Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. By John Fox When I tell people that I am off to Somalia or Somaliland in the morning they usually offer some kind of commiseration. But they needn’t. A trip there is never boring, especially when you know that you will be catching a plane back in a few days’ time. Anyway, I enjoy a little shot of adrenaline now and again. Mind you, they are right to be solicitous about the time you have to get up to get to Jomo Kenyatta International Airport or Wilson for the flight out — the worst time of day, which is the middle of the night. And is it some kind of punishment for being such unruly neighbours that all planes to Somalia or Somaliland take off at such an ungodly hour? Last week I was scheduled to fly to Hargeisa, the capital of Somaliland, via Mogadishu, the capital of Somalia. But when we got to Mogadishu we were told to get off the plane and wait in transit for four or five hours — that turned out to be six hours. They told us, as they usually do, that the problem was a technical one. There were three of us thus stranded. But our shared irritation was dissipated somewhat when the Airways ground staff somehow managed to wangle us into the VIP lounge, where we could settle on comfy chairs and help ourselves to coffee, cakes and the internet. Looking around, I was surprised to see how egalitarian the VIP lounge was. The few VIP-looking men in suits and ties were well outnumbered by guys in open-necked shirts — some even sporting baseball caps. I guess this is in tune with the fiercely democratic spirit of Somalis – a spirit strongly asserted in a poem by the popular poet, Yam Yam: No-one who breathes oppresses me. Because I believe in equality no-one is placed above me. When you come to visit mesee no half-hearted hospitality. I AM SOMALI Meanwhile, my Somali colleague was on the long and rough road from Garowe, the capital of Puntland, to meet up with me at the Maan-Soor Hotel in Hargeisa. His passport had run out, so he couldn’t fly — not that there are many flights between Garowe and Hargeisa. When I told him in an email that I had never done that safari and I fancied the idea of joining him, he wrote back: “My friend John, you continue to surprise me. No mzungu has done that road trip for at least 25 years”. By that I assumed he was telling me that it wasn’t a good idea. When I reflected on the tensions that occasionally flare up about the disputed border between Puntland and Somaliland I had to agree with him. Eventually, the three of us ensconced in the VIP lounge were told we could board the plane again. (By then we had found out that the real reason for our delay was that some proper VIPs — a group of MPs — had finished with their conference in Garowe and needed to be transported back to Mogadishu. So “our” plane had been diverted to do that.) NOT THE WORST OF OUR TROUBLES However, that wasn’t the worst of our troubles that day. Over Hargeisa there was a rain storm; the clouds were low and dark. The pilot began his descent, but he was obviously having difficulty finding the runway. Three times he circled, and three times he overflew the runway. In another of my lives I was a pilot, and that was no comfort. I’m glad I didn’t understand the message I’m told that our pilot gave out to passengers — telling us that he didn’t have enough fuel to return to Mogadishu and assuring us he would be able to land. Anyway, despite the clouds and the pouring rain, he did make the landing. Meanwhile, my colleague from Garowe was stranded by a flash flood only 30 kilometres from Hargeisa. I made the Maan-Soor Hotel for a late afternoon tea; he made it for a very late supper. The Maan-Soor is a lively and cheerful hotel. It is a place where you can meet old friends — and that I did, even as I was checking in. When we found free time from our daily rounds of interviews and group discussions, we took a taxi drive around the city. It has grown and prospered since I was first there in the mid-1990s. When I landed then, they were still clearing mines alongside the runway. Now, there are office blocks and supermarkets rising above the clutter of dukas and tea shops. In the middle of the city there is a monument, a reminder of a painful history. It is a MIG 17 fighter-bomber mounted on a plinth — one of the planes that dropped bombs on the city in 1988 during the civil war. It must be a memory that is still sharp for those Somalilanders who are so determined to maintain their county’s independence.
  2. Muqidsho-(Caasimadda online)-Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in kaalin muuqata ay ka qaadan doonto fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka tirsan gobollada dalka, kuwaas oo ay ku baaba’een dalagyo ay beerteen beeraleey Soomaaliyeed islamarkaana sababay barakac baahsan. Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Mahdi Mohamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaciyay in Xukuumaddu ay taakulaynta iyo Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ugu deeqday lacag dhan Hal-Milyan oo dollar($1,000,000). Mudane Mahdi Mohamed Guuleed Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba in gacmaha laysu qabsado sidii samata bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaaro dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku. Qeybo ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, J/dhexe iyo Gedo ayay webiyada Jubba iyo Shabeelle fatahaado ka geeysteen, ayadoo ay sababeen barakaca dad shacab ah iyo weliba dalagyo ka baaba’ay beeraleey. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dowladda iyo shacabkuba isu kaashadaan sidii loo samata-bixin lahaa, gargaar deg-deg ahna loo gaarsiin lahaa dadka ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaadda webiga. Dhowaan ayay ahayd markii Raiisul Wasare Khayre uu u magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqaya sidii loo samato bixin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaaduhu guddidaas oo uu gudoomiye u yahay R/w ku xigeenka Dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Brussels-(Caasimadda Online)-Shirkii looga hadlayay arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay Xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels dalka Belgium. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoominaya shirka iyadoo ay wehliyaan Madax ka tirsan Midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Waxaa sidoo kale shirka qeyb ka ah Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Amniga iyo xubno ka socda Maamul goboleedyada dalka. Sidoo kale shirka waxaa ka qeyb galaya oo Ra’iisul Wasaaraha la shir guddoominaya La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid Muuse Cali. Shirkan ayaa looga hadlayaa qorshaha kala guurka sidii Ciidamada Qaranka ay Amniga dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM oo muddo 11 sano dalka ku sugan. Waxyaabaha laga filayo in laga soo saaro shirkaan waxaa ka mid ah dhismaha Ciidamada qalabka qaab dhismeedkooda, sidii loogu diyaarin lahaa in amniga dalka ay kala wareegaan AMISOM. Shirkan kii ka horeeyay wuxuu ka dhacay todobaadkii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu go’aamiyay shir kale in la isugu yimaado, kaasi oo maanta furmay. Dowladaha reer Galbeed ayaa wada qorshayaasha kala duwan ee dhanka ammaanka Somaliya, iyadoo dowladda Somaliya loo keeno kaliya ajandayaal ku aadan shirarka amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Baar Ubax ee degmada Warta Nabadda waxaa ay sheegayaa in halkaas koox hubeysan ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidanka Nabad sugidda iyo Haweeney Qaadk ku iibineysay goobta. Weerarka ayaa lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo haweeney Qaadka iibisa xilli uu askariga ku sugnaa Kabar Qaadka lagu iibiyo, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay askari kale oo ag dhowaa goobta, markii rasaas xoog leh mar qura lagu furay. Meydka askariga iyo haweeneyda ka mid ahayd ganacstada Qaadka ayaa laga qaaday goobta markii ay gaareen ciidamada amniga, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka geysatay oo warar kala duwan kasoo baxayaan. Kooxda weerarka qaaday ayaa wadatay Gaari yar oo nooca raaxada ah, waxaana la sheegay inay ku hubeysnaayeen Bistoolado, halka warar kale sheegayaan inay ku lebisnaayeen dareyska ciidamada ayna wateen qoryo. Xaaladda ayaa caadi ku soo noqotay kadin muddo saacad ku dhow oo Isgoyska Baar Ubax uu galay xaalad jahawareer ah waxaana rasaas furay ciidamda amniga ee halkaasi gaaray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. A Portuguese family stranded off the Somali coast was rescued in an open sea-aid operation by the Pakistan Navy (PN), said a statement released on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  6. Unknown gunmen shot dead on Tuesday a Somali aid worker who worked for the World Health Organization (WHO), her relatives and police said. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - Al-Shabab, a terrorist group based in Somalia is still maintaining its position to be the deadliest terror group in the African continent, U.S based think tank said. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Alshabaab ee ka howlgasha Soomaaliya, kuna xiran ururweynaha Alqaacida ayaa noqotay kooxda ugu horeysa Afrika ee dadka ugu badan disha. Sida lagu seegay Warbixin ay soo saartay hay’adda African Centre for Strategic Studies ee laga leeyahay Mareykanka waxaa ay sheegeysaa in Al-shabaab noqotay kooxda ugu dilka badan qaaradda Afrika, tasoo ay kala wareegtay kooxda reer Nayjeeriya ee Boko Haram. Xarakada Al-shabaab waxaa la sheegayaa in 2016-kii tusaale ahaan ay dileen in ka badan 4,000 oo qof. Sida ay warbixinta sheegeyso, Al-shabaab waxaa kor u qaadeen dilka marka la barbardhigo sanadkii ka horreeyay ee 2015-ka, tiro ahaan 2015 waxaa ay dileen 3,046 halka 2016kii lagu sheegay 4,281. “Al Shabaab waxaa ay dilka ugu horreeyaan kooxda Boko Haram, iyaga oo noqday kooxda ugu dilka badan Islmaamiyiinta” sidaasi waxaa qortay hey’addan Mareykanka ah. Kooxda Boko Haram hoos ayey u dhaceen dilalkooda, 2015-kii waxaa ay dileen 11,519 halka 2016kii ay dileen 3,499. Weerarada Xarakada Alshabaab ayaa kordhay 38% markii loo barbar dhigo daraasadan tii ka horeeysay. Sidoo kale waxayaabaha ey maqaalkan lagu xusay waxaa kamid ahaa weerarada dayaarada iswada ee mareeykanka in ey kordheen tan iyo markii la doortay madaxweeynaha sanad jirsaday ee mareeykanka Donald Trump. Kororka dadka ey dileen Alshabaab waxaa cirka kusii shareeray weerarkii ka dhacay isgooska Zope oo dowladda soomaliya iyo hayadda warbixintan soo saartaba ey aamisanyihiin in Alshabaab ka danbeeyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Jabuuti (Caasimada Online)- Heshiiskaan oo dhigaayo in dowladda Itoobiya saami ku yeelato dekadda Dooraale ee laga ceyriyay Imaaraadka Carabta in maalgashi ay ku sameeyaan shirkaddaha ganacsi ee dalka Itoobiya. Booqashadii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku yimid Jabuuti ayaa heshiisyadii uu saxiixay qeybta ugu weyn ay tahay, waxaana dhanka Jabuuti u saxiixay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Telefishinka Itoobiya oo laga baahiyay heshiiskaan ayaa waxaa la filayaa in sida ugu dhaqsaha badan u dhaqan galo si loo bilaabo maagashiga balaran ee Itoobiya balan qaaday. Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan ka baxday heshiis horumarineed oo ay kula jirtay shirkadda DP World ee Imaaraadka, taasoo ku laashay markii ay ku cawdeen inay DP World kasoo bixi weyday heshiiskii horay loo galay. Itoobiya aya sidoo kale, salami 19% ku leh heshiiiska seddax geesood ee dekadda Berbera oo ka dhaxeeyo Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo kala duwan ayaa bishii April 2018 ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Qaraxyadan oo khasaaro kala duwan geystay ayaa galaaftay nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan. Qaraxyada Bishii April ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan ka yar Qaraxyadii dhacay bishii kasii horeysay, waxaana xusid mudan in Qaraxyada dhacay April ay yihiin 9 Qarax. Qaraxyada dhacay Bishii April 2018 ayaa u badnaa kuwa lagu xiro gaadiidka raaxada oo ay leeyihiin shaqaalaha iyo ciidamada dowlada. HOOS KA AKHRISO QARAXYADA BISHII APRIL 2018 KA DHACAY MUQDISHO: 1-April 3, 2018, Qarax miino ayaa waxaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagula eegtay gaari uu watay Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir. 2- April 4, 2018, Qarax miino ayaa lagu weeraray Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada oo maraayay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel aan sidaas uga sii fogeyn Isluulka Godey, waxaana ku dhintay Qaraxa Seddex ruux oo shacab ahaa. 3- April 6, 2018, Qarax gaari ayaa ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, Gaarigaan is qarxiyay ayaa la sheegay inta uusan qarxin ka hor in ay ka shikiyeen ciidamo ku sugnay Barkoontarool oo ka ag dhow Isgoyska Banaadir,balse inta ay ciidamadu ku mashquulsanaayen kala eryinta shacabka uu naftii haligaha is Qarxiyay. 4- April 6, 2018, Qarax loo adeegsaday Gaari NOAHA oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxa uu ka dhacay wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay Bartakontorool oo Ciidanka Nabad Sugidda ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Biyo degeenka. 5- April 9, 2018, Qarax ka dhashay Bam gacmeed ayaa xili habbeen ah lagu weeraray ciidamo ka tirsan Booliska oo howlgalo kawaday Isgooska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir. 6- April 9, 2018, Qarax gaari ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Xaawa Taako, waxaana gaari raaxo loogu xiray Oday lagu magacaabo Caraboow Cali Makaraan oo labadiisa lug ku waayay Qaraxa. 7- April 12, 2018, Qarax miino ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kaa oo ay la kacday dad shacaba oo la socday Gaari nooca loo yaqaan dheenada xili uu gaarigaasi maraayay Waaxda Cumar Fiyaasko. 8- April 28, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari ayaa waxaa lagu dhaawacay Taliye ku-xigeenka ciidamada NISA ee Degmada Waaberi, kaasi oo ka dhacay xaafada Unisheefta Degmada Waaberi,Waxaana Gaariga qarxay lahaa ruux ka shaqeynaayay laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federalka Somaliya. 9- April 29, 2018, Qarax lagu xiray gaari nooca raaxada ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Ceel Hindi oo ka tirsan Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana Gaariga loogu xiray Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda NISA. Waxaana Qaraxa ka badbaaday Sarkaalka. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa intooda badan lala eegtaa Gaadiidka dowlada iyo kuwa shaqaalaha, waxa ayna u badan yihiin kuwa lagu xiro gaadiidka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaciyay in Xukuumaddu FS ay Taakuleynta iyo Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ugu deeqday lacag dhan Hal-Milyan oo dollar [$1,000,000]. Mahdi Guuleed Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba gacmaha laysu qabsado sidii samato bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaari lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku. “Si aan ugu dhiirigelino shacabkeena Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan, Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu,” ayuu yiri ku simaha RW Somalia ahna RW ku xigeenka. Dhanka kale, Dhawaan ayay ahayd markii Raiisul Wasare Xasan Khayre uu Gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u magacaabay guddi Qaran oo ka shaqaya sidii loo samato bixin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaada, guddidaas oo uu gudoomiye u yahay RW ku xigeenka Somalia. Sidoo kale, Yaboohan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalin ka hor uu maamulka gobolka Banaadir sidan oo kale u sheegay in $100,000 uu ugu deeqay dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay fatahaadaha Baladweyne ku dhuftay. Ugu dambeyn, Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Dorraad safar ku tagay degmada Baladwyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo halkaas ka ballan-qaaday inay Dowladda Federaala Somalia gacan siin doonto dadka ay dhibaatadu soo gaartay. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Somalia oo lacag ugu deeqday dadka ay sameeyeen Fatahaada Baladweyne appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Somalia, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay si wadajir ah uga shaqeeynayaan qabanqaabada Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka. Guddi ka kooban Wasaaradda iyo labada Guddi ayaa waxaa dhawaan loo xilsaaray agaasimidda Shir-weynaha Qaran, iyaga oo maalmahanba lahaa shirar joogta ah. Hay’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa waxay go’aansadeen in Shir-weynaha Qaran uu qabsoomo 13 – 15 bishan Maajo, sida la qorsheeyayna waxaa ka soo qaybgeli doonaan in kabadan 300 oo qof. Sidoo kale, Ka qayb-galayaasha Shir-weynaha Qaran ayaa ka koobnaan doona xubno ka socda laamaha Garsoorka, Sharci-dejinta iyo Fulinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed. Sidoo kale waxaa ka soo qaybgelidoonaan xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka oo ka kala imaanaya Gobolada dalka iyo qurbojoogta Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Waxaa xusid mudan iyada oo maanta ay ahayd Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo dhamaan Shaqaalaha dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqeynba ay fasax ku jireen, in Gudigga Shir-weynaha Qaran qabanqaabinaya ay lahaayeen shirar joogta ah si loo qabto Shir-weyne Qaran oo ka qaybgalkiisu loo dhanyahay islamarkaana si wanaagsan ku soo dhamaada. PUNTLAND POST The post Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka Somalia oo dhawaan ka dhacaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Real oo u dabal-dageysa guusha ay gaareen. Kooxda Real Madrid ayaa gaartay sanadkii saddexaad oo xiriiir ah ugu danbaynta (final) tartanka horyaalada kooxaha Yururb ee Champions League-ga, kadib markii ay Bayer Munich la gashay barbaro 2-2 ah. Kulankan oo ahaa is araga labaad ee afar dhammaadka tartanka xiisaha badan ee Champions League-ga waxa uu ka dhacay garoonka Real Madrid ee Santaigo Bernabeu, waxayna wadar labada kulan ku soo baxday Real 4-3, maadaama ay Bayer Munich is aragii hore uga soo adkaatay 2-1. Bayer Munich oo ciyaar xiiso badan soo bandhigtay isku dayo badan oo goolal loo filan karayna sameysay ayaa ku guuldareystay in ay guul ka gaarto Real Madrid, oo sidaan oo kale sanadkii hore ku reebtay siddeed dhammaadkan tartankan. Bayern Munich ayaa rajadeeda si wayn sare ugu soo qaaday daqiiqadii 3-aad ee bilowgii ciyaarta, kadib markii uu difaaca midig ee Kimmich uu si la mid ah is aragii hore kooxdiisa goolka furitaanka u dhaliyay. Balse Benzema ayaa kooxdiisa Real Madrid u keenay laba gool qadiiqadihii 11-aad iyo 46-aad, oo mid u muuqday in uu ahaa hadiyad ay bixisay Bayer, markii khalad uu sameeyay goolhaye Ulreich. Real Madrid ayaa waxaa walwal ku abuuray laacibkoodii hore ee James Rodriguez, markii uu goolka barbarha u dhaliyay kooxdiisa Bayer Munich daqiiqadii 63-aad, markaas oo ciyaartu noqotay 2-2 oo hadii gool kale laga dhalin lahaa Real Madrid ay sidaas ku hari lahayd. Balse nasiibka tababare Zidane iyo dadaal ay sameeyeen difaacyada iyo goolhaye Navas ayaa sababtay in ay ciyaartu ugu danbeyn ku dhamaato barbaro 2-2 ah, oo ay Real Madrid ugu soo baxdo ugu danbaynta (final) tartanka horyaalada kooxaha Yururb ee Champions League-ga sanadkii saddexaad oo xiriir ah. Real Madrid ayaa ugu danbaynta (final) tartankan 26-ka bishan May dalka Ukraine kula ciyaari doonta Liverpool iyo Roma midkood tii caawa soo baxda. PUNTLAND POST The post Real Madrid oo sanadkii saddexaad oo xiriir ah u soo baxday ugu danbaynta koobka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
  14. Magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium-ka ayaa maanta waxaa ka furmaya shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya. Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa shir gudoomin doono Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ra’isilwasaare Kheyre ayaa xalay xili dambe gaaray Magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium. Shirkaan oo ah mid muhiim ah ayaa looga hadli doono Arimaha wadanka Soomaaliya waxaana ka soo qeeybgali doono xubnaha beesha caalamka. Shirkaan ayaa gaba gabadiisa laga soo saari doonaa war muriyeed ku saabsan waxa looga hadlay shirka. Arimaha ugu xasaasisan ee shirkaasi looga hadlayo waxaa kamid ah ka bixitaanka Ciidamada AMISOM iyo sidii ciidamada Soomaaliya dalka oo dhan amnigiisa u la wareegi lahaayeen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kheyre oo shir gudoomin doono shir ka dhacaya Brussels appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay meel xun sii gaareyso dhibaatada ka taagan Magaalada Beled Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay Hey’adda Hormuud Foundation ku dhawaaqday inay 100,000 oo Dollar (Boqol kun oo Dollar) ugu deeqday Dadka ay daadadka saameeyeen. Hey’adda Hormuud Foundation ayaa sheegtay inay lacagtaan gaarsiin doonto dadka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne, waxayna lacagtaan hordhac u tahay gargaar Bini’aadanimo oo ay hey’adda ku garab istaageyso dadka ay sida weyn u sameysay daadadka uu sameeyey Wabiga. War Saxaafadeed kasoo baxay Hey’adda Hormuud Foundation ayaa lagu yiri ” Ugu horreyn waan u duceyneynaa dadka ay daadadka saameeyeen ee ku sugan Magaalada Beled-Weyne, waxaan ugu baaqeynaa Dadkaan ay dhibaatadu gaartay inay ku sabraan isla markaasna ay muujiyaan dulqaad” ” Waxaan kharashkaan oo hordhac ah ugu talo galaynay in aan ku caawinno bulshadaas ku dhaqan Baladweyne, maadaama ay halkaas ka jirto musiibo u baahan in laga shaqeeyo sidii looga saari lahaa dadkaas” ” Waxaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay iscaawiyaan, si gaar ahna loo garab istaagi dadka hadda ay saameysay daadadka kuwaas oo ay heysato hooy la’aan, Raashin la’aan iyo duruufo Bini’aadanimo”. Hey’adda Hormuud Foundation ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo lacagtaas ugu qeybiso Magaalada Beledweyne dadka saameynta xooggan ku yeelatay daadadka kusoo fatahay Magaalada oo sababay inay isaga qaxaan ilaa 100 Kun oo Qoys halka ku dhawaad 30 kun oo guri ay baaba’een sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Deeqda lacageed ay Hey’adda Hormuud Foundation ugu deeqday dadka ay daadadka saameeyen ayaa kusoo aadeyso iyadoo safar uu Madaxweynuhu Maalin ka hor ku tegey Beledwdeyne ku tilmaamay Musiibo qaran isla markaasna uu ku baaqay in gargaarka deg deg ah lala soo gaaro. Hey’adda Hormuud Foundation ayaa looga bartay inay mar kasta Shacabka Soomaaliyeed la qeybsato dhibaatooyinka soo wajaho iyadoo ka qaadato kaalin muhiim ah waxayna weli shacabka Soomaaliyeed xasuustaan sidii weyneyd oo ay uga qeyb qaadatay musiibadii ka dhacday Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdsiho 14 october Sanadkii 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Kooxda Cad cadka Spain ee Real Madrid ayaa xalay iska xaadirisay Finaalka Champion-ka kadib markii ay 4-3 ugu awood sheegatay kooxda Jarmalka ka dhisan ee Bayern Munich. Madrid ayaa hadda taagan Finalka Koobkaan iyada oo sugeeyso kooxda soo baxdo Roma ama Liverpool. Kooxda uu leeyliyo Zidaani ayaa sanadkii 3-aad oo xiriir ah u soo baxeeyso Finalka Koobkaan iyada oo ku guuleeystay Labadii sano ee la soo dhaafay. Real ayaa 12-sano ku guuleeystay Koobkaan iyada oo hadda rajeeyneeyso in ay kii 13-aad hadda ku guuleeysato. Ciyaartooyda Madrid ayaa si baalaran xalay ugu dabaaldagay Garoonka . Real Madrid players celebrate at the end of the UEFA Champions League semi-final second leg football match between Real Madrid and Bayern Munich at the Santiago Bernabeu Stadium in Madrid on May 1, 2018. / AFP PHOTO / JAVIER SORIANO PARTIDO VUELTA SEMIFINALES COPA DE EUROPA REAL MADRID-BAYERN DE MUNICH CELEBRACION DE LOS JUGADORES DEL REAL MADRID TRAS CLASIFICARSE PARA LA FINAL DE LA CHAMPIONS PARTIDO VUELTA SEMIFINALES COPA DE EUROPA REAL MADRID-BAYERN DE MUNICH CELEBRACION DE LOS JUGADORES DEL REAL MADRID TRAS CLASIFICARSE PARA LA FINAL DE LA CHAMPIONS Partido de Champions League entre Real Madrid y Bayern de Munich. Vueta de las semifinales de Champions League. Partido de Champions League entre Real Madrid y Bayern de Munich. Vueta de las semifinales de Champions League. Partido de Champions League entre Real Madrid y Bayern de Munich. Vueta de las semifinales de Champions League. Real Madrid’s players celebrate at the end of the UEFA Champions League semi-final second leg football match between Real Madrid and Bayern Munich at the Santiago Bernabeu Stadium in Madrid on May 1, 2018. / AFP PHOTO / OSCAR DEL POZO Real Madrid players celebrate at the end of the UEFA Champions League semi-final second leg football match between Real Madrid and Bayern Munich at the Santiago Bernabeu Stadium in Madrid on May 1, 2018. / AFP PHOTO / JAVIER SORIANO Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Real Madrid oo Markii Sadaxaad oo xiriir ah Finalka iska Xaadirisay appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu wado qorsho xil cusub loogu magacaabayo Xildhibaan C/casiis Xasan Lafta Gareen. Xildhibaan Lafta Gareen oo garab u ahaa Xukuumada Somalia, ayaa ku guuldareystay doorashadii 30-ka Bishii April ka dhacday xarunta BFS ee magaalad Muqdisho. Qorshaha Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la xaqiijiyay inuu yahay in Xildhibaan C/casiis Xasan Lafta Gareen loo magacaabo Wasiirka Gaashandhiga Somalia. Lafta Gareen oo kamid ahaa Musharaxiinta ay wadatay Xukuumada ayaa markiisii hore lala galay heshiiskaasi, waxaana iminka lagu wadaa inuu bedeli doono Guddoomiye Maxamed Mursal oo isagu baneeyay xilkaas. Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada ayaa inoo xaqiijiyay in magacaabida Lafta Gareen ay dhici doonto wixii ka danbeeya xil wareejinta Guddoomiyaha baarlamaanka. Sidoo kale, mas’uuliyiinta aan xogtaani kasoo xiganay ayaa sheegaya in dhammaan Wasaaradaha banaan la buuxin doono maalmaha fooda nagu soo heysa, iyadoo ay calaameysan yihiin shaqsiyaadka loo magacaabi doono xilalkaasi. Xukuumada Somalia ayaa wada qorsho dhinacyada mucaaradka iyo kuwa taageersan dowladaha shisheeye looga sifeynaayo xarumaha dowlada, waxa ayna tani qeyb ka tahay talaabada lagu magacaabi doono Lafta Gareen. Ma cadda sida uu arrinku noqon doono, waxaana jira mas’uuliyiin badan oo horay loogu ballanqaaday xilalka banaan, halka qaar kalane loo wado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. A daring suggestion on Tuesday by trade unionist Francis Atwoli to extend President Uhuru Kenyatta’s role after the end of his fixed 10-year term “because he is young” was met with indignation by a section of Kenyans, who termed it “warped” and the brainchild of “hardliners” within and around State House. Mr Atwoli said that letting President Kenyatta, who will be 60 when he retires in 2022, go without any well-defined role in his retirement will be an exercise in futility as “his base will not accept it”. And, arguing that lack of enough senior positions within the Executive has been the driver of Kenya’s high-octane, often violent politics, the Central Organisation of Trade Unions (Cotu) Secretary-General called for an amendment of the Constitution to bring in an expanded structure. CONSTITUTION “We need to amend the Constitution,” Mr Atwoli told workers during Labour Day celebrations at Uhuru Park in Nairobi. “Let us use the Bomas Draft, because the problem we have now is exclusion. Not everyone can be president, (and so) the Constitution should be amended to accommodate more people.” As he embarked on a short philosophical argument on why this is the right time to start a national conversation on the post-Uhuru years — he said the unveiling of a 14-member team to spearhead the implementation of the March 9 handshake deal between President Kenyatta and opposition leader Raila Odinga was the bulwark needed to cushion the two after 2022 — Mr Atwoli did little to prepare his audience for the bombshell brewing within his chest. “If we do not amend the Constitution, where do you think Uhuru will go, and he is a young man?” he asked. “We must amend it and fix him somewhere, or he’ll start disturbing those who’ll take over.” DISMISSED The suggestion was immediately dismissed by Senate Majority Leader Kipchumba Murkomen and Tharaka-Nithi Governor Muthomi Njuki, who termed it “an insult to workers” as it had been made on the day the nation paused to celebrate and reward the labouring masses. “I urge Uhuru to look at respected leaders like (former US President Barack) Obama, who retired at 54,” Governor Njuki told the Nation on the phone. “If he does not want to destroy what has been a hard-fought legacy, he should not allow people to impose him on Kenyans after 2022.” The governor argued that while the President might not even be interested in the proposed roles or a continued stay after 2022, “some hardliners around him” were selling him the idea because they want to “hold onto power at the expense of democracy”. OPPOSE “I will oppose this kind of change because it is oppressive and selfish,” he promised. Mr Murkomen, a close ally of Deputy President William Ruto and the Elgeyo-Marakwet senator, described the suggestion to accommodate President Kenyatta as warped thinking and an attempt to “create jobs for those who are already in authority”. Mr Odinga, who was at Uhuru Park when Mr Atwoli made the suggestion, and whose party has backed calls for the reintroduction of a Prime Minister’s position, avoided the constitutional change debate in his speech. Mr Musalia Mudavadi, who was also at the venue, and who this weekend called for an expanded executive, also refused to comment on the matter. DIFFERENT TACTICS This, however, is not the first time politicians and national leaders have proposed carving a role for President Kenyatta from the executive when his second term ends. It has taken different forms and employed different tactics, including hushed conversations on whether to amend the Constitution to allow Mr Kenyatta to come back as Prime Minister or some other powerful title. Initially, the suggestion was to keep President Kenyatta in politics but only as Jubilee Party leader, but this has since mutated into political office with perks. “People want Uhuru to go home at 60 yet Raila is trying to be president at 75. Where do you want Uhuru to go?” Jubilee Party vice-chairman David Murathe, who was not available for comment yesterday, told the Sunday Nation in March, but insisted that his was a personal and not party position. Still, this was a loaded statement, especially because it came barely a week after Tiaty MP Kassait Kamket proposed a one-term, seven-year ceremonial president and a powerful executive Prime Minister who would hire and fire the Cabinet. BOMAS DRAFT Now Mr Atwoli is reviving that debate by proposing a re-examination of the Bomas draft constitution of 2005, which proposed the positions of President, Deputy President, Prime Minister and ministers at the top. The Prime Minister, who had to be the leader of the largest political party or coalition in the National Assembly, would be appointed by the President from among MPs with the approval of Parliament. The Premier was proposed to be the head of Cabinet with two deputy premiers, a maximum of 20 and a minimum of 15 ministers, and an equal number of deputy ministers. The ministers, the document proposed, were to be appointed by the President upon being nominated by the PM from among members of the National Assembly. Source: Daily Nation
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Xabsi guri la dhigay Xildhibaano iyo Odayaal dhaqmeen dhowr ah. Xildhibaanada iyo Odayaasha ayaa la xaqiijiyay inuu Xabsi guri ka dhigay Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, kadib markii ay qaaden talaabooyin khaldan. Odayaasha xabsi guriga la dhigay ayaa tirro ahaan la sheegay inay gaarayaan ilaa 25 Oday dhaqmeed oo ka mida waxgaradka Dhuusamareeb iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka oo dhowr ah. Xildhibaan Cabdi Galad, ayaa kamid ah Xildhibaanada xiran ee ka tirsan Baarlamaanka Galmudug waxaana loo xiray dadaalo uu ugu jiray in odayaasha la soo daayo. Sidoo kale, Madaxa Xukuumada Galmudug ayaa dhinacyadaasi ku eedeeyay inay hurinayeen colaado dhawaanahaani ka taagnaa Nawaaxiga Dhuusamareeb. Dhinaca kale, Sheekh Shaakir ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan ka aamusi doonin talaabooyinka khaldan oo ay qaadayaan shaqsiyaadka aan la adeejin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. A daring suggestion on Tuesday by trade unionist Francis Atwoli to extend President Uhuru Kenyatta’s role after the end of his fixed 10-year term “because he is young” was met with indignation by a section of Kenyans, who termed it “warped” and the brainchild of “hardliners” within and around State House. Source: Hiiraan Online
  21. With their manicured nails, immaculate make-up and matching handbags and stilettos, you would be forgiven for mistaking the five women seated in the cafe of the upscale Nairobi hotel for a group of senior female executives. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah Khudbad ka jeediyo shirweyne ka furmaaya Magalaada Brussels ee dalka Belgium-ka. Shirka uu maanta Khudbada ka jeedinaayo R’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa marti ku ah Dowladaha saaxiibada la ah Somalia, gaar ahaan kuwa dhaqaalaha ku yabooha Somalia. Shirkan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana diirada lagu saari doonaan arrimaha Somalia, gaar ahaan xiliga kala guurka. Qodobada shirka laga saarayo diirada ayaa waxaa kamid ah qorshaha ciidamada Somalia ay kula wareegi lahaayen amniga dalka iyo bixitaanka Ciidamada AMISOM. Shirka ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub, waxa uuna gogol xaar u yahay shir kale oo dhacaya bartamaha sanadkan. Cali Saciid Faqi, oo ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub ayaa sheegay in shirkan uu ahmiyad gaara u leeyahay dowlada Somalia iyo shacabkeeda. Sidoo kale, Cali Saciid Faqi, ayaa sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo inay ka faa’ideysato fursadaha horyaal maadaama qodobada laga hadlaayo ay noqon doonaan kuwo diiwaanka galaaya. Dhinaca kale, shirka kadib Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wafdiga la socda ayaa kulamo khaas khaas ah la qaadan doona Madaxda ka qeybgalaaya shirka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Waxaan soo xasuustay dhacdo i soo martay sannadki 1982 markaasoo nin profesoor ahaa oo talyani u dhashay yimid Xamar asagoo wada baaritaan arrimaha Somaliya. Wuxuu raadiyay turjubaan la shaqeeya, markaasa la ii keenay si aan ula shaqeeyo, waase ka cudur daartay waayoo waxaan ahaa shaqaale dowlada u shaqeeya oon fursad u heli karin howlaha iyo waqtiga ow u baahan yahay. Wuxuu i weydiiyay su’aal aanan weligey illaabin oo ahayd ” aaway dadki Muqdisho joogi jiray sanadihii lixdameeyada”.. markaasuu socdaal ku yimid lana kulmauy, sida uu sheegay, dad aad iyo aad uga duwan dadki markaas ku noolaa Muqdisho. Dhacdadaas waxaa i soo xasuusiyay heerka ay maanta mareyso arrinta Somaliya. Waxaa dalki taladiisa qabtay dad ka arradan shucuurti wadaninnimo oo diyaar u ah inay dalka oo dhan ku wareejiyaan ciddi xoogaa lacaga siisa. Waxay cudur daar ka dhigteen gobolkeyga ayaan u daneynayaa…waa been gobol iyo guri midna dan kama laha waxayna diyaar u yihiin inay xataa qoyskooda ku wareejiyaan ciddi xoogaa siisa. Waxaa soo baxay dad dareenki ka dhintay oo aan lahayn wax muqaddas u ah. Kuwa lagu magacaabaya Madaxda gobollada waa dad aad rakhiis u ah oo wax ka xaaraan ah aysan jirin…taasina waxaa ka xanuun badan inya ummaddi dalkaan lahayd qaarkood ay u xagliyaan ama la saftaan dowladu u tafa-xeytay inay dalkaan dumiyaan, kuna taageeraya xoogaa dhaqaale ah ay ka helaan in dalkooda baab’ana aysan waxba la ahayn. Ma la arki doonaa shacab weyne ka soo horjeesta Cabdiweli Gaas, Axmad Madoobe, Shariif Xasan, ina Cabdirashiid iyo ina Cabdishakuur iyo kuwa la midka ah ee ku jira barlamaanka iyo dowladda, tusiyana in dalkaani uu leeyahay dad u damqada una diyaara inay u dhintaan si looga badbaado burburka nagu soo fool leh oo ay maleegeyso dowladda Imaaraatka iyo inta ay ku adeegato oon dalkaan wax dan ah ka lahayn. Inta ay talada ka go’do maanta waa qurbajoog dibadaha ka yimid, kuwa aan weli tegina loo ballanqaaday in la geynayo meeshi ay rabaan si ay burburka baaxadda weyn ee soo bidhaamaaya uga badbaadaan iyaga iyo qoysaskooda…waa haddii ay qoys dan ka leeyihiin!!! Dhinaca kale, Imaaraatka eedda ma wada laha oo waxaa la wadaaga dadka dowladda ugu sarreeya oo iygaba sida kuwa aan soo sheegnay afkoodu furan yahay sida shimbiraha oo wada raba in afka wax loogu rido loona buuxiyowaana loogu riday mana jiro midkood ka hadli kara ama ka jawaabi kara hadallada gurracan ee ka soo baxaya Cabdiweli Gaas..Si faahfaahin dheeraadka looga bixiyo muxuu M/weyne Farmaajo u saxiixi waayay go’aanki Barlamaanka ee DP World..muxuuse Xasan Kheyre jawaab uga bixi waayay hadalaki Gaas. Mase waa la wada shibiyay? Waxaa maqaalkaan ku lifaaqan qoraalo hore oo cinwaankoodu ahaa: SOMALIYA DAL AAN DAD LAHAYN 1&2. Axmad Calasow
  24. Inkasta oo aan taageersanahay in dalku uu mar walba yeesho mucaarad indhaha shacabka tusa god daloolooyinka dawladnimo ee ay arkaan, hadana waxaa mudan in qaybaha hogaanka u ah mucaaradku ay shacbiga la qaybsadaan fikrado la aqbalikaro. Doorashadii gudoomiyaha cusub ee golaha Shacabka waqti yar uun ka hor waxa baraha bulshada lagula xidhiidho ee madaxda mucaaradka lagu soo qoray, in baarlamaanka Soomaaliya ay u hiiliyaan cadaaladda, dalkana laga bad baadiyo in uu gacanta u galo shaqsiyaad gaar ah, kuwaas oo maroorsada awooda dalka. Waxayna arinkaas ku fasireen in hadii la doorto cidda ay wadato dawladdu ay meesha ka baxayaan awoodihii isu dheelitirnaa( checks and balance system), iyagoo ku booriyey baarlamaanka in la dhawro kala qaybsanaanta awoodahaas( Separation of powers). Hadaba su’aasha is weydinta mudan ayaa ah, isu dheelitirka awoodaha dawladnimo ama kala saarista awoodahaasi ma in ay dalka hogaaminayaan siyaasiyiin aan isku jiho u soconbaa? Mise macnaha dhabta ihi waxa weeye in marka la joogo dhanka Dastuurka ay qolo waliba leedahay awoodo aanay ku soo xad gudbikarin qolada kale? Waa kan Montesquieu oo ku qeexaya buugiisa Separation of powers, wuxuu leeyahay sidatan; Kala saarista awoodaha, waxaa loola jeedaa kala qaybinta mas’uuliyadaha ee laamaha kala duwan si loo yareeyo in laan kamida ay ku takrifasho awoodaha ama shaqooyinka muhiimka ah ee takale. “Separation of powers, therefore, refers to the division of responsibilities into distinct branches to limit any one branch from exercising the core functions of another. Sidaa awgeed, doorashada gudoomiye ku mabda’ dhaw xukuumadda talada haysa, macanaheeda maahan in lakala dhantaalay awoodihii isu dhignaa, dalkana loo gacan geliyey koox aan wax mucaarad ahi ka soo dhex fujaameyn. W/Q: Rufaaci Xaaji Khaliif Contact: rufaaci14@gmail.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ay baahiyeen Wargeysyada dalka Iran ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Iran ay ka dharagsan tahay qorshahay uu Mareykanku doonaayo inuu isaga horgeyo Sacuudiga iyo Iran. Ayatollah Ali Khamenei, oo ah Hoggaamiyaha Ruuxiga ee dalka Iran oo ay xiganayaan wargeysyada ayaa sheegay in Maraykanka uu wado duulan kadhan ah Iran. Waxa uu tilmaamay Khamenei in qorshaha cad ee Mareykanka uu yahay in Iran uu u adeegsado xulafada uu gobalka ku leeyahay, waxa uuna si toosa u carabaabay Sacuudiga. Waxa uu yiri Khamenei “Maraykanka wuxuu wadaa inuu mar kale xiisad ka abuuro Bariga Dhexe, isagoo adeegsanaya hogaamiyayaasha aan khibrada lahayn” Khamenei, waxa uu intaa raaciyay ‘’Iran awood ahaan Mareykanka iyo Sacuudiga wey isaga filantahay, cidna ugama xishoon doono difaaceena’’ Waxa uu intaa ku daray ‘’Hadii ay hogaamiyayaashaasi ay khibradooda kororsan lahaayeen iskuma dayeen inay faraha lasoo galaan ama dagaal kusoo qaadaan Iran, sababtoo ah way ogaan lahaayeen in Iran ay ka guuleysan doonto’’ Waxa uu Khamenei tilmaamay in Iran aysan joojin doonin taageerada ay u fidiyaan xulafadooda ku sugan dalalka Carabta, waxa uuna carab ***** joojinta kaalmooyinka Iran oo burburta. ‘’Waxaan leeyahay adeegsada Sacuudiga ama dalal kale marnaba joojin meyno kordhinta awooda Hubkeena iyo kaalmeynta dalalka carabta’’ Sidoo kale, Khamenei ayaa sheegay in haddalka Maraykanka uu sii xoojinaayo xiisada kala dhexeysa, waxa uuna ka digay in dowladaha carabta ay ku kadsoomaan dabinada uu maleegayo Mareykanka. Dhinaca kale, goodinta Khamenei iyo Mareykanka ayaa imaaneysa xili 12ka bishan May la filayo in Maraykanka uu shaaciyey go’aankooda ku aadan heshiiskii Barnaamijka nukliyeerka oo uu Donald Trump sheegay inuu isaga bixi doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com