Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    204,967
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa manta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka hirgaliyay Xarun lagu xanaaneeyo carruurta ay ka dhinteen Askarta Booliska. Munaasabad xariga looga jaraayay xarunta ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana Xaruntaasi xariga ka jaray Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow. Wasiirka ayaa waxaa ku wehlinaayay ku-simaha ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax, La-taliye sare ee xafiiska madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda. Wasiirka amniga ayaa goobta ka sheegay in Taliska uu xaruntaan yeelanaayo mudo 27-sano ka dib, waxa uuna sheegay in carruurta ay heli doonaan daryeel gaar ah. Xaruntaan oo ku taalo dhabarka danbe ee Cisbitaal Madiina ayaa waxaa loogu magacdaray Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Abshir Muuse. Xaruntan lagu xanaaneynayo Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale waxaa ku jira 20-carruur ah oo waalidiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay Qeyb jiif ah, Iskuul wax lagu barto, Dugsiga Qur’aan, Masjid lagu tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan carruurtan Agoonta ah. The post Sawirro: DFS oo ugu danbeyntii 27-sano kadib Muqdisho ka hirgalisay xarun muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne kuxigeenada koowaad iyo Xubanaha golaha wasiirada,xildhibaanada barlamaanka jubbaland, Saraakiisha ciidamada iyo Kumanaan shacab oo ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa garoonka kismaayo kusoo dhaweeyay laacibiinta xulka jubbaland oo guul taariikhi ah ka soo gaaray tartankii dowlad gobolleedyada iyo gobolka banaadir. Soo dhaweyntii ciyaartooyda ayaa ahayd tii ugu weyneyd uguna xiisaha badneed ee loo sameeyo mudanayaal la maamusay iyo dhammaan martidii kala duwanaa ee soo gaaray kismaayo,Shaqada garoonka diyaaraha ayaa loo kali yeelay maanta soo dhaweynta ciyaartoyda jubbaland. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo koobka ka gudoomay xulka ayaa ugu hambalyeeyay xulka iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee Muqdisho u tagay niyad dhiska iyo dhiiro galinta laacibiinta xulka Jubbaland. Madaxweynaha jubbaland ayaa sheegay in jubbaland ay ehel u tahay kubadda cagta ayna taqaan sida loogu guuleysto koobabka. Soo dhaweyn kadib waxaa loo galbiyay hoolka shirarka ee daawad halkasoo qado sharaf loogu sameyay ciyaartoyda xulka Jubbaland iyo dadweynihii kaqayb galay soo dhaweynta ciyaartooyda,waxaana kala qayb galay madaxda ugu sareysa Jubbaland. Puntlandi.com
  3. Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa gaaray guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland. Wafdigan gaaray Baydhabo waxaa sidoo kale kamid ah, guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa iyo mas’uuliyiin kale oo maamulkaasi ah ayaa wafdigan kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo. Ulajeedka xubnahan u tageen magaalada Baydhabo ayaa ah sidii ay uga qeybgali lahaayeen shir maalinta berri ah ka furmaya magaaladaasi, wuxuuna socon doonaa Labo cisho. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana shirkan lagu waday inuu maanta furmo, balse maalinta berri ah ayuu dib ugu dhacay. Halkaan hoose ka daawo sawirada: Goobjoog News Source
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Aragti ururintii ugu horreysay ayaa la sameeyey tan iyo markii ay si toos ah isugu dheceen Dowladda Federalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah. Tvga Universal ayaa barnaamij ay ugu magic dareen Arrimaha Soomaaliya waxa ay khadka u fureen shacabka Soomaaliyeed si ay aragtidooda uga dhiibtaan arimaha taagan ee la xiriira siyaasadda dalka. Dadka ka qeyb qaatay aragti ururintan ayaa ka jawaabay suaalo ay mid yihiin: Sidee u aragtaa shaqada ay hayso dowladda federaalka ah? Xagee ka jiraan daldalooda dhaliyey xiisadda siyaasadeed? Soomaaliya halkee ku socotaa ? Sidee dadka Mucaaradka ah iyo Muxaafidka ay wax u wada dhisi karaan? Maxay tahay dhaliisha ay leeyihiin Mucaaradka iyo Dowladuba? Maxay Tahay masuuliyadda mucaaradka? Soomaaliya side uga gudbi kartaa dhibaatooyinka jira ee la xiriira siyaasadda? Aragtiyaha barnaamijka lagu soo bandhigay ee muhiimka ah ayaa waxaa ka mid ah tan uu kaga qeyb galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sheegay in dowladda hatan jirta ay samaysay wax qabad muhiim ah loogana fadhiyo in ay sii la laabto waxqabdkaas, balse looga baahanyahay shacabka in ay garab ku siiyaan shaqadan dastuuriga ah. “Waxay ku xirantahy in shacabku ay gacansiiyaan dowladda, Siyaasiyiin hadii ay yihiin iyo haddii ay dadweynaha kale yihiin. Waa in ay lashaqeeyaan, haddii ay khalad gasho waa in la saxo oo lagu dhaho khaladdaadkan iska sax, wixii wanaagsanna in dhinacyada laga istaago oo lala qabto.” Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa ka digey in ay sii socdaan isqabqabsiga soo jireenka ah ee rakaadiyey hor-u-socodka dalka isagoona si kulul u dhaleeceyey qorshayaasha ay wadaan mucaaradka haatan ka jira Soomaaliya. “Mucaarad in la noqdaa waxa ay tahay markii wax aan fiicnayn dowladdu samayso in laga saxo oo laga toosiyo, balse mucaarad ban u noqonayaa si aan anigu dowlad u dhisto ama aan wax u noqdo ma ahan wax la arkay, wax macno lehna ma ahan. Taas mucaaradnimo lama yiraahdo ee waa qof daneysta ah oo aan danta Qaranka ka shaqeyneyn.” Sidoo kale, Raiisul Wasaarihii hore ee Xukuumaddii Kumeel-gaarka ahayd Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed in ay ilaashadaan dowladnimadooda melena iska dhigaan danahooda gaarka ah si looga wada shaqeeyo Soomaaliya oo dib ugu soo laabata booska ay ka daagneyd Afrika iyo caalamkaba. “Waxaan arkaa ka siyaasi ahaan, in dowladdan curdunka ah lagu bilaabay markii la dhisayba jellaafooyin iyo in loo dhigo qodxo iyo masaamiir si aysan horey ugu socon, nasiib darro ayaan u arkaa arrinkas. Waxaan kula talinayaa umadda Soomaaliyeed meel kasta oo la joogo in laga waantoobo in umadda dib loogu celiyo dhibaatadii gaamurtay ee ay soo martay.” Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Dolwadda Federaalka ah ayaa ka fogeeyey Golayaasha Baarlamaanka eedaymaha joogtaa ah ee shacabka uga imaanaya kuwaas oo sheegaya in ay ku qaraabtaan mooshinnada iyo qalaalasaha siyaasadee. “Wax la mucaarado uguma horreeyo Madaxweynaha iyo Wasiir. Waxaaba jira shakhsiyaad raba in ay Barlamaanka magaca ka dilaan. Waad ogeyd markii Baarlamaanka la soo dooranayey ugu yaraan 1800 ayaa u tartantarty, marka dadkii iyo in kale oo hada hammuum u qaba in ay xildhibaanno noqdaan oo Baarlamaanka niyadda ka dilaan ma ahan wax soconaya, wax shacbkuna yeelaayaan ma ahan.” Dad kor u dhafaaya tobeneeye qof ayaa khadka taleefanka aragtidooda ka dhiibtay taas oo lagaga qiyaas qaadan karo guuxa ay ka qabaan shacabku xaaladda siyaasadeed ee dalka. Maxamuud Cabdi, Mahad Ajuuke, Maxamed Jaamac, Maxamed sheekh Cabduqaadir.Sahro Cabdi iyo Mustaf waa Daawadayaal dhamaantooda waxa ay isku aragti ka yihiin in la taageero Dowlada Madaxweyen Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Hogaaminaayo oo ay sheegeen in muddo la sugaayay Dowlada ku timid rabitaanka Shacabka iyagoo sheegay in mucaaradka haatan jira uu yahay kuwo dano gaar ah wata. Soomaaliya halkee ku socotaa? Maxamuud Cabdi Maxamed oo ku sugan Soomaaliya ayaa ka qeybgalkiisa barnaamijka waxa uu sheegay in Soomaaliya ay haatan meel fiican wax marayaan balse ay jiraan shakhsiyaa isku tilmaama mucaarad oo u adeegaya dalal shisheeya sida uu sheegay. Sahra Cabdi oo iyaduna kasoo hadashay dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku jawaabtay “Soomaaliya manta aad iyo aad ayaanugu faraxsannahy meesha ay taagantahay, sababtuna waa isfahanka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha iyo sida ay uga shaqeynayaan danaha Soomaaliya.” Balse, hadalkan waxaa si weyn uga soo horjeestay Cabdi Weli oo jooga UK isaga oo yiri: “Dowladdinimadu ma ahan mid ku dhisan qof hadii qof xumaadey ma ahan in la dhaho dowladda baa la duminaya, hadii Farmaajo loo arko in uusan ahayn kii shalay Xildhibaannadu waa badeli karaan.” Hadalkan oo ay si weyn u dhaliileen qaar ka mid ah ka qeyb-galayaasha dooda oo sheegay in ay Soomaaliya aysan ku jiri Karin maalin walba in hoggaanka loo badalo sababo ay ka muhiimsantaahy danta guud iyo wax qabadyada kale ee ay samaysay dowladdu. In kastoo arrimaha qaarkood lagu kala aragti duwanaa hadana dadka ka qeyb galay doodaan tooska ah ayaa u mooqday kuwo aad u dhaliishan mucaaradka oo mararka qaarkood ay ku tilmaamayeen kuwo aan wadin danta shacabka Soomaaliyeed. “Dadka Mucaaradka ah waa dad iyagu wata dan gaar ah, waayo dadkan waa kuwii hore ee shalay xilalka hayey Wasiir ha ahaado ama Raiisul Wasaare ha ahaado mana ahan dad aan mucaarad ku tilmaami karno, waayo kaalintoodii waa qaateen, daacad kama ahan haatan in ay wax toosiyaan ee in ay wax kharibaan ma ahane.” Ayey tiri Sahro Cabdi oo ku sugan Dalka Sucuudiga. Maxay Tahay masuuliyadda mucaaradka? Suaashan oo la weydiiyey daawado lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Dheere oo jooga dalka Swedhan ayaa waxa uu sheegay in masuuliyadda ka hor ay yeeshaan mucaaradku qorshe iyo siyaasad ay ka warqabaan shacabku ee aysan caaeysan tallaabo kasta oo dowladdu ay qaado in ay dhaliilaan oo kaliya. “Dadka Mucaaradka ah malahan qorshe cad oo ay u soo bandhigeen dadka hadana qof kasta oo taageersan markii aad waydiiso sababta uu utaageersanyahay waxa ay ku soo biya shuban hab Qabiil taasna waa midda meesha ina dhigta.”ayuu yiei daawadahaasi. Maxaa keeni kara in qof Soomaali ah oo siyaasi ah ama ganacsade ah ama aqoonyahan in uu dalkiisa houmarkiisa ka shaqeyn waayo? Mahad Ajuuke oo jooga Norway ayaa kaga jawaabay “Waxaa keeni kara qof calooshiis u shaqeysta ah oo fiirinaaya hungurigiisa uun, Mustaqbalkiisa iyo carruurtiisa aan ka fakareyn kaliya hungurigiisa wixii mari lahaa fiirinaaya laakiin dowladnimada qiimaha ay ku fadhido aanan garaneynin.” Xalku Muxuu ku jiraa? “Mucaaradku waa in ay noqdaan dad wadaniyiin ah oo ku dadaalaya horumarka dalka daacadna ay ka tahay sixidda iyo toosinta dowladda kana dheeraadaan xifaaltanka iyo weerarka ay ku hayaan dowladda.”ayey kaga jawaabtay Sahra Cabdi oo barnaamijka ka qeyb qaadatay. Sidoo kale, Fikirkan waxaa qabay inta badan siyaasiyiinta iyo dadweynaha ka qeyb galay dooda oo uu ka mi ahaa Cabdirixmaan Maxamuud Cali oo ku sugan Caasimadda Wales. “ Dhibaatooyinka jira waxaa lagaga bixi karaa in gacanta la isqabsado oo Soomaalidu ay u jeesato dowladinimada. Inagu dad wadaniyiin ah ma nihin, qof kasta waxaa muhiim u ah dantiisa gaarka ah iyo danta qabiilkiisa.” Doodaan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee muujisa sida ay u taageersanyihiin inta baan shacabku Xukuumadda iyo guud ahaan dowladda tan iyo markii ay sii ifbaxeen qorshayasha mucaaradka iyo dhacdooyinka ka dhashay waxaana si cad u muuqatay in 99% dadka aragtidooda dhiibtay ay u janjeereen dhanka dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Aragti ururintii ugu horreysay ee laga sameeyey todobo arrin oo Mucaaradka waji gabax ku ridday appeared first on Caasimada Online.
  5. Iyada oo la tixraacayo qodobka 87aad faqradiisa C oo dhigeysa in madaxweyna J.F yahay Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka ayey guddiga joogtada ah ee aqalka sare waxaa ay kulan deg-deg ah la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyaga oo kala hadlay anisixinta miisaaniyadda 2018-ka. Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa ay dawco ka yihiin golaha shacabka oo miisaaniyadda 2018-ka la garab maray golaha aqalka sare, iyada oo ansixinta kadib u gudbiyay madaxweynaha si uu u saxiixo. Senator Xuseen Sheekh Maxamud oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aqalka sare ay xaq-u-leeyihiin in la soo mariyo miisaaniyadda iyo dhammaan sharciyada ka soo gudba golaha shacabka, isaga oo intaasi raaciyay in dhibaatada jirta ay abuureen golaha shacabka oo hor-istaag ku sameeyay in miisaaniyadda la geeyo aqalka sare iyaga doonaya in awoodihii sharci-dejinta ee aqalka sare la wareegaan. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu heystaa saxiixa miisaaniyadda illaa December 31-deeda, si looga fogaado in ay dhacdo “Government shut-down” taas oo micnaheedu yahay in miisaaniyadda sanadka dambe gasho, oo shaqaalaha rayidka iyo ciidanka aaney mishaar heli-doonin. Hey’adaha lacagta ayaa si gaar ah isha ugu hayo miisaaniyadda iyo muranka u dhaxeeya labada aqal, iyada oo la sheegayo in uu hadda soo wanaagsanaanayo xiriirka hey’adahaasi iyo dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Xasilinta ee ku sugan koontaroolada baaritaanada ee Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay hab cusub oo ay lacag uga qaadanayaan gawaarida hamuulka iyo kuwa raashinka isaga kala goosho Xaafadaha kala duwan ee Magaalada. Kontaroolada ay kamid yihiin kuwa isgoyska Digfeer, Seybiyaano, Tarabuunka iyo Taleex ayaa la arkayaa Askarta oo gawaarida Xamuulka, kuwa Raashinka iyo kuwa kalaba ee aan aheyn kuwa raaxada iyo kuwa dadweynaha iyagoo ka qaadanayo lacag. Mid kamid ah Darawalada gawaarida Alaabaha qaado isla markaasna si weyn u isticmaalo isgoysyadaas oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay inay dhibaato xoog leh ku qabaan askarta joogo Kontaroolada loogu talagalay inay ka hor tagaan Qaraxyada ay soo maleegto Kooxda Al-Shabaab. ” Runtii dhibaato xoog leh ayaan ku qabnaa, subixii laba saac ilaa inta uu qaadka kasoo dhacayo waxaana nalagu amraa inaan gawaarida meel gaar ah dhigno, markaas kadibna waxaa nalaga qaadaa lacag baad ah” ayuu yiri darawalkaas oo diiday inaan magaciisa warbixintaan u isticmaalno sababo amni awgeed. isagoo ka hadlay waxa lagu sameeyo haddii ay diidaan lacagaha baada ah ee laga qaato ayuu yiri ” Haddii aad diido lacagtaas waxay Askarta kugu amrayaan inaad dib uga noqoto meesha ay joogaan arrintaas waxay nagu noqotay mid rafaad ah” Darawalkaan ayaa sheegay inay Alaabaha ay wadaan ay kusoo qaadaan lacag yar isla markaasna ay haddana ciidamada dowladda xoogaa kasii qaataan, wuxuuna yiri: ” Walaalow alaabta aan soo qaadno lacag yar ayaan kusoo qaadnaa, ciidamadana lacagtaas qaar badan oo ka tirsan ayey naga qaataan, shaqada dhan niyad jab weyn ayaan ka qaadnay wax aan sameyno ma garanayo” Mar aan waydiinay haddii la baaro gawaaridooda iyo haddii kale ayuu yiri ” Haddii aad lacagta dhiibto iyo haddii kalaba laguma baarayo, hadaad lacagta bixiso waad gudbeysaa iyadoo aan la fiirineyn waxa aad wado, haddii aad lacagta diidana waxay kugu amrayaan inaad dib uga noqoto, haddii aad dhahdo baabuurkeyga baari ma ogolaanayaan, muhiimada ay meesha u fadhiyaana waa inay lacag naga qaataan maahan inay na baaraan”. Darawalkaan ayaa baaq u diray madaxda dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada wuxuu yiri ” Waxaan Madaxda dowladda ka codsanayaa inay arrintaas wax ka qabtaan, masaakiin xamaasho ayaan nahay dhibkaan kuma jiri karno, haddii kale waxaan u fahmeynaa inay iyaga raali uga yihiin inay Ciidamada Xasilinta na badaan” Ciidamada Xasilinta oo loogu talagalay inay Al-Shabaab ka ilaaliyaan inay Magaalaad Muqdisho soo geliyaan gawaarida qaraxyada lagu soo xiro ayaa shaqadooda u badalay inay lacago baad ah ka qaataan Gawaarida isticmaasho Xaafadaha kala duwan ee Magaalada, wuxuuna falkaan u muuqdaa inuu yahay Isbaaro dadban oo laga bilaabay Magaalada dhexdeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yaab: Ciidamada Xasilinta oo Shaqadii loogu talagalay mid aan aheyn ka bilaabay Jidadka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Somaliland parliament speakers have met with Head of State, H.E. Musa Bihi on Monday. The meeting held at the presidential palace was mean to strengthen Somaliland’s peace and security. The meeting came upon the invitation of Somaliland’s new president, Col. Musa Bihi Abdi. Issues that were high on the agenda were ways and means to further boost security in the country. The President apprised the parliament speakers that they have to accomplish the laws pertaining to hold parliamentary and local council elections before March 2019. They have reviewed ways to enhance the working cooperation between the government and the parliament.
  8. Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa mudo 27-sano ka dib maanta oo isniin ah xariga ka jaray xarunta Carruurta agoonta ciidanka booliska iyadoo ay ka qeyb galeen ku simaha ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax,la-taliye sare ee xafiiska madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda. Xaruntaan oo ku taalo dhabarka danbe ee Cisbitaal Madiina ayaa waxaa loogu magacdaray Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Abshir Muuse. Xaruntan lagu xanaaneynayo Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale waxaa ku jira 20-carruur ah oo waalidiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay Qeyb jiif ah, Iskuul wax lagu barto, Dugsiga Qur’aan, Masjid lagu tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan carruurtan Agoonta ah. Source
  9. Baydhabo (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay deegaan ka tirsan Gobolka Baay xukun dil ah kula rideen dhawr ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Sirdoonno caalami ah iyo kuwa maxalli ah. Deegaanka Iidaale oo qiyaastii magaalada Baydhabo ujirta 60-KM ayaa lagu dilay illaa 5 ruux oo Shabaab ay sheegeen in ay la shaqeynayeen dowladda Mareykanka, Dowladda Federaalka iyo Maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Qaadiga Maxkamadda Shabaab u qaabilsan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa fagaarihii dilku ka dhacaayay oo ay joogeen dadweyne fara badan ka akhriyay dambiga lagu soo eedeeyay Ragga lagu dilay deegaanka Iidaale. Wuxuu sheegay Qaadiga Maxkamadda dhammaan raggan la soo eedeeyay in lagu helay dambigii lagu soo oogay, kadibna lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa oo lagu xukumay. Ragga Shabaabka ay toogteen ayaa waxa ay kala ahaayeen Mahad Cali Xasan oo Shabaab ay sheegeen inuu la shaqeynayay ciidamada Bancroft ee Maraykanka uu tababaray. Jibriil Saalax Xaaji Maxamed oo la shaqeynaayay sirdoonka Dowladda Federaalka. Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland sida ay ku eedeeyeen. Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda iyo C/casiis Ibraahim Maxamed oo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay maamulka Koonfur Galbeed. Ururka Al-shabaab ayaa sidan oo kale dhawr jeer dilal toogasho ah ugu fuliyay rag isugu jira caddaan iyo Soomaali, kuwaasi oo Shabaabka ay ku eedeeyeen in ay warar hoose u gudbinayeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Shisheeye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Magacyada Shan dhalinyaro ah oo Shabaab ay toogteen iyo waxa lagu eedeeyey appeared first on Caasimada Online.
  10. Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Baydhaba ka socda qabanqaabo lagu soo dhoweynayo wufuud ka socota Baarlamaanka Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo shir uga furmi doono magaladaasi. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ka degaan Garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba. Shirka Baarlamaanka Federaalka iyo maamul Goboleedyada oo khilaaf ka dhashay guddoonka labada aqal dib ugu dhacay ayaa la sheegay inuu maalinta gelinka danbe ka furmi doono magaalada Baydhaba, kadib markii la xaliyey khilaafkii labada aqal u dhaxeeyay. Wararka ayaa sheegaya in shirku socon doono muddo saddex maalmood ah, iyadoo laga yaabo inuu maalin dib u dhaco, waxaana looga doodayaa xiriirka Baarlamaannada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo qaabka ay isula shaqeyn lahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shirkii Baarlamaanka Federaalka & kuwa Maamul Goboleedyada oo Baydhaba ka furmaya (Khilaafkii labada Aqal…) appeared first on Caasimada Online.
  11. Garowe (Puntlandi) Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar Nuur oo socdaal 3 cisho qaadanaya ku timid Garowe, ayaa sheegtay inay dowladda Puntland kala hadlayso dajinta qorshayaasha caafimaadka Soomaaliya ee shanta sano soo socota. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ayaa maanta booqatay xarunta wasaaradda caafimaadka waxayna halkaasi uga qeyb gashay shir ku saabsan tababarida kooxo gobolada loo dirayo oo soo aruurinaya xogta caafimaadka Puntland. Fowsiyo Abiikar waxay sheegtay barnaamijkaan ay uga qeyb gashay magaalada Garowe inuu yahay barnaamijka sahminta caafimaadka Soomaaliya, kaasoo ah qorshe horey usoo socday oo maalinta berrito lasoo gabagabayndoono. Wasiirka caafimaadka Puntland Dr, Cabdinaasir Cuuke, ayaa sheegay inay Puntland maalmahaan marti galinaysay shirar muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka Soomaaliya. Dr. Cuuke ayaa soo dhoweeyay in wasiirka caafimaadku timaado magaalada Garowe, si ay qeyb uga ahaato dadaalada wasaaraddu wado ee ku saabsan dajinta qorshaha horumarinta caafimaadka Soomaaliya. Maalinta berrito ayaa la filayaa inay labada wasiir ay qabtaan shir jaraa’id oo kusoo bandhigayaan waxyaabaha labada wasaaraddood isku afgarteen, iyagoo sidoo kale baaq udiridoono hay’addaha si taageero dhaqaale loogu helo qorshaha caafimaadka Soomaaliya shanta sano soo socota. Halkaan ka dhegayso codka wasiirka caafimaadka Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Fowzia Abiikar Nuur Halkaan ka dhegayso codka wasiirka caafimaadka Puntland. Wasiirka caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke Puntlandi.com
  12. Xog muhiim ah oo aan ka helnay illo Dublamaasiyadeed ayaa Warbaahinta Puntlandi u xaqiijiyey innDowlada Qatar ay Aduun badan ku bixinayso Sidii Soomaaliya looga cirib tiri lahaa Kooxaha u janjeera Dhinaca Xulufada Sacuudiga iyo Emaaraatka. Xogtaan aan helnay waxay sheegaysaa in Dowlada Qatar ay laba bilos ka hor kernen Muqdisho lacag gaaraysa 35 Milyan oo dollar, Si Howlgalkaan baaxada weyn loogu bilaabo. Waxaa jira iyana 65 Milyan oo kale oo Qatar ay balan qaadeen iney keenayaan bilowga Sanadkaan soo socda 2018-ka. Hadii ay arkaan in Howlgalku bilaabmay. Sida aan xogta ku heyno waxaa jira 5 shaqsi oo u dhexeeya Qatar iyo Raysal wasaaraha kuwasoo lacagta iyo macluumaadka kasoo qaada Qatar si looluga dagaalamo Xiriirka Soomaaliya,Sacuudiga iyo Emaaratka. Waxaa jira iyana Wafdi Dowlada Federaalka ah oo dhowaan u bixi doona Doha kuwasoo qayb ka ah ololaha ay Qatar kula dagaalameyso Maamul Goboleedyada Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta u janjeera Dhinaca Emaaraatka iyo Sacuudiga. Saraakiil ka tirsan Ciidanka iyo NISA ayaa wafdiga qayb ka noqon doona. Puntlandi Nairobi
  13. Berbara (Caasimadda Online) – Muuqaal lagu baahiyay Baraha Bulshada oo ay soo duubeen shan nin oo yemeniyiin ah ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ay ka warqabto dhaqdhaqaaqyada millateri ee Imaaraatka Carabta iyo xulafadiisu ay ka wadaan Magaalada Berbera ay si dhow ula socdaan islamarkaana ay dhaawac ku keenayso nabada ka jirta Somaliland. Nimankaasi oo luqada Carabiga ku hadlayay waxay sheegeen in Somaliland ay ka noqoto go’aankii ay hore ugu ogolaatay Imaaraadka saldhiga millateri ee Berbere haddii ay sameyn waayaan gantaalaha ay ku garaacayaan dalka Sacuudiga ay ku garaaci doonaan Magaalada Hargeysa. Waxay ugu baaqeen xukuumada Cusub ee Somaliland qabsatay inay ka laabato heshiiskaasi. Muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada ayaa cabsi ku abuuray shacabka ku nool Somaliland, maadaama dekada Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee Somaliland ku nooshahay ay 200KM u jirta biyaha Yemen. Xuutiyiinta dagaalka kula jira dowlada Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa laga cabsi qabaa inay weeraro ka geystaan biyaha badda Berbera iyagoo ka hortagaya duulaan xulafada sacuudigu kaga soo qaadaan Xeebta Magaalada Berbera. Xukuumada Somaliland ayaa Emaaraatka Carabta ku warerjisay saldhiga milateri oo ku yaala Berbera bishii April ee sanadkan kaasi oo shacabka ku nool deegaanadaasi kasoo horjeesteen go’aankaasi ay gaadhay xukuumadu.. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xuutiyiinta Dalka Yemen oo ku Hanjabay in ay Duqeynayaan Magaalada Berbera appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweyne Farmaajo ayaa casumaad u sameeyey Guddoomiyaha iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka dowladda Puntland kuwaas oo Magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka Wada tashiga Baarlamaanada heer Federaal iyo heer dowlad Gobeleed. Sidoo kale, casumaaddan waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Qaranka xoojinta iyo dar-dargelinta wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland iyo in sidii loo dhammaystiri lahaa arrimaha muhiimka ah ee ay ka mid tahay dhammaystirka dastuurka, hirgelinta doorashooyinka sanadka 2020 iyo xoojinta hannaanka Federaal ee dalka. Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay joogteynta kulamada iyo shirarka ay la qaadanayan Baarlamaannada heer dowlad Gobeleed taas oo dhabbaha u xaareysa dhammaystirka howlaha qabyada ka ah nidaamka Federaalka. Madaxweyne Farmaajo oo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda Puntland Guddoomiye Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay kaalinta mugga leh ee Puntland ay ka qaadatay hirgelinta hannaaka Federaal iyo dib u kabashadiisa dalka. Puntlandi.com
  15. Baydhabo (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla Deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogteen shan qof oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada dalka ka jira qaarkood iyo Dowlado shisheeye. Dadweynaha ku nool Iidaale ayaa la isugu keenay Fagaaraha ay Toogashadu ka dhacday, waxaana la sheegay in shanta ruux oo dhammaantood rag ahaa ay la kla shaqeynayeen; Maraykanka, Dowladda Soomaaliya, maamullada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, waxayna dhammaantood ku sheegeen inay ahaayeen jawaasiis. Shanta Ragga ah ee la Toogtay ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen; Mahad Cali Xasan, Jibriil Saalax Xaaji Maxamed, Mahad Cabdi Axmed, Maxamed Cali Aadan iyo C/casiis Ibraahim Maxamed. Dhallinyaradan ayaa waxay ahaayeen dhammaantood dhallinyaro da’adoodu u dhexeyso 20-sano illaa 30-sano, waxaana toogtay dhallinyaro Al-shabaab ka oo wajiyadu u qarsoonaayeen. Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa marar badan ooh ore sidaan oo kale u toogtay dhallinyaro ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiis, kuwasoo la shaqeynayay Dowladda Somalia iyo waddamo shisheeye. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab Toogtay Dhallinyaro uu ku eedeeyeen inay Basaasiin u ahaayeen DF appeared first on Puntland Post.
  16. Siyaasi Cali Xaaji Warsame, oo katirsan siyaasiyiinta Puntland, ayaa ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro colaada ka taagan howdka gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen beelo walaalo ah. Cali Xaaji oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha isagoo ku sugan Nairobi, ayaa wuxuu sheegay sababta colaadaan soo celisay inay ugu wacan tahay fulin la’aanta heshiiskii dhexmaray labada beelood, wuxuuna sheegay inaan cidina lagu eedayn karin inay colaada bilowday. “Inaa Lilaahi Wa Ileyhi Raajicuun. Waxaan Illaahey uga baryayaa ragga ku dhintey shaqaaqada Hawdka, ee ay ku dirireen labo beelood oo wada-dhashey, in uu naxariisto, innagoo dhanna samir iyo iimaan naga siiyo, iyaga iyo kuwii ka horeeyeyba, inta dhaawaca ahna uu degdeg u caymiyo oo u booga-dhayo,” ayuu yidhi Cali Xaaji. Wuxuu sheegay arrinta dhacdey inaysan ahayn ugub lana filayay duruufaha taagan dartood in ay imaan karto. Wuxuu codsaday inaan lagu degdegin dil iyo aargoosi dad ehel ah oo hore dhibkaan oo kale u gaarey. “Yaan dhib laga dooran nabadda iyo ehelnimadda. Waxaan rajeynayaa in caqligu caadifadda iyo xanuunka ka hormaro, oo uu xakameeyo.” ayuu hadalkiisa ku daray. Cali xaaji ayaa ugu baaqay dowladda Puntland iyo cid kasta oo arrintaan xalkeeda qeyb ka qaadan karta in laga shaqeeyo nabadda, wada-noolaanshaha iyo in wixii dhaca laga heshiiyo. Puntlandi.com
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaano Katirsan Puntland iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland. Wafdigaan uu hogaaminayo Gudoomiyaha ayaa Muqdisho uga qeeybgalay Shirka Baarlamaanada Heer Maamul Goboleed. Waxaa sidoo kale kulankaasi ku sugnaa Gudoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Mudane Axmad Cali Xaashi ayaa ugu mahad ciliyay madaxweyne Farmaajo casuumaada uu ugu fidiyay xafiiskiisa. Dhanka kale waxaa iyana goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaasha aqalka Sare iyo Aqalka hoose kuwaasi oo dhamaantood sheegay in ay muhiim tahay in ay wada Xaajoodaan islamarkaasina ay kulmaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo kuwa Dowlada Dhexe ee Soomaaliya. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. Magaalada Jowhar ee xarunta KMG ah ee Maamulka Hir Shabelle ayaa xalay waxaa ka dhacay kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha maamulka Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaanada Hir Shabelle. Shirkaan oo ah mid Xasaasi ah ayaa waxaa dibad joog ka ahaa Saxaafada ka howlgasha hir Shabelle gaar ahaan magaalada Jowhar oo loo diiday in shirkaasi ay ka qeeybgalaan. inta kulanka uu socday ayaa Madaxweyne Waare iyo Xildhibaanada si toos ah uga wada hadleen ansixinta Wasiirada cusub ee Hir Shabeele oo Xildhibaanada ay diideen in ay ansixiyeen. Madaxweyne Waare ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ansixiyaan wasiirada Cusub si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday. Saacado Dheer oo wada hadal ah kadib Wararku waxa ay sheegayaan in xoogaa is afgarad ah uu dhacay. Xildhibaanada Hir Shabelle ayaa la xasuustaa in ay xilka ka tuureen Madaxweynihii hore ee Hir Shabbelle Cali Cabdullaahi Cosoble. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Waare oo Jowhar kula Kulmay Xildhibaano Diidan Ansixinta Wasiiradiisa Cusub appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarun KMG maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in halkaa ay ka degtay diyaarad nooceeda uu yahay Helicopter oo siday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Wararku waxa ay tibaaxayaan in Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ay ka goosteen al-Shabaab, waxaana lasoo sheegayaa inay ku jiraan kuwo caan ka dhex ah Shabaabka. Diyaaradan Helicopter-ka ah ayaa waxaa la socday Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo xaqiijiyay in maleeshiyaadka ay baxsad ka ahaayen Shabaab. Taliyaha Howlgelinta Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, Cabdulle Isaaq, oo kamid ahaa saraakiishii Baydhabo ka dejisay Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka kale ayaa sheegay in isa soo dhiibidoodu tahay mid ku imaaday wadahadal. Maleeshiyaadkan ayaa waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in laga soo qaaday magaalada Diinsoor oo xiligaan Saldhig u noqotay maleeshiyaadka baxsadka ah ee al-Shabaab. Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Horjooge ka tirsan al-Shabaab oo lasoo baxsaday Gaari Cabdi Bille iyo Hub. Dhinaca kale, Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka diyaarada looga qaaday magaalada Diinsoor ee laga dajiyay Baydhabo ayaa waxaa maalintii Khamiista ahey kasii horeeyay Horjooge kale oo lagu magacaabo Macalin C/raxmaan iyo 5 ilaalo u aheyd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arin cusub: Diyaarad siday Horjoogayal & Maleeshiyaad ka goostay Shabaab oo ka caga dhigatay magaalada Baydhabo appeared first on Caasimada Online.
  20. Saraakiisha maamulka K/galbeed ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab, kadib markii uu lasoo xiriiray maamulkaasi. Cabdulle Isaaq oo ah taliyaha howlgelinta ciidamada K/galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in sarkaalkan uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka gaadiidka, islamarkaana ma aanu sheegin magaciisa. Sarkaalkan ayaa iska dhiibay degmada Diinsoor, waxaana la sheegay in diyaarad Helicopter ah lagu keenay magaalada Baydhabo, isagoo la tilmaamay in markii uu soo goosanayey uu watey gaari nooca dagaalka ee Cabdi Bilaha iyo qori AK-47. Taliye Isaaq ayaa sheegay in shaqsigan isku soo dhiibay ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan, islamarkaana sida uu isaga rabo loo sameyn doono. Khamiistii ayeey ahayd markii magaalada Baydhabo uu iska dhiibay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab, laguna magacaabayey Macalin C/raxmaan, waxaana la socday 5 kamid ah ilaaladiisa. Al-shabaab kama aanay hadal saraakiishan dhankooda kasoo baxsaday ee isku dhiibay K/galbeed. Goobjoog News Source
  21. Wararka laga helayo Magaalooyinka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Amaanka ee dalka kenya ay heegan buuxa galiyeen magaalooyinka Dalkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in arintaasi ay timid cabsi ku aadan weeraro ka yimaado Al-Shabaab xili dalkaasi ay ka dhacayaan Xaflado ay ugu dabaaldagayaan Ciida Masiixiga. Meelaha aad amaanka loo adkeeyay waxaa kamid ah Gobolka Woqooyi bari ee kenya halkaasi oo magaalooyinka ciidamo aad u badan lagu soo daadiyay. Ciidamada ayaa si feejigan waxa ay u taaganyihiin wadooyinka iyaga oo baaraya gaadiidka iyo qaar kamid ah xaafadaha. Dalka Kenya waxaa ka dhaca weeraro qorsheeysan oo ay geeystaan Al-Shabaab. Dowlada kenya ayaa isku dayeeysa in ay xaqiijiso amaanka wadankeeda oo ay ku soo badanayaan falalka amni daro. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Kenya oo Heegan galisay Amaanka Dalkeeda iyo Cabsi laga qabo Weeraro Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  22. Garowe (Puntlandi) Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal, ayaa xukun ku riday lix dhalinyaro ah oo lagusoo eedeeyay inay ku kaceen falal amniga iyo xasiloonida qalqal galinayay. Maxkamada ayaa dhalinyaradaan ku riday xukun labo sanno ah, kadib markii lagu helay inay dhaawac ugeysteen, islamarkaana ay ka furteen moobaylkeedii Dhibbane lagu magacaabo Sundus Cabdiraxmaan Maxamed. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud, Maxamed xareed Cali, ayaa sheegay dhalinyaradaan la xukumay inay ahaayeen arday maalintiina waxbarta habeenkiina caadaystay inay dadka jidadka u galaan oo ay furtaan. Maxamed Xareed ayaa waalidiinta ugu baaqay inay ubadkooda la socdaan islamarkaana laamaha ammaanka kusoo wargaliyaan haddii ay falal nuucaan oo kale ah ku arkaan, si dhaqan celin loogu sameeyo, loogana hor istaago wadada xun ee ay ku socdaan, dadkana looga badbaadiyo dhibaatada ay ku hayaan. Magacyada dhalinyarada la xukumay. Saacid Cabqaadir Xasan, Ina Xiddo Xasan, lagu xukumay 2 sanno. Cabdinajiib Maxamed Cabdiraxmaan, Ina Seynab Cabdiraxmaan, lagu xukumay 2 sanno. Maxamuud Cabdiqaadir Xuseen, Ina Shariifo Xasan, lagu xukumay labo sanno. Cabdifitaax Salaad Maxamed , Ina Aamino Warsame, lagu xukumay labo sanno. Shaakir Cabdi Noor Maxamed, Ina Raxmo Warsame, lagu xukumay labo sanno. Jaamac Cabdi Jaamac, Ina Maandeeq Maxamuud, lagu xukumay labo sanno. Booliiska Garowe, ayaa gacanta ku haya dhalinyaro badan oo maxkamad sugayaal ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay habeenkii dadka furtaan. Puntlandi.com
  23. A US federal judge on Saturday lifted Trump administration restrictions that barred some refugees from the country, the latest in a series of immigration-related legal setbacks for the president. The United States said in October that it would resume accepting refugees after a 120-day ban ordered by President Donald Trump expired, but some — including those from 11 “high-risk” countries, most of which are Muslim majority — were still barred from entering. BAN LIFTED In his ruling on Saturday, Judge James Robart ordered American authorities to resume processing and admitting so-called “follow-to-join” refugees, which would once again allow the spouse and unmarried children of a refugee already in the country to be admitted. And he also ordered that “follow-to-join” refugees and “other refugees with a bona fide relationship to a person or entity within the United States” from the 11 “high-risk” countries be processed and admitted as well. The ruling is in response to motions for preliminary injunctions filed in two separate cases. “Plaintiffs in both cases are refugees, who find themselves in dire circumstances, their family members who yearn to be reunited with them, and humanitarian organisations whose fundamental mission is to help these vulnerable refugees resettle in the United States,” Robart wrote in his ruling. TARGETS “Plaintiffs in both cases present compelling circumstances of irreparable harm inflicted by the federal agencies’ action at issue here.” Trump’s attempts at banning travellers from several mainly Muslim nations have been met with successive legal challenges this year. Critics say the president’s measures target Muslims, while the Trump administration has sought to cast the restrictions as being aimed at shoring up security. Source: AFP The post US court lifts Donald Trump ban on some refugees appeared first on Caasimada Online.
  24. Xarakada Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Iidaale ee gobolka Baay waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogteen Shan qof oo ay ku eedeeyeen iney la shaqeynayeen dowladda Federaalka iyo dowlado shisheeye. Shacabka ku dhaqan deegaanka Iidaale ayaa la isugu keenay meel fagaaro ah, waxaana la sheegay in raggan oo dhammaantood dhallinyaro ahaa ay la shaqeynayeen Maraykanka, dowladda Federaalka, maamul goboleedyada Jubbaland iyo K/galbeed, waxayna dhammaantood ku sheegeen iney ahaayeen sirdoon. Ragga la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: Mahad Cali Xasan Jibriil Saalax Xaaji Maxamed Mahad Cabdi Axmed Maxamed Cali Aadan C/casiis Ibraahim Maxamed Al-shabaab ayaa marar badan sidana oo kale u toogtay dhallinyaro ay ku eedeeyeen iney la shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlado shisheeye. Goobjoog News Source
  25. Wararka naga soo gaaraya Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed. Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Xalay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Muwaadinkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Salaad waxaana uu ahaa nin dhalinyaro ahaa oo Goob ganacsi ku lahaa halkaasi. Burcad koonfur Afrikaan ah ayaa gudaha u galay goobtiisa ganacsi oo ku taalo Xaafada Khaliija ee Magaalada Cape Town halkaasi ay ku dileen. Ciidamada Booliska ayaa durba gaaray goobta dilkaasi uu ka dhacay inkastoo aanay qaban kooxihii dilkaasi geeystay. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhaca dilal loo geeysto muwaadiniinta Soomaaliyeed. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.