soomaaliyeedna sidii Malakul Mowtkii waa dul taagnaayeen oo waa kuwii ka takhalusey kuna badaley Daacadweyne Farmaajo. Maanta Madoobe Wuxuu dareemay in la isu soo dhigtay gees walba, dhanka dowladda dhexe iyo dhanka Shacbka Jubbaland oo dareensan in Maamulka Madoobe waqti badan ka lumiyey ayna u baahanyihiin Hogaan cusub, Isla-xisaabtan & Ca-dcadaan, Horumar iyo Shabaab oo la iska xoreeyo. Daacadweyne Farmaajo Xidig baad tahay Soomaali dooratey. Adiguna waxaad soo xushay ood magacowdey Dayax kaa nuur badan Mudane Xasan Cali Khayre. Cadow badan baa doonaya in ay Dayaxa hadheeyaan oo ay ku noqdaan waxa afka qalaad lagu yidhaa Moon Eclipse. Waan arkaa kuwo baas oo Baha Dirham la yidhaa in ay idinka didsanyihiin hadaad tihiin Dowladda dhexe. Waxaan arkayaa iyagoo danahoodii gaarka u ahaa iyo waxay uga barteen Kuwii idinka Horeeyey idinka dhex waayey oo geeska fiidiisa idinkula jira. Waxaa la yidha: Haanta iyo Hadhuubkeedu, adigaa u san iyo adigaa u san, bey subaga ku dhalaan. Hagaajiya Calaaqaadka wada shaqeyn ee idinka dhaxeeya idinka iyo Hogaamiye Goboleedyada Dalka. Dadkoodaa arkey Ninwalba in uu ku mashquulsanyahay danihiisa gaarka ah oo iska dul qaadi doonee, yaaney idin eersan. Nin baa isagoo tunka ku sida Walaalkii uu jeclaa oo meyd ah la turunturoodey, markuu meydkii ka dhacay ayuu yidhi: Tolaa’aye haduu sii go’ay. War inaad habaar qabtaan maxaa Qalbi Dhagax idiin geeyey waa keydun Shacabka ku kala dhimateene. Maxaydunse waxaan ogaa eenan afkeyga soo marin Karin uga daba tidhaahdeen, waa teydun ku sii go’deene. Waxaan arkayaa talaabooyin aad qaadeysaan ood Shacabka kaga fogaaneysaan, geeska hadda fiida idinkula jirana fududeynaya in uu idinku libdho sida talaabadan aad ku dhiibteen Mudane Qalbi Dhagax Waxa aan waraabaha yurta idiinka hayaa ma aha wanaag iyo kalsooni la taaban karo ood abuurteen ee waa Daacadnimo iyo Hantida Qaranka oon dareensanahay in ay idinka nabdgaleyso shisheeyana aydaan Dalkiina u loogeynin sida kuwii baasaa ee idinka horeeyey ee Nacweyne & Beenweyne. Waa Dadaal aad dadaaleysaan, tabari meel ay idin dhigtoba iyo wax idin dhaama oon Shacabka Soomaaliyeed soo marin mudooyinka dambe. Dadka wixii wax garad ah wax weydiiya. Ha ka cararina. La tashiyada iyo ka fiirsashadana badiya Fariintayda Digniinta ah een gudbinayaa waxay tahay: Shacabka Soomaaliyeedow kaca oo ka hortaga baha dirham. Yaan laga yeelin Baha DIRHAM iyo Dowladaha ku daneysanaya in ay Isbaaro u dhigtaan Masiirka Dalka Soomaaliyeed iyo Kaabayaashiisa Dhaqaale. Yaan laga yeelin in ay dibadaha suqdheeyaan oy Dilaalada Caalamka suuqyada ku cidhiidhyaan iyagoo Madaxweynayaal Sheeganaya. Yaan laga yeelin in ay Dhalinyarada Soomaaliyeed ka dhigaan kuwo loo sii gumeeyey Dhalinyarada Dalalka aynu Dariska nahay iyo kuwa Carabta u soo kacaya. Yaan laga yeelin in ay sii sariftaan Mustaqbalka Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Jiilka dambe ee Dalkan inaga dhaxli doona. Yaan laga yeelin in ay bar-bar yaacaan Madaxda Mas’uulka ka ah Dalkan iyo Dadkiisa ee ay Wakiilada Shacabka Soomaaliyeed doorteen. Yaan laga yeelin in ay Baha DIRHAM dib u eegis ku sameeyso Dastuurka Dalka si ay u fududaystaan in Dalkan ay Dhaxal wareejiyaan. Baha Dirham Masiirka Dalka ee ay aqlabiyada ka yihiin ha laga kaco oo yaan la daawanin intayna ina Dal wareejin. Masiirka Dalka iyo Mustaqbalkiisa ka hadalkiisu waa arin xasaasi ah feejignaan bandanna inooga wada baahan ee intey goori goor tahay ha la badhxo baha Dirham iyo inta manta Shirka kula jirta oo ha la balaadhiyo Golaha wada tashiga ee loo sameystay in Dalkan lagu wareejiyo. Digniin ha inoogu filaato Falkii Foosha xumaa ee ay ka dambeeyeen #Daalinweyne, Beenweyne iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee aynu ilaa maalinkaa manta ah daba ordeyno qeyb ka mid ah Badeena oo ay Nimankaasi Shilin ku doorsadeen. Qolada Xamar manta ku shirsan ee uu imaamka u yahay Munaafaq Madoobe hadii Masiirka Dalka lagu Aamino sidey rabaan, walee Dalkoo dhan beynu in badan daba ordi doonaa Maxkamadda Hayg dhexdeeda. Halagu daro Aqoonyahano khibrad gaar ah u leh Taariikhda, Sharciga iyo Qawaaniinta Caalamka iyo culimada ilaahey inagu maneystey xubno ka mid ah iyo Ninba kuu ku bartey buu ku bilaabaaye Moxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Xaashi Cabdilaahi Hadaan Ragga sheeganaya Madashaa wada tashiga aan la badhxin inta la balaadhiyo Dalkeena Soomaaliya waa GOBLAN WIILAL LEH ee dadyahow taa ha la iga qoro. Hadaan Mowdku waa ma naxee ina kala musaafurin, Mowqif kaad iiga barateen, Mowduucyo Muhiim ah iyo Maqaalo dhaadheer baa inoo muddo ah. Mahadsanidin; W/Q: Ahmed Qadhabo E-mal: ahmedqadhabo@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Madaxda dowlad goboleedyada waa niman sita doorbin oo u jeeda wax aad u kooban oo ah inta ay ka arkaan doorbinka, markaasey rabaan in dalka iyo dadka lagu dhaqo xoogaaga ay arkaan oo aad u kooban…ninki aragtidooda ka soo horjeestana waa cadawga ummadda.. Madaxdaan gobollada waxaa la rabaa inay ka jawaabaan su’aalahaan soo socda: Waa kee cadawga Somaliya sideena lagu garan karaa? Ninki cadawgaaga hubeeya saaxiib ma ka dhiga kartaa? Saaxiibka cadawgaaga adiga moxow kuu yahay? Saaxibka ku taageera oo ku taakuleeya ninki la collooba moxow kuu yahay? Nassib darrada na heysata waa Madaxda gobollada ka taliya ee danahooda ugu waaweyn ay yihiin inay jeebka wax ku shubtaan kaddibna isaga baqoolaan dalkaan sii dumaaya maadaama ay inta jagooyinka ka heysa dowlad goboleedyada boqolkiiba sideetan (80%) waa dad qurbaha ka yimid wax ummaadaan dan u ahna aysan marna ka fikirin. Waxay isu arkeen inay yihiin madaxda dalkaan ka taliya sidi uu ku dhawaqaqay boqorkii Fransiiska ee la dhihi jiray Louis XIV laasoo yiri ”I AM THE STATE” dowladda waa aniga, tasuu ula jeeday inuu yahay qofka ay wax kasta ka go’aan, awooda oo dhanna ay gacantiisa ku jirto. Waxaan taa xaqiijiyay C/weli Gaas oo yiri dowladdy waa annaga, Shariif Xasan waa yiri ”HAWADA AYAAN KA TALINAA, DHULKANA SHABAAB”, taasoo micnahedu yahay inaysan jirin dowlad ay aqoonsan yihiin sida la soo faray markey tageen Imaaraatka. Madaxda gobollada waxay isu heystaan inay yihiin tiirarka ay dowladdu ku taagan tahay waayoo waxay xukuumadi ku khasbayaan inay khilaafka ka jira Khaliijka dhinac raacdo dhinacaas oo ah kan iyaga soo kireystay kaddib markuu nin waliba soo siiyay xoogaa gacan qabsi ah si ay dowladda ugu khasbaan inay raacdo dhinaca Imaaraatka. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in iyaga iyo Shabaab ay hal naas wada nuugaan wax dan ah ay ummadda u haauyaana aysan jirin. Waa niman dalka iyo dadka ay beec u yihiin diyaarna u ah inay dhaafsadaan xoogaa laaluush ah oo aad u yar marka loo qiyaaso badeecada ay wareejiyaan oo ah dal dhan danihiis iyo ummadda ku nool. Madaxdaan gobollada doorbinka ay sitaan waxaa u muuqda DOOLAR kaliya wax kalena ma arkaan. Haddaba, haddii ay sii jiraan oo aan wax laga beddelin siyaasadda dowladda waxaa hubaal ah in Somaliya ay galbatay oo goor dhaw lagu kala tegi doono. Siyaasiyiinta Somalida waa dadka la kireysto oo adduunka ugu rakhissan diyaarna u ah inay wareejiyaan dalka oo dhan iyagoo dantooda fulihaaya. Imaaraatka waa caddeystay kadiib markii ay dowladda ku handadeen burbur ka weyn kana xanuun badan kuwa idinku dhacay haddii ay dowladda Turkigha sii jogto Somaliya. Waryaa u sheega madaxda dowladda in TURKIYA ay tahay tan kaliya ay daacad ka tahay inay badbadiso Somaliya, waase haddii la helo dowlad dareen leh oo soo jiidata dowladdaan wax kasta diyaar noola ah ee TURKIGA. Tallaabooyinka u baahan in la qaado waxay tala ahaan ku jirtaa maskaxda dad kooban oo istratejiyada siyaasadda ku xeel dheer, yaase ka akhrisahaayoo dalkaan dowlad ka ah!!! W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Momabassa (Caasimada Online) – Kulan Jimcihii Shalay ay isugu yimaadeen qaar kamid ah Xildhibaanada iyo Guddoomiyayaasha deegaanada xeebta saaran ee Kenya ayaa looga hadlay qorshe ismaamul madax banaan looga dhisi lahaa gobaladaasi. Waxaa kulankan soo qaban qaabiyey Guddoomiyayaasha deegaanada xeebta saaran ee Mombasa iyo Kilifi. Guddoomiyaha Mombasa Hassan Joho oo isagu marti geliyey 12 xidhibaan iyo Senatorada gobaladaasi laga soo doorto ee ku jira Mucaaridka NASA ayaa sheegay in kulamadan ay horudhac u yihiin halgan cusub oo ay u geli doonaan inay ka goostaan wadanka Kenya oo ay dhistaan dal u gaar ah. “…Kulamadan waa kuwii ugu horeeyey waxaana bilaabi doonaa kulamo badan oo aan la yeelan doono ururada bulshada, culimada iyo dhalinyarada…”ayuu yiri Guddoomiyaha Mombasa oo sheegay in Dowlada dhexe ee Kenya ay cunaqabateyn ku heyso gobalada xeebta saaran. Waxaan arragtidaasi mid lamid ah qaba Guddoomiyaha Kilifi Mr.Amason Kingi oo isaguna kamid ahaa qaban qaabiyayaasha shirkaasi. Xubnahan ayaa sheegay inay wado sharci ah u mari doonaan gooni u goosadkooda iyagoo sheegay inay jiraan caqabado badan oo dhanka sharciga ah balse ay u babacdhigi doonaan. “…Waxaan hada hawlgelinay Qareeno Caalami ah iyo kuwo kale oo dalka ku sugan oo arrintan nagala shaqeenaya….” ayuu yiri Guddoomiye Joho oo isagu kamid ah mucaaridka ugu waaweyn ee kasoo horjeeda Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Xildhibaanada mucaaridka ah ee laga soo doortay gobaladaasi ayaa sheegay inay sameysteen guddi xildhibaano ah oo arrintan kasoo shaqeeya waxaana kamid ah xildhibaanada kala ah: Owen Baya, Abdulshamad Nassir, Mohamed Faki iyo Mr Madzayo. Kuwaasi oo lagu wado inay mooshin gooni u goosad ah horgeeyaan Baarlamaanka dalkaasi. Shacabka Muslimiinta u badan ee gobalada xeebta saaran ayaa inta badan ka cawda maamulka dalkaasi Kenya oo ay sheegaan inuusan wax badan oo horumarin ah u qaban gobaladaasi, waxaana arrintan sii xumeysay xiisada ka dhextaagan mucaaridka iyo xisbi xaakimka oo hada dib usoo nooleysay hadal heynta gooni u goosadka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya qoryo casri ah. Qoryaha loogu deeqay Somalia ayaa noociisa lagu sheegay qoriga MPT-76 oo lagu sameeyo dalka Turkiga, iyadoo markii u horeysay qoryahan lagu tababari doono Ciidamada Soomaalida ee ku jira Xerada Turkiga ka furtay Muqdisho. Cadadka qoryaha loogu deeqay Somalia ayaa la sheegay inay yihiin 450 qori oo ah MPT-76, waxa ayna ciidamada Turkiga qoryahaasi u adeegsadaan Keliya la dagaalanka kooxaha xagjiriinta ah. DFS MA ILAALSAN KARTAA QORYAHA LOOGU DEEQAY? Hadal heyn badan ayaa ka taagan qaabka ay dowlada Somalia u ilaalsan laheyd qoryaha casriga ah ee loogu deeqay maadaama horay looga furtay Gaadiid iyo Hub noocyo kala duwan leh. Kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab ayaa inta badan ka faa’ideysata Hubka ay wataan ciidamada dowlada ee ku jira Saldhigyada ku yaalla Gobolada, waxaana xusid mudan in horay looga furtay Gaadiid nooca loo yaqaan Cabdi-Bilaha iyo qoryo dhowr ah. Waxaa jiray in maleeshiyaad la sheegay inay kasoo goosteen al-Shabaab ay ku biireen ciidamada dowlada, hase ahaatee goortii ay heleen fursad ay la goosteen Gaadiid iyo Hub kadibna la aadeen dhanka Alshabaab. NOOCA QORYAHA CUSUB Qoryaha cusub ee loogu deeqay dowlada ayaan horay ugu jirin gacanta dowlada iyo al-Shabaab, waxaana xusid mudan in waxbadan ay ka duwan yihiin qoryaha caadiga ah ee hadda la isticmaalo. Qoryahan ayaa si toosa u gali doona gacanta ciidamo xul ah oo ay tababari doonto Turkiga kuwaa oo tababarada ku qaadan doona Xerada Militery ee Turkida ka furteen duleedka Muqdisho. MAXAA LA FILANKARAA Waxaa suuragal ah in ciidamada aan aqoonta duruqsan loo laheyn ay wakhti danbe lasoo baxaan xiriir hoosaad kala dhexeeya maleeshiyaadka Alshabaab, taa oo sababi karta in lala goosto qoryaha cusub ee casriga ah. Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa horay u sheegay in unugyo ay ku dhex leeyihiin dowlada, waxa ayna taa shaki galineysaa xadkii lagu aamini lahaa ciidamada. Geesta kale, dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis iskaashiga dhanka difaaca iyo tababarka Ciidamada, waxaana hubkan uu qeyb ka yahay qalabeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa bilowday daad-gureynta saanada Militery ee loogu tallo galay ciidamada la dagaalami doona al-Shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose. Saanadan ayaa la sheegay in leysugu geynaayo Garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaa oo looga qaadayo diyaarado maadaama aan dhulka lamarin karin. Saanadan ayaa la geyn doonaa Saldhig ku yaalla L50 Afgooye halkaa oo noqon doonta goobta laga maamuli doono ciidamada loo diyaariyay sifeynta al-Shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose. Dowlada Somalia ayaa ku dhawaad 15,000 oo ciidamo ah u diyaarisay Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana wehlin doona diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Militeriga Mareykanka, Turkiga iyo Ethiopia. Diyaaradahan ayaa beegsan doona Saldhigyada Alshabaab iyo Howdka la rumeysan yahay inay ku dhuuntaan Horjoogayaasha, halka ciidamada dowlada ay jiiri doonaan maleeshiyaadka dhulka.