-
Content Count
203,080 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan la isla dhex marayey inay dalka Soomaaliya soo galeen Ciidamado badan oo ka socday dalka Itoobiya kuwaas oo duulaan ku ah Maleeshiyada Shabaab ee ku dhuumaaleesaneyso duurka Gobolada Soomaaliya. Wararkaas ayaa ahaa kuwa si weyn isku soo tarayey, waxaana Magaalada Luuq laga soo sheegay inay kasoo gudbeen ciidamo badan oo Itoobiya ah kuwaas oo ku wajahan deegaanada Koonfur Galbeed iyo qeybo kamid ah Jubblanad. Haddaba Howlgalka AMISOM ayaa beenisay inay Ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub ay soo galeen gudaha Soomaaliya. AMISOM ayaa warkaas ku tilmaamtay mid aan xaqiiq aheyn isla markaasna lasoo abuuray. wakiilka Midowg Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Xarunta Xalane ayaa sheegay inaysan jirin Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay dalka Soomaaliya. Wakiilka ayaa weydiiyay saxafiyiinta halka ay soo galeen ciidamada cusub iyo xilliga ay yimaadeen, wuxuuna si kulul u beeniyay warar muddooyinkan sii xoogeystay oo ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay la wareegayaan meelaha ay banneeyaan ciidamada AMISOM oo bixitaankooda bilaabaya. Wakiilka ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidamada AMISOM si tartiib ah looga saarayo Soomaaliya, iyado 1000-ka askari ee ugu horeysay ay ka bixitaankooda Soomaaliya lasoo afjarayo aakhirka sanadkan. Saraakiisha dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay dhowaan in ilaa 1000 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay kasoo gudbeen xuduudka Gobolka Gedo. Arrntaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan dadka deegaanka Luuq ay sheegeen inay xaduuda kasoo gudbeen ciidamo ka socdo dalka Itoobiya oo qiyaastooda lagu sheegay 3 Kun oo Askari. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin ciidamadaan Itoobiyaanka ah ee la sheegay inay dalka soo galeen, inkastoo madaxweyne Farmaajo uu dalkaas ka codsaday inay ka qeyb galaan Dagaalka la doonayo in lala galo Ururka Al-Shabaab. Sidoo kale Website ku hadlo Afka Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe qorayey inaysan jirin Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay dalka isla markaasna uu warkaas yahay mid been ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Garowe Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayay kaga horyimaadeen in xuduudaha maamulka Puntland ay ka dhacdo doorashadda maamulka Somaliland. Xildhibaanada ayaa soo saaray Go’aamo mamnuucaya in doorashadda Somaliland ay soo gaarto degaanada maamulka Puntland iyo qeybo ka mid ah degaanada lagu muransan yahay. Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo markuu kulanku soo dhamaaday la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in xukuumadda laga doonaayo in ay ilaaliso xuduudaha maamulka Puntland. Inka badan 30 xildhibaanada ayaa taageertay Go’aanka looga hortagaayo doorashadda Somaliland, Sida uu sheegay Gudoome Axmed Cali Xaashi. Somaliland iyo Puntland ayaa muddo waxa ay ku mursanaayeen gacan ku haynta deegaano badan oo ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, oo midba uu sheeganayo in maamulkiisa uu ka tirsan yahay. Maamulka Khaatumo ee gobolladaas ka dhisan, islamarkaana uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh, ayaa dhowaan ku biiray maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Former Somaliland vice presidents on Monday apprised the presidential candidates and their supporters to keep calm during their presidential campaigns in a press conference held in Hargaisa. In a joint statement issued by the ex presidents they aurged all the candidates to sue for peace and ensure campaign rallies transpire within the legal framework. “We callon all political actors as well as the public to have a room for peaceful rallies which can culminate into free and fair elections and refrain any act of violence that can plunge the region into chaos,” said the for deputies. The former deputy presidents also warned any political violances that could hamper in the process, calling the concerning authorities to preserve calm and peace in the country during the campaign and the elections after.” The ex-leaders are Ahmed Yussuf Yasin (During the government of Riyaale Kaahin), Abdirahman As Ali Farax ( during the reign of President, Mohamed Haji Ibrahim Igal) and Hassan Ise Jama’a who was the deputy president in the government of president Abdirahman Ahmed Ali which was formed in 1990. Their sentiment came days after angered protestors stormed on Abdurrahman Irro’s residential house, leading to critical injuries on his security guards. Somaliland will hold its presidential elections on 13th November this year following several poll postponements. With over 870, 000 voters, the elections will take place 23 districts across the region. Somaliland has declared unilateral independence from the rest of Somalia in 1991. Despite restoring stability and governance, it’s efforts for an international recognition has not so far accomplished. Hiiraan
-
