-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)– Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inay deeq lacageed oo dhan $100,000 ugu deeqeen dadka dhibaatada kasoo gaartay fatahaada webiga Shabeelle ee ku barakacay magaalada Baladweyne. Kullan uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa waxaa lagu magacaabay guddi gurmad oo ka qeyb qaata gargaarka dadkaasi dhibaateysan. Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay iyadoo laga jawaabayo baaqa bulshada dhibaataysan ee Hiiraan inay ugu deeqeen lacag dhan 100,000 oo dollar (Boqol kun oo dollar), si wax loogu qabto dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay fatahaadda.Xubnaha Guddiga uu magacaabay Duqa Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminaysa guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, waxana xubno ka ah qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo agaasimeyaal heer gobol ah, waxayna ka shaqeyn doonaan in shacabka Caasimadda ay dhaqaale ka aruuriyaan.Magaalada Baladweyne ayaa ka taagan xaalad bini’aadanimo, iyadoo in ka badan 150 kun qoys ay ka barakaceen guryahooda iyo cuduro ka dhashay fatahaada webiga. Dowladda federaalka ayaa wax wafdi ah u dirin gobolka Hiiraan, hase ahaatee waxaa laga sugayaa jawaabta iyo kaalinta mas’uuliyada ka saaran shacabka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Xukuumada Somalia ay faragalin lixaad leh ku heyso arrimaha doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ee la filaayo inay dhacdo maalinta beri ah. Faragalinta ayaa la sheegay inay ka imaaneyso dhanka Xukuumada Somalia oo iyadu dooneysa inay la socto howlaha gaarka ah, sida ay sheegayaan Xildhibaanada qaar. Hase ahaatee, Xildhibaan Nuur Iidow Bayle oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanu jirin wax faragalin ah oo kaga imaaneysa dhanka Xukuumada. ‘’Waxaa jira Xildhibaano iyo Musharaxiin sheegay in faragalin lagu hayo arrimaha doorashooyinka, waxaan qirayaa inaanu jirin wax faragalin ah oo lagu hayo howsheena’’ ‘’Xukuumadu naguma heyso wax faragalin ah anaga ayaa u madaxbanaan howsheena si wanaagsan ayeyna ku soctaa’’ Waxa uu Guddoomiyaha cadeeyay in been abuur ay tahay wararka sheegaya in faragalin lagu hayo doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka. Xildhibaan Nuur Iidow Bayle, ayaa sheegay in shaqada ay mareyso waqtigii ugu dambeeyay ee gaba gabada ah, maadaama maalinta berri ah ay qabsoomeyso Doorashada. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in weli ay taagan yihiin 11 Musharax oo ku loolami doona doorashada, iyadoo aanu jirin cid ilaa iyo hadda is casishay. Si kastaba ha ahaatee, maalinta berri ah ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dooran doonaan shaqsiga ay u xushaan inuu noqdo afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland,S/Guuto. Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe), abbaanduulaha ciidanka Daraawiishta,Gen.Siciid Maxamed Salaad(Goroya-cawl),guddoomiyaha gobolka Nugaal,Korneyl. Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) iyo saraakiil kale ayaa maanta degaanka Hadh-wanaag ee gobolka Sool ku soo dhoweeyay 110 asker oo ka soo goostay taliska guud ee militariga Somaliland. Ciidankan ayaa ka tirsanaa guutadii”Gacan-libaax) ee militariga Somaliland oo maalmo ka hor ka baxay taliska guud ee ciidamada maamulkaasi,kadib markii khilaaf xooggan ka dhex qarxay,waxaana hoggaaminayey,Dhamme.Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax). Dhamme.Cabdullaahi Cabdi Cali ayaa goobta lagu soo dhoweeyay ka sheegay in Somaliland ay madaxiisa ku joogtay gobolka Sool,haatanna uu xabbad kaga saarayo. Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Korneyl. Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) oo isna ka hadlay soo dhoweynta ciidanka soo goostay,ayaa si weyn u bogaadiyay Dhamme. Gacan-libaax oo uu ku tilmaamay halyey u dhigma hal guuto oo ka tirsan militariga Somaliland,islamarkaana mudnaan gaar ah u leh halganka lagu xoreynayo gobolka Sool. Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland,S/Guuto. Siciid Axmed Maxammed(Shoodhe) oo dhankiisa hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa hambalyo iyo bogaadin ku salaamay ciidankan ku soo biiray Daraawiishta dowladda Puntland,isagoo uga mahadceliyay garashadooda ku aaddan in ay dadkooda dib ula midoobaan. Dhinaca kale wararka ka imaanayaa gobolka Sool ayaa sheegaya in guuto kale oo ka tirsan militariga Somaliland ee gobolka Sool ay si cad ugu amar-diideen taliyaha guud ee ciidamada Somaliland,Gen.Nuux Ismaaciil Taani oo ku amray in ay u soo guuraan dhinaca Tukaraq,si loo mideeyo awoodda militariga Somaliland ee gobolkaasi oo haatan xaalad dagaal ay ka jirto. Guutada kale ee ku amar-diidday taliyaha ciidamada Somaliland ayaa fadhigoodu yahay buuraha dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Laascaanood,waana cududda labaad ee Somaliland gobolkaasi ku leedahay marka laga reebo guutadii Gacan-libaax ee maalmo ka hor ka baxay taliskaasi. Halkaan ka daawo Warbixinta PuntlandTV ka diyaariyay. PUNTLAND POST The post Guutadii Gacan-libaax ee militariga Somaliland oo ku soo biirtay Daraawiishta Puntland. appeared first on Puntland Post.
-
In February this year, Somali judge Abdulqawi Ahmed Yusuf was elected the president of the International Court of Justice (ICJ). A few weeks later, the US fired its Secretary of State Rex Tillerson while he was on a tour of East Africa. This also came as the Somali parliament banned Emirate logistics firm DP World from operating in the country after it reportedly signed a port agreement with the breakaway region of Somaliland against the wishes of Mogadishu’s one-Somalia policy. INTERFERENCE The three events appeared unrelated. But now they seem connected. Somalis say they yearn for a world where their country is helped to stand on its own feet without interference, and the election of their man to the top UN court was a pointer to this. “His appointment comes at a time when the world needs a fair and proactive advocate for justice,” said Abdirahman Abdishakur, a Somali politician – once a development minister – and who signed the controversial border MoU with Kenya (the genesis of the dispute case now before the ICJ). For Somalia, however, the election of Justice Yusuf seemed to have done little to soothe its troubles. REFORMS In the past four months, the country trying to rise from years of violence, seemed to have been torn between its own political differences, and perceived external interference. In March, Somali legislators threatened to move a motion of no confidence in their Speaker Mohamed Jawari, accusing him of stalling the constitutional reforms meant to fully implement the country’s federal system and universal suffrage in the next few years. The MPs may have had a reason to do this, but Mr Abdishakur thinks it fuelled further chaos in the country. “The political crisis is likely to deepen and no one can claim victory. There is no quick resolution on the horizon. The country is in a deep crisis, which probably makes the standoff intractable, setting the stage for more motions of impeachment,” he argued. “Sophisticated Somali leadership is the sine qua non (the much needed item) of complicated causes of local conflict and renewed geopolitical competition in the region which require complicated solutions. It seems that we lack the former while the latter is getting worse.” The country, currently secured by the African Union Mission in Somalia (Amisom), plans to police itself by 2020, but requires a new constitution, to defeat Al-Shabaab, create stable systems and start building roads. PAYOUTS But here is where the perceived external interference comes in. On April 9, Mr Jawari quit his job, following a month-long standoff with MPs. A day earlier, Somali airport authorities in Mogadishu had confiscated some $9.6 million (Sh960 million) cash in transit from the United Arab Emirates (UAE), believed to be headed for payouts to politicians to save the Speaker. “It has been a longstanding Western policy to keep Somalia impoverished and destabilised and they have found in the UAE a reliable agent to achieve their aims,” said Dr Abdiwahab Abdi, an analyst on Horn of Africa affairs with SouthLink Consultants. “The UAE is working on a two-pronged policy in Somalia and neighbouring countries. It is helping its western allies to secure their neocolonial aims in the region while furiously advancing its own vital economic interests.” The UAE maintained the money was to pay the soldiers stationed in Somalia, and has gone on to suspend its military aid to Somalia in protest. But officials believed otherwise. “There was suspicion that the money was meant to influence the motion and have the Speaker stay, despite the complaints he has had with MPs. This is a matter under investigation and we will probably have those questions answered,” a Somali Foreign ministry official told the Nation in anonymity as he is not authorised to speak to journalists. “Somalia and the Emirates traditionally enjoy cordial relations and their investments here have been in what I call priority areas. The problem has been with UAE’s aggression in dealing with Somaliland, using DP World (a Dubai-based company),” the official explained. DP WORLD DP World had signed an agreement to use the Somaliland Port of Berbera. In March, Ethiopia acquired 19 percent stake in the port for $80 million. DP World owned 51 percent of the stake. But Somali MPs nullified the agreement, saying it violated territorial integrity (UAE Foreign Minister Dr Anwar Gargash later told the BBC his country only recognises one Somalia). Until recently, UAE had been one of Somalia’s main donors, setting up a hospital in Mogadishu, training Somali soldiers and sending in relief