-
Content Count
205,029 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku yimid booqashadiisii ugu horeeyay magaalada Garowe xarunta Puntland waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha cusub ee magaalada Garowe Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ,Goloyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland iyo Dadweyne aad u fara-badan. Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmatay diyaar garow loogu jiro furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Garowe iyo Xuska sanad guurada 4aad 08 January 2018 oo ku beegan maalintii la doortey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta maanta loogu sameeyay magaalada Garowe, wuxuuna sheegay inuu socdaal ku tagi doono magaalooyinka Qardho,Bosaso iyo Gaalkacyo. Imaanshaha Madaxweyne Farmaajo oo ahayd markii ugu horeysay oo uu yimaado Puntland intii kusoo biirey siyaasadda ayaa si ka duwan madaxdii horrey maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe taasoo ay ku muujiyeen dadweynaha ku nool caasimada Puntland taageerada ay u hayaan Madaxweyne Farmaajo. Daawo soo dhaweynta Garowe Dhinaca amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay ka hor intii uusan soo gaarin waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, waxaana jirey isbedelo lagu sameeyay bilicda Caasimada Puntland. Kala soco Puntland Post faahfaahinta. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Daawo Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu soo dhaweeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Dad deggan Kaxda oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka sheegtay in dowladda ay goofafkooda xoog ugu rartay iyaga iyo dad barakacayaal ah, halkaasina ay ku burburisay guryo iyo Iskuullo, waxayna dal-badeen in loo tacsiyeeyo, magdhawna la siiyo. Faadumo Xuseen Yusuf oo sheeganeysa goobta la burburiyay “Waxaa nagu dhacday 29kii ay jimcada aheyde, anaggoo war moog oo dhulkan joogna, oo aabahey, aabihiisa aabihii sii dhalay, 7 oday aan ku dhalanay, 70 sano hadda aniga aan jiro intaas aan ku noleyn, aan arag wax noo yimid ama wax noo sheega ayaa 50 tikniko oo amniga dowladda ah nagula soo weeraray iyo ciidankoodii iyo karatabiilo, nala burburiyay, hantideenna la baa’biyay, qarankii aan u gurmaneynay, oo garabkiisa taagneen sidaasi noo galay, marka waxaa codsaneynaa in xaqaana naloo dhiciyo, haddii uusan dhacsameyn oo boob nagula tagalo-galayna, hade na boobto dowladda Soomaaliyeed, ciidankeeda ayey nagu boobtay, oo nagu burburisay. Oday Ciise oo ka tirsan dadka sheeganaya milkiyadda goobta la burburiyay “Kaxda dhul ayaan ku leeyahay, waxaa ahay nin 80 ka badan jira, wax aanan weligay arag ayaa igu yimid, waxaa weeye, dhulkeyga aniga oo jiifa oo iska hurdaya, cid I dacweysana aan la arag, oo cid wax igu heysto aanan arag ayaa katarabiilo iyo ciidan yaacaya igu soo galeen, waxaan u maleynaa aniga raqdeyda waa taallaa, xoolaha la iiga burburiyay $80,000 waa dhaafayaan, jimcadii hadda tii ka horeysay ayuu weerarkaasi dhacay, illaa maanta alaabtii wax ay jajabsheen iyo wax yar ayaan ka hayaa, wixii iigu fadhiyay $100, waan ka bixiyay 10 SHSo, dhibkaas waxaa codsanayaa, dowladda oo in la iiga jawaabo doonayaa wixii na dacweeyay iyo raggii dhulkaas loo xukumay, waxaan doonayaa cadaalad iyo sidii lagu arki jiray qaran, dowladda waa kaalmeynaa, canshuurbaan bixinaa, sidii wax dhega la’a oo sidii Amxaaradii iyo loola xarbi-jiray cadawga in naloola xarbiyo ma dooneyno”. Dhinaca kale, Weriyeyaasha Goobjoog News ku adkaatay in ay soo arkaan dadkii laga rabay illaa 23 Kaam oo halkaasi ku yaallay. Dadkan oo illaa 400 oo qoys, ayaa la burburiyay ogoysiis la’aan, dadkaasi ayey Q.M sheegtay in ay ka soo carareen abaar iyo colaado deegaanno fog-fog ka jirtay, taasi oo sababtay in ay dibadda joogaan caruur, haween iyo waayee. Dadkii barakacayaasha ahaa waxaa laga burburiyay Goobaha waxbarashada, musqulaha, meelaha ay biyaha ka xabaan iyo hoygooda, waxaana la sheegayaa in gobolka Banaadir uu wada hadal u furay si arrintooda loo xaliyo. Goobjoog News Source
-
Wafdi uu Hogaaminaayo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaliyeed Gen-Cabdiwali Gorod ayaa maanta soo gaaray Magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Safar-ka talyuhu ayaa waxaa uu la xiriiraa Taaba galinta Hishiiskii Gaalkacyo. Sidoo kale – Waftigaan ayaa hor-dhac u ah Socdaalka uu Gaalkacyo ku imaanayo Madaxwaynaha Federaalka ee Soomaaliya Mudane Farmaajo.
