-
Content Count
205,042 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A group of two dozen young men, many of Somali and East African descent, sit in a makeshift circle of chairs on the first floor of a community theater in the Cedar-Riverside neighborhood. Some are in school, some have dropped out, but all have come to listen, tell and talk about stories — about being harassed by police, about basketball, about feeling abandoned by politicians both local and national. Source: Hiiraan Online
-
enya Airways on Thursday kick started the process of operationalizing direct flights to New York which will commence on Oct. 28. Kenya Airways Group Managing Director Sebastian Mikosz told a media briefing in Nairobi that they will begin selling tickets for the inaugural flight on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa goor-dhaw madaafiic ay ku soo dhacday meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ubadan. Madaafiicda oo gaareysa ugu yaraan 3 Hoobiye ayaa ku soo dhacday meel u dhaw Guriga ay ku shaqayn jirtay Xukumada Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo kuwii ka horeeyay oo ku yaala Albaabka madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale Madaafiicda ayaa ku dhacday Ex fiyoore oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacntay waxayna wararka qaar ay sheegayaan in ay jirto dhimasho soo gaartay dad shacab oo Guryahooda madaafiicda qaar ay ku dhacday. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay jirto madaafiic kale oo ku dhacday agagaarka Godka jilacow ee degmada Boondheere, iyo sidoo kale Guriga Guddoomiyihii horeee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ee ku yaala Madaxtooyada Gudaheeda kuna dhaw Guriga Golihii hore ee Wasiirada Soomaaliya. Lama oga halka sida rasmiga ah looga soo riday hoobiyaasha, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Muqdisho gudaheeda laga soo riday. Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Madaafiic lagu garaacay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana inta badan madaaficdaasi laga soo ridayay Gudaha magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan Madaafiic lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo khasaaro… appeared first on Caasimada Online.
-
Somali man detained by ICE returns home, takes legal action
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(KMSP) - Just minutes before the plane meant to take Maxamed Adan back to Somalia against his will was set to take off, immigration authorities yanked the Minnesota man off the plane--a welcome respite from deportation for a man who's been in the United States for more than 20 years. Source: Hiiraan Online -
(KMSP) - Just minutes before the plane meant to take Maxamed Adan back to Somalia against his will was set to take off, immigration authorities yanked the Minnesota man off the plane--a welcome respite from deportation for a man who's been in the United States for more than 20 years. Source: Hiiraan Online
-
Qardho (Caasimadda Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf oo ah shir guddoonka Beelaha Daarood uu bilaabay dadaal waawaan looga dhex dhalnayo kKhilaafka siyaasadeed Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo siyaasiinta Mucaaradka ah ee kasoo jeeda Puntland. Xogta la helay ka ayaa sheegaya in xiriiro wadahadal oo khadka telefoonka ku dhex maray boqorka iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Cumar C/rashiid oo fadhigiisu yahay Imaaraadka Carabta iyo xildhibaano ka tirsan Gole ee kasoo jeeda Puntland, kuwaasoo lala heshiisiinayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi. Arrinta ugu weyn ee Boqor Burhaan uu xalka u raadinayo ayaa ah sidii Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uga tanaasuli lahaa mucaaradnimda uu hoggaaminayo ee lagu doonayo in lagu rido dowladda Madaxweyne Farmaajo. Wararka ayaa sheegaya in Boqor Burhaan uu Telefoonka kula hadlay Senator Cumar C/rashiid maalmo xiriir ah si loogu qanciyo inuu dib ugu soo laabto dalka, kana soo guuro dalka Imaaraadka. Rajo badan ayaa laga dareemay in Cumar C/rashiid ka baxo hoggaanka mucaaradka dowladda Madaxweyne Farmaajo ee uu gacanta uga helayo Imaaraadka Carabta, inkastoo aan la ogeyn inuu ka dhabeyn doono arrintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Boqorka Beelaha Daarood oo Waanwaan ka dhex sameeyay Madaxweyne Farmaajo & Cumar C/rashiid appeared first on Caasimada Online.