to stranded IDPs. Between 1993 and 2016, it sent $277 million worth of aid to Somalia and another $165 million indirectly through charity promotions, according to their Ministry of Foreign Affairs. QATAR CRISIS But in June 2017, the UAE, Egypt, Saudi Arabia and Bahrain imposed a blockade on Qatar, closing land, sea and border with the tiny oil producing nation. Somalia got itself in the mix as the Middle East countries pressured it to drop alliance with Qatar. President Mohamed Farmajo declined and his country went ahead to sign a $200 million financing deal with Doha meant to refurbish government buildings, construct two city roads and build some schooling facilities. US President Donald Trump initially supported the blockade, arguing terror supporters must be called out. His then Secretary of State Rex Tillerson, however, embarked on a mediation effort, which the Emiratis did not like as they preferred stringent measures to force Qatar to cut off connections with Iran. When Tillerson did not relent, Emiratis reportedly used lobbyists to campaign for his sacking, according to a recent report by the BBC which obtained emails detailing the lobbying. Somalia remained in the middle. However, the US government rejected accusations it is part of an international campaign to interfere with Somalia, with Robyn Mack, a spokesman for the US Africa Command, insisting its only intention is to wipe out terrorists. Source: – Daily Nation
-
Mogadishu – The top United Nations official in Somalia today highlighted the challenges and potential of the country’s energy sector, while appealing to investors to support its development of renewable energy sources. The UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Michael Keating, made the call during a visit to the Enee thermal power-generating plant in the capital, Mogadishu. “Somalia has a population that is growing and urbanizing very fast. Unfortunately, the environment has been very badly damaged through conflict and unregulated exploitation of forests and pasture lands,” the UN envoy said. “Using fossil fuels is very bad in terms of protecting the natural environment upon which so many depend,” he added at the plant, which is owned by the Beco Power Generating Company, one of the country’s leading electricity utilities. Years of armed conflict devastated Somalia’s energy sector, forcing residents to use non-renewable sources of energy that pollute the environment. Owing to its reliance on imported fossil fuels, Somalia has one of the African continent’s most expensive electricity rates, with a kilowatt of electricity in Mogadishu costing as much as $1 an hour. “Investing in renewable energy sources and trying to bring the cost of energy down in ways that are good for the consumer can protect the environment and bring communities together,” noted Mr. Keating. The Beco company’s Chief Technical Officer Mohamud Farah Ali described the development of renewable sources of energy as a top priority for the Mogadishu-based utility. “Sustainable energy is the key. In Somalia we have more than five hours (of sunshine), so we really need to invest in renewable energy,” Mr. Ali said. Beco has set itself the goals of boosting its solar power generation capacity by 5.5 megawatts annually and eventually reducing the amount of power generated by fossil fuels to less than 40 per cent of the company’s total production. Mr. Ali said that the company’s consumption of diesel fuel is reduced by 10,000 barrels for every 2.5 megawatts of energy generated by solar technology. The utility currently uses up to 17,000 barrels of diesel fuel per month to generate electricity. Beco was founded in May 2014 and currently supplies 50 megawatts of power annually to consumers in Mogadishu and other cities, including Barawe, Marka, Afgooye, Balcad, Jowhar and Kismayo. Early next month, Special Representative Keating is due to attend the Sustainable Energy for All Forum in Portugal where, along with Somali energy ministry officials, he will discuss the Horn of Africa country’s energy sector, its potential for sustainable energy investments and other related topics. Source: – UNSOM
-
The internally displaced persons in Somalia are once again staring at a humanitarian crisis as torrential rains accompanied by floods wreak havoc in their makeshift dwelling place. Both the government and relief agencies have sounded alarm over a looming crisis as flooding intensified in the strife-torn Horn of Africa state which has in the last one year grappled with acute drought. The Somali government last week sent emergency appeal to humanitarian agencies to scale up response to flooding while insisting that millions of people especially those sheltered in the camps for the displaced were at risk of contracting fatal diseases. At an Internally Displaced People’s (IDP) camp in Mogadishu, Amina Sidow, a mother of five, has been spending sleepless nights as their makeshift camp which has now been battered by the vagaries of weather is fast giving way. “We have not had adequate sleep for several nights now,” Aamina told Xinhua in an interview on Wednesday. “We are forced to remain standing throughout the night because our house is flooded,” she added. Drops of water can still be seen as the tarpaulin which is now soaked in water drips, leaving no room for warmth in the house. “These are the most difficult times for people who live in IDP camps,” Aamina says as she assembles wares in her house which for years now has been home to her children. It (house) no longer shelters us from the rain.” Like millions of others uprooted from their homes by drought, clan skirmishes or escape from the militant group al-Shabab, Aamina has to contend with the difficult situation she could do little to prevent during the dry season. The government and humanitarian agencies are now changing course from addressing a severe drought which almost degenerated into a famine last year, to the effects of too much rain. Aamina says she now has to find urgent options to address the situation noting her children were increasingly exposed to diseases. “Every day the situation is becoming worse because the rains keep increasing,” said Aamina. Mogadishu alone has 350,000 internally displaced people cramped up in camps across the city, some of which have become permanent shelter for thousands who found way here several years ago. With 2 million people now out of their homes, resources become stretched and the most vulnerable and unreachable are further pushed into risk of death. “The IDPs, a majority of whom are women and children, live in poorly constructed shelters, exposing them to harsh weather and have limited access to hygiene facilities, thus heightening the risk of communicable diseases,” the Humanitarian Affairs Ministry said Sunday in its monthly update. “In some areas, disease outbreaks such as AWD/cholera are already increasing,” the government said, calling for scaled up response in southern, south west and central regions. Rahmo Muse, who is based in the same camp as Aamina, told Xinhua the situation in the camp was fast deteriorating. “So far we have not had anyone to help us; either the government or humanitarian agencies,” said Muse. “If help does not come our way soon, the risk of a major catastrophe is real,” she added. For IDPs in Somalia, the rains are accompanied by more curses than blessings. The risk of waterborne diseases such as cholera and diarrhea become the more disturbing for parents as the children are highly predisposed. “We fear the outbreak of diarrhea and malaria affecting our children. We need blankets and mosquito nets to cushion our children from these diseases,” Mowlid Bishar, a hawker in one of the camps, told Xinhua. For Bishar, it is a double tragedy as hunger and the risk of disease conspire during such events. “We are already hungry because there is no food but the thought of disease only worsens our plight,” said Bishar. Source: – Xinhua
-
African entrepreneurs are increasingly finding innovative ways to use drones. Drones are being used to deliver medicine to secluded parts of the continent, to identify crop disease and other such beneficial uses. Drones also have a history of military usage. Could the increasing use of drones by civilians lead to an increase in a more nefarious use of drones? Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in khilaaf Siyaasadeedka xiligaan kala dhexeeya dowlada Somalia ay sabab u tahay dowlada Qadar. Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Qarqaash, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Qadar ay sabab cad u tahay khilaafka heerka xun gaarsiisan ee kala dhexeeya Somalia. Anwar Maxamed Qarqaash, waxa uu farta ku goday in Dowlada Qadar ay muddo fog ka shaqeyneysay sida colaad Siyaasadeed looga dhex abuuri lahaa Somalia iyo Imaaraadka, hase yeeshee ay hirgashay. ‘’Muddo badan ayey soo soctay in khilaaf laga dhex abuuro aniga iyo walaalaheena Somalia’’ “Dowladda Imaaraadka waxaa ka go’an ilaalinta Midnimada Soomaaliya dad ahaan iyo dal ahaan”,ayuu yiri wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta. Anwar Maxamed Qarqaash, waxa uu ku adkeysaday in cilada aysan aheyn Heshiiska Berbera balse ay tahay mid la abuuray, waxa uuna farta ku goday in Heshiiskaasi ay la galeen dowladii Hore, halka Somaliland ay dul joog ka aheyd Heshiiska. Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Qarqaash, ayaa Mar kale ku celiyay in ay ka go’antahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in aysan dhicin doonin khilaafka hadda taagan in uu waxyeelleeyo walaalnimada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia’s Under-17 football team have lost to Tanzania in the CECAFA championship game on Sunday in Burundi; the high octane game ended 2-0. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland,Saalax Xabiib Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Soonka iyo Xajka. Mudane.Saalax Xabiib ayaa sheegay, in Wasaaraddiisu ay diyaar garow fiican ka samaysay, sidii shacab weynaha reer Puntland looga ilaalin lahaa, khilaaf ku salaysan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo haatan maalmo kooban ka harsan yihiin. Wasiirka ayaa tilmaamay in ay dadaal ballaaran ugu jiraan in umadda reer Puntland ay si midaysan hal mar u soomaan,islamarkaana hal mar wada afuraan. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland,Saalax Xabiib Jaamac ayaa sidoo kale sheegay, in dadaalkii Wasaaraddiisu gelisay arrimaha Soonka uu mira-dhal noqday,kadib markii inta badan guul laga gaaray khilaafaadka yimaada bilowga iyo dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan oo awal la kala soomi jiray. Dhinaca kale Wasiirka ayaa xukuumadihii Federaalka soo maray ku eedeeyay in ay musuq maasuq baahsan ka sameeyeen arrimaha Xajka, oo uu sheegay in ay laaluush ka qaadan jireen shirkadaha duullimaadyada ee lacagaha badan ku soo rogay Xujeyda Soomaaliyeed,isagoo Xukuumadda haatan ka jirta Muqdisho ugu baaqay in ay dhibatadaas wax ka qabato,maadaama ay horay u ballan qaadday la-dagaallanka musuq maasuqa dalka ragaadiyay. “Waxaan leenahay,toban kun oo Soomaaliyeed ayaa xajka aadda oo ducaynaysa,dee maanta ducadaa qaata baan leenahay. Dowladdaan ha noqoto mid lagu baraaro. Umadda Soomaaliyeed waxay sugayaan in qiima u qalma loo keeno,adeeg u qalma loo keeno,loo dhimriyo loo dadaalo,si ka turjumaysa wakiillo u shaqeeya umadda Soomaaliyeed”,ayuu yiri Wasir saalax Xabiib. Wasiirka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka ay iska soo diiwaan-geliyaan, Wasaaradda Caddaaladda,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland,isagoo caddeeyay in Puntland aysan ka hawl-geli doonin shirkad aan ka diiwaan-geshaneyn wasaaradda. Isagoo shirkiisa jaraa’id sii wata ayuu sidoo kale dadweynaha reer Puntland amar ku siiyay in aysan xajka u raaci Karin, shirkad aanay u fasixin Wasaaradda Caddaaladda dowladda Puntland”umadda reer Puntland waxaan leeyahay Wasaaraddu ciddii ay idiin soo fasaxdo inaad raacdaan baad raacaysaan”,ayuu yiri Wasiir Saalax Xabiib Jaamac. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Puntland oo shacabkeeda ku amartay in aysan Xajka u raacin diyaarad aan dowladdu u fasixin. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Xulka Somalia ee da’adoodu ka yar tahay 17-jirka ayaa galabta looga badiyay cayaartii kama dambeysta ahayd ee ay la yeesheen dhiggooda dalka Tanzania. Cayaartan oo ka dhacaysay caasimadda dalka Burundi ee Bujumbuara ayaa looga adkaaday Somalia 2-0, inkastoo cayaartoyada Somalia ay sameeyeen isku dayo badan oo gool loo filan karay. Goolka koowaad ayaa waxaa laga dhaliyay xulka Somalia qaybtii hore ee cayaarta, halka goolka labaadna laga dhaliyay qaybtii dambe ee cayaarta, taasoo si weyn uga careysiisay taageerayaasha xulka Soomaaliya. Wafdi ka socday Dowladda Somalia ayaa cayaartan ka qayb-galay, kuwaas oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Mahdi Guuleed, iyadoo sidoo kalena uu goobjoog ahaa Duqii Hore ee Muqdisho Thabid Cabdi Maxamed. Xulka Somalia oo dadaal badan iyo cayaar wanaag muujiyay ayaa waxaa ka hiilyay waqtiga, inkastoo ay dhawr jeer isku dayeen inay shabaqa kooxda ay la cayaarayeen kubadda taabsiiyaan, balse uma suuro-gelin. Dhanka kale, Waxaa jiray gool uu xulka kubadda cagta Somalia dhaliyay, kaasoo la sheegay inuu ahaa mid khalad ah, isla waxaana taasi ay si weyn uga careysiisay xulka Somalia oo ku dooday in goolku sax ahaa. Ugu dambeyn, Xulka Somalia ayaa wuxuu galayaa kaalinta labaad ee cayaarihii Koobka bariga iyo bartamaha Afrika, waana markii ugu horreysay oo uu heerkaan yimaado xulka kubadda cagta Somalia ee da’doodu ka yar tahay 17-jirka. PUNTLAND POST The post Xulka Somalia ee 17-jirka ka yar oo Galabta looga adkaaday Cayaartii Fiinaal-ka ahayd appeared first on Puntland Post.
-
Bujumbura (PP) ─ Halkan hoose ka daawo finalka cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika, taasoo magaalada Bujumbura ku dhex-maraysa Xulalka da’adoodu ka yar tahay 17-sano jirka, waxaana cayaarta oo marii hore loo joojiyay roob dartiis mar kale dib loo billaabay. Cayaarta oo qaybteedii hore ay soo dhammaatay, ayaa waxaa 1-0 ku hoggaaminaya xulka ka socda waddanka Tanzania, iyadoo xulka Somalia aysan wax gool ah dhalin, balse ay soo bandhigeen cayaar aad u xiiso badan oo soo jiidatay daawadayaasha cayaarta. Labada Xul ayaa waxay soo bandhigeen cayaaro aad u xiiso badan, waxaana la ogaan doonaa cidda qaadi doonta koobka, iyadoo qaybtii labaad ee cayaarta ay hadda dib u billaabatay. Halkan TOOS uga daawo cayaarta dhexmaraysa Somalia iyo Tanzania; The post DAAWO-TOOS: Cayaarta Final-ka ee Burundi ku dhex-maraysa Xulalka Somalia iyo Tanzania appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiyada siyaasadeed ee dalka Masar ayaa waalac xoogan ka muujiyay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta waxaana xukuumadda Qaahira ay ka dalbadeen in ay dadaal ku bixiso sidii looga gudbi lahaa khatar dhanka amaanka ah oo gobalka soo food saarta. Xeer dheerayaal Masaari ah ayaa sidoo kale sheegay in ay ka warqabaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya waxaana ay carabka ku dhufteen in Qatar iyo Turkiga ay ay lug ku leeyihiin, iyagoo sheegay in Masar aysan xuduud la wadaagin Soomaaliya, laakiin ay ku dherirsantahay Marinka Muhiimka ah ee gacanka Carbeed oo sii maraya Badda cas oo dhanka Yeman looga sii gudbi karo. “ Soomaaliya waxeey muhiim u tahay amaanka dalka Masar iyo wadamada Carabta gaar ahaan Gacanka Carabta” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Xisbiga Liberka ee dalka Masar Nagui al-Shehabi, waxa uuna intaasi ku daray in Masar aysan ka aamusnaan Karin awoodaha gobalka isku haya si xaaladda loo dejiyo. Qatar Iyo Turkiga ayeey ku eedeeyeen Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka Masar in ay huriyeen khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Muqdisho iyo Abu Dhabi, waxaana ay sheegeen xasilooni darrada Soomaaliya in khatar gelin karto gacanka Baab Al-manda, kanaalka Suweys ee dalka Masar iyo Badda Cas. “ Amaanka Soomaaliya wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay nabadgalyada Masar, waqooyiga Africa iyo gacanka carbeed” sida uu Nagui al-Shehabi u sheegay Wargeyska Arab Weekly isagoo intaas ku daray in dalkiisu uusa ka baaqsan doonin inuu qeyb ka qaato nabadgalyada ugu jirta gacmaha dalalka kale. “Masar waxeysan ugu maarmi Karin in ay khifaaka Soomaaliya soo farageliso waa ururka Ikhwaanul Muslimiin oo laga mamnuucay Masar waxaana Qaahira ay ka soo horjeedaa in dal kale uu ka dhismo waana danaha ay leedahay dowladda Masar, sidaasi waxaa yiri Masaari falanqeeye siyaasadda. Masar ayaa sidoo kale dareen feejignaan ah kaga jirta Howlgalada Qatar Iyo Turkiga ee geeska Qaaradda Africa iyo koofurta badda cas waxaana ay sheegtay in saameyn ku yeelan karto dhaqdhaqaaqa argagaixsada Gobalka ee Masar wado. Bartamihii bishan April Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo kan Masar Cabdifitax Al-Ssisi ayaa ku wada hadlay Khadka Telefoonka waxaana ay ka wada hadleen xeriirka labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixsada. “ Faragelinta Soomaaliya lagu hayo waa mid lagu wiiqayo dalka, ugu dambeyna waxeey saameyn amaan ku yeelan doontaa dalalka Carbeed” Tarek Fahmi oo ah Professor wax ka dhigo Jaamacada Qaahira ayaa sidan u sheegay Wargeyska Arab Weekly isagoo ugu baaqay dalalka Masar, Baxreyn, Sacuudiga iyo Imaaradka in ay arintan farageliyaan si ay u ilaashadaan Amaankooda. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: The Arab Weekly
-
Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan Ciidamada amniga Dowladda iyo dad rayid ah. “Weerarkan wuxuu u dhacay sababtoo ah xagjirayaashu waxay dareemayaan inuu khatar ku hayo horumarka laga gaarayo dadaalka dib-u-heshiisiinta ka socda magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri madaxa UNSOM, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Dalku wuxuu soo maray rabshado dhiigbadni ku daatey oo ku filan; hadda waa waqtigii dibuheshiisiinta dadka iyo mas’uuliyiinta maamullada magaalada Gaalkacyo waxay si geesinimo leh u raadinayaan waddo horey loogu socdo; waa inaan lagu wiiqin weerarkan lagu soo qaaday fursadd ay u leeyihiin mustaqbal nabdoon”,ayuu raaciyay Keating. Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta , qof isa soo miidaamiyay ayaa walxaha qarxa ee uu waday ku qarxiyay goob magaalada ku taalla oo loo yaqaano Jiiro Cabdullaahi Yuusuf, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, subaxnimadii Sabtida, isagoo dilay ugu yaraan laba ka mid ah taliyeyaasha sare ee ciidamada ammaanka iyo weliba dad rayid ah. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. PUNTLAND POST The post UNSOM oo si adag u cambaareysay qaraxii shalay ee Gaalkacyo. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa xulka qaranka ee 17 jirada ugu deeqay lacag. Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xulka Qaranka ee 17 jirada ee Maanta ciyaarayo Finaalka Koobka Bariga iyo bartaha Africa ugu deeqay ilaa 5 Kun oo Dollar. Guddoomiyihii hore ayaa lacagtaas ku wareejiyey guddiga Caawin Qaran oo ay ku dhawaaqeen Wariyayaasha Magaalada Muqdisho si loo garab istaago xulkeena Qaranka Soomaaliya ee soo hooyey guushaan weyn. Taabit ayaa lacagtaas usoo wakiishay Cabdulaahi Cismaan Faarax oo ka tirsan guddiga #CaawinQaran, waxaana lacagtaas lagu wareejiyay guddiga. Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ku sugan dalka Burundi ayaa Maanta waxa uu qado Sharaf u sameeyey Ciyaartoyda xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya. Taabit oo goobjoog ka ah Ciyaarta xulka Qaranka Soomaliya ay la leeyihiin dhigooda dalka Tanzania,isaga oo horay u sheegay in dadka Soomaaliyeed laga doonayo in ay taageeraan Ciyaartoyda Soomaaliyeed e tartanka uga qeyb galaya Wadanka Burundi. Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada Thaabit oo Maanta qado sharaf u sameeyey xiddigaha xulka Qaranka:
-
In February this year, Somali judge Abdulqawi Ahmed Yusuf was elected the president of the International Court of Justice (ICJ). Source: Hiiraan Online
-
The reverberating elimination of Kenya and Uganda from the semi-finals of the Cecafa U17 Championship on Wednesday raised the rating of the tournament as one of the best staged in the region and the organisation assisted by Fifa funding and CAF information technology is certainly of efficiency unmatched. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Bujumbura ee dalka Brundi. Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu ahaa inuu ka qeyb galo daawashada ciyaarta kama danbeysta ah ee fiinaalka koobka da’yarta dalalka Bariga iyo bartamaha Afriak ee CECAFA oo Soomaaliya iyo Tanzania ay isugu soo hareen. Socdaalka madaxweynaha oo ku saabsanaa dhiirgelinta xulka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano jirka ayaa ugu danbeyn la kansalay kadib markii ay xaalad kasoo korortay magaalada Beledweyne oo daadad ka dhashay fatahaad ay waxyeelo ka geysteen. Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleeda ayaa u dhoofay halkaasi, iyadoo ay madaxtooayda bixisay kharashaadka weriyeyaal fara badan oo wafdiga sii raacay. Madaxweynaha ayaa maanta telefoon kula hadlay ciyaartoyda xulka Soomaaliya, isagoo ku dhiirigeliyay inay la yimaadaan ciyaar xirfad leh oo ay koobka ku guuleystaan. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Madaxweynaha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Munaasabad lagu soo bandhigayey natiijada imtixaanka dufcaddii labaad (Second wave) ee u tartamaysey imtixaankii ay soo dhejisey dawladda Puntland ee loogu tartamayey kamid noqoshada shaqaalaha cusub ee ay dawladdu qaadanayso ayaa maanta lagu qabtay xarunta hay’adda PDRC ee Garoowe. Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, guddigii imtixaanka qaadayey, guddiga xallinta cabashooyinka ka yimaada tartamayaasha, ururada bulshada rayidka ah iyo dhammaan tartamayaashii ka qayb galay imtixaanadii la qaaday. Intii munaasabaddu socotey ayaa khudbado iyo soo jeedino kadib waxaa lasoo bandhigay natiijadii imtixaanka iyadoo shaashad lagu soo bandhigay boos walba iyo inta qof ee u tartantay iyo qof walba natiijadii uu kenay iyadoo ay tartamayaashii iyo kasoo qayb-galayaashiiba goob joog yihiin. Guddiga xallinta cabashooyinka ayaa goobta ka hadlay ka hor intaan natiijada lasoo bandhigin iyagoo ka codsaday tartamayaasha in ay soo gudbistaan ciddii cabasho qabta isla markaana la tusi doono qof walba iyo warqaddii uu imtixaanka ku galay ee uu gacantiisa ku qoray. Ujeeddada ka dambeysey in hannaankaan lasoo bandhigo ayaa ahayd si bulshadu ay ugu qanacdo habka hufnaanta ah ee dawladdu ay u gudaneyso waajibkeeda ka saran sinnaanta muwaadiniinta, isla markaan meesha looga saaro dacaayadaha aan salka lahayn ee lagu eedaynayo hannaanka imtixaanka. Waa markii ugu horraysey ee hannaanka noocaan oo kale ah lagu hirgeliyo guud ahaanba Soomaaliya si loo ilaaliyo bedqabka, hufnaanta iyo kalsoonida muwaadiniinta u tartamaysa shaqada dawladda, maadaama shaqada dawaldda ay tahay mid loo siman yahay. The post Puntland oo soo bandhigtay natiijada imtixaankii loogu tartamayey shaqaalaha dawladda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ololihii ugu danbeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho oo muharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ay ugu jiraan inay u helaan codadka xildhibannada. Hoteellada Muqdisho ayaa shidan iyadoo labadii habeen ee ugu danbeysay aan laga seexan, waxaana soo baxaya musharixiin rajo ka leh kursiga ugu sareeya guddoonka iyo qaar ujeedkoodu ahaa inay is sharxaan oo kaliya. Musharixiinta ololaha ugu badan wada ayaa waxaa ugu horeeya: 1- Maxamed Sheekh Mursal 2- Ibraahim Yarow Maxamed 3- Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali) 4- C/casiis Lafta-gareen 5- & Maxamuud Macalin Yaxye Xildhibannada ka tirsan Golaha wasiirada ayaa ku kala qeybsamay taageerada xildhibannada Musharixiinta, waxayna doorashadan isu bedeshay mid jahawareer hareeyay oo aan la saadaalin karin cidda xilka ku soo bixi doonta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ololayaashii u dambeeyay ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka socda Muqdisho, kuwaasoo ay wadaan musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, iyadoo tan iyo xalay ay socdeen kualmmo gaar-gaar ah. Caawa ayaa la filayaa inay Muqdisho marti-geliso ololayaashii ugu badnaa ee ka dhaca muddooyinkii u dambeeyay, kuwaasoo ay musharraxiintu kaga dal-banayaan xildhibaannada inay codkooda siiyaan, iyadoo musharrax walba uu u xusul-duubayo sidii uu ku guuleysan lahaa. Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah 11 ayaa kuwooda ugu cad-cad waxay kala yihiin; Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Lafta-gareen, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Shariif Maxamed Cabdalla, Maxamuud Macalin Yaxye iyo Xaaji Cali. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in madaxtooyada Somalia ay doonayso in doorashadan uu kusoo baxo musharraxa ay wataan oo ah; Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo horay u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga DF. Dhanka kale, Musharraxiintii taageersanaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabk Somaila, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa doonaya inuu xilkan ku guuleysto xildhibaanka ay wataan oo ah; Ibraahim Isaaq Yaroow. Ugu dambeyn, Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in Musharax kasta oo Madaxtooyadda iyo Xukuumadda wataan uu la kulmi doono culeys, isla markaana la isugu wada tagi doono ama loo midoobi doono, marka loo eego taariikho horay u dhacay oo Musharaxiin dowladda wadatay. PUNTLAND POST The post Musharaxiinta u Tartamaya Gudoomiyaha BFS oo Muqdisho kawada Ololihii ugu dambeeyay appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Somali Prime minister, Hassan Ali Kheire on Sunday offered his condolences to the Somali people over the death of a member of Lower House Parliament who died on Saturday night in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
