Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    203,510
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta 13 Nov 2017 kormeer shaqo ku tegey magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoween shacabka magaaladaasi. Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Xanaanada xoolaha, Wasiir Ku-xigeenka Duulista Hawada iyo garoomada Puntland, Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland, taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta ee gobolada Sagaag iyo Hayland. Waxaana banaanka magaaladda ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Hayland, Duqa Degmada, Isimada iyo cuqaasha gobolka, ururada Haweenka iyo dhalinyarada iyo guud ahaan shacabka degmadda Dhahar. Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf [Dawlad]ayaa uga mahad naqay shacabka magaaladaasi soo dhoweynta wanaagsan ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxaana uu sheegay Wasiirku inay kormeer shaqo u joogeen maamumihii u dan beeyey gobolada Sanaag iyo Hayland, isla markaana waxa uu xusay in aan aduunka lagu arag shacab sheegta shacab kale inay mamaulaan taasina ay tahay nasiib daro iyo aqoon la’aan haysa maamulka Soomaliland. “Dhaqan wanaagsan baynu lahaan jirney haddaynu nahay Soomaali, waynu wada degenaan jirney saynu ahayn, waxaa yimi in lays yiraahdo xoog halaysku muquuriyo taas oo lagu doonanayo risiq iyo dawladdnimo, doorashadu sharci bay leedahay qofku isagoo xora ayuu wax doortaa, nin xabad madaxa lagaga hayo ama laluush baalagu siinayaa laleeyahay ee halkaasi ku rid, taasi doorasho ma aha, shacabka gobolada Sanaag iyo Hayland waxay na tuseen oo cadeeyeen inay yihiin dad Soomaali ah, tanlabaadna ay yihiin dad Puntland ah oo aaminsan mid nimadooda iyo waxay aaminsan yihiin” ayuu yiri Wasiirku. Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa dhankiisa farin adag u diray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagoona sheegay in shacabka reer Puntland yihiin dad tariikhda baal dahaba kaga jira lahaana tariikh soo jireena oo ku qotonta geesinimo, kala danbayn maamul iyo mid qadiyaddeedba, waxaana uu xusay in Puntland weligeed maamul ahaan iyo awood ahaanba korjoogtayn jirtey gobolada awqooyi ee Soomaaliya. “Shacabka Magaalada Dhahar waxaan dhammaantiin indiinka mahad naqayaa sida wanaagsan ee sharaftale ee kal kiyo laabtale ee aad usoo dhowayseen weftiga uu hogaminayo Wasiirkeena Amniga iyo DDR-ka oo anigana aan xubin ka ahay, waxaan soo marnay Xingalool dibadbaxyo ayay wadeen wax doorasho kusheeggii Soomaalilandna kama jirin dhammaan degaanadaasi hoosyimaadda Xingalool” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil ”Waxaan idiinku bishaaraynayaa kaadhadhkii uu Muuse Biixi ugu tala galay in codka lagu siiyo shacabka ayaa iyagoo xor ah keenay oo kusoo warejiyey weftiga dawladda Puntland, Muuse Biixi waxa uu yiri ‘ inaan ka adkaan jirey Puntland awoowayaashood ha waydiiyeen’ hal kelmed ayaan odhanayaa Muuse kaadhkii aad codka ku dooneysey waakan aniga gacantayda ayuu ku jiraa sidoo kale Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabeba” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil “Laga bilaabo Hobyo, Xaafuun, Baargaal, illaa Boosaaso Boqor Cusmaan baa ka talin jirey isaga awoowgiis muu ahayne aniga awoowgay buu ahaa, laga bilaabo meesha ay ku qoran tahay ‘Bandar Siyaada’ ee Ceelaayo, illaa saylac waxay qoran tahay in Warsan-Geli Sanladdoodii ay ka talin jirtey oo uu ka talin jirey Maxamuud Cali Shire, isaguna Addeerkay buu ahaa, magaaladan Dhaharna waxaa ka talinaayey Dhahar oo ku caan baxday ‘Haddii Dhahar yiri Allaa yiri’ Muuse Biixi waxaan leeyahay adiga iyo awoowayaashaa Ab iyo Isirtoona uma aydaan lahayn inaad talisaan aniga awoowa yashayna kuwaas aan sheegay bay ahaayeen ” ayuu yiri ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Lagu Soo dhoweeyey Dhahar. appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Shabakadda YouTube ayaa boggeeda si rasmi ah uga masaxday wax ka badan 50,000 muuqaalo ah oo ku saabsan muxaadarooyin uu jeediyay hoggaamiyihii Al Qaacidda ee la dilay Anwar Al-Awlaki. Muxaadarooyinka ayaa waxa ay badankood ku saabsanyihiin arrimaha jihaadka, isaga oo dadka ku dhiiragalinayay in ay meeshii ay ku arkaan ku dilaan muwaadhiniinta dalalka reer Galbeedka. Wargeyska New York Times ayaa sheegay in muuqaalada Anwar ku saabsan ee wali ku haray YouTube ay kaliya yihiin kuwa ku saabsan wararkii laga baahiyay iyo barnaamijyo warbaahinta ka samaysay. Muxaadarooyinka qaar ee meesha laga saaray ayaa ku saabsan moowduucyo kale oo diinta ah oo aanan Jihaadka ahayn. Haddii uu noolaan lahaa, Awlaki ayaa waxaa laga mamnuuci lahaa in uu furto ciwaan YouTube ah sababtuna waxa ay tahay in lagu daray diiwaanka argagixisada ee UK iyo Maraykanka. Laga soo bilaabo sanadkii 2009-kii, kooxo kasoo horjeeda xagjirnimada ayaa cabashooyin u gudbinayay shabakadan, kana dalbayay in ay hawada ka saaraan muxaadarooyinkiisa. Awlaki ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo lagula beegsaday dalka Yemen sanadkii 2011-kii. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. A woman casts her ballot in the presidential election in the self-proclaimed state of Somaliland. Officials began counting votes in the self-proclaimed state of Somaliland after residents on Monday took part in its third presidential poll, hoping to bolster its democratic credentials and strengthen the case for independence from troubled Somalia. The northern territory, which is more tribally homogenous and stable than the rest of Somalia, broke away in 1991 and has been striving to attain international recognition ever since, without success. As vote tallying began shortly after 6:00 pm (1500 GMT), a social media blackout was imposed. The national electoral commission said the move was necessary to prevent interference from outside the borders of the semi-autonomous state and speculation over the outcome. “Most polling stations are closed now and the internet connection is interrupted as per the instruction of the electoral commission. You cannot use social media platforms like Facebook and Twitter in all the regions of Somaliland,” said security official Mohamed Dahir. No incidents of violence, unrest or disruption were reported during the day’s voting. Three candidates are vying for the state’s top office: seasoned politicians Muse Bihi of the ruling Kulmiye party and opposition leaders Abdirahman Iro and Faysal Ali Warabe, who was defeated in a previous election in 2010. Incumbent Ahmed Mohamud Silaanyo is not seeking re-election. Elections are meant to be held every five years, however the poll was delayed for two years due to drought and technical issues. Somaliland’s history of peaceful, credible elections and democratic transition sets it apart from anarchic southern Somalia, and indeed much of east Africa. Somalia’s election earlier this year saw a president chosen via a limited electoral process in which handpicked clan elders selected delegates who were allowed to vote. – Debates and eye scanners – Voters wait in a line to cast their ballots in Somaliland’s presidential election with biometric eye scanners used to identify them before voting. Ahead of the Somaliland election, the three main candidates held a televised debate to present their political agendas, focusing on the economy, jobs and international recognition. “This is a very critical election… for the youth, they need a leader who can develop the economy and bring jobs so that everybody can stay in their country to enjoy their lives,” said university student Ismail Mohamed. Candidate Iro hailed the election as “a milestone for the entire region” as he cast his ballot earlier in the day. The poll is set to be the most sophisticated yet with some 700,000 voters registered using biometric eye scanners to identify them before voting. Somaliland, a former British protectorate, won independence in 1960 but days later joined with Somalia. In 1991, after years of bitter war with the government in Mogadishu, it declared independence from the rest of the country. Despite its lack of recognition, the state has managed to draw significant investment from abroad, notably Gulf nations. Kuwait financed the renovation of the airport in the capital Hargeisa, and a Dubai-based company has been contracted to expand the Berbera port in a bid to compete with Djibouti for container traffic from Ethiopia. AFP
  4. Ruling Party Presidential contender shows his ink-stained finger after casting his vote on 13th Nov. HARGEISA-National Election Commission (NEC) on Monday announced the closure of polling stations and the ballot counting would begin. On Monday at 6:00 a.m. local time, voting for the presidential polls started as polling stations all over the regions opened. More than 700, 000 people were eligible to vote, according to Election Commission (NEC). More than 62 of foreign observers are in the region to monitor the voting process who will ensure transparency of the voting process. Voting counting commenced in all polling stations across the country. Internet providing companies have disconnected all social media in nationwide.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xarunta Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dalka uga ambabixi doono Safar. Madaxweynaha ayaa la sheegay in safarkiisa uu yahay mid ku qotoma arrimo caafimaad, waxa uuna safarkiisan qorsheynaayay labadii bil ee ugu danbeysay. Madaxweynaha ayaa la qorsheynayaa in Safarkiisa caafimaad uu ku gaari doono mid kamid ah dalalka Turkiga ama Mareykanka sida aanu xogta ku heleyno. Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in xanuunka Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid ka dhashay Jahwareerka Siyaasada Somalia, waxaana xusid mudan in tan iyo markii loo doortay xilka uu dhexda u galay Siyaasiyiin mucaarad ah oo fulinaaya dano shisheeye. Madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo ayaa sidoo kale isna dhowr jeer arrimo caafimaad ugu baxay dalka dibadiisa, inkastoo xanuunkiisa uu ahaa mid isna ka dhashay Siyaasada. Sidoo kale, inta badan Madaxda Soomaalida ayaa safaro caafimaad dibadda u aada, si ay isku soo sameeyaan baaritaan guud. Ma cadda xiliga rasmiga ah ee uu ku beegan yahay safarka Madaxweyne Farmaajo, waxaase la filayaa inuu bixi doono maalmaha nagu soo aadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Wefti kasocda dawladda Puntland ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 13 Nov 2017 gaarey magaalada Xingalool ee gobolka Haylaan, halkaasi oo ay shacabka magaaladaasi kala qayb galeen banaanbaxyo lagu tageerayo dawladda Puntland iyo kuwo looga soo horjeedo maamulka Soomaliland. Weftigan gaadhey magaalada Xingalool ee goblka Hayland ayaa waxaa hogaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl. Banaabaxa ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Hayland ayaa waxaa sidoo kale shacabka Magaaladaasi kala qayb galay Guddoomiyaha gobolka Hayland iyo taliyayaasha booliiska ee goboladda Sanaag iyo Hayland. Dadka banaanbaxayay oo lulayay calamada Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed iyo calanka dawladda Puntland ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo shucuuri ku dheehan tahay kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan doorasho kusheegga khasabka ah ee maamulka Soomaaliland, isla markaana waxa ay muujiyeen taageeradooda ku adaan dawladda Puntland, waxana ay ku wareejiyeen masuuliyiinta dawladda Puntland ee kala qayb gashay banaanbaxani kaararka codaynta doorashada maamulka Soomaaliland oo hore loo siiyay. Sidoo kale magaalooyinka Hadaaftimoiyo Ceelbu ee gobolka sanaag ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo ballaadhan oo looga soo horjeedo metelaadda doorasho ee ka dhacaysa maamulka Soomaaliland, waxaana ka qaybgalay kumanaan kun oo qof kuwaas oo aaminsan qadiyaddooda Soomaalinimo iyo tan Puntland-nimo kana soo horjeeda faragelinta qaawan ee maamulkaasi Soomaaliland. Guddoomiyaha Gobolka Hayland Maxamed Cawil Cabdullaahi oo la hadlay banaanbaxayaasha magaalada Xingalool ayaa waxa uu sheegay in ay ka hortageen kooxo doonayay inay si qarsoodi ah doorashada uga dhacdo degmooyinka gobolka, isagoo tilmaamay in dhammaan degmooyinka gobolka Hayland aysan ka dhicin wax doorasho ah. Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur ayaa waxay sheegtay in shacabka magaalada Xigalool ay muujiyeen dareenkooda iyo sida aysan raali uga ahayn doorashada maamulka Soomaaliland oo ay ku tilmaamtay mid khasab ah, oo aysan dadku raali ka ahayn “Waxaan idiinku hambalyaynayaa sida aad u diideen sanaadiiqdii la idiin keenay oo la doonaayey inaad khasab ku codaysaan, dad aan idiin tirsanayn oo degaankiina u yaqaan magac cuyaal ayaad maanta u muujiseen dareenkiina iyo qadiyaddiina waddaninimo,” ayay tiri Wasiir Sucaad. Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa goobta banaanbaxa ku soo bandhigay kaararkii codaynta ee doorashada Somaliland, kuwaas oo ay ku wareejiyeen Shacabka Magaaladaasi, waxaana uu fariin u diray Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, isagoona sheegay in shacabka reer Sanaag iyo Hayland yihiin dad leh qadiyad, tariikh soo jireen ah, mid geesinimo oo ay iskaga dhiciyaan cadawgooda sida ay horeba taariikhdu u qortay, Isla markaana waxa u nasiib daro ku tilmaamay in Muuse Biixi sheegto waanu hayn oo ah inuu yahay nin talin jiriy, waxaana uu u cadeeyey muumulka Soomaaliland in ay shacabka labadaasi gobol hore iyo haatanba ka tashteen doorashadooda beenta ah ee lagu majara habaabinayo beesha caalamka iyo shacabka rayid ka ah ee maamulkaasi. Source: Puntlandpost.com
  7. Kenya Defence Forces units assigned to the African Union Mission in Somalia (Amisom) are failing to enforce a ban on charcoal exports by Al-Shabaab, a team of United Nations monitors charges in a new report. Shabaab earns at least $10 million (Sh1 billion) a year by shipping charcoal from ports in southern Somalia where KDF units are stationed, the UN panel says. SH200 A BAG “Amisom, whose Kenyan Defence Forces contingents remain deployed at the ports of Kismayu and Buur Gaabo, has neither assisted the Somali authorities in implementing the charcoal ban nor facilitated Monitoring Group access to charcoal exporting ports,” the report states. Poor implementation of the five-year-old UN Security Council ban “enables Al-Shabaab financing and undermines counter-terrorism and counter-insurgency efforts in Somalia,” the report observes. As an example of Shabaab’s continuing ability to thwart counter-insurgency efforts, the UN team cites an attack on a KDF base at Kulbiyow on the Kenya-Somalia border that killed at least 67 Kenyan soldiers. Shabaab militants have also taken the lives of scores of civilians and police officers inside Kenya in the past two years. It is not the first time UN experts have made allegations of KDF non-compliance with the charcoal-export ban. The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring Group said last year that Kenyan troops assigned to Amisom were receiving $2 (Sh200) per bag of charcoal illegally shipped from the port of Kismayo. SH1.2BN Kenyan forces’ collusion in the illicit trade may have brought them $12 million (Sh1.2 billion) in proceeds, the 2016 report suggested. The January attack on the KDF’s Kulbiyow base also resulted in Shabaab’s capture of weaponry that included a 105mm howitzer, an armoured personnel carrier, an 81mm mortar launcher and a heavy machine gun, the new report adds. Shabaab is further said to have used more powerful 120mm mortars, likely seized from an Amisom Burundian base in 2015, in an April attack on a joint Uganda-Somali National Army base at Baledogle. Weapons of that calibre represent “a new and significant threat to peace and security in Somalia,” the report warns. In another worrisome sign of an increasingly diversified Shabaab arsenal, FBI laboratory analyses have shown that the insurgents are now using an ingredient in fertiliser to make vehicle-borne bombs, the UN team says. WEAPONS “The potential use of home-made explosives by Al-Shabaab would allow the group to rely less on the process of harvesting explosives from munitions, which is slow and laborious,” the monitoring team points out. Additional weapons are being illegally imported into Somalia via the country’s Puntland region aboard dhows sailing from Yemen and the Makran coast of Iran, the report finds. At a meeting in September with UN monitors, “Iranian authorities strongly denied any state involvement in the shipment of weapons to Somalia,” the report notes. Along with revenues from charcoal exports, Shabaab finances its operations partly through “taxes” it levies on vehicles traveling on roads it controls, the UN team says. “Large trucks are usually taxed $1,000 Sh100,000), with receipts issued by Al-Shabaab to prevent double taxation at subsequent checkpoints,” the monitors recount. TRADERS Other monthly fees extracted by Shabaab range from $10 (Sh1,000) paid by market traders to as much as $70,000 (Sh700,000) paid by major companies, according to the report. Somalia’s federal government has warned businesses against supporting Shabaab financially, the monitors note. But because the government has only limited capacity to monitor such payments, the warning is unlikely to have much effect on Shabaab’s taxation of business interests, the report adds. Federal institutions likewise remain “incapable of addressing pervasive corruption,” the monitors observe. The electoral process earlier this year was treated by the country’s elite as another opportunity to “capture or maintain control over state resources in Somalia at the expense of peace and security,” the report asserts. Sums of cash were handed out to electors choosing a president last February. BRIBES Other countries became involved in the vote-buying, with the United Arab Emirates said to have been particularly overt in making such bribes. UAE representatives frequently summoned Somali regional administrators to meetings “where they were given cash to persuade their regional members of Parliament to vote for that country’s preferred candidate,” the report says. The UN experts’ generally pessimistic assessment of the security situation in Somalia includes the finding that a faction of the Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL) has grown significantly during the past year. ISIL loyalists in Somalia numbered no more than a few dozen in 2016 but the group now includes as many as 200 fighters, the report says. “The ISIL faction has demonstrated increasingly sophisticated recruitment methods, largely targeted at disaffected members of Al-Shabaab in southern Somalia,” the UN team notes. Source: – Daily Nation
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Gaadiid ay leedahay AMISOM oo dhawaan galay gacanta maleeshiyaadka Alshabaab kuwaa oo la qorsheeyay in iyagoo miineysan lagu dhex daro kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho. Gaadiidkan oo ciidamada Ugandha looga furtay weeraro ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa la qorsheeyay in loo adeegsado weeraro ismiidaamin ah oo lagu qaado Xarunta weyn ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Garoonka Muqdisho. Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka General Muqtaar Xuseen Afrax, oo arrintaan ka hadlaayay ayaa sheegay inay tahay mid been abuur ah. General Muqtaar Xuseen, waxa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in gaadiid ay leeyihiin ciidamada AMISOM loo adeegsan doono qaraxyo laga fulinaayo Magaalada Muqdisho. General Muqtaar Xuseen, ayaa dafiray in Gaadiidkaasi ay ku dhex jiraan magaalada Muqdisho, isla markaana ay maleeshiyaadka Alshabaab la gaadayaan fursado ay ku galaan goobaha ay beegsanayaan. General Muqtaar Xuseen, oo kasoo horjeeda qalqal amni darro oo ku imaada Shacabka ayaa beeniyay xitaa wararka sheegaya in cabsi buuran ay ka jirto Garoonka Muqdisho. Isagoo arrinkaa beeninaaya ayaa waxa uu yiri ”Waxaa soo noqnoqonaya kalmado ah in gaadiid qaraxyo lagu raray oo ay leeyihiin AMISOM ay ku jiraan magaalada, warkaas waa waxba kama jiraan, waxaa shacabka ka codsanayaa in hey’adaha ammaanka ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga lid ku ah iyo hadii ay wax arkaan” Cabsida jirta ee uu dafiray Ku-simaha Taliyaha Booliska, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay qoraal gudaha asbuucan kasoo baxay Taliska AMISOM kaa oo lagu kala diray howlwadeenada Xarunta AMISOM, si baaritaan loogu sameeyo gaadiidka ciidamada. Qoraalka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in xitaa la baarayo xarumaha cadaanka si looga dhex raadiyo walxaha Qarxa isla markaana loo tirro koobo gaadiidkooda oo laga cabsi qabay in lagu soo dhex qariyo kuwa Qaraxyada wada. Si kastaba ha ahaatee, haddalka Ku-simaha Taliyaha Booliska ayaa u muuqda mid loogu laab qaboojinaayo shacabka oo iyagu hadal haya gaadiidka AMISOM ee ku dhex jira magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. The Somali community that settled in Canada says poverty and a lack of access to jobs and academic opportunities are some of the factors behind deadly gang violence that has taken a toll on its youth. More than two dozen young Somali men have died in Alberta because of such violence in the past decade, with gang activity spreading to Toronto as well, officials say. The Somali-Canadian population discussed the issue of gang-related deaths recently at a town hall forum hosted in Toronto by VOA’s Somali Service. In attendance at the town hall were an Islamic preacher, a woman who lost a son to violence, and two people representing youth and parents in the community. More than 200 people attended, including parents, relatives and friends of the victims of gang violence. In 1991, a large number of Somalis fleeing war in their east African country settled in a group of residential towers in northwest Toronto. Cultural challenges The community has struggled to integrate into Canadian life, but several speakers said the largest impediments are cultural challenges, as well as poverty and a lack of opportunities for Somali youth, panel members said. Habiba Aden, a cofounder of a Somali group called Positive Change, lost her 26-year-old son Warsame Ali in a double homicide in September 2012 in Toronto. She said she believes cultural challenges and a loss of identity are major issues driving young Somalis toward gang activity. “Our sons lack paternal role model, and they do not speak their mother language, which forces them struggle with identity crisis,” Aden said. In Canada, “mothers take the leading role of the family while still struggling with raising more than half a dozen kids. They do not get the same help and cultural co-parenting they would get back home from other family members,” Aden said. She said she believes those challenges lead families to be less physically affectionate with one another, and eventually drive their sons to outside influences. Sidiq Ali Hashi, the youth representative on the panel said Somali youth are affected by the socioeconomic status of the community coupled with the influence of the poor neighborhoods they live in. “I think the reason is the environment where the Somali child is being raised. He grows up in the worst poverty-ridden neighborhoods of Toronto,” Hashi said. He said the neighborhoods where Somali youth live lack investments and good schools. Because of these challenges, some students drop out of school and fall in with drug dealers and gangs, Hashi said. Canada, parents blamed Panelist Sheikh Saeed Rageah, a religious scholar and Imam, said the education system in Canada has failed Somali youth, calling the schools “systematic racism.” “The education system in this country was designed to segregate us. When the Somali-Muslim child joins the school, he or she is labeled as a child with attention deficit hyperactivity disorder (ADHD or ADD), which deprives them their rights for a fair teaching and homework support,” Rageah said. However, Saeed Mohamed Mohamud, a parent representative on the panel, said blame belonged not with Canada’s education system but with parents. “Whatever it is, I think the system in this country was not designed for Somalis. It has been the same since we came here. But I would put the primary blame on a bad parenting of many members within the community,” Mohamud said. “I am a parent. I always see young boys who went to school in the morning, and when they come out hanging out the streets of Toronto with their backpacks. Where are the parents of these boys?” Some family members had questions for Toronto police, saying many of the homicide cases of slain Somalis remain unsolved. Toronto police officials said about 40 percent of gang shootings in the city occur in the Toronto neighborhood where Somalis reside. “We have issues with regards to gang members, drug trade, poverty, lack of opportunity, lack of recreational facilities, inadequate … housing. We have issues with families themselves and the culture that is brought into the community,” Toronto police Superintendent Mario Di Tommaso told VOA. Di Tommaso said the gangs in Toronto, including those within the Somali community, are based on race, gender and ethnicity. Community involvement He said the Toronto police have spent resources to investigate the gang-related shootings and homicides, but he said some blame lies within the community and its lack of reporting such activity. “We will have many situations where the community at large, not necessarily the Somali community, will make observations, will witnesses something, and they are reluctant to call the police,” Di Tommaso said. “When that happens, you have a proliferation of crimes within that community, which breeds fear. “We need more witnesses from the community so that we can advance to our investigations,” he added. At least one parent, Mohamud agreed to a point. He said the community was not happy with how the police and law enforcement agencies handled cases involving the Somali youth, saying, “We have a right that government investigates and tells us who killed our kids, but we also need to collaborate with the law enforcement agencies as well.” Abdirahman Yabarow, chief of VOA’s Somali Service, said the forum was designed to give the Somali-Canadian community a chance to explore, brainstorm and find solutions behind the violence that is affecting their youth. At the conclusion of the two-hour discussion, panelists proposed an organization aimed at gathering and making available resources for the community. They also urged those in the audience to unite against the influences that are pushing the Somali youth to drug- and gang-related crimes. Source: VOA
  10. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa ku amartay danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey inuu xilka wareejiyay, kaddib markii laga wareejiyay hawlaha safaaradda. Qoraal 24-kii bishii hore ee Oktoobar soo baxay ayaa ka mid ahayd warqado loo kala diray safiirrada illaa siddeed waddan oo dhawaan la beddelay, balse qaarkood la sheegay inay ku gacan-sayreen amarka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Haddaba, Danjire C/qaadir Shiikhey ayaa wuxuu ka mid ahaa Safiirradii ka dhego-fureystay inuu xilka wareejinayo kuna soo laabto dalka, kaddib markii ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Sidoo kale, Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumadda Somalia ayaa ku war-gelisay Danjire Shiikhey inuu xilka ku wareejiyo, Axmed Dahir Maxamed oo noqon doona sii-hayaha safiirka Somalia ee dalka Imaaraadka Carabta. Dhanka kale, C/qaadir Shiikhey ayaa ka mid ahaa Danjirayaashii ugu xilliga dheeraa isagoo muddo 10-sano ka badan ahaa Safiirka Somalia u fadhiyay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana dowladdihii hore ay ku fashilmeen inay bedelaan Danjirahan oo ka mid ahaa kuwa ugu awooda badan, gacan-saar dhawna la lahaa Imaaraadka Carabta. Ugu dambeyn, Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadka Carabta ay la safan-tahay danjiraha ayna ku amrtay inuusan wareejin xilka, inkastoo ay arrintan tahay mid jiritaankeeda aanan idiin xaqiijin karin. Haddaba, AKHRISO; Qoraalka lagu amaray Danjire C/qaadir Sheekhey;
  11. Al-Shabaab gunmen have killed a prominent elder in Somali capital, Mogadishu, the latest in a string of assassinations against the elders voted for the lawmakers in 2016-2017 Somali elections. The elder was among the electoral delegates who elected one of Tthe Somali lawmakers identified as Hassan Ja’iir last year in Jowhar town. According to witnesses, the elder was accosted by two assailants who shot him dead at close range near his house in Barakro before they manage to escape from the crime scene. Alshabab has claimed for the attack responsibility through a statement posted on pro-Alshabaab website. The group has killed dozens of elders and electoral delegates who participated in Somalia’s two indirect elections that took place in 2012 and 2016. Late last year, Al-Shabaab vowed to kill anybody who take part in the parliamentary elections.
  12. Muqdisho (PP) ─ Xilli Golaha Ammaanka ee QM ay bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay isku raaceen in dhammaadka bisha December ee sanadkan laga soo saaro Soamlia 1,000 askari oo ka tirsan howl-galka AMISOM, ayaa waxaa tallaabadaas ka hor-yimid Mareykanka oo sheegay inaanay xilligaan ahayn xilligii AMISOM ay ka bixi lahaayeen Somalia, maadaama ay sii kordhayso khatarta Argagixisada ee Gobolka Geeska Afrika. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa ka digtay kororka khatarta xagjirnimo ee gobolka, haddii ay sii socoto ka bixitaanka ciidamada AMISOM, gaar ahaan Al-shabaab oo sii kordhiyay weerarada is-qarxinta, sida weerarkii 14-kii Oktoobar ee sannadkan 2017-ka, ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 350-qof. Sidoo kale, Wohlers Marion oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo la hadlay Wargeyska East-African, ayaa sheegay in Mareykanka aanu filayn in askar laga soo saaro Somalia bisha December ee soo socota, iyadoo Mareykanka uu diyaar la yahay inuu sii wado taageerada dhanka Tababarka, Qalabeynta, Sahayda iyo la-talinta ciidamada isugu jirta, si loo dhiso Ciidamo Somali ah, oo bedel u noqda kuwa Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Golaha Ammaanka ee QM ayaa horay u shaacisay in ka bixitaanka AMISOM ay la xiriirto Arrimo dhaqaale, kaddib markii uu Midowga Yurub jaray qaybo ka mid ah maal-gelintii uu siin jiray ciidamada AMISOM. Dhanka kale, Qaraarka Golaha Ammaanka ee ka bixitaanka AMISOM – ayaa loo qorsheeyay in dhamaadka bisha December ee sannadkan ay baxaan illaa 1,000 askari, halka 1,000 askari oo kalena ay baxaan bisha May ee sanadka soo socda, waxaana qorshaha ka bixitaanka AMISOM uu sii taxnaan doonaa illaa sannadka 2020-ka. Ugu dambeyn, Dalalka reer Galbeedka oo uu Mareykanka ugu horreeyo ayaa walaac xooggn ka qaba in xilligaan AMISOM ka baxaan Somalia, iyadoo Al-shabaab aan laga adkaan, isla markaana sii kordhisay weerarrada. PUNTLAND POST The post MAREYKANKA: Lama joogo Xilligii Ciidamada AMISOM laga saari lahaa Dalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsan Daacish ayaa ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha drones-ka Maraykanku Axaddi shalay ka fuliyeen buuraleeyda gobolka Bari ee Puntland,sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland. Sarkaalka oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu wargeliyey dowladda Puntland,ka hor intaan laga fulin dhulka buuraleyda ah ee qiyaastii 30km u jira degmada Qandala ee gobolka Bari,wuxuuna intaasi raaciyey in aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha gaaray malayshiyada,balse ay hayaan xog tilmaamaysa in ugu yaraan 15 xubnood oo Daacish ay dhinteen. “Waxaan kuu xaqiijinayaa in duqeyntaasi jirtay,islamarkaana ay ku dhinteen qaar kamid ah argagixisada. Ilaa 15 dhiigyo-cabbe ayaa halkaas lagu khaaajiyey,sida aan xogta ku helnay“,ayuu yiri sarkaalka oo diiday in magaciisa la xigto. Dhinaca kale Af-hayeen u hashaday Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa sheegtay in dagaallamayal ka tirsan Daacish ah ay ku dhinteen, weerar diyaaradahooda drones-ka ay ka geysteen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland subaxnimadii Axadda. Waa duqeyntii labaad ee Maraykanku la’ beegsado Daacishta Soomaaliya,iyadoo bilowgii bishaan tii ugu horreeysay lagu duqeeyey. Ururka Daacish ayaa labadii sano ee la soo dhaafay ka jiray Soomaaliya,waxaana tiro kamid ah dagaal-yahannadeedu ay horay uga soo goosteen Al-shabaab. PUNTLANDPOST The post Ugu yaraan 15 xubnood oo Daacish looga dilay duqeyn ka dhacday gobolka Bari. appeared first on Puntland Post.
  14. Wafti uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Axmed Ibraahim Cawaale oo gaarey Gobolka Cayn ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah kaararka codbixinta Somaliland oo halkaas lasoo gaarsiiyay. Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa lasoo gaarsiiyay nuqul ka mid ah sawirada kaararka codbixinta Somaliland oo lagu qabtey jiida Gobolka Cayn ay ku leedahay Puntland. Talaabadaan ayaa qeyb ka ah hawlgalo balaaran oo ay Puntland uga hortageyso in maamulka Somaliland uu soo gaarsiiyo diiwaangalinta iyo kaararka codbixinta doorashada xuduuda Gobolladda Sool,Sanaag iyo Cayn oo maalmihii lasoo dhaafey ay wadey ciidamada Puntland. Daawo Sawiradda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Puntland oo Gobolka Cayn ku qabatey kaararka codbixinta Somaliland. appeared first on Puntland Post.
  15. Hay’adda dowliga ah ee la dagaalanka cudurka AIDS-ka ee Puntand (PAC), ayaa maanta oo isniin ah qabatay kullan looga hadlayay jojinta takoorka iyo dhaleecaynta lagu hayo dadka la nool cudurka HIV/AIDS, ee ku nool degaamada Puntland Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay dad ka socday qeybaha kala duwan ee bulsahda, si nabaddoonada, haweenka dhalinyarada iyo masuuliyiin katirsnan hay’addaha dowladda. Ujeedada ugu muhiimsan ee kullankaan loo qabtay waxay tahay sidii bulshada taageero usiin lahaayeen dadka qaba xanuunkaan iyo joojinta takoorka lagu hayo. Dr. Cabdirisaaq Xasan (Tubaako) ayaa sheegay takoorida iyo caawin la’aanta dadka la nool cudurkaan inay keenayso in cudurku sii faafiso oo dhibaatadiisu ay sii balaarato, Wuxuuna intaa ku daray dedaalka ugu weyn ee lagu xakamayn karo cudurkaan inuu yahay wacyi galinta bulshada iyo joojinta faquuqada. Madaxda dhaqanka ee ka hadlay kullankaan ayaa cod dheer ku taageeray dadka la nool xanuunkaan, waxayna bulshada iyo dowladda ugu baaqeen in la iska kaashado sidii dadkaan wax qabad dhab ah loogu sameyn lahaa ama in miisaaniyad gaar ah loo sameyo daryeelkooda maadaama ay yihiin qeyb muhiim ah oo bulshada katirsan. Guddoomiyaha dallada dadka la nool cudurka AIDS-ka, ee Daryeel, Cabdalla Maxamad Muuse ayaa madasha kullanka ka sheegay in magaalada Garowe uu aad ugusii faafayo cudurkaan, waxaana uu sheegay dadka qaba inay gaarayaan 166 qof. Cabdallada wuxuu sheegay kororka inuu keenay wacyi galinta cudurkaan oo hooseeya. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Cali Salaad Diiriye Faarax, ayaa sheegay in xag diin iyo xag dhaqanba ay gef ku tahay in la takooro dadka ka nool cudurkaan, wuxuuna sidoo kale dadka cudurkaan qaba ugu baaqay inay iyagana ka feejignaandaan inay bulshada ku dhex faafiyaan. Agaasimaah hay’adda PAC, ayaa sheegay kullankaan inuu qeyb ka yahay ol’ole balaaran oo ay ku midaysan yihiin hay’addaha dowladda iyo shacabka, kaasoo la doonayo in lagu joojiyo takoorka ka dhan ka ah dadka qaba cudurkaan. Waxaa u guddoomiye qiray in la ogaaday takoorku inuu keenay in dadka qaba iyaguna cadowtinimo ufaafiyeen cudurka. Waxaa uu bulshada ugu baaqay in lasoo dhoweeyo dadkaan loona sameeyo naxariis. Hay’adda PAC ayaa udiyaar garoobaysa xuska maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka aduunka oo ku beegan kowda bisha 12-aad ee sanadkaan. Ciid Qaran PUNTLAND POST The post Kulan ku saabsan joojinta takoorka dadka la nool cudurka Aids-ka oo lagu qabtey Garowe appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda kormeerka cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa waxay sii kobcisay fahamkii Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo qaabka hoggaanka ururka (ISIL), Xubnahaha iyo Hoggaamiyaasha sare iyadoo wareysi lala yeeshay xubno hore oo ka tirsanaa Kooxda Daacish ee deegaanada Puntland Kooxda kormeerka cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa xaqiijisay inay heshay 14 magac oo ka tirsan Kooxdaas, Qabiilkooda iyo Xilalka ay hayaan, inkastoo ay sheegtay inay tahay mid aan caddeyn xilalka rasmiga ah oo ay ururkaas u hayaan. Sida ku cad calaamadaha hordhaca ah ururka Daacish ayaa ka qaab dhismeed iyo Hoggaamin fiican midka Al-Shabaab, waxayna Kooxda Kormeerka ku tilmaamatay qaab dhismeedka Daacish mid aan caadi aheyn. Haddaba Halkaan hoose ka akhriso: Cabdulqaadir Muumin: (Daarood/Majeerteen/Cali Saleebaan): Hoggaamiyaha Ururka Daacish qeybta Soomaaliya, Wuxuuna ahaa hoggamiyihii Ruuxiga ahaa ee Al-Shabaab u qaabilsanaa Waqootiga Soomaaliya, wuxuu ku sugan yahay Buuraha Golis, Dowladda Mareykanka ayaana August 2016 u aqoonsatay inuu yahay Argagixiye. Abdirahman Faahiye, (Ciise Maxamuud), wuxuu Ururkaas dhexdiisa uga qaraabtaa Magaca Axmed Aadan; Khalid; Yacqub; Burane iyo Qabiilka (Darod/Harti/Deshiishe). waa Ku xigeenka Mu’min, waa Hoggaamiyaha labaad ee Ururka Daacish Qeybta Soomaaliya, wuxuu sanadkii 1985 ku dhashay Magaalada Boosaaso, Maamulka Puntland ayaana horey u sheegay inuu ahaa ninkii soo agaasimay Qaraxii 23 may 2017 ka dhacay Magaalada Boosaaso, wuxuu kamid ahaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuu ku sugan yahay Buuraleyda Golis. Mahad Macalin (Majeerteen/Cali Saleebaan), waxaa Adeer u ah Cabdulqaadir Muumin, waxaa markii hore la sheegi jiray inuu ahaa ku xigeenkiisa, balse hadda waxaa la xaqiijiyey inuu kooxdaas u qaabilsan yahay Preaching (Dacwada iyo Baraarujinta), isna wuxuu horey uga tirsanaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuu hadda joogaa Buuraleyda Goolis. Cabdixakiim Dhuqub (Majeerteen/Cali Saleebaan/Ismaaciil Cali), waa Hoggaamiye sare oo ka mid ah Daacishta Soomaaliya, waxayna Da’diisa u dhaxeysaa 50 – 55 Sano, wuxuu ku lug lahaa ololihii Boosaaso looga abuuray Al-Itihaad al-Islamiya (AIAI), sanadkii 2004, Wuxuu kamid ahaa dadkii hormariyey Fikradaha Al-Shabaab isagoo ahaa xubin ka tirsan Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, hadda wuxuu ku sugan yahay Buuraleyda Golis. Abdiqani “Luqmaan” (Daarood/Leelkase): Da’diisa waxay u dhaxeysaa 25-30 jir, waa taliyaha Hoggaamiyo howlgalada Militari ee Ururkaas, wuxuu horey uga tirsanaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna hadda ku sugan yahay Buuraha Golis. “Abuu Xafsa” (Hawiye/Gaaljecel): Waa ku xigeenka taliyaha Hoggaamiyo howlgalada Militari ee Ururkaas, wuxuuna ka hooseeyaa Luqmaan, Qiyaastii da’diisa waa 30 sano jir, wuxuu horey uga tirsanaa Al-Shabaabka joogo Gobolka Hiiraan, waxaana la qiyaasayaa inuu kooxdaas ku daray ciidamo badan oo kasoo jeedo Koonfurta Soomaaliya iyadoo loo marayo Shakhsi kooxdaas dhexdeeda looga yaqaan “Jabal”. Xamza Fareey (Daarood/Majeerteen): Waa Madaxa Dacwada iyo Baraarujinta Ururka Daacish Soomaaliya, wuxuu ahaa xubin hore oo ka tirsanaa Shabaabka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuu hadda ku sugan yahay Buuraleeda Golis. Abdibasid oo la baxay Magaca Mukhtar (Majeerteen/Cali Saleebaan): Da’iduusa waxaa lagu qiyaasayaa 30 sano jir, balse muuqaal ahaan wuxuu u muuqdaa nin dhallinyaro ah, waxaa macquul ah inuu ka tirsan yahay Sirdoonka ama iibinta Hubka. Sidoo kale waxaa xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan ururkaas xogtooda laga helay Wareysiyo Sirdoon, Ilo kamid ah laamaha amniga iyo Shirkadaha Taleefoonada, waxaana kamid dadka xogtooda la helay : Abdiweli Mohamed Aw-Yusuf “Walah” (Majeerteen/Ali Salebaan/Ismail Ali) Abshir Mahamoud Mire Mahamoud, oo Daacish Dhexdeeda looga yaqaan Abshir Gardhere Jaamac Ismaaciil Said Salahm, oo Daacish dhexdeeda looga yaqaan Jama Dhere; Ahmed Omar Ali “Beerdhagax” oo looga shakinsan yahay inuu yahay qofka hubka soo iibiyo Abdirahman Yusuf Mahamud Adan iyo Maxamed Bile Gash Yuusuf , waa ninka u qaabilsan Kooxda ISIL dhanka Taleefoonada iyo Isgaarsiinta.
  17. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa soo saartay warqad ay ku amreyso safiirka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta inuu deg deg xilka u wareejiyo, kadib markii xilka laga qaaday. C/qaadir Shiikhey oo muddo 10 sano ah hayey xilkan, ayaa wararku sheegayaan in lagu kari la’yahay inuu xilka ka dego, islamarkaana uu diiday inuu yimaado magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Warqadda loo diray ee ku taariikheysan 24-ka October ayaa ku wargelisay Danjire C/qaadir Shiikhey inuu xilka ku wareejiyo Axmed Dahir Maxamed oo noqon doona Siihayaha Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrintan aysan ka marneyn khilaafka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dalka Imaaraadka Carabta ee la xiriira xiisadda khaliijka. Shiikhey ayaa la sheegay inuu aad ugu dhow yahay Imaaraadka Carabta, islamrkaana xil ka qaadistiisa ay qeyb ka ahayd arrintaas, ayada oo dowladda ay dooneyso shaqsi ka amar qaata Villa Somalia, balse aan looga talin Abu Dhabi. Dhowaan ayuu safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi ku qabtay shir ay ka qeyb galeen madaxdii hore ee Soomaaliya, oo laga sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta tahay tan kaliya ee caawisa Soomaaliya. Diidmada inuu xilka wareejiyo ayaa la sheegay inay tahay awood uu muujinayo isaga oo taageero ka haysta dowladda Imaaraadka Carabta. Hoos ka aqriso warqadda loo diray Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Waxaa sii kordhayo muranka ku aadan dhul ku yaal agagaarka Beerta Jaadka lagu iibiyo ee Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo (Muuri) halkaas oo la doonayo in laga bixiyo dad badan oo shacab ah oo halkaas daganaa muddo 30 Sano ah. Nin ganacsade ah ayaa sheegay inuu iibsaday Dhul uu lahaa Nin Talyaani ah balse ay deganaayeen burburkii dalka kadib dad Danyar ah kuwaasoo oo laga barakicinayo Xaruntii hore ee Muuri, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in taasi tahay cudur daar dhulka looga kicinayo. Guddi ay sameysteen dadka dagan xarunta Muuri oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in si sharci darro ah dhulka looga kicinayo isla markaasna la doonayo in laga iibiyo ganacsade Soomaaliyeed.. Guddigaan ayaa sheegay in la xiray Guddoomiyihii xiradaas Cabdi Saciid Nuuxa, waxayna sheegeen in muddo 40 Berri ah uu ku xiran yahay Gaalshire iyadoo aan lasoo taagin wax Maxkamad ah lana caddeyn sababta rasmiga ah ee lagu xiray. Garaad Cabdiqani Nuur oo kamid ah Odayaasha deegaankaas ayaa sheegay in dhulkaas si sharci daro ah looga bixinayo, wuxuuna carabka ku dhuftay inay halkaas daganaayeen muddo 30 sano ah. Garaadka ayaa sheegay inaysan wax dood ah ka qabi laheyn haddii ay dowladda Soomaaliya si sharci ah uga bixineyso Xarunta Muuri, balse wuxuu muujiyey inay jiraan qaab dadban oo lagu doonayo in dhulkaas lagu boobo, sida uu hadalka u dhigay. Nabadoon Muxyadiin Yuusuf Faarax oo isna ka hadlay Shirkii Jaraa’id ee lagu qabtay Xarunta Muuri ayaa sheegay inay ganacsatada dooneyso inay dhulka la wareegaan ay markii hore usoo bandhigeen inay qoys walba oo halkaas dagan siinayaan 20 Kun oo Dollar si ay meeshaas uga baxaan, wuxuuna sheegay inay codsigaas diideen, isagoo sheegay in loogu hanjabay in dhulkaas si xoog ah looga bixin doono. Nabadoon Cabdi Maxamed Cali oo isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay inay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waydiiyeen sababta loo xiray guddoomoyahooda, wuxuuna sheegay in loogu jawaabay inaan lasii deen doonin ilaa ay isaga guuraan Xarunta Muuri. Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin muranka ku saabsan dhulkaas ay daganaayeen dad shacab ah iyo haddii ay dowladda Soomaaliya amartay in meeshaas la baneeyo. Hoos ka daawo cabashada dadkan
