-
Content Count
214,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa dalbaday in la horkeeno Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan. Xildhibaanada ayaa dalbaday in Wasiirka uu hor imaado maanta oo sabti ah, iyadoo uu ujeedku yahay in su’aalo laga weydiiyo Xaaladda Waxbarashadda Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa Wasiirka su’aalo ka weydiin doona deeqaha waxbarashadda iyo Shaqaallaha Wasaaradda oo mugdi uu ku jiro. Xildhibaanada qaar ayaa qaba in Wasiirka uu qaabab aan muuqan u maareeyo Waxbarashada iyo deeqaha ay hesho dowlada.
-
Qudus (Caasimada Online) – Horey ayay Soomaalidu u tiri “waan baahanahay bakhti looma cuno”, waxaana sidaas sameeyey Falastiiniyiinta ku nool magaalada Qudus, oo iska diiday bahdilaadda Imaaraadka Carabta. Falastiiniyiinta ayaa iska diiday deeq Imaaraadku geeyeen masjidka barakeysan ee Al-AQSA, sababo la xiriira in Imaaraadku u muuqdaan inay markan la safan yihiin Yahuudda. Waxa ay billaabeen olole xagga twitter-ka oo loogu magac daray #we are not hungry, si dadka loo gaarsiiyo inay iska diidaan cuntad Imaraaadka ay geeyeen masjidk Al-AQSA. Tallaabadan ayaa timid markii Imaaraadka ay koox ka qeyb gasha usoo direen tartan xagga orodka baaskiilka ah oo Yahuuddu ay ku qabteen dhulka ay xoogga ku haystaan ee Qudus, taasi oo Falastiiniyiinta ay u arkeen in Imaaraadka ku aqoonsadeen jiritaanka dalka Yahuudda iyo in Qudus ay ayaga leeyihiin. Guddiga Olombikada Falastiin ayaa cambaareeyey ka qeyb-galka kooxda Imaaraadka ee tartankaas. Radio ku hadla afka Hebrew ee Yahuudda ayaa sheegay inuu soo noqday xiriirka Yahuudda iyo Imaaraadka, ayada oo Imaaraadka ay casuumad booqasho oo rasmi ah usoo direen wasiirka isgaarsiinta Yahuuda, Ayoob Kara. Horey ayaa wargeyska Washington Post ee Mareykanka wuxuu u qoray in safiirada Imaaraadka iyo Bahrain ee Washington, Yousef Al-Otaiba iyo Abdullah Bin Rashed Al-Khalifa ay maqaayad ku taalla magaaladaas kula kulmeen ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, markii uu booqashada ku joogay halkaas. Kooxdii Imaaraadka ee cuntada geeyey masjidka Al-AQSA ayaa weji-gabax kala noqday halkaas, markii cidna ay qaadan weysay deeqdooda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ku dhawaaqi doono xukuumad cusub. Xaaf ayaa lasoo sheegayaa inuu soo gabagabeeyay wadatashi uu la sameynaayay Xildhibaanada iyo Odayaasha Galmudug, waxaana lagu wadaa in Wasiirada cusub uu ku dhawaaqo maalmaha fooda nagu soo haya. Wasiirada cusub ee la magacaabayo ayaa waxaa ka dhex muuqan doona Wasiiro hadda ku jira Xukuumada Galmudug. Wasiirada horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ee dib usoo laaban doona ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda. Hogaamiye Xaaf oo maalmahaani ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana safarkiisa ku wehliyey Saadaq Sheekh Yuusuf wakiilka Ahlu Sunna. Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee uu yeelan doono maamulka Galmudug. Magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado ayaa waxaa shalay ilaa xalay ka socday shirar looga arinsanayo qorshaha lagu doonaayo in lagu magacaabo Golaha Wasiirada cusub ee maamulka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hanaanka loo maray qeybinta kuraasta. Sidoo kale, Xaaf ayaa la qorsheynayaa in dhanka Ahlusuna uu ka keeni doono Wasiirada Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug. Ma cadda sida Golaha Wasiirada cusub lagu marin doono baarlamaanka maamulka oo qudhooda la sheegay inay isku hayaan awood qeybsiga Wasaaradaha. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa weli ku adkeysaneysa inay ka maaranto ciidamada AMISOM ee kaalmada u ah kuwa Somalia, isla markaana amniga Somalia ay xiligaan ku filan tahay. Dowlada Somalia ayaa ku doodeysa inay heysato ciidamo ku filan amniga guud ee dalka kuwaa oo intooda badan qaatay tababaradii loogu tallo galay. Dowladaha ay ka socdaan ciidamada AMISOM ayaa iyagu diidan in la dadajiyo ciidamada AMISOM, waxa ayna doonayaan inay sii joogan Somalia, iyaga oo marmarsiyo ka dhiganaaya in Somalia aysan heysan ciidamo ku filan. Dowladaha Ugandha, Kenya, Ethiopia iyo Burundi ayaa ka mideysan in Somalia aysan heysan ciidamo u diyaarsan ka hortagida weeraro kaga imaada Al-Shabaab, sidaa aawgeedna ay muhiim tahay in ciidamada AMISOM lagu sii hayo Somalia. Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia ayaan xiligaan hayn howlihii loogu tallo galay, waxa ayna taa muujineysaa in dowlada Somalia ay ku filan tahay amnigeeda. Ciidamada AMISOM ayaa ku eg keliya Xarumaha ay ka degan yihiin Somalia, waxaana inta badan howlaha Amni gacanta ku haya ciidamada Qaranka Somalia. Haddaba waxaa halkaan idinkugu heynaa 4 qodob oo muujineysa in DFS ay xiligaan ka maaranto Ciidamada AMISOM: 1-Ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka muddo laga joogo 2 sano iyo bar kama aysan qeybqaadan weerarada lagu qabsado Hoteelada iyo Xarumaha dowlada. 