Frensisco Madera Safiirka Midoowga Afrika ee Arimaha Soomaaliya oo Wariyaasha kula hadlay xarunta Xalane ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay Arimo kala duwan . Frensisco Madera waxa uu xaqiijiyay in Ciidamo Ka socdo AMISOM ay dhamaadka Bishaan ka bixi Doonaan Dalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay si tartiib tartiib ah ay uga bixi doonaan gudaha dalka Soomaaliya islamarkaasina ay dhamaatay howlgalkoodii. Waxa uu ku hanjabay in inta aan la gaarin sanadkaan ay ciidamada AMISOM Al-Shabaab ka saari doonaan goobaha ay ku suganyihiin ee Gobolada dalka Soomaaliya. Frensico Madera Ayaa sidoo kale Beeniyay in Ciidamo Cusub oo Itoobiya ka socdo ay Soo Galeen Gudaha Dalka Soomaaliya. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Cod-AMISOM-Clip-ka-bixitaan-PP.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post AMISOM oo Xaqiisay in Dhamaadka Sanaadkaan Ciidamadeeydu Ay ka Baxayaan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Dood xoogan ayaa ka taagan canshuur kordhin markii labaad lagu sameeyay ganacsatada wax soo dajisa ee reer Muqdisho, arintaan waxaa sameeyay wasiir maaliyadda ee Somalia C/raxmaan Beyle Ducaale, waa markii labaad ee lacag kordhin lagu sameeyo tan iyo markii la dhisay xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Ganacsatadu waxey qabaan dood xoogan oo ku aadan in 8 bilood gudahood 2 jeer la kordhiyo lacagaha laga qaado, waxey kaloo ka cabanayaan in aaney helin adeegyadii ay xaqa u lahaayeen markii ay canshuurta bixiyaan, taas waxaa dhaliisheeda leh wasaaradda maaliyadda ee Somalia. Daqliga kasoo xarooda Dekadda Muqdisho, Garoonka Aadan Cade, iyo Ganacsiyadda ay lee yihiin Muqdishaawiyiinta ayaa laga bixiyaa 276 milyan oo ah miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii, waxaa kaloo laga bixiyaa qidmadda la siiyo maamul goboleedyadda ee ah $150,000 (boqol iyo konton kun) bil kasta. Si walbaba Muqdisho wali waa aamusan tahay, laakiin sida xogta lagu hayo wasiirka maaliyadda ee Somalia C/raxmaan Beyle ayaa 2 jeer ka hor yimid codsi uu maamulka gobalka Banaadir ku dalbaday in miisaaniyadda loo kordhiyo 10%, gobalka Banaadir hadda sanadkii wuxuu qaataa 15 milyan oo dollar. Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa horey u sheegay in hadii loo korhiyo qoondada la siiyo in maamulkiisu uu kordhin doono Iskuuladda lacag la’aanta ah, inuu dhisi doono xarumo caafimaad oo bilaash ah oo laga hir galin doono 17-ka dagmo, inuu kordhin doono dab damisyadda, inuu shaqaale horleh u qori doono gobalka Banaadir iyo inuu labo jibaari doona dhismaha wadooyinka iyo goobaha qadiimiga ah ee gobalka Banaadir. Hadda waxaa maamulka gobalka Banaadir u furan inuu ka hor yimaado in canshuurta lagu kordhiyo muwaadiniintiisa iyadoo uu wali wasiir Beyle hor taagan yahay lacagihii loogu adeegi lahaa dadka gobalka Banaadir. Ma jirto wax ay ganacsatadda Muqdisho ku muteysateen in lagu qasbo in ay kordhiyaan biilka la siiyo goboladda kale iyo Dowladda dhexe badalkeedana ay bur bur iyo baahi ku jiraan caruurtooda, wasiir Beyle hadda waa inuu fahmaa kuwa uu rabo inuu lacagaha ka aruursado iyo kuwa uu u diidan yahay in wax loo kordhiyo iney hal qof yihiin sidaa darteedna ay muhiim tahay inuu la yimaado aragti kale. Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com
-
In recent times, the people of Somaliland have demonstrated a sense of accountability and commitment towards maintaining the democratization process of their nation’s fledgeling democracy. Once again, the election bells are ringing, and the people are ready to vote and elect the 5th president that will pilot the country’s socio-political and economic affairs for the next five years. A Presidential debate was heard on October 19, 2017, with all three Presidential candidates participating in the discussion, which lasted approximately 6 hours. Presently, all three political parties namely, Waddani, Kulmiye, and Ucid are busy campaigning and promoting their party’s political ideology in the quest to woo support from the electorates. International observers from Europe, USA and Africa have arrived the country to monitor the polls as the democratic world awaits the election day which is scheduled for November 13, 2017. Swedish Parliamentarians representing five of Swedish political parties have issued a statement directed at the President of Somaliland, to the political parties and to the country’s electoral commission, to make concerted efforts in ensuring that the elections are free, fair and credible. These Parliamentarians were Birgitta Ohlsson (The Liberal Party), Margareta Cederfelt (The Moderate Party), Amir Adan (The Moderate Party), Hillevi Larsson (The Social Democratic Party), Magnus Oscarsson (The Christian Democrat) and Daniel Bäckström (The Centre Party). The Somaliland National Electoral Commission (NEC) in collaboration with international bodies and experts has the capacity to organize free, fair and transparent elections, drawing from their wealth of experience in conducting previous elections. The upcoming election will witness the use of advanced technology such as Iris-Recognition Software, which will be deployed for registration, control, and to ascertain voters credibility–the first of its kind in the whole of Africa. The Iris-Recognition Software will go a long way in checkmating electoral fraud and help to minimize the chances of electoral disputes. The multi-party political system and democratic transition are not new to Somaliland. The country’s political system and its governmental institutions are well entrenched in democracy, which is the primary reason the country is being referred to as “the shining star of democracy” in Africa. The multi-party political system has played a vital role in Somaliland’s democracy following the approval of the constitution by the people of Somaliland in 2001. In 2003, the first presidential election was held in Somaliland, which was followed by a second poll that was successfully conducted in 2010, ushering in the era of smooth democratic transition. The previous elections were primarily considered free and fair by international observers. Somaliland is a small and peaceful region located in East Africa. Unlike some other African countries, Somaliland is not characterized by conflicts, civil wars, and dictatorial regimes. Although the country is yet to gain full international recognition from the global committee of nations, it fulfils the international legal criteria for recognition by maintaining law and order, referendums and protecting its borders. The country has functioning governmental institutions, an independent justice system, well-equipped police and security forces that protect the country’s territorial integrity, national flag and currency, and more symbols that define a sovereign state. One can rightly deduce that Somaliland has succeeded in creating peace, stability, and democracy in a region characterized by violence, terrorism, starvation and political conflicts. Against this backdrop, Somaliland deserved to be rewarded for the development and achievement made so far since the country’s declaration of independence in 1991, after the collapse of the regime of Somali dictator, Mohammed Siyad Barre. It is extremely important that the international community should respond and commit to supporting this positive development that the country is undergoing. To this end, the Swedish government is called upon to assist this emerging democratic trend in Somaliland, by giving recognition to the independent status of the country. The Swedish government should also endeavour to provide humanitarian aid which can help in fostering youth employment, infrastructure development, and sustainability of the democratic process in Somaliland. Undoubtedly, Somaliland’s special indigenous conflict-resolution procedures and its success story may provide an example to Somalia, which will play a vital role in the peace-building of Somalia and the entire region as well. Musa M. Isse is a journalist, author and social entrepreneur based in Stockholm, Sweden He can be reached at musa.m.isse@hotmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka fakareyso sida magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uga furan laheyd Saldhig Militery. Qoraal kooban oo lagu daabacay wargeysyada maxaliga ah, ayaa waxaa lagu sheegay in qorshahaasi uu yahay mid lagu xoojinaayo xiriirka Sacuudiga kala dhexeeya Somalia. Waxaa qoraalka lagu sheegay in Saldhigaasi uu xoojin doono xiriirka Sacuudiga iyo Somalia, isla markaana ay uga gaashaman doonaan duulan kaga imaada dalalka aan daneyn Siyaasada iyo xasiloonida ka jirta Sacuudiga. Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa horay Madaxda ugu sareysa dalka uga dalbaday in lasiiyo dhul baaxad weyn oo ay ka dhistaan Saldhig Militery, hase ahaatee ma uusan helin jawaab waafi ah. Dowlada Somalia waxa ay dalabkaasi ku diiday qoraal oo ay la wadaagtay dowlada Sacuudiga, inkastoo aan laga sii bixin faahfaahin cad. Boqorka sacuudiga, oo adeegsanaaya dowlado xiriir dhow la leh Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa dadaal xoogan ku bixinaaya sida uu ku dhaqan galin lahaa qorshihiisa fog ee ku aadan Saldhiga Militery ee Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Dowlada Sacuudiga ayaa tartan kula jirta dowladaha Turkiga iyo Qadar, waxaana xusid mudan inay aad uga careysan tahay Saldhiga ay dowlada Turkiga ka dhisatay Somalia. Si kastaba ahaatee, Somalia ayaa goob loolan u noqotay dalalka Carbeed oo iyagu doonaaya in Somalia ay ka dhigtaan Saldhigyo laga taakuleeyo Xagjiriinta si aanu Somalia u hanaqaadin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Sharma el-Sheekh ee dalka Masar, waxuuna ka qeyb galayaa shirka dhalinyaradda Aduunka kaas oo looga hadlo xaalada dhalinta iyo sidii looga wacyi galin lahaa arrimaha Tahriibka iyo xagjirnimada oo saamayn wayn ku yeeshay dunida oo dhan. Ra’iisul wasaaraha ku xigeenka Soomaaliya ayaa kulan hor u dhac ah la qaatay Madaxweyna wadanka Egypt Cabdifatax Al Sisi, iyagoona ka wada hadlay in laga wada shaqeyo sidii la iskaga kaa shan lahaa la dagaalanka iyo cirib-tirka Ururka Alshabaab iyo in la abuuro fursado shaqo iyo kuwo waxbarasho kuwaas oo lagu dhiiri galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si aysan u dooran fikradaha ku salaysan argagixisada. Madaxwayne Al Asisi ayaa balan qaaday in uu kordhin doono deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxuuna cadeeyay in ay taageero dhan walba ah la garab istaagayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona u jeedo iyo dan gaar ah ka lahayn Soomaaliya. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khader ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay shirka, oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Equatorial Gunnie. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Madaxwaynaha Dalka Masar. appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in Qarax Miino oo dhulka lagu aasay in lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka Tirsan booliska Dowladda Kenya. Qarax oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq,waxaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Kenya. Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab in weerar daba-gal ahaa in ay ku qaadeen ciidamo katirsan Booliska Kenya xilli ay marayeen wadada xiriirisa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq. Shabaab waxa ay sheegeen in labo gaari oo ah kuwa loo yaqaan Kooyalka lagu gubay weerarka. Sidoo kale Al Shabaab waxay sheegtay in hub u badan qoryaha G3-ga ay dagaalyahanadoodu kusoo qabsadeen qaraxii ka dhacay gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya. Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan weerarka ka dhacay gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Al-Shabaab oo Weerar ku Qaaday Kolonyo Ciidamada Kenya ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ganacsatada alaabaha kala soo daga Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in lagu kordhiyay lacagihii laga qaadi jiray, iyagoo sheegay in tallaabadaas ay qaaday Wasaaradda Maaliyadda Soomaailya. Mar ay ganacsatadu la hadleen warbaahinta gudaha ayay sheegeen in 25% lagu kordhiyay canshuuraha laga qaado ganacsiyada dibadda laga keeno ee kasoo daga dekedda Muqdisho. Sidoo kale, Ganacsatada ayaa sheegay inaysan awood u lahayn inay lacagta lagu kordhiya bixiyaan, iyagoo sheegay in dhawaan ay si toos ah uga hadli doonaan go’aanka canshuur kordhinta ee Wasaaradda Maaliyadda Somalia iyo waxa ay ka qabaan. “Ganacsatada Muqdisho waxaa u socda kulammo gaar-gaar ah, waxaana doonayaa kulammadaas kaddib inaan caddeyno mowqifkeenna arrintaan ku aaddan,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah ganacsatada Xamar. Dhanka kale, Tallaabadan ayaa imanaaysa iyadoo ganacatada alaabaha kala soo daga Dekedda Muqdisho ay sheegeen inay dhibaatooyin kala kulmaan shirkadda Turkiga ah ee gacanta ku haysa Dekedda Muqdisho. Ugu dambeyn, Wasaaradda Maaliyadda Somalia ayaan weli wax hadal kasoo saarin canshuur kordhinta la sheegay inay ku sameeyeen ganacsiyada lagala soo dego Dekedda caalamiga ah ee Xamar. PUNTLAND POST The post Ganacsatada Muqdisho oo sheegay Dowlada Somalia ay kordhisay Canshuuraha laga… appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Daacishta Somalia ay bilaabeen howlgalo ka dhan ah maamulka Puntland. Maleeshiyaadka oo ku hubeysan Hub iyo Gaadiid casri ah, ayaa la xaqiijiyay inay bilaaben howlgalo laga sameynaayo banaanka buuraha Galgala. C/raxmaan Maxamuud oo kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in indhihiisa uu ku arkay maleeshiyaad Hubeysan oo howlgal ugaarsi ah ka fulinaaya banaanka buuraha. Waxa uu tilmaamay in mudada ay howlgalka ku guda jireen ay dhac ku hayeen Gaadiidka iyo dadka xamaalatada ah ee ku dhow dhow buuraha. Waxa uu intaa ku daray inay ka xeysteen gaadiid nooca raaxada iyo kuwo waaweyn ah oo loo badinaayo inay u adeegsan doonaan weeraro. ”Waxaan goobjoog u ahaa furashada gaadiid noocyo kala duwan leh oo ay kala dageen dad shacab ahaa, waxa ayna kusii qaaten dhowr dhalinyaro” Wuxuu sheegay inaan horay looga baran falalka furashada gaadiidka iyo qafaalashada dhalinyarada, balse waxa uu ku taliyay in la sameeyo ka hortag. Sidoo kale, waxa uu carab dhabay inay sumeyn ku bilaabeen ceel-biyoodka ku yaalla dhammaan deegaanada ku dhow dhow goobaha ay gacanta ku hayaan. Geesta kale, waxa uu cadeeyay in ciidamada maamulka Puntland ay gadaal uga soo durqeen Saldhigyadii ay ku sugnaayen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in la kordhiyay lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Ganacsatada alaabaha kala soo dega Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho. Ganacsatada ayaa la sheegay in 30% lagu kordhiyay lacagaha Canshuurta, xili ay jirto dhaqaale xumi ay ka cabanayaan. Canshuur kordhinta ayaa waxaa sameeyay Wasiirka Maaliyada u qaabilsan xukuumada C/raxmaan Beyle, oo dhaliilay dhaqaalaha usoo xarooda Ganacsatada iyo dhaqaale yarida ay ka cabanayaan. Yuusuf Maxamuud oo kamid ah Ganacsatada ayaa sheegay inay ku adag tahay bixinta lacago canshuur ah oo uu tilmaamay inay tahay 30%. Waxa uu sheegay in muddo Sanad gudihiisa lagu kordhiyay laba jeer Canshuurta waxa uuna intaa raaciyay in Dekadda qudheeda ay ku qabaan dhibaato, isla markaana aysan garankarin sababta looga qaadayo dhaqaale intaa dhan. Waxa uu intaa ku daray in Canshuurta lagu kordhiyay ay tahay waxyaabaha Dibadda laga keeno ee laga soo dejiyo Dekadda Muqdisho arintaasna aysan awoodin Ganacsatada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Ganacsatada ayaa wada dadaalo ay xal ugu raadinayaan Canshuurta farahabadan ee lagu soo rogay, iyagoo kulamo la qaadanaaya Wasiirka Maaliyada iyo Maamulka Sare ee Dekadda. Geesta kale, waxaan arrintaan ka hadal Wasaaradda Maaliyadda, oo iyadu dhaqaale abuur ka sameyneysa Dekadda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
International observers are often fascinated with the Somalian people’s close relations with Turkey and their appreciation for the support. Indeed, as a recovering state that has experienced one of the most traumatic civil wars in modern history, Somali has been and continues to be assisted by many partner nations and agencies in different ways alongside Turkey. Of course, for this, the Somali people and government are grateful, but the question remains, what makes Turkish assistance so much more appealing to the Somali people? Somali will never forget President Recep Tayyip Erdoğan’s first visit with his family and a plane full of cabinet ministers, humanitarian professionals and business leaders at the height of the 2011 famine. By simply setting foot in a supposed international no-go zone, President Erdoğan re-injected hope and optimism in the Somali people. Erdoğan ultimately dismissed the hopelessness attached to Somalia by the international community by making clear that African country did not need containment like an international pariah state, but instead it needed support to be able to stand up once again and contribute to its own stability and progress. Now, many foreign dignitaries regularly visit Somalia, but the year 2011 was a game changer for Somalia and the way the world viewed it simply because of President Erdoğan’s visit. Following the 2011 visit, President Erdoğan has went many more times to Somalia and each time the Turkish government’s efforts in Somalia have become more visible. Where most international support to Somalia is through multilateral channels, Turkish financial and development assistance has always been direct and driven by public need and national priorities. Among these are the infrastructure that Mogadishu and other cities rely on including roads, hospitals and the management of the port and airport for service delivery and revenue generation to finance public expenditure. In addition, Turkish schools and professionals are living and working alongside the Somali population and strengthening people to people relations that are crucial for confidence building and changing the still dominant negative narrative on Somalia. The best example of Turkey leading the way in direct response to Somali needs is the immediate arrival of Turkish health assistance after the most recent devastating terrorist attacks in Mogadishu a few weeks ago, which killed over 300 people. In addition to sending the first medical plane to provide emergency treatment and then evacuating many of the most injured, Turkish Health Minister Ahmet Demircan also visited the day after to show solidarity and reiterate Turkish commitment to supporting Somalia through this difficult process. At a time when the world stood still in shock, the Turkish government responded without hesitation. This no doubt truly touched the hearts and minds of the Somalians everywhere, so much so that Turkey is now clearly seen as Somalia’s first responder by its people. The success of the Turkish engagement and partnership in Somalia has been its directness, swiftness and visibility. The Turkish engagement has cut out expensive foreign middlemen and the crippling bureaucracy associated with international multilateral assistance that delays development. Turkish Airlines (THY) is the only international carrier that flies to Mogadishu, Turkish investors are the first on the ground, Turkish hospitals and schools are among the key public service providers Somalis rely on, and Turkey has established a training facility to train the next generation of Somali soldiers where others have been concerned with training units for smaller operations. As a recovering state, Somalia must be, and already is, grateful to all those partners that support it. In total, these pay more financially than Turkey itself contributes to Somalia through multilateral framework and networks. However, this assistance is hard to quantify as it is mainly statistics and academic and not very visible. The citizens of Somalia, the main beneficiaries of all assistance, do not want just paper reports of progress but real deliverables that improve their daily lives. The Turkish government seems to have understood this well not just in Somalia but also across the whole African continent. What other partners can learn from the Turkish engagement in Somalia is that it is impossible to support a country like Somalia to develop without trusting its slowly strengthening institutions. Of course, Somali institutions must strengthen and improve further in transparency and service delivery, but they cannot do this if all assistance is channeled through third party agencies that themselves are enormous bureaucratic black holes. For now and the foreseeable future, Turkey will remain Somalia’s first responder. However, the Somali government must use the good relations with Turkey and its direct diverse support to illustrate to other valuable partners that Somalia has truly turned the corner towards stability, good governance and progress. This Turkey cannot do for Somalia. Source: – Daily Sabah
-
Former President Barack Obama announced in a video on Wednesday that he is inviting civic leaders from around the globe to Chicago next month, where they will exchange ideas and plan ways to solve some of the world’s common problems. The inaugural Obama Foundation Leadership Summit “will be a place to gather and learn from one another, and then go back to your communities to lead others in the hard work of change,” Obama said in a video and email released to supporters. Obama said he expects the summit will bring together hundreds of leaders from around the world—many of them young people. The summit will be the beginning of several activities the Foundation is planning, Obama said: In the weeks and months ahead, we’ll be kicking off more initiatives and opportunities for people like you to get involved with the Obama Foundation’s mission. That mission is simple: We want to inspire and empower people to change the world. The former president wrote in the email that one of the new projects is an Obama Foundation fellowship “to support and elevate outstanding civic innovators‚ individuals from around the world who are working with their fellow citizens to tackle big challenges.” Another project will be “training days,” which he said will “teach young people how to put civics into action where they live.” Other projects are in the works, including the merging of Obama’s signature My Brother’s Keeper Alliance program fully into the Obama Foundation. With the summit, Obama said he and his wife Michelle Obama want to “hear directly from the future leaders we want to cultivate,” according to The Hill: And what makes me so hopeful, so optimistic, is that so many of you have shown up, dived in and embraced the kind of active citizenship that makes our democracy work. Source: – Viral Daily Posts
-
The U.S. Justice Department on Monday sought to revoke the citizenship of four Minnesotans from Somalia who are accused of defrauding the Diversity Immigrant Visa Program more than a decade ago. According to four civil complaints filed by Washington, D.C.-based Justice Department attorneys, Fosia Abdi Adan, Ahmed Mohamed Warsame, Mustaf Abdi Adan and Faysal Jama Mire posed as a nuclear family and used false identities in applying for visas. Before coming to the United States in 2001, Adan, 51, of Eden Prairie, allegedly claimed to be married to Ahmed Mohamed Warsame, 54. According to the complaints, the two also claimed that Mustaf Abdi Adan, 33, and Faysal Jama Mire, 31, were their children. Adan and Warsame divorced in Minnesota soon after Warsame was admitted as a permanent resident, at which time he also changed his name. Warsame has since been living in St. Cloud and Mustaf Adan and Mire have both been living in Hennepin County. The Diversity Visa Lottery, which grants visas to a limited number of people from countries with historically low rates of immigration to the United States, has been in the spotlight since the Oct. 31 terror attack in New York City by a man who immigrated from Uzbekistan under the program in 2010. President Donald Trump called for the elimination of the program after the attack. In a statement announcing the Minnesota complaints on Monday, Attorney General Jeff Sessions added that the country’s current immigration system is “easily abused by fraudsters and nefarious actors.” “Chain migration,” which gives priority for entrance to immigrants with family members, “only multiplies the consequences of this abuse,” Sessions said. Neither defendant could be reached for comment, and they did not have attorneys listed for them as of late Monday. In the complaint against Adan, attorneys alleged that she engaged in “alien smuggling,” rendering her ineligible for naturalization. Each of the four also faces numerous counts that include allegations of illegal procurement of naturalization and lacking valid immigration documents. The United States is seeking a judgment revoking the four defendants’ citizenship and also “forever restraining and enjoining” them from claiming “any rights, privileges, benefits or advantages” under any documentation gained during their initial naturalizations. According to the affidavit of a Department of State agent assigned to Minneapolis, Warsame omitted a 1996 marriage in Yemen to another woman and details about his biological children. That woman told fraud investigators in 2010 that she was Warsame’s sole marriage and that he had obtained fake marriage documents for himself and Adan, who is a distant relative. In an interview with the State Department investigator at his St. Cloud home last year, Warsame admitted to posing under a fake name and lying about his marriage to Adan to gain citizenship. Adan and the two men who claimed to be their children were each cousins of Warsame’s, he said. The pair are also accused of falsely claiming a third child, who was denied entry to the U.S. Source: StarTribune
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xiritaanka loo gaystay qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada, wasiirrada iyo ganacsatada waa hawlgal billaw ah oo meesha lagaga saarayo musuqmaasuqa, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud. Qoraal uu soo saaray Sheekh Sacuud Al Mojeb ayuu ku sheegay in xiritaanku “uu billaw u yahay hawlgal muhiim ah oo xididdada loogu siibayo meel kaste oo musuqmaasuq ka jiro. Wararka la xiriira hawlgalka ka dhanka ah ganacsatada iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda ayaa soo baxay Axaddii. Waxayna arrintaasi awoodda u sii kordhinaysaa Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal sugaha Sacuudiga. Guddi musuqmaasuqa la dagaalamaya oo uu hogaaminayo dhaxal sugahan 32 jirka ah ayaa amray in xabsiyada loo taxaabo 11 ruux oo qoyska boqoortooyada ka tirsan, afar wasiir, iyo tiro kale oo dad horay wasiirro u soo noqday ah. Al Waleed bin Talal oo ah ganacsade caalamka laga yaqaanno oo hodan ah ayaa la sheegay in uu ka mid yahay dadka la hayo. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taageeray tallaabada ay qaadday xukuumadda Sacuudiga. “Kalsooni wayn ayaan ku qabaa Boqor Salmaan iyo Amiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga, hawsha ay hayaanna si wanaagsan ayay u yaqaannaan” ayuu Twitter-ka ku soo qoray. Sheekh Sacuud Al Mojeb oo waxa qabsoomay ilaa iyo hadda war ka soo saaray ayaa sheegay in “wajigii koobaad” ee baaritaanku uu soo idlaaday. “Waxaan arruurinayay caddaymo muhiim ah, su’aalo faahfaahsan ayaana la waydiiyay”, ayuu hadalka ku sii daray Xogtan u dambaysay ee musuqmaasuqa ayaa imaanaysa iyadoo ay sii socdaan baaritaannada ay dawladdu ku haysto waxa dhaliyay burburkii ku yimid diiyaaraddii maraysay agagaarka xadka Yemen. Amiir Mansour bin Muqrin oo ah ku xigeenka badhasaabka gobolka Asir ayaa ka soo laabanayay hawlgal indhoindhayn ah markii ay diyaaraddiisu ku dhacday agagaarka Abha ammin dambe oo Axaddii ah. Ma cadda waxa dhaliyay burburka diyaaradda. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xilli uu gabo-gabo marayo Oloalaha Doorashada Somaliland oo 6 maalmood ka harsan, ayaa waxaa billowday in suuq-madow loogu iibiyo kaararka codbixinta ee la siiyay shacabka. Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle Taliye ku xigeenka Booliiska Somaliland oo shir jaraa’ida ku qabtey Hargeysa, ayaa sheegay in arrintaani ay dhibaato xooggan ku keenayso amniga iyo deegaanshaha. Booliska ayaa soo bandhigay Saddex eedeysane oo la sheegay in lagu soo qabtay kaarar ay dadka uga aruursanayeen qaab aan sharci aheyn, iyadoo dadka ugu bedelanayay Kaararka codbixinta raashiin. Dadkaan la qabtay oo ka kooban 3 Haween ah oo uu wehliyo hal Nin ayaa dadka kaararka waxa ay uga bedelanayeen Raashin, sida ay Warsidahan u sheegeen Illo-wareedyo ku sugan Hargeysa. “Doorashada way dhawdahay waqt yar ayaana inoo harey, marka waxaa rabay inaan sheego bulshada in nabad-gelyada ay wax uu dhimaysoo kaararka muwaadiinta ku codeynayaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Kaararkaan iyo Dadkii watay oo gaaraya 60 Kaar ayaa la qabtay iyadoo ay kamid yihiin Gudoomiyeyaal iyo Gudoomiye laameedyo in kastoo Saraakiisha Booliiska Somaaliland ay ka gaabsadeen. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isasa soo tarayay eedaymo ay isk dhaafsanayeen Madaxda Xisbiyada Somaliland, oo isku eedeeyay qabiilka iyo arrimo kale. Musharaxiinta kala ah Feysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Cirro, iyo Muuse Biixi ayaa u tartami doono xilka madaxweynaha Somaliland iyadoo doorashada ay ka duwan kuwii hore, maadaama la eedaynayo.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho waxaa weli ku sugan Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug sida, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Galmudug kadib markii siyaabo kala duwan ay ku yimaadeen Xamar. Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho kula kulmay tiro ka Saddex jeer Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Cali Gacal Casir iyo ku xigeenkiisa 2,aad kadib markii uu u yeeray. Xog la helay Dalsan ayaa waxa ay sheegeysaa in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in uu la kulmo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug si xal looga gaaro khilaafkii sababay in siyaabo kala duwan xilal looga kala qaado Saddexda Masuul ee ugu sareysa Maamulka Galmudug. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa iskudayaya in uu xal ka gaaro khilaafka hareeyay Maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jeddah (Caasimada Online) – Sacuudiga waxaa ku sugan Soomaali fara badan oo isugu jira kuwa Sharciga dalkaa heystaa iyo kuwa aanan heysan. Boqortooyada ayaa sanad waliba soo saarta amaro ka dhan ah dadka soo galootiga ah ee aanan heysan sharciyada Sacuudiga Soomaalidane ay ku jirto. Soomaalida ayaa Kunool Gobolo uu kamid yahay Al-Baaxa oo dhanka Waqooyi ka jira Daaif, Jiddeh iyo Sabya oo dhacda dhanka Koofureed ee Gobolka Jazin (Jayzaan). Inta badan Soomaalida kunool Sabya iyo Jiddeh ayaa ah kuwo ku shaqeysta Adeegayaasha (Qadaamooyinka), waxayna dhibaatooyin ku qabaan Digniinta Joogtada ah ee Shirkadaha Isgaarsiinta Sacuudiga ay u dirayaan, maadaama Boqortooyada ay cadaadineyso Shirkadaha. Shirkadaha Isgaarsiinta ee Sacuudiga ka howl gala oo saddex ah ayaa kala ah:- 1-STC (Jawwy/ Saba), 2-Mobily iyo 3-Zain, waxayna bixiyaan adeegyada isgaarsiinta, sida Hadalada Telefoonada, Interntetka iyo adeegyo kale. Amaradii ugu dambeeyey ee kasoo baxay Boqortooyada ayaa saameyn ku yeeshay Ajaanibta Sacuudiga kunool oo ay kamid yihiin Soomaalida, gaar ahaan kuwa Sharciga Heesta oo aanan horay u saameyn jirin Awaamiirta. Xukuumadda Riyadh ayaa bilawday in shuruudo adag lagu xiro bixinta Simikaarada sida Soomaali ku sugan Sacuudiga ay Mustaqbal u sheegeen, Waxayna Bilaabeen Dhageysiga Telefoonada Soomaalida ay heystaan. Bixinta (Shareexada / Sim Card-ka) oo si sahlan lagu siin jiray dadka heysta sharciga Sacuudiga, waxaa la sheegayaa in hadda la adkeeyey bixinteeda. Lambarka ehelka ee (Raqam Caa’ilah) ayaa ahaa mid aanan Xadidneen oo hormuudka qoyska uu qaadan karo illaa inta uu rabo, si uu qoyska ugu qeybiyo Lambaradaasi. Boqortooyada ayaa wax ka badashay arrintaan, waxayna sabab ugu dhigeysaa, in uu luminayo dhageysiga telefoonada shaqsiyaadka ay doonayaan, waxayna kusoo koobeen in qoyska ugu badan ay heysan karaan illaa 5-Nambar oo kaliya. Ciidamada Sirdoonak Sacuudiga ayaa kordhiyey dhageysiga Macluumaadka la isku weydaarsanayo Telefoonada, kadib markii ay faraha la galeen Dagaalada Yemen ka socda oo Sacuudiga daris la ah. Cadaadiska iyo culeyska ugu badan ee isgaarsiinta ayaa yimid kamdi markii Maxamed Bin Salmaan loo magacaabay in uu noqdo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga. Sida Sharciga Sacuudiga uu dhigayo, dhaxal sugaha ayaa inta uusan la wareegin Howsha Boqortooyada sii shaqeeya, isla markaana sii diyaarsada amarada uu doonayo in uu dalka kusoo rogo kolka uu hanto Talada. Sacuudiga ayaa sheegay in Sharciga Ogolaashiyaha Dalkeeda ay heystaan Dad gaaraya 12-Milyan oo ah Ajaanib, waxaana kamid ah Muwaadiniin Soomaali ah oo qaarkood Muddo fog dalkaa joogay. Ciidamada Booliiska ayaa iyaga qudhooda bilaabay in ay Guryaha u galaan Ajaanibta Soomaalida ay ku jiraan, iyagoo heysta Xogta Teleefoonadooda. Arrintaan ayaa u muuqata mid Ciidamada sacuudiga ay kula socdaan dhaq-dhaqaaqa Boqortooyada dadka ku sugan. Dhanka Soohdinta ay wadaagaan Yemen oo ah marinka Soomaalida ay Sacuudiga kaga tallaabaan waxaa lagu xiray Silig, qeybta kore Kaamirooyin looga xiray si loola socdo dadka Xuduudda ka gudbaya. Soomaalida Sacuudiga kunool gaar ahaan kuwa aanan sharciga heysan waxa ay qabtaan:- Hagaajinta Guryaha, Dhaqidda Gawaarida, Ilaalinta Xoolaha, Waraabinta Beeraha, Dhismaha guryaha iyo kuwo kale. Halka kuwa Sharciga heysta ay u badan yihiin:- Macalimiin dhigta Dugsiyada Qur’aanka, Gadista Tukaamada, Kaxeenta Gawaarida iyo Shaqooyin Kale. Sida Sacuudiga uu ula dhaqmi jiray Dadka Aqoonsiga (Bidaaqada) Heysta Iyo kuwa Aanan Heysan ayaa maanta kala duwan. Tiro Soomaali ah oo Sacuudiga ku sugan ayaa Mustaqbal u sheegay in ay dareemayaan Culeeska amarada isdaba jooga ah, waxayna sheegeen in wargelin la’aan laga xiranayo SIM Card-radooda, taasine ay dhumiso Xiriirka Soomaalida Gudaha Sacuudiga ku sugan iyo eheladooda oo Dalka ku nool.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ku guda jira wadatashiyo ay kusoo xulayaan Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida. Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa la tashiyada la leh Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada, Odayaasha beelaha, Wasiiro iyo Siyaasiyiin ku dhow dhow dowlada. Labada mas’uul ayaa la tashiyada ugu badan la leh Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo iyagu ku loolamaaya labada xil oo iminka faaruq ah. Taliyaha ciidamada Booliska ayaa waxaa u sharaxan ilaa 4 mas’uul oo labo kamid ah ay horay usoo qabteen xilkaasi, halka Taliska Nabadsugida ay u taagan yihiin 5 musharax oo labo kamid ah la sheegay inay horay ugu soo fashilmeen xilal ay kasoo qabteen dowladihii hore, sida aan xogta ku helnay. Sidoo kale, warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Kheyre ay diideen inay ku degdegaan magacaabida labadaasi xil, sababo la xiriira fashilo oo horay u dhacay. Geesta kale, Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa buux dhaafiyay mas’uuliyiin loolan ugu jira xilalka faaruqa ah ee aan iminka lagu magacawneen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, ayaa shaaca ka qaday in dowlada Somalia ay qaadi doonto talaabo lidi ku ah maleeshiyaadka Alshabaab. Wasiir Ducaale, waxa uu xaqiijiyay in maleeshiyaadka Alshabaab ay ku noolyihiin dhiiga bulshada Soomaaliyeed, balse ay dhawaan soo afjari doonaan magacooda. Wasiirka oo ku sugan magaalada Doxa ayaa ku nuux-nuuxsaday xili uu ka hadlaayay shir uu la qaatay madaxda dalkaasi in Somalia aysan kuwada noolaan doonin dowlada iyo Shabaab, balse cid un ay ka talin doonto. Waxa uu tilmaamay inay diyaariyeen shax ay Shabaabka uga saarayaan dhammaan dalka, gaar ahaan Gobolada ay ku leeyihiin Saldhigyada, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, dowlada Doxa ayuu cadeeyay inay u istaagtay ka qeybqaadashada dagaalka ay dowlada Somalia la galeeyso maleeshiyaadka Alshabaab, balse ma uusan bidhaamin qaabka ay uga qeybqaadan doonaan. Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa weli ku guda jirta u diyaar garowga dagaal ka dhan ah Alshabaab, waxaana xusid mudan in wafuud kala duwan loo diray dalalka ay Somalia saaxiibada la tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Ciyaaraha Puntland ayaa shahaado sharaf loogu aqoonsadey doorkey ka qaadatey ciyaaraha iyo dhiirigalinta dhalinyarada gudoonsiisay Hay,adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ka dib xaflad lagu maamuusayo guusha ay kasoo hoyeen maalin ka hor gabdho ku ciyaaraya kubbadda koleyga magaca PDRC oo ka guulaysatey koox kale oo la yiraahdo Garowe City Sidoo kale Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyaradda iyo Isboortiga Puntland ayaa qoorta u surey Buraale Kabayare bilad sharaf hawlkarnimo oo ku lamaaneysan shahaado sharaftii la siiyay hay,adda PDRC . PDRC ayaa lagu xasuustaa taageeradii ay ka geysatey ciyaarihii Gobolladda ee ugu horeeyay Puntland 10 sano ka hor, Iyadoona wixii intaas ka dambeeyay si toos ah ugu hawlaneyd arrimaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha. Daawo Xafladda Abaalmarinta. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post PDRC oo lagu abaalmariyey Xulka Kubbadda Koleyga Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 Nov 2017 magaalada Muqdisho kaga qayb galay kalfadhiga 2-aad fadhigiisa 15-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS. kalfadhiga 2-aad fadhigiisa 15-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS ayaa waxaaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle. Madaxweynaha dawladda Puntland oo ka hadlay Fadhiga 15-aad ee kal fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS ayaa waxa uu sheegay in Golaha Aqalka Sare ee Baarlaanka DFS uu yahay golaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya kajira, waxaanu uu timaamay Madaxweynuhu in Aqalka Sare ee DFS uu leeyahay awoodo iyo shaqooyin u gaara oo loo baahan yahay inay fahmaan mudanayaasha Aqalku. Sidoo kale Madaxweynaha oo lahadlaya mudanayaasha Aqalka Sare ayaa xusay inay si toosa u metelaan dawalddaha xubnaha ka ah DFS, madaama taasi-jirtona loo baahan yahay inay wada shaqayn dhow oo joogta ah la yeeshaan dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah DFS. Dhica kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS inay aaminaan fadaraaliisamka, ku shaqeeyaan Fadaraaliisamka, dardar-geliyaan hirgelintiisa maadaama iyaga laftooda lagu soo doortay nidaamkaas uuna yahay nidaamka keliya ee Soomaaliya lagu horumarinkaro. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland ahna Guddoomiyaha golaha wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS iyo kan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DFS ay Puntland ku yeelan doonaan xafiisyo ama xarumo ay ku shaqeeyaan , isla markaana ay xarumadooda Puntland looga hirgelin-doono ay ku jiridoonaan qasriyo lagu marti-sooro oo ay ku nastaan, ku shaqeeyaan, wakhtigooda fasaxa ku qaataan. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS appeared first on Puntland Post.
-
HARGEISA– Somalilanders are tired of continued allegations that the Opposition Wadani party is affiliated with Somalia. This is according to former water minister Bashe Ali Jama who termed the allegations by ruling Kulmiye party as a cheap vote seeking propaganda unworthy the time and efforts the ruling party puts into. Stressing that presidential elections are being held in Somaliland and not Somalia, the former minister who quit both his water portfolio in the president Silanyo administration and joined Opposition Wadani party recently said “Citizens of this country are not fools and though any association with Somalia is like an epidemic to them, terming Wadani as Mogadishu funded is cheap politicking” This sentiments were expressed during an interview with Geeska Afrika in which he called upon Somalilanders to desist from clan based politics, maintain peace and vote for the Wadani party candidate Abdirahman Irro during the forthcoming presidential elections “We all know what Kulmiye party is and what can be expected from its win” said Bashe Ali adding that unless Wadani wins the presidency what Somalilanders can expect in the next five years is continued inflation, corruption, unemployment and most negative institutionalized tribalism and nepotism. In conclusion the resigned water minister reiterated his call to the effect that Somaliland is not part of Somalia thence Kulmiye should stop said insinuations and solicit votes through a policy based campaign. Geeskafrika
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay Kku xigeenka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee xagga Nabadgelyada iyo Amniga & Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Guddoomiyaha iyo Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa Amniga iyo sidii Muqdisho looga dhigi lahaa meel xasilooni isla markaasna laga hortago falalka ay sameenayaan Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heyso shacabka Soomaaliyeed. Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay qodobo badan oo ku aadan amniga Mudqdisho, waxaana ugu dambeyn la isku afgartay in si wadajir ah looga qeyb qaato amniga Caasimadda Muqdisho. Kulankaas kadib Guddoomiyaha iyo labadaan mas’uul ayaa si wadajir ah u booqday Isgoyska 14 October oo ay ka dhacday Musiibadii weyneyd ee saameynta ku yeelatay dhammaan dadka Muqdisho, waxayna halkaas kusoo sameeyeen indha indheen saameyntii uu reebay qaraxaas iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa dhismaha guryaha burburay. Halkaan hoose ka daawo sawirada
-
Popular Contributors