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Ciidamo Ethiopian wata Gaadiid dagaal oo kusoo qulqulaaya Gobolka Gedo. Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa wata Hub culus iyo gaadiid dagaal oo casri ah, waxa ayna si xooli ah uga soo talaabayan xadka Gobolka Gedo uu la leeyahay Ethiopia. Ciidamadii ugu horeeyay ee soo gaara Gobolka Gedo ayaa dhamaa ilaa Kun askari, waxaana iminka kusoo biiray ciidamo hor leh oo tiradooda lagu sheegay Kun iyo Shan boqol oo aad u qalabeysan. Guud ahaan ciidamada hadda soo gaaray Gobolka Gedo ayaa dhan 2,500 oo dhan waliba ka diyaarrsan, waxa ayna Gobolkaasi iyo kuwa ku dhow dhow ka sifeynayaan al-Shabaab. Sidoo kale, duleedka magaalada Beydhabo ayaa waxaa ku diyaarsan ciidamo tiradooda lagu sheegay 5,000 kuwaa oo garab u noqon doona ciidamada dowlada ee sifeyn doona al-Shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose. Heshiiska dhexmaray Madaxweynaha Somalia iyo Dowlada Ethiopia ayaa ahaa in ciidamada Ethiopia ee ka qeybqaadanaaya dagaalka ay ku ekaadan keliya Gobolada dalka. Ciidamadan ayaa Gobolada dalka ka sifeyn doona maleeshiyaadka Alshabaab, waxaana xusid mudan inay yihiin kuwo dhawaan uu Madaxweynaha ka dalbaday dowlada Ethiopia. Ciidamadan ayaa dalka ku sugnaan doona inta ay maleeshiyaadka ku sugan Gobolada dalka, sida uu yahay qorshaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay tariikhdu tahay 03 Nov 2017 kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar kamid ah Wasiirada DFS. Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiiradaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kawada hadleen Madaxweynaha iyo Wasiirada DFS arrimo la xidhiidha xaaladda Guud ee dalka, wanaajinta xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaraddaha Puntland iyo kuwa DFS, Isxog waraysi, arrimaha Fadaraaliisamka iyo dhamaystirka Dastuurka DFS, ka xoraynta dalka xooxaha nabad diidka ah iyo arrimo kale oo muhiim ah. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in kulan kani noqonayo kii ugu horeeyey oo ay Muqdisho ku-yeeshaan Wasiirada Puntland iyo Wasiirada DFS, isla markaana ay kawada hadlaan arrimo muhiim ah oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo qaranka Soomaaliyeedba. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada tashto ka xoraynta dalka kooxaha nabad diidka ah madaama ay lid ku yihiin horumarka dalka, nabadda, xasiloonida iyo isu socodka dhammaan gobolada Soomaaliya, , isla mar’ahaantaana ay taasi u baahan tahay in laga yeesho qorshe dhab ah oo lagu curyaamin karo laguna soo dabar Jari karo cadawga shacabka Soomaaliyeed ee tamarta yar. Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ku booriyey Wasiirada Puntland iyo Kuwa DFS ee uu kulanka layeeshay inay yeeshaan xidhiidh wada shaqayneed oo ku salaysan sidii wasaaradda walba oo DFS ahi ula yeelan lahayd Wasaaraddaha dhiggeedaha ee ka jira dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya si loo horumariyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaaraddaha dalka. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyaar u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed wanaajinta xidhiidhka DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS gaar ahaan Puntland, ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida qaranka Soomaliyeedba. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulan Laqaatay Qaar Kamid Ah Wasiirada DFS. appeared first on Puntland Post.
  8. Cabdulaahi Cali Aadan oo ah Musharax u tartami doona Gudoomiyaha Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garowe ayaa caawa kulan uu ku shaacinayo musharaxnimadii la qaatay ardeyda Jaamacadaha,Qaar ka mid ah dhalinyaradda magaalada iyo Warbaahinta. Wuxuu soo bandhigay Ardeygaan musharaxa ah, waxqabad uu horey uga soo qeybqaatey arrimaha bulshada sida Abaaraha,Dayactirka wadooyinka magaalada,Ololaha barnaamijka ku celi waxaad baratey dhulkaaga hooyo oo qeyb ka ahaa Tababaro iyo Wacyi galin dhalinyaro ay ka samaysay magaalada Garowe. Musharax Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay haddii uu ku guulaysto muddo sanad ah inuu hogaamiyo Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika inuu isbedel kusoo kordhin doono dhiirigalinta waxbarashada iyo nidaamka isku xirka Ardeyda Jaamacadaha. Wuxuu sheegay inuu sii xoojin doono barnaamijyo horey loo hindisay kuwaas oo qeyb ka ahaa sadaqeysiga cilmiga iyo la dagaalanka jahliga. Ugu dambeyntii dhamaan dhalinyaradii kasoo qeybgalay xafladda ayaa sheegay inuu noqonayo Cabdulaahi Cali musharaxii ugu horeeyay oo doonaya inuu u tartamo doorashada Ardeyda Jaamacadda oo qabta kulan noocaan oo kale ah , waxayna sheegeen inuu yahay shaqsi u qalma hogaaminta Ardeyda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Garowe:- Ardey shaaciyay inuu u tartamayo hogaaminta Ardeyda Jaamacadda appeared first on Puntland Post.
  9. Cali Khaliif Galaydh oo caawa ku sugan magaalada Cayanaba ayaa kulan la leh Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada SNM Maxamuud Xaashi Cabdi , Kulankan oo ay warbaahintu dibad Joog ka tahay isla markaana aan la ogolayn in Wariye uu ka soo agdhwaado ayaa la filayaa in maalinimad berri ay War murtiyeedka ka soo saaraan Waxa ay isla meel dhigaan Muuse Iyo cali khaliif. Cali Khaliif Galaydh oo Caawa ay u tahay habeenkiisii 10 ee noqo si cad Somalilander sida uu Todobaadkii hore ku saxiixay inuu ka mid yahay Somaliland . Malaga yaabaa inCali Khaliif oo ahaa aqoon yahana 20 sano wax ka badan wax ka dhigayey Jaamacado ku yaalla Wadamo kala duwan sida USA uu maro wadadii uu marey aqoonyahanka Saaxiibkii Axmed Ismaaciil Samatar oo kol hore ku biirey Xisbiga Kulimye , isla markaana u ololeeya imina Xisbiga Kulmiye . iibgeeyana barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye .?
  10. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay ay baahinayeen qaar badan oo ka mid ah Warbaahinta Somalia ka hawl-gasha iyo Wargeysyo kasoo baxa Kenya oo sheegayay in dowladda Mareykanka ay joojineyso taageeraddii dhaqaale ee ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Idaacadda VOA-da oo baahisay Qoraal Jawaab ah oo ay ka heshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu yiri: “Wararka sheegaya in dowladda Mareykanka ay u joojineyso dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, taasoo lala xiriiriyay in saraakiil Soomaali ah ay fududeeyeen qaraxyadii Muqdisho – waa kuwo aan sax aheyn.” Sidoo kale, Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadeyso taageerada ay ku bixiso ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada iyo dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka Al-Shabaab. “Xukuumadda Mareykanka waxay mudnaanta siisaa daah-furnaanta iyo la xisaabtanka Somalia, taasoo ka turjumeysa mid ka mid ah waxyaabihii uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday markii uu xafiiska la wareegayay horaantii sanadkan,” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta. Ugu dambeyn, Warbixintaan ayaa lagu yiri “Xukuumadda Washington waxay horey dowladda Soomaaliya ugala hadashay shuruudaha ku xiran kaalmada dhinaca ammaanka ee uu Mareykanka bixiyo, waxaana ka mid ah inaan si dhow ula soconno halka lagu bixiyo taageeradeenna.” PUNTLAND POST The post Muxuu Mareykanku ka yiri Wararka sheegaya inuu Dhaqaalaha ka Jarayo Ciidamada DF? appeared first on Puntland Post.
  11. Khartoum (Caasimad Online)-Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday magaalada Khartoum. Labada Baarlamaan ayaa waxaa u kala saxiixay Heshiiska Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Sudan. Habdhowraha golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux, ayaa sheegay in heshiiska uu ka kooban yahay 9 qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan. Sagaalka qodob ee labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah: 1-In labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga. 2-In ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya Baarlamaanada aduunka. 3-In dhinaca aqoonta la iska kaashado.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in halkaa ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo is xigxigay. Duqeynta oo xooganeyd ayaa la sheegay in lala beegsaday qaar kamid ah Horjoogayaasha kooxda la baxday Garabka Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumim. Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay. Xiliga ay duqeynta dhaceysay ayaa la sheegay in Horjoogayaasha Garabka Daacish ee Soomaaliya ay ku guda jireen kulan ay uga arinsanayeen fulinta weeraro dhagar ah. Sidoo kale, dadka deeganka ayaa sheegay inay maqlayeen qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha. Geesta kale, waxaan si dhaba loo ogeyn cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, balse Somalia iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Madaxda maaamul goboleedyada iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayuu isbuuc ku dhowaad shir uga socdaa Muqdisho. Kullanka waxaa diiradda lagu saarayaa qodobo dhowr ah, mana jiro go’aan ka soo baxay ama wax lagu heshiiyay illaa iyo hadda. Qodobada laga wada hadlayo waaa kuwo aad u culus oo u baahnaa in horey loo sii diyaariyo, sida uu sheegay Guleed Salax oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Haddaba maxay tahay caqabadaha hor taagan in shirka uu dhammaado? Amniga iyo ciidamada Soomaaliya waxaa ka jiro caqabado dhanka amniga ah. Labadii isbuuc ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay qaraxyo waawayn. Qarixii Soobe ee 14-kii bishii Oktobar waxaa ku dhintay in ka badan 350 qof. Madaxweyne Farmaajo ayaa weerarkaas ku eedeeyay ururka Al-Shabaab. Guleed Salax oo ka tirsan machadka cilmi baarista ee SIDRA oo fadhigiisu yahay Garowe ayaa sheegay in arrinta amniga iyo qaab dhismeedka ciidamada ay yihiin waxyaabaha ugu waawayn ee laga doodayo. “Waxay u baahnayd in hurmar laga sameeyo arrinta amniga. Markii wax lagu heshiiyo waaa in la qaado tallaabooyiin muuqda,” ayuu yiri Guleed oo la hadlay BBC-da. “Amniga waxaa hortaagan oo dib u dhac ku keenaya jawiga guud ee siyaasadeed ee cakiran oo saameyn ku leh horumaradii la sameyn lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Guleed Salax. Dowladda ayaa bishii May, London ku saxiixday heshiis lagu dhisayo ciidamo gaaraya 18,000, kuwaas oo min 3,000 laga kala keeni doono dowlad goboleedyada. Waxaa kale oo ka mid ah in dib u habeyn lagu sameeyo talisyada kala duwan ee ciidammada. Ciidamdaas waxaa laga kala keeni doonaa gobollada dalka, waxayna ka wada qeybgali doonaan la dagaallanka Al-Shabaab iyo in ay amniga gacanta ku qabtaan. Kala shakiga iyo wada shaqeynta Tan iyo markii uu bilowday khilaafka ka dhashay arrinta dalalka Khaliijka, waxaa sii kordhayay kala shakiga soo kala dhexgalay madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka. Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan dhexdhexaad ah oo ku aadan khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka. Wadammo uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa go’doomiyay dalka Qadar. Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa dowladda dhexe ugu baaqay in ay taageerto go’aanka Sacuudiga iyo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayna xayiraad saarto Qadar. Guleed Salax ayaa sheegay in “jawigaas oo ka horeeyay shirka uu yahay mid aan saamaxayn in si fudud heshiis loo gaaro.” Markii hore waxay ku billaabatay kala aragti duwanaan, balse waxay u gudubtay khilaaf rasmi ah oo sababay in maamul goboleedyada qaar ay gilgishaan. Machadka SIDRA, warbixin soo saaray ayuu ku sheegay in boqolkiiba 61 shacabka Soomaaliya ay taageersan yihiin go’aanka dhexdhexaadka ah ee dowladda dhexe qaadatay. Markii Madaxweynihii hore ee Hirshabelle xilka laga qaaday iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay Galmudug, madxada maamullada waxay isugu tageen Kismayo waxayna cambaareeyeen dowladda Soomaaliya iyo “faragelinta ay ku hayso maamullada”. Shirka Muqdishu wuxuu dhacayaa ayadoo weli uu taagan yahay kala shakigaas soo kala dhexgalay dowladda dhexe iyo maamullada, sida uu sheegay Guleed Salax, madaxa machadka cilmi baarista ee SIDRA. “Kala shakiga badan iyo xiriirka oo xumaaday, ee soo jiray mudooyiinkii ugu dambeeyay, waxay keenayaan in is afgarad degdeg ah la gaari waayo,” ayuu yiri Guleed. “Waxay ila tahay in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada la yimaadaan hannaan wada shaqeyn oo yarayn kara khilaafka markasta soo kala dhexgala labada dhinac,” ayuu ku taliyay madaxa SIDRA. Dastuurka Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay diideen shir ku saabsan arrimaha dastuurka oo bishii la soo dhaafay ka dhici lahaa magaalada Muqdisho. Dowladda federaalka ayaa looga fadhiyaa in ay dhameystirto