2-Ciidamada AMISOM banaanka ugama baxaan Xarumaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, markii laga soo tago xiliga kala gadoonka oo ay isku bedelayaan xarumaha ay ku sugan yihiin, waxaana xiligaa lagu arkaa waddooyinka Muqdisho. 3-Ciidamada AMISOM kama qeybqaatan Howlgalada lagu ugaarsanaayo Al-Shabaab ee ka dhaca Waddooyinka iyo Xaafadaha Degmooyinka, waxaana dhammaan howshaasi iska xil saaray ciidamada Qaranka. 4-Taliska AMISOM waxa uu ciidamada ka mamnuucay in kuwa dowlada Somalia ay kala qeybqaatan Hub ka dhigista iyo weerarada qorsheysan oo dowlada ay ka fuliso magaalada Muqdisho. Marka la’eego qodobada aan kor ku xusnay waxa ay ka dhigan tahay in Dowlada Somalia ay ka maarmi karto in ciidamada AMISOM ay kusii nagaadan Somalia, maadaama howsha ugu badan ay hayaan ciidamada Qaranka. Sidoo kale, Dowlada Somalia waxa ay qabtaa in ciidamada Somalia ay dhanka amniga kaga horeeyan kuwa AMISOM, maadaama ciidamada AMISOM aysan dulqaad u laheyn inay iska difaacan al-Shabaab xiliyada ay ku weeraraan Saldhigyadooda. Si kastaba ha ahaatee, QM ayaan dhawaan sheegtay in ciidamada AMISOM ay si nidaamsan uga bixi doonaan Somalia iyadoo la gaarsiin doono ilaa labada sano ee fooda nagu soo heysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)- Dowlada Kenya ayaa wada qorsho ay al-Shabaab uga mid noqoneyso liiska argagixisada caalamiga ah, kadib Markii ay u aqoonsatay inay ka halis badan tahay Kooxaha kale. Qorshahaani ayaa waxaa horboodaya Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta oo arrintaan u kaashanaya Dowlada Ruushka oo siyaasad ahaan ay aad isugu dhowyihiin. Madaxweyne Uhurru Kenyatta ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhammaan wadamada hormarsan ay garwaaqsadaan in al-Shabaab ay ka halis badan tahay Kooxaha kale ee lidka ku ah Nabadda iyo Horumarka. Uhurru Kenyatta oo si gaara u daneynaaya in al-Shabaab loo aqoonsado Kooxda ugu halista badan dunida ayaa waxa uu arrintaasi kala hadlay dhigiisa dalka Ruushka oo uu ka codsaday in al-Shabaab lagu daro liiska argagixisada ugu halista badan. Kenyatta waxa uu cadeeyay in al-Shabaab ay iminka dunida uga diiwaan gashantahay argagixiso qatar ku heysa Bariga Afrika. Dido Rasso oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Madaxweyne Kenyatta uu xooga saarayo sida al-Shabaab loogu aqoonsan lahaa Kooxda ugu halista badan. Xildhibaan Dido Rasso oo xubin ka ah guddiga difaaca Kenya ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan talabada uu Uhurro Kenyaatta ku doonayo in indhaha caalamka ay qabtaan al-Shabaab. Waxa uu tilmaamay in ka Guddi ahaan xitaa ay dowladda Ruushka ka codsanayaan in il gaara ay ku eegto dalabka Kenyaatta ee ku aad al-Shabaab. Xildhibaan Dido Rasso waxa uu intaa raaciyay in qorshahaani ay mar hore soo jeediyeen, hase ahaatee Madaxweynaha Kenya uu hadda gartay ahmiyada ay leedahay in Shabaab lagu daro liiska argagixisada ee Caalamiga ah, halka ay hadda u diiwaangeshanyihiin argagixiso qatar ku heysa Bariga Afrika. Waxaa uu sheegay in al-Shabaab ay qatar ku yihiin Caalamka oo dhan,sidaas darteedna uu dowladda Ruushka ka codsanayo in lagu daro liiska Caalamiga ah halkii la dhihi laha waxaa ay qatar ku yihiin Bariga Afrika, Kenya ama Ethiopia. Dhinaca kale, dowladda Ruushka ayuu ka codsaday in ay Kenya ku taageerto qalab dhinaca Tignolojiyadda ah oo ay kula dagaalanto al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa gaaray magaalada Addiss Ababa ee dalka Ethiopia. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo casuumad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo masuulyiinta la socota ayaa kulamo la leh Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Madax ka tirsan midowga Afrika oo ay kawada hadlayaan arinma Muhiim u ah Gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Ra’isul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalad Muqdisho ka sagootiyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo tirro Xildhibaano ah. R’isul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa u kictamay dalka Ethiopia, waxa uuna casuumaad ka helay dhigiisa dalka Ethiopia Abiy Axmed. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kulan khaasa kula qaadan doona dhigiisa Ethiopia Abiy Axmed oo ay kawada hadli doonaan danaha labada dal. Mid kamida Xildhibaanada wehlinaaya Ra’isul wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in labada mas’uul ay kawada hadli doonaan qodobo ay kamid yihiin Amniga iyo Siyaasada, waxaana intaa dheeraan doona oo leysla soo qaadi doonaa Khilaafka Somalia kala dhexeeya Imaaraadka iyo Heshiiska Dekadda Berbera oo ay qeeb ka tahay Ethiopia. Sidoo kale, waxaa halkaasi uga sii horeeya oo safar qarsoodi ah ku tegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyeen la Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin. Si kastaba ha ahaatee, booqashadan oo u muuqata mid hoos iska taabat ah, ayaa waxaa isku arki doona Ra’isul wasaarayaasha labada dal, halka ay mas’uuliyiinta kale si gaara u arki doonaan dhigooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The East Africa bloc’s weather prediction center has issued a warning of an active tropical cyclone named Mekuku threatening the coast of Somalia’s semi-autonomous region of Puntland. The Inter-Governmental Authority on Development (IGAD)’s Center for Climate Prediction and Application Center (ICPAC) said on Friday that its closely monitoring cyclone Mekuku which comes after tropical cyclone Sagar that caused heavy rains and flooding in Puntland and killed at least 25 people in Somaliland. “The regional model prediction of the Weather Research and Forecasting (WRF) latest run at ICPAC indicates that the tropical cyclone will move progressively northward and landfall over Yemen late on May 26, 2018,” the bloc said in its alert. The bloc warned that as the cyclone progresses north, parts of the cyclone circulation and associated clouds and rains will hit along the coast of Somalia. “However, the total accumulated rainfall expected over the coast of Somalia’s Puntland between May 25-27 is less than 30 mm between May 25-27,” it said. The warning comes after a powerful tropical cyclone with winds in excess of 120 km/per hour and an entire year’s worth of rain which landed in Somalia last week left destruction and death in its wake in Somaliland, endangering the lives of thousands of children in the region. According to the charity, Cyclone Sagar tore through the coastal north of the country, destroying homes and livelihoods in its wake. According to Somaliland authorities, at least 25 people have been killed, 27 others are missing and hundreds of homes destroyed following tropical cyclone Sagar that caused heavy rains and flooding in Somaliland. Source: Xinhua
-
Mandheera (Caasimada Online) – Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraray oo qabsaday masjid ku yaalla magaalada Mandheera ee dalka Kenya, halkaasi oo dhowr saac ay ka wacdinayeen. Booliiska deegaanka ayaa sheegay in rag aad u hubeysan oo Shabaab ah ay qabsadeen masjidka Komor Haile, abaare 10-kii habeenimo ee xalay, ayna joogeen illaa labadii subaxnimo ee jimcaha maanta ah. “Waxay yimaadeen ayada oo Sheekh uu noo wacdinayo, waxay ka dafeen makaroofanka, waxayna amreen inuu fariisto oo uu dhageysto” Waxaa sidaas yiri qof ku sugnaa masjidka, markii dhacdadan ay dhacday. Waxa uu sheegay in dhowr saac ay masjidka ku xannibnaayeen, oo qofna aan loo ogolaan inuu ka baxo. Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa xaqiijiyey dhacdadan, isaga oo sheegay in maleeshiyada fulisay ay ahaayeen 10 nin oo aad u hubeysan, kuwaas oo la rumeysan yahay inay kasoo gudbeen xadka Soomaaliya. Sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in maleeshiyada ay dadka weydiinayeen halka ay ku sugan yihiin guddoomiyaha degmada, taliyaha booliiska iyo xubnaha kale ee dowladda deegaanka. Waa markii labaad ee Al-Shabaab ay qabstao masjid ku yaalla Mandheera, ayada oo markii koowaad ay ahayd August, 2015, markaasi oo sidoo kale ay jeeidyeen wacdi ka dhan ah dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnimo. “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka. Dhanka kale, Madaxweynaha DF ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha DF Somalia oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo Dagaallada Tuka-raq appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay si faah faahsan uga hadashay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday Koontaroolka Ciidanka NISA ku leeyihiin agagaarka KM-0 ee magaalada Muqdisho. Dhacdada ayaa waxa ay la xiriirtay in askari ka tirsan ciidanka ku sugnaa Barta Kontorool uu hal xabad ku riday gaari uu la socday Xildhibaan Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Shacabka, kadib markii uu ka gudbay barta kontorool. Wasaaradda amniga ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo maalin kahor xilli galabnimo abbaarahihii 5:30-PM ka dhacday barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM-0 ee magaalada Muqdisho, waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taas oo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool.” Sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa qoraalkeeda waxay ku sheegtay in ay bilowday baaritaanada la xiriira dhacdadaas, dibna ay ka soo saari doonto wixii go’aan ah, iyada oo sidoo kale tilmaamtay in ciidamada ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan. Wasaaradda amniga ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada ay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda, islamarkaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah. Ugu dambeyntii Wasaaradda ayaa tilmaamtay in ay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqday dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnimo. Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.
-
Dardar gelinta hannaanka loo yaqaan (Globalization) ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, ujeedkuna yahay si loo helo hannaan fudud oo isku xira salkana ku hayo xog is weydaarsiga, sida sirdoonka, dhaqaalaha, ciidanka iyo isgaarsiinta aya waxa caqabad ku noqday isla markaana udub dhexaad u noqday amni darada ka jirta geeska Afrika (Soomaaliya) iyo gacanka cadmeed. Iyadoo ay qeyb ka yihiin wadamada ay quseyso xiisada colaadeed iyo kuwa kalo oo daneeya arrimaha Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed. Wadamada Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Iiraan, Turkiga iyo kuwa Carabta aya waxa ka dhex bilowday in ay isku herdiyan gacan ku haynta biyaha badda cas iyo Badweynta Hindiya. Iyado wadamada Carabta ee dhoofiya saliidda ay laba jeer khatar u arkaan dalka Soomaaliya, Waa dal leh qeyraadka Saliidda oo an weli la taaban Waa dal juqraafi ahan ku yaal marin muhiim u ah ganacsiga iyo isgaarsiinta adduunka. Isku dhacan wadamada gacanka iyo geeska Afrika waxa ay keeneysa xasilooni darro ka dhalata xuduudaha ay leeyihiin dalalkaas taasoo horseed u noqoneysa in an la helin amni buuxo oo aay isaga gooshaan maraakiibta ganacsi ee mara biyaha Geeska Afrika, Ganacka cadmeed iyo Bab al-Mandab, kaasoo lagu qiyaasay ganacsi ka badan $1 Trilion oo doollarka Mareykanka ah in uu maro biyaha Geeska Afrika iyo ganacka Cadmeed, iyado wadamada beesha caalamka ay xoogga saareen sidii looga hortagi laha ururada Alqaacida gacanka Cadmeed (AQAP) iyo ururka Al Shabaab. Balse aaney muhiimadda saarin kaliya sidii biyaha Geeska Afrika iyo Ganacka cadmeed ay si nabad ah uga gudbi lahaayeen maraakiibta ganacsi ee isaga goosha qaaradda Aasiya iyo Yurubta Galbeed. Waxa kale oo jira in biyaha Soomaaliya ay ku kulmaan iskuna xiraan isgaarsiinta internetka ee loo yaqaan Global Fiber Optic Connectivity HUB (GFOC) taaso inta badan laga ilaaliyo in wadamada Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan in ay wax yeelaan, waana midda ay u joogaan maraakiibta dagaalka ee dalalka ku bahoobay ururka NATO waxayna ku joogaan qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay, balse aaney ku joogin rabitaanka Dowlad Soomaaliyeed, taaso qatarteeda leh marka laga eego dhanka madaxbaanida iyo midnimada Dalka Soomaaliya. Haddaba iyado taa ay ka duulayan wadamada Carabta gaar ahan Qatar, Sucuudiga iyo Imaaraadka aya waxa ay bilaabeen in Soomaaliya anay noqon wadan uu amni ka jiro, iyago wakiilanaya dhaqaale badana ku bixinaya dalalka deriska la ah ee Itoobiya iyo Kenya. Dowladda Imaaraadka aya ku abaal marisay dalka Itoobiya in uu yeesho 19% dekedda Berbera, si ay Itoobiya uga mid noqota wadamada lagala tashado isla markaana saami ku leh juqraafiyadda siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyado laga ilaaliyay in Dowladda Soomaaliya ay kaalinkeedi hesho, aya waxa heshiis seddex geesood ah uu dhex maray Imaaraadka, Itoobiya iyo maamulka Somaliland. Waxa sido kale jira xiriir hoose oo dhex maray dalka Qatar & Kenya iyago sido kale u wakiishay dalka Kenya in uu qeyb ka noqdo dagaal dhanka warbaahinta ah taaso Kenya ay marar badan ku eedeysay dalka Imaaraadka in uu Soomaaliya ku hayo faragelin toos ah, waxayna Kenyanka uga digeen Imaaradka in ay joojiyan faragelinta isla markaana ay tixgeliyan madaxbannaanida dalka Soomaaliya. Waxa ayan darro ah in Dowladda Federaalka ah aanay ahmiyad siinin khatarta kasoo socota geeska Afrika, waxana ay ku mashquulsan tahay siyaasad gurracan oo an hadaf lahayn, waxa ayna ahayd in kaalinkeeda ay ka qaadato siyaasadda geeska Afrika sameysana istraatijiyad cad oo loogala xaajoodo wadamada ay danta toosska ah ka leh Soomaaliya kuna jirto maslaxadooda sida, Mareykanka, Shiinaha iyo Turkiga. Maamulka Madaxweyne Farmaajo waxa uu qaatay go’aan dhexdhexaad ah kasoo lagu dhaliilay laguna eedeeyay in go’aankaas aanu ku jirin maslaxadda iyo danta dalka Soomaaliya, wana sidoo kale lagu eedeeyay in uu si dadban ula saftay dalka Qatar. Dowladda Qatar aya waxa xurguf siyaasadeed ay kala dhexeysa wadamada Carabta ah ee loo yaqaan GCC, kaddib markii ay boqortoyada Qatar diiday in ay xiriirka u jarto dalka Iiraan, iyado fiirsaneysa danaheeda qaran. Dalka Qatar oo ah dalka ugu qanisan adduunka aya waxa dhaqaalaha ugu badan ay ka helaa dhoofinta saliidda dabiiciga ah, Dalka Qatar aya waxa keydka ugu badan ee saliidda dabiiciga ah laga helay xadka ay la wadaagto dalka Iiraan ee loo yaqaan (North Dome) halka dalka Iiraan uu ka helay keyd aad u badan xadka ay la wadaagto dalka Qatar ee loo yaqaan (South Pars). Labada dal aya kala saxiixday heshiis horumarineed iyo in ay si wadajir ah u soo saaraan keydka saliidda dabiiciga ah, waxa sidoo kale lagu heshiiyay in Qatar ay si toos ah uga dhoofin karto saliideeda dekedda Lavan ee dalka Iiraan. Arrintan aya lafdhabar u ah colaada ka dhexeysa wadamada Khaliijka. Sucuudiga aya u arka dalka IIRAAN Qatar amni iyagoo kaashanaya dalalka Mareykanka iyo Isara’il. Dagaalkii qaboobaa (Cold War) iyo hogaanka Milatariga (1969 – 1991) Kaddib markii xukunka uu kula wareegay afgambi milatari bishii Oktoober 21, 1969. Maxamed Siyaad Barre wuxuu xiriir aad u dhow la lahaa gaashaan buurtii Warsaw oo uu hormuudka ka aha dalkii loo yiqiin Midowga Sofyeetii. Ruushka aya Soomaaliya ka caawiyay dhamaan dhismaha hay’adaha dowliga ah, waxana Soomaaliya ay ka faa’idey gaashanbuurtaas, in Soomaaliya ay yeelato ciidan iyo cudud military oo aad u weyn, waxana inta badan lagu sheega in Soomaaliya ay ahayd kaga jira safka qaaradda Afrika marka loo eego dhinaca dhismaha ciidaman cudud leh. Cilaaqaadkii aan la lahayn Ruushka aya waxa soo galay mugdi madow, sanadkii 1977 kaddib markii Gen. Maxamed Siyad Barre uu dagaalkii 77 loo yiqiin la galay dowaldda Itoobiya, dagaalkaas oo Soomaaliya ay ku weyday naf iyo maal. Bartamihii 1977 aya amar ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, waxa lagu amray in saraakiisha iyo dhamaan howlwadeenada ka howlgala Soomaaliya ee ka soo jeeda dalka Ruushka ay muddo 48 saacadod ah uga baxaan dalka. Taaso sababteeda ay ahayd in Ruushka uu si toos ah u taageeray dagaalkii 77 ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladaha Mareykanka iyo Masar aya kala taliyay Maxamed Siyaad Barre in aanu ku duulin dalka Itoobiya taaso wiiqi doonta awooddisa ciidan, una horseedi doonta mugdi siyaasadeed haddii uu ku geeleysto ama ku guul dareysto. Balse go’aan xumadii 1977 aya horseed u noqday in Soomaaliya ay gasho colaad sokeeye iyado kaddib markii laga soo laabtay dagaalkas ay isku dayeen saraakiil Soomaaliya in ay inqilaabaan xukunkii Milatari sanadkii 1979, inqilaabkaas oo dhicisoobay aya waxa bilowday in dalka uu yeesho jabhado hubeysan oo saldhig u aha dalka Itoobiya, sida SSD, SNM, USC iyo kuwa kale. Ujeedka an u xusay taariikhda danbe aya ah, in ay mar labaad muuqato saansaan taa la mid ah, iyo go’aan qaadasho xumo laga dhex arkayo hoggaanka dalka ka jira wallow aanu dalka gacanta ugu wada jirin haddan go’aamada la qaadanyo ayaanan ahayn kuwo ku dhisan istraatijiyo siyaasadeed oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dowladda Madaxweyne Farmaajo ma uusan eegin mana ka fiirsan go’aankii ee uu qaatay colaada ka dhexeysa wadamada Carabta, waayo dowladda Qatar go’aanka ay ku diiday in ay xiriirka u jarto dalka Iiraan waxa ku jiray maslaxadeeda, dadka iyo dalka Soomaaliyeedna waxa maslaxadooda ay ku jirtaa labada dal ee loo dhoofiyo xoolaha Soomaaliya isla markaana uu naga dhexeeyo xiriir ganacsi oo qoto dheer. Balse Madaxweyne Farmaajo aya qaatay go’aan dhexdhexaad isago aanan si qoto dheer uga fiirsan go’aanka uu qaatay.
