Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Yahye Mohamed Abdi (Xanas) In fact, boosting job opportunities in youth living in Somaliland is quite embarrassing because there are unlimited number of challenges and obstacles that my likely hinder this process of opportunity boosting. For example, there is no a national strategy for Somaliland youth employment, there is no awareness on vacancies required by various institution to apply, even if they were to apply they are not having the minimum requirement to fulfill unless they are among the few well educated, optimistic and committed to get a job. Employment is the fundamental for youth in every country. Hence, the government could take a reliable measure to boos up the employment rate including producing a national youth employment strategy, application of policies regarding this task, provide good standard of education for youth to be capable and ensuring that the recruiting process of all institution both governmental or non-government is fair and Professional merit & skills are the tools to be selected and considered rather than their origin and clan-based thinking that make our institutional incapable. The government’s teenage trust, as a result youth have migrated to elsewhere to get jobs for survival. In working with government to firmly achieve these goals the youth opportunities are boosted will reduce the migration rate. On the other hand, other than working with government in achieving these certain goals. I personally believe there are quite other initiatives. For instance, establishing youth employment center and website that assists teenagers to enhance their capacity to be competitive for job search. The center will develop a practical lessons both (Hard skill and Soft skills) to enrich the inexperienced youth on how to develop good Cover letter, CV, assisting them how to get prepared a competitive seeking , how to excel interviews etc . Whereas the website will link this youth to the job market posting on every relevant vacancies across the country and using as resource center where they can refer after class room training in mentorship program. Likewise, the center as well seeks for potential partnership organizations, non-governmental organizations to allocate these trained youth to seek internship opportunities. Furthermore, all youth are not eligible for white-collar jobs rather there are quite large number of youth who are coming from rural areas, others who have never got the chance to attend formal schools, talented ones at production and also mainly women who have never get educated. Since, I think establishing a vocational training for these young people including cladding, electricity, electronic fixture, building, cooking and other types of skills will make them competent and result get more jobs and boost their opportunities. The governmental owned vocational training center is ineffective. There are no any other operational vocational training centers except Kuwait funded school of technical and on-going new vocational training Mohamed Mooge technical school initiated by a Haldoor Community: mainly youth from diaspora as and community volunteers are building this technical school were 70% finished. Moreover, without coordination of efforts and networking enhancing the youth opportunities will fail. Hence, making a thematic working groups based on Peer-to-Peer influence is also another initiative of guiding them to work for collective action-seek for opportunities. For instance, based on their educational background if they are graduates can have a training, apply a position, assist each other. This is not something unrealistic; I was the product of network from my likeminded peers from same university. And now I am the Executive Director of the largest Organization in Somaliland, all others are working in a descent work and we have worked together for networking and sharing resources, skills and information prior to the job vacancies available in somaliland job market. Whereas pessimistic other friends believe there are no jobs and there are no valid recruitment processes. But they are not having the right bath and secret of getting dream job. Lastly, Investing in youth is also a great idea I see its worth to mention. Some of the young somali people are having creative minds that are ready to excel in business sector. Since, there are limited funds for youth who are aiming to start their own business. So, there are business opportunities in Somaliland, and then I think preparing these youth for small grant via competition will resolve unemployment because this process will boost job chances more often compared to methods. The businessmen, government, and International donors for example WP could invest youth to create opportunities for themselves and for others. Yahye Mohamed Abdi (Xanas) Social Development Activist, Columnist and Freelancer journalist
  2. LEWISTON — “We may have all come on different ships, but we’re in the same boat now.” These words of Martin Luther King Jr., spoken half a century ago.... Source: Hiiraan Online
  3. Suldaanka guud ee beelaha Somaaliland Suldan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa baaq nabadeed u diray Puntland iyo Soomaliland inay joojiyaan collaada kasoo cusboonaatay degaanka Tukaraq ee gobalka Sool xaaladana ku dhameeyaan wada hadal nabadeed. Suldaanka oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in labada shacab ee Puntland iyo Soomaaliland ay yihiin dad isaga dhaw Soomaalida kale aysana ahayn inuu dhex maro dagaal dhiig ku daato, lana kala fogeeyo labada dad ee walaalaha. Wuxuu ka codsaday labada dhinac ee isku hor fadhiya gobalka Sool inay kala qaadaan ciidamada xiisada taagana ay kawada hadlaan si loo baajiyo dagaal dhex mara labada ciidan ee lagu soo daabulaayo gobalka Sool. Hadalka Suldaanka ayaa kusoo aadaya xili xiisada dagaal ee ka taagan Gobalka Sool ay marayso meeshii ugu khatarsanayd in ka badan 10-sano. Daawo baaqa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir PUNTLAND POST The post Suldaanka guud ee beelaha Somaliland oo baaq nabadeed u diray dhinacyada isku hor fadhiya gobalka Sool appeared first on Puntland Post.