dastuurka oo qabyo qoraal ah. Balse haddii aysan taageero ka helin maamullada goboleedyada way ku adkaaneysaa in la dhameystiro. Waxaa dastuurka ka mid ah qodobo dhowr ah oo la isku hayo sidii wax looga bedeli lahaa, waana arrimo horey looga wadahadalay. “Maamul goboleedyada waxay ka cabanayaan in wadatashiyo aan lagala yeelan isbedello lagu sameeyay dastuurka,” ayuu yiri Guleed Salax oo siyaasadda Soomaaliya ka faallooda. Qodobada 53-aad iyo 54-aad ayaa horey u sababay khilaaf, waxaana soo kala xigtay maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, kaas oo qeyb ka ahaa arrinta cirka ku shareertay khilaafka Khaliijka ee gilgilay Soomaaliya. Bishii June maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale kasoo horjeedstay xeerka isgaarsiinta qaranka oo golaha wasiirada meelmariyeen, waxayna maamulada sheegeen in dowladda federaalka ay hareermartay waxyaabihii horey looga heshiiyay ee xeerkan ku saabsanaa oo dhan. Sida muuqata, maamul goboleedyadana ku doodayaan, isfaham darrada ugu badan waxa ay salka ku haysaa dastuurka oo ay sheegayaan in uusan kala qeexeyn awoodaha. Guleed Saalax ayaa ku taliyay in la kala cadeeyo qodobada dastuurka ku qoran ee khilaafka sababa, si Soomaaliya ay horey ugu socoto. Federaalka Dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxay kala kulantay caqabado badan, dhismaha maamul goboleedyada. Maamullada oo dhan waxay dhismeen ayadoo la isku khilaafsan yahay, marka laga reebo Puntland oo la dhisay 20 sano ka hor. Guleed Saalax wuxuu sheegayaa in horumarinta hannaaanka federaalka uu yahay qodob ka mid ah kuwa u baahan in si wanaagsan looga doodo, heshiisna laga gaaro. Dowladda dhexe ayaa horey loogu eedeeyay faragelin ku hayso maamullada, “ayna sabab u ahayd xil ka qaadista madaxda qaar,” sida ay ku doodeen hoggaamiyayaasha maamullada. Madaxda shanta maamul goboleed ee Soomaaliya ayaa bishii la soo dhaafay ku shiray magaalada Kismaayo waxayna dhisteen gole ay ku mideysan yihiin. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka did markii golaha la dhisay, ayaa si taxadar leh loogaga hadlay shirkii Kismaayo. “Degdegga golaha Kismaayo lagu dhisay iyo waxa ay qabanayaan ee la sheegay, waxaa ka asalsan kala fogaanshaha dowladda federaalka iyo maamullada. Marka waa muhiim in la gaaro xalka madmadowga markastaa soo kala dhexgalo” ayuu yiri Guleed Salax. Qeybsiga qayraadka dalka Madaxda maamullada qaar ayaa dhaliilay sida dowladda federalka ee Soomaaliya wax uga siiso mashaariicda horumarinta iyo dhaqaalaha. Sida uu sheegay Guleed, Arrintan waxay ka mid tahay qodobada u baahan in heshiis dhab ah lagaga gaaro shirka Muqdisho ka socda oo weli uusan ka soo bixin go’aan dhab ah oo lagu heshiiyay. “Maamul goboleedyada waxay marwalba ka cabanayeen in dowladda dhexe ay isku koobto deeqaha caalamka laga helo,” ayuu yiri madaxa machadka cilmi baaridda siyaasadda ee SIDRA, Guleed Salax. Soomaaliya waxay weli ku tiirsan tahay deeqda caalamiga ah, balse maamul goboleedyada ayaa doonaya in ay garab ka helaan dowladda dhexe oo dhankeeda weli raadineysa mushaarka ciidamadeeda. 26-dii May ee sanadkan 2017-ka, maamul goboleedka Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeyay heshiis xagga badda ah oo shirkado kalluumeysi lagu siiyay shatiyo. Guleed ayaa sheegay in lafagur badan lagu sameeyo qodobada ka hor intaan shirka la isugu imaan, si aysan waqti badan u qaaban heshiisyada laga gaarayo. Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa la dhisay siddeed bilood ka hor, waxayna wajeheysaa caqabo dhanka “amniga iyo siyaasadda ah”. Sida wararka ay sheegayaan, maanta ayaa la filayaa in go’aan ugu dambeeya uu ka soo baxo kullanka Muqdisho uga socdo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo madaxda federaalka.
  14. Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay ay baahinayeen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo wargeyso ka soo baxa Kenya oo sheegayay in dowladda Mareykanka ay joojineyso taageeraddii dhaqaale ee ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Jawaab qoraal ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay u soo dirtay VOA oo wax ka weydiisay ayaa lagu yiri: “Wararka sheegaya in dowladda Mareykanka ay u joojineyso dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, taasoo lala xiriiriyay in saraakiil Soomaali ah ay fududeeyeen qaraxyadii Muqdisho – waa kuwo aan sax aheyn” Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadeyso taageerada ay ku bixiso ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada iyo dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka Al-Shabaab. Qoraalka waxaa lagu yiri “dowladda Mareykanka waxey mudnaanta siisaa daah furnaanta iyo la xisaabtanka Soomaaliya, taasoo ka turjumeysa mid ka mid ah waxyaabihii uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday markii uu xafiiska la wareegayay horaantii sanadkan. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “dowladda Mareykanka waxey horey dowladda Soomaaliya ugala hadashay shuruudaha ku xiran kaalmada dhinaca ammaanka ee uu Mareykanka bixiyo, waxaana ka mid ah inaan si dhow ula soconno halka lagu bixiyo taageeradeenna.” Isha: VOA
  15. Muqdisho (PP) ─ Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegaya in shirka ay ka dhalatay doodo kulul iyo qodobbo weli la isku mari la’yahay, taasoo sababtay in shirku muddadiisu dheeraato, maadaama uu qorshihiisa ahaa in muddo ku siman afar maalmood lagu soo gaba-gabeeyo, wuxuuse hadda marayaa muddo toddobaad ah. Tan iyo markuu shirku billowday ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobo amniga la xiriira, hadana waxaa wali doodo adagi ka taagan yihiin qodobo ay ka mid yihiin; kheyraadka, dib u-eegista-dastuurka iyo kuwo kale. Sidoo kale, Waxaa jira eedeyn loo jeediyay xukuumadda Federeaalka ah ee Somalia, taasoo ah inay xukuumadda Khayre waddo olole ballaaran dhan ka ah Madaxda Maamullada Galmudug iyo Koofur-galbeed. Waxayna tani qayb ka tahay wayxaabaha muranka badan dhaliyay. Madaxda Maamul-goboleedyada Galmudug iyo Koofur-galbeed ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo sheegay in kacdoonada ka socda Baydhabo iyo Cadaado ay ku lug leedahay xukuumadda uu Ra’iisul Wasaare Khayre hoggaaminayo, isla markaana aanay shirka sii wadi karin, inta weli ay socdaan fara-gelinnnada ay xukuumaddu waddo. Dhanka kale, Qodobbada kale ee dooda adagi ka taagan tahay ayaa waxaa ka mid ah; Hindise-sharciyeedyada uu ansixiyo baarlamaanka, taasoo horay Madaxweynaha Puntland uu ashtako uga keenay, isla markaana dalbaday in marka hore maamul goboleedyada laga tala geliyo. Ugu dambeyn, Maanta oo jimco ah ayaa wax shir ah jirin, Waxaana laga yaabaa in caawa madaxda kulammo gaar gaar ah yeeshaan, isla markaana kama dambeys berri oo Sabtid ah ay shirkooda kasoo saaraan qodobbada ay ku heshiiyeen. PUNTLAND POST The post Shirka Dowladda Dhexe iyo Maamulada Dalka oo la isku mari la’yahay Qodobo Xasaasi ah appeared first on Puntland Post.
