Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    204,989
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimadda Online) – Somaliland ayaa waxay xad-gudub ku tilmaantay socdaalkii uu shalay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ku tagay wasiirka qorsheynta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Xasan. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in socdaalka wasiirka uu qalqal gelinayo xiriirka ay Labada dhinac, isaga oo dhanka kale sheegay iney ku dambeyn doonto iska hor imaad waa sida uu hadalka u dhigaye. “Wallaahay runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidannahay Soomaliya iyo Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xad-gudub arrinkaasina wuxuu khal-khal galinayaa cilaaqaadkii aanu lahayn annaka iyo Soomaaliya waxayna ku dambayn doontaa uun iska hor imaad taasi oo aan dan u ahayn dadka deegaanka iyo gobolka toona” ayuu yiri wasiir Sacad. Wasiirka qorsheynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Sool oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Somaliland: Socdaalka Wasiirka qorsheynta Soomaaliya ee Sanaag wuxuu keeni karaa iska hor imaad appeared first on Caasimada Online.
  2. Somaliland ayaa waxay xad-gudub ku tilmaantay socdaalkii uu shalay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ku tagay wasiirka qorsheynta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Xasan. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in socdaalka wasiirka uu qalqal gelinayo xiriirka ay Labada dhinac, isaga oo dhanka kale sheegay iney ku dambeyn doonto iska hor imaad waa sida uu hadalka u dhigaye. “Wallaahay runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidannahay Soomaliya iyo Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xad-gudub arrinkaasina wuxuu khal-khal galinayaa cilaaqaadkii aanu lahayn annaka iyo Soomaaliya waxayna ku dambayn doontaa uun iska hor imaad taasi oo aan dan u ahayn dadka deegaanka iyo gobolka toona” ayuu yiri wasiir Sacad. Wasiirka qorsheynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Goobjoog News Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddigii Dowladda Soomaaliya u xil saartay in ay soo baaraan muranka ka taagan Xaduud beenaadka Belad-xaawo ee Gobalka Gedo, kaas oo u dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Belad-xaawo iyo Dowladda kenya. Senator C/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah guddigaasi ayaa Golaha aqalka sare ka hor sheegay in Shacabka ku nool Belad-xaawo ay Guddiga u sheegayn in ay Kenya dhulkeeeda ku darsatay 790 Guri oo markii hore ku yiilay Gudaha Soomaaliya ee Belad-xaawo. “Sidey inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta, maamulka iyo waqxgaradka aan ku aragnay B/xaawo, waxay inoo sheegeen barta siligan uu soo maray ee hadda Lixda KM dhisan oo wabiga laga bilaabo illaa magaalada Afkeeda ah in 790 guri oo Soomaaliya ay leedahay iney dhanka Kenya martay, xuduud beenaadkaasi marka ma keenaa mise kooda, waa mid u baahan in la saxo, laakiin siligaasi hadda maray ee dadka dhagax tuureen waxaan idiin sheegayaa golaheena aqalka sare 790 Soomaalida leedahay iney xaggaasi martay, Soomaalida Kenya ma ahan ee waa Soomaalida Soomaaliya” ayuu yiri Senator Fartaag. Dowladda Kenya ayaa dhowaan waxay kusoo xadgudubtay xuduuda aan rasmiga ahayn ee dhanka B/xaawo, waxaana arrintaasi kahoryimid shacab arrintaasi kasoo horjeeda. Waxaa dhanka kale jira magaalooyin kale oo sidan oo kale dowladda Kenya uga waddo boob xooggan oo dhanka xuduudda ah. Dhinaca kale, guddoonka aqalka sare ayaa sheegay in uu xiran yahay kalfadhiga 2aad ee aqalka sare, Xildhibaannada ayaa galay fasax 2 bil. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/01/cod-cabdiwahab.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Senator Fartaag “790 Guri oo Soomaali leedahay ayaa dhanka Kenya maray” appeared first on Caasimada Online.
  4. Effective Monday January 1, 2018, all visitors to Rwanda started to get a 30-day visa upon arrival without prior application, the Rwandan Directorate General of Immigration and Emigration announced. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Puntlandi) Maxkamada racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta amar ku kusoo rogtay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo loo haysto dambi qaran dumis ah. Maxkamadu waxay ku xukuntay siyaasigaan inuusan gali karin wax safar ah inta ay socoto dacwada loo haysto. Waxaa kale oo ay maxakmadu burisay go’aankii horey maxkamada gobolka Banaadir ugasoo baxay ee ahaa inaan racfaanka laga qaadan karin go’aankii lagu fasaxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale, waxaa ganaax lacageed oo dhan $2000 lagu riday 8 qareen oo diiday inay udoodaan ama difaacaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Qaar kamid ah ayaa shaqo joojin iyo ganaax lacageed la isugu daray, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada racfaanka. Dacwada maxkamadaynta Cabdiraxmaan Cabdishakur, ayaa sii socondoonto, iyadoo xeer ilaalinta loo fasaxay inay sii wataan baaritaankooda si ay cadeymo ugusoo gudbiyaan. Puntlandi.com
  6. Senator Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo kamid ahaa wafdigii dhowaan tagay degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey waxyaabihii ay halkaasi kusoo arkeen. Waxa uu sheegay in ay muuqato xadgudub dhanka Kenya ah, islamarkaana meesha ay hadda siliga ku xireen ee B/xaawo marka la eego ay dhankooda mareen 790 guri oo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye. “Sidey inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta, maamulka iyo waqxgaradka aan ku aragnay B/xaawo, waxay inoo sheegeen barta siligan uu soo maray ee hadda Lixda KM dhisan oo wabiga laga bilaabo illaa magaalada Afkeeda ah in 790 guri oo Soomaaliya ay leedahay iney dhanka Kenya martay, xuduud beenaadkaasi marka ma keenaa mise kooda, waa mid u baahan in la saxo, laakiin siligaasi hadda maray ee dadka dhagax tuureen waxaan idiin sheegayaa golaheena aqalka sare 790 Soomaalida leedahay iney xaggaasi martay, Soomaalida Kenya ma ahan ee waa Soomaalida Soomaaliya” ayuu yiri Senator Fartaag. Dowladda Kenya ayaa dhowaan waxay kusoo xadgudubtay xuduuda aan rasmiga ahayn ee dhanka B/xaawo, waxaana arrintaasi kahoryimid shacab arrintaasi kasoo horjeeda. Waxaa dhanka kale jira magaalooyin kale oo sidan oo kale dowladda Kenya uga waddo boob xooggan oo dhanka xuduudda ah. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: Goobjoog News Source
  7. The U.S. military said on Wednesday it had killed two militants in Somalia in an air strike targeting al Shabaab, an al Qaeda-linked Islamist group that is fighting to topple the U.N.-backed government. Source: Hiiraan Online
  8. Aden Abdiraman Warsama, a Somali refugee who has been living at the Dadaab camp in Garissa County in northeastern Kenya since 2008, is optimistic about returning home. Source: Hiiraan Online
  9. HARGEISA– Somaliland’s Foreign Affairs & International Cooperation minister, Dr. Sa’ad Ali Shire has spoken of a trip embarked by Somalia’s planning & International Cooperation Minister, Mr. Jama Mohamed Hasan in Badhan, Sanaag. SL’s FM said that the visit is to worsen the already worsening cooperation between Somaliland and Somalia. Dr. Sa’ad has expressed his disappointment with the minister’s move as he state clearly that the two nations share demarcated borders which date back to the colonial era. The FM has unequivocally said that this is a clear violation to Somaliland’s territorial integrity and further added that it may instigate unrest in a region which is plagued by hostilities. The minister further asserted that this may lead to warfare between the two authorities if Somalia does not refrain from sending its ministers to Somaliland territory.
  10. Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah waxay burisay go’aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir horey uga gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur. Waxay maanta maxkamadda u fariisatay kiis dacwadeedka loo haystay siyaasi Shakuur, waxaana xeer ilaalinta qaranka loo fasaxay baaaritaanka ay ku haysto kiiska C/raxmaan Cabdi Shakuur iyo in ay maxkamadda racfaanka qaadi karto dacwadan. Sidoo kale maxkamadda ayaa waxay safarrada ka mamnuucday Mr. Shakuur mudada baaritaanka lagu wado. Dhanka kale, waxay maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ay ganaax dul dhigtay Sideed qareen oo ay sheegtay iney diideen difaacista siyaasiga lasoo eedeeyay. Shan kamid ah qareennadan waxay maxkamadda ku ganaaxday iney bixiyaan lacag dhan $2, 000 (Labo Kun oo Doolarka Maraykanka ah) waxaana shaqada laga joojiyey muddo Labo bil ah, halka Saddexda qareen kale iyaguna lagu xukumay iney bixiyaan ganaax lacageed oo dhan Shilin Soomaali u dhigma $2,000, sida uu Goobjoog News u xaqiijiyey guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim. Weli C/raxmaan Cabdi Shakuur kama aanu hadlin go’aanka maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir, balse qoraal uu gelinkii dambe ee shalay soo saaray wuxuu ku sheegay maxamaddan iney tahay mid siyaasadeysan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  11. Xili Maanta ay tahay Xiligii maxkmada Racfaanka Gobolka Banaadir ay u qabatay in dib la isugu soo laabto Kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Maxkmadu maanta go’aan soo saartay. Maxkmada ayaa Diiday islamarkaasina laashay in aan wax racfaan ah laga qaadan xukunkii maxkmada Gobolka Banaadir. Waxaana maanta Maxkmadu ay u fadhiisatay Dacwada loo heeysto Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaana ay go’aamisay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo in baaritaano ay ku sameeyso Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Maxkamada ayaa safarada ka joojisay Cabdiraxmaan Abdishakuur Warsame . Dhinka kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen in ay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto. Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qareeno u doodaya midna ma soo xaadirin fadhigii maxakamadda oo aan sidoo kale loo ogoleyn warbaahinta. Waxaana xusid mudan in xalay CCW uu ku dhawaaqay in aanay jirin wax dambi ah ama dacwad ah oo loo heeysto. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Maxkamada Racfaanka oo Go’aan ka soo Saartay Kiiskii Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.
  12. Travel to the state that is not there, but has become an example of democracy in the Horn of Africa, thanks to transparent elections and political change by Michele Farina, sent to Hargeisa “THEto drought it sends black birds to claw the children. We fall asleep close, hoping to wake up to find them. ” It is rare, in a place where people have lost everything, to be welcomed by a poem. Hawa Ali Saleban is a petite woman who walks in the sun. While he declaims his verses, he holds a child dressed in red. Amina, 3 and a half years old, is one of her five daughters, to which are added three males. Hawa inherited her role as storyteller from her father. And now she is the poetess of Urgusan, in the village of fortune that hosts 200 displaced families. A war did not bring them together, but the drought. All here are, indeed they were, shepherds. They lost their livestock because in practice it’s been three years since it’s raining. “The first to die were the sheep, then the goats. Finally, the camels, which are the most resistant to thirst, “say the men. “A camel can stay 30 days without drinking, but then you have to give it a barrel and a half of water.” And when the camels die, it means that the drought is really hard. Luigi Baldelli has just photographed a mosaic of white bones scattered in the bush. In theory, we would be at the end of the rainy season, but everything is dry. Not a blade of grass. For this reason, from the surrounding hills, the nomadic families found themselves near the town. They arrived on foot, carrying only their children, leaving their “real” huts because there were no animals to transport them. Here the tank trucks and survival kits from Oxfam arrive from time to time. They are the women who built these shelters made of sheets, cloths, shrubs. Every evening Hawa collects her flock of undernourished children under two tents. There are no mattresses on the ground but empty jute bags. There are no blankets, but many bodies nearby to try to warm up the nights. Hoping that black birds do not take someone away. Somaliland the land that is not there Diplomatic Limbo It is rare, in a place where people have lost everything, that they still take democracy next to poetry. But this is Somaliland, a corner of the Horn of Africa that offers surprises. “The most democratic country in East Africa”, the Economist defines it. A country that does not exist on paper. A former British colony, since 1991 no one has recognized his independence, his detachment from neighboring Somalia (formerly an Italian colony). In a sort of diplomatic limbo, while Mogadiscio crashed into the civil war (and there remained), Hargeisa recovered from the horrors of the past. The Dresden of Africa had renamed it: thirty years ago, a city razed to the ground by the bombings of the dictator Siad Barre. There are no monuments left in the lively capital of this non-existent state. Only a small, old Mig of enemy aviation, to remember the roots of a people risen from the conflict. The new president is a former pilot who decided not to hit his people. Muse Bihi Abdi was elected last November. It is the fifth of a brief history, in a continent that is teeming with life leaders. Somaliland also suffers from endemic pecs, such as corruption. But it remains an oasis, compared to neighboring countries. Jama Musse Jama, half-hearted intellectual in Hargeisa and a half in Italy, recalls a story that seems obvious (and in some respects popped): that of a country that, in order to try to be recognized, wanted to renew a democracy license over time. Fairly transparent and top-level elections, thanks also to the maintenance of traditional organisms such as Guurti, the assembly of the elderly that represents the clan structure and acts as a barbell to Parliament that emerged from the polls. If Somaliland had been recognized, the international community would have imposed – in exchange for aid – a standard, “western” electoral format, Land of shepherds Urns and camels: Somaliland is a land of shepherds. By tradition and economy, its wealth lies in cattle. Four million items are exported abroad, especially in Arab countries. A good part of the sheep and goats that are sacrificed during the last leg of the pilgrimage to Mecca come from here. But the triple drought killed 70% of the animals. It is a long emergency, as the lack of rain is repeated every year. The “earth dam” The Dhinbiriyale reservoir should be full and dry. We are 70 km from the capital, towards the border with Ethiopia. Musse Hussein indicates with the stick the water line that is not there, along the now empty “earth dam”. Hussein has seen many droughts in his 101 years of life, “but this is the worst”. In the past, “some animals survived and could be restarted. Not now”. In the village, ActionAid has collaborated for the creation of berkhet, covered pools where rainwater is collected. In this non-rainy season it rained only once, for three hours. Wells in many places are not a solution because ground water is too salty. Hussein tells of two of his nephews who are in Libya, after having embarked on the journey to “green Europe”. The military escort is here to remind us that for the children of drought the call of Al Shabab militiamen is not far. “Help us,” says Hussein. Before asking the stranger whether he knows how to kill a camel, with a precise slash around his neck. http://www.corriere.it/esteri/18_gennaio_03/somaliland-siccita-porta-via-bambini-987f8f0e-f002-11e7-ae90-7494db7ac3d7.shtml?refresh_ce-cp
  13. Kuntuwaarey (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay deegaanka Kuntuwaarey ee gobolka Shabellaha Hoose ku toogteen Shan qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Waxay Al-shabaab goob fagaare ah isugu yeereen shacab badan oo deegaanka ah si ay u daawadaan dadkan la tooganayo. Raggan la toogtay waxaa dhammaantood lagu eedeeyay la shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya. Magacyada ragga la diley iyo da’dooda: C/qaadir Cumar Xasan oo 23 sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay la shaqeynta maamulka degmada Qoryoole. C/qaadir Shukri Xasan oo 30 sano jir ahaa, waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey sirdoonka DFS. Maxamed Abshir Cali oo 35 jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeyn jiray ciidamada Itoobiya. Cali Axmed Sheekh Cali oo 30 sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey sirdoonka DFS. Cali Yuusuf Axmed oo 36 sano jir ahaa, waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey dowladda Kenya. Al-shabaab ayaa sidan oo kale u toogatay dhallkinyaro badan oo ay ku eedeeyeen la shaqeynta dowladda Federaalka iyo sidoo kale ciidamada dalka u jooga howlgalka AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Magacyada 5 Ruux Oo Ay Al-shabaab Ku Toogteen Sh/hoose appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay go’aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi oo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur sida ay Caasimadda u sheegeen ilo ku dhaw dhaw maxkamadda racfaanka. Maxkamadda racfaanka oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go’aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa. Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto. Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto. Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qareeno u doodaya midna ma soo xaadirin fadhigii maxakamadda oo aan sidoo kale loo ogoleyn warbaahinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Deg deg: Maxkamadda Racfaanka oo go’aan ka gaartay Kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo xeer ilaaliyaha oo fasax loo siiyey inuu… appeared first on Caasimada Online.
  15. VT iDirect, Inc. (iDirect), a company of Vision Technologies Systems, Inc. (VT Systems), today announced that Dalkom Somalia has installed an iDirect Hub and will leverage iDirect’s series remotes to provide high-speed satellite connectivity in Somalia. The new iDirect network will enable Dalkom Somalia to scale its service more cost-effectively, expand end user data rates up to 38.5 Mbps, and improve Service Level Agreements by reducing service set-up duration. It will also provide back-up connectivity for service restoration in cities as needed. Dalkom Somalia is one of Somalia’s fast-growing telecom companies offering next-generation solutions for broadband, connectivity, cloud computing, managed services, satellite services, and internet services for businesses, wholesale and consumer segments. Financed by Dalkom Somalia as part of the company’s strategy to provide world class infrastructure to support the Horn and East Africa region’s needs for innovative Telecommunication & Information and Communications Technology solutions, the new iDirect network will serve a wide range of markets, including Government and non-Government Organisations, charities, healthcare, academic institutions, Internet Service Providers, telecommunications operators and financial services. “Through the iDirect platform, we are opening up areas where no connectivity has existed before,” said Mohamed Ahmed Jama, CEO, Dalkom Somalia. “iDirect’s platform technology enables us to gain critical operations advantages by increasing data performance and efficiency, and shortening service installation. And these are critical requirements to expand our service reach and capabilities.” “The expansion of connectivity in Africa is a major priority for iDirect,” said David Harrower, Senior Vice President of Global Sales, VT iDirect. “Our partnership with Dalkom Somalia hinges on the provision of efficient, high-speed satellite service, enabling the expansion of businesses, government and non-profit services across the continent. This new network in Somalia will significantly aid local citizens in Somalia.” Dalkom Somalia is a pioneer in the area of telecommunication innovation in Somalia and the horn of Africa. The company delivered the first Sub-marine fibre-optic cable in 2013, a tier-3 data center in 2015 and the first satellite teleport in 2017, setting the pace for innovation in the industry to connect Somalia to the rest of the world. VT iDirect, a subsidiary of VT Systems, is a global leader in IP-based satellite communications providing technology and solutions that enable our partners worldwide to optimize their networks, differentiate their services and profitably expand their businesses. For more than 20 years, the VT iDirect organization has focused on meeting the economic and technology challenges across the satellite industry. Today, the product portfolio, branded under the name iDirect, sets new standards in performance and efficiency, making it possible to deliver voice, video and data connectivity anywhere in the world. VT iDirect is the world’s largest TDMA enterprise VSAT manufacturer and is the leader in key industries including mobility, military/government and cellular backhaul. In 2007, iDirect Government was formed to better serve the U.S. government and defense communities. For more information please visit http://www.idirect.net. VT Systems is an engineering company providing integrated solutions to the commercial and government markets in the aerospace, electronics, land systems and marine sectors. VT Systems’ innovative solutions, products and services include aircraft maintenance, repair and modification; software solutions in training and simulation; satellite-based IP communications technology; network solutions that integrate data, voice and video; rugged computers and computer peripheral equipment; specialized truck bodies and trailers; weapons and munitions systems; road construction equipment; and ship design and shipbuilding. Headquartered in Alexandria, Va., VT Systems operates globally and is a wholly owned subsidiary of ST Engineering. Please visit http://www.vt-systems.com. PRWeb
  16. A BRIGHTON man who played a leading role in galvanising the international community response to the drought in Somalia has received a CBE. Phil Evans, 63, of Sillwood Street?, has been recognised for his services to Humanitarian Relief Phil joined the Department for International Development in 1993 and has since worked in Zimbabwe, DRC and Sierra Leone In his current role, Phil is the Head of DFID’s office in Somalia. He has held this position for four years. He said: “I am both pleased and humbled to receive this award. “The British aid programme makes a massive difference to millions of lives and I am very proud to be a part of it.” International Development Secretary Penny Mordaunt said: “UK Aid saved lives and delivered hope in some of the poorest, most desperate and disaster stricken parts of the world throughout 2017. “I am delighted to see that Phil’s individual contributions have been recognised in the New Year’s Honours and I congratulate him. “For many, the festive season is a time for family and friends to come together. “Yet so often, our humanitarian workers sacrifice this time to ensure UK aid gets to those who need it most, saving and improving millions of lives around the world.” The Argus
  17. Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay deegaanka Kuntuwaarey ee gobolka Shabellaha Hoose ku toogteen Shan qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Waxay Al-shabaab goob fagaare ah isugu yeereen shacab badan oo deegaanka ah si ay u daawadaan dadkan la tooganayo. Raggan la toogtay waxaa dhammaantood lagu eedeeyay la shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya. Magacyada ragga la diley iyo da’dooda: C/qaadir Cumar Xasan oo 23 sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay la shaqeynta maamulka degmada Qoryoole. C/qaadir Shukri Xasan oo 30 sano jir ahaa, waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey sirdoonka DFS. Maxamed Abshir Cali oo 35 jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeyn jiray ciidamada Itoobiya. Cali Axmed Sheekh Cali oo 30 sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey sirdoonka DFS. Cali Yuusuf Axmed oo 36 sano jir ahaa, waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey dowladda Kenya. Al-shabaab ayaa sidan oo kale u toogatay dhallkinyaro badan oo ay ku eedeeyeen la shaqeynta dowladda Federaalka iyo sidoo kale ciidamada dalka u jooga howlgalka AMISOM. Goobjoog News Source
  18. Shan ka tirsan booliska Kenya ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday gaari ay saarnaayeen magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari oo u dhow xadka Soomaaliya xili dambe oo Talaadadii ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda. Tobanaan ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa bilihii ugu dambeeyay lagu dilay degaannada fog ee ku dhow xudduudda Soomaaliya, iyadoo lagu tuhunsan yahay in ay dileeen dagaalyahanno ka tirsan xagjiriinta al-Shabaab ee Soomaaliya. Kooxda ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ugu dambeeyay. Daniel Bundotich, oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Mandheera ee Koonfurta, ayaa sheegay in in dadka la dilay ay ku jiraan saddex askari oo booliis ah iyo dad rayid ah oo caawinayey Booliiska. Al Shabaab ayaa sidoo kale weerarro kale ku qaaday Kenya oo lagu beegsanayo dadka rayidka ah, iyagoo ka aargudanaya Kenya oo Ciidankeedu soo galay Soomaaliya dhammaadkii 2011. Xigasho: Wakaaladda Wararka ee Reuters. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo dilay askar ka tirsan Ciidamada Kenya. appeared first on Puntland Post.
  19. Dowladda Imaaraadku waxay dhaqaale badan ku bixisay in uu Soomaaliya Madaxwayne ka noqdo Siyaasi ku shaqeeya aragtidooda guracan, iyo boobka ay ku hayaan khayraadka dabiica ah ee dhulka Soomaaliya, xaraashka iyo hanti-boobka ay ku hayaan ila-dhaqaale ee dalka iyo dagaalka ay kula jiraan Soomaaliya in aysan ka faa’iidaysan Khayraadkeeda Bad, Birri, Iyo Cirba. Fashilkii 1aad wuxuu ku dhacay markii ay dhaqaale badan siiyeen xilliyadii Doorashadu ay socotay Sanetor Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo xilligaa ka mid ahaa Murashaxiinta, shirar is xig-xigana ay Maamullada ugu yeertay Abu Dubia. 08 – Febru – 2017 – Markii uu Madaxwaynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu doorashada kaga adkaaday 21 Murasharax, dowladda Imaaraad-ka waxay aamintay in ay ku guuldaraysanayso qorshaheeda guracan ee ay Soomaaliya ka damacsantahay, bacdamaa MD Farmaajo yahay Wadani aan ka yeelaynin damacooda lagu hagar-daaminayo dalkaan soo kabashada ku jira. March 05, 2017 – Safiirka isu taga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al Hammadi ayaa loogu yeeray in uu dib ugu soo laabto Magaalada Abu Dubai kadib markii ay dhaceen dibad baxayo lagu codsanyo in dowlada Imaaraadku ka baaqsato dhisidda Saldhig Militari ee ay ku yeelaneyso Magaalo Xeebeedka Berbera ee maamulka Somaliland Iyo la wareegida Dakada Boossaaso. April 05, 2017 – Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa in ka badan 20 Xildhibaan waxay mooshin ka keeneen Saldhiga Milatry ee Imaaraadku ay qorshaynayaan in ay ka furtaan Berbera, inkastoo Mooshinkaasi uusan noqon mid natiijo ay kasoo baxdo. Apr 10, 2017 Iyo Sidoo kale – Nov 21, 2017 – Labo safar oo Madaxwayne Farmaajo ku tagay Dalka Imaaraadka ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kaddib markii Madaxwaynuhu ka biyo diiday Laaluush-ka, khiyaannada, iyo aragti gaabnida ay Imaaraadku rabaan in ay Dalkaan uga hor istaagaan in uu dib cagihiisa ugu istaago. Waxaana Madaxwayne Farmaajo uu si diblumiyaasiyad ah uga gaabsaday in uu ka hadlo waxyaabihii uu Imaaraadka kala kulmay labadii safar-ba. Markii ay Dowladda Imaaraadka u cadaatay in aysan Hoggaanka Soomaaliya uga suurto-galaynin qorshahooda gurracan, waxay go’aansadeen in ay mugdi galiyaan Midnimada Soomaaliya. Si qorshahaas loo hirgaliyana waxay Imaaraadku xoogga saareen in ay dagaal 3 waji ah ku furaan dowladda, kaasi oo la iskana hor-keenayo 3daan qaybood oo saldhig u ah Midnimada Soomaaliya Xilligaan, waana: v Dowladda Iyo Maamul-goboleedyada v Dowladda Iyo Baarlamaanka v Dowladda Iyo Shacabka. Si qorshahaas loo ambaqaado waxay Dowladda Imaaraadka Carabtu ay dhaqaale ku bixisay iyadoo adeegsanaysa Cumar C/rashiid in Maamul-goboleedyadu ka hor-yimaadaan go’aankii taariikhiga ahaa ee khilaaf-ka Khaliijka ay ka qaadatay Dowladda Soomaaliya kaasi oo ahaa Soomaaliya in ay Dhex-dhexaad ka tahay Khilaaf Maamulka Puntland ayaa Aug 16, 2017 waraaq uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ay taageersanyihiin maamul ahaan xulufada Sacuudigu uu hoggaaminayo. Intaas kaddib-na, Sep 18, 2017 Isla warqad la mid ah tii Puntland waxaa soo saaray Maamulka Koonfur Galbeed, Halka taariikhdu markay ahayd Sep 20, 2017 Galmudug-na ay soo saartay warqad la mid ah tii Puntland iyo Koonfur-Galbeed. Sept, 22, 2017 – Ayaa waxaa Dalka Imaaraadka Carabta isugu tagay Madaxda Maamul-Goboleedyada, marka laga reebo Axmed Madoobe, waxaana shirkaasi oo u dhaxeeyay Dowlad-Goboleedyada Iyo Imaaraadka u kala dab-qaaday Senetor Cumar C/rashiid oo ah La taliyaha Imaaraadka u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya. Natiijadii kasoo baxday shirkaasina waxay noqotay in Kiskaamyo lagu qabto Shir ay Dowladda Imaaraadku ku bixiyaan dhaqaale badan, waxaana taariikhdu markay ahayd Oct 11, 2017 Natiijadii Kismaayo kasoo baxdayna ay noqotay in ay Maamulladu samaysteen (Gole Iskaashi) Oo Guddoomiye looga dhigay Madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas, halka kuxigeenna looga dhigay M/wayanaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare. Madaxwayne Farmaajo wuxuu si xil-kasnimo, mas’uuliyad, iyo geesinimo leh ku xakameeyay dhul-gariirkii Siyaasadeed ee Kismaayo ka dhacay, wuxuuna Maamul-goboleedyada ugu baaqay in ay xasuustaan kitaabkii ay dalkaan u mareen, mas’uuliyad-na iska saaraan dalkaan sookabashada ku jira, isagoo ugu baaqay shir dag dag ah oo wadatashi ah, laguna xallinayo wixii khilaaf ah oo jira Oct 22, 2017 Oct 10, 2017 – Waxaa dalka Imaaraadka Carabta shir ku yeeshay Madaxwaynayaashii hore ee Dalka Xassan Shiikh, Shiikh Shariif, R/wasaarihii hore Cumar C/rashiid, Siyaasi C/raxmaan C/shakuur, Iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble. Shirkaasi oo waxaa lagu dajiyay qorshihii ugu dambeeyay ee lagu af-gambinayo Dowladda uu Madaxwayne Farmaajo Hoggaamiyo, iyadoo laga faa’iidaysanayo Khilaafka Imaaraadku abuureen ee u dhaxeeya Maamullada Iyo Dowladda Dhexe. Balse, wax kasta waxay is badeleen markii Madaxwayne Farmaajo uu hishiis taariikhi ah la saxiixday Maamul Goboleedyada bishii Nov 5, 2017 – Hishiiskaasi oo noqday mid Soomaalida iyo Beesha Caalam-kuba soo dhaweeyeen, wax wayna ka badalay xiisadii siyaasadeed ee dalka ka taagnayd https://www.voasomali.com/a/4093610.html. Nov, 01, 2017 Arbaco – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiysay dowladda Soomaaliya 311 askari oo ay tababar saddex bilood ah ugu soo gabagabeeyeen magaaalada Muqdisho. Inkastoo magac ahaan ay ciidankaasi Imaaraadku ay dowladda ugu wareejiyeen, hayse ahaatee wali muushaarkooda, iyo awaamiirtooda waa ciidan si rasmi ah ah u hoos-taga Safaaradda Imaaraadku ay Soomaaliya ku leeyihiin, gaar ahaan xafiiskooda Nov, 10, 2017 – Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa warqad u yeeris dal ku laabasho ah u dirtay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey Axmed, waxaana isla bishaas Nov, 13-keedii uu ka biyo diiday in uu u hoggaansamo amarkii kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya. Dhammaan-ba markii ay fashilmeen duulaan-kii bahalnimada ahaa ee ay rabeen in ay Soomaalida ku kala qaybiyaan, Qaran-ka ku dimiyaan, ayay bilowgii bishaan Dec 2017 –Dowladda Imaaraad-ku iyadoo adeegsanaysa Siyaasiyiinta kale ah Cumar C/rashiid, Iyo C/raxmaan C/shakuur waxay bixiyeen dhaqaale cadadkiisa lagu qiyaasiy 20 Milyan Dhaqaalahaas oo loo qorsheeyay in loo qaybiyo Xildhibaannada Golaha Shacabka si ay Mooshin uga keenaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo. Siyaasiyiinta ay Imaaraadku u isticmaalayaan weerarka qaawan ee Qaranimada Soomaaliya lagu majo xaabinayo oo ay ku jiraan xildhibaayo iyo rag kasoo jeeda jihooyin kale duwan oo siyaasada ku fashilmay, dowladdana xilal ka waayay, tillaabooyinkii ugu horreeyay ee dowladdu ay qaaday ayaa noqatay in ay baaritaan ku samayso howlgalka ka socda Muqdisho, waxaana howlgalkaasi Baaritaanka ahaa mirii kasoo baxay ka mid ahaa In Bishii December, 17, 2017 – Uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir shirjaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay in ay jiraan Xidhibaano Qaran Dumis ah oo dambiyo waawayn dalka ka galay. Xeer ilaalihu Guddoonka Golaha Shacabka ka codsaday in xasaannada laga qaado 2 xildhibaan ee kale ah Xassan Macalin Maxamuud Iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye. Isniin Dec 18, 2017 – Howlgal sababay dhimasho iyo dhaawac waxay hay’adaha Amnigu kusoo qabteen Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo la aaminsanyahay in Gurigiisu u ahaa goobta laga maleegayo qorshaha guracan ee Imaaraadku ay Qaranka ku duminayaan, waxaana hay’adaha Amniga usuurto gashay in ay gacanta kusoo dhigaan cadaymo rasmi ah iyo Documentiyo ka markhaati ka caya tuhunkii ay dowladdu ka qabtay Imaaraadka iyo shaqsiyaadka ay adeegsanayaan. Mar kale – Imaaraadka oo uu ka fashilmay weeraradii naf-la caariga ahaa, waxay markay taariikhdu aheyd 31 Dec, 2017 – Weerar qaawan ku qaadeen guriga Senetor Cabdi Qayb-diid, iyagoo adeegsanaya ciidankii ay Bishii Nov 01, 2017 – ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya, tillaabadaan markii ay dhacday ayaa isla xilligii waxaa ka falceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Bartiisa Twitter-ka Soodhigay amar uu talyaha Ciidanka Xoogga ku farayo in dag dag lagu soo qabto cid kasta oo ka dambaysay weerarka bahalnimada ah ee lagu qaaday Guriga Senetor Cabdi Qaybdiid https://twitter.com/TheVillaSomalia Waxyar kaddib, Talyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas General Gorod iyo Senetor Cabdi Qaybdiid ayaa gaaray goobtii weerarku uu ka dhacay, waxayna sheegeen in ciidanka howlgalkaas fuliyay uu ahaa ciidankii Imaaraadku tababaray. https://www.youtube.com/watch?v=S1VFWFOJznY Howlgal baaritaan oo ay hay’adaha amnigu sameeyeen waxaa lagu soo xiray 4tii sargaal ee howlgalka fulisay iyo ku dhawaad 40 ciidan ah oo ahaa kuwii Imaaraadku u adeegsadeen howlgalkaasi. Xilligaan waxaa dalka Imaaraadka ku sugan Senetor Cumar C/rashiid, Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan iyo ku dhawaad 20 xildhibaan oo ilo xog’ogaal ah ay xaqiijinayaan in ay maleegayaan qorshe kele oo lagu majaxaabinayo midnimada Soomaaliya. Haddaba meeye aqoonyadii ? Meeye Waxgaradkii Soomaaliyeed ? Meeye Siyaasiyiintii rajada ka qabay dalkaan ? Iyo Culumadii? Soo ma habboona in aan fadhiga ka kacno ? Qaybtaan waxaan kusoo bandhigay dhacdooyinkii sanadkaan Imaaraadku ay ku fashilinayeen Qaranka Soomaaliya, waxaana qayb-ta labaad ee maqaalkaan aan ku odorosayaa in jawaabo rasmi ah loo helo su’aalahaan: Codownimada Imaaraadku ay Soomaaliya u qabaan xaggee bay salka ku haysaa ? Imaaraadku waayo cidda ay u adeegsanayaan duulaanka ay Soomaaliya ku hayaan ? Waa maxay qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ku aadan duulaanka Imaaraadka ? Haddii xagmiga intaas le’eg oo dagaalka ah ay Imaaraadku ay Soomaalya ku hayaan, waa maxay doorka shacabka Soomaaliyeed ? Aqoonyahan Maxamed Cali ma9221058@gmail.com Moqdisho Somalia The post Duulaanka Imaaraadka iyo Daymo la’aanta Soomaalida!! appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa Degmada Kurtun-waarey ee Gobolka Shabellaha Hoose ku toogatay shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis. Shantan qof ee la dilay ayaa waay ku kala eedeeyeen inay la shaqeynayeen, dowladda Somalia, ciidanka Itoobiya iyo ciidanka Kenya ee dalka ku sugan, kuwaasoo qayb ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM. Bishii lasoo dhaafay 24-keedii ayay sidoo kale Al-shabaab ku toogteen shan dhallinyaro ah deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay, kuwaasoo ay sheegeen in ay ahaayeen basaasiin. Ururka Al-shabaab ayaa shalay galab isugu yeeray dadka deegaanka fagaare ku yaalla Kurtun-waareey, halkaasoo ay u toogteen shanta dhallinyarad ah ee lagu eedeeyay inay jaajuusiin ahaayeen. Shanta dhallinyarada ah ee Al-shabaab ayay magacyadoodu kala ahaayeen; C/qaadir Cumar Xasan oo 23-jir ahaa, laguna eedeeyay inuu si hoose ula shaqeynayay maamulka degmada Qoryooley. C/qaadir Shukri Xasan oo 30-jir ahaa, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay sirdoonka Dowladda Federaalka Somalia. Muxamed Abshir Cali oo 35-jir ahaa, laguna eedeeyay inuu la shaqeynayay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM. Cali Axmed Sheekh Cali oo 30-jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu isagana la shaqeynaayay sirdoonka Dowladda Soomaaliya. Cali Yuusuf Axmed oo loo yaqaano [Jacfar Dheere] oo 36-jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay dowladda Kenya. Ugu dambeyn, Dilkan ay Al-shabaab ku fulisay dhallinyaradan ayaa waxay noqonayaa dhallinyaro kale oo muddo bil gudaheed ay Al-shabaab ku disho deegaannada ay ka taliso, iyadoo ku eedeysa basaasnimo. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo toogasho u dishay dhalinyaro ay ku eedeysay inay ahaayeen Basaasnimo appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qofka eedeysanaha ah laga doonayo mar walba in uu hortago maxkamadda u yeertay, isla markaana uu halkaasi ka sheego wax uu qabo. Abuukaate Dhoore waxaa uu qabaa in haddii qofka eedeysanaha ah aanu ku qanacsaneyn maxkamadda ama uu ka shaki-qabo, kuna tuhmayo mid siyaasadeysan ay la gudboon tahay in sidaasi maxkamadda ka hor-cadeeyo taasi ay keeni karto in garsooraha is-casilo, lana badalo. Dhinaca kale, Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore waxaa uu sheegay in dacwo-oogaha oo markan Xeer ilaaliyaha ah la doonayo in uu maxkamadda hor-keeno cadeymo muujinaya waxa uu sheego, haddii kale aan laga aqbali-doonin iska hadal. “Eedeysanaha waa in uu tagaa maxkamadda, ka hor sheegaa kuma qanacsani garsooraha ama sida wax u socdaan, kolkaas garsooraha waa is casilayaa” sidaasi waxaa yiri Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore. Abuukaate Dhoore waxaa uu Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur kula taliyay in uu sharciga iyo garsoorka aamino, una hoggaansamo amarka maxkamadda, xaqiisana halkaasi ku soo qaato. Arrintan ayaa waxaa ay imaneysaa saacado kadib markii uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur soo saaray qoraal uu ku sheegay in dacwada loo heysto ay tahay mid siyaasadeysan, oo aan waafaqsaneen sharciga, isla markaana Xeer ilaaliyaha oo gacan ka helaya madaxda sare oo adeegsanaya awoodda xafiiska faragelin qaawan ku sameeyay garsoorka is hortaagna ku sameeyay go’aanka maxkamadda gobolka Banaadir. Qodobada uu siyaasiga soo qaatay waxaa ka mid ahaa in Xeer ilaaliyaha uu xiray iyada oo aaney jirin hab-raaca xeerka ciqaabka, isla markaana uu jabiyay qodobo badan oo xeerkaasi ah sida 34, 39, 38, 32, iyo qodobada 39 iyo 66. Qodobadaasi uu ku eedeynayo ayuu sheegay in ay qasab tahay amar maxkamadeed, Xeer ilaaliyahana uu xiray amar maxkamad la’aan. Iyo in xarigaasi sharci-darada ah uu ka dhashay dil 5 ilaaliadiisa ka tirsan. Ugu dambeyntii, waxaa uu siyaasiga sheegay in xeer-ilaaliyaha aanu keenin asbaabta ku xusan qodobada 35 ee XHC ee dhigaya in garsoorha la horgeeyo cadeymaha fal-damibiyeedka ee aan gacmaha kula jiray ee cadeynaya inuu ku soo duulay madaxbannaaida iyo qarannimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 39 iyo 45 ee XHC. Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa maanta la sugayaa maxkamadda racfaanka, lamana oga sida ay wax noqon-doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Abuukaate sharaxaya sida ay noqon karto dacwada siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur appeared first on Caasimada Online.
  22. Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa Kuuriyada Waqooyi uga digay inuu heysto Niyukliyeer ka awood badan midka ay hesytaan. Madaxweyne Trump ayaa hadalkaan sheegay mar uu u jawaabayey ogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un kaasoo sheegay in keebka laga rido hubka Niyukliyerka uu saaran yahay miiskiisa waxana uu u digey dowlada Maraykanka in uu leeyahay awood uu ku gaaro guud ahaan dalka Maraykanka. ” Madaxweynaha Kuuriyada wuxuu sheegay in mar kasta uu miiska u saaran yahay Batoonka laga rido Gantaalka Niyukliyeerka, haloo sheego in anigana uu miiska ii saaran yahay mid ka awood badan” ayuu yiri Trump. Hoggaamiyaha Kuuriyada Isaga oo jeedinayay khudbadda sanadka cusub ayuu sheegay in batoonka laga ridayo gantaalka hubka nuyuukleerka uu markasta ku dheganyahay miiskiisa, islamarkaasna uu riixi karo markii uu doono. Waxa uu intaas ku daray in gantaalada ay gaari karaan meel kasta oo Maraykanka ka mid ah. Balse waxa uu Kim Maraykanka u fidiyay wax lagu tilmaamay caleemo qoyan, isaga oo soo jeediyay in ay wadahadalo furan galaan labada dal. Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn. Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi. Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda qalal la galiyo. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang, taasi oo horey ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Trump ” Batoonka laga ridayo gantaalka Niyukliyerka ee miiska kuu saaran mid ka weyn ayaa anigana ii saaran” appeared first on Caasimada Online.
  23. Wefdi ballaaran oo uu hoggaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane. Cabdi Faarax Siciid(Juxa) ayaa Khamiista berri ah ku soo wajahan Puntland,waxaana wefdigaan horu-dhac u yihiin safar uu madaxweyne Farmaajo ku imaanayo Puntland 6 bishaan Jannaayo ee 2017. Saraakiil ku sugan Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa PUNTLAND POST u xaqiijiyey in wefdigaan oo ka kooban Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,xildhibaanno ka socda labada Aqal iyo saraakiil kale ay Maalinta berri u soo kicitimayaan dhinaca Puntland,iyagoo horu-dhac u ah booqashada madaxweyne Farmaajo ku imaanayayo Puntland. Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) ayaa sabtida lagu wadaa in uu ka soo dego garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso,booqashadii ugu horreysay oo uu ku yimaado degaannada Puntland. Mudane. Farmaajo ayaa inta uu Puntland ku sugan yahay goobjoog ahaan doona daah-furka garoomada diyaaradaha magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo lagu soo beegay 8-da Jannaayo,kuna aaddan Maalintii la doortay Cabdiweli Gaas,sida aan xogta ku helnay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Maalinta berri ah ku soo wajahan Puntland. appeared first on Puntland Post.
  24. Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in muwaadinkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay sanadkaan cusub 2018-ka lagu dilay dalkaasi Koonfur Afrika. Allaha u naxariistee muwaadinkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulahi Macalin Cali waxaana dishay dableey hubeeysan oo Koonfur Afrikaana ah. Dilkaan ayaa ka dhacaya Magaalada Johanesberg ee dalkaasi Koonfur Afrika. Ha’ada Ka Howlgasha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay in sanadkii dhamaaday la toogtay 137 Muwaadin Soomaali ah. Dilalka loo geeysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ku soo badanaya dalka Koonfur Afrika. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo sanadkaan Cusub 2018-ka lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  25. Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shir jaraa’id oo goor dhowayd ay ku qabteen Garowe waxay muddo bil ah ku kordhiyeen muddadii isdiiwaan galinta ururada siyaasadeed ee Puntland. Guddigu waxay sheegeen inay soo dhammaatay waqtigii horey loo qabtay oo ku ekaa 31 bishii December ee sannadkii hore, waxaana illaa iyo hadda isdiiwaan galiyay afar urur oo kaliya. Ururada isdiiwaan galiyay waxay kala yihiin, Garsoor, Umadda, Ubax iyo Himilo, inastoo oo guddigu sheegay in aanay weli buuxin sharuudaha lagu ahaan karo urur siyaasadeed sharciyad leh. Guddiga waxay ugu baaqeen siyaasiyiinta daneynaysa inay urur sameystaan ay ka faa’idaystaan muddada lagu kordhiyay xilliga isdiiwaan galinta ururada. Halkaan ka akhriso Puntlandi.com