Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,590
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tukaraq (Caaimada Online) – Dagaalkii ka socdey aaga Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhexeeyey Puntland iyo Somaliland ayaa istaagey xiligii makhribka ee xalay, Soomaaliya, waxaana uu socdey muddo 10 saac ah. Dagaalka ayaa u qaybsanaa dhawr qaybood waxaana bilowgiisu ka dhacay hawdka u dhexeeya Boocame iyo Tukaraq, dagaalkaas oo ka dhacay laba aag ayaa waxaa uu qaboobay duhurkii kadib markii roob xooggan halkaas ka da’ay. Dagaalka labaad ayaa ka dhacay ka dhacay waddada laamiga ah. Dagaalka ayaa makhribkii istaagey iyada oo ciidanka Puntland ay ku hakadeen buundada Tukaraq dhanka xigta Garoowe, halka ciidanka Somaland ay magaalada Tukaraq ka xigeen dhanka Laascaanood. Magaaalada Tukaraq ayaa cidlo ah waxaana ka qaxay dadkii deganaa halkaas. Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal gelinkii danbe ee shalay ayaa dagaalku badnaa mid la isku garaacayo madaafiicda culus sida qoriga PM-ka. Labada ciidanba waxaa soo gaarey gurmadyo xoojin ah, waxaana aad loo saadaalinayaa in waaberiga maanta dagaalku dib u qarxi doono haddii aan isla habeenimada caawa ah, ciidanka Somaliland baneyn aaga qoraxdu ugu dhacdey. Dhimashada labada dhinac kala gaartey ayaa ku dhaw 30 qof, halka dhaawucu intaas ka badan yahay, Puntland ayaa sheegtey in ay qabsadeen ilaa 9 gaari oo tikniko ah, halka Somaliland sheegatey in ay qabsadeen 6 Tikniko ah oo Taangi ku jiro. 8 Janaayo 2018 ayey ahayd markii Ciidamada Somaliland duulaan ku qabsadeen Tukaraq oo ahayd kastamka Puntland ee gobolka Sool. Isha: HM
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho dhex qulqulaaya Gaadiid casri ah oo dhawaan ay dowladda Qadar ugu deeqday Dowlada Somalia. Gaadiidkan oo casri ah ayaa waxaa loogu tallo galay Hay’adaha amaanka, gaar ahaan Booliska, halka qaarna loo hibeeyay Madaxda ugu sareysa Dowlada, hase ahaatee waxa ay u muuqdaan kuwo aan la marin wadadii loogu tallo galay. Gaadiidkan oo u badan Landcroser ayaa waxaa si mas’uuliyad darro ah ugu dhexwata gudaha magaalada Carruur dhalinyaro ah oo u muuqda inay dhaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada oo iyagu qaabab khaldan ku helay gaadiidka. Gaadiidka qaarkood oo aanu Xabadda Karin ayaa waxaa xiliyada qaar ku arkeysaa Xeebta Liido iyo Goobo kale oo aan munaasib aheyn waxaana ka dhex muuqda Carruur qaab khaldan u isticmaala gaadiidka. Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia oo Wasiiro, Ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal isugu jira ayaan heysan Gaadiid ku haboon kuwaa oo la dayacay amnigooda, halka Gaadiidkii loogu tallo galay ay ku tamashleynayaan Carruur. Dowlada Somalia ayaa waxaa loogu deeqaa Gaadiid casri ah, hase ahaatee waxaan la ogeyn halka la mariyo, iyadoo taa loo fasirankaro inaanu jirin maamul u xilsaaran dhex u xirashada ilaalinta Hantida Qaranka. Dowlada Somalia ayaa goor sii horeysay isku xil qaantay maareynta Hantida Qaranka, waxaase xusid mudan inay jiraan shaqsiyaad qaabab khaldan u isticmaala Hantida Qaranka. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn qaabka ay Dowlada Somalia uga jawaab bixin doonto ku tagrifalka Gaadiidka casriga ah ee loogu deeqay, balse ay ku tagrifalaan carruur ay dhaleen mas’uuliyiin xilal ka haya dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Gaarisa (Caasimada Online) – Magaalada Gaarisa waxaa isku aroosay Lamaane aan wax maqli karin isla markaasna aan hadli karin. Waana arrin naadir ku ah gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo magaalada Gaarisa ee ay arrintani ka dhacday, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Bashkas Jug soo dhacay. Caruus Maxamed Cabdixamiid ayaa sheegay “in uu aad ugu faraxsan yahay arooska wuxuuna u mahadceliyay waalidkii iyo waalidka xaaskiisa”. Bashkas iyo Cabdixamiid waxa u kala turjumaanay Xaliimo Guure oo ku takhasustay luuqadda miidaarka ee dhagoole yaasha. Caadiyan dadka Soomaalida ah ayaan aad u daryeelin dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida dhagooleyaasha, haddaba BBC-da ayaa caruuska waydiisay sida ay arrintan ugu suuragashay? “Waalidkay ayaa aad iigu dadaalay waxna i baray, ina garabtaagnaa ilaa iyo heerkan, soomaaliduse aad bay u takooraan dhagoole yaasha, guryaha ayay ku hayaan, marka waa in ay ogaadaan ahmiyadda ay leedahay in wax la baro dhagooleyaasha”, yuu yiri Maxamed oo luuqadda miidaarka adeegsanaya. Hadalkaasna waxaa ku raacay Sheekh Cusmaan Cabdi oo isku meheriyay lamaanahan is caashaqay, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay in aan la dayicin dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Sheeka oo hadalka sii wata ayaa sheegay in qof dhagoole ah uu ka caqli badnaan karo dadka aan dhagooolaha ahayn. Maxamed wuxuu rajaynayaa in uu toddobo ilaa siddeed ilmood dhalo wuxuuna jeclaan lahaa in uu wiil ku curto gabadhna ku xijisiiyo. Wuxuu sheegay in uu carruurtiisa jeclaan doono haddii ay dhagoole yaal noqdaan iyo haddii kalaba. Cabdixamiid Sheekh Xasan Shiil oo ah aabaha carruurka ayaa sheegay in uu dhalay saddex wiil iyo labo gabdhood isla markaasna ay aysan dhammaantood waxba maqlin isla markaasna aysan hadlin. Cabdixamiid wuxuu sheegay in labii gabdhood laga guursaday, Maxamedna uu soo calmaday gabadh sidiisa oo kale aan waxba maqlin isla markaasna hadlin isla markaaasna uu ku taageeray. “Waxaan u dhigay aroos ay kharash badan ku baxday si uusan isu dhihin waad ka liidataa kuwa wax maqla” ayuu aabaha oo la hadlay BBC-da. Isha: BBC
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si xooli ah uga socda Howlgalo lagu baadi-Goobaayo Hub la sheegay in dhawaan laga saaray Xerada uu Imaaraadka ku tababari jiray Ciidamada Dowlada. Howlgalka Hubkaani lagu raadinaayo ayaa si xooli ah uga socda Degmooyinka Wardhiigley, Waabari, Hodan iyo Xamar-weyne oo ay ku yaalan goobo si qarsoodi ah loogu iibsho Hubka sharci darada ah. Ciidamada qaar ee Howlgalka wada ayaa si toosa u abaaraya guryaha shaqsiyaad gaara oo la sheegay inay iibiyaan Hubka sharci darada ah. Hubka ay sida aadka ah u baadi-Goobayaal ciidamada ayaa ah kuwa cusub ee dhawaan laga bililaqeystay Xerada laga eryay Imaaraadka ee lagu tababaraayay ciidamada, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Suuqyada ay hadda gaareen Hub badan oo maalmahaani la qarinaayay. Wasaarada amniga Qaranka ayaa horboodeysa qaar kamid ah Howlgalada ka socda magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ka qeybqaadanaaya ciidamada Xasilinta oo ka kooban dhammaan Hay’adaha amniga. Sidoo kale, Wasaarada amniga ayaa qeybo lagu keydiyo Hubkaasi u sameysay si aan loogu khaldin Hubka ay sida gaarka ah u leedahay Dowlada Somalia, maadaama kuwaani ay yihiin sharci darro. Ma cadda sida laga yeeli doono Hubka kale ee ku jira magaalada kuwaasi oo qaarkood gaaray maleeshiyada al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Wararka caawa naga soo gaarayo deegaanka Tukaraq oo ay maanta ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka taagan tahay Xiisad heerkii ugu sareysay ah, waxaana adag in la ogaado sidda ay xaaladu tahay. Saraakiil katirsan labada dhinacba waxay cadeeyeen in uu jiro khasaare leh, dhimasho, dhaawac iyo Hanti la kala qabsaday intii uu socday dagaaladii xooga badnaa ee maanta dhacay. Wararku waxay sheegayaan in tiradda dhimashada guud ay isku tahay 45 qof kuwaas oo ah dhinacyadii ku dagaalamay dagaalka maanta, dhaawacyada ayaa gaaraya isku dar guud in ka badan 75 Askari. Gurmadyo xoog badan ayaa u imaanaya dhinacyada Puntland iyo Somaliland, waxaana meel adag gaaray xiisadda oo dagaal rasmi ah hadda isku bedeshay. Ciidanka Somaliland ayaa hub culus ku garaacay deegaanada lagu dagaalamay.
  6. Sawirkani waa cisbatalka Garowe iyo nawaaxigiisa oo ay buux dhaafiyeen ehelada iyo qoysaska maydadka iyo dhaawacyada ciidmadii Puntland ee maanta soo weeraray ciidmada qaranka Somaliland Qaran News
  7. Chief justices from the East African Community member states want to be officially involved in the activities of the bloc so they can help coordinate legal affairs and strengthen administration of justice in the region. The chief justices said they are ready to offer legal solutions to “the controversies standing in the way of integration process.” They said that the treaty which established the EAC envisaged judiciary cooperation but felt short of giving proper elaboration on the engagements. COLLABORATION The CJs resolved to revive the East African Community Chief Justices Forum (EACJF) to enable them engage with other arms of regional governments and the regional integration body. The chief justices were in Nairobi for a consultative forum on enhancing regional collaboration in the administration of justice. Those in attendance were David Maraga (Kenya), Ibrahim Juma (Tanzania), Bart Katureebe (Uganda), Omar Makungu (Zanzibar), Chan Madut (South Sudan) and Sam Rugege (Rwanda). Somalia Chief Justice Ibrahim Suleiman attended as an observer. East African Chief Justices Forum President Emmanuel Ugirashebuja was also present. They said EACJF, where the President of East African Court of Justice will also sit, will also help enhance judiciaries’ contribution to regional and national development, protection of rule of law and promotion of East Africa citizens’ well-being. STRATEGIES “We urge EAC partner states to include the EACJF as an official actor in the EAC processes particularly on the administration of justice, make the EACJF engagements part of the calendar of EAC activities, and provide for regular and structured direct consultations between the forum and the EAC on matters relating to the judiciaries,” they said in a joint communique after a two-day meeting, Nairobi. They added: “We undertake to enhance inter-institutional dialogue by reaching out and exploring modalities for regular and continuous engagement with the executive and legislative arms.” The chief justices also agreed to collaborate in the identification, implementation and sharing of experiences on innovative strategies to improve dispensation of justice through adoption of technology, institutionalisation of performance management and strengthening integrity mechanisms. INDEPENDENCE Each judiciary in the region is grappling with case backlog which the chief justices conceded has negative impact on delivery of justice hence the decision to scale up initiatives to address the situation. “As part of strengthening judicial integrity and independence, we commit to improve mechanisms for accountability of judicial officers and staff and communication to the public on our work, “they added. They, however, observed that current judiciary budgets in their countries is a serious drawback to delivery of quality and effective service to court users. “ We resolve to continue engaging the legislative and executive arms of government to improve financial allocations and security for the judiciary, and to support the establishment and operationalisation of a Judiciary Fund or other mechanisms of ensuring financial autonomy of the judiciary,” they added Source: – Daily Nation
  8. MOGADISHU, May 15 (Xinhua) — Somalia security forces have beefed up security in major urban centers in the restive capital city, Mogadishu ahead of Islamic holy month of Ramadan which begins worldwide this week. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire who toured several districts in Mogadishu on Monday to assess the security has directed security forces to increase patrols in Mogadishu and its environments to ensure peace prevails during Ramadan. He also urged the police to remain vigilant and reinforce security by arresting any suspicious characters that may utilize the Ramadhan period to stage attacks in the country. Based on past experience, the al-Qaeda allied militant group normally stages attacks during the holy month of Ramadan and their main targets have been urban centers, military bases and other public places such as hotels, markets and busy restaurants requested by many people including military bases. Last week, African Union Mission in Somalia (AMISOM) said, in collaboration with the Somali Police Force, it will conduct patrols throughout the Ramadan period. “We have always had challenges during that month of Ramadan; we always get propping attacks from the al-Shabab but this time, we want to ensure that our brothers observe the fasting peacefully,” said Brigadier Paul L’Okech, the Uganda contingent commander in Somalia. L’Okech said the allied forces will carry out pre-emptive measures to thwart all attacks by the insurgents in Mogadishu and its environs. Source: – Xinhua
  9. Garoowe (Caasimada Online)-Dagaalada culus oo u dhaxeeya Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu dib Caawa uga bilowday deegaanka Tukeraq ee Gobolka Sool. Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in Caawa uu dib u Qarxay, waxaana la maqlayaa Rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ay is weedarsanayaan ciidamada labada maamul ee dagaalamaaya. Dagaalka hadda socda ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan waxa uuna Khasaaraha Dhimasho ilaa maanta gaarayaa inkabadan Afartan Askari, halka Dhaawacana uu kor u dhaafayo Sodon oo qaarkood aan weli loo helin Dawo. Dhaawacyada gurmadka helay ayaa waxaa la kala geeyay magaalooyinka Garoowe, Hargeysa, Burco iyo Oog iyadoo hadda lagu daweynayo Isbitaaladaasi. Askarta dhimatay waxaa ku jira saraakiil Lix kor u dhaafaya oo labada dhinacba ka dhintay. Taliyihii ciidanka Somaliland ee Tukeraq Maxamed Daa’uud ayaa la sheegayaa inuu ka mid yahay saraakiisha ku dhintay dagaalka. Xaalada Isbitaalada la geeyay dhaawacyada ayaa la sheegayaa inay mashquul badan ka jira islamarkaana laga joojiyay dadkii soo booqanayay. Taliyaha ciidamada Millatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo ku sugan deegaanka Tukeraq ayaa sheegay in dhaawacyo iyo dhimasho badan ay jiraan labada dhinacba balse aanay warbaahinta u sheegi karin khasaaraha dhabta ah. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ahna Afhayeenka Puntland oo la hadley VOA ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gaareen banaanka Tukaraq oo hadda xabaddu magaalada ka socoto goordhawna ay sii dhaafi doonaan. Cabdullaahi Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gacanta ku dhigeen Beebayaal iyo gawaari kale oo uu sheegay in ay wateen ciidanka Hargeysa, Saxaafadda ayaan ku casumi doonaa mar dhow ayuu yiri Tukaraq. Afhayeenka Puntland ayaa sheegay in ay qabteen maxaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed oo la soo khalday sida uu hadalka u dhigey, qaar dhaawac yihiin wuxuuna sheegay in ay daaweynayaan dhaawacyada ay qabteen. Wuxuu sheegay in caawa Gaadiid Dagaal oo leedahay Somaliland ay ku hoyanayaan gacanta maamulka, kadib markii maantaay ciidamada labada maamul ku dagaalameen deegaanka Tukaraq. Sidoo kale, Labada maamulba waxaa ay xoojinayaa ciidamada ku dagaalamaya Tukaraq iyadoo magaalo kasta laga soo daad guraynayo ciidamada Gurmad ah.
  10. Sida ay qorayaan Wakaaladaha Wararka ee Dowladaha Carabta waxaa la go’aamiyey in Maalinta Berri ah la dhameystiri doono 30 Shacabkaan, isla markaasna ay maalinta ugu horeyso soonka noqon doonto Khamiista. Dowladaha Xaqiijiyey arrintaan waxaa ugu horeysay dowladda Qatar oo ku dhawaaqday inay adkaatay aragtida Bisha Ramadaan, waxayna Wasaaradda awqaafta iyo Arrimaha Diinta go’aamisay inaysan berri soon aheyn. Sidoo kale guddigii ay dowladda Sacuudiga u saartay raadinta Bisha Ramadaan ayaa soo gudbiyey inay arki waayeen Bisha isla markaasna waxay Maxkamadda ugu sareyso sacuudiga ku dhawaaqday in Berri la dhameystiri doono 30-ka Shacabaan. Wadamada kale ee looga dhawaaqay in berri 30 Shacabaan la dhameystiri doono waxaa kamid ah: Ciraaq Urdun Lubnaan Iyo dowlado kale Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Soomaaliya weli ma aysan soo saarin go’aankeeda ku aadan Haddii ay Berri soon tahay iyo haddii kale, sidoo kale ma jiro ilaa hadda gobol ka tirsan Soomaaliya oo laga arkay Bisha. Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inay dowladda Soomaaliya go’aan soo saarto, waxayna u badan tahay inay go’aamiso in Berri la dhameytiri doono 30 Shacbaan. Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.
  11. Shirweynaha Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka, oo ay ka soo qayb galeen qeybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garsoorka, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Dhallinyarada, Haweenka, Bulshada Rayidka, Ururadda Xirfadleyda, Culumaa’udiinka, Qurba-joogta Soomaaliyeed, Dadka Baahiyaha gaarka qaba, Odayaayasha Dhaqanka iyo xubnaha beesha Caalamka waxay ku kulmeen Hotel Royal Palace taariikhda 13ka – 15ka Maajo 2018, Muqdishu – Soomaaliya. • Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda dhibaatooyinka ka aloosan wadankeena gudihiisa; • Iyadoo si daacad ah la isula meel dhigayo waqtiga kama dambeysta ah ee dhamaystirka Dastuurka si ka madaxbannaan dano shakhsi iyo kuwo kooxeed; • Iyadoo ay ka go’antahay Shirweynaha in lagaaro deganaansho iyo nabad waarta oo ku dhisan Dastuurka; • Iyadoo la tixgeliyo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadkeena; • Iyadoo la bogaadinayo dareenka wanaagsan iyo daacadnimada ka dhaxaysa ka qayb galayaasha shirka taasoo horseeday wadar-ogol; • Iyadoo la rumeysanyahay niyad wanaagii horseeday heshiisyadii horay loo gaaray in ay aas-aas u noqon karaan in la gaaro heshiiyo hor leh inta lagu gudo jiro dib-u-eegista Dastuurka; Shirweynaha Qaran wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan: 1. Mabaadi’da guud ee hagaysa dib-u-eegista dastuurka 2. Hannaanka loo marayo heshiis siyaasadeed ee la xiriira dib-u-eegista dastuurka 3. Hannaanka loo marayo Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta, La-tashiyada dadweynaha iyo horumarinta ka wada qeyb qaadasho loo dhanyahay 4. Horumarinta qaab-dhismeedyo wadajir ah oo wax ku ool ah 5. Nooca Federaalka ku haboon Soomaaliya 6. Caqabadaha imaan kara inta lagu guda jiro dib-u-eegista Dastuurka iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa Iyadoo la bogaadinayo hogaaminta xil-kasnimadu ku dheehantahay ee Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga madaxabannaan ee hawlaha dib-u-eegista dastuurka; Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga Madaxabannaan dib-u-eegista Dastuurka in diiradda la saarayo hortabinnada soo socda: a) INTA LAGU GUDO JIRO 2018:- I. Sixitaanka dhammaan khaladaadka farsamo ee dastuurka; II. Qodobada Dastuurka ku meel gaarka ee u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo, sida wax ka badal, wax ku daris ama wax ka tiris; III. Qodobada u baahan wada xaajoodka siyaasadeed waa in ay ka gaaraan heshiis Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka. IV. In qodobo Dastuuri ah loo badalo heshiisyada ay gaaraan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; iyo b) Muddada lagu gudo jiro kalfadhiyada Baarlamaanka ee 2019ka waa in la ansixiyaa dhammaan cutubyada dastuurka ku meelgaarka ah oo ay ku jiraan qodobada u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed; Shirwaynaha Qaran wuxuu ku baaqayaa in mabaadi’da soo socota ay saldhig u noqdaan Dib-u-Eegista Dastuurka: 1. Lahaanshaha Dastuurka: hannaanka dib-u-eegista dastuurku waa in uu noqdaa mid ay Soomaali leedahay Soomaalina hogaaminayso. 2. Waqtiga: Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waa in lagu soo gabagabeeyaa ugu danbayn Diseembar 2019. 3. Sii ambaqaadis: Waxaa laga sii ambaqaadayaa warbixinadii Baarlamaankii 9aad uu soo sameeyay iyo xulashooyinkii saddex ahaa. 4. U wada dhamaansho: waxaa lagama maarmaan ah in hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ay kawada qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha heer Federaal, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Bulshada Rayidka. 5. Daahfurnaan iyo isla xisaabtan: hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka waa inuu noqdaa mid ku salaysan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Haddaba intaa ka dib, waxaan ku heshiinay: • In laga digtoonaadaa dib u dhac ku yimaada dib-u-eegista Dastuurka; • In Dib-u-Eegista Dastuurka uu noqdo middadka Soomaaliyeed leeyihiin ayna hogaaminayaan; • In dhameeystirka Dastuurku uusan noqon mid ay garwadeen ka yihiin siyaasiyiin koobanoo keliya, balse waa inuu noqdaa mid ay si ballaaran uga qaybqaataan Soomaalida oo dhan. Bogaadin: Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa taageerada beesha caalamka. Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka waxayxaqiijiyeen ka go’naashaha iyo kawada qeyb qaadashada hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka si loo helo Dastuur dhamaystiran oo loo dhanyahay la iskuna waafaqsanyahay.
  12. Khasaaraha dagaalkii maanta inkastoo aanan jirin cid ka tirsan labada dhinac oo qiratey misna warar sugan oo aan helnay ayaa sheegaya sidaan. Dhimashada SOMALILAND 24 Askari Dhimashada PUNTLAND 14 askari. Dhaawaca SOMALILAND 51 askari. Dhaawaca PUNTLAND 32 Askari. Saddex gaari oo laga qabsadey PUNTLAND. Labo gaari oo laga qabsadey SOMALILAND. Gaari laga gubay PUNTLAND. Taliskii guud SOMALILAND ee Tukoraq oo galabta la gubay iyo Ciidan yar oo Somaliland ah oo go’doon ku ah meel ku dhow Tukoraq PUNTLAND oo la wareegtay TUKORAQ. Dagaalka labada dhinac oo socdey in ka badan 12 saac oo xiriir ahayd ayaa istaagay. PUNTLAND POST The post Taliskii guud ee Somaliland ee Tukoraq oo la gubay appeared first on Puntland Post.
  13. Wararka haatan laga helayo deegaannadii maanta lagu dagaallamay ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay galabta la wareegeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Ilo-madax-bannaan oo halkaasi ku sugan ayaa xaqiijiyey in ciidamada Puntland ay galabta gudaha u galeen deegaanka Tukaraq oo maanta dagaal culus ku dhexmaray labada maamul ee Puntland iyo Somaliland. Ciidamada Puntland ayaa haatan ku sugan gudaha iyo nawaaxiga Tukaraq oo in ka badan afar bilood ay gacanta ku haysay Somaliland,waxaaana wararku sheegayan in ciidamadii Somaliland loo riixay dhinaca tuulada Gambara ee xigta Laascaanood. Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo qabsaday Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  14. Beebbe laga qabsaday Somaliland Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo ciidamada Puntland iyo Somaliland maanta ku dhex-maray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Dagaalka oo saaka ka qarxay nawaaxiga degaanka Turaraq ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac sida ay xaqiiijiyeen mas’uuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland oo saxaaafadda la hadlay. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in dagaalkan looga dilay 2 askari,halka lix kalena looga dhaawacay,sida lagu xusay war ka soo baxay taliska ciidamada Puntland. Sidoo kale dowladda Puntland ayaa sheegtay in dhimasho iyo dhaawac badan la gaarsiiyay ciidamada Somaliland ee dagaalka soo qaaday,islamarkaana gaadiid dagaal iyo hub laga qabsaday. Maamulka Somaliland oo dhankooda warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray dagaalkii maanta,balse faahfaahin dhammaystiran kama aysan bixin. Taliyaha ciidamada Somaliland oo shir jaraa’id ka hadlayey ayaa sheegay sidoo kale in ay Puntland dagaal ku soo qaadday,haye yeeshee ay iska caabiyeen,islamarkaana gaadiid dagaal ka qabsadeen. Warar madax-bannaan halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dhimashada dhinaca ay Puntland ay tahay ilaa 14 askari,halka Somaliland ay gaarayso in ka badan 24 askari oo ay ku jiraan saraakiil sare. wararka ayaa sidoo kale tilmaamayaa in Puntland laga gubay laba kamid ah gaadiidka dagaalka,laba kalena laga qabsaday,halka Somaliland laga qabsaday saddex kamid ah gaadiidka dagaalka. Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Khasaaraha dagaalkii Puntland iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  15. Tuka-raq-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda. Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda. “Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.” “Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag. Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Ankara-(Caasimadda Online)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar), oo safar shaqo ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas, Dr Recep Akdag. Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) iyo Dr Recep Akdag ayaa ka wada hadlay wanaajinta xariirka qotadda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. “Waxa aan Ankara kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Dr Recep Akdag. Waxaanu kawada hadalay xiriirka labadda dal ee dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha Ganacsiga iyo waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga”, ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya. Dawladaha Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay dawladaha xariirka dhaw la leh Dawladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. MOGADISHU, May 15 (Xinhua) -- Somalia security forces have beefed up security in major urban centers in the restive capital city, Mogadishu ahead of Islamic holy month of Ramadan which begins worldwide this week. Source: Hiiraan Online
  18. Nairobi — IOM, the UN Migration Agency, in close partnership with the Ministries of Health in Somaliland and Puntland, will provide emergency life-saving health services to some 48,000 drought-affected people in the Sool, Sanaag and Mudug regions over the next five months, with funding from the UN Central Emergency Response Fund (CERF). Source: Hiiraan Online
  19. Baydhabo (Caasimadda Online) – Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo ka socda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay ayaa galay maalintii sadaxaad, waxaana maanta dibad joog ka ah Warbaahinta. Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada ayaa maanta diiradda saaraya sidii ay u wajihi la haayeen culeesyo siyaasadeed oo ay wajahaan dhamaan Maamul Gobaleedyada gaar sadax maamul gobaleed oo ku soo dhaw xiligii ay gali lahaayeen doorasho Madaxweyne iyo isbaheysiyo deegaanadooda ka abuurmaya. Warar Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay laga helay ayaa soo sheegaya in Ujeedada shirka maamul gobaleedyada uusan aheyn sidii warbaahinta ka sheegeen Madaxda maamul Gobaledyada Bilaawgii shirkaan ee ahaa Ka tashiga Dastuurka, amaanka, siyaasadda iyo u Gurmashada dhibaatada ka taagan Beladweyne. Dadkii aan la hadalnay oo ay ku jiraan xogheyno wax ka qoray Ajandayaasha Shirka ayaa sheegay in Ujeedada Shirka ay tahay Codsiyo ka yimid 3 maamul Gobaleed oo kala ah Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed kuwaas oo sheegay iney wajahaan Culeesyo uga yimid Dowladda dhexe ee Soomaaliya. Sadaxdaan Maamul Gobaleed oo ay deegaanadooda ka dhaceyso dhamaadka sanadkaan iyo bilawga Sanadka 2019 doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaysa siyaasiin Soomaalida Kenya degta ah ay Abuureyso siyaasiin la wareega Talada Maamulada kuwaas oo la shaqeeya Dowladda Soomaaliya waxaana malaayiin lacag ah ku bixinaya Gadar sida ay hadalka u dhigayn. Xubnaha Shirka soo qaban qaabiyay ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in Ajandaha Shirka ay ugu wayntahay 3 qodob oo kala ah. Ka feejignaanta fargelin Dowlada dhexe ay ku sameyso doorashada deegaaanada Maamul Gobaleedyada In Cabasho Beesha Caalamka looga Gudbiyo Dowladda Soomaaliya laguna cadeeyo ineysan la shaqeyn Karin Maamul Gobaleedyada. Iyo dhamaan Maamul Gobaleedyada ay Xiriirka U jiraan Dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen iney ku xadgudubtay Dastuurka, sidoo kalane fulin weysay qodobo lagu heshiiyay Bishii October 2017. Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gees oo Khudbad ka jeediyay Shirkii Shalay ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxda Dowladda waxa uuna ku tilmaamay dad facebook isticmaala oo aan waxba ka aqoonin Waajibaadka Dowladnimada. Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Masuuliyiinta shirka ku sugan ayaa sidoo kale weeraray Madaxda Dowladda, hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada ayuu kula taliyay inay wadashaqeeyaan hadii aysan isku duubnaanina ay xaaladooda sidaan kasii adkaan doonto. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa sidoo kale ku taliyay in laga feejignaado talaabooyin uu sheegay in hore ay u dhaceen hadana ay taagan ka taagan Jubbaland lana xisaabtamo Dowladda Federaaka ah ee Soomaaliya. Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed oo shirka marti gelinaya hadal kooban uu jeediyay masoo hadal qaadin culeesyada Siyaasadeed iyo Cabashada Madaxweynayaasha kale ay qabaan, dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliya waxay Shariif Xasan ku tilmaamaan hogaamiya aan warbaahinta ku soo bandhigin aragtidiisa Siyaasadeed mana jirto hadal adag oo diiwaanka u galay tan iyo markii uu siyaasadda ku soo biiray. Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale si degan u hadlay waxa uuna diiradda saaray oo kaliya wadashaqeyn iyo is faham in la helo ay tahay lama huraan , sidoo kale fatahaadaha ka jira deegaanka HirShabeelle ayuu ka hadllay. Shirkaan ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo maanta gelinka dambe waxaana laga soo saari doonaa War-Murtiyeed ku aadan Xaaladda Soomaaliya. Xigasho: Radio Kumliye Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay xilligan mashquul ku tahay arrimo aan aheyn howshii laga sugayay inay wax ka qabato. Axmed Madoobe ayaa khudbad uu ka jeediyay shirkii madaxda maamullada dalka uga furmay Baydhabo ayaa sheegay in illaa iyo hadda aanay dowladda u diyaar garoobin qorshihii amniga dalka loogala wareegi lahaa AMISOM, isla markaana la diyaariyo ciidan Soomaaliyeed. “Waxaa aad loogu mashquulsan yahay doorashada dhacaysa 2020-ka – cida imaanayso, qaabkii doorashada u dhici lahayd iyo waddadii loo mari lahaa, doorashada 2020-ka, wax badan ayaa ka horeeya oo la rabo in la qabto,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Sidoo kale, Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in waxyaabaha horyaala ee u dhaxeeya in la qabto 2016-ka iyo 2020-ka inay xaqiijiso wax ka qabashadeeda iyo hirgelinteeda. Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in hadda laga fikirayo sidii Aqalka Sare madaxdooda loo ridi lahaa, maamul goboleedyada qaarna hoggaanadooda meesha looga saari lahaa, taasna aanay aheyn mid wax dhisaysa. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in dowladda ku mashquulsan yahay baraha bulshada sida Facebook-ga, wax ka sheegida madaxda qaar. Haddaba: DAAWO: Khudbaddii Axmed Madoobe uu ku dhaliilay Dowladda Somalia; PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo Dhaliil adag u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegaya in C/qaadir Cashir Nadara oo ahaa lataliyihii dhinaca Warfaafinta ee Ra’iisul Xasan Cali Khayre uu is casilay. C/qaadir Nadaara ayaa la sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay isagoo isku sharxaya kursi xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo bannaan, kaasoo uu banneeyay Agaasimaha hay’dda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen oo doorashadiisa lagu wado inay dhowaan ka dhaco magaalada Baydhabo. Xiriir ay Idaacadad kulmiye ee Magaalada Muqdisho la samaysay Nadara ayuu ku xaqiijiyay arintaas, isagoo intaa ku daray inuu yahay Murashax utaagan kursiga Xildhibaan ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo uu dhawaan Baneeyay Agaasimaha hay’dda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Xuseen Cismaan Xuseen. Wararka ayaa shaegaya in xukuumadda ay ku taageereyso Nadaara inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka si ay u kordhaan xildhibaannada taageersan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre. Doorashada kursigaan ayaa lafilayaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo dhawaan, RW Xasan Cali Khayre ayaa lafilayaa in Nadaara uu ku taageero helida kursiga xildhibaanimo. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in tallaabada uu isugu sharaxayo xubinta Xildhibaanimo ee doorashadeeda dhawaan ka dhaceyso Magalada Baydhabo ay ku dhiirageliyeen Xubno ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo taageero siinaya. C/qaadir Nadaara ayaa xilka lataliyaha War-faafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay 5tii bishii sideedaad ee 2017. Nadaara ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku xaqiijiyey inuu xilkiisa iska casilay laga bilaabo Maanta Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa baraha Bulshada ee Soomaalida ku jiray eedeyn uu Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex usoo jeediyey Wasiir ku xigeenka ahna sii hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Cilmi Cumar Ceynsane. Abwaanka ayaa Wasiirka ku eedeyey in anu waxba u qaban isla markaasna uu ku dayacan yahay Magaalada Muqdisho. Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa dabagal xooggan ku sameysay eedeynta uu Abwaanka soo jeediyey, waxaana ilaa xad isku daynay inaan wax badan ka ogaano isla markaasna aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagno waxa dhabta ah ee jira. Sidee ayuu ku bilowday xiriirka Wasirka iyo Abwaanka? Wasiir ku xigeenka Wasaradda Gargarka iyo Maareynta Musiiboyinka Xildhiban Cilmi Cumar Ceynsane ayaa baraha Bulshada ku arkay Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo ku xanuunsanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland. Wasiirka oo si weyn uga danqaday Xaaladda bini’aadanimo ee uu ku sugnaa Abwaanka ayaa go’aansaday inuu keeno Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si loo geeyo isbitaalada casriga ah ee ku yaalo. Abwaanka ayaa laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna Wasiir Ceysane oo markaas saxaafadda kula hadlayey garoonka dhexdiisa sheegay inuu Abwaanka halkaan u keenay sidii loo daaweyn lahaa maadaama Magaalada Hargeysa isbitaalada ku yaal wax looga qaban waayey. ” Abwaanka waxaan rabaa inaan geeyo isbitaalada Magaalada Muqdisho, haddii markaas wax looga qaban waayo waxaan u la raadin doona sidii loogu qaadi lahaa dakhatiirta dalka Debadiisa ah” ayuu yiri Wasiirka oo xilligii abwaanka Muqdisho imaanayey la hadlay Warbaahinta. Sidoo kale Abwaanka oo xilligaas la hadlayey Warbaahinta ayaa isna sheegay inuu Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ka codsanayo in loo fidiyo gargaarka daawo ah ” Aniga waxaan ahay Abwaan soo halgamay, guryo iyo xoolo nin doonayo maahi, waxaana madaxda dowladda ka codsanayaa inay igu caawiyaan sidii la iiga daaweyn lahaa xanuunka wadnaha iga hayo” ayuu yiri Abwaanka. Maxaa xigay? Wasiir ku xigeen Cilmi Cumar Ceynsane ayaa Abwaanka dajiyey Hotel Muqdisho oo ku yaal Isgoyska Nambar afar ee Magaalada Muqdisho oo anu uga tagnay. Abwaanka oo muddo laba bil ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa la geeyey dhammaan Isbitaalada ku yaal Muqdisho sida: Digfeer, Masaarida, Dr. Dasuuqi iyo Kalkaal. Daaweyn iyo la tacaalid badan kadib, Dhakhaatiirta ayaa ku taliyey hadii loo heli karo in lo diro dakhatiirta dibada ah dawoyinkisana la siiyo uuna isticmaali karo inta dalka debadiisa loo qaadi karo taasoo ka caawin karto inuusan xanuunka ku dhibtoon. Qarashaadka ku baxayey isbitaaladii la geeyey dhammaan waxaa bixinayey Wasiir Ceysane, kaliya daawada bes maahan e xataa qarashaadka Hotelka iyo cuntadiisa muddo laba bil ah waxaa bixinayey Wasiirka. Qorshaha Dibadda looga qaadayey Wasiir Ceysane oo raacayo taladii Dhakhaatiirta ee aheyd in Abwaanka dalka Dibadiisa lagu soo daaweeyo ayaa si deg deg ah ugu soo sameeyey Baasaboor isaga iyo gabar uu dhalay oo laba rabo in ay raacdo oo la qorsheeyey inay Turkiga u baxaan. Sidoo kale Wasiirka ayaa Xaaladda Abwaanka u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre, wuxuuna mar kasta ku dadaalayey sidii loo Caawin lahaa Abwaan Baarleex. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay meel gaba gaba ah u mareyso qorshaha la doonayo in abwaanka dibada loogu qaado, uuna u sameeyey Basabooro isaga iyo gabar uu dhalay oo raacaysa abwaanka oo hargeysa uga soo baxay GO HOME Document, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay in dhowaan ay soo gabagabowdo qorshaha dibada loogu qaadayo laguna soo daweyn doono dalka Turkiga haddu Alle idmo. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in waraaqaha Caafimaadka ee abwaanka loo diray Hospitalada dalka Tukey oo hadda jawaab laga sugayo kadibna Visaha la siinayo. Hadalkii kasoo yeeray Abwaanka Abwaanka ayaa cudur daar ka bixiyey eedeyntii uu Wasiir ku xigeenka usoo jeediyey, wuxuuna sheegay in la marin habaabiyay uuna yahay qof xanuunsan. Waa sidee hadda Xaaladda Abwaanka? Ugu dambeyntii Maamulka Hotelka uu Muqdisho ka daganyahay Abwaan Baarleex iyo xubna kale oo haatan gacanta ku haya xaalada caafimaad ee Abwaanka ayaa noo xaqiijiyay in daryeelka abwaan Baarleex uu haatan ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa markuuu Hargeysa yaalay lana geeyey tiroba dhawr jeer dakhaatiir kala duwan iyadoo aan la kulanay kalkaaliyayaal caafimad oo si gaar ah ugu adeegayey Abwaanka. Waxaana xusid gaar ah mudan in Goobta uu deganyahay Abwaanka iyo dhamaan kharashkadkas ku baxa uu ilaa hadda si shaqsiyan ah gacanta ugu hayo wasiir Caysane oo go’aansaday inuu Mushaarkiisa ugu gargaaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Chief justices from the East African Community member states want to be officially involved in the activities of the bloc so they can help coordinate legal affairs and strengthen administration of justice in the region. Source: Hiiraan Online
  24. Qatar’s Emir held talks on Monday with the Somali president in Doha and pledged support for the East African country, amid tensions between the two countries and the UAE. Source: Hiiraan Online
  25. WICHITA, Kan. (AP) - A federal judge has delayed the sentencing of three men who plotted to bomb a mosque and apartment complex housing Somali refugees in Kansas. Source: Hiiraan Online