  16. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Shirkadda China Poly Group ayaa la sheegayaa in bilaabeyso dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaray dhulka Soomaalida Itoobiya bartamaha sanadka 2019ka, sidaasi waxaa sheegay wasiirka Petrolka dalka Itoobiya Motuma Mekassa. Ceelashan waxaa lagu xiriiriyay tubooyin 700-kilometer (435-mile) gaaraya, waxaana laga dhoofin-doonaa dalka Djibouti, Gaaskan waxaa loo dhoofin-doonaa qaaradda Asia. Ethiopia ayaa waxaa ay baadi-goob ugu jirtaa gaaska dabiiciga ah iyo ilo kale oo dhaqaale si ay u sii xoojiso dhaqaalaheeda gaaraya $72.3 billion , waana dalka ugu dhaqaale koboca badan Afrika. POLY-GCL Petroleum Group, waxaa ay heshiis wax soo-saar qeybi ah la gashay Itoobiya 2013kii, heshiiska ayaa waxaa uu ahaa in gaas dabiici ah laga baaro 117,151 square-kilometer oo ah dhulka Ogadenia ama Soomaali galbeed, waxaana muuqata in lagu guuleystay, hadana dhoofinta bilaaban-doonto. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
  17. Mosul (PP) ─ Ururka la baxay dawladda Islaamka ayaa “dilay” ugu yaraan 741 qof oo shacab ah intii uu socday dagaalka magaalada Mosul, sida ay ku warrantay Qaramada Midoobey. Dagaallamayaasha kooxda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay dad badan afduubteen si ay uga dhigtaan dhufeys ay uga gabadaan ciidamada caalamiga ah ee duullaanka ku ah. “Kuwa mas’uulka ka ah waa in ay ka jawaabaan ficilka naxariisdarada ah ee ay geysteen,” ayuu yiri madaxa guddiga xuquuqda aadaha ee Qaramada Midoobey, Zeid Raad Al Xuseen. Wuxuu sidoo kale sheegay in la baarayo tacaddiga ay geysteen ciidamada Ciraaq. Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 461 qof oo kale oo shacab ah ay ku dhinteen duqeymaha ay geysteen ciidamada Ciraaq iyo Mareykanka, laga soo billaabo bishii November ee 2016 illaa July 2017. Wadarta guud, 2,521 qof oo shacab ah ayaa la dilay, 1,673 kalena waala dhaawacay intii uu socday howlgalka militari ee ururka la baxay dowladda Islaamka looga saarayo magaalada Mosul, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey. “Go’aan kooxda ka soo baxay bishii November ee 2016-kii ka dib, IS waxay qaaday weerarro si toos ah ugu wajahnaa shacabka,” ayaa lagu xusay warbixinta. “Duullaanka waxaa ka mid ahaa, duqeyn, qaraxyo iyo toogasho,” sida ku qoran warbixinta Qaramada Midoobey. Ugu dambeyn, Khariidaddan hoose waxay muujineysaa sida qeybta qadiimiga ah ee magaalada Mosul ay u burburtay. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Ururka Daacish oo la sheegay inay 741-qof ku dishay Magaalada Mosul ee dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
  18. The United Kingdom has updated its Foreign travel advice in respect of Ethiopia. The Foreign and Commonwealth Office (FCO) in its latest release of Thursday November 2, 2017 cited visa requirements as basis for the update. “Entry requirements section (Visas) – to obtain a business visa for Ethiopia you may require prior approval from the Ethiopian Department of Immigration and Nationality Affairs office before submitting your application to the Ethiopian Embassy; you should check the latest instructions with your nearest Embassy,” the full update read. The FCO, however, largely maintained its advise against travel to almost all borders of the country save that of the Djibouti and Somaliland. It advises against almost all travel to major parts of the Somali regional state. All travel within 10km of the border with Eritrea, Sudan, Kenya and South Sudan and within 100 km of the Ethiopian border with Somalia and Kenya in specific areas. The United Kingdom and United States are among the few allies of Ethiopia who continue to maintain their travel alert for the country despite the lifting of a state of emergency in August this year. The measure was meant to quell spreading anti-government protests in the Oromia regional state. U.K. citizens were advised to avoid all gatherings because of the potential for them to become violent, they were also to review their personal security settings at all times. The message, however, gave what can be described as a summary of recent security challenges in the Horn of Africa country. Among others, they listed tensions between the Oromia and Somali regions which clashes have led to deaths and mass displacements. The 13 September 2017 protests in Jijiga, 11 October 2017 protests in Ambo, Dodola, Wolisso and Shesehememe – all in the Oromia regional state were also listed. They also addressed restrictions on the processes involved in obtaining a SIM card. UK issues travel alert for Ethiopia, cautions over ‘dodgy’ internet https://t.co/znAVdlTDwS — africanews (@africanews) June 14, 2017 Source: – Africanews
  19. Two Al-Shabaab terrorists were killed in battle with military troops in Lamu County. The militants were killed by soldiers on patrol in Nyatha, Lamu West, Kenya Defence Forces spokesman David Obonyo said. The soldiers were on their normal patrol of the area at around 6pm on Thursday when they came into contact with the armed militants. The incident comes barely a week after four Al-Shabaab terrorists were killed in battle with KDF troops at Mararani area in Lamu East. The soldiers raided the terrorists’ camp forcing militants to flee and abandon the camp. Four AK-47 rifles, bomb making materials, six magazines, three grenades, three car batteries, rolls of cables, three mobile phones and assorted food stuffs were found at the camp. Last month, KDF soldiers killed five Al-Shabaab terrorists while militants escaped with injuries at Bodhei on the border of Lamu and Garissa counties. During the incident, six AK-47 assault rifles, 321 bullets, three grenades and explosives were recovered. Source: Daily Nation