-
AT THE BEGINNING Turkey-EU relations have an extremely long history, in fact a history almost as long as that of the Treaty of Rome the Treaty Establishing the European Economic Community in 1957. Turkey first applied to join the European Economic Community in 1959, barely two years after the treaty was signed. This application was made for strategic rather than economic reasons. Turkey was a member of NATO, a much-valued organization at the height of the Cold War, and of other European institutions such as the Council of Europe. However, its economy was very much less developing than the average of the original six members of the European Economic Community. For Turkey, and indeed for other Mediterranean countries like Greece, Cyprus and Malta that signed Association Agreements that gave them a perspective of accession, a much longer time frame was envisaged for economic integration. In the case of Turkey, a period of 25 years starting in 1970 was foreseen. Meanwhile, an asymmetric arrangement was put into place whereby the EEC eliminated tariffs on all industrial products imported from Turkey, though it gradually started imposing quotas on imports of textiles and clothing, products in which Turkey had an important competitive edge. The arrangement foresaw the gradual economic integration of Turkey with the EEC. However, in areas such as agriculture, services, free movement of people etc., it was envisaged that Turkey would gradually align its policies with those of the EEC, so that exchanges would be liberalized and Turkey would be prepared for accession to the EEC. By the late 1980s, after more efforts done in Turkey to prepare the country for the completion of the Customs Union scheduled for 1995, under the Özel administration. Özal and his immediate successors had the good sense to accept the scenario. In the end, the job for which twenty-five years had been originally envisaged, namely the alignment of Turkey’s relevant legislation and trade regime on that of the EU, as well as the elimination of tariffs on imports from the EU was completed in just 3-4 years. In the end, Turkish industry survived and indeed thrived on the Customs Union. These days, much of Turkish industry is fully integrated with its EU counterpart. More than twenty years after its completion, the Customs Union remains in force, despite the fact that it was envisaged as a jumping board for accession which is still very far from happening. Excepting Andorra and San Marino, Turkey remains today the only non-member country to have a fully functioning Customs Union with the EU. Indeed, no member of the EU ever had a customs union with it before accession. RECENTLY PERIOD The completion of the Customs Union in 1995 coincided with the acceleration of EU enlargement. In the space of about twenty years, the EU moved from a membership of twelve to twenty-seven and then twenty-eight. In the euphoria that followed the completion of the Customs Union in Turkey, it was impossible for Turkey to stand aside from this process. One of the most important reasons why Turkey is not still accepting as member country of EU is Cyprus issue. The leaders of the EU probably hoped that the perspective of accession would encourage the parties to the Cyprus problem to find a solution to it. One might argue that a time when multinational states all around were breaking up into their separate national components, it was fruitless to force two communities separated by language, culture and religion to reunite after several decades of separation. The fact is that the international community was then and appears still to be unprepared to accept partition of the island. Half-hearted attempts were made to reach a settlement in parallel to the progress made in the accession negotiations from which the Turkish Cypriots were excluded as the EU recognized the Greek Cypriots government as the only legitimate authority on the island. The Turkish Cypriot leadership of the time was not interested in a settlement on the terms that were available. Turkey was ruled at the time by a disparate coalition only united by mistrust of the West. Prime Minister Ecevit was further weakened by serious health problems. The economy was going through an extremely grave crisis that prevented the government from taking unpopular foreign policy decisions, even if it had wanted to do so. The establishment, namely the military and civilian bureaucracies were opposed to any territorial concessions on the island without which a settlement was and remains impossible. By the time the government of Mr. Ecevit was replaced by one led by Mr. Erdogan at the end of 2002, the accession negotiations of Cyprus were almost completed. The new Turkish government was prepared to move on Cyprus despite opposition from the establishment that it did not yet control. However, it was too late. The Annan Plan put to a referendum in April 2004 been ready before the Accession treaty had been finalized, it would have been incorporated into the treaty and the Greek Cypriots would have been unable to reject it, as this would have meant rejection of the Accession Treaty and thereby of membership of the EU. By 2004, membership of the EU was guaranteed for Cyprus as the treaty was being ratified by existing Member States, a sign of political support for the Greek Cypriot leadership. Despite these inauspicious beginnings, the government of Mr. Erdogan took the perspective of accession to the EU seriously, at least at first. As the leader of the party that had won the November 2002 elections and despite being prevented from being elected to parliament by a prison sentence that he had served several years earlier, Mr. Erdogan embarked on a lightning tour of the then fifteen members of the EU, an unprecedented initiative. In most countries, he was received with open hands as a dynamic and forward-looking leader. The new government was therefore encouraged by the sincere welcome it had received in EU countries to proceed on the path of reform and meeting the political criteria needed for accession negotiations to start, it is undeniable that the AKP government in its first years made serious efforts to align on EU standards. It was rewarded with the opening of accession negotiations in 2005, a development that was received with elation by the Turkish nation. The economy had also recovered from the 2001 crisis, thanks to the fact that the AKP government pursued the structural adjustment reforms introduced during the crisis. Unfortunately, this honeymoon did not last. As a requirement of the initiation of accession negotiations, the government had had to agree not to discriminate among the members of the EU. This was a promise that was politically impossible to keep in the absence of a settlement in Cyprus. During the period that had followed the 1974 Turkish intervention on the island, all sorts of restrictions, on trade, maritime and air transport etc, had been imposed on Cyprus. Dismantling them in the absence of an agreed settlement would have been impossible to explain to Turkish public opinion which still felt very strongly about Cyprus. In the event, making progress in the accession negotiations became increasingly difficult since the opening and closing of chapters required unanimity. Cyprus was able to block progress by vetoing such decisions. Mrs. Merkel was less vocal but equally skeptical. A ‘privileged partnership’ was mooted for Turkey as an alternative to accession. Because Turkey rejected it out of hand, it has never been possible to ascertain what this partnership might have entailed. It is doubtful that its proponents had given much thought to its possible contents. Almost twelve years after accession negotiations started, only one chapter has been closed and barely half have been opened. Contrast this with Croatia, which started accession negotiations at the same time as Turkey and has been a member of the Union since July 2013. It is unlikely that the situation will change in the near future. If anything, it is likely to deteriorate. As the EU has lost its leverage over Turkey with the effective freezing of accession negotiations, Turkey itself has increasingly distanced itself from the EU and the values that it embodies. It is unclear whether the AKP has come to power because the majority of Turks is deeply conservative and devout, or whether Turkish society has become more conservative and devout after almost fifteen years of unprecedented and unbroken rule by a political party that openly espouses religious values. The fact is that is becoming increasingly difficult to argue that Turkey would fit into the EU. TURKISH-EU RELATIONS FORECASTS However, the EU and Turkey can’t turn their backs on each other completely. Apart from an intense economic and trade relationship, the two parties share common interests in the Middle East. The agreement concluded in March 2016 whereby Turkey would stem the flow of refugees and migrants over its territory into the EU, in exchange for material help, the normalization of relations, including the resumption of accession negotiations, and the lifting of the humiliating and largely redundant visa requirement for Turkish nationals has not been properly implemented. However, it showed that the two parties had the necessary willpower to address common problems jointly. Despite lack of full implementation of the agreement, the Turkish government has not acted on its threat to reopen its borders to migrants wishing to move on to EU countries. A more structured relationship is unlikely. Accession negotiations are not going to resume in the near future. Indeed, it might easily be argued that since the attempted coup of last year, and the crackdown that has followed it, Turkey no longer fulfils the Copenhagen political criteria. However, acting on such a conclusion would not be meaningful because it would have no impact other than pushing Turkey even further away from the EU, surely not a development in the interest of the Union. A Cyprus settlement might have had a positive effect by permitting the unblocking of chapters but despite intensive negotiations, it has not been possible to reach it. A majority of people on both sides of the island and the governments of Greece and Turkey appear to be unwilling to make the mutual concessions which a settlement would require. It is likely that pressures in Turkey for annexation of the North will surface if the negotiations are perceived to have broken down irremediably. It is difficult to imagine the EU remaining indifferent to the annexation of part of the territory of one of its member states, partly because of the example that this would set for others. However, it is equally difficult to imagine what sanction the EU could adopt in such an eventuality that would not damage its own interests more than those of Turkey. Relations with Greece have also started to deteriorate since the EU has lost its leverage over Turkey after the freezing of accession negotiations. Disputes over rocks in the Aegean Sea that had been pushed under the carpet after the initiation of accession negotiations in 2005 have now been resuscitated, perhaps because Greece is seen to be blocking progress in the negotiations over Cyprus. Inflammatory statements are being exchanged like in the bad old days of the 1990s and an accident involving naval vessels or warplanes cannot be excluded. However, what is also necessary to take into account, is that Turkey’s effluence in the region is increasing day after day. Turkey is getting more and more important for EU countries, Turkey is important for EU in terms of security, human trafficking, workforce, and so many other sectors. Therefore, EU will never allow losing Turkey. On another hand, it is obvious that Turkey needs EU. Turkey needs the membership of EU to have better economic and political stability. So in general, both sides need each other but thing is that no one knows when the time will come. HAMZE OMAR ALİ ISTANBUL AYDIN UNİVERSİTY POLİTİCAL SCİENCE AND İNTERNATİONAL RELATİONS Email: hamzeawed@gmail.com
-
Muqdisho (PP) ─ Beesha Caalamka ayaa walaacsan xooggan ka muujiyay isku-dhacyada hubaysan ee u dambeeyay ee ka socda agagaarka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, una dhexeeya Puntland iyo ‘Somaliland’, Waxayna ku baaqayaan xabbad-joojin deg-deg ah. Dagaallo culus oo u dhexeeya maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa ka dhacayay deegannadaas muddo dhawr toddobaad ah, waxaana dagaalladaas ay sababeen khasaare badan oo isugu jirta naf iyo maal, waxaana dagaalkan uu salka ku hayaa muran dhanka maamulka ah. Saaxiibbada Somalia ee Caalamka ayaa ugu baaqayaan labada dhinac inay si dhakhso ah u hakiyaan Dagaalka, ay billaabaan Wada-hadallo dhex-mara Taliyeyaasha Ciidammada goobta ku sugan, xaqiijiyaan gaarsiinta gar-gaarka baniaadanimo ee loo wado dadka barakacay, ayna ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsaday. Beesha Caalamku waxay tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sagar – isku-dhacyadu waxay keliya uga sii darayaan dhibaatada haysata dadka ku nool deegaanka. Ugu dambeyn, QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dalalka Belgium, Denmark, Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay ugu baaqayaan dhamaan dhinacyada inay dhawraan nabadda. PUNTLAND POST The post Maamulada Puntland & Somaliland oo loogu baaqa inay joojiyaan dagaalka u dhexeeya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Amniga Qaranka Somalia, ayaa war kasoo saartay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday Koontaroolka ciidanka NISA ay ku leeyihiin agagaarka Isgosyka FIAT, kaasoo gaari uu saarnaa xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka gudbay koontaroolkaas rasaas lagu furay. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in goobtaas ay ka dhacday hal xabad, taasoo askari ka tirsan Ciidamada NISA uu digniin ahaan ugu riday gaariga, kaddib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta koontaroolka. “Wasaaradda Amniga waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada baarlamaanka la wadaageysa shilkaan kooban oo 5:30 galabnimo Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacay barta koontaroolka ciidanka Amniga ay ku leeyihiin KM-0 ama Isgoyska FIAT ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedkan. Sidoo kale, War-murtiyeedkan ayaa lagu xusay in Wasaaradda Amniga ay billowday baaritaan la xiriira dhacdadaas. Waxaana falkan loo yeelay wajiyo badan oo ay ka mid yihiin in la doonayay in xildhibaanka lagu dilo. Wasaaradda Amniga Qaranka, ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay warar aan sal lahayn ee laga faafiyay ciidamada ammaanka, iyadoo ugu baaqday xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta dowladda inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qayb-qaadashada wararka lidka ku ah cidanka amniga oo qal-qal galinaya xasiloonnida iyo dowladnimada. Dhanka kale, Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in la rasaaseeyay gaari uu saarnaa oo ahaa kuwa aan xabadaha karin, kadib markii uu ka gudbay koontaroolka ciidanka NISA, isla markaana uu markii hore askariga NISA uu toos ula eegtay xabadda. Ugu dambeyn, Xildhibaan Nuur oo ah Guddoomiyaha kutlada Baarlamaaniga ah ee mucaaradka ayaa sheegay inuu ahaa isku-day la doonayay in isaga lagu dilo, isla markaana uu dhowr jeer farriimo hanjabaad uu kala kulmay ciidamada NISA, taasoo uu la wadaagay guddoomiyaha baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Wasaarada Amniga oo Qoraal kasoo saartay Xildhibaan lagu Rasaaseeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa aaminsan in madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas uu hal ujeedo ka leeyahay dagaalka uu la galayo Somaliland, balse dadka Puntland aysan ka war-hayn. Aqoonyahan Cabdiraxman Axmed Kayse oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa Caasimada Online u sheegay in Gaas uu dagaalka Tukaraq u billaabay sababo la xiriira doorashada madaxweyne ee kusoo socota, oo ujeedkiisu yahay inuu u guuleysto. “Gaas, wuxuu isu muujinaya shacabka Puntland, ma jirto ujeedo kale oo uu dagaalka ugu soo qaaday Somaliland. Wuxuu doonayaa in loo arko hoggaamiye xooggan oo Puntland difaacaya” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Si kastaba, Puntland ayaa aaminsan in dagaalka Tukaraq ay billowday Somaliland. Qoraal shalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ay weerar ku qaadeen ciidamada Puntland, sidaas darteedna ay is difaacayaan. Puntland waxa ay sidoo kale sheegtay in dagaalka uu socon doono, illaa laga xoreeyo gobolka Sool, sida ay hadalka u dhigtay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Taleex (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay Ciidamo ay sheegen in ay kasoo goosteen maamulka Puntland, gaar ahaan kuwo qeyb ka ahaa dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland. Ciidamadaas oo tiro ahaan gaareysa ilaa 118 askari ayaa gaaray, laguna soo bandhigay magaalada Taleex, ayaa maamulka Soomaaliland waxa ay sheegeen in ay si iskood ah uga soo baxeen furumaha dagaalka, islamarkaana xilligan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin Ciidamada Somaliland. Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada la sheegay in Puntland ay ka soo goosteen oo lagu Magacaabo Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale, ayaa sheegay in ay kasoo goosteen Puntland kadib markii ay wadatashi la sameeyeen saraakiisha Ciidamadooda, Odayaasha deegaanka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, kadibna ay kasoo baxeen halkii ay ka dagaalamayeen. Ciidamada ay Somaliland soo bandhigtay ayaa ku sugnaa deegaanka Geed Qaboobe oo ka mid ah deegaanada Gobolka Sool oo ay xiisada dagaal ka jirto, isla markana Ciidamada Puntland iyo Somalilnad isku hor-fadhiyaan. Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale oo ah Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay Madaxda Maamulka Somaliland in waxqabad dhab ah oo ay u muujiyaan maadaama ay ku biireen ciidamada maamulka Somaliland. Hoos Ka Dhageyso Codka Sarkaalka Ciidamada hoggaaminayay oo lagu Magacaabo Cabdi Salaan Yuusuf Sigaale. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/05/Sarkaalka-Hoggaaminaya.mp3
-
Popular Contributors
