-
Content Count
203,538 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Divers Marine Contracting begins construction after winning $90m contract in April The facility, being built near the regional port of Berbera, is expected to be completed by June. Divers Marine Contracting has started construction of a United Arab Emirates naval base in a semi-autonomous region of northern Somalia. The closely held Sharjah-based engineering group began work on the project after being awarded the $90 million contract in April, Managing Director Abdulla Darwish said in an interview in Dubai. The facility, being built near the regional port of Berbera, is expected to be completed by June, he said. Berbera is located on the Gulf of Aden, 260 kilometers (162 miles) south of Yemen, where UAE troops in a Saudi Arabia-led coalition are battling Houthi rebels. Somaliland’s foreign minister said in May that the UAE leased the airport in Berbera for 25 years as part of a pact for a military base. The gulf country is also building a military installation in Eritrea. The Somaliland naval base will include a 300-metre L-shaped inland berthing port with a depth of 7 metres “to support the military airport,” accommodating naval vessels to patrol the Gulf of Aden, according to Darwish. “It’s not a commercial port,” he said. “It’s only for naval vessels.” Somaliland Foreign Minister Saad Ali Shire didn’t immediately respond to two calls to his mobile and two emails seeking comment. A UAE foreign ministry official didn’t immediately respond to a request for comment. Arabia News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen Ciidamo ilaali u ahaa Xildhibaan Maxamed Abuukaate ayaa rasaas ku dilay Maxamed Cabdi Guuleed (Madoobe) oo ka tirsanaa Xildhibaanada Galmudug. Sida ay wararka sheegayaan Xildhibaanka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay Gaari kale oo uu watay xildhibaan Maxamed Abuukaate oo ka mid ah Xildhibanada Golaha Shacabka Soomaaliya. Xildhibaan Abuukaate oo la hadlay Radio Dalsan aya sheegay in gaarigiisa uu ku dhacay gaariga kale ee xildhibaanka geeriyooday taasna ay sababtay in ay ka shakiyeen ilaaladiisa. Waxa uu sheegay markii labada gaari ay isku dhaceen in uu Baastoolad la soo baxay Allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed deetana uu rasaas ku riday mid ka mid ah ilaaladiisa dhaawac ahaana isbitaal loogu qaaday in kastoo oo markii dambe uu geeriyooday. Xildhibaan Garaad Yuusuf Qowqabe oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa Dalsan u xaqiijiyay geerida Marxuum xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed, waxa uuna uga tacsiyeeyay Ehelkiisa in Samir Iimaan uu Eebe ka siiyo. Xildhibaan Maxamed Abdi Guuleed oo ka mid ahaa Baarlamaanka Galmudug , wuxuuna u dhashay Beesha Duduble, gaar ahaan Maqalsame. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Askari ilaale ahaa ayaa lagu soo waramayaa in uu magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Galmudug. Gaariga marxuumka la diley ayaa la sheegay inuu ku dhowaaday gaari uu la socday xildhibaanka ka tirsan golaha shacabka kaasi oo ku dhowaa nawaaxiga bar koontarool oo taalla Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ilaaladii la socotey xildhibaanka ka tirsan golaha shacabka ay rasaas ku fureen gaarigii uu saarnaa xildhibaanka Galmudug, halkaasina uu ku dhintey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Magaalada Muqdisho waxaa Goordhow lagu dilay Xildhibaan Katirsanaa Baarlamaanka Maamulka Gal-Mudug. Xildhibaan oo lagu Magacaabi Jiray Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed(Madoobe) Ayaa katirsanaa Baarlamaanka Gal-Mudug Waxaana Askari la sheegay in uu ilaalo u ahaa Xildhibaan katirsan baarlamaanka uu ku dilay Muqdisho. Dilkaan Ayaa ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeeyn Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho waxaana la sheegay in gaariga uu watay xildhibaanka la dilay uu ku dhowaaday gaariga uu watay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaasina uu toogtay nin ilaalo u ahaa Xildhibaanka Magaalada Muqdisho waxaa ku badan kala shakiga soo kala dhexgala Masuuliyiinta waxaana xusid mudan in sidaan oo kale meel aan sidaasi uga fogeeyn lagu dilay allaha u naxariistee Wasiir Siraaji . Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan Katirsan Gal-Mudug oo Goordhow lagu Dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug lagu dilay magaalada Muqdisho. Xildhibaanka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug, waxayna wararkii ugu horeeyay sheegayaan in dilka xildhibaanka ay geysteen ilaalada Xildhibaan kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Markii uu falka dilka dhacay ayaa xildhibaanka la dilay la sheegay inuu marayey agagaarka isgoyska Sayidka, waxaana Gaarigiisa oo aad ugu dhowaaday Gaariga kale oo uu lahaa xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha shacabka, kaasoo ilaaladiisa srasaas ku fureen Gaariga Marxuumka. Xildhibaan Maxamed Abdi Guuleed oo ka mid ahaa Baarlamaanka Galmudug ayaa goobta ku geeriyooday. Xildhibaanka la dilay ayaa wuxuu u dhashay Beesha Duduble, gaar ahaan Maqalsame Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa goordhow Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka galmudug. Marxuumka ayaa waxa uu ku dhaawacmay rasaas lagu furay Gaari uu watay xili uu marayay meel aan ka fogeyn Isgoyska Zayidka ee Magaalada Muqdisho kadibna uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray. Warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Rasaasta ku furay Gaariga Xildhibaanka ay ka mid yihiin Ilaalada Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya in kastoo aanan weli Magaciisa la helin. Weli macada sababta ka dambeysa rasaasta lagu furay Gaariga xildhibaanka,waxaana Warar ay sheegayan in ay kala shakiyeen. la soco Faahfaahinta oo dhameystiran goor dhow
-
dowladda Somaliya ayaa Arbacada Maanta sheegtay in ay iyadu codsatay weerarkii shalay Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya,kaasoo lagu dilay in kadan 100 dagaallame oo ka tirsan mindiinta Al-shabaab. salaasadii shalay, Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa shaaciyey in ay duqeyn ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Alshabaab,xero ku taalla meel 200km Waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Laakiin Al-shabaab ayaa beenisay sheegashada Maraykanka“Waxba kama jiraan warka ay baahiyeen Mareykanka ee ah inay duqeyn la beegsadeen saldhig ay Al-shabaab ku leedahay Gobolka Bay, Warkaana waa mid aan sal iyo raad lahayn,” ayuu yiri Abuu-muscab. “Xagjiriinta ayaa diyaarinayay walxaha qarxa iyo weerarro. Hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa la kordhiyay, “ayuu yiri Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, Wasiirka warfaafina Soomaaliya oo la hadlay wakaaladda Wararka Reuters,wuxuuna raaciyey”Maraykanka waxaan weydiisannay in ay hawada naga caawiyaan si hawlgallkeenna dhulku u noqdo mid guulaysta” Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in militariga Maraykanku sii wadi doono beegsiga xagjiriinta,iyadoo iskaashi lala samaynayo dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Maraykanka ay ka codsatay duqeyntii shalay. appeared first on Puntland Post.
