Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    204,967
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan sannad-guuradii 74-aad tan iyo markii la aasaasay Ciidammada Booliska Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo amniga, wuxuuna sheegay inay yihiin Halyeeyo xaalado kala duwan oo dalka uu soo maray kusoo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni. Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa didaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed. Source
  2. Waxaa maalintii labaad galay shirweyne ka dhacaya dalka Jabuuti gaar ahaan ‘Guriga Umadda ee Jabuuti laguna gorfeynayo xaaladda siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Soomaalida. Waxaana madasha soo qaban qaabiyay Machadka Darasaadka ee Heritage iyadoona Madaxweynaha dalka Jibuuti Ismaaciil Cumar Geellena uu martigeliyay. Cinwaanka 1aad ee maanta laga doodayo sidoo kalena shirka maanta lagu furay waxuu ku saabsan yahay Isdhexgalka Dhaqaale iyo Nidaamka Federaalka ah. Madashan oo ah mid sanadle ah oo Machadka Heritage uu qaban doono sanad walba ayaa markii ugu horreysay la daah-furay maalinimadii shalay aheyd waxaana uu qorshaha yahay in lasoo gaba-gabeeyo berri oo Khamiis ah. Waxaa madasha ka soo qeyb galay dad badan oo isugu jira bareyaal sare, aqoonyahanno, siyaasiyiin, ganacsato, madax dowladda ka socota iyo ururada bulshada rayidka oo dhammaantood ka kala socda dhulka ay dagto Soomaalida. Maalintii 1aad ee madasha waxaa hadallo ku saabsan xaaladda Soomaalida iyo aragtiyo kasoo jeediyay madax iyo aqoon yahanno dhowr ah oo uu kamid yahay Wasiirka Dhaqanka Jabuuti oo daah-furay, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo ka warbixiyay xaaladda dalka iyo Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah guddoomiyaha Akadeemiyo Goboleedka Afka Soomaaliga oo ka hadlay fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dalka Soomaaliyeed. SHalkaan hoose ka daawo Sawirada: Source
  3. Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland lagu soo gaba-gabeeyay Madasha/Shirka Wada-xaajoodka Arrimaha Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo socotay muddo laba maalin ah. Shirkan oo ahaa mid ay kasoo qeyb-galeen Wasiirka Maaliyadda DFS iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada ayaa qodobadii kasoo baxay waxaa saxaafadda la wadaagay Maxamed Kaamil oo ah agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda maamulka Jubbaland. Qodobadii Kasoo Baxay Shirka: 1- Waxaa ay xoojiyeen ayideenna shirkii ugu horreeyay ee Wasiirada Maaliyadda ay yeesheen bishii November 3, 2015 kaasoo lagu yagleelay madasha Wasiirada Maaliyadda iyagoo weliba ku baaqay in laga wada shaqeeyo xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo sidoo kale sare u qaadista hufnaanta maamulka maaliyadda dalka. 2- Waxey isku dhiirrogeliyeen in la helo lagana wada shaqeeyo wadiiqo isku furnaan ganacsi. 3- Waxey isla garteen in mideynta canshuurta dalku ay dhiirrogelin xoogan u yahay cirib tirka caqabadaha kala xernaanta ganacsiga maamul goboleedyada. 4- Waxey hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la xoojiyo maamul wanaagga iyo xaqiijista sare u qaadista hufnaanta maamulka maaliyadda dalka. 5- Waxey ansixiyeen tallooyin ay soo gudbiyeen guddiga farsamo ee xiriirka gobolada ee maaliyadda oo ku aadanaa nidaamka maamulka iyo maareynta dakhliga dalka. 6- Madashu waxey ku baaqday in bisha Jannaayo 2018 ay shirweyne isugu yimaadaan Wasiirada Maaliyadda ee dalka oo dhan iyo Wasiirada Kalluumeysiga loogana wada-hadlo qeybsiga kheyraadka dakhliga kalluumeysiga. 7- Waxey dureen sharci ahaanshiyaha heshiiska SOMA ee loo yaqaano SOMA Agreement, waxeyna ku talo bixiyeen in dib loogu laabto heshiiskaas lana waafajiyo shuruucda dalka iyo heshiiskii Geneva ee 1961-kii. 8- Madashu waxey fareen guddiga farsamada in ay soo dhiraan-dhiriyaan qaadashada habka canshuuraha qiimaha ku saleysan ee furdooyinka Source
  4. Kooxda Daacisha ayaa Goordhow sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose oo Muqdisho u jira 30-KM. Wakaalada Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee la yiraahdo Acmaaq ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen Askar katirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya. Xalay Ayaa weerar Culus waxa uu ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose. Kooxda Daacisha ayaa sheegata Dhowr Weerar oo ka dhacay Koonfurta iyo Bartamaha Dhulka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kooxda Daacish oo sheegatay Masuuliyada weerar ka dhacay Afgooye appeared first on Puntland Post.
  5. Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed, kaasoo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dhalinyaro oo ka kala yimid Gobolada dalka. Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa 17-kii bishan furay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ka soo qeyb galay xubno ka socday Qaramada Midoobey, sida Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Dhalinyarada. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo shirka ka hadashay ayaa sheegtay in doorka dhalinyarada uu yahay, isla markaana dhalinyarada ay yihiin kuwo udub dhexaad u ah dalka iyo hagida siyaasaddiisa. War murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa laga soo saaray war murtiyeedka, waxaana uu u qornaa sidan:- In si wada jir ah looga qeyb qaato dhaqan galinta siyaasada qaran ee dhalinyarada. In la howl-geliyo golaha dhainyarada qaran KMG ah,si uu unoqdo meel ay hogaamiyaasha dhalinyarada ku sameeystaan, kuna bartaan hogaaminta wanaagsan looguna olaleeyo danaha dhalinyarada Soomaaliyeed. In dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo. In loo sameeyo kulamo joogta ah si loo xoojiyo iska warqabka dhalinyarada loona helo dhalinyaro u ababulan horumarka dalka. In dhalinyaradu hesho adeegyada aasaasiga u ah sida waxbarasho tayo leh caafimaad In culimadu ay ku yeeshaan door muhiim u ah jiheynta maskaxda dhalinyarada lagana wacyi geliyo figradaha xagjirnimada. In qof walba oo dhalinyaro ah lagu dhiiri galiyo waxyaabaha hibada gaarka ah uu leeyahay. In aqoonta dhallinyarada diini iyo mid maaddiba ah kor loo qaado. In mudnaanta 1aad la siiyo dhallinyada dalka wax u baratay, si ay u buuxiyaan fursadaha ajanaiibta heysato. In la helo goobo lagu madadaalliyo dhallinyarada. In dastuurka JFS ee KMG ah lagu cadeeyo xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed xiliga lagu jiro dib u eegista. In ay helaan caddaalad iyo nidaam dowladnimo oo kala haga. In a baro waddaniyadda iyo qiimaha dalku leeyahay. In kaalin muhiim ah ay ku yeeshaan siyaasadda iyo dowladda qeybaheeda kala duwan. In loo muujiyo kalsooni iyo tixgalin waxyaabaha ay qaban karaan. In la ilaaliyo manhajka waxbarashada tayadiisa laga wada tashto arimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga lagana qeyb galiyo dhalinyarada. In garab istaag iyo dhiiri galin loo sameeyo dhalinyarada ku tiirsan kheeyraadka dalka (beeraha kallumeysiga iyo xanaanada xoolaha) In la isku xiro ganacsatada iyo dhalinyarada si ay u helaan fursado shaqo loona abuuro sanduuqa horumarinta dalka. Waa in dhalinyaradu isku kaashato sidii dalka loo hormarin lahaa qof kastana xil is kaga saaro sugidda ammaanka daka iyo tagaeerida dowladnimada si aan u gaarno Nabad iyo Nolal hormarsan. Waa in dhaliyaradu kaalin mug le ka qaataan caafimaadka, faaya dhowrka, Nadaafadda waxbarashada , fanka iyo suugaanta , ciyaaraha. caawinta dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba ,bilic soo celinta magaalooyinka iyo guud ahaan dalka soomaaliya. In dhalinyarada loo sameeyo xarumo ay ku kulmaan ayna fikradooda ku kala qaataan. In dhallinyaradu bartaan taariikhda ummadda soomaaliyeed si ay wax uga bartaan isagana jiraan qalalaadkii hore iyo fikradaha guracan ee xagjirnimada ah.
  6. Dowladda Kenya ayaa todobaadkan ka jawaabtay kiiska dacwad badeedka ay Soomaaliya hor-dhigtay maxkamadda, iyada oo qoraal u dirtay maxkamadda cadliga adduunka ee Hague, Netherlands. Dacwada ayaa ku saabsan in la xadeeyo badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee badweynta Hindiya, iyada oo la oogay 28 August 2014. Kiiskan, Soomaaliya waxaa ay rabtaa in xadka noqdo “equidistant line” oo masaafo simman loo jirsado halka Kenya ay rabto (along a parallel of latitude) ama khad balac ah taas oo leeyihiin waxaa ay ku soo baxday Dekereeto madaxweyne markii ugu horeysay 1979 iyo mar kale 2005. Kenya waxaa ay ku doodeysaa in dhul badeedka lagu muran-san yahay ay ka sameyn karto roondo, kaluumeysi, cilmi-baaris la xiriirta badda iyo in ay ka qodi karto nafto iyo gaas. ” Iyada oo Kenya xushmeyneysa kaalinta muhiimka ah ee maxkamadda cadliga adduunka ee xalinta murannada iyo horumarinta nabadda hadana Kenya waxaa ay rumeysan tahay in uu yahay xalka keliya ee muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”Sidaasi waxaa yiri Githu Muigai. Waxaa maanta Hague ka furmaya dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, dacwadan oo 4 maalmood socon doonta waxaa lagu wadaa in dal waliba uu labo maalin hadlo, si dhageysiga kadib maxkamadda ay go’aan uga gaarto, waxaa xusuus mudan in go’aankaas maxkamadda aanan racfaan laga qaadan karin oo uu yahay mid kama dambeys ah. Soomaaliya ayaa dooneysa xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta- (370km) ee ka baxsan biyaha Soomaaliya. Maxkamadda waxaa ay sidoo kale sheegtay in labo wareeg ay tahay dhageysiga dacwada badda: Saldhigga Muranka: Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed lagu qiyaasay ilaa 100,000km2 oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Soomaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin. Dhulkan la isku heysto ayaa la sheegay in ay ku jiraan Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo PanContinental. . Soomaaliya ayaa ka carrootay heshiisyada dalka Kenya iyo shirkadaha shidaalka la gashay ee baddeena lagu baaryo, waxaa ay dacwad u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka, labada dal ayaa isla gartay in koox weliba ay dacwadeeda hordhigto qareennada maxkamadda cadliga adduunka. Soomaaliya ujeedadeeda waa in la xadeeyo badda iyo dhulka ku dhaw halka Kenya ay dooneyso in sameeyo xariiqin badda ah. Waa markii ugu horreysay ee Soomaalida gar-qaad weydiistaan Maxkamadda cadliga adduunka, haddii kiiskan aanu ku guuleysanno, waxaa ay taasi horseedi doontaa in aan mar kale isla maxkamadaas aadno si aan uga furno kiisaska muranka dhulka ee nagala dhaxeeyay dalalka Yemen, Itoobiya iyo Kenya. Sooyaalka Muranka Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya: April 11, 1963: Soomaaliya ayaa aqoonsatay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ halka Kenya ayaa sidaa sameysay April 19, 1965-tii. 1988: Waxaa la soo saaray sharciga badda ee Soomaaliya. 1989: Labada Dal, waa Kenya iyo Soomaaliya e, waxaa ay saxiixeen heshiiska badda ee qaramada Midoobey, heshiiskan caalamiga ee badaha waxaa la sameeyay 1982 . April 7, 2009: Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta caalamiga ah ee qaramada midoobey…heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday, October 8, 2011: Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa fadhi ka yeeshay arrinta heshiiska badda, kulanka waxaa shir guddiiminayey Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ahaa ku simmaha afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, kulanka waxaa soo xaadiray ilaa 335 mudane, waxaana Laga soo saaray ilaa 6 qodob: Xildhibaannada Soomaaliya waxaa ay si buuxda u sheegeen in aan laga hadli Karin xadeynta badda Soomaaliya. Qodobadaaas ayaa kala ahaa: In lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee soo baxay 1988 In hey’adaha dastuuriga ah sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xkuumadda aysan awood u laheyn in ay wax ka badalaan ama dib u eegis ama wada xaajood ku sameeyaan xaduudda badda, hawada iyo dhulka Soomaaliya. Waxaa la laaley dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee Lala galay hey’ado, dowlado daris ah iyo ururo caalami ah iyo shakhsiyaad ee ku saabsan xadeynta badda wixii ka dambeeyay January 1, 1991-kii. Xadgudubka kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimmayo xuduudaha Soomaaliya Berriga, Badda iyo Hawada, waxaa loo aqoonsaday duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday madaxbannaanida iyo siyaadada iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed. Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka, waxaa la faray in go’aankaas gaarsiyaan dhammaan dowladaha dariska iyo hey’adaha caalamiga ah. Cid walba oo ku xadgudubta waxaa la sheegay in ay galeyso khiyaammo qaran August 28, 2014: Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka badda u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey si loo xadeeyo badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. October 8, 2015: Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa dood ka keenay Dacwada Badda ee laga gudbiyay Kenya, ninkan ayaa sheegay in dalkiisa uu xaq u leedahay ka hor imaashiyahoodan ama is hortaagooda in ay ka jawaabaan dacwada. Xeer Ilaaliyaha Kenya waxaa uu ku taliyay in howsha Wada hadal hoose lagu dhameeyo inta labada dal ay maxkamadaha isku jiijiidi lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in Soomaalida aanay iloobin in ciidamo mabad ilaalin oo Kenyaan ah ay ka joogaan Soomaaliya iyo in Qaxooti ka badan Nus Milyan oo Soomaali ah in ay joogaan gudaha dalka Kenya. October 10, 2015: Dr. Axmed Cali Daahir oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Soomaaliya ayaa qiray in uu jiro codsiga Kenya ayaa waxaa uu sheegay in qoraal codsi hor-u-rdhac ah oo dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taasi oo ku aadan wada hadal hoose in lagu dhameeyo muran badeedka kala dhaxeeya Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Kenya ay doonayso inay is hortaag ku sameyso dacawadda Badda, taasina ay markhaati cad u tahay sida ay uga wal walsan tahay saldhig la’aanta ee qaanuuneed ee dooda ku wajahan sheegashada Badda Soomaaliya. May 26, 2016: Maxkamadda Cadliga Adduunka ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso in dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysaneyso September 2016-ka. September 2016: Waxaa The Hague ka bilowday dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu dambeyntii la aqbalay in maxkamadda cadliga adduunka ay qaadi-karto dacwada. December 18, 2017: Kenya oo ka jawaabay kiiska iyada oo sheegtay in ay qabaan in wada hadal wax lagu dhameeyo. Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (International Court of Justice): International Court of Justice(ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka, maxkamaddan waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah. Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Ronny Abraham halka uu guddoomiye ku xigeen ka yahay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdulqawi Axmed Yusuf. Goobjoog News Source
  7. Gaalkacyo (Puntlandi) Maamulka degmada Gaalkacyo iyo nabadoonada gobolka Mudug, ayaa gacanta kusoo dhigay dadkii ka dambeeyay dil habeen hore ka dhacay degaano kuyaala bariga gobolka Mudug, halkaas oo horey ay uga dhaceen colaado salka ku haya aanooyin qabiil. Nabadoonada oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in iyagoo illaalinaya heshiiskii lagu kala saxiixday Gaalkacyo, ay soo qabteen dhowr nin oo loo xiray dilka nin kasoo jeeda koonfurta Gaalkacyo, oo lagu dilay bariga gobolka Mudug. Nabadoonadu waxay cadeeyeen inay dhinac Puntland ka go’an tahay inay ilaalindoonaan heshiiskii la kala saxiixday sidii horey loogu yaqaanay, waxayna sheegeen inay mar walba dhibaato dhacayso, laakiin loo baahan yahay in nabadda loo dhabar adaygo, dambiilahana aan laga harin. Duqa degmada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa ugu baaqay saraakiisha labada dhinac ee heshiiska qeybta ahaa inay ka hor tagaan in mar dambe aanu dhicin colaad ama gacan bir ah ku qabtaan dadka maleegaya inay heshiiska carqaladeeyaan. Halkaan ka dhegayso codadka. Codadka Gaalkacyo Puntlandi.com
  8. Waxaa Xarunta Ciidamada Booliska ee Iskuul Boolisiyo Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir ka socoto Xaflada dabaaldaga Sanadguuradii 74-aad ee aas aaska ciidamada Booliska Soomaaliya. Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa la aas aasay maanta oo kale 20-kii December 1943. Dabaadagaan ayaa waxaa ka qeeygalaya madaxda ugu sareeyso dalka Soomaaliya. Sidoo kale Dabaaldag ceenkaan oo kale ah ayaa waxa uu ka socdo qaar kamid ah xarumaha maamul Goboleedyada dalka Ka Jira. Ciidamada Booliska oo lagu tilmaamo in ay yihiin hooyada ciidamada iyo Saaxiibka bulshada ayaa waxa ay wajahayaan daruufo kala duwan. Booliska Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay sameeynayay kobac aan la dafiri kari. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada Booliska Soomaaliya oo u Dabaaldagaya Sanadguuradii 74-aad ee Aas aaskooda appeared first on Puntland Post.
  9. Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta mar kale kasoo hor muuqan doona Maxkamadda Gobolka banaadir, kadib markii Maxkamadda ay xeer Ilaalinta u qabatay in muddo 24-saac ah in ay ku keenaan cadeymaha eedaha loo haysto siyaasiga. Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka Soomaliya ayaa siyaasiga ku eedeeyay eedo ay kamid yihiin Shirqool dowladeed,iyo u adeegidda dano Shisheeye si khalkhal loo galiyo xisiloonida dalka,isagoo abaabulay shirar iyo fadhiyo,Xeer ilaalinta ayaa codsatay in la siiyo muddo shan maalmood balse waxaa taasi diiday Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir. Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in muddo 24-saac xeer ilaalinta ay ku keento cadeymaha eedaha loo haysto siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo todobaadkaan gudihiisa ay ciidamadda Nabadd Sugida hoygiisa ku weeraren islamarkaana ay halkaas ku dileen 4-kamid aheyd ilaaladiisa, isagana ay ku dhaawaceen. PUNTLAND POST The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta markale maxkmada ka soo hormuuqanayo appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in CC Shakuur uu diiday in lagu sii daayo damaanat, kadib markii uu dalbaday in lagu cadeeyo kiiska lagu oogay. CC Shakuur ayaa la xaqiijiyay in Maxkamada Gobolka iyo Madaxda Dowlada Federaalka ay u ogolaaden in lagu sii daayo damaanad, balse uu dalbaday in lasii hayo isla markaana lagu cadeeyo danbiga sababay weerarkiisa iyo in lasoo taago Maxkamad. Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Somalia oo isku dayay in CC Shakuur ay ku qanciyaan inuu ku baxo damaanad ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ka diiday, maadaama uu DFS u xiran yahay muddo laba maalin ah. Xildhibaanada qaar ayaa aad uga carooday diidmada CC Shakuur maadaama uusan heysan nafis ku filan, hase ahaatee waxaa qudhooda lagu qanciyay sababta uu CC Shakuur ugu adkeysanaayo inuu kusii jiro halka lagu hayo inta laga cadeynaayo kiiska. Sidoo kale, Xeer ilaalinta Qaranka ayaa dhankeeda kawada dadaal lixaad leh oo lagu soo bandhigaayo cadeymaha la xiriira in CC Shakuur uu ka danbeeyay qorshooyin lagu dhabar jabin lahaa Qaranimada Somalia. Maanta oo arbaco ah ayaa lagu madalsan yahay maxkamadda Gobolka Banaadir in dib la isugu soo noqdo waxaa la sugayaa in la horkeeno Cadeymaha eedeynta C/raxmaan C/Shakuur Warsame. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: CC Shakuur oo ka biya diiday in lagu sii daayo damaanad & Xildhibaano ka carooday go’aankaas appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan sannad-guuradii 74-aad tan iyo markii la aasaasay Ciidammada Booliska Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo amniga, wuxuuna sheegay inay yihiin Halyeeyo xaalado kala duwan oo dalka uu soo maray kusoo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni. Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa didaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed. Booliska Somaliya ayaa maanta oo Axad ah u dabaalgadaya 74-sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaskooda. Muddooyinkii dambe dhalinyaro kala duwan oo aqoonyahano ah ayaa ku biiraayay ciidamada Booliska Somaliyed oo hadda ah ciidan tayo leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo fariin cajiiba u diray Saraakiisha iyo Ciidamada Booliska (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah mar kale Maxkamada Gobolka Banaadir lasoo taago Maxbuus Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo dowladda Somaliya ku eedeysay inuu maleegayay arrimo ka dhan ah dowladnimada Somalia. Maxkamada Gobolka Banaadir oo shalay u guda gashay Dacwada ayaa mar kale Xeer ilaalinta Qaranka ka dalbatay inay soo dhameystirto cadeymaha Dacwadaha loo heysto Siyaasiga Maxbuuska ah. Maxkamada Gobolka Banaadir oo tixraaceysa eedeymaha loo jeediyay C/raxmaan C/shakuur, ayaa dowlada ka dalbatay in cadeymaha lagu soo dhameystiro muddo 24saac oo manta ku eg. Xafiiska Xeer ilaalinta Somalia ayaa laga dalbaday muddo 24 saac gudahood inay ku keenaan cadeymo ku filan kiiska Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame, maadaama eedeyntiisa ay tahay mid culus. Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa dalbaday muddo 5 cisho ah oo maxkamadda lagu horkeynaayo cadeymaha, balse laga diiday oo waqti ahaan la siiyay in cadeymaha lagu keeno muddo 24 saac gudahood. Qareenada u doodaya C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ku doodaya hanaanka loo maray soo qabashadiisa inay tahay mid sharcidaro ah, marka la eego weerarka hoygiisa lagu qaaday Siyaasigaan. Sidoo kale, maanta oo lagu madalsan yahay maxkamadda Gobolka Banaadir in dib la isugu soo noqdo ayaa waxaa la sugayaa in la horkeeno Cadeymaha eedeynta C/raxmaan C/Shakuur Warsame. Dhinaca kale, Sharciga Somaliya u yaala ayaa dhigaya haddii muwaadin Somaliyed la soo eedeeyo inuu helo garsoor cadaalad ah, sidoo kalena wax ka badan 48 saacadood inuusan xirnaan Karin, haddii aanan loo baahan waqti dheeri ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post CC Shakuur oo maalintii labaad hortagaaya Maxkamada & Xeer ilaalinta oo manta laga sugaayo cadeymo appeared first on Caasimada Online.
  13. Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab. Dagaalkaan oo ahaa mid aad u culus ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan kuwa Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Degmada Afgooye. Goobjoogayaal ayaa warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay in Al-Shabaab ay si kooban u la wareegeen Xaafado katirsan degmadaasi Afgooye oo kamid tahay xaafada Buundo yareey. kadib soo rogaal cilin ay sameeyeen ciidamada dowlada ayeey Al-Shabaab dib uga baxeen xaafadaha ay la wareegeen. ilaa hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi hayeeshee waxaa soo laa laabta weerarada ay Al-Shabaab ku soo qaadayaan Afgooye. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Al-Shabaab oo Weeraray Degmada Afgooye appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Qareenka u doodaya CC Shakuur ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay qaab khaldan u weerartay CC Shakuur oo lagu eedeeyay inuu yahay Qaran dumis. Qareen Abuukaate Tahliil Xaaji Axmed ayaa sheegay in weerarka CC Shakuur uu ahaa mid aan loo heysan warqad Fasax ah, isla markaana ay fududeysatay dowlada Somalia. Waxa uu Qareenka sheegay in ciidamadii weeraraayay Hooyga CC Shakuur aysan wadan warqad Waran Maxkamadeed. Waxa uu tilmaamay in dhinacyada soo xiray CC Shakuur ay Maxkmada horteeda ka sheegeen in ay Cabdiraxmaan Cabdi shakuur soo xireen waaran la’aan. Qareenka waxa uu cadeeyay inaan jirin sharci Hay’adaha amaanka faraaya in shaqsi mas’uul ah ay ku xadgudbaan isla markaana ay xiraan warqad Fasax la’aan ah. Abuu kaate Tahliil waxa uu sidoo kale, cadeeyay inuusan jirin sharci fasaxaya in Saqdhexe loo dhaco guryo dad shacab ah, hadii uusan jirin faldambiyeed halis ah, hase ahaatee wuxuu sheegay in Xeer ilaalintu ay xariga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur u cuskadeen edeeymo ay ku sheegeen in uu Maleegayay Shirqool iyo Qarandumisnimo. Sidoo kale, waxa uu sheegay in waqtiga Xeer ilaalinta loo qabtay ay tahay 24saac oo ku eg 6-da Maqribnimo ee Arbacadaan. Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in CC Shakuur lagu gudbiyo dacwado la sheegay inay yihiin muuqaalo muujinaaya isagoo faraha kula jira falal iyo shirar lagu ridaayo dowlada FS. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa ka jira wararka sheegaya in ciidamadii weeraray CC Shakuur aysan Warqad Waran ah ka haysan maxkamada. appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana ku sugan gaadiid iyo ciidamo farabadan oo la sheegay inay adkeynayaan amniga. Waddooyinka xiran ayaa waxaa loo sababeeyay ka feejignaanta amni darro, iyadoo maanta ay magaalada Muqdisho ka dhaceyso Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayo sanadguurada 74-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Xiritaanka waddooyinka ayaa waxaa la xaqiijiyay inay tahay mid lagu adkeynaayo amniga, maadaama Munaasabada ay ka qeyb galayaan Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo). Mas’uuliyiinta ka qeybgali doonta munaasabada ayaa waxaa kamid ah Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan iyo Saraakiil ka kala tirsanaa Hay’adaha ammaanka dalka. Munaasabada ayaa waxaa Khudbado kala duwan ka jeedin doona Madaxweyne Farmaajo iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana dhammaantood la filayaa in ay ka hadlaan dhibaatada uu soo maray Booliska iyo guulaha hadda uu gaaray Booliska Soomaaliyeed. Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka Magaalada la dhigay ciidamo badan oo sugaya amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waddooyinka magaalada Muqdisho oo saaka u xiran Hal sabab (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  16. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sedexda maalin ee u dambaysay qabanaysay shir lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka (DUED) ayaa soo gabagaboobay. Ka qaybgalayaal ka kala yimid Dawlad Goboleedyada iyo kuwo ka socday Bulshada Rayidka ayaa shirka ka qaybgalayay iyaga oo maskax shiil kadib soo gudbiyay Istiraatiijiyadda diyaarinteeda ay ku hawlanaayeen. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Cabdi Cilmi oo soo xiray shirka ayaa ka qaybgalayaasha ku ammaanay dedaalka ay geliyeen diyaarinta Istiraatiijiyadda. Dhanka kale, Mudane Xuseen ayaa sheegay in Istiraatiijiyaddan ay muhiim tahay islamarkaana la adeegsan doono labada sano ee soo socota si Ololaha DUED uu u noqdo mid lagu guuleeysto. Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa muhiimadda koowaad siisay latashiyada Dawlad Goboleedyada iyo Bulshada Rayidka si looga dhabeeyo mabda’a ka qaybgal loo dhanyahay. —–DHAMAAD—– Source
  17. Munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa tababar waxaa loogu soo xirey 200 askari Booliis ah, kuwaasi oo isku dhaf ah, lagana kala keenay maamullada Puntland iyo Galmudug. Waxaa munaasabaddan ka qeybgalay taliyaha ciidanka Puntland, taliyaha qeybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliya, saraakii ciidan oo Puntland iyo Galmudug ah, xubno ka socday UNSOM iyo AMISOM iyo waxgaradka Labada dhinac. Ciidamadan ayaa soo bandhigay gaada ka ciyaar, waxaana ay muujiyeen in hadda diyaar u yihiin iney sugaan amniga guud ee magaalada Gaalkacyo. Mas’uuliyiintii halkaasi hadallada ka jeediyey ayaa kula dardaarmay ciidamadan iney si hufan u shaqeeyaan, shacabkana dareensiiyaan nabadda iyo kala dambeynta. Waxay ciidamadan kaalin weyn ka qaadan doonaan sugista amniga guud ee Gaalkacyo, waxaana ay si wadajir ah uga qeybgali doonaan howlgallada lagu xasilinayo magaaladaasi. Goobjoog News Source
  18. Wararka ka imaanaya degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya Labo beel uu ka dhacay deegaanka Gumburka Cagaarre oo hoostaga magaaladaasi, kaasi oo khasaare kala duwan geystay. Inta la xaqiijiyey 10 qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootey, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Cabdi Kheyre oo ah guddoomiyaha gobolka Sool ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalkan uu u dhaxeeyo beello kasoo kala jeeda Puntland iyo Somaliland. Waxa uu tilmaamay in dagaalka weli aanu joogsan, islamarkaana laga yaabo khasaaraha inuu intaasi kasii bato. Dagaalkan ayaa salka ku haya sida la sheegay arrimo la xiriira dhul, xoolo iyo sidoo kale aanooyin horey usoo jiray. Waxgaradka ku dhaqan degmada Laascaanood ayaa wada dedaal badan oo lagu doonayo in lagu xalinayo dagaalladan. Deegaanka lagu dagaallamo ayaa sidoo kale ku dhow Ismaamulka Soomaali Galbeed, iyadoo rasaastana tahay mid socota. Goobjoog News Source
  19. Abukaate Daahir Maxamed oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa ka hadlay sharci ahaanshiyaha xarigga siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u xiran dowladda Federaalka. Wuxuu sheegay Abukaataha in aan ammar maxkamadeed lagu soo xirin Shakuur, balse ay soo xireen hay’adaha amniga iyo xafiiska xeer ilaalinta. Waxa uu tilmaamay marka maxkamad la’aan qof lasoo xiro iney tahay in 48 saac gudahood maxkamad lagu keeno si haddii loo baahdo waqti baaris lasii bixiyo. Saddex qodob oo dhanka sharciga ah ayuu sheegay in lagu xadgudbay markii ay ciidamada ammaanka soo xirayeen siyaasi C/raxmaan C/shakuur. “Waxaa muuqaneysa soo xirista C/raxmaan iney xiriir la leedahay cabiraad aragtida siyaasadeed ee uu cabiray, aragtida siyaasadeed in la cabirana waxaa damaanad qaaday Dastuurka qodobka 18-aad iyo qodobka 22-aad, gaar ahaan dadka siyaasiyiinta ah iney cabiraan aragtidooda siyaasadeed, marka waxaa muuqato inaan la xurmeyn damaanadihii uu Dastuurka dadka siinayey, C/raxmaan waxaa lagu qabtay hoygiisa, hoyagana wuxuu leeyahay xurmo qodobka 19-aad ee Dastuurku wuxuu qeexayaa inaan qofka muwaadinka ah hoygiisa la geli karin, la baari karin haddii aan loo haysan ammar maxkamadeed oo sababeysan, marka sida muuqatana waxa waaye inaan lahaysan ammar maxkamadeed oo sababeysan waxaana lagu xadgubday xurmadii hoyga ee kamid ahayd xuquuqda qofka muwaadinka ah loo damaanad qaaday, sidoo kale qaladka dhanka sharciga laga galay waxaa kamid ah, qodobka 44-aad ee xeerka habka ciqaabta wuxuu leeyahay qof muwaadin ah lama soo xiri karo laga bilaabo 6-da maqribnimo illaa 7-da subaxnimo, marka xilliga lasoo xiray qofkaan muwaadinka ah waxaa ka muuqaneysa in qalad dhanka sharciga ah ka jiro” ayuu yiri Abukaate Daahir. Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegtay in maxkamad cadaaladeed lasoo taagi doono siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/12/ABUUKAATE-DAAHIR-MAXAMED-ALI-.mp3Goobjoog News Source
  20. Dowladaha Canada iyo Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay qaban doonaan bisha soo socota shir-madaxeed ay yeelanayaa wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkaani waxaana looga hadlayaa arrinta kuuriyada waqooyi. Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Rex W. Tillerson oo shir jaraa’id ku qabtay Canada ayaa tilmaamay in shirkan lagu qaban doono magaalada Vancouver 16 bisha Janaayo, waxaana ka soo qeyb-galayo labo ergo oo ka socota Japan iyo Kuuriyada Koofureed. Kulanka waxaa lagu gorfeyn-doonaa sidii loo xoojin lahaa ololaha lagu cadaadinayo Kuuriyada Waqooyi iyo sidii looga hortagi lahaa inay horumar ka sameyso barnaamijka Nukliyeerka. Rex W. Tillerson xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka ayaa cadeeyay in shirmada-xeedkaan cadaadis lagu saari doono Kuuriyada Waqooyi sidii ay u soo fadhiisan laheyd miiska wadahadalka ee Barnaamijka Nukliyeerka. Goobjoog News Source
  21. Safiiradda Mareykanka u fadhisa qaramada midoobay, Nikki Nimrata Haley , ayaa sheegtay in gantaalkii ay Xuutiyiinta ay ku soo rideen caasimadda Sacuudiga ee Riyadh uu ka muuqday faraha Iran. Kooxaha Xuutiyiinta oo taageero dhaqaale iyo mid militari ka hela Iran ayaa waxay gantaal ku rideen aqalka madaxtooyada Sacuudiga oo ah meesha u deganyahay boqor Salmaan. Isbaheysiga Carbeed uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa ku eedeeyay Iran in kooxahaani ay siisay gantaalka lagu soo riday madaxtooyada boqorka. Iran ayaa iska fogeysay inay hubeyso xowthiyiinta dagaalka kala soo horjeeda dowladda Cabdi Rabah Mansuur ee caalamka laga aqoonsanyahay uuna hogaaminayo isbaheysiga Sacuudiga. Goobjoog News Source
  22. Maanta waxaa loo dabaaldagayaa 74-guuradii ka soo wareegtey markii la asaasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo beegneyd December 20, 1943-dii. Ciidanka Booliiska waxaa uu jiray Taariikhdaas ka hor sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay General Jamac Maxamed Qalib oo horay u soo noqday taliyaha Booliiska Soomaaliyeed. Gumeystayaashii reer Yurub ayaa dhisay Ciidan Booliis Soomaaliyeed ah sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, Ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye. Dagaalkii Labaad ee Aduunka 1941, waxaa dalkeena la wareegay Ingiriiska, oo waatii laga adkaaday gumeystihii Talyaaniga ee Fajistaha ahaa, dalka oo dhan waxaa qabsaday gumeystaha Ingiriiska, 10kii sano uu Ingiriiska dalka heystay waxaa loo yaqaanay Booliiska Soomaaliyeed Chermarmie. 1958: Ra’isul wasaarihii xukuumadii Daakhiliyada Cabdulahi Ciise Maxamud ayaa markii ugu horeysay waxaa uu Booliiska Soomaaliyeed Madax uga dhigay Shakhsi Soomaali ah kaas oo ahaa Maxamed Abshir, isagoo noqday Taliyihii ugu horeeyay oo Soomaali ah uu yeesho Booliiska Soomaaliyeed. Sanadii 1960kii markii xuriyadda la qaatay waxaa dalka laga hirgaliyay Booliis rasmi ah, waxaa la isku daray Booliiskii Waqooyi iyo Midkii Koofureed, waxaa tiradiisa lagu sheegaa in uu ka koobnaa ilaa 3700 askari. 1961-dii waxaa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax alaale wixii dumarka iyo dambiyada la xiriira. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxyaabaha ay u xilsaarnaayeen waxaa ka mid ah ama qeybaha ay ka koobnaayeen kuwa Roondada, nabadgalyadda waddooyinka, baarista dambiyada, xogdoonka, iyo waliba la dagaalanka falaagonimada. October 21, 1969-kii Markii Jaalle Maxamed Siyaad uu dalka Inqilaab ku qabsaday waxaa uu sameeyay maalin u gaar ah Booliiska isagoo Taariikhda dib ugu celiyay aasaaskii SYL, waxaa uu Maalinta Booliiska ka dhigay December 20, 1943-dii, lama oga sababta uu go’aankaas u qaatay iyadoo Booliiska uu xiligaas ka hore jiray ama dhisnaa sida aan soo sheegnay. Sanadii 1971-dii ayaa waxaa la abuurey qeybta dab-damiska oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu bilaabay 51 askari oo kaliya. Dalkeena waxaa uu lahaa goobo Tababar sida Iskoole Bolisia ama Akaademiyadda Booliiska, waxaa tababaro lagu siin jiray dhamaan qeybaha kala duwan ee Booliiska. Wixii ka horeeyay 1991kii iyo burburkii dowladdii Jaalle Siyaad, waxaa Booliiska Madax ka noqday Shakhsiyaad caan ah oo Soomaali ah sida: Maxamed Abshir, Qoorsheel, Xuseen Kulmiye, Gen. Jamac Maxamed Qalib, Cabdulahi Maxamed Xasan(Matukade), Aden Cabdi Kukay, Axmed Jamac Muse iyo Cabdiraxman Guulwade. Burburkii Qarannimo 1991-kii, ciidamada booliska Soomaaliyeed waxa ay u burbureen si la mid ah qeybihii kale ee dowladda Soomaaliya ka koobneyd, balse horaantii qarniga 21-aad ayaa dib loo asaasay ciidanka. Markii magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu soo doortey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan sanadkii 2000 ayaa waxa uu Cabdiqaasim taliyaha booliiska Soomalaiyeed u magacaabay Muumin kadibna General Cabdi Cawaale Qeybdiid, waxaana dib loo asaasay ciidamadii booliska Soomaaliyeed oo markaasi 10 sano aanan hawlgalin. Dowladdii Carte wixii ka dambeeyay Booliiska waxaa ay ka mid ahaayeen ciidamada ay sheegato dowlad walbo oo timaada, Lakin waxaa su’aalo badan ka jiraan waxqabadkooda iyo sababta keentay tayo la’aanta ciidanka Booliiska. Maanta Booliiska malaha wada shaqeyn dhexdooda ah, waxaa dalka hesta gawaari Taargo la’aanta ah oo aan la aqoon meel loogu hagaago, amni darro, Tabarbarada Booliiska waxaa bixiyo dalal daris ah iyo kuwoo shisheeye oo intooda badan aan rabin nabadda, xitaa Dicepiline Booliiska iyo la dhaqankooda shacabka dhib badan ayaa ka jira, booliiska ma heystaan kalsoonida Muwaadinka Booliiska. Dhanka kale Maanta waa Maalinta Booliiska, waxaa ay dhigi doonaan xaflado waaweyn, isagoo ubaxyo sita, qoslaya,u heesaya madaxda hortooda fadhida, una garaacaya Bambeyda, Lakin waxaa jira xaqiiq madaxda iska indho tiraan, Booliiska waxaa heysta daryeel la’aan, Mushaar la’aan iyo xuquuqdooda oo aanany dowladda Mas’uuliyad iska saarin, lamana oga goorta Soomaaliya yeelan doonto Ciidamo Booliiska oo dhinac walbo ka dhameystiran? Source
  23. Dubai(Caasimada Online- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ahna Senetar ka tirsan Aqalka sare ayaa si kulul u cambaareeyay xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo habeenkii 3aad ku jira xabsi. Wuxuu ugu baaqay dowladda in si deg deg ah usii dayso Siyaasiga, oo uu sheegay in sababta loo xiray ay tahay oo kaliye inuu fekerkiisa cabiray, kana hadlay xaaladda dalka iyo daldaloolada dowlada Federaalka. Wareysi uu siiyay VOA isagoo ku sugan dalka Imaaraadka, ayaa Cumar Cabdirashiid wuxuu beeniyay in isaga iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ka shaqeynayeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda Khayre. “Qiyaano qaran hadii laga hadlayo ma jirto mid ka weyn in muwaadin Soomaaliyeed si qaldan loogu dhiibo dowlad shisheeye,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Eedaha qaran-dumiska dowladda ay wado ayuu sheegay inuu yahay mid khatar ku ah masiirka dalka, oo keeni karta in Soomaaliya ku laabato waxay kasoo gudubtay ee ah dagaalka sokeeye iyo colaaddaha. Senetarka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishkuur, waxaana wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda hadda jirta ay caburiso siyaasiyiinta oo xabsiga ku dhigto eedaymo aan cadeymo loo haynin. Hoos ka dhageyso codka Cumar Cabdirashiid https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/b30e9c11-c325-438f-969a-90eeab2b29c2_32k.mp3Xigasho: VOA + Garowe Online The post Dhageyso: CC Sharmaarke oo ka hadlay xariga saxiibkiis Cabdiraxman Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta Villa Somalia ka socda kulamo u dhexeeya Madaxda ugu sareysa dalka, Xildhibaanada Beelaha Hawiye iyo Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye kaa oo ku aadan xal ka gaarista xariga C/raxmaan C/Shakuur. Kulamada socda ayaa waxaa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowlada oo aan qeyb ka aheyn Beelaha Hawiye, kuwaa oo ujeedkooda uu yahay in xal laga gaaro khilaafka ka dhashay xariga C/raxmaan C/Shakuur. Dhinacyada ku howlan xal u helida xariga C/raxmaan C/Shakuur, ayaa madaxda ugu sareysa dalka ka dalbanaaya in lasoo afmeero kiiska xariga CC Shakuur. Waxa ay madaxda ku wargaliyeen in Siyaasiga marka hore lasiiyo xoriyad kadibna si hoose looga wadahadlo eedeymaha loo soo jeediyay. Xildhibaanada iyo Odayaasha ku beesha ah C/raxmaan C/Shakuur, ayaa sidoo kale, kulamada socda ku dalbaneysa in Madaxda ugu sareysa dalka ay cadeeyan 3 qodob oo kala ah: 1-Sababta sodomeeyada Siyaasi ee mucaaradka ah looga soo dhex xushay C/raxmaan C/Shakuur. 2-Sababta loo xiray isla markaana loo weeraray iyadoo ay dowlada Somalia ay awoodo inay amar ku siiso inuu imaado Maxkamada. 3-In dowlada Somalia ay bixiso raali galin ku aadan weerarka iyo xariga isla socda ee lagula kacay CC Shakuur. Shirarka socda waxa ay Madaxda dowlada ku andacooneysaa in C/raxmaan C/Shakuur uu ka talaabay xadka xoriyada, sidaa aawgeedna wax laga weydiin doono eedeymaha la xiriira inuu dhaqaale kusoo qaatay duminta dalka. Sidoo kale, waxa ay labada dhinac isku fahmi la’ yihiin qodobada qaar, maadaama dowladu ay ku adkeysaneyso in C/raxmaan C/Shakuur ay ku heyso cadeymo, halka beeshiisuna ay ku adkeysaneyso waxa ay ugu yeeren xad gudub. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la saadaalinayaa in kulamada socda aan laga gaari doonin wax xal ah, inta C/raxmaan C/Shakuur uu kasoo dhameysanaayo dacwada uga furan Maxkamada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Maxaa ka cusub kulamada CC Shakuur xalka loogu raadinayo ee ka socda Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online )- Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Liibiya waxaa musharaxiinta heerka Madaxweyne ee dalkaasi kamid noqon doona wiil uu dhalay Madaxweynihii geeriyooday Liibya Gadaffi. Wiilkani kamid noqon doona Musharaxiinta Libya ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Saif al-Islam Gadaffi, waxaana musharaxnimadiisa Saxaafada la wadaagay Afhayeen u hadlay qoyska Gadaffi. Afhayeenkan oo lagu magacaabo Basem al-Hashimi al-Soul ayaa sheegay in Saif al-Islam Gadaffi, wiilkii hoggaamiyihii hore ee Liibiya uu u tartami doono doorashooyinka madaxtinimada. Waxa uu Mr Basem al-Hashimi al-Soul sheegay in musharaxa Saif al-Islam uu xiligaan heysto taageerada iyo awooda looga baahan yahay in lagu soo afjaro rabshadiha ka dhacay Liibiya. Waxa uu tilmaamay inuu yahay qunyar socod aan lamid aheyn aabihii dhalay ee u geeriyooday sii heesashada Kursiga, waxa uuna ku celceliyay in Saif al-Islam uu dawo u noqon doono rabshahadaha ka dhaca Libya tan iyo markii la afganbiyay aabihiis Muammar Gadaffi 2011. Nuqul kamida haddalka Afhayeenka oo ay xiganayeen wakaaladaha iyo wargeysyada ayaa ahaa “Saif al-Islam Gaddafi, oo ah wiilkii madaxweynihii hore ee Liibiya, ayaa haysta taageerada qabiilooyinka waaweyn ee Liibiya si uu ugu tartamo doorashooyinka madaxtinimada ee soo socda 2018,” Sidoo kale, Al-Soul ayaa sheegay in qorshaha olalaha ay isugu diyaarinayaan doorashada dhawaan la bilaabi doono. Dhinaca kale, dalka Liibiya ayaa waxaa ka jira dowlad aan rasmi aheyn taa oo la tiiceysa nabadgelyo-xumo iyo awood aan fadhin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wiil uu dhalay Gadaffi oo isku soo taagay xilka madaxweyne ee dalka Liibya appeared first on Caasimada Online.