-
Content Count
203,538 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Ciidamada Amniga Somaliland ayaa xabsiga dhigay wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo dekeddaha Dr. Maxamed Yaasiin oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Tima-Cadde) oo ka tirsan golaha deegaanka ee Hargeysa. Sida wararka ku halayno waxaa Maxamed Yaasiin lagu eedeeyey Buuggii codeynta ee laga xaday goob doorasho oo ku taalla magaaladda Berbera, kaddibna xisbigiisa WADDANI ku eedeeyey Komishanka doorashooyinka in lagu codaynayey Buugaag foojari ah oo aan ahayn kuwii loogu tallagalay doorashadda. Hasse ahaatee markii xisbiga WADANI iyo Komishanku kulmay ayeey cadaatay in buuggaasi la raadinayey oo laga xaday Komishanka. Illaa hadda xukuumadda iyo xisbiga WADDANi ka soo saarin war ku saabsan xadhiga masuuliyiintaasi, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ka hadli doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Makka Al-Mukarama (Caasimadda Online) – Sawir uu muwaadin Israa’iili ah ku dhex galay masjidka nebiga ee ku yaal Madiina ayaa caro badan ka dhex abuuray baraha ay bulshada ku wada xiriirto ee Carabta. Ben Tzion oo 31 jir ah kuna dhashay Ruushka ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawirro uu ku galay magaalooyin ku yaal Iiraan, Sacuudi Carabiya, Lubnaan iyo Urdun. “Shacabka Sacuudi Carabiya waxay garab istaagayaan qaranka Yuhuuda. Nabada ka curata Bariga Dhexe oo ku salaysan jecayl iyo is xushmeyn.” ayuu ku sheegay bartiisa Facebook. Dadka aan Muslimka ahayn ayaa laga mamnuucay inay galaan magaalada Maka, waxaana lagula taliyaa inay ka joogsadaan qeybo ka mid ah bartamaha Madiina ee uu ku yaal masjidka nebiga. Balse Tzion ayaa sheegay in masaajidda Madiina ay u furan yihiin dadweynaha. Ninkan oo sanadkii 2014 qaatay dhalashada Israa’iil ayaa u sheegay wargeyska Times of Israel inuu hiwaayad u noqatay booqashada dalalka Muslimka, uuna u gudbiyo farriin ah “ixtiraamidda dhaqanada iyo diimaha kale”. Waxa uu sheegay in dadka Carabta ah ee uu la kulmay ay u muujiyeen “kalgacayl iyo maxabo ay u qabaan Israa’iil iyo dadka Yuhuuda ah”. Tzion ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirro uu ku galay magaalooyinka Tehran iyo Qom ee dalka Iiraan. Xukuumadaha Tehran iyo Tel Aviv ayaa waxaa ka dhexeysa cadaawad weyn, Iiraan-na ma ogola in muwaadiniinta Israa’iil ay dalkeeda galaan. Mr Tzion ayaa booqday goob barakaysan oo ku taalla Iiraan inkastoo dad u dhashay Israa’iil ay mamnuuc ka tahay inay dalkaasi galaanInkastoo uu nabad ka hadlayay, ayaa hadda sawirrada Tzion waxaa ka dhashay caro badan. 24-kii saac ee lasoo dhaafay, in ka badan 90,000 oo farrin oo lagu baahiyay Twitter-ka ayaa looga hadlay booqashada ninkaas ee masjidka nebiga. “Culimadii ayaa xabsiyada ku jira, Yuhuudna waxay gashay masjidka nebiga. Waa wax laga xumaado,” ayuu qof Carab ah Twitterkiisa ku qoray. Sida uu sheegay wargeyska Times of Israel, jawaabaha carada wata ee ka dhashay sawirrada ninkan ayaa dhaliyay in barta Instagram ay xayirto cinwaankiisa. Arrintan ayaa kusoo beegamaysa xilli uu soo wanaagsanaanayo xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayagoo wadaaga mucaaradad ka dhan ah galaangalka sii kordhaya ee Tehran ay ku yeelanayso gobolka. Taliyaha ciidamada Israa’iil sareeye gaas Gadi Eizenkot, ayaa dhawaan u sheegay bar online oo laga leeyahay Sacuudiga in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu “xogta sirdoonka” la wadaago xukuumadda Riyaadh. Xigasho: BBCSOMALI Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa waxaa looga digay muwaadiniinta Mareykanka ee u socdaala dalka Sacuudiga. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan wadanka Sacuudi Carabiya, iyaga oo sababta digniinta ku sheegay hanjabaadyo argagixisannimo iyo rabshado uga imaan kara Sacuudiga dalka Yeme. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa sheegtay inay suuragal tahay in maleeshiyaadka argagixisada ah ay falal amni darro ka geystaan gudaha dalka Sacuudiga, iyadoo laga faa’iideysanaayo dhibaatooyinka ka taagan Yemen. Wasaaradu waxa ay sheegtay inay suuragal tahay in Sacuudiga ay usoo gudbaan gantaalada ballistic-ga ah ee kooxda xuuthiyiinta dalka Yemen kusoo tuuraan dhanka boqortooyada Sacuudiga. Sidoo kale, Gantaalkii ugu dambeeyay ee lagu soo riday Sacuudi Carabiya ayaa lagu qabtay hawada waqooyiga caasimadda, Riyadh, November 4-deedii, waxana lala beegsanayay garoonka diyaaradaha ee King Khalid International Airport. Tani ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Sacuudi Carabiya ay hogaamineyso isbahaysiga dagaalka kula jira Yemen tan iyo bishii Maarso 2015, markii boqortooyada ay soo faragalisay inay dib u riixaan ciidamada Xuutiyiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Guusha hogaamiyaha Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi oo noqday Madaxweynaha Shanaan ee maamulka Somaliland. Faysal Cali Waraabe ayaa warbaahinta la hadlay waxyar uun kadib markii lagu dhawaaqay guusha xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in doorashadu u dhacday qaab Qabiil loo ekaysiiyay hal qof iyo cod, wuxuuna intaas ku daray in isaga ay u codaysay Beeshiisa uuna u hambalyaynayo. “Horta doorashadu waa doorasho dimuqraadi ku dhacday, waxayna ku dhacday qaab qabiil, hal cod iyo qof weeye qabiil ku dhacay, qabaa’il baa loo codeeyay ee looma codayn yaa dalkan wadi kara, kitaab looma codayn iyo yaa ilaahay ka baqaya,” ayuu yiri Waraabe oo hadalkiisa kusii daray isagoo qoslaya, “Waan hambalyaynayaa aniga Beeshaydii ayaa ii codaysay inkastoo la ila qaybsaday oo inbadan la iibsaday.” Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale shaaciyay inuu aqbalay natiijada doorashada isagoo u turaya shacabka iyo oofinta ballanqaadkii uu horay u galay iyo axdigii ay isla ogaayeen beesha caalamka ee ahaa inay ku qanci doonaan natiijada doorashada. Waraabe ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in guul in KULMIYE iyo UCID ay ahaayeen Garab, halka WADDANI uu ahaa Somali-weyn wuxuuna yiri, “Markay anaga noo noqoto KULMIYE iyo WADANI, KULMIYE isku Kitaab baa nahay, WADANI-na wuxuu ahaa Somalila-weyn markaa guusha waan la leenahay, marka guusha Somaliland-deriska waan la qaybsanaynaa mar hadii aan jabinay xisbigii aan garan waynay qorshah uu ku socdo iyo jihada uu u socdo.” Wuxuu hanjabaad u diray dad uu sheegay inay kasoo qaylinayaan London oo uu ku eedeeyay inay kala qaybinayaa shacabka, isagoo tilmaamay in sharcigu qaban doono. Shacabka dabaal dagga dhigaya ayuu ugu baaqay inay guryahooda ku farxaan maadama xaalku kacsanyahay, isagoo intaas ku daray in hannaankii ay wax u dhaceen uu yahay mid ay ku faani karaan Soomaali oo dhan islamarkaana ka difaaci kara magac xumada loo galiyay caalamka. Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale soo jeediyay in loo istaago sidii waddanka iyo shacabka loo midayn lahaa islamarkaana loo dhammaystiri lahaa arrimaha qabyada, wuxuuna uga digay inay dib ugu laabtaan wuxuu ugu yeeray “Sharciga Bisadaha” kaasoo uu ku macneeyay in dheeftay iyagu isku koobaan oo ay cabtaan shacabka Somaliland. Wuxuu ku goodiyay hadii ay taas dhacdo inay kala laaban doonaan wada-shaqaynta. Isagoo sii waramaya wuxuu cadeeyay in Somaliland aysan ku kala qaybsanayn siyaasad ee ay ku kala duwanyihiin qabaa’il taasna dib ugu eegis lagu sameeyaa, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay qaabka loo dhisay dowladaha hoose kuwaasoo uu codsaday in wax laga badalo, sidoo kale shaqo loo abuuro dhalinyarada. “Doorashadan sida ay u dhacday iyo nabadgalyada Somaliland oo dhan guul uma ahane, Soomaali oo dhan ayay guul u tahay, magaca Soomaaliyeed oo xumaaday oo loo yaqaan Soomaaliga inay yihiin dad Qayru mas’uuliin ah oo burcad ah, oo lagu xasuusto, isqarxin iyo argagixiso, ayaa ugu yaraan maanta la ogaan karaa in dad Soomali ah oo wanaagsan oo is ogol ay jiraan.” ayuu yiri Cirro. Shacabka Somaliland ayuu ugu hambalyeeyay sida wanaagsan ee ugu dulqaateen ololihii doorashada, wuxuuna yiri, “Waxaan aad iyo aad Shacabka Somaliland ugu hambalyaynayaa sida wanaagsan ee 21 cisho ee culaysku saarnaa ee islaanta Khudaarta iibinaysa khudaartii iibin wayda, ee ardaygu iskuulkii tagi waayay, ee Ololihii foosha xumaan ee aan galnay noogu dul qaateen, ayaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiyaha xisbiga UCID. Hadalkan ayaa yimid xilli Murashaxa Xisbiga WADANI, uu isna aqbalay natiijada Doorashada isagoo tilmaamay inuusan ugu turayn KULMIYE ee uu daneeyay shacabka Somaliland. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Buufow (Caasimadda Online) – Ururka Al Shabaab, ayaa galabta Gobolka Shabellaha Hoose ku gubay mid ka mid ah gaadiid ay wateen Ciidanka Militariga Uganda, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika. Ciidanka Uganda ayaa marka ay marayaan inta u dhaxeysa Buufow Bacaad Iyo Ceelwareegow waxaa lala eegtay weerar culus iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal aad u culus. Wararka, ayaa sheegaya in qaraxaasi uu burbur soo gaarsiiyay gaarigaasi, sidoo kalena ay waxyeelo ka soo gaartay dhawr askari oo gaarigaasi saarnaa. Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan, ayaa waxaa xigay rasaas ay dhawr jiho u furayn Ciidanka Uganda, inkastoo aan la soo sheegin cid wax ku noqotay rasaastaasi. Dadka deegaanka, ayaa waxay sheegeen in qaraxa iyo rasaastuba ay baqdin ku abuurtay, balse ay mahdinayaan in labaduba aanay waxyeelo ka soo gaarin shacabka. Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Al Shabaab, ayaa sheegtay in qaraxaasi uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo. Xoogaga Amisom oo xiray wadada qaraxa lagula eegtay gaarigooda, ayaa u gurmaday askartii ku waxyeelooday qaraxaasi, waxayna goor dambe halkaasi ka jiiteen gaarigii laga gubay. Gelinkii dambe ee Talaadadii shalay, ayay ahayd markii Shabaabku ay qarax miino la eegteen gaari xamuul ahaa oo ay leeyihiin Ciidamada Amisom, xilli uu maraayay duleedka Degmada Baraawe. Gaarigan ayaa lagu galbinaayay gawaarida dagaalka ee Amisom, iyadoo gaadiidkaasi aanay waxyeelo ka soo gaarin qaraxaasi, marka laga reebo gaarigii xamuulka ahaa ee lala beegsaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somalia’s President, Mohamed Abdilahi Farmajo today congratulated Colonel Musa Bihi Abdi on his victory in Somaliland presidential election. First of all, Mr. Farmajo has praised the people, the political parties, law enforcement agencies and the contenders for holding peaceful, free and fair elections in Somaliland. The president has said that Somaliland election elevated Somalia’s image around the globe. Mr. Farmjo who was closely watching the democratic elections in Somaliland has vowed to work with president-elect, Hon. Musa Bihi on the resumption of Somalia and Somalia stalled talks so as to restore the trust of the people. Finally, He pray for his success.
-
Abdallah Abdillahi Miguil, Ambassador of the Republic of Djibouti The two countries maintain a strategic partnership in development and security. It is an honor for our country and our president to be the first African and Arab Head of State to be officially invited to China since the re-election of His Excellency President Xi Jinping as general secretary of the Communist Party of China’s Central Committee, who is also president of the People’s Republic of China. This is a testimony to the strong relations between the two countries and the two peoples. It’s a relationship that has evolved over time. But it’s a relationship that has grown exponentially. It is a relationship that has gone from a normal relationship to a strategic partnership relationship. It is a relationship that must match the vision of our President of the Republic Ismail Omar Guelleh who plans to make our country the Singapore of Africa. Taking into account the geo-strategic position of our country, we want to make a node and a multi-modal maritime hub in Djibouti. And China is well positioned today knowing full well that China is a key player in international trade and on the maritime front. We need the creation of a free zone to be able to attract all the manufacturing and industrial Chinese products in Djibouti so that Africans and Arabs can come to buy, and make Djibouti more than an open place for trade and shopping for all people from different continents. Finally, we would like to turn Djibouti into an international financial and banking center like Hong Kong because we have a very strong currency tied to the dollar since 1949. These are the objectives and ambitions of our country which will be on the agenda during discussions between the two parties chaired by the two Heads of State. As Ambassador of my country to the People’s Republic of China, I am proud of the dynamic relations between our two countries and I am sure that the future will be bright. Ambassador of the Republic of Djibouti Abdallah Abdillahi Miguil GlobalTimes
-
HARGEISA--The heated debate over which party won the just concluded presidential elections continue to heat up, a young man has sustained severe gunshot injuries inflicted by a ffriend According to the presidency minister Mahamud Hashi Abdi the injured boy is receiving medical attention at the Hargeisa hospital while his assailant is in police custody. The minister made the revelations at the hospital where he also informed that 18 police officers are also nursing injuries sustained during fracases that ensued in Burao and Hargeisa after news of vote rigging in favour of Kulmiye party were made public by Wadani party officials. Reports indicate that the injured youth and his detained colleague who are life long friends came to their current predicaments after disagreements as pertains winner of the presidential elections. One supported ruling Kulmiye while the other is a Wadani adherent thence the dispute with each claiming that his candidate was to be new president of Somaliland. Following the deadlocked argument the injured boy is said to have club the other with a wooden club which led to the other rushing for a gun with which he shot his colleague once After his visit to the o Jared boy the presidency minister who reported that the ailing boy is out of danger went on to urge citizens against acts of election related violence. In his brief he also revealed that apart from one police officer who was shot all the other 17 received their injuries from rocks thrown at them by youths during the short lived protests in the capital Hargeisa and Burao town. On the other hand the Wadani leader Abdiqadir Jirde and party’s presidential candidate Abdirahman Irro also called upon citizens to desist from acts of violence in response to alleged vote fraud. The duo of Oppostion politicians made the appeal during a visit to the international hospital where a 13 year old boy is nursing bullet inflicted injuries sustained during the fracas in Hargeisa. The acts of violence though not widespread are in direct response to the alleged rigging by the national elections commissions and more so it’s procrastination in releasing results. Horn
-
The Government are pleased with the work we have done to support the Government in Somaliland to ensure that the elections could take place freely, Fairly and in a transparent manner This was stated by the British Prime Minister Theresa May during a session of parliament in London where legislators Stephen Doughty of Labour and Zac Goldsmith of the conservative had brought attention of the just concluded presidential elections in Somaliland, a former British protectorate. Below are the questions raised by the MPs and answers given by the government. Stephen Doughty Labour/Co-operative, Cardiff South and Penarth On a point of order, Madam Deputy Speaker. You may be aware that very important elections have taken place in Somaliland in recent days, towards which the UK has provided important support. But it has come to my attention that the Prime Minister, when answering a question in Prime Minister’s questions earlier, interchangeably used the words Somaliland and Somalia. Obviously, they are not one and the same, and I wondered how I might be able to encourage thePrime Minister just to be clear on the matter. It is of great concern toSomalilanders, and we should be celebrating the election. Eleanor Laing First Deputy Chairman of Ways and Means I appreciate that the hon. Gentleman wishes to bring this matter to the attention of the House. It is not a point of order for the Chair, but I am quite sure that Members on the Treasury Bench have heard him. Zac Goldsmith Conservative, Richmond Park With recent events in Zimbabwe and total electoral chaos in Kenya, will the Prime Minister join me in celebrating the hugely successful elections this week in Somaliland? With direct help from this country and our Government, the National Election Commission in that country has conducted a template election described by the international observer mission as peaceful, transparent, fair and totally uncontested. What is more, the winning candidate has announced that one of his first acts will be to legislate against female genital mutilation, as a direct consequence of work by a British campaigner, Nimco Ali, who deserves the House’s respect. Theresa May The Prime Minister, Leader of the Conservative Party My hon. Friend raises an important issue. The Government are pleased with the work we have done to support the Government inSomaliland to ensure that the elections could take place in the way he described, and we continue to provide support. I was pleased earlier this year to chair the Somalia conference here, and I am pleased to hear of the intention to deal with female genital mutilation, which is an important issue that has been raised by Members across the House. We want it dealt with not just in Somalia but here in the UK.
-
Copenhagen ( Caasimadda Online) – Labo ka mid ah Soomaalida degan dalka Denmark ayaa loo doortay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalooyinka Copenhagen iyo Odensa. Labada Xildhibaan ee la doortay ayaa la kala yiraahdaa Ibrahim Dhaqane oo doortay Xildhibaan Golaha Deegaanka Denmark iyo Abdinur Adan Hire oo loo doortay Xildhibaan Golaha Deegaanka Odense oo ah Magaalada 3aad ee ugu weyn Dalka Denmark. Xildhibaan Ibrahim Dhaqane ayey tahay Markii 3aad ee loo doorto Golaha Deegaanka Magaalada Copenhagen arintaasoo lagu tilmaamay dib u doorashadiisa inay ku timid wax u qabashada Soomaalida degan Magaalada Copenhagen. Xildhibaan Abdinur Aadan Hire ayaa markii koowaad loo doortay Golaha Deegaanka Odense balse waxaa ay dadka soomaaliyeed ee Degan Magaaladaasi ay sheegeen inuu wax badan u qabtay intii uu ka shaqaynayey dawladda Hoose ee Odense. Doorashada Labada Xildhibaan ee Golaha Deegaanada Copenhagen iyo Odense loo doortay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayey Guul u tahay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka Degan Denmark. Talaabadan ayey ku tilmaameen dadka degan Dalka Denmark inay tahay talaabo hore loogu qaaday arimaha Siyaasada Yurub. Inkastoo ay jiraan Muwadiniin Soomaaliyeed oo Jagooyin Waaweyn ka qabtay Wadamo kala duwan oo Caalamka ah haddana arintan waxa ay ka sii qayb qaadanaysaa Doorka ay Soomaalidu ku yeelanayso arimaha Siyaasada dalalka Yurub.
-
Dilalka ay fuliyaan ilaalada madaxda ayaa kusoo badanaya Muqdisho, goor walba ayey dhacdaa in gaadiidka ay saaran yihiin masuuliyiinta Dowladda ay shacab jiiraan ama toogtaan. Mararka qaar madaxda dhexdeeda ayaa is toogata waana meesha lagu ogaado sababta ay mar walba u dhibaateeyaan shacabka. Markii askarta nin masuul ah ay disho masuul kale waxa ugu horeeya ee masuulka eedeysan uu saxaafadda u sheego ayaa noqda “Askarteyda ayaa ka shakiyay sidaas ayeyna xabadaha ugu fureen” Yaa baneeyay in cid walba oo laga shakiyo la dilo ?, Diin ahaan ma banaana sidoo kale dastuurka Somalia wuxuu sheegaya inaan qofna la dili karin bilaa maxkamad taas oo ka dhigan in xitaa kuwa Al Shabaabka ka tirsan aan la dili karin hadii laga shakiyo ilaa ay maxkamadi xukunto. Markii shacabka sidaan loo dilo qeexitaankan lama helo laakiin waxaa halkaan ku cad in ilaaladda madaxdu ay qabaan hal dar daaran oo ah “dila wixii aad ka shakisaan aniga ayaa ka jawaabaye”. Dhowr bilood ka hor sheekadda waa ka shakinay waxaa lagu dilay Wasiir Cabaas Siraaji oo ay toogteen ilaaladda hanti dhowrihii Qaranka Dr Nuur Faarax, maanta oo ah 22/11/2017 ilaaladda Xildhibaan Abuukate oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa toogtay Xildhibaan Madoobe Cabdi Guuleed oo ka tirsana Baarlamanka Gal-Mudug kadib markii ay gaarigiisa ka shakiyeen sidda uu xildhibaan Abuukate saxaafadda u sheegay. Waxaa jira shacab badan oo waa ka shakinay lagu dilay waqtiyo kala duwan la iskumana qabsan ama si hoose ayaa looga xaalay, micnaha laga fahmi karo halkaan waa iney madaxda askartooda siiyeen amarka kor ku xusan oo ah iney dilaan cidii ay ka shakiyaan intii isaga ay wax soo gaari lahaayeen. Falkan guracan kadib waxaa badi la ciqaabaa askartii fulisay amarkii uu masuulku bixiyay laakiin wax weyn looma geysto masuuliyiinta bixisay amaradda nuucaan ah, ugu badnaan xilka ayaa laga qaadaa. Waxaa la joogaa xiliga madaxda sare ee Dalka ay go’aan ka soo saari laheyd dhaqanka nuucaan ah si aaney u dhicin masuuliyiin sar sare oo waa ka shakinay lagu dilo. Waxaa kaloo Dowladda Somalia hortaala sidii laga yeeli lahaa xildhibaan Abuukate oo ay maanta ciidankiisu dileen Xildhibaan Madoobe. Wararka Muqdisho laga helaayo caawa ayaa sheegaya iney kulan gaar ah lee yihiin odayaasha iyo xildhibaanadda marxuum Xildhibaan Madoobe Cabdi Guuleed kaas oo ay kaga arinsanaya sidii ay xukun cadaalad ah ugu heli lahaayeen falkaan foosha xun, sidoo kale Senetor Dhageey Geele Ugaas oo ay xildhibaanka dhintay qaraabo yihiin oo arintaan ka hadlay wuxuu ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah oo cidii geysatana aan looga hari doonin. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax Raafac22@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka qeybqaadan doona dhoolatus dalka Sudan loogu qaban doono ciidamo laga soo kala xulay 10ka dal ee qeybta ka ah Ciidanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika (EASF). Tirada Ciidamada uu tababarka u furmi doono ayaa la sheegay inay gaari doonaan 1,000 Askari oo laga soo dhex xuli doono dhammaan dalalka ku mideysan Taliska Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika. Dhoolatuska ayaa la xiriira hawlgalladda Nabad ilaalinta iyo Ammaanka kaa oo lagu qaban doono Dekedda Port Sudan ee dalka Sudan, sida ay baahiyeen wargeysyada Khartoum. Tababarkaasi oo socon doona muddo 2 Asbuuc ayaa waxaa ka qeyb galay Ciiddamo ka kala socda dalalka Somalia, Sudan, Djibouti, Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi, Rwanda, Komoros iyo Seychelles. Dhoolatuskan ayaa waxaa loogu wanqalay ”Mashariki Salaam 2”, kaa oo bilaaban doona bishan November 25-da. Waxaa la xaqiijiyay in lasoo gabagabeynaayo Bisha December 3-da ee sannadkan. Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska ”The Eastern Africa Standby Force (EASF)” ayaa lagu sheegay inay Ciidanka qaadan doonaan Tababaro dhinaca Rayidka, Boliska iyo Milliteriga, si loogu xoojiyo awoodooda ku adaan inay si degdeg ah uga hawlgalaan goobaha ay ka dhacaan Colaadaha ee dalalka Bariga Afrika. Geesta kale, ciidamadan ayaa la qorsheynayaa in lasii xareeyo wakhti hore si ay usii helaan awood ay kula qabsan karaan Jawiga Sudan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
When Somaliland went to the polls last week, the self-declared state had more at stake than a transfer of power. The vote, if conducted in a peaceful and orderly way, would have been a chance for the self-declared state to make a compelling bid for international recognition. While the polls themselves occurred without major hiccups, violence erupted afterwards, when the Wadani opposition party to the ruling Kulmiye party claimed serious polling irregularities. In the ensuing chaos, seven people were killed amid outgoing President Ahmed Mohamed Silanyo’s pleas for all sides to show restraint. The recent developments are an unexpected tragedy for a would-be country known for its relative stability since it declared independence from Somalia in 1991. For seasoned observers, it wasn’t surprising that in the electoral run-up, the authorities seemed committed to get things right. Unlike neighboring Kenya, whose electoral process was flawed from the very beginning, the Somaliland government sought to avoid such attacks by using biometric voter registration in a bid to ensure the legitimacy of the vote. What’s more, outgoing President Silanyo banned government staff from using state funds for campaigning, and urged state media to provide equal coverage of all candidates. The nominees also participated in a presidential debate that was live-streamed from the capital, leading international observers to brand the process a success. However, all these accomplishments are now on the verge of being undone. The accusations of vote-rigging levied against Kulmiye by Wadani party candidate Abdiraham Irro are threatening to throw Somaliland into political disarray. Not only is this undermining the state’s claim to legitimacy and recognition, it also has potentially far-reaching consequences. Without international recognition, Somaliland will face difficultiesgaining international assistance to achieve a lasting peace accord with Somalia. Strategically located at the Gulf of Aden, Somaliland is crucial for achieving greater stability and security in the region. Along with the allegations, Wadani officials suspended cooperation with the National Election Commission (NEC) and presented a book of empty ballot papers supposedly forged by Kulmiye. The announcement was enough to incite hundreds of irate Wadani supporters to take to the streets in clashes with law enforcement. It is true that the riots have so far been relatively small and highly localized. But they may point to rising tensions simmering beneath the surface that are now coming to the fore. As such, they carry a serious inherent risk of fracturing what is still a clan-based society. Somaliland has owed much of its internal stability to the 1993 Boroma conference, where questions pertaining to representation and power-sharing between clans were resolved through the clans’ effective institutionalization. Clans were “turned” into parties, with the two most important ones – Habar Awal and Habar Yonis – controlling the country’s major political entities: the Kulmiye and Wadani party, respectively. The new system established an upper house of clan elders, fusing indigenous forms of organization with contemporary modes of governance that ensured a democratic, consensus-based governing system. That way, political leaders succeeded in implementing a constitutional mechanism for settling differences, rather than resorting to violence. While this broadly appeased society, clan competition continues and society remains formally divided along clan lines, most of which are in coalition with either Kulmiye or Wadani. Still, there is no indication that the riots were orchestrated from the top. In fact, amidst the violence, it did not take long for Wadani officials to reach an agreement with the NEC. Consequently, cooperation with NEC was restored and an investigation into the allegations will be initiated. The swift resolution was hailed by international observers and regarded as proof that all parties continue to support the electoral code of conduct signed in April this year. While a bitter taste remains, goodwill and a desire to avoid further bloodshed were factors driving the agreement with the NEC. This alone is no mean feat in a region where stalled or non-existent elections are the norm, and where political figures are generally much less concerned about maintaining internal peace than clinging to their power. Thus, Somaliland is in a much better condition than countries like the Democratic Republic of Congo (DRC), where President Joseph Kabila has lingered in office past the end of his second, and ostensibly final, term in December 2016. Blatantly disregarding an agreement with the opposition to hold elections by the end of 2017, the government has now announced that the long-overdue votes will not be held until December 2018. Naturally, not only has this prompted ethnic conflict, but is also raising the question of whether the polls will continue to be pushed back indefinitely. With the political crisis in the country driving a humanitarian disaster in the eastern and central parts of the DRC, the international community and the opposition have balked at Kabila’s latest announcement. Ida Sawyer, head of Human Rights Watch for Central Africa, noted that although Kabila had slightly curtailed the delay, “a large number of Congolese are, rightly, skeptical.” Moïse Katumbi, the opposition’s most credible candidate against Kabila, also criticized the continual postponements as a “maneuver by a predator regime, which wants to hold onto power indefinitely.” Considering how Kabila has entrenched his grip on power through corruption, violence, and an ever more forceful crackdown on the opposition, the DRC is only going to be slipping deeper into chaos. It remains to be seen what results Somaliland’s NEC investigations will yield. Whether or not electoral fraud will be proven to have taken place, Somaliland must be able to show that its democratic institutions are strong enough to resist attacks on their credibility. Otherwise, Somaliland could face a similar fate to DRC: ravaged by internal conflict, becoming just another name on Africa’s long list of failed democracies. Malik Ibrahim
-
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed iyo weftigii uu hogaaminayey ee hawlaha shaqo u joogey dalka Ethiopia ayaa maanta gelinkii danbe 22 Nov 2017 kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa qaar kamid ah Wasiirada Wasaaraddaha dalka Ethiopia, kuwaas oo kala ahaa Wasiirka Ganacsiga Mr. Bekele Bulado,Wasiirka Customka iyo Xuduudaha iyo Wasiirka Canshuuraha iyo Ganacsiga Mr. Molges Balga G/Medhin. Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirada dalka Ethiopia ay wada qaateen ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha furitaanka Custom-ka xuduudda Puntland iyo Ethiopia ee Tuur-dibi, kaas oo dhowaan la dhamaystiray dhismihiisa, Custom-kaas oo ka kooban xafiisyada Laamaha Socdaalka, xafiisyada Boolis ka ,iyo xadiisyada cashuuraadka. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in dawladda Puntland diyaar u tahay furitaanka custom ka Tuur-dibi iyo dardargelinta shaqadiisaba, kaas oo laga hirgeliyey xuduudda u dhexaysa Puntland iyo Ethiopia, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in Customku halbeeg u noqon doono wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac taas oo ku salaysan ganacsiga, amaan iyo siyaasadda xuduudaha Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan xuduudaha Puntland laleedahay Ethiopia. Dhinaca kale Wasiirada dalka Ethiopia ee uu Madaxweynuhu layeeshay kulanka ayaa waxa ay sheegeen inay diyaar u yihiin dhankooda inay fuliyaan soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Haile-Mariam Desaglen taas oo ku aadan furitaanka Customka tuurdibi maadaama la dhamaystiray, Wasiirada ayaa cadeeyey in dhowaan u soo diridoonaan wefti furitaanka custom kaasi, Waftigaasi oo ka socda dhammaan laamaha ku shaqada leh dardargelinta hawlaha shaqo ee custom-ka. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ku sugan magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalkaasi Ethiopia ayaa waxaa weli u socda kulamo ay la leeyihiin madaxda ugu saraysa dalkaasi Ethiopia. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulan La Yeeshay Qaar kamid Ah Wasiirada Dalka Ethiopia. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Soo dhaweynta Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa ka qeybqaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamul Goboleedka Koonfur Galbeed. Booqashada Kheyre ayaa salka ku heysa u kuurgalka xaaladaha guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xogwareysiga bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo oo kulan gaar ah uu la yeelan doono. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la kulmaya madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee kusugan deegaanadaasi. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, waxaana halkaasi uu kula hadlay ardeyda Jaamacadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wataan waxbarashadooda. Inta uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
-
Baydhabo ( Caasimadda Online ) Tan iyo markii uu xafiiska baneeyey Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdi Maxamed, waxaa soconayay dadaallo ay ku doonayaan labada kooxeed ee ku loolama siyaasadda deegaanada Koonfur Galbeed ee Madaxweyne Shariif iyo Guddoomiye Jawaari in mid walba loo magacaabo shaqsi uu wato ama ay xulafo yihiin. Xiligan oo heer-gabagabo ah marayo latashadii lagu magacaabayay kursiga banana ee gaashaandhigga maadaama ay dawladdu dagaal galaysa, waxaa muuqata inuu booskaasi buuxin doono shaqsi ka socda dhinaca madaxweyne Shariif Xasan. Kulan hoose oo dhex marey labada masuul ee kala Ra’isul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Shariif oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa ku dhamaaday is-afgarad, waxana halkaasi balanqaad ku helay shaqsiga uu wato Shariif Xasan. Madaxweyne Koonfur-galbeed oo saameyn badan ku dhex leh siyaasadda Soomaaliya ayay sheegayaan dadka orodorosa siyaasaddu inuu xulafo la sameystay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre. Iyadoo arrintani ay walaac ka qabaan xubnaha ku dhow-dhow Jawaari oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waday dadaallo ay ku doonayaan iney kursiga uga tuuraan Madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aaden.
-
Baydhabo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa safar shaqo oo u-kuurgelid ah ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Axmed Shiikh Aadan. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuna sheegay inta uu deegaanka ku sugan yahay inuu wax badan ka baran doono. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, waxana halkaasi uu kula hadlay ardeyda Jaamacadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wataan waxbarashadooda. Ugu dambeyn, Intii uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Safar Shaqo ku Tagay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s government said on Wednesday it had requested the U.S. air strike which killed more than 100 suspected militants on the previous day to help pave the way for an upcoming ground offensive against Islamist militant group al Shabaab. The United States military’s Africa Command said on Tuesday it had killed more than 100 of the al Qaeda-linked insurgents in an air strike on a camp 125 miles (200 km) northwest of the capital Mogadishu. “Those militants were preparing explosives and attacks. Operations against al Shabaab have been stepped up,” Abdirahman Omar Oman, the Somali minister, told Reuters. “We have asked the U.S. to help us from the air to make our readied ground offensive more successful.” The United States has ramped up operations in Somalia this year after President Donald Trump loosened the rules of engagement in March. Africom reported eight U.S. air strikes from May to August this year, compared to 13 for the whole of 2016. Including Tuesday’s air strike, it has reported five strikes in Somalia this month alone. The Pentagon said the U.S. military would continue to target militants in strikes in coordination with the Somali government. A Navy Seal was killed in a raid in May and U.S. forces were present at a controversial raid on the town of Bariire in August, in which 10 people were killed. Al Shabaab has lost control of most of Somalia’s cities and towns since African Union peacekeepers supporting Somali troops pushed the insurgency out of the capital Mogadishu in 2011. But it retains a strong presence in parts of the south and center. Somali president Mohamed Abdullahi Mohamed, a dual U.S.-Somali citizen, has taken a harder line than his predecessors against the insurgency since he was sworn in earlier this year. But his plans have been repeatedly thwarted by the poor state of the Somali military and political infighting. Source: Reuters
-
US forces conducted an air strike against the Al-Qaeda-affiliated Shabaab group in Somalia on Tuesday, killing more than 100 jihadists, military officials said. “In coordination with the Federal Government of Somalia, US forces conducted an air strike in Somalia against an Al-Shabaab camp on Tuesday, November 21 at approximately 10:30 am local Somalia time, killing more than 100 militants,” the US Africa Command said in a statement. The operation occurred 200 kilometers northwest of the capital, Mogadishu. The US military has in recent months upped the tempo of its operations in Somalia, conducting a growing number of drone strikes against Shabaab and other jihadists. On November 13, the Pentagon said US forces had killed 40 Shabaab and Islamic State fighters in a series of Somalia strikes over several days. The surge in US operations came after President Donald Trump in March loosened the constraints on the US military to take actions against alleged terrorists when they judge it is needed, without seeking specific White House approval. Source: AFP
-
Xildhibaan Maxamud Abuukaate oo dilka maanta loo geystay xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in uu la socday gaariga hore, kadibna uu gadaal uga soo dhuftay gaariga marxuumka. “ Gaariga inta uu igu dhicin ka hor ayey askarta la hadleen marxuumka, si ay u istiaajiyaan isagana waa uu diiday” ayuu intaasi raaciyay. Xildhibaan-ka Abuukaate waxaa uu sheegay in marxuum xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed uu la soo baxay Bistoollad kadibna askarta toogteen, halkaasina qadar alle ka dhacday. Ugu dambeyntii, Xildhibaan Maxamud Abuukaate oo ka tirsan golaha shacabka waxaa uu Goobjoog News u sheegay in askarigii dilka geystay iyo qorigiisaba uu ku wareejiyay CID. Dhinaca kale, sida uu Goobjoog News u sheegay Xildhibaan Garaad Yusuf Maxamed oo ka tirsan Galmudug Marxuum Xildhibaan Maxamed Cabdi waxaa uu ahaa keligiisa, waxaa xabad ku riday askari ilaale ahaa. Hey’adda C.I.D ayaa lagu wadaa in ay baaritaan ku sameyso waxa dhacay, si loo ogaado sida ay wax u dhaceen. Warar Arrintan ku saabsan mar kasta kala soco, Goobjoog News Source
-
Koox injaneerro ah oo fadhigoodu yahay magaalada Dubai ayaa shaqada dhisamaha bilaabay kadib markii la siiyey qandaraas ku kacaya $90 malyan oo Dollar bishii April ee sannadkaan,sida uu sheegay Cabdullaahi darwiish Agaasimaha Maamulka ee shirkadda. Saldhigga oo laga dhisayo meel u dhow magaalada dekadda leh ee Berbera,ayaa la filayaa in la dhammaystiro bisha June ee sannadka 2018,sida uu sheegay Darwiish. Berbera waxay ku taalla Gacanka Cadmeed,waxayna 260km u jirtaa koonfurta dalka yemen,halkaasoo ciidamada Imaaraadka carabta iyo Is-bahaysiga sacuudigu kula dagaallamayaan Fallaagada Xuutiyiinta. Wasiirka Arrimaha debadda Somaliland ayaa bishii May ee sannadkaan sheegay in Imaaraadku ay ka kiraysteen garoonka diyaaradaha magaalada Berbera muddo 25 sano ah,iyadoo heshiiska u qayb ka yahay saldhig militari. Sidoo kale waddamada Khaliijka ayaa saldhgyo militari ka dhisanaya waddanka Eritrea. Saldhigga dherarkiisu waa 300 mitir, oo u samaysan sida xaraf-ka(L),iskamarkaana hoos u qodan cabbir 7 mitir ah”si uu taageero garoonka militari“,waxaana loogu talo galay maraakiibta isaga gudbaya gacanka Cadmeed,sida uu sheegay Darwiish. “Maaha deked ganacsi,keliya waxaa loogu talo-galay maraakiibta badda“,yuu yiri Darwiish. Wasiirka arrimaha debadda ee Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaan durbadiiba ka jawaabin laba wicitaan mobile-ka iyo laba email oo aan u dirnay,si aan arrintaan wax uga weydiinno. Sidoo kale mas’uul ka tirsan wasaaradda Arrimaha debadda Imaaraadka Carabta oo aan wax ka weydiinnay ayaan ka jawaabin. Puntlandpost.com
-
Hargeysa (PP) ─ Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa xiray laba mas’uul oo kala ah; Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo Dekeddaha Maxamed Yaasiin oo ka mid ah Saraakiisha xisbiga WADDANI iyo Mudane Maxamed Warsame Caalin (Tima-Cadde) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa. Mudane Maxamed Yaasiin ayaa lagu eedeeyey buuggii codeynta ee laga soo xaday goob doorasho oo ku taalla Magaalada Berbera, kaddibna xisbigiisu ku eedeeyey Guddiga Doorashooyinka in lagu codeynayay Buugaag been-abuur ah oo aan ahayn kuwii loogu talo-galay Doorashada. Balse, Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI iyo Guddiga Doorashada ayaa markii ay kulmeen waxaa caddaatay in buuggaas la raadinayay oo laga xaday xarun doorasho. Sidoo kale, illaa hadda Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga WADDANi kama soo saarin xarigaan wax war ah, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ka hadli doonaan. Dhanka kale, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa kaddib markii maalin ka hor uu ku baaqay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID in lasoo xir-xiro mas’uuliyiintii ka dambeeyay kicinta dadweynaha oo tiro dad ah lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay. Ugu dabmeyn, Doorashadii Toddobaadkii hore ka dhacday deegaannada ay ka kooban tahay Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay musharraxii Xisbiga KULMIYE u tartamayay Muuse Biixi Cabdi oo helay codadkii ugu badnaa ee ay shacabku dhiibteen. PUNTLAND POST
-
Popular Contributors