-
Content Count
214,538 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa si kulul uga hadlay Xildhibaano uu sheegay in si maalaayacni ah uga maqan yihiin kulamada baarlamaanka. Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in maqnaanshiyaha Xildhibaanada baarlamaanka ay muujineyso mas’uuliyad daro ka muuqata Guddoonka Golaha shacabka. Guddoonka baarlamaanka ayuu sheegay in laga doonaayo inay la xisaabtamaan Xildhibaanada maqan, isagoo ku baaqay inay lagamamaarman tahay in la helo isla xisaabtan. ‘’Waa nasiib darro in Gudoonka uusan la xisaabtamin Xildhibaanada maqan, taxa ay isla xisaabtan la’aanta muujineysaa in cid waliba ay u banaan tahay sameynta waxa ay doonto’’ ‘’Waxaa arrin khalad ah in Xildhibaanada qaar ay joogteeyan kulamada, qaarna ay ka maqnaadan kulamo waliba waxaan arrinkaas weydiineynaa Gudoonka baarlamaanka’’ Xiddig ayaa sheegay in XIldhibaanno yar oo uu isaga ka mid yahay ay xilli hore xaadiraan kulanka Golaha shacabka halka kuwo kalena uu sheegay in aysan imaan fadhiga Golaha shacabka. Waxaa uu intaas ku daray in markii ay dhaceysay doorashada Guddoonka cusub Xildhibaanno ka badan 200 ay xaadireen kulanka islamarkaana ka qeybgaleen doorashada guddoonka cusub, hadana ay ka maqan yihiin kulamada muhiimka ah. Sidoo kale, Xildhibaan Xiddig ayaa sheegay in muhiimada ay u shaqeynayaan Golaha shacabka ay tahay wax u qabashada dadka iyo dalka hayeeshee aysan Xildhibaannada qaar arrintaas ku baraarugsaneyn. Haddalka Xildhibaan Xiddig ayaa u muuqanaaya mid lagu muujinaayo khaladaadka ay caadeysteen Xildhibaanada baarlamaanka iyo isla xisaabtan la’aanta ka jirta dhanka Guddoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Khubarada saadaasha hawada ayaa maalmihii u dambeeyay ka digayay roobab duufaano wata oo ku aaddan xeebaha Puntland iyo Somaliland. Duufaan xoog leh ayaa ka dhacday degaanada ku teedsan Gacanka Cadmeed, taas oo sababtay roobab culus oo ka da’ay waqooyiga Soomaaliya labadii maalmood ee la soo dhaafay. Duufaanta waxaa ku burburay guryo badan, iyadoona ay ku dhinteen ku dhawaad 2,000 oo xoolo ah, kadib fatahaada ka dhashay roobabka kaas oo geystay khasaaro lixaad leh. Roobabka wata dabeylaha ayaa ku rogmaday qeybo kamid ah deegaanada labada maamul sida magaalooyinka Qardho, Barbera iyo deegaano kale oo dhowr ah. Hay’adda QM u qaabilsan isku dubarridka arrimaha bani’adanimada ee UNOCHA ayaa sheegtay in khasaare xoog leh uu geystay Roob dabeylo watay oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka da’ayay Waqooyiga iyo bariga Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay UNOCHA ayaa waxaa lagu sheegay in 35 Guri ay baaba’een sidoo kalena ay in ka badan 2,000 oo neef ku Bakhtiyeed duufaanta iyo Roobka ku dhuftay xeebaha maamullada Somaliland iyo Puntland ee Soomaaliya. Warbixinta UNOCHA ayaa lagu sheegay in 56 Neef oo Geel ah, 1,260 Neef oo Ari ah iyo 19 Dambeer ay ku nafwaayeen degaanada dhaca Laasqori,Habarshiiro iyo Ceel Buur ee Gobolka Sanaag. “Hay’adaha bani’aadamnimada ayaa si dhow ula soconaya xaaladda waxyeelada duufaanta kasoo gaartay dadka kunool Puntland iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda gargaarka ee QM. Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Puntland, roobab culus ay ka da’een , waxaana ka mid ah meelaha ugu daran Bareeda, Caluula, Murcanyo, Gumbax. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka gaashandhiga Soomaliland Ciise Xanwar oo maalmahan socdaal ku maraayey degaano katirsan galbeedka Gobalka Sanaag, gaar’ahaan magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn ayaa xalay si lama filaana kusoo gaaray degmada Hadaftimo oo katirsan gobalka Sanaag. Wasiirka ayaa magaalada Hadaaftimo kula kulmay Suldaanka guud ee Gobalka Sanaag Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam lamana oga waxa ay kawada hadleen, waxaase khilaaf xoogani ka dhashay markii uu wasiirku isku dayey inuu u gudbo Magaalada Badhan oo ah xarunta gobalka Sanaag ee Puntland, iyadoo ay magaaladaas kasoo baxeen ciidamo ku hubaysan gaadiidka dagaalka oo is hortaagay inuu wasiirku gaaro magaalada Badhan. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo weli wasiirka gaashaandhiga Soomaaliland waxa uu ku sugan yahay magaalada Hadaaftimo waxaana socota waan-waan lagu doonaayo inuu wasiirkaasi si nabada ku tago magaalada Badhan maadama uu kasoo jeedo degaanka, hase ahaate taliska ciidamada daraawiishta Puntland ee gobalka Sanaag ayaa arintan si aada uga gaws adaygay, waxayna ku adkaysanayaan inuusan masuulkaasi tegi karin Badhan. Booqashada Wasiirkan ee gobalka Sanaag ayaa kusoo aadaysa xili xiisad dagaal oo aad u kulul laga dareemaayo qaybo kamida Gobalka Sool oo ay ciidamo xoogan kusoo daabulayaan dhinacyada Puntland iyo Somaliland kaidb dagaaladii kharaara ee maalmo kahor degaanadaas ka dhacay. PUNTLAND POST The post Puntland oo Wasiirka gashaandhiga Somaliland iska hortaagtay inuu galo magaalada Badhan appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka da’aya roobab ma hiigaan ah oo socda saacado aad u badan. Roobabkan ayaa biloowday xalay Lixdii saac ilaa xiligaan oo Lixdii saac oo duhurnimana waa ay ka da’ayaan Magaalada Muqdsisho. Roobabka ayaa geystay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac. Warar aan ka helnay degmada Xamar weyne ayaa waxaa ay sheegayaan in 3 ruux ay dhinteen kadib markii guryihii ay daganaayeen oo ahaa kuwo xili hore la dhisay ay ku soo dumeen. Sidoo kale waxaa Jira khasaarooyin kale oo soo gaaray dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan xerooyinka barakacayaasha ee Muqdisho. Roobabka ayaa biyo farbadan dhigay wadooyinka muhiimka ee Muqdisho waxayna kala xireen isku socodka qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho, sidoo kale waxaa maanta baaqday imtixaankii shahaadiga ee dalka. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Roobaab ma Hiigaan ah oo saacado badan ka da’aya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Labo ciyaartooy oo u dhashay dalka Jarmalka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan ayaa la kulmay madaxda dalka Jarmalka si ay sharaxaad uga bixiyaan kulan ay la qaateen madaxweynaha Turkiga Racep Tayib Erdogan. Labada ciyaartooy ayaa la kulmay madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier kadib markii siyaasiyiin kala duwan ay ku eedeeyeen in ay taageero u fidiyeen Erdogan ka hor inta aysan dalkaasi Turkiga doorashooyinka ka dhicin. Dowladda Jarmalka ayaa horey u dhaleeceysay Erdogan , iyada oo ku eedeeyay sidii uu ula dhaqmay mucaaradka kadib afgambigii dhicisoobay. Waxa ay ka tirsanyihiin xulka Qaranka, iyaga oo u diyaargaroobaya tartanka koobka adduunka ee bisha dambe ka dhici doona dalka Ruushka. Xiriirka kubadda cagta Jarmalka ayaa sidoo kale eedeeyay labadan ciyaartooy. Madaxweynaha Jarmalka ayaa sheegay in ay muhiim ahayd in ciyaartooydan ay kala caddeeyaan moowqifkooda, iyada oo Ozil uu sheegay in uu Jarmalka barbar taaganyahay, halka Gurdogan uu sheegay in Jarmalka uu yahay dalkiisa. Erdogan ayaa hoggaamiya Turkiga muddo 15 sano ah, iyada oo 14-ka bisha June loo dareerayo goobaha codbixinta dalkaas. ISHA BBC
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘’Nacnac’’ oo ka mid ah Golaha Wakiilada Soomaaliland, ayaa ku goodiyay in dagaalka ay kula jiraan Puntland uu sabab u noqon doono barakac ka dhaca magaalada Garoowe. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘’Nacnac’’ oo u waramaayay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka dheereynaayo xuduudka hadalka, sidaa aawgeed ay ka shaqeyn doonaan sida dagaalkooda uu ku gaari lahaa magalada Garoowe. Waxa uu Xildhibaanka sheegay hadii ay Puntland joojin weyso dagaalka tukaraq ay ka wado in laga qaxi doono magalada Garoowe, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Puntland kama waaban doono waxa ay ku khasban tahay inay joojiso dagaalka haddii ay joojin weydo waxaa laga qixi doonaa Garoowe’’. Xildhibaan ’Nacnac’’ ayaa sidoo kale Jawaab kulul ka bixiyay haddal maalinimadii shalay kasoo yeeray maamulka Puntland kaa oo ahaa in Somaliland ay taageerto Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in