-
DJIBOUTI–Somaliland’s President Musa Bihi Abdi , accompanied by a senior delegation, has arrived in Djibouti on Saturday on days official working visit to Djibouti. Djibouti President, Hon. Ismail Omar and Somaliland counterpart, Musa Bihi Abdi held first bilateral meeting at the presidential palace in Djibouti on Sunday. The two leaders held talks that took hours and reached a common understanding on ways to strengthen bilateral ties between their respective nations. Somaliland’s FM, Dr. Sa’ad Ali Shire spoke to the media outlets to brief on the discussions between the two leaders. Dr. Sa’ad said that Having President Bihi sworn to office that he chose to visit Djibouti as his first foreign trip and further asserted that he came to Djibouti after having been officially invited to the country by Ismail Omar Gueleh. The FM has expressed deep thanks to the President of Djibouti, ministers and the populace for the warm reception. Mr. Sa’ad has stated that issues of mutual interest between the two countries have been reviewed as far as the talks between the two leaders are concerned. The FM has disclosed that both leaders saw eye to eye on boosting the bilateral ties between the two countries on the areas of development, security and the peace and stability in the region and most of all the unity in the region. Somalilad’s FM hoped that the talks between the two leaders would usher a new beginning for both countries and this will pave the way for enhancing the relationship between the two nations. On his part, Djibouti’s FM, Hon. Mohame Yusuf said that SL president, Musa Bihi decided to visit Djibouti as his first foreign trip and that shows a good example of the brotherly ties between Djibouti and Somaliland. He announced that the talks focused on boosting trade ties on Sea and land. He stressed that both nations have understood on enhancing the cooperation against the cambat of terrorism and piracy in the region. A joint technical commission will be formed to discuss ways to further implement the agreements so far reached by the two leaders. Djibouti congratulate Somaliland authority and its people of holding free and fair polls. The FM, Mohamed Yusuf urged Somaliland people to observe peace and stability as there is hostility in the region. Djibouti President, Ismail Omar held lunch banquet in honor of the visiting of Somaliland President, Musa Bihi Abdi and his delegate to Djibouti.
-
Wasiiradii Cusbaa ee uu dhowaan magacaabay Ra’isilwasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre Ayaa maanta lagu Dhaariyay Magaalada Muqdisho. Wasiiradaan oo kala ah Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad , Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Eng Cabdi Maxamed sabriye. Wasiiradaan ayaa hadda isku diyaarinaya in ay xilalka kala wareegaan Wasiiradii hore. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiiradii Cusbaa oo lagu Dhaariyay Maanta Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Abdirahman Kahin, the founder of Afro Deli and one of most successful East African restaurateurs in the Twin Cities, is back in business on the West Bank. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (HOL) - Residents of Mandera county are up in arms against the poor state of their main roads that link the county to the country's capital. Source: Hiiraan Online
-
DOHA: A stellar international field of athletes have confirmed their participation in the Ooredoo Doha Marathon to be held on Friday next weekend, Qatar Tourism Authority (QTA) announced yesterday. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Farmaajo oo ay maanta u bilaabatay booqasho dhowr maalmood ah oo uu ku joogo doono Puntland ayaa goor dhaweyd wuxuu saxaafada kula hadlay Madaxtooyada Dowlada Puntland. Hadalka Madaxweynaha ayaa ka koobnaa oo qura cududaar iyo raali galin. “Waxay ahayd inaan mar hore idinsoo garo Waan idinka raali galinayaa taas, Waan Waxaynaa Wixii qaladaad ah oo ka dhexeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlada Puntland, waana wada hadlaynaa “ Madaxweyne Farmaajo ayaa Shirka Jaraa’id wuxuu ku qabtay Madaxtooyada Puntland wax yar kadib markuu Garowe soo gaaray oo uu Shacabka hadal kooban ugu jeediyey Barxada Garowe. Video-Ga goor dhow kg filo
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad kooban oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaariyey wasiirada cusub ee wasaaradaha Arrimaha dibadda, Ganacsiga iyo Gudaha. Axmed Ciise Cawad, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku dhaartay in ay si sax ah u gudan doonaan waajibka saaran, iyaga oo gacantooda midig saaray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa 4-tii bishan magacaabay wasiiradan kadib markii uu shaqada ka eryey wasiiradii iyaga ka horreeyay. Intaas kaddib ayaa Wasiirada la dhaariyay waxay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ku wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilka ula wareegaan, si ay u gutaan howlahooda. Saddexda Wasiir ee cusub ayaa la magacaabay maalintii khamiistii ee taariikhda aheyd 4-ta bisha Janaayo 2018, waxaana la magacaabay iyagoo labo ka mid ah ay dalka ka maqnaayeen sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda oo Muqdisho soo gaaray jimcihii iyo saaka oo Axad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirada cusub ee dhowaan uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la dhaariyey appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland. Wafdiga madaxweynaha oo ay wehliyaan wasiiro iyo xildhibaanno ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe waxaana garoonka cusub ee Garowe ku soo dhoweeyay madaxda iyo dadweynaha Puntland ee uu horkacayo Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas. The post Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweyn aan hore loo arag loogu sameeyey Magaalada Garowe appeared first on Caasimada Online.
-
“Madaxweyne Farmaajo”Waann idiinka Mahad celinayaa soo dhaweynta aan hadal lagusoo Kooobi Karin ee aad ii soo dhaweyseen” Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si aan lasoo koobi Karin waxaa loogusoo dhaweeyey Garowe, Madaxweynaha ayaa markuu Airporka ka yimid wuxuu Shacabka kula hadlay Barxada Garowe. Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa kusoo koobay mahadcelin uu Shacabka uga mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey.
-
Madaxweyne Farmaajo oo wajigiisa ay kamuuqato farcad ayaa Shacabka wuxuu kula hadlayaa Bartamaha Garowe meesha loo yaqaan Barxada Garowe. Madaxweynaha oo goor dhaweyd soo gaaray Puntland ayaa wuxuu la kulmay soo dhaweyntii ugu weyneyd ee uu kala kulmo Shacabka Soomaaliyeed. Sawirada goor dhow naga filo
-
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhowayd kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay madaxweynaha dowladda Puntland iyo xukuumadiisa iyo shacab aad u badan. Farmaajo ayaa si weyn ula dhacay soo dhowaynta loo sameeyay, iyadoo magaalada oo dhan maanta udiyaarsanayd sidii loosoo dhoweyn lahaa, waxaana la filayaa inuu ku hakado barxada Garowe halkaas oo ay kumanaan shacab ah ku sugayaan inuu kula hadlo. Labada madaxweyne ayaa warbaahinta kula hadlaya xarunta madaxtooyada Garowe, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka caasimadda iyadoo ciidamada amniga ay la socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo xagga amniga la xiriira. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta berrito ah xariga ka jaridoona garoonka diyaaradaha Garowe. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Shalay sheegay in uu baaqday Shirka Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir oo lagu waday in 7da bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho. Duqa magaalada ayaa sheegay in howlo farsamo oo jira awgood uu shirka ubaaqday waqtiga shirka la qaban doono uu maamulka dib ka soo sheegi doono. Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore ugu dhawaaqay in 7 Bishaan Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shirkaasi. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhamaadkii bishii la soo dhaafay sheegay in shirkaan uu yahay mid muhiim ah loogana hadli doono Amniga Caasimada iyo sida loo xoojin karo. Haddaba inkastoo uu Guddoomiyaha sheegay inuu kulankaas u baaqday arrimo farsamo, haddana Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay sababaha rasmiga ah ee keenay inuu shirkaas baaqdo iyo Shakhsiyaadka ka dambeeyo. Illo wareedyo aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa Caasimadda Online u sheegay inay Shakhsiyaad madaxweynaha u dhow ka dhaadhacsiiyeen inuu kulankaas dhibaato xoog leh ku yahay dowladda Soomaaliya. Xubnahaas oo si weyn ugu dhow Madaxweynaha isla markaasna ka tirsan kuwa furaha u ah go’aamada Madaxweynaha ayaa madaxweynaha siiyey warbixin qaldan oo ku saabsan kulankaas, waxayna sheegeen inay Muqdisho ka bixi doonto gacanta Dowladda. Waxay madaxweynaha ku qanciyeen inuusan hadda gacanta ku heyn meelaha ay ka arrimiyaan Maamul Goboleedyada isla markaasna ay Muqdisho tahay meesha kaliya oo ay dowladda ka taliso. Shirkaas ayaa Madaxweynaha loogu sheegay in looga hadli doono ama lagu go’aamin doono sidii ay Muqdisho u heli laheyd maqaamkeeda iyo maamul Madaxbanaan. Xubnaha Madaxweynaha siiyey warbixintaan qaldan ayaa waxay kala yihiin: Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire ,waxey qaraabo yihiin Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaan Xuseen Iidow, waxey qaraabo yihiin Xasan Cali Kheyre . Siyaad Maxamuud Shire waa qunsulka safaaradda Somalia ee sacuudiga ,waxey saaxiibo isku dhow yihiin Farmaajo. Seddexdaan xubin ayaa ka shaqeeyey in la joojiyo kulankii ka dhici lahaa Muqdisho ee looga arrinsan lahaa waxyaabo ay kamid ahaayeen: Amniga Muqdisho Dariseynta (Isha Xaafadda) Maqaamka Muqdisho iyo Sida loo maareyn lahaa Canshuuraha laga qaado dadweynaha Muqdisho Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Shakhsiyaadkii Farmaajo ku qalqaaliyey inuu baajiyo kulankii Wadatashiga iyo Hormarinta Gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
7th January 2018 Hargeisa- 7th January 2018- The Human Rights Centre today condemned the conviction and sentencing of journalists Mohamed Abdilahi Dabshid, a journalist at Kalsan TV, and Ahmed Dirie Iiltire of SBC television and Xeegonews. A regional court in Borama sentenced the two journalists today, 7th January 2018, to two years in jail on charges of “subversive and anti-national propaganda, bringing the Nation or the State into contempt, and bringing into contempt the flag or national emblem of a foreign state”, Abibakar Sheikh Mohamoud, the lawyer of the journalists, told Human Rights Centre. The lawyer said he will appeal against the judgment. The Office of Attorney General also informed the court that they are planning to appeal, according to the lawyer and sources who were on the court at the time the judgment was delivered. The charges are linked to articles allegedly published in Xeegonews website claiming that Ethiopian militias are trained in Awdal region, according to the charge sheet. Human Rights Centre was not able to review the alleged article. According to their lawyer, Mohamed Abdilahi Dabshid, a journalist at Kalsan TV, argues that he does not work and write on Xeegonews website while Ahmed Dirie Iiltire argues that it is not him who published the article in question. Journalist Mohamed Adan Dirir who was sentenced by the court on 8th October 2017 to 18 months in jail on charges of criminal defamation and publishing false news is also in Hargeisa Prison. The Appeal Court upheld his conviction. Another three journalists are currently facing prosecutions in Berbera and Gabiley. “We are extremely worried the increasing prosecution of journalists. Human Rights Centre never recorded more convictions than this. Three journalists are in prison right now,” says Guleid Ahmed Jama, the chairperson of Human Rights Centre. “The Constitution and the Press Law are clear. The authorities are not allowed to use the criminal law on media issues. Journalism is not a crime,” he added. “We are asking the government officials to release the journalists immediately and stop the actions against the journalists,” he said. Guleid Ahmed Jama Chairperson of Human Rights Centre Hargeisa Somaliland Email: hrcsomaliland@gmail.com
-
Dakar (PP) ─ Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 13-qof, halka toddoba kalena ay ku dhaawaceen Sabtidii shalay gobol ku yaalla Koonfurta dalka Senegal oo lagu magacaabo Casamance. Afhayeenka millateriga Senegal Abdoul Ndiaye ayaa warbaahinta u sheegay inaan la garanayn kooxaha weerarka ka dambeeyay cid ay xiriir la lahaayeen iyo halka ay ka yimaadeen, balse wuxuu sheegay in dadkan la dilay xilli ay ku sugnaayeen dhul kayn ah oo ku yaalla gobolka mashaqadu ka dhacday. “Dadkaan la laayay iyo kuwa la dhaawacay ayaa ahaa Dad shacab ah oo ku hawlanaa xilliga dhibaatada loo geysanayay dhirta alwaaxda laga sameeyo, waxayna ku sugnaayeen degmada Borofaye oo qiyaastii 10-km u jirta xadka aan la wadaagno dalka (Guinea Bissau,” ayuu yiri Abdoul Ndiaye. Gobolka uu shilkani ka dhacay ayaa xarun u ahaa jabhad gooni-u-goosad ah oo la aasaasay sannadkii 1982-kii, taasoo ahayd mid u Dagallaamaysay sidii ay madax-bannaani u heli lahayeen Gobollada Waqooyiga Senegal. Jabhadan oo lagu magacaabo dhaq-dhaqaaqa dimuquraadiyadda Casamance (MDFC) ayaa xilliyadii dambe ka hawl-galaysay Gobolada Koonfurta Senegal, iyagoo u gudba mararka qaarkood waqoooyiga dalka Gambia. Dhanka kale, Kooxdan ayaa sannadkii 2014-kii waxay heshiis xabad-jooji ah la galeen dowladda Senegal, iyagoo tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyay aan fulin wax weerarro ah oo ay kaga soo horjeedaan xukuumadda Dakar. Ugu dambeyn, Weerarkan khasaaraha nafeed sababay ayaa imaanaya xilli uu madaxweynaha Senegal, Macky Sall ku sheegay khudbaddiisii sannadka cusub in mucaaradka wadahadallo lala galayo si loo helo nabad waarta oo ka hir-gasha dalkiisa. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo Koonfurta Dalka Senegal ku dilay 13-ruux – Tiro kalena ku dhaawacay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, wasiirro iyo xildhibaanno Puntland ah, saraakiil ciidan, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacab aad u badan ayaa garoonka Garoowe kusoo dhoweeyay madaxweyne Farmaajo. Boqolaal shacab ah oo ruxaya sawirada madaxweyne Farmaajo ayaa isugu soo baxay waddooyinka Garoowe, kuwaasi oo qaadayey heeso ay kusoo dhoweynayaan madaxweynaha. Aad ayaa maanta looga dareemayaa safarka uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Garoowe, iyadoo ammaanka guud ee magaaladaasina la adkeeyay. Sida qorshaha yahay, madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo Garoowe wuxuu la kulmi doonaa madaxda maamulkaasi, sidoo kale wuxuu madaxweynaha xarigga ka jari doonaa garoonka Garoowe oo si casri ah loo dhisay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Munaasabad kooban oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaariyey wasiirada cusub ee wasaaradaha Arrimaha dibadda, Ganacsiga iyo Gudaha. Axmed Ciise Cawad, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku dhaartay in ay si sax ah u gudan doonaan waajibka saaran, iyaga oo gacantooda midig saaray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa 4-tii bishan magacaabay wasiiradan kadib markii uu shaqada ka eryey wasiiradii iyaga ka horreeyay. Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha Soomaalya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa haatan ka degay Garoonka diyaaradaha Cusub ee magaalada Garoowe. Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane.Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas),Xubno ka socda labada Gole ee dowladda Puntland,Nabadoonno,Culimo,ganacsato iyo dadweyne aad u badan oo halkaasi ku sugayey muddo saacado ah. Mudane.Farmaajo ayaa haatan mid mid u gacan qaadaya mas’uuliyiinta iyo dadweynaah soo dhoweeynaya,waxaana loo soo galbindoonaa dhinaca Caasimadda Garoowe oo ay ku sugayaan shacab aad u badan ku lebisan Calanka Jamhuriyadda Soomaaliya. Warka Faahfaahsan goor dhow kala soco:puntlandpost.net The post Deg deg: Madaxweyne Farmaajo oo haatan ka degay Garoonka Cusub ee Garoowe. appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors