-
Content Count
204,979 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa gudaha u galay goor-dhaweyd guriga uu ka deggen yahay Muqdisho Senetor Cabdi Xasan Cawaale [Qeybdiid], isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ciidankan ayaa xiray wadooyinka soo gala Guriga Cabdi Qeybdiid oo ku agagaarka isgoyska Banaadir ee Muqdisho, Waxaana la sheegay inay ka wadaan baaritaan aan la ogeyn wuxuu salka ku hayo. Sidoo kale, Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidankii ilaalada ka ah Guriga Mudane Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa Senator-ka. Ugu dambeyn, Hoyga Senator Aqalka Sare ka tirsan iyo xildhibaanka golaha shacabka ayaan la baari karin illaa laga qaado xasaanada sida uu dastuurka dalka dhigayo. Laakiinse lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid oo hore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida Wixii kasoo kordha wararka ku saabsan baaritaankan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntlandpost. PUNTLAND POST The post Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo gudaha u galay Guriga Sen. Cabdi Qayb-diid appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta ayaa kulankoodii 4-aad ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed 26kii ilaa 29ka Diseembar 2017, waxaana ka soo qaybgalay: Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya: 1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, MudaneMaxamed Sheekh Cusmaan Jawaari 2. Guddoomiye ku-xiggeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalle Cawad Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Puntland: 1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi 2. Guddoomiye ku-xiggeenka 1aad Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan Ciise Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Jubaland: 1. Guddoomiye ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dawladgoboleedka Jubaland Mudane Adan Khaliif Xaaji Yuusuf Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Galmudug: 1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Cali Gacal Casyre 2. Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Maalin Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed: 1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdiqaadir Sharif Sheekhuna Maye 2. Guddoomiye ku- Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur GalbeedMudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin 3. Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur GalbeedMudane Aweys Xuseen Macalin Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele: Ugu dambeyntii waxaa laga soo saaray Warmurtiyeedkaan: 1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele Mudane Sheikh Cusman Bare Maxamed 1. Ujeedada kulanka 4aad wuxuu ahaa sii xoojinta iskaashiga, khibrad iswaydaarsiga, qorsheynta barnaamijyada tayo-kordhinta hay’adaha xeer-dejinta, qiimeynta mashruuca taakuleynta hay’adahaxeer-dejinta (Parliament Support Project) oo kulmiya dhamaan Golayaasha Xeer-dejinta dalka, u kuurgalidda baahiyaha Golayaasha iyo qorsheynta xal u helidooda, iyo dib-u-eegista heshiiska isafgaradka ee Golayaasha Xeer-dejinta. 2. Afhayeenadu waxay mahadnaq iyo boogaadin u jeediyeen Golaha Xeer-dejinta ee Dowlad – Goboleedka Koonfur-Galbeed soo dhoweynta diirran iyo martigalinta qiimaha badan muddada uu kulanku ka socday Xarunta KMG ah Koonfurgalbeed ee Baydhabo. Ka qeybgalayaasha kulanka 4aad ee Afhayeenada waxay fursad u heleen kormeeridda xarumaha hay’adaha Dowlad – Goboleedka Koonfur-Galbeed, waxaana farxad weyn noo ah horumarka muuqda ee muddada kooban ugu hirgalay Dowlad – Goboleedka iyo shacabka Koonfur-Galbeed. 3. Kulankan 4aad waxaa diiradda lagu saaray baahida guud iyo baahiyaha gaar ahaaneed ee Golayaasha Xeer-dejinta, waxaana lagu diyaariyey nuqul-qoraal soo koobaya baahidda Gole walba leeyahay iyada oo la isla gartay in si wadajir ah xal loogu raadiyo caqabadahaas, hortabinna la siinayo hadba sida loo kala baahi badan yahay, gaar ahaan Golayaasha dhowaan dhismay sida Hirshabelle iyo Galmudug. 4. Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in kulan wadajir ah lala yeesho hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha sida tooska ah ula shaqeeya Golayaasha Xeer-dejinta horraanta sanadka 2018. 5. Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in dib-u-eegis iyo toosin lagu sameeyo mashruuca tayo-dhisidda Golayaasha (Parliament Support Project) si loo waafajiyo baahiyaha hortabinta u leh Golayaasha Xeer-dejinta. 6. Waxaa lagu heshiiyey in lagu dhiirigaliyo, garabna lagu siiyo hay’adaha fulinta heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed dardargalinta iyo dhamaystirka arrimaha ka dhiman federaaleynta dalka. 7. Waxaa kulankan lagu guddoonsaday xoojinta xiriirka guddiyada Golayaasha ee isku shaqada ah, sare u qaadidda tababarada wadajirka ah ee xubnaha iyo shaqaalaha Golayaasha, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsi ku dhisan in Gole walba garab ku siiyo Golaha uu ka hor dhismay ama ka khibrad iyo tayo roon yahay. 8. Waxaa la isku afgartay in la dhiirigaliyo addeegsiga tiknoolojiyada casriga ah ee isgaarsiinta (Video Conferencing Technology) si xiriirka, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsigu u noqdo joogto. 9. Waxaa la isla qaatay in Gole walba wadatashi isugu noqdo si looga fiirsado adeegsiga kalmadda ‘SHARCI-DEJINTA’ iyada oo kulankan lagu soo Jeediyey inay ku habboon tahay lana dhiirigaliyo adeegsiga kalmadda ‘XEER-DEJINTA’. 10. Si waafaqsan qodobka 6aad ee Heshiiska Isafgaradka Golaha Afhayeenada, kulanka 5aad wuxuu ka dhici doonaa Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Abriil 2018. Source
-
Muqdisho (Caasimadda – Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ay Imaaraadka Carabta ayaa weeraray guriga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay Sanateer Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Sida aan xogta ku helnay Ciidamadaan ayaa kamid ah kuwa ka amar qaato dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna Saraakiisha ka tirsan Dowladda noo xaqiijiyeen inaysan wax amar ah ka heysan dowladda dhexe. Illo wareedyo ka tirsan dowladda ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey in la aqoonsaday Taliyihii hoggaaminayey weerarkaas isla markaasna waxaa la sheegay in la amray in lasoo xiro. Ciidamada weeraray Guriga ayaa ka qaatay laba qori oo kuwa fudud ah, sidoo kalana waxaa Caasimadda Online loo xaqiijiyey in gaari la marsiiyey oday waardiye ka ahaa guriga. Odayagaas oo aysan noo suurtagelin inaan helno magaciisa ayaa la xaqiijiyey inuu dhabarka ka jabay markii la dul marsiiyey mid kamid ah gawaarida ay wateen Ciidamadaas. Sidoo kale ciidamadaan ayaa guriga ka qaatay Moobeel, lamana ogo waxyaabaha keenay inay qaataan. Saraakiil ka tirsan Ciidamada NISA ayaa dabagal ku ah Ciidamadaas, waxayna Imaaraadka Carabta sheegeyn inay ku daba joogeen Taleefano xog lagu kala gudbinayey. Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada ka ah guriga Senatar Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa senatar. Baaritaanka hoyga Cabdiqeybdiid oo ah Mudane xasaanad leh ayaan la baari karin illaa xasaanada laga qaado. Hase yeeshee lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid ooh ore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamada weeraray Guriga Cabdi Qeybdiid oo la ogaaday,Taliyihii watay oo lasoo xirayo iyo Khasaaro ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
-
To mark another rewarding year for the Dahabshiil Money Transfer wing of the Dahabshiil Group of companies, DMT management held an end-of-the-year appreciative dinner to commend staff, agents and loyal customers at Damal Hotel, Hargeisa. It was an evening not blemished by a long string of repetitive speeches as happens on similar occasions. It was an occasion characterized by warmth of environment and the banter of colleagues relaxing from a long day towards the very end of another year that the staff has surpassed itself in multi-pronged, multi-functional initiatives that successfully overcame stiff challenges.”This get together is simply our way to say to you ‘well done and thank you!’,” DMT Chief Executive Abdi Farah said. He told staff that DMT did not only reach its preset goals but that it, also, soared higher than all expectations. “You have once again, proven your mettle, your dedication, and a positive, comfortable blend into your working environment which translated into the success we, in part, celebrating tonight,” he said. HR Chief Ahmed FarahGroup Human Resources Chief, Ahmed Farah, briefly speaking at the occasion introduced a new performance appraisal program that would go into effect in 2018. “This time next year, we will be celebrating in a different mood in a different mode as we will be applauding the year’s top performers in a bigger, more ostentatious way,” he said. “looking at our achievement from a human resources angle, we have more than attained goals we have set for ourselves for 2017 which is a cause for pride and celebration,” he added. Deputy DMT CEO, Ahmed Warsame Duale, and Chief Financial Officer, Farah Ismail Ali, both warmly congratulated staff and management for another flawless year that saw the company capture new markets, spread geographically further afield in the world, service greater number of customers and consolidate its impeccable, compliant reputation more and more. DMT Executive Officer for the United Kingdom, Ibrahim M Yussuf and Abdulkadir Hussein Saed, Corporate Clients Manager, also added their warm felicitations to the staff at the meeting. Towards the end of the evening event, a raffle was drawn and members of the staff were awarded presents commensurate with the nature of the occasion.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) _ Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo xarigiisa ay ka dhex dhalatay labada beelood ee H/Gidir iyo Abgaal. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ay khadka telefoonka ugu hanjabeen culimo ka tirsan Beesha Abgaal oo taageersan dowladda Soomaaliya. Xogta ay heysay Caasimadda ayaa sheegeysa in C/raxmaan C/shakuur iyo Axmed Macalin Fiqi ay telefoonka ugu hanjabeen qaar ka mida culimada kasoo jeeda Beesha Abgaal iyagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen, kana dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur, maadama ay dowladda Soomaaliya u fatwoodeen inay tallaabo ka qaado mucaaradka. Xaaladan ayaa keentay in odayaasha Beesha Abgaal ay dhiggooda H/Gidir ka dalbadaan inay arrintaas xaal ka bixiyaan, iyadoo waanwaan arrintaasi ku saabsan ay socoto, waxaanba la ogyahay in dhowaan C/raxmaan C/shakuur uu ku eedeyay culimada taageersan dowladda Soomaaliya inay la mid yihiin Alshabaab. Odayaasha labadan beelood ayaa iska kaashaday culeys madaxda dowladda Soomaaliya lagu saaray in la sii daayo siyaasiga, waxaana hadda halis ku jira isbaheysigii labada beelood ee ka dhashayu hiilinta C/raxmaan C/shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post XOG: C/raxmmaan C/shakuur iyo Xildhibaan Fiqi oo xiisad ka dhex dhaliyey Beelaha H/Gidir iyo Abgaal appeared first on Caasimada Online.
-
Djibouti Ambassador Aden H. Abdillahi welcomed Turkey’s increased attention on Africa and its recent initiatives. Djibouti’s ambassador to Ankara stressed the importance of strengthening military ties between the two countries and said the country is open to welcome a Turkish military base in its territories, which already hosts the U.S., Franch, Chinese and Japanese bases Djibouti is open to any kind of approach from Turkey such as building a military base to secure the Red Sea, Djiboutian ambassador to Ankara Aden H. Abdillahi has said, pointing to possible steps that could be taken to strengthen military ties between the two countries. Citing the Red Sea as the second-busiest sea way in the world, Abdillahi said: “This international sea way must be secured and the international community needs to ensure that this area is safe from all kinds of threats.” In line with efforts to enhance the security of the region, the ambassador said that “possible steps from Turkey to build a military base in the country would be welcomed.” Djibouti has become home to key military bases due to its strategic location on the Horn of Africa. The small country on the Red Sea hosts the largest permanent U.S. military base in Africa as well as military bases of France and China and Japan’s only foreign base. The country lies on the Bab el-Mandeb Strait, which is one of the busiest shipping routes. Djiboutian Ambassador Aden H. Abdillahi with Daily Sabah’s Özgenur Sevinç (R). Commenting on the recent graduation of Somali troops from the Turkish military base, the ambassador said that as a neighbor of the country, “Djibouti feels gratitude for Turkey for providing help to the government of Somalia.” He added that Somalia should be supported in its fight against threats of terrorism that affect the daily lives of the people, pointing to the recent terrorist attack in the Somali capital of Mogadishu. He said the bilateral ties between the two countries have enhanced since the opening of a diplomatic mission in Djibouti in 2012, and that friendly relations between Turkey and Djibouti go back to the 16th century. Abdillahi also welcomed Turkey’s increased attention on Africa and its recent initiatives. “Turkey already started opening up to Africa in 2005, and in 2008, we had a Turkey-Africa summit. I think this new approach will boost ties further.” Touching on the visit of Djiboutian President Ismaïl Omar Guelleh to Turkey, Abdillahi said: “Omer Guelleh’s visit to Turkey will completely change the relationship between the two countries.” He said that the visit will pave the way for further cooperation in various fields, including education, health and economy. The two countries signed many agreements while he was in Turkey. In relation to the economic relations between the countries, the ambassador said that Turkey and Djibouti agreed on establishing a Turkish special economic zone that will enable Turkish business to establish industries. “The business community can reach out to the region having a special economic zone with many facilities that will also allow Turkish business to target the whole region,” he said. He added that the port facilities in Djibouti rank among the best in Africa and that the economic zone provided to Turkey is close to the port. Pointing out that Djibouti is the entry point of the region, he said many investments have been made in the port facilities, railways and highways to connect the whole region. “In East Africa, the potential that we have is huge, and Turkey has great potential, as well. Building a strong partnership will benefit both sides. Today, this area is booming,” he said. In relation to the U.S’s decision to recognize Jerusalem as the capital of Israel and relocate its embassy from Tel Aviv to Jerusalem, Abdillahi said: “We need to thank Turkey for its leadership for emphasizing that the decision cannot be accepted.” Turkey condemned the decision from U.S. President Donald Trump, and Erdoğan urged world leaders to oppose the decision in an Organisation of Islamic Cooperation (OIC) summit in Istanbul. The OIC announced that it recognizes east Jerusalem as the capital of Palestine. The U.S. decision was rejected in the United Nations General Assembly, which has isolated the country. “We need to express our solidarity with the people of Palestine who have been suffering, and accept the two-state solution,” Abdillahi said. He added that the decision to reject the U.S.’s steps was a wakeup call and Turkey’s decision to open an embassy in east Jerusalem would be a game changer. Daily Sabah
-
HARGEISA– Somaliland, Somalia are at loggerheads and the bone of contention is all about the airspace row. It was a couple of days ago when Somalia’s Federal Government took over the airspace control from ICAO, International Civil Aviation Organization. ICAO took the duty to control Somalia’s airspace after the collapse of its central government in the 1990’s. It has administered the airspace for 27 years and Somalia is expected to garner 50 million dollars annually. Somaliland foreign affairs minister, Dr. Sa’ad Ali Shire said that having both sides agreed to jointly administer the airspace that SL won’t accept it. Somaliland, Somalia held negotiations in Istanbul where they agreed to create joint commission to oversee administration and build control tower centers in the capitals of Hargeisa and Mogadishu. Mr. Sa’ad has argued that Somalia is not in control of Somalia airspace and therefore has no legal right to claim it controls its airspace. Somaliland authority declared to take a hard stance on Somalia’s assumption of controlling airspace from Mogadishu days after International Civil Aviation Organization (ICAO) handed over the airspace control to Mogadishu installed administration. According to an interview with country’s foreign minister, Dr. Sa’ad Ali Shire told Geeska Afrika, a local Somali paper published in Hargeisa that Somaliland has submitted a formal gripe to the international community over airspace control row with Somalia. The FM has reiterated that Somaliland is responsible overseeing its airspace, territorial waters, and sovereignty. Dr. Sa’ad Said that Somalia and Somaliland held talks over airspace on numerous occasions and both sides agreed to form a joint committee tasked to administer airspace where control towers erected in Hargeisa and Mogadishu should control. The minister has insisted on his stance that the taking over of airspace by Somalia is unacceptable and having an agreement was in place to jointly administer the airspace why Somalia hastily took over while is in total breach of Istanbul accords. The FM has reiterated that Somaliland has the capacity to administer its airspace where it is in total control of directing air traffic in her own airspace. Dr. Sa’ad, SL’s FM has said that Somalilad does not want to create confusion within the airspace
-
Ciidamo ka tirsan kuwa NISA ayaa gudaha u galay Guriga Sanater Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho. Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa NISA ayaa mar qura laga war helay iyagoo xiray agagarka Guriga Sanateerka. Ciidamadaan ayaa guud ahaan la wareegay guriga, waxaana hadda halkaas ka socdo baaritaan xoog leh oo ay ciidamada wadaan. Weli Faahfaahin rasmi ah lagama helin qaabka uu u dhacay weerarkaan iyo haddii uu ka dhashay war khasaaro ah. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. The post De deg: Guriga Cabdiqeybdiid oo lala wareegay iyo Ciidamo hubeysan oo gudaha… appeared first on Caasimada Online.
-
C/raxmaan Ducaale Bayle, wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay heshiis lacag oo gaaraya $2.7m oo doolarka Maraykanka ah, waxaana loogu talogalay in wax looga qabto abaaraha iyo sidoo kale biyo la’aanta ka jirta gobollada dalka. Heshiiskan ayuu wasiir Bayle la saxiixday hay’adda NRC oo kaashaneysa Bankiga adduunka, iyadoo ay ka faa’ideysan doonaan mashaariicda lagu qaban doono lacagtan shacab badan oo u baahan gurmad. Saxiixa Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxa Hey’adda NRC ayaa ku saleyysan Nidaamkii balanqaadka horey u dhexmaray Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya iyo hey,adda lacagata Aduunka IMF-ta, waxa uuna la xariiray howlaha Maaliyadeed ee ay Wasaraddu ku guuleeysatay. Wasiir Bayle oo faah faahin ka bixiyey meelaha mudan in wax looga qabto ayuu sheegay iney yihiin deegaannada maamul goboleedyada dalka ka jira maadaama ay biyo la’aan ka jiro meello badan oo deegaannadaasi ah. Madaxa hey,adda N.R.C Barnabaa Asarg ayaa uga mahadceliyay Wasaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, nidaamka wada shaqeyneed ee dhexmaray labada dhinac. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Caddeymo cusub ayaa u gacan galay Xeer ilaalinta Qaranka, kuwaasoo ku saabsan kiiska loo heysto siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay ku wehliyaan laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka. Xogta ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeys in xeer ilaalinta oo ku jirta ururinta caddeymaha kiiska Qarandumiska ee ay ku soo eedeysay C/raxmmaan C/shakuur iyo xildhibannada ay saaxiibada yihiin ee kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo C/saabir Nuur Shuuriye ay heshay caddeymo kale oo la xiriirta diyaarinta mooshin lagu rido hoggaanka dowladda Soomaaliya, abuuris khalkhal siyaasadeed iyo u adeegid dano shisheeye. Caddeymihii hore ay soo bandhigtay Caasimadda Online waxay kala ahaayeen: 1 – Codad muujinaya abaabulka ridista dowladda oo ku saabsan dhaqaale la bixinayo iyo kharash dibadda looga helay in lagu laaluusho xildhibaannada. 2- Marqaati iyo caddeyn xildhibaanno lacag lagu siiyay inay saxiixaan mooshin lagu ridayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. 3- Qoraallo iyo dokuments la xiriira mooshin oo ku taxan yihiin liiska xildhibaanno lacag la siiyay. 4- Wadahadal codad ku saabsan tirada lacagta la siinayo xildhibaannada oo dhex maraya laba xildhibaan oo xeer ilaalinta soo eedeysay iyo C/raxmmaan C/shakuur. Caddeymaha cusub waxaa ka mida: 5- Xisaab Bankiyeed loo adeegsaday lacagta la siiyay xildhibaannada 6- Bayaan Dhaqaale (Bank Statement) caddeynaya lacago xisaabxir dhinac dibadeed 7- Liis bixinta lacago loo adeegsaday Mooshin iyo kicin siyaasadeed Arrimahan oo dhan waxay qeyb ka yihiin baaritaanka culus ee socda, kuna saabsan kiiska siyaasiyiin iyo xildhibaanno ku midoobay olole siyaasadeed oo farta lagu fiiqay inay ka dambeyso dowladda Imaaraadka, kaasoo Muqdisho ka socday dhowr bilood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog Culus: Caddeymo cusub oo loo helay Kiiska C/raxman C/shakuur & Xildhibaannada la eedeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Puntlandi) Heshiis horudhac ah ayaa la dhex dhigay labadii beelood ee walaalaha ah ee dhowaan ku dagaalamay degaanada Gumburka iyo Qurilay ee koonfurta gobolka Sool. Waxaa lagu heshiiyey sideed qodob oo labada beelood mid kasta uu raali ku yahay, sida uu Puntladi kasoo xigtay xubno katirsan guddiga nabadaynta colaada howdka ka dhacday, oo aan qadka taleefoonka kula hadalnay. Guddigaan nabadaynta ayaa maalmahaan ku mashquulsanaa sidii ay u qaboojin lahaayeen colaada iyagoo tagay goobihii lagu dagaalamay lana kulmay dableydii dirirtu dhexmartay. Akhriso qodobada lagasoo saaray. 1. Xabad joojin 2. Ciidamadoo lakala qaado 3. Shir mudo bil ah gudeheed laysugu yimaado gogoshana ay dhigto beesha xaga Burtinle soo xigta 4. In qofkii wax dila lasoo qabto oo beesha wax laga dilay lagu soo wareejiyo hadii dambiiluhu fakadana beeshiisa 20 oday laga soo xiro sidoo kale 200 oo geel ah laga soo qaado 5. In amaanka deegaankaas Itoobiya sugto iyo qodobo kale. Heshiiska waxaa saxiixay min 21 xubnood oo odayaasha labada dhinac ah. Puntlandi.com
-
Garowe (Puntlandi) Kulan looga arrinsanayey waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayna soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Isxilqaameyaal ah ayaa xalay lagu qabtey Hotel New Ray ee Garoowe. Ujeeddada kulanka oo ahayd Mahad celin, dhiirrigelin iyo u qareemidda waddada ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixin dheeraad ah oo ah ay soo jeediyey xubno ka mid ah guddiga dhismaha waddada iygoona sheegay in ay waddadu magaalada Badhan usii jirto 15km isla markaana bisha March ee soo socota la bilaabi doono in laamigii la saaro iyadoo inta muddadaas ka horraysana uu qalabkii Daamurka soo degi doono. Dhallinyaradii kulanka isugu timid waxay si guud ugu mahad celiyeem guud ahaan shacabka reer Puntland ee habeen iyo dharaar garab taagan waddada oo ka qayb qaadanaya dhaqaalaha waddada lagu dhisayo. Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo isagu laf dhabar u ahaa suurtagalnimada mashruucan iyo hirgelintiisaba ayaa si gaar ah bogaadin iyo mahadnaq loogu diray. Howlwadeenada waddada oo isugu jira guddiga iyo shaqaalahaba iyagana sidoo kale waxa laga xusay goobta doorkooda lama illaawaanka ah iyo dedaalka dheeraadka ah ee ku bixiyaan waddada oo aha mid lama illaawaan ah. Sidoo kale wax iyagana bogaadin loo diray dadkii kale ee ka qayb qaatay ee ay ka mid ahaayeen dadka deeganaada Cowsane, Midigale, Rad iyo Laako iyo Hadaftimo oo habeen iyo dharaarba hawl-wadeenada garab taagnaa. Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ahaa shaqsigii ugu horreeyey ee dhaqaale jeebkiisa ah ku bixiyey waddada isagana mahadnaq iyo duco ayaa hawada loo mariyey iyo sidoo kale Ururka haweenka Al Nasar oo iyagana dhaqaale fiican ku bixiyey waddada. Gunaanad Ugu dambayn, waxa laysla qaatay in waddada lays garab taago, guddiga u idman shaqadana taageero mugle iyo abaabul dhanka bulshada ah lagu taageero isla markaana xoogga la saaro wacyigelinta Bulshada dal iyo dibadba. Puntlandi.com
-
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa shaqada ka eryey Maxamed Nuur Shariifka oo dhibaato badan usoo maray shaqada uu u hayo shacabka iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo uu ka badbaaday weerar ay Kooxda Al-Shabaab ku doonayeen inay ku dilaan. Eng. Yariisow oo awoodda dowladeed u adeegsanayo dano kale ayaa wariyahaan shaqada ka joojiyey kadib markii ay kusoo dacweeyeen IST oo sida uu sheegay Wariye shariifka. Haddaba Wariye Maxamed Nuur Shariifka ayaa soo qoray warbixin dheer oo ka sheekeeneyso qaabkii uu Yariisow shaqada uga ceyriyey iyo waxyaabaha lagu heysto, waxaadna ka akhrisan kartaa halkaan hoose: Dhamaan asxaabta waan idin salaamay, waxaan wadaa farriin aan muddo la aamusnaa oo ku socota madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal wasaare Kheyre, Guddoomiyayaasha labada aqal Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanada iyo Senatarada sharciga ilaaliya iyo hay’adaha ilaaliya xuquuqul insaanka. Muddo bill ah waxaa si sharci darro ah leyga joojiyay shaqadii aan ka hayay Warbaahinta Qaranka waxaa dhacday maalin maalmaha ka mida in Wasaarada Qarfaafinta gudaheeda lagu daadiyay laba warqad oo lagu dhaliilayay Agaasimaha YV-ga iyo Madaxa Barnaamijyada TV-ga waxaana jiray is-maandhaaf u dhaxeeyay qaar ka mid ah madaxda qeybaha Radio Muqdisho iyo TV-ga dowlada. Nuxnux ayaa socotay iyo dacwado agaasimayaasha loo gudbinayay subax aniga oo kasoo baxay xafiiska ay subax walba shaqaalaha ku shiraan ayaan arkay warqadahaas dhulka kama qaadin. Wiil ayaa i dhahay maxaad fiirineysaa..? “Warqadahaan ayaan hadda arkay.. yan ugu jwaaaay. Markaan shirka galayay halkan warqad ma oolin meesha. Gabadh goobta socotay ayaa iyana maxaa waaye dhahday, wayna aragtay waana ka kala dhaqaaqnay. Habeenkii ayaan arkay C/Naasir Sabriye madaxa barnaamijyada oo taliyaha booliska raadinaya. Ma arkin ayaan dhahay, olole ayuu bilaabay oo uu aniga rabo inuu dusha iga saaro. Subaxii danbe shaqadeydii aayaan aaday, basle duhurkii ayaa waxaa waxaa la iiga yeeray xafiis ay fadhiyaan agaasimayaal arinta warqadaha baaraya. Shaqaalaha qaar ayaa mid mid loo wareystay anigana waan ka mid ahaa. Waxaa la i weydiiyeay: Shariif warqadahan waan ognahay shaqo kuma lihid ee waxaad sheegtaa cidda dhigtay. Waxaan dhahay: Aniga ma arkin cid dhigtay ma aqaan, dadna ma nabi karo. Kadib Wasiir C/raxmmaan Yariisoow ayaa loo gydbiyey xog ururintii waxa uu amar ku bixiyey in aniga oo ah Maxamed Shariif in ruqsad shaqo la ii qoro. Markiiba waa la qoray, iyadoo waxba la iska weydiin xuquuqdeyda. Waxaan jiifan jiray wasaaradda muddo laba sano ah, markii xaaladaas ay dhacdayna waxaa arrinteydana wogaaday xildhibaanno ay ka mid yihiin Maxamed Cumar Dalxa, Maama Canab Xaaji Cilmi, Saeatar Muna cumar Xasan iyo weliba Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi, maadaama aa ahaa weriyaha Aqalka sare ee Warbaahinta Qaranka, waxaa kaloo arrinta ku soo abxay odayaal dhaqameed iyo saxaafiyiin dhamaantoodna waxay la hadleen Wasiir Yariisoow si uu xaaladda wax uga bedelo, balse intaas oo dhan waa ku gacan seyray, wuxuuna dembi aan lahayn u cuskaday inuu shaqadii qaranka aan u hayay iga ceyriyo si sharci darro ah. Marki aan xaaladeyda dib ugu laabto waxaa jirtay in 2012 kii ay i dhaawaceen Alshabaab anigoo xirfadayda saxaafadnimo wata oo dowladeyda kor u qaadaya, tasoo ahayd sababta kaliya oo ay igu beegsadeen. Xabbadii ugu horaysay markii ay igu dhufteen iyagoo laba ahaa ayaan mid bastooladii laqabsaday kii kalana amarka alle dartiis cilad ayaa ka gashay bistlooadii; anigana waan ka cararray oo alle iga badbaadiyey. Labada qaliin oo caloosha ah ayaan ku galay Muqdisho iyo Nairobi. Waxaan xaqeyga waydiistay qolo aan la shaqaynayay oo la yiraahdo IST, anigoo markii ay i meermeeriyeen ku wargeliyey haddii ay xaqeyga i siin waayaan inan maxkamad la tegayo. Aniga iyo Wasiir Yariisow waxaan ka wada shaqeyn jirtay Idaacadda Bar-kulan ee UK-ka hoostegi jirtay, waxaan hay’adda IST ee maamusha ka dalbaday inay xaqeyga i siiyaan in muddo ahna ay i meermeeriyeen, kadibn waxaan maqlay in Waseir Yariisoow ay u soo dacwoodeen si aniga la ii aamusiyo, arrintaanna ay qeyb ka tahay go’aankii uu shaqada iiga eryay. Dhinaca kale waxaa arrinteyda ku soo abxay xildhibaano iyo Senataro sharaf leh oo wasaaradda u tegay inay ogaadaan xaqiiqada kiiska shirqoolka ah ee la shaqada la iiga eryay. Waxay wareysteen shaqaalaha Warbaahinta Qaranka, waxayna ogaadeen in xaqdarro la igu heysto iyo jiritanka cod laga duubay madaxa barnaamijyada TV-ga oo howsha aabe u ahaa oo telefoon qof aan la garan kula hadlaya, isagoo leh: “Walaal waxaan kaa codsanayaa inaad Shariif ku marqaati kacdid inuu ka danbeeyay falka.. iyo qofkii oo leh Aniga dulmi ma sameyn karo..” Madaxda farriinteyda ku socota waxaan leeyahay: 1- Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, mar haddii aad ahayd madaxweynihii shacabka, dowladaaduna ahayd tii shacabka ku farxeen.. sidee raali uga noqon kartaan dulmiga intaas la eg oo la igula kacay iyadoo lagu takri falayo awood wasiirnimo.? 2- Rii’sal Wasaare Xasan Cali Kheyre, adigoo had iyo jeer ku celceliya in shaqaale kasta oo dowladda u shaqeeya xuquuqdiisa helayo, xukuumadaaduna tahay middii soo celisay rajadii shaqaalaha, ma ogolaaneysaa in wasiir aad magacawday uu ku tunto shaqaale muwaadin ah, isla markaana si gardarro ah shaqada iiga eryo. Waxaan ka xumahay inaysan jirin meel fariimaheyga aan madaxda sare u marsiin karo, waxaase xusid mudan in la-taliyeyaasha madaxweynaha iyo agaasimaha warfaafinta madaxtooyada ay la socdaan arrintayda; balse aysan ii dhaqaaqin.!! Aniga Shariif ahaan wax mushaar ah ma qaato, caruur ayaan leeyahay, guri ijaar iyo biil ayaa leyga rabaa… Caruur ayaa wax ii barta. Waxaan idin weydiinayaa inta mas’uuliyadda heysa ee ay ugu horreeyeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha: Haddii aad awoodi karin inuu cadaalad helo muwaadin shaqaale dowladeed ah oo xafiisyadiina xarun dhopwr tallaabo u jirta lagu dulmiyey sidee cadaalad ugu heli kartaan umadda Soomaaliyeed…?!! Mudane Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare waxaad sheegteen inaad neceb tihiin musuqmaasuqa iyo cadaaladda darradda, laakiin ma ogtihiin in Wasiir Yariisow isagoo adeegsanaya awoodii dowladnimo ee aad idunku siiseen uu banaanka iiga saaray shaqadeydii, iina diidey wasaaradii uu shabaabku ii dhaawacay inaan ka shaqeeeyo darteed. Xaafadeyda ma tago, xaalad amni darteed, waxaanan ku suganahay inaan habeenba meel seexdo, waxaana intaas oo dhan ay iigu dhaceysaa inaan u eedeysanahay shaqada aan dowladeyda u hayay. Ujeedada Wasiir Yariisow waa inuu caddowga ii loogo, laakiin tan Rabi ayaa shaqeyneysa. Waxaan la soo shaqeeyay wasiiradii hore ee soo maray Wasaaradda Warfaafinta sida Mustaf Dhuxuloow oo aan uga mahadcelinayo inuu tababar ii diray markii uu arkay dadaalkeyga iyo Wasiir Maareeye oo gacan weyn igu siiyey shaqadeyda, aad ayay u mahadsan yihiin labadaas wasiir oo ahaa kuwo saxaafada dowlada iyo kuwa madaxa banaan la shaqeeya. Wasiirka hadda xilka haya ee C/raxmmaan Yariisoow ka sokow cadaalad darrada uu igula kacay iyo sida sharci darrada ah ee uu shaqada iiga saaray, wuxuu dadaal ugu jiraa n Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo aan la shaqeyb jiray uu ku qorto qof uu isagu wato. Waxaan jawaab ka sugayaa madaxweynaha, Ra,isal wasaarha, iyo mas’uuliyiinta dalka ee xilku dhibayo, kana horjeeda in Muwadin Soomaaliyeed xaqiisa lagu tunto loona adeegsado awood dowladeed isagoo waajibaadkiisa gudanaaya. WAXAA NA DEEQDA DOWLADNIMO & CADAADLAD.. DULMIGU MA RAAGI DOONO. W/Q: Maxamed Nuur Shariifka The post Weriye Caan ah oo Wasiir Yariisow shaqada ka eryay. [Akhiso Qoraal qiiro leh oo uu Madaxda sare u qortay] appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlay munaasabad lagu dooranayo Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliland ee Solja ayaa ka hadlay Arimo la xariira Tilaabooyin ay qaaday dowlada Soomaaliya . Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay in Dowlada Soomaaliya ay maamulka hawadeeda dib u soo cishatay isaga oo ka soo horjeeystay arintaasi. Waxaana uu ku hanjabay in Soomaliland ay soo ridi doonto Diyaaradii Amarkeeda qaadan weeyso “Hawadeenna cidina ma qaadi karto, diyaaradahana tii amarkeenna qaadan wayda waan soo ridaynaa” Dhanka kale Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu weeraray dad isaga ka qeeyb qaatay doorashadiisii islamarkaasina uu dad ka dilay sida uu hadalka u dhigay. “Farmaajo emotional ayaa lagu doortay sidii Maxamed Siyaad Barre, raggii dhisay ayuu kaga bilaabay oo wuxuu markiiba weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu lix ka dilay reerkooda” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe dowlada Soomaaliya ayaa 27-sano kadib dib u la soo wareegatay maamulka hawada Soomaaliya iyada oo uu saameeyneeyso tilaabadaan Maamulka Soomaaliland. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Faysal”diyaaradtii amarkeenna qaadan wayda waan soo ridaynaa” appeared first on Puntland Post.
-
In kasta oo hadda ay fasax ku jiraan Xildhibaannada baarlamaanka, hadana dhammaadkii kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka 10aad, waxaa golaha shacabka la horkeenay Xeer-hoosaadka oo wax badan laga soo badalay. Hadaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa qodobada ugu muhiimsan Xeer-hoosaadka golaha shacabka. Qodobada Xeerhoosaadka: 1. Xildhibaannada waa in ay soo xaadiraan fadhiga golaha shacabka, la diiwaan-geliyo 09:00 AM..haddii la gaaro 11.00AM waxaa la joojinayaa diiwaan-gelinta, soo daahidda 5 maalmood waxaa aya la mid tahay maqnaashiyo hal maalin. 2. Guntanka ama Quarum: Kulan kasta oo golaha shacabka wuxuu ku furmayaa(50%+1) tirada guud ee xubnaha. 3. Golaha shacabka sanadkii waxaa uu yeelan karaa labo kalfadhi oo caadi ah, kalfadhi kasta waxaa uu soconayaa ugu yaraan 4 bil, golaha waxaa uu kale uu qaban karaa kalfadhiyo aan caadi aheyn, fasaxana waa labo bil. 4. Iyaga oo guddiga joogtada ah qeybiyeen ajendaha 12 saac ka hor fadhiga loo dhanyahay ayaa hadana waxaa dhici karta in 10 Xildhibaan codsan karaan in wax cusub lagu daro ama wax laga badalo, waxaa markaasi guddoonka la gudboon in uu ku soo daro ajendaha isla fadhigaas haddii ay u codeeyaan(50%+1) ee tirada fadhida. 5. Cob-bixinta golaha shacabka waa gacan taag ama cod qarsoodi ah, guddoomiyaha ayaa sharaxaya hab-raaca, haddii ay timaado duruufo gaar ah waxaa ay xildhibaannada soo jeedin karaan codka gacan taagga ah in loo bedelo qarsoodi, 20 Xildhibaan ayaa sidaasi soo jeedin karta. Haddii codeyn mooshin la keenay ay barbar dhac noqoto, mooshinkaas ma meel-marayo haddii codbixinta ay gacan taag tahay, guddoomiyaha ayaa codeynaya si uu u kala saaro labada dhinac. 6. Xildhibaanka ma hadli karo fasax la’aan, waa in uu istaag ku hadlaa, haddii Xildhibaan qas keeno, waxaa lagu amrayaa in uu fadhiga ka baxo, haddii uu sii wado waxaa la ganaaxayaa in 3 maalin ka maqnaado fadhiga golaha. 7. Dhaxgal Toosineed(Point of oder): Xubin kasta waxaa ay codsan kartaa dhaxgal toosineed, xubinta fursadda la siiyo waxaa ay si toos ah uga hadleysaa qodobka iyadoo soo koobeysa, kamana hadli karto wax ka baxsan qodobka uu u istaagay. 8. Ka doodista Mooshinnada: golaha shacabka waxaa uu ka doodayaa hindise sharciyeedyada iyo soo jeedinada qaraarada. Soo jeedinta hab-raaca waxaa ka mid ah: fadhiga oo dib loo dhigo, dood dib loo dhigo, dhaxgal toosineed, xaqiijin guntan, midda nuxurka waxaa ka mid ah: hindise sharciyeed, wax ka badalkiisa, wax ka badal xeer-hoosaadka, eedeyn madaxweyne, kalsooni kala noqosho ra’isul wasaare iyo xil-ka qaadista guddoonka. 9. Xubnaha golaha shacabka waa in ay istaagaan marka ay soo galaan xubnahan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Guddoomiyaha golaha shacabka ama sii hayaha xilka guddoomiyaha, madaxweyne shisheeye oo lagu marti-qaaday ama wakiilkiisa, guddoomiye baarlamaanka ee dal kale. 10. Curinta sharciyada: Curinta sharciyada waxaa ay u dhici kartaa 2 habraac: Hindise sharciyeed ay soo curisay xukuumadda ama mashruuc sharciyeed oo ay soo curiyeen baarlamaanka. Goobjoog News Source
-
Ururka Al-shabaab ayaa gubay laba xero Booliiska Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ijara ee gobolka Waqooyi bari,sida ay soo werisay Idaacadda CapitalFM. Idaacadda ayaa sidoo kale sheegtay in Alshabaab ay burburiyeen Qalabkii Isgaarsiinta ee degaankaasi,islamarkaana ay sii ka xaysteen gaari nooca land cruiser oo Booliisku ay lahaayeen. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska ayaa sheegay in aan wax khasaare nafeed ah ka dhalan weerarka oo dhacay 2 am ee subaxnimadii saaka. Dagaallamayaasha ayaa dhac u geystay dukaanno ku yaalla Ijara sida laga soo xigtay sarkaalka. Ciidamo xooggan ayaa loo diray halkaas si ay u baacsadan dagaalyahannada oo la rumaysanyahay in ay u carareen kaymaha Boni ee dhinaca Xadka Soomaaliya. The post Al-shabaab oo gubay xeryo ay leeyihiin Booliiska Kenya. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kasii yaraanaya is araga Xildhibaanada mucaaradka ee dhawaan laga mamnuucay inay ku kulmaan Hoteelada Muqdisho. Xildhibaanadan oo si joogta ah isugu uruursan jiray Hoteelada waaweyn, ayaa iminka u muuqda kuwo cabsi ka muujiyay howlgalkii dhawaan ka dhacay Hooyga C/raxmaan C/Shakuur oo la sheegay inuu halis ku ahaa Qaranka. Xildhibaanada ugu badan oo ku kulmi jiray Hoteelada Jazeera, Hayat iyo Makka al-Mukarama ayaan iminka iska xaadirin Hoteeladaasi, kadib markii ay heleen xogo muujinaaya in dowlada Federaalka ay ku howlan tahay fulinta weeraro kale oo lid ku ah Xildhibaano iyo Siyaasiyiin loo aqoonsaday inay wadaan howlo lid ku ah Qaranka. Xildhibaanada ugu badan ayaa degay guryo caadi ah, waxa ayna cabsi ka muujiyeen in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay si sahlan kala soo baxdo Hoteelada. Sidoo kale, dowlada Federaalka ayaa Hoteelada waaweyn ee magaalada Muqdisho ku daadisay Ciidamo dhar cad ah kuwaa oo dusha kala socda dhaqdhaqaaqyada Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo dhinacyada kale ee mucaaradka ku ah howlaha dowlada. Sababta ugu weyn ee fashilisay is araga Xildhibaanada ee Hoteelada Muqdisho, ayaa lagu sheegay inay tahay Dharcada ay dowlada Federaalka ku daadisay inta badan Hoteelada ay ku shiri jireen Mucaaradka. Dhinaca kale, waxaan la ogeyn talaabada xigta howlgalkii ka dhacay Hooyga C/raxmaan C/Shakuur, inkastoo ay jiraan warar hoose oo sheegaya in dowladu ay isha ku heyso mucaarad kale. Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Is araga Xildhibaanada Mucaaradka oo kusii yaraanaya Hoteelada Muqdisho +Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
War ka soo baxay Dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in duqeeyn uu fuliyay Mareeykanka uu ku dilay Soomaaliya Muwaadiniin u dhashay wadanka Kenya oo katirsanaa Al-Shabaab. Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Diyaaraha Mareykanka ay duqeeyn ku dileen 2 Ruux oo Kenyaan Ahaa oo ku Sugnaa Gobolada Jubbooyinka ee Soomaaliya. Kenya ayaa sheegtay in labadaan nin ee la dilay lagu kala magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax iyo Abdulaahi Wilif oo ka tagay Degmada Wajeer ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya. Diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa duqeeyn waxa ay ka fuliyaan Koonfurta Wadanka Soomaaliya. Dowlada Mareykanka ayaa xoojisay Duqeeymaha dhanka cirka ah ay ka wado Soomaaliya waxaana Xusid The post Kenya” Diyaaradaha Mareeykanka ayaa Duqeeyn ku Dilay Kenyaati Al-Shabaab ahaa” appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dowladii TNG-da Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan oo hadda ku sugan Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa ka hadlay Xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira. Cabdiqaasim Salaad oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa Sheegay in dowlada Soomaaliya ay gaartay guulo la taaban karo isaga oo ugu baaqay Shacabka iyo siyaasiinta in ay la shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya. “Faa’idada aan helnay laga soo bilaabo dowladihii KMG ahaa ayaa kamid ah in dalka uu aqoonsi buuxa uu heley burburkii kadib,in calankii Soomaaliyeed laga taagay xarunta Qm iyo guud ahaan wadamada Caalamka,haatana waxaan rajaynayaa in Dalka iyo Dadkuba ay degaan,wadankasta oo burbur uu soo maray muddo ayay qaadataa in dib uu u soo kabmo,balse waxaa loo baahan yahay in qabyaalada meel la iska dhigo,oo laga shaqeeyo qaranimada Soomaaliyeed dib u soo celinteeda,taasina rajo weyn ayaan ka qabnaa”, ayuu yiri Dr Cabdiqaasim. Dowlada Soomaaliya ayaa haatan wajaheeysa Caqabad ku aadan Mucaaradyo ka imaanaya Siyaasiin iyada ka soo Horjeeda Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cabdi-Qaasim.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim oo baaq u diray Siyaasiinta dowlada ka soo horjeedo appeared first on Puntland Post.
-
Shirkadda Clubit ayaa soo saartay telefoonka teleefoonka ugu yar dunida kaasi oo ilaa iyo hadda ay socoto sameyntiisa. Telefoonkaan oo lagu magacaabo “Zanco Tiny T1” ayaa dhirirkiisu waxaa uu gaarayaa 47 Mm, waxaa uuna ka yaryahay farta qofka bani’aadanka ah. Teleefoonkaan ayaa waxaa lagashan karaa jeeb kasta oo aad u yar,telefoonkaan yar ayaa waxaa loo qaabeeyay sida telefoonnada kale waxaa uuna leeyahay meelo lagu dirsato fariimaha . Meymoriga telefoonkaan ayaa waxaa uu awood u leeyahay inuu keydiyo 300 oo wicitaanno ah iyo 50 fariimo ah. Waxaa la kordhin karaa Meymorigiisa waxaana la gaarsiin karaa 32 Meyga Beyd. Batarigiisa oo aad u yar telefoonkaan waxaa uu awood u leeyahay inuu shaqeeyo saddex maalin isaga oo aan la dabeynin. Waxaa la sugayaa in Telefoonkaan uu soo galo suuqyada bisha May ee sanadka 2018 qiimihiisuna waa 40 doolar Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta uu shirar gaara uga socdo Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ee Somalia. Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ku shirsan magaalada Abu Dabai ayaa waxaa ka dhex muuqda mas’uuliyiin ay waayadan isku dhacsanaayen Madaxda ugu sareysa dalka. Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ayaa la xaqiijiyay inay u badan yihiin garabka Mucaaradka ku ah dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxaana lasoo sheegayaa in shirarkaasi ay marti galisay dowlada Imaaraadka oo dhawaan ku fashilantay qorsho ay usoo dhiibtay CC Shakuur iyo Cumar C/rashiid, Ra’isul wasaarihii hore ee Somali. Shirarka iyo is uruursiga ka socda magaalada Abu Dabai ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ahna Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka, sida ay baahisay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho. CCCSharmaarke ayaa kaalin weyn ka qaadanaaya is hortaaga dowlada Federaalka, waxaana dhawaan lagu eedeeyay in dowlada Imaaraadka uu kasoo qaado dhaqaalaha loo isticmaalo burburinta Qaranka. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyaa in ay maalgaliso qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada dowladda kasoo horjeedda. Sidoo kale, Mucaaradka dowladda ayaa xoogeystay ka dib markii dhawaan ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay weerar khasaare dhaliyay ay ku qaadeen Guriga Siyaasiga dowladda Mucaaradka ku ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Si dhaba uma cada miraha kasoo bixi doona shirarka dhinacyada Mucaaradka uga socda magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Isutaga imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Shariif Xasan, Xildhibaano iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo shir uga socda dalka Imaaraadka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Somalia Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa mar kale si kulul uga hadlay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Dowlada FS. Cabdiqaasim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka hore uu aad uga xun yahay in shaqsiyaad gaara ay caqabad ku yihiin Hanaanka shaqo ee dowlada Federaalka. Cabdiqaasim, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan xiligaan ahmiyad u arag in la caqabadeeyo dowlada Somalia, waxa uuna cadeeyay inay fududaha in la rido dowlad, balse aysan sahlaneyn in la dhiso. Waxa uu Mr Cabdiqaasim sheegay inay muhiim tahay in si wada jira looga wada shaqeeyo horumarinta dalka, iyadoo la raadsanaayo xilalka ay ku jiraan damaca. Cabdiqaasim, waxa uu sheegay in dadka Mucaaradka ah looga baahan yahay in ay soo bandhigaan qaladaadka dowladda oo kaliya, balse aysan kusii fogaan howlaha aan iyaga khuseyn. Waxa uu tilmaamay inaan loo baahneyn Mucaarad wax duminaaya isla markaana ay gacmo shisheeye u adeegsanayaan in dalkiisa uu ku dumiyo gamcihiisa. Cabdiqaasim, waxa uu intaa ku daray in aan maanta loo baahneyn Mucaarad doonaya in ay dowladda riddaan, waxa uuna Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ugu baaqay inay la shaqeeyan dowladooda. Cabdiqaasim, waxa uu dhinacyada Mucaaradka ugu baaqay in laga shaqeeyo Midnimada Soomaaliya in ay keeni karto sare u qaadida Horumarinta iyo meesha hadda la jooggo in laga hormaro. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ficilada Mucaaradka uu ka danbeyn doono la xisaabtan, maadaama dhinacyadaasi ay u badan yihiin kuwo eedeysan. Haddalka Cabdiqaasim ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay marti galineyso duufaano Siyaasadeed oo lid ku ah howlaheeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweynihii hore ee Somalia oo fariin adag u diray Xildhibaanada & Siyaasiyiinta caqabada ku ah DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ku shiraan Guddiga difaaca ee baarlamaanka Somalia oo kulan degdeg ah ka yeelan doona xad gudub ay Kenya ku heyso Xadka Somalia. Guddiga ayaa la sheegay in shirkooda ay xooga ka saari doonaan ka doodista darbi la sheegay in dowlada Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Somalia. Shirka Guddiga ayaa ka dhici doona xarunta Guddiyada ee Villa Hargeysa oo ku dhax-taala Madaxtooyada Somalia sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Guddiga. Guddiga oo labadii maalin ee ugu danbeysay ku howlanaa wax ka ogaanshiyaha darbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka Somalia ayaa waxaa iminka soo baxaaya in lasoo dhameystiray macluumaadka ku aadan darbiga oo uu Guddiga baadi-goobka ugu jiray. Asbuucii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo baxaayay qeyla dhaan Dowlada Federaalka uga imaaneysay Maamulka Jubbaland iyo dadka ku nool Beled-Xaawo, kadib markii Keyna ay kusii fogaatay xadgudubka ay ku heysay xadka Somalia. Dhinaca kale, Madaxda ugu sareysa dalka ayaan weli ka hadal xadgudubka ay Kenya ku heyso Somalia, waxaana manta la filayaa in natiijo uu kasoo baxo shirka Guddiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddiga difaaca BF oo shir Degdeg ah ka leh xadgudubka ay Kenya ku heyso Xadka Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Sanadkii labadi kun, waxaa ay ahayd markii ay soo bilaabatey dib uyegleelidda dowladnamadii ka burburtey Soomaaliya. Degmada Carta ee dalka Jabuuti ayaa lagu soodhisey dowlad uu golle shacab oo isla Carto lagu dhaariyey ay xildhibaanadiisu soo doorteen. 17 sano ka dib, Madaxweynihii dowladaas Mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa dib u eegaya marxalada dowladnimo ee dalka. Wariyaha VOA-da ee Bariga Dhexe, Xussen Saxnuuni oo wareystey ayaa uguhoreyn weydiiyey waxa hor-istaagey dowladiisi iyo dirkii ka danbeeyeyba. Xigasho VOA PUNTLAND POST The post Madaxweynihi Hore Cabdiqaasim Salaad oo Xaaladda Dalka ka Hadley appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in 1-da January 2018, ay magaalada Jowhar shir nabadeed uga furi doonaan beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe. Guddoomiyaha gobolkaasi, Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in shirkaan ay isugu keeni doonaan waxgaradka Labada dhinac. Sidoo kale, guddoomiye Mayre ayaa sheegay in dib u heshiisiin kadib ay ka maamul ahaan ka qeybqaadan doonaan dib u dhiska guryihii ku burburay dagaalladii dhacay. “Wax walbo nabadda ayaa ugu horreeya, 1-da bisha soo socotana shir ayaan u fureynaa dhinayacdii dagaallamay, wixii ka dambeeyana waa dib u dhiska” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqay beelahii ku dagaallamay deegaannada hostaga degmada Balcad iney kaalin ka qaataan nabadda iyo dib u heshiisiinta. Goobjoog News Source
-
Popular Contributors