  19. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka dhismaha guddiga madax-bannaan ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa, kaasoo horay u soo jeedisay xukuumadda FS. Dhismaha Guddigaan ayaa gacan ka geysan doona La-dagaalanka Musuq-maasuqa oo ah waxyaabaha ugu weyn ee ragaadiyay Dowladda Somalia, isla markaana horay u jireen kiisas musuq-maasuq ah oo ay ku lug yeesheen mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasoo aan maxkamad la soo taagin. Sidoo kale, Wasaaradda Cadaaladda Somalia ayaa soo diyaarisay Hindise-sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa, iyadoo haddii la dhiso guddigaan uu ka mid noqonayo guddiyada madaxa-bannaan ee la dhisay tan iyo markii la dhisay xukuumadda hadda jirta. Dhanka kale, Sharcigan oo muddo ay ka doodeen xildhibaanada ayaa waxaa ugu dambeyn maanta loo qaaday cod, iyadoo ay Ansixiyeen 141 xildhibaan, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay. Ugu dambeyn, Ansixinta guddiga ayaa waxay noqonaysaa tallaabo ka mid ah kuwa ay dowladdu ku doonayso inay kula dagalaanto musuqa, kaasoo si aad ah u ragaadiyay hawlaha hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Somalia. PUNTLAND POST The post Xidhibaanada Somalia oo Ansixiyay Sharciga Dhismaha Guddiga La-dagaallanka Musuqa appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wareysiyo lala yeeshay dagaal yahanno hore oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday mushaharka la siiyo dagaalyahanada kooxda. Kooxda kormeerka cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa warbixin ay soo saartay shaaca uga qaaday in dagaalyahanada aan guursan ee kooxda aysanba qaadan wax mushahar ah, halka kuwa guursaday la siiyo bishii 50 dollar. Dagaalyahanada guursaday ee caruurta leh, ayaa sidoo kale canugiiba waxaa lagu siiyaa lacag u dhaxeysa 10 illaa 20 dollar oo dheeri ah, oo ku xiran da’da canuga. Lacagtan ayaa shaaca ka qaadeysa in mushaharka kooxda Daacish ee Soomaaliya uu bishii dhan yahay lacag u dhaxeysa 3,000 illaa 9,000 oo dollar, ama 36,000 illaa 108,000 oo dollar sanadkii, marka laga reebo hogaamiyayaasha kooxda. Warbixinta ayaa sheegtay in mushaharka sidan u hooseeya uu kooxda u suurta gelinayo inay maal-geliso weerarada ay ka fulineyso Soomaaliya, ayada oo isticmaaleysa miisaaniyad aad u hooseya, islamarkaana aan isku haleeneyn lacag dibedda kaga timaada. Si kastaba, mushahar la’aanta dagaalyahannada darajada hooseeya, ayaa ka dhigeysa in kooxdan ay ka goostaan xubno badan, dhibaatadan oo sidoo kale ay wajaheyso kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (caasimadda Online) – Kulankii Maanta ay Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa. Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana ogolaaday 141 Mudane, ma jirin xildhibaano diiday iyo kuwa ka aamusay intaba. Dhismaha Guddigan ayaa gacan ka geysan doona la dagaalanka musuq maasuqa oo ah waxyaabaha ugu weyn ee ragaadiyay dowladda, isla markaana horay u jireen Kiisas musuq maasuq ay ku lug yeesheen Mas’uuliyiin, kuwaasoo aan maxkamad la soo taagin. Sharcigaan ayaa waxaa horay u soo gudbisay Wasaaradda Cadaalada waxa uuna yahay mid muhiim u ah in laga hortago musuq maasuq oo ay dowladda ka socon la’aday maadaama masuuliyiinta qaarkood lagu eedeynayo. Waxaana dhawan bilaaban doona dhismaha guddigaan oo ka mid noqon doona Guddiyada madaxa banaan ee muhiimka u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dhanka kale Xildhibaanada ayaa goor sii horeysay ansixiyay Miisaaniyadda Xukuumaddii Cumar C/rashiid ee sanadihii 2015-2016, waxaana ogolaatay 141 mudane, 12 xildhibaan ayaa diiday, halka 3 ka aamustay.
  22. Muqdisho (PP) ─ Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa go’aamiyay in dhamaan wasaaradaha xukuumaddu ay faraan shirkadaha iyo hay’adaha is-diiwaangelinaya ama cusbooneysiinaya rukhsadaha ay la yimaadaan caddeyn muujineysa inay leeyihiin sanduuq boosto. Kulankan oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Md. Mahdi Maxamed Guuleed, waxaa la isku af gartay in wasaaraduhu ay gacan weyn ka geysan karaan sidii loo dardar-gelin lahaa boostada dalka, iyagoo sameynaya tallaabooyin lagu dhiirri-gelinayo isticmaalka boostada. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Inj. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in guddi gaar ah oo uu madax u yahay Wasiiru-dawlaha uu u xilsaaray sidii ay u dardar-gelin lahaayeen Boostada Dalka, una beddeli lahaayeen qaabka ay hadda u shaqeyso oo caqabado badan ay ka hor yimaadeen. Wasaaru dawladaha, Mudane C/laahi Bile Nuur, oo soo jeediyay qorshaha Wasaaradda ee dhinaca boostada ayaa sheegay in dhowaan la billaabi doono in boostada dalka loo diri karo dalka dibeddiisa, ka dib markii bishii Luulyo ee sanadkan ay Wasaaraddu la soo saxiixatay Boostada Jabuuti heshiis wada-shaqeyn ah oo dhex maraya Boostada Soomaaliya iyo midda Jabuuti. Sanadkii 2013-kii ayaa la billaabay in la keeno boostada ka imanaysa dibedda, hase yeeshee ma suurtogelin in dibedda loo diro boostada ka baxaysa dalka. “Ciwaanka kaliya ee Somalia ka jira waa sanduuq boosto, waxaana u baahan shirkadaha, macaamiisha bankiyada, jaamacadaha iyo xafiis kasta. Waxaan dooneynaa inaan isbedel weyn ka sameyno qaabka ay u shaqeyso Boostadu, waayo waxay astaan u tahay dawladnimada iyo ilbaxnimada, waxayna fududeysaa adeegyada ganacsiga iyo dawladdaba,” ayuu hadalkiisa mar kale ku yiri. Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ku War-gelineynaa inay u diyaar garoobaan isbeddelada cusub ee lagu sameyn doono Boostada Qaranka. PUNTLAND POST The post Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wasiirada DF oo soo saaray go’aan la xiriira Rukhsadaha iyo… appeared first on Puntland Post.