-
Content Count
204,965 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay gaaraan guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in xubnahan ay ku shiri doonaan magaalada Baydhabo, shirkoodana uu socon doono Labo cisho. Ajendaha shirkaan weli lama shaacin, hase ahaatee ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay. Waa shirkii ugu horreeyay oo magaaladaasi ku yeeshaan guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira. shirkan waxaa ka horimaanayaa dalabkii aqalka sare ee ahaa in la joojiyo, Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu doonayo in la joojiyo ka qeyb-galka shir ay yeelan lahaayeen golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada. Akhriso: Qoraalka Aqalka Sare Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Guatemala ayaa shaaca ka qaaday in Safaaradeeda Israel ay u rareyso magaalada Qudus ee uu dhawaan Madaxweynaha Mareykanka sheegay inay tahay caasimada Israel. Jimmy Morales oo ah Madaxweynaha dalka Guatemala ayaa amar ku bixiyay in Safaaradiisa Israel loo raro magaalada Qudus. Madaxweynaha Guatemala ayaa sheegay inay ka go’an tahay in Safaaradooda loo raro magaalada Qudus, waxa uuna tilmaamay inay raacayaan amarka kasoo baxay Madaxweyne Trump ee Qudus looga dhigay caasimada Israel. Qoraal kooban oo Jimmy Morales uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay go’aanka raritaanka Safaarada Guatemala ee Israel. Madaxweyne Jimmy Morales, waxa uu nuqul kamid ah qoraalkiisa ku sheegay in arrinta raritaanka Safaaradiisa ay kawada hadleen Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Mr Jimmy Morales, waxa uu sheegay in Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aad usoo dhaweeyay go’aanka uu dalkiisa ku raraayo Safaarada, isla markaana ay hirgalinayaan go’aankooda. Sidoo kale, Go’aanka Jimmy Morales kadib waxa ay Wargeysyada adduunka qoreen in dowlada Guatemala ay ka mid aheyd 9 kii dal ee diiday qaraarkii QM ee ugu baaqayay Maraykanka inuu ka laabto go’aankii Qudus uu ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil. MadaxweyneTrump ayaa ku goodiyay inuu gargaarka ka jarayo dalalka kasoo horjeesto go’aanka Mareykanka. Geesta kale, Magaalada Qudus waxay muhiimad wayn u leedahay labada dhinac ee Falastiin iyo Israa’iil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Safaaradii ugu horeysay oo loo raraayo Qudus & Dalalkii diiday go’aanka Trump oo bilaabay dib u gurasho appeared first on Caasimada Online.
-
Deganaansho aan cago badan ku taagneyn ayaa saakay oo Isniin ah laga dareemayaa deegaanno ka tirsan gobolka Sool oo ay ka dhaceen dagaallo qaab beeleed u abaabulan. Wariyaha Goobjoog ee gobolka Sool, Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in deegaannada Cagaarre iyo Gorilley oo dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Laascaanood ay saakay deggan yihiin, wallow xilli walbo dagaallo la filan karo. Ma jirto cid si rasmi ah u kala dhexgashay dhinacyadan dagaallamay, marka laga soo tago baaqyo nabadeed oo hawada loo mariyey dhinacyadan is haya. Gelinkii dambe ee shalay waxaa deegannadan ka dhacay dagaallo xooggan, waxaana ku dhintey dad ka badan 5 sidey soo sheegayaan dadka deegaanka. Dhinacyadan is haya ayaa murankooda wuxuu ka bilowday waraabka xoolaha, iyadoo dagaalladan intii ay socdeen ay sababeen khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in qeybo kamid ah Gobolka ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku toogteen dad dhan 5 ruux. Maleeshiyaadka ayaa toogashada ku fulisay Shanta ruux oo ay ku eedeeyen inay la shaqeyn jireen Hay’adaha Sirdoonka Somalia iyo kuwa reer Galbeedka ah. Xukunka dilka toogashada ah ayaa ka dhacay Degaanka Iidaale oo qiyaastii magaalada Baydhabo ujira 60-KM, waxaana si gaara loogu eedeeyay inay la kala shaqeyn jireen Mareykanka, DF, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Qaadiga Maleeshiyada ee Baay iyo Bakool ayaa goobta dilka ka sheegay in 5-ta ruux lagu helay dambigii lagu soo oogay, kadibna lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa oo lagu xukumay. Eedeysanayaasha lagu fuliyay xukunka dilka ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa: 1-Mahad Cali Xasan oo Shabaab ay sheegeen inuu la shaqeynayay ciidamada Bancroft ee Maraykanka uu tababaray. 2-Jibriil Saalax Xaaji Maxamed oo la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka. 3-Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland. 4-Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda. 5-C/casiis Ibraahim Maxamed uu la shaqeynayay maamulka Koonfur Galbeed. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa lagu eedeeyaa in inta badan ay xukuno khaldan ku ridaan shaqsiyaadka iyaga ka tirsan oo ay u arkaan inay caqabad ku yihiin howshooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-Shabaab oo xukun toogasho ah ku fulisay 5 Ruux oo la eedeeyay (Magacyada) appeared first on Caasimada Online.
-
Kumannaan Soomaali oo laga soo saaray xerada Dhadhaab ayaa waxaa ay barakac iyo macluul ku heystaa gudaha Soomaaliya, sidaasi waxaa sheegtay hey’adda Amnesty International Qaar ka badan oo dadkaasi ka mid ah waxaa ay sheegeen in ay Kenya uga soo tageen markii dowladda Kenya sidaasi dalbaday, oo cabsi ay dareemeen oo markii hore iyaga aanay raalli ka aheyn in ay Soomaaliya ku soo noqdaan. “Si ay qaxootiga u soo noqdaan, Kenya waxaa ay Soomaaliya ka sameysay waxyar oo amni ah balse qeybo badan oo dalka ah waxaa ka jira dhibaato badan sidaasi waxaa Amnesty International u sheegay Maxamed oo madax ka ah mid ka mid ah meelaha barakacayaasha joogaan. “Qaxootigii Soomaaliya uga soo cararay abaarta, baahida iyo dagaallada ayaa mar kale lagu qasbay in ay dib ugu soo noqdaan, dad badan ayaa waxaa ay heysataa dhibaato la mid ah middii ay markii hore ka tageen, dibna uma noqon karaan”. Soomaaliya oo dhibaato badan ka jiraan, waxyeellada dadka ee inta u dhaxeysay January 2016 illaa October 2017 waxaa lagu sheegay 4,585 oo rayid ah. Sida ay OCHA sheegeyso Soomaaliya hadda waxaa ka jira gaajo iyo abaar dad badan ay ka cabanayaan taasi oo u baahan gargaar degdeg ah. November 2017 wixii ka horeeyay waxaa la diiwaan-geliyay 2.1 million oo barakacayaal ah, biyo yarida dalka ka jirta waxaa ay keentay in shuban-biyood u dhintaan ugu yaraan 1,155 intii u dhaxeysay January iyo July 2017. Goobjoog News Source
-
Boqorka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdi Caziiz iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qadka teleefoonka ku wada hadlay iyaga oo ka wada xaajooday dadaallada la-dagaalanka argigixisada iyo xaaladda Yeman. Emmanuel Macron ayaa uga mahad-celiyey boqor Salmaan dadaalka ay boqortooyada ay ku bixineyso la dagaalanka argigixisada iyo xagjirnimada isaga oo dhanka kale eedeyn dusha u saaray kooxaha Xuutiyiinta kuwaasi oo gantaal ku soo tuuray madaxtooyada Sacuudiga. Mr. Macron ayaa carabka u adkeeyay in laga hortago dhaqdhaqaaqyada ay Iran ka wado gobolka arrintaasi oo qal-qalgalineyso amaamnka gobolka. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay 13,December inay ku bixineyso lacag dhan 100 malyuun oo Yuura ah howlgalka ladagaalanka Argigixisada dowladaha xeebaha Afrka oo ay ka mid yihiin Mali, Mauritania, Burkina Faso, Niger, iyo Chad. Goobjoog News Source
-
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Suudaan madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Khartoum ku kala saxiixday barnaamijyo Iskaashi. Banaamijyada ay saxiixdeen waxaa ka mida Barnaamijka Iskaashiga Istiraatiijiyadda, iyo in la aas-aaso gole iskaashi oo istiraatijiyadeed oo heer sare ah kana dhaxeeya Turkiga iyo Suudaan. Wakaaladda ayaa sidoo kale sheegtay, in labada dal ay saxiixeen heshiisyo ku saabsan wadaagga ganacsiga iyo dhaqaalaha heshiiskaan ayaa dhanka Suudaan u saxiixay Xaatim Al-siri wasiirka ganacsiga, halka Turkiga uu u saxiixay wasiirka dhaqaalaha Nihaad. Heshiisyada kale oo ay kala saxiixdeen waxaa ka mida iskaashiga Portocolka dhanka Teknoloojiyadda iyo warshadaha,Beeraha, Howdka,waxbarashada iyo dalxiiska. Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdoğan ayaa shalay booqasho ku tagay dalka Suudaan waxaana la socday qaar ka mida wasiirada xukuumadiisa iyo ku dhawaad 200 oo ganacsato Turki ah. Goobjoog News Source
-
Marka la fiiriyo sida uu u dhacay kiiska loo heystay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, laga bilaabo soo qabashada ilaa go’aanka maxkamadda waxaa muuqanayo gafaf kala gedisan oo dhinaca sharciga ah, hadii alle idmo waxaan qormadan ku iftiimindoonaa gafafka dhinaca sharciga ah ee kiiskaas anigga oo ka eegi doono arintan 4 dhinac oo ah kuwa hoos ku qoran: Sharci ahaanshaha Hanaanka soo xirista Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Waa maxay qodobada sharci ee loo gafay Horgeyntii 1aad ? Habiinimadii 21aad ee C/raxmaan la siidaayay Maxaa sharci ahaan loo gafay? Sidee u dhacday Horgeyntii 2aad ? Sharci ahaanshaha Hanaanka soo xirista Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ugu horreyntii mabda’a Guud waxa uu yahay in Qofka marka lasoo Xirayo ama Xuriyadda Laga qaadayo loo baahan yahay in la heysto Amar soo qabasho oo ka soobaxay maxkamadda awoodda u leh , hadii aysan jirin xaaladaha ku xusan Qod. 38 aad35aad, 36aad, 50aad ee XHC oo kala ah, Iney jirto Xaalad dag dag ah lana hayo caddeymo ku filan in qufka la xirayo uu galay dambi ciqaabtiisu culustahay isla markaana aan laheli Karin amar maxkamadeed oo lagu soo xirayo qufkaas iyo in laga cabsi qabo inuu fakado ruuxaas hadii aan si dag dag ah loo xirin. Habada qof kasta oo laxirayo ayada oo aan laheysan Amar Maxkamadeed waxaa lama huraan ah in ciddii soo xirtay ay caddeyso jiritaanka shuruudaha aan soo sheegnay, taasoo Micnaheedu yahay in si cad loo caddeeyo iney jirtay xaalad dag dag ah iyo caddeymo macquul ah oo tilmaamayo in shaqsiga xuriyadda laga qaaday uu galay danbi culus, isla markaasna uu fakan lahaa hadii aan isla markaa la xirin, mana muuqato in arintaas ay jirtay ama la caddeyay. Waxaa kaloo xusid mudan iney gaf cad ahayd gelida Hooyga Cabdiraxmaan iyo Xiliga lagalay , qod. 19aad ee DJFS waxa uu mamnuucayaa gelista, baarista iyo basaasida hooy uu si gaar ah u leeyahay Shaqsi hadii aan loo heysan amar maxkamadeed oo sababeeysan, Sidoo kale waxaa tilmaan mudan in soo qabasho iyo baarisba aan laga fulin Karin hooy ladagan yahay laga bilaabo 6:00Pm ilaa 7:00AM, fiiri Qod. 44aad iyo 56aad ee XHCS hasa yeeshee waxaa jira xaalado gaar ah oo labaneeyay in guriga Qufka la baari karo ayadoo aan loo heeysan amar maxkamadeed sida marka ay suurtoowdo in labaabi’iyo ama la tirtiro walxaha marag muujinta iyo marka laga cabsi qabo inuu baxsado ruuxa labaadi goobayo. Fiiri Qod. 58aad ee XHCS,sharci ahaan ma banana in shaqsi hooygiisa lagalo ama la baaro ayada oo aan laheysan amar maxkamadeed oo sababeysan si waafaqsan qodobka 30, 31, 58XHC, hadii aan si cad loo caddeyn Karin labada shardi ee aan soo tilmaannay, waxaa iska cad in aan lahelin mid ka mid ah laba shardi ee sare ku xusan. Waa maxay qodobada sharci ee loo gafay Horgeyntii 1aad? Waa maxay Horgeyn? Horgeyn waa marka ugu horeysa ee la horgeeyo qofka lagu soo xiray amar qabasho ama amar qabasho la’aantiis garsoore kamid ah Maxkamadda awoodda u leh. Sida uu qabo qod.35aad ee DJFS iyo 39aad ee XHC , cid kasta oo la soo qabtaa ayada oo aan laheysan amar maxkamadeed waxaa waajib ah in lagu horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh mudo 48saac gudahood ah , waxaana loo baahan yahay in sargaal Boolis ah uu garsooraha horkeeno edeeysanaha asagoo wado warbixin kooban oo iftiimineeysa arimaha hoos ku qoran: Xaqiiqada dhacdada iyo sababaha Xariga. Caddeymaha la helay oo faah- Faahsan Faah- faahinta Astaamaha Guud ee Qufka la xiray Dhinaca Dhibanaha . Marqaatiyaasha ama dadka wax ka og Faldanbiyeedka dhacay. Garsooraha marka la horgeeyo qofka la soo xiray, ha lagu soo qabto amar qabasho 45/XHC ama amar qabasho la’aantiis 39/XHC waxaa waajib ku ah in uu qaado tallaabooyinka ku xusan qodobada 32/XHC iyo 39/XHC, isaga oo ku horeynaya tallaabooyinka ku xusan qodobka 32/XHC oo ah in uu xaqiijiyo: In la ilaaliyay lana raacay hanaanka soo xirista ee sharcigu uu jideynayo iyo in kale Inuu jiro daahid aan caqli gal aheyn oo lagala daahay in garsooraha hortiisa lagu keeno 48saac Gudahood iyo in kale Hadii ay u soo baxdo wax xadgudub ah ama gaf loo geystay sharciga iyo hanaanka soo xirista waxaa waajib ku ah garsooruha inuu qaado tilaab oo uu amaro in cidda xadgudubka geysatay lagu oogo dacwad ciqaab ah hadii uu xadgudubku yahay fal dambiyeed ku xusan xeerka ciqaabta hadii kalane uu amaro in tilaabo anshax marin ah laga qaado cidda mas’uulka ka ah xadgudubkaas. Sidoo kale garsooruhu markuu darso warbixinta Booliska waxaa u furan sadax arimood mid kood: Inuu Go’aamiyo in eedeeysanaha aan dacwada lagu oogi Karin si waafaqsan 77 ee XHCS. haddii dambiga uusan ahayn mid ay tahay in la soo saaro amar qabasho waajib 42/XHC ama ikhtiyaari ah 43/XHC amaba qabashadu aysan waafaqsanayn qodobada 35, 36, 38, 50 XHC in si degdeg ah loo siidaayo eedeysanaha. inuu amro in xabsi ku meel gaar ah loo diro eedeeysanaha 46/XHC, haddii aanu u arkin in damaanad lagu siidaayo 59-60/XHC. Waa maxay Gafafka la galay horgeyntii 1aad? Kuwan waa gafafka sharci ee horgyentii 1aad: Garsooruhu kama hadlin waxbana kama soo qaadin dilkii dhacay intii lagu guda jiray soo qabashadii eedeeysanaha, arintaas oo ahayd in Garsooruhu uu u eego si waafaqsan Qod. 32aad XHCS, una qaado talaabooyinka ku xusan qodobkaas. Garsooruhu waxa uu siiyay 24saac in xafiiska Xeer Ilaalinta uu ku sameeyo baaris dheeri ah, arintaas oo aan ka mid ahayn sadaxdii tilaabood ee garsooraha u furneed ee aan horay u soo tilmaanay. Cidda maxkamadda horkeentay eedeeysanaha waxa ay ahayd Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Saraakiil ka tirsan NISA arintaasna waxa ay khilaafsan tahay sharciga gaar ahaan 39 aad XHCS oo sheegayo in cidda sameyneysa horgeynta ay tahay Sargaal booli ah. Gafafka Sharci ee lagalay Habeenkii 21aad ee la siidaayay C/raxmaan Waxaa lagu siidaayay habeenkaas warqad lagu sheegay damaanad oo uu xeer- Ilaaliyaha Guud damaanad ku siiyay C/raxmaan, damaannadaas oo ay qaadeen dadka kala ah Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo labo Madaxweyne Goboleed, Iyadoo lawada ogyahay in Qodobada uu ku eedeeysnaa Cabdiraxmaan uu ka mid ahaa 184 ee XCS oo ciqaabtiisu ay tahay Dil. Qaladaadka sharci ee Habeenkaa Dhacay waxaa ugu waaweeyn : In Xeer Ilaaliyaha Guud uu Bixiyo damaanad, arintaas oo khilaafsan Qod. 60aad ee XHCS oo awoodaas siinayo Garsoore oo kaliya Sidoo kale Qodobada loo heystay Cabdiraxmaan oo aan laheyn damaanad. Fiiri Faqrada 3aad 59aad XHC. Horgeyntii 2aad maxaa loo gafay? Horgeyntii 2aad waxay dhacday maalintii 21aad, waxaa loo baahnaa sida uu qabo qodobka 39aad ee XHCS in sargaalka boolis uu garsooraha horgeeyo eedaysanaha iyo warbixin kooban oo ay ka muuqdaan arimahan: Xaqiiqada dhacdada iyo sababaha Xariga. Caddeeymaha la helay oo faah- Faahsan Faah- faahinta Astaamaha Guud ee Qufka la xiray Dhinaca Dhibanaha . Marqaatiyaasha ama dadka wax ka og Faldanbiyeedka dhacay Garsooraha waxay aheyd in uu hubiyo arimahan iyo in uu jiro xadgubyo ah kuwa ku xusan qodobka 32aad ee XHCS, kadibne uu eedaysanaha siidaayo ama xibsi KMG udiro, heyeeshee ayaga oo dhinacyada iyo maxkamaddube ay isku waafaqsan yihiin in marxalada la joogaa ay tahay horgeyn ayaa waxaa arintu u dhacday sida dacwad la dhageysanayo oo dood afeed dheer maxkamadda horteeda ka dhacday Ayada oo loo baahnaa in lagu akaado talaabooyinka ku xusan qodobada 32, 39/3 XHC, dood afeedkii maxkamadda horteeda ka dhacdayne ay khilaafsanayd qodobka 39/6/XHC, oo sheegaya in aan wax su’aal ah la waydiin karin qofka la soo qabtay haddii aanu isaga dalban in uu maxkamadda la hadlo, su’aaluhuna ay ku koobnaadaan kaliya waxii la xiriira warka uu sheegay. Dabeecada iyo nooca go,aanka maxkamadda marxaladda horgeynta Go,aannada la soo saaro inta lagu jiro marxaladda horgeynta waxaa loo qeybin karaa 3 nooc oo kala ah: Go,aan in aan eedaysanaha lagu oogi Karin dacwad ciqaab ah oo u dhigmo xukun si waafaqsan qodobka 77aad ee XHCS, go, aankan racfaan ayaa ka furan hadii uusan ku soobixin darafka uu lidka ku yahay si uu raali kayahay ama tala gelintiisa, Si waafaqsan qodobka 208/4/B-C/XHC, oo sheegayo in aan laga qaadan karin rafcaan haddii dhinaca go’aanka lidka ku yahay uu ogolaanshihiisa ama codsigiisa ku soo baxay, si lamid ah Xeer-Ilaaliyuhuna aysan u furnayn rafcaan haddii aanu wax diidma ah kamuujin markii lagu dhawaaqay go’aanka. Go,aan eedaysanaha lagu siidaayay sababo laxiirra hanaankii soo xirista oo aan la dhowrin, go,aanka noocani ah wax racfaan ah kama furana laakin dambi oogaha waxaa ufuran in uu isla dambigaas soo oogo hadii uu saxo hanaanka soo xirista. In uu eedeysanaha u diro xabsi kumeel gaar ah 46/XHC, haddii uusan u arkin in uu damaanad ku siidaayo eedeysanaha 59-60/XHC Gabagabo Kuwan waa gafafka ugu muhimsan ee ka muuqday kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, ayada oo ujeeddada qormadani tahay oo kaliya in la iftiimiyo qaladdadkaas sharci si aanay markale u soo laaban iyo in dadwaynuhu ay u fahmaan sida sharcigu yahay iyo sida wax u dhaceen in ay is leedahay ama ay kala duwantahay. Waa qoray Xafiiska Qareennada Hedegan oo uu Madax u Yahay Dr. Daahir Maxamed Cali. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Ilaa intee sharciga la waafajiyay soo xiristii iyo siideyntii CC Shakuur? appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan soo ifbaxay khilaaf xooggan oo soo kala dhex-galay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu eedeeyay Hay’ad kamid ah QM. Khilaafkan ayaa soo ifbaxay markii uu Gudoomiyaha Aqalka hoose Jawaari uu shaaciyay inuu magaalada Baydhabo uu shir ugu qabanayo Gudoomiyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada Soomaaliya. Jawaari ayaa shirka sababta uu u qabanayo lagu sheegay inuu ku dhisayo madal ay ku midaysan yihiin Hay”adaha sharci dejinta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo isaga madax u yahay. Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa kasoo horjeestay qorshana uu wato Jawaari, oo uu ku tilmaamay mid halis ku ah nimaadka Federaalka dalka sidoo kalena uu abuurayo khilaaf horleh. Cabdi Xaashi ayaa warqad uu u qoray Jawaari uga dalbaday inuu faraha kala baxo arrimaha maamul goboleedyada, islamarkaana uga dambeeyo Aqalka Sare, oo wakiil uga ah dowladda dhexe. Jawaari dheg-jalaq uma siin baaqa Cabdi Xaashi, wuxuuna sii watay qorshihiisa qabashada Shirka Baydhabo iyadoo Gudoomiyaasha Baarlamaanada maamullada ee lagu casuumay kulanka ay Muqdisho hadda ay ku sugan yihiin. Hay’adda Horumarinta Mashaariicda QM ee [UNDP] oo taageerta Baarlamaanada maamul goboleedyada iyo kan Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay maalgelinayso Shirka khilaafka uu ka taagan yahay ee lagu qabanyo magaalada Baydhabo. Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Senator hadda katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdiraxmaan Faroole ayaa si kulul uga hadlay faragelinta Jawaari ee arrimaha Maamullada iyo kaalinta UNDP ee khilaafka Soomaaliya. “Waxaa lala dirirayaa nimaadka Federaalka, waxaana kow ka ah ka ah hogaanka Gollaha Shacabka, kan labaadna waa Wasiirka Dastuurka oo aan ku habooneyn shaqada,” ayuu yiri Senator Faroole. Faroole, oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Garoowe ayaa ugu ku baaqay Jawaari inuu joojiyo faragelinta iyo shirarka uu u qabanayo Baarlamaanada maamul goboleedyada. Dhanka kale, Faroole ayaa ka hadlay doorka Xafiiska Qaramada Midoobey ee Sooomaaliya [UNSOM] arrimaha ka taagan dalka, isagoo ku eedeeyay inuu qeyb weyn ka ahaa Musuq-maasuqii doorashadii lagu soo dhisay Baaralaanka hadda shaqeynaya. Senetor-ka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in UNSOM ay mas’uul ka ahayd musuq-maasuqii ugu weynaa ee ka dhacay doorashadii baarlamaanka, kadib markii uu horseeday in Xildhibaanada qaab beeleed lagu soo doorto. In Soomaaliya ay ka dhacdo ayuu yiri doorasho qabali ah, iyadoo la qaban karo mid deegaan waxaa mas’uul ka ah Xafiiska QM, oo ka ogolaaday dowladda hore in Xildhibaanada ay soo doortaan 51 qof, taasina ay ka dhalatay musuq-maasuqii ugu ballaarnaa oo waligeed ka dhaca dalka. Mudanaha katirsan Aqalka Sare ayaa xusay in bishii April ee 2016-kii ay Puntland diiday in doorashada lagu saleeyo qaabka qabiilka, balse ay ku qasbeen Mas’uuliyiin ka socotay UNSOM oo Garoowe yimid xilligaasi. Faroole ayaa ugu baaqay UNDP-da inay joojiso dhaqaalaha ay ku bixinayso in dastuurka laga leexiyo wadadii saxda ah, ee ay wadaan Wasiir Xoosh iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Ugu dambeyntii, Mudane Faroole ka codsaday Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Micheal Keatin inuu arinta soo farageliyo, oo hakiyo lacagta lagu bixinayo marin-habaabinta Dastuurka. Xigasho: Garowe Online The post Xog: Yaa ka dambeeya khilaafka labada aqal ee baarlamanka Somalia? appeared first on Caasimada Online.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Waddamada Ruushka iyo Turkiga ayaa la xaqiijiyay in ay ku heshiiyeen dhismaha Dowladda Falastiin oo ay iyaga dhisayaan. Aqalka Krimiline-ka ee Dalka Ruushka ayaa Warbixin uu soo saaray ku sheegay in labada Madaxweyne ee Erdogan iyo Putin ay ku wada hadleen Qadka Taleefanka kaddib markii Golaha guud ee Qaramada Midoobey ay diideen go’aankii Trump ee uu Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Yuhuudda. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin taageeridda nabadda Bariga dhexe oo loo marayo hab diblomaasiyadeed halka Donald Trump ay ku eedeeyeen in qaab kali talisnimo ah uu u maray go’aanka Quddus. 128 ka mid ah 193-ka dal ee ku jira Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa diiday go’aanka Trump,waxaana ay ku tilmaameen in arrinta Quddus ay tahay qaddiyad wadahadal lagu xallinayo halkii xoog lagu xallin lahaa. Mareykanku waxaa uu sheegay in Safaaraddiisa Tal aviv uu u rarayo Quddus,iyada oo uu Turkigu sheegay in Safaarad uu ka furayo Magaalada Quddus Barigeeda isaga oo u aqoonsan caasimadda Falastiin,waana marka Israel laga wareejiyo sida uu yiri. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Erdogan iyo Putin oo ku heshiiyey arrin ka farxin doonta Falastiiniyiinta appeared first on Caasimada Online.
-
HARGEISA– The Houthi Rebels warned Somaliland authority against its intention of proving military base to the UAE. They have told that if Somaliland goes ahead with its plan to allow the UAE and Saudi Arabia to use Berbera port as military base to carry out bombardments to houthi rebels. The rebels have said that if they do so then you have made the wrong decision. The UAE took the administration of Berbera port and Somaliland authority granted the UAE a military base in Berbera. Berbera is located on the Gulf of Aden, 260 kilometers (162 miles) south of Yemen, where UAE troops in a Saudi Arabia-led coalition are battling Houthi rebels. Source: somalilandinformer.com
-
HARGEISA—President, Col. Musa Bihi Abdi and Wadani main Opposition chairperson, Hon. Abdirahman Irro have met officially for the first time after presidential election. The two leaders met at Somaliland’s presidential palace on Sunday. The Chairman has been flanked by the deputy chairman during the high level meeting. According to a presidential statement said that the president and the opposition reached an agreement which is aimed at burying the hatchet and heal the post election scars that the recently held presidential poll left behind. The President has extended the invitation to the opposition and both have come to the conclusion to see eye to eye on nation interest should always come first. It is agreed that opposition should always come up with constructive criticism and the government should have the patience to correct its wrongs that the opposition should point the finger to. Once the two sides ended their meeting, Hon. Hussein Ahmed Aidid spoke on behalf of Wadani party by briefing the media.
-
Jowhar (Caasimada Online)-Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia ee xilkiisa waayay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa dadaal xoogan ugu jira sida uu dib ugu soo ceshan lahaa Xubinimadiisa BFS. Sambaloolshe oo Xildhibaaninamadiisa ku waayay xilka Agaasimenimo ee NISA, ayaa iminka bilaabay ololo uu ku doonayo inuu dib ugu hanto kursigiisa Xildhibaannimo. Sambaloolshe ayaa la xaqiijinayaa in mar kale uu u tartami doono doorashada Kursiga BFS ee uu ku waayay xilkiisa NISA, waxa uuna iminka gaaray magaalada Jowhar si uu uga qeybgalo doorashada. Sambaloolshe ayaa waxaa socdaalkiisa magaalada Jowhar ku wehlinaaya tirro Ergo ah iyo C/fataax Xasan Afrax oo ay isku beelyihiin. Sambaloolshe oo ka cabsi qaba loolanka uu kala kulmi karo C/fitaax Afrax, ayaa waxa uu dadaal ku bixinayaa sida uu xil kale ugu raadin lahaa C/fitaax Afrax oo ku heysta xilka. Xilka uu Sambaloolshe doonaayo inuu ku qanciyo C/fataax Afrax ayaa ah in mar kale dib loogu celsho Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ama xil kale. Ma cadda sida uu Sambaloolshe uga badbaadi doono loolanka lagula jiro ee uu ku doonaayo in mar kale uu ku hanto Kursiga BFS ee uu waayay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com The post Sambaloolshe oo culeys kala kulmaaya dib u hanashada Kursiga BFS ee uu ku waayay NISA (Maxaa soo kordhay?) appeared first on Caasimada Online.
-
President Recep Tayyip Erdoğan arrived in Sudan on Sunday marking the first time a Turkish president visited the country. Erdoğan was greeted at the Khartoum International Airport by his Sudanese counterpart Omar al-Bashir. Speaking to reporters at Esenboğa Airport in Ankara ahead of his Africa tour, Erdoğan said Turkey aims to further strengthen cooperation with Africa and discuss ongoing regional. He said that the visit will aim to boost business ties and target the Gülenist Terror Group’s (FETÖ) exploitation of Africa. Erdoğan noted that many African countries deported FETÖ members following the deadly July 15, 2016 coup attempt and transferred the control of FETÖ schools to Turkey’s Maarif Foundation, adding that he hopes more action will be taken against the group. “We know very well that they are the volunteering subcontractors of the imperialists,” Erdoğan highlighted, as he expressed Ankara’s wish to increase the transfer of FETÖ-linked schools in Africa to Turkish authorities. “We are determined not to let these murderers find shelter on the African continent. I think that this visit is also important from this perspective as well,” he said. In an interview with Anadolu Agency (AA), Dr. İrfan Neziroğlu, Turkey’s ambassador to Sudan, said the visit will play a “remarkable role” in boosting the political and economic ties between the two countries. Neziroğlu said the Sudanese government had decided to hand over two FETÖ-linked schools to the Turkish educational foundation, in line with a protocol signed earlier between Khartoum and Ankara, adding the demand for Turkish schools has increased recently. “There is a very high demand for the Turkish schools. We’ll probably think about opening new schools,” the ambassador said. Aware of the threat FETÖ poses to Africa, Ankara has been trying to replace FETÖ-run schools in the continent with state-sponsored schools. The Maarif Education Foundation is a not-for-profit state-funded body that runs schools outside Turkey. It has taken over schools around the world previously run by FETÖ, which was behind last year’s defeated coup in Turkey, including 32 in Africa, according to figures released by Turkey’s National Education Ministry. Likewise, Enver Arpa, an associate professor from Ankara Social Sciences University’s Eastern and African Studies Institute, said that the this visit will help Sudan. “Acknowledged as a regional, and even a global actor, President Erdoğan’s visit to Sudan will boost the morale of the country, which has been exhausted from the international pressure,” Arpa said. Sudan, once a unified country, was divided into two countries in 2011 after the Christian majority south voted in a referendum for secession, as part of the peace agreement signed in 2005, ending a civil war of more than two decades. In the north, the population mostly consists of Muslims. During the conflict between the two parts, more than 1.5 million people were killed, and hundreds of thousands of people were forced out of their homes. Arpa said that Sudan independent policies in the continent “angers the imperial powers” in the region, and added that Sudan is able to overcome internal problems if there are no international interventions. Ahead of Erdoğan’s visit to Chad, the Maarif Education Foundation also signed an agreement with Chadian authorities to transfer the administration of five FETÖ schools and a dormitory. Regarding the recent crisis regarding the U.S. recognition of Jerusalem as Israel’s capital, Erdoğan said that as the term chairman of the Organization of Islamic Cooperation (OIC), he expected President Donald Trump to call him and discuss the matter. He added that Turkey made its call to the U.S. and continues to do so, and will always seek dialogue to resolve the matter. The president also noted that he is planning to speak with Russian President Vladimir Putin to discuss the situation of hundreds of civilians who need immediate humanitarian assistance in Syria’s Eastern Ghouta. After Sudan, Erdoğan will fly to Chad’s capital N’Djamena on Tuesday. On the last day of the three-day visit, the president is scheduled to fly to Tunis, the capital city of Tunisia. The visit will be dominated by business forums to discuss investment, and Erdoğan is expected to sign cooperation deals in each state. The visit demonstrates Ankara’s desire to strengthen ties with the three countries under its Africa partnership policy, a statement released by the presidency explained. Source: – Daily Sabah The post Erdoğan’s Africa tour kicks off as he arrives in Sudan appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Marwo. Fowsiyo Abiikar Nuur iyo wefdi ay hoggaaminayso ayaa Galabta soo gaaray magaaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Marwo. fowsiya iyo wefdigeeda,ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ku soo dhoweeyay wasiirka Caafimaadka Puntland,Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka iyo mas’uuliyiin kale. Halkaan ka daawo ujeedka safarka Wasiirka. PUNTLAND POST The post Daawo: Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Garoowe soo gaartay. appeared first on Puntland Post.
-
Jihadists from one of the deadliest jihadist organizations in Africa, al-Shabaab, are deploying beautiful female spies against security forces combating the al-Qaeda affiliate in a Kenyan region that borders Somalia. Although al-Shabaab is primarily based in Somalia, the terrorist group operates in various East African countries. Local security officers speaking on condition of anonymity told the Star in Kenya, “The women seek sexual relationships with them with the aim of getting their secrets.” Jihadist groups are known for exploiting women, forcing them into becoming sex slaves, human shields, and suicide bombers, among other things. Joseph Kanyiri, a top local security official, indicated that al-Shabaab had employed a similar tactic in the past, using women as spies. “Last year, we arrested two women in Kiunga, who were spying for the terror group,” revealed Kanyiri. According to the U.S. Department of State, there are “several thousand” jihadists fighting on behalf of al-Shabaab. Al-Shabaab is considered one of the deadliest and prolific terrorist groups in the world. In 2016, the Somalia-based group kidnapped 375 people and carried out 332 attacks, killing 741 people and wounding 921 injured, reported DOS. The al-Qaeda-linked group is known to threaten the United States. In March, al-Shabaab released a propaganda video condemning the United States as the “satan of our time.” The jihadists urge Islam adherents to “fulfill the obligation of jihad” and expel the “global coalition of disbelievers” that includes America and other Western countries from Muslim lands. U.S. President Donald Trump ordered the American military to boost airstrikes against the Somali group, prompting the jihadist organization to threaten attacks against U.S. interests. The American military has been providing assistance to the African Union Mission in Somalia (AMISOM), equipping and training local troops. American Gen. Thomas Waldhauser, the top U.S. commander in the region, told lawmakers in March: Our advise, assist, and accompany efforts, paired with our deliberate targeting of top-level al-Shabaab leadership, have had a significant impact in degrading al-Shabaab’s effectiveness in East Africa, but those two efforts are not enduring solutions to Somalia’s problems. The AMISOM coalition includes Somalia, Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya, and Ethiopia. Some U.S. troops have paid the ultimate price fighting in Somalia. Although al-Shabaab is the most prominent terrorist group in Somalia, ISIS is “growing significantly in strength,” reaching up to 200 terrorists already this year, the United Nations reported. Source: – Breitbart The post Somali Al-Shabaab Deploying ‘Beautiful Women’ as Spies Against African Troops appeared first on Caasimada Online.
-
Egypt’s Foreign Minister Sameh Shoukry will visit Addis Ababa next week for talks with his Ethiopian counterpart, a foreign ministry spokesman said, in a bid to end a standoff over a multi-billion dollar dam project on the Nile river. The dispute, which also involves Sudan, centres on control of a share of the waters of the Nile that stretches 6,695 km (4,184 miles) from Lake Victoria to the Mediterranean and is the economic lifeblood of all three countries. Cairo says the dam would threaten water supplies that have fed Egypt’s agriculture and economy for thousands of years. Ethiopia says the Grand Renaissance Dam, which it hopes will help make it Africa’s largest power exporter, will have no major effect on Egypt. It accuses Cairo of flexing its political muscle to deter financiers from backing other Ethiopian power projects. Delegations from Egypt, Sudan and Ethiopia met in Cairo in November to approve a study by a French firm commissioned to assess the dam’s environmental and economic impact. But negotiations stalled when they failed to agree on the initial report with each blaming others for blocking progress. Sudan’s Irrigation Minister Moataz Moussa said Egypt was unwilling to accept amendments to the report put forward by Khartoum and Addis Ababa. Sudan and Ethiopia had expressed concern over several points, especially the proposed baseline from which the study would measure the dam’s impacts, Moussa said in November. Another source of disagreement is whether Ethiopia plans to complete construction before negotiations over water flows have finished. “It’s clear they don’t want to reach conclusions quickly. We believe they probably want to start filling the dam and complete construction while there are still some ongoing discussions,” said Mahmoud Abou Zeid, Arab Water Council Chair and former Egyptian irrigation minister. He said this would violate an agreement signed by all three countries in Khartoum in 2015 meant to ensure diplomatic cooperation and stem fears of a resource conflict. Cairo fears the 6,000-megawatt dam, being built by Italy’s largest construction firm, Salini Impregilo SpA, and due for completion next year, will reduce the flow it depends on for drinking water and irrigation. Egyptian officials say safeguarding the country’s quota of Nile water is a matter of national security. “No one can touch Egypt’s water … (which) means life or death for a population,” President Abdel Fattah al-Sisi said last month. Source: – Reuters The post Egypt FM to head to Ethiopia after Nile dam talks stall appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 24 December 2017 safar shaqo ku gaadhey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ka hor inta aanay soo gaadhin magaalada Gaalkacayo soo kormeereen dhismaha waddada Garoowe- Gaalkacayo oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa magaalooyinka Xarfo, Bacaad-weyn iyo Cagaaran oo dhammaantood ka tirsan gobolka Mudug, isla markaana waxaa ka qayb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa maamulka gobolka Mudug, isimo, cuqaal , nabadoono, waxgarad iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka magaalooyinkaasi. weftiga Madaxweynaha ee kasoo kicitimay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa waxaa caasimadda gobolka Mudug kusoo dhoweeyey maamulka gobolka, maamulka degmada, Talihaya ciidamada daraawiisha Puntland iyo saraakiil ka tirsan qaybta 21 ee ciidamada DFS, isimo, cuqaal , nabadoono, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Magaalada Gaalkacyo. Madaxwaynaha Dawladda Dawladda Puntland oo warbaahinta lahadlay markii uu soo gaadhay magaalada Galkacyo ayaa waxa uu sheegay.in uu ku faraxsanyahay imaantinkiisa magaalada Gaalkacayo, waxaana uu xusay Madaxwaynuhu in isaga iyo weftigiisu ay muddo sadex cisho ah ugu sugnaayeen magaalada Buurtinle daminta xaaladi ka aloosnayd hawdka gaar ahaan deegaanka Cagaare. Sidoo kale Madaxwaynaha Puntland ayaa mahad balaadhan ujeediyay masuuliyiinta leh heer federaal, Puntland iyo Galmudug ee kashaqeeyay nabadaynta, xasilinta,isdhexgalka shacabka magaalada Gaalkacayo, islamarkaana waxaa uu Madaxwaynuhu ku booriyay masuuliyiinta, waxgaradka, isimada, nabadoonada magaalada Gaalkacayo in ay si wada jira uga wada shaqeeyaan horumarka, nabad-gelyada iyo xasiloonida Magaaladooda. “Waan ku faraxsanahay in aan nimaadno magaalada Gaalkacayo oo nabad ah oo colaad iyo wax shidda ah aysan ka jirin, roobsatay oo barwaaqo ah, waxaan filayaa hadii aad joojisaan colaada in Alle ‘SWC’ raxmadiisa idiin badinayo hadii aad waadaan colaada waxaa sii badanaya nusqaamidda raxmadda Alle, wanaag haddii lasameeyo wanaag baa lahelayaa, dhibaato haddii la abuurona dhibaato ayaa lahelayaa”. ayuu yiri Madaxwaynaha dawladda Puntland. “Waan rajaynayaa nabadda aad isku afgarateen inay ahaato mid dhaba, mid waarta, mid xasilooni gobolka u horseedda, si markaa ay dadku horumar iyo wanaag dawladnimo ugu jeestaan wixii anaga dhankayaga ka dawladd ahaan iyo ka xukuumad ahaanba nagu xidhma waan ka qayb qaadan doonnaa” ayuu yiri Madaxwaynaha Puntland. Ugu danbayn, Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka gobolka Mudug ee soo dhaweeyay maanta uga mahadnaqay soo dhawaynta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa, isla mar ahaantaana waxa uu Madaxwaynuhu kula dardaarmay in ay kawada shaqeeyaan nabadda, horumarka, kala danbaynta, iyo xasiloonida guud ahaan Gobolka. -DHAMMAAD- XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo GaadhayMagaalada Gaalkacayo. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si kulul uga hadlay daryeel la’aanta heysata dhalnyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho. Guddoomiye Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in dhalinyarada Muqdisho ay yihiin kuwo aan loo hagar bixin isla markaana aan loo dhameystirin baahiyahooda gaarka ah. Cabdi Xaashi, waxa uu dhaliilaha ugu badan usoo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid oo uu sheegay inuu ka seexday mas’uuliyada ka saarneyd dhalinyarada Gobolka Banaadir. ‘’Waxaan aad uga xumahay in Taabit uu ka jeestay wax ka qabashada baahiyaha dhalinyarada Gobolka Banaadir, waxaan ugu baaqayaa inuu daacad u noqdo dhalinyarada Gobolka’’ Waxaa uu sheegay in dhalinyaradda kunool Muqdisho aysan heysan goobo ay ku cayarayaan sidda Garoomo iyo Goobo kale. Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay waxbadan ka dhiman yihiin dhanka Adeegga Bulshadda, islamarkaana maamulka gobolka Banaadir laga rabo in ay hirgeliyaan Garoomo iyo Goobo kale oo loogu talo galay bulshada. Sidoo kale, Taabit ayaa loogu baaqay inuu daacad u noqdo dhalinyarada Gobolka Banaadir oo laf dhabar u ah isku xirka Gobolada dalka. Hadalka Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Cayaaraha maamul goboleedyadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gudoomiyaha Aqalka Sare oo weerar dadban ku qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa loogu dabaal degayay 74-aad guuradii kasoo wareegatay xiligii la aas-aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ah ciidankii ugu horeyay ee laga dhisay dalka iyadoo lagu soo bandhigayay wax qabadka ciidanka Booliska ay u hayaan bulshada soomaaliyeed. Minaasabada oo ka dhacday Xarunta Generaal Kaahiye ayaa waxaana kaso qeyb galay si haayaha Taliyaha Ciidanka Booliska,taliye ku xigeenka ciidanka booliska ,Saraakiil ,iyo leyli sargaal,kooxda baambeyda,iyo kooxda heegan oo heeso guubaabin ah aragtidooda ku gudbinayeen, Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliye General Bashiir Cabdi oo ka hadalay daahfurka xaflada ayaa ka sheekeeyay horumarka ciidanka ay sameeyeen,wuxuuna sheegay kaalinta 18-aad ay Ciidanka Soomaaliyeed ka ka galeen aduunka,iyagoo waliba daruufo adag ku shaqeynaya. Taliyahay ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Muqtaar Xuseen Afrax oo soo xeray munaasabada ayaa ciidanka ku aamanay dadaalka ay u hayaan umada sidoo kale kula dardaarmay in ay laba laaban shaqada haatane ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ay isku biirsadeen lacago ay iska soo uruuriyeen dhamaan ciidanka booliska sidii qeybta waliyoow cade loogu qalabeeyo. Munaasabadaan ayaa ahayd mid si gaar ah ay qabsadeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay ku soo bandhigayeen waxqabadkooda,maadama 20-kii bishan la qabtay munaasabada weyn ee aas-aaska ciidamada Booliska oo ka soo wareegtay 74-sano.
-
Bosaso-[Puntland Post]-Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Oo ay hurmuud ka yihiin Culimada Somaliyeed Ayaa Baaq u Diray Dad Walaalo Ah Oo Shaqaaqo Ku Dhex Martay Deeganada Qoriley Iyo Gumburka Cagaare Ee Gobalada Sool Iyo Nugaal Ee Puntland. Kulankan Ay Xubnaha Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ay Iskugu Yimaaden Waxay Ku Muujiyeen Inay Ka Xunyihiin Colaadan Soo Laa Labatay Ayna Ku Dhimanayaan Dad Hormuud U Ah Bulshada. Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur Gudomiye Ku Xigeenka Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ayaa Ku Baaqay In Dhiiga Daadanaya La Joojiyo Nabadana Laga Wada Shaqeeyo. Wuxuu intaas ku daray in dadka dhibaatada wada Aakhiro uu ALLE kala xisaabtamayo, isla markaana uusan EEBE raali ka ahayn in qof Islaam ah si macno daro ah lagu dilo. Maxamuud Faarax Bille Ayaa Dhankiisa Warbaahinta Ugu Baaqay Inaysan Buun Buunin Shaqaaqadasi Waxa Uu Sido Kale Odayaasha Dhaqanka Ugu Baaqen Inay Arintan Dhex Galaan. Odayaasha Dhaqanka Siyaasiyiinta Culimada Iyo wax garadka Bulshada Ayaa Si Wada Jira Baaqan Ugu diray dadka Walalaha ah ee Degaanka Howdka Gumburka Cagaare Wada Dega Inay Joojiyaan Shaqaaqadan. Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ayaa Ka Shaqaynaya Sidii Loo Suulin Lahaa Qabyaalada Dadka Somaliyeedna Layskugu Soo Dhawayn Lahaa. The post Daawo-Baaq Loo Diray Beelo Ku Dagaalamaya Hawdka Gobolada Sool iyo Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Puntlandi) Dowladdaha xubnaha dowladda federalka, gaar ahaan wasaaraddahooda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa maanta magaalada Muqdisho kasoo saaray go’aan xiriirka loogiu jaray kooxda xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaraddahaan ayaa lagu sheegay tan iyo burburkii kadib, in xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ay iska maamulanayeen koox gaar ah oo kaga faa’idaysatay nidaam la’aanta waddanka ka jirtay islamarkaaana jeebka ku shuban jiray dhaqaalihii caalamka ugu talo galay in lagusoo nooleeyo isboortigii Soomaaliya. Waxaa kaloo ay sheegeen in qaab dhismeedka uu haatan u dhisan yahay xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed uusan ahayn mid ka tutjumaya nidaamka federalka uu dalku qaatay. Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka. Puntlandi.com
-
Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Nabaddoon Cali Bidaar oo ka mid ah Odayaasha Beledxaawo ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in marka Dadka Beledxaawo ay doonayaan dhinaca Mandheera ay lacag ku gudbaan mar waliba. Magaalooyinka Mandhera iyo Baled Xaawo oo isa saaran ayaa dadka Baled Xawo waxa ay u waxbaarasho iyo adeeg doontaan Magaalada Mandhera, balse ciidamada Kenyan-ka ayaa la soo sheegayaa in haddda lacag dhan nus doolar ay ka qaadayaan qofkii u gudbaya dhanka madhera. Waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ee jooga goobta kala qeybisa labada Magaalo ay qaataan lacag dhan $0.5 Doollar ama Nus doollar. Nabaddoonka ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay mar waliba qaataan lacagtaas Nus doollarka ah,sidoo kalena qofka marka uu gelato iyo marka uu ka baxayaba ay lacag tahay. Shacabka Degmada Baled Xaawo, ayaa walaac ka muujiyay arintaan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay maamulka Gobolka Gedo inay soo farageliyaan dhibaatooyinka Baled Xaawo ka taagan. Halkaan hoose ka dhageyso codka Nabadoonka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Baled-Xaawo.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta keentay inay Ciidamada Kenya lacag ka qaadaan Shacabka Beled-Xaaw? appeared first on Caasimada Online.
-
Popular Contributors