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa digniin kasoo saaray danaadiiq cod bixin oo la sheegay in Somaliland ay ku gureyso degaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag, oo Puntland ay sheegtay in ay maamusho. Maamulka Puntland ayaa ku goodiyay inay qaadayaan dagaal khasaaraha ka dhasha ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Somaliland. Puntland ayaa tilmaantay inay diyaar yihiin ciidamadii qaadi lahaa dagaalka isla markaana goobaha doorashada ka qaadi lahaa sanaadiiqda loo diyaarinaayo doorashada Somaliland. Cabdi Cali ”Qarjab” oo ah Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka diyaargarooben difaac kaga imaada Somaliland. Waxa uu Qarjab, tilmaamay inay diyaar u yihiin in dhiig uu ku daato is qabqabsi ka yimaada in Somaliland ay sanaadiiqda kusii heyso degaanada Puntland. Waxa uu sheegay in Puntland ay Somaliland ugu baaqeyso inay ka fiirsato arrintan, ka hor inta aanu dhiig ku daadan. Geesta kale, Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay Somaliland in looga baahan yahay in ay mas’uuliyad iska saarto in ay si wanaagsan ku qabsato Doorashadeeda, oo aysan sababin inuu dhiig daato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul kama danbeyn ah oo la doonaayo in xilka looga qaado Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Abaabulka socda ayaa waxaa la doonaaya in xilka looga xayuubiyo Hogaamiye Shariif oo laga gudbiyay Mooshin ay ku saxiixan yihiin Xildhibaano kabadan 90. Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin isbedel doon, Mooshinka ay ka wadaana Shariif Xasan in ay saxiixeen 91 xildhibaan. Xildhibaanada ayaa tilmaamay in Shariif Xasan uu xilkaasi sii heyn doono keliya maalmo kooban wixii intaa ka danbeeyana uu lamid noqon doono shcabka, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay sheegen in Shariif Xasan uusan mudneyn inuu sii hayo xilka waxa ayna ku eedeeyen howl-gabnimo iyo inuu indhaha ka qabsaday shaqooyinka loo igmaday. Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u muuqda mid ka walwalsan in uu saameeyo khilaafyada siyaasadeed ee maamuladii isaga ka horeeyay soo hareeyay sida Hirshabeelle iyo Galmudug. Gudaha asbuuca nagu soo fool leh ayaa lagu wadaa in codka mooshinka loo qaado Hogaamiye Shariif Xasan, iyadoo la sheegay in sifo sharci ah uu ku weyn doono xilkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qaybgalaya kulanka madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Federaalka kuwaasoo laga soo doortay Puntland Kulanka oo ahaa casho sharaf, ayaa waxa uu ka dhacay Royal Palace Hotel, waxaana Hogaamiyaha ku wehelinaayey Mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Maamulka Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Casho sharaf kadib Hogaamiyaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka DFS u metelaya Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin. 1-Isxog waraysi. 2-Isku xidhka iyo wada shaqaynta DFS iyo maamulka Puntland. 3-Qaybsiga khayraadka dalka. 4-Arrimaha Fadaraaliisamka iyo Dastuurka 5-Kawada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya. Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay Hogaamiyaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo maamulada xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah. Hogaamiyaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xogwaramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda maamulka Puntland, shacabka ku dhaqan Puntland-na ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland. Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaadhsiin lahaa meel uu mudan yahay. Ugu danbayn, Hogaamiyaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka DFS u metelaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciwaanka uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku leeyahayTwitter-ka ayaa si kooban hawada looga saaray Khamiistii, laakiin intaas ka dib hawada ayuu dib ugu soo laabtay, sida ay sheegtay shirkada leh bartan ay bulshadu ku xiriirto. Shirkaddu waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saarat si aan ula kac ahayn, ayna ahayd khalad banii’aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitter-ka. Ciwaanka madaxweynaha ayaa hawada ka maqnaa11 daqiiqo, Twitter-ka ayaana hadda baaritaan wada. Trumo ayaa aad u isticmaala Twitter-ka waxaana wararkiisa ku xiran 41.7 milyan, walina kama hadlin arrintan. Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista wakhti kooban waxay arki kareen fariin oranaysa “ciwaankaas ma jiro!”. Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta. Ciwaanka @POTUS, oo ah midka rasmiga ah ee madaxweynaha Maraykanka ayaa isagu sidiisii u shaqaynayay. Trump wuxuu Twitterka ku soo biiray bishii Maarso ee 2009kii. Intaa wixii ka dambeeyayna si joogto ah ayuu u iisticmaali jiray si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol’olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay bishii Janaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Sidi aan dhowr goor ku celceliyay siyaasi maahi sidaa darteed aad uma daneeyo dhagaysiga hadallada siyaasiyiinta. Hadba xiisadda kacsan iyo waxa laga doodayo waxaan kula kulmaa baraha bulshada, aad uguma mashquulo inaan ka faalloodo waayo maahan maaddo aan xiiseeyo. Laakiin waxaa dhacdo marar badan inaan arko hadallo si weyn loo faafiyay kuwaasoo saamayn xun ku yeesho shacabka maskaxdooda. Hadallada caynkaas ah waxay igu qasbaan inaan wax ka dhaho arrimaha taagan. Middi ugu danbaysay ee na qabsatay ayaa ahayd hadalkii uu madaxwyne Farmaajo ka jeediyay shirka wada tashiga ee la xariiray sidii shabaab la isaga celin lahaa. Af-dhaajinti siyaasiyiinta meelaha waan ku arkayay laakiin kuma mashquulin inaan dhagaysto hadalka madaxweynaha iyo doodadda ka dhalatay waayo wax lagu mashquulo iilama muuqan. Xalay fiidki goor aan wax qoranayay, xaajiyadunna ay dhagaysanaysay warar Soomaaliya, ayay igu tiri Jallee Farmaajo ma wanaajin inuu sidaas u hadlana maahayn. Marki aan kor u eegay wajigeeda waxaa ii muuqatay inay aad ooga niyad jabtay hadalka madaxweynaha, sababta niyad jabkuna yahay sida loo fasiray. Waxy noqotay inaan isa saaro laptopki si aan ula dhagaysto hadalka ugana qanciyo nuxurkiisa. Intaas ka dib waxaa ii muuqatay inay hooyooyin badan oo niyad san maskaxdooda lagu cayaaray niyad jab iyo walwelna lagu abuuray. Sidaas awgeed ayaan is iri inta aan kula joogin bal hadalka meesha uu ka nool yahay ha lala wadaago. Hadalka ku saabsan in madaxweynuhu yiri dooni mayno askari mushaar ku shaqaynayo ee waxaan rabnaa dad bilaash ah ugu dhinto dalkooda, waa mid saxan ujeedkiisuna cad yahay. Waxa laga hadlayo maahan askariga mushaar la siin mahayo waayo mushaarku waa xuquuq aan gorgortan gali Karin. Maahan mid loo diidi karo ama lagu xujayn karo. Waxaa ka duwan qof ujeedka uu meesha u yimidba yahay inuu un lacag kaliya helo. Kaasi waxaa loo yaqaan calooshisa u shaqayste. Qofka noocaas ah dhimasho ma rabo waayo waqti waxa uu shaqaystay uu ku cuno ayuu rabaa, ujeedka meesha uu yimidna maahan difaac dal waa helidda xoogaa sandareerta ah. Ciidamada dalkuna noocaas maahan in yar mooyee. Intaas qofki fahmi waayay siyaasi maahan ummadana inuu wax u sheego ma habboona. Laakin waxaa hubaal ah in iyagoo fahamsan waxa laga hadlayo ay si ku tala gal ah hadalka u qalloociyeen si ay danahooda ugu gaaraan. Midka kaasi ka muhiimsan waa erayga uu madaxweynuhu isticmaalay ee “caqiido”. Waxaa u yiri askarteennu caqiido wadaninimo ma lahan ee waa inaan barnaa in haddii ay wadankooda u dhintaan ay janno galayaan sida shabaabba kuwooda u baraan. In janno la galo iyo in kale maahan arrin aadane sheegi karo. Waa ammuur qaybi ah Eebe kaliya ayaana ka war hayo laakiin waxaa la noo sheegay sida lagu kasbado iyaduna wadaniyad ka mid maaha haddii aan raacno