-
Content Count
204,967 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Puntlandi) Shirka Guddoonka Baarlamaanada dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo Golaha Shacabka Soomaaliya , ayaa ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Shirkaan oo socondoona saddex cisho ayaa looga hadlayaa sidii ay u wada Shaqeyn lahaayeen baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya. Waxaa kaloo la filayaa inay sameystaan madal ay ku midaysan yihiin guddoonada. Gudoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa shirka furay, waxaana Goobjoog ka ahaa gudoomiye ku xigeenkiisa labaad, iyo Gudoomiyaasha Baarlamaanada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug. Shirkaan waxaa ka maqan guddoomiyaha barlamaanka Hirshabelle, kaasoo ugasoo qeybgali waayay arrimo ku saabsan meel marinta gollaha wasiiradda Hirshabelle.
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe oo hadda fadhiisin u ah maamulka Hir Shabelle ayaa waxa ay sheegayaan in uu baaqday kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle lagu waday in ay ku ansixiyaan Xukuumada cusub ee Hirshabelle. Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir Shabelle Mudane Shiikh Cismaan Barre Ayaa sheegay in uu kooram la’aan uu u baaqday fadhigii xasaasiga ah ee Baarlamaanka Hir Shabelle uu Madaxweynaha Hir Shabelle Mudane Waare uu ku horgeeynlahaa Golahiisa cusub ee wasiirada. Waxaa uu sheegay in kulankaasi ay soo xaadireen oo kale 44 Mudane halka Kooramka laga rabay in ay soo xaadiraan 51 Xildhibaan. Baaqashada Kulankaan Baarlamaanka ayaa u muuqato in ay tahay Diidmo ay Xildhibaanada Hir Shabelle ay diidanyihiin Ansixinta Golaha Wasiirada oo ay diidanyihiin in badan Baarlamaanka Hir Shabelle. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kulankii Lagu Ansixi Lahaa Wasiirada Hir Shabelle oo baaqday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa soo sheegayo in uu kooram la’aan u baaqday Kulankii ay xildhibaanada Maanta ku lahaayeen Jowhar, kulankaasi oo ahaa mid deg deg ah oo uu codsaday Madaxweynaha Hirshabeelle. Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa warbaahinta u sheegay in kooram la’aan uu ubaaqday Shirkii deg dega ahaa ee Maanta ku yeelan lahaayeen Xildhibaanada Hirshabeelle magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi. Tirada soo xaadirtay ee Xildhibaanada ayaa lagu sheegay 44 mudane waxaana Kooramka uu ku furmi lahaa 51 Xildhibaan sida uu Guddoomiyaha u sheegay warbaahinta. Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa sheegay in intoo badan ay ku sugan yihiin Jowhar balse aysan kulanka xaadirin, waxayna sababta ku sheegeyn in uu ka maqan yahay Mushaarkooda 4-tii bil ee la soo dhaafay waxa uuna Madaxweynaha u balan qaaday 2 Bil oo kaliya arintaasina aysan suurta gal ahayn. Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan Cod u qaadi doonin Wasiirada ilaa ay helaan xaquuqda ka maqan Baarlamaanka maamulkaasi Hirshabeelle. Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in kulanka uu baaqday islamarkaana dib la isaga soo laabanayo,waxaana uu Baydhaba uga qeybgelayaa shirka Baarlamaanka Golaha shacabka iyo dowlad Goboleedyada ee ka socda Baydhaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kulankii Baarlamaanka Hirshabeelle oo arrin yaab leh u baaqday iyo xildhibaanada oo.. appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiyada Wadajir, Kulan, Daljir iyo madasha Horusocod ayaa maanta oo Talaado ah waxay si wadajir ah usoo saareen war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xariggii C/raxmaan Cabdi Shakuur, qaabkii uu u dhacay iyo khasaarihii ka dhashay. Waxay sheegeen ugu horreyn in weerarkii lagu qaadday guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur ahaa fal dambiyeed ka horjeeda shuruucda iyo dastuurka dalka, halisna ku ah hanaanka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadda dalka. Waxay ka tacsiyeeyeen dadkii ku dhintey weerarkaasi, waxayna cambaareeyeen weerarkaasi. Saddexda xisbiga iyo madasha Horusocod ayaa sidoo kale waxay madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka uga digeyn in dalka geliyaan xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amniga, dhanka kalena waxay soo jeediyeen in la magacaabo guddi madax bannaan oo baara weerarkii ay ciidamada dowladda ku qaadeen guriga siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur. Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka: Goobjoog News Source
-
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/weli Jaamac Gorod ayaa kulan la yeeshay saraakiisha dhallinyarada ee xoogga dalka, waxaana uu kala hadlay arrimo ku aadan sidii ay uga mid noqon lahaayeen hoggaanka ciidanka xoogga dalka. Taliye Gorod ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ka codsaday in saraakiisha dhallinyarada ah ee dalka dibaddiisa tabobarada kusoo qaatay la siiyo fursad hoggaamineed oo ay dalka wax uga qaban karaan. Saraakiishan dhallinyarada ah ayaa u sheegay Taliyaha in ay diyaar u yihiin in dalka ay ka saaraan Al-shabaab, kaalin weynna ay ka qaataan nabadeyntiisa. Taliye Gorod ayaa isna yiri “Aad baan ugu faraxsanahay inaan la kulmo saraakiil dhalinyaro ah oo aqoon leh oo hadana muujinaya waxa ay qabaan, wadaniyada haday tahay aqoon haday tahay oo sida ay u arkaan inay wax u qabtaan, waxaa nasiib wanaag kala ah in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu i weydiistay inuu arko Saraakiil dhalinyaro ah oo hoggaanka ciidanka xoogga dalka ka dhex muuqda, waxaa is waafaqay Dareenkiina aan aniga qabay iyo midkii Madaxweynaha ayaa is waafaqay, laga bilaabo hoggaanada ilaa horin ilaa koox Saraakiisha Dhalinyarada ayaan ka dhigeynaa haduuu ilaah yiraahdo” Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa dhowaan dalbaday in hoggaanka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed lagu soo daro saraakiisha dhallinyarada ah, si aqoontooda looga faa’ideysto. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa sheegaya inuu rafcaan ka qaatay go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir ka gaartay kiiskii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame. Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa qoray rafcaanka kiiskan oo gaaray maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in maalmo kadib uu dib u furmi doono kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyadoo lagu wado in maxkamadda Rafcaanka ay ogolaato rafcaanka uu qaatay Xeer ilaaliyaha. Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir ayaa lagu eedeeyay inuu dhinac u xaglin sameeyay isagoo dacwad aan dhageysi gaarin go’aan ka qaatay, isla markaana ku dhawaaqay go’aan sharci ahaan khaldan oo ah inaan rafcaan laga qaadan karin go’aankiisa, taasoo shaki weyn gelisay dhexdhexaadnimdiisa. Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa la sheegay inuusan ka harin kiiska C/raxmaan C/shakuur, isla markaana uu diyaar u yahay inuu wado ilaa maxkamadda sare ee dalka, taasoo la filayo inay waqti dheer qaadato arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Rafcaan ka qaatay Kiiska C/raxmaan C/shakuur & Dacwadii oo dib loo furayo appeared first on Caasimada Online.
-
Qoraalkaan Af-Soomaaliga ah oo lagu daabacay bogga Wararka ee UNSOM ayaa la sheegay in uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,Michael Keating. Dadka Soomaaliyeed waxaa heysta qaar kamid ah xaaladaha noloeed ee ugu adag adduunka. Malaayiin ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula qabsan lahaayeen cawaaqibkii ka dhashay abaarta. Amni darradu waa xaqiiqo nololeed oo heysata qof kasta. Sanadka 2017ka wuxuu soo maray xilliyo badan oo aad u khatar badan, oo ay kamid ahayd qarixii khasaaraha ba’an geystay ee 14kii Oktoobar kaas oo galaaftay nolosha dad aad u badan. Laakiin inkastoo ay jiraan caqabadahaas waaweyn, ayaa sanadka 2017ka wuxuu soo arkay oo uu soo maray horumar dhab ah. Arrimahaas waxay mudanyihiin in wax laga tilmaamo maadaama warar xun oo kaliya la maqlo kuwaas oo qabsaday tebinta warbaahinta isla markaana hoos u dhigaya sumcadda Soomaaliya. Sadankii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul, dowladda ayaa ku mahadsan dadaallada ay hormuudka u ahayd oo ay ka qaybqaateen ganacsatada, ururada bulshada iyo qurbajoogta. Deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ayaa si aan caadi ahayn u ahaa kuwo deeqsi ah. Hay’adaha gargaarka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah (NGO-yada) ayaa qabtay hawl qiimo badan oo [gargaar] lagu gaarsiinayo dadka u baahan, oo ay ku jiraan malaayiin barakacayaal cusub ah. Sanadka 2017ka waxaa si nabad ah loo wareejiyay awooddii/xilkii madaxweyne. Waxaa la asaasay Aqalka Sare, oo matalaya gobollada. 80 xubnood oo haween ah ayaa kuraas ka helay baarlamaanka, kuwaa oo isku darka tiradooda labada aqal ay noqonayso 24 boqolkiiba waana wax qiimo badan. Dowladda Federaalka ah ee cusub waxay billowday tiro is-bedello ah oo haddii la raaco/dhaqangeliyo sanadka soosocda, ballanqaadaya in inay hagaajiyaan nolosha dadka. Is-bedelladaas waxaa kamid ah heshiis ay la gaartay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo ku aaddan qaab-sameynta amniga qaran iyo qorshayaal dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka iyo booliska. Waxaa la ansixiyay hanaan loogu talo galay garsoorka iyo ciidanka asluubta. Waxaa lagu heshiiyay qorshaha horumarinta qaranka – waana kii ugu horreeyay muddo tobaneeyo sano ah. Dowladda Federaalka ah waxay qaadaysaa tallaabooyin ay dib ugu hagaajinayso canshuur ururinta iyo maareynta dhaqaale. Tallaabooyinkaas waxay dalka usii gogol xaarayaan tubtii uu u mari lahaa cafiska deymaha lagu leeyahay, amaahda la siiyo hay’adaha dowladda iyo waaxda/ganacsiga gaarka loo leeyahay oo kororta, iyo in lacag badan loo helo adeegyada asaasiga ah iyo kaabayaasha. Baarlamaanku aad ayuu u mashquulsanaa. Sharciyo badan ayaa la meel mariyay, sida Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ka marqaati kacaya wada-shaqayn heer sare ah oo ka dhexeysa ganacsiyada waaweyn iyo dowladda. Marka lagasoo tago dareenka siyaasadeed, sanadka 2017ka waxaa sii xoogeysanayay oo sii ballaaranayay wada-shaqaynta ka dhexeysa Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ha. Tani waxay gacan ka geysanaysaa in waddada loo furo qorshayaal lagu hirgelinayo dib-u-habaynta waaxda amniga, dib-u-eegista dastuurka federaalka ee kumeelgaarka ah, heshiisyada lagu wadaagayo kheyraadka iyo dakhliga, iyo qeexidda hanaanka doorasho oo nooqon doona mid dadka codeynaya tiradoodu aad u badnaan doonto sanadka 2020ka. Al Shabaab ayaa leh awood ay u adeegsato weeraro culus, oo badanaa ay khasaaro laxaad leh kasoo gaaraan dadka rayidka ah. Kooxdu waxay ka faa’iideysataa oo ay ku awoodeysataa, iyadoo waxyaabo kale ay jiri karaan, maqnaanshaha dowlad maxalli ah oo shaqaysa iyo colaadaha tirada badan ee ka jira dalka. Heshiiskii siyaasadeed ee dhowaan ay kala saxiixdeen Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo maamulka Galmudug ayaa ah horumar aad u wanaagsan, wuxuuna saadaal wanaagsan u yahay horumar laga gaaro dib-u-heshiisiin ka dhacda Gaalkacyo. Soomaaliya waxay sanadka 2017ka kusii naalooneysaa taageero caalami ah oo heerkeedu sarreeyo, sida uu ka marqaati kacay shirweynihii caalamiga ahaa ee ka dhacay London bishii May, laguna qabtay Muqdisho bisha Diseembar. Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM) waxay dowr muhiim ah, oo ay ku kacayso qiimo badan, ka cayaarayaan ilaalinta qaybo ballaaran oo kamid ah dalka waxayna jawi u abuurayaan dhismaha dowladda. Sidaas darteed, sanadka 2017ka siyaabo badan ayuu qiimo u lahaa. Laakiin ma jiro qof yareysan karo [ama dhayalsan karo] caqabadaha na hor yaalla, iyo arrimaha hallistooda leh ee sii socda ee dib u dhaca leh oo xattaa khalkhal ku noqon kara horumar dheeraad ah. Arrimahaas waxaa kamid ah musuqmaasuq baahsan, oo inta badan hareeya siyaasadda, iyo rabitaanka dadka ka dallaala awoodaha [siyaasadeed] oo ah inay colaad u adeegsadaan, ama colaad ugu hanjabaan dadka kasoo horjeeda. Waxaa kale oo arrimahaas kamid ah in la ixtiraami waayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka. Waxyaabahaas oo dhan waxay u danaynayaan oo ka faa’iideysanaya xagjiriinta. Dadka Soomaaliyeed waxay mudanyihiin wax ka badan inay indhaha ka daawadaan oo kaliy in kuwa ugu dhaqaalaha/awoodda badan ay u kala tartamaan dano shakhsiyadeed iyadoo lagu jiro waqti dadka Soomaaliyeed ay heysato xaalad adag iyo amni darro. Dadka da’da yar, gaar ahaan, waxay rajeynayaan wax sidaas ka wanaagsan; waa mustaqbalkooda waxa khatarta ku sugan. Haddii lagu guuleysan waayo in siyaasadda lagu xiriiriyo horumar la taaban karo, la ixtiraami waayo xeerarka asaasiga ah oo dhamaan bulshada qaybeheeda, oo ay kamid yihiin haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tira badanyahay laga qayb-gelin waayo, ayaa taasi waxay keeni kartaa khatar sii fogeyn karta [dadkaas] iyo niyad wanaagga beesha caalamka oo sii yaraada, iyadoo Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsantahay beesha caalamka. Casharro ayaa laga baran karaa sanadka 2017ka, kuwo wanaagsan iyo kuwo xun intaba. Casharka ugu muhiimsan ayaa noqon kara marka ay wada-shaqeeyaan jilayaasha ugu awoodda badan, haddii ay noqon lahaayeen Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, xubnaha baarlamaanka, odayaal dhaqameedyada, ganacsatada ama beesha caalamka, in la gaari karo horumar weyn. Haddii aanay wada shaqyn, in khatartu ballaarantahay. Waddada loo marayo dhismaha hay’ado la aaminsanyahay oo lala xisaabtami karo iyo dowlad dimoqoraadiyaddeedu saldhigatay ayaanan ahayn waddo sahlan. Karaamada [qabka] iyo dareenka madaxbanaani ee lagu yaqaan dadka Soomaaliyeed ayaa hubanti ka dhigaya in waddadaasi ay noqon doonto mid midabyo badan, qodaxyo badan, is-bedello iyo gad-gadoon yeelan doonta. Waa in colaadda aanay helin meel ay degto, waana in talinta sharcigu ay sare martaa. Haddii kale waxaa baaba’aya fursadaha lagu abaabulayo is-beheysiyada iyo niyad wanaagga si wax looga qabto caqabadaha na horyaalla – hawlaha bani’aadanimo, dhaqan-dhaqaale, kuwa la xiriira amniga, ama haddii ay ahaan lahaayeen dhismaha hay’ado la aaminsanyahay oo waxyaabo faa’iido leh u qaban kara dadka. Shakhsi ahaan, raji wanaagsan ayaan ka qabaa arrimahaas, waxaana I dhiiri-geliyay waxyaabihii qabsoomay ee laga guul gaaray, anigoo ogsoon sida xaaladdu ay weli u tahay mid adag. Fadlan iga guddooma hambalyadeyda ugu wanaagsan ee sanadka cusub, waxaana idiin rajeynayaa nabad, barwaaqo, guul iyo midnimo ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Akhriso:-Hadal Qoraal ah oo ku aaddan Dhamaadka Sanadka 2017 oo uu soo saaray Michael Keating appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasmadda Online) – Anigoo weli bartahamaha uga jirnaa qoraallada sanadkan, ayaa maanta waxaa ay akhristayaasha la wadaageysaa wax-qabadka iyo horumarrada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee January illaa December 2017. Bishii January, waxaa dhacay doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana markii ugu horreeysay uu dalku yeeshay Aqalka sare, kaas oo sanadkaan la dareemay jiritaankiisa, ka sokow dhismaha hay’adihiisa, aqalkaan waxaa uu qabtay sharciyo iyo xallinta khilaafaadyo jiray. Doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee February 8, xulista ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre , Magacaabista golaha wasiirrada iyo meel-marintooda waa horumarrada la gaaray sanadka. Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyrre waxaa ay xoogga saartay ka miro-dhalinta 10 arrimood oo kala ah: 1) Gurmadka Abaaraha; 2) Sugidda Amniga; 3) Caddaaladda, 4) Kobcinta Dhaqaalaha;, 5) La-dagaalanka Musuq-maasuqa;, 6) Qof iyo Cod 2021, 7) Dowlad-wanaagga;, 8) Adeegga Bulshada, 9) Dib-u-heshiisiinta; iyo 10) Xiriirka Caalamiga. Haddaba, Qodobbadaasi 10-ka ah oo sanado socon-doona, intooda badan waxaa laga sameeyay bilow fiican, innaga oo mid-mid u dul-istaagi-doonna. Gurmadyada: Dowladda Soomaaliya waxaa ay wax ka qabatay gurmadka abaaraha iyada oo la uruuriyay lacago badan, kuwaas oo isugu jiray deeq 6 Mliyan ah iyo lacago toos ahaa oo shacabka bixiyeen. Dhinaca kale waxaa gurmad loo sameeyay ciidamada xoogga dalka oo san-duuq gaar ah loo abuuray iyo gurmad kale oo loo sameeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe ee October 14. Sugidda Amniga: Dowladda Soomaaliya waxaa ay sidoo kale awood badan saartay amniga magaalada Muqdisho, waxaana May ay xukuumadda federaalka ah meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay in dowladda ay howlgelisay 1500 askari. May 11, 2017: Shirkii Soomaalida loogu qabtay London, waxaa la saxiixay National Security Architecture oo dhigaya in la sameeyo 18, 000 oo ciidanka xoogga dalka ah, 4 kun oo ciidamada gaarka ah ee danab iyo 32 kun oo Booliis ah. Bishii August ee sanadkan waxaa kale dowladda heshiis la galay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). December , Waxaa Muqdisho lagu qabtay shirka amniga iyo iskaashiga oo beesha caalamka iyo Soomaalida ay ku wada hadleen arrimaha la xiriira amniga, nabadda, siyaasadda iyo horumarka dalka iyo dadka. In kasta oo Mareykanka ay jareen saanaddii ay sii jireen ciidamada xoogga dalka hadana dowladda waxaa ay markii ugu horeysay sameysay qiimeyn ay ku ogaaneyso tirada saxda ciidamada oo lagu sheegay 26,000 askari, waxaa kale oo la ogaaday in 30% ciidanka aanu hub wadan, waxaa sidoo kale dib-u-habeyn lagu sameeyay guddiga qaran ee isku dhafka ciidamada, Turkiga waxaa uu saldhig military ka fureen Muqdisho iyada oo lagu tababaray dufcadii ugu horeysay, Imaaraadka ayaa tababaray askar kale, Cadaaladda: Sameynta guddi u kuur-gala xaaladda maxaabiista iyo xabsiga dhexe ee Muqdisho, si wax looga qabto cabashooyinka shacabka, natiijadana madaxweynaha waxa uu ku cafiyay 100 qof. Xiriirka Caalamiga: Ka soo hoynta guulo shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay London, guulahaas oo ay ka mid yihiin in Qorshaha Horumarinta Qaranka lagu saleeyo mashaariicda ay maal-galiyaan deeq-bixiyeyaasha; Ku guuleysashada in heshiisyo lala galo dhowr waddan oo ay ku dhibaateysan yihiin maxaabiis u badan dhallinyaro sida heshiis Hindiya lala galay, In ka badan 10 maxbuus oo ku Xirnaa jasiiradda Seychelles oo dalka lagu soo celiyay iyo Maxaabiis kale oo laga soo daayey dalka Itoobiya. June 6, 2017-kii, Dowladda federaalka ah ayaa go’aan ku gaartay in muranka Khaliijka ay dhex-dhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhex-dhexaadiyo, December 5, 2017: Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto horumarka Soomaaliya, Duulimaadkii ugu horreeyay oo toos ah oo ku tagay magaalada Nairobi March 29, 2017, waxaa sidoo kale lagu wadaa in bishan la soo wareejiyo maamulka hawada. Sacuudiga: Sacuudiga waxaa lagula heshiiyay in uu kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hay’adaha dowladda, dhismaha xarumo cusub oo ay hay’adaha Qaranku ku shaqeeyaan, garoon diyaaradeed oo cusub, dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo dib u hawlgelinta safaaraddooda Qatar: dalka Qatar dhankiisa waxaa uu ballan-qaaday 1-Dhismaha Waddada Muqdisho – Afgoye, 2-Dhismaha Waddada Muqdisho – Jowhar, 3- dayactirka Dhismaha Xarunta Xizbiga Oo Noqon Doonta Xarunta Xukuumadda ay Ku shaqeeyso Si Culeyska Looga Qaado Villa Soomaaliya, 4-Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta, 5-Machadka Diblomaasiyadda Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo lacag kale. Dib-u-heshiisiinta; Galmudug: Dowladda waxaa ay ku guuleysatay in ay soo afjarto xasaradda siyaasadeed ee Galmudug, sidoo kale Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah, waxay ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed. Dhaqaalaha: May 11, 2017: Shirkii Soomaalida loogu qabtay London, waxaa laga soo saaray heshiis cusub oo lagu badalay barnaamijkii New Deal-ka, qorshahan cusub oo loo bixiyay New Partnership(Heshiiska iskaashiga cusub) waxaa Soomaaliya lagu hagi doona sanadaha soo socda, Dowladda waxaa ay baarlamaanka hor-dhigtay hindise sharciyeedyo wax badan ka badali kara dhaqaalaha dalka kuwaas oo qaar la ansixiyay, kuwa kalana dhawaan la filayo waxaa ka mid ah Hindise sharciyeedka isgaarsiinta, Hindise Sharciyeedka Lagu dhisayo guddiga madaxabannaan ee la dagaalanka musuqa, Hindise Sharciyeedka golaha mihnadleyaasha caafimaadka qaranka, Hindise Sharciyeedka Waxbarashada, Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha, Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda, Hindise Sharciyeedka Istaatistikada Soomaaliya Golaha shacabka ayaa sidoo kale November 13 ansixiyay sharciga la dagaalanka Musuqa, waxaa kale oo jiray Joogteynta mushaaraadka iyo gunnoooyinka hay’adaha amniga iyo shaqaalaha rayidka ah. Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa qiimeysay waxqabadka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya iyadoo la raacayo Barnaamijka SMP oo ah kormeer ay sameeyeen shaqaalaheeda taas oo lagu tilmaamay mid lagu qanacsan yahay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda 2017ka. Dhanka dhaqaalaha, waxaa ka mid ah ansixinta miisaaniyaddii 2017, xisaab-xirrida miisaaniyadihii 2015/2016 iyo diyaarinta, soo gudbinta iyo meel-marinta golaha shacabka ee miisaaniyadda 2018 Doorashooyin: Inta aanan ka hadlin doorashada 2021-ka, waxaa sanadkan dalka ka dhacay dhawr doorasho oo si habsami leh u dhacay, waxaa ka mid ahaa: Doorashada Galmudug: Doorasho Ka dhacday Cadaado May 3, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Xaaf. Doorashada Hirshabeelle: Doorasho Jowhar ka dhacday Sep 16, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Maxamed Waare. Dhanka Doorashada Qof iyo Cod 2021-ka: waxaa la diyaariyey Qorshe hawleedka hiigsiga Qof iyo Cod 2021, waxaa kale oo si KMG ah shahaadooyin loo siiyay illaa 7 xisbi siyaasadeed Xigasho: Radio Goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Warbixin: Waxqabadka Iyo Horumarrada Dowladda Federaalka Ah Ee Sanadka 2017 appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dadka Soomaaliyeed waxaa heysta qaar kamid ah xaaladaha noloeed ee ugu adag adduunka. Malaayiin ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula qabsan lahaayeen cawaaqibkii ka dhashay abaarta. Amni darradu waa xaqiiqo nololeed oo heysata qof kasta, Sanadka 2017ka wuxuu soo maray xilliyo badan oo aad u khatar badan, oo ay kamid ahayd qarixii khasaaraha ba’an geystay ee 14kii Oktoobar kaas oo galaaftay nolosha dad aad u badan. Laakiin inkastoo ay jiraan caqabadahaas waaweyn, ayaa sanadka 2017ka wuxuu soo arkay oo uu soo maray horumar dhab ah. Arrimahaas waxay mudanyihiin in wax laga tilmaamo maadaama warar xun oo kaliya la maqlo kuwaas oo qabsaday tebinta warbaahinta isla markaana hoos u dhigaya sumcadda Soomaaliya. Sadankii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul, dowladda ayaa ku mahadsan dadaallada ay hormuudka u ahayd oo ay ka qaybqaateen ganacsatada, ururada bulshada iyo qurbajoogta. Deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ayaa si aan caadi ahayn u ahaa kuwo deeqsi ah. Hay’adaha gargaarka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah (NGO-yada) ayaa qabtay hawl qiimo badan oo [gargaar] lagu gaarsiinayo dadka u baahan, oo ay ku jiraan malaayiin barakacayaal cusub ah. Sanadka 2017ka waxaa si nabad ah loo wareejiyay awooddii/xilkii madaxweyne. Waxaa la asaasay Aqalka Sare, oo matalaya gobollada. 80 xubnood oo haween ah ayaa kuraas ka helay baarlamaanka, kuwaa oo isku darka tiradooda labada aqal ay noqonayso 24 boqolkiiba waana wax qiimo badan. Dowladda Federaalka ah ee cusub waxay billowday tiro is-bedello ah oo haddii la raaco/dhaqangeliyo sanadka soosocda, ballanqaadaya in inay hagaajiyaan nolosha dadka. Is-bedelladaas waxaa kamid ah heshiis ay la gaartay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo ku aaddan qaab-sameynta amniga qaran iyo qorshayaal dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka iyo booliska. Waxaa la ansixiyay hanaan loogu talo galay garsoorka iyo ciidanka asluubta. Waxaa lagu heshiiyay qorshaha horumarinta qaranka – waana kii ugu horreeyay muddo tobaneeyo sano ah. Dowladda Federaalka ah waxay qaadaysaa tallaabooyin ay dib ugu hagaajinayso canshuur ururinta iyo maareynta dhaqaale.Tallaabooyinkaas waxay dalka usii gogol xaarayaan tubtii uu u mari lahaa cafiska deymaha lagu leeyahay, amaahda la siiyo hay’adaha dowladda iyo waaxda/ganacsiga gaarka loo leeyahay oo kororta, iyo in lacag badan loo helo adeegyada asaasiga ah iyo kaabayaasha. Baarlamaanku aad ayuu u mashquulsanaa. Sharciyo badan ayaa la meel mariyay, sida Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ka marqaati kacaya wada-shaqayn heer sare ah oo ka dhexeysa ganacsiyada waaweyn iyo dowladda. Marka lagasoo tago dareenka siyaasadeed, sanadka 2017ka waxaa sii xoogeysanayay oo sii ballaaranayay wada-shaqaynta ka dhexeysa Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ha. Tani waxay gacan ka geysanaysaa in waddada loo furo qorshayaal lagu hirgelinayo dib-u-habaynta waaxda amniga, dib-u-eegista dastuurka federaalka ee kumeelgaarka ah, heshiisyada lagu wadaagayo kheyraadka iyo dakhliga, iyo qeexidda hanaanka doorasho oo nooqon doona mid dadka codeynaya tiradoodu aad u badnaan doonto sanadka 2020ka. Al Shabaab ayaa leh awood ay u adeegsato weeraro culus, oo badanaa ay khasaaro laxaad leh kasoo gaaraan dadka rayidka ah. Kooxdu waxay ka faa’iideysataa oo ay ku awoodeysataa, iyadoo waxyaabo kale ay jiri karaan, maqnaanshaha dowlad maxalli ah oo shaqaysa iyo colaadaha tirada badan ee ka jira dalka. Heshiiskii siyaasadeed ee dhowaan ay kala saxiixdeen Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo maamulka Galmudug ayaa ah horumar aad u wanaagsan, wuxuuna saadaal wanaagsan u yahay horumar laga gaaro dib-u-heshiisiin ka dhacda Gaalkacyo. Soomaaliya waxay sanadka 2017ka kusii naalooneysaa taageero caalami ah oo heerkeedu sarreeyo, sida uu ka marqaati kacay shirweynihii caalamiga ahaa ee ka dhacay London bishii May, laguna qabtay Muqdisho bisha Diseembar. Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM) waxay dowr muhiim ah, oo ay ku kacayso qiimo badan, ka cayaarayaan ilaalinta qaybo ballaaran oo kamid ah dalka waxayna jawi u abuurayaan dhismaha dowladda. Sidaas darteed, sanadka 2017ka siyaabo badan ayuu qiimo u lahaa. Laakiin ma jiro qof yareysan karo [ama dhayalsan karo] caqabadaha na hor yaalla, iyo arrimaha hallistooda leh ee sii socda ee dib u dhaca leh oo xattaa khalkhal ku noqon kara horumar dheeraad ah. Arrimahaas waxaa kamid ah musuqmaasuq baahsan, oo inta badan hareeya siyaasadda, iyo rabitaanka dadka ka dallaala awoodaha [siyaasadeed] oo ah inay colaad u adeegsadaan, ama colaad ugu hanjabaan dadka kasoo horjeeda. Waxaa kale oo arrimahaas kamid ah in la ixtiraami waayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka. Waxyaabahaas oo dhan waxay u danaynayaan oo ka faa’iideysanaya xagjiriinta. Dadka Soomaaliyeed waxay mudanyihiin wax ka badan inay indhaha ka daawadaan oo kaliy in kuwa ugu dhaqaalaha/awoodda badan ay u kala tartamaan dano shakhsiyadeed iyadoo lagu jiro waqti dadka Soomaaliyeed ay heysato xaalad adag iyo amni darro. Dadka da’da yar, gaar ahaan, waxay rajeynayaan wax sidaas ka wanaagsan; waa mustaqbalkooda waxa khatarta ku sugan. Haddii lagu guuleysan waayo in siyaasadda lagu xiriiriyo horumar la taaban karo, la ixtiraami waayo xeerarka asaasiga ah oo dhamaan bulshada qaybeheeda, oo ay kamid yihiin haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tira badanyahay laga qayb-gelin waayo, ayaa taasi waxay keeni kartaa khatar sii fogeyn karta [dadkaas] iyo niyad wanaagga beesha caalamka oo sii yaraada, iyadoo Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsantahay beesha caalamka. Casharro ayaa laga baran karaa sanadka 2017ka, kuwo wanaagsan iyo kuwo xun intaba. Casharka ugu muhiimsan ayaa noqon kara marka ay wada-shaqeeyaan jilayaasha ugu awoodda badan, haddii ay noqon lahaayeen Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, xubnaha baarlamaanka, odayaal dhaqameedyada, ganacsatada iyo beesha caalamka, in la gaari karo horumar weyn. Haddii aanay wada shaqyn, in khatartu ballaarantahay. Waddada loo marayo dhismaha hay’ado la aaminsanyahay oo lala xisaabtami karo iyo dowlad dimoqoraadiyaddeedu saldhigatay ayaanan ahayn waddo sahlan. Karaamada [qabka] iyo dareenka madaxbanaani ee lagu yaqaan dadka Soomaaliyeed ayaa hubanti ka dhigaya in waddadaasi ay noqon doonto mid midabyo badan, qodaxyo badan, is-bedello iyo gad-gadoon yeelan doonta. Waa in colaadda aanay helin meel ay degto, waana in talinta sharcigu ay sare martaa. Haddii kale waxaa baaba’aya fursadaha lagu abaabulayo is-beheysiyada iyo niyad wanaagga si wax looga qabto caqabadaha na horyaalla – hawlaha bani’aadanimo, dhaqan-dhaqaale, kuwa la xiriira amniga, ama haddii ay ahaan lahaayeen dhismaha hay’ado la aaminsanyahay oo waxyaabo faa’iido leh u qaban kara dadka. Shakhsi ahaan, rajo wanaagsan ayaan ka qabaa arrimahaas, waxaana I dhiiri-geliyay waxyaabihii qabsoomay ee laga guul gaaray, anigoo ogsoon sida xaaladdu ay weli u tahay mid adag. Fadlan iga guddooma hambalyadeyda ugu wanaagsan ee sanadka cusub, waxaana idiin rajeynayaa nabad, barwaaqo, guul iyo midnimo ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso-:Qaramada oo soo saartay dhibaatooyinkii soo maray Soomaaliya 2017 appeared first on Caasimada Online.
-
Goobjoog News, oo bartamaha uga jirta qoraallada sanadkan, ayaa maanta waxaa ay akhristayaasha la wadaageysaa wax-qabadka iyo horumarrada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee January illaa December 2017. Bishii January, waxaa dhacay doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana markii ugu horreeysay uu dalku yeeshay Aqalka sare, kaas oo sanadkaan la dareemay jiritaankiisa, ka sokow dhismaha hay’adihiisa, aqalkaan waxaa uu qabtay sharciyo iyo xallinta khilaafaadyo jiray. Doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee February 8, xulista ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre , Magacaabista golaha wasiirrada iyo meel-marintooda waa horumarrada la gaaray sanadka. Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyrre waxaa ay xoogga saartay ka miro-dhalinta 10 arrimood oo kala ah: 1) Gurmadka Abaaraha; 2) Sugidda Amniga; 3) Caddaaladda, 4) Kobcinta Dhaqaalaha;, 5) La-dagaalanka Musuq-maasuqa;, 6) Qof iyo Cod 2021, 7) Dowlad-wanaagga;, 8) Adeegga Bulshada, 9) Dib-u-heshiisiinta; iyo 10) Xiriirka Caalamiga. Haddaba, Qodobbadaasi 10-ka ah oo sanado socon-doona, intooda badan waxaa laga sameeyay bilow fiican, innaga oo mid-mid u dul-istaagi-doonna. Gurmadyada: Dowladda Soomaaliya waxaa ay wax ka qabatay gurmadka abaaraha iyada oo la uruuriyay lacago badan, kuwaas oo isugu jiray deeq 6 Mliyan ah iyo lacago toos ahaa oo shacabka bixiyeen. Dhinaca kale waxaa gurmad loo sameeyay ciidamada xoogga dalka oo san-duuq gaar ah loo abuuray iyo gurmad kale oo loo sameeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe ee October 14. Sugidda Amniga: Dowladda Soomaaliya waxaa ay sidoo kale awood badan saartay amniga magaalada Muqdisho, waxaana May ay xukuumadda federaalka ah meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay in dowladda ay howlgelisay 1500 askari. May 11, 2017: Shirkii Soomaalida loogu qabtay London, waxaa la saxiixay National Security Architecture oo dhigaya in la sameeyo 18, 000 oo ciidanka xoogga dalka ah, 4 kun oo ciidamada gaarka ah ee danab iyo 32 kun oo Booliis ah. Bishii August ee sanadkan waxaa kale dowladda heshiis la galay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). December , Waxaa Muqdisho lagu qabtay shirka amniga iyo iskaashiga oo beesha caalamka iyo Soomaalida ay ku wada hadleen arrimaha la xiriira amniga, nabadda, siyaasadda iyo horumarka dalka iyo dadka. In kasta oo Mareykanka ay jareen saanaddii ay sii jireen ciidamada xoogga dalka hadana dowladda waxaa ay markii ugu horeysay sameysay qiimeyn ay ku ogaaneyso tirada saxda ciidamada oo lagu sheegay 26,000 askari, waxaa kale oo la ogaaday in 30% ciidanka aanu hub wadan, waxaa sidoo kale dib-u-habeyn lagu sameeyay guddiga qaran ee isku dhafka ciidamada, Turkiga waxaa uu saldhig military ka fureen Muqdisho iyada oo lagu tababaray dufcadii ugu horeysay, Imaaraadka ayaa tababaray askar kale, Cadaaladda: Sameynta guddi u kuur-gala xaaladda maxaabiista iyo xabsiga dhexe ee Muqdisho, si wax looga qabto cabashooyinka shacabka, natiijadana madaxweynaha waxa uu ku cafiyay 100 qof. Xiriirka Caalamiga: Ka soo hoynta guulo shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay London, guulahaas oo ay ka mid yihiin in Qorshaha Horumarinta Qaranka lagu saleeyo mashaariicda ay maal-galiyaan deeq-bixiyeyaasha; Ku guuleysashada in heshiisyo lala galo dhowr waddan oo ay ku dhibaateysan yihiin maxaabiis u badan dhallinyaro sida heshiis Hindiya lala galay, In ka badan 10 maxbuus oo ku Xirnaa jasiiradda Seychelles oo dalka lagu soo celiyay iyo Maxaabiis kale oo laga soo daayey dalka Itoobiya. June 6, 2017-kii, Dowladda federaalka ah ayaa go’aan ku gaartay in muranka Khaliijka ay dhex-dhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhex-dhexaadiyo, December 5, 2017: Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto horumarka Soomaaliya, Duulimaadkii ugu horreeyay oo toos ah oo ku tagay magaalada Nairobi March 29, 2017, waxaa sidoo kale lagu wadaa in bishan la soo wareejiyo maamulka hawada. Sacuudiga: Sacuudiga waxaa lagula heshiiyay in uu kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hay’adaha dowladda, dhismaha xarumo cusub oo ay hay’adaha Qaranku ku shaqeeyaan, garoon diyaaradeed oo cusub, dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo dib u hawlgelinta safaaraddooda Qatar: dalka Qatar dhankiisa waxaa uu ballan-qaaday 1-Dhismaha Waddada Muqdisho – Afgoye, 2-Dhismaha Waddada Muqdisho – Jowhar, 3- dayactirka Dhismaha Xarunta Xizbiga Oo Noqon Doonta Xarunta Xukuumadda ay Ku shaqeeyso Si Culeyska Looga Qaado Villa Soomaaliya, 4-Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta, 5-Machadka Diblomaasiyadda Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo lacag kale. Dib-u-heshiisiinta; Galmudug: Dowladda waxaa ay ku guuleysatay in ay soo afjarto xasaradda siyaasadeed ee Galmudug, sidoo kale Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah, waxay ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed. Dhaqaalaha: May 11, 2017: Shirkii Soomaalida loogu qabtay London, waxaa laga soo saaray heshiis cusub oo lagu badalay barnaamijkii New Deal-ka, qorshahan cusub oo loo bixiyay New Partnership(Heshiiska iskaashiga cusub) waxaa Soomaaliya lagu hagi doona sanadaha soo socda, Dowladda waxaa ay baarlamaanka hor-dhigtay hindise sharciyeedyo wax badan ka badali kara dhaqaalaha dalka kuwaas oo qaar la ansixiyay, kuwa kalana dhawaan la filayo waxaa ka mid ah Hindise sharciyeedka isgaarsiinta, Hindise Sharciyeedka Lagu dhisayo guddiga madaxabannaan ee la dagaalanka musuqa, Hindise Sharciyeedka golaha mihnadleyaasha caafimaadka qaranka, Hindise Sharciyeedka Waxbarashada, Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha, Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda, Hindise Sharciyeedka Istaatistikada Soomaaliya Golaha shacabka ayaa sidoo kale November 13 ansixiyay sharciga la dagaalanka Musuqa, waxaa kale oo jiray Joogteynta mushaaraadka iyo gunnoooyinka hay’adaha amniga iyo shaqaalaha rayidka ah. Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa qiimeysay waxqabadka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya iyadoo la raacayo Barnaamijka SMP oo ah kormeer ay sameeyeen shaqaalaheeda taas oo lagu tilmaamay mid lagu qanacsan yahay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda 2017ka. Dhanka dhaqaalaha, waxaa ka mid ah ansixinta miisaaniyaddii 2017, xisaab-xirrida miisaaniyadihii 2015/2016 iyo diyaarinta, soo gudbinta iyo meel-marinta golaha shacabka ee miisaaniyadda 2018 Doorashooyin: Inta aanan ka hadlin doorashada 2021-ka, waxaa sanadkan dalka ka dhacay dhawr doorasho oo si habsami leh u dhacay, waxaa ka mid ahaa: Doorashada Galmudug: Doorasho Ka dhacday Cadaado May 3, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Xaaf. Doorashada Hirshabeelle: Doorasho Jowhar ka dhacday Sep 16, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Maxamed Waare. Dhanka Doorashada Qof iyo Cod 2021-ka: waxaa la diyaariyey Qorshe hawleedka hiigsiga Qof iyo Cod 2021, waxaa kale oo si KMG ah shahaadooyin loo siiyay illaa 7 xisbi siyaasadeed Goobjoog News Source
-
Shir u dhexeeya Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Guddoomiyaasha Baarlaamanka Dowad Goboleedyada dalka ayaa goor dhow ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG K/Galbeed. Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah,ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta xiriir iyo wada-shaqeynta Baarlamanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka SONNA. Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeestay shirkaan oo uu ku tilmaamay”mid lagu burburinayo Nidaamka Federaalka,islamarkaana abuuraya khilaaf cusub”. Madaxweynihi hore Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya,Cabdiraxmaan SH Maxammed Maxamuud(Faroole) oo shir jaraa’id Axaddii ku qabtay magaalada Garoowe ayaa dhankiisa Guddom,mgudoomioujonka Golaha Shacabka ku eedeeyay”in uu faro-gelin ku hayo Dowlad Goboleedyada dalka”. Sidoo kale hay’adda UNDP oo la sheegay in ay maalin-gelinayso shirka ka furmaya magaalada baydhabo,ayaa faroole ku eedeeyay in ay ka qayb qaadanayso burburinta Nidaamka Federaalism-ka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Shir muran dhaliyay oo Maanta Baydhabo ka furmaya. appeared first on Puntland Post.
-
Hadal Qoraal ah oo ku aaddan Dhamaadka Sanadka oo uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keatin, waa uu u qornaa sidan: Dadka Soomaaliyeed waxaa heysta qaar kamid ah xaaladaha noloeed ee ugu adag adduunka. Malaayiin ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula qabsan lahaayeen cawaaqibkii ka dhashay abaarta. Amni darradu waa xaqiiqo nololeed oo heysata qof kasta. Sanadka 2017ka wuxuu soo maray xilliyo badan oo aad u khatar badan, oo ay kamid ahayd qarixii khasaaraha ba’an geystay ee 14kii Oktoobar kaas oo galaaftay nolosha dad aad u badan. Laakiin inkastoo ay jiraan caqabadahaas waaweyn, ayaa sanadka 2017ka wuxuu soo arkay oo uu soo maray horumar dhab ah. Arrimahaas waxay mudanyihiin in wax laga tilmaamo maadaama warar xun oo kaliya la maqlo kuwaas oo qabsaday tebinta warbaahinta isla markaana hoos u dhigaya sumcadda Soomaaliya. Sadankii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul, dowladda ayaa ku mahadsan dadaallada ay hormuudka u ahayd oo ay ka qaybqaateen ganacsatada, ururada bulshada iyo qurbajoogta. Deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ayaa si aan caadi ahayn u ahaa kuwo deeqsi ah. Hay’adaha gargaarka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah (NGO-yada) ayaa qabtay hawl qiimo badan oo [gargaar] lagu gaarsiinayo dadka u baahan, oo ay ku jiraan malaayiin barakacayaal cusub ah. Sanadka 2017ka waxaa si nabad ah loo wareejiyay awooddii/xilkii madaxweyne. Waxaa la asaasay Aqalka Sare, oo matalaya gobollada. 80 xubnood oo haween ah ayaa kuraas ka helay baarlamaanka, kuwaa oo isku darka tiradooda labada aqal ay noqonayso 24 boqolkiiba waana wax qiimo badan. Dowladda Federaalka ah ee cusub waxay billowday tiro is-bedello ah oo haddii la raaco/dhaqangeliyo sanadka soosocda, ballanqaadaya in inay hagaajiyaan nolosha dadka. Is-bedelladaas waxaa kamid ah heshiis ay la gaartay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo ku aaddan qaab-sameynta amniga qaran iyo qorshayaal dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka iyo booliska. Waxaa la ansixiyay hanaan loogu talo galay garsoorka iyo ciidanka asluubta. Waxaa lagu heshiiyay qorshaha horumarinta qaranka – waana kii ugu horreeyay muddo tobaneeyo sano ah. Dowladda Federaalka ah waxay qaadaysaa tallaabooyin ay dib ugu hagaajinayso canshuur ururinta iyo maareynta dhaqaale. Tallaabooyinkaas waxay dalka usii gogol xaarayaan tubtii uu u mari lahaa cafiska deymaha lagu leeyahay, amaahda la siiyo hay’adaha dowladda iyo waaxda/ganacsiga gaarka loo leeyahay oo kororta, iyo in lacag badan loo helo adeegyada asaasiga ah iyo kaabayaasha. Baarlamaanku aad ayuu u mashquulsanaa. Sharciyo badan ayaa la meel mariyay, sida Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ka marqaati kacaya wada-shaqayn heer sare ah oo ka dhexeysa ganacsiyada waaweyn iyo dowladda. Marka lagasoo tago dareenka siyaasadeed, sanadka 2017ka waxaa sii xoogeysanayay oo sii ballaaranayay wada-shaqaynta ka dhexeysa Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ha. Tani waxay gacan ka geysanaysaa in waddada loo furo qorshayaal lagu hirgelinayo dib-u-habaynta waaxda amniga, dib-u-eegista dastuurka federaalka ee kumeelgaarka ah, heshiisyada lagu wadaagayo kheyraadka iyo dakhliga, iyo qeexidda hanaanka doorasho oo nooqon doona mid dadka codeynaya tiradoodu aad u badnaan doonto sanadka 2020ka. Al Shabaab ayaa leh awood ay u adeegsato weeraro culus, oo badanaa ay khasaaro laxaad leh kasoo gaaraan dadka rayidka ah. Kooxdu waxay ka faa’iideysataa oo ay ku awoodeysataa, iyadoo waxyaabo kale ay jiri karaan, maqnaanshaha dowlad maxalli ah oo shaqaysa iyo colaadaha tirada badan ee ka jira dalka. Heshiiskii siyaasadeed ee dhowaan ay kala saxiixdeen Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo maamulka Galmudug ayaa ah horumar aad u wanaagsan, wuxuuna saadaal wanaagsan u yahay horumar laga gaaro dib-u-heshiisiin ka dhacda Gaalkacyo. Soomaaliya waxay sanadka 2017ka kusii naalooneysaa taageero caalami ah oo heerkeedu sarreeyo, sida uu ka marqaati kacay shirweynihii caalamiga ahaa ee ka dhacay London bishii May, laguna qabtay Muqdisho bisha Diseembar. Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM) waxay dowr muhiim ah, oo ay ku kacayso qiimo badan, ka cayaarayaan ilaalinta qaybo ballaaran oo kamid ah dalka waxayna jawi u abuurayaan dhismaha dowladda. Sidaas darteed, sanadka 2017ka siyaabo badan ayuu qiimo u lahaa. Laakiin ma jiro qof yareysan karo [ama dhayalsan karo] caqabadaha na hor yaalla, iyo arrimaha hallistooda leh ee sii socda ee dib u dhaca leh oo xattaa khalkhal ku noqon kara horumar dheeraad ah. Arrimahaas waxaa kamid ah musuqmaasuq baahsan, oo inta badan hareeya siyaasadda, iyo rabitaanka dadka ka dallaala awoodaha [siyaasadeed] oo ah inay colaad u adeegsadaan, ama colaad ugu hanjabaan dadka kasoo horjeeda. Waxaa kale oo arrimahaas kamid ah in la ixtiraami waayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka. Waxyaabahaas oo dhan waxay u danaynayaan oo ka faa’iideysanaya xagjiriinta. Dadka Soomaaliyeed waxay mudanyihiin wax ka badan inay indhaha ka daawadaan oo kaliy in kuwa ugu dhaqaalaha/awoodda badan ay u kala tartamaan dano shakhsiyadeed iyadoo lagu jiro waqti dadka Soomaaliyeed ay heysato xaalad adag iyo amni darro. Dadka da’da yar, gaar ahaan, waxay rajeynayaan wax sidaas ka wanaagsan; waa mustaqbalkooda waxa khatarta ku sugan. Haddii lagu guuleysan waayo in siyaasadda lagu xiriiriyo horumar la taaban karo, la ixtiraami waayo xeerarka asaasiga ah oo dhamaan bulshada qaybeheeda, oo ay kamid yihiin haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tira badanyahay laga qayb-gelin waayo, ayaa taasi waxay keeni kartaa khatar sii fogeyn karta [dadkaas] iyo niyad wanaagga beesha caalamka oo sii yaraada, iyadoo Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsantahay beesha caalamka. Casharro ayaa laga baran karaa sanadka 2017ka, kuwo wanaagsan iyo kuwo xun intaba. Casharka ugu muhiimsan ayaa noqon kara marka ay wada-shaqeeyaan jilayaasha ugu awoodda badan, haddii ay noqon lahaayeen Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, xubnaha baarlamaanka, odayaal dhaqameedyada, ganacsatada ama beesha caalamka, in la gaari karo horumar weyn. Haddii aanay wada shaqyn, in khatartu ballaarantahay. Waddada loo marayo dhismaha hay’ado la aaminsanyahay oo lala xisaabtami karo iyo dowlad dimoqoraadiyaddeedu saldhigatay ayaanan ahayn waddo sahlan. Karaamada [qabka] iyo dareenka madaxbanaani ee lagu yaqaan dadka Soomaaliyeed ayaa hubanti ka dhigaya in waddadaasi ay noqon doonto mid midabyo badan, qodaxyo badan, is-bedello iyo gad-gadoon yeelan doonta. Waa in colaadda aanay helin meel ay degto, waana in talinta sharcigu ay sare martaa. Haddii kale waxaa baaba’aya fursadaha lagu abaabulayo is-beheysiyada iyo niyad wanaagga si wax looga qabto caqabadaha na horyaalla – hawlaha bani’aadanimo, dhaqan-dhaqaale, kuwa la xiriira amniga, ama haddii ay ahaan lahaayeen dhismaha hay’ado la aaminsanyahay oo waxyaabo faa’iido leh u qaban kara dadka. Shakhsi ahaan, rajo wanaagsan ayaan ka qabaa arrimahaas, waxaana dhiiri-geliyay waxyaabihii qabsoomay ee laga guul gaaray, anigoo ogsoon sida xaaladdu ay weli u tahay mid adag. Fadlan iga guddooma hambalyadeyda ugu wanaagsan ee sanadka cusub, waxaana idiin rajeynayaa nabad, barwaaqo, guul iyo midnimo ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed. Source
-
Garowe (Puntlandi) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiin Camey ayaa beeniyay inay gacmo kale ku lug leeyihiin colaada ka taagan koonfurta gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen beelo walaalo ah oo horey colaadi udhex taalay. Eng, Camey ayaa dadka u sheegay colaadani inay tahay mid soo noq noqotay oo lamid ah kuwii horey u dhacay, wuxuuna cambaareeyay dadka warbaahinta ka sheegaya inay gacmo kale hurinayaan colaadaa ama ciidamo dowladda katirsan ay colaada ka qeyb qaateen.. “Colaadaan muddo dheer ayay soo jirtay, waxbana kaga duwana kuwii hore, balse, waana ceeb nagu ah in la yiraahdo qolo hebel ayaa ku jirta, maxaa yeelay dadka is dagaalaya waa dad wada dhashay oo isu dhow, mana aaminsani inay jirto cid raali ka ahayd in colaadani soo noqoto, balse waxaa dhacay waxay ahaayeen qorshe xumo aan la filayn,” ayuu yidhi Camey. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay isaga iyo madaxweyne Gaas inay arrintaan sidii ugu haboonayd ay u wajaheen islamarkaana aysan nasanin illaa iyo maalintii colaadaan bilaabatay, balse wuxuu dadka xasuusiyay qadarta ilaaheey qoray inaan cidina celin karin. Wuxuu ugu baaqay labada beelood ee inuu caqligu shaqeeyo oo nabada laga shaqeeyo islamarkaana odayaasha loo daayo inay xaliyaan colaadaan aafeysay degaanka. Halkaan ka dhegayso codka Camey. Camey sax by Abdiweli Sheikh
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ka shaqeyn doonto sida Saraakiisha da’da yar loogu dhiibi lahaa Hoggaanada iyo qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka. Farmaajo waxa uu sheegay in arrinkaas uu la wadaagi doono xitaa Taliyayaasha Ciidamada, si buu yiri loo tijaabiyo Saraakiisha da’da yar ee u hamuunqaba inay waxbadan ka bedelaan xaalada dalka. Farmaajo waxa uu tilmaamay inay doonayaan inay arkaan dhalinyarada ciidamada ah ee tababarada kusoo qaatay dalka dibadiisa oo hogaaminaaya Ciidamada dowlada. Waxa uu Madaxweyne Farmaajo cadeeyay inay ahmiyad gaara u leedahay in talada dalka ay u gacan gasho dhalinyarada isbedel doonka ah, halka ay ka qaban lahaayen dadka da’da ah. Jen/ C/wali Jaamac Gorod, oo ah Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, oo ka duulaaya haddalka Farmaajo ayaa isna shaaca ka qaaday in Saraakiil dhalinyaro lagu wareejin doono hoggaanada iyo qeybaha Ciidamada xoogga dalka. Jen Gorod ayaa tilmaamay inay dhaqan galin doonaan talada uu Madaxweyne Farmaajo soo jeediyay, waxa uuna cod dheer ku sheegay in la dareemi doono isbedelka, iyadoo la aqbalaayo hadalka Madaxweynaha. Haddalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Talisyada ciidamada ay xaqireen kaalinta dhalinyarada lagu soo tababaray dalka dibadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo amar ku bixiyay wax kabedelka hal arrin oo lagu liidaayo Saraakiisha da’da yar appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle uu ka dhaco kulanka Golaha baarlamaanka maamulka oo ka duwan kuwii hore. Kulanka oo xiisad gaara leh ayaa waxaa baarlamaanka lagu horgeyn doonaa Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Hirshabelle. Xildhibaanada ayaa kulanka codka kalsoonida ah kusiin doona Golaha Wasiirada oo dhawaanahaani magacaabidooda ay ka taagneyd dood. Maxamed Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa sheegay in saakay Golaha Wasiirada la horgayn doono Baarlamaanka. Waxa uu horgeynta ku sheegay in Golaha Wasiirada loogu raadinaayo codka kalsoonida, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale waxa uu Xildhibaanka rajo ka muujiyay in maanta la ansixin doono Golaha Wasiirada uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Waare. Xildhibaanada ayaa goor sii horeysay sheegay inaanay codkoodu siin doonin Golaha Wasiirada oo ay ku eedeeyen inaan lagu soo xulin cadaalad. Docda kale, kulamo gaar gaar ah ayaa Saaka ka socda Madaxtooyada HirShabelle kaa oo u dhexeeya Wasiirada cusub iyo Xildhibaanada maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kulamo ka socda magaalada Jowhar & Xildhibaanada HirShabelle oo go’aan ka gaaray Wasiirada cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada Baarlamanka Hirshabeelle ayaa Maanta lagu wadaa in ay ansixiyaan Golaha Cusub ee Wasiirada uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Maxammed cabdi Waare. Weriye ku sugan magaalada Jowhar ayaa PUNTLAND POST u sheegay in Xildhibaannadu ay Maaanta yeelanayan kulan aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo wasiirada,kadib markii la xalliyey khilaafkii ka dhashay magacaabistooda. Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Hirshabeelle ayaa horay u dhaliilay qaabka uu madaxweyne Waare u magacaabay Golaha Wasiirada Cusub,waxayna ku eedeeyeen in uusan raacin saami qaybsiga saxda ah ee dhammaan beelaha dega Hirshabeelle. Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxammed ayaa maalin ka hor xidhibaannada ku wargeliyay kulankaan aan caadiga ahayn,waxaana warar hoose sheegayan in xildhibaannada badankooda laga qanciyey dooddi ay ka qabeen magacaabista Golaha Wasiirada. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Cusub ee Hirshabeelle oo la filayo in Maanta la ansixiyo. appeared first on Puntland Post.
-
Guatemalan President Jimmy Morales announced in a Facebook post on Sunday that the Latin American country would be moving its embassy in Israel to Jerusalem. The announcement makes Guatemala the first country to follow the U.S. decision to move its embassy to Jerusalem. President Trump’s Dec. 6 announcement, that the U.S. would change decades of U.S. policy and recognize Jerusalem as Israel’s capital, was met with clashes between Palestinian protesters and Israeli security forces. Colin Dwyer and Scott Neuman reported for The Two-Way earlier this month: “Though Congress passed a law in 1995 ordering the U.S. Embassy to be moved to Jerusalem, successive presidents — including Trump, earlier this year — have issued a series of six-month waivers to forestall the move. “No other country has established its embassy in Jerusalem, which is sacred to Jews, Muslims and Christians. Its final status has been a central point of contention in peace talks for decades.” Trump didn’t set a timetable for moving the U.S. Embassy, and neither did Guatemala’s president. In his post on his official Facebook account Sunday, Morales said that after talks with Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, he decided to instruct Guatemala’s foreign ministry to move the embassy. The United Nations General Assembly has overwhelmingly rejected the Trump administration’s decision to recognize the disputed city of Jerusalem as Israel’s capital. By a 128-9 vote Thursday, the diplomats gathered in New York City ignored U.S. objections and approved a nonbinding resolution calling on countries to avoid moving their embassies to Jerusalem. Guatemala was one of seven countries to join the United States and Israel in voting against the resolution. No other country has their embassy for Israel in Jerusalem, but there are reports that the Czech Republic and Romania are said to be considering such a move. Source: – NPR The post Guatemala follows U.S. lead, will move its Israel embassy to Jerusalem appeared first on Caasimada Online.
-
LONDON — Refugee, strawberry-picker, economist, U.N. whistleblower and tech CEO: Ismail Ahmed has worn many hats on his long journey to running a firm with an annual turnover of $60 million. Along the rocky road to success, the cheerful 57-year-old has survived the ravages of war-torn Somalia and ostracization after calling out corrupt practices. He now employs hundreds of workers worldwide — a remarkable outcome for a man whose integrity once left him, in his own words, “not only unemployed, but unemployable.” Ahmed created a business that allows customers to transfer money from 50 countries to over 140 locations across the globe with the tap of a finger. As a British national who grew up in east Africa, he has been both a recipient and a sender of desperately needed cash and knows firsthand how critical such a service can be, especially at a time when anti-immigration sentiment is high in the United States, Europe and elsewhere. It was 2005, shortly after the U.N.’s Oil-For-Food scandal, and the international body promised that there would be zero tolerance for corruption and promised to strengthen protection for whistleblowers. He sent an anonymous complaint to the U.N. via email and officials from New York came to investigate his allegations. But he said it became clear they were intending to cover up the corruption, rather than investigate it. Ahmed began to formally document what he was witnessing, and put together a 1,000-page dossier that he submitted under the U.N.’s new whistleblowing guidelines. He was immediately relocated to Dubai, and that’s when the threats began. “One of my most senior bosses flew to Dubai and told me, ‘Look, you have a great CV, I know you are passionate about remittances, you’ve got a great future, family. Don’t do this stuff,’” Ahmed recalled. “He said, ‘If you proceed, you will never be able to work in remittances. You will lose your job.’ It was an incredible threat.” But Ahmed was undeterred. His contract was immediately terminated. By now it was 2008, at the height of the financial crisis, and he was the father of two young boys. “So that’s when I decided, the only way I could go back to remittances would be if I set up my own company.” The WorldRemit app seen on a smartphone. WorldRemit He returned to London and to school to get his MBA. After the U.N. didn’t take any action on his dossier, he went public and shared it with Reuters. The charges, and his allegations that he was terminated for making them, were finally escalated to the U.N.’s Ethics Committee. Almost exactly four years after his first anonymous complaint, sent from an internet café in Nairobi, Ahmed received a settlement from the U.N. for the retaliation he suffered as a result of exposing the corruption. Ahmed used the settlement money to start WorldRemit, a mobile-money transfer company, in September 2010. At one time, migrant workers had to visit a money transfer office, such as Western Union, wait in line and pay high fees to both send and collect money. Customers who register their bank information with WorldRemit can send money from anywhere, at any time, with just a few clicks and with lower fees. The fintech’s London base resembles a typical start-up. It has a sleek, colorfully carpeted open-plan workspace that takes up an entire floor of a skyscraper a few minutes’ walk from Parliament. It has approximately 390 employees worldwide, about 290 in London. There are some unique touches: Conference rooms are identified not by names but by currency symbols such as the dollar, pound and euro. One corner looks like a mini-United Nations. It’s the customer services department, where a diverse staff speaking dozens of languages field calls from across the world. Customers can send money to over 140 places on the planet, the most remote being Pacific islands including Samoa, Tongo, Fiji and Vanuatu. The business takes advantage of the explosion in smartphone usage in the developing world, which now allows for cheap and instant communication, as well as the growth of similar phone-based money transfer services such as M-Pesa in Kenya. “What is driving the remittance behavior has changed, largely because of the instant communications,” Ahmed said. “Back in my time, when we were recipients of remittances, we could not talk to relatives. But today, the Filipino nurse in London is talking to her mother virtually every day,” Ahmed said. “And so a lot of conversations end up with sharing some money.” Ahmed sees a direct correlation between the uptick in messaging apps and mobile phones and the frequency of transactions. Where it used to be a big deal to send money, now people send smaller amounts more frequently; his firm completed 750,000 transactions in October, more than double its monthly average for 2016. And in the old days, cash transfers allowed for anonymity and the opportunity for fraud, but the new digital methods create an audit trail showing exactly who sent money to whom. “One of the things we like in addition to the convenience and the lower cost, is that the digitization really helps us fight financial crime,” Ahmed said. “If a transaction becomes suspicious, there is a wealth of data that we can share with law enforcement agencies.” The company has raised about $200 million from major investors Accel Partners and Technology Crossover Ventures, early funders of companies like Facebook, Slack, Airbnb, and Netflix; last year, it made $60 million in revenue. Despite anti-immigration sentiment from President Donald Trump in the United States and across Europe, Ahmed believes there will always be a need for remittances. “Ever since Homo sapiens left North Africa 5,000 years ago, we’ve been on the move. We’d have all been extinct had we not migrated from Africa,” he said with a laugh. “So migration has become a fact of life, and I think it will continue. I don’t see that really changing.” Source: – NBC The post A former refugee is shaking up the $441B remittances industry appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed uu ka furmo shirka Guddoomiyayaasha Golaha BFS iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka. Shirkaan oo diirada lagu saari doono arrimo dhowr ah ayaa waxaa shir guddoomin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’. Mahad Cabdalla Cawad, oo ah Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay in shirka ka furmaayo magaalada Baydhabo lagu sii qorsheeyay shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho. Cawad waxa uu sheegay in dhinacyada xooga lagu saari doono ay kamid yihiin dajinta sharciyo ay kuwada shaqeynkaraan BFS iyo baarlamaanada kale ee maamul Goboleedyada. Sidoo kale, waxaa saaka aad loo adkeeyay amniga magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo wadooyinka ugu muhiimsan lagu arkaayo ciidamo farabadan oo baaraaya gaadiidka. Dhinaca kale, shirkan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo magaaladaasi ay ku yeeshaan Gudoomiyaha Golaha shacabka BFS iyo Gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamul goboleedyada ka jira dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Baydhabo oo marti galineysa Shirka Gudoomiyeyaasha baarlamaanada & Amaanka oo aad loo adkeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii la sheegay in weerar lama filaan ah ay ciidamada Al-shabaab kusoo qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen koontarool ku yaallay degmadaasi. Dagaalayahannada weerarka soo qaaday ayaa la sheegay iney wateen gaadiidka dadweynaha, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday. Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa dagaalkaasi ku dhintey, waxaana ku dhaawacmay Afar kale, sidey dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay daqiiqado kooban gacanta ku hayeen xaafado kamid ah degmada Afgooye. Xaaladda guud ee degmada Afgooye hadda waa mid deggan, waxayna ciidamada dowladda wadaan holwgallo. Dhanka kale, maamulka degmada Afgooye iyo kan gobolka Shabellaha Hoose weli kama aanay hadalka dagaalkaasi dhacay. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo falaago u adeega Mucaaradka dowlada Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa gabi ahaan gubay Hooyga Madaxweynaha waddankaasi Mr Joseph Kabila. Kooxdan ayaa dab qabadsiisay Hooyga Joseph Kabila xili uu ka maqnaa, waxaana lagu baraarugay isagoo dhinac dhan ka ololaaya kadib markii ay gaaren gaadiidka gurmadka. Kooxdan ayaa inta uu ololka socday toogasho ku dishay Ilaalada Hooyga joogay oo kamid ahaa Booliska, kuwaa oo meydkooda laga qaaday goobta. Hooyga Mr Joseph Kabila ee la gubay ayaa ku yaalla gobolka Waqooyiga Kive kaas oo dabku uu baabi’iyay gabi ahaanba. Sarkaal ka tirsan milateriga Koongo ayaa sheegay in koox maleeshiya ah ay isku dayayeen inay xadaan hantida taalay guriga balse markii ay ku adkaatay ay maciin bideen inay gubaan. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha waddankaasi Joseph Kabila ayaa wajahayay dibadbaxyo baahsan oo qaar ka mid ah ay ka dhacayeen gobolka Waqooyiga Kivu. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Hooy uu lahaa Madaxweyne caan ah oo Dab la qabadsiiyay & Ilaaladii joogtay oo la waxyeeleeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Shaaha Turkiga ayaa waxaa uu gooni la yahay dhadhan aad u fiican . iyada oo ay soo badanayeen dalxiisayaasha soo aadaya Turkiga waxaa kordhay dhoofinta caleenta shaaha ee Turkiga. Turkiga ayaa u dhoofiyey intii lagu guda jiray 11 bilood ee ugu horreeyay sanadkaan caleenta Shaaha 101 wadan oo daafaha dunida ah waxaana ka mida dowladahaasi Yurub,Sacuudiga iyo Ruushka. Dhoofinta celeenta Shaaha Turkiga waxaa uu ka helay lacag dhan $23.7 Million mudadii 11 bilood aheyd ee uu dhoofinayay , waxaa sidoo kale ay gaareysaa dirada caleenta ah uu dhoofiyey 4 kun oo Dan iyo 958 Kgrm oo shah ah. Dowladda Belgium ayaa kaalinta koowaad ku jirta dowladaha kala soo dega caleenta shaaha Turkiga waxayna ku bixisaa lacag dhan 8 million 391 kun oo doolar,Jarmalka waxaa uu ku jiraa kaalinta labaad dowladaha caleenta shaaha kala soo dega Turkiga waxaa uuna ku bixiyaa lacag dhan 6 million 350 kun oo doolar. Dhanka dowladaha Carabta Ciraaq waxay ku jirtay sanadkii tagay kaalinta 1-aad marka loo eego dowladaha Carbeed ee Turkiga kala soo dega caleenta shaaha,kaalinta 2-aad waxaa ku jira Sacuudiga Qatar waxay ku jirtaa kaalinta 5-aad. Caleenta shaaha ee Turkiga ayaa waxay gaartay dowlado lahaa wax-soo saar iyo dhaqamo gaar ah waxaana ka mida Shiinaha, Japan iyoSingapore . Sanadkii 2016 caleenta shaaha Turkiga waxaa uu u dhoofin jirat 86 wadan oo kaliya balse hadda waa ay korortay oo waxay gaartay 101 wadan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal qaraaran oo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalka oo qaraarnaa ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerar gaadma ah ku qaaden laba fariisimo oo ciidamada dowlada ku leeyihiin dhinaca Galbeed ee degmada. Dagaalka oo xalay dhacay ayaa waxaa leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in khasaaraha labada dhinac uu yahay mid gaarsiisan ilaa Siddeed ruux oo isugu jira labada qeyb, halka ay jiraan khasaarooyin kale oo soo gaaray dadka deegaanka. Inta uu dagaalka socday maleeshiyada ayaa wakhti kooban la wareegtay degmada, gaar ahaan goobihii ay weerarka ku qaaden waxaana mudadaasi degnaa Jawiga Degmada oo ahaa mid kala qariyay dadka. Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale lagu kala furtay Hub iyo Gaadiid, inkastoo aan la ogeyn heerka ay gaarsiisan yihiin. Sidoo kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah xarumaha maamulka, waxaana uu weerarkan noqonaya kiisii saddexaad bishan oo keliya ay ka gaysteen degmadaasi. Dhinaca kale, maamulka iyo Saraakiisha Degmada ayaan weli ka hadal khasaaraha ka dhashay dagaalka mudada gaaban socday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaal Hub iyo Gaadiid lagu kala furtay oo ka dhacay Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay wuxuu saldhig Booliis ka hirgeliyey deegaanka Bangeelle oo u dhaxeeya degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Mahad Xasan Axmed oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulka Galmudug, ayaa sheegay in saldhiggan uu muhiim yahay, islamarkaana ka qeybqaadan doono amniga deegaanka. Wuxuu tilmaamay wasiirka, in saldhiggan dhismahiisa ay kaalin ka qaateen qurbejoogta deegaanka iyo maamulkooda. Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ciidan Booliis ah ay geyn doonaan saldhiggaasi, kuwaa oo horey deegaanka loogu tabobaray. Dhanka kale, deegaanka Bangeelle waxaa laga hirgeliyey iskuul hoose iyo dhexe ah, si carruurta deegaanka ay waxbarasho helaan iyaga oo deegaankooda jooga. Goobjoog News Source
-
Popular Contributors