  4. Wiil uu dhalay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo ka tirsanaa Kooxda Daacish ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed ka dhacday Dalka Syria. Wiilkaan oo lagu magacaabi jiray Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe kaasi oo Kooxda la magacbaxday khilaafada Islaamka ee ISIS ku biiray Sanadkii 2013-kii. Faysal Cali Waraabe oo la hadlay BBC-da ayaa Xaqiijiyay in wiilkiisa uu ku dhintay Weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen Mareykanka oo ka dhacay Dalka Siiriya. Waxa uu sheegay in Wiilkiisa uu ku dhashay Dalka Filand. halkaasi uu muddo dheer uu ku noolaa Xaaskiisa iyo caruurtiisana ay u raaceen dalka Syria. Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa kamid noqonayo tiro Soomaali ah oo iyaga oo Daacish ka bar bardaagalamaya lagu Dilo Dalka Syria. Hoos ka Dhageyso Codka Faysal Cali Waraabe. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/01/eng-faysal-cali-waraabe.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post, Muqdisho The post Wiil uu dhalay Faysal Cali Waraabe oo ka tirsanaa Daacish oo lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  5. Qaar ka mid ah Isimada Puntland oo Hadhimo Sharaf Quraaceed u Sameeyay Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr . Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Iyo Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda DF ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta 14 january 2018 waxaa martiqaad quraac sharaf ah u sameeyay Isimada beesha Tanade. Munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaashada dawladda Puntland, golayaasha Dawladda Faderaalka Soomaaliya, qaar kamid ah saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland iyo marti sharaf kale. Munaasabadaan ayaa waxaa ku maamuusay Madaxda dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya Beel kamid Beelaha Gobolka Mudug, waxaana ay ahayd munaasabad lagu soo dhawynayo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo, kuwaasi oo ku sugan maalmihii udnabaysay Puntland. Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliya ayaa si wadajir ah ugaga mahad celiyay isimada iyo Guud ahaan Beesha Tanade ee marti qaadkaan ku maamuustay madaxdooda. Sidoo kale Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliy Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si wada jir ah ula yeeshay kulan looga hadlayey amaanka, xasiloonida, horumarka Magaalda Gaalkacayo iyo guud ahaan kan gobolka Mudug.
  6. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee sida wey uga soo horjeeda hoggaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey sababta uu u tegay magaalada Dhuusamareeb. Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaano labada aqal ah, wasiiru dawladaha wasaaradda arrimaha gudaha, saraakiil sare oo ciidamada ah, taliyaha AMISOM ee qeybta 4aad iyo hogaamiyaal ka mid ah ururada Haweenka ay maanta gaareen magaalada Dhuusmareeb ee caasimadda Galmudug. “Ujeedada wafdiga ayaa ahayd inay qeyb ka noqdaan ka qeybgalka munaasabadda dhacaysa 16-ka Janaayo ee lagu dhaqan gelinayo heshiiskii midnimada GALMUDUG & maamulka ASWJ..” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo farriin soo dhigay baraha bulshada. Xildhibaan Fiqi, Sentor Abshir Bukhaari iyo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka ugu waaweyn dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku qasbanaaday inay tagaan Galmudug, qeybna ka noqdaan soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo fariintan aanu ku soo hadalqaadin. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo shaaciyey sababta uu u tegay Magaalada Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
  7. Residents fled Ishakani village on the Lamu-Somalia border after al Shabaab militants attacked early Sunday morning. Source: Hiiraan Online
  8. “If it was your son, would you do anything to stop this?” Source: Hiiraan Online
  9. House of Representative on Sunday approved the second batch of ministers appointed by Somaliland President, Musa Bihi Abdi. 58 MPs of the 82 members have attended the parliamentary session which the house speaker, Hon. Bashe chaired. The house passed 9 ministers and two assistant ministers by showing of hand. Minister of Sports & Youth, Mr. Yusuf Mohamud Nur Assistant Finance minister, Mr. Mohamed Dahir Ahmed Fure. Environent & Rural Development Minister, Ms. Shukri Haji Bondare Trade, industry and Tourism minister, Hon. Mohamoud Hasan Said Information and National Guidance minister, Hon. Abdirahman Abdilahi Farah aka Guri Barwako Transport and Road Development Minister, Abdilahi Abokor Deputy interior minister, Mohamed Muse Dirie Deputy Invesment minister, Hon. Mohamed Ahmed Mohamud Defense minister, Mr. Ise Ahmed Abdala Contitutional affairs minister, Hon. Mohamed Adan Elmi Enery minister, Hon. Jama Mohamoud Egal The minister for labour and social affairs, Ms. Hinda Jama has announced that Somaliland will conduct census of foreign workers that are based in the country. The program aims to reduce the number of foreign staffers that are currently operating in Somaliland. It is part of Somaliland National Plan of current leadership to to create jobs for Somaliland idles. v
  10. Residents fled Ishakani village on the Lamu-Somalia border after al Shabaab militants attacked early Sunday morning. The entire village has been deserted, with residents putting up in makeshift camps in Kiunga area. The militants are said to have told the villagers to stop cooperating with the government or face consequences. They brought down the Kenyan flag at a former Kenya Defence Forces mini-camp and erected theirs. There are no security camps in Ishakani. The raid came hours after al Shabaab ambushed a security convoy, killing a civilian woman and injuring five police officers at Nyongoro area along Lamu- Garsen highway. Two police vehicles were torched during the attack. Boni Enclave Campaign director Joseph Kanyiri earlier said sufficient measures were taken to find and eliminate the attackers and ensure safety. County leaders have condoled with the families of those attacked in Lamu on Saturday. Senator Anwar Loitiptip and Lamu West MP Stanley Muthama condemned the attack and called on the government to strategise on how to protect travelers. Loitiptip asked leaders in the county to join hands and push for reforms where security is concerned. “I encourage people to always share information with our security agencies. As county leaders, we need to come together and push as hard as we can for reforms that will ensure the security of this region improves,” he said. “This is so that our people won’t be scared to travel and so they won’t die anymore because of terrorists.” In his statement, Muthama said more must be done for Kenya to win the war against al Shabaab. “It pains me when we look so helpless in the hands of terrorists. Our officers and citizens have suffered on our roads. I call on the people of Lamu West to be calm and cooperate with security agencies in ensuring the war on al Shabaab is successful,” he said. “I trust that the government will do something to bring all this to a stop. No more people should die in the hands of al Shabaab.” The legislators also asked the government to put up communication masts in terror hot spots so police can be alerted as soon as attacks take place. They also want the road tarmacked to enable faster movement of vehicles. Star
  11. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Dadweyne aad u badan ayaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxay kusoo dhoweeyeen madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar kamid ah gobollada dalka. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo hadal ka jeediyey fagaaraha lagu soo dhoweynayey madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in nasiib wanaag tahay in madaxweynaha iyo xildhibaanno Labada aqal ay joogaan Gaalkacyo. Waxa uu Xaaf sheegay in madaxweynaha uga fadhiyaan inuu reer Galmudug u dhiso jidka hobyo iyo Gaalkacyo, sidoo kalena wuxuu tilmaamay iney doonayaan in loo dhiso xabsiga Gaalkacyo. Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfurta Gaalkacyo wuxuu uga mahadceliyey sida diiran ee loogu soo dhoweeyay halkaasi, isaga oo sheegay in taasi ay ka tarjumeyso dowlad jaceylka, midnimada iyo sidey reer Galmudug u jecelyihiin martida. Waxaa lagu wadaa madaxweyne Farmaajo inuu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka Galmudug, waxgarad iyo madaxda maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Sawiro: Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyey Koonfurta Gaalkacyo? appeared first on Caasimada Online.
  12. Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wiil uu isaga dhalay lagu dilay Dalka Syria isaga oo ka mid ahaa Ururka Daacish. Xuseen Faysal ayuu sheegay in uu ku dhintay duqeyn ka dhacday goob isaga iyo koox ka tirsan Daacish ay ku wada sugnaayeen,halkaas oo Diyaaradaha Syria ay ku duqeeyeen. Faysal waxaa uu sheegay in Wiilkiisa uu ka baxay Dalka Finland halkaas oo uu ku dhashay,waxaana uu xusay in dowladda Finland ku wargeliyay warka soo gaaray isaga. Hooyada dhashay wiilkan ayuu sheegay in ay ku noolyihiin Dalka Finland,waxaana Faysal uu sheegay in uusan ogeyn waxa ay ku suganyihiin Xaaska iyo Carruurta kale ee Faysal u jooga Finland. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Hooyada u dhashay wiilkan uu u sheegay in aan dib loogu cusbooneysiin Baasaboorka Finland,maaddaama ay suuragal tahay in uu dhibaato ka geysto gudaha dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Muxuu Feysal Cali Waraabe ka yiri wiil uu dhalay oo lagu dilay Syria? appeared first on Caasimada Online.
  13. Dadweyne aad u badan ayaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxay kusoo dhoweeyeen madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar kamid ah gobollada dalka. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo hadal ka jeediyey fagaaraha lagu soo dhoweynayey madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in nasiib wanaag tahay in madaxweynaha iyo xildhibaanno Labada aqal ay joogaan Gaalkacyo. Waxa uu Xaaf sheegay in madaxweynaha uga fadhiyaan inuu reer Galmudug u dhiso jidka hobyo iyo Gaalkacyo, sidoo kalena wuxuu tilmaamay iney doonayaan in loo dhiso xabsiga Gaalkacyo. Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfurta Gaalkacyo wuxuu uga mahadceliyey sida diiran ee loogu soo dhoweeyay halkaasi, isaga oo sheegay in taasi ay ka tarjumeyso dowlad jaceylka, midnimada iyo sidey reer Galmudug u jecelyihiin martida. Waxaa lagu wadaa madaxweyne Farmaajo inuu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka Galmudug, waxgarad iyo madaxda maamulkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2018/01/warka-madaxweynha-somaliya-oo-manta-gaaray-kunfurta-gaalkcyo-Galmudugsax-.mp3Goobjoog News Source
  14. Wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda Puntland, Maxamuud Xasan Soocadde, oo wareysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi ayaa duulaan ku qabiil ku tilmaamay qabsashadii degmada Tukaraq ee gobolka Sool oo ay qabsadeen ciidamo maamulka Hargeysa ka amar qaata. Ex-Wasiir Soocadde ayaa sheegay maanta in la joogo waqtigii loo diyaar garoobi lahaa difaaca iyo xoraynta gobolka Sool iyo meel kasta oo maamulka Hargeysa kaga sugan yahay xuduudaha Puntland. Wuxuu sheegay dowladda Puntland iyo shacabkeedu inuu kasoo dhammaaday dulqaadkii iyo tixgalintii ay ugu jirtay inaanu daadan dhiig Soomaaliyeed, balse haatan wuxuu cadeeyay inay sheekadaas soo dhammaatay oo Puntland waajib ku tahay inay dhulkeeda ka difaacato duulaanka qaawan ee Hargeysa lagasoo abaabulay. Dhinaca kale, wasiirkii hore ee warfaafinta Puntand, Soocadde, ayaa soo dhoweeyay kaalinta Puntland iyo shacabkeedu ka ciyaareen soo dhoweynta madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, taasoo uu tilmaamay inay muujinayso sida Puntland ugu taagan tahay midnimada ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kale oo uu soo dhoweeyay hirgalinta garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Garowe iyo doorki Isimadu ka qaateen joojinta colaadii ka taagnayd konfurta gobolka Sool. Halkaan ka dhegayso codka Soocadde. Puntlandi.com
  15. Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir ayaa sheegay in maalmaha soo socda lagu qaban-doono Dhuusa-mareeb shirweyne dib u heshiisiin oo dhex mari-doona maamulkii Galmudug iyo Ahlu-sunna Sheekh Axmed Shaakir oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri” Kulankan aad iyo aad u qiimaha badan ee ka dhacaya caasimaddan gobolada dhexe ee Galmudug ee aan rajeyneyno labadii maamul ee gobollada dhexe ka jiri jiray maalmaha soo socda hal miis ay kuligood wada fariisan-doonaan, midoobi-doonaan, gacmahana is-qabsan-doonaan, ayadoo ay ka soo qeyb-galayaan beesha caalamka, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaan rajeynayaa in aad u diyaar-garowdeen sidii aad u soo dhoweyn laheydeen, u marti-gelin laheydeen shir-weynaha soo socda oo ay ka soo qeyb ka galaan madaxda maamullada’. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan Galkacyo isaga oo halkaasi ka wado dib u heshiisiin Galmudug iyo Puntland ah, waxaa lagu wadaa in Dhuusa-mareeb uu ku soo gabagabeeyo dib u heshiisiin kale oo dhex-marta Galmudug iyo Ahlu-sunna, laguna mideeyo labada maamul si kama dambeys ah. Goobjoog News Source
  16. Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo badan ay ku daabuleen deegaanno ka tirsan gobolka Sool, gaar ahaan duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi. Wararka ay helayso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in xilli walbo la filan karo dagaal dhex mara Labada dhinac, iyadoo shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Tukaraq ay kol hore bilaabeen iney isaga barakacaan halkaasi. Labada dhinac ayaa warbaahinta isku mariyey hadallo colaad abuuri kara, mid walbana wuxuu sheegayaa inuu deegaankiisa difaacayo. Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in waxgaradkii ku howlanaa xallinta colaaddan ay ku guul dareysteen iney Labada dhinac ay nabadda ka dhaadhiciyaan. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2018/01/Warka-Tukaraq-By-Jaamac-Goobjoog-FM.mp3Goobjoog News Source
  17. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Goor dhow Gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug wafdi Isugu jiro Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Xildhibaanada gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah Senator Jawaahir Axmed, Ahmed Macalin Fiqi, Abdixakiin Macalin. Waxaa sidoo kale Wafdiga Dhuusamareeb ka tagay ka mid ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Wehliye. Sidoo kale wefdiga ayaa waxa ka mid ah dadka soo jeeda deegaanada Galmudug isla markaana caanka ah sida Generaal Xaashi Cali Baraale, General Galaal iyo General Suubxaanyo iyo Maxamuud Afgooye. Waxaa wefdiga haatan la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada dhuusa Mareeb oo ay ku Shaqeeyaan Masuuliyiinta Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca. Dhuusa Mareeb ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in Maalinta Berito ah uu gaaro Magaalada Dhuusa Mareeb si uu uga qeybgalo Munaasabad lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna. The post Sawirro:-Wafdi isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb iyo mucaaradka oo … appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweyne Farmaajo oo uu wehliyo madaxweyne Gaas ayaa tagay xaafada Baraxley ee koonfurta Mudug, isagoo booqday xarumo waxbarsho iyo isbitaalka koonfurta Gaalkacyo. Waxaa halkaas kusoo dhoweeyay madaxweyne Xaaf iyo maamulkiisa. Ammaanka xaafada Baraxley ayaa si xoogan loo adkeeyay, iyadoo guud ahaan la xiray wadooyinka iyo meelaha madaxweynuhu kormeerka ku sameynayay. Ciidamada nabad sugida Puntland ayaa guud ahaan la wareegay amamanka wafuuda madaxweynaha, waxaana la hakiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha inta wafuudu halkaas joogto. Madaxweyne Farnaajo ayaa kadib kormeerkiisa Baraxley aadidoona Qado sharaf uu u sameeyay Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo kamid ah Isimada Puntland Puntlandi.com Gaalkacyo.
  19. Turkey’s swift response to Somalia’s deadliest truck bombing drew praise from survivors and officials who called Ankara their “only genuine” international partner. It is an implicit challenge to Western backers that spend billions on security but have not, in the view of many Somalis; jumped to help. “Whenever there is a problem, Turkey helps us. Where are the other countries?” runs a popular cartoon circulating on Somali social media. Within 48 hours of the huge twin explosions that hit Mogadishu on Oct. 14, a Turkish air ambulance had landed in the battle-scarred capital and picked up dozens of wounded Somalis to transport them to Turkey for free medical treatment. Turkey’s Health Minister Ahmet Demircan also pitched up with surgeons who set to work at once in hospitals alongside Somali doctors and nurses. Ankara has invested heavily in Somalia over the past five years. “Turkey is the best friend to Somalia and they were the first supporter to us after the blast,” said Abdiasis Ahmed, a jobless university graduate who said four friends had been airlifted out, one with a broken back. At least 300 people were killed in the blasts and more than 400 injured. Although extremist al-Shabaab militants were pushed out of Mogadishu in 2011, the attack – which al-Shabaab has not claimed – shows the dangers still facing the capital. Many Somalis contrasted Ankara’s response with that of the European Union, which has a naval force including combat ships equipped with emergency medical systems off Mogadishu’s shore to deter piracy, but which did not take in casualties. “I’ve heard a lot of complaints from Somalis saying ‘There’s a huge Western navy on our shores – why can’t those people come to help us?’,” said Rashid Abdi, a Nairobi-based Somalia analyst at International Crisis Group, a think-tank. A spokesman from the naval force said the force had diverted its nearest vessel, a Spanish ship, that delivered equipment and medical supplies once it reached the Somali coastline. He said the maritime area the force covers is “vast” but the ship arrived Mogadishu “as quickly as possible.” A tweet from the naval force earlier on Oct. 18 said it was providing “vital medical aid” for the victims. Senior officials also compared the speed and scale of Turkey’s assistance with that of Somalia’s foreign partners, including neighbours Kenya and Djibouti and the United States and the United Nations. Mogadishu Mayor Thabit Mohamed tweeted on Oct. 16 that he was grateful for Turkey’s “immediate response” and “relief for victims”, compared with a “Thanks for standing with #Mogadishu” tweet 24 hours later aimed at the U.S. Embassy. “Turkey is always first to help us. They are our only genuine brother,” Information Minister Abdirahman Omar Osman told Reuters, recalling a personal visit by President Recep Tayyip Erdoğan in 2011, when Somalia was in the grip of famine. “Their support is visible to everyone. They build hospitals, they build schools, and that’s why they are different than others,” he said. “Others might give more money but Turkey is perceived by the people to be the ones really helping Somalia.” Reuters
  20. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo maanta ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa xoogga dalka lagu eegtay nawaaxiga Haanta Dheer, degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa ahaa miino dhulka ku aasneyd, waxaana lala eegtay sida naloo sheegay gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka. Inta la xaqiijiyey Saddex kamid ah askartii gaarigaasi saarneyd ayaa dhaawac soo gaaray, iyadoo dhowaqa qaraxan laga maqlay meello badan oo magaalada Muqdisho ah. Maamulka degmada Dayniile weli kama aanu hadal qaraxan, sidoo kalena saraakiisha ciidamada ammaanka ee Muqdisho wax war ah kama aanay soo saarin qaraxan. Qaraxyada sidan oo kale ah ayaa maalmahan dambe kusoo badana qeybo kamid ah gobollada dalka. Goobjoog News Source
  21. Mogadishu (HOL) - Somali Government has unequivocally distanced itself from the report of International Federation Journalist (IFJ) through a open letter on Friday, accusing it of attacks against Somali journalists. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah magaalada Gaalkacyo kula qaadandoono shacabka Puntland qeybihiisa kala duwan, isagoo ka dhegaysandoona aragtiyadooda iyo talooyinkooda Waxaa madaxweyne Farmaajo uu saakay kulamo gaar gaar ah la qaatay Isimada iyo waxgaradka gobolka Mudug, isagoo ka dhegaystay talooyin kala duwan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya ee haatan, waxaana madaxweynuhu maanta casuumad qado ku leeyahay degaanka Heemo ee gobolka Mudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa marka uu kasoo laabto Heemo inuu booqdo xaafada Baraxley ee koonfurta Mudug, iyadoo halkaas ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay islamarkaasna ay ku sugan yihiin ciidanka Puntland. Puntlandi.com
  23. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in shirkii baaqday ee arrimaha nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir la qaban-doono 28ka Bishan Janaayo 2018. Hadalkan waxaa uu Guddoomiye Thaabit ka sheegay goob xariga looga jarayey sabtidii dhismaha wadada General Kaahiye Ee Muqdisho. Shirkan nabadeynta iyo horumarinta Banaadir ayaa loo madal-sanaa inuu qabsoomo 7dii Janaayo 2018, laakin waxaa uu u baaqday sababo lagu sheegay khilaaf dowladda dhexdeeda ah. Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo December 26keeda Degmada kaxda ka furayey Barnaamijka Deresenta iyo Amniga ayaa ku dhaqaaqay in shirkan qabsoomayo, laakin waxaa uu soo ifbaxay khilaaf aan rasmi loo shaacin taas oo keentay in la dib dhigo. Todobaadkii hore, Xubno ka tirsan ururka jilayaasha aan dowliga aheyn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya(SOSCENSA) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dowladda u diray baaq ku aadan sidii u qabsoomi lahaa shirka wadatashiga gobolka Banaadir. Ururka ayaa ka hadlay in shirkaasi u dan u yahay bulshada ku nool gobolka Banaaidr iyo Soomaali oo dhan, iyagana u taagan yihiin isu soo dhoweynta dowladda dhexe iyo heer gobol iyo mid maamul goboleed iyaga oo ku baaqay in la qabto ugu dambeyn 20-25-ka bisha. Goobjoog News Source
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shaki kama taagnaa inuu jiro isbedel dhanka cimilada oo wayn, iyadoo dadka ku nool Magaalada Muqdisho ay dareemayaan isbedelkaan ku yimid dhanka Cimilada Somaliya. Isbedelka wayn ee dhanka Cimilada ee la dareemay ayaa ah habeenkii oo dadka reer Muqdisho ay dareemaan qabow badan oo qar qaryo wata, horay uma aysan arki jirin dadka reer Muqdisho qabowga noocaan oo kale ah. Sidoo kale maalintii waxaa ka jira Magaalada dabeyl badan oo carada kicinaysa, waana mida keentay dhaqdhaqaaqa socodka dadka maalintii inuu gaabis noqdo, qof walibana uu ku ekaado goobtiisa, shaqada gurigiisa iyo meesha uu ku sugan yahay. Inta ugu badan dadka oo ah kuwa ka shaqeeya goobo kala duwan oo Magaalada ah ayaa qabowga aroortii jira wuxuu saameeyay jadwalkooda shaqada, maadaama ay ku adkaatay inay kacaan subaxdii xilli hore. Qaybaha Bulshada oo isugu jira kuwa shaqaale ah iyo kuwa aanan shaqaale aheyn oo xarumaha shaqada milki u leeyihiin, ayaa dadka milkiyada leh goobaha shaqada waxa ay sheegayaan hurdada inay ku gaaraan illaa 9-ka Subaxdii iyaga oo ka kici waaya hurdada, sababo ku aadan qabowga subaxdii ka jira magaalada. Shaki kama taagna qofka ku nool Muqdisho haddii aad tahay inaad dareentay qabow badan oo kugu kalifay inaad aroortii hore aad hurdada ka kici waydo ama aad qubeysan waydo, laakiin sababta ay tahay isbedelka dhanka Cimilada ee Muqdisho lagu arkay. Marka laga hadlaayo dhulka Somalida Muqdisho waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu wanaagsan dhanka Cimilada ee aan qabow iyo kuleyl midna aheyn, maadaama cimiladadeeda dhexdhexaad ay tahay. Deeganada Somalida waxaa aad ugu qabow dhulka ku xayndaaban Buuraha, sida Magaalooyinka Ceerigaabo, Sheekh, Wajaale, Boorama, Hargaysa iyo deegano kale oo intooda badan dhaca Waqooyiga dalka, dadkana ay la qabsadeen qabowga xoogan ee ka jira deeganadaasi. Dadka ku taqasuusay arrimaha isbedbedelka Cimilada, illaa hadda sabab rasmi ah kuma sheegin isbedelkaan dhanka Cimilada ah ee laga dareemay Magaalada Muqdisho. Heerkulka Muqdisho ayaa maraya 23, markii hore wuxuu ahaan jiray 34 illaa 30 inta u dhaxeysa, balse hadda farqi wayn ayaa u dhaxeeya. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Maxaa kala socotaa Isbedelka dhanka Cimilada ah ee laga dareemay magaalada Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.