qaabka hadalka loo yiri. Balse waxaa ka mid ah in qofku isdifaaco, maalkiisa iyo reerkiisuna difaacdo, dhulkiisa lagu soo duulayna difaacdo taasi oo isgu imaanayso in shaqada ay hadda hayaan askarteennu sidaasi tahay, waase haddii niyad lagu daro. Hasa yeeshee ma saxbaa in la yiraahdo askarteennu ‘caqiido’ ma leh? Haddase ma loo yeeli karaa caqiido? Waxaa is leeyahay erayka ‘caqiido’ kuma habbonayn jumladaan. Afsoomaligu waa luuqad faqiir ah sidoo kalana aan helin cid hormariso. Sidaa darteed waxaa aad ugu adag dad fagaarayaasha ka hadlo inay helaan erayo ku habboon waxa ay rabaan inay dhahaan. Taasi waa midda aan had iyo jeer u aragno madaxdeenna oo isticmaalayo afaf qalaad. Caqiido waa eray loo isticmaalo arrin la xariirto diimaha. Waa arrin aad loogu kala qaybsanyahay. Dad badan oo kala caqiido ah ayaa dal ku wada noolaan karo wax bandanna ka dhaxayn karaan. Waxay noqon karaan muwaadiniin siman oo dalka wada difaacdo, waa arrin dhexdeenna caan ka ah. Ma dhici karto in la helo askar isku wada caqiido ah xagga diinta (waxan ka hadlayo caqiidada hoose ee kala qaybiso muslimiinta). Laakiin waxaa la heli karaa askar iyagoo kala caqiiqdo ah u wada dhinta dalka iyo difaaca diinta. Sidee ku dhici kartaa? Wadamada galbeedka caqiido waxaa ooga dhigan aydhiyooloji. Waddan walbana waxaa ku wada nool dad kala aaminsan aydhiyooloji aad isu diidan hadana marki ay imaado danta wadanka waa ul iyo diirkeed. Sababta ayaa ah waxaa jiro wax kale oo mideeyo kaasoo lagu magacaabo ‘qiyam’ (values). Qiyam waa eraygi uu jeeday madaxweynuhu sidaan isleeyahay waana midka u baahan in laga dhiso askarta iyo dhammaan bulshada guud. Qiyamku waa mid guda balaaran oo ay soo hoos galayaan dhaqanka, diinta iyo wax walba oo qiimo weyn noo leh. Waa waxa aan u taagannahay nolosheenana ka turjomayo. Nasiib darro maahan mid si fudud loo baran karo. Waa arrin u baahan in lagu ababiyo ilmaha dhashay, iskoollada lagu dhigo, masaajidda laga jeediyo goobaha shaqooyinkana lagu faafiyo. Waa mid la rabo in laga arko hab-dhaqanka madaxda, culimada iyo aqoonyahanka. Waa mid haddii aan ku guulaysanno badali lahayd qabyaaladda. Hadda booska qiyamka waxaa noogu jiro qabiilka, sharafa kugu danbeeyo ee aan difaacanno waa qabiilka. Inta la helayo wax taasi badalana way adag tahay in la helo bulsho leh qiyam mideeyo. Waxaan kusoo xirayaa qormadaan in guud ahaan hadalka madaxweynuhu khalad lahayn laakiin eray xulashadiisu aysan wacnayn. Madaxdu ha ogaadeen in erayada ay isticmaalayaan saamayn weyn ku leeyihiin bulshada guud iyo horumarka dalka. Waa in si dagan loo xushaa erayada lagu hadlayo si miisamanna hadalka loo dhigaa si loo yareeyo fursadda warxumo tashiilka. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
  25. Dhammaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo an xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu. Waxaan halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo aan ugu magac daray WAR YAA QARAXA MAS’UUL KA AH?, waxaan rabaa in kaliya aan muujinno in ay imaan karaan su’aalo badan oo ku aadan qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Qormadani cid gaar ah kuma wajahna!. Qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaalada Muqdisho ma mudan yihiin in wax laga barto? Haddii aanba ku amba qaadno qoraalkeena su’aasha kor ku xusan, waxaa cad in ay muhiim tahay in wax badan laga barto dhacdooyinka nolosha. qaraxyada Muqdisho ka dhacaya waa qayb ka mid ah dhacdooyinka nolosha, dhacdooyinka nolosha ee xaqiiqda ah ee tagay ayaa lagu magacaaba taariikh.Taariikhda barashadadeeda, isku hawlka qoristeedda iyo dhadhansigeeda macnaha qotada dheer ee ku duugan ayaa ah un in wax badan laga ogaado dhacdooyinkii hore u dhacay, si aysan mar labaad u soo laaban haddii ay ahaayeen kuwo khaldan. Haddii aynu dib u raacno taariikhda qaraxyadii ka dhacay Muqdishu sanadkan waxa aad ka baranaysaa in hawgalada ka socda Muqdisho aysan kaliya ahayn kuwo ku eg kooxo argagixiso ah ama al-shabaab, waxaan daah saarnayn in danaha laga leeyahay daganaansho la’aanta Soomaaliya ay yihiin kuwo tiro beel ah, waxaan hubanti ah in dawladaha jaar ka ah iyo kuwa caalamka labaduba ay dano gaar ah oo macaash ugu duugan yahay ay ka leeyihiin daganaansho la’aanta Soomaaliya. Weerarradii Muqdisho ka dhacay sanadkan 2017. v Labadii bishii janaayo waxaa ka dhacay qarax is miidaamin ah 3 qof ayaa ku dhimatay.* v Isla todobadii bishii janaayo qarax ka dhacay Muqdihso 3 qof ayaa isna ku dhimatay. v Labaatan iyo shanti bisha janaayo qarax gaari ayaa ka dhacay Muqdishu waxaa ku dhintay 28 qof.* v Febraayo sagaal iyo tobankeedii waxaa Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ay ku dhinteen 39 qof. v Maarso 13 keedi waxaa bam gaari ku dhintay 13 qof.* v Isla bishii maarso 21 waxaa qarax gaari ku dhintay 5 qof.* v Bishii abriil afarteedii waxaa isna qarax gaari ku dhintay 3 qof. v Abriil markiii ay ahayd 7 waxaa qarax mooto ku dhintay 3 qof. v Isla bishii Abriil 9keedi waxaa sidoo kale qarax gaari ku dhintay 15 qof.* v May siddeedeedii waxaa qarax ismiidaamin ku dhintay 8 qof.* v Isla bishii May 24teedi waxa sidoo kale qarax ku dhintay 8 qof.* v Bishii Lixaad ee Juun 15 keedii waxaa qarax gaari ku dhintay 9 qof.* v Isla bishii Lixaad 20keedi waxaa qarax ismiidaamin ah ku dhintay 15 qof.* v Gabogabadii bishii Lixaad 22 waxaa qarax gaari ku dhintay 7 qof.* v Bilowgii bishii todobaad 2deedi waxaa qarax jidka ah ku dhintay 2 qof. v Isla bishii todobaad 30keedii waxaa qarax gaari ku dhintay 6 qof. v Afartii bishii Agoosto waxaa qarax gaari ku geeriyooday hal qof. v 11 bishii Agoosto waxaa qarax ismiidaamin ah ku dhintay hal qof.* v Bishii Sebteember tobankeedii waxaa qarax ismiidaamin ah ku geeriyootay lix qof.* v Dhamaadkii bishii Sebteember waxaa qarax gaari ku dhimatay 7 qof. v Bishii Oktoobar waxaa Muqdisho ka dhacay musiibo qaran 358 dad ka badan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay isgoyska soobe. v 28 bishii oktoobar qarax iyo weerar ka dhacay huteel naaso hablood waxaa ku dhintay dad ka badan 25 qof.* Haddii aan ku caddayno calaamadda * tirada qaraxyada Al-shabaab ay sheegatay ee ka dhacay Muqdisho, miyeysan imaneyn su’aal ah inta kale yaa masuul ka ah?, macnuhu waa qaraxyada kale ee ka dhacay Muqdisho yaa mas’uul ka ah oo soo maleegay?. Haddiiba ay su’aashaasi timaado, miyeysan muhiim ahayn in aan la iska indho saabin ee jawaab cad loo helo, si ay xaqiiq u noqoto riyada dadka intooda badina ku riyoodaan ee ah in mar un ay ku noolaadan Muqdisho oo nabad ah. Cinwaanka maqaalkan waxaan uga mahadcelinayaa koox faneedka qaylo dhaan. Tirxaac: Al-jazeera Wabilaahi towfiiq Mahadsanidiin W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure) Email: abdelrahmangure@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid