-
Content Count
203,538 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waddamada Afarta ah ee go’doomiyay Dowladda Qadar ayaa sheegay in ay liiskii hore ee argagixisada ee ay hayeen ku dareen Labo Hay’adood oo Islaami ah iyo 11 qof oo ay sheegeen in ay argagixisada taageeraan. Liiskan ayaa lagu daray Hay’adaha kala ah Ururka Aqoonyahannada Islaamka ee uu hoggaamiyo Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo ay isaga laftiisa ku eedeeyeen taageerada Aragixisanimo iyo Golaha Dacwada iyo gargaarka Islaamka . 11ka qof ee lagu daray liiska cusub waxaa ka mid ah Agaasimaha Bisha Cas ee Dalka Qadar Khaalid Naziib Diyaab iyo siihayaha Guddoomiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiinta oo lagu magacaabo Maxamuud Izaad. Cabdalla Bin Naasir Althaani oo ah Ra’isalwasaaraah Dalka Qadar ayaa sheegay in tallaabooyinka kala duwan ee ay qaadayaan Waddamada Carabta ujeedada laga leeyahay kaliya ay tahay faragelin lagu sameeyo madaxbanaanida dalkiisa,waxaana uu meesha ka saaray eedaha Waddamada Carabta ah. Ra’isalwasaare Cabdalla waxaa uu sheegay in dalkiisa uu markasta diyaar u yahay in uu xaadiro miiska wadahadalka,haddii ay diidaan waddamada kalena aysan waxbadan kala maqneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay macluumaad hor leh oo ku saabsan shabakadii fulisay weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Macluumaadka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa sidan u Qoran:- Hey’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa weli sii wada baaritaannada ku aaddan dadkii loo qabtay qaarkood weerarkii 14-kii October lagu xasuuqa boqollaal dad masaakiin ah. Shaqsiyaadka la soo bandhigay ayaa qaarkood laga heyn sawiro,iyadoo Hay’adaha amaanka Dowladda ay sheegeen iney ku daba jiraan walina baaris ay socoto. (Sawir malahan)- Mukhtaar Gar-dhuub oo loo yaqaanno Ceynaan ama Fanax waa madaxa Amniyaadka Al-shabaab waa ninkii dajiyey qorshaha xasuuqii Soobe, waxa uu ku sugnaa deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose waa lagu daba jiraa. (Sawir malahan)- Cabdiweli Cabdi-qani waa madaxa Qaraxyada gobolka Benaadir ee Al-shabaab, waxa uu amarka ugu dambeeya ka qaataa Mukhtaar Gar-dhuub waa lagu daba jiraa. Xasan Aadan Isaaq waxaa loo diyaariyey markii hore in gaariga NOAH-da ah uu isku qarxiyo, waana isku xirihii weerarkii Soobe, waxaa gacanta ku haya hey’adaha amniga ka hor inta uusan qarxin gaariga NAOH oo uu watay. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) waxa ay ciidanka Amniga ku qabteen isaga oo weli uusan soo gaarin dhagar-qabihii gaariga NOAH-da waday ee la qabtay. gaarigii TM-ka ee SOOBE lagu qarxiyey waxaa waday naftii halige Xuseen Aadan Maadeey (Cusmaan Xaaji) ayuu ku magac dheeraa, Hooyadiis waxaa la yiraahdaa Faaduma Cismaan Cali deggan Mareerey. “Gaariga TM-ka waxaa la gaday 18-08-2017-ka waxaa laga gaday (Sawir malahan)- Cabdullaahi Ibraahim Xasan, wuxuu ka iibiyey Xasan Aadan Cabdullaahi “Afrax” iyadoo lagu wareejiyey Nootaayo ku yaalla gobolka Benaadir”. Ninka Milkaalaha ah Cabdullaahi Ibraahim Xasan weli hey’adaha amniga gacanta kuma dhigin laakiin waxaa la shaacin doonnaa sawirradiisa, ciddiisa soo sheegtana waxaa la siin doonaa abaalmarin ay ku faraxdo. “gaariga TM-ka ka hor inta uusan qarxin waxaa la saaray wadada Afgooye iyo Muqdisho si aanan looga shakin, safarkiisii ugu horreeyey waxa uu billaabay 13/09/2017-ka waxa uu qaadi jiray Galleyda darawalkii ku shaqeyn jiray waxa uu ahaa Xuseen Aadan Maadeey naftii “halige” ee SOOBE isku Qarxiyey. Cabdiweli Axmed Diiriye ayaa dammiintay gaariga, TM-ka laakiin ciidanka amniga ayaa diidey oo ku qanci waayey. Mukhtaar Maxamuud Xasan oo ah nin si weyn looga garanayey oo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ugu dambeyn gaariga TM-a dammiintay kaddib markii ciidanku ay ku qanceynna sidaa ayaa lagu sii daayey gaarigii. Canshuur bixiyihii gaariga TM-ka waxaa lagu magcaabaa Cabdullaahi Cabdi Warsame oo hadda ku jira gacanta hey’adaha Amniga Soomaaliya. Hey’adaha amniga Soomaaliya ayaa wada dhammeystirka xogta ama macluumaadkii ugu dambeeyey ee baaritaannada ay hadda ku howlan yihiin, si jawaabbo looga bixiyo gummaadkii Muqdisho ka dhacay 14-kii October ee 2017-ka, xogta oo dhanna dhowaan ayaad ka heli doontaan hey’adaha amniga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha la doortay 13kii bishan November Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa hor-yaalla arrimo dhowr ah oo u baahan in muhiimadda koowaad uu siiyo isaga iyo xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doonno. Madaxweynaha la doortay ayaa waxa uu xilka la wareegayaa xilli Somaliland uu ka jiro sicir-barar baahsan kaasi oo saamayn ku yeeshay noloshaa dadka reer Somaliland, iyadoo sicir bararka dalka ka jiraa uu noqonayo kii ugu xumaa abid ee Somaliland soo mara. Bulshada Somaliland ayaa iyagu in badan horay uga codsaday xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee isla xisbiga Kulmiye in wax laga qabto sicir-bararka hase ahaatee weli waxa muuqata in sicir bararku uu yahay mid jira oo aan is baddal muuqda laga gaadhin. November 21, 2017 oo ah maalintii lagu dhawaaqay doorashada madxweynaha cusub ayaa waxa uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu dareemayo culeys badan oo ah masuuliyadda loo igbaday gaar ahaan wuxuu carrabka ku dhuftay dhaqaalaha waddanka oo aad u hooseeya. Muddadii uu socday tartanka doorashada Somaliland gaar ahaan ololaha doorashada ayaa waxa dhacday kala fogaansho dhinaca siyaasadda ah gaara ahaan shacabka taasi oo keeni karta in midnimada shacabku ay wiiqanto wallow madaxweynaha la doortay uu yidhi maalintii lagu dhawaaqay doorashadiisa “Waxaan u baahannahay maanta midnimo haddii Alle yidhaahdo hawshaas ayaan galayaa oo number kow ii ah”. Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli shaqo la’aanta dhalinyaradu ay tahay mid wayn isla markaana dhalinyaro badan ay u tahriibeen wadamada reer galbeedka gaar ahaan qaaradda Yurub halka kuwo kalena ay ku dhinteen saxaraha taxaraha iyo jidka tahriibka. Shaqo la’aanta dhalinayrada Somaliland ayaa la sheegaa in ay sabab u tahay musuq-maasuqa ka jira hay’adaha kala duwan ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana madaxweynaha la doortay la sheegaa in uu yahay nin aad u neceb musuq-maasuqa taasna waxay sababi kartaa in madaxweynuhu uu door muhiim ah ka qaato shaqo abuurka dhalinyarada. Waayo Muuse Biixi waxa uu horay u sheegay in dhalinyarada intooda badan uu shaqo qaran u samayn doonno isla markaana uu wax-soosaarka dadka iyo dalka kor u qaadi doonno. Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli Somaliland aanay weli helin aqoonsi ama ictiraaf muddo 27 sano ku dhow, waxay taasi kamid tahay caqabadaha. Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli weli shacabka magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa ay naawilayeen ama ay filayeen in ay helaan biyo ku filan iyadoo xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee uu xilka kala wareegayaa ay horay shacabka caasimadda ugu ballan-qaaday in ay heli doonnaan biyo ku filan balse arrintaasi may noqon mid suurtogasha muddadii toddobada sanno ahayd ee ay shaqaynaysay xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee madaxweyne Siilaanyo. Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli ay tabashooyin weli tirsanayaan dadka deggan deegaannada darafyada Somaliland gaar ahaan Sool iyo Sanaag oo gobollada kale ee dalka horumar ahaan ka dambeeya. Waxaana madaxweynaha cusub laga rajayn sidii uu xal uga gaadhi lahaa tabashooyinkaasi. Si kastaba, madaxweynaha la doortay waxa laga sugayaa midaynta dadka, dalka iyo isku filnaanshaha oo uu horay u ballan-qaaday. W.Q: Khaalid Foodhaadhi – Hargeysa Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ay hoggaamineysay Agaasime ku xigeenka Qaaradda Africa ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR Ms. Angele Dikongue iyo Ms. Caroline. Lababada Mas’uul ayaa ka wada hadlay waxyaabo badan oo ay kamid ahaayeen arrimaha Qaxootiga dalka kusoo noqonayo, Barakacayaasha iyo Qaxootiga Yemen ee ku sugan Soomaaliya. Kulanka Wafdiga UNHCR iyo Wasiir Juxa oo qaatay saacado badan ayaa lagu lafa guray sidii loo caawin lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo Debadda. Wasiir Juxa oo Bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayey kulankaan ayaa sheegay inay guul kusoo dhamaatay dhammaan wixii laga wada hadlay , wuxuuna yiri: ” Waxaan isla garanay dardargelinta Hawlaha aan ka wadahadalnay iyo guud ahaan Arrimaha taagan ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha Dalka” Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa kamid ah Wasiirada ugu firfircoon Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, wuxuuna dhawaan ku guuleystay inuu dhex dhexaadiyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana arrintaas codsaday Maamul Goboleedyada oo u arkay inuu yahay nin aan kamid ah aheyn Mas’uuliyiinta faragelinta ku hayey Maamul Goboleedyada. Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada kulankaas Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Milkiile eey ayaa adduunka ka yaabisay markii ay daaha ka qaaday in sawirka saxda ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ku dhex aragtay dhexta eeygeeda. Jade Robinson oo degan Jasiiradda Tyne & Wear ayaa waxay daaha ka qaaday in eygeedu uu sawirka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump dhegta ku leeyahay. 25 sanno jirkaan ayaa sawirkaas caddeynta ah soo dhigtay mareegaha Facebook, kaasoo ay markii dambe noqday wax ay adduunyadu ka hadasho. “Hagaag, qof walba oo dhegtiisa oo ku dhexyaallo sawirka Donald trump, xanuun badan ayey u leedahay,” ayey kusoo qortay barteeda Facebook… Taasoo ay ku muujineyso inay mucaaradsan tahay ninka haya Kursiga Aqalka Cad, inkastoo ay xaqiiqadu tahay in gabadhaani ay u dhalatay UK. Halkaan hoose ayaad ka daawan kartaa sawirkaas cajiibka ah, iyo sida madaxweynaha 45aad ee Mareykanka Donald Trump looga dhexhelay dheg eey. Kani waa sawirka cajibka ah ee adduunka qabsaday, dhegta eeygaan ayaana waxaa ka dhex muuqda sawirka Donald TrumpSawirkaan aan calaameynay ee madaxweyne Donald Trump iyo midka ka muuqda dhegta eeyga miyeysan isku ekeyn?Kani waa sawirka eeyga dhegtiisa laga dhex helay sawirka Donald Trump
-
Gaalkayo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas uu hadda ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada Labada maamul ee magaalada maamula. Suuq lagu magacaabo Darxumo oo ku yaalla Bartamaha magaalada ayaa la sheegayaa in ay ku dagaallamayaan ciidamo kala hoostaga labada Maamul Goboleed. Rasaastaas ayaa waxa ay sigaar ah ug dhaceysaa Suuqa Bartamaha Gaalkacyo ,waxaana la sheegay in ay u dhaxeyso Maleeshiyaad ka kala socda Puntland galmudug oo tiro ka dhowr jeer ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo. Xaalada ayaa kacsan, waxana dadka qaarkood ay sheegeen in ay cabsi dareemaayan. Weli macada sababta ka dambeysa dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay Odayaasha Beesha Duduble ee uu kasoo jeeday Marxuumkii Shalay lagu dilay Mqudisho ee Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed ay diideen in la aaso. Ninkii dilay Marxuumkaan ayaa sheegay inuu isna ula soo baxay Buskoolad isla markaasna uu naftiisa kala baqay sidaasna ay keentay inuu rasaas ku furo. Odayaasha Beesha Duduble ayaa sheegay inaan la aasi doonin inta uu ninkii dilay ka qiranayo inuu si xaq darro ah ku dilay, aysana macquul aheyn in laga dhigo Marxuumka inuu isaga wax dili rabay. Gacan ku dhiiglaha dilay Xildhibaankaan ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay Xarunta Dambi baarista CID, wuxuuna ku doodayaa inuu naftiisa difaacayey maadaama uu Buskoolad ula soo baxay uuna rabay inuu rasaas ku furo. Waxaa socdo wadahadal u dhaxeeyo laba Beelood waxaana la filayaa in daqiiqadaha soo socdo laga gaaro go’aanka isla markaasna lagu qanciyo in la aaso Marxuumka. Falkan oo Shalay ka dhacay Muqdisho, weliba goob ay ciidamada dowladda ku sugan yihiin oo si weyn loo ilaaliyo oo ah Isgoyska Sayidka waxaa geystay ilaalada xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa ka dambeysay markii gaari uu watay xildhibaan xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Guuleed, kaasoo daba socday gaariga xildhibaanka Federaalka uu dhinaca danbe si fudud ugu dhacay Gaariga Toyot Hilux ee ay dhinaca danbe ka saarnaayeen ilaalada xildhibaan Abukaate. Askari ka tirsan ilaalada xildhibaanka ayaa sida uu ku dooday Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaate) waxay ka shakiyeen Gaariga ku dhacay iyo askari ka soo degay oo bistoolad watay wuxuu rasaas ku furay gaariga yar ee raaxada, taasoo keentay in rasaastii la riday ay madaxa ka haleesho Xildhibaanka Galmudug ee Maxamed Cabdi Guuleed, iyadoo dhaawac culus uu soo gaaray, iyadoo markaas kadib loola cararay isbitaalka. Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo la dhigay isbitaalka Digfeer ayaa daqiiqado kadib ugu geeriyooday dhaawacii cuslaa ee soo gaartay. Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay askarta ilaalada u ahayd xildhibaan Abukaate ee dilka geysatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaga baxay kooxda ay imaaraadka taageerto ee kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya kadib markii uu kulamo la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii hore kulan qarsoodi ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadlay sidii uu Sheekh Shariif u garab istaagi lahaa dowladda Soomaaliya. Sheekh Shariif oo la sheegay inuu maalmihii dambe la kulmayey hoos u dhac dhaqaale ayaa hadda go’aansaday inuu ku garab noqdo dowladda dhexe, isagoo halkaas ka qaadan doono gunno uu adeegayo dowladda. Sheekh Shariif uu saluugay qaabka Imaaraadka Carabta u wado ololaha looga horjeedo madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa kadib markii la isku qabtay cidda noqon doonta madaxweynaha Soomaaliya kadib Farmaajo. Kulan kale oo dhex maray Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna la isku afgartay wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo siyaasi muhiim ah uu ka soo go’ay isbaheysiga Imaaraadka ee siyaasiyiinta Soomaalida, kaasoo ay hadda ku soo hareen xubno yar. Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa la filayaa inuu ka howl bilaabo Magaalada Muqdisho, isagoo dowladda kala shaqeyn doono sidii loo fududeyn lahaa culeyska kaga imaanayo kooxaha Mucaaradka ku ah ee doonayo in la carqaladeeyo dowladda oo aan jirin hal sano. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wafdiga guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah ee soo socoto Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Golaha shacabka. Sidoo kale wafdiga guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya. Waa markii ugu horeysay oo guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dalka Jabuuti uu soo gaari Muqdisho, balse waxaa horey u yimid guddoomiyihii hore Idiris Cali. Dalka Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Maxamed Cali Xumad iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo khamiis ah waxay soo gaareen magaalada Muqdisho, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa wafdigan kusoo dhoweeyay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Guddoomiye Xumad ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho wuxuu la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda Federaalka, waxaana sidoo kale isaga iyo wafdigiisa ay maalinta Sabtida ah ka qeybgali doonaan kulanka xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti safar ku soo gaaro magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source
-
Money remittance firm Dahabshiil Kenya has scaled up efforts to counter risks posed by money laundering as it eyes a bigger share of the multi-billion shilling diaspora remittance inflows. The staff and agents of the firm were taken through requisite training on Anti-Money Laundering (AML) and other financial risks to better prevent and flag suspicious financial transactions. Dahabshiil, which handles a sizeable amount of diaspora remittances, has thousands of personnel and agents in its operations in Kenya and other countries. The firm provides cash remittances services to individuals, corporates and international humanitarian organisations including United Nations agencies. The intensive training is a requirement of the Central Bank of Kenya, which regulates Money Remittance Providers (MRPs) and other financial institutions. It focused on spotting and flagging suspicious transactions, enhancing due diligence in identification and assessment of clients and other measures to better secure Dahabshiil from risks of money laundering. The training also included enhancing Dahabshiil’s general security processes in its outlets to boost safety of its personnel and clients’ cash as well as scaling up its customer care systems to better handle general customer concerns that may arise as required by CBK. Dahabshiil Deputy CEO Jamal Mohamud said the investment in capacity building of its staff reflects the firm’s priority in managing the risks posed by money laundering and other financial and security risks so as to effectively play its role in enhancing integrity of the country’s financial ecosystem. “Our staff and agents are required to uphold the comprehensive systems and guidelines already in place against money laundering and other risks in line with national and international best practice,” he said. He added: “We are in full compliance with the requirements of the regulator, the Central Bank of Kenya, to minimise risks that the financial sector faces.” Risk management and compliance specialist Joshua Afune said that staff of financial institutions play the most critical role in combating money laundering and other financial crimes. “The staff are the implementors of policies and guidelines that have been prepared by the financial institution. Without their commitment and vigilance, the guidelines would remain only on paper,” he said. He added: “Staff who fail to implement anti-money laundering procedures face a personal responsibility in case issues any issues arise. The financial institution will not be held accountable since it played its part in putting policies in place and investing in staff training.” A recent report by the US government on money laundering and narcotics indicated that Kenya has made strides against money laundering but remains vulnerable to the crime. In March this year, a new law against money laundering came into force in Kenya. The Proceeds of Crime and Anti-Money Laundering (Amendment) Act, 2017, introduced tougher penalties against persons found guilty of the economic crime. All financial institutions in the country are required to develop and implement anti-money laundering policies and guidelines. ally.jamah@gmail.com Read more at: https://www.standardmedia.co.ke/business/article/2001260963/dahabshiil-trains-staff-on-money-laundering-risks
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday howlgal maalmo badan qaatay oo ka dhex socday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaa oo saldhig u ah dhammaan Ajaaniibta ku sugan Somalia. Howlgalka ka socday xaruntaani ayaa soo bilowday 9ka bisha aan ku jirno waxa uuna qorshu ahaa inuu socdo muddo muddo Afar cisho, balse sababo jira aawgood uu daba dheeraaday howlgalka, sida laga soo xigtay Saraakiisha amniga. Howlgalka oo ahaa mid ka dhex socday Xarunta Xalane ayaa waxaa ka qeybqaadanaayay ciidamo ku dhow 1,500 iyo Eeyo badan oo qaarkood leh darajo ciidan kuwaa oo xaqiijinaayay amniga xarunta, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay qorsheysay weeraro ay ka dhex fulineyso gudaha Xarunta. Howlgalka soo idlaaday ee mudada badan qaatay ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu wkhtiga badnaa ee ka dhex dhaca gudaha Xarunta Xalane, iyadoo sababta ugu weyn lagu sheegay in Shabaab ay weerarka u adeegsan doonaan shaqaale iyo gaadiid kamid ah kuwa ka dhex shaqeeya Xarunta. Saraakiisha AMISOM ee ku howlaneyd howlgalka ayaa si rasmi ah dhankooda uga xaqiijiyay inay kasoo gudbeen howlgalka, balse uu weli jiro feejignaan dhanka amaanka ah. Sidoo kale, waxaa howlgalka kadib adkaatay galitaanka iyo ka bixitaanka Xarunta Xalane, iyadoo xitaa mas’uuliyiinta dowlada ay mamnuuc ka tahay galitaanka ilaa iyo ay kawar galiyaan maamulka gacanta ku haya Xarunta Xalane. Dhinaca kale, Howlgalka qudhiisa ayaa qalqal amni galiyay dhammaan Taliyayaasha ciidamada ajaaniibta ee deegaanka ku ah Xalane, walow markii danbe ay si KMG ah u saldhigteen magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada (GIDG) ayaa qoraal kasoo baxay waxaa guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya looga codsaday inuu hakiyo anisixinta hidise sharciyeedyada ka yimaada xukuumadda federaalka ah. Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha guddigaasi C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay in dhammaan hindise sharciyeedyada horyaalla golaha shacabka iyo kuwa ay anisixiyeenba dhammaantood aan lagala soo tashan dowlad goboleedyada, sidaasi darteedna aqalka sare laga doonayo inuu hakiyo marka dhankooda loo soo gudbiyo. Halkaan hoose ka akhriso: Source
-
A Kenyan who rose through Al-Shabaab ranks to become the poster boy for the terrorist organisation is on the run after falling out with other commanders who want him executed. Ahmed Iman alias Kimanthi, who appeared in numerous Al-Shabaab propaganda videos taunting Kenyan troops fighting in Somalia, the group’s stronghold, is now seeking to surrender to Kenyan forces and get amnesty, the Nation has learnt. Until the row, he was close to the current Al-Shabaab supremo Ahmed Diriye and Mahad Karate, also known as Abdirahim Mohamed Warsame, who commanded Shabaab’s Amniyat, its intelligence wing, when gunmen stormed Garissa University College and killed 147 students in April, 2015. VIDEO CLIPS In the video clips, which are unavailable after they were pulled down by YouTube, Iman says the killings were carried out to avenge the killing of radical Muslim clerics. In those videos, he named the clerics as Aboud Rogo, Samir Khan and Sheikh Abubakar Shariff alias Makaburi. International security sources operating in Somalia, told the Nation that Iman has been the head of a group of foreign fighters who together with him, are now on the run from the main group loyal to Diriye and Karate. A number of Kenyans and other foreigners who joined Al-Shabaab terrorists in Somalia have since been captured and executed. On November 6, a 25-year-old Kenyan from Garissa was among four people who were publicly executed by the terrorists in Somalia. Omar Adar Omar was killed by firing squad on accusations of spying for the Africa Union Mission in Somalia, which comprises the Kenya Defence Forces. The fall-out is further complicated after the emergence of a faction that has pledged allegiance to the Islamic State in Syria, while Diriye’s group maintains its formal partnership with Al-Qaeda in Afghanistan. DRAGNETS The Nation has further learnt that Iman, in a bid to escape from Somalia, has evaded several dragnets to capture him. Al-Shabaab is well known for executing militants within its own ranks whenever there is a fallout. The latest developments are a repeat of what happened to Fazul Abdullah Mohamed, who was killed in a set up laid by Godane Ahmed Abdi Godane alias Mukhtar Abu Zubeyr, who was Diriye’s predecessor. Godane was later killed in a joint operation by US and KDF in Somalia. Besides assuming the role of commander of foreign fighters in Somalia, Iman also has a great influence in Jaysh Ayman, another Al-Shabaab faction operating in Boni Forest which spreads across the Kenya-Somalia border in Lamu County. Furthermore, Iman is also said to be getting foreign funding directly, further angering indigenous Somali commanders, the sources also said. A 2016 security report published by the Nation, revealed that Iman and accomplices in Nairobi collected millions of shillings every year by renting shops and kiosks in Umoja and Majengo, and the money is smuggled to Somalia to fund terrorism activities. LOOTED In one Al-Shabaab propaganda video, he was seen clad in KDF uniform, holding a walkie-talkie and an M-16 rifle, which he claimed was one of the arms looted from El-Adde Forward Operating Base, which was overran by the terrorists in January 2016. Besides Kenya, whose soldiers are operating in southern Somalia, Al-Shabaab is also being fought by the US and other countries in Amisom, including Ethiopia, Uganda, Burundi and Djibouti. 100 fighters killed On Tuesday, 100 Al-Shabaab fighters were killed in an air strike by the US. “In coordination with the Federal Government of Somalia, US forces conducted an air strike in Somalia against an Al-Shabaab camp at approximately 10.30 local Somalia time, killing more than 100 militants. The operation occurred 125 miles northwest of the capital, Mogadishu,” said a statement by US Africa Command. The Statement added: “US forces will continue to use all authorised and appropriate measures to protect Americans and to disable terrorist threats. This includes partnering with Amisom and Somali National Security Forces in targeting terrorists, their training camps and safe havens throughout Somalia, the region and around the world.” Source: Daily Nation
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay qoraal ka soo baxay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ka jira dalka ayaa waxaa lagu dalbaday in la hakiyo dhamaanba ansixinta Hindise Sharciyeedyada xukuumaddu ay horgeysay baarlamaanka. Hogaamiyayaasha ka tirsan Golaha Iskaashiga ayaa dalabkooda ku ku sheegay in wadatashi laga sameeyo Hindise Sharciyeedyada ka hor inta aysan u gudbin Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia. Dalabka Golaha is magacaabay ee Iskaashiga Maamulada ayaa durba lagu qiimeeyay mid lagu doonaayo in indhaha lagu tirro rajada ay Somalia ka leedahay Horumar iyo Xasilooni. Qorshaha dalabka ayaa ah in maamulada loo madaxbaneeyo inay ka hor imaankaraan dhammaan waxyaabaha caqabada ku ah ee u gudbaaya Golaha Shacabka sida Hindise sharciyeedyada la dagaalanka argagaxisada iyo xakameynta hubka wax dila ee shalay u gudbay BFS. Qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay dalabka Golaha Is magacaabay ayaa ah inaan la ansixin xakameynta hubka wax dila oo inta badan usoo dega maamulada isla markaana u iibgeeya suuqyada ku yaalla deegaanada ay ka arimiyaan. Dalabka ay Hogaamiyayaasha ku doonayaan inay ku cuuryaamiyaan Hindise sharciyeedyada u gudbaaya Baarlamaanka ayaa sidoo kale maslaxad gaara ugu jira Sida dowladaha Imaaraadka, Ethiopia iyo Sacuudiga oo Somalia u iibkeena Hubka Sharci darada ah. Waxa uu shaki galinayaa Dalabkan inuu yahay mid xaqiiq ah oo ku aadan rabitaankooda, balse waxaa muuqaneysa inuu yahay qorsho ay wataan dowladaha aan kor kusoo xusnay ee iyagu Hubka u ganacsi keena Somalia. Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ee ka jira dalka ayaa gabi ahaan tooda ku hadla afka dowladaha Shisheeye, iyadoo maslaxada dalka laga doorbidaayo Burbur iyo Hormar la’aan lagu bedeshay dhaqaale kooban. Inkastoo uu soo dib dhacay dalabka Hogaamiyayaasha Golaha Iskaashiga ee is magacaabay ayaa waxaa hadana suuragal ah in dalabkaasi ay rumeeyan Xildhibaanada qaar sababo la xiriira Danta Qaranka oo laga hormariyay mid gaar ahaaneyd. Si kastaba ha ahaatee, warqada ay ku qorneyd dalabka fajaca galiyay dadka qaar ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha is magacaabay ahna Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa mar kale dib u dhac ku imaaday dhismaha Golaha Wasiirada maamul Goboleedka HirShabelle oo dhawaan la sheegay in lagu heshiiyay qaabka loo kala qaadanaayo Kuraasta. Dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirada ayaa la sheegay inay sababtay kadib markii Beelaha qaar ay dib uga laabteen Kuraas horay loogu qanciyay. Hogaamiyaha maamulka Maxamed Cabdi Waare oo ku howlan xal u raadida beelaha diidan Kuraasta ayaa wada kulamo joogta ah oo lagu qancinaayo beelaha. Waare ayaa kulamada ugu badan la leh Xildhibaanada iyo Oday dhaqameedyada beelaha dega Hirshabelle, waxaana la filayaa in Waare uu dib usoo dhiso tashkiilo cusub. Waxaa sidoo kale jira Khilaaf u dhexeeya Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka, kaa oo salka ku haya shaqsiyaadka ku fadhiisan lahaa Kuraasta beelaha. Sidoo kale, Oday dhaqameedyada ayaa doonaya inay geeyaan xubintii beesha uga mid noqon lahayd golaha wasiirada, halka xidhibaanaduna ay doonayaan inay u gudbiyaan Hogaamiyaha xubintaas. Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in qaar kamid ah beelaha dega HirShabelle ay ku hanjabay inay joojinayaan la shaqeynta maamul goboleedka Hirshabeelle, haddii aysan ka helin xil sare golaha wasiirada. Ma cadda sida uu Hogaamiye Waare ka yeeli doono is qabqabsiga Beelaha iyo Xildhibaanada ee sii dheeraaday, waxaana suuragal ah inuu qaato go’aan ka duwan kan dhinacyada is haya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey munaasabad habeenkii xalay ahaa ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayuu uga hadlay arrimo aad u badan. Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay arrimaha amniga ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2018 ay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada isku raaceen in la qabto Hal arrin oo kaliya, kaasi oo ah in Al-shabaab laga adkaato. “Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada waxay isku waafaqeen in sanadka soo socda uu ahaado sanad laga shaqeeyo Hal shey oo kaliya, in laga adkaado cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab” Ra’iisul wasaare Kheyre oo hadalkiisa sii watey ayaa dhinaca kale sheegay in bisha soo socota ee December ay IMF iyo World Bank ay ka sugayaan iney u sheegaan in dowladda ay ka gudubtay mid kamid ah tallaabooyin dhib badan, laguna aamino dhaqaale aan horey Soomaaliya loogu aaminin. “Sideed Bilood ayaan joognaa waxaan rajeyneynaa in bisha December inoo sheegaay IMF iyo World Bank shaqadii aan soo qabannay darteed, inaan ka gudbi doonno tallaabooyinkii ugu dhibka badnaa mid kamid ah oo naloo aqoonsan doono in shaqada aan qabannay awgeed nalagu aamino dhaqaale aan horey naloogu aamini jirnay, mudada aan joogno waxaa la bilaabay in nala siiyo dhaqaale ay dowladda Soomaaliyeed iyadu maamusho, waxaan rajeyneynaa in mar dhow aan bilaabi doonno dib usoo nooleynta mashruucyadii dalka oo ay kamid yihiin dhisidda jidadka iyo dhisidda dhismooyinka dowladda iyo dowlad goboleedyada Soomaaliyeed” Ra’iisul wasaaraha ayaa sidaasi yiri. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubno kamid ah golahiisa wasiirada ayaa safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Halkaan hoose ka dhageyso: http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/11/Raisul-Wazaare-Kheyre-Baydhaba.mp3Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iney wax ka qabato waddooyinka Al-shabaab u xiran ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan gobolka Shabellaha Hoose, wuxuuna tilmaamay in walwalka ugu badan ee shacabka haya tahay waddooyinka xiran. Wadada Isku xirta Baydhabo iyo Shabellaha Hoose ayuu sheegay in aysan dadku isticmaali karin, islamarkaana dadku ay raacaan diyaarad marka ay Muqdisho usoo socdaan. “Dadka diyaarad ma raaci karaan dhammaantood, dhibka ugu weyn wuxuu ka jiraa Shabellaha Hoose, mudane Ra’iisul wasaare waxaan kaa codsanayaa inaad wax ka qabato arrintaasi haddii ay ciidan ahaan lahayd iyo sidoo kale haddii ay arrin kale ahaan lahaydba, gobolka Sh/hoose Soomaalida oo dhan ayuu ku filan yahay balse nimankaan nabad diidka ah ayaa dadka dhibaya” ayuu yiri Shariif Xasan. Al-shabaab ayaa xirey waddooyin badan oo ku yaalla deegaannada K/galbeed kuwaasi oo muhiim u ahaa marinka dadka shacabka ah. Goobjoog News Source
-
The federal government and the pharmaceutical company that developed mefloquine are trying to shut down a lawsuit launched in 2001 on behalf of veterans who believe the anti-malaria drug they were forced to take while deployed to Somalia caused them irreversible brain damage. The government and Hoffman-LaRoche argue there is a “substantial risk” that a fair trial would not be possible as a result of the time that has passed. “The plaintiffs have not taken any steps in the case for 17 years and they now require leave of the court to take the next step, certification,” which the government opposes, the Defence Department said in an e-mail on Nov. 16. The case against Ottawa, Hoffman-LaRoche and Barry Armstrong, one of the doctors who was part of the ill-fated Somalia peacekeeping mission in the 1990s, was launched on behalf of Ronald Smith, a former member of the now-disbanded Canadian Airborne Regiment. According to Mr. Smith’s statement of claim, the drug he was required to take in Somalia as part of a poorly executed clinical trial left him with a host of residual mental-health issues, including depression, aggressive behaviour, poor concentration, social isolation and suicidal thoughts. His lawyer, Wayne Stickland, will appear before an Ontario Superior Court judge in Mr. Smith’s former hometown of North Bay on Dec. 8 to argue that time should not prevent certification as a class action. “Mr. Smith has always wanted his day in court,” Mr. Stickland said, “and that seems to be something that the government does not want to provide to him because of their procedural wrangling and their attempts to dismiss the motion.” The government argues that Mr. Smith and his lawyers have not provided a reasonable explanation for the 17-year delay. Mr. Smith says the government owed a duty of care to all of the soldiers it sent on the mission. Instead, he says in his statement of claim, the military forced them to take mefloquine and ignored the rules of the clinical trial, which said the soldiers must provide consent and be advised of the risks, be told to abstain from alcohol, be monitored for adverse reactions and be treated for any side effects in a timely manner, among other things. Two of the soldiers on that mission were charged in the beating death of a Somali teen, and many others complained of alarming dreams, hallucinations and depression. After the mission, Dr. Armstrong was among those who expressed concerns publicly about the anti-malarial drug. In a postdeployment analysis, he said the failure of the United Nations forces in Somalia was “rather exceptional,” and “I believe that a simple reason may exist. Canadian and American troops may have been impaired by the use of mefloquine.” Mr. Smith’s case was launched in 2001 at a time when less evidence of the drug’s harmful effects was available. Little happened in the intervening years except for discussion among lawyers about who was prepared to take the matter to court. In 2016, Health Canada updated the warning labels for mefloquine to emphasize that certain side effects can persist for months or years after use of the drug is discontinued and may be permanent in some patients. The department said the symptoms reported include anxiety, paranoia, depression, hallucinations, psychotic behaviour and, in rare cases, thoughts of suicide. The Canadian military conducted a subsequent review of the medical literature and concluded there is no evidence that the drug causes long-lasting problems. Even so, it now recommends that alternatives be considered the preferred options for soldiers who deploy to countries where malaria is a risk. That aligns with policies in Australia, the United States and Britain that mefloquine is a drug of last resort for military use. Germany has banned the drug outright for its soldiers. Last year, as concerns about mefloquine were making the news, including multiple stories in The Globe and Mail, Mr. Stickland reactivated the case. Between 60 and 70 Somalia veterans since have contacted his office to indicate that they wish to be part of it. In their motion to have the case thrown out, Justice Department lawyers point out that, under the Rules of Civil Procedure, a case will be dismissed if a trial is not scheduled within five years after the action is commenced. They also reference the Class Proceedings Act, which says an application for class-action certification must be made within 90 days of parties providing a statement of defence. Source: – Globe and Mail
-
Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo doorashadii ka dhacday 13-kii bishan degaannada Somaliland. Wuxuu sheegay in reer Somaliland uu ugu hambalyeeynayo doorashadani iyo qaabka ay u mareen. “Marka hore waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo doorashada ay reer Somaliland ay doorteen madaxweynahooda cusub, walaalaheen oo tartankii ay ku tartameen Saddex xisbi, umadda Soomaaliyeed oo dhan ee guushii meeshaas ka dhacday, deganaantii iyo sharaftii, Soomaali oo dhan ayay hambalyo u tahay waana isku hambalyeynaynaa, waxaan u hambalyaynayaa walaalkeey Muuse Biixi oo loo doortay madaxweynaha Somaliland” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid. Dhanka kale, Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka baran karto doorashada Somaliland isagoo sheegay in Somaliland ay muujiyeen wax wanaagsan oo Soomaaliya taariikh fiican u ah. Halka hoose ka dhagayso wareysiga: Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta uu Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dago Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa Safarkiisa ku wehlinaaya Xubno ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Madaxtooyada Jabuuti. Guddoomiyaha iyo Mas’uuliyiinta la socta ayaa waxaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweyn doona dhigiisa Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan BFS. Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Xildhibaanada uu hoggaaminaayo ayaa sidoo kale lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ku sugnaan doonaan Muddo Seddex Cisho ah, iyadoo shirka Golaha Baarlamaanka ee Somalia uu ka jeedin doono Khudbad. Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari”, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhigiisa Jabuuti uu Khudbad u jeedin doono Xildhibaanada BFS maalinta Sabtida ah ee fooda nagu soo heysa. Sidoo kale, Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Jawaari waxa uu Xildhibaanada BFS ku wargaliyay iney soo xaadiraan kulanka Sabtiga oo noqon doono sida Guddoomiye Jawaari uu sheegay kulan aan caadi ahayn. Dhinaca kale, Jawaari ayaa sheegay in imaanshiyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ay ka marqaati kici doonto sida uu usii xoogeysanaayo xiriirka labada Baarlamaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Isbaheysiga Carbeed oo uu hogaaminaayo Sacuudiga ayaa sheegay in ay furi-doonaan dekadda iyo Garoonka magaalada Sanca maanta oo khamiis ah si ay u maraan kaalmooyinka gargaar ee la gaarsiiynayo dadka dhibaateytsan. Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa la furay dekadaha dhulka iyo cirkaba kuwaasi oo horay ay u maamuleysay dowladda. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in intaasi keliya aysan ku filneyn, dadka rayidka ahna ay u dhimanayaan macluul ayna ka sii dareyso maalimba maalinta ka dambeysa. November 6 ayey aheyd markii sibaheysiga Carbeed oo uu hogaaminaayo Sacuudiga ay sheegeen in si ku meel gaar ah ay u xireen dhammaan xaduudaha Yeman oo iskugu jira Cirka,Dhulka iyo Badda, waxayna arrintaasi ka dhalatay labo maalin ka dib markii Kooxaha Xowthiyiinta ah ay gantaal ku soo tureen dhanka magaalada Riyaadh. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 20 milyan oo Yemaniin ah ay u baahanyihiin Kaalmooyin degdeg ah ,waxaan ku jira milyan oo caruur ah sidoo kale 400 oo kun oo kale oo caruura kuna sugan Yeman waxay la ildaranyihiin nafaqo darro. Goobjoog News Source
-
The head of Public Policy for the Kulmiye party, whose candidate was declared Somaliland’s president this week, tells The National there are lots of areas for further collaboration with the Emirates. Muse Bihi Abdi, from the ruling Kulmiye party, was on on November 21, 2017 declared the winner of November’s presidential poll in the self-proclaimed state of Somaliland, election officials said. AFP As the self-declared state of Somaliland welcomes its new president – the fifth in a line since breaking away from Somalia in 1991 – it is looking to the UAE for a new chapter of cooperation. Professor Ahmed Ismail Samatar, head of Public Policy for the ruling Kulmiye Party, told The National that its victorious candidate, Muse Bihi Abdi, views the UAE’s achievements with “admiration” and is keen to develop the existing ties between the two regions. “The new partnership that’s developing between Somaliland and the UAE is a high priority for the government,” he said. “We want to deepen and strengthen and thicken the relationship with the UAE.” The region of 4 million people has not been internationally recognised but it has recently drawn in sizeable investments from the Gulf. Earlier this year, the government agreed to let the UAE establish a naval base in its port of Berbera. That came after Dubai’s DP World last year signed a multimillion dollar, 30-year contract to develop the same port, which is on the south coast of the Gulf of Aden. This month, DP World said it would also develop an economic zone in the region, modelled on Dubai’s Jebel Ali Free Zone. The new economic zone is aimed at positioning Berbera as a gateway port for East Africa, by encouraging investments and trade in the warehousing, logistics, manufacturing and related businesses. “DP World building out the port of Berbera is an excellent way of injecting energy into the economy,” said Professor Samatar, who is himself formerly a Somali presidential candidate and Member of Parliament. “There is a great deal of anticipation around the project. The people of Somaliland are hoping it becomes a major hub for goods to come and go, and of course there are other positive side-effects, such as increasing employment and developing infrastructure. “For the military base, too, there are benefits such as greater security for the people of Somaliland. However, these benefits need to be fleshed out in more detail to the people.” The Kulmiye party has six core public policy priorities, as laid out in their manifesto. These are: economic growth; national security and unity; foreign policy; healthcare; justice; and education. In each of these, Professor Samatar believes there is room to develop the relationship with the UAE. “There is so much that Somaliland can pick up from the UAE, whether it’s in education, health, business, technology, security, international relations, you name it,” he said. “The UAE is a very cosmopolitan place; its government is run properly, its businesses are run properly, and there are international standards that the Somaliland people and their new president view with a great deal of admiration,” he said. “They want to adopt the same practices, so they can lift their own country up.” “Even just the culture of competence, and having institutions that work well. And having an ambition to improve them even further. In that way, the UAE is a model for us, and we would be wise to observe it and learn the tricks of the trade. “But it is important that the relationship is built carefully, it is deep, and it is intelligent.” Asked about future projects with the UAE, “there is lots we would like to propose,” Professor Samatar said. “Take a look at our long coast line, for instance. We need to think about how to use and really maximise that coast – from building fishing ports to developing tourism. These are areas where we can certainly learn from the UAE. “Exploration for energy is another thing this government is focused on – not just using solar, but also natural gas, petroleum and so on. This is something else the UAE is very good at. “And then there’s infrastructure building – this country badly needs roads, and telecommunications systems. “So I see lots of areas where we can partner with the UAE. Indeed, the possibilities of collaboration are much more promising than just the port and the military base.” Dr Michael Walls, chief observer for the International Election Observation Mission in Somaliland, agreed that the relationship between the UAE and Somaliland has the potential to grow further under the new president. “A win for the ruling Kulmiye party’s candidate was always going to result in the easiest transition in terms of a relationship with the UAE,” he said. “It means there’s no need to go back and renegotiate deals struck by the previous government. So, from the UAE’s perspective, it’s really business as usual.” He added: “Now the election is out of the way, I think things will move much faster on the port as well as developing the military base. And I have no doubt the new president will be hoping to benefit from closer cooperation with the Gulf, from improving the roads, to health, to education. “From here on, I believe we will see more investment and what’s more, we’ll see evidence of that investment, as the projects start to come to life.” The National
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Mar kale ayay ilaalada madaxda dowladda Soomaaliya ku lug yeesheen dilka muwaadin kale oo isna ah xildhibaan maamul Goboleed. Falkan oo Shalay ka dhacay Muqdisho, weliba goob ay ciidamada dowladda ku sugan yihiin oo si weyn loo ilaaliyo oo ah Isgoyska Sayidka waxaa geystay ilaalada xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa ka dambeysay markii gaari uu watay xildhibaan xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Guuleed, kaasoo daba socday gaariga xildhibaanka Federaalka uu dhinaca danbe si fudud ugu dhacay Gaariga Toyot Hilux ee ay dhinaca danbe ka saarnaayeen ilaalada xildhibaan Abukaate. Askari ka tirsan ilaalada xildhibaanka ayaa sida uu ku dooday Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaate) waxay ka shakiyeen Gaariga ku dhacay iyo askari ka soo degay oo bistoolad watay wuxuu rasaas ku furay gaariga yar ee raaxada, taasoo keentay in rasaastii la riday ay madaxa ka haleesho Xildhibaanka Galmudug ee Maxamed Cabdi Guuleed, iyadoo dhaawac culus uu soo gaaray, iyadoo markaas kadib loola cararay isbitaalka. Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo la dhigay isbitaalka Digfeer ayaa daqiiqado kadib ugu geeriyooday dhaawacii cuslaa ee soo gaartay. Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay askarta ilaalada u ahayd xildhibaan Abukaate ee dilka geysatay. Askariga rasaasta furay ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, iyadoo la sheegey inuusan u diiwaan gashaneyn ciidamada dowladda oo uu ahaa maleeshiyo, iyadoo xildhibaan Abukaate laga yaabo in arrintan ay dhibaato weyn u keento inuu ilaalo u qorto qof aan ka mid ahayn ciidamada dowladda.- Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal ka soo baxay gollaha Iskaashiga maamul gobolleedyada ayaa lagu dalbaday in la hakiyo dhamaanba ansixinta Hindise Sharciyeedyada xukuumaddu ay horgeysay baarlamaanka inta laga wada tashanayo. Warqad ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha ahna Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku taariikheysneyd 14-kii bishan. Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in xilligan ay jiraan Hindise sharciyeedyo aan lagala tashan, kuwaasoo horyaala Golaha shacabka, halka qaarkood la ansixiyay, kaasoo ugu dambeeyay Hindise sharciyeedka Biyaha. Akhriso Qoraalka ka soo baxay gollaha Iskaashiga maamul gobolleedyada : Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors