Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    204,979
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxkamadda sare ee dowladda Federaalka Ethiopia ee magaalada Addis Ababa ayaa Sabtidii shalay xukuntay laba xubnood oo ka tirsan Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya ee (ONLF). Eedaysanaha hore oo lagu magacaabo Axmed Cabdi ayaa lagu xukumay 13 sano, halka eedaysanaha labaad, Ahmed Mohammed lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah,sida ay qortay Warbaahinta Ethiopia 15 July ee sannadkii 2016 ayaa labadaan xubnood laga qabtay magaalada Muqdisho,xilli ay doonayeen in ay si dhuumaalaysi ah ku galaan dalka Ethiopia,siday ay sheegeen mas’uuliyiinta amniga dalkaasi. Jabhadda ONLF oo Waddanka Ethiopia loogu aqoonsanyahay”argagixiso” ayaa ka dagaallanta dhinaca bari ee dowlad denaanka Soomaalida Ethiopia,waxaana lagu xasuustaa weerarkii 24 April ee sannadkii 2007 ay geysteen,kaasoo ay ku dhinteen 65 Ethiopian ah iyo sagaal Chinese ah. Weerarka aya lagu qaaday goob shidaal laga qodayey oo ku taalla gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia. PUNTLAND POST The post Dowladda Ethiopia xukunno ku ridday Xubno ka tirsan ONLF oo Muqdisho laga qabtay. appeared first on Puntland Post.
  2. Hey’adda culimada Soomaaliyeed ayaa soo saaray bayaan ku aadan khilaafka siyaasadeed ee hadda ka jira dalka. Bayaanka Culumada Soomaaliyeed oo ka kooban 6 qodob waxaa uu u qornaa sidan: 1. Culimadu waxay soo jeedinayaan in mucaaradnimadu ay noqoto mid wax dhisaysa ee aanay noqon mid wax duminaysa, waxayna ku talinayaan in la wada tashado laysuna nasteexeeyo. 2 . Culimadu waxay ka digaysaa falalka iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara in uu dalku dib ugu noqdo wixii dumiyay oo ah qabyaalada, dulmiga iyo danaysiga gaarka ah. Culimadu waxay soo jeedinayaan in dowladu ay dhowrto muwaadinka Soomaaliyeed xurmadiisa iyo xuquuqdiisa si ay cadaaladdu u hirgasho kalsoonida dadkuna u soo laabato. 4 . Culimadu waxay ku talinayaan in laga fogaado isticmaalka adeegsiga awoodda aan sharciga aheyn taasoo ay ka dhalan karto dhibaatooyin iyo fitno aan la xakameyn Karin. 5 . Culimadu waxay u soo jeedinayaan dhammaan siyaasiyiinta inay dalka ka ilaaliyaan faragelin shisheeye dhowraana madaxbanaanidiisa. 6 . Culimadu waxay u dardaamayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ilaashadaan diintooda, dowladnimadooda iyo walaaltinimadooda kana digtoonaadaan wax kasta oo dhaawici kara wadajirkooda keeni karana tafaraaruq iyo Khilaaf. Source
  3. Hay’adda Culimada soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saartay muranka u dhexeeya xukuumadda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka horjedda. Bayaanka oo ka kooban lix qodob ayaa ku baaqaya in si midaysan looga hortago in ay soo noqdaan waxyaabihii horay dalka u dumiyey”oo ah qabyaaladda,dulmiga iyo danaysiga gaarka ah”. Hay’adda ayaa siyaasiyiinta u jeedisay in mucaaradnimadu ay noqoto”mid wax dhisaya ee aanay noqon mid wax duminaysa”,halka xukuumaddana ay ku boorrisay in ay ka fogaato adeegsiga awood aan sharci ahayn oo ay “ka dhalan karto dhibaatooyin iyo fitno aan la xakamayn Karin”. Halkaan ka akhriso bayaanka Culimada. PUNTLAND POST The post Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo bayaan ka soo saartay Khilaafka dowladda iyo Mucaaradka appeared first on Puntland Post.
  4. Col. Cabdullahi Cirro oo ah taliyaha qeybta 21aad ee xoogga dalka ayaa ka hadlay sida ay u dhacday shaqaaqadii suuqa magaalada Galkacyo isaga oo sheegay in ay tahay arrin aan la fileyn oo dhacday. “Iyada oo laga shaqeynayey muddo bil ah nabadda iyo bulshada inay is-fahamto qeybaheeda kala duwan ee Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, wax aanaan fileyn ayaa ka dhacay suuqii weynaa ee magaalada Galkacyo ahna xarunta ganacsiga ugu ballaaran gobolkaan uu ka jiro “ isaga oo nasiib-darro ku tilmaamay arrintaasi. Taliye Cirro ayaa dhinaca kale xusay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya cid kasto oo nabadda ka hortimaada ay la tiigsan doonaan sharciga, waxaa uuna fariin u jeediyey bulshada ku nool Kaalkacyo. “Ciidanka dambiilaha ayuu soo qabtaa ama nabadda meesha laga waayo ayuu nabad ka dhaliyaa qofka la qabtana, waxaa la geyn doonaa sharciga u yaallo dalka oo ay ugu horreyso shareecada Islaamka in lamariyo, waxaan codsaneynaa qof walboo reer Mudug qoriga ha xareeyo qoriga nabadda ayuu dilaa ha labarto hanaanka sharciga loo maro iyo hanaanka loo dacwoodo”. Goobjoog News Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, ayaa dowlada Federaalka ah ee Somalia ugu baaqay in dalkeeda ay ka eryiso dhammaan Diblumaasiyiinta iyo Saraakiisha ciidan ee Imaaraadka ka jooga Somalia. Faarax Macallin , ayaa qoraal uu kusoo daabacay bogiisa Twitter-ka ku sheegay in dowlada Imaaraadka carabta ay u bareereyso dhibaatada ay ka dhexwado Somalia. Faarax Macallin, waxa uu sheegay in Imaaraadka ay ka gudubtay xeendaabka diblumaasiyada waxa uuna Madaxda ugu sareysa Somalia ugu baaqay inay jaraan dhammaan xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka, maadaama ay dhibaatooyin u maleegayaan Somalia. Faarax Macallin ayaa yiri ” Farmaajo iyo Kheyre, ka saara Imaaraadka Muqdisho, Ilaahay dartiis, xira safaaradooda, Saldhigyadooda Milatari ee Muqdisho’’ Waxa uu intaa raaciyay ‘’Haddii sirdoonkiinnu hayo caddeymo ku filan in Imaaraadka uu Somalia ka wado arrimo argagixiso wey idinku filan tahay ee go’aan ka qaata Imaaraadka’’ Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeysan inay qalqal amni iyo mid Siyaasadeed ku heyso Somalia, waxaana xusid mudan in Guddiga dabagalka Hubka Sharci darada ee QM ay dhowr jeer Imaaraadka ku eedeeyen inay Somalia galiso Hub sharci daro ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faarax Macalin oo Farmaajo & Kheyre ugu baaqay arrin dhibaato ku noqon doonta danaha Imaaraadka ee Somalia (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  6. The United States has intensified airstrikes in Somalia, killing at least 30 Al Shabaab terrorists since last week. The latest airstrike was conducted on Wednesday, when four terrorists were killed some 25 kilometers west of Mogadishu, destroying one vehicle-borne improvised explosive device which was destined to the capital. Others had been killed on diverse dates in the past week. The US Africa Command said no civilian was killed during both airstrikes. “U.S. forces will continue to use all authorized and appropriate measures to protect the United States, its partners, and interests, and deny safe haven to terrorist groups,” the statement said. The US Government has committed to continue piling pressure on the terrorists, who are responsible for hundreds of attacks in Somalia and neighbouring countries, some of which have left hundreds of people dead—including Kenya where they often stage attacks mainly targeting security forces and civilians. The latest attack occurred on Saturday morning when the terrorists set on fire two police camps in Ijara and escaped with a police land cruiser. The attackers also destroyed the main communication equipment used in the town but authorities said no casualty was reported, even though some of the terrorists are believed to have escaped with injuries. Kenya has been a major target by the Somalia-based terror group that is affiliated to Al Qaeda, after their forces, the Kenya Defence Forces joined AMISOM in a combined counterterrorism operation, targeting terrorists, their training camps, and their safe havens in the lawless country. KDF soldiers have been in Somalia for almost six years now, though there has been piling pressure for them to be withdrawn but President Uhuru Kenyatta insists he will not order their withdrawal. -Al-Shabaab weakened- Over the past few years, the militant group has lost a lot of strategic ground, which was used to control and commanding centre, both for their resources and for launching attacks. The situation worsened further after divisions emerged in the group, after one faction pledged its allegiance to ISIS, while the other one backed Al-Qaeda terror group, resulting in infighting. Despite this, the terrorists have managed to launch serious attacks, more so in Mogadishu. In October, an attack in Mogadishu left 500 Somali’s dead. During the Somalia Security Conference, U.S. Marine Corps General Thomas D. Waldhauser, Commander, U.S. Africa Command said, “Our efforts to put pressure on the al Shabaab and ISIS terrorist networks provide time and space for the gradual development of the Somali National Army, police force, and government.” “The threat from al Shabaab continues to be a serious one, as shown by their deadly attacks killing more than 500 in Mogadishu back in October. While we are not increasing our presence or assets there, or intentionally escalating strikes, our pressure on the network and information sharing efforts are paying off with an increasing awareness of what the enemy is doing, making our targeting efforts more successful.” -Civilian Protection- He said, even as the US Forces continue to conduct strikes on terrorist targets, their main focus remains, “on the protection of civilians.” “This remains a vital component of our efforts and those of our Somali partners,” Waldhauser said. “As we look to protect innocent civilians and the large number of non-governmental organizations and other agencies operating in Somalia, lethal strikes require precision and patience which are integral to our targeting efforts. Knowing target composition as clearly as possible enables us to quickly counter al Shabaab propaganda claiming civilian casualties.” During this conference attendees began to map the path ahead for the next few years, agreeing any large-scale transition of security responsibilities from the African Union Mission in Somalia to the Somali National Security Forces is premature and a conditions-based transition plan must be developed immediately. “While there is certainly more work to be done, this security conference confirmed we have made measurable progress in Somalia,” said Waldhauser. “With the strong relationship we have established with President Farmaajo and the Federal Government of Somalia, and by continuing to work closely with our allies and partners, we will help set the conditions to transition security responsibilities to the Somali National Security Forces and promote a secure, stable, and prosperous Somalia.” Source: – Capitalfm The post US intensify airstrikes in Somalia to weed out Al Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  7. Earlier this year, President Trump declared parts of Somalia a warzone. Since then, the U.S. has conducted dozens of drone strikes trying to stop a ruthless terrorist group that’s killed hundreds. CBS News’ Deborah Patta filed this reporter’s notebook from Mogadishu. A brutal civil war followed by al-Shabab’s bombing campaign has left a city in ruins. Despite this, there is a semblance of normality in parts of Somalia’s capital Mogadishu. What you don’t see — because CBS News was not allowed to film there — are the roadblocks on almost every street manned either by government security forces, clan militia or private guards. Filming in Mogadishu is still difficult: There are roadblocks everywhere, and CBS News crews were always surrounded by armed police and even arrested on one occasion. The arrest lasted only five hours but underscores the point that even with official permission and all the right documentation – Somalia is unpredictable. Even in a city that is no stranger to death and destruction, the most recently October 14 vehicle bomb killed over 500 people was on a scale never before seen here. And now there is a new security nightmare: The laptop bomb that al-Shabab continues to try and perfect. In CCTV footage, two men are shown entering the airport. One is carrying a laptop, and he slips the computer to the bomber. The man was the head of Mogadishu’s airport security at the time. The laptop exploded shortly after takeoff and blew a hole in the side of the plane. Only the bomber was killed, bu in the past 18 months, three other computers bombs were found after one partially exploded in a cargo hold. New multi-layered security checks, including dogs trained to sniff out explosives, are supposed to stop that. But al-Shabab still has people on the inside. “So the biggest problem we have – is that no matter who it is from the airport manager to the cleaner – everybody has to follow the security,” said deputy head of security Said Eliye. Intelligence officials told CBS News that al-Shabab will continue to make laptop bombs until they get it right. They have bomb-making factories around the country and Mogadishu, they can blend easy into local communities. Also living in those communities are counter-terrorism police, who are frequently targeted for assassination. Officials were scared to go on camera, filming anywhere made people nervous and we were unable to do anything without heavy security detail. A quiet road may not look menacing but it can turn nasty in an instant. Source: CNBC The post Somalia’s capital returns to an unpredictable new normal appeared first on Caasimada Online.
  8. Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta ka doodaya miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2018 oo ay horay u ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. 13 bishaan December ayaa xildhibaannada Golaha Shacabku ansixiyeen miisaaniyadda oo gaaraysa 274 milyan oo dollar,waxayna u soo gudubtay Aqalka sare. Miisaaniyadda ayaa haddii uu ansixiyo Aqalka sare,waxaa loo gudbinayaa maadxweynaha oo saxiixi doona. 5 bishii November ee sannadkaan Kulan ay yeesheen Xildhibannada Aqalka sare ayey ku ansixiyeen qodobo cusub lagu daray xeer hoosaadkooda,kuwaasoo dhigaya in ay ansixin karaan miisaaniyadda dowladda. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada Aqalka sare Soomaaliya oo Maanta ka doodaya miisaaniyadda dowladda. appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Bayaan kasoo baxay Hay’adda u dooda arrimaha xaquuqul insaanka ee magaceeda loo soo gaabiyay Ifrid, ayaa waxaa dowlada Federaalka ah ee Somalia loogu baaqay inay irdaha u xirto dhammaan Xarumaha diblumaasiyadeed iyo kuwa ciidan ee dowlada Imaaraadka ku leedahay Somalia. Bayaankaan oo kasoo baxay Hay’adda Ifrid qeybteeda magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa lagu sheegay in dhaqdhaqaaqa Imaaraadka uu ka dhexwado Somalia ay dhibaatooyin xasil daro u maleegi karto Somalia. Ifrid waxa ay sheegtay in dowlada Imaaraadka Carabta ay wakhti badan ku bixineyso sida ay Somalia dib ugu celin laheyd halkaa ay kasoo gudubtay dhowr sano ka hor, waxa ayna ka digtay in DFS ay dhaliilsato dhibta ay Imaaraadka u abuureyso Somalia. Waxaa lagu sheegay bayaanka in dowlada Imaaraad ay Somalia la dooneyso mid lamida amni darada ka jirta Yemen iyo dalal kale oo African ah. Waxa ay ku sheegen in Imaaraadka uu adeegsanayo Saldhigyada uu ka dhisanayo Somalia iyo wadamo kale oo Africa ah oo doonaya in Somalia ay kusii daba dheeraato colaadaha sukeeye. Waxaa bayaanka sidoo kale shaaca looga qaaday in khatar dhinaca bani’aadanimo ay kasoo socoto oo saameyn doonta dadka Soomaalida ah waxaana sidoo kale ay sii hurin kartaa mucaradnimo xoogan oo ka dilaacda gudaha Somalia. Hay’adaan Ifrid ayaa ku baaqday in gabi ahaanba la xiro Xarumaha diblumaasiyeed iyo Saldhigyada ay Imaaradka ka hirgalisay Somalia. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayey ugu baaqday inay ka fiirsato xiriirka kala dhexeeya Dowlada Imaaraadka carabta ee ku dhaqmeysa ficilada foosha xun ee ka fog diblumaasiyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post DFS oo laga dalbaday inay irdaha u xirto Xarumaha diblumaasiyeed & Saldhigyada ay Imaaraadka ku leeyihiin Somalia appeared first on Caasimada Online.
  10. Ciidamada amniga ee dawlad Goboleedka Jubaland ee Gobolka Gedo ayaa gacanta Ku dhigay Qarax ay maleegayeen kooxda Alshabab. Qaraxaan oo loo waday gudaha Kenya ayaa lagu qabtay bannaanka magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Wasiirka amniga Jubaland, wasiirka arimaha gudaha iyo saraakiisha ciidamada, ayaa tagay goobta qaraxaan lagu fashiliyay, waxayna sheegeen inay shacabka gacan ka geysteen. Puntlandi.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ciidamo Soomaali ka amar qaata dowlada Imaaraatka Carabta ay weerar ku qaaden Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale ‘’Qaybdiid’’, ayaa waxaa weerarkaasi markale ka hadlay Senator-ka. Senator Qaybdiid oo la hadlaayay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in meel looga dhacay Xasaanada isla markaana Hooygiisa la weeraray amar la’aan. Senator Cabdi Xasan Cawaale, waxa uu sheegay inaanu aheyn qof shacab ah, balse uu yahay Senator ahna Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxa uu Qeybdiid tilmaamay in shaqsiga xasaanada leh ay mamnuuc ka tahay in lagu xadgudbo ama lagu qaado weerar iyo wixii lamid ah baaritaano aan daruuri aheyn. Qeybdiid oo la hadlaayay VOA ayaa yiri ‘’Wixii sharciga uu qabay ayaa loo qaatay qaab cagsi ah anigu waxaan leeyahay xasaanad cidna iguma soo xadgudbi karto iskaba daaye in weerar lagu soo qaado Hooyga ay ku noolyihiin xaaska iyo carruurteyda’’ Qeybdiid waxa uu Su’aal ka keenay sababta ay ciidamo daacad u ah Imaaraatka u weerareen Hooygiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dowlada Federaalka uu ka doonaayo inay cadeyso in lala maamulo dalka iyo inay iyada maamusho. Qeybdiid, waxa uu tilmaamay inaanu maankiisa galin in magaalada Muqdisho ay ka jirto awood aan aheyn tan dowlada waxa uuna dowlada Federaalka ah ka dalbaday inay cadeyso goorta Imaaraadku qabsaday dalka. Nuqul kamid ah hadalka Qeybdiid ayaa ahaa ‘’Waxaa sharci darro ah in ciidan aan Dowladdii Somaliyeed ka tirsanayn inay aniga i baaraan, haddee waxaa weeye sidee ku yimaadeen gurigeyga, ma Emirate baa dalka haysta’’? Waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxaan rabaa inaan u daayo baaris illaa ay dhacdo. Ciidamada Nabad Suggida iyo Militariga kulli way yimaadeen, ayagaana hadda ka war dhawreynaa.” Qeybdiid, waxa uu sheegay inaanu aqbali doonin in ciidamo ka amar qaata Ajaaniib ay ku xadgudbaan xasaanadiisa waxa uuna arrin foolxun ku tilmaamay in iyadoo ay jirto dowlad Federaal ah uu shisheeye maamulanayo dalka. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha ciidamada Militeriga ayaa ku dhawaaqay baaritaano degdeg ah, waxaana kiiskaas baaritaanka ugu horeeya ku bilaabay Taliska ciidamada Militeriga. Dhainaca kale, dowlada Federaalka ayaa laga sugayaa natiijada baaritaanka waxaana lagu wadaa in gudaha asbuucan lasoo saari doono wixii kasoo baxa barista socta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qeybdiid ‘’Dowladu ha cadeyso weerarkeyga dalka ma Imaaraadka ayaa maamusha ama iyada’’ appeared first on Caasimada Online.
  12. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan(Yariisow) oo wareysi siiyey Warbaahinta dowladda,ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka jawaab celisay weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi qeybdiid oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baaralamanka Soomaaliya. Yariisow ayaa sheegay in si deg deg ah loo fuliyay amarka madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa in si dhaqsi ah loo baaro falkaasi,isagoo xusay in ay socdaan baaritaan lagu hayo askar iyo saraakiil la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi. “Shacabka Soomaaaliyeed waxaan u sheegaynaa in aan laga daba hari doonin dadkii falkaasi ka dambeeyey,waxaa baaritaan ku socda oo xiran tiro isugu jirta saraakiil iyo ciidamo ila 41 qof ah,waa arrin ugub ah oo qal qal keeni karta, Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha,Wasiirka Gaashaandhiga dhamaan madaxdu aragti midaysan ayay ka qabaan falkaasi dhacay”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Yariisow. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay shacabka la wadaagi doonaan markii uu soo dhammaado baaritaanka haatan socda ee lagu hayo askarta iyo saraakiisha xiran ee lagu tahmayo weerarka. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii guriga Cabdi Qeybdiid. appeared first on Puntland Post.
  13. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in weerarkaasi uu aad u niyadjabinayo isla markaana ka dhigan yahay in duulaan lagu soo qaaday dastuurkii KMG ah ee dalka u degsanaa. Senator Xuseen ayaa intaasi raaciyay in Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid markii gurigiisa la weerarayay ay ku wada jireen shir arrimaha dastuurka looga hadlayay, dhacdadaasna ay tahay mid ay aad uga argagaxeen. Senator Xuseen ayaa sheegay in haddii madaxda qaranku ay ogaayeen ay la macno tahay musiibo qaran haddii aysan ka war heyninna ay lamid tahay dayacaad qaran. Wuxuu kaloo sheegay in weerarkii guriga mudane Cabdi Xasan Cawaale lagu qaaday iyo kii siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna maalmo ka hor dhacay ay yihiin weerarro siyaasadeed ayna uga digayaan in dalka ay fowdo ka abuuraan “Weerarkaasi waxaa uu ka dhiganyahay weerar lagu soo qaaday dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee Soomaliyada hadda dimuqaraadiyadda rabta ku dhaqmeysay, waa weerar lagu soo qaaday sarreynta sharciga, waa weerar lagu soo qaaday xildhibaannada baarlamaanka Fedaraalka weerar dowladnimada halis ku ah ayuu u muuqdaa” Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii ka hadlay ogaanshiyo la’aanta madaxda ee weerarka” Waxaan isleeyahay madaxda qaranka waxaan u xilsaaranay inay maamulaan hay’adaha fulinta oo iyaga Koontaroolaan inay wax ka ogaayeen ayaan rajeyneynaa haddii aysan ogeyn waa aay ka sii darantahay waxayna noqoneysaa waddankii oo aan lagaraneynin cidda maamuleysa labada jeerba haday ogaayeen madaxda qaranka waa xad-gudub dastuur haddii aysan ogeyna waa halis inteeda la eg oo wadanka cid maamuleysa iyo cid gacanta ku heysa labadaba mid halis galineyso waaye”. Goobjoog News Source
  14. Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan Ciidamada Soomaaliya ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacantay qarax miino oo subaxnimadii hore saaka ka dhacay meel u dhow Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Qaraxa ayaa ka dhashay miino dhulka la galiyey la kacday Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM,ilaa iyo haatanna faahfahin lagama hayo khasaaraha AMISOM,balse wararka qaar ayaa sheegaya in waxyeello soo gaartay. Ciidamada Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa baritaan ka bilaabay dhammaan xaafadaha ka agdhow Wasaaradda Difaaca,sida ay sheegayaan wararka halkaasi ka imaanaya. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntlandpost.net The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
  15. Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya sharciyadda ay u leeyihiin ansixinta miisaaniyadda qaranka. Arrintan ayaa timid kadib markii golaha shacabka uu ansixinta miisaaniyadda kadib si toos ah ugu diray madaxweynaha, qaabkaas oo aqalka sare qalad u fahmay. Waxaa xusid mudan in Aqalka sare ee baarlamaanka 10aad uu kulankoodii 5tii November ay ansixiyeen qodob lagu daray xeerhoosaadkooda oo dhigaya in ay ansixin karaan miisaaniyadda oo markii hore ko koobneyd golaha shacabka. Wararka arrintan la xiriira kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source
  16. Guddiga dastuurka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa qoraal uu bartiisa soo dhigay sharci-darro ku tilmaamay weerarkii hoyga guddoomiyahooda Senator Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) Qoraalka oo koobnaa waxaa uu ku qornaa sidan: “Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka FS Waxaa uu cambaareynayaa weerarkii sharci darada ahaa ee lagu weeraray Guddoomiyaha Guddiga Senator Cabdi Xasan Cawaale. Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda in jawaab wax ku ool ka bixiso sharcigana la horkeeno ciddii amarka soo dhiibtey”. Source
  17. Jamahuuriyadda Congo ayaa ku amartay shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta inay guud ahaan jaraan adeegga internetka iyo fariimaha gaagaaban ee adeegga dalka. Amarka ay soo saartay xukuumadda Congo ayaa waxaa uu imaanayaa iyada oo lagu wado maanta oo Axad ah in dalkaasi ay ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeeda xukuumadda sidaas darteed ayey xukuumaddu u jareysaa adeegyada isgaarsiinta iyo internetka. Dowladda Itoobiya ayaa tallaabadaan oo kale qaaday bartamihii bishaan December, waxayna xirtay qaar ka mida baraha ay ku xariiraan bulshada ka dib markii ay xoogeysteen isku dhacyada u dhaxeeya qoomiyadaha degan dalkaasi. Wasiirka isgaarsiinta Congo ayaa ku tilaamay tallaabadaan ay dowladda qaaday mid lagu ilaalinayo amniga dowladda … loogana hortagayo xadgudubyada waxaa uu yiri “ Dowladda waxaa waajib ku ah inay qaadato dhammaan tallaabooyinka ay ku ilaalineyso nafsadaha muwaadiniinta reer Congo”. Goobjoog News Source
  18. Maxkamad ku taallo Masar ayaa ku xukuntay xabsi muddo saddex sano ah madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi iyo 19 kale oo qof ka dib markii ay liideen madaxda garsoorka dalkaasi. Mursi iyo kooxdaan kale ayaa horay waxaa ay u sheegeen warar ay ku naqdinayaan xukunka waxayna doonayeen inay baahiyaan warar ku saleysan naceyb sida ay sheegtay maxkamadda. Maxamed Mursi ayaa loo maxkamadeeyay arrimo dhowr ah tan iyo markii ay casileen ciidamada bishii June ee sanadkii 2013 ka dib markii ay dhaceen banana-baxyo ballaaran oo looga soo horjeeda xukunkiisa. Waxaa la soo saaray labo xukun oo ugu dambeyn Mursi ka dhan ah iyo xubno ka tirsan kooxda Ikhwaanul-muslimiin ee uu ka tirsanyahay. Mursi ayaa agu xukumay xabsi daa’in ah isaga oo lagu heystay labo arrimood oo kala ah dhacdooyinkii ka dhacay aqalka madaxtooyada Masar ee Al-tixaadiyah iyo inuu sirdoon u ahaa dowladda Qatar. Goobjoog News Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax culus oo inta badan laga wada maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay Wadada Warshaddaha ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxaa lasoo sheegayaa in subaxnimadan lala eegtay Kolonyo Gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan AMISOM. Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid lagu dhuftay gaadiidka, halka warar kaa ka duwan ay sheegayaan in lagu aasay hareeraha wadad Warshaddaha. Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa laga maqlaayay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada ku dhow dhow goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa uu ka dhashay qasaaro kala duwan. Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa xiray wadada Qaraxa kadib waxaana xiliga Qaraxa halkaa maraayay Gaadiid shacab iyo dad kusii jeeday goobahooda shaqo. Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa, inkastoo la xaqiijiyay inuu jiro khasaaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in mar kale ay Somalia kala baxday ciidamo farabadan oo hordhac u ah qorshaha Somalia looga saarayo ciidamada AMISOM. Dowlada Ugandha ayaa sheegtay inuu bilowday qorshaha la bixitaanka ciidamada, ka hor inta aan mar qura la wada saarin ciidamada. Ugandha waxa ay tilmaanta in maalintii shalay ay Somalia kala baxday ciidamo dhan 281 oo kamid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ka howlgalaayay Muqdisho. Afhayeenka Ciidamada Uganda Korneyl Richard Karemire oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in bixitaanka Ciidankaan ay qayb ka tahay dhimista Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya. Waxa uu Korneyl Richard Karemire sheegay in 1000-kii ugu horreeyay bixitaankoodu ku egyahay 31 bishaan Dec, halka tirooyinka harsan ay ku dhameystiri doonaan muddo kooban. Nuqul kamid ah hadalka Korneyl Richard Karemire ayaa ahaa “Waxaan horeyba u fulinay shuruudaheena sida Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, waxaan horeyba u dhignay ciidankeena 281 si waafaqsan Dastuurka 31-ka December,” Korneyl Richard Karemire, waxa uu intaa raaciyay in ku dhawaad 1000 Askari ay ka bixin doonaan Soomaaliya, islamarkaana 5000 ay sii joogi doonaan Soomaaliya. Dhinaca kale, Wakiilada beesha caalamka ka jooga Somalia ayaa siyaabo kala duwan uga digay in xiligaan ciidamada AMISOM laga saaro Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Bixitaanka ciidamada AMISOM oo si rasmi ah u bilowday & Ugandha oo ciidamo cusub la baxday appeared first on Caasimada Online.
  21. In Latin American countries, the United Fruit Company (UFCO), a USA owned Private Corporation runs the biggest export trade in agricultural production primarily, in the production of bananas which is a preferred dietary consumption in the United States, the history of growing bananas in the Central Latin American countries dates back to 1870, Mr. Keith was the man who pioneered this successful business. He even married the daughter of Costa Rican President to advance his business empire. His efforts paid off and eventually earned the title of “The Uncrowned King of Central America”. This multinational company has been considered the quintessential representative of American imperialism in Central America. Not only did the Company enjoy enormous privileges in that region but also counted on authoritarian governments in dealing with labor unrest and other unlawful activities. Today, UFCO is among the world’s four largest food producers, and it has strong political connections in some Central Latin American countries notably: Guatemala, El Salvador, Honduras, Nicaragua, Costa Rica and Panama. For example, in Guatemala under Dictator Jorge Ubico, the United Fruit Company gained control of 42% of Guatemala’s “arable land”. In 1951, Jacobo Arbenz was elected as the 25th President of Guatemala; he was a strict nationalist who wanted to restore the plundered land to his peasants. The CIA labeled him to be a communist, and he finally resigned from office for a fear of his safety. The United States with the support of CIA frequently used to carry out “covert operations” in which they either murder or remove power from any President who dares to resist the interest of their business empire. The disdainful term of “Banana Republic” is often referred to those nations, though some people could possibly misunderstand the true meaning of this word; It is true that these nations produce the tropical fruit of bananas, however, the exact meaning of banana republic is ‘a political term” meaning: “A weak, and politically unstable nation with an economy dependent upon the exportation of a limited resource product e.g. bananas, minerals”. The UFCO reduced these nations to a mere banana republic which has no other choices but to be dictated. Over the past decades, Somaliland Private Enterprise was running at a faster rate, the major line of business in our country is more or less a single component of business namely: “Service Business” whether they are involved with the money transfers, telecommunications or air transport.  These local private enterprises accumulated a lot of fortune in the form of profits  They often get tax breaks from the government, or pays lesser than their actual profits.  They do not encounter much tougher policies of economic regulations which are supposed to be imposed by the government  They rarely make a local reinvestment from the proceeds of their marginal profits instead; they create a capital flight.  Any free market economy which failed to operate within the framework of government regulations consequently distorts the entire system of any economy and creates haves and have-nots It is a true fact that these local entrepreneurs have advanced the delivery of essential services, and created the retention of job markets, however, still much has to be reconsider. Abdulqadir Omer Jama janaale59@gmail.com
  22. ADDIS ABABA, Dec. 30 (Xinhua) — Renewed unrest in Ethiopia’s central Oromia regional state left one person dead and four others injured, a regional official said on Saturday. Speaking to journalists, Ketema Bekelcha, Head of security department at Huro Guduru Wollega zone of Oromia regional state, said the unrest occurred on Friday when youths in Shambu city, 303 km northwest of Addis Ababa, tried to rob passing trucks carrying sugar. The incident is the second time in two months that unrest over sugar being transported in Oromia caused deaths. In October, at least eight people died in Ambo city, 130 km north of Addis Ababa, when police and soldiers used live rounds against angry demonstrators who blocked roads to prevent transportation of sugar. The demonstrators believed erroneously sugar from nearby Fincha sugar factory was being transported illegally to other places. Ethiopia is in the midst of a severe sugar shortage which the Ethiopian government blames on bad weather condition that halved the country’s sugar production last year. Oromia, Ethiopia’s largest regional state, has seen large anti-government protests by ethnic Oromos since the end of 2015, leaving hundreds of people dead. Oromos, Ethiopia’s largest ethnic group making up a third of the country’s 100 million population, complain of decades of economic, political and social marginalization by successive governments. Martial law declared in October 2016 and later lifted in August 2017 had calmed Oromia regional state, but renewed anti-government protests starting October left several people dead and property damages.
  23. ADDIS ABABA, Dec. 30 (Xinhua) — The Ethiopian Federal High Court in Addis Ababa on Saturday gave prison sentences to two members of Ogaden National Liberation Front (ONLF), an outlawed rebel group. The first defendant Ahmed Abdi was sentenced to 13 years in prison while second defendant Ahmed Mohammed was sentenced to 15 years in prison. The two, residents of Mogadishu in neighboring Somalia, were caught in July 15, 2016 as they were trying to infiltrate Ethiopia from Somalia. ONLF is an ethnic rebel group which has been operating in Ethiopia’s Somali regional state for the last two decades. The rebel group made international headlines in April 24, 2007 when it launched a deadly raid on an oil field in Ethiopia Somali regional state. The attack left 65 Ethiopians and nine Chinese dead. The oil facility was run by China Petroleum and Chemical Corporation (Sinopec). After the attack the Ethiopian government undertook a vigorous counterinsurgency campaign and indigenization of the security forces in Somali regional state succeeding in taking the sting out of the insurgency. It also undertook large scale infrastructure projects to win the hearts of local population who were thought to be sympathetic to ONLF.
  24. Earlier this year, President Trump declared parts of Somalia a warzone. Since then, the U.S. has conducted dozens of drone strikes trying to stop a ruthless terrorist group that’s killed hundreds. CBS News’ Deborah Patta filed this reporter’s notebook from Mogadishu. A brutal civil war followed by al-Shabab‘s bombing campaign has left a city in ruins. Despite this, there is a semblance of normality in parts of Somalia’s capital Mogadishu. Mogadishu returns to an uneasy new normal despite ongoing threats from al Qaeda-linked al-Shabab CBS NEWS What you don’t see — because CBS News was not allowed to film there — are the roadblocks on almost every street manned either by government security forces, clan militia or private guards. Filming in Mogadishu is still difficult: There are roadblocks everywhere, and CBS News crews were always surrounded by armed police and even arrested on one occasion. The arrest lasted only five hours but underscores the point that even with official permission and all the right documentation – Somalia is unpredictable. Mogadishu is still recovering from decades of war. CBS NEWS Even in a city that is no stranger to death and destruction, the most recently October 14 vehicle bomb killed over 500 people was on a scale never before seen here. And now there is a new security nightmare: The laptop bomb that al-Shabab continues to try and perfect. In CCTV footage, two men are shown entering the airport. One is carrying a laptop, and he slips the computer to the bomber. The man was the head of Mogadishu’s airport security at the time. The laptop exploded shortly after takeoff and blew a hole in the side of the plane. Only the bomber was killed, bu in the past 18 months, three other computers bombs were found after one partially exploded in a cargo hold. New multi-layered security checks, including dogs trained to sniff out explosives, are supposed to stop that. But al-Shabab still has people on the inside. Al-Shabab is using laptop bombs to slip past airport security. CBS NEWS “So the biggest problem we have – is that no matter who it is from the airport manager to the cleaner – everybody has to follow the security,” said deputy head of security Said Eliye. Intelligence officials told CBS News that al-Shabab will continue to make laptop bombs until they get it right. They have bomb-making factories around the country and Mogadishu, they can blend easy into local communities. Also living in those communities are counter-terrorism police, who are frequently targeted for assassination. Officials were scared to go on camera, filming anywhere made people nervous and we were unable to do anything without heavy security detail. A quiet road may not look menacing but it can turn nasty in an instant CBS