Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,648
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Singapore (Caasimada Online) – Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa noqday labadii madaxweyne ee ugu horreeyey ee Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi ee kulma, kadib sanad ay is-weydaarsanayeen hanjabaado. Labada madaxweyne ayaa maanta isku gacmo qaaday hotel ku yalla jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore, halkaasi oo ay wada-hadallo rasmi ah uga billowdeen. Waxay ka wada-hadlayaan in la qaboojiyo xiisadda iyo in Korea-da Waqooyi ay burburiso barnaamijkeeda hubka Nuclear-ka. Hoos ka daawo muuqaalka kullanka.
  2. Tehran(Caasimada Online) – Dowlada Iran ayaa mar kale ka hadashay howlgal ay ciidamadeeda gaarka ah ka sameeyen Somalia, kaa oo ay ku furteen kaluumeysato lagu haystay meel ka mid aheyd Koonfurta Somalia. Dowladu waxa ay mar kale sheegtay in howlgalkaasi uu ahaa mid qaatay asbuucyo, kadib markii ay ciidamada Khaaska ah ku jahwareeren goobta lagu hayay kaluumeysatada. Iran waxa ay sheegtay inay ku guuldaraysatay in howlgalkaasi ay kala qeybqaadato dowlada Somali, balse ay fasax u heleen keliya inay furtaan kaluumeysatadooda. Maxamed Alavi, oo ah Wasiirka Sirdoonka Iran oo arrintan mar kale wax laga weydiiyay ayaa ka sheekeyay qaabka lagu soo furtay Kaluumeysatadaasi oo u afduubnaa Burcad-baddeeda muddo 3 sanno ah. Waxa uu qiray in Dowlada Somalia ay kala hadleen howlgalka isla markaana fasax loo siiyay inay furtaan kaluumeysatada. ‘’Duulanka sirdoonkeena waxa uu ahaa mid ay dhaqdhaqaaqiisa la soctay dowlada Somalia oo aan wada xiriirnay waana ku guuleysanay’’ Maxamed Alavi, waxa uu sheegay in howlgalkaasi ay ka qeybqaaten Khubaro ka tirsan Sirdoonka Iran kuwaa oo bixiyay dhammaan Jihooyinka duulaanka lagu soo furtay Kaluumeysatada. Maxamed Alavi, oo u waramaayay Shabakadda Jamejamonline oo laga leeyahay Iran ayaa sheegay in hawlgalkaasi uu qaatay muddo dheer, isla markaana ay ciiddanka kacaanka Iiraan ee Qudus Force kaluumeysatada muddo ka baaraan degayeen Hawlgalkaasi oo ahaa mid aad u adag. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in howlgalkaasi uu ahaa mid khatar badan galiyay amniga khubarada waday howlgalka, hase ahaatee uu howlgalka kusoo dhamaaday si nabad ah. Dhinaca kale, waxa uu Wasiirku sheegay inay ka fiirsan doonaan kaluumeysato danbe oo kasoo jeeda Iran oo u socdaala xeebaha Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray qayb ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama iyo guud ahaan wadada Wadnaha ee muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka. Ciidan fara badan oo dowladda ka tirsan, ayaa lagu arkayaa wadooyinkaasi, kuwaasi oo gaadiidka iyo mootooyinka u diidaya inay halkaasi maraan, iyadoo dadka ay isweydiinayaan sababta wadada loo xiray. Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaan saakay isticmaali karin Isgoyska Banaadir ee Muqdisho. Ciidanka ayaa gaadiidleyda ku amraya in ay isticmaalaan waddooyinka kale balse ku wargalinaaya inaysan mari karaan wadadaan. Dadka reer Muqdisho oo isku diyaarinaya maalmaha Ciidul Fidriga ayaa la kulmaya dhibaatooyin kala duwan oo dhanka wadooyinka Magaalada ku aadan. Dadka Muqdisho ayaa u muuqda kuwa lagu cadaadinaayo ineysan farxada la qeybsan Gobolada kale ee dala, waxa uuna cadaadiska noqonayaa mid saran kaliya dadyowga Muqdisho. Dadka ayaa cagtooda maalaya maadama wax gaadiid ah aanu ka soo gudbi karin Isgoysyada aan soo sheegnay. Madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in si degdeg ah loo furo waddooyinka xiran oo shacabka loo daneeyo. Dhinaca kale, Amarka Madaxweynaha ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo aan dhaqan galin maadaama amarka ugu sareeya dalka uu leeyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Mr. Sacad Cali Shire ayaa dowlada Federalka Soomaaliya kaga mahadceliyay lacagtii ugu deeqeen si wax loogu qabto dadka ay dhibaatada ka soo gaartay duufaanii Sagar oo ku dhufatay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Somaliland. Waxa uu sheegay Mr Sacad in caawinaadan ay tahay midi ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiiso Somaliland tan iyo markii abaaro ba’an ay ku dhufteen, waxaana uu xusay in ay tahay kaalmo bini’aadanimo oo aan loo baahneyn in la siyaasadeeyo. Waxa uu sheegay wasiirka Arimaha dibadda Somaliland in lacagta lagu wareejinayo gudigga masiibooyinka si ay u gaarsiiyaan dadka duufaanado saameeyeen. Wasiirka ayaa ugu dambeyntii xusay in ay soo dhaweynayaan deeq walbo oo la gaarsiinayo dadka ku nool Awdal , Sahil, Selel, iyo Sana goo duufaanta Sagar khasaaro kala duwan ka soo gaartay, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay u direen 900,000 oo doller bishii October 2011-dii xiligaa oo abaaro xoogan ay ku dhufteen deegaanada koofureed ee Soomaaliya. Lacagtan ayaa waxaa horey uga carrooday maamulka Puntland oo sheegay in madaxweynaha Somaliland Muusi Biixi uu ku iibsan doono hub uu kusoo weeraro Puntalnd. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) E-mail: Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: Somalilandsun
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka mid ah masuuliyiinta iyo hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay lacagta ay dawladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay duufaanadu waxyeeleeyeen ee Somalialnd. Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Farmaajo isaga oo dagaalkan inuu dhinac yahay lagu eedaynayo ayuu Somaliland u soo diray lacag isagoo oo aan la hadlin, Hiiran iyo Gobol kale oo Somaliya ah ayaa iyana lacagtan oo kale la siiyey, lacagta la bixiyey Farmaajo daacad kamay ahayn, ee qorshihiisa ayaa ahaa in Gobolada Waqooyi Galbeed iyo Hiiran lacag la siiyo, lacagtaasna waa la siiyey, Somaliland, waxa se nasiib daro ah in Wasiir Sacad Cali Shire, inuu caadi ka dhigo lacagtan la inagu khaldayo, waxaana qabnaa waliba in lacagtan shuruudo lagu xidhaayo, halkan million ee la ina siiyey wuxuu ahaa cad quudhsi, cadka quudhsiina lama qaato, ee inaynu iska dayno ayey ahayd”. Siyaasi Daamur ayaa mar uu ka hadlaayey Kootada ayaa yidhi “Anagu Xisbi ahaan Kootada waanu ogol nahay, horena waanu u soo jeedinayey, ee Bilshada la takooray, ee Siyaasada lagu takooray,l ee dhaqanka lagu takooray, ee deegaanka lagu takooray, ee mar haddii la yidhi Siyaasadii takoorka waa laga saaraya, waxay ahayd in loo kordhiyo, laakiin saddex xubnood oo kaliya, Beesha Gabooyena waa Beel balaadhan, ee xubnahaas la siiyey maaha wax u qalma, ee waa in looga kordhiyaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Micheal Keating, ayaa sheegay inay dhibeyso colaada u dhexeysa Somaliland iyo Puntland. Keating, waxa uu tilmaamay in QM ay weli ku guda jirto xal u raadinta colaada labada dhan ee kataagan deeganka Tukaraq ee Gobolka Sool. Keating, waxa uu sheegay in labada maamul ay kala hadleen dagaalka, hase ahaatee aanu weli hirgalin dadaalka labada dhinac ciidamadooda looga saari lahaa Tukaraq. ‘’Dadaalkeenu wuu socdaa waxaa jira isfahano yaryar oo aan xalkeeda ku guda jirno si looga gudbo dagaalka dhiiga ku daatay ee ka socda Tukaraq’’ Waxa uu Keating intaa raaciyay ‘’Walwal ayan ka qabaa xiisada Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq, waanan ka wada xaajoonay, waxaanu waliba ka wada hadalnay xasiloonida guud gaar ahaana Puntland hadana ma muuqdo xalka dagaalka,” QM ayuu sheegay in labada dhinac ay ku qancineyso xaqiiqda dagaalka iyo dhibta ka dhalankarta haddii uu sii socdo, waxa uuna cadeeyay in labada maamul ay ballanqaadyo aan sal laheyn u sameeyen QM. Sidoo kale, Keating ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay qaado talaabo saldhig u noqonkarta xasiloonida Sool, maadaama ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhiiga qubanaaya. Haddalka Keating, ayaa u muuqanaaya mid raja beel ku ah xalinta colaada deegaanka Tukaraq, waxaana laga dheehankaraa in QM ay ku dhex wareersan tahay dagaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Bismilaah, Ayaamahaan danbe waxaa ay Soomaalidu isla dhex maraysay warar kusaabsan ciidamada bada ee ay Ethiopia sheegatay inay dhisayso iyadoo ay walaac aad ahna ka muujiyeen inay Ethiopia kabaha u illanayso badaha Soomaaliya. Hadaba qormadaydaan yar waxay daarantahay arintaasi. Ciidamada bada ee Ethiopia waxaa la asaasay 1955 waana la oranjiray emperial navy of ethiopia tani waxay ka danbaysay kadib markii ay qaramada midoobay go,aansatay in Eritrea lagu daro Ethiopia 1950. waxaa xarun looga dhigay saldhiga ciidamada bada ee Haile Selassie I Naval Base oo ku yaalay magaalada musawac. ciidamadaas waxaana la baabiyey 1996 kadib markii ay Eritrea ka xorowaday Ethiopia sanadkii 1991. wixii intaas ka danbeeyey Ethiopia ma aysan lahayn ciidamo badeed laakiin Itoobiya waxay yagleeshay macadka tababarka culuumta bada oo ku yaal Magaalada Bahir-dar aagga harada Taana, sanadkii wuxuu soo saaraa 500 oo injineer waxaana la rajayanaa in laga dhigo 1,000 engineer sanadkiiba. Hadaba si aan wax uga ogaano sababaha ay soomaalidu uga walaacsanyihiin hadalkii Dr.Abiy axmed-ka Ethiopia ee ahaa waxaan dhisaynaa ciidamo badeed oo ay Ethiopia yeelanayso waxaa muhiima inaad lasocto qodobadan; Ethiopia waxay heshiis horumarina lagashay dalka Sudan si ay u horumariso dekada port sudan waxayna labada wadan isku raaceen in ethiopia saami ku yeelato dekada sudan port. Kenya iyo Ethiopia waxay ku heshiiyeen dekada lamu port in ethiopia lagu wareejiyo si ay u dhisato una maalgashato waxna ugala soo dagto. Djibouti waxay kala saxiixdeen heshiis aad u mugwayn oo ku salaysan isticmaalka dakada jabouti saamina ay ku yeelato Ethiopia iyo wax is dhaafsi korantada ethiopia dhismaha pipline-ka qaadidoona shidaalka laga soo saaridoobo gobolka somalia ethiopia, hormarinta secrtor-ka beeraha ee jabuuti iwm. Somaliland ,Ethiopia iyo UAE ayaa iyana heshiis wada galay kusaabsan dekada Berbera inkasta oo dawladda somaliyeed gaashaanka u daruurtay arrintaas kuna tilmaantay sharci darro iyo waxba kama jiraan. sida aanu wada ognahay Ethiopia waxay leedahay haro aad u wayn( Tana) iyo wabiyaal fara badan. Hadaba markaynu intaas ogaanay waa maxay sababaha wadan aan bad lahayn ku kalifa inuu ciidan badeed samaysto?? Intaanan sua’ashaas ka jawaabin bal aan eegno wadamo badan oo addunka ah oo aan bad lahayn ama bad leh laakiin badaasi aysan ku xirin marin caalami ama badawayn;wadama caynkaasa waxaa loo ixtimaalaa inaysan bad lahayn oo ay yihiin “landlocked” sida azerbijan, kazekhistan turkminstan, mangolia, laos, Rwanda, uganda paraguay iyo qaar kaloo badan. Hadaba markaan u nimaadno sababaha keena in wadaan aan bad lahayn ama leh laakiin aysan badiisu kudarsamin badwayn waxaan ka tilmaami karnaa dhawr qodob; In jidadka wadaansi ay yihiin kuwo aan wanaagsanayn isla markaasna isticmaalka haro ama wabi ay tahay sida ugu sahlan ee ciidamada dhaqdhaqaaqooda fududayn karta. In webi ama Haro ay ku taal xuduudka wadankaasi la leeyahay jaarkiisa In muran uu jiro muran ama khilaaf ku saabsan lahaanshaha haro webi ama sida looga faaiidaysanayo marka aad eegto sababahaas iyo kuwa kale oo kusaabsan dekadaha ay Ethiopia saamiga ku yeelatay ee bariga Afrika oo aan laga maarmayn inay ciidan iyo calafba gayso halkaas waxaa kuusoo baxaya in tuhunka aadka u wayn ee soomalidu muujinayso aanu meesha ku jirin ee ay tahay duruuf ay Ethiopia ku khasbanaatay si ay horumar dhaqaale u gaarato. Ummada Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan inay wadanka iyagu leeyihiin go,aankiisana leeyihiin cid aan dawalada soomaliyeed ogolaansho kahaysana xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ahi qabanayaan oo aan cid qabsan kartaa dhulka iyo badda soomaaliyeed jirin. W/Q: Abweli Yusuf Alidhoof Gmail: Abdiyusef001@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa walaac ka muujiyay go’aanka Mareykanka ee ah inuu dhimayo Ciidamada ka jooga dalka, xilli Al-Shabaab ay kordhisay weerarada. Taliyaha Ciidanka Uganda ee Soomaaliya, ahna taliyaha joogtada ah ee AMISOM, Paul Lokech, ayaa ka digay in Mareykanka uu Ciidamadiisa la baxo, isagoo xusay in dhabar-jab ku noqon doonto howlgalka hadii hal dhinac uu faarujiyo kaalintiisa. Taliyaha ayaa tilmaamay in dhamaan dalalka hadda qeybta ka ah howlgalka ay yihiin kuwa door fir-fircoon ku leh dadaalabada nabadda soo celinta xasiloonida Soomaaliya, islamarkaana hadii mid kamid ah uu baxo aanan la helayn cid buuxisa. “[Dal] walba oo howlgalka qeyb ka ah, wuxuu leeyahay door muhiim ah. Hadii [Dal] uu faarujiyo booskiisa, lama helayo cid buuxisa booskaas,” ayuu Paul Lokech, usheegay Wargeys kasoo baxa Mareykanka. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] oo dalka yimid sanadkii 2007-dii, ayaa wajahaya dhaleeceyn xoog leh, oo ku saabsan inaysan gaarin yoolkii iyo hadafkii dalka loo keenay ee ahaa in Al-Shabaab dalka laga xureeyo. Tirada Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay 22,000 oo Askari ayaa waxaa la qorsheynayaa inay dalka ka baxaan 2020-ka, iyagoo mas’uuliyadda amaanka goobaha ay hadda gacanta ku hayaan ku wareejinaya Ciidamada Soomaaliya. Deeq-bixiyaha ugu badan ee lacagta siiya AMISOM waa Midowga Yurub, oo hadda wada dib u eegis uu ku sameynayo taageerada uu siiyo howlgalka lamana saadaalin doono go’aanka ay qaadan doonan. Xigasho: Garowe Online
  9. Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer howleed ku tegay wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta si uu ugu kuur galo habsami u socodka howlaha ballaaran ee wasaaraduhu u hayaan Qaranka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ku hor-maray Xarunta wasaaradda maaliyadda waxuuna kula kulmay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dhanka maaliyadda laga gaaray iyo meesha ay marayaan arimah Cafinta Deymaha oo maraya jiro wajigii ugu danbeeyay (SMP3). Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa kadib booqday wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen wasiirka wasaaradda, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha. R’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo indha-indheeyay Raadiyow Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), waxuuna warbixinno ka dhageystay agaasimayaasha raadiyaha iyo TV-ga oo uga warbixiyay sida howluhu u socdaan, intaas kadib Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka warfaafinta ayaa qaatay kulan gaar ah oo wasiirku uga warbixinayay wixii u qabsoomay tan iyo markii uu dhawaan la wareegay wasaaradda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirada faray in ay laba jibbaaraan dadaallada si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah Soomaaliya oo mar labaad cagaheeda isku taagto, looguna gudbo horumar iyo barwaaqo. R’iisul Wasaaraha ayaa sidaas oo kale kormeer ku tegay xarunta Gobalka Banaadir, isaga oo kulan la qaatay gudoomiyaha, kuxigeennadiisa iyo Xog-hayaha guud, oo uga warbixiyay horumaradii ugu danbeeyay ee gobalku ku tillaabsaday. Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogteyna ee R’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasiirradda xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, si mar waliba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha u yaalla. Puntland Post The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta appeared first on Puntland Post.
  10. Ganacsato u dhashay deegaanada Somaliland oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe Caasimadda Dowladda Puntland ayaa ka jawaabay hadal todobaadkii horre kasoo yeeray Faysal Cali Waraabe oo ah masuul ka tirsan maamulka Somaliland ka dib markii la sheegay inuu u hanjabay Ardey kasoo jeeda deegaanada Puntland oo wax ka barta Jaamacadda Boorame. Ganacsatada reer Somaliland ayaa ugu baaqay shacabkooda inay ka dhiidhiyaan hadalkii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo ay ku eedeeyeen shaqsi doonaya inuu fidmo ka dhex abuuro ummadda Soomaaliyeed. Waxay ka marag kaceen ganacsataddu dadka u dhashay Somaliland oo Garoowe u yimaada qaadashada Baasaboorka Soomaaliga in loogu adeego si meeqaam sarre leh oo aan loogu shaqeyn muwaadiniinta u dhashay Puntland. Sidoo kale waxay intaas ku dareen in shacabka reer Hargeysa ka marag kacayaan Gobolladda ugu badan oo lacag uga timaado inay yihiin Gobolladda Puntland oo uu sheegay inay ku xiran yihiin badeecadda lagu iibiyo suuqyadda ku yaala magaalooyinka Hargeysa,Berbera iyo Wajaale. Daawo Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Ganacsato u dhashay Somaliland oo saxaafadda kula hadlay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adda Global Law and Order Index, ayaa soo saartay warbixin sanadeedka lagu tartan siiyo dalalka ugu amaanka xun dunida. Hay’adda Global Law and Order Index, ayaa warbixinteeda ku qiimeysay xaaladaha wadamada ay ka jirto amni darada baahsan sida dilalka, Qaraxyada iyo kiisaska muujinaaya amni darada. Warbixinta ayaa waxaa lagu eegay dhinacyada amaanka iyo xasiloonida guud dalalka ay tusaalaha usoo qaadatay Hay’adda. Warbixinta ayaa qireysa in dalalka 10-ka ah cel-celis ahaan maalintiiba ay ka dhacaan dilal loo fuliyey si argagax leh iyo weerarro geysta khasaare dhisamasho oo baaxad leh. Liiska ay soo saartay Hay’adda ayaa waxaa lagu soo qaatay 10ka dal ee adduunka ugu amniga daran waxa ayna kala yihiin:- 1- Sierra-Leone 2-Botswana 3-Dominican Republic 4-Mexoco 5-South Africa 6-Liberia 7-Gabon 8-South Sudan 9-Afghanistan 10-Venezuela. Dalka Somalia oo ku dhawaad 30 sannadood ku jirtay xaalado degnaasho la’aan ayaa hadda u muuqata mid uga xuub siibaneysa si tartiib-tartiib ah, sida ay aamisan tahay hey’adda Globol Law and Order Index. Geesta kale, Somalia oo kaalinta koowaad ilaa kaalinta shanaad kaga jirtay wadamada ugu amniga xun ayaa waxaa iminka u suuragashay in sanadkaan ay ka baxdo 10ka dal ee ugu amniga xun. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said it has enhanced security operations in the restive Somali capital and its environs to flush out al-Shabab militants as the holy month of Ramadan ends later this week. Source: Hiiraan Online
  13. The prospect of the 2022 World Cup in Qatar growing to 48 teams faded Sunday after a discussion of the thorny issue was pulled from the agenda for FIFA’s annual congress. Plans for a feasibility study were put on hold after Qatar World Cup head Hassan Al-Thawadi addressed the ruling council of world football’s governing body and FIFA President Gianni Infantino said agreement from the Gulf nation is a “precondition.” Having previously said he was keen on an adding 16 teams, Infantino is now casting doubt on the possibility of further disrupting preparations for the Qatar tournament. The FIFA Congress, which features up to 211 football federations, will now have no say in the number of teams at the tournament in Qatar. Infantino said there would be no change in the number of finalists once qualifying begins, which is likely in early 2019. “The final decision is that the council will decide,” Infantino said after Sunday’s council meeting in Moscow. “But obviously it cannot decide this without the agreement with the hosts of Qatar. That’s a precondition obviously.” Qatar is building eight stadiums to host the Middle East’s first World Cup and 12-14 venues would be required to accommodate 48 teams. That would only realistically be possible if Qatar shared hosting duties, which is problematic because its Middle East neighbors severed ties with Qatar in a diplomatic dispute last year and because it would be a significant change from the plans FIFA voters agreed to in 2010. The Qatar World Cup schedule has already been changed, with the tournament moved from its usual June-July slot to November-December due to the fierce summer heat. FIFA is already committed to a 48-team World Cup in 2026 and the South American confederation of 10 nations formally asked Infantino in April to fast-track the expansion. Infantino has toned down his initial enthusiasm over the concept, with little sign of support away from CONMEBOL. “It’s really premature to discuss about any of the details about it,” Infantino said. “The FIFA administration will discuss with the hosts and then we will see. For the moment what there is, is a World Cup with 32 teams being played.” Regardless of the number of teams playing in Qatar, the way all 211 men’s national sides are seeded in qualifying is being reconfigured. A new formula that rewards teams for playing more games was approved Sunday, and it takes effect in July ranking after the World Cup in Russia. The current system in place since 1993 lets teams boost their status by avoiding friendly games. Now, teams will gain or lose points from their existing points total with each result. Even more weight will be given to competitive games over friendlies. “The new formula (is) more intuitive and accurate, eliminating the potential for ranking manipulation,” FIFA said. Germany is the top-ranked team when the World Cup kicks off Thursday in Moscow. Before the tournament starts, FIFA will be deciding the host of the 2026 World Cup. The council rubber-stamped the participation of Morocco and the joint United States-Canada-Mexico bid in the ballot on Wednesday. The North America bid has the edge after scoring 4 overall on a 0-to-5 scale in the FIFA inspection panel’s reports. Morocco scored 2.7, with three parts of the proposals labeled “high risk” — notably the lack of stadiums and hotels. It is likely only 206 football federations will vote after Kosovo officials told FIFA they will not attend the election meeting after the sudden death of federation president Fadil Vokkri, a former Yugoslavia international, at age 57. Ghana has kept its right to vote, despite risking a FIFA suspension for government interference in how the national football body is run. Football in Ghana is in turmoil after a television documentary this week broadcast footage of officials taking cash payments from undercover reporters posing as businessmen. Source: – AP
  14. A private rescue ship carrying 629 migrants remained Sunday evening on a northward course in the Mediterranean Sea after more than a day of not receiving permission to dock in either Italy or the small island nation of Malta. Aid group SOS Mediterranee said the passengers on its ship, the Aquarius, included 400 people who were picked up by the Italian navy, the country’s coast guard and private cargo ships and transferred. The rescue ship’s crew itself pulled 229 migrants from the water or from traffickers’ unseaworthy boats Saturday night, including 123 unaccompanied minors and seven pregnant women. The Aquarius and its passengers were caught up in a crackdown swiftly implemented by the right-wing partner in Italy’s new populist government, which has vowed to stop the country from becoming the `’refugee camp of Europe.” “Starting today, Italy, too, begins to say NO to the trafficking of human beings, NO to the business of clandestine immigration,” Interior Minister Matteo Salvini, leader of the anti-migrant League party, tweeted Sunday. Salvini and Italian Transportation Minister Danilo Toninelli, who is part of the 5-Star Movement faction in the new government, said in a joint statement Sunday that it was Malta’s responsibility to “open its ports for the hundreds of the rescued on the NGO ship Aquarius.” “The island can’t continue to turn the other way,” the ministers said. “The Mediterranean is the sea of all the countries that face it, and it [Malta] can’t imagine that Italy will continue to face this giant phenomenon in solitude.” The Maltese government, however, was not moved. It said in a statement that the Aquarius took on the passengers in waters controlled by Libya and where Italian authorities in Rome coordinate search-and-rescue operations. The Maltese Rescue Coordination Center “is neither the competent nor the coordinating authority,” the statement said. SOS Mediterranee spokeswoman Mathilde Auvillain told The Associated Press the ship was `’heading north following instructions received after the rescues and transfers” Saturday night. The Rome-based rescue coordination center gave the instructions. The aid group said in a statement it had taken “good note” of Salvini’s stance, as reported earlier by Italian media. It added that the Aquarius “is still waiting for definitive instructions regarding the port of safety.” SOS Mediterranee said Maltese search-and-rescue authorities were contacted by their Italian counterparts “to find the best solution for the well-being and safety” of the people on the ship. Other migrant boats Farther west in the Mediterranean, Spain’s maritime rescue service saved 334 migrants and recovered four bodies from boats it intercepted trying to reach Europe over the weekend. The rescue service said its patrol craft reached nine different boats carrying migrants that had left from Africa on Saturday and early Sunday. One boat found Sunday was carrying four bodies along with 49 migrants. The cause of death was yet to be determined. To the east, Libya’s coast guard intercepted 152 migrants, including women and children, from two boats stopped in the Mediterranean off the coast of the western Zuwara district Saturday. The migrants were taken to a naval base in Tripoli. Human rights groups oppose returning rescued migrants to Libya, where many are held in inhumane conditions, poorly fed and often forced to do slave labor. Libya was plunged into chaos following a 2011 uprising. The lawlessness in Libya has made it a popular place for migrants to try to depart for Europe. Driven by violent conflicts and extreme poverty, hundreds of thousands of migrants have reached southern Europe in recent years by crossing the Mediterranean in smugglers’ boats that often are unseaworthy. The United Nations says at least 785 migrants have died crossing the sea this year. Source: – VOA
  15. Waxay yiraahdaan ‘hal sawir kun erey ka wax sheeg badan’, taas oo loola jeedo in hal sawir uu ka muhiimsanyahay, kana gudbin ogyahay fariintii lagu gudbin lahaa kun erey. Sawirrada noocan ah waa kuwa dhif iyo naadir ah, mana ahan kuwa ay u suurtogasho in ay qaadaan sawir qaadayaasha inta badan. Sidaas awgeed boqolaalkii sawir qaade ee ku sugnaa xarunta shirarka Canada ee dalalka G7 ma aysan u suurtogalin in ay qaadaan sawir kan la mid ah, marka laga reebo midkood oo gudaha u galay qolkii ay ku shirayeen hoggaamiyeyaasha, uuna ka socday gorgortankii adkaa. Xaalado aan caadi ahayn ayaa laga filayay shirka hoggaamiyeyaasha 7da dal ee xagga warshadaha ugu horumarsan ee Canada ka socday, balse waxaa xaaladaas si dhab ah u muujiyay sawir lagu soo daabacay bogga Instagram-ka ee hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel. Dadka sawirka ka muuqda waxa ay kala yihiin kuwa soo socda. 1. Donald Trump, Madaxweynaha Maraykanka Sawirka waxaa ka muuqda Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka oo fadhiya, isaga oo gacmaha is dulsaartay, gafuurkana taagaya, waxaana sawirka laga dheehan karaa in uu wax badan diidanyahay, inta kale ee dul taagana ay isaga isku dayayaan in ay qanciyaan. Trump ayaa ka naxsaday dalalka ay xulufada ugu dhow ahaayeen sida EU, Mexico iyo Canada kadib markii uu canshuur boqolkiiba 25% kusoo rogay birta iyo 10% oo canshuur ah kusoo rogay naxaasta loo dhoofiyo Maraykanka, dalalkana ay dhoofiyaan. Dalalkan dhammaadtood waxa ay ku hanjabayaan in ay qaadi doonaan talaabo aargudasho ah. Trump ayaa shirka ka baxay ka hor hoggaamiyeyaasha kale, isaga oo ka cawday in Ameerika la dhacayo. Kadib Ra’isulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayuu ku tilmaamay nin “Qiyaanoole ah, islamarkaasna daciif ah”, taasna waxa ay dhacday kadib markii Trudeau uu ka hor yimid go’aanka Trump. 2. John Bolton, La taliyaha amniga Maraykanka Ninkan muddo 3 bilood oo kaliya ayuu la shaqeeyaa Trump, balse saamayntiisa durba waa ay muuqataa. Mid ka mid ah waxyaabaha Trump uu ku salaynayo doodda canshuurta uu kordhiyay ayaa ah ‘Amniga Qaranka’, fikirkaas oo ah mid kasoo fuley John Bolton. Waa nin lagu tilmaamo in uu yahay mid mayal adag, inta badana Trump siiya tallooyin ku saabsan go’aanada la yaabka leh ee uu qaato. 3. Kazuyuki Yamazaki, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Japan Waxaa la dalacsiiyay bishii July, 2017-kii, waxa uu dhawaan wafti heersare ah u horkacay dalka Pakistan, wuxuuna qeyb ka ahaa wadahadalo dhexmaray Japan, Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed oo ku saabsan heshiis ganacsiga xorta ah. 4. Shinzo Abe, Ra’isulwasaaraha Japan Waxa uu gudaha dalkiisa kala kulmay caddaadis badan oo ku saabsan in uu qaado tallaabooyin aargudasho ah oo ka dhan ah go’aanka Maraykanka. Waxa uu aad isugu dayay in uu xiriir wanaagsan la yeesho Trump, illaa iyo 10 jeerna waa ay kulmeen labada nin tan iyo intii Trump loo doortay Aqalka Cad. 5. Yasutoshi Nishimura, Ku xigeenka xoghayaha golaha wasiirada Japan Waa xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee Japan, wuxuuna mar ka shaqeeyay wasaaradda ganacsiga caalamiga ah iyo warshadaha. 6. Angela Merkel, hoggaamiyaha Jarmalka Waxa ay hormuud u ahayd wadahadalada, sida sawirka ka muuqata waa iyada qofka hadlaya ee la wada dhagaysanayo, una muuqda in Trump ay ku qancinayso wax uu isagu diidanyahay. Mar wax laga weeydiiyay xiriirka ay kala dhaxeeya Trump ayay sheegtay in ay jiraan waxyaabo ay isku fahmi waayaan mararka qaar, balse ay markasta dhankeeda u furantahay wadahadalo. 7. Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska Trump ayay Twitterka isku weeydaarsadeen hadalo kulkulul saacado ka hor shirka, taas oo keentay in saaxiibtinimadoodii bullaalaysay ay hadda wiiqantay. Balse waxaa dib laga arkay in ay isku wanaagsanyihiin labada nin. Markii uu Trump weeraray Ra’isulwasaaraha Canada, Macron waxa uu sheegay in inkaashiga caalamiga ah aanan lagu maareyn karin carro lala burqado iyo hadalo la iska dhoho. 8. Theresa May, Ra’isulwasaaraha UK Mar ay taleefoon kula hadashay Trump todobaadkii hore, waxa ay u sheegtay in canshuuraha dheeraadka ah ay yihiin kuwa aanan marmarsiimo lagayn, islamarkaasna laga murgo. Balse markii ay shirka tagtay, hadalkeeda waxa uu ahaa mid ay ka muuqato waanwaan, iyada oo hoggaamiyeyaasha ka codsatay in ay ka fogaadaan dagaal ganacsi. 9. Larry Kudlow, agaasimaha guddiga qaran ee maaliyadda Maraykanka Waa mid kale oo ka mid ah la taliyeyaasha sare ee Trump, wuxuuna aad u difaacay go’aanka madaxweynaha ee canshuuraha dheeraadka ah. Shirka kadib waxa uu CNN u sheegay in madaxweynaha iyo kooxdiisa ay shirka ku tageen niyad saafi ah, balse Trudeau uu “dhabarka mindi ka galiyay”. Xagal Kale Madaxweynaha Faransiiska ayaa isna faafiyay sawir uu ka qaaday isla kulankaas, balse waxa uu ka qaaday xagal kale, wuxuuna sawirka muujiyay sida loogu xoonsanaa meesha. Sawir kale oo uu qaaday sawir qaadaha rasmiga ah ee Mr Trudeau Adam Scotti ayaa muujinaya xaalad la wada faraxsanyahay, iyada oo ay wada qoslayaan Mrs Merkel , Mr Trump iyo Mr Trudeau. Lama oga waxa ay ku wada qoslayeen, balse waa wax iska caadi ah in ay hoggaamiyeyaasha adduunka wada kaftamaan. Sawirka Merkel ayaa baraha bulshada ka dhaliyay maad iyo ximaar, iyada oo dadka qaarkood ay kaligood fasiranayeen waxa meesha ka socda. ISHA BBC
  16. Death toll from Rift Valley Fever ravaging parts of north-eastern Kenya has risen to five. Source: Hiiraan Online
  17. Garoowe (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas, ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiyaha gobolka Sool. Wareegtada ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay Abuubakar Cabdi Geelle, oo bedeli doona Guddoomiyihii hore. Magacaabida Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool, ayaa imaaneysa iyadoo Gobolka uu ka taagan yahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamulada Somaliland iyo Puntland. Maamulka Puntland ayaa gacanteeda waxaa ka maqan inta badan gobolka Sool sidda Magaalada Laascaanood.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adaha amaanka dowlada Somalia ayaa maalintii labaad aan dhaqan galin amar June 09 2018 kasoo baxay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Amarka Madaxweynaha ee aan wali hir galin ayaa ah in Hay’adaha amniga ay Shacabka usahlaan isu socodka Gaadiidka. Amarka Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa in ciidamada dowlada ay furan waddooyinka u xiran ee caqabada ku ah shacabka. Waxaa maalintii labaad amarka Madaxweynaha kadib xiran waddooyinka ugu badan ee magaalada Muqdisho kuwaa oo isticmaalkooda la adkeeyay. Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaan saakay isticmaali karin Isgoyska Banaadir ee Muqdisho. Ciidanka ayaa gaadiidleyda ku amraya in ay isticmaalaan waddooyinka kale balse aaney mari karaan wadadaan. Sidoo kale, ciidanka ayaa gaadiidka ka celinaya isgoyska Dabka, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhanka Buundooyinka ee raba wadada Makka Al-Mukarrama. Dadka ayaa cagtooda maalaya maadama wax gaadiid ah aanu ka soo gudbi karin Isgoysyada aan soo sheegnay. Sidoo kale, wadayaasha mooto Bajaajta ayaa goordhow magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM4 ka dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan xirnaanshaha wadooyinka. Dhinaca kale, xirnaashaha waddooyinka qaar shalay ilaa maanta ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iyo waxa gadiidka aanan u isticmaali karin waddooyinka qaar maadaama uu amray Madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Jubbaland State leader, Ahmed Mohamed Madoobe has praised Somali National Army (SNA) soldiers for their strategies in fighting Al-Shabab Militants saying the troops disintegrated the militants. Source: Hiiraan Online
  20. Abdullahi Suleiman was just recovering from losing his wife to death before he was dealt another very hard blow, Sunday. He left home in the afternoon for Hargeisa City center to go about his daily chores. His twenty-year-old daughter was in charge. He was looking forward to returning home and breaking fasting with the kids he was now the only parent they had when he received a call. “Three of your children were fatally hit by a speeding car,” he was told by a neighbor who could not find any other way to break the tragic news. “In what condition are they?” were the only words he could utter, each word running over the other in shock. He was told to run to the Hargeisa Group Hospital to find out for himself. The neighbor, of course, knew Abdullahi was not to reach the kids alive but there was no other way anyone could tell a parent of such a tragedy. Words to ease the pain in such a situation are yet to be invented. One trips only over meanigless platitudes that do not sink in or make sense to benumbed senses. Abdullahi reached the hospital. He saw two bloodied bundles covered. Dead. The nurses were struggling with the third. Life left him, too, as soon as he reached by his bedside. Two turned tp three bundles. Where barely an hour ago there were three buoyant lives, now there were three broken masses of bone and flesh. To Abdullahi, a 20-year old, a 15-year old and a 13-year old were gone forever, following their mother to the grave. According to the traffic police, a speeding car hit all three, killing two of them on the spot. Such very devastating road accidents are increasing by the day in Somaliland, claiming hundreds of lives per month. People are calling for more harsh punishments for irresponsible drivers to replace existing loopholes in law and culture. No matter the enormity of the crime committed or callousness, the carelessness that caused it, drivers come out of prison soon after. Prize money changes hands and the handshakes which follow let driver-criminals out. The law must reign supreme. Somtribune
  21. A new poultry processing meat plant opens in Hargeisa, Somaliland.
  22. According to information filtering from a rendezvous confirm that the Federal Government of Somalia and her administered region of Puntland held an anti- Somaliland conference in the town of Baidoa South west region of Somalia. Information reaching the Horn Newspaper from reliable sources concur that the closed door meeting agenda was Somaliland and the recent skirmishes in Tukaraq. During the meeting journalists were kept at an arm length. The president of Jubaland Sheikh Ahmed Madobe advised that they should come up with a unitary decision against Somaliland. The Puntland president Mr.Abdiweli Ali Gaas who also spoke at the meeting stated that the Tukaraq war and Somaliland Military forces have exerted maximum pressure on people who ply the Lasanod/Garowe route. He went on to say that the Somaliland armed forces have exerted pressure on the people of Lasanod who have the same ideology like the people of Garowe. He added that time had come for Somaliland to be attacked using all means possible political, economical and even physical and called on the Federal government to lead the war. The Puntland president revealed that Somaliland has political connections with some rogue politicians in Garowe trying to sabotage Puntland’s interests. He added that the clique of [politicians want to support some politicians who are in favor of Somaliland to run for political seats in Puntland. The South West region of Somalia president Shariff Hassan Sheikh Adam who hoisted the meeting called on a line of communication should be established with Somaliland and it should be asked to withdraw her armed forces from Tukaraq and if Somaliland refuses to comply he said then a decision should be reached. He advised all to go slow on the current state of affairs because Puntland is holding an election whilst her economy is in tatters. Federal government of Somalia president Mr.Farmajo stated that to defeat Somaliland all and sundry should unite. He advised the Puntland president Mr.Gaas to support Somalia foreign policy instead of going alone for instance he cited the Gulf States conflict as an example of where Puntland has deviated. At last the Somalia government was shouldered the responsibility to start a war against Somaliland from different fronts political, economical, military and diplomatic to name a few of the clandestine ant-Somaliland agenda put forward. The participants of the meeting called on Somalia government to exert influence on the US and UN to pressurize Somaliland to withdraw her armed forces from Tukaraq. The meeting was attended by the president of Somalia Mr.Mohammed Abdillahi alias Farmajo who was flanked by his Prime Minister Mr.Hassan Khayre, president of the different Somalia provinces and some rogue politicians from Somaliland graced the event. Before going to press we contacted a Somaliland politician in Baidoa who did not want his name mentioned and asked about the meeting deliberations he refused to divulge details. One of the points from the meeting states that Puntland should be supported with arms to fight back Al-shabab. However political commentators in the Horn region underscored this as legalizing Puntland to receive the arms Somalia receives from international arm dealers.
  23. The former minister of defense in president Silanyo’s administration Mr.Ahmed Haji Ali Adami confirmed that the former president Ahmed Mohammed Mohammud (Silanyo) on three occasions he helped broker peace amongst the warring faction in the El-Afweine saga. He added that the current administration of President Musa Bihi Abdi is ready to finfd a lasting solution to these recurring problems. Speaking to the Horn Newspaper on telephone the former minister also talked about the Puntland/Somaliland war in Tukaraq town and the enmity between Somaliland and Somalia in the battle ground plus the international community intervention in the region this is what he had to say “The people of El-Afwein are brothers from the same father many times before they had misunderstandings and fought a civil war however in both occasion president Silanyo intervened to quell the skirmishes. The former president made peace three times. It is disgusting to see people fighting in the holy month of Ramadan worse still the last then days which is very blessed. President Muse is ready make end to this senseless war.” About Somalia and Puntland the former minister of defense said “Punland and Somalia are kindling the fire of war. Somaliland is peaceful country which has no time to engage to useless conflicts however her hand would not be tied if her sovereignty is compromised by Somalia and Puntland. Even the international community has called on peace in the region however Puntland will not desist in engaging in warmongering activities.” Horn