-
Switzerland-ta Africa! Waxa uu ahaa magacii loo yaqaanay Soomaaliya oo ay ku muteysatay dimuqraadiyaddii ka jirtay 10-kii sano ee ugu horreeyey xorriyadeeda kaddib. Africa oo in badan oo ka mida xorriyadda la qaadatay Soomalia, wax yar ka horreeyey ama ka dambeeyey kuma aysan naaloon nidaamkii dimuqraadiyadeed ee ka jiray Muqdisho oo ay xukumado si nabada awoodda isugu wareejiyeen. Hase ahaatee, waxa ay wax walba dhinac isu rogeen 21-kii bishii Okoobar 1969 oo uu dalka afgabki aan dhiig ku daadan ku qabsadeen ciidamadii qalabka siday oo ay hormuud u ahaayeen Maxamed Siyaad Barre (AUN) iyo Janano kale. Waxaa si weyn loo aaminsan yahay in ay u fududeeysay ciidamada afgambiga dhigay geeridii (AUN) Jeneraal Da’uud oo 1965 ku geeriyooday dalka Russia. Jenaral Da’uud waxa uu ahaa Taliyihii ciidamada xoogga dalka, intii uu joogay laguma dhici Karin in la’isku dayo inqilaab maadaama uu ahaa shaqsi aaminsanaa sarreynta sharciga (Rule of Law), madaxdana qiimeyn jiray. Geeridiisii kaddib, waxaa booskiisii lagu bedelay Maxamed Siyaad Barre (AUN) oo ku xigeenkiisii ahaa walow ay dood ka keeneen Jeneraal Maxmed Faarax Caydiid iyo Korneel Cabdullaahu Yusuf (Labadaba AUN) oo u arkayey in Siyaad lahayn tababar military oo uusan jagada mudeyn. Ujeedkii Caydiid iyo Cabdulaahi Yusuf waxa uu ahaa in aan xukunka loo dhiibin Maxamed Siyaad oo ay ogaayeen in uu afgambi sameyn doono halka iyaga laftooduna ay sidaas damacsanaayeen balse aysan mideysneen. Yeelkeede, madaxdii dalka waxa ay ku adkeysatay in Maxamed Siyaad loo dhiibo militariga iyaga oo u sababeenayey in ay isku tababar ahayeen Janaraal Da’uud oo uu qaban karay waxa uu sameyn karay Jananka geeriyooday. Qaar madaxda ka mid ah ayaa qabay in tababar Italy loogu diro (Staff College) balse waxaa ka awood batay kuwii xilka in loo dhiibo rabay. 1967, dalka waxaa ka dhacday doorasho oo uu ku soo baxay Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AUN) balse waxaa aad loogu eedeeyey in ay ku shubasho baahsan dhacday taas oo keentay in shacabkii nacaan dowladda. Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa lagu dilay Laascaanood 15kii Oktoobar 1969kii xilli uu safarro ku marayey gobollada waqooyi. Dalku waxa uu galay tacsi. Taas waxa ay fursad dahabi ah siisay saraakiishii uu horboodayey Maxamed Siyaad Barre (AUN) ee rabay in ay xukunka qabsadaan. Abaabul badan iyo qorshe laga baaraan dagay kaddib, Siyaad Barre waxa uu ku guuleystay in la dajiyo qariiraddii lagu dhigi lahaa afgambiga kahor inta aan la qaban doorashada madaxweynaha oo ol’oleheedu aad u socday. Habeenkii ay taariikhdu ku beegneyd 20-ka Oktoobar1969, Maxamed Siyaad waxa uu hore u soo kaxeystay Jaamac Cali Qoorsheel oo ahaa Taliyihii Booliska waxa uuna u waday gurigii Wasiirkii gudaha iyo amniga Yaasiin Nuur Xassan. Jamac Cali Qoorsheel waxba kama oga qorshaha Maxamed Siyaad u soo kexeeyey, balse waxa uu u sheegay in ujeedku ahaa la soo caweynta wasiirka iyo dhaga dhageynta waxa dhici doona maalinta xigta oo loo ballansanaa in la doorto madaxweynihii bedeli lahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Markii ay u yimaadeen wasiirka, waxaa uu ku fadhiyey Wiifoow. Maxamed Siyaad inta uu soo dhinac istaagay ayuu ku wad waday Wiifowga isaga oo u qabtay sheeko uu markaa xiiseenayey wasiirka. Maxamed Siyaad in uu afgambiga dhigayo waa laga warhelay waxaana faafiyey Cabdullaahi Yusuf iyo Caydiid ilaa ay ka aamineen xubno ka tirsanaa dowladda. Habeenkaas waxaa la soo wacay Yaasin Nuur Xassan (Wasiirkii gudaha iyo amniga) waxaana lagu wargaliyey in Maxamed Siyaad wado dhaq dhaqaaq afgambi , balse wasiirka waxaa dhinac taagan oo wiifowga ku riix riixaya Maxamed Siyaad laftiisa taas oo kentay in wasiirku kii soo wacaba beeneysto oo uu ugu jawaabay aniga ayuu ila joogaa Jananka aad beenta ka sheegeysaan. Wixii la caweeyaba, oo uu marba Maxamed Siyaad ku maaweelyo doorashada dhici doonta iyo qofka uu rabo in uu soo boxo wasiirka, waxa ay saacaddu dul istaagtay xilli dambe, wasiirkii sidii loogu ciyaarsiinayey wiifowga wuu daalay waxaana qabatay hurdo, wey is macsalaameeyeen labadii taliye ee uu yimi isna wuu iska hurdo tagay. Maxamed Siyaad waxa uu Jaamac Cali Qorsheel u soo keceeyey maqaayad ku taalay agagaarka Tarbuunka oo ahayd midda kaliya ee furan habeenkii xilli dambe. Waxa ay dalbadeen Kafee oo cabbaar ayey iska sii caweeyen. Waxaa u yimi Maxamed Siyaad mid ka mida ciidamadii hawsha kula jiray oo ay so direen Jeneraal Salaad Gabeyre iyo raggii kale iyaga oo u soo dhiibay fariintii uu sugayey Maxamed Siyaad ee ay ahayd in dalka oo dhan ay gacanta ku dhigeen. Waxa uu kula hadlay af Talyaani isaga oo u sheegay in hawshi la dhameeyey, Jaamac Cali Qorsheel ma aqoon luuqadda Talyaaniga oo ma fahmin wixii loo sheegay Maxamed Siyaad. Jaamac Cali Qorsheel waxa uu ahaa saraakiishii reer waqooyiga ahayd waxa uu yaqaanay Ingiriisiga. Markiii Kafeegii la dhammeystay Maxamed Siyaad iyo Qoorsheel waxa ay u soo ruqaansadeen dhinaca Iskuul Buliisiyo wadada aada maadama Taliyaha boolisku daganaa degmada Xamar Jabab oo dareen ma galin Qorsheel, Siyaad isagu waxa uu daganaa Fiat. Markii la soo gaaray Iskuul Bolisiyo ayuu Maxamed Siyaad ku leexiyey xarunta oo ay ku sugayeen Salaad Gabeyre iyo kooxdiisii. Markii loo xaqiijiyey in meel walba la qabtay, Siyaad iyo Salaad Gabeyre qol inta la galeen Qorsheel ayey u sheegeen in militarigu dalka qabsaday oo ay rabaan in uu kala qeyb galo, xulasho kale uma furneyn aan ka ahayn in uu hagaag iyo hawraarsan yiraahdo, waxaa loo keenay Kitaab oo lagu dhaariyey waxaana la faray in uu xarumaha booliska ku wargaliyo in ay kula socdaan afgambiga ciidamada qalabka sida. Subixii markii uu waaga dilaacay, qofkii ugu horreeyey ee xabsiga la dhigo waxa uu ahaa Yaasiin Nuur Xassan, wasiirkii habeenkii oo dhan loo sheegayey in Maxamed Siyaad afgambi wado balse been moodayey – Ileen ninka la sheegayo waa kan WIIFOWGA ku ciyaarsiinayee! Qisadan waxaa iiga shekeedeyey General Jaamac Maxamed Qaalib oo ah barahayga sooyaalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaa qoray Mohamed Kaafi Email: Muhamedkaafi@Gmail.com The post Qisadii Siyaad Barre iyo Wiifoowgii madaxweynaha ka dhigay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Afayeenka wasaaradda amniga Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim “C/casiis Xildhibaan” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay cafis u sameyn doonto Siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo hor-jeeda. Afayeenka ayaa sheegay mas’uuliyiinta amniga ee Hay’adaha Dowladda isku afgartayn in la siiyo cafis siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo horjeeda,hadii ay mar dambe u laabtaan falal la xariira qaran Dumis-nimo ay Dowladda talaabo ka qaadi doonto. Sidoo kale wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin cid ka sareysa sharciga, sidaas darteedna ay Dowladda sharciga la tiigsan doonto dadka ku mashquulsan Duminta Dowladda. Wasaaradda amniga Soomaaliya ma aysan cadeynin cidda ay cafiska u sameyn doonaan ee qal qal giliyay Siyaasadda Soomaaliya, balse hadalkaan ayaa u muuqda mid ku socda Siyaasiinta Soomaaliya ee mucaaradka ah, gaar ahaan C/raxmaan C/shakuur Warsame. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasaaradda amniga “Waxaan cafis u sameyn doonaa siyaasiinta Mucaaradka ah ee Dowladda ka soo horjeeda”. appeared first on Caasimada Online.
-
The upper house of parliament (Guurti) has issued a press statement on the renewed skirmishes between Puntland and Somaliland armed forces. The Elders have pointed an accusatory finger at Somalia’s federal gov’t of constant meddling the territorial borders of Somaliland. The house said that Somalia gov’t in conjunction with Puntland were embarked on direct intervention on Somaliland borders. The elders stated that the motive behind the meddling is to instigate unrest and bloodshed between Puntland and Somaliland. The elders issued the following points after convening an extraordinary session:- It is obvious that Somali gov’t has no respect for the agreements reached between Somaliland & Somalia. The apparent instance is the airspace agreement which Somalia breached. Puntland parliament endorsed that its authority to wage war against Somaliland to emancipate Sool, Sanaag and Buhodle regions. The disruption of registration centers in Haysimo and Badhan as militia backed by Puntland vandalized. The planning minister of Somalia accompanied by interior minister of Puntland came to Badhan which is clear violation of territorial integrity. The ministers have made speeches aimed at instigating violence and urged the residents to oppose against Somaliland. Somaliland armed force encroached the territorial integrity of Somalia but is securing Somaliland borders with Puntland. The elders have put the blame of launching the attack against Somaliland army stationed in Tukaraq. Elders have said that both Somalia and Puntland are inciting violence.
-
There has been mutually beneficial peaceful co-existence between Puntland and Somaliland. For instance, there were free movement of people and merchandize on both sides of the border. Moreover, the law enforcement agencies of both entities routinely share information on crime and terrorism. Things abruptly changed for the worse, however, when Jamal Hassan, a minister of Farmajo’s government, visited the eastern parts of Sanag, a disputed region claimed both Puntland and Somalland. This has angered the authorities in Hargeisa which considers such acts as a provocation on the part of both Puntland and Farmajo govemernt. However, I firmly believe that neither the government of Puntland nor Farmjo government has the appetite and the desire to pick fight with Somaliland for the time being. Who then is behind this renewed conflict and clashes? The man who orchestrated this recent clashes and conflict is none other than Jamal or “Gamal” Hassan. He is well known anti-Somaliland zealot who until recently acted as the Media and Public Relations Director of the online-based anti-Somaliland group who call themselves Northern Somalis for Peace and Unity (NSUP). He was then appointed as the Somali Ambassador to Nairobi, Kenya during the tenure of Hassan Sheikh Mahmoud’s government. Even in that diplomatic position, Jamal “Gamal” Hassan continued his anti-Somaliland posture. When Farmajo was selected as the president of Somalia, he appointed Jamal Hassan as his minister for Planning and International Cooperation. In that capacity and with different title, Jamal Hassan found the opportunity again to confront with Somaliland and paid visit to Eastern Sanag Region of Somaliland. Moreover, some reports emerge that indicated Farmajo himself was planning to visit that region during his visit to Puntland. For Somaliland, this was a turning point and indeed a provocation as no one representing Mogadishu government in an official capacity has ever set foot in this region for the last 27 years of Somaliland’s existence. While visiting in the Eastern Sanag Region, Jamal Hassan, gave interview to BBC Somali Service and emphasized his right and desire to travel to any part of Somaliland as the representatives of the Federal Government in Mogadishu. In response to this provocation, Somaliland Army has reportedly attacked military bases of Puntland forces in Sol Region in order to send an unequivocal message to Farmajo and his hosts in Garowe that any further interference of Somaliland internal affairs would not be tolerated. As I am writing this piece, the President of Puntland has declared war on Somaliland and has called his people to mobilize resources to defend their country. Ironically and hypocritically, the Farmajo government who orchestrated this fiasco has called on both sides to stop the fighting and the bloodshed. Where to go from here? In order to deescalate this conflict, following steps must be taken: 1) Farmajo needs to mind his own business and immediate restrain Gamal Hassan, a lose canon in his administration that have his own anti-Somaliland agenda, from any action, directly and indirectly, that may poison the already minimal trust and goodwill between his government and Somaliland 2) Puntland government should not allow its territory to be used as launching pad for Farmajo government’s interventionist policies against Somaliland 3) Somaliland government should restraint itself in the face of what it considers provocations from Mogadishu and Puntland and instead use communications and dialogue to defuse the situation Lessons Learned: 1) After almost three decades of conflict, war and devastation, Somalis have not yet reconciled. A deep rooted enmity and suspicions of ill-will from one region/tribe to another still runs high 2) Peace among Somali regions/tribes is fragile since a single person with agenda such as Gamal Hassan can ignite a conflict and endanger the peace and the stability of even in the most peaceful areas of Somalia proper 3) Somali Diaspora is a source of instability in the country. It is in the Diaspora where destructive plans are hatched, funds are raised and evil-doers are sent from. Abdillahi Hussein Abhussein1988@gmail.com
-
War-murtiyeed kasoo baxay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa looga hadlay arrimo la xiriira kuraasta banaan ee baarlamaanka 10-aad, kuwaasi oo dhowaan gal dacwadeed u furtay maxkamadda sare ee dalka. Golaha ayaa sheegay iney ka xun yihiin kana soo horjeedaan go’aanka maxkamadda sare ay gal dacwadeedka ugu furtay kuraasta xildhibaannada bannaan, kuwaasi oo la qorsheynayey in la qabto doorashooyinkooda. Waxa uu golaha ugu baaqay guddiga doorashada madaxa banaan in doorasho walba ee kuraasta xildhibaannada ka banaan kusoo beeganta inta uu jiro baarlamaanka 10-aad loo aro sida uu qabo xeerka hannaanka dooreashada dadban iyo sidoo kale xeerka golaha shacabka ee soo baxay 22 Luuliyo 2017. Halkaan hoose ka akhriso War-murtiyeedka: Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha la baxay Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa ka hor yimid Go’aan ay Maxkamadda sare ee dalka dib ugu dhigtay doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya oo dacwad ka taagan tahay. Qoraal ay soo saareen Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo aanay cidka ku saxiixneyn ayaa lagu sheegayin doorashada kuraasta ka bannaan Golaha shacabka la siyaasadeeyay, waxayna Guddiga doorashada madaxabanaan ugu baaqay in doorashadaas ay qabtaan. Xogta la helayo ayaa sheegeysa in war-saxaafadeedkan uu ka danbeeyay madaweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabi Waare oo doonaya in kursigii uu banneeyay Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sambaloolshe, mar kale loo doorto kursigaasi. War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in dastuurka KMG uu dhigayo in Maxkamadda ay gal dacwadeed furi karto marka doorashada dhacdo kaddib, hadii mid ka mid ah tartamayaasha uu ka cawdo inuu jiray musuq maasuq saameyn ku yeeshay natiijada doorashada. Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada qabashada doorashooyinka kuraasta banaan, sidoo kale waxaa uu ka digay go’aanada garsoorka soo saarayo inay keenaan xasilooni dari siyaasadeed iyo mid amni. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Golaha Dowlad Goboleedyada oo ka hor yimid go’aan kasoo baxay Maxkamadda Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed ka soo saaray kuraasta Xildhibaanada ee ka banaan baarlamaanka 10aad, muddo lix bilood ka badan, iyadoo Golaha walaac ka muujiyay, kana soo horjeestay go’aanka Maxkamadda sare ee gal dacwadeed ugu furtay kuraasta Xildhibaanada ee banaan. HALKAAN HOOSE KA AKHRISO. an lagu qabto.
-
MOGADISHU, 11 January 2018 – The recent unannounced destruction of several informal settlements on the outskirts of Mogadishu, together with the forced evictions of thousands of families living there, are having devastating effects on children, UNICEF and Save the Children said today. More than 4000 families lost their property and many lost their livelihoods, during the evictions at more than 21 settlements at Km13, Kahda district on 29 and 30 December. The majority were women and children who had arrived only months earlier, often after travelling long distances to escape drought and conflict. The evictions were done with no prior consultations. Requests by the community for time to collect their belongings and to safely vacate were not granted. Many of the children living in the settlements saw the destruction by armed men and bulldozers firsthand, first losing their schools and shelters, books and belongings, and then contact with classmates and friends. The forced evictions have impacted more than 3000 school children. Four schools were destroyed; a Child Friendly Space providing a protected area for children to enjoy activities, games and informal education was demolished; as was a space providing services to survivors of Gender-Based Violence. The evicted families have moved into schools and public buildings in other IDP camps with some children living in the open or on the streets, without any shelter. The children and their families need urgent support including health and nutrition services, safe water and sanitation, and education and psychosocial support to help them recover from the traumatic experience of becoming homeless and losing their belongings. UNICEF and partners reacted swiftly, providing temporary access to safe drinking water for 2000 affected households. Quick work by community education committees saved three schools, relocating the portable structures which are again operational. Meanwhile, two of the destroyed schools are being reestablished in new settlements. UNICEF’s partners reunited 35 children and four adults with disabilities with their families, counselled dozens of children and adults, and provided medical support for 35 children. Nutrition partners continue to deliver lifesaving services in outreach clinics in the new locations of the evicted families. Save the Children is providing 400 households with kits of non-food items including blankets, plastic sheeting, laundry soap, mosquito nets, sleeping mats, and is giving 200 households cash assistance. UNICEF and Save the Children are calling on authorities to ensure all affected children are fully supported and are relocated with their families to safe areas; and to prevent any future unannounced evictions of vulnerable IDP settlements.
-
Xisbiga Wadajir ayaa sheegay iney dacweyn doonaan cid walbo oo ku lug lahayd weerarkii December 18 2017, lagu qaaday xafiiskooda ku yaalla magaalada Muqdisho. Sayid Cali oo ah xoghaya xisbiga Wadajir ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in xeer ilaaliyaha, saraakiishii soo amray ciidankii weerarka ku qaaday xafiiskooda iyo cid walbo oo gadaal ka joogtay ay maxkamad ka dacweyne doonaan. Wuxuu tilmaamay xoghayaha in illaa iyo hadda aanay dowladda baaritaan ka sameyn dhibkii loo geystay ka xisbi ahaan, sidaasi darteedna ay go’aansadeen iney dacwoodaan. “Shirkeenna Jaraa’id waxaa uu ku saabsanaa inaan dabo galno dhibkii ka dhacay xarunta xisbiga oo muddo bil ku dhow jiitamayey welina wax baaritaan ah aan la sameynin dhanka dowladda wax xalna aan laga gaarin waanwaanta, saas darteed waxaa uu go’aansaday xisbiga inuu dacwoodo uu maxkamadda uu dacwo ka furo, waxaan ka dacwoonaynaa guud ahaan dadka aan ognahay inay howsha qeyb ka ahaayeen saraakiishii ciidanka ee meesha soo weeraray iyo dadkii ka kaalmeeyay dhanka sharciga sida xeer ilaalinta iyo dadkii isku xirka hoggaaminayey oo dhanka madaxtooyada ka socday, xisbigeena kaliya magaalada majoogo shaqadana waa ay wadaan xisbigeenu waxa xisbiyada kale ay wadaan wax ka duwan ma wadin,waxaan ka rajeyneynaa in sharciga la keeno dadkii howshaan ku lugta lahaa oo dadkii dhibku gaaray dadkoodiina dhintay iyo dadkii dhaawacmay iyo dadkii laftigooda ka badbaaday isku dayga in intaba ay helaan caddaalad oo dadkii dhibkaasi u geystay la xukumo” ayuu yiri Sayid Cali. Dhanka kale, Sayid Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa sharci darro ku tilmaamay in kiiska C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah hoggaamiyaha xisbigooda ay dib u furto maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir. “Hogaankeenna dacwadii waa uu soo maray waana la dacweeyay maxkamaddii marna waa la geeyay marna asiga ayaa tagay dacwadii annaga nagu socotay oo hogamiyaha xisbiga ku socotay waa ay soo dhammaatay qeybtii hore, qeybtaan dambe oo hadda gadaal laga furay waxaan aaminsannahay inaysan aheyn wax daliil heysta, maxaa yeelay tii hore go’aammadeedii ayaa meesha yaallo go’aammadaasna waxay dhigayeen inaan racfaan la qaadan karin” Sayid Cali ayaa sidaasi Goobjoog News u sheegay. Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeen saqdhexe 18 December waxay weerareen xafiiska xisbiga Wadajir oo uu ku sugnaa siyaasi C/raxmaan C/shakuur, waxaana halkaasi ku dhintey 6 kamid ah ilaalada Shakuur, isagana dhaawac ayaa soo gaaray. Goobjoog News Source
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Ma’aha socdaalkiisii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmaajo oo uu ku tago meel ka baxsan caasimada tan iyo markii 08 bishii Febarayo ee sanadkii tagay 2017 loo doortay madaxweyne, laakiin waa socdaalkii ugu horeeyay masaafo dheer uu ku safro dhulka isaga oo sii maraya deegaanno kala duwan. Horey suurtagal uma aheyn in madaxweynuhu socdaal xagga dhulka ah uu ku tago magaalooyinka dalka marka laga reebo Afgooye oo caasimadda u jirta 30km oo kaliya. Puntland oo ah dowlad gobolleed fac-weyn waxaa ay muhiiim u tahay kaabayaasha dhaqaale oo ay ku tiirsan tahay Dowladda Federaalka waxaana ku taala Dekedda Boosaaso oo ah il dhaqaale oo siweyn loogu xisaabtamo marka laga soo tago Dekedda Xamar. Inkastoo Puntland ay dagaal adag kula jirto Ururrada Al-shabaab iyo Daacish hadana waxaa ay daruuftu u saamaxday in madaxweynaha iyo wafdigiisu socdaal dhulka ah ku maraan magaalooyin kala duwan oo kulaalaya gobollada Nugaal, Bari iyo Karkaar. Waa dhul Geedku aad ugu yar yahay, Buuraley ah, laakiin dadkiisu ku faanaan dhulkii Beey’ada iyo Xijijga, waxaana lagu tilmamaa kaydka kheyraadka dabiiciga ah oo aanan wali la soo fagin. Puntland laftirkeeda muhiim ayuu u yahay socdaalka madaxweynaha Soomaaliya oo waxaa jira mashaariic fara-badan oo qaarna la daah furay kuwa kalana la dhax-dhigayo sida Garoonka diyaaradaha Garoowe oo xariga la jaray iyo madaxweynaha oo dhagax dhiggay Waddo Laami oo isku xiri doonta deegaannada Dan-Goronyo iyo Eyl. Booqashadan xitaa marka la eego waxaa ay uga duwan tahay kuwii ka horeeyay ee madaxweyuhu ku tagay gobollada kale ee dalka sida uu bulshada u dhax-galay iyo Bulshada reer Puntland laftirkooda oo madaxweynaha u muujiyay soo dhaweyn Gacaltooyo. Garoowe iyo magaalada Qardho waxaa ay isku jiraan qiyaastii illaa 240km oo ah masaafo dheer marka baabuur lagu marayo, iyadoo waliba maanka lagu hayo xaaladaha ammaanka ee dalka. Magaalada Qardho ayaa la filayaa in uu uga sii gudbo dhinaca gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso oo siweyn isugu diyaarisay soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda waana halka ugu muhiimsan safarka madaxweynaha marka laga soo tago magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Puntland Marka uu gobolka Bari u gudbo madaxweyhuhu waxaa uu sii mari doona Buuraha Galgala oo caan ku ah dagaallada u dhaxeeya Puntland iyo Kooxaha ku abtirsada Al-shabaab iyo Daacish waxaana la socda oo Amaanka sugaya ciidamo ka raacay magaalada Muqdisho iyo kuwa dowlad gobolleedka Punland. Boosaaso waayadii ugu danbeeyayba waxaa ka taagnaa qalalaase u dhaxeeya Ganacsatada iyo maamulka Puntland gacan ka hadal ka dhashayna waxaa uu sababay in dad ay ku dhintaan, sidaa daraadeed waxaa la filayaa in madaxweyne Farmaajo uu arintaa kala hadlo Ganacsatada magaalada, isaga oo sidoo kalana tagi doona Dekedda Weyn ee Boosaaso. Lama oga halka madaxweynuhu u jiheysan doono booqashadiisa Boosaaso kaddib waloow wararka qaar sheegayaan in madaxweynuhu ku soo wajahan yahay dhinaca magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug iyo deegaanno ka tirsan gobollada Bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Muxuu uga dhiggan yahay madaxweyne Farmaajo socdaalka uu ku marayo Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaasi, waxaana dagaalka uu socday ku dhowaad Labo saacadood. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhaawacantay Afar qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaallamay. Maamulka degmada Baardheere iyo saraakiisha dhanka ammaanka weli kama aanay hadal dagaalka. Al-shabaab ayaa marar badan waxay sidan oo kale weeraro ugu qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin qaar kamid ah gobollada dalka. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo uu ku jiro sarkaal Ajnabi ah, kaddib hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Buulo-mareer, Gobolka Shabeelaha Hoose. Hawlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasoo la sheegay in ciidamada sida gaarka ah u Tababaran ee Somalia ay muddo ku daba-jireen, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka Kumaandooska Somalia. Sidoo kale, Saraakiisha ka tirsanaa Al-shabaab ee lagu dilay hawlgalka ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen: Zubeyr Al-muhaajir oo ahaa Tababarrada u qaabilsanaa Al-shabaab iyo sarkaal Macallin Cumar magaciisa lagu koobay. Idaacad ku hadasha afka ciidamada xooga dalka Somalia oo soo xiganaysay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa baahisay in Zubeyr Al-muhaajir uu ka mid ahaa saraakiisha Ajaanibta ah ee Al-shabaab ka barbar-dagaalami jiray. Dhanka kale, Kumaandooska Soomaaliya ee hawlgalkan fuliyay ayaa waxaa Tababarray Mareykanka, iyagoo la Hawl-gala ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomalia, xaruntooduna tahay saldhigga Balli-doogle. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo hawlgal noocan oo kale ah la sheego in lagu dilay saraakiil iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab, balse weli kama hadlin Al-shabaab saraakiishan la sheegay in looga dilay Shabelellaha Hoose. PUNTLAND POST The post Ciidamada DF oo Shaacisay magacyada Saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo lagu dilay Hawlgal appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Carmo ee Gobolka Bari,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Safarka madaxweynaha oo dhinaca dhulka ah waxaa ku wehlinayey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas),wasiiro iyo xildhibaanno ka kala tirsan golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. Dad weyn aad u fara badan oo ruxayay caleemo qoyan ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa soo dhoweeyay degmada Carmo ee gobolka Bari,waxaana Madaxweynuhu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degmadaasi,isago uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhoweeyeen. Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa degmada uga sii amba bixi doona magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,iyadoo haatan shacabka magaalada Boosaaso ay waddooyinka ku sugayaan wefdiga. Magaalada Bosaaso ayaa lagu arkayaa boorar ay ku xardhan yihiin sawirka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane.Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Calanka Jamhuuriyadda oo ka babanaya inta badan magaalada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhoweeyay degmada Carmo ee gobolka Bari. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wadankiisa uu ka fiirsanayo in la soo celiyo heshiiskii Paris ee Cimilada isaga oo tilmaamay in wax la taaban karo aan laga gaarin dhankaani. Trump oo shir jaraa’id la qaatay ra’iisulwasaaraha dalka Norway Erna Solberg ayaa waxaa uu si cad u sheegay inay wax dhib ah aysan ka jirin heshiiskaan,bals waxaa uu tilmaamay in dhibaato ay ka jirto dadka saxiixay oo uu ku tilmaamay inay galeen heshiis xun. Turmp ayaa intaasi ku daray in Mareykanka ay suurto gal tahay inuu ka fiirsanayo ku soo laabashada heshiiskaan isaga oo aan bixin faafaahino dheeraad ah. Trump ayaa horay u diiday inuu ku soo laabto heshiiskii caalamiga ahaa ee cimilada, isaga oo ku adkeystay in sharuudaha iyo wadahadalka heshiiskaan uu san u qalmin dalkiisa. Trump ayaa carabka ku adkeeyay in heshiiska Paris qaabka uu u saxiixay maamulkii Obama uu ahaa mid dulmi ku ah Mareykanka,isga oo ku celceliyey in uu saameyn xun oo dhaqaalo u keeni karo Mareykanka. Trump ayaa yiri “Waxaan nahnay dal hodan ku ah gaaska dhuxusha saliida iyo arrimo kale heshiiska waxaa uu ahaa mid dhan xun ku yeelan karo shirkadaheena”. Goobjoog News Source
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Waxaa guluf colaadeed ka dhex qarxay Somaliland iyo Puntland maalintii Isniinta ahayd, waxaana weerarka soo qaaday Somaliland oo qabsatay tuulada Tuke-raq ee ka tirsan Puntland. Puntland oo ka hadashay xiisadda colaadeed waxay cambaaraysay weerarkaas , iyado aan qaadin wax jawaab weerar celis ah, oo ku aaddan deegaanka u dhow Tuke-raq oo Somaliland la wareegtay. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Somaliland ay kusoo beegeen weerarkaas xilli uu Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya booqasho ku marayo deegaanada Puntland, taasina uu ku tilmaamay inay carqalad ku tahay geeddi socodka Nabadda. Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo sheegay in Somaliland garab iyo gaashan u tahay maleeshiyada Al-Shabaab iyo Daacish, oo ay ku dhuumaalaystaan deegannadaas iskana soo abaabulaan. Waxaa xusid mudan in Puntland ay la dagaalamayso Alshabaab iyo Daacish oo duulaan kusoo qaaday deeganadaas, kadib markii lagasoo saaray qeybo badan oo kamid ah Koonfurta Soomaaliya. Shacabka ku dhaqan deegaannada Somaliland iyo Puntland ayaa tilmaamay, in aysan raalli ka ahayn in colaad la geliyo Shacabka Soomaaliyeed, balse laga shaqeeyo isdhexgalka iyo wada shaqeynta dadka ehelka iyo qaraabada ah. Yaa maalgelinaya Dagaalka Tuka-raq? Dadka Siy aasadda falanqeeya waxay isweydiinayaan, Somaliland oo hadda kasoo baxday doorashooyin ay kaga baxday lacago aad u farabadan, yaa maalgelinaya dagaalka ay kusoo qaadday Puntland?. Waxa aan shaki ku jirin in gacmo shisheeye aysan ka maqnayn holcinta iyo kicinta dagaalkaas kasoo cusboonaaday Puntland iyo Somaliland. Waxaa dad badani rumaysanyihiin in Somaliland ay lacagaha canshuurta ee daakhiliga ah ay ku maalgelinayso dagaalkaas, waxaase muuqata in Somaliland ay ka jirtay dhaqaale xumo aad u baahsan, iyo sicirka maciishadda oo kor u kacay saddexdii sano ee u danbaysay. Madaxweynaha cusub ee Somalinad Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu maqnaa Jabbuuti ayaa dib ugusoo laabtay Hargeysa, wararka qaar waxay sheegayaan inuu kulamo lasoo qaatay Saraakiil Imaaraati ah, waxa ayna ka wada hadleen Saldhigga Milateri ee ay ka dhisayaan Berbera. Sidoo kale waxay Somaliland ka codsatay Imaaraatka inay ka xoojiso dhanka saanadda ciidanka, mar horena waxay Imaaraatku saanad ciidan iyo hub kasoo dejiyeen Berbera. Dowladda Imaaraatka oo raadinaysa inay Soomaaliya ka abuurto colaad Siyaasadeed sida ay uga abuurtay dalka Yemen oo kale, ayaa raadinaysa inay Soomaaliya ka dhigto mid aan Siyaasad ahaan degenayn, si ay uga fushato danaheeda oo ay ugu horreyso Saldhigga Milareri ee ay Berbera ka dhisanayso iyo maamulidda dekedaha Boosaaso iyo Berbera. Dadka falanqeeya Siyaasadda ayaa u arka in Imaaraatku ay maalgelinayaan Somaliland si ay khalkhal ugu abuurto Puntland, ugana mashquuliso dagaalka ay Puntland kula jirto Alshabaab iyo Daacish. Sanadkii tegey ee 2017, Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan xayiraadda hubka ee Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa digniino kasoo saartay hubka uu Imaaraatku soogelinayo Soomaaliya, iyo in ay iibsadaan dhuxusha laga dhoofiyo deegaanada ay Alshabaab ka taliyaan ee Koonfurta Soomaaliya. Yaa dan ugu jirtaa Dagaalka Tuke-raq: Waxaa iska cad in Shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaallo sokeeye, aysanna ugu jirin wax dan ah dhiig Soomaaliyeed oo daata, laakiin danaystayaal iyo shisheeyaha u baahan in Soomaaliya aanay degin ayaa danta ugu badan ugu jirtaa, si colaad looga bilaabo Soomaaliya gudaheeda, Waqooyi ama Koonfurba. Odayaasha Dhaqanka ee Puntland iyo Somaliland ayaa ka hadlay in xiisadda colaadeed la qaboojiyo, laguna dhammeeyo arrinta wada hadal iyo walaaltinimo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Dowladda Imaaraatka oo hurinaysa Dagaalka ka dhexqarxay Somaliland iyo Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Hindia ayaa siidaysay 15 Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalkaas, kadib markii la sheegay inay dhammeysteen xabsigii horey loogu xukumey. Dhallinyaradan ayaa u xirna falal burcad badeednimo muddo toddobo sanno ah, waxaana dalkooda dib loogu celinayaa marka la soo siidaayo 27 maxaabiis Soomaali ah oo waqti kooban uu uga dhiman-yahay muddada lugu xukamay. Warkaan wwaxaa baahisay wakaaladda wararka ee The Indian Express.
-
Popular Contributors