Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    204,967
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya maleeshiyaadka al-Shabaab ee isku soo dhiibaaya Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia. Maleeshiyaadkan isa soo dhiibaaya ayaa waxaa sabab looga dhigay kororka weerarada ay diyaaradaha Mareykanka ka geystaan Gobolada dalka. Weerarada ugu badan ayaa ka dhaca Gobolka Shabellaha Hoose oo la rumeysan yahay inay ku yaalan Saldhigyada ugu waaweyn ee al-Shabaab. Maxamuud Cabdi oo kamid ah Saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadka ugu badan ay sanadkaan isku soo dhiibeen Koonfur Galbeed. Waxa uu sarkaalkan sheegay in muddo ku dhow lix bil gudaheeeda ay maamulka isku soo dhiibeen ugu yaraan 70 maleeshiyo oo isugu jira Dagaalyahaano iyo Horjoogayaashii ay ilaalinayeen. ‘’Wey sii kordhayaan al-Shabaabka soo galaaya gacanta dowlada waxaan wadnaa wadahadal lagu soo gacan galinaayo sodomeeyo al-Shabaab oo aan weli isa soo dhiibin rajadu aad ayay u wanaagsan tahay’’ ayuu yiri Maxamuud Cabdi. Sidoo kale, Maxamuud Cabdi, ayaa sheegay inay dareemayaan in laga faa’iideysanaayo fursada uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo siiyay al-Shabaabka. Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in maleeshiyaadka al-Shabaab ee aan weli isa soo dhiibin ka faa’iideystaan fursadooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shabaabka isku soo dhiibaya DF oo kordhaya iyo hal sabab oo lagu macneeyay appeared first on Caasimada Online.
  2. Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakur Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan aaminsanahay in dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u siman yihiin gayiga Soomaaliyeed, mana aaminsani inuu jiro reer gooni u leh caasimadda Muqdisho ama ama magaalooyinka kale. Waxaan hubaa in taariikhda halgankayga, fikirkayga siyaasadeed iyo saaxiibbada aan ku leeyahay shacabka Soomaaliyeed ay daliil u tahay waxaan ka aaminsanahay wadaniyadda, wadajirka iyo sinnaanta dadka soomaaliyeed. Hadalka la soo barjaray waa mid si ula kac ah la isugu soo aadiyey, loona fasiray, si sumcaddeyda loo dhantaalo. Waxaana ka dambeeya kooxdii duullaanka bahalnimada ah kusoo qaaday gurigeyga, kuna laayay 6 qof, anigana i afduubay. Beeni raad ma leh !
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa lagu magacaabay La-taliyaha cusub xagga amniga ee madaxweynaha. Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Cabdi Saciid M, Cali oo noqon doona la-taliyaha cusub xagga amniga ee madaxweyne Farmaajo. Cabdi Saciid oo lagu magacaabay wareegtada Madaxweynah ayaa waxa uu noqonayaa la-taliyihii Seddexaad ee xagga amniga uu Farmaajo yeesho Sagaalkii bil ee la soo dhaafay. Cabdi Saciid, ayaa la-taliye dhanka amaanka ah kasoo noqday meelo dhowr ah, waxa uuna 2dii sano ee ugu dambeysay, midowga Yurub lataliye uga ahaa dhanka amniga. Dhinaca kale, 2004-2005 waxaa uu La-taliye Technical Advisor u ahaa TFG-da Cabdullahi Yusuf, isaga oo isla jagadaasi ka qabtay 2006-2008dii, waxaa intaas kadib ka shaqeeyay Safaaradda Talyaaniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo wareegto ku magacaabay La-taliyihiisa cusub ee xagga amniga appeared first on Caasimada Online.
  4. Kismaayo (Caasimada Online)-Boqolaal dadweyne ayaa maanta isku soo bax ka dhigay waddooyinka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Boqolaalkan ruux oo ay ka muuqato farxad ayaa ku qeyla dhaaminaayay erayo muujinaaya Guusha ay Ciyaartooyda Jubbaland ka gaareen Koobka Gobolada dalka. Xulka kubadda cagta maamul goboleedka Jubbaland, ayaa ka raayay Xulka maamulka Puntland, iyadoo guusha kadib ay shacabka Jubbaland isugu soo baxeen waddooyinka Kismaayo. Ciyaartoyda Jubbaland ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag, iyadoo xamaasad weyn laga dareemayay taageerayaasha labada dhinac oo garoonka Banaadir Stadium ku wada sugnaa. Xulka Jubbaland ayaa goolka dhaliyay daqiiqadii 74aad ee qeybta labaad ee ciyaarta, waxaaa mar qura isqabsaday sawaxan taageero ka muuqatay oo ay ku dabaal degayeen taageerayaasha Jubbaland. Ciyaartooyda kubadda cagta ee Jubbaland ay ku guuleysteen tartanka kaddib markii ay ciyaartii Finalka ahayd 1-0 uga badiyeen xulka Puntland oo tartankan ku guuleystay sanadkii hore. The post Sawirro: Sidee Kismaayo looga dabaal dagay guusha Xulka Jubbaland ee tartanka maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
  5. The Ethiopian People’s Revolutionary Defence Front (EPRDF), the country’s ruling coalition is facing an internal crisis which has led to Members of Parliament (MPs) belonging to two main blocs – the Amhara and Oromia, boycotting parliament, the BBC Africa Live page has reported. The coalition in a statement released on Wednesday admitted that it was facing gradual ‘mistrust and suspicion’ among the four main blocs. OPDO, ANDM, TPLF and SEPDM. Twenty four later, members of the Oromo People’s Democratic Organization (OPDO) and the Amhara National Democratic Movement (ANDM) boycotted parliament calling for Prime Minister Hailemariam Desalegn to give an explanation on escalation in recent deadly violence. The statement according to local media sources went on to assert that a weakness of the executive arm was responsible for the current state of affairs. It said the ‘weakness of the executive’ had contributed significantly to the deteriorating security across the country. The other two EPRDF parties are the Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF) and the Southern Ethiopian People’s Democratic Movement (SEPDM). The coalition holds 100% seats of the parliament. Ethiopia’s three-pronged security crisis The security situation in Ethiopia is a mix of anti-government sentiment on one hand, ethnic clashes affecting two major regions and a deadly turn of events across some universities in the Horn of Africa country. Most universities affected by serial deaths of students have closed down due to a lack of conducive atmosphere for studies. The government has said that the deaths were politically inclined and that it was doing everything possible to remedy the situation. Then last week, sixteen people were reportedly shot in the town of Chelenko in the Oromia region. The regional communications chief blamed it on federal security forces who opened fire on protesters unhappy about the killing of a resident. The government says it has opened a probe. Then there is the border tensions between the Oromia and Ethiopia-Somali regional states. An escalation in the age-long tension late last week led to the deaths of 61 people on both sides. Scores were also reported to have been injured, houses burnt and hundreds internally displaced. Source: – Africa News The post Ethiopia’s ruling coalition sweats over insecurity as Oromo, Amhara MPs protest appeared first on Caasimada Online.
  6. U.S. Rep. Keith Ellison on Thursday called for investigations into reports that federal immigration agents have mistreated 92 Somalis who were shackled for 2 days on a botched deportation flight. Ellison, a Democrat who represents Minnesota’s 5th District, home to a large Somali-American community, said constituents contacted him “to express grave concern about alleged human rights abuses of 92 Somali nationals while in the custody of U.S. Immigration and Customs Enforcement in transit through Dakar, Senegal” from Dec. 7 to Dec. 9. The flight left around 3 a.m. on Dec. 7 from Louisiana, but the detainees never made it to Somalia. They were returned to Miami around midnight on Dec. 8. Some of those on the flight said in a lawsuit that agents physically and verbally abused them during the flight, which lasted for 40 hours, including 23 hours when the flight was on the ground at an airport in Dakar. As the plane sat on the runway, the 92 detainees remained bound, their handcuffs secured to their waists, and their feet shackled together for 48 hours, according to the lawsuit. Seven men who filed the lawsuit on behalf of their fellow Somali detainees, who are now in detention centers in Florida, allege that when the plane’s toilets overfilled with human waste, they were left to urinate into bottles or on themselves. They say agents allegedly restrained them, kicked them and dragged them down the aisle. Calling the abuse reports “profoundly disturbing,” Ellison said he’s pressing the agency to explain: • Why the plane returned to the U.S. • “Why were individuals with medical needs not allowed accommodations for their health, such as the detainee with diabetes who was not given access to his medication?” • “What disciplinary actions will be taken against the ICE officers who struck and choked detainees or otherwise used excessive force during the tarmac delay, given that all detainees were wearing restraints and could not pose a threat to the officers?” The immigration enforcement agency says the abuse allegations are untrue and that no one was injured during the flight. Those being deported on the charter removal flights were restrained for the safety of those on board, the agency added, noting that 61 of the 92 detainees on the flight had criminal convictions, including homicide, rape, and aggravated assault. To explain the botched flight, which baffled immigration lawyers, the agency said in a statement relief flight crew was “unable to get sufficient crew rest due to issues with their hotel in Dakar.” It added that “various logistical options were explored, and ultimately ICE decided to reschedule the mission to Somalia and return to the United States with all 92 detainees.” The detainees were scheduled for deportation on Wednesday but got a temporary reprieve Tuesday when a federal judge in Florida blocked their deportation to Somalia. U.S. District Judge Darrin Gayles set a two-week emergency stay of removal and ordered the government to provide the detainees “with adequate medical treatment for any injuries they have sustained.” Gayles extended the emergency stay on Thursday until Jan. 8 at 10 a.m. Source: MPR News The post Ellison wants probe of abuse claims from Somali deportation flight appeared first on Caasimada Online.
  7. Ka dib markey galabta xulka Jubaland ku guulaysateen tartanka kubadda cagta maamulladda dalka iyo Gobolka Banaadir uga socday magaalada Muqdisho waxaa mar qudha ka bilowday qeybo ka mid ah Garowe fawdo saamayn xoog leh ku yeelatay ganacsiga iyo isu socodka dadka iyo gadiidka. Agagaarka suuqa Injida iyo Astaanka Garowe waxaa ka socda rasaas ciidamo ridayaan iyo dhalinyaro weerar ku ah meheradaha ganacsiga islamarkaana fawdo xoog leh halkaas ka samaynaya, kuwaas oo istaajiyay gabi ahaanba dhaq dhaqaaqii. Dhinaca kale Mid ka mid ah Ganacsatada ku nool magaalada Garowe oo heyb ahaan kasoo jeeda Kismaayo ayaa lasoo xiriiray warbaahinta PUNTLAND POST wuxuuna uga waramay cabsi kasoo wajahday inay u dabaal degaan xulka Jubaland oo ku guulaysteen tartankii maamul Goboleedyadda.
  8. Mudane Cabdi Saciid M, Cali ayaa loo magacaabay la-taliyaha cusub xagga amniga ee madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo. Mr. Cabdi Saciid M, Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay, waxaa uu noqonayaa la taliyihii 3aad ee xagga amniga uu Farmaajo yeesho 9kii bil ee la soo dhaafay. Hadaba, Waa Kuma Cabdi Saciid M. Cali: Waxbarashada: 1993 – 1996: Delta University ayuu ka qaaday Bachelor la xiriirta ganacsiga, isla cilmigaas ayuu mar kale Bachelor uga qaaday 1996 – 1998 Jaamacadda Van Hall Larenstein. 1999 – 2000: Jaamacadda The University of Texas at Dallas, waxaa uu ka qaaday Postgraduate, ee dhaqaalaha iyo falanmqeynta warbixinnada. University of Nairobi waxaa uu ka barya cilmiga siyaasadda, Harvard University, John F. Kennedy School of Government waxaa uu ka dhigtay istaraatiijiyadda halka Clingendael Netherlands Institute of International Relations uu ka dhameeyay cilmiga amniga. Xagga Shaqada: 2004-2005 waxaa uu Lataliye Technical Advisor u ahaa TFG-da Cabdullahi Yusuf, isaga oo isla jagadaasi ka qabtay 2006-2008dii, waxaa intaas kadib ka shaqeeyay Safaaradda Talyaaniga, Urur goboleedka IGAD ayuu kala shaqeeyay amniga xuduudaha iyo badaha, waxaa uu sidoo kale bare ka noqday Foreign Service Institute oo Kenya ah iyo Jaamacadda Muqdisho. Cabdi Saciid waxaa uu Soomaaliya wakiil uga ahaa hey’adda Nordic International Support Foundation isaga oo gobollo badan mashaariic ka fuliyay, isla hey’addaas ayuu madax uga noqday barnaamijka horumarinta Itoobiya iyo IGAD. Hadda 2dii sano ee ugu dambeysay, waxaa uu midowga Yurub lataliye uga ahaa amniga. Goobjoog News Source
  9. Muqdisho (Caasimadda Online): Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd Mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa farriin qaran u diray shacabka Soomaaliyeed isaga oo ugu baaqay in ay dowladnimada ilaashadaan. Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa caddeeyay inuu ka xunyahay qodxaha iyo jilaafooyinka loo dhigayo dowladnimada curdanka ah isaga oo kula dardaarmay in dowladda dhaliil wax dhiseysa loo jeediyo oo aan mucaarado iyo fowdo dalka laga kicin. Prof. Geeddi ayaa ka hadlay warkii kasoo yeeray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ahaa in dad marti ku ah magaaladan ay jiraan, wuxuuna ku tilmaamay hadalkaas mid gef ku ah shacabka Soomaaliyeed ee ah hal qoys. Waxa uu adkeeyay in qof dalkan inuu hoggaamiye ku haminayo uu ku hadlo hadallada sidan u hooseeya. Ugu dambeyn Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ka dhawaajiyay guulaha ay Xukuumaddu ku tallaabsatay iyo sida beesha caalamka ay dadaal ugu bixineyso in ay Soomaaliya soo kabato, isaga oo tusaale usoo qaatay horumarka dhanka maamulka maaliyadda iyo xiriirka ay dowladda la leedahay Bankiga Adduunka iyo IMF-ta. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com The post Prof. Cali Maxamed Geeddi “Muqdisho cidna marti kuma ah, cidna marti loogama noqon karo” appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyey geerida Alle hawnaxariistee marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali oo ahaa taliyaha qaybta Booliska gobolka Cayn. Madaxweynaha Puntland oo ku hadlaya afka goleyaasha dawaladda Puntland ayaa waxaa uga tacsiyaynayaa Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaanba Taliska Booliska Puntland , eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Alle denbigiisa ha-dhaafee marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali. Marxuunka ayaa ku geeriyoodey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland halkaasi oo uu mudooyinkii ugu danbaysay ku xanuunsanaa, Illaahayna uu qadar in maanta ay saacadiisii kusoo gebagebowday. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali uu ahaa sarkaal gudashada waajibaadkiisa shaqo ku wanaagsan, islamar’ahaantaana shaqo wanaagsan qabtay muddadii uu ahaa taliyaha qaybta Booliska gobolka Cayn. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marxuunka marlabaad Alle uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su’aasha qabrigana Alle sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo Taliska Ciidanka Booliska Puntland. -DHAMMAAD- XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geerida Taliyihii Qaybta Gobolka Cayn. appeared first on Puntland Post.
  11. Guddi nabadayn ah oo nabad kusoo dabaala dhibaatada ka dhextaagan dadka walaalaha ah ee wada degan degaanka cagaare ayaa maanta 22 December 2017 waxa ay ka ambabaxeen magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal, kadib markii Madaxweynaha Dawladda Puntland ku booriyey labada beelood ee dagaaladu dhexmareen inay nabada ka shaqeeyaan. Guddigan oo ka kooban Isimo, Culumo Aw-diin, nabaddoono, cuqaal, waxgarad, xeel-dheerayaal, ganacsato iyo culumaa’udiin ayaa ka hor intaanay ka anbabixin degmada Buurtinle ayaa waxaa ay la hadleen iyagoona baaq nabadeed u diray lada beelood ku dagaalamay degaanka Cagaare. Imaam Cadiwahaab Maxamuud oo kamidda guddiga arintana loo xilsaaray ayaa sheegay inay gurmad u yihiin sidii ay u xakamayn lahaayeen dhibaatada ka dhextaagan shacabka walaalaha ah, waxaana uu sheegay inay yihiin dadka dhimanayaa dad walaalo ah oo isku ehel ah, hal qoys ah oo hal degaan ah, isla markaana waxa uu baaq u diray shacabka labada dhinac ee degaankaasi wada degan inay joojiyaan dhibaatada, xaaladdana nabad, waan-waan iyo wada hadal ku dhameeyaan. Nabadoon Yaasiin Cabdisemed oo kamida nabadoonada Puntland ayaa dhankiisa sheegay in ay ka waxgarad ahaan ka xun yihiin dhacdada foosha xun ee ka dhex dhacday dadka ehelka ah, waxaana uu cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay dadka shacab ka ah ee wada degan dhexdooda nabad uga dhex dhalan lahayd, isla markaana waxa uu xusay inay ka rajaynayaan waxgaradka dhinaca kale inay iyana dhankooda ka shaqeeyaan daminta colaaddaasi. Dhinaca kale Shiikh Maxamed Caalin Axmed oo kamidda culima aw-diinta Soomaaliyeed ee rere Puntland oo ka hadlay madasha baaqa nabadeed ayaa shegay in Alle “SWC’ ”sheegay in qofkii qof muslim ah dila oo kas iyo ula kac u dila in naarta Jahana Alle ku abaal marinayo cadho Allena ay ku dhacayso, raxmadda Allena laga fogaynaayo oo isaga iyo shaydaan isku meel la-dhigayo “. Ug danbayn, Shiikh Maxamed Caalin Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Rasuulkeena Maxamed “SCW” uu yidhi ” laba qof oo muslimiin ah oo mid walbi hubkiisa sito haddii ay iska horyimaadaan oo ay dagaalamaan labaduba naartay gelayaan”.
  12. Shirweynihii saddexaad ee Madasha ay ku midaysan yihiin Wasaaaradaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowad Goboleedyada dalka oo ay marti-gelisay Puntland ayaa Maanta ka furmay magalada Garoowe. Wasiirada Dastuurka xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,Jubaland,Galmudug,Hirshabeelle,Konfur galbeed,iyo Puntland ayaa ka qayb galaya shirkaan oo diiradda lagu saarayo dib u eegista Dastuurka iyo wada-shaqeynta wasaaradda Dastuurka heer Federaalka iyo heer gobol Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay maamulka gobolka Banaadir oo aan horay ugu jirin Madashaan ay ku midaysan yihiin Wasaaradahaa Dastuurka Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Wasiirka Dastuurka Puntland Cabdifitaax Siciid Caynab oo ugu horrayn kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyey martida ka qayb gelaysa shirka,wuxuuna ka warbixiyey arrimaha u qabsoomay wasaaraddiisa mudadii u dhexaysay labada shir. Caynab ayaa tilmaamay in uu shaqo weyn ka qabtay fahamsiinta bulshada ee arrimaha Dastuurka muddadaasi saddexda bilood ah. Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa sheegay in qorshaha dib u eegista Dastuurka dalka,islamarkaana ay kala tashanayaan Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Sidoo kale wuxuu sheegay in is-faham laga gaarayo maqaamka uu yeelanayo gobolka Banaadir oo haatan ka qayb galaya shirka Maanta furmay. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin cabdullaahi Xaaaji Cumar oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool u ah dib u eegista Dastuurka dalka iyo wada-shaqeynta Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Sawirro PUNTLAND POST The post Shirweynihii saddexaad ee Madasha Wasaaradaha Dastuurka Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Garoowe ka furmay. appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (PP) ─ Kooxda Kubadda Cagta ee Jubbaland ayaa ku guuleystay Koobka Maamul-goboleedyada dalka, kaddib markii ay 1-0 ku suul-daareen Kooxdii ka socotay maamulka Puntland. Cayaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa qaybteedii hore waxay labada koox ku kala naxeen 0-0 gool la’aan ah, iyadoo markii la isugu soo laabtay Qaybtii labaad ee cayaarta ay kooxdii ka socotay Jubbaland u suuro-gashay inay gool dhaliyaan, kaasoo noqday midkii ay guushu ku raacday. Goolka ay ku adkaatay kooxda maamulka Jubbaland ka socotay ayaa waxaa u dhaliyay laacibkooda Weerarka uga cayaara ee Yoosin C/raxmaan Maxamed. Inkastoo labada kooxood ay soo bandhigeen cayaar wanaag, ayaa haddana kooxda Jubbaland waxay u noqotay maalin guul ah, iyadoo Kooxda Puntland oo sannadkii hore koobkan ka qaaday Jubbaland, iyadana maanta Koobkii ay difaacanaysay laga qaaday. Wixii warar ah kala soco Puntlandpost haddii Eebbe ogolado. PUNTLAND POST The post DEG-DEG: Kooxda Jubaland oo ku guuleysatay Koobka K/Cagta ee Maamul-goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  14. Concern worldwide photographer Kieran McConville A LIMERICK city man’s images played an important role in raising vital funds for aid agency Concern Worldwide, which helped save thousands of children’s lives in Somalia. Concern photographer, Kieran McConville, took photographs of a severely malnourished five-year-old girl called Yasmiin Hassan on March 15 this year. They were used in Concern’s ‘East Africa Appeal’ which raised more than €1.5 million. That money helped Concern staff treat children like Yasmiin and return her from near death to a smiling, healthy child, who is still visited by the charity’s staff to ensure she remains in good health. Kieran said he was “delighted” when he saw images that clearly show the recovery Yasmiin made just 12 weeks after he saw her in such an emaciated state. Five year old *Yasmiin at Concern Worldwide’s nutrition center in Mogadishu, Somalia“I met Yasmiin when she was at her lowest ebb, but the beauty and energy of a five year old were still there deep down,” he said. “What our team in Mogadishu have done for her is just brilliant – and they’ve been doing this for thousands of children this year. “They are simply amazing and so are the Irish public, who have been really generous in their support. At a time when the people of Somalia are dealing with so much darkness, this is a glimmer of light.” Yasmiin smiling with her mother three months after treatmentConcern Worldwide has heaped praise on the people of Limerick and the rest of the country for helping save the life of Yasmiin and other children in war-ravaged Somalia through their generous donations. Yasmiin – one of 1.1 million Somalis forced to flee their homes due to conflict – weighed the same as an average two-year-old when she was brought to a Concern nutrition centre on the outskirts of Mogadishu in March. Her condition was so bad, her mother, Aamiina, believed she would suffer the same fate as one of her brothers, who sadly died with similar symptoms at a time when they had no access to a health clinic. However, after 12 weeks of treatment, Yasmiin made a full recovery and Concern’s health and nutrition team maintain contact with her to ensure she remains healthy. Carol Morgan, Regional Director Concern Worldwide“Life and joy returned to her eyes,” said Concern’s Regional Director for the Horn of Africa, Carol Morgan. “She increased her weight from 12.4kg to a healthier 16.7kg – and measurements of her left upper arm also confirmed an improvement to her health. “It brings immense joy to the staff when you see the recovery of children we care for like Yasmiin. The staff know they saved that child’s life. “Her smile is a great relief just weeks after being in such an emaciated state. It is truly heart breaking to see any child malnourished. “You see an emptiness and loss of happiness in their eyes. They stare ahead at nothing, not focusing on anything. They don’t play and have no energy – so it is such a relief to see them recover.” The East Africa appeal followed the severe drought across East Africa that left an estimated 20 million people facing starvation. Concern treated 53,425 children aged from birth to five for malnutrition in Mogadishu and the Lower Shabelle regions of Somalia between January and October this year. The aid agency said the number of children it reached in the country in 2017 was three times higher than the amount of children reached in 2016. Yasmiin when arrived at Concern clinic on March 15 and 12 weeks later after treatmentLimerick
  15. Dr. Axmed Cali Dahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa shalay ka horyimid go’aankii lagu siidaayey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo lagu soo eedeey fal dambiyeed Qiyaano Qaran iyo Qaran dumis. Xeer illaaliyaha ayaa ku dooday in dacwadooda ay u cuskadeen labada qodob oo kala ah 36 iyo 58 ee xeerka ciqaabta dalka Soomaaliya. Sidaan horey ugu soo sheegnay maqaalkii aan ka qornay dacwada ka dhanka ah CC Warsame, waxaa jiray caqabado badan oo dhanka sharciga ah oo ka horimaanayey kiiska xeer illaalinta maadaama aysan heysan wax Waaran (Warrant) ah oo ay maxkamada ku fasaxeyso xariga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Baaritaanka gurigiisa. Xeer-illaalinta si caqabadahan ay uga gudubto ayey cuskatay labada qodob ee xeerka ciqaabta oo kala ah 36 iyo 58, sida uu Xeer illaaliyaha guud ku xaqiijiyey shirkiisii jaraa’iid ee shalay. Dhageyso: Shirkii Jaraa’iid ee Xeer illaaliyaha Axmed Cali Dahir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Xeer-Illaaliyaha-Eeda-CCWarsame.mp3Hadaba maxay kala yihiin labadan qodob ee kala ah 36 iyo 58? Qodobka 36aad- Flagrante Delicto Qodobkan waa mid ka hadlaya in ciidamada booliiska ay soo qaban karaan shaqsi markaasi faraha kula jira danbi iyagoo aan wax Waaran ah ka heysan maxkamada, waxaana qodobkan loo yaqaan (Flagrante Delicto). Waxaana loo isticmaalaa sida dadka Khamreysan oo wadada maraya, qof horey baxsad u ahaa ama jabiyey sharuudo horey maxkamada u xukuntay, qof sita hub sharci daro ah ama Qarax iwm. Doodan ayaan Garsooraha Maxkamada u cuntamin maadaama Cabdiraxmaan Cabdishakuur aan lagu soo qaban wax danbi ah oo uu faraha kula jiray sida ku qeexan qodobkaasi, balse xeer illaalinta ayaa mala-awaal ka dhigtay inuu faraha kula jiray dumin Qaran taasina kumeysan guuleysan cadeynteeda inay horkeenaan Maxkamada. Qodobka 58aad– Baarista Guri ama Goob la tuhmay (Waaran La’aan) Xeerkan waa mid ciidamada “booliiska” u fasaxaya inay sameyn karaan baaritaan iyagoo aan heysan (Waaran), balse waxaa shardi looga dhigay in baaritaankan loo maro xeerka 24 oo sheegaya in booliiska ay dadka su’aalo weydiinkaraan, baaritaana sameyn karaan hadii aysan ka gaarin maxkamada Waaran ka helaan. Awoodan ayaa booliiska la siinayaa oo kaliya hadii ay jirto xaalad deg deg ah, sida hadii qof horey baaritaan ugu socday laga baqayo inuu burburiyo cadeynmo muhiim ah ama laga cabsi qabo inuu baxsado. Waxaase shuruud looga sii dhigay in inta aysan hawlgalka dhicin laga rabo ciidanka booliiska inay fariin u diraan ama wargeliyaan Xeer illaalinta iyo waliba Maxkamada ku shuqulkaleh. Kadib markii ay baaritaanka sameeyaan ayaa laga doonayaa in ay si deg degleh maxkamada u horgeeyaan natiijada baaritaankooda. Cadeyn La’aan Xeer illaalinta maxkamada ma horkeenin sababihii ku khasbay inay baaritaanka guriga sameeyaan iyagoo aan maxkamada xataa wargelin, waxay sidoo kale xeer illaalinta ku guuleysan weyday inay soo bandhigto wixii ay kusoo qabatay baaritaankaasi ee xoojinaya tuhunkooda ama danbiga eedaysanaha lagu heysto. Arrintan ayaa ku khasabtay in Garsooraha Maxkamada uu laalo dacwadan isagoo cuskaday siduu qabo sharciga iyo Waliba Shariicada Islaamka Suurada Nuur (ciidamada iska galeen guri aan loo fasixin ama lagu casumin). Racfaan La’aan Garsooraha wuxuu diiday wax racfaan ah maadaama wadooyinkii ay u mareen hawlgalka ciidamada iyo xeer illaalinta ay maxkamada wax kama jiraan kasoo qaaday (null and void) sida sharciga uu qabo. Xeer illaaliyaha guud Axmed Cali Dahir Xeer oo shalay la waydiiyey sababta ay cadeymaha u horgeyn waayeen maxkamada ayaa ku dooday in kiiskan uu yahay kiis culus oo wakhti dheer qaadan kara, ayna xaq u leeyihiin inay wakhtigooda qaataan, doodaasi oo sharciyan ah mid aad u daciif ah. W/Q: Maxamed Jeenyo Horseed Media The post Dacwadii daciifka ahayd ee xeer Illaalinta u cuskatay CC Warsame – Qodobada appeared first on Caasimada Online.
  16. Guddi nabadayn ah oo nabad kusoo dabaala dhibaatada ka dhextaagan dadka walaalaha ah ee wada degan degaanka cagaare ayaa maanta 22 December 2017 waxa ay ka ambabaxeen magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal, kadib markii Madaxweynaha Dawladda Puntland ku booriyey labada beelood ee dagaaladu dhexmareen inay nabada ka shaqeeyaan. Guddigan oo ka kooban Isimo, Culumo Aw-diin, nabaddoono, cuqaal, waxgarad, xeel-dheerayaal, ganacsato iyo culumaa’udiin ayaa ka hor intaanay ka anbabixin degmada Buurtinle ayaa waxaa ay la hadleen iyagoona baaq nabadeed u diray lada beelood ku dagaalamay degaanka Cagaare. Imaam Cadiwahaab Maxamuud oo kamidda guddiga arintana loo xilsaaray ayaa sheegay inay gurmad u yihiin sidii ay u xakamayn lahaayeen dhibaatada ka dhextaagan shacabka walaalaha ah, waxaana uu sheegay inay yihiin dadka dhimanayaa dad walaalo ah oo isku ehel ah, hal qoys ah oo hal degaan ah, isla markaana waxa uu baaq u diray shacabka labada dhinac ee degaankaasi wada degan inay joojiyaan dhibaatada, xaaladdana nabad, waan-waan iyo wada hadal ku dhameeyaan. Nabadoon Yaasiin Cabdisemed oo kamida nabadoonada Puntland ayaa dhankiisa sheegay in ay ka waxgarad ahaan ka xun yihiin dhacdada foosha xun ee ka dhex dhacday dadka ehelka ah, waxaana uu cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay dadka shacab ka ah ee wada degan dhexdooda nabad uga dhex dhalan lahayd, isla markaana waxa uu xusay inay ka rajaynayaan waxgaradka dhinaca kale inay iyana dhankooda ka shaqeeyaan daminta colaaddaasi. Dhinaca kale Shiikh Maxamed Caalin Axmed oo kamidda culima aw-diinta Soomaaliyeed ee rere Puntland oo ka hadlay madasha baaqa nabadeed ayaa shegay in Alle “SWC’ ”sheegay in qofkii qof muslim ah dila oo kas iyo ula kac u dila in naarta Jahana Alle ku abaal marinayo cadho Allena ay ku dhacayso, raxmadda Allena laga fogaynaayo oo isaga iyo shaydaan isku meel la-dhigayo “. Ug danbayn, Shiikh Maxamed Caalin Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Rasuulkeena Maxamed “SCW” uu yidhi ” laba qof oo muslimiin ah oo mid walbi hubkiisa sito haddii ay iska horyimaadaan oo ay dagaalamaan labaduba naartay gelayaan”. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Guddi Nabadayn Ah oo u Ambabaxay Degaanka Cagaare oo Maalmahan Ay Ka Jireen Dagaalo Sokeeye . appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (PP) ─ Waxaa goor-dhaw Garoonka Kubadda Cagta ee Banadir Stadium ka billaabatay cayaartii kama dambeysta ahayd [Final-ka], Koobka Kooxaha maamul-goboleedyada Somalia, taasoo ay Cayaarayaan kooxaha Puntland iyo Jubbaland. Labada xul ayaa waxay soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan, waxaana koox walba ay isku dayaysaa galabta inay koobka loo tartamayo galabta ay iyadu hanato, iyadoo la xusuusto in koobkan ay sannadkii hore qaateen xulka Puntland. Cayaartana ayaa waxaa daawanaya taageerayaan fara badan oo ka kala socda labada maamul-gobleed iyo dadweyne kale oo Reer Muqdisho ah; waxaana cayaarta galabta ay soo af-jaraysaa cayaarihii ay toddobaadyadan cayaarayeen kooxaha maamul-goboleedyada dalka. Haddaba; DAAWO Cayaarta Final-ka ah ee Koobka Maamul-goboleedyada; PUNTLAND POST The post Cayaarta Final-ka ee Koobka Kooxaha Maamul-goboleedyada dalka oo Goor-dhaw billowday appeared first on Puntland Post.
  18. “Waxaa guul ah in innagii martida naloo ahaa aan sharciga wax ku raadino, halka kuwii martida noo ahaa ey xoog wax ku raadinayaan” Waa hadalka uu C/Raxmaan C/Shakuur ku baabi’iyey waxkasto uu ku helay dulmigii loo geystey. Ilaa shaley dad ku celcelinaaya warkaas oo u tiirinaaya C/Raxmaan C/Shakuur waan arkaayey. Laakiin waxaan sugaayey inaan dhegeheyga ku maqlo, maanta ayey ii suurto gashay inaan maqlo. Waxaan rabaa C/Raxmaan C/Shakuur inaan u sheego arrimahan: 1- Dadka diiday dulmiga, dalbayna sharciga in waxkasto loo maro ma aheyn hal qolo ee waa inta waxgaradka ah oo waddanka u damqanaya. Badankoodana ma fiirinin qofka la dulmay yuu yahay, balse mabda’a ayey ka diideen. 2- Dadka aad ku tilmaantey in loogu yaqaan mise lagu sheekeysto inay xoog wax ku raadiyaan ma ahan dadka xamar u dhashey ee waa dadka duullaanka ku ah oo aad ogtahay, Marka ha isku qasin. 3- Caasimadda waddanka qof marti ku ah mise marti loo yahay ma jirto, haddiise aad ka waddo beelaha aan u dhalanin, adiga ayaa ugu horeynaayo oo marti ku ah. 4- Dowladda marna marti ma noqoneyso, xitaa dadka waqtigaas talada haaya aysan u dhalanin caasimadda mise Koofur. Maxaa yeelay dowladda ma ahan qofka xukunka heysta oo keliya. 5- Waxaa ayaan daro ah in adigoo raadinaaya inaad ummadda Soomaaliyeed madax u noqoto, haddana weli maskaxda ay kaa guuxeyso in dad marti ah iyo dad marti loo yahay ay jirto. 6- Biseyl siyaasadeed oo badan ayaa kuu dhiman haddii weli aadan ka bixin aagga ku tiirsanashaha beeshaada. Tani waxba kama bedeleyso mawqifkeygii hore oo aan si cad ugu diiday dulmiga laguu geystay maxaa yeelay markii horeba shaqsi ma ahayn waxaan daafacayey ee wuxuu ahaa inaan kasoo horjeedo qof muwaadin ah in lagu takrifalo xuquuqdiisa. W/Q: Dr. Mohamed Al-hadi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post C/raxmaan C/shakuur oo hal hadal ku baabi’iyey waxkasto uu ku helay dulmigii loo geystey appeared first on Caasimada Online.
  19. Soomaaliya waxa ay maraysaa marxalad muhiim ah oo ay dib uga soo kabanayso qalalaaso iyo burbur baahsan oo qaatay ku dhawaad 30 sano, waxana jirta yididiilo iyo rajo weyn oo laga qabo in dalku uu dib lugihiisa isugu taago. Dhibaatada xilliga dheer qaadatay ee ku habsatay qaranka Soomaaliya, waxa ay saamaysay nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan iyo danaha ummadeed ee aynu leenahay, mana jirto cid ku niyadsan waxa uu dalkeennu soo maray haddii aanay ahayn dhinacyo dano gaar ah leh oo laga yaabo inay ku faa’iideen oo ku hodmeen sharci la’aanta dalka ka jirtay, iyagoo ka baqanaya inay dawladnimada oo soo laabata iyaga ay khatar ku tahay. Hase ahaatee, dadka Soomaaliyeed ee samaha iyo nabadda jecel waxa ay ka midaysan yihiin in wadada qura ee ay nabad iyo nolol wanaagsan lagu heli karo ay tahay iyadoo la taageero Dawladda sharciga ah ee dalka ka jirta si danta guud u meel marto. Waxaa marag-ma-doonto ah in rabitaanka wanaagsan ee inta badan dadka Soomaaliyeed ay hirgeli doonto, oo tiro yar ee danleyda ah aysan hor istaagi doonin. Xilliyadii u danbeeyey waxaa jiray shakhsiyaad iyo kooxo soo bandhigayey mucaaradnimo aan qiil iyo sal wanaagsan toonna lahayn, taasi oo ay kaga soo horjeedaan Xukuumadda talada haysa iyo hoggaanka qaranka, waxana muuqata in mucaaradnimadooda inta badan laga maalgeliyo dalka dibaddiisa, waxaase ayaan darro ah in madax u dhaaratay qaranka Soomaaliyeed ay qayb ka yihiin qorshahan khiyaamada qaran ah ee dalka lagu manjo xaabinayo, isla markaana, meel ku dhac ku ah haybadda dawladnimada Soomaaliyeed. Madaxdaas oo waa yaabe ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo ah halkii ay waajibka ku ahayd in laga difaaco rabitaanka shacabka iyo dawladnimada. Waxaa guul weyn ah in dadka Soomaaliyeed oo runtii waaqica la socda ay faham durugsan u leeyihiin shakhsiyaadka iyo dhinacyada mucaaradka ah ee iyadoon sanad ba gaarin is hortaagga ku samaynaya waxqabadka iyo hannaanka geeddi-socodka nabadda iyo dawlad dhiska ee haatan socda ee ay garwadeenka ka tahay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Waxaa xusid mudan, in bulshada caalamku qirsan tahay waxqabadka iyo hufnaanta madaxda talada haysa ee Soomaaliya, lana aamini karo xukuumadda iyo madaxda qarankeenna. Shaki kuma jiro in inta shaqo socoto ay jirayaan qalad iyo gafaf la gelayo, laakiin waxa ay noqonayaan kuwo wax laga barto, waxaana looga gudbi karaa isu tanaasul iyo in miiska wada-hadalka la wada fariisto. Waxaa jirta dad aan doonayn inay wadahadal wax ku raadiyaan, maxaa yeelay waxay fahamsan yihiin in dooddoodu aysan qiil lahayn oo aan lala shir tegi karin. Mucaaradka Xukuumadda Ra’iisul Khayre waxa ay u muuqdaan kuwo qaab hayb beeleed u abaabulan, waxana damac kaga jiraa kursiga Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo wax walba u samaynaya sidii ay meesha uga saari lahaayeen Xukuumadda si toodu u meelmaro. Madaama ay xilli cayiman xilka hayn doonto Xukuumaddan Ra’iisul Wasaare Khayre, waxaan kula talin lahaa dhinacyada mucaaradka siyaasadeed ah inay sugaan markooda, oo aysan sumcadda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed xumayn, isla markaana ay u turaan nabadda iyo dawladnimada Soomaaliya, maxaa yeelay Soomaaliya ma qaadi karto qalalaaso siyaasadeed iyo daganaansho la’aan joogta ah oo qof walba saamayn karta. Waxaan ku soo gaba-gabeynayaa dawladnimadu waa teedka iyo darbiga ugu muhiimsan ee umadduhu ku naaloodaan, kana reebban isbarbaryaac. Isqabqabsiguna waa astaamaha ugu horeeya ee lagu garto dawlad xumida iyo fashilka dawlad wanaagga. Umadaha qadarinta iyo tixgalinta ku leh nolosha, waxay ku tiirsan yihiin nidaam dawladdeed oo u taagan aayo ka talintooda. Dhammaan xadaaradaha lajanto ee dunida ka hanaqaaday waxa hormuud ka ahaa dawlad han iyo higsi leh, Soomaalidana waxaa la gudboon iney iska daayaan is-qabqabsiga dhexdooda oo u istaagaan sidii horumar iyo iskutashi waara loogu heli lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. W/Q Ahmed-nur Mohamed E-mail; axmednuur59@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Yaan Soomaaliya fursadda laga lumin appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxa Talo wadaag ayaa soo saartay war murtiyeed ku saabsan siideynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Dhibaatadii ka dhalatay xarigiisa. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran WAR MURTIYEED Golaha Aasaasayaasha Madasha Talo-wadaag oo ka wakiil ah xubnaha iyo taageerayasha Madasha waxay soo saareen baaqan: Sida ku cad Maabaadiida (Madasha Talo-wadaag), Dawladnimada iyo Maamul wanaagga waxaa saldhig u ah in lagu dhaqmo dastuurka dalka Lana adkeeyo saraynta sharciga oo la xaqiijiyana Madaxbanaanida Garsoorka iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka soomaaliyeed. Waxaanu soo dhawaynaynaa sii daynta Mudane: Cabdirahman Cabdishakuur Warsame oo xorriyaddiisa dib u helay shalay oo Khamiis ah 21/12/2017. Waxaanu Tacsi u diraynaa Ehelkii iyo Qaraabadii dadkii ku dhintay dhacdadaas waxaanu leenahay Allah ha u Naxariisto anaga oo dhan samir iyo iimaan allah ha naga siiyo. Waxaanu ku amaanaynaa dhamaan dhinacyada kala duwan ee u istaagay in laga shaqeeyo nabadda lana kaabo hannaanka dowladnimo oo ay tahay in aan dhamaanteen wada ilaashano kana shaqayno sidii la isaga kaashan lahaa xasilinta dalka iyo xalinta xasarad kasta oo dhacda. Waxaanu ku boorinaynaa hay,dahaha kala duwan ee dowladda in ay yihiin cidda u xil saaran dhowridda iyo ku dhaqanka sharciga sidaa darteed waa in ay ka taxadaraan wax kasta oo keeni Kara ku takri-fal awoodeed iyo in lagu gabood falo xuquuqda muwaadiniinta. Waa in lagu ixtiraamo hay,adaha dowladda gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah si waafaqsan shuruucda dalka. Ugu dambeyn iyadoo la xeerinayo marxaladda adag ee uu dalku marayo iyo baahida loo qabo in meel looga soo wada jeesto halista cadowga, lana wajaho dhamaystirka howlaha qabyada ah ee hor yaalla Qarankan sida xasilinta iyo xoraynta dalka, dib u eegista dastuurka, geeddi socodka dimoqraadiyadda iyo qabsoomidda doorashooyin xor ah 2020. Si arimahaasi loo hirgeliyo waa in dowladda, mucaaradka, iyo bulshada rayidka ah ay dhamaan yeeshaan wada shaqeyn ku saleysan wada hadal is qancin iyo is faham, waxaana lagama maarmaan ah in dhacdo kasta lagu xalliyo hanaanka dowladnimo. Ridwaan Xirsi Maxamed Guddoomiyah, Madasha Talo-wadaag The post Madasha Talo-wadaag oo soo saartay war murtiyeedka xasaasi ah oo ku saabsan arrinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
  21. Hargeisa — IOM, the UN Migration Agency in collaboration with Somaliland’s Ministry of Rehabilitation, Resettlement and Reconstruction, Hargeisa Migration Response Centre (MRC), the Ethiopian Community Centre in Hargeisa, the Ethiopian consulate in Somaliland, Somaliland’s Immigration Department and Somaliland’s Ministry of Foreign Affairs, assisted 68 vulnerable Ethiopian migrants to return home on 6 December 2017. This Assisted Voluntary Return (AVR) movement was supported by the Regional Mixed Migration Program funded by the US Department of State Bureau of Population, Refugees and Migration (BPRM). After the 68 migrants were selected, IOM contacted the Ethiopian consulate in Hargeisa to carry out a nationality screening exercise and issue travel documents. The men, women and children were provided temporary shelter, food and onward transportation assistance to their final destinations upon arrival in Ethiopia. IOM missions in Hargeisa and Ethiopia worked together to verify their final destinations. The returnees were flown to Addis Ababa and received at the Bole International Airport by IOM Ethiopia on the same day. “The IOM AVR programme is an indispensable part of a comprehensive approach to migration management aimed at orderly and humane return of migrants who are unable or unwilling to remain in host or transit countries and wish to return voluntarily to their countries of origin,” said Fesial Mohamud, a Project Officer with IOM Somalia’s Migrant Assistance Division. There has been an increase in the number of Ethiopians deciding to return home in the recent past, according to the Hargeisa MRC database. The database also reveals that Ethiopian migrants who move to Hargeisa hoping to improve their economic status often opt to return home due to economic and social challenges. Between January and November 2017, IOM Somalia through the Hargeisa Migration Response Centre (MRC) received over 230 applications for AVR from Ethiopians residing in Hargeisa. Many of the applicants were single mothers and the elderly who said that they would have found it difficult to make the trip home without support. IOM
  22. 10 Dowladood ee kaalmada ugu badneyd ka helay Mareykanka sanadkii lasoo dhaafay ayaa intoonada badan ama ka codeeyay go’aanka Mareykanka ee Qudus ama ka aamusay. Sida ku qoran website-ka “Wakaaladda Mareykanka ee Horumarinta caalamiga ah” ee USAID dowaldaha kaalmada ugu badan ka helay Mareykanka 2017, waxaa ugu horreeyay dalka Ciraaq, halka aaney Soomaaliya kasoo dhex muuqan liiska tobonka dal ee uu Mareykanku lacagaha ugu badan ku bixiyo, waxaa kasoo dhex muuqday, koonfurta Suudaan oo inaga kaalmo badan iyo Tanzania oo la mid ah. 1 .Ciraaq, waxay Mareykanku sanadkii ku maalgeliyaan 5.28 Bilayn oo dollar. 2 .Afghanistan: 5.06 bilayn oo dollar. 3 .Masar: 1.23 billion oo dollar. 4 .Urdun: 1.21 billion oo dollar 5 .Kenya: 1.14 bilyan oo dollar. 6 .Ethiopia : 1.11 billion oo dollar. 7 .Pakistan: 778 milyan oo dollar. 8 .Nigeria: 718 milyan oo dollar. 9 .Koonfurta Suudaan: 708 milyan oo dollar. 10 .Tanzania: $629 milyan. Hadaba, 10 kaa dowladood sagaal ka mid ah ayaa u codeeyeen go’aanka Mareykanka lagaga soo horjeedo, halka Koonfurta Suudaan iyo Keynya ay sheegeen in ay ka aamuseen Si kastaba, Safiirka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley Ayaa Arbacadii ku hanjabtay iney hoosta ka xariiqi doonaan dowladaha Mareykanku uu kaalmada siiyo ee ka codeeya. Iyadoo ay u muuqato in hanjabaadaasi aaney wax saameyn ah yeelan, fadeexad iyo weji gabaxna ay ku noqotay Mareykanka iyo waliba Israel. Source