-
Content Count
205,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somaliland oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa dowladda Puntland ugu baaqay in aysan gobolka soo weerarin,xilli uu socdo abaabul dagaal oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Dhakool oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale Isimada iyo Waxgaradka gobolka ka dalbaday in ay ka laabtaan dagaalkii ay iclaamiyeen ee ku aaddana in Somaliland laga saaro guud ahaanba gobolka Sool. Mudane.Dhakool ayaa sheegay in magaalada Laascaanood ay nabadi ka jiro,balse Isimadii iyo Waxgaradkii u dhashay ay dagaal ugu yeerayaan,isagoo walaac ka muujiyay khatarta ka dhalan karta,haddii Puntland qabsato Laascaanood. Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo:Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somaliland oo ka walwalsan in Puntland Laascaanood qabsato. appeared first on Puntland Post.
-
Toronto (PP) ─ EEBBE ha u raxmadee waxaa dalka Canada xalay ku geeriyootay fanaanadda Soomaaliyeed ee Khadiijo C/llaahi Daleys oo ka mid ahayd fanaaniintii Hoboladii Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi. Marxuumad Khadiijo ayaa lagu xusuusan doonaa heeso caan baxay oo ay ku luuqysay. Iyadoo fanaanaddu ay muddooyinkii dambe ku Xanuunsaneysay, iyadoo ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Toronto. Khadiijo Cabdullaahi Daleys ayaa ahayd gabadhii ugu horreysey ee 1952-kii hees ka billowda Radio Mogadishu, waqtigaasoo aanay jirin Aaladda duubista, iyadoo heesaha ay ku luuqeyso ay si toos ah idaacadda uga bixi jireen. Sidoo kale, waxay ka mid ahayd gabdhihii ugu horreeyay ee Reer Koonfurka ah ee heesa. Sidoo kale, Marxuumadda ayaa sannadkii 1936-dii ku dhalatay Baydhabo oo ah xarunta Gobolka Bay, waxayna ahayd Fannaanad waddani, iyadoo intii u dambeysay nolosheeda ku guubaabin jirtay shacabka Soomaaliyeed Midnimo iyo wadajir. Dhanka kale, Fanaaniinaddan ayaa waxay ahayd fannaanadii qaaday heeso caan ah oo ay ka mid ahaayeen; ‘Hunnu-Hunnu hadal maaha’ iyo ‘Muruqiina Maala’ kuwaasoo ay ku guubaabin jirtay bulshada Soomaaliyeed si ay dalkooda wax uga qabsadaan, isla markaana ay u noqdaan dad dhiibfoon. Ugu dambeyn, Marxuumad Khadiijo C/llaahi Dalays oo ku geeriyootay 82-jir ayaa geerideeda waxaa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka Somalia, iyadoo aan la ogeyn halka lagu aasi doono. DHAGEYSO: – MID KA MID AH HEESIHII AY KU CAAN-BAXDAY MARUUMAD DALEYS; PUNTLAND POST The post Fanaanadii Khadiijo Cabdulaahi Daleys oo ku Geeriyootay Magaalada Toronto, Canada appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimadda Online) _ Wadadda isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa xirantay, kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay dagaal kula wareegeen degaano ka degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe. Weerar ay Alshabaab ku qaadeen saldhigga Ceelka Geelow ee ciidamada dowladda ayaa keenay inay la wareegaan saldhigaas iyadoo lagu dilay laba askari, laguna waayay lix kale, wuxuuna ahaa weerarkii labaad ee Alshabaab ku qaado saldhiggasi muddo laba toddobaad gudahood ah. Al-Shabaab ayaa la wareegay tuulooyinka u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar sida Gololey, Isgoys iyo Ceelka Geelow, waxaana la sheegay inay dadkii halkaasi deganaa ay bilaabeen barakac iyagoo ka cabsi qaba Alshabaab iyo dagaal dhex mara labada dhinac. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ku soo korortay wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad ay tahay mid halis ah oo keeni karta in Shabaabka ay isku ballaariyaan deegaanadaas. Xaalada ammaan darro ee ku soo korortay inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ayaa sababtay inuu hakado dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee isaga kala gooshaya wadadaas, gaar ahaan gaadiidkii ciidamada iyo kuwii mas’uuliyiinta ay saarnaayeen, waxaana xilligan halka u furan ay noqotay cirka oo Mas’uuliyiinta iyo Xildhibaanada Hirshabeelle ay diyaarad kaliya ku tagi karaan Jowhar. Waxaa gebi ahaan saaka istaagay isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, waxaana hore jidkaasi ka go’ay mas’uuliyiinta Hishabeelle iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxayna Jowhar hadda noqoneysaa magaalo go’doon ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wadadda isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo xirantay & Alshabaab oo Tuulooyin ka qabsaday degmada Balcad appeared first on Caasimada Online.
-
Toronto (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Dalka Canada ayaa sheegaya in fanaannadda caanka ahayd ee Khadiija Cabdullahi Dalays ay saaka ku geeriyootay dalkaas. Khadiijo Dalays waxaa ay sanadkii 1936dii ku dhalatay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,waxaa ay ahayd gabadhii ugu horreysay ee ka heestay Radio Muqdisho. Khadiijo C/llaahi Daleys ayaa ka mid aheyd fanaaniinta Hobolada qaranka Waabari, waxaana lagu xusuustaa heeso caan baxay oo ay ku luuqysay. Fanaanadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsaneysay, waxaana la sheegay inay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Toronto. 7dii Bishii la soo dhaafay waxaa iyana Magaalada Hargeysa ku geeriyootay Shamis Abuukar oo loo yaqaannay Guduudo Carwo,taas oo iyana ahayd fanaanaddii ugu horreysay ee ka heestay Radio Hargeysa. Dalays heesaha ay qaadday waxaa ka mid ah heesta “Muruqiinna maaloo dhulka mira ku beeroo,macdanta biyaha,muujiya wanaaggaa”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Fannaanad caan ka ahayd Soomaaliya oo ku geeriyootay dalka Canada appeared first on Caasimada Online.
-
A leading Somaliland politician says his son, who joined the Islamic State militant group five years ago, was killed in Syria. Source: Hiiraan Online
-
Gaalkacyo (Puntlandi) Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku joogay Puntland, waxaana uu sheegay inay wax badan ka barandoonaan nabad gelyada iyo horumarka baaxada leh ee ka socda Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amamanay reer Puntland iyo dowladdooda inay meesha ka saareen kala shaki ayna ka si dhab ah uga faa’idaysteen barnaamijka iskutashiga, kaasoo lagu dhisay, Jidad, isbitaalo, xarumo waxbarashado, isbitaalo garoomo diyaaraddeed iyo kaabayaal kale. Waxa uu madaxweynuhu sheegay isku tashiga Puntland ka dhaqan galay nay iyaguna gaarsiiyaan Soomaaliya inteeda kale, si ay dadka u ogaadaan inuu horumarku gacantoodu ku jiro islamarkaana aanay dowlad iyo ajnabi wax lagasoo qaaday dalku ku dhismi karin, kuna horumari karin. “Reer Puntland nabada iyagaa gacantooda ku sameystay, waana dad isku qanacsan, dowladdoodana ku qanacsan, waxaan rajeynayaa inay sii xoojistaan nabadooda u horseeday horumarka,” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo. Puntlanid.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad Agaasinkeedu aad u Sareeyey islamarkaana ku saabsan Qiimeynta Shirkadaha Ganacsiga iyo Bangiyada ayaa lagu qabtey Magaaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro, Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir , Ganacsato, Madaxda Bangiyada, Shirkado iyo Marti Sharaf . Qiimeyntaan oo ay Sameysey Xarunta Somali Annual Business Awards (SABA) ayaa Ujeedkeedu ahaa sidii loo ogaan Lahaa Waxqabadkii Shirkadaha Ganacsiga iyo Bangiyada ee Sannadkii la soo dhaafey iyo sidii Qiimeyntaas ay Dhiiragelin ugu Noqon lahayd Dhamaan Shirkadaha Ganacsiga iyo Bankiyada . Ugu horeyn waxaa Halkaas ka Hadley Masuul ka socdey Xarunta SABA waxaana uu u Mahadceliyey intii kala qayb qaadatey Qiimeyntaas islamarkaana xarunta u Fududdeysey isagoo Hoosta ka xariiqey in Ujeedka Qiimeynta Sannadka ay Tahay in Bulshada Soomaaliyeed ay ogaato Waxqabadka Shrkadaha Ganacsiga iyo Bankiyada. Xubnihii kale ee ka Hadley Qiimeyntaas ayaa waxaa ka md ahaa wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Saciid Cawad waxaana uu u Mahadceliyey Xaruntii soo qabanqaabisey Qiimeyntaa sidoo kale waxa u Mahadceliyey Shirkadihii iyo Bankiyadii galey kaalimaha hore wuxuuna Si gaar ah ugu Mahadceliyey Bankiga IBS oo Sannadkii labaad la gudoonsiiyey Abaalmarinta Sannadka ee Bakiyadda Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ka Hadley Munaasbadaas ayaa u Mahadceliyey intii isku soo qaban qabisey gaar ahaan Xarunta SABA oo uu sheegey in ay Qabatey Howl muhiim sidoo kale waxaa u Hamabalyeeyey International Bank Somalia IBS oo Noqdey Horyaalka Bankiyada Dalka “Abaalmarintaan waxay na Tuseysaa Horumarka ay Marba marka ka dambeysa ku talaabsaneyso Magaalada Muqdisho Waxaan u Hambalyeynayaa Dhamaan Shirkadihii kala duwanaa ee la Gudoonsiiyey Abaalmarinta waxayna tahay haddii la Bixiyo Abaalmarin ama Qiimeyn la sameeyo waa Dhiiragelin si Shirkadaha iyo Bankiyada ay u sii Karaar Qaataan” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo sheegey in ay imaaneyso la Xisaabtaan iyo Daahfurnaan “Waxaan Bankiga IBS oo Abaalmarinta ku heley Kobcinta Ganacsiga yar yar u soo jeedinayaa in Haweenka ay ka dhex muuqdaan ganacsigaan maadaama ay yihiin Xoog Muuqda sidoo kale waxaan Bankiga IBS u soo Jeedinayaa in ay Dhiirageliyaan dadka dan yarta si uu Ganacsigooda u Hormara” ayuu yiri Gudoomiye Taabit Halkaan ka Daawo Munaasabada Abaalmarinta The post Gudoomiye Taabit oo lagu Sharfey in uu Internatianal Bankiga Somalia (IBS) Gudoonsiiyo Abaalmarinta Sannadka appeared first on Caasimada Online.
-
Warar hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in ay maanta geeriyootay fannaanadda Khadiijo Cabdulaahi Daleys. Khadiijo Cabdulaahi Daleys oo ka tirsaneyd hobollada Waaberi ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla dalka Canada. Fannaanadan waxaa ka ay ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeