-
Content Count
204,979 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa madaxweyne Farmaajo u ogolaaday in uu saxiixo miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2018 oo ay horay u ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Mudanayaasha Aqalka sare ayaa si aqlabiyad leh ku ogolaaday in madaxweyne Farmaajo uu saxiixo miisaaniyadda,kadib markii 26 xubnood oo kamid ah 29 Mudane ee kulanka fadhiyay ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen miisaaniyadda,halka saddex xubnoodna ka aamustay. 13 bishaan December ayaa xildhibaannada Golaha Shacabku ansixiyeen miisaaniyadda oo gaaraysa 274 milyan oo dollar,waxayna haatan u gudbaysaa Xafiiska madaxweynaha si uu u saxiixo. 5 bishii November ee sannadkaan Kulan ay yeesheen Xildhibannada Aqalka sare ayey ku ansixiyeen qodobo cusub lagu daray xeer hoosaadkooda,kuwaasoo dhigaya in ay ansixin karaan miisaaniyadda dowladda. PUNTLAND POST The post Aqalka sare oo Ogolaaday in Madaxweyne Farmaajo uu Saxiixo Miisaaniyadda ee sannadka 2018-ka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya uu ka mid noqday dadka loo xiray falkii ka dhacay Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Wararka ayaa sheegaya in taliyaha NISA ee degmada Hodon ninka lagu magacaabo Bashiir cabdi Siyaad loo xiray weerarka shalay lagu qaaday Guriga Cabdi Qeybdiid, waxaana la sheegay inuu sarkaalkan ahaa qofkii ugu horeeyay ee taga Guriga Cabdi Qeybdiid markii ay qabsadeen ciidamada weerarka ku qaaday isagoo kala hadlay in Guriga uu leeyahay mas’uul xasaanad leh. Lama oga ujeedada loo xiray Taliyaha NISA ee degmada Hodon, laakiin waxaa la sheegay inay ka mid tahay baaritaan ballaaran oo lagu hayo kiiska weerarka ka dhacay Guriga oo sidoo kale loo xiray 41 askari oo ay kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Waa kuma Sarkaalka NISA ka tirsan ee loo xiray Weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid? appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (Puntlandi) Hay’adda dowladda Puntland u qaabilsan la dagaalanka iyo cudurka HIV/AIDS ee PAC ayaa maanta qabsatay kulan dib u eegis loogu sameynayo waxyaabihii u qabsoomay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay. Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay wakiilo ka socotay bahda caafimaadka Puntland, hay’addaha caalamiga ah iyo saraakiisha hay’adda PAC oo ka kala yimid xarumaha hay’addu ku leedahay gobolada Puntland. Agaasimaha hay’adda PAC, Cabdiqaadir Maxamed Axmed (Burburshe), ayaa sheegay saddexdii ee lasoo dhaafay waxyaabihii ay ku guulaysteen inay kamid yihiin, dhismaha dallad ay ku midaysan yihiin dadka la nool cudurka AIDSKA, howlgalinta saraakiisha hay’adda PAC u jooga gobolada Puntland, dardar galinta siyaasada HIV/AIDS, abuurida guddi heer gobol ah oo ka shaqeyndoona wacyi galinta iyo talo bixinta HIV/AIDS, qabashada olalale la dagaalanka takoorka dadka la nool AIDS-ka, iyo magacaabida safiir u taagan uqareemida dadka la nool cudurka AIDS-ka, oo loo magacaabay Marwo Caasho Geelle. Agaasime Burburshe ayaa sidoo kale sheegay, sannadkaan soo socda ee 2018, inay xooga saaridoonaan sidii loo yarayn lahaa takoorka iyo dhaleecaynta lagu hayo dadka qaba AIDS-ka iyo in lasoo dhiciyo xaqa ay leeyihiin dadkaan, haday ahaan lahayd waxbarasho iyo Hoy. Kulankaan ayaa lasoo gabagabayndoonaa maalinta berrito ah iyadoo lagasoo saaridoono warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta PAC ee sannadka 2018 illaa 2020. Puntlandi.com
-
HARGEISA– The President of the republic of Somaliland, His Excellency Col. Musa Bihi Abdi has passed a message of congratulation to the people of Somaliland at home and abroad on the beginning of 2018 New Year. The President speaking on behalf of Somaliland has sent wishes to the civil servants, men and women in uniform, the parliament and the council of ministers as well as local council on occasion of the birth of the new year. The country is enjoying a day off from work tomorrow according to Civil Service Commission. The New president who has been in office for two weeks has hoped for peaceful and prosperous year for the nation. He also hoped a year of peace and prosperity for Muslim community around the world.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in weerarkaasi uu aad u niyadjabinayo isla markaana ka dhigan yahay in duulaan lagu soo qaaday dastuurkii KMG ah ee dalka u degsanaa. Senator Xuseen ayaa intaasi raaciyay in Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid markii gurigiisa la weerarayay ay ku wada jireen shir arrimaha dastuurka looga hadlayay, dhacdadaasna ay tahay mid ay aad uga argagaxeen. Senator Xuseen ayaa sheegay in haddii madaxda qaranku ay ogaayeen ay la macno tahay musiibo qaran haddii aysan ka war heyninna ay lamid tahay dayacaad qaran. Wuxuu kaloo sheegay in weerarkii guriga mudane Cabdi Xasan Cawaale lagu qaaday iyo kii siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna maalmo ka hor dhacay ay yihiin weerarro siyaasadeed ayna uga digayaan in dalka ay fowdo ka abuuraan “Weerarkaasi waxaa uu ka dhiganyahay weerar lagu soo qaaday dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee Soomaliyada hadda dimuqaraadiyadda rabta ku dhaqmeysay, waa weerar lagu soo qaaday sarreynta sharciga, waa weerar lagu soo qaaday xildhibaannada baarlamaanka Fedaraalka weerar dowladnimada halis ku ah ayuu u muuqdaa” Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii ka hadlay ogaanshiyo la’aanta madaxda ee weerarka” Waxaan isleeyahay madaxda qaranka waxaan u xilsaaranay inay maamulaan hay’adaha fulinta oo iyaga Koontaroolaan inay wax ka ogaayeen ayaan rajeyneynaa haddii aysan ogeyn waa aay ka sii darantahay waxayna noqoneysaa waddankii oo aan lagaraneynin cidda maamuleysa labada jeerba haday ogaayeen madaxda qaranka waa xad-gudub dastuur haddii aysan ogeyna waa halis inteeda la eg oo wadanka cid maamuleysa iyo cid gacanta ku heysa labadaba mid halis galineyso waaye”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Senator Xuseen: Haddii Madaxda Qaranka Aney Ogeyn Weerarka Waa Dayacaad Qaran appeared first on Caasimada Online.
-
Bosaso-[Puntland Post]-Munasabada lagu maamusayey 40 arday oo dhamestay labo kuliyadood oo kala ah Hogaanka iyo Maamulka iyo dhaqaalaha islaamka waxna ka bartay Akadimayada Barashada hogaanka iyo Maamulka ayaa lagu qabtay Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari, Xalfada ayaa waxa ka qeyb galay Maamulka Akadimayada Barashada Hogaanka iyo Maamulka ,wakiil ka socday Jaamacadaha Bosaso ku yaala ,Gudoomiyaha Mu,asasad Al-minhaa ,walidiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. Dr Maxamuud Sheekh Cismaan Diyeeshe oo ah Maamulaha Akadamiyada Hogaanka iyo Maamulka oo ugu horan madasha ka hadlay waxa uu ka sheekeyey marxaladihii kala duwan ee ay Akadamiyadu soo martay iyo tirada ardayda qalinjabinaysa. ‘’Ardaydu wax ay iskugu jiraan labo kuliyadood oo kala ah Hogaanka iyo Maamulka iya sida oo kale Maamulka dhaqaalaha islaamka tiradooduna waa 40 arday oo gabdho iyo wiilal ah waana dafcadii labad oo Akadamiyada ka qalinjabisa tan iyo markii dhid baha loo taagay ‘’sidaas waxa sheegay Dr Maxamuud sheekh Cismaan Diyeeshe Maamulaha Akadamiyada Masuuliyiin ka socday Jaamacadaha Bosaso oo ka hadlay goobta waxa ay u hanbalyeyen ardayda qalinjabisay waxan ay kula dar daarmen in ay buslahada uga faa,ideeyan waxii ay soo barteen. Qaar ka mid ah ardayda oo madasha ka hadlay waxa ay iyaguna dhankooda balan qadeen in cilmigii ay barteen bulshadooda uga faa,idan doona. Waxa xusid mudan in shahaadooyinka ardayda la gudoonsiyey in ay ka yimadeen Akadamiyada Caalamiga ah ee barashada hogaanka iyo Maamulka ee ku taala Magaalada Khartuum ee Caasimada dalka Suudaan. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post 40 arday oo dhameystay Hogaanka iyo Maamulka oo xalfad Bosaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay 27 Sanno ka dib in ay dhisi doonaan Garsoorka, Maxkamadaha iyo Xeer ilaalinta Gobolka Gedo. Maalmahan dambe waxaa ku sugnaa degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo wafdi uu horkacayey Adan Ibrahiim Aw Xirsi oo ah Wasiirka Cadaaladda Dastuurka iyo Arimaha Diinta ee Jubbaland. Ulajeedka Safarka shaqo ee wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay inay la xariirto sidii degmooyinka Gobolka Gedo looga hirgelin lahaa Hay’adaha garsoorka iyo furitaanka Xero lagu tababari doono Booliska degmooyinka Gobolka Gedo. Wasiir Adan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay safarka ay ku yimaadeen Garbahaarey in uu lahaa Saddex ulajeeddo oo ay kamid yahiin, dhismaha hay’adaha Garsoorka Gobolka, furitaanka Xero Tababar oo lagu tababarayo Ciidamada Booliska Jubbaland ee degmooyinka Baardhere, Garbahaarey iyo Buurdhubo iyo ulajeedada Saddexaad ayuu ku tilmaamay dadka iney uga waramaan marxaladaha siyaasadeed iyo doorashooyinka soo socda sida ay ugu dhici doonaan Jubbaland. Wasiir Aadan ayaa wuxuu rajo wanaagsan uu ka muujiyey qaababka ay u socanayaan howlaha shaqo ee ay ku joogaan Garbahaarey, isagoo sheegay in dhammaan ay mari doonaan degmooyinka kale ee Gobolka, Islamarkaana ay ka dhisi doonaan hay’adahii Garsoorka, sida maxkamadaha, Xeer ilaalinta iyo Xabsiyada, adeegyadaasi ayuu tilmaamay bulshada deggan gobolka in ay baahi weyn u qabeen sanado badan. Goobjoog News Source
-
Golaha Wasiirada Galmudug ayaa maanta Axad ah waxay ansixiyeen Miisaaniyadda sanadka 2018 uu ku shaqeen doono Maamulkooda. Kulan ay wasiiradan ku yeesheen magalada Cadaado ayey ku ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka maamulka Galmudug. Wasiirada Galmudug ayaa sidoo kale ka hadlay weerarkii shalay lagu qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Cawale qeybdiid waxaana ay ka dalbadeen Dowladda Soomaaliya in baaritaan dhab ah ay ku sameyso weerarkaasi. Golaha Wasiiradda Galmudug ayaa isku raacay natiijada kasoo baxda baaritaanka in lala wadaago maamulka Galmudug maadama Deegaanada Maamulkaasi laga soo doortay Mudane Qeybdiid. Goobjoog News Source
-
Guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa maanta soo saaray go’aan waxba kama jiraan ka dhigaya xasaanad ka qaadista Xildhibaannada uu soo jeediyay Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir. Xeer-ilaaliyaha ayaa ku guul-dareystay in uu guddoonka iyo guddiyada golaha shacabka hor-keeno wax caddeymo ah oo ka dhan ah eedeymaha uu ku heysto Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye. Qoraalka ka soo baxay guddoonka waxaa lagu sheegay in Xeer-ilaaliyaha uu Ka gaabiyay inuu guddiga la wadaago caddeymo uu hayo galdacwadeedka awgeed, sidaasi darteedna ay guddiga joojinayaan soojedinta xasaanad ka qaadista xildhibaannada. Xeer-ilaaliyaha ayaa horay shir jaraa’id uu December 17keeda qabtay ku sheegay in uu golaha shacabka u gudbiyay qoraal cadeynaya labo Xildhibaan oo abaabul sharci-darro iyo qaran dumis wado isaga oo hadlaya waxaa uu yiri “Innaga oo halkaasi ka duuleyna, waxaan maanta guddoomiyaha golaha shacabka iyo baarlamaankaba aan u gudbinay qoraal cadeynaya labo Xildhibaan oo abaabul iyo sharci-darro iyo qaran dumisnimo lagu eedeynayo, cadeymaheedii, baaritaankeedana uu dhameystiran yahay in ay xasaanadda ka qaadaan, si loo horgeeyo sharciga, baarista dhimanna loo dhameystiro, labadaasi Xildhibaan oo magacyooda ay kala yihiin: Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye, labadaasi xildhibaan baaris dheer kadib ay xafiiska u muuqatay in ay galeen fal-dambiyeedyo u baahan in baaris lagu sameeyo, si baaristaan loo dhamestiro, haddii u muuqana loo aan horgeeyo maxkamadda awoodda u leh waxaan baarlamaanka iyo guddoomiyaha xasaanadda laga qaado” Hadaba, qaraarka guddiga joogtada ah ay soo saareen waxaa ku cad in Xeer-ilaaliyaha qaranka aanu golaha u gudbin wax caddeyn, hadalkii uu shirka jaraa’id ku sheegana ay tahay waxba kama jiraan. Hadaba Halkan Ka Akhris, Qaraarka Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka: Source
-
Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya uu Gudoomiye u yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ayaa ka soo Horjeeystay Tilaabo Xasaanada looga qaadayo Labo Xildhibaan. Guddigaan joogtada ah oo kulan ku yeeshay maanta Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa sheegay in ay ku gacan seereeyn codsigii ka yimid Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo Dalbaday in xasaanada laga qaado Labo Xildhibaan Si maxkmad loo soo Taago. Hoos ka Aqriso Qoraalka ay soo saareen Guddigaasi Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Guddiga Joogta ah Ee Baarlamaanka oo Soo Horjeeystay Xasaanad Ka Qaadista Labo Xildhibaan appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Puntlandi) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey), ayaa soo dhoweeyay heshiiskii nabadeed ee laga gaaray colaadii dumburka iyo Quriley, halkaas oo dhowaan ay ku dagaalameen beelo walaalo ah. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Egn, Camey ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo Garaad Jaamac Garaad Cali, isagoo ku ammaanay inay labadooduba go’aan ku gaareen inay dhammaayaan colaada. Camey ayaa sheegay inay dowladda Puntkand diyaar u tahay wax alle wixii kaalin ah oo looga baahdo si colaadaas loosoo afjaro, Waxaa kale oo madaxweyne ku xigeenku u mahad celiyay dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia masuuliyada ay ka qaateen daminta colaada. Wuxuu madaxweyne ku xigeenku sheegay inay dowladdu taageersan yahay in dowladda degaanka sugaan ammaanka goobihii colaadu ka dhacday maadaama ay iyagu mamaulaan. Halkaan ku dhegayso codka madaxweyne ku xigeenka. MKX+Camay_heshiiska+beelaha+gumburka+iyo+qoriley_jfa_30+Dec+'17
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga joogtada ee golaha shacabka oo uu hogaaminayo guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ku gacan-sayray soo jeedintii Axmed Cali Daahir ee la xiriirtay in laba xildhibaan xasaanaada lagala noqdo. Kulan ay maanta muqdisho ku yeeshayn Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa lagu soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan Dalabka kaga yimid Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir. The post Akhriso-:Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka soo horjeestay dalab uga yimid Xeer-ilaaliyaha Qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Kulankii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta looga hadlay weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid] oo ka tirsan golahaas. Waxaa kulanka lagu dalbaday faahfaahin ku saabsan sida ay ku dhacday arrinta lagu weeraray guriga Cabdi Qaybdiid iyo cidda ka dambeysay, waxayna ku doodeen inaan lagu qanci karin in 40 askari oo loo soo xir-xiray weerarkaas. Qoraalo lagu baahiyay baraha bulshada ee ay isticmaalaan warbaahinta qaar ka mid ah ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Aqlka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi uu dalbaday in la joojiyo mashaariicda ay Imaaraadka carabtu ka wadaan Soomaaliya. Sidoo kale, Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa u yeeray inay Golahaas ay hor-yimaadaan Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga Somalia Maxamed Abuukar Isloow iyo Mursal Maxamed Sheekh C/raxmaan. Wasiirradan ayaa lagu wadaa in su’aalo laga weydiiyo weerarkii shalay lagu qaaday guriga Sen. Cabdi Qaybdiid oo ka tisran Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia, isla markaana ah guddoomiyaha guddiga dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka Somalia. Dhanka kale, Aqalka Sare ayaa u yeeray Taliyaha ciidamada Xoogga dalka si wax looga weydiiyo wixii ka dhacay guriga Cabdi Qeybdiid, kaasoo loo xiray tiro ka mid ah ciidamada Soomaaliya iyo sarkaal ka tisran Nabadsugidda DF. Ugu dambeyn, Guriga Cabdi Qaybdiid ayaa shalay waxaa weeraray ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwii ay tababartay Imaaraadka, kuwaasoo la sheegay inay dhibaatoooyin ka geysteen guriga Senator-ka oo murankiisu uu weli socdo. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia oo u yeeray Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamadii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Guriga Senator C/qaybdiid ayaa waxa ay ku xiran yihiin Xabsiga Baarista ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ku leedahay Madaxtooyadda. Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida Somaliya ayaa inoo sheegay in ciidankaan baaris ay ku socoto, islamarkaana xalay ay ku hoyden xarunta Dambi Baarista Ciidanka NISA ee Madaxtooyada ku taal, si halkaasi loogu wareysto. Ciidamada xiran ayaa tiradooda waxa ay gaaraysa 42 askari oo laba ka mid ah yihiin Saraakiishii horkaceysay hawlgalkii lagu galay hoyga C/qaybdiid ee ku yaallo Degmada Hodan. Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay ciidanka galay guriga C/qaybdiid, laakiin qaar ka mid ah askarta oo siyaabo kala duwan loo wareystay ayaa sheegayay inay ku qaldoomeen hoyga C/qaybdiid. Madaxweynaha Somaliya ayaa amar ku bixiyay in la baaro sababta ciidankan ka tirsan Militariga Somaliya qaybta ay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen guriga C/qaybdiid. Ciidamadan galay guriga C/qaybdiid oo ka tirsan kuwa ay tababaraan Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay u tababaran yihiin kumaandooska oo kale, waxaana ay qaataan mushaar ahaan dhaqaale fiican, iyaga oo fuliyay weerarada qorsheysan. Su’aal ayaa ka taagan illaa hadda sababta rasmiga ah ee salka ku hayso weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ah Xubin ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Halkee la geeyey ciidamadii iyo saraakiishii weerartay Guriga Cabdi Qeybdiid? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa maanta kulankoodii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen weerarkii shalay ciidamo la sheegay inay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen hoyga C/qaybdiid. Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi ay ku kaceen ciidamada, waxaana ay sheegeen in arintaan ay u baaha tahay isla xisaabtan dhab ah. Golaha Aqalka Sare Xildhibaanadooda, ayaa sheegay arintaan in wax laga waydiin doono Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo Wasiirka amniga Somaliya. Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa aragti mideysan oo cambaareyn ah ka jeediyay falkaasi shalay dhacay, waxayna sheegeen muhiim inay tahay in la qaato masuuliyadda falka dhacay. Ciidamo gaaraya 42 askari ayaa u xiran weerarkii shalay lagu qaaday hoyga C/qaybdiid ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo falkaasi. Dhamaadka sanadkan 2017-ka ayaa waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin siyaasadeed oo weli hadal haynteeda dalka ay ka taagan tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Aqalka sare oo deg deg ugu yeeray Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo shalay ay gurigiisa weerarreen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ee Imaaraadku tababarreen. Kulanka ayaa looga hadlay arrinta ka dhacday Guriga Cabdi Qeybdiid iyadoo madaxweyne Farmaajo uu arrintaas uga cudurdaartay Senator Qeybdiid, isagoo sheegay in sharci darro lagula kacay, ciddii ka danbeysayana tallaabo laga qaaday oo sharciga ay wajihi doonaan. Labada dhinac ayaa isla garta in arrinta loo daayo baaritaanka socda, isla markaana meesha laga saaro in qaab siyaasadeed looga faa’iideysto arrintan dhacday, taasoo la isku afgartay. Senator Cabdi Xasan Cawaale ayaa ka dalbaday madaxweynaha in xoogga la saaro sidii loo heli lahaa cidda amarka bixisay ee ka dambeysay weerarka lagu aaday Gurigiisa oo dhibaatada gaartay ay kala weyn tahay in la ogaado sababta iyo cidda amarka bixisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kasoo baxay kulankii xasaasiga ahaa ee dhex maray Cabdi Qeybdiid iyo Madaxweyne Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkadda Dalkom Soomaaliya oo horay dalka uga hirgelisey adeegga viber Optiga ayaa waxa ay daahfurtay adeegyo cusub oo baahiyihii tecknoologiyadda SATLET-ka ay uga baahi tirayso shacabka. Dalkom ayaa adeegyada cusub ugu magac dartay DALSAT, wuxuuna adeegaani xallinayaa dhibaatooyinkii teknoolojiyadda ee dibadda loo doonan jirey, sida uu sheegay Maxamed Jaamac oo ah maareeyaha shirkadda Dalkom Soomaaliya DALSAT ayaa waxaa laga heli karaa adeegyada dhinaca teknoolojiyada Satleytka ee dhinaca Internetka sida, Isku xirka xarumaha shirkadaha isgaarsiinta, Jaamacadaha, bangiyada iyo shirkadaha duulimaadyada goboladadalka oo dhan. Waxaa kaloo laga heli karaa adeegyada DALSAT lalinta warbaahinta oo idil gaar ahaan tabinta TV-yada tooska ah. DALSAT waxaa uu shirkadaha Soomaalida ka haqabtirayaa teknoolojiyada KEYDINTA macluumaadka gaarahaan xogaha Jaamacadaha , shirkadaha isgaarsiinta, warbaahinta iyo Bangiyadaba Maareeyaha shirkadda DALKOM Soomaaliya Jaamac ayaa sheegay in adeegyadaan heliddooda dhib lagala kulmi jirey qarash bandanna ku bixi jirey laakiin haatan laga heli karo isagoo jaban dalka gudihiisa. Haddaba ciddii daneyneysa in ay si fudud u hesho INTERNE, si fududna u laliso warar amaba daneyneysa isku xirka xarumaha iyo kaydinta macaluumaadka waxay arrimaah oo dhan uga bogan kartaa DALSAT. Waxaa lagala xiriiri karaa: Email: info@dalkomsomalia.com www.dalkomsomalia.com Tel: +25261-7745050 ama +25262-3745050 ama +25269-0745050 PUNTLAND POST The post Shirkadda Dalkom oo daahfurtay adeegyo cusub oo la xiriira baahiyaha Tecknoologiyadda appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada jubbaland ay gacanta ku Dhigeen Waxyaabo Qarxa. Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in qaraxyadaan la doonayay in la galiyo Gudaha Wadanka Kenya. Masuuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobta lagu qabtay waxyaabahaasi Qarxa. Wasiirka Amniga ee Jubbaland oo Baled-Xaawo ku sugan ayaa uga mahad ciliyay ciidamada howlgalkaasi ay ku soo qabteen walxaha qarxa. Al-Shabaab ayaa qaraxyo ka geeysta Gudaha wadanka Kenya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ciidamada Jubbaland oo Gacanta ku Dhigay Waxyaabaha Qaraxa oo loo waday Gudaha Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kadib markii amniga magaaladaasi la wareegeen ciidamo isku dhaf ah. Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xogga dalka Jeneraal C/laahi Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda amniga Gaalkacyo uu wanaagsan yahay, islamarkaana ciidamada ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah. Waxa uu tilmaamay Taliye C/laahi in ciidamada isku dhafka ah ay talaabo ka qaadi doonaan cid walbo oo isku dayday iney dhibaato ka sameyso magaaladaasi. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaadanaya sidii loo xasilin lahaa magaalada Gaalkacyo oo marar badan lagu guul darreystay in amni laga dhigo. Goobjoog News Source
-
DECEMBER 31, 2017 MOGADISHU (Reuters) – Masked men who appeared to be members of the Somali security forces raided the house of a powerful Somali senator on Saturday, but the government initially said it did not know who they were, fuelling political tensions. Senator Abdi Hassan Awale Qaybdiid is a former militia leader, chief of police, minister and regional head. Now he heads the constitutional committee in parliament and the upper house. The attack on his home underscores the lack of clear lines of command and control within Somali forces as top officials ordered an urgent enquiry into who authorized the raid. The weak, U.N.-backed government is fighting an al-Qaeda linked Islamist insurgency. But the fight has been hampered by its inability to control its fledgling national security forces, largely recruited from clan militias and put through training by other nations. “Government forces broke into my house, they beat the guard with butts and took his gun,” Qaybdiid told reporters at his home on Saturday. “They broke all the doors of my rooms and my cupboards… My wife was in the toilet by then. They broke the toilet while she was inside it.” “Immediately after my house was stormed, the head of Mogadishu’s national security forces called me saying the forces that attacked my house were the military forces trained by the United Arab Emeritus. But an investigation will prove who they were,” Qaybdiid said angrily. The United Arab Emirates (UAE), along with Turkey, Britain, the United States and others have all given Somali soldiers training. A spat between the Gulf states, especially Qatar and the UAE, has fueled political divisions in Somalia. Earlier this month, security forces killed five people in a raid on the home of a powerful opposition leader perceived to be close to the UAE. Officials accused him of trying to overthrow the government. The raid exacerbated tensions between some of Somalia’s powerful clans; the opposition leader was released although a court case against him continues. But the government said it had not ordered Saturday’s raid on Qaybdiid, who is from the same clan as the opposition leader. Somalia’s military commander, General Abdiweli Jama Gorod, said he had ordered an urgent investigation. “The entire government is disappointed. It was not something that was expected. We believe the forces and those who ordered them had ulterior motives,” he said. “I assure you that those who were behind the attack will be found and punished.” Witness Mohamed Nur told Reuters, “The forces that went into the senator’s house had dark greenish uniform and masks of the same color. They were many. As they went in, six pickups blocked the nearby alleys…there was no gunfire. The six pickups looked new but I could not make out which type of government soldiers they were.” Two security sources later told Reuters that 40 soldiers who had been trained by the UAE had been arrested for the attack. One source said two intelligence officials were also arrested. The soldiers’ arrests were also reported on a government-run website, although without attribution. Writing by Katharine Houreld; Editing by Stephen Powell
-
Aqalka sare ayaa kulankiisa maanta ogolaaday in uu madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo saxiixo miisaaniyadda 2018-ka. Golaha aqalka sare ayaa u codeeyay in madaxweynuhu saxiixo miisaaniyadda qaranka 2018 kadib markii guddoonka golaha ka codsaday in arrintaasi sharci u lahaanshiyahooda oo aan cadeyn iyo xaaladda dalku uu marayo awgeed ay ogolaadaan. Dhammaan codadkii la qaaday waa ogolaadeen in kasta oo Xildhibaannada qaar ay weli dood ka qabeen hadana guddoonka codsigiisa ayey tixgeliyeen. Goobjoog News Source
-
Atooraha Filimaanta Hindiga Rajinikanth ayaa maanta sheegay in uu kusoo biirayo siyaasadda, sheegana in uu xisbi ugaar ku dhawaaqi-doono. Atooraha oo aad looga jecelyahay koonfurta Hindiya gaar ahaan gobollada ay deegaan Tamil Nadu ayaa intaasi raaciyay in go’aankaasi u qaatay baahi taagan iyo waqtiga oo ku qasbay. said his joining politics was need of hour and compulsion of time. “Waxaan gudan-doonaa waajibkeyga, waan badali-doonnaa maamulka” ayuu sheegay atoorahan 67 jirka ah. Waxaa lagu wadaa in xisbigiisa uu ka qeyb-qaato doorashada ka dhici-doonta Tamil Nadu 2021-ka. Rajinikanth waxaa uu sidoo kale sheegay in hal-ku-dhegga xisbiga noqon-doono run, horumar iyo howl-kar. Atoorahan Rajinikanth in kasta oo filimaantiisa ku yar yihiin Bollywood-ka hadana koonfurta Hindiya waa atooraha ugu caansan. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xaalda Siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo khilaafyadii Siyaasadeed ee dhacay. Warka qoraalka ah ayaa loogu soo jeediyay Siyaasiyiinta mucaaradka ah fariin ku aadan in mucaaradnimadooda ay noqoto mid wax dhista balse aysan noqon mid wax dumisa. Sidoo kale Culumada ayaa waxa ay ka digeen in awood aan sharci aheyn la adeegsado iyaga oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed. Bayaankan oo ka kooban lix qodob ayaa Hay’ada Culumada Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan diintooda,dowladnimadooda iyo walaaltinimadooda. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Bayaanka kasoo baxay Culimada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Hay’ada Culumada Soomaaliyeed oo Bayaan xasaasi ah kasoo saartay xaalada Siyaasadeed ee dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabab ayaa sheegtay in shan ka mid ah Ciidamada AMISOM ay ku dileen Qarax saaka ka dhacay Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho. Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa intaas ku daray in Gaariga Ciidanka AMISOM ee la qarxiyay uu ku bur buray weerarkaas,islamarkaana askarta dhimatay ay arkeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo degaankaas ku sugnaa sida ay sheegeen. Warka ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay galbinayeen saraakiil ajaanib ah oo la shaqeeya Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Todobaadk ka hor ayaa sidan oo kale Ciidanka AMISOM waxaa lagu qarxiyay Waddada Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse oo ku dhacda Waddada Warashadaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-shabab oo ku dhawaaqday tirada Ciidamada AMISOM looga dilay Qaraxii Muqdisho ka dhacay Saaka appeared first on Caasimada Online.
-
Popular Contributors