Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,019
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Quburada dhanka caafimaadka ah ayaa aad uga deyriyey dadka iyo xoolaha ku wada nool magaalooyinka dalka, sida Muqdisho. Waxay sheegeen in ay keeni karto in xoolahan ay fidiyaan cudurro sida Hargabka iyo kuwo kale oo faafa, xoolahana laga qaadi karo. Dhanka kale, waaxda bilicda dowladda hoose ee Xamar ayaa iyaguna dhankooda waxay sheegeen iney ku dedaalaan sidii magaalada looga saari lahaa xoolaha, islamarkaana kuwa magaalada lagu soo daayo ay qabtaan. Wariyaheena Maxamed Bishaar ayaa warbixin ka diyaariyey: Halkaan hoose ka daawo Goobjoog News Source
  2. Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo kormeeray garoonka diyaaradaha Garoowe oo dhismo ku socota ayaa sheegay in maalmaha soo aadan lasoo gabagbeynayo dhismaha, islamarkaana garoonka uu shaqo bilaabi doono. Gaas ayaa warbixin ka dhageystay howlwadeennada ku howlan dhismaha garoonkan oo qaab casri ah loo dhisayo. Sida qorshaha yahay waxaa garoonkan xarigga laga jari doonaa 8-da bishan, iyadoo lagu wado inuu xarigga ka jaro madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Garoowe oo xarun u ah maamulka Puntland ayaa horey u lahayn garoon caalami ah, balse dedaal badan kadib ayaa lagu guuleystay in la dhiso garoon qaab casri ah u dhisan. Goobjoog News Source
  3. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo socdaal ku maray deegaanno kamid ah gobolka Bakool ayaa ka deyriyey xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta gobolkaasi. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan mudanayaasha aqalka sare ee Baarlamaanka, sidoo kalena kamid ah xildhibaannada socdaalka ku maraya Bakool ayaa isaga oo ku sugan degmada Xudur wuxuu tilmaamay iney la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxa uu tilmaamay in waxyaabihii loo sheegay ugu muhiimsan tahay in adeegyo dowlad aysan soo gaarin halkaasi iyo sidoo kale dhanka amniga maadaama magaalada aysan ciidamo badan joogin. “Baahida ugu daran waxay tahay in adeegyadii dowladda aanu soo gaarin halkaan, waxay kaloo inoo sheegeen dadka aan la kulannay iney jirto baahi dhanka ciidamada ah, maadaama magaalada hadda amni tahay, balse ciidamada sidii la rabay aanay u joogin” ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud. Degmada Xudur waxaa ku sugan shacab badan oo kasoo barakacay deegaanno badan oo kamid ah gobolkaasi. Goobjoog News Source
  4. Xildhibaan Aadan barre Ducaale oo ah Hogaamiyaha Aqlabiyada dalka Kenya ayaa hadlay darbiga Dowlada Kenya ay ka dhiseeyso xadka Soomaaliya iyo kenya. Xildhibaan Ducaale oo La hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in darbigaasi Kenya ay ku qasabtay in ay dhistaan Al-Shabaab. Waxa uu Sheegay in qatar Amni ay ka imaaneeyso Al-Shabaab islamarkaasina Kenya ay Amaankeeda adkeeneeyso. Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in haddii laga adkaado Al-Shabaab in dowlada Kenya ay joojin doonto dhismaha darbigaasi. Dowlada Kenya ayaa wado dhismaha darbi ay ka dhiseeyso xadka Soomaaliya iyo kenya waxaana dowlada Kenya lagu eedeeyay in ay soo xad gudubtay Xadka Soomaaliya. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/01/Aadan-Barre-Ducaale.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ducaale:-“Al-shabaab ayaa Nagu Qasbay Dhismaha Derbiga Xuduudka Soomaliya iyo Kenya” appeared first on Puntland Post.
  5. Boqor Maxamed Jaamac oo ka mid ah odayaashii 135-ta ee soo xulay baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay qaabka uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre u bedalay Saddex kamid ahaa golahiisa wasiirada. Waxa uu sheegay in is bedalka muhiim uu yahay, balse aanay ku fekerin qaabka hadda loo maray waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale boqorka ayaa sheegay in xubnaha cusub ee lasoo magacaabay uu ku jiro shaqsi uu sheegay in gabood fallo geystay xilligii dowladdii uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud, welina aan wax cadaaladda ah la horgeyn. “Waxaan ka xumahay sidey wax u dhaceen, isbedal waa uu wanaagsanaa, laakiinse isbedalka sida loo sameeyay looma baahneyn, waxaa wasiirada ku jira shaqsi gabood fal sameeyay, waliba aniga si gaar ah iigu sameeyay oo meeshii cadaaladda la geyn lahaa lagu abaalmariyey xil” ayuu yiri Boqor Maxamed. Ugu dambeyn, Boqor Maxamed Jaamac ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre laga doonayey in waxgaradka ay kala tashtaan shaqsiyaadka ay soo magacaabayaan waxgaradkooda, kahor inta aanay xilka u dhiiban. Goobjoog News Source
  6. Mogadishu (HOL) - The Committee to Protect Journalists (CPJ) has called on Somali authorities to immediately release Abdishakur Abdullahi Ahmed, also known as Shaasha, who was arrested on charges of airing false news. Source: Hiiraan Online
  7. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee Puntland ay saakay howlgal ballaaran ka wadaan xaafadaha magaaladaasi. Waxay ciidamada daba socdaan shaqsiyaad dil u geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaaliya dekadda Boosaaso. Sarkaalka la diley ayaa lagu magacaabaa Xasan Xiireey, waxaana raggii diley oo ku hubeysnaa Bistoolado ay isaga baxsadeen goobtaasi. Dad ka badan 20 ayaa howlgalkaan lagu soo qabtay, kuwaasi oo lagu baarayo saldhigga Boosaaso. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan weli wax faah faahin ah saxaafadda kama anaay siin howlgalkaan socda. Amniga Boosaaso ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana magaaladaasi kusoo badanayey dilalka iyo qaraxyada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  8. It may soon be a criminal offense to be an atheist in Egypt. Source: Hiiraan Online
  9. Koox Hubeeysan ayaa Degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho ku dishay Labo Nin oo Dhalinyaro ahaa. Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Koodka Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho. Kooxdaan hubeeysan ayaa waxa ay toogteen Labo wiil oo dhalinyaro ahaa oo la sheegay in ay ahaayeen ilmo adeer. Labadaan Wiil ee dhalinyarada ahaa ee xalay la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cismaan Siidow iyo Cumar Maxamed Axmed Caafi. Waxaa Masuuliyada dilkaasi Sheegtay Al-Shabaab oo warar ay ku baahiyeen warbaahintooda ku sheegay in ay katirsanaayeen Ciidamada NISA dhalinyaradaasi iyagana ayu dileen. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo masuuliyadooda ay sheegtay Kooxda Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Koox Hubeeysan oo Labo Wiil oo Walaalo ahaa ku Dishay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Transporters have changed the route they use to ferry miraa from Nyambene Hills in Meru County to North-Eastern and southern Somalia due to fear of Al-Shabaab attacks. Source: Hiiraan Online
  11. Ruushka ayaa cambaareeyay Mareykanka oo doonaya inuu ku qanciyo golaha ammaanka ee raacsan qaramada midoobay arrinta ku saabsan dibad-baxyada ka socda gudaha Iran. Fasiili Neybizia oo ah wakiilka Ruushka u fadhiya qaramada midoobay ayaa sheegay in faro-gelinta lagu hayo gudaha golaha ammaanka uu xumeyn doono qaramada midoobay. Wakiila Mareykanka u fadhiya qaramada midoobay Nikki Haley, ayaa ammaantay daqiiqado ka hor dibad-baxyada ka socda Iran waxayna ku tilmaanatay soo bandhigidda awood shacab oo geesi ah. Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Iran ayaa sheegay in Mareykanka uu xumeynayo golaha amaanka uuna awoodiisa uu u adeegsanayo six un. Arbacadii ayey ahyed markii Iran ay u gudbisay golaha ammaanka ee qaramada Midoobay dacwad ka dhan ah Mareykanka taasi oo ku saabsaneydd inuu ku hayo farogalin qaawan. Goobjoog News Source
  12. OTTAWA – Sentencing arguments are slated for March 22 in the case of a Somalian man found guilty in the kidnapping of Amanda Lindhout. Source: Hiiraan Online
  13. Two airliners collided on the ground at Toronto's Pearson International Airport on Friday night, causing a small fire on one and an emergency evacuation of the other. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa u sheegay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, in aaney jirin hadda Fursad uu Turkiga ugu soo biro midowga Yurub. Shir jaraa’di oo si wadajir ah ay ugu qabteen magaalada Paris ayuu Macron ku sheegay inay jirto cabsi ku aadan dhanka xuquuqul insaanka tan iyo markii Turkiga uu bilaabay olole lagu sifeynayo dadkii ka dambeeyay afgambigii fashilmay 2016 kii. Dhankiisa madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu daalay sida uu ugu qeylinayey Yurub si uu ugu biro Midowga Reer Yurub. Edogan ayaa ku eedeynaya Midowga Yurub dhagar iyo inay Turkiga waqtiga ka lumiyaan. Macron ayaa dhankiisa tilaamay inay muhiim tahay in Faransiiska uu ilaaliyo xariirka dhow ee uu laleeyahay dhiggiisa Ankara,waxayna labada madaxweyne ay hoosta ka xariiqeen inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ururka Daacish. Goobjoog News Source
  15. Arsenal manager Arsene Wenger has said that he has been invited by the new Liberia president George Weah to his inauguration later this month. Source: Hiiraan Online
  16. Qabiil iyo qabyaalad waa laba erey oo siyaasiyiin badani rumeysan yihiin in macne ahaan la isku beddelan karo. Kan hore waa dad isku oday ku abtirsada – ha noqdo mid dhab ah ama mid male-awaal ku salaysan. Qabyaaladdu waa u adeegsiga awoodda siyaasadeed si sharci-darro ah si xaqa qof ama dad loo duudsiiyo ama si qof loogu eexdo siyaasad ama dhaqaale ahaan. Dadka qabiilka ka tirsani wax may ka wada dheefaan qabyaaladda hase ahaatee badankood iyaga oo aan is ogayn way suurtowdaa inay adeegsiga qabyaalad taageeraan. Maxaa ku qasba qofka inuu taageero adeegsiga qabyaalad uu dhibbane u yahay? Source: Hiiraan Online
  17. OTTAWA—One of Canada’s most prominent Muslim groups is asking Prime Minister Justin Trudeau to designate the anniversary of the 2017 Quebec City mosque shooting as an official day of remembrance. Source: Hiiraan Online
  18. OTTAWA—One of Canada’s most prominent Muslim groups is asking Prime Minister Justin Trudeau to designate the anniversary of the 2017 Quebec City mosque shooting as an official day of remembrance. Source: Hiiraan Online
  19. President Uhuru Kenyatta on Friday shocked and surprised his handlers and allies alike when he unveiled nine nominees to the Cabinet and sacked 13 others. Source: Hiiraan Online
  20. Late last year, the Turkish authorities opened their largest military base abroad in the Somali capital Mogadishu as a step towards consolidating ties with Somalia and establishing a presence in East Africa. Since then they have been seeking a military base in Sudan as the second Turkish base in Africa. Source: Hiiraan Online
  21. Saturday January 6, 2018 The Egyptian parliament has commenced processes to criminalize atheism in the predominantly Muslim north African country. Source: Hiiraan Online
  22. During the final days of 2017, IOM, the UN Migration Agency succeeded in completing two movements of stranded Somalis and Ethiopians out of Yemen, despite immense security challenges and difficult sea conditions. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Dawladaha dunidu waxey ku kala sareeyaan saameynta; siyaasadeed, dhaqaale, aqooneed, ciidan iyo hogaamineed. Waxaana loo kala qeybiyaa; A-Dawlad-daleed; waa dawlada saameynteedu ku koobantahay dalkeeda kaliya sida; inta badan dawladaha xubnaha ka ah UN. B-Dawlad-gabaleed; waa dawlad saameyn ku leh dawladaha Gobalkeeda ama kuwa ay diin iyo dano wadaag yihiin sida; Masar, Turkey, Saudi Arabia, Nigeria, Iiran, South Afica iwm. C-Dawlad-duniyeed; waa dawladaha saameynta ku leh dawladaha dunida oo dhan ama badankood sida; dawladaha xubnaha joogtada ka ah Golaha Amaanka, Jarmal, Japan iwm. Masar iyo Turkey waa laba dawlad-gobaleed oo Magac iyo Taariikh dheer ku leh dunida iyo dawladaha Islaamka, waxeyna leeyihiin dadka ugu aqoonta iyo ilbax-nimada badan dunida, waxey saameyn muuqata iyo mid qasoon ku lahaan jireen wadamada Islaamka gaar ahaan wadamada Carabta iyo difaaca Muqadaaska Islaamka, waxaana mar kasta ka dhaxeeyey xafiiltan iyo tartan. Balse maanta waxaa kala reebay Hogaanka iyo Waqtiga, waxaana cad in dawkaduhu aysan ku kala hor marin; dad, dhaqaale iyo ciidan badan, lkn ay ku kala hormaraan; Hogaan, Maamul hufan, Xorriyad, Dimoqoraadiyad iyo wada lahaansho dawladeed. Masar iyo Turkey hadii aan Tusaale usoo qaadano waxaa soo baxeysa jawaabtan; 1-Masar Sh. Kishki AUN ayaa ku tilmaamay “Halkaan ayaa laga dhoofiyaa sharta iyo khayrka labadaba” Masar waxey bartay dunida Carabta iyo Africa Inqilaabaadka Ciidanka 1950 ilaa 2000, Boqortooyo iyo adoonsi Fircoon ilaa Faaruuq, Xabsi iyo Daldalaat ilaa Qur’aanku uu isku xiro Masar iyo Xabsi inta jeer oo ay Qur’aanka kusoo aroortay kalimada “Sijni” oo ah Xabsi, waxaana lagu tilmaamaa halka aduunka ugu Xabsi iyo Daldalaat badan gaar ahaan; Culimada, Aqoon-yahanka, Siyaasiyiinta iyo Mufakiriinta. Waxaana la dhihi karaa waxaa facood ka reebay Inqilaabyo Ciidan iyo Xorriyad la’aan; Jamaal ilaa SiiSii. Dhanka saameynta Gobalka waxey kala marayaan Masar iyo Turkey: A-Masar: Somaliya xilligii M. Jamaal Cabdinasir iyo M. Saadaad waxey aheed dawlada koowaad ee Siyaasada, Amniga, Aqoonta iyo Istaraatiijiyada Masar ugu horeysa, lkn xilligii M. Xusni Mubaarak gacanta ayuu ka taagay markii uu u dhaafay Ethopia, uuna yiri “waa fahamsanahay sababta ay Ethopia u gashay Somaliya 2006, amnigeeda ayey ilaashaneysaa” iyo 2011 markii Turkey kasoo gurmatay xuduuda Yurub iyo Asia Masarna ku mashquulsaneed kacdoonkii Carabta iyo Sarkaal ka qaad ee Sarkaak u dhiib! Suuriya iyo Yemen oo Jamaal Cabdinasir xukumijiray oo maanta waxba aan laga weydiinayn Masar! Qatar oo sanadkii hore markii ay ka baqday in Masar iyo Saudi Inqilaabaan u yeeratay Turkey, Saldhigna siisay si ay u difaacdo! Sudan oo Amniga Masar ku xiranyahay markii ay baqday waxey u yeeratay Turkey oo ay siisay Saldhig Ciidan! Liibiya oo ku jirta Caloosha Masar oo ay taladeeda u dhaaftay Imaaraat iyo reer Galbeed! Falastiin iyo Qudus oo markii ay khatar galeen kana quusteen Masar iyo dawrkeedii Carabta u carareen Turkey! Ciraaq iyo Libnan oo hoos galay Iiran! Urdun oo markii ay u dhaarteen Israel iyo Americo u carartay Turkey! Kadibna waxaa soo baxday markii Carabta iyo Masaajida barakeysan khatar galeen; “Buur ahaw ama Buur ku tiirsanaw” ayaa Turkey soo celiyey Saldhigyadii laga difaaci jiray Xarameynka Qarni ka hor ee SAWAKIN & ZAYLAC. B-Turkey mudo ku dhaw hal Qarni ayey dib u dhaceen Inqilaabyo iyo xukun Ciidab. 20 sano ka hor ayey ka caafimaadeen Inqilaab iyo xukun Ciidan iyaga oo xilligaas gaaray dadka ugu liita aduunka xaga nolosha, xorriyada iyo saameynta Gobalka, Yurubna ka faanto, dawladaha Islaamkuna ku faraxsanyihiin in ay iska xureeyeen Boqortooyadii Turkey, dadkoodii aqoonta lahaana u kala Qaxeen Bari iyo Galbeed, ayuu yimid Xizbiga AK Party, maantana waxey marayaan heer ay ka faanaan Yurub iyo ku biiristeeda, heer ay ka mid noqdaan 20 ka dal ee aduunka ugu dhaqaala iyo ciidamada badan uguna saameynta badan dunida Islaamka iyo Carabta, heer ay u gurmadaan Al-Aqsaa iyo Muslimiinta Ruhinga, dadkooduna diiday in ay ku laabtaan Inqilaab Ciidan danbe sida ay u diideen in ay caloosha hooyadood ku laabtaan lkn Masar waxey aqbaleen in ay Inqilaab dib ugu laabtaan sanad Xorriyad iyo Doosha ah kadib. Hadaba Masar iyo Turkey kuma kala sara marin Batrool, Khayraat dhul, Aqoon, Ciidan, Ilbaxnimo, dhul weyn iyo dad badan! Kaliya waxaa lagu kala hormaray; Xurriyad, Hogaamin, Maamul hufan, Dimoqoraadiyad, Qab iyo Himilo. W/Q. Maxamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog iyo Gorfeyn: Maxay ku kala sareeyan dowladaha Turkiga & Masar? appeared first on Caasimada Online.
  24. Quraankeena Suuban waxaa ku jirto in aan la raacin Hawadaad. Khayre iyo xasanaad Alle ha siiyee Mashaa’ikhdii Soomaliyeed si fiican bay inoogu sheegeen oo ah in Quraanka iyo ku dayashada Rasulk oo kaliye lala magangashado Source: Hiiraan Online