labadaba aysan aqoonin balse ay ka go’an tahay iska difaacida Puntland. Waxa uu tilmaamay in Puntland aysan aqoon dagaal afka ah wax ka badan, taa oo uu ula gol leeyahay inay Somaliland ku tilmaanto taageerida Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, waxaa sii xoogeysanaaya xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada maamul. Haddalka Xildhibaan ’Nacnac’’ ayaa kusoo beegmaaya xili Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi uu shalay sheegay inaanu duulaan ku aheyn magaalada Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A political bloc led by populist Shia cleric Muqtada al-Sadr, a long-time adversary of the United States who also opposes Iranian influence in Iraq, has won the country's parliamentary election, the electoral commission said on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Eight killed in bomb attack on cricket match in Afghanistan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Eight people have been killed and dozens more wounded by multiple explosions at a cricket match in the eastern Afghan city of Jalalabad, officials said. Source: Hiiraan Online -
Kenya and other troop-contributing countries (TCC) believe they have made tremendous efforts in degrading Al Shabaab and enforcing peace in Somalia 10 years after the incursion. Source: Hiiraan Online
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dooneysa inay Soomaaliya u masaafuriso nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi, hase yeeshee waxaa hortaagan hal xujo, oo ah in Cali uu sheeganayo inuu yahay Mareykan. Kiiskiisa ayaa waxaa jahwareeriyey waqtiga uu dhashay. Cali waxaa u qoran inuu dhashay 1-da Janaayo, 1985, sida Soomaali badan oo Mareykanka degan, loo qoondeeyey markii loo soo qaadayey qaxooti ahaan. Hase yeeshee aabihiis Maxamed Salayman ayaa ku dooday inuu dhashay December 24, 1985. Cali ayaa waxaa lagu qabtay doroogo iyo dambiyo kale sanado badan ka hor, waxaana dowladda Mareykanka u furan inay masaafuriyaan maadaama uusan ahayn Mareykan. Hase yeeshe, Cali ayaa ku dooday inuu ahaa Mareykan marka uu dambiga galay. Sharciga Mareykanka ayaa qofka si toos ah Mareykan uga dhigaya marka waalidkiisa qaataan dhalashada, hadduu ka yaryahay 18 sano. Marka aaibihiis Maxamed Salayman uu qaatay dhalashada, Cali wuxuu ahaa 18 jir, sida ku cad sharcigiisa Mareykanka, hase yeeshee wuxuu ku dooday dhalashada 1-da Janaayo inay tahay mid aan jirin, oo uu dhashay December 24 1985, sidaas darteedna uu ahaa 17 jir, uuna si toos u noqonayo Mareykan. Dowladda Mareykanka ayaa ku dooday in warqad dhalasho oo uu soo bandhigay ay ka buuxaan qaladaad xagga English-ka. Sidoo kale waxa warqadda ku saxiixan Cali Xaaji Muuse. Hase yeeshee, dowladda ayaa soo bandhigtay in 1985, duqa magaalada Muqdisho uusan ahayn Cali Xaaji Muuse. Kiiska oo maxkamad la isla tagey, ayaa waxaa ku guuleystay Cali, hase yeeshee dowladd Mareykanka ayaa racfaan ka qaadatay. Dhibaatada dhalashada beenta ah, ayaa waxa ay haysataa Soomaali badan oo qurbaha ku nool, oo mararka qaar xitaa saameysay caafimaad ahaan, maadaama loo qoro dawo aan ku habbooneyn da’dooda. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Shirkad ay leeyihiin qoyska Jared Kushner, oo ah wiilka qaba gabadha madaxweyne Trump, ayaa ku dhow inay heshiis la gaaraan shirkad xiriir la leh dowladda Qatar, taasi oo Qatar ka caawin karta xiriir dhow oo ay la yeelato aqalka cad. Heshiiskan ayaa qoyska Kushner ka caawin doona in la badbaadiyo sar dheer oo ay ku leyihiin magaalada New York, oo wajaheysa xaalad dhaqaale xumo, una baahan lacag deg deg ah. Jared Kushner aabihiis, oo lagu magacaabo Charles Kushner, ayaa wada-hadal kula jira shirkadda Brookfield Properties, si ay ula wareegto maamulka sar ka kooban 41 dabaq oo ku taalla adress-ka 666, Fifth Avenue ee bartamaha magaalada New York. Shirkadda Bookfield Properties ayaa laga leeyahay dalka Canada, hase yeeshee waxaa maal-geliya hay’adda boqortooyada Qatar ee Qatar Investment Authority. Daarta ay leeyihiin qoyska Kushner ayaa ay ku iibsadeen 1.8 bilyan oo dollar 11 sano ka hor, hase yeeshee wa ay soo saari weysay lacag u dhow qiimaheeda, waxaana 30% tahay mid banaan oo cidna aysan kireysan. Waxaysan sidoo kale awoodin inay bixiso lacagta billaha ah ee laga rabo, maadaama lagu iibsaday deyn bil kasta la gudayo. Haddii dowladda Qatar ay bad-baadiso, waxay ka caawin doonta xiriirka Trump oo la saftay Sacuudiga iyo Imaaraadka, markii ay xiisadda khaliijka billaabatay. Horey ayay Qatar u dooneysay inay sartan bad-baadiso, hase yeeshee waa ay ka baxday, waxaana la rumeysan yahayn in sababta Trump ula saftay xulafada Sacuudiga ay arrintan la xiriirto. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Gollaha Wasiiradda ee dowladda Puntland ayaa shalay yeeshay shir aan caadi ahayn, kaasi oo looga hadlay xaaladda gobolka Sool iyo dagaalkii 15-kii bishan ka dhacay deegaanka Tukaraq. Kulanka oo uu shir gudoomiyay Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa laga soo saarey markii uu soo idlaaday War Saxaafadeed lagu shaaciyay in Puntland ay u diyaar garoobeyso dagaal waqti dheer socon doono oo ka dhan ah Somaliland. War Saxaafadeedka ayaa loogu baaqay Shacabka inay ka qeyb-qaataan dagaal sida la sheegay lagu xureynayo deegaanada ka maqan Puntland, ee ku jira gacanta maamulka Somaliland. Go’aanka kasoo baxay Gollaha Wasiiradda Puntland ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii xalay uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sheegay in maamulkiisa uusan duulaan ku ahayn Garoowe. HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA Isha: Garowe Online
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa si kulul uga hadlay dagaalada dib uga soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay ku dagaalamayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland. Xasan Sheekh ayaa ka codsaday madaxweyneyaasha Somaliland iyo Puntland inaysan colaada Tukaraq sii hurinaya isla markaana hadalada xanafta leh oo ay jeedinayaa masuuliyiinta joojiyaan. “Waxaan kaloo ka codsanayaa madaxda maamulada inay joojiyaan hadalada xanafta leh oo ay warbaahintu isku marinayaa, taasoo ka qeyb qaadaneysa inuu soo xoogeysto dagaalka. Sidaas darteeda waa in dagaalka la joojiyo,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka uusan ahayn mid ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed hiig-sanaayo, waxaana uu ugu baaqay dhinacyadda dirirtu ay u dhaxeyso inay si deg deg u joojiyaan dagaalka, maadaama uu dib u dhac u keenayo dalka sidaas darteeda ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa coladada gaamurtay. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ugu baaqay madaxda maamulada Somaliland iyo Puntland inay xushmeeyaan bisha ramadaan oo ah bil barakeysan oo dadku cibaado mooyee wax kale bishaan qaban. Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu danbeeysay soo baxaayay cabashooyin kadhan ah Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federalka Somalia iyo Wasiirka Wasaarada Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Wasiirka Ganacsiga Xukuumada ayaa lagu eedeynayaa habdhaqan ka duwan Wasiiradii hore, kadib markii uu dhaqaale xoogan ku xiray Ganacsatada qaar. Ganacsade Maxamed Cumar Maxamed oo kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inaanu tagis laheyn Wasaarada Ganacsiga. Waxa uu tilmaamay in xiliyada ay howlaha uga baahdaan Wasaarada la hordhigo isbaarooyin lagu kala qaato dhaqaale kala duwan, waxa uuna tusaale usoo qaatay in shaqsiyaad ka hoos shaqeeya Wasiirka ay kala kulmaan Jeeb baarasho. Isaga oo arrinkaan ka hadlaayay ayuu yiri ‘’Wasiirka ay howsha nagala dhexeyso marka hore aragtidiisa ayaa waxaa ka sokeysa inad dhaqaale ku bixiso shaqsiyaad isaga ka sokeeya, kadib aragtidiisa ayaa waxaa caqabado kala kulmeysaa Wasiirka’’ ‘’Wasaarada dhaqaalaha sharciga ah oo ay naga rabto waxaa ka culus tan nooga baxeysa isbaarooyinka dadban ka hor inta aan la kulmin Wasiirka taasi waxa ay nagu khasabtay inaan wajiga ka dadbano Wasaarada oo aanan bixin dhaqaalaha nalaga rabo, waayo waxa meesha ka socdaa caadi maaha’’ Ganacsade Maxamed Cumar Maxamed, waxa uu sheegay in Xukuumada Somalia laga doonaayo inay xal u hesho waxyaabaha ka dhex socda Wasaaradaha qaar, waxa uuna cadeeyay inay dhibaato ku qabaan Wasaarada Ganacsiga. Waxa uu tilmaamay inaanu jirin sharci dhigaaya bixinta dhaqaalo sharci daro ah, haddii uu jiro sharcigaasina aanu garaneynin goorta lasoo saaray. ‘’Wey na dhibeysaa inaan dhaqaale sharci daro ah ku bixino shaqsiyaad ka shaqeeya Wasaarada Ganacsiga, waxaanu diyaar u nahay inaan bixino wax waliba oo sharci nagu ah, balse wey na dhibeysaa inaan shaqsiyaad ku bixino lacago bir qaad ah’’ Sidoo kale, Ganacsade Maxamed Cumar Maxamed, ayaa tilmaamay in Xukuumada Somalia ay mar waliba ku celceliso u hogaansamida sharciyada, hase ahaatee dadku ay yihiin kuwo dhibaato ku qaba shaqsiyaadka howlahaasi loo xil saaray. Sharciyada Wasaarada ayuu sheegay inay badan yihiin sidaa aawgeed ay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada dadaal waliba oo lagu dhaqan galinaayo sharciyada, waa haddii xal loo helo isbaarooyinka dhexyaal Wasaaradaha. Dhinaca kale, waxa uu cod dheer ku sheegay xitaa in Wasiirka Ganacsiga ay far ku godan tahay, hase ahaatee waxa uu Ganacsade Maxamed Cumar Maxamed ka gaabsaday inuu ka hadlo dhibta ay kala kulmaan Wasiirka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in Umadda Soomaaliyeed ay aad uga sii gudbayaan dhaqanadii lagu dhaliili jiray. Kheyre waxa uu tilmaamay inay u muuqaneyso in Umadda Soomaaliyeed ay yeelanayaan Himilooyin mideysan oo looga fogaanaayo waxyaabaha caqabada ku ah Qaranka iyo dib u dhaca heysta Somalia. Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre sheegay inuu dareemaayo in Soomaalida xiligaan ay ka gudbeen laba arrin oo uu tilmaamay inay uga duwanaan jireen adduunka, waxa ayna kala yihiin Mooraal jab daashaday Shacabka iyo in dadka lagu kala sooco qabiilka, balse iminka laga sii gudbaayo. Waxa uu cadeeyay in labada Sano ee fooda nagu soo heysa ay Somalia ka talaabi doonto dhammaan waxyaabihii sababta u ahaa burburka, isagoo cod dheer ku sheegay in Soomaali cusub ay u muuqato. ‘’Adduunka waxaan uga duwanaan jirnay is faquuqa iyo niyad jabka, waxaa hadda ii muuqda guul laga gaaray ka gudubka waxyaabahaasi, inta dhiman waxaan rajeynayaa inaan ka gudbeyno wakhtiga dhow’’ Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in bisha barakeysan fadligeeda ay alle ka baryaan inuu ka dhexsaaro dhibta haraadiga ah ee ka jirta dalka. Docda kale, Kheyre ayaa ballanqaaday inay xooga saari doonaan wax waliba oo midnimo u noqon doona Umadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Burco (Caasimada Online) – Ciidamada booliska maamulka Somaliland, qeybta gobalka Togdheer ayaa xabsiga u taxaabay Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah salaadiinta caanka ah ee Somaliland. Suldaanka ayaa ku xiran xabsiga magaalada Burco, waxaana la xiray xili uu kasoo baxay masaajid uu ku tukanayay salaadii Maqrib, kaasoo ku yaal xaafada Kenya ee magaalada Burco. Suldaan Maxamed Muuse Cune ayaa ka mid ah saladiinta inta badan dhaliisha xukumada talada Somaliland haysa waxaanu suldaanku inta badan ka hadlaa hadba xaalada iyo marxalada taagan. Sababta xariga suldaanka ayaa si rasmi ah Somaliland u shaacin, hase ahaatee wuxuu xarigiisa kusoo beegmayaa afar cisho kadib hadal dhaliil ah oo uu u jeediay xukuumadda Somaliland iyo wasiirkeeda arrimaha gudaha uu ku dhaliilay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada coladada ka taagan deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag. Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigta waxgaradka goboladeeda ee siyaasadaheeda dhaliila iyo ciddii soo hadal qaata Soomaaliweyn, iyadoo dhawaan ay xabsiga dhigeen Boqor Buur Madow oo magaalada Carmo ee gobolka Bari Puntland xaflad u yimid iyo abwaanada dhalinta yar ee Naciimo Qorane oo ku caanbaxday inaysan la gamban Soomaalinimada. Caasimada Online Xafiiska Burco Caasimada@live.com
-
LONDON - In a move likely to further strain relations in the Gulf Cooperation Council (GCC), Qatari Emir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani hosted Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed less than a month after the United Arab Emirates’ diplomatic row with Somalia over port leasing deals in various states. Source: Hiiraan Online
-
The aim of this article is to analyse the how European Union has established their enlargement, and Turkish negotiation with Europe Union, does Turkey meet the requirements of European Union negotiations, why Turkey is still a candidate country? I will attempt to answer the question what keeps Turkey staying as a candidate country? European Union was established after the Second World War. The European Union is set up with the aim of ending the bloody war which was between European countries. European Coal and Steel Community begins to unite all European countries politically and economically in order to secure lasting peace in the continent. Six founding countries are France, Italy, Luxemburg, Germany, Netherland, and Belgium. In 1957 the Treaty of Rome creates the European Economic Community or known as “common market” The 1960s was a good period for the European economy, it helped by the fact that EU countries stop charging customs duties when they trade with each other. European countries also agree to joint control over food production, so that everybody now has enough to eat and soon there is even surplus agricultural produce. On 1 January 1973 was the first enlargement of the EU, Ireland Denmark, and United Kingdom joined, the number of the member states raised from six to nine. At same period in 1973, the Arab and Israeli war resulted in economic problems and energy crisis in the EU countries. Greece joined the community in 1981, Portugal and Spain joined in 1986, East and West united as the Republic of Germany and joined the community in 1990 at the same time the wall of Berlin was destroyed, Austria, Sweden, Finland joined the community in 1995. The largest enlargement was in 2004 Hungary, Latvia, Malta, Poland, Slovakia, Slovenia, Estonia, Cyprus, and Czech joined European Union, in 2007 Romania Bulgaria and joined them. In 2013 Croatia became a full member of EU. However, the European Union has created only by six countries in 1957, and its growth up to 28 member countries, the population of EU is over 500 million with more than more than 30 million Muslim population. The Republic of Turkey is one of the independent states in the Middle East. It’s located in southwestern Asia and south-eastern Europe, it’s surrounded on three sides by the Black Sea. The Mediterranean Sea, and the Aegean Sea, it’s known as the Republic of Turkey “Turkiye Cumhuriyeti”. Turkey share border with Iraq and Syria on the south, Georgia, Armenia, and Iran to the east Greece to the west, Bulgaria to the northwest; Georgia, Armenia, and Iran to the east, and close to Africa. Turkey was established as an independent state on October 1923 after the collapse of the Ottoman Empire. Since the creation of the Republic of Turkey, Turkey has been in a close relationship with Western countries, politically, economically, socially and culturally. Turkey is a bridge between West and East, North, and South. West, and Muslim world. Bottom of Form Turkey applied membership of European Economic Community in 1959 after Turkey has become a full member of North Atlantic Treaty Organization (NATO). In 1963 Ankara agreement was signed which provides for the framework for the Cooperation between European Union and Turkey. In 1987 Turkey’s first application for full EU membership was deferred until 1993 on the grounds that the European Commission was not considering new members at the time. In 1995, Turkey became full membership into the Customs Union. In 1999, Helsinki Summit EU recognized Turkey as a candidate country, but EU has asserted that Turkey still needed to comply sufficiently with the EU’s economic and political criteria before accession talks between Turkey and EU could begin. Turkish membership of the EU is one of the debated issue in the past and present in EU 97% of Turkish territory belongs to Asia, and only 3% of Turkish territory belong to the European continent. Turkey is only the Muslim country which is a member in NATO and has the largest army in NATO. After Justice and Development Party took over the power there was economic improvement political stability in the country. What are Main Reasons Limiting the Success of Negotiations between European Union and Turkey? Population European parliament is one of the largest institutions in the EU. European parliament contains 751 seats which share 28 member states. The seats are divided according to the country’s population. Germany has the largest population in the European Union which means that Germany has the largest seats in the European parliament. Turkey has a population of almost 80 million people. If Turkey becomes a member of the EU, Turkey will be the second largest population in the EU after Germany. However Turkish culture is different from Europe, Turkish has a different identity from Europe. European member states are not indifferent to the Turkish issue. Some leaders acknowledge that Turkey deserves to be a full member of the EU. Some leaders opposed Turkey to become a full member of the EU. 39 % of the EU member states accepted Turkey to be a member of the EU, while 48% rejected its member of the EU. Most of EU member states joined EU after Turkey applied membership of the EU but they are full membership of the EU. Religion As we are all aware, Turkey was trying to be a full membership of the EU, and there is negotiations going on between Turkey and EU. Turkey is a country whose population is almost entirely Muslim. EU member states keep in mind that the end result of these negotiations is by no means certain. There are very significant challenges ahead for Turkish accession. Some of the EU countries have Christian background while some have no religion. Non-religious countries worry that if Turkey joins EU it will bring large Muslim population into EU. Democracy To be a member of the EU candidate countries has to fulfill the requirements, such as democracy, human right individual right, the rule of law, and freedom of speech, for that reason EU countries argue that Turkey did not fulfill all requirements of the EU. Also, Kurds and Cyprus issue is another problem which keeps Turkey as a candidate country for so long. In addition, Turkey and EU need each other at the present time an in the future. Turkey has an economic dynamic, active foreign policy, young labour force, and also turkey has the second largest army in NATO which will be very beneficial for EU. Written by Shukri Nur Farah
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaatay go’aan nabadeed oo aan laga fileyn, islarmarkaana sheegay in Somaliland ay tahay nabad doon islamarkaasna aysan wadin wax dagaal iyo colaad intaba ah. Muuse Biixi ayaa tilmaamay in ay Somalilanad leedahay xaduud uu sameeyay gumeystihii islamarkaasna looga baahanyahay dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Puntland in ay ixtiraamaan Sohdinta Somaliland. Biixi waxaa uu sheegay in Somaliland aysan u socon in ay dhibaateyso Puntland waxaa uuna ku baaqay in laqaato nabadda. Halkaan hoose ka dhageyso codka Madaxweyne Muuse Biixi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/05/CODKA-MADAXWEYNAHA-SOMALILAND-19-05-2018.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax lagu xiray Gaari nooca raaxada ah, ayaa waxa uu galabta ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Qaraxa oo xoogiisa inta badan laga wada maqlay intabadan magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Xaafada loo yaqaano Tarabuush. Qaraxa ayaa waxaa gaariga loogu xiray Sarkaal ka tirsan Ciidamada uu tababaray Mareykanka, kaa oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cadoow (Cali Raage). Sarkaalka gaarigiisa loogu xiray Qaraxa ayaa ugeeriyooday dhaawac daran oo ka soo gaaray Qaraxa loogu xiray Gaarigiisa, waxaana lasoo warinayaa inuu kamid ahaa Saraakiisha sida gaarka ah ula shaqeysa Mareykanka. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Marxuumka Qaraxa lagu dilay uu heystay qeybta Tababarada ee Ciidamada loo yaqaano Bangraft ee ku sugan Xerada Balidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose. Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka iyo Maamulka Degmada Wadajir ayaan wali ka hadal Qaraxa ka dhacay Xaafad kamid ah Degmada Wadajir iyo Geerida Sarkaalkan lagu magacaabo Cali Maxamed Cadoow (Cali Raage). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Charles Tai Gituai oo ah ku-simaha xilka Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM dhalasho ahaana kasoo jeeda dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in AMISOM ay ka fiirsan doonto qorshaha lagu doonaayo in amniga Somalia loogu wareejiyo ciidamada Somalia. Jeneral Charles Tai Gituai, waxa uu sheegay inuu hadda socdo qorshaha ciidamada AMISOM looga saari lahaa Somalia, hase ahaatee ay muhiim tahay in Somalia ay kasoo baxdo shuruudaha. Jeneral Charles Tai Gituai , waxa uu tilmaamay in mudada loo qabtay ee la doonaayo inay kaga baxaan Somalia ay tahay sannadka 2020-ka, iyadoo inta aan la gaarin la doonaayo in xal loo helo shuruudaha ciidamada loogu wareejin lahaa amniga. Jeneral Charles Tai Gituai, waxa uu cadeeyay in Ciiddanka AMISOM ay diyaar u yihiin inay dhigooda Somalai ku wareejiyaan Sugidda Ammaanka Guud ee dalka, isla markaana mudada u harsan ay sii tusaan hanaanka amniga. Ku-simaha ciidamada Jeneral Charles Tai Gituai, waxa uu intaa ku daray inay aad ugu kalsoon yihiin shaqooyinka ciidamada Booliska Somalia, waxa uuna xusay inay Booliska haystaan Xabsiyo, Nidaam Garsoore oo shaqeynaya, Dugsiyo iyo Xarumo Caafimaadba leh. Jeneral Charles Tai Gituai, ayaa ku celcelshay in Somalia laga doonaayo fulinta shuruudaha lagu xiray, waxa uuna cadeeyay intaa kadib ay suuroobeyso inay wareejiyaan amniga Somalia. Si kastaba ha ahaatee,shuruudaha laga doonaayo Somalia ayaa waxaa kamid ah inay buuxiyaan Hanaanka ciidan, tababarada iyo inay ciidamadu heystaan khibrad ay ku maareynkaraan shaqooyinkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
NAIROBI, Kenya, May 19 – Police have announced a Sh 1 million cash reward for anyone that will offer information leading to the arrest of a major terrorist facilitator, Francis Macharia Kirashu. According to a statement issued by the National Police Service on Friday, Kirashu has been aiding terror suspects crossing into the country, mostly from Somalia, by printing fake identity cards for them. The suspect, who operates a business by the name Paste Printers at a building located along Nairobi’s Luthuli Avenue from where his accomplices were arrested, is also said to be engaged in printing of fake title deeds, birth certificates, and academic papers. “Kirashu’s accomplices in the fake document syndicate – Lydiah Nyawira Mburu and John Maina Kiarii have since been arrested and charged with forgery of official documents contrary to section 351 of the Penal Code and facilitating activities of terrorist groups contrary to section 9 (1) of the Prevention of Terrorism Act (20120),” NPS Director for Corporate and Communication Affairs, Charles Owino said on Friday. Kirashu, according to Owino, is said to have processed four fake Kenyan identity cards – two of which were used by terror suspects arrested in Meriti, Isiolo in February – while readying to stage a Vehicle-Borne Improvised Explosive Device (VBIED) attack in Nairobi. The two, Abdimajit Hassan Adana and Mohamed Nane, used the fake documents to cross into Kenya from neighbouring Somali. The hunt for Kirashu comes at a time when a heightened alert was issued regarding terror threats in the country since the start of the Holy month of Ramadhan. The NPS Inspector General, Joseph Boinnet, has however assured that security has been beefed up to preempt terror threats while further asking members of the public to remain vigilant and report suspicious activities. Source: – Capital FM
-
Popular Contributors
