Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,638
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Iran’s foreign minister departed on a whirlwind diplomatic tour early Sunday as world leaders scramble to salvage something from the wreckage of a landmark nuclear deal in the wake of Washington’s withdrawal. Mohammad Javad Zarif’s tour began two days after unprecedented Israeli strikes in Syria which a monitor said killed at least 11 Iranian fighters, triggering fears of a broader conflict between the two arch-enemies. State news agency IRNA confirmed Zarif departed in the early hours of Sunday morning. He will visit Beijing followed by Moscow and Brussels, a spokesman said, holding meetings with all of the remaining parties to the 2015 agreement. US President Donald Trump’s decision to abandon the nuclear deal has infuriated Washington’s allies in Europe as well as China and Russia. “China is highly concerned with the direction of the Iranian nuclear issue and is willing to maintain communication with all relevant parties, including Iran,” Geng Shuang, spokesman for China’s ministry of Foreign Affairs, said ahead of Zarif’s arrival. TRADE TIES Before leaving, Zarif published a government statement on his Twitter page, slamming the “extremist administration” of US President Donald Trump for abandoning “an accord recognised as a victory of diplomacy by the international community”. It reiterated that Iran was preparing to resume “industrial-scale” uranium enrichment “without any restrictions” unless Europe provided solid guarantees that it could maintain trade ties despite renewed US sanctions. Trump hit back Saturday evening, tweeted that the accord had failed to contain Iran’s militarism. “Iran’s Military Budget is up more than 40 per cent since the Obama negotiated Nuclear Deal was reached… just another indicator that it was all a big lie,” he wrote. Zarif’s delicate diplomatic mission was complicated by reports of clashes between Iranian and Israeli forces in Syria on Thursday. The Syrian Observatory of Human Rights said Saturday that 11 Iranians were among the pro-regime fighters killed in strikes by Israel, which has vowed to prevent Iran gaining a military foothold in neighbouring Syria. ISRAEL STRIKES Tehran, which has sought to avoid an escalation in regional conflict that could alienate its European partners, has not commented on whether its forces were hit. Israel and its allies have blamed the Iranian Revolutionary Guards for initiating Thursday’s exchange by launching missiles into the occupied Golan Heights. The White House backed Israel’s claims, accusing Iran of “reckless actions” that posed a “severe threat” to stability in the Middle East. Iran denies that version of events, saying the Israeli strikes were launched on “invented pretexts”. Meanwhile, European diplomats in Tehran fumed that Trump’s decision to withdraw from the nuclear deal could undermine years of patient work to restore commercial and diplomatic ties with the Islamic Republic. “Since the signing of the JCPOA (nuclear deal), we have gone from an atmosphere like a gold rush, to one of utter depression,” a Western trade diplomat on condition of anonymity said. “We are waiting now for how the decision-makers in the European Union will react. “If the EU leans towards accommodating the US, all the progress we have made since 2015 will be lost.” SANCTIONS On Saturday evening French President Emmanuel Macron phoned Trump to “take stock of trade issues and discuss the situation in the Near and Middle East”, the Elysee said in a statement. France and other western allies have been critical of Washington’s plan to re-impose sanctions on any companies doing business with Iran. Iranian hardliners — who have long opposed President Hassan Rouhani’s moves to improve ties with the West — are already mobilising against the efforts to save the nuclear deal. “Officials shouldn’t trust France and Britain. They will never abandon the US for us,” housewife Poormoslem said at a protest rally against Trump on Friday. A photo on the official Instagram site of supreme leader Ayatollah Ali Khamenei showed him reading a Farsi translation of Michael Wolff’s scabrous account of the Trump White House, “The Fire and the Fury”, quickly picking up more than 100,000 likes. ECONOMY Khamenei said this week he is highly doubtful that Europe will provide the “real guarantees” needed for Iran to stay in the nuclear deal. But analysts said Iran was determined to maintain the moral high ground in the coming weeks. “For the first time, Iran has the chance to show the world they are not the rogue nation they are always presented as, that they negotiated in good faith and keep to their commitments,” Karim Emile Bitar of the Institute for International and Strategic Studies in Paris said. The challenge for Rouhani is to maintain his diplomatic efforts in the face of mounting challenges at home, where Iranians were already suffering high unemployment and inflation before Trump’s decision. Many say sanctions allow the government to blame outsiders for its own bad decisions. The Western trade diplomat gave the example of Iran’s recent restrictions on transferring funds to the EU — an effort to control the rapid slide of the rial — that caused huge problems for importers. “It’s really annoying that the Iranian government is never blamed for the really bad decisions they have taken lately concerning business, and only the sanctions are blamed,” she said. Source: – AFP
  2. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo is to make his second visit to Qatar today after receiving an official invitation. Sources privy to invitation said the President and his delegation will be leaving for Doha to meet leaders of Gulf nation. “The President will be travelling to Qatar on Sunday following an official invitation from Doha authorities,” a source in Villa Somalia to told Hiiraan Online. Qatar owned newspaper, Gulf Times said President Farmajo will hold a meeting with Qatar’s Emir Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani over a number of issue of common concern of concern. Among the issues, are the leaders will are bilateral relations and prospects for their development. This is President Farmajo’s second state visit to Qatar following another one in May last year.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saaka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koofur Galbeed laga dareemayaa qabanqaabo loogu jiro soo dhaweynta Madaxda maamul goboleedyadda dalka. Garoonka magaalada Beydhabo ayaa waxaa ku qulqulaaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ethiopia ee Baydhabo iyo qeybo kale oo soo dhaweynaaya Madaxda maamul Goboleedyada. Qaar kamid ah Hogaamiyayaasha maamulada ayaa saaka ku wajahan magaalada Beydhabo, oo ay hadda ka socdaan diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta. Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu waddaa inuu ka furmo Shirka Madaxda maamul goboleeyadda oo uu marti galiyay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Shirkaan oo ahmiyad gaara u leh maamulada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Khilaaf Siyaasadeedka Dowlada Federaalka kala dhexeysa Maamul Goboleedyada, Khilaafka Imaaraadka iyo Dowlada, waxaana sidoo kale lagu qeexi doonaa go’aanka maamulada kaga aadan Khilaafkaasi. Shirkaan ka furmaaya magaalada Beydhabo waxa uu noqon doonaa shirkii 2aad oo magaaladaasi ay ku yeeshaan Hogaamiyayaasha maamul goboleedyadda oo ku mideysan dalladda Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda. Sidoo kale, Shirkaan ayaa waxaa marka uu dhamaado laga soo saari doonaa War-murtiyadeed lagu bayaaninaayo qodobada ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha, waxaana kamid ahaan doona Mowqifka Hogaamiyayaasha ee arrimaha Khilaafka. Ma cadda in Hogaamiyayaasha maamulada ay si wada jira uga qeybgali doonaan shirka iyo inuu ka baaqan doono Hogaamiyaha HirShabelle oo deegaankiisa ay ka jiraan dhibaatooyin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay xoojineyso xiriir Siyaasadeedka iyo midka amaan ee kala dhexeeya Dowlada Somalia. Turkiga ayaa sheegtay in weeraradii shalay lagu qaaday Saldhigooda ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ay ka baran doonaan casharo, isla markaana ay sii dhiiri galineyso howlaha ay u hayaan Qaranka Somalia. Waxa uu Turkigu sheegay inaanu weerar kaga imaada al-Shabaab aysan u joojin doonin isgarabtaaga Qaranka Somalia, isla markaana ay dagaal toosa la gali doonaan Shabaab, waa haddii uu arrinku sidaa kusii socdo. Dowlada Somalia ayey sheegtay Turkiga inay ka garab istaagi doonto sida lagu soo afmeeri lahaa haraadiga al-Shabaabka ee ku sugan daafaha magaalada Muqdisho, iyadoo loo adeegsanaayo awoodo lamid ah tan ay adeegsanayaan. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidanka Turkiga ee jooga Somalia ay dagaal ku soo qaadeen Somalia islamarkaana ay la dagaalamayaan, si lamida ciidamada Ugandha. C/Casiis Abuu Muscab, Afhayeenka dhinaca howlgallada al-Shabaab ayaa sheegay in Askarta Turkiga ka jooga Somalia aysan al-Shabaab uga duwaneyn kuwa Uganda,Ethiopia iyo Kenya ee ku jira howlgalka AMISOM. Waxaa uu sheegay in Dowladda Turkiga ay xubin ka tahay Isbaheysiga NATO ee uu Mareykanka hoggaamiyo islamarkaana ay duullaan ku soo qaadday Soomaaliya. Abuu Muscad ayaa sheegay in ay Ciidamada Turkiga ula dagaallamayaan sida ay ula dagaallamaan kuwa AMISOM ka socda ee jooga Dalka. Haddalkaan ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyada al-Shabaab ay Saldhiga Turkiga ee duleedka Muqdisho ku qaaday weerarkii ugu horeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Iran's foreign minister departed on a whirlwind diplomatic tour early Sunday as world leaders scramble to salvage something from the wreckage of a landmark nuclear deal in the wake of Washington's withdrawal. Source: Hiiraan Online
  6. Wararka ka imanaya magaalada Qabri-dahare ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in haweenay dhallinyaro ah meykeeda laga heley meel saldhig ciidan ah oo sida la sheegay lagu xiray mar sii horeysay. Maxamed Xiis Kallane oo gabadha adeerkeed ah, kuna sugan magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa BBC-da u xaqiijiyay geerida gabadha, wuxuuna sheegay in gabadha ay qabteen ciidanka maamulka, saacado markii ay hayeena ay reerka ku wargaliyeen in ay is dishay. Maxamed Xiis waxa uu intaas ku daray in xalay gabadha meydkeeda la geeyay isbitaalka ciidammada federaalka, kadibna lasoo xaqiijiyay in la dilay. Gabadhan oo lagu magacaabo Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Salal, waxa ay jirtay 20 sano, wali ma aysan guursanin, waxayna u shaqaynaysay dowladda hoose ee magaalada Qabri-dahare, gaar ahaan xaafadda shanaad. Lama oga sababta loo xirey markii horeba, iyo waxa sababay dhimashadeeda. Waxaase la sheegay in arrintan ay ka dhacday xero ay ciidamada ku leeyihiin magaalada. “Qoladan meesha joogta, kuwa wax maqlaya ma ahan, baaqna looma diri karo, dhibaatadan alle ha naga dulqaado, tii ugu horeysay ma ahan, tii ugu dambeysayna ma ahan, dilkana hala joojiyo, waa ceeb kusoo korortay Soomaalida” ayuu yiri Maxamed Xiis Kallane oo ku hadlay magaca qoyska gabadha ay ka baxday. Maamulka dowlad deegaanka ayaanan weli wax war ah kasoo saarin dhacdada Taysiir. Baraha bulshada ayaa aad loogu faafinayaa qoraalo iyo haddalo looga soo horjeeda falka dhacay, waxaana arrintan ka dhashay dareen carol eh. Nin xaaskiisa ku dilay Kismaayo Dacatiyada ka dhanka ah dumarka waa mid isa soo taraya maalmahan, bishii hore nin ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa xaaskiisa toogasho ku dilay magaalada Kismaayo. Askarigan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Asad ayaa waxaa wali dacwadiisa gacanta ku haya laamaha ammaanka iyo kuwa garsoorka Jubbaland, welina go’aan kama dambeys ah lagama gaarin dilka Muxibo Maxamed Guurre. Alshabaab oo haweenay dillay Kooxda Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah oo ku taalla degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose dhagax ku dilay gabadh ay sheegeen inay hal mar wada guursatay 11 nin. Shabaab waxay sheegeen in ay toddobo carruur ah dhashay oo ay 30 jir ahayd. Dad maxkakamada Alshabaab dhaliila ayaa su’aal galinaya hufnaanta hannaanka cadaaladooda iyaga oo farta ku fiiqay in aan inta badan war lagahaynin meesha dadka lagu xukumo oo lagu baraarugo marka xukunka la fulinayo oo kali ah. Naciimo Qorane Dhawaan maamulka Somaliland ayaa xasbiga ka siidaayay abwaanad Naciimo Qorane kadib markii lagu eedeeyay in ay ku kacday ficilo ka dhan ah Somaliland. Afhayeenka madaxtooyada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa sheegay in abwaanad Namiica Axmed Qorane oo hore maxkamadda gobolka Hargeysa ugu xukuntay saddex sano oo xarig ah laga sii daayay xabsiga Gebilley, kaddib markii uu cafis u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii Jannaayo ayaa yimid kaddib markii ay ka soo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx. ISHA BBC
  7. China on Sunday condemned fighting in Myanmar between Myanmar government troops and ethnic militants near the Chinese border , which had caused people to flee into Chinese territory. Source: Hiiraan Online
  8. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo is to make his second visit to Qatar today after receiving an official invitation. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa inuu usocdaalo Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa socdaalka ku wehlin doona tirro Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dalka. Madaxweynaha oo casuumaad ka helay dhigiisa dalka Qadar ayaa waxa uu magaalada Dooxa kula kulmi doonaa Madaxda ugu sareysa dalkaasi waxa uuna halkaa kusoo gali doonaa Heshiisyo uu lasoo saxiixan doono dhigiisa. Wasiirada wehlin doona ayaa sidoo kale soo gali doona Heshiisyo ay kamid yihiin ganacsiga, horumarinta iyo amniga. Sidoo kale, Warbaahinta dowladda Qadar ayaa hadal heysa Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagi doona Magaalada Dooxa. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waa Safarkii Labaad ee uu madaxweyne Farmaajo ku taggo qadar tan iyo Markii la doortay. Dhinaca kale, Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xumanayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafi uu hogaaminayo ayaa ku sii Jeeda Dalka Qadar. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa isugu jiro Wasiiro Xildhibaano iyo la taliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Arimaha Dibada iyo Siyaasada. Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qadar kula kulmi doono Amiirka Dalka Qadar Amiir Sheikh Bin Hamad Al-Thani. Labada Masuul ayaa ka wada hadli doono arimaha la xariira Taageerida Dowlada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo siyaasada. Qadar ayaa la wareegi doonto taageerada ciidamada Dowlada Soomaaliya kadib markii uu joojiyay Imaaraadka Taageerada Ciidamada Soomaaliya. Waa Safarkii Labaad ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tago Dalka Qadar waxaana ay arinta u muuqato in ay in Qadar ay xiriir wanaagsan la yeelaneeyso Soomaaliya kadib markii uu qilaaf soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Imaaraadka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku sii Jeeda Qadar appeared first on Puntland Post.
  11. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ay ku soo wajahanyihiin magaaladaasi. Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland , Hir Shabelle iyo Gal-Mudug ayaa Goordhow oo maanta ah tagi doono Magaaladaasi Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Madaxda maamul Goboleedyada ayaa shir uga furmi doonaa magaalada Baydhabo oo ay uga hadlayaan xaaladaha dalka Soomaaliya. Shirkaan oo ah kii labaad oo Madaxda maamul Goboleedyada si gaar ah u yeeshaan ayaa ah mid xasaasi ah. Kulankaasi ayaa ku soo beegmaya xili baryihii ugu dambeeysay ay soo ifbaxeeysay qilaaf u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo ku Wajahan Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  12. Goordhow oo maanta ah waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ka furmaya Shirka Qaran ee dib u eegista dastuurka Dalka Soomaaliya. Shirkaani oo ah mid aad u heersareeya islamarkaasina muddo ay socotay qaban qaabadiisa ayaa waxaa horay u iclaamisay wasaarada Dastuurka Soomaaliya. Shirkaan ayaa socon doono muddo labo maalin ah waxaana ka qeeybgalaya ergo ku dhow 500. Xubno ka socdo Goloyaasha Dowlada, Maamul Goboleedyada,Beesha Caalaamka Qeeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa shirkaani ka qeeybgali doono. Shirka kadib ayaa lagu wadaa in si toos ah looguda galo talo bixin guud oo ku saabsan dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka dalka. Qilaafaad badan ayuu soo maray shirkaasi ka hor inta aanu furmin iyada oo horay ay u qaadaceen shirkaan guddiga daruusta Baarlamaanka inkastoo markii dambe la xaliyay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Shirweynaha Dib u eegista Dastuurka Dalka oo Maanta Muqdisho ka Furmaya appeared first on Puntland Post.
  13. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta ku wajahan Magaalada Hareysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland. Micheal Keating iyo wafdigiisa ayaa Hareysa kula kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Keating iyo Biixi ayaa ka wada hadli doono arimaha la xariira xiisadaha colaadeed ee deegaanka Tuka Raq. Shalay Mr Keating ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland isaga oo la kulmay Madaxweyne Gaas. Gaas iyo Keating ayaa ka wada hadlay xal u raadinta xiisadaha u dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland iyo Deegaanka Tuka Raq. Qaramada Midoobay ayaa ku hoowlan sidii loo joojin lahaa xiisadaha dagaal ee Soomaaliland iyo Puntland. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Micheal Keating oo ku Wajahan Magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dalka India, gaar ahaan magaalada Hyderbad ayaa sheegaya in halkaa uu ku sugan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sheekh Shariif ayaa dalka India kusii nagaan doona maalmaha soo socda, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa uu ku mari doono baaritaano Caafimaad. Illo wareedyo ku sugan magaalada Hyderbad qeybna ka ahaa dadkii soo dhaweeyay, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif uu India u imaaday arrimo la xiriira caafimaadkiisa, isagoo sidoo kale la kulmi doona ardayda wax kabarata India. Illo wareedka ayaa intaa kusii daray in Sheekh Shariif uu dalka India sii joogi doono maalmahaan, waxa uuna mudada ugu badan joogitaankiisa uu noqon doona mid ku mashquula arrimo Caafimaad oo aasaasi u ah Safarkiisa India. Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa ardayda u ballanqaaday inuu siin doono wakhti ku filan oo ay ku kala warqaadi doonaan, waxa uuna ka gaabsaday ujeedkiisa socdaal ee dalka India, markii laga reebo shaqsiyaad gaara oo uu la wadaagay socdaalkiisa. Sheekh Shariif ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda dalka India oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalkaasi, waxa uuna kala hadli doonaa xaalada Somalia, Ardayda iyo arrimo kale oo khaas ah. Dhinaca kale, Madaxda Soomaalida ayaa inta badan arrimo Caafimaad u aada wadamada India iyo Maleesia oo la rumeysan yahay inay ku hor mareen caafimaadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Dowlad Somalia ay dayacday dhageysiga dhinacyada kasoo horjeeda ama kuwa dhaliilsan Siyaasadeeda. Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka laga doonaayo inay furaan dhagahooda, isla markaana dhageystaan wixii dhaliila ee loo jeedinaayo. Waxa uu Cabdiweli Gaas cod dheer ku sheegay in Dowlada Somalia aysan dhageysan tallooyinka iyo dhaliilaha loo jeedinaayo, waxa uuna talaabada ceynkaasi ah ku sheegay mid ka fog Siyaasada. ‘’Wey adag tahay inuu imaado Isfahan marba haddii aanu jirin tallo kala qaadasho iyo dhageysiga haddii ay jiraan dhaliilo loo qabo Dowlada, anigu ma arag Dowlada oo qaadaneysa dhaliisheeda waxaan qabaa in dowladu ay bedesho Siyaasada ay ku dhaqeyso dalka’’ Cabdiweli Gaas, waxa uu tilmaamay in Madaxda dowlada laga doonaayo jilicsanaan iyo wada shaqeyn ay la yeeshaan dhammaan dhinacyada ku mideysan Siyaasada dalka iyo kuwa dhaliisha muujinaaya, waxa uuna meesha ka saaray inuu jiro wada shaqeyn. Cabdiweli Gaas, ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu magaalada Garoowe kula qaadanaayay mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin dhowr ah, waxa uuna arrintaani ku keenay su’aal laga weydiiyay sida uu xiligaan yahay xiriirka dowlada Somalia kala dhexeeya dhinacyada kale ee Siyaasada qeybta ka ah. Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Cabdiweli Gaas, ayaa kusoo beegmaaya xili uu dowlada Somalia khilaaf kala dhexeeyo Maamulada Puntland iyo Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. JOHANNESBURG (AP) — The U.S. military says the head of Special Operations Command Africa has suspended a regional commander and an enlisted adviser over alleged misconduct and sent them back to the United States. Source: Hiiraan Online
  17. Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Puntland ayaa maanta si rasmiya ugu daahfuray magaalada Boosaaso Imtixaanka shahaadiga ee fasalka afaraad dugsiga sarre iyo fasalka 8aad ee dugsiga dhexe ka dib munaasabad lagu qabtey xarunta dugsiga sarre ee Bosaso Public Secondary, waxaana kasoo qeybgalay maamulka Gobolka Bari,Maamulka Degmada Bosaso iyo Bahda Waxbarashada Gobolkaas. Guud ahaan ardeyda u fariisatey imtixaanka ayaa gaareysa 15 kun oo isugu jira wiilal iyo gabdho, Iyadoona si rasmiya maanta Imtixaanku uga bilowday 100 xarumood oo ku kala yaala sagaalka gobol oo ay ka kooban tahay Puntland. Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari Shamis Muuse Koonte ayaa ka warbixisay habsami u socodka waxbarashada waxayna sheegtay in tirada ugu badan ee ardeyda Puntland wax ka barato Gobolka Bari iyadoona ku sheegtay tirada guud ee maanta imtixaanka u fariisatay 1341 oo arday dhigata dugsiga sare, halka dugsi dhexena ay u fariisteen 2543, waxayna noqonaysaa guud ahaan tirada guud ee Gobolka Bari waa 3884. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa Ardayda kula dardaarmay inay Imtixaanka si degan u galaan, islamarkaana ay ku kalsoonaadan Aqoonta ay barteen. Mar uu ka hadlayay muhiimada Imtixaamka shahaadiga wuxuu sheegay inuu kaalin mug leh ka qaato tayada waxbarashada Puntland, islamarkaana uu ku abuuro jawi tartan oo dhexmara ardeyda qalinjabinaysa, tartan dhexmara goobaha waxbarashada,maamulayaasha,macalimiinta,waalidiinta iyo madaxda Gobolladda. Ugu dambeyntiina wuxuu si rasmiya u daahfurey wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland imtixaanka shahaadiga ee ka bilowday xarunta Gobolka Bari ee magaalada Bosaso. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post 3,884 ardey oo maanta Bosaso loogu daahfurey Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. Federal officials have opened criminal investigations related to the controversial attempted deportation of 92 Somali nationals last December, according to Immigration and Customs Enforcement (ICE). The Somalis are currently being held at several detention centers in South Florida as a federal court case about their attempted removal is ongoing. Source: Hiiraan Online
  19. Congolese general and former presidential candidate Jean-Marie Michel Mokoko, 71, was sentenced on Friday to 20 years for “undermining internal state security” after authorities accused him of trying to stage a coup. “The criminal court declares Jean-Marie Michel Mokoko guilty of the facts charged to him,” criminal court president Christian Oba said. Seven co-defendants — six French and a Congolese — were sentenced in absentia to the same prison term. Mokoko, 71 and a former chief of staff of the Republic of Congo’s army, has three days to appeal his conviction for undermining state security following the 2016 election in which he placed third. The defence counsel for the general, who was once an advisor of long-serving President Denis Sassou Nguesso, had said the trial was “simply a settling of political scores.” In March 2016, Mokoko won less than a 14-percent vote share as Sassou Nguesso was controversially declared a first-round winner. Sassou Nguesso, 74, has cumulatively spent almost 35 years in office since 1979. After the vote, Mokoko and other candidates called for a campaign of “civil disobedience.” But “had he wanted to stage a coup he would have done so a long time ago. General Jean-Marie Michel Mokoko never said ‘take up arms’,” one of his lawyers, Norbert Tricaud, told RFI on Thursday. “The decision of the criminal court doesn’t surprise us because (the case) all began illegally in violation of our client’s judicial immunity,” Mokoko’s lawyer, Eric Yvon Ibouanga said after the court handed down its decision. The prosecuting team had refused the defence claim that Mokoko was entitled to immunity as a “dignitary of the Republic”. French lawyer Gerard Deviller, part of the state’s prosecution team, said that punishment was merited “given the seriousness of the offence”. Source: AFP
  20. Clashes between Somali army troops backing local villagers and al-Shabab militants have left at least 13 of the militant fighters dead, witnesses and officials said. The clashes in central Somalia Saturday started after armed al-Shabab militants tried to impose taxes on residents of Halfoley, a rural village near the town of Jalalaqsi, in the Hiran region. Abdi Dahir Guure, the district commissioner of the region’s Bulabarde town, told VOA Somali that government soldiers, backing cattle herders, engaged in more than five hours of fierce battle with the militants. “The battle erupted at around 7 a.m. local time when heavily armed militants attacked the villagers after refusing an earlier order by militants in which they asked local pastoralists to hand over some of their livestock as a zakat demand, or tax,” said Guure. “Government army forces, sent there to protect the pastoralists, immediately joined the battle, killing at least 13 militants.” Somali government officials in the region said other units of the Somali national army had moved into other villages in the region to prevent militants from re-organizing and counter-attacking pastoralists. Multiple Independent witnesses contacted by VOA confirmed the government claim, saying they saw the bodies of at least 13 militants. Two local pastoralists also were injured during the battle. Clashes involving pastoralists resisting al-Shabab taxes began in Somalia’s Hiran and Middle Shabelle regions in 2013. In a separate incident, a blast in a market in the Bulomarer District, some 150 kilometers south of Mogadishu, where African Union peacekeepers from Uganda are stationed, left four civilians dead and five others injured. “An explosive device apparently planted in a livestock market went off, killing four innocent civilians and five others were injured,” Muhidiin Khalif Aliyow, a local official in the town told the VOA Somali Service. “I heard an explosion, and minutes after looked outside and saw a kiosk in flames and the dead bodies of four civilians and several cattle,” a witness told VOA on the condition of anonymity. The blast occurred in mid-afternoon, as some government forces were checking cars at a nearby military post. It was not immediately clear who was behind the blast, but local security officials blame al-Shabab, a terrorist group. On Wednesday, an explosion killed at least 10 people and wounded 15 in a market where the stimulant leaf khat is sold in the town of Wanlaweyn, in the same Lower Shabelle region, about 90 kilometers to the northwest of the capital, Mogadishu. Somali government officials have warned repeatedly this week about the possibility of increased terror attacks by militants during the Islamic holy month ofRamadan. The clashes and the al-Shabab blasts against civilians, however, came as the pastoralists and habitants in the southern regions already are struggling with heavy rain and flooding. On Friday, the U.N. Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said the heavy rain in Somalia’s Juba and Shabelle river basins continued to cause flooding, displacing an estimated 220,000 people. Source: VOA
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey, ayaa maanta shaaca ka qaaday inaanu aqbali doonin in Dowlada Federaalka ah ee Somalia loogu wanqalaa ‘’Nabad iyo Nolol’’ Muudeey, waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan laheyn halka ku dhigga Nabad iyo Nolol, waxa uuna tilmaamay in hal ku dhigaasi ay yeelankarto keliya Xukuumada Somalia. Muudeey, waxaa uu sheegay in marnaba aysan dowladda Soomaaliya noqon karin Nabad iyo Nolol, balse xukuumadda kaliya ay adeegsankarto hal ku dhigaasi. ‘’Ma aqbaleyno in dowlada Somalia loogu wanqalo Nabad iyo Nolol, waxaa ugu dhow oo aan dhihikarnaa Nabad iyo Nolol waa Xukuumada Somalia’’ Waxaa uu sheegay Muudeey in Magaca dowladda Somalia loo yaqaano uu yahay dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama dowladu ay tahay mid ka dhexeysa Umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu mar kale kusoo celshay “Dowladda Nabad iyo Nolol ma ahan, Xukuumadda Nabad iyo Nolol iska dhaha hadaad rabtiin, laakiin dowladda waa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” Sidoo kale, Xildhibaan Fiqi ayaa isna sheegay inuu qabo in Nabad iyo Nolol aan la orankarin Dowlada Federaalka ah ee Somalia, hase ahaatee la orankaro keliya Xukuumada Somalia. Fiqi wax uu tilmaamay in Nabad iyo Nolol aan la orankarin Dowlad kawada dhexeysa Soomaalida, waxa uuna ku taliyay in magacaasi ay ka fiirsadaan Soomaalida. Waxaa jira Xildhibaano farabadan oo ka tirsan baarlamaanka Somalia kuwaa oo qaba in guud ahaan Dowlada Farmaajo iyo Xukuumada Kheyre leysku dhaho ‘’Nabad iyo Nolol’’ isla markaana dalka uu xiligaan Hogaamiyo hal xisbi. Dhinaca kale, Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u muuqda inay isku khilaafsan yihiin halka uu munaasib ku yahay hal ku dhiga Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Clashes between Somali army troops backing local villagers and al-Shabab militants have left at least 13 of the militant fighters dead, witnesses and officials said. Source: Hiiraan Online
  23. Afgooye (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray degaanka Buula-mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Qarax geystay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu galabta si gaara uga dhacay Suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla degaanka Buula-mareer. Qaraxa oo dhacay xili uu suuqa ahaa mid aad u saxmad badan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 5 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab. Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxa ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla Degmada, waxaana ku jiray dad waayeelo ah oo suuqa ka ganacsan jiray. Qaraxa oo ka dhashay Miino lagu aasay Suuqa ayaa waxaa la xaqiijiyay in loola dan lahaa ciidamo ka tirsan dowlada oo xiliga galbihii gaara Suuqa. Qaraxaan ayaa kusoo beegmaaya iyadoo laba Qarax oo hore ay ka dhaceen Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan Degmada Walaweyn. Dhinaca kale, waxaa maalmahani kordhay qaraxyada iyo weerarada ka dhaca Shabeellaha Hoose, ee lagu baabi’inaayo dadka shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  24. Garowe (Caasimada Online)- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay 12 May 2018 waxaa uu xafiiskiisa Kulan kula qaatey Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating. Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu maanta laqaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Caddaalada Iyo Arrimaha Diinta iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntlane ee Magaalada Garoowe, ”Waxaa sharaf wayn noo ah maanta inuu halkaan nagu soo booqdo Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating oo aysan ahayn markii ugu horeysay ee uu noo yimaado, marar badan ayuu halkaan noogu yimaadey, runtii markasta oo uu nooyimaado wanaagbay noo tahay anaga, sababtoo ah waxaan ka hadalnaa arrimo muhiim u ah Puntland iyo Soomaaliyaba, waxaan maanta ka wada hadalney geedi socodka nabadda Soomaaliyeed, waxaan kawada hadalanay arrimaha nabad gelyada iyo amniga dalka, waxaan kawada hadalna arimaha siyaasada, horumarinta iyo sidii Soomaaliya horey ugu socon lahayd, dabcan shaqadiisa caadiga ahayd oo dalka meela badan oo kamida uu ku tagi jirey ayey ahayd, anagana wanaag bay noo ahayd, waxaa ka soo wareegtay lix bilood markii ugu danbeysay ee uu noo yimaado, markaa wixii isbadal ahaa ee dalka ka dhacay baa ugu muhiimsanaa iyo muhiimada ay leedahay Federaalisimka iyo dastuurka, arimahaasna kuli waan kawada hadalnay, markaa guul bay noo ahayd wadahadal kayaguna wuxuu ahaa mid ku dhacay jawi wanaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa uga mahad naqay Madaxweynha Dowldda Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa isla mar ahaantaan ku bogaadiyey Puntland horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatey mudada kooban ee uu xilka hayey, sidoo kalena Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Madaxweynha Dowladda ay kawada hadleen arrimaha siyaasda Soomaaliya, Amniga gobolka iyo taabagalinta dumuqraadiyada oo uu sheegey in waxyaabihii ay kawada hadleen kusoo dhammaadeen jawi degan. Ugu danbeyn Madaxweynha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey in looga bahanyahay Qaramada Midoobey iyo beesha caalamkaba inay si dhow ula socdaan xaalada Soomaaliya, islamar’ahaantaana taakulooyinka iyo gar-gaarka binuaadanimada ee ay Soomaaliya soo gaarsiiyaan si dhex-dhexaadnimo ah loo soo gaarsiiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah. DHAMMAAD Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  25. Garowe (HOL) — UN Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Michael Keating, arrived in Garowe on Saturday for a meeting with Puntland President Abdiweli Mohamed Ali Gaas. Source: Hiiraan Online