Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    201,834
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. By M.A. Egge The President H.E. Ahmed Mohammed Mohamud Silanyo has sternly warned against hooliganism, violence and illegal demonstrations as the tallying of votes at the headquarters of the national Electoral Commission (NEC) is underway. The President who hailed all and sundry in the whole nation for participating in the elections in mature and patriotic manner also praised the personnel security in the country for their vigilance and patriotism. He described the patriotism shown by the security personnel in the parable of a tree being pelted that has into fruits fall to its assaulters hence hailed them for their servitude in an election exercise he observes as a triumph for the nation whereby the good image earned ought to be safe-guarded. The Head of State gave the warning following post-election incidences of skirmishes in the city Hargeisa and Burao in Togdeer after opposition party supporters ran amok crying foul before the final results have not only been announced but while the votes tallying was still going on. The President noted that the 13th November 2017 was a great day for the nation which woke up early in the morning hence went to the polls queuing to exercises their political rights. In a long passionate speech that he personally directed through public media to the nation addressing “the young, the old, males and females, the urbanites and those in the rural areas, to those within the country and abroad etc” the President profusely thanked the nation and noted the wonderful manner in which the exercise of the electioneering processes took place. He precisely pointed out the fact that the whole elections were positively held not only in the local press but also in those of international press houses. The President revealed that the elections took place in the whole of the country’s regions comprising of 21 electoral constituencies hence it is only in four area which were skipped following boundary issues. He described the exercise as a national triumph given the way it came to pass and how it has been reflected within and without. The President particularly pointed the fact that the election was effectively implemented without tangible foreign support whereby much of the bills were footed locally. The sternly warned against wayward personalities against inciting the members of the public into indulging in breach of public peace. Following slight incidences of violent demos on Thursday evening that were staged in some parts, shots had to be used to bring back sanity. The President noted 19 personnel security casualties and two deaths on part of civilians whose families he immediately condoled. He appealed to the presidential candidates, their supporters and the nation at large to exhibit restraint and preach the same to each other. He said that the good image the nation earned was too dear to let it get demeaned easily or dented anyhow. He described the patriotism shown by the security personnel in the parable of a tree being pelted that has into fruits fall to its assaulters hence hailed them for their servitude. Beckoning the security services to be even more diligent he asked them to persevere in their efforts of safeguarding peaceful stability and cohesion so as not to allow the hard earned nation’s good image to be dented; but in the same breath warned that culprits will face the full brunt of the law in case they were found erring.
  2. The UAE is violating internationals sanctions on the sale of arms to war-torn countries by supplying Somalia weapons, a UN report has revealed. According to monitors, the continuous support of some foreign countries for terror in Somalia threatens peace and security due to the possible return of piracy off the Somali coast. The report said that it had enough proofs that a UAE ship could have been carrying illegal weapons and banned materials to Somali before it was intercepted and kidnapped. The report noted that EU drones recorded the Emirati ship changed its route, got closer to Somali beaches, two small boats approached it and exchanged shipments with it. In addition, the report explained that the UAE’s activities in the Somali city of Barbara, saying: “The plans to build an Emirati military base in Barbara are going on very quickly,” noting that the monitors asked the UAE reports whether building the base does not violate the arms embargo, but the UAE did not respond. The monitors said that building a foreign military base includes moving weapons to the region and this is a violation of the weapons embargo, stressing that any foreign contribution to the official Somali institution in the country must get their agreement. Middle East
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashadii 13-ka bishan ka dhacday maamulkaasi. Isagoo khudbad u jeediyay shacabka, ayuu Madaxweyne Siilaanyo qiray markii ugu horeysay in afar goobood oo kamid ah Somaliland aysan ka qabsoomin doorashada Madaxweyne. “Waxaan xaqiijinayaa in 4 goobaad oo qura dalka aan doorasho ka dhicin, arrimo la xiriira muran deegaamo jira darteed,” ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo. Bariga gobolka Sanaag iyo qeybo katirsan Sool, oo kamid ah meelaha ay ku muransan yihiin Somaliland iyo Puntland ayaan laga codeynin, iyadoo ay ka dhaceen dibadbaxyo doorashada looga soo horjeeday. Dhanka kale, Siilaanyo ayaa bogaadiyay qaabkii ay u dhacday doorashada, oo uu sheegay inay magac iyo maamuus weyn ay Somaliland kaga heshay caalamka codbixinta sida ay u dhacday ee dimuqraadiga ah. Laakiin waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay rabshadihii ka dhacay magaalooyinka qaar, sida Burco iyo Hargeysa oo 2 qof ay ku dhinteen, taasi oo ka dambaysay ku-shubasho lagu sameeyay doorashada. Siilaanyo ayaa xaqiijiyay in 19 Askari ay ku dhaawacmeen isku dhacyada dhexmaray ciidamada iyo taageeriyaasha Waddani, oo ka carooday codad lagu shubtay, iyadoo la adeegsaday warqado been ah. Waddani iyo Gudiga doorashada ayaa wadahadal kadib shaaciyay in la xalilayay cabashada muhsraxa Cabdiraxmaan Cirro, oo horey u shaaciyay in wadashaqeyntii Gudiga uu joojiyay, kadib markii ay soo baxeen wararka ku saabsan cod-ku-shubashada. Saddex musharax oo kala ah Muuse Biixi, oo katirsan Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro, oo Waddani u tartamaya iyo Feysal Cali Waraabe, oo calanka u sida UCID ayaa u tartamay doorashada madaxtinimo ee Somaliland, taasi oo walii natiijadeeda lagu dhawaaqin. Madaxweynaha cusub ee soo baxaya ayaa bedeli doona Siilaanyo oo xilka soo hayaya tan iyo 2010-kii, ayaa labo sano dib u dhacday doorashada Somaliland, sababo la xiriira colaaddo iyo abaaro ka jiray mamaulkaasi. Halka hoose ka dhageyso codka Siilaayo http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/ZT82EmBfb2CA.128.mp3Isha: GO
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-General Maxamed Sicid Xirsi ”Moorgan”, ayaa sheegay inuu noolyahay, kadib markii la baahiyay inuu dhintay, sida ku cad muuqaal uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay. Moorgan, oo jooga dalka Oman ayaa sheegay in warbixinta ku aadan geeridiisa laga baahiyay Facebooga Tv-ga Qaranka Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuusan ogeyn sababta rasmiga ah. Moorgan waxa uu sheegay inuu weli yahay mid nool, isla markaana uu dadkiisa u sheegayo inuu caafimaad qabo. Nuqul kamid ah haddalka muuqaalkiisa ayaa ahaa “Ehelo baa telefoon igu waalay waxaan idiin sheegayaa inaan noolahay, waxaana sugayaa wakhtigeyga” Moorgan, waxa uu sheegay inay dhacaan warar badan oo aan la xaqiijin isla markaana ay baahiyaan warbaahinta qaarkood, taa oo uu sheegay inay qalqal iyo dhibaato u abuureyso dadka ehelka ah. ”Micnaha kama baqaayo geeri, ee waxaa aad iisoo wacaaya dad ehel ah, waxaan cadeynayaa inaan weli noolahay” ayuu ku celshay. Geesta kale, Generaal Moorgan ayaa carab dhabay in qof waliba uu sugaayo wakhtigiisa, isla markaana uu diyaar u yahay wakhtiga uu leeyahay.
  5. Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa wuxuu ka mid yahay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug. Ma rabo inaan kusii dheeraado qaabka uu Xildhibaan ku noqday iyo Hantidii Qaranka ee uu dad kale Xildhibaan uga dhigay, maadaama afartii sano ee uu kamid ahaa dadka talada u hayo Soomaaliya uu sameeyey wax kasta oo musuq maasuq lagu tilmaami karo. Aan usoo gudbo dulucda maqaalka yar ee aan rabo inaan ka qoro hadalkii uu Maanta ka sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka Hortooda ee u muuqday inuu ku difaacayo Qalbi Dhagax, waxaana maqaalkaan u kala qaadi doonaa laba qodob: 1) Ujeedka Hadalka iyo danaha ku qarsoon Cabdiraxmaan Odawa wuxuu kamid ahaa odayaashii iyo Mas’uuliyiintii dowladdii Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ahaan ninkii sababta u noqday in meesha laga saaro Xasan Sheekh Maxamuud markii uu lacagtii Hantida qaranka kusoo saaray Xildhibaano badan oo hadda ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo ka shaqeeeyey in laga guuleysto Xisbiga Damul Dajadiid. Sidaas darteed hadalka uu maanta ka sheegay Xildhibaanada hortooda wuxuu ahaa hadal siyaasadeysan oo uu ku doonayey in lagu qaldo Shacabka Soomaaliyeed isagoo muujinayo inuu ku garab yahay Qalbi Dhagax, waxaana muuqato inay soo baxeyn Siyaasiyiin badan oo ku qaraabanayo Kiiskaan xilli ay dantooda ugu dambeyso tahay in la rido Xukuumadda Soomaaliya si ay u helaan xilal. 2) Maxaa Caddeynayo inuusan Odawaa ku garab aheyn Qalbi Dhagax? Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa horey liiska Guddigga Baaritaanka Kiiska Qalbi Dhagax ku daray Xildibaan Cabdiraxmaan Odawaa. Cabdiraxmaan Odawaa ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuusan diyaar u aheyn inuu qeyb ka noqdo Guddigaas. Dad badan xilligaas ma fahamsaneyn sababta keentay inuu Odawaa diido ka qeyb noqoshada Guddigaas. Muran la’aan, Odawaa mar kasta wuxuu diyaar u ahaa inuu ka hor imaado Natiijada kasoo baxdo baaritaankaas, maadaama uusan eedeyn karin guddi uu isaga kamid ah yahay waxay siyaasadda jirta fartay inuusan aqbalin xilkaas si ay ugu fududaato inuu Berri ka hor imaado. Bal adiga is waydii, haddii uu Odawaa rabo inuu gargaar u fidiyo Qalbi Dhagax, maxaa u diiday inuu ka qeyb noqdo Guddigaas, isla markaasna uu soo ogaado xaqiiqda rasmiga ah ee jirto si uu Bulshada Soomaaliyeed ula wadaago ugana sheego sababta Qalbi Dhagax loo dhiibay iyo Cidda dhiibtay taasoo noqon laheyd arrin wanaagsan oo shacabka ku farxi lahaayeen laguna ogaan lahaa halka ay sheekada ka socoto. Waxaa jirtay fursad weyn oo soo martay Odawaa oo uu ku difaaci karay Qalbi Dhagax, waxayna aheyd maalintii lagu daray Guddigaas, balse inuu waqtigaas u hiiliyo Qalbi Dhagax waxaa kala weyneyd inuu Maanta Baarlamaanka hortiisa eedeyn ugu soo jeedo guddigii shaqadaas soo qabtay ee waqti badan ku bixiyey. Odawaa oo kamid ahaa Macalimintii Muqdisho lagu faani jiray waqti hore, ayaa maalin cad iska diiday inuu soo taabto xaqiiqda rasmiga ah ee Kiiska Qalbi Dhagax, waxaana wax kasta kala weynaatay inuu mar kale kasoo muuqdo Villa Somalia, Tollow Villa Somalia maxaa lagu arkay?!!. Anigu ma fahmin ee Akhriste adaa kuu daayey. Haddii ay Odawaa dhab ka tahay garab siinta Qalbi Dhagax, wuxuu sameyn karay inuu Guddigaas qeyb ka noqdo isla markaasna waxaa maanta la weyn lahaa in lagu murmo ama shaki la geliyo cidda ka dambeysay Dhiibitaanka Qalbi Dhagax iyo Sababta keentay, balse inuu shacabkiisa ku caawiyo inay ogaadaan arrintaas wuu awoodi waayey, Maya Dan Siyaasadeed ayaa u duuday Mayee Wax kaloo qarsoon ayaa jiro. Midda iigu yaabka badneyd ayaa aheyd markii aan codkiisa ka dhex maqlay isagoo dhahayo waxaan Alle hortiisa marqaati idinkaga dhigayaa inaan raali ka aheyn dhiibitaanka Qalbi Dhagax, waxaa si waydiin mudan markii uu sida qaldan u isticmaalayey Hantida Qaranka Alle marqaati kama aheyn miyaa?!! Midaas xisaabta Khiyaamo kuma jirto Miyaa? Cafis Miyaa? Ma ogi aniga!!!. Inkastoo aan aniga taageersaneyn in Qalbi Dhagax loo dhiibo dowladda Itoobiya, haddana waxa aan dhibsanayo oo laabta i huriyey ayaa ah in Kiiskaas lagu qaraabto oo lagu raadsado sumcad iyo Xilal iyadoo aan ujeedka rasmiga aheyn in wax loo qabto Muwaadinkaas. Ugu dambeyntii waxaa is waydiin mudan: Odawaa ma u hiiliyay Qalbi dhagax mise waa ka hiiliyay? W/D: Cabdirizaak Muuse Biixi Email: abdrizak1111@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. The rendition of Abdikarim Muse Qalbi-Dhagax, ONLF commander and former Somali military officer, to Ethiopian was illegal, a report by parliamentary committee said. The report endorsed by Somali parliament on Saturday has dismissed outlawing ONLF as a terrorist organization. The parliamentary commission formed mid September to probe the circumstances under which Qalbi Dhagah was extradited, blamed Somalia’s spy agency for providing misinformation about the victim. “Somali National Intelligence and Security Agency had provided the government leaders with wrong information and subsequently hid the case of Qalbi Dhagah from the justice department,” reads the report submitted to the House this morning. The 15 member committee probed and reviewed the previous so-called Security agreement between Somalia and Ethiopian in relation to this matter. “The government should mull over the previous deals and should keep away all matters that can lead insecurity,” the committee urged the government in its report which overwhelmingly got 152 votes out 161 of today’s session. Qalbi Dhagah was handed over to Ethiopia on 28th August this year following a raid by Somali force on his hotel in Galkayo, central Somalia. Days after the extradition, Somali cabinet had defended the rendition labeling as ONLF outlawed terrorist group. The government of Ethiopia confirmed the handing over, citing a security partnership treaty between Addis Ababa and Mogadishu. Source: HOL
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan warbixinadeenii hore ku sheegnay Guddiga Baarlaamaniga ah ee Golaha shacabka ayaa maanta soo gudbiyay warbixin ku saabsan kiiska Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) oo waayadani laga sugaayay. Warbixinta ay soo gudbiyeen Guddiga ayaa taabaneysay dhinacyo badan waxaana kamid ahaa qodobo qeexaaya halka uu ku fooraro dhiibitaanka Qalbi Dhagax iyo sababta ka danbeysay. MEEQO QODOB OO MUHIIM AH AYEY KA KOOBNEYD WRBIXINTA GUDDIGA: Ka-baaraan-degidda qaraarka Golaha Wasiirada ee 6dii Sebtember ee ku saabsanaa arrinkan. Qodobada Dastuuriga ah, Heshiisyada Caalamiga ah iyo Shuruucda dalka u dagsan ee ku saabsan dhiibista Qalbi Dhagax. Kabaaraan-degidda iyo qiimaynta Qadiyadda. Go’aamo, Toosin iyo Tala bixin Gudigu waxa ay soo bandhigeen in ay waraysiyo kala duwan la yeesheen Masuuliyiinta sida dhaw xiriirka ula lahaa kiiskan. MAS’UULIYIINTA WAREYSIGA AY LAYEESHEEN WAXAA KAMID AHAA : 1-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Taariikhda 21 October 2017. 2-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda 22kii October 2017. 3-Wasiirka Wasaaradda Amniga, Taariikhda 22 October 2017 4-Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taariikhda 23 October 2017 5-Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Madaxa Hay’adda Dembi-baarista Ciidanka Booliska Taariikh 23 October 2017. KA BAARAANDEGIDDA IYO QIIMAYNTA QADIYADDA: Gudiga ayaa warbixintooda ku soo bandhigay in arrintaan ay xirii la leedahay siyaasadda iyo amniga qaranka maadaama Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u-soo nooleynta Qarannimada Soomaaliya, dowladdana ay waajib ku tahay in ay mudnnaanta koowaad siiso Sugidda amniga qaranka iyada oo guddigu hoosta ka xariiqeen siyaasadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan nabad ku wada noolaanshaha wadamada Gobolka iyo guud ahaan caalamka. QALBI DHAGAX IYO KOOXDA ONLF Guddigu waxa ay bayaamiyeen in dhiibsita Qalbi Dhagax aan hab sharci ah loo marin, lagana tala gelin Hay’daha Garsoorka, iyadoo isla markaas ay maareeysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugiida Qaranka oo kaliya, laguna saleeyey go’aan ku dhisan xog aan sugnayn oo hay’addu ay siisay Madaxda Qaranka. Sidoo kale, Guddigu waxa ay sheegeen in Jabhadda ONLF loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale. GO’AANO IYO TOOSIN Guddiga Baarlamaaniga ah ee loo xilsaaray baaritaanka waxa ay Xukuumadda fareen in ay dib u raac ku samayso Heshiisyadii hore ee dalka galay iyo in taxadar dheeraad ah ay muujiso markasta oo ay maareeynayso hawlaha xasaasiga ah iyada oo ku salaynaysa xog sugan oo waafaqsan farriimaha Dastuurka iyo Shuruucda dalka. Ugu dambayntii Guddigu waxa ay ugu baaqeen Golaha Shacabka in laga fogaado arrin kasta oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed ama abuuri karta khal khal amni, loona baahanyahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo danta Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Galmudug regional state in Somalia’s central and moderate Islamist group Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ) leaders are expected to hold key talks in Kenya’s capital Nairobi on Saturday, sources confirmed. The president of Galmudug State, Ahmed Duaale Haaf and Ahlu Sunna leader, Sheikh Mohamed Shakir Ali have reached Nairobi on Friday ahead of the talks. The sides are expected to have face to face talks on possible power sharing and forming inclusive state government. Reliable sources privy to the talks said the talks being at the early stage the leaders will also be discussing the challenges blocked the previous talks. “ The sides will hold first phase of their talks in Nairobi to iron out all the obstacles that caused the previous talks to end without reaching tangible progress,” said a source close Somali embassy in Kenya. The second phase of the talks will take place late this month in Mogadishu, according to the source. The previous talks which brokered by Somali government collapsed following hard conditions imposed by Ahlu Sunna Wal Jama.
  9. Doctors Worldwide Turkey says it has performed 3,000 cataract surgeries in Horn of Africa country. MOGADISHU, Somalia–Five Somali doctors on Friday graduated from medical school under a special program organized by a Turkish NGO. The new MDs got their diplomas from the program organized by Doctors Worldwide Turkey (DWWT) at a ceremony in Mogadishu, the capital of the Horn of Africa country. Safa Simsek of the NGO told Anadolu Agency: “Apart from nine physicians who graduated last year from the program, which we started in 2013 in Somalia, five more doctors graduated this year, including three general practitioners and two internal medicine specialists.” Simsek also pointed to Muhammad Osman, a 12-year-old Somali who got cataracts six years ago, and was cured by Turkish doctors in a free operation. “To date we have performed 3,000 cataract surgeries in Somalia,” he added. Cataracts are an eye condition that results in cloudy vision. AA
  10. CAIRO—–Egyptian President Abdel-Fattah el-Sissi, for the second time in as many days, has delivered a stern warning to Ethiopia over a dam it is building after the two countries along with Sudan failed to approve a study on its potential effects. Ethiopia is finalizing construction of Africa’s largest hydroelectric dam on the Blue Nile. Egypt fears that will cut into its water supply. Cairo said last week that the three countries had failed to approve an initial study by a consultancy firm on the dam’s potential effects on Egypt and Sudan. Ethiopia has repeatedly reassured Egypt, but Cairo’s efforts to engage in closer coordination have made little headway. El-Sissi sought to reassure Egyptians in televised comments Saturday, but stressed that “water is a matter of life or death.” AP
  11. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa maanta 18 Nov 2017 si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe . Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay danjiraha ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta mashaariicda dalka China ay kawadaan Puntland, samaynta xidhiidh dhaw ay yeeshaan Puntland iyo dalka China iyo guud ahaan Soomaaliya, horumarka ay dawladda Puntland ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo danjiraha dalka China ee Soomaaliya ka wada hadleen sidii ay shirkaddaha laga leeyahay dalka China u maalgashan lahayeen Puntland maadaama ay tahay dhul nabadda, horumar iyo xasilooniba ka jirto Danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Madaxweynaha Puntland uu kusoo dhammaaday guul, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntlaand ay ka jiraan nabad iyo horumar, isla markaana waxa uu safiirku shacabka dalka China ku dhiirigeliyey inay maalgashtaan Puntland, yimaadaan oo wada shaqayn dhow layeeshaan shacabka Puntland. Dhinaca kale, Mr Qin Jian ayaa tilmaamay in Puntland tahay dawladd horumartay, isla markaana muhiim u ah Soomaaliya, samaysay horumar, kala danbayn, dhaqaale wanaagsan, sidoo kalena hirgashatay kaabayaal dhaqaale oo horumariyey dhulkooda, waxaana uu timaamay in dhulka Puntland yahay mid qurux-badan, khayraad dabiiciya ku duugan yahay, isla markaana waxaa uu ku dhiirigeyey shirkaddaha waaweyn ee China inay maalgashtaan Puntland sida ay shirkadda CCECC u maalgelinayso garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo dhismaha waddada Garoowe-Eyl. Danjiraha dalka China ee Soomaaliya ayaa waxa uu isagoo kahadlaya sida ugu fudud ee loo samayn karo xidhiidh dhaxalgal ah oo ka dhexeeya Puntland iyo dalka China loo baahan yahay in la sameeyo wufuud labada dhinac ah oo isu waydaarta Puntland iyo China, si loo hirgeliyo is dhexgal iyo is-fahan ku salaysan wanaajinta xidhiidhka labada dhinac. Dhinaca kale Danjiraha dalka China ayaa booqaday Wasaaraddaha Maaliyadda, Degaanka iyo Xafiiska Hay’addaha Macdanta iyo shidaalka dawladda Puntland, waxaana uu kulamo la qaatay masuuliyiinta wasaaraddahaasi iyo Xafiiska Hay’adda Macdanta iyo shidaalka dawladda Puntland oo uu kula kulmay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in wada hadalkii isaga iyo danjiraha dalka China uu kusoo dhammaday guul, isla markaana uu sidoo kale guul-kusoo idlaaday safarkoodii ay ku joogeen Puntland, isagoona Madaxweynuhu danjiraha guddoonsiiyey haddiyadda ka koobnayd hiddaha iyo dhaqankeena Soomaalida, waxaana garoonka diyaaradaha Konaako ee magaalada Garoowe kusii sageetoyey danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian iyo weftigiisaba saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntlad Iyo Danjiraha Dalka China ee Soomaaliya oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Garoowe. appeared first on Puntland Post.
  12. Waa maalin kale oo culeeskeeda wadata, siyaasadda wajiyadda badan ee Somalia hadda waxa kusoo biirtay waaxda is eedeynta , Gudigii loo xil saaray kiiska Qalbi Dhagax waxey farta ku fiiqeen taliyihii shaqada laga eryay ee Nabad Sugida C/laahi Maxamed Cali Sabaloolshe kaas oo sidoo kale ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Somalia. Sanbaloolshe ma joogin fadhigii Baarlamanka ee maanta laakiin hubanti fariintu waa gaartay, talaabadda xigta ee Baarlamanka lama sheegin laakiin waxaa laga yaabaa in loo baahdo in su’aalo la weydiiyay Mr Sanbaloolshe sidoo kale waxaa dhici karta inuu isagu hadlo Baarlamaanka ka hor . Su’aalaha ay tahay inuu ka jawaabo Sanbaloolshe waxaa ka mid ah. 1-Yaa lahaa amarkii ugu dambeeyay ee lagu dhiibay Qalbi Dhagax ? 2-Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu kiiskan wax ma ka ogaayeen ? 3-Waaxda garsoorka, wasiirka cadaaladda iyo laanta socdaalka doorkooda arintaan ka waran ? 4-Ma jirtaa in la jirdilay Qalbi Dhagax dhiibista ka hor ? 5- Ethopia ma Xamar ayey ka wadatay mise waa loo geeyay ? 6-Ma jirtaa dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ku xeeran arintaan inta aad ogtahay ? 7-Maxaad ka aaminsan tahay ONLF ? 8- Adis Abbaba ma aaday tan iyo markii la qaatay Qalbi Dhagax ? 9- Hadii aad adigu go’aanka kaligaa gaartay ma’aaminsan tahay inaad qiyaano qaran gashay hadiise madaxda sare kugu amartay wax cadeyn ah ma heysataa oo aad isku difaacdo ? 10- Waxaad aheyd taliyihii NISA , inta aad arintaan ka ogtahay maxaa daliil looga dhigay in qof muwaadin ah dal kale loo dhiibo ? Jawaabaha Sanbaloolshe waxaa ay noqon karaan labo midkood, mid uu isagu dambiga ku qaato ama inuu qarxiyo waxyaabo qarsoon oo arintu ay dad badan lugta la gasho taas oo hadii ay dhacdo xaaladda sii adkeyn karta. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanu aamisaneyn in madaxda dowladda Federaalka ah aysan ka war hayn markii C/kariin Qalbi Dhagax loo dhiibayey dowladda Itoobiya. Odawaa oo sidoo kale mid isbaheysiga isbaheysiga mucaaradka xukuumadda iyo kooxda Damu-Jadiid, waxa uu tilmaamay in dhiibistii Qalbi Dhagax ahayd qiyaano weyn oo qalad ah una baahan in la saxo. Mar uu xildhibaan Odowaa soo hadal qaaday arrinta ONLF ayuu soo jeediyey in haddii aan wax loo tari karin ururkaasi ay haboon tahay inuu ka nabad galo dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale xildhibaanka ayaa soo jeediyey in la ciqaabo cid walbo oo ka dambeysay dhiibista Qalbi Dhagax. “Mudane guddoomiye sida ku cad warbixnta guddiga arrinta Qalbi Dhagax lifaaqyada sida ku cad wasaaradda amniga ma ogeyn, wasiirka cadaaladda waa ka diiday, hay’adda socdaalka ma ogeyn, hay’adda diyaaradaha ma ogeyn, cid la ogeyd madaxda sare ma jirin, waxaan rabaa in aan mas’uuliyadda laga gamban, waxaan rabaa inaan halkaan kasoo jeediyo ugu yaraan in dhiibista Qalbi Dhagax ahayd qiyaano weyn oo qalad ah in la saxana loo baahan yahay, ONLF haddii aan wax u tari karin iney naga nabad gasho, iyada iyo Itoobiya haddii aan heshiisiin karno waa shaqo weyn oo la qabtay… waxaan aad iyo aad ula yaabannahay qof walbo oo baarlamaanka fadhiya ama shacabka Soomaaliyeed meesha uu rabo ha joogee ee madaxda ku difaaca dhiibista Qalbi Dhagax, ninkii walaalkaa loo xiirow adna berri soo qoyso waaye.. waxaan rabaa guddoomiye inaan ilaahay hortiisa ku marqaati furo inaan raali ka ahayn dhiibista qalbi dhagax, ogoleyn, dambi ay tahay, ayna tahay in la ciqaabo ciddii geystay, ma aaminsani iney hay’adda nabad sugidda tahay, ma aaminsani ineysan madax ogeyn, haddii aysan ogeyn waa musiibo, haddii ay ogaayeenna waa musiibo ka weyn” Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan ka gaaray arrinta Qalbi Dhagax kadib markii bishii August ay dowladda Federaalka dhiibtey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Waxaa magaalada Garowe lagu qabtey kulanka 1aad barnaamij loogu magac darey Aqoon iyo Is arag oo uu hindisay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Keynaan Cabdi Jaamac, Wuxuuna sheegay inay tahay sababta loo asaasay barnaamijkan sidii isbedel loogu samayn lahaa bulshada, Iyadoo diiradda la saarayo dhalinyarada, loona marayo casharro iyo kulan cilmiyeedyo ku dhisan Aqoon, si loo helo bulsho u dhisan maskax ahaan kana madax bannaan waxyaabaha dalkeena ragaadshay ee aqoon yarida iyo qabyaaladdu ugu horayso, iyadoo kor loo qaadayo hab-fikirka aqooneed ee bulshada. Kulanka 1aad ee barnaamijkan oo lagu falanqaynayay “Doorka dhalinyarada iyo Hoggaaminta” waxaa soo jeedinayay Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub), waxaana lagu qabtay Jaamacada PSU ee magaalada Garowe, waxaana kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada dawlada Puntland Dr, Maxamed Cali Faarax, Suldaan/Shiikh Cabdiqani Qorane, Agaasimaha daladda dhalinyarada Puntland Subeyr Cumar Cali, Ardayda Jaamacaddaha maagalada Garowe iyo qaar kamida qaybaha kala duwan ee bulshada. Keynaan Cabdi Jaamac wuxuu sheegay in barnaamijkan la joogteyn doono, islamarkaana labadii biloodba hal mar la qaban doono. Daawo Sawiradda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Garowe oo lagu qabtey barnaamij loogu magac darey Aqoon iyo Is-arag. appeared first on Puntland Post.
  15. Xilibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo maanta ka hadlay kulanka golaha shacabka ee arrinta Qalbi-dhagax ayaa soo jeediyay labo, mid an in la soo celiyo Cabdikarim Qalbi-dhagax iyo midda ah in aan qof dambe la dhiibin. Xilibaan Zakariye Xaaji Cabdi ayaa sheegay in baarlamaanka laga rabo in ay warqad u qoraan Dowladda Ethiopia oo ay ku dalbanayaan sidii loo soo celin lahaa Cabdikiriin Qalbi Dhagax Waxaan rabaa guddoomiye arrintan siday aheyd baa loo abaaray oo ah labo qodob oo ugu muhiimsan oo ah wixii la sameeyay in ay sharci-darro ahaayeen, sidaa darteed waxaa muhiim ah, waxaa la yiraahdaa caano daatay, dabadooda ayaa la qabtaa, talooyinka la soo jeediyay In marka ugu horeysa baarlamaanka go’aanka lagu daro, in dowladda Itoobiya baarlamaanka warqad u diraan, lagu soo celinayo, Maadaama xaq-darro dhacda hala soo celiyo waa in la yiraahdaa ama ciddii bixisay oo xukuumadda aheyd tiraahdaa hala soo celiyo, haddii wax naga dhaxeeyaan, daris ayaanu nahay, Maadaama qalad dhacay, Hala soo celiyo. Cid dambe oo Soomaali ah ama muslim ah in aan la dhiibin, cidii dhiibtaana ay dambiile tahay, taasina waa in ay noqotaa go’aan baarlamaanka soo saaro Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan ka gaaray arrinta Qalbi Dhagax kadib markii bishii August ay dowladda Federaalka dhiibtey. Goobjoog News Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jira xiriir fog oo dowlada Imaaraadka carabta kala dhexeeya mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Somalia iyo Siyaasiyiin madaxbanaan oo iyagu ku sifoobay dhaleeceynta talaabooyinka wanaagsan oo ay qaado dowlada Somalia. Mas’uuliyiinta u kala dhuunta Imaaraadka Carabta ayaa iyagu xilal ka waayay dowlada hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, halka Siyaasiyiinta madaxabanaan ay yihiin kuwo mar waliba u taagan la safashada ”Shisheeyaha”. Qaarkood ayaa fulinta howlaha Qaranka ka maciin biday inay dhexda u galaan horumarada uu ku talaabayo dalka, halka kuwa kale ay yihiin kuwa nasiib dhowr ah oo mar waliba ka hoos shaqeeya mas’uuliyiinta horay usoo qabtay xilalka ee ku xiran Madaxda ugu sareysa Imaaraadka. Dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu inta badan ka faa’iideysata wadaniyad xumida heysata Siyaasiyiinta qaar ayaa dhabarka u xiratay sida ay xuquuq joogta ah kusiin laheyd kuwa ka macaasha duruufaha ay ku shaqeyso dowlada Somalia. Haddaba dowlada Imaaraadka carabta waxa ay casuumaad u sameysay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo muddo dhowr jeer ah ka dhaga adeegay qaadashada awaamiir ay ku qasabtay Imaaraadka. Madxaweyne Farmaajo waxa uu wataa shuruudo uu ku daahfuri doono shirka ay wada gali doonaan Madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta, taa oo ay kamid tahay: 1-In dowlada Somalia loo madaxbaneeyo arrimaheeda gaarka ah sida inay maamusho dhulkeeda, Siyaasiyiinteeda iyo inaan loo dhexeen iyada iyo Golayaasheeda. Qodobkan ee uu wato Farmaajo waxa ay meesha ka saari doontaa xiriirka fogaaday ee Imaaraadka kala dhexeeya shaqsiyaadka u tafaxeydanaaya in Qaranka laga hormariyo dano gaara, sida ku cad ficilada labadii asbuuc ee lasoo dhafay ka dhacay mas’uuliyiinta qaar. 2-In danaha Imaaraadka Carabta lasoo mariyo Dowlada Somalia, waxa uuna qodobkaani laali doonaa inuu sii jiro xiriir danbe uu u dhexeeya Maamul Goboleedyada iyo Imaaraadka. Socdaalka uu Madaxweyne Farmaajo ku gaari doono magaalada Abu Dabai, ayaa ifafaalo u ah isku soo dhawaansho iyo isfahan dhexmari doona labada dowladood, waxaana xusid mudan in dowlada Imaaraadka Carabta ay garwaaqsatay in Somalia loo madaxbaneeyo amuuraheeda gaarka ah oo iminka caqabada lagu yahay. Sidoo kale, Mas’uuliyiintii xilalka kasoo qabtay dowladihii hore iyo kuwa iyaga ku feelan oo mudooyinkaani xubno ka socday Wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka kula shirsanaa magaalada Nairobi ayaa bilaabay inay dib ugu soo laabtan magaalada Muqdisho, kadib mugdi soo kala dhexgalay labada dhinac. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la saadalinayaa in is araga Madxaweyne Farmaajo iyo Dowlada Imaaraadka uu sabab u noqon doono burbur ku imaada xiriirka mas’uuliyiinta qaswadayaasha ah iyo dowlada Imaaraadka carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanu aamisaneyn in madaxda dowladda Federaalka ah aysan ka war hayn markii C/kariin Qalbi Dhagax loo dhiibayey dowladda Itoobiya. Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in dhiibistii Qalbi Dhagax ahayd qiyaano weyn oo qalad ah una baahan in la saxo. Mar uu xildhibaan Odowaa soo hadal qaaday arrinta ONLF ayuu soo jeediyey in haddii aan wax loo tari karin ururkaasi ay haboon tahay inuu ka nabad galo dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale xildhibaanka ayaa soo jeediyey in la ciqaabo cid walbo oo ka dambeysay dhiibista Qalbi Dhagax. “Mudane guddoomiye sida ku cad warbixnta guddiga arrinta Qalbi Dhagax lifaaqyada sida ku cad wasaaradda amniga ma ogeyn, wasiirka cadaaladda waa ka diiday, hay’adda socdaalka ma ogeyn, hay’adda diyaaradaha ma ogeyn, cid la ogeyd madaxda sare ma jirin, waxaan rabaa in aan mas’uuliyadda laga gamban, waxaan rabaa inaan halkaan kasoo jeediyo ugu yaraan in dhiibista Qalbi Dhagax ahayd qiyaano weyn oo qalad ah in la saxana loo baahan yahay, ONLF haddii aan wax u tari karin iney naga nabad gasho, iyada iyo Itoobiya haddii aan heshiisiin karno waa shaqo weyn oo la qabtay… waxaan aad iyo aad ula yaabannahay qof walbo oo baarlamaanka fadhiya ama shacabka Soomaaliyeed meesha uu rabo ha joogee ee madaxda ku difaaca dhiibista Qalbi Dhagax, ninkii walaalkaa loo xiirow adna berri soo qoyso waaye.. waxaan rabaa guddoomiye inaan ilaahay hortiisa ku marqaati furo inaan raali ka ahayn dhiibista qalbi dhagax, ogoleyn, dambi ay tahay, ayna tahay in la ciqaabo ciddii geystay, ma aaminsani iney hay’adda nabad sugidda tahay, ma aaminsani ineysan madax ogeyn, haddii aysan ogeyn waa musiibo, haddii ay ogaayeenna waa musiibo ka weyn” Ugu dambeyn, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in isaga ka shaqsi ahaan waxa uu u tari karo Qalbi Dhagax ay tahay in reerkiisa u jaro gunnada Hal bil. “Waxaan rabaa inaan halkaan ka sheego Qalbi Dhagax waxa ugu yar ee aan u tari karo waxay tahay Qoyskiisa bil guinnadeeda kamid ah ayaan ugu tabarrucay, idinkana waxaan idin ka codsanayaa inaad ugu tabarrucdaan” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan ka gaaray arrinta Qalbi Dhagax kadib markii bishii August ay dowladda Federaalka dhiibtey. Goobjoog News Source
  18. International observers of Somaliland’s presidential election on 13 November 2017 urge all parties to use legal channels to resolve post-election differences. With post-election disturbances reported in Somaliland while results are awaited, the International Election Observation Mission (EOM) is aware of complaints and grievances about the electoral process. We urge complainants to pursue those grievances through the appropriate customary and legal channels, where evidence can be assessed in full and judged on its merits. Says Dr Michael Walls, chief observer of the EOM: “Violent protest undermines the peace that Somaliland has built so painstakingly over the years, and does not serve the interests of Somalilanders or Somaliland as a whole. We are aware of complaints, and stress the urgency that those complaints be considered in full and within the context of the legal channels designed to provide a full and fair hearing. We urge all parties to call for restraint as those processes are pursued.” The EOM, which was invited by Somaliland’s National Electoral Commission (NEC), supports the NEC in its important work to calculate and announce preliminary results as soon and as accurately as possible. We reiterate the NEC’s call for all parties to exercise restraint and to use peaceful means to lodge complaints. Earlier in the week, the EOM issued statements reporting a largely peaceful and well-organised polling day in areas observed, but with some concerns about the process; points that were reiterated at press conferences. The EOM, which still has a small team of observers in Somaliland to report on the post-poll process, stands by those statements, and is concerned by unfolding events. We deeply regret the loss of life that has already been reported, and call on all Somalilanders to work to maintain the peace and to respect due process as results are finalised and complaints considered. Amongst other things, the EOM gathered detail on the legal channels offered in the event of disputes. Specifically, we note that there is capacity for the NEC itself to assess issues, and that following the declaration of preliminary results, there is a period of seven days in which formal complaints can be lodged through the Supreme Court, and that Somaliland custom also supports robust mediation and discussion. We therefore remain convinced that appropriate customary and formal avenues are available for the peaceful pursuit, consideration and adjudication of disputes. Somaliland has built an impressive record in exactly that area, and we are extremely disappointed to see the undermining of those mechanisms. This is a time for restraint from all parties, and we call on political leaders to urge supporters and colleagues to respect the foundations that have been built over the past 26 years. The EOM, funded by the British government, observed approximately 350 polling stations and tallying centres across Somaliland’s six regions on polling day and immediately after. The Mission will deliver its preliminary report to the National Electoral Commission by 20 November, and will release its final report in mid-2018. Notes to Editors 1. For further information or to arrange an interview with a member of the coordination team, please contact Conrad Heine (EOM media coordinator) on +44 (0)7870 642 852or ieosomalilandmedia@gmail.com. Photographs are also available. 2. Somaliland declared unilateral independence from Somalia in 1991 following the collapse of Somalia’s government. It remains internationally unrecognised. 3. The mission is online at www.somalilandfocus.org.uk, @SomalilandFocus and facebook.com/ EOMSomaliland2017.
  19. Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xersi Yuusuf ayaa shacabka ku dhaqan magaaladaasi ugu baaqay iney ka shaqeeyaan horumarka guud ee magaaladaasi. Waxa uu tilmaamay mudane Yuusuf in muhiim ay tahay in laga gudbo caqabadaha taagan si loo helo maalgashi lagu sameysto magaalada Gaalkacyo, laguna soo dhiirado. Nabadda ayuu sheegay iney tahay arrinta Koowaad ee lagu noolaan karo, wuxuuna tilmaamay in guud ahaan reer Gaalkacyo ay mas’uuliyad ka saaran tahay ka shaqeynta amniga iyo horumarka magaalada. “Dadka deggan Gaalkacyo waxaan ugu baaqayaa iney nabadda adkeeyaan, ka shaqeeyaan horumarka si magaaladan ay u hesho dad kusoo dhiirada oo maalgashta” ayuu yiri Duqa Gaalkacyo ee Galmudug. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa laga dareemayey magaalada Gaalkacyo isbedallo balllaaran oo ku aadan dhanka nabadda iyo horumarka. Goobjoog News Source
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddigii loo xil saaray baaritaanka Kiiska Qalbi Dhagax ayaa soo saaray warbixin dheer oo ku saabsan arrintaas. Warbixintaan oo ka koobneyd ilaa 10 Beej ayaa waxaa Caasimadda Online u suurta gashay inay hesho. Haddaba halkaan hoose ka akhriso”:
  21. Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya oo haatan kulan uga socdo Xarunta Baarlamanka ee Caasimadda Muqdisho ayaa warbixin ku saabsan kiiskii Qalbi-dhagax oo aha sarkaal ka tirsan Jabhadda ONLF,kaasoo xukuumadda Soomaaliya u gacan gelisay Ethiopia,waxay ka dhegaysteen guddi loo xilsaaray. Guddiga ayaa Baarlamanka ka hor akhriyey warbixinta natiijada baaritaankii ay sameeyeen,waxaana guddiga u soo baxday in dhiibitaanka Cabdikariin Sheekh Muuse ay ahayd sharci-darro,sida uu sheegay Guddoomiyaha guddigaas Xil.Cali Yusuf Cali(Xoosh). Guddiga ayaa sidoo kale caddeeyey in heshiiska xukuumaddii Xassan Sheekh la gashay Ethiopia ee loo cuskaday dhiibitaanka Qalbi-dhagax aanu ahayn maxaabiis is-weydaarsi balse uu ahaa iskaashi dhinaca amniga ah oo ku aaddan xasilinta degaannada xuduudka ah ee labada dal. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa warbixinta kaddib dood ka yeeshay,natiijada baaritaanka kiiskaan,waxayna cod aqlabiyad ah isku raaceen in dhiibitaanka ninkaas aan loo marin waddo sax ah,islamarkaana ahayd sharci-darro,iyagoo xukuumadda Soomaaliya weydiitay jawaab in ay ka bixiso. 152 Xildhibaan oo ka tirsan xubnihii fadhiyey kulanka ayaa ogolaaday warbixinta,lixna waa diidday,halka saddex kale ka aamustay. Guud ahaan waxaa kulanka fadhiyey 161 xubnood. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo sharci-darro ku tilmaamay Dhiibistii Qalbi-dhagax appeared first on Puntland Post.
  22. Guddiga golaha shacabka u saaray arrinta heshiisyada dowladda, Qalbi-dhagax iyo ONLF ayaa maanta warbixin 80 bog ah hor-keenay golaha. Warbixinta labada qodob ee ugu muhiimsan waa dhiibista Cabdikarim Qalbi-dhagax iyo Jabhadda ONLF, Qoraalka Ay Guddiga Akhriyeen Waxaa Ku Qornaa: Habraaca Loo dhiibay Cabdikarim ma waafaqsan yahay shuruucda dalka Kadib markaan aragnay dhammaan dastuuradii ay Soomaaliya soo yeelatay taniyo xoriyaddii 1960-kii iyo shuruucda dalka ee ku aadan arrinta isu-gudbinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha, guddiga waxaa u soo baxday in gudbinta Cabdikarim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” aan loo marin hab sharci ah, lanaga talagelinin hey’adaha garsoorka, iyada oo isla markaas ay maareysay hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda qaranka keliya, laguna saleeyay go’aan ku dhisan xog aan sugnayn oo la siiyay madaxda qaranka Ururka ONLF ma yahay Urur Agigixiso Guddiga baairis kadib, waxaa usoo baxday in caalamka uusan u aqoonsanayn ONLF, aysan aheyn urur Argigixiso ah, maadaama aaney ku jirin liiska argigixisada caalamiga ah Siyaasadda dowladda federaalka ah Soomaaliya ma mid ma aha in ay aqoonsato ama gabaad siiso jabhado ama ururo hubeysan oo duulaan ku ah nabadgelyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada dariska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale. Goobjoog News Source
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo nabadsugidda Soomaaliya u dhiibtay Dowladda Itoobiya 28-dii Agoosto, ayaa guddiga Baarlamaanka ee loo xilsaaray arrinta qalbi-dhagax waxay soo saareen warbixin dheer oo ay ku baareen kuna faahfaahinayaan arintaas iyo sida ay u dhacday. Qalbi-dhagax waxaa laga soo qabtay Galmudug, waxaana loo soo gudbiyey Muqdisho, Laamaha sirdoonka kala duwan ayaana sooqabtay iyagoo amar buuxa ka qaba Taliyihii hore ee Nabadsugidda Qaranka mudane Sanbaloolshe. Keenintaankiisa Muqdisho oo ay la socotay warbixinno aan fadhiyin oo ku saabsan xiritaankiisa, iyo inuu maleegayey falal amni darro ku ah dalka iyo wadamada deriska ah ayaa sababtay in degdeg loogu gudbiyo Itoobiya, warbixinnada khaldan ee loo gudbiyey madaxda Qaranka iyo heshiisyada aan dhameystirnayn ee xukuumaddii hore la gashay Itoobiya ayaa dedejiyey dhiibitaanka Qalbi-Dhagax. Guddiga gaarka ah ee Baarlamaanka ee qaabilsanaa arrinta qalbi-dhagax waxay caddeeyeen in dhiibitaanka Qalbi-dhagax aan loo marin si sharci ah, lagana talogelin hayadaha Garsoorka isla markaasna ay maaraysay Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo keliya, iyadoo amarro gaar ah ka helaysa Taliyihii hore ee Nabadsugidda Sanbaloolshe. Sidoo kale waxaa guddigu sheegay in ONLF aanay ahayn urur argagaxiso ah, ayna habboontahay in wax urur ama jabhad hubaysan aanay gudaha dalka ka hawl geli Karin, iyagoo khalkhal gelinaya ammaanka dalka ama kan Dowladaha deriska ah. Taliyihii hore ee Nabadsugidda Qaranka mudane Sanbaloolshe ayey guddigu saareen masuuliyadda ugu horreysa ee dhiibista Qalbi-dhagax, maadaama aanu fursad siin Madaxda ugu sarreysa Qaranka inuu ka talo geliyo iyo sidoo kale laamaha Garsoorka iyo Caddaaladda. Guddiga Gaarka ah ee Baarlamaanka ee loo xirsaaray arrinta Qalbi-dhagax, waxay soo jeediyeen in si dhakhso ah dib loogu eego dhammaan heshiisyadii iyo mucaahadooyinkii la galay burburkii kadib, isla markaasna loo qaybiyo xarumaha Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ee ay Khusayso, si xog-ogaal looga noqdo xog kasta iyo heshiis kasta oo ay Dowladdu gasho. Sidoo kale, waxaa guddigu eed dusha uga tuuray Hay’adda Sirdoonka Qaranka siday u maaraysay arrintaas iyo in ay ka fogaadaan xogaha aan dhammaystirnayn. Guddiga ayaa ugu baaqay in xasilinta iyo ilaalinta Nabadgelyada guud ee Qaranka la ilaaliyo lagana fogaado wax kasta oo dhibaataynaya danta guud ee Dalka. Warbixintan oo Baarlamaanka la horgeeyey maanta ayaa waxaa ogolaaday oo ku qancay baadhitaankaan 152 xildhibaan ayaa ogolaaday, 6 xildhibaan way diideen, 3 xildhibaan way ka aamuseen. Waxaa xusid mudan in Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka mudane Sanbaloolshe su’aalo badan oo madaxda ugu sarraysa qaranka waydiiyeen uu ka jawaabi waayey, taasina ay fududaysan in xilka laga xayuubiyo. Fashil isdabajooga oo ka qabsaday ammaanka dalka, oo ay ugu danbaysay Qarixii Soobe oo ay ku dhammaadeen Shacab Soomaaliyeed oo gaadhay 400 oo qof. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. On Monday, November 13, 2017, the people of Somaliland headed for the voting stations to cast their votes. What made Monday unusual was the iron will of the Somaliland people who participated in the process most obediently and most peacefully. The day concluded without a single incident that was worth reporting. Hence they deserve the most credit for campaigning peacefully and obeying the law. During the campaign period, too much attention was given to who left one party for the other or who bad-mouthed who the most. The hidden treasures of Somaliland that escape mention and deserve much recognition are the armed forces. From the Somaliland national army to the recently created firefighters numbering over 40, 000 members, the Somaliland armed forces deserve a standing ovation for all the hard work they endure with minimum pay. Unfortunately, there is no room in the Somaliland national budget to increase their wages but since we are waiting to crown a new president, this should be one of his priorities. The people have voted and we are eagerly with much discussion around the nation waiting for the official results. Who between the two candidates of Waddani and Kulmiye will be the new somaliland president. Everyone who participated in the campaign is expecting his or her position in the new government. Will we continue the cycle of trying to find employment for everyone who worked hard during the campaign and follow in the footsteps of the outgoing government that created a ministerial cabinet of 67 members in the name of tribal inclusions? Or will the new president beat the odds and surprise the nation by focusing on the important issues facing the nation. A nation with no recognition and no monetary contribution; in the form of a loan or grant, from the world. What many people don’t know is the fact that Somaliland’s government does not receive direct funds from the international community. It receives contributions to specific projects through a third party. For the most part it relies on its own budget which comes from taxes. With the right leadership and proper financial management, Somaliland can be self-sufficient. With a good leader Somaliland has the capability to be transformed and to show the world that it can stand on its own without the political manipulation of international funding. The Somaliland people are law abiding citizens that respect the law and follow direction. What they lack is the right leader that can provide solutions to the problems facing the nation, from huge youth unemployment to recurring droughts that will eventually strip the nation of its most valued asset (livestock) without which Somalis in general can’t exist. Livestock is the back bone of the Somaliland economy but in front of our eyes we are losing it to severe droughts. Can Muse bihi or Abdirahman Cirro transform this nation?? The answer is very easy, and it is not my answer, it is the consensus from the people. They both lack what it takes to uplift this nation’s spirit and to give it hope that it can be something more than just tribes that require appeasement every now and then. Instead of campaigning on the grounds of changing the state of the nation, they both campaigned along tribal lines, each trying to persuade the voters that they will bring about change. We don’t need another government that appoints based on tribal divisions, what we need is a president that can prove to the unemployed young men and women that they can be someone without the formalities of a sultan or aqil or uqaas or someone of influence. We need a president that respects the work of the men in uniform; if their wages can’t be increased then they should at least be glorified and appreciated. We need a president that can bring back hope and faith in the governmental system. We are counting down to the moment that the election commission announces the winner. Whoever wins, the other camp will be offended and hurt. I hope the losing party will concede and congratulate. The winner will celebrate extensively but what awaits him is a broken nation inflicted with severe droughts, suffers from high inflation and extreme lack of justice. There is much more awaiting the new leader and we hope whoever is the winner will at least address some of these issues. My advice to the new leader is to recognize the potential of the Somaliland people. To focus on capacity building so that we are at least able to produce some of the food we consume. I hope he will have a strong stand against corruption and bribery. I hope he will put in place measures to scrutinize the foreigners coming to Somaliland without control or legitimacy. I hope he will commission a review of the civil servants system and create a new system that teaches them about their responsibilities while protecting their rights. I hope he will invest in training the civil servants so they can better serve the nation. I hope he will be brave enough to review the Somaliland constitution and pass more laws that protect the environment and the rights of the citizens. I would advise the incoming president to start the promised change from his office by getting rid of the most inflated position of the previous government which is the Minister of Presidency. As practiced in most parts of the world, I would advise him to appoint a chief of staff which should be sufficient to manage the affairs of the Presidency. Therefore automatically eliminating the positions of the vice-minister, state minister and the Director General. I would advise him to invest in and train the presidential guards so they can be a good example for the rest of the men in uniform and he can be better protected. I advise him to appoint qualified people at least to the four crucial ministries, foreign affairs, interior, education and commerce. And qualified does not necessarily mean just education. It should be people who combine credentials and experience, candidates that have integrity and good track record. I hope the new president will address the recognition issue with rationale and objectivity. Somaliland to date has not taken the right steps to advertise its own success let alone seek recognition. The new president should invest in a worldwide promotional campaign first. Everyone around the globe should have an idea of Somaliland, its case and its successes. Only then we are able to utilize the citizens of the world to be sympathetic to our cause. Finally, I hope the incoming president sees the potential of the Somaliland Youth. I hope he can utilize their talents especially their usage and knowledge of the social media to the betterment of the nation. The social media has the power to transform, its wide spread use and coverage can be used to promote Somaliland. And it is the least that can be done to further the case of Somaliland. Waris Yusuf Freelance writer