Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    201,824
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somaliland waxaa ka socota tirinta codadkii doorashada madaxtinimo ee shalay dhacday taas oo ay ku tartamayaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid. Markii codbixintu billaabatay waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshada kuwada xiriirto sida Facebook, Twitter iyo Whats App, waxaana xayiraadaas fuliyay shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland, iyadoo hay’adda xuquuqda Aadanaha ay cambaareysay talaabadaas kuna sheegtay in war helida in ay muhiim u tahay doorasho xor iyo xalaal ah. Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa la filayaa in ay maanta la hadlaan Warbaahinta, iyagoo ka warbixin doona ilaa hadda inta santuuq ee tirintoodu soo gaartay iyo arrimo kale oo la xiriira Doorashada. Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa horey u sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada oo lagu dhawaaqo. Shacabka Somaliland ayaa aad ugu dheg taagaya natiija iyo cidda madaxweynaha u noqonaysa shanta sano ee soo socota. Warar hordhac ah oo soo baxaya waxay sheegayaan inay aad isugu dhowyihiin codadka labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani. PUNTLAND POST Hargeysa The post Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota appeared first on Puntland Post.
  2. Somali officials received a 10 tonnes medicine support by Rwanda.(Courtesy) The government of Somalia has expressed gratitude over a consignment of medical relief delivered yesterday by the Permanent Secretary in the Ministry of Foreign Affairs and Cooperation, Claude Nikobisanzwe. In a series of tweets on Monday, the Ministry of Foreign Affairs and Cooperation said that the charity act follows last month’s horrific terror attack in Zobe District of Mogadishu town which has left over 250 people dead. During the reception of the relief by Abdinasir Saeed Musse, the Deputy Minister of Internal Security and Amb Ali Mohamed Ali, Permanent Secretary at the Ministry of Foreign Affairs of Somalia, Nikobisanzwe said that Rwanda has been saddened and touched by the atrocity that happened two weeks ago. “The donation of medicine is a humble contribution from Rwanda to Somalia’s efforts to rebuild the health system,” Nikobisanzwe. The relief that was received at Aden Ade International Airport in the Somali capital Mogadishu consisted varied medical supplies weighing ten tonnes. “Rwanda is also ready to share experience with Somalia in many areas including of public order and health among others,” he added. The Permanent Secretary at the Ministry of Foreign Affairs and Cooperation of Rwanda, Claude Nikobisanzwe delivers a speech during the event. On behalf of the Somali government and people of Somalia, the country’s said thanked the government of Rwanda and their people for the brotherly support. “This support responds to the tragedy that had happened on 14th October. I would also like to thank Ministers Louise Mushikiwabo and Diane Gashumba of cause the Ministry of Health of Rwanda for the efforts put till today,” Somali Minister of Health, Fawziya Abaikar Nur said in a tweet. The deadliest single blast in this country caused by a massive truck explosion killed more than 300 and wounded over 600 other. No group has yet officially claimed the responsibility for the attack thought Somali government blamed Al Shabaab militia. Newtimes
  3. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay Munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda Qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka. Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta kooxaha Argagixisada, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray. “Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan xoreynta dalka, ma aqbali karno in shabaab maalin walba uu dilo dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waa inaan kuligeen u istaagnaa difaaca Qaranka,” ayuu yiri Khayre oo la hadlayay haweenka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Xasan Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka. “Go’aanka in 30% kuraasta xildhibaannada Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenku waa tillaabo dhaxalgal ah oo loo qaaday dhanka wanaajinta doorka dumarku ugu qayb-qaadanayaan gaarista go’aamada muhiimka u ah dalka. Hadda wixii ka dambeeyana waxaan ka shaqeyn doonaa in dumarku ay helaan fursado ka badan kuwii hore,” ayuu hadalkiisa ku daray. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney garab istaagaan ciidamadda, si meesha looga saaro dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayso argagixisadu. Ugu dambeyn, Wasiiradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Haweenka Qaranka, Batuulo Sh. Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamadda qalabka sida, kana qeyb qaadanayaan dagaalka lagu xoreynayo dalka. PUNTLAND POST The post R/WASAARE KHAYRE: Haweenka Soomaaliyeed waa in ay Hoggaamiyaan Xoreynta Dalka appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo Kale 14 October waxay aheyd maalin Madoow oo soo martay Shacabka Soomaaliyeed, waa maalintii ay Al-Shabaab dileen in ku dhow 400 oo Soomaali ah una badnaa Ganacsato, Ardayday iyo dad Saarnaa Gawaari ku xayirnaa Isgoyska Soobe halka 250 kale ay dhaawacmeen oo qaarkood ay dhaawacyada u geeriyoodeen. Haddaba waxaa la helay Sawir muujinayo Muuqaalka Isgoyska Soobe sida uu ahaa daqiiqado yar ka hor inta uusan qaraxa dhicin. Sawirkaan ayaa muujinayo Gawaari badan oo ku sugnaa Isgoyska Soobe, waxaana sawirka laga dhex arkayaa gaariga is qarxiyey oo dhex taagan bartamaha Isgoyska Soobe oo Xilligaas aheyd meel aad u mashquulsan. Sawirkaan ayaa waxaa laga helay Kaamirada Qarsoon ee ku xirneyd Isgoyska Soobe, taasoo systemkeeda uu yaalo Xarunta Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, waxaana suurtagashay inay duubto daqiiqado ka hor inta uusan qaraxa dhicin. Runtii waa Sawir aad u murugo badan oo muujinayo in wixii meeshaas ka dhacay ay ahaayeen Musiibo weyn oo ku habsatay Shacabka Soomaaliyeed ayna ka dambeeyaan ururka dhiig miiradka ah ee Al-Shabaab ee ku qaraabto Magaca Diinta Islaamka. Halkaan hoose ka fiiri sawirkaas:
  5. Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 136 November 13 2017 ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Xumbays Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Tala soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Axmed Yuusuf Cusmaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Xumbays. Waxaa Bashiir Maxamed Cali [Galla] si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Xumbays. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Degmada Xumbays U Magacaabay Guddoomiye iyo Ku-xigeen. appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta si rasmi ah usoo bandhigay muuqaal ku saabsan dagaalkii Cuslaa oo ay dhawaan ku qaadeen Xerada Buula Gaduud ee Maamulka Jubbaland. Haddaba Muuqaalkaas qeybtiisa dambe, Ururka Al-Shabaab ayaa kusoo bandhigay Magacyada iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan 4 qof oo ay sheegeen inay kaga dhinteen dagaalkii xoogaana oo ay dhawaan ku qaadeen Xerada Buula Gaduud ee Maamulka Jubblanad. Waxaa xusid mudan in Afartaan dagaalyahan ay gabi ahaan kasoo wada jeedaan Deegaanka Koonfur Galbeed, waxaana qeyb ka ah ninkii fuliyey Qaraxii lagu furtay howlgalkaas, halka seddexda kalana ay ku dhinteen Dagaalka. Afartaan nin ayaa dhammaantood kasoo wada jeedo deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo seddex kamid ah ay kasoo jeedaan Beesha Raxan weyne halka mid kalana uu yahay Eelaay. 1) Cabdulqaadir Cali Ibraahim (Boqol Hore) 2) Maxamed Macalin Xasan (Hadamo) 3) Maxamed Nuur Aadan (Hariin) 4) Cabdulcasiis Cabdullaahi (Muctazim) Eelaay, gaar ahaan kuwa dago Buur Hakaba, waana ninkii fuliyey qaraxa is miidaaminta.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa soo bandhigay Gaadiid iyo Hub farabadan oo ay sheegen inay ka qabsadeen ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia. Gaadiidka iyo Hubka ayey sheegen inay ku qabsadeen dagaalkii ay 3-dii September ee sanadkaan ku qaaden xerada ciidanka dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose. Hubka ay soo bandhigeen maleeshiyaadka ayaa waxaa u badan qoryaha Ak47 iyo nooca loo yaqaan Sabanka oo ay isticmaalayeen ciidankii ka cararay hubka. Alshabaab waxa ay sidoo kale soo bandhigtay 2 ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ku qabsadeen weerarkii Buulo gaduud. Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa inta badan ka faa’iideysta Hubka dowlada, waana sababta ay dowladaha saaxiibada ah uga caajisaan in dowlada ay siiyaan Hub iyo Gaadiid dagaal. Dagaalkii buulo gaduud, oo 29-km dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo, ayaa Shabaab waxa ay ku dileen ciidan badan, kadib markii weerar Ismiidaamin ku bilowday ay ku galeen xeradaasi. Hubka Shabaabka ay soo bandhigeen waxaa kaloo ku jira Qoriga loo yaqaan sabanka oo dagaalka loo isticmaalo, marka la eego hubka ay soo bandhigeen waxaa muuqata xerada ciidanka Buulo gaduud hub badan inay ka qaateen Shabaab. Xoogaga Shabaab ayaa sidan oo kale dhawr mar u soo bandhigay hub kala duwan oo ay ku qabsadeen dagaalo ay ku qaadeen xeryo ciidan oo ku yaallo Gobolada dalka Soomaaliya Filimka ayaa lagusoo bandhigayaa Ninkii fuliyay weerarka is qarxinta oo lagu magacaabi jiray Cabdi Caziiz Cabdullaahi kanasoo jeeda Beesha Eelaay kaasi oo isagoo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay gudaha ugalay saldhigga ciidanka maamulka Jubbaland ee Buula Guduud.
  8. Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) oo ah Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya Turkiga oo loo xilsaartay ka warqabka xaaladda dhaawacyada dalkaas la geeyey ayaa xaqiijiyey inuu geeriyooday mid kamid ah dhaawacyadii la geeyey dalkaas. Cabdulqaadir ayaa sheegay in ninka dhaawaca u geeriyooday lagu magacaabi jiray Mahad Ibrahim Siyaad oo ahaa 33 jir, waxa uu ka gubtay jirka intiisa badan gaar ahaan gacmaha lugaha iyo wajiga wax jabiniin ah ma uusan qabin. Waxaa Marxuumka geeriyooday la socday Khadar Ibraahim Siyaad. Dhakhaatiirta Isbitaalka uu ku geeriyooday iyo dadweyne kale ayaa Saladda Janaasadda ku dukaday, waxayna Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga xaqiijisay in meydkiisa lagu aasay dalka Turkiga. Geeirda Marxuumkaan ayaa kusoo aadeyso xilli Maanta ay Magaalada Muqdisho soo gaari doonaan 10 kamid ah dhawaacyadii dalkaas la geeyey oo kasoo caafimaaday dhaawacyadii kasoo gaaray Qaraxii Soobe ee Magaalada Muqdisho.
  9. After years of inquiry, the U.N. Monitoring Group on Somalia and Eritrea has found no conclusive evidence of Eritrean support for al-Shabab militants in Somalia, an allegation that led to sanctions in 2009. In its latest report, the group identified violations of those sanctions and recommended that the Security Council form a new entity focused only on Eritrea to continue investigating the country’s actions. In 2009, the U.N. imposed an arms embargo and targeted sanctions on Eritrea, including an asset freeze and travel restrictions on the country’s leaders, but individuals have not been named, and high-ranking Eritrean officials continue to move freely. Allegations that Eritrea had destabilized Somalia by supporting al-Shabab and other armed groups and concerns that it had not withdrawn troops following a border conflict with Djibouti in 2008 prompted the sanctions. In response to the penalties, Djibouti’s representative, Roble Olhaye, said he welcomed justice for “unprovoked, naked and blatant aggression against my country by Eritrea almost two years ago.” Somalia’s representative, Elmi Ahmed Duale, blamed Eritrea for deepening his country’s protracted conflict. Destabilization, limited transparency Despite a lack of evidence of Eritrea’s involvement in Somalia, the monitoring group did find evidence of continued activity on Eritrea’s side of its border with Djibouti. It also determined that Eritrea has continued to support armed groups in the region, including the Patriotic Ginbot Sebat and the Tigray People’s Democratic Movement in Ethiopia, along with groups in Djibouti. The monitoring group did not characterize these groups as “critical threats” to Eritrea’s neighbors, but it did raise concerns that Eritrea’s actions destabilize the region. It also determined that the expansion of a military base operated by the United Arab Emirates near the port of Assab and related transfers of military materiel and assistance violate the arms embargo. The monitoring group also said that it has been repeatedly denied entry to Eritrea, preventing a full investigation of alleged violations. A lack of transparency around financial transactions, particularly within Eritrea’s mining sector, has hampered the group’s work, according to its latest report. ‘Disassociation’ The monitoring group recommended that the Security Council “disassociate” the sanction regimes for Eritrea and Somalia. This means an independent sanctions committee and monitoring group would need to be formed to focus on Eritrea. Similar recommendations were made last year, but the Security Council did not act on them. Source: VOA
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa soo bandhigay Gaadiid iyo Hub farabadan oo ay sheegen inay ka qabsadeen ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia. Gaadiidka iyo Hubka ayey sheegen inay ku qabsadeen dagaalkii ay 3-dii September ee sanadkaan ku qaaden xerada ciidanka dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose. Hubka ay soo bandhigeen maleeshiyaadka ayaa waxaa u badan qoryaha Ak47 iyo nooca loo yaqaan Sabanka oo ay isticmaalayeen ciidankii ka cararay hubka. Alshabaab waxa ay sidoo kale soo bandhigtay 2 ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ku qabsadeen weerarkii Buulo gaduud. Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa inta badan ka faa’iideysta Hubka dowlada, waana sababta ay dowladaha saaxiibada ah uga caajisaan in dowlada ay siiyaan Hub iyo Gaadiid dagaal.
  11. Waxaa haawanaaya qaar kamid ah xarumaha dowlada Federaalka ah ee Somalia, kadib digniintii kasoo baxday Taliska ciidamada AMISOM ee xaruntiisu tahay Xalane. Xarumaha dowlada ee haawanaaya ayaa waxaa kamid ah kuwa saaran hareeraha laamiga ee aanu heysan ilaalo ku filan, iyadoo sababta lagu sheegay cabsi la xiriirta dhanka amaanka. Xarumaha ugu badan ee dowlada ayaan heysan ilaalo, halka qaarna ay leeyihiin kuwo aad u farabadan oo aan la ogeyn waxa ay howshoodu tahay. Mid kamid ah howlwadeenada Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in inta badan shaqaalaha ay yihiin kuwo aan soo shaqo tagin waxa uuna tilmaamay in tani ay la qabaan Wasaarado dhowr ah. Waxa uu sheegay in shaqaalaha qaar ay yihiin kuwo isku bedela shaqada si ay u kala nasiyaan, maadaama xiliga lagu jiro ay tahay mid adag. Wasaarado dhowr ah ayuu sheegay in cabsi jirta aawgeed aan loo shaqo tagin, kuwaa oo uu sheegay inaysan heysan ilaalo ku filan, sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadka Alshabaab ayaa dhowr jeer ku goodiyay inay dhulka dhigi doonaan dhismooyinka dowlada, inkastoo aan la ogeyn waxa ku kalifaaya markii laga soo tago argagixisanimadooda. Source: caasmada.net
  12. In war-torn Somalia where volunteers are hard to come by, one man stands tall. In Somalia, health care is in disarray making proper treatment of tragedy victims a tall order. Fortunately, Dr Abdulkadir Abdirahman Adan is giving hope to those in need by offering free, 24-hour ambulance service and ensuring people get better medical care. TRANSPORT Dr Adan quit a well-paying job in Pakistan to set up Aamin Ambulance that is operating in the capital Mogadishu. The deplorable state of the health industry nudged the trained dentist to ameliorate the situation. There are few ambulances to transport casualties to hospitals. “When I came back to the country, there was a war going on and people were using wheelbarrows to get patients to hospitals. “It led to deaths on the way to hospitals, the persons carrying the patient would be tired. That motivated me to respond and set up Aamin Ambulance Service. It has helped to stop deaths,” Dr Adan said, adding that many lack the skill to perform first aid. SAVINGS With little resources he had, he set up the company that is now 10 years old “I shed tears, it hurt me to see my own countrymen suffering. I was not going to run away. I had to do something. “I put all my savings and bought a second hand van for a start. We slowly grew and today I am proud of where we have reached though I know we can grow even bigger and offer better services. “If I place ‘I’ before the word Aamin, it becomes ‘trust me’,” he explained. He added that settling on the name has endeared him to the people, who are not used to having volunteers. STAFF The company has recorded significant growth, boasting of a team of 35 nurses, paramedics, drivers, along with a fleet of 10 vehicles. He said he has plans of expanding it to other regions. One of the agency that has contributed to his humanitarian endeavours is the United Nations Development Programme, which donated walkie-talkies. The portable radios have enabled his staff work better during emergencies. “When there is an emergency, everyone tries to make a telephone call and there is a jam on the telephone networks. “But the walkie-talkies will make a difference. They will simplify communication among us, coordination among ambulances and collaboration with hospitals.” TRUCK BOMB Regarding the October 14 truck bomb in Mogadishu that killed more than 300 people, he described it as the ‘worst attack’. He staff, he said, were very instrumental in stanching further deaths. “It was an explosion that traumatized us. I cannot count how many trips we managed to make but I can only thank our staff, they gave their all and managed to save many lives.” And he believes that with assistance from well-wishers, more citizens will benefit from the services his company provides. “My dream is to reach every district, every village in the regions to serve people. “But all I can ask is the government to come and assist by setting up a station park for the ambulances where they can also be repaired,” Dr Adan said. Source: – Daily Nation
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Xildhibaano iyo xubno kala ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weyneynayay ololaha taageerada Haweenka ee howlgalka ciidamada Qalabka sida. Munaasabadda waxaa kaloo ka soo qeyb galay qeybaha bulshada waxaana xafladda lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumayso gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab. Xildhibaanada Haweenka ee Golaha shacabka oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin dhiiri gelinta ciidamada qalabka sida, ayna soo dhaweynayaan cidkasta oo gacan ku siineysa howsha. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in haweenku ay mar waliba diyaar u yihiin garab istaaga ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isla markaana aysan ka daali doonin guubaabinta ciidamada qalabka sida. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay casuumadda ay ka muuqato wadaniyad. “Waxaan isugu nimid inaan ka wada hadalno Mustaqbalka Soomaaliya, waxaad halkan iigu yeertaan inaan arko doorka haweenka Soomaaliyeed, doorka ay haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalkan iyo jiritaankiisa waxaa tusaale inoogu filan qeybti ay ka soo qaateen laga soo bilaabo markii aan xornimada qaadanay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Maanta waxaan u baahanahay kumaan Xaawo Taako, waxaa la hubaa oo la ogyahay in hooyooyinka Soomaaliyeed ay yihiin ayna ahaan doonaan badbaadiyeyaasha Qaranka, waxaa la ogyahay inay Nabadda jecelyihiin, waxaa la ogyahay in cadaaladda jecelyihiin, waxaa la ogyahay in raggu ka wadaniyadsanyihiin”. “Waxaan ku faraxsanahay in 30% haweenku ay Baarlamaanka qeyb ku leeyihiin, balse waxaa la idinka rabaa inaad diidaan wixii hadda ka dambeeya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray “Waxaan idin sheegaya in dalalka dunida ugu horumarsan iyo dalalka ugu dhaqaalaha badan ee adduunka aad aragtaan, waxaa lagu gaaray ilaalinta xaquuqda haweenka, marka waxaan rabaa in raggu ay ogaadaan sirta nolosha oo la dhowro xaquuqda dumarka”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haweenkii ka qeyb galay kulanka ku guubaabiyay inaysan dhex dhexaad ka noqon in cadowga uu degaan ka dhigto Soomaaliya. “Waxaan rabaa inaan caawa idin sheego waxa aan ka hadlayno ma ahan, hal qof iyo hal gobol, waxaan ka hadleynaa masiirka Ummadda Soomaaliyeed, waxa laga hadlayo waa idinka mustaqbalkiina, waxaana la idinka rabaa inaad cod dheer ku taageertaan sidii dalka looga xoreyn lahaa cadowga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. “Waxaan la dagaallameynaa caddowga Ummadda Soomaaliyeed oo ah Al-Shabaab, Shabaabku calan ma wadaagi karno waayo waxa ay gubaan calanka baluugga ah oo dad badani u soo dhinteen, Shabaabku dhul lama wadaadi karno, waayo waxa ay aaminsanyihiin in dhulka ay nala leeyihiin ajaanib dooneyso inay Ummaddan xasuuqdo, marka ma jirto wax aan wadaagi karno argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin Qaranimo iyo inay cadowga ka sifeeyaan dalkooda, isagoo intaa ku daray in dowladdu ay u baahantahay shacab garab taagan oo ka qeyb qaata howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in Madaxda Qaranka ay ka soo bixi doonaan kaalinta looga baahanyahay, shacabkuna laga rabo inay dhankooda ka qeyb qaataan kaalinta uga aadan horumarinta dalka. Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowlad diidka iyo Shabaabku aysan wax farqi ah u dhexeyn, waxaana uu taliyaha Xoogga dalka ku amray in uu xafiiskiisa u furo haweenka sidii ay u garab istaagi lahaayeen ciidamada qalabka sida. “Ka daalimeyno inaan cadowga iska difaacno, maka niyad jabeyno inaan ilaalino sharafta iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa ku soo xiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa la sheegay in weli aan la hayn caddeymo xooggan oo muujinaya in hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Somalia Cabdulqaadir Muumin uu xiriir howlgallo la leeyahay hoggaanka sare ee kooxda Daacish. Si kastaba, warbixinta ayaa sheegtay in taleefonno la dhageystay bilihii April iyo May ee 2016 ay muujinayaan inuu xiriir joogto ah la leeyahay taleefon lambar oo laga leeyahay dalka Yemen. Ilo-wareedyo ku sugan gobolka ayaa xaqiijiyey in taleefonkaas uu leeyahay Khaliil Dheere oo horey uga tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ka tagey, oo u guuray dalka Yemen, sanaddii 2013. Warbixinta ayaa sheegtay in Khaliil Dheere uu yahay dhexdhexaadiye isku xiraya hoggaanka sare ee kooxda Daacish ee dalalka Iraq iyo Syria, inkasta oo weli aysan caddeyn miro-dhalka dadaalladiisa. Xubno horey uga tirsanaa kooxda Daacish ee Soomaaliya oo goostay ayaa laga soo xigtay in madaxdooda ay amarro ka helaan dalalka Iraq iyo Syria, islamarkaana lacag looga soo diray xawaalado dalalkaas ku yaalla. Waxa ay sidoo kale sheegeen in hoggaanka kooxda sida Cabdulqaadir Muumin iyo Axmed Aden ay si sir ah hab qoraal ula hadlaan madaxda Daacish, ayaga oo istcmaalaya app-ka TrueCrypt. Si kastaba, kooxda QM ayaa sheegtay inaysan si madax banaan u xaqiijin karin arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Waxaan nahay ummad ay garashada iyo garaadku ku yar yihiin kaba sii darane aan dareynsaneyn wadciga uu dalku maraayo iyo dhibaatooyinka naga heysta argagaxisada AL-SHABAAB. Waxay soo qoreen in Madaxweyne Farmaajo uu gefay markuu yiri ”qalinka hala dhigo ee qoriga ha la qaato”, markaasey tusaale u soo qaateen hadal mar hore uu yiri Elman oo kaas ka soo horjeeda. Madaxweyne Farmaajo talada uu soo jeediyay waa ku saxsan yahay waayoo waxaan illawnay hal-ku-dhegi ahaa ”aaway cir hoostiis lagu caweeyo”..war ma isweydiiyeen goormaa wax la baran karaa mar haddii dalki oo dhan duullaan lagu yahay oo ummaddi la leynaayo iyadoon loo aaba yeelin..kuwa wax soo qoraaya ma akhriyeen weligood dagaaladi addunka ka dhacay oo kii ugu dambeeyay uu dhammaaday 1945 ma jireen adduunka meelo wax lagu barto ama jaamicado shaqeeya siiba wadamada Yurub iyo Asiya midkoodna. Wadciga dalku ku sugan yahay waa taa oo kale!!! Intaasi waa garsho xumadi, xagga garaad yarida waxay soo jeediyeen xagee dadkaas mushaar looga keenaa? Waryaa u sheega in laga soo billaabo 1939 ilaa 1945 oo ah muddadii uu dagaalki labaad socday askari mushaar qaatay ma jirin oo waxaa lagu jiray dhufeysyo, cidina ma xasuusan lacag waana meesha ay Somalidu ugu nugushahay oo laga soo galo..qof waliba maskaxdeeda waxaa ku daabacan lacag war kalena ma maqalno.Taasina waxaa daliil u ah in hogaamiyeyaashi iyo siyaasiyiinti ay Somalidu u aqoonsaneyd inay yihyiin ZUCAMA lagu iibsaday qiimo aad u yar ayna maanta diyaar u yihiin in dalka xataa wareejiyaan mar haddii iyaga la siiyay fara qabsi. Waxaan isku xaqiijinay inaan nahay sidi weyl lo’aad oo la yiri NINKI WARAABSADAA WATA. Waxaa laga yaabaa dad inuu yiraahdo hogaamiyeyaasha ha isku wada jamcin waayoo waxaa laga heli karaa qaar ka duwan kuwa maanta muuqda…laakin waxaa wadareeyay oraahda Talyaaniga oo dheheysa LA MAGGIORANZA ASSORBE LA MINORANZA. Waxaan mareynaa marxalad aad u adag oo inta adadag oo wadaninnimo ku beeran tahay oo kaliya ay ka soo bixi karaan QUANDO IL PERCORSO E’ DURO SOLO I DURI RIMANGONO oo micnahedu yahay ”marka meesha la maraayo ay adag tahay dadka inta adadag oo kaliya ayaa ka soo harta”. Waxaan mareynaa marxalad oo arrimaheyni oo dhan ay isku dhex yaaceen oo ay adag tahay in la kala garto saxa iyo khaladka, yaa mudan in la hormariyo ma danta dadka iyo dalka mase danta qofka shakhsiga ah? Waxaa la isweydiiyay hogaamiyeyaasha dalka wax ay ka xishoodaan ama ka xaaraan ah ma jiraan? Jawaabta dadweynaha laga sugaa!!! W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay Maanta ku beegan tahay bil kadib Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Soobe, ayaa waxaa lagu guuleystay in la daaweeyo 10 kamid ah 35-tii dhaawac ee loo qaaday dalka Turkiga. Xaflad saguutin ah oo loo sameeyey tobankaas qof ee kasoo caafimaaday dhaawacyadii kasoo gaaray Qaraxaas ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka caafimaadka dalka Turkiga Dr. Ahmet demircan iyo madaxda safaaradda Soomaaliya ee Turkiga. Wasiirka Caafimaadka ee dalka Turkiga ayaa Waraaqo Caafimaad guddoon siiyey dhaawacyadaas, waxaana loo sheegay inay kasoo kabteen dhaawacyadii soo gaaray, waxaana arrintaas si weyn uga qeyb qaadatay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, weliba waxaa waajibkiisa si weyn uga soo baxay Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) oo ah Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya Turkiga oo loo xilsaartay ka war qabka xaaladda dhaawacyada dalkaas la geeyey. Cabdulqaadir Barqadle oo la hadlay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegay in guud ahaan Xaaladda Caafimaad ee dhaawacyadaas ay soo kabanayaan, wuxuuna xaqiijiyey in 10 kamid ah ay caafimadeen isla markaasna Shalay laga soo qaaday dalka Turkiga iyadoo saacadaha soo socdo la filayo inay kasoo dagaan Magaalada Muqdisho xilli uu isagaba kamid yahay dadka Diyaaradda la saaran ee soo waday. Wuxuu Sidoo kale sheegay xoghayaha labaad ee Safaaradda Turkiga in si weyn loola tacaalayo seddex kamid ah dhaawacyadaas oo ah kuwa culus, wuxuuna sheegay inay ku jiraan Isbitaal aad u tayo wanaagsan isagoo rajo fiican ka muujiyey inay soo caafimaadi doonaan Inshaa Allah. Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladsa Bukaanada iyada gacan wanaagsan ka heleesay dhalinayarada wax ka barata dalkan iyo jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo soomaalinimo Magacyada Dhaawacyada soo fiicnaaday ee saacadaha soo socdo Muqdisho soo gaarayo: Ismaaciil Ibraahim Maxamed Maxamed Askir Cawaale Cabdisalaan Cismaan Saalax Mahad Cabdi Sheekh Maxamed Cali Wehliye Cabdulqaadir Maxamed Cabdulalahi Ok (Wariyihii Idaacadda VOA) Istar Cali Maxamed Mursal Sheekh Axmed Cali Maxamuud Maxamed Faadumo Xaaji Cali
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo Siyaasiyiinta Soomaalida lagu dhaliilo inay yihiin kuwo dhaqaale yar ku iibsada dalkooda, ayaa waxaa haddana soo baxaaya qorshooyin aad u halis badan oo ay maleegeyso dowlada Imaaraadka Carabta. Hadaba dowlada Imaaraadka oo ka faa’iideysaneysa ducfiga heysta Siyaasiyiinta Soomaalida, ayaa dhismaha Safaaradeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhex dhistay qeyb shirarka qarsoodiga ah loogu qabto Siyaasiyiinta xilalka kasoo qabtay dalka iyo kuwa miisaanka leh ee aan weli soo qaban talada dalka. Siyaasiyiintan ayaa xaruntaasi kula kulma Diplumaasiyiin Wasaarada Arrimaha Dibadda Imaaraadka wakiil uga ah arrimaha Somalia, kuwaa oo Siyaasada Somalia ka dhex ololiya dhismaha cusub ee laga dhex yagleelay Safaaradooda Nairobi. Siyaasiyiinta la xusi karo ee xilalka soo qabtay ayaa waxaa kamid ah Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid oo garab ka helaaya Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Somalia. Siyaasiyiintan oo la rumeysan yahay inuu qeyb ka yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa loo adeegsanayaa kacdoonka ay dowlada Imaaraadka kaga soo horjeedo Dowlada Federaalka ah ee Somalia ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llahi Farmaajo. Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa aad uga soo horjeeda dowlada uu Hogaamiyo Farmaajo, oo ka biya diidan faragalinta Siyaasadeed oo ay ku heyso Somalia. Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa khudbad uu habeeno ka hor ka jeediyay Xarunta Dowlada Dhexe ku sheegay in dowladiisa lagu hayo faragalin lixaad leh, isla markaana farqaha lagu dhagan yahay. Si kastaba ha ahaatee, halistaan cusub ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay hamiga ay dowlada Imaaraadka ku carqaladeyneyso xasiloonida Siyaasadeed ee ka jirta Somlia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Ankara (Caasimadda Online) – Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) oo ah Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya Turkiga oo loo xilsaartay ka warqabka xaaladda dhaawacyada dalkaas la geeyey oo la hadlay Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inuu geeriyooday mid kamid ah dhaawacyadii la geeyey dalkaas. Cabdulqaadir ayaa sheegay in ninka dhaawaca u geeriyooday lagu magacaabi jiray Mahad Ibrahim Siyaad oo ahaa 33 jir, waxa uu ka gubtay jirka intiisa badan gaar ahaan gacmaha lugaha iyo wajiga wax jabiniin ah ma uusan qabin. Waxaa Marxuumka geeriyooday la socday Khadar Ibraahim Siyaad. Dhakhaatiirta Isbitaalka uu ku geeriyooday iyo dadweyne kale ayaa Saladda Janaasadda ku dukaday, waxayna Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga xaqiijisay in meydkiisa lagu aasay dalka Turkiga. Geeirda Marxuumkaan ayaa kusoo aadeyso xilli Maanta ay Magaalada Muqdisho soo gaari doonaan 10 kamid ah dhawaacyadii dalkaas la geeyey oo kasoo caafimaaday dhaawacyadii kasoo gaaray Qaraxii Soobe ee Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in weli ay jirto cabsi ku aadan in maleeshiyaadka Alshabaab ay weerar ka geystaan Xarunta xalane ee magaalada Muqdisho. Cabsida ayaa lasoo warinayaa inay tahay mid weli taagan isla markaana qalqal ku abuurtay shaqaalaha Hay’ada QM ee ka howlgala xarunta. Inta ay taagan tahay cabsida shaqaalaha ayaa u kala goosha magaalada Nairobi iyo Muqdisho, sababo amni aawgood. Diyaaradaha gaarka ee QM ayaa xiliyada galbihii Shaqaalaha Hay’adda ee ka howlgala xarunta Xalane u qaada magaalada Nairobi, halka subixiina ay usoo shaqo tagaan magaalada Muqdisho. Saraakiisha amaanka dowlada Federaalka ayaa xaqiijiyay inay socdaan howlo baaritaan oo lagu baadi-goobaayo maleeshiyaadka looga cabsi qabo inay weeraraan Xarunta Xalane oo saldhig u ah dhammaan Hay’adaha amaanka reer galbeedka iyo kuwa Afrikanka madow. Dhinaca kale, qoraal dhawaan kasoo baxay Taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu xaqiijiyay amni darada weli laga cabsida qabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa Gobolada Puntland ka socda howlgalo maleeshiyaadka al-Shabaab iyo Daacish looga sifeynaayo deegaanada maamulka. Howlgalka oo Seddex maalin jirsaday ayaa waxa uu iminka xooligiisa ka socdaa buuraha Cal Madoow ee gobolka Bari Puntland. Howlgalka ayaa waxaa lagu bartilmaameysanayaa Saraakiisha iyo Horjoogayaasha al-Shabaab ee ku dhuumaaleysta deegaanada maamulka. Ciidamo farabadan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkaayay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Puntland, waxaana kamid ah buuraha Cal Madoow oo ciidamadu ay ka dhisteen fariisimo cusub. Daacishta ku sugan deegaanada Puntland ayaa dhowr mar waxa ay deegaano ka tirsan Maamulkaas ka fuliyeen weeraro isugu jira Qaraxyo iyo dilal balse Madaxda Puntland ayaa sheegtay in ay ka saari doonaan Buuraha ay ku jiraan.
  21. Vote counting is underway in Somaliland after the breakaway republic held its presidential election. Three candidates are competing to replace President Ahmed Mohamed Mohamoud, who opted not to seek re-election. The three candidates, Muse Bihi Abdi of the ruling Kulmiye party, Faysal Ali Warabe of UCID and Abdirahman Mohamed Abdullahi of the Waddani party, cast their votes Monday in Hargeisa, the capital. Somaliland’s electoral commission said voting was peaceful in all of the republic’s six regions. It said it recorded an incident in Togdher region where at least one person was injured after a soldier’s gun accidentally discharged. Of the more than 1,600 polling stations, only a few had people in line when voting ended at 6 p.m. Electoral officials closed the stations, but allowed those in line to cast their ballots. Final results are not expected for several days. Under the vote-counting system, polling stations send their results to regional offices, who will pass them on to the electoral commission. Voting was watched by a total of 60 election observers from 27 countries whose salaries were paid by Britain. The observers said they heard reports of some problems, but not many. “I’m referring to isolated instances, with one of the more serious being in Hargeisa where a polling station was closed down because of a disturbance. That prevented or delayed the closing of the polling station and the count. We’re not sure of details yet,” said the observer, speaking on condition of anonymity. “There were also some complaints from parties of voters being prevented from voting, though again, we didn’t hear of anything that seemed systematic or widespread.” More than 700,000 people were expected to vote. Turnout was thought to be high, but the commission says it was too early to give figures. Somaliland, a former British colony, broke away from the rest of Somalia in 1991. The territory has run its own affairs since, but has never been recognized as an independent country.
  22. The UN refugee agency said on Friday that some 108,498 refugees have returned to Somalia since voluntary repatriation exercise begun in December 2014. The UN High Commissioner for Refugees (UNHCR) said in its Repatriation Update for Somalia that some 73,943 refugees were from Kenya, 33,921 from Yemen (33,511 spontaneous and 418 assisted) and 626 from other countries of asylum (589 from Djibouti, 34 from Eretria, two from Tunisia, and one from Pakistan). “Throughout the October several factors have impacted the repatriation – deteriorating humanitarian situation in Baidoa, security concerns on the border between Kenya and Somalia (Dhobley town) and newly imposed landing fees in Kismayo,” said the UNHCR. According to the UN refugee agency, due to these factors return movement to listed locations remained temporarily suspended. An estimated 2 million Somalis have been displaced in one of the world’s most protracted humanitarian crises that have now entered its third decade. About 1.1 million people are internally displaced (IDPs) within Somalia and nearly 900,000 are refugees in the region. Source: Xinhua
  23. Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta 13 Nov 2017 kormeer shaqo ku tegey magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoween shacabka magaaladaasi. Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Xanaanada xoolaha, Wasiir Ku-xigeenka Duulista Hawada iyo garoomada Puntland, Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland, taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta ee gobolada Sagaag iyo Hayland. Waxaana banaanka magaaladda ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Hayland, Duqa Degmada, Isimada iyo cuqaasha gobolka, ururada Haweenka iyo dhalinyarada iyo guud ahaan shacabka degmadda Dhahar. Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf [Dawlad]ayaa uga mahad naqay shacabka magaaladaasi soo dhoweynta wanaagsan ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxaana uu sheegay Wasiirku inay kormeer shaqo u joogeen maamumihii u dan beeyey gobolada Sanaag iyo Hayland, isla markaana waxa uu xusay in aan aduunka lagu arag shacab sheegta shacab kale inay mamaulaan taasina ay tahay nasiib daro iyo aqoon la’aan haysa maamulka Soomaliland. “Dhaqan wanaagsan baynu lahaan jirney haddaynu nahay Soomaali, waynu wada degenaan jirney saynu ahayn, waxaa yimi in lays yiraahdo xoog halaysku muquuriyo taas oo lagu doonanayo risiq iyo dawladdnimo, doorashadu sharci bay leedahay qofku isagoo xora ayuu wax doortaa, nin xabad madaxa lagaga hayo ama laluush baalagu siinayaa laleeyahay ee halkaasi ku rid, taasi doorasho ma aha, shacabka gobolada Sanaag iyo Hayland waxay na tuseen oo cadeeyeen inay yihiin dad Soomaali ah, tanlabaadna ay yihiin dad Puntland ah oo aaminsan mid nimadooda iyo waxay aaminsan yihiin” ayuu yiri Wasiirku. Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa dhankiisa farin adag u diray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagoona sheegay in shacabka reer Puntland yihiin dad tariikhda baal dahaba kaga jira lahaana tariikh soo jireena oo ku qotonta geesinimo, kala danbayn maamul iyo mid qadiyaddeedba, waxaana uu xusay in Puntland weligeed maamul ahaan iyo awood ahaanba korjoogtayn jirtey gobolada awqooyi ee Soomaaliya. “Shacabka Magaalada Dhahar waxaan dhammaantiin indiinka mahad naqayaa sida wanaagsan ee sharaftale ee kal kiyo laabtale ee aad usoo dhowayseen weftiga uu hogaminayo Wasiirkeena Amniga iyo DDR-ka oo anigana aan xubin ka ahay, waxaan soo marnay Xingalool dibadbaxyo ayay wadeen wax doorasho kusheeggii Soomaalilandna kama jirin dhammaan degaanadaasi hoosyimaadda Xingalool” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil ”Waxaan idiinku bishaaraynayaa kaadhadhkii uu Muuse Biixi ugu tala galay in codka lagu siiyo shacabka ayaa iyagoo xor ah keenay oo kusoo warejiyey weftiga dawladda Puntland, Muuse Biixi waxa uu yiri ‘ inaan ka adkaan jirey Puntland awoowayaashood ha waydiiyeen’ hal kelmed ayaan odhanayaa Muuse kaadhkii aad codka ku dooneysey waakan aniga gacantayda ayuu ku jiraa sidoo kale Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabeba” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil “Laga bilaabo Hobyo, Xaafuun, Baargaal, illaa Boosaaso Boqor Cusmaan baa ka talin jirey isaga awoowgiis muu ahayne aniga awoowgay buu ahaa, laga bilaabo meesha ay ku qoran tahay ‘Bandar Siyaada’ ee Ceelaayo, illaa saylac waxay qoran tahay in Warsan-Geli Sanladdoodii ay ka talin jirtey oo uu ka talin jirey Maxamuud Cali Shire, isaguna Addeerkay buu ahaa, magaaladan Dhaharna waxaa ka talinaayey Dhahar oo ku caan baxday ‘Haddii Dhahar yiri Allaa yiri’ Muuse Biixi waxaan leeyahay adiga iyo awoowayaashaa Ab iyo Isirtoona uma aydaan lahayn inaad talisaan aniga awoowa yashayna kuwaas aan sheegay bay ahaayeen ” ayuu yiri ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Lagu Soo dhoweeyey Dhahar. appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Shabakadda YouTube ayaa boggeeda si rasmi ah uga masaxday wax ka badan 50,000 muuqaalo ah oo ku saabsan muxaadarooyin uu jeediyay hoggaamiyihii Al Qaacidda ee la dilay Anwar Al-Awlaki. Muxaadarooyinka ayaa waxa ay badankood ku saabsanyihiin arrimaha jihaadka, isaga oo dadka ku dhiiragalinayay in ay meeshii ay ku arkaan ku dilaan muwaadhiniinta dalalka reer Galbeedka. Wargeyska New York Times ayaa sheegay in muuqaalada Anwar ku saabsan ee wali ku haray YouTube ay kaliya yihiin kuwa ku saabsan wararkii laga baahiyay iyo barnaamijyo warbaahinta ka samaysay. Muxaadarooyinka qaar ee meesha laga saaray ayaa ku saabsan moowduucyo kale oo diinta ah oo aanan Jihaadka ahayn. Haddii uu noolaan lahaa, Awlaki ayaa waxaa laga mamnuuci lahaa in uu furto ciwaan YouTube ah sababtuna waxa ay tahay in lagu daray diiwaanka argagixisada ee UK iyo Maraykanka. Laga soo bilaabo sanadkii 2009-kii, kooxo kasoo horjeeda xagjirnimada ayaa cabashooyin u gudbinayay shabakadan, kana dalbayay in ay hawada ka saaraan muxaadarooyinkiisa. Awlaki ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo lagula beegsaday dalka Yemen sanadkii 2011-kii. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com