Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    201,824
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay tariikhdu tahay 03 Nov 2017 kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar kamid ah Wasiirada DFS. Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiiradaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kawada hadleen Madaxweynaha iyo Wasiirada DFS arrimo la xidhiidha xaaladda Guud ee dalka, wanaajinta xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaraddaha Puntland iyo kuwa DFS, Isxog waraysi, arrimaha Fadaraaliisamka iyo dhamaystirka Dastuurka DFS, ka xoraynta dalka xooxaha nabad diidka ah iyo arrimo kale oo muhiim ah. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in kulan kani noqonayo kii ugu horeeyey oo ay Muqdisho ku-yeeshaan Wasiirada Puntland iyo Wasiirada DFS, isla markaana ay kawada hadlaan arrimo muhiim ah oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo qaranka Soomaaliyeedba. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada tashto ka xoraynta dalka kooxaha nabad diidka ah madaama ay lid ku yihiin horumarka dalka, nabadda, xasiloonida iyo isu socodka dhammaan gobolada Soomaaliya, , isla mar’ahaantaana ay taasi u baahan tahay in laga yeesho qorshe dhab ah oo lagu curyaamin karo laguna soo dabar Jari karo cadawga shacabka Soomaaliyeed ee tamarta yar. Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ku booriyey Wasiirada Puntland iyo Kuwa DFS ee uu kulanka layeeshay inay yeeshaan xidhiidh wada shaqayneed oo ku salaysan sidii wasaaradda walba oo DFS ahi ula yeelan lahayd Wasaaraddaha dhiggeedaha ee ka jira dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya si loo horumariyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaaraddaha dalka. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyaar u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed wanaajinta xidhiidhka DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS gaar ahaan Puntland, ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida qaranka Soomaliyeedba. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulan Laqaatay Qaar Kamid Ah Wasiirada DFS. appeared first on Puntland Post.
  2. Cabdulaahi Cali Aadan oo ah Musharax u tartami doona Gudoomiyaha Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garowe ayaa caawa kulan uu ku shaacinayo musharaxnimadii la qaatay ardeyda Jaamacadaha,Qaar ka mid ah dhalinyaradda magaalada iyo Warbaahinta. Wuxuu soo bandhigay Ardeygaan musharaxa ah, waxqabad uu horey uga soo qeybqaatey arrimaha bulshada sida Abaaraha,Dayactirka wadooyinka magaalada,Ololaha barnaamijka ku celi waxaad baratey dhulkaaga hooyo oo qeyb ka ahaa Tababaro iyo Wacyi galin dhalinyaro ay ka samaysay magaalada Garowe. Musharax Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay haddii uu ku guulaysto muddo sanad ah inuu hogaamiyo Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika inuu isbedel kusoo kordhin doono dhiirigalinta waxbarashada iyo nidaamka isku xirka Ardeyda Jaamacadaha. Wuxuu sheegay inuu sii xoojin doono barnaamijyo horey loo hindisay kuwaas oo qeyb ka ahaa sadaqeysiga cilmiga iyo la dagaalanka jahliga. Ugu dambeyntii dhamaan dhalinyaradii kasoo qeybgalay xafladda ayaa sheegay inuu noqonayo Cabdulaahi Cali musharaxii ugu horeeyay oo doonaya inuu u tartamo doorashada Ardeyda Jaamacadda oo qabta kulan noocaan oo kale ah , waxayna sheegeen inuu yahay shaqsi u qalma hogaaminta Ardeyda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Garowe:- Ardey shaaciyay inuu u tartamayo hogaaminta Ardeyda Jaamacadda appeared first on Puntland Post.
  3. Cali Khaliif Galaydh oo caawa ku sugan magaalada Cayanaba ayaa kulan la leh Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada SNM Maxamuud Xaashi Cabdi , Kulankan oo ay warbaahintu dibad Joog ka tahay isla markaana aan la ogolayn in Wariye uu ka soo agdhwaado ayaa la filayaa in maalinimad berri ay War murtiyeedka ka soo saaraan Waxa ay isla meel dhigaan Muuse Iyo cali khaliif. Cali Khaliif Galaydh oo Caawa ay u tahay habeenkiisii 10 ee noqo si cad Somalilander sida uu Todobaadkii hore ku saxiixay inuu ka mid yahay Somaliland . Malaga yaabaa inCali Khaliif oo ahaa aqoon yahana 20 sano wax ka badan wax ka dhigayey Jaamacado ku yaalla Wadamo kala duwan sida USA uu maro wadadii uu marey aqoonyahanka Saaxiibkii Axmed Ismaaciil Samatar oo kol hore ku biirey Xisbiga Kulimye , isla markaana u ololeeya imina Xisbiga Kulmiye . iibgeeyana barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye .?
  4. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay ay baahinayeen qaar badan oo ka mid ah Warbaahinta Somalia ka hawl-gasha iyo Wargeysyo kasoo baxa Kenya oo sheegayay in dowladda Mareykanka ay joojineyso taageeraddii dhaqaale ee ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Idaacadda VOA-da oo baahisay Qoraal Jawaab ah oo ay ka heshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu yiri: “Wararka sheegaya in dowladda Mareykanka ay u joojineyso dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, taasoo lala xiriiriyay in saraakiil Soomaali ah ay fududeeyeen qaraxyadii Muqdisho – waa kuwo aan sax aheyn.” Sidoo kale, Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadeyso taageerada ay ku bixiso ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada iyo dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka Al-Shabaab. “Xukuumadda Mareykanka waxay mudnaanta siisaa daah-furnaanta iyo la xisaabtanka Somalia, taasoo ka turjumeysa mid ka mid ah waxyaabihii uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday markii uu xafiiska la wareegayay horaantii sanadkan,” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta. Ugu dambeyn, Warbixintaan ayaa lagu yiri “Xukuumadda Washington waxay horey dowladda Soomaaliya ugala hadashay shuruudaha ku xiran kaalmada dhinaca ammaanka ee uu Mareykanka bixiyo, waxaana ka mid ah inaan si dhow ula soconno halka lagu bixiyo taageeradeenna.” PUNTLAND POST The post Muxuu Mareykanku ka yiri Wararka sheegaya inuu Dhaqaalaha ka Jarayo Ciidamada DF? appeared first on Puntland Post.
  5. Khartoum (Caasimad Online)-Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday magaalada Khartoum. Labada Baarlamaan ayaa waxaa u kala saxiixay Heshiiska Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Sudan. Habdhowraha golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux, ayaa sheegay in heshiiska uu ka kooban yahay 9 qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan. Sagaalka qodob ee labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah: 1-In labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga. 2-In ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya Baarlamaanada aduunka. 3-In dhinaca aqoonta la iska kaashado.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in halkaa ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo is xigxigay. Duqeynta oo xooganeyd ayaa la sheegay in lala beegsaday qaar kamid ah Horjoogayaasha kooxda la baxday Garabka Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumim. Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay. Xiliga ay duqeynta dhaceysay ayaa la sheegay in Horjoogayaasha Garabka Daacish ee Soomaaliya ay ku guda jireen kulan ay uga arinsanayeen fulinta weeraro dhagar ah. Sidoo kale, dadka deeganka ayaa sheegay inay maqlayeen qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha. Geesta kale, waxaan si dhaba loo ogeyn cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, balse Somalia iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Madaxda maaamul goboleedyada iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayuu isbuuc ku dhowaad shir uga socdaa Muqdisho. Kullanka waxaa diiradda lagu saarayaa qodobo dhowr ah, mana jiro go’aan ka soo baxay ama wax lagu heshiiyay illaa iyo hadda. Qodobada laga wada hadlayo waaa kuwo aad u culus oo u baahnaa in horey loo sii diyaariyo, sida uu sheegay Guleed Salax oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Haddaba maxay tahay caqabadaha hor taagan in shirka uu dhammaado? Amniga iyo ciidamada Soomaaliya waxaa ka jiro caqabado dhanka amniga ah. Labadii isbuuc ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay qaraxyo waawayn. Qarixii Soobe ee 14-kii bishii Oktobar waxaa ku dhintay in ka badan 350 qof. Madaxweyne Farmaajo ayaa weerarkaas ku eedeeyay ururka Al-Shabaab. Guleed Salax oo ka tirsan machadka cilmi baarista ee SIDRA oo fadhigiisu yahay Garowe ayaa sheegay in arrinta amniga iyo qaab dhismeedka ciidamada ay yihiin waxyaabaha ugu waawayn ee laga doodayo. “Waxay u baahnayd in hurmar laga sameeyo arrinta amniga. Markii wax lagu heshiiyo waaa in la qaado tallaabooyiin muuqda,” ayuu yiri Guleed oo la hadlay BBC-da. “Amniga waxaa hortaagan oo dib u dhac ku keenaya jawiga guud ee siyaasadeed ee cakiran oo saameyn ku leh horumaradii la sameyn lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Guleed Salax. Dowladda ayaa bishii May, London ku saxiixday heshiis lagu dhisayo ciidamo gaaraya 18,000, kuwaas oo min 3,000 laga kala keeni doono dowlad goboleedyada. Waxaa kale oo ka mid ah in dib u habeyn lagu sameeyo talisyada kala duwan ee ciidammada. Ciidamdaas waxaa laga kala keeni doonaa gobollada dalka, waxayna ka wada qeybgali doonaan la dagaallanka Al-Shabaab iyo in ay amniga gacanta ku qabtaan. Kala shakiga iyo wada shaqeynta Tan iyo markii uu bilowday khilaafka ka dhashay arrinta dalalka Khaliijka, waxaa sii kordhayay kala shakiga soo kala dhexgalay madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka. Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan dhexdhexaad ah oo ku aadan khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka. Wadammo uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa go’doomiyay dalka Qadar. Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa dowladda dhexe ugu baaqay in ay taageerto go’aanka Sacuudiga iyo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayna xayiraad saarto Qadar. Guleed Salax ayaa sheegay in “jawigaas oo ka horeeyay shirka uu yahay mid aan saamaxayn in si fudud heshiis loo gaaro.” Markii hore waxay ku billaabatay kala aragti duwanaan, balse waxay u gudubtay khilaaf rasmi ah oo sababay in maamul goboleedyada qaar ay gilgishaan. Machadka SIDRA, warbixin soo saaray ayuu ku sheegay in boqolkiiba 61 shacabka Soomaaliya ay taageersan yihiin go’aanka dhexdhexaadka ah ee dowladda dhexe qaadatay. Markii Madaxweynihii hore ee Hirshabelle xilka laga qaaday iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay Galmudug, madxada maamullada waxay isugu tageen Kismayo waxayna cambaareeyeen dowladda Soomaaliya iyo “faragelinta ay ku hayso maamullada”. Shirka Muqdishu wuxuu dhacayaa ayadoo weli uu taagan yahay kala shakigaas soo kala dhexgalay dowladda dhexe iyo maamullada, sida uu sheegay Guleed Salax, madaxa machadka cilmi baarista ee SIDRA. “Kala shakiga badan iyo xiriirka oo xumaaday, ee soo jiray mudooyiinkii ugu dambeeyay, waxay keenayaan in is afgarad degdeg ah la gaari waayo,” ayuu yiri Guleed. “Waxay ila tahay in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada la yimaadaan hannaan wada shaqeyn oo yarayn kara khilaafka markasta soo kala dhexgala labada dhinac,” ayuu ku taliyay madaxa SIDRA. Dastuurka Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay diideen shir ku saabsan arrimaha dastuurka oo bishii la soo dhaafay ka dhici lahaa magaalada Muqdisho. Dowladda federaalka ayaa looga fadhiyaa in ay dhameystirto dastuurka oo qabyo qoraal ah. Balse haddii aysan taageero ka helin maamullada goboleedyada way ku adkaaneysaa in la dhameystiro. Waxaa dastuurka ka mid ah qodobo dhowr ah oo la isku hayo sidii wax looga bedeli lahaa, waana arrimo horey looga wadahadalay. “Maamul goboleedyada waxay ka cabanayaan in wadatashiyo aan lagala yeelan isbedello lagu sameeyay dastuurka,” ayuu yiri Guleed Salax oo siyaasadda Soomaaliya ka faallooda. Qodobada 53-aad iyo 54-aad ayaa horey u sababay khilaaf, waxaana soo kala xigtay maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, kaas oo qeyb ka ahaa arrinta cirka ku shareertay khilaafka Khaliijka ee gilgilay Soomaaliya. Bishii June maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale kasoo horjeedstay xeerka isgaarsiinta qaranka oo golaha wasiirada meelmariyeen, waxayna maamulada sheegeen in dowladda federaalka ay hareermartay waxyaabihii horey looga heshiiyay ee xeerkan ku saabsanaa oo dhan. Sida muuqata, maamul goboleedyadana ku doodayaan, isfaham darrada ugu badan waxa ay salka ku haysaa dastuurka oo ay sheegayaan in uusan kala qeexeyn awoodaha. Guleed Saalax ayaa ku taliyay in la kala cadeeyo qodobada dastuurka ku qoran ee khilaafka sababa, si Soomaaliya ay horey ugu socoto. Federaalka Dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxay kala kulantay caqabado badan, dhismaha maamul goboleedyada. Maamullada oo dhan waxay dhismeen ayadoo la isku khilaafsan yahay, marka laga reebo Puntland oo la dhisay 20 sano ka hor. Guleed Saalax wuxuu sheegayaa in horumarinta hannaaanka federaalka uu yahay qodob ka mid ah kuwa u baahan in si wanaagsan looga doodo, heshiisna laga gaaro. Dowladda dhexe ayaa horey loogu eedeeyay faragelin ku hayso maamullada, “ayna sabab u ahayd xil ka qaadista madaxda qaar,” sida ay ku doodeen hoggaamiyayaasha maamullada. Madaxda shanta maamul goboleed ee Soomaaliya ayaa bishii la soo dhaafay ku shiray magaalada Kismaayo waxayna dhisteen gole ay ku mideysan yihiin. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka did markii golaha la dhisay, ayaa si taxadar leh loogaga hadlay shirkii Kismaayo. “Degdegga golaha Kismaayo lagu dhisay iyo waxa ay qabanayaan ee la sheegay, waxaa ka asalsan kala fogaanshaha dowladda federaalka iyo maamullada. Marka waa muhiim in la gaaro xalka madmadowga markastaa soo kala dhexgalo” ayuu yiri Guleed Salax. Qeybsiga qayraadka dalka Madaxda maamullada qaar ayaa dhaliilay sida dowladda federalka ee Soomaaliya wax uga siiso mashaariicda horumarinta iyo dhaqaalaha. Sida uu sheegay Guleed, Arrintan waxay ka mid tahay qodobada u baahan in heshiis dhab ah lagaga gaaro shirka Muqdisho ka socda oo weli uusan ka soo bixin go’aan dhab ah oo lagu heshiiyay. “Maamul goboleedyada waxay marwalba ka cabanayeen in dowladda dhexe ay isku koobto deeqaha caalamka laga helo,” ayuu yiri madaxa machadka cilmi baaridda siyaasadda ee SIDRA, Guleed Salax. Soomaaliya waxay weli ku tiirsan tahay deeqda caalamiga ah, balse maamul goboleedyada ayaa doonaya in ay garab ka helaan dowladda dhexe oo dhankeeda weli raadineysa mushaarka ciidamadeeda. 26-dii May ee sanadkan 2017-ka, maamul goboleedka Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeyay heshiis xagga badda ah oo shirkado kalluumeysi lagu siiyay shatiyo. Guleed ayaa sheegay in lafagur badan lagu sameeyo qodobada ka hor intaan shirka la isugu imaan, si aysan waqti badan u qaaban heshiisyada laga gaarayo. Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa la dhisay siddeed bilood ka hor, waxayna wajeheysaa caqabo dhanka “amniga iyo siyaasadda ah”. Sida wararka ay sheegayaan, maanta ayaa la filayaa in go’aan ugu dambeeya uu ka soo baxo kullanka Muqdisho uga socdo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo madaxda federaalka.
  8. Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay ay baahinayeen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo wargeyso ka soo baxa Kenya oo sheegayay in dowladda Mareykanka ay joojineyso taageeraddii dhaqaale ee ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Jawaab qoraal ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay u soo dirtay VOA oo wax ka weydiisay ayaa lagu yiri: “Wararka sheegaya in dowladda Mareykanka ay u joojineyso dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, taasoo lala xiriiriyay in saraakiil Soomaali ah ay fududeeyeen qaraxyadii Muqdisho – waa kuwo aan sax aheyn” Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadeyso taageerada ay ku bixiso ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada iyo dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka Al-Shabaab. Qoraalka waxaa lagu yiri “dowladda Mareykanka waxey mudnaanta siisaa daah furnaanta iyo la xisaabtanka Soomaaliya, taasoo ka turjumeysa mid ka mid ah waxyaabihii uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday markii uu xafiiska la wareegayay horaantii sanadkan. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “dowladda Mareykanka waxey horey dowladda Soomaaliya ugala hadashay shuruudaha ku xiran kaalmada dhinaca ammaanka ee uu Mareykanka bixiyo, waxaana ka mid ah inaan si dhow ula soconno halka lagu bixiyo taageeradeenna.” Isha: VOA
  9. Muqdisho (PP) ─ Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegaya in shirka ay ka dhalatay doodo kulul iyo qodobbo weli la isku mari la’yahay, taasoo sababtay in shirku muddadiisu dheeraato, maadaama uu qorshihiisa ahaa in muddo ku siman afar maalmood lagu soo gaba-gabeeyo, wuxuuse hadda marayaa muddo toddobaad ah. Tan iyo markuu shirku billowday ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobo amniga la xiriira, hadana waxaa wali doodo adagi ka taagan yihiin qodobo ay ka mid yihiin; kheyraadka, dib u-eegista-dastuurka iyo kuwo kale. Sidoo kale, Waxaa jira eedeyn loo jeediyay xukuumadda Federeaalka ah ee Somalia, taasoo ah inay xukuumadda Khayre waddo olole ballaaran dhan ka ah Madaxda Maamullada Galmudug iyo Koofur-galbeed. Waxayna tani qayb ka tahay wayxaabaha muranka badan dhaliyay. Madaxda Maamul-goboleedyada Galmudug iyo Koofur-galbeed ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo sheegay in kacdoonada ka socda Baydhabo iyo Cadaado ay ku lug leedahay xukuumadda uu Ra’iisul Wasaare Khayre hoggaaminayo, isla markaana aanay shirka sii wadi karin, inta weli ay socdaan fara-gelinnnada ay xukuumaddu waddo. Dhanka kale, Qodobbada kale ee dooda adagi ka taagan tahay ayaa waxaa ka mid ah; Hindise-sharciyeedyada uu ansixiyo baarlamaanka, taasoo horay Madaxweynaha Puntland uu ashtako uga keenay, isla markaana dalbaday in marka hore maamul goboleedyada laga tala geliyo. Ugu dambeyn, Maanta oo jimco ah ayaa wax shir ah jirin, Waxaana laga yaabaa in caawa madaxda kulammo gaar gaar ah yeeshaan, isla markaana kama dambeys berri oo Sabtid ah ay shirkooda kasoo saaraan qodobbada ay ku heshiiyeen. PUNTLAND POST The post Shirka Dowladda Dhexe iyo Maamulada Dalka oo la isku mari la’yahay Qodobo Xasaasi ah appeared first on Puntland Post.
  10. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Shirkadda China Poly Group ayaa la sheegayaa in bilaabeyso dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaray dhulka Soomaalida Itoobiya bartamaha sanadka 2019ka, sidaasi waxaa sheegay wasiirka Petrolka dalka Itoobiya Motuma Mekassa. Ceelashan waxaa lagu xiriiriyay tubooyin 700-kilometer (435-mile) gaaraya, waxaana laga dhoofin-doonaa dalka Djibouti, Gaaskan waxaa loo dhoofin-doonaa qaaradda Asia. Ethiopia ayaa waxaa ay baadi-goob ugu jirtaa gaaska dabiiciga ah iyo ilo kale oo dhaqaale si ay u sii xoojiso dhaqaalaheeda gaaraya $72.3 billion , waana dalka ugu dhaqaale koboca badan Afrika. POLY-GCL Petroleum Group, waxaa ay heshiis wax soo-saar qeybi ah la gashay Itoobiya 2013kii, heshiiska ayaa waxaa uu ahaa in gaas dabiici ah laga baaro 117,151 square-kilometer oo ah dhulka Ogadenia ama Soomaali galbeed, waxaana muuqata in lagu guuleystay, hadana dhoofinta bilaaban-doonto. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
  11. Mosul (PP) ─ Ururka la baxay dawladda Islaamka ayaa “dilay” ugu yaraan 741 qof oo shacab ah intii uu socday dagaalka magaalada Mosul, sida ay ku warrantay Qaramada Midoobey. Dagaallamayaasha kooxda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay dad badan afduubteen si ay uga dhigtaan dhufeys ay uga gabadaan ciidamada caalamiga ah ee duullaanka ku ah. “Kuwa mas’uulka ka ah waa in ay ka jawaabaan ficilka naxariisdarada ah ee ay geysteen,” ayuu yiri madaxa guddiga xuquuqda aadaha ee Qaramada Midoobey, Zeid Raad Al Xuseen. Wuxuu sidoo kale sheegay in la baarayo tacaddiga ay geysteen ciidamada Ciraaq. Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 461 qof oo kale oo shacab ah ay ku dhinteen duqeymaha ay geysteen ciidamada Ciraaq iyo Mareykanka, laga soo billaabo bishii November ee 2016 illaa July 2017. Wadarta guud, 2,521 qof oo shacab ah ayaa la dilay, 1,673 kalena waala dhaawacay intii uu socday howlgalka militari ee ururka la baxay dowladda Islaamka looga saarayo magaalada Mosul, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey. “Go’aan kooxda ka soo baxay bishii November ee 2016-kii ka dib, IS waxay qaaday weerarro si toos ah ugu wajahnaa shacabka,” ayaa lagu xusay warbixinta. “Duullaanka waxaa ka mid ahaa, duqeyn, qaraxyo iyo toogasho,” sida ku qoran warbixinta Qaramada Midoobey. Ugu dambeyn, Khariidaddan hoose waxay muujineysaa sida qeybta qadiimiga ah ee magaalada Mosul ay u burburtay. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Ururka Daacish oo la sheegay inay 741-qof ku dishay Magaalada Mosul ee dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
  12. The United Kingdom has updated its Foreign travel advice in respect of Ethiopia. The Foreign and Commonwealth Office (FCO) in its latest release of Thursday November 2, 2017 cited visa requirements as basis for the update. “Entry requirements section (Visas) – to obtain a business visa for Ethiopia you may require prior approval from the Ethiopian Department of Immigration and Nationality Affairs office before submitting your application to the Ethiopian Embassy; you should check the latest instructions with your nearest Embassy,” the full update read. The FCO, however, largely maintained its advise against travel to almost all borders of the country save that of the Djibouti and Somaliland. It advises against almost all travel to major parts of the Somali regional state. All travel within 10km of the border with Eritrea, Sudan, Kenya and South Sudan and within 100 km of the Ethiopian border with Somalia and Kenya in specific areas. The United Kingdom and United States are among the few allies of Ethiopia who continue to maintain their travel alert for the country despite the lifting of a state of emergency in August this year. The measure was meant to quell spreading anti-government protests in the Oromia regional state. U.K. citizens were advised to avoid all gatherings because of the potential for them to become violent, they were also to review their personal security settings at all times. The message, however, gave what can be described as a summary of recent security challenges in the Horn of Africa country. Among others, they listed tensions between the Oromia and Somali regions which clashes have led to deaths and mass displacements. The 13 September 2017 protests in Jijiga, 11 October 2017 protests in Ambo, Dodola, Wolisso and Shesehememe – all in the Oromia regional state were also listed. They also addressed restrictions on the processes involved in obtaining a SIM card. UK issues travel alert for Ethiopia, cautions over ‘dodgy’ internet https://t.co/znAVdlTDwS — africanews (@africanews) June 14, 2017 Source: – Africanews
  13. Two Al-Shabaab terrorists were killed in battle with military troops in Lamu County. The militants were killed by soldiers on patrol in Nyatha, Lamu West, Kenya Defence Forces spokesman David Obonyo said. The soldiers were on their normal patrol of the area at around 6pm on Thursday when they came into contact with the armed militants. The incident comes barely a week after four Al-Shabaab terrorists were killed in battle with KDF troops at Mararani area in Lamu East. The soldiers raided the terrorists’ camp forcing militants to flee and abandon the camp. Four AK-47 rifles, bomb making materials, six magazines, three grenades, three car batteries, rolls of cables, three mobile phones and assorted food stuffs were found at the camp. Last month, KDF soldiers killed five Al-Shabaab terrorists while militants escaped with injuries at Bodhei on the border of Lamu and Garissa counties. During the incident, six AK-47 assault rifles, 321 bullets, three grenades and explosives were recovered. Source: Daily Nation
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa digniin kasoo saaray danaadiiq cod bixin oo la sheegay in Somaliland ay ku gureyso degaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag, oo Puntland ay sheegtay in ay maamusho. Maamulka Puntland ayaa ku goodiyay inay qaadayaan dagaal khasaaraha ka dhasha ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Somaliland. Puntland ayaa tilmaantay inay diyaar yihiin ciidamadii qaadi lahaa dagaalka isla markaana goobaha doorashada ka qaadi lahaa sanaadiiqda loo diyaarinaayo doorashada Somaliland. Cabdi Cali ”Qarjab” oo ah Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka diyaargarooben difaac kaga imaada Somaliland. Waxa uu Qarjab, tilmaamay inay diyaar u yihiin in dhiig uu ku daato is qabqabsi ka yimaada in Somaliland ay sanaadiiqda kusii heyso degaanada Puntland. Waxa uu sheegay in Puntland ay Somaliland ugu baaqeyso inay ka fiirsato arrintan, ka hor inta aanu dhiig ku daadan. Geesta kale, Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay Somaliland in looga baahan yahay in ay mas’uuliyad iska saarto in ay si wanaagsan ku qabsato Doorashadeeda, oo aysan sababin inuu dhiig daato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul kama danbeyn ah oo la doonaayo in xilka looga qaado Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Abaabulka socda ayaa waxaa la doonaaya in xilka looga xayuubiyo Hogaamiye Shariif oo laga gudbiyay Mooshin ay ku saxiixan yihiin Xildhibaano kabadan 90. Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin isbedel doon, Mooshinka ay ka wadaana Shariif Xasan in ay saxiixeen 91 xildhibaan. Xildhibaanada ayaa tilmaamay in Shariif Xasan uu xilkaasi sii heyn doono keliya maalmo kooban wixii intaa ka danbeeyana uu lamid noqon doono shcabka, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay sheegen in Shariif Xasan uusan mudneyn inuu sii hayo xilka waxa ayna ku eedeeyen howl-gabnimo iyo inuu indhaha ka qabsaday shaqooyinka loo igmaday. Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u muuqda mid ka walwalsan in uu saameeyo khilaafyada siyaasadeed ee maamuladii isaga ka horeeyay soo hareeyay sida Hirshabeelle iyo Galmudug. Gudaha asbuuca nagu soo fool leh ayaa lagu wadaa in codka mooshinka loo qaado Hogaamiye Shariif Xasan, iyadoo la sheegay in sifo sharci ah uu ku weyn doono xilkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qaybgalaya kulanka madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Federaalka kuwaasoo laga soo doortay Puntland Kulanka oo ahaa casho sharaf, ayaa waxa uu ka dhacay Royal Palace Hotel, waxaana Hogaamiyaha ku wehelinaayey Mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Maamulka Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Casho sharaf kadib Hogaamiyaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka DFS u metelaya Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin. 1-Isxog waraysi. 2-Isku xidhka iyo wada shaqaynta DFS iyo maamulka Puntland. 3-Qaybsiga khayraadka dalka. 4-Arrimaha Fadaraaliisamka iyo Dastuurka 5-Kawada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya. Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay Hogaamiyaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo maamulada xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah. Hogaamiyaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xogwaramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda maamulka Puntland, shacabka ku dhaqan Puntland-na ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland. Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaadhsiin lahaa meel uu mudan yahay. Ugu danbayn, Hogaamiyaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka DFS u metelaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciwaanka uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku leeyahayTwitter-ka ayaa si kooban hawada looga saaray Khamiistii, laakiin intaas ka dib hawada ayuu dib ugu soo laabtay, sida ay sheegtay shirkada leh bartan ay bulshadu ku xiriirto. Shirkaddu waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saarat si aan ula kac ahayn, ayna ahayd khalad banii’aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitter-ka. Ciwaanka madaxweynaha ayaa hawada ka maqnaa11 daqiiqo, Twitter-ka ayaana hadda baaritaan wada. Trumo ayaa aad u isticmaala Twitter-ka waxaana wararkiisa ku xiran 41.7 milyan, walina kama hadlin arrintan. Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista wakhti kooban waxay arki kareen fariin oranaysa “ciwaankaas ma jiro!”. Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta. Ciwaanka @POTUS, oo ah midka rasmiga ah ee madaxweynaha Maraykanka ayaa isagu sidiisii u shaqaynayay. Trump wuxuu Twitterka ku soo biiray bishii Maarso ee 2009kii. Intaa wixii ka dambeeyayna si joogto ah ayuu u iisticmaali jiray si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol’olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay bishii Janaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Sidi aan dhowr goor ku celceliyay siyaasi maahi sidaa darteed aad uma daneeyo dhagaysiga hadallada siyaasiyiinta. Hadba xiisadda kacsan iyo waxa laga doodayo waxaan kula kulmaa baraha bulshada, aad uguma mashquulo inaan ka faalloodo waayo maahan maaddo aan xiiseeyo. Laakiin waxaa dhacdo marar badan inaan arko hadallo si weyn loo faafiyay kuwaasoo saamayn xun ku yeesho shacabka maskaxdooda. Hadallada caynkaas ah waxay igu qasbaan inaan wax ka dhaho arrimaha taagan. Middi ugu danbaysay ee na qabsatay ayaa ahayd hadalkii uu madaxwyne Farmaajo ka jeediyay shirka wada tashiga ee la xariiray sidii shabaab la isaga celin lahaa. Af-dhaajinti siyaasiyiinta meelaha waan ku arkayay laakiin kuma mashquulin inaan dhagaysto hadalka madaxweynaha iyo doodadda ka dhalatay waayo wax lagu mashquulo iilama muuqan. Xalay fiidki goor aan wax qoranayay, xaajiyadunna ay dhagaysanaysay warar Soomaaliya, ayay igu tiri Jallee Farmaajo ma wanaajin inuu sidaas u hadlana maahayn. Marki aan kor u eegay wajigeeda waxaa ii muuqatay inay aad ooga niyad jabtay hadalka madaxweynaha, sababta niyad jabkuna yahay sida loo fasiray. Waxy noqotay inaan isa saaro laptopki si aan ula dhagaysto hadalka ugana qanciyo nuxurkiisa. Intaas ka dib waxaa ii muuqatay inay hooyooyin badan oo niyad san maskaxdooda lagu cayaaray niyad jab iyo walwelna lagu abuuray. Sidaas awgeed ayaan is iri inta aan kula joogin bal hadalka meesha uu ka nool yahay ha lala wadaago. Hadalka ku saabsan in madaxweynuhu yiri dooni mayno askari mushaar ku shaqaynayo ee waxaan rabnaa dad bilaash ah ugu dhinto dalkooda, waa mid saxan ujeedkiisuna cad yahay. Waxa laga hadlayo maahan askariga mushaar la siin mahayo waayo mushaarku waa xuquuq aan gorgortan gali Karin. Maahan mid loo diidi karo ama lagu xujayn karo. Waxaa ka duwan qof ujeedka uu meesha u yimidba yahay inuu un lacag kaliya helo. Kaasi waxaa loo yaqaan calooshisa u shaqayste. Qofka noocaas ah dhimasho ma rabo waayo waqti waxa uu shaqaystay uu ku cuno ayuu rabaa, ujeedka meesha uu yimidna maahan difaac dal waa helidda xoogaa sandareerta ah. Ciidamada dalkuna noocaas maahan in yar mooyee. Intaas qofki fahmi waayay siyaasi maahan ummadana inuu wax u sheego ma habboona. Laakin waxaa hubaal ah in iyagoo fahamsan waxa laga hadlayo ay si ku tala gal ah hadalka u qalloociyeen si ay danahooda ugu gaaraan. Midka kaasi ka muhiimsan waa erayga uu madaxweynuhu isticmaalay ee “caqiido”. Waxaa u yiri askarteennu caqiido wadaninimo ma lahan ee waa inaan barnaa in haddii ay wadankooda u dhintaan ay janno galayaan sida shabaabba kuwooda u baraan. In janno la galo iyo in kale maahan arrin aadane sheegi karo. Waa ammuur qaybi ah Eebe kaliya ayaana ka war hayo laakiin waxaa la noo sheegay sida lagu kasbado iyaduna wadaniyad ka mid maaha haddii aan raacno qaabka hadalka loo yiri. Balse waxaa ka mid ah in qofku isdifaaco, maalkiisa iyo reerkiisuna difaacdo, dhulkiisa lagu soo duulayna difaacdo taasi oo isgu imaanayso in shaqada ay hadda hayaan askarteennu sidaasi tahay, waase haddii niyad lagu daro. Hasa yeeshee ma saxbaa in la yiraahdo askarteennu ‘caqiido’ ma leh? Haddase ma loo yeeli karaa caqiido? Waxaa is leeyahay erayka ‘caqiido’ kuma habbonayn jumladaan. Afsoomaligu waa luuqad faqiir ah sidoo kalana aan helin cid hormariso. Sidaa darteed waxaa aad ugu adag dad fagaarayaasha ka hadlo inay helaan erayo ku habboon waxa ay rabaan inay dhahaan. Taasi waa midda aan had iyo jeer u aragno madaxdeenna oo isticmaalayo afaf qalaad. Caqiido waa eray loo isticmaalo arrin la xariirto diimaha. Waa arrin aad loogu kala qaybsanyahay. Dad badan oo kala caqiido ah ayaa dal ku wada noolaan karo wax bandanna ka dhaxayn karaan. Waxay noqon karaan muwaadiniin siman oo dalka wada difaacdo, waa arrin dhexdeenna caan ka ah. Ma dhici karto in la helo askar isku wada caqiido ah xagga diinta (waxan ka hadlayo caqiidada hoose ee kala qaybiso muslimiinta). Laakiin waxaa la heli karaa askar iyagoo kala caqiiqdo ah u wada dhinta dalka iyo difaaca diinta. Sidee ku dhici kartaa? Wadamada galbeedka caqiido waxaa ooga dhigan aydhiyooloji. Waddan walbana waxaa ku wada nool dad kala aaminsan aydhiyooloji aad isu diidan hadana marki ay imaado danta wadanka waa ul iyo diirkeed. Sababta ayaa ah waxaa jiro wax kale oo mideeyo kaasoo lagu magacaabo ‘qiyam’ (values). Qiyam waa eraygi uu jeeday madaxweynuhu sidaan isleeyahay waana midka u baahan in laga dhiso askarta iyo dhammaan bulshada guud. Qiyamku waa mid guda balaaran oo ay soo hoos galayaan dhaqanka, diinta iyo wax walba oo qiimo weyn noo leh. Waa waxa aan u taagannahay nolosheenana ka turjomayo. Nasiib darro maahan mid si fudud loo baran karo. Waa arrin u baahan in lagu ababiyo ilmaha dhashay, iskoollada lagu dhigo, masaajidda laga jeediyo goobaha shaqooyinkana lagu faafiyo. Waa mid la rabo in laga arko hab-dhaqanka madaxda, culimada iyo aqoonyahanka. Waa mid haddii aan ku guulaysanno badali lahayd qabyaaladda. Hadda booska qiyamka waxaa noogu jiro qabiilka, sharafa kugu danbeeyo ee aan difaacanno waa qabiilka. Inta la helayo wax taasi badalana way adag tahay in la helo bulsho leh qiyam mideeyo. Waxaan kusoo xirayaa qormadaan in guud ahaan hadalka madaxweynuhu khalad lahayn laakiin eray xulashadiisu aysan wacnayn. Madaxdu ha ogaadeen in erayada ay isticmaalayaan saamayn weyn ku leeyihiin bulshada guud iyo horumarka dalka. Waa in si dagan loo xushaa erayada lagu hadlayo si miisamanna hadalka loo dhigaa si loo yareeyo fursadda warxumo tashiilka. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
  19. Dhammaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo an xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu. Waxaan halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo aan ugu magac daray WAR YAA QARAXA MAS’UUL KA AH?, waxaan rabaa in kaliya aan muujinno in ay imaan karaan su’aalo badan oo ku aadan qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Qormadani cid gaar ah kuma wajahna!. Qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaalada Muqdisho ma mudan yihiin in wax laga barto? Haddii aanba ku amba qaadno qoraalkeena su’aasha kor ku xusan, waxaa cad in ay muhiim tahay in wax badan laga barto dhacdooyinka nolosha. qaraxyada Muqdisho ka dhacaya waa qayb ka mid ah dhacdooyinka nolosha, dhacdooyinka nolosha ee xaqiiqda ah ee tagay ayaa lagu magacaaba taariikh.Taariikhda barashadadeeda, isku hawlka qoristeedda iyo dhadhansigeeda macnaha qotada dheer ee ku duugan ayaa ah un in wax badan laga ogaado dhacdooyinkii hore u dhacay, si aysan mar labaad u soo laaban haddii ay ahaayeen kuwo khaldan. Haddii aynu dib u raacno taariikhda qaraxyadii ka dhacay Muqdishu sanadkan waxa aad ka baranaysaa in hawgalada ka socda Muqdisho aysan kaliya ahayn kuwo ku eg kooxo argagixiso ah ama al-shabaab, waxaan daah saarnayn in danaha laga leeyahay daganaansho la’aanta Soomaaliya ay yihiin kuwo tiro beel ah, waxaan hubanti ah in dawladaha jaar ka ah iyo kuwa caalamka labaduba ay dano gaar ah oo macaash ugu duugan yahay ay ka leeyihiin daganaansho la’aanta Soomaaliya. Weerarradii Muqdisho ka dhacay sanadkan 2017. v Labadii bishii janaayo waxaa ka dhacay qarax is miidaamin ah 3 qof ayaa ku dhimatay.* v Isla todobadii bishii janaayo qarax ka dhacay Muqdihso 3 qof ayaa isna ku dhimatay. v Labaatan iyo shanti bisha janaayo qarax gaari ayaa ka dhacay Muqdishu waxaa ku dhintay 28 qof.* v Febraayo sagaal iyo tobankeedii waxaa Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ay ku dhinteen 39 qof. v Maarso 13 keedi waxaa bam gaari ku dhintay 13 qof.* v Isla bishii maarso 21 waxaa qarax gaari ku dhintay 5 qof.* v Bishii abriil afarteedii waxaa isna qarax gaari ku dhintay 3 qof. v Abriil markiii ay ahayd 7 waxaa qarax mooto ku dhintay 3 qof. v Isla bishii Abriil 9keedi waxaa sidoo kale qarax gaari ku dhintay 15 qof.* v May siddeedeedii waxaa qarax ismiidaamin ku dhintay 8 qof.* v Isla bishii May 24teedi waxa sidoo kale qarax ku dhintay 8 qof.* v Bishii Lixaad ee Juun 15 keedii waxaa qarax gaari ku dhintay 9 qof.* v Isla bishii Lixaad 20keedi waxaa qarax ismiidaamin ah ku dhintay 15 qof.* v Gabogabadii bishii Lixaad 22 waxaa qarax gaari ku dhintay 7 qof.* v Bilowgii bishii todobaad 2deedi waxaa qarax jidka ah ku dhintay 2 qof. v Isla bishii todobaad 30keedii waxaa qarax gaari ku dhintay 6 qof. v Afartii bishii Agoosto waxaa qarax gaari ku geeriyooday hal qof. v 11 bishii Agoosto waxaa qarax ismiidaamin ah ku dhintay hal qof.* v Bishii Sebteember tobankeedii waxaa qarax ismiidaamin ah ku geeriyootay lix qof.* v Dhamaadkii bishii Sebteember waxaa qarax gaari ku dhimatay 7 qof. v Bishii Oktoobar waxaa Muqdisho ka dhacay musiibo qaran 358 dad ka badan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay isgoyska soobe. v 28 bishii oktoobar qarax iyo weerar ka dhacay huteel naaso hablood waxaa ku dhintay dad ka badan 25 qof.* Haddii aan ku caddayno calaamadda * tirada qaraxyada Al-shabaab ay sheegatay ee ka dhacay Muqdisho, miyeysan imaneyn su’aal ah inta kale yaa masuul ka ah?, macnuhu waa qaraxyada kale ee ka dhacay Muqdisho yaa mas’uul ka ah oo soo maleegay?. Haddiiba ay su’aashaasi timaado, miyeysan muhiim ahayn in aan la iska indho saabin ee jawaab cad loo helo, si ay xaqiiq u noqoto riyada dadka intooda badina ku riyoodaan ee ah in mar un ay ku noolaadan Muqdisho oo nabad ah. Cinwaanka maqaalkan waxaan uga mahadcelinayaa koox faneedka qaylo dhaan. Tirxaac: Al-jazeera Wabilaahi towfiiq Mahadsanidiin W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure) Email: abdelrahmangure@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Maanta oo ahayd 02/11/17 waxay ku beegnayd boqol guuradii heshiishki la baxay Belfour ee gogal xaarka u noqday guumaysiga Falastiin. Hadaba muxuu ahaa heshiiskaan, yaa galay, maxaa looga dan lahaa, maxaase sabab u ahaa? Waxay maxay Belfour Declaration? 02/11/1917ki waxaa lagu dhawaaqay ballan qaad ay dowladda Ingiriisku u samaysay Yahuuddi Yurub ku noolayd. Ballan qaadkaan ayaa ahaa in Yahuuda loo samayn doono dhul ay iyagu leeyihiin oo laga siin doono Falastiin. Iclaankii waxaa akhriyay wasiirki arrimaha dibadda ee Ingiriiska Arthur Belfour, magaca Belfour halkaas ayuu ka yimid. Iclaankaan ayaa gogal xaar u ahaa barakicintii lagu sameeyay dadka reer falastiin sanadki 1948di marka la aasaasay dowladda Yahuudda. Marki lagu dhawaaqay Iclaankaas, yahuudda dagan Falastiin waxay 10% ka ahayd dadki dhulkaas ku noolaa. Marki Iclaanku dhacay sanadihii ka danbeeyay waxaa si hoose loo billaabay daad-guraynta Yahuuddi Yurub ku noolayd. Intii u dhaxaysay 1922di iyo 1935ki, Yahuuddu waxay noqotay 27% tirade dadka Falastiin. Sidaas ayaana lagu waday ilaa ay halmar Carabti oo huruddo ay ka hoos kaceen. Yaa Galay heshiiska? Sidaan soo xusnay soo jeedinta iyo howl galinta heshiiska waxaa lahaa Ingriiska. Laakiin waxaa jiray dowlado kale hoos kala ogaa la’aantoodna uusan suura galeen. Wadamadaas waxaa ka mid ah Faransiiska iyo Maraykanka. Maxaa looga dan lahaa? Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in qorshuhu ahaa in la dhiso dal u gooni ah yahuudda inkastoo aysan warqadda ku cadayn. Waraaqda la akhriyay waxaa lagu qoray in Yahuudu la siin doono dhul ay u aqoonsadeen dhul hooyo balse taasi way ka duwan tahay waxaa loo dhisi dowlad. Dhul hooyo wuxuu noqon karaa dal aad ku nooshahay laakiin adigu aadan maamulin. Hasa yeeshee waxaa la rumaysanyahay in si kas ah warqadda qaabkaas loogu qoray, sababtoo ah haddii lagu cadayn in dowlad Yahuud leedahay Falastiin laga dhisayo dhib badan ayaa dhici lahaa. Sidaa awgeed waxaa lagu dhaqaqaay qaab qarsoon oo dadka intiisa badan aan dareen galin. Ingriiska maxaa dan ugu jiray inuu Falastiin Yahuud siiyo? Jawaabta su’aashaan lama hubo waayo ciddi falka samaysay si cad oogama aysan jawaabin ilaa maantana ma sheegin. Laakiin taariikhyannada iyo ilo xog-oghaal ayaa sheegay dhowr arrimood oo is biirsaday inay sabab u ahaayeen. Kow, madaxda Ingiriiska waxaa ku jiray rag Yahuud ahaa oo awood badan ku lahaa talada, inay iyagu gadaal ka riixeen ayay u badan tahay. Labo, waqtiga Iclaanku dhacay waxaa socday dagaalki koowaad ee aduunku Ingriiskuna qayb ka ahaa. Waxaa la sheegay in Ingriisku rabay inuu Yahuuda raali galiyo si ay culays u saaraan waddamadi Yurub iyo Maraykanka ee dagaalka qaybta ka ahaa si aysan dagaalka ooga bixin. Waddamaas waxaa awood badan ku dhex lahaa Yahuudda. Sadex, Falastiin waxay ahayd dhul aad ugu muhiim ah danaha Ingriiska. Inuu ku yaal dhul masiixiyadda muqadas u ah ka sakow, Maamulidda Falastiin waxay muhiim u ahayd gacan ku haynta marinka Suweyn iyo Masar. Waqtigaas Masar Ingiriis ayaa guumaysanayay inuu siidaayana ma uusan rabin. Gacan ku haynta dhulkaas waxaa uu aad muhiim ugu ahaa ganacsigi Ingriiska iyo ilaalinta danihiisa. Ilaa maanta, jiritaanka dowlad Yahuudeed ahmiyad gooni ah ayay u leedahay dowladaha reer Yurub. Xasuusnow, in dagaaladu ka socon jireen xuduudaha Yurub ka hor intaan Carab iyo Yahuud la isku mashquulin. Saamayn intee la eg ayuu yeeshay Iclaanku? Wuxuu gogal xaar u noqday abuuridda dowlad Yahuudeed. Marki dowladdi Ingiriisku wareejisay gacan ku haynta Falastiin 1947di, waxaa dhula joogay ciidamo Yahuud ah oo ay sii diyaarisay. Ciidamaas waxay 1948di dhulkoodi ka rareen 750,000 oo Falastiniyiin ah. Si kooban, Iclaankin Belfour waa bilowgii bixintii Falastiin iyo guumaysiga ay ilaa maanta ku jirto. Kuwo badan oo la nooc ah ayay dowladdi guumaystaha Ingiriiksu gashay waxaana ka mid ahaa kay dhullkeena Soomaali Galbeed ku siiyeen Itoobiya. Xogtaan oo faahfaahsan ka akhriso halkaan: http://www.aljazeera.com/indepth/features/2017/10/100-years-balfour-declaration-explained-171028055805843.html. Ibrahim Aden Shire https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/ Ishire86@gmail.com
  21. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 02 Nov 2017 kulan casho sharaf ah kula qaatay magaalada Muqdisho xildhibaanada labada aqal ee Baarlaman DFS u metelaya Puntland. Kulanka casho sharafta ah oo ka qabsoomay Royal Palace Hotel ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Casho sharaf kadib Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin. Isxog waraysi. Isku xidhka iyo wada shaqaynta dawladda Puntland iyo DFS. qaybsiga khayraadka dalka. Arrimaha Fadaraaliisanka iyo Dastuurka kawada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya. Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay ay Madaxweynaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo dawladdaha xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xogwaramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda dawladda Puntland, shacabka ku dhaqan Puntlandna ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland. Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaadhsiin lahaa meel uu mudan yahay. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Kulan Casho Sharaf Ah Laqaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS U Metelaya Puntland. appeared first on Puntland Post.
  22. Hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa markii ugu horreysay khamiistii maanta booqatay gobolka Rakhine ee Waqooyiga dalka,tan iyo markii uu bilowday hawlgalka militari ee dowladdu ka fulisay gobolka,kaasoo ay ku baro-baxeen in ka badan lix boqol oo kun oo muslimiinta Rohingya,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka AFP. Beesha Caalamka ayaa horay u soo jeedisay in Aung San Suu Kyi lagala laabto jaa’isada Nobelka,kadib markii ay ku fashilantay difaaca muslimiinta laga badanyahay ee Rohingya,kuwaasoo ay Qaramada Midoobay sheegtay“in isir sifayn lagu hayo”. Militariga Myanmar ayaa lagu eedeeyay in ay dil,dhac,iyo kufsi baahsan u geysteen qowmiyaddaasi. Af-hayeenka xukuumadda Myanmar Zaw Htay ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AFP “in Aung Suu Kyi haatan joogto degmada Sittwe ee gobolkaasi,ugana sii gudbayso degaannada Maungdaw,iyo Buthiduang” oo ah halka ugu daran ee dhibaatooyinka laga soo weriyay,waana booqashadii ugu horreysay ee ay ku tegto gobolka Rakhine ee marti-geliyey rabashado ku salaysan isir,taasoo dhaawac weyn u keentay sumcadda dalkaasi. In ka badan nus malyuun muslimiinta Rohingya ayaa u qaxay dalka Bangladesh,iyagoo ka cararaya dilka,dhaca iyo kufsiga ay ku hayaan militariga Purma(Myanmar),waxaana la rumaysanyahay in kumanaan kale ay weli ku xayiran yihiin degaanka Maungdaw,iyagoo sugaya laashash ay ugu gudbaan dhinaca dalka Bangladesh,si ay uga baxsadaan khatarta uga imaanaysa militariga Myanmar. Dadka reer Purma oo u badan qowmiyadda Buddhist ayaa necayb xooggan u qaba muslimiinta Rohingya,waxayna aaminsan yihiin in aysan dalka la’ wadaagin oo asal ahaan ka soo jeedan Bangladesh. Dhinaca kale Waaxda Arrimaha Debadda Maraykanka ayaa caawo shaacisay in Xog-haye Rex Tillerson uu bishaan booqan doono dalk Myanmar,si u qiimeeyo dhibaatada bani’aadannimo ee ka taagan gobolka Rakhine ee Waqooyiga dalkaasi. Tillerson ayaa tegaya caasimadda dalka ee Naypyitaw 15 bishaan Nov isagoo la kulmaya mas’uuliyiinta sare ee xukuumadda,wuxuuna madaxweyne Trump ku wehelin doonaa socdaal uu ku marayo 5 dal oo ku yaalla qaaradda Asia. Xog-haye Tillerson ayaa ku hor maraya magaalada Tokyo ee caasimadda Japan,halkasoo madaxweyne Trump uu Axadda soo socota kula kulmayo ra’iisulwasaare Shinzo Abe. Sidoo kale wuxuu madaxweyne Trump ku wehelin doonaa shir weynaha dalalka Asia-Pacific ee lagu qaban doon waddanka Vietnam. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Xasuuqii Caalamka laga illaawey. appeared first on Puntland Post.
  23. The post Photonews:- Dekedda Bosaso oo dib u shaqo bilowday caawa appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka, oo qodobaddii looga hadlay ay kamid ahaayeen Qorshaha Difaaca Qaranka, dagaalka ka dhanka ah Nabad diidka Argagixisada ah ee Alshabaab iyo arrimo kale. Kulanka uu shir guddoomiyey Madaxweyne Farmaajo, waxaa goob joog ahaa R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somaaliya, Xasan Cali Kheyre, R/wasaare ku xiggeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Soomaaaliya, Wasiirka Amniga iyo Masuuliyiin kale. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Yariisoow oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii labaad ee Golaha Amaanka Qaranka ee Madaxweynaha uu shir guddoomiyo, isagoo xusay in la isku raacay in Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay si wadajir ah ula dagaalamaan Nabad diidka Alshabaab. Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in Shirka Golaha Amniga Qaranka lagu ansixiyey Qorshaha Difaaca Qaranka oo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ay soo diyaarisay, sidoo kale waxuu sheegay wasiirka in lagu ansixiyey shirkaasi Guddiga isku dhafka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ka kooban xubo ka kala yimid Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Soomaaliya.
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax lagu soo xiray gaari uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka digfeer. Qaraxa oo intiisa badan laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa gaariga loogu xiray mid kamid ah Shaqaalaha dowlada oo magaciisa lagu soo koobay Ceydiid. Ruuxaani qaraxa loogu xiray gaariga ayaa xiligaa ku jiray goob ganacsi oo aan sidaa uga sii fogeyn goobta waxaana xigay Qaraxa gaariga oo uu ka badbaaday. Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa is qabsaday rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee goobta ka dhawaa.