-
Joint Statements The International partners are following closely the ongoing electoral process in Somaliland, leading to the election of a new President. The International partners are following closely the ongoing electoral process in Somaliland, leading to the election of a new President. A high-level delegation visited a number of polling stations in Hargeisa, on 13 November 2017, to demonstrate the international partners’ support for the democratic process in Somaliland. International partners note that 60 international election observers witnessed the opening, voting, closing and tallying procedures at some 350 polling stations. 620 local observers were also able to observe proceedings in over 40% of polling stations. Observers praised the smooth and peaceful conduct of voting and, despite areas of concern, concluded that irregularities were not on a scale such that they would undermine the integrity of the electoral process. International partners deeply regret the loss of life caused by violent protests in certain locations in the days that followed Election Day. We commend the vital role played by the National Electoral Commission and take note of the announcement of preliminary results today by the NEC declaring the Presidential Candidate of Kulmiye, Mr Musa Bihi Abdi, as the winner of the elections. Following this announcement, International Partners call on all parties to contribute to the respect of peace and order in Somaliland and to pursue any electoral complaints through the legally established channels and institutions. We reiterate that upholding the rule of law should be the primary objective for all in order to ensure the respect of the will of the Somaliland voters. We wish to congratulate all Somalilanders on the exercise of their right to vote in a peaceful and responsible manner on 13 November 2017. This Statement was signed by the following partners: Belgium, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Norway, The Netherlands, Switzerland, Sweden, United Kingdom and United States. Joint Statements The International partners are following closely the ongoing electoral process in Somaliland, leading to the election of a new President. The International partners are following closely the ongoing electoral process in Somaliland, leading to the election of a new President. A high-level delegation visited a number of polling stations in Hargeisa, on 13 November 2017, to demonstrate the international partners’ support for the democratic process in Somaliland. International partners note that 60 international election observers witnessed the opening, voting, closing and tallying procedures at some 350 polling stations. 620 local observers were also able to observe proceedings in over 40% of polling stations. Observers praised the smooth and peaceful conduct of voting and, despite areas of concern, concluded that irregularities were not on a scale such that they would undermine the integrity of the electoral process. International partners deeply regret the loss of life caused by violent protests in certain locations in the days that followed Election Day. We commend the vital role played by the National Electoral Commission and take note of the announcement of preliminary results today by the NEC declaring the Presidential Candidate of Kulmiye, Mr Musa Bihi Abdi, as the winner of the elections. Following this announcement, International Partners call on all parties to contribute to the respect of peace and order in Somaliland and to pursue any electoral complaints through the legally established channels and institutions. We reiterate that upholding the rule of law should be the primary objective for all in order to ensure the respect of the will of the Somaliland voters. We wish to congratulate all Somalilanders on the exercise of their right to vote in a peaceful and responsible manner on 13 November 2017. This Statement was signed by the following partners: Belgium, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Norway, The Netherlands, Switzerland, Sweden, United Kingdom and United States.
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta yeeshay kulanka 32aad ee kalfadhiga 2aad, waxaa shir guddoominayey Maxamed Cusmaan Jawaari. Ajendaha kulanka waxaa uu ahaa: Qeybinta xisaabcelinta gargaarka degdega ah gaar ah ee Xildhibaannada, ansixinta soo-jeedinta guddiga maaliyadda ku saabsan dib-u-eegista canshuurta gunnooyinka ee ku noqoashada miisaaniyadda sanadka 2017, Akhrinta 1aad hindise sharciyeedka la-dagaallanka argigixisada, Akhrinta 1aad Hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila. Ugu horeyn, waxaa la qeybiyay Kharajka ay bixiyaan Xildhibaannada ee loo isticmaalo daryeelka, qoyska Xildhibaannada waxaa ku baxday kharaj dhan: 757,000,00, Xildhibaannada Jiran waxaa ku baxay: 260,439,00, Xildhibaannada geeriyooday waxaa duug ahaan loo isticmaalay: 38,500,00, Kharajka lagu bixiyay dhaawacyada iyo dhimashadii qaraxii baarlamaanka: 79,000,00, Xildhibaannada ka hor dhintay qaraarka daryeelka Xildhibaannada: 15,000,00, Xildhibaannada aan weli la siin taakuleynta qoyska: 30,000,00. Golaha shacabka, waxaa uu sidoo kale ansixiyay soo jeedinta guddiga maaliyadda ku saabsan dib u eegis canshuuraha gunnooyinka ee ku noqoshada miisaaniyadda qaranka 2017, waxyaabaha la ansixiyay waxaa ka mid ah In dhammaan gunno xiliyeedka la siiyo mas’iiuliyiinta dowladda laga jaro canshuur bileed dhan 8% laga bilaabo October 2017 In wasaaradda maaliyadda dib u eegis ku sameyso shuruucda jirta ee casnhuuraha, waafijiyaanna nidaamyada casriga ah ee maamulka iyo maaliyadda Xeerka miisaaniyadda waa mid sanadle ah, waxaa wax ka badali karo oo keliya golaha shacabka Guddiga waxaa uu soo jeedinayaa in xukuumadda diyaariso xeer nidaamiye qeexaya gunno xileeydka baarlamaanka federaalka ah si waafaqsan xeer-hoosaadka golaha shacabka oo dhaqan gala sanadka misaaniyadeedka 2018 Guud ahaan xukuumadda, gaar ahaan waraasadda maaliyadda waxaa la farayaa in miisaaniyadda dhaqan-geliyaan sida ku cad go’aanka golaha shacabka ansixiyay Qaraarkan waxaa uu dhaqangalayaa marka uu ansixiyo golaha shacabka Dhinaca wasiirka amniga gudaha Maxamed AbuukarIslow (Ducaale) ayaa Xildhibaannada golaha shacabka u akhriyay hindise sharciyeedka la-dagaallanka argigixisada iyo Hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila. Maalinta sabida ah, waxaa golaha shacabka soo booqan-doona xubno ka socda guddoonka baarlamaanka dalka Djioubti. Cabdifitaax Kalgacal, Golaha Shacabka, Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho labo cisho ah ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wadahadallo la yeeshay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan. Haddaba TV-ga Qaranka dalka Imaaraadka Carabta ayaa soo bandhigay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleyn labada Mas’uul. Tv-ga ayaa sheegay inay labada Madaxweyne ka wada hadleyn Xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeyo labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, waxayna si gaar ah uga wada hadleyn barnaamijyada la xiriiro Horumarinta Soomaaliya, kuwa Bini’aadanimada iyo Samafalka. Sidoo kale TV-ga sheegay inay labada Madaxweynaha ay ka wada hadleyn sidii loo xoojin lahaa Mashaariicda hormarineed oo ay dowladda Imaaraadka Carabta ka wado dalka Soomaaliya oo uu fikirkooda lahaa Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan sidii loo garab istaagi lahaa Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku jiro. Sidoo kale labada Madaxweyna ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen mashaariicda lagu hormarinayo Soomaaliya, sidoo kale waxay ku heshiiyeen inay si wadajir ah uga qeyb qaataan sugidda Amniga Soomaaliya. Laba Madaxweyne ayaa isku afgartay inay dowladda Imaaraadka Carabta ka qeyb qaadato dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab. Ugu Dambeyntii Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan ayaa ballan qaaday inay Imaaraadka Carabta sii wadi doonto garab siinto wadanka ay walaalaha yihiin ee Soomaaliyeed. Madaxweynaha iyo Dhaxal Sugaha ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen oo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Istiraatiijiyadda Prof. Nuur Diiriye Xirsi, Sen. Mahdi Daahir Sheekh Nuur iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane C/qaadir Sheekheey Maxamed Al Xaatimi. Haddaba Halkaan hoose ka daawo warka ka baxay TV-ga Qaranka Imaaraadka ee arrintaan looga hadlay http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/23277652_231016527436809_1241061294447001600_n.mp4
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ugu horreyn u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka rajeeyey inuu keeno isbedallo cad cad. Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, in Muuse Biixi uu xog ogaal yahay wax badan oo ka jira dalka, isaga oo rajo ka muujiyey iney hanaqaadaan wadahadalladii dowladda Federaalka iyo Somaliland. “Waxaan ugu hambalyeenayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland aniga oo og kuna kalsoon inuu xog ogaal u yahay taariikhda umadda Soomaaliyeed, waayihii lasoo maray, Somaliland iyo gobollada waqooyi ee Soomaaliyeed, taariikhdii umadda Soomaaliyeed guud ahaan, waxaa haboon in horey looga socdo..waxaan ku celinayaa in wadahadalladii dowladda federaalka iyo Somaliland ay tahay fursad maadaama hoggaan cusub loo doortay Somaliland, ugana faa’ideysanno iney hanaqaadaan, lana dardargeliyo wadahadalladii Labada dhinac” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka. Doorashadii ka dhacday Somaliland 13-kii bishan waxaa ku guuleystay xisbiga Kulmiye oo musharraxooda madaxweyne ahaa Muuse Biixi Cabdi. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay liiska Hogaamiyaashii iyo madaxdii laga dilay Ururka Al-Shabaab intii u dhaxeysay 2007 ilaa 2016 oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Difaaca Dowladda Mareykanka. Liiska lasoo bandhigay ayaa waxay isugu jiro qaar la dilay iyo qaar la qabtay, waxaana kamid ah magacyo aan horey loo maqlin inay geeriyoodeen ama la qabtay. Hoggaamiyaashaan intooda badan waa la dilay halka qaar uu kamid ah yahay Xasan Daahir Aweys ay isi soo dhiibeen, waxayna dilalkaan iyo qabashadaan dhaceyn intii u dhaxeysay 2007 ilaa 2016, sida ay wabrixinta kusoo saartay dowladda Mareykanka. Magaca qofka la dilay ama la qabtay Doorka Hogaaminta Bishii iyo sanadkii la dilay/la qabtay Abdullahi Sudi Arale Hogaamiye dhanka Siyaasadda ah January 2007 Sheikh Abdullahi Mo’alim Ali ‘Abu Utayba’ Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan January 2007 Abu Talha al Sudani U qaabilsanihii Al-qaacidda ee Geeska Africa May 2008 Aden Hashi Ayro Aas aasaihii Al-Shabaab iyo Taliyihii Al-Qaacidda ee howglada Bariga Afrika May 2008 Sheikh Muhyadin Omar Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan May 2008 Saleh Ali Saleh Nabhan U Qaabilsanihii Al-Qaacidda ee Bariga Africa September 2009 Abdullah Fazul (aka Fazul Mohammed) Madaxa Bariga Afrika al Qa’ida (EAAQ); Taliyaha Sirdoonka ICU June 2011 Bilal al Berjawi (aka Abu Hafsa) Madaxii Al-Qaacidda ee Bariga Africa January 2012 Ibrahim al-Afghani Wuxuu qeyb ka ahaa dhisitaanka Ururka Al-Shabaab June 2013 Abul Hamid Hash Olhayi (Maa’lim Hash) Aas aasayaashii Al-Shabaab June 2013 Hassan Dahir Aweys Aas aasayaashi Al-Shabaab August 2013 Omar Hammami (Abu Mansur al-Amriki) Afhayeenkii Al-Shabaab September 2013 Abdullahi Ali (Ante Ante) Hoggaamiye Shabaab ka tirsanaa October 2013 Laba Shakhsi oo aan magacooda la helin Hoggaamiyaal Shabaab ka tirsanaa October 2013 Ahmed Mohamed Amey Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan January 2014 Ahmed Abdi Godane (Mukhtar Abu Zubayr) Amirkii Al-Shabaab kana tirsanaa dadkii Dhisay Ururkaan September 2014 Abdishakur (Tahlil) Madaxa al-Shabaab ee ammaanka iyo sirdoonka (Amniyaat) December 2014 Sahal Iskudhuq Sarkaal sare oo dhanka Sirdoonka ahaa January 2015 Yusef Dheeq Madaxa al-Shabaab ee ammaanka iyo sirdoonka (Amniyaat), wuxuu ku xigeen u ahaa Abdishakur January 2015 Olow Barow Hoggamiye dhanka Militariga ah February 2015 Adan Garar Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan March 2015 Hassan Turki Aasaasihii ICU, hoggaamiye ka tirsanaa Al-Shabaab, ka qeyb galay dagaalkii Afgaanistaan, hoggaamiyahii AIAI, hoggaamiyahii Rugta Ras Kamboni May 2015 Abdirahman Sandhere (Ukash) Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan December 2015 Hassan Ali Dhoore Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan March 2016 Abdullahi Haji Da’ud Hoggamiye sare oo Shabaab ka tirsan May 2016 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay. Madaxeynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo. Waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaaraha uu kulamo la qaato madaxda K/galbeed, sidoo kalena uu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada. Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka qaar loo diidayo isku socodka gaadiidka iyo shacabka. Waa markii Labaad oo bishan gudaheeda ah uu Ra’iisul wasaare Kheyre safar ku tago magaaladii Labaad oo ka tirsan K/galbeed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 22 Nov 2017 safar shaqo ku gaadhey degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi si diiran loogu soo dhoweeyey Agaasimaha iyo weftigiisaba. Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo weftigiisa ayaa waxaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon, Duqa degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Isu-duwayaasha gobolka ee Wasaaraddaha Waxbarashada, Caafimaadka, Degaanka, Haaweenka, Xanaanada Xoolaha iyo caddaaladda, taliyaha Booslika gobolka Sanaag iyo qaar kamid ah shacabka magaaladaasi. kahor inta aanay soo gaadhin weftiga uu hormuudka u ahaa Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa waxa ay soo kormeereen dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo taas oo dhismeheedu u jiro wax ka yar 20Km magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag. Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa ugu horayn shacabka magaalada Badhan iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa , waxaana uu tilmaamay Agaasimuhu in todobaad kahor uu gobolka u yimid hawlo shaqo xiligaas oo ay isku day faragelin la damacsanaayeen gobolka maamulka Soomaaliland . Sidoo kale Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa sheegay in dhowaan xukuumadda dawladda Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas gobolka ka hirgelindoonaan todoba saldhig kuwaas oo dhismohooda laga dhagax dhigidoono todoba magaalo oo kamida gobolka, isla markaana Afartii ugu horeeyey maalinimada berrito uu dhagax dhigi doono Agaasimuhu iyo sidoo kale sadax magaalo oo iyana kamida gobolka ayaa laga hirgelindoonaa ‘MCH’ goob Hooyada iyo Dhalaanka ah. “Maanta waxaan idiinku bushaaraynayaa inaan idiin wadno oo xafiiska Madaxweynuhu ka fulin doono gobolka todoba saldhig, kuwaas oo laga fulindoono todoba magaalo oo kamidda gobolka oo afartii ugu horeeyey berrito aan dhagax dhigidoono dhismohooda, sidoo kale sadex goobood oo Hooyada iyo Dhalaanka lagu xanaanayndoono iyana laga samayn doono sadex magaalo oo kamid ah gobolka” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusug Jibriil Cawl. “Laba weji baan ka dhigi doonaa shaqada, midi berri buu bilaabmayaa wuuna dhamaystiran yahay qorshihiisu, muddo kooban oo kayar 45 cisho ayaanu rabnaa inaanu kusoo gebagebayno madaama ay ka dawlad ahaan dhankayaga aan waxba nagu qabyo ahayn, magaalooyinkaas waxaa ugu horeeya Magaalada Hadaaftimo, Yube, Damala-Xagare iyo Xingalool Afartaas qorshaha dhagax dhiggooda waxaanu kusoo afmeeri doonaa muddo afar cisho ah” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusug Jibriil Cawl. Dhinaca kale Agaasimaha ayaa xusay in magalooyinka wejiga labaad laga hirgelindoono Saldhigyada Booliska ay kala yihiin Carmale, Dawaco iyo Ceelbuh, waxaana iyana qorshaha labaad ku jirta hirgelinta sadex goobood oo ‘MCH’ ah kuwaas oo laga hirgelindoono magaalooyinka Yubbe, Hadaaftimo iyo Dama-laxagare. Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon iyo duqa degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise ayaa iyana dhankooda xusay in xukuumadda dawladda Puntland ay gobolka kawado kana hirgelisey mashriic horumarineed kuwaas oo waxtar u leh shacabka gobolka Sanaag iyo guud ahaanba dawladda Puntland, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in masriicdaa ay kamid yihiin Waddada Ceel-daahir-Caarigoobo, ceel biyoodyo tiro badan iyo dayactirka garoonka diyaaradaha Magaalada Badhan, isla markaana waxaa ay Madaxweynaha Puntland iyo guud ahaan dawladda Puntlandba uga mahad-celinayaan hirgelinta siyaasaddooda ku aadan kaabida gobolada ka fog laamiga. Ugu danbayn, Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa waxa uu kubooriyey guud ahaan shacabka gobolka Sanaag inay gacmaha is qabsaadaan si ay uga gungaadhan wax kasta oo ay ku horumarin karayaan gobolkooda. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dawladda Puntland oo Si Diiran loo lagu soo Dhoweeyey Degmada Badhan. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsanaya duqeynta diyaaradaha ciidamada Mareykanka ay gaareen degmada Matabaan. Maleeshiyo ku dhow 100 iyo gaadiid dagaal oo ay wataan ayaa dadka degaanka ku arkeen iyadoo ku sugan tuulada Madhooyo oo 25 KM u jirta degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay inay halkaas uga dhuumanayaan duqeynta diyaaraadaha Mareykanka oo sii xoogeysatay muddooyinkii dambe. Qaar ka mid ah Shacabka tuuladaan ayaa idaacada Kulmiye usheegey in ay arkeen dagaalamayaal Al-shaab katirsan oo wata gaadiid Dagaal oo Gaaraya ilaa 5 Gaadiid waxaana tirada Ciidanka Shabaab ee Gaaray Matabaan lagu qiyaasaa ku dhawaad 80 Dagaalame iyo Saraakiil ka tirsan Shabaab. Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in Al-Shabaabkii Gaaray Tuulada Madhooyo ay Fariisin ka sameestayn Dhulka Buuraha ah iyo dhul kale oo keyn ah. Saraakiil Ka tirsan Maamulka Ahlusunna ayaa sheegey in ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Al-shbaab ay ka wadaan deegaankaas inkasto ay ku tilmaameen ragaas Al-shabab ka tirsan kuwo raadinaya goobo ay gabaad ka dhigtaan kadib markii ay korartay Duqeymaha Dhinaca Cirka ah oo ay wadaan Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya. Degmada Matabaan ayaa la sheegay in ay ku yaalaan dhul Buuraley ah iyo deegaano keyn ah oo Al-Shabaab Gabaad u noqon karo, Maraykanka ayaa kordhiyay Duqeymaha dhinaca Cirka ah oo ay ku qaadayaan Saldhiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya. Kooxda Ahlu suna oo degaankaasi ku dhow ayaa ka war heshay dhaqdhaqaaqa maleeshiyada Alshabaab ka wadaan degaanada hoos taga degmada Matabaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Robert Mugabe oo 93 jir ah, ahaana hoggaamiyihii Zimbabwe laga soo bilaabo xuriyaddii dalkaasi 1980-kii ayaa talaadadii is-casilay, Mugabe waxaa uu ka mid ahaa madaxda ugu waqtiga dheer adduunka iyo qaaraddan Afrika. Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Madaxda Xillgan Afrika Ugu Muddada Dheer: (1). Teodoro Obiang Nguema Mbasogo: Madaxweynaha Equatorial Guinea 1979 Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, sheekadiisa waa mid xiiso badan, waxaa uu ka soo baxay Akaademiyad Militari oo ku taallo Spain, isaga oo madax ka noqay Jasiirad illaa adeerkiis Macías Nguema oo madaxweyne dalkaasi ka ahaa uu dilo aabihiisa iyo inta badan qaraabadooda, markaasi kadib Teodoro Obiang Nguema Mbasogo ayaa dagaal la lagay madaxweyne Macías Nguema, waana ka adkaay, ninka dambe caruurtiisa waxaa uu u diray Waqooyiga Kuuriya isagana waxaa lagu qabtay baadiyaha dalkaasi, ugu dambeyntiina waa la toogtay! Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, wixii xilligaasi ka dambeeyay, waxaa uu madax ka yahay dalka Equatorial Guinea, waa dalka ugu hodon-san qaaradda Afrika, wiilkiisa iyo dadka ku dhaw waxaa ganacsi ku leeyihiin qaaradda Yurub. (2). Paul Biya: Madaxweynaha Cameroon 6 November 1982. Inta uusan madaxweyne ka noqon Cameroon 1982-dii, Biya waxaa uu ra’isul wasaare u ahaa madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Ahmadou Ahidjo. Paul Biya, marar badan ayaa waxaa la soo gudboonaaday cadaadis badan balse waxaa uu uga badbaaday xiriirka uu la leeyahay dalka Faransiiska oo horay u soo gumeystay dalka Cameroon!! (3) . Yoweri Museveni – Madaxweynaha Uganada 29 January 1986 Yoweri Museveni, waxaa uu dalkaasi madax ka yahay tan 1986-kii, waa madaxweynihii ugu muddada dheeraa dalkaasi, waxaa ku soo xigay Idi Amin iyo Milton Obote. Dad badan oo reer Uganada ah ayaa kula taliyay in uu xukunka ka dago ama tartanka madaxtinnimada isaga haro, waxaa uu ku jawaabay “Haddii aan dhinto xitaa, qabriga ayaan ka soo tartamayaa”!! (4). Boqor Mswati III (Swaziland) – 1986. Boqorkan Swaziland, waxaa uu dalka qabsaday April 1986, markaas uu gaaray 18 jir, 4 sano kadib marka uu aabihii geeriyooday!! Dalkaasi waxaa uu ku heystaa awood aan xad laheyn, in kasta oo dalku leeyahay baarlamaan, ra’isul wasaare iyo xukuumad, hadana isaga ayaa ka awood badan!! Ragga qaaradda Afrika ku nool waxaa uu dheer yahay boqornimada marka laga soo tago, September sanadkan waxaa uu guursaday gabar 19 jir ah oo noqoneysa xaaskiisa 14-aad!!! (5). Cumar Xasan Al-Bashir – Madaxweynaha Suudaan 1989 Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashir waxaa uu sanadkii 1989-kii afgambi aan dhiig ku-daadan xukunka uga tuuray ra’isul wasaare Saadiq Al-Mahdi. Intii uu talada hayey, waxaa dalkiisa waxaa ka go’ay Koonfurta Suudaan, waxaa looga yeeray maxkamadda ICC, dalkiisa waxaa uu ku jiraa 3 dal oo deyn ka qaadan Karin hey’adaha lacagta adduunka! (6). Idriss Déby – Madaxweynaha Chad 1990 Madaxweyne Idriss Déby, waxaa uu dalka Chad qabsaday 1990-kii, Déby waxaa ay isku dhaceen isaga iyo madaxweynihii xilligaas Xissene Habré. Déby waxaa loo musaafuriyay dalka Libya, taageero uu ka helay dalalka Libya iyo Suudaan ayuu weerar ku soo qaaday Habré, sanad kadibna waxaa uu la wareegay caasimadda N’Djaména. (7). Isaias Afwerki – Madaxweynaha Eritrea 1993 Dalka Eritrea tan iyo markii uu xuriyadda ka qaatay dalka Itoobiya, ma arkin hoggaamiye aanIsaias Afwerki aheyn!! Afwerki, waa nin aan nixin, Xisbigiisa ma ahee cid kale siyaasad kama shaqeyn karto, arrimaha dimoqoraadiyadda iyo hanti-goosadka la xiriira maba qoro, eedeynta reer galbeedka iyo dariska, dheg-jalaq uma siiyo!! (8). Paul Kagame Hoggaamiyaha Rwanda 1994 1994, Paul Kagame iyo kooxdiisa RPF, waxaa ay ka adkaadeen ciidamada the Rwandan National Army kadib xasuuqii Rwanda ka dhacay. Xilligaasi wixii ka dambeeyay Paul Kagame isaga ayaa dalkaasi hoggaamiye ka ahaa, waxaa uu madaxweyne ka dhigay Pasteur Bizimungu illaa markii dambe uu iska tagay 2000. Paul Kagame ayaa la doortay 2000, waana madaxweynaha dalkaasi, doorasho kasta oo dhacda isaga ayaa hela 99%!! (9). Denis Sassou Nguesso – Madaxweynaha Republic of the Congo 1997 Madaxweyne Nguesso waa markii 2aad uu dalkaasi maamulo, horay waxaa uu madaxweyne u noqday 1979 -1992, isaga oo mar kale dib madaxweyne u noqday 1997. Markan dambe, dalka Republic of the Congo waxaa uu ku jiray dagaal sokeeye, waxaa uu xilka ka xoogay madaxweyne Pascal Lissouba illaa iyo hadda isaga ayaa xukuma!! (10): 1999: Waxaa madaxweyne noqday rag badan oo ay ku jiraan Cabdelaziz Boutefliqa, Boqorka Moroco, Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyanaha Gabon Cali Bongo!! Kooxda Record-kooda Aan La Jabin: Waxaa jira madax kale oo illaa iyo hadda la jibin la’ayahy Record-kooda xagga xukunka qaaradda Afrika, waxaa ka mid ah : Boqorkii Ethiopia Haile Selassie, kaas oo la tuuray 1974, waxaa uu boqor ahaa 44 sano!! Mucamar Al-Qadaafi, Madaxweynihii Libyan, waxaa la dilay 2011-kii, waxaa uu dalkaasi maamulayey 42 sano!! Omar Bongo Ondimba, Waxaa uu ahaa madaxweynaha Gabon, waxaa uu dalkaasi xukumayey illaa uu ka dhinto October 2011, 41 sano ayuu talinayey!! W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu hanbalyeeyey guusha uu ka soo hoyayey doorashadii madaxtooyada ee dhowaan ka qabsoontay Somaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in doorashadu ay ku dhacday si nabad ah oo daahfuran, isagoo tilmaamay in taasi muujinayso bisayl siyaasadeed ee madaxda iyo shacabka Somnaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa axsaabta mucaaradka ku bogaadiyey sida ay ugu hoggaansameen natiijada doorashada, isagoo xusay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka Somaliland. Ugu danbayeyntii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u rajeeyey in uu ku guuleysto xilka culus ee loortay. Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP Ee Muqdisho Cowke http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/War-Cowke-PP-Raisilwasaare-Xigeenka-Soomaaliya-.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
I am writing in response to the open letter published by Qarannews.com on November 19th, 2017. The letter is authored by an individual who signed his name as: Khalid Sahid Dirir. The author made a weak attempt to undermine the integrity of the Republic of Somaliland NEC or National Elections Commission. The allegations listed in the open letter fail to accrue enough evidence to question the integrity of Somaliland electoral process. Although the letter starts to acknowledge that the Republic of Somaliland had previously held successful elections, the remainder of the arguments presented in of Mr. Dirir’s letter is filled with a cunning attack on the Somaliland electoral system. Mr. Dirir’s open letter suggests some of the reported irregularities in the election call for ‘the cancellation of the current election process;’ and the dismantling of the NEC. I find these suggestions ludicrous. The letter reflects only one political party’s concerns on few irregularities which can be resolved in the appropriate legal channels. NEC is bound by the legal system enshrined in the constitution of the Republic of Somaliland. Perhaps it would be customary to echo the notion that ‘there is no such a thing as a perfect democratic election’; yet democracy works best to facilitate citizens’ inclusion in the political process, social change and smooth political transfer. Both the independent local and international observers disagree with Mr. Dirir’s analysis. First, SONSAF, the Somaliland non-State Actors Forum, which is a conglomeration of non-governmental local agencies mobilized 600 independent observers who oversaw the election process of 41% of the 1642 polling stations. SONSAF presented a preliminary report in a press release on November 15th, 2017, and concluded that “the November 13th, 2017 election was peaceful and smooth administratively; at the same time the presidential election was free when it comes to NEC compliance of the laws and regulations.” Second, although the sixty international observers noted some areas of concern, their press release on November 16th, 2017 concluded that “[they] did not observe irregularities at a scale that would undermine the integrity of the electoral process.” Given these independent analysis, Mr. Dirir’s open letter failed to persuade its readers and Somaliland international partners on any of the issues. The Republic of Somaliland is in a region plagued by political turmoil (e.g. recent Kenyan elections), but there is an overall consensus on the competence of Somaliland’s NEC. The institution successfully utilized the latest biometric technology to minimize voter fraud and pursued highest standards of transparency. NEC’s integrity sets a great example for neighboring countries to manage free and fair elections. The Republic of Somaliland evidently acquired great potential to inspire democratic political engagement for African nations and the rest of the developing world. I am confident that Mr. Dirir’s letter will not cast a shadow over the free and fair elections in hopefully the country which will soon be the youngest state in the Horn of Africa. Omar, MSc, Researcher at the University of Texas, Antonio, USA
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaal, Waxgarad, Culumaa’udiin, Dhalinyaro iyo Haween Ehel iyo Qaraabo la ah Dhibane Fa’iza Cabdi oo ah Gabadhii sida xun loogu dhibateeyey Magaalada Boosaaso oo hadda dhaawicii loo getstey u jiifta Cusbataalka Erdogan Ex. Digfeer oo kulan ku qaatay Maanta Magaalada Muqdisho ayaa Eedayn u soo jeediyey Dowled Goboleedka Puntland, waxayna ku eedeeyeen iney Xukuumaddu ka gaabisay xal u helida kiiska Gabadhooda Nabadoon Bashiir Caydid oo ugu horayn kulanka ka hadlay ayaa yiri. “Waxaan u Mahad celinedynaa Madxwaynaha Jubbaland Mdane Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) oo gacan ka gaystey soo qabashada Eedeysanihii dhibaatada geystey, kasoo hadda lagu hayo Magaalada Garoowe” Nabadoon Bashiir waxa uu wax kama jiraan ku tilmamay hadal uu sheegay in uu ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cumar fara Weyne, waxa uuna yiri. “Waxaan Ummadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in aaney waxba ka jirin hadalka uu sheegay Axmed Fara Weyne oo Magalada Garoowe ka sheegey in arinta Gabadheena Faa’iza la dhameeyey oo markii hore la siyaasadeyey hadana ay ka wada hadleen Ehelada labada dhinac , arintaas ayaan beenineynaa, waana wax kama jiraan”. Waxaa kaloo kulanka ka hadlay Shiik Cumar Shiikh Abuukar oo codsaday in Maxkamd Cadaalad ah la hor keeno Eedaysane Cabdulqaadir Warsame, waxa uuna yiri. “Waxaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Tan Dowled Goboleedka Puntland si sharaf leh uga codsaneynaa iney ka shaqeeyaan sidii ninka dhibaatada intaa la’eg Gabadha u getstey Cadaaladda la hor keeno”. Ugu dambayntii waxaa kulanka ka hadlay Aabaha Faa’iza waxa uuna yiri. “Gabadheyda cid iiga xog-ogaalsan ma jirto, sedax jeer ayaa Qaliin lagu sameeyey ilaa iyo hadana xaalkeedu ma fiicna, waxaa la ii sheegay in ninkii Gabdheyda dhibaatada foosha xun u geystey iyadoo xaaladeedu Qatar tahay uu ku raaxeysanyo Magaalada Groowe, waxa uuna garab badan ka helay eheladiisa kuwaas oo hore ugu saacidey inuu Kismaayo u baxsado”.
-
Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa war kasoo saartay war kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] iyo Dowladda Somalia, kaas oo sheegaya in la duqeeyay xero Tabbabar oo Al-habaab ku lahaayeen gobolka Bay. Afhayeenka hawl-galada Al-shabaab, C/casiis Abuu Muscab oo la hadlayay Idaacada ku hadasha Al-shabaab ku hadasha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in duqeyn Mareykanka fuliyay lagu dilay 100 xubnood oo ka mid ah xoogaggooda. “Waxba kama jiraan warka ay baahiyeen Mareykanka ee ah inay duqeyn la beegsadeen saldhig ay Al-shabaab ku leedahay Gobolka Bay, Warkaana waa mid aan sal iyo raad lahayn,” ayuu yiri Abuu-muscab. Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray inaysan jirin mid ka mid ah xoogagooda oo la dilay, isagoo xusay in warka ka soo yeeray Mareykanka lagu qarinayo fashilin iyo Guul-darrooyinka Mareykanka iyo xulafadiisa kasoo gaaray dagaallada ka socda Somalia. Dhanka kale, War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika oo loo yaqaan AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo shalay oo ay ka fuliyeen meel 125-mayl u jirta Muqdisho ay ku Qaarijiyeen 100 Askari oo ka tirsan Ururka Al-shabaab. Ugu dambeyn, Sannadkii hore 2016-kii ayay ahayd markii Mareykanka uu sheegtay duqeyn uu ka fuliyay gobolka Hiiraan uu ku dilay boqol xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo isku diyaarinayay inay Weeraro ku qaadaan xeryaha ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. PUNTLAND POST The post Afhayeen u hadlay Kooxda Al-shabaab oo beeniyay in saldhig ay leeyihiin la Duqeeyay appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan hal askerti ayaa ku dhintay,tiro kalena waa ku dhaawacantay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,sida ay soo weriyeen goobjoogayaal. Qaraxa ayaa lagu weeraray ciidanka Xasilinta caasimadda,wuxuuna qabsaday gaadiid ciidankaasi wateen oo marayey isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho,sida laga soo xigtay Booliiska Soomaaliya. Saraakiisha hawlgalka xasilinta Caasimadda Muqdisho,weli wax faahfaahin ah kama bixin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay,laakiin ururkaAl-shabaab ee fallaagada ah ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen,islamarkaana ay ku dileen asker ka tirsan ciidanka xasilinta. Ma weli war sugan lagama hayo khasaaraha qaraxa. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
-
Harare (PP) ─ Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu ku laabto Harare oo ah xarunta dalka Zimbabwe, isagoo loo diyaarinayo in loo dhaariyo xilka Madaxweynenimada Zimbabwe kaddib is-casilaaddii Robert Mugabe, sida ay baahisay BBC-da. Mnangagwe ayaa u baxsaday Koonfur Afrika Labo toddobaad ka hor, kaddib markii Mugabe uu xilka ka qaaday, maanta ayuuna Dalkiisa ku Laabanayaa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xisbiga ZANU-PF. Xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa Mnangagwa u doortay inuu noqdo guddoomiyaha Xisbiga, waxaana lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha Zimbabwe kadib markii uu xilka ka dagay Robert Mugabe oo dalkaas maamulayay muddo 37 sano ah. Afhayeenka xisbiga ayaa sheegay in ninkan oo 71 jir ah uu dhamaysan doono mudada xilka uga dhimanayd Mugabe oo ah illaa bisha sebtembar ee sanadka 2018-ka, xiligaas oo la qaban doono doorashooyinka guud. Waxaa lagu naaneesaa ‘Yaxaaska’, waxayna ugu baxday fikirka laga qabo ee ah in uu yahay nin arxan daran. Isaga oo waraysi siiyay wargeyska NewsDay ayuu yiri “Anaga oo wadajirna ayaa waxaan xaqiijineynaa in aan adkeyno dimoqoraadiyadeena, islamarkaasna wax kasta aan si cusub u biloowno dalka oo dhan”. Sida uu qabo dastuurka, madaxweynaha kumeelgaarka ah waxaa qabanaya madaxweyne ku xigeenka, hase yeeshee kan hadda jooga Phelekesela Mphoko ayaa loo arkaa in uu xulufo la yahay xaaska Mugabe, Grace, waxayna u badantahay in uusan dalka ku sugnayn, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in xisbiga ZANU-PF uu xilkaba ka qaaday. Dadka qaarkood ayaa isweeydiinayay xil ku wareejinta Mnangagwa ay keeni karto isbadal dhab ah. Waxa uu ahaa taliyaha nabad suggida markii la laayay kumanaan shacab ah oo mucaarad ku ahaa Mugabe waxyar kadib markii xornimada la qaatay sanadkii 1980-kii. Hoggaamiyaha mucaaradka Morgan Tsvangirai ayaa BBC-da u sheegay in uu rajaynayo in Zimbabwe ay qaaddo dhabbo cusub oo ay ka mid tahay in la helo doorasho xaq iyo xalaal ah. David Coltart oo ka mid ah mucaaradka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray oraahdan “Waxaan aan meesha ka saarnay nin arxan daran, balse arxan daradii wali waa jirta”. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Midoowga Afrika Alpha Conde ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay waxa dhacay, balse uu ka xunyahay qaabka ay wax u dhaceen “Waa ceeb in uu ka boxo albaabka dambe” ayuu yiri. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe oo noqonaya Madaxweynaha cusub ee dalkaas appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo warbaahinta Maanta Muqdihso kula hadlay ayaa soo dhaweeyey Doorashadii Somaliland ka dhacday, iyo Guusha uu ka gaaray Xisbiga Kulmiye. Waxa uu sheegay in Doorashada ay Saddexda Xisbiga iyo Dadka Deegaanada Maamulkaasi ay ka heleen ilbaxnimo, isla markaana ay tahay Guul usoo hoyatay. Soomaaliya ayuu sheegay in ay kusoo beegan tahay doorashada qof iyo codkii ee la filayo 2020 ama 2021-ka, Cashirne looga qaadan karo Doorashadaasi. Shacabka ayuu sheegay in ay ka tuusaaleysan karaan sida loo doorto Qofka ay rabaan, Muuse Biixi oo ah Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland, isla markaana Waqti Xileedkiisu yahay 5-ta Sano Soo socoto. Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayuu ku tilmaamay in uu yahay qof xog ogaal u ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxa uuna ka rajeeyey in uu sii wado Wadahadala Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland. Kaalin muhiim ah ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Muuse in uu ka qaadan karo wada hadalkaasi, isagoona ka dalbaday in uusan seerin Fursadda sida uu hadalka u dhigay. Muuse Biixi ayaa ku guueleystay Doorashadii 13-kii bishaan ka dhacday Deegaanada Somaliland, waxaana Natiijadii lagu dhawaaqay 21-kii November oo Shalay ku beegneed Ku guuleystay Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa sidaan u qornaa: Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu hanbalyeeyey guusha uu ka soo hoyayey doorashadii madaxtooyada ee dhowaan ka qabsoontay Somaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in doorashadu ay ku dhacday si nabad ah oo daahfuran, isagoo tilmaamay in taasi muujinayso bisayl siyaasadeed ee madaxda iyo shacabka Somnaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa axsaabta mucaaradka ku bogaadiyey sida ay ugu hoggaansameen natiijada doorashada, isagoo xusay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka Somaliland. Ugu danbayeyntii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u rajeeyey in uu ku guuleysto xilka culus ee loortay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors