Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    201,824
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Roobab aad u xoogan oo mahiigaan ah ayaa xalay ilaa iyo saakay ka da’aya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya. Roobabkaan ayaa biloowday xalay saqdii dhexe abaarihii 2:00 Habeenimo xili dadku ay hurdayeen waxaana uu socdaa ilaa iyo saaka. Roobabkaan ayaa ah kuwo Mahiigaan ah oo si xiriir ah magaalada uga da’aya ayaa sidoo kale roobabku waxa uu gaaray duleedka magaalada Muqdisho. Roobabkaan ayaa sababay in uu xirmo isku socodka gaadiidka iyo meelaha qaar dadweynaha ee Magaalada Muqdisho. Wadooyinka iyo laamiyada waaweeyn ee Muqdisho ayaa waxaa fadhiistay biyaha xareeda Roobabka kuwaasi oo aanay gaadiidka iyo dadkaba isticmaali karin. Sidoo kale roobabkaan ayaa waxaa saameeynta ugu badan uu ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Muqdisho kuwaasi oo aan heeysan hooy ay kaga gambadaan dhaxdanta iyo Qaboowga Roobka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Roobab Ma Hiigaan ah oo Xalay ilaa iyo Saakay ka da’aya Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in xalay ay xabsiga dhigtay bilyineerka caanka ah ee Amir Alwaleed bin Talaal, ugu yaraan 10 amiir oo kale, afar wasiir, iyo tobaneeyo wasiiro hore. Xarigan ayaa waxaa looga dhawaaqay taleefishinka Sacuudiga ay leeyihiin ee Alcarabiya. Xariga Amiir Alwaleed oo ka mid ah ragga ugu taajirsan dunida ayaa mowjado naxdin ah u diri doona suuqyada saamiyada dunida oo uu saamiyo badan ku leeyahay. Alwaleed oo maamul shirkadda Kingdom Holding, islamarkaana ku jira liiska dadka ugu taajirsan dunida, ayaa waxa uu saamiyo ku leeyahay shirkado ay ka mid yihiin News Corp, Time Warner, Citigroup, Twitter, Apple, Motorola iyo kuwa kale oo dunida caan ka ah. Xariga amiirada ayaa yimid saacado un kadib markii dowladda Sacuudiga ay ku dhawaaqday guddi cusub oo qaabilsan la dagaalanka musuq-maasuqa, hase yeeshee xarigan ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo awoodda dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan. Ragga siyaasadda boqortooyada taxliilaya ayaa aaminsan inay suurta-gal tahay in dhowaan uu la wareegi rabo xilka boqorka aabihiisa, sidaas darteedna uu xabsiga sii dhigayo shaqsiyaadka ka horiman kara. Wararka ka imanaya magaalada Riyadh ayaa sheegaya in hotelka Ritz Carlton ee magaalada caasimadda la baneeyey sabtidii, si xabsi loogu dhigo amiirada iyo wasiirada lasoo xiray. Waxaa sidoo kale la xiray dhammaan garoomadii diyaaradaha ee gaarka loo lahaa, taasi oo muujineysa inay suurta-gal tahay in dad kale lasoo xiri doono. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
  3. MUqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska DAILY SABAH ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa qoray Warbixin dheer oo uu kaga hadlayo Furitaanka Saldhigga cusub ee Turkiga ka furteen magaalladda Muqdisho, Istaraatijiyadda ay leedahay iyo waxa u sabab ah Dhaleeceynta loo jeedinayo Saldhigaasi. Wargeyska oo Warbixintiisa Hal-ku-dheg looga dhigay (Waa Maxay Ahmiyadda Saldhigga Milliteri ee Turkiga ku leeyihiin gudaha Somalia”) waxa hordhac ahaan loogu muujiyey in Saldhigga Milliteriga Turkiga ka furtay caasimadda Somalia ee Muqdisho loo adeegsanayo Akadeemiyad Milliteri, iyadoo ay 200 Askar Turkish ah u joogaan halkaasi sidii ay u dhisi lahaayeen Ciiddan Somalia oo waxtar leh. Wargeyska Daily Sabah waxa uu sii qoray inay Turkiga walaac xooggan ka qabtay Somalia tan iyo Dagaalkii 1988 ka qarxay Somalia iyo Faragelintii Maraykanka ee ay Hawlgalka Milliteri ku soo galeen Somalia bilowgii sannadihii 1990-aadkii. Wargeyska waxa uu ku sheegay Sababtii Istaraatijiyadda ee ka dambeysay Faragelintii Maraykanka ee Somalia, iyadoo ay Dowladda Maraykanka doonaynin inay Kooxaha Xag-jirka qabsadaan Talada dalka Somalia oo ku taalla mid ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan ee Diyaaradaha iyo Maraakiibta maraan. Wargeyska SABAH DAILY waxa kale oo uu qoray inuu Milliteriga Mraaykanka ku guuleysanin inuu Somalia ka dhigo dal Deggan, ilaa ay sannadkii 1994-kii oo laga soo daad-gureeyey gudaha Somalia. Wargeyska waxa kale oo soo hadal qaaday Hawlgalka ay Milliteriga Mareykanka ka wadaan Somalia iyo Dib-u-furista Safaaradii Maraykanka ee sanadkii 2014-kii laga furay Muqdisho. Wargeyska waxa uu xusay in Tan iyo xilligaasi inay Maraykanka kala shaqeynayeen Dowladda Somalia La-dagaalanka Alshabaab Wargeyska waxa kale oo faahfaahin ka bixiyey inay Turkiga doonayaan inay isku tijaabiyaan inay Somalia ka sameeyaan haatan Hawlgal Xaqiijinta inay Turkiga yihiin Isbahaysi Maraykan. Wargeyska DAILY SABAH waxa uu Qormadiisa si cad ugu muujiyey inay Dowladda Turkiga ka caawin doonto Somalia sidii loo dhisi lahaa Ciiddan Qaran oo awoodi u leh Dagaalka Alshabaab. Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska waxa uu bidhaamiyey inay Turkiga ka shaqeynayaan Geeska Afrika iyagoo Xiriir buuxa kala leh Maraykanka iyo ibshaysiga NATO, lagana feejigan yahay Damaca Iiraan iyo Iiraan ee Istaraatijiyadda dalKa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Iclaamiyay dagaal ka dhan ah dhinacyada ka soo horjeeda Xasiloonida ka jirta deegaanada maamulka. Cabdi Cali Xersi ”Qarjab”, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku qaadayaan dhinacyada kala ah Somlailand, Al-shabaab iyo Daacish, oo la sheegay inay caqabad ku yihiin xasiloonida ka jirta Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka bilaaban doono iyadoo iskaashi lala sameynaayo shacabka Puntland, si meel looga soo wada jeesto dhinacyadaasi. Waxa uu tilmaamay in maamulka Somaliland uu kusoo xadgudbay deegaano dhowr ah oo maamul ahaan hoosyimaada Puntland, isla markaana horay uga bixiyeen digniino culus oo la gaarsiiyay madaxda maamulka balse aanu helin wax jawaab ah. ”Somaliland waxaan kula dagaalami doonaa xadgudubka ay kusoo sameysay deegaanadeena, waxa ay keeneen sanduuqyo cod bixin oo sharci darro ah, maadaama dadka codka laga doonaayo ay yihiin Puntland waan kasoo horjeednaa in ciidamada Somaliland ay nabad ku joogan dhulkaas” Wasiir Cabdi Cali Xersi ”Qarjab”, waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalka labada Jiho ee kale uu yahay mid ay ku qaadayaan maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacishta Somalia oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Bari. Qarjab waxa uu sheegay iyadoo la adeegsanaayo diyaarado dagaal iyo qaab dhulka ah labadaba in la fulin doono dagaalkaan si natiijo looga gaaro. Ciidamadii qaadi lahaa Dagaalka ayuu sheegay inay yihiin diyaar isla markaana uu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah dhinacyadaasi. Sidoo kale, Daacish iyo Shabaab ayaa Saldhigyo waxa ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland, halkaasi oo ay ka qaadaan weerarada qorsheysan. Geesta kale, Puntland ayaa horay ugu fashilantay weeraro ay ku qaaday Saldhigyada Shabaab iyo Daacish ee ku yaalla Gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre, waxaa socda qorsho isku shaandheyn loogu sameynaayo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia. Sarkaalkan ayaa sheegay in sababta loo magacaabi la’ yahay Wasiirka Difaaca Somalia, ay qeyb ka tahay isku shaandheyn la sheegay in lagu sameynaayo gabi ahaan Golaha si meesha looga saaro tabashooyin ay qabaan qaar kamid ah beelaha. Beelaha qaar ayaa qaba dhaliil ay ka muujinayaan Wasaaradaha ay ka heleen Xukuumada, kuwaa oo sabab u noqday in la diyaariyo isku shaandheyn, maadaama ay sii kordhayaan dhaliilaha ay u jeedinayaan dowlada. Wasaaradaha leysku mari la’ yahay ayaa waxaa kamid ah Wasaarada Arrimaha Gudaha, Dibadda iyo Difaaca, waxaana arrintaani sii adkeynaaya Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo qeyb ka ah la-tashiyada la doonaayo in lagu soo xulo Xukuumada, waana tan keentay in dib u dhacyo farabadan uu ku imaado shirka Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada. Wasaarada Difaaca ayaa la sheegay inay isku hayaan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo inta badan isku bedela Wasaaradaasi. Qorshaha isku shaandheynta ayaa qeyb ka ah Heshiis uu Ra’isul wasaare Kheyre la galay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo iyagu dhawaan ka keenay Mooshin xil ka qaadis ah, waxa uuna heshiisku ahaa in leysku shaandheeyo Golaha, si Xildhibaanada qaar ay u helaan kuraasta Xukuumada. Sidoo kale, isku shaandheynta ayaa waxaa aad looga hadal hayaa inta badan magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarumaha dowlada, inkastoo aan la ogeyn maalmaha ay qaadan doonto. Dhinaca kale, waxaa jira Wasiiro dhowr ah oo aan kasoo dhalaalin shaqooyinka loo igmaday kuwaa oo ay suuragal tahay inay galaafato seefta Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Madaxweynaah dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan ayaa caawa 04 Nov 2017 kulan casho sharaf ah layeeshay Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [ Oomaar ]. Kulanka casho sharafta ah ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa aqoon yahay Maxamed Cabdi Gandhi,waxaana ay casho sharaf kadib weftiga Madaxweynaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya yeesheen kulan ay kaga wadda hadleen arrimo la xidhiidh muhiimmadda ay leeyihiin dhismaha Garoomada Soomaaliya, maamulka hawada Soomaaliya, iyo koboca dhismayaasha ay dawladda Puntland ka samaysay dhismayaasha garoomada diyaaradaha. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay wax weyn Soomaaliya kusoo kordhinayaan dhaqaale ahaan, horumar ahaan, iyo sahlidda adeegyada deg degga ah ee shacabku u baahan yihiin hadday gargaar tahay iyo haday adeeg caafimaad tahayba. Sidoo kale Madaxweynaha Gaas ayaa cadeeyey in gacan ku haynta hawada Soomaaliya tahay wax qabad muhiimaddiisa leh, maadaama ay Soomaaliya muddo badan gacanteeda ka maqnayd maamulka hawadeedu, haatana ay si xor ah u maamulayso, taasi oo uu sheegay Madaxweynuhu inay tahay talaabo wanagsan oo hore loo qaatay. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [ Oomaar ] ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland horumar lixaadle ka gaadhay dhismayaasha garoomada diyaaradaha madaama ay sadex sanadood guddohood ku hirgashatay sadex garoon oo caalmi ah [three International Airport], waxaana uu wasiirku xusay in taasi tahay horumar wanaagsan oo ay Puntland hormuud ugu tahay guud ahaanba Soomaaliya, isagoona Madaxweynaha dawladda Puntland ku amaanay dedaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee ay ugu horeeyaan garoomadaasi iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay kow ka yihiin illaha dhaqaale ee dalka, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan wax kasta oo horumar ah ee Soomaaliya u baahan yahay, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyar u tahay wax kasta oo wanaag ah inay dalkeeda Soomaaliya ka taageerto khibrad ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo Yeeshay Kulan Casho Sharaf ah. appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Somalia ee Turkiga Jama Abdullahi Mohamed ayaa ka hadlay qorshaha laga damacsan yahay dhismaha Saldhiga Turkiga ee duleedka magaalada Muqdisho. Safiirka oo wareysi gaara siinaayay Wargeyska Daily Sabah, ayaa sheegay in dhismaha Saldhiga millateri ee turkiga uu bilow wanaagsan u yahay horumarka ay ku talaabeyso Somalia. Safiir Jama Abdullahi Mohamed, waxa uu sheegay in Saldhigan uu ka qeyb qaadan doono dhismaha ciidamada Qaranka Somalia iyo kawarqabkooda, waxa uuna tibaaxay in dowlada Turkiga ay dib usoo nooleysay mooraalka Somalia, sanado badan kadib. Safiirka ayaa intaa ku daray in waqtigaan uu muhiim u yahay geedi socodka Dowladnimada ayna ku faraxsan yihiin Xaruntan Militery ee turkidu ku leedahay Somalia. Waxa uu tilmaamay in furnaanshiyaha Saldhiga uu ku imaaday iskaashiga labada dhinac oo ah ilaa iyo hadda ah mid ku socda si dardar leh, waxaana uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu ahaa dalkii ugu horeeyay ee taageero u fidiyay Soomaalida markii uu dhacay Qaraxii 14 bisha October ka dhacay Muqdisho. Waxa uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu yahay keliya dalka u bareeray in Somalia uu ka garab siiyo dhinacyada Militeriga, Tababarka iyo Dagaalka. Saldhiga ayuu sheegay inuu sii xoojinaayo xiriirka labada dal, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu dhici doonin is hortaag lagu sameeyo howlgalka ka socda Saldhiga Sidoo kale, Saldhiga Turkiga ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda tababar ciidan oo lagu soo saaraayo ciidamo gaara oo ay hana doonto dowlada Somalia, kuwaa oo ka dhameystiran dhan waliba. Geesta kale, Saldhiga Turkiga uu ka furay Muqdisho waxaa lagu tiriyaa Xaruntii ugu weyned ee uu ka dhiso meel ka baxsan dalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Iyadoo ay dalka ka jiro dhibaato dhinaco dhaqaalaha ah ayaa waxaa hadana dhinaca kale jira musuq-maasuq baahsan oo ka taagan qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda oo la rabay iney noqoto hormuudka dawlad wanaagga iyo hufnaanta ayaa laga sheegayaa iney lugaha kula jirto wax is dabamarin baahday. Musuqa lagu eedeynayo Wasaaradda waxaa kamid ah ku takrifal hantida qaranka iyo in shaqsiyaad gaar ah ay si qaldan u isticmaalaan hantida dawladda, qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo la hadalnay ayaa sheegaya in Wasiir C/rixmaan Ducaale Bayle uu wado qeybo badan oo kamid ah musuqa la sheegayo. Xogo ay heshay Caasimadda Online ayaa muujinaya qarashaad ku baxay meelo aan loogu talagalin iyo in dhaqaalihii dadka ka dhexeeyey loo adeegsanayo dano gaar ah, xili ay dawladdu ka cabanayso dhaqaalo la’aan. Qaar kamid ah dadka wasiirku u qoray lacagaha xad dhaafka ah iyo meelaha ay ka kala shaqeeyaan hoos ka akhri Magaca Wasaarada Musharkiisa Shaqaalah Rayidka ah Lacagta uu ka qaato Wasaarada Maaliyada Dubad Nuur Arimaha Dibada 700 $ $ 4,000 Liibaan Arimaha Dibada 700 $ $ 3,000 Muntazia $ 3,000 Rowdo $ 3,000 Diraac Fagaase Xafiiska Raysal Wasaaraha 700 $ $ 2,000 Cabdalla Boos Arimaha Dibada 400 $ $ 1,000 Mowliid Arimaha dibada 400 $ $ 700 Xasan Cade Arimaha Dabada 400 $ $ 500 Iyo qaar kale oo aan magacayadooda aan haynin Wasaarada maaliyadda ayaa miisaaniyada ay gooni u leedahay tahay 600,000 $sanadkii, taas oo loogu tala galay gunooyinka ciidanka ilaalalada wasaaradda, qalab xafiiseedka, sahayda safarka dhamaan wasiirada iyo madaxda wasaaradda, dhamaan howlahaas waa in lagu maareeyo miisaaniyada wasaaradda mudo sanad ah waana $ 600,000 Wasiir Bayle kaliya ayaa isticmaalay lacag gaaraysa $ 542,704 dollar mudo 6 bilood ah, lacagta badankeeda ayaa ku baxday safaro, guryo kiradooda iyo qalabayntooda, gawaari uu gatay iyo kuwo uu dad u iibshay, gunooyin xaad dhaafa ah oo u qoray shaqaale mushahar qaata. Waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiiyaan see suurtagal ku tahay in lacag intaas le’eg la isticamaalo oo ka baxsan misaaniyadawasaaradda. Xaggee ayuu haddaba lacagtaan ka isticmaalay wasiirku? Waxaa jira xisaab furan oo la yiraahdo (Contingency) ama xalinta waxyaalaha deg degga uga dhaca dalka, sida masiiboyinka, abaaraha, qaraxyada iyo dhibka ay gaystaan, taakulaynta dadka jilicsan iyo munaasabadaha qaran, waxaa lacagtaas ka dhaxaysaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa awood u leh in laga saaro accountiga ay ku jirto Reysal Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda, lacagta $ 542,704 ah oo uu isticmaalay wasiir Bayle kaligiis mudadaas yar waxaa laga soo saaray qaybta Contingency, waana khiyaano qaran in la isticmaalo lacag u dhaxaysa shacabka Soomaaliyeed. Cadayn in lacagta intaas le eg ay ku baxday Wasiir Bayle Lacagta ka baxaysa wasaarada waxay martaa Waaxda Miisaaniyada, Hanti dhowrka, xisaabiyaha guud, xooghayaha joogtada ah, iyo ugu danbayn Bangiga dhexe, waxaa xaqiiqa ah cid walba oo isku dayda inay baaritaan ku samayso in ay si fududu u heli karto cadaynta lacagta intaas le eg. Dawladan dhalatay 8 Feebraury waxaa hal hayskeedu ahaa la dagaalanka musuq maasuqa iyo isla xisaabtanka, runtiina dadaal dhankaas ku aadan waa sameeyeen, lakiin waa in jawaab u helaan musuq maasuq intaan le eg oo uu ku dhaqaaqay wasiir Bayle oo marka uu hadalayo ku cel celiya wadaniyad, waxaa shacabka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad jawaab ka siisaan arinkaan, haddii kale dalkaani waa mashruuc sida uu ku heesay wasiir Bayle ee qof walba mashruuciisa ha fushado. Qaar kamid ah dadka falan qeeya dhaqaalaha ayaa ugu baaqay Wasiirka Maaliyadda inuu cadeeyo dhaqaalahan faraha badan ee uu isticmaalay, si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in dowladdu ay wado isla xisaabtankii loo baahnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (WIDHWIDH.COM) Boqolaal kamid ah Ciidaanka Maamulka khaatumo Ayaa ka Degay Jiidaha Gobolka Sool oo Mudo Laba casho ah Jabhada SNM Ku Soo Daabulasay Maleeshiyaad Loogu Talo Galay Inay Ilaalshan Doorashada SNM. Taliyaha ciidanka Nugaasha Ee Maamulka khaatumo Mujaahid Faysal falalug ayaa Hogaaminaaya Gulufka Coladeed ee Looga Sifaynaayo Doorasho ku Sheega Jabhada SNM. Ciidanka Khaatumo ayaa Isku Fidiyay Bariga Waqooyiga iyo Galbeedka Gobolka Sool. Dhinaca kale Maleeshiyaadka SNM Ayaa Iyana wada dhaqdhaqaaq La xidhiidha Ciidamada khaatumo. Shacabka Deeganada ayaa Walaac xoog leh Ka Qaba Gulufka colaadeed ee Soo Wajahay Kaaso udhexeeya ciidanka Xaq Udirirka khaatumo iyo Camaasiirta Dhul Boobka ah ee SNM. widhwidh.com
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa horeyna usoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daaha gadaashiisa kaso baxay kadib muddoo badan oo uu qarinayey mucaaradnimadiisa. Cabdiraxmaan Odawaa iyo qaar ka tirsan xisbigii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo badan is qarinayey iyadoo markaan si toos ah usoo cadeystay inay mucaarad ku yihiin dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdiraxmaan Odawaa oo ah nin aqoonyahan ah isla markaasna looga fadhiyey inuu ka shaqeeyo sidii Soomaaliya looga bixin lahaa xaaladda adag oo ay hadda ku jirto ayaa ka shaqeenayo sidii loo dumin lahaa dowladda dhexe isla markaasna uu wadanka u geli lahaa xaalad foodo iyo jahwareer. Xaaladdii Hore ee Odawaa iyo Kooxda Qabyo: Xisbigii xilka lagala wareegay ee Qabyo ayaa bilowgii hore ee Dowladda Farmaajo ku heshiiyey inay mucaaradaan dowladda isla markaasna ay faafiyaan warar liddi ku ah dowladda isla markaasna mar kasta lala daba taagnaado Cambaareyn iyo shirar aan kala joogsi laheyn. Xisbigaas oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii hore daaha gadaashiisa isku qarinayey si aysan bulshada Soomaaliyeed u fahmin, waxaa markii hore Xisbigaan Wakiil u ahaa Xildhibaan Mahad Salaad oo isaga dharka usoo dhigtay sidii qaab kasta oo la heli karo meesha looga saari lahaa dowladda Farmaajo wadankana loo gelin lahaa jawi aan daganeyn iyo foodo cusub oo horey looga soo gudbay maadaama dowladda Soomaaliya ay ku dhisan tahay hab doorasho. Bishii ugu dambeysay waxaa banaanka usoo baxay xubno badan oo ka tirsan kooxda Qabyo kuwaas oo cadeystay ololaha halista ah ee lagu hayo dowladnimada Soomaaliya, waxayna xisbigaas isku soo abaabuleen qaab hab beeleysi ah, iyagoo diidan inay xilka sii heyso beesha hadda ku fadhiso Kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya. Dadka hadda banaanka isisoo dhigay ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Odawaa oo ahaa nin aan laga fileyn inuu ku dhaqaaqo waxyaabo waxaan lamid ah, wuxuuna hadda Magaalada Muqdisho ka wadaa ololihii ugu dambeeyey oo dalka lagu gelinayo foodo siyaasadeed iyo mooshino laga soo abaabulay Wadan Imaaraadka Carabta. Shirkii Muqdisho uga furmay Xildhibaanada Hawiye Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka baxay kulan ay maanta isugu yimadeen xildhibaanadda iyo wasiirada beesha Hawiye ku matala Dowladda Federaalka ah kadib markii uu kulanka yimid duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed. Kulanka oo ay ku dhowaad 70 Xildhibaan iyo wasiiro joogeen ragga ka baxay markii ay Taabit arkeen waa Mahad Salaad, C/raxmaan Xuseen Odawaa, C/risaaq Cumar Maxamed, Maxamed C/laahi Xasan Nuux iyo Maxamed Cabdiraxmaan Beenabeene. Waxaa kaloo lasheegay labo Xildhibaan oo laabtay markii ay Taabit maqleen oo uu ku jiro C/laahi Maxamed Nuur. “Waxaa uu ahaa dhaqan siyaasadeed liita iyo ficiltan aan fiicneyn wixii aan maanta ku arkay hotel SYL ayuu igu yiri Xildhibaan kulanka ka qeyb galay oo la hadlay Caasimadda Online. Arinta ugu yaabka badan ayaa aheyd ajandaha shirka xildhibaanadda iyo wasiiradda Hawiye inuu ahaa amniga iyo xaaladda caasimadda ee xiligaan, bal is weydii hadii Taabit shirka loo diido yey tahay cidda kale ee mudan in wax laga weydiiyo xaaladda Muqdisho. Inkastoo aaney dadka caasimada ku nool dooran qofka maamulaya hadana shaki la’aan Thaabit wuxuu helay rabitaan Bulsho oo xoogan bilihii lasoo dhaafay. Muqdisho uma dhiman doonto 5 xildhibaan oo xaajaddu ku xuntahay xiligaan, waxaase ayaan daro ah in ragga dhaqankaas maanta sameeyay iney intooda badan Wasiiro kasoo noqdeen dalka. Siyaasada waa la isku qilaafi karaa laakiin fowdo, dhaqan caruureed iyo amnigu hasii xumaado looguma sacab tumi karo xidigihii hore karo ee Damul-Jadiid ee hadda loo yaqaan Qabyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka baxay kulan ay maanta isugu yimadeen xildhibaanadda iyo wasiirada beesha Hawiye ku matala Dowladda Federaalka ah kadib markii uu kulanka yimid duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed. Kulanka oo ay ku dhowaad 70 Xildhibaan iyo wasiiro joogeen ragga ka baxay markii ay Taabit arkeen waa Mahad Salaad, C/raxmaan Xuseen Odawaa, C/risaaq Cumar Maxamed, Maxamed C/laahi Xasan Nuux iyo Maxamed Cabdiraxmaan Beenabeene. Waxaa kaloo la ii sheegay labo Xildhibaan oo laabtay markii ay Taabit maqleen oo uu ku jiro C/laahi Maxamed Nuur. “Waxaa uu ahaa dhaqan siyaasadeed liita iyo ficiltan aan fiicneyn wixii aan maanta ku arkay hotel SYL ayuu igu yiri Xildhibaan kulanka ka qeyb galay oo aan teleefoonka kula hadlay. Arinta ugu yaabka badan ayaa aheyd ajandaha shirka xildhibaanadda iyo wasiiradda Hawiye inuu ahaa amniga iyo xaaladda caasimadda ee xiligaan, bal is weydii hadii Taabit shirka loo diido yey tahay cidda kale ee mudan in wax laga weydiiyo xaaladda Muqdisho. Inkastoo aaney dadka caasimada ku nool dooran qofka maamulaya hadana shaki la’aan Thaabit wuxuu helay rabitaan Bulsho oo xoogan bilihii lasoo dhaafay. Muqdisho uma dhiman doonto 5 xildhibaan oo xaajaddu ku xuntahay xiligaan, waxaase ayaan daro ah in ragga dhaqankaas maanta sameeyay iney intooda badan Wasiiro kasoo noqdeen dalka. Siyaasada waa la isku qilaafi karaa laakiin fowdo, dhaqan caruureed iyo amnigu hasii xumaado looguma sacab tumi karo xidigihii hore karo ee Damul-Jadiid. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shir ay yeelanayaan Xildhibaanada laba aqal iyo Wasiirada Beesha Hawiye kaasoo looga hadlayo amniga Magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa ka furmay Hotelka SYL waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadda dalka iyo arrimaha amniga Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay in ka badan 50 xildhibaan oo labada aqal ka mid ha iyo Wasiiro iyadoo ujeedku yahay inaan la siyaasadeyn arrimaha amniga loona adeegsan dano gaara iyo olole shaqsiyeed. Furitaanka shirka oo ay iska xaadiriyeen wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal ee Beesha Hawiye iyo Guddoomiyaha G/banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la soo sheegayaa inay shirka isaga baxeen ilaa 5 xildhibaan oo ka mida kuwa ugu horeeya mucaaradnmada dowladda halka laba kalana laga celiyey inay shirkaan imaadaan. Magacyada Shakhsiyaadka Shirka ka baxay: 1) Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaq Cumar Maxamed, 2) C/raxmaan Xuseen Odawaa, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha 3) Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene 4) Xildhibaan Mahad Salaad 5) Wasiirka Dhallinayarada iyo Sportska Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux Sidoo kale waxaa taleefoonka loogu sheegay inaysan kasoo qeybgalin laba Mas’uul kale oo uu ka mid yahay C/laahi Maxamed Nuur Maxay Shirka Uga baxeyn? Inkastoo ay aqbaleen inay shirka tagaan ayaa haddana la sheegay in ka bixitaankooda uu ka danbeeyay markii ay ogaadeen ajendayaasha shirka iyo ka qeybgalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Xildhibaannada shirka isaga baxay ayaa waxaa u badan kuwii wasiiiada ka ahaa dowladii Xasan Sheekh ee hadda sida weyn ugu kacsan xukuumadda iyo madaxtooyadda Soomaaliya. Muhiimada uu shirka u leeyahay Guddoomiye Thaabit Xildhibaanada aan kor kusoo xusnay ayaa diidan inuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ka qeybgalo kulankaas, waxaana xusid mudan in wax laga hadlayo ay tahay Amniga Muqdisho, waxayna mas’uuliyadda ugu weyn ku dhaceysaa Gudoomiyaha. Haddii ay xildhibaanada ka baxay shirkaas ujeedkooda ahaa inay ka shaqeeyaan amniga Muqdisho, waxay aheyd inay ogolaadaan inuu Guddoomiyaha shirka ka qeybgalo maadaama uu yahay Guddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho, waxaana muuqato inay leeyihiin dano gaar ah isla markaasna ay siyaasadeenayaan sugidda Amniga Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa wado dadaal dheeri ah oo uu ku doonayo in wax looga qabto amniga Muqdisho, waxayna aheyd inay Xildhibaanada ku caawiyaan Guddoomiyaha shaqadiisa, waxaase muuqato inaysan Xildhibaanadaan shirka ka baxay rabin wax ka qabashada Amniga Muqdisho. Shirka masii soconayaa: Sida aan xogta ku helnay Shirka waxaa ka qeybgalayo ilaa 50 mas’uul oo kasoo jeedo Beesha Hawiye, waxa ka baxayna waa 5 siyaasi oo ah mucaaradka dowladda Soomaaliya, waxaana Shabakadda Caasimadda Online loo xaqiijiyey inuu shirka sii socon doono isla markaasna aan loo istaagi doonin shantaan Mas’uul ee shirka uga baxay dano iyaga u gaar ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug gaarigiisa qarax la la beegsaday. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiye Farxaan Cabdi Gaafaa in Gaari nooca raaxada ah ee uu lahaa oo lagu soo xirayqarax uu ku qarxay bartamaha magaalada Gaal-kacyo. Gudoomiye Farxaan Cabdi Gaafaa ayaa la xaqiijiyay in uu ka maqnaa oo aanu saarneeyn xiliga gaarigiisa uu qarxayay. Goobta qaraxa ayaa waxaa gaaray Ciidamo katirsan kuwa Amaanka Puntland kuwaasi oo howlgalo halkaasi ka wada. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gudoomiye ku Xigeenka Gaalkacyo oo Qarax Miino la la beegsaday gaarigiisa appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa maanta rusqaddii kala noqotay telefishanka Kalsan Tv oo ka mid ah telefishanadda af soomaaliga ku hadla ee ka hawlgala dhammaan Gobolada dalka, gaar ahaan Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa Telefishankan ku eedeeyay inuu baahiyay warar been abuur ah, isla markaana dhawr jeer oo hore loo digay. Amarka Kalsan Tv looga mamnuucay deegaanada maamulka ayaa waxaa bixiyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo ku eedeeyay faafinta warar been abuur ah oo u ka soo qaaday baraha bulshadda. Nuqul kamid ah qoraalka Wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa ”Telefishanka Kalsan tv wuxuu xadgudub ku sameeyey qaranimadda Somaliland, isla markaana baahiyey November 3-deedii/2017 war been abuur ah oo uu ka soo qaatay baraha bulshadda taas oo uu ku sumcad dilayey habsami u socodka ololaha doorashadda”.
  15. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has visited the UAE-funded military training centre in Mogadishu, which offers training to members of the Somali Armed Forces. Upon his arrival, the Somali Prime Minister was received by Mohammed Ahmed Al Othman, UAE Ambassador to Somalia. Khaire toured the centre’s facilities and observed the UAE team supervising the training of Somali soldiers, expressing great admiration for the advanced level of training provided. The Prime Minister – who was accompanied by several senior commanders of the armed forces – also conveyed his deep thanks and appreciation to the UAE for its outstanding role in supporting Somalia and for its continuous efforts in training and rebuilding the Somali Armed Forces. The UAE Ambassador in turn expressed his thanks and appreciation to the Somali Prime Minister for his visit and his keenness to consolidate the distinguished relations between the two countries, reaffirming the UAE’s support for the development of security and stability in Somalia. Source: WAM
  16. The U.S. Mission to Somalia on Saturday issued a directive for its non-essential American employees to leave the east African country’s capital of Mogadishu. In a security message, the mission identified “specific threat information against U.S. personnel on the Mogadishu International Airport.” It also reminded U.S. citizens that the State Department discourages travel to Somalia. “The security situation in Somalia is extremely unstable,” the release said, “and the threat to all U.S. citizens in Somalia remains critical.” The U.S. State Department does not have an embassy in the country. On Friday, U.S. Africa Command acknowledged that it had conducted a pair of airstrikes to target the Islamic State in the northeast part of Somalia. The strikes marked the first time the U.S. military targeted Islamic State militants in the country. The U.S. Mission to Somalia on Saturday issued a directive for its non-essential American employees to leave the east African country’s capital of Mogadishu. In a security message, the mission identified “specific threat information against U.S. personnel on the Mogadishu International Airport.” It also reminded U.S. citizens that the State Department discourages travel to Somalia. “The security situation in Somalia is extremely unstable,” the release said, “and the threat to all U.S. citizens in Somalia remains critical.” The U.S. State Department does not have an embassy in the country. On Friday, U.S. Africa Command acknowledged that it had conducted a pair of airstrikes to target the Islamic State in the northeast part of Somalia. The strikes marked the first time the U.S. military targeted Islamic State militants in the country. Source: UPI
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland. Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu lahaa Gudoomiye ku-xigeenka Magaalada Gaalkacyo, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maamulka. Qaraxa ayaa dhacay xili Mas’uulkaasi uusan saarneyn gaariga, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah Ilaaladiisa. Waxa ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka in ay wadaan baaritaano la xariira Qaraxaasi oo iminkaba loo hayo ilaa laba Ruux. Dhinaca kale, Burbur xoogan ayaa soo gaaray gaariga waxaana sidoo kale Qaraxa lala damacsanaa Guddoomiye ku-xigeenka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04 Nov 2017 madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir looga hadlayey guud ahaan amniga qaranka Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha DFS, Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa. Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn looga wada-hadlay mideynta qorshaha dagaalka iyo qorshe lagu cidhibtirayo Al-shabaab, isla markaana waxaa la isla meel dhigay kaalinta AMISOM ay ka qaadanayso dagaalka Soomaaliya lagaga sifaynayo kooxaha nabad diidka ah. Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada ay ku dhawaaqeen Madaxda Qaranka Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in wadajirka go’aanka iyo qorshaha Madaxda qaranka Soomaaliyeedba ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgalyada dalkeena Soomaaliya. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxda kale ee qaranka Soomaliyeedba ayaa ka midaysan sidii dalka guud ahaantiiba looga cidhib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee dhibaateeyey shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxaana ay Madaxdu isla meel-dhigeen in la mideeyo cududda iyo maskaxda muwaadiniinta Soomaliyeed si loo cidhibtiro kooxahaasi tamarta yar. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxda Qaranka Soomaliya iyo Amisom oo Isku Raacay Dagaal ka Dhan ah Al-Shabaab. appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga dalka, Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika. Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM. Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Alshabaab, iyada oo la isla meel dhigay kaalinta Ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka. Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka. -DHAMMAAD-
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga dalka, Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika. Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM. Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Alshabaab, iyada oo la isla meel dhigay kaalinta Ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka. Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlayay abaabulka Dagaal ee al-shabaab oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Ammaanka dowladda Somalia ee ka Hawl-gala Isgoysyada Xarunta Somalia ee Muqdisho ayaa laga dareemayaa in isbeddel ballaaran lagu sameeyay, iyadoo sidoo kalena isbedel lagu sameeyay qaabka ay ku hawl-galaan ciidamadan. Isbeddelkan ayaa laga dareemayaa baaritaanka gaadiidka iyo dadka sidoo kale tirada ciidanka ayaa meelaha qaar lagu sameeyay kordhin goobo aysan ku sugnaan jirin ayaa sidoo kale lagu arkayaa ciidammo cusub. Sidoo kale, Ciidanka ayaa baaraya gaadiidka shacabka oo aan markii hore la baari jirin, waxaana la weydiinayaa wadayaasha sharciga gaadiidka, midkii aan wadan waxaa loo diidayaa inuu waddada maro. Haweenka saaran gaadiidka ayaa inta ay baaristu socoto laga furayaa Indha-shareerka ama niqaabka. Dhallinyarada ayaa iyagana baaritaanno ballaaran lagu sameynayaa, iyadoo kuwii laga shakiyana lagala dagayay gaadiidka. Dhanka kale, Waxaa gabi ahaan laga joojiyay socodka gaadiidka waa-weyn ee maalintii, kuwaasoo cabsi badan ay shacabku ka qaadeen tan iyo markii uu dhacay qaraxii khasaaraha badan geystay ee 14-kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zope. Ugu dambeyn, Waddooyinka Muqdisho ayaa laga dareemayo Isbeddello aad u ballaaran, waxaana waddooyinkaas ka mid ah Makka Al-Mukarama, KM-4 iyo kuwo kale oo muhiim ah. PUNTLAND POST The post Ciidamada Ammaanka ee ka hawl-gala Waddooyinka Muqdisho oo Isbedel lagu Sameeyay appeared first on Puntland Post.
  22. Hargeysa (PP) ─ Maamulka iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaanida ee Somaliland, ayaa deegaannada uu maamulo ka mamnuucay in laga daawado mid ka mid ah Telefishinnada Afka Soomaaliga ku hadla. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan Saxara-diid Caddaani ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Deegaannada Somaliland laga mamnuucay in laga daawado Telefishinka Kalsan, iyadoo la xiray xaruntii Telefishinkaan uu ku lahaa Magaalada Hargeysa. Sidoo kale, Wasiir Caddaani ayaa sheegay in Kalsan TV uu warar been ah ka sameeyay dibadbax lagu taageerayay musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi. Wareegtada ayaa lagu xusay in TV-gani uu dibadbaxa ka dhigay mid looga soo horjeedo Xisbiga Kulmiye iyo musharraxooda Muuse Biixi Cabdi, sidaas darteedna laga mamnuucay guud ahaan deegaannada Somaliland. Dhanka kale, Suxufiyiinta Somaliland ayaa looga digay inay deegaannada oo dhan warbixinno uga diraan Telefishinkan, iyadoo suxufigii amarkaan kasoo horjeesta laga qaadi doono tallaabo adag sida Wasiirku ku sheegay warka uu soo saaray. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Maamulka Somailand uu ka mamnuuco deegaannada uu ka taliyo qaar ka mid ah telefishinnada ku hadla Af Soomaaliga, kuwaasoo ay ku eedeeyeen baahinta warar aanay jeclaysan. PUNTLAND POST The post Somaliland oo deegaannadeeda ka Mamnuucday Mid ka mid ah Telefishinnada Soomaalida appeared first on Puntland Post.
  23. BOSASO-[Puntland Post]-Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi,ayaa maanta Booqday garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari, Agaasimaha ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay Saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka hawlgala garoonka diyaaradaha Boosaso oo kamid ah garoomada ugu Casrisan ee dalka ku yaala. Maxamed Faarax Qanbi Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka ee Puntland ayaa saraakiisha iyo shaqaalaha laanta socdaalka kulan kula qaataya garoonka dhexdiisa iyagoona ka wada hadlaya qaaba ay u shaqeeyaan. Agaasimaha ayaa ku amaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howl gala garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada, isagoo kula dar daarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Puntland ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa howlaha socdaalka ee garoomada Puntland iyo sidii loo gayn lahaa qalab casri ah oo ay ku howl galaan. Dhinaca kale Agaasimaha ayaa Booqday xarunta megerashanka ee dekada Boosaso iyo sida oo kale xarunta Basaboorada isgoona dhamaana shaqalaha ku amaanay sida wanagsan ee ay shaqadu u socoto. Daawo” Muuqaalka Kormeerka Agaasimaha Guud ee laanta Socdalka Puntland Ee Garoonka Boosaso CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST -BOSASO The post DAAWO”AGAASIMAHA HAY’ADDA SOCDAALKA PUNTLAND OO BOOQDAY GAROONKA BOOSASO appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa ku amray muwaadintiisa inay si deg-deg ah uga baxaan Muqdisho, kaddib warbixin digniin ah oo uu soo saaray xafiiska hawl-galka Mareykanka ee Somalia. Warbixin uu soo saaray hawl-galka Mareykanka ee Somalia ayaa lagu xusay in dhammaan shaqaalaha Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo muwaadiniinta kale inay isaga baxaan Xamar illaa amar dambe. Sidoo kale, Warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in xaaladda nabad-gelyo ee Somalia ay tahay mid aad u halis ah, isla markaana khatar ku ah muwaadiniinta Mareykanka. Muwaadiniinta u dhashay wadanka Mareykanka ee go’aansaday in Muqdisho ay joogaan ayaa loogu baaqay inay dib u eegaan Amnigooda Shaqsiyadeed, isla markaan ay si gaar ah uga war hayaan warbaahinta, ay feejignaan aad u dheer sameeyaan. Dhanka kale, Xukuumadda Washington ayaan wax safaarad ah xilligaan ku laheyn Muqdisho, sidaas darteed waxaa muwaadiniinta la siiyay macluumaad ku saabsan haddii xaalad khatar ah ay dareemaan inay la xiriiraan safaarada Mareykanka ee Magaalada Nairobi. Ugu dambeyn, Warbixintan digniinta ah ee kasoo baxday Mareykanka ayaa ah middii ugu horreysay oo nooceeda ah, waxay kusoo beegmaysaa, iyadoo Kooxda Al-shabaab ay Toddobaadyadii u dambeysay kordhisay weerarada ay ka geysaneysay Muqdisho. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ku sugan Somalia ugu baaqay inay isaga baxaan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  25. BOSASO-[Puntland Post]-Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi,oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Boosaso ayaa maanta Booqday xafiiska megareshanka ee Dekada Boosaso. Agaasimaha ayaa waxa uu halkaasi ku soo dhaweyey saraakiisha laanta socdaalka ee dekada Bosaso isgoona kulamo la qaataya shaqalaha iyo maamilka xafiiska socdaalka ee Dekada Bososo. Maxamed Faarax Qanbi Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka ee Puntland ayaa saraakiisha iyo shaqaalaha laanta socdaalka ee Dekada Boosaso ku dhiiri galiyey sida wanaagsan ee ay shaqada u wadaan waxan sida oo kalena kula dar daaramy ilaalinta sharciga iyo Amaanka dalka. ”Waxa si wanagsan u socda shaqada aad wadan waxan idin kula dar daaramaya in aad sii laba jibaratan shaqada aad bulshada u haysaan isla marakaana masuuliyad gaar ah iska saartan ”sidaas waxa yri Agaasimaha guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi oo maanta Booqday xafiiska Megarashanka ee Dekada Boosaso. Kormeerka Agaasimaha guud ee Hay,adda socdalka iyo Jinsiyadaha Puntland ayaa salka kuhaya sidii uu u ogaan lahaa baahiyaha ka jira xarumaha Megarshanka ee magaalada Bososo. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Agaasimaha laanta socdaalka Puntland oo Booqday xafiiska Magareshanka ee Dekada Bosaso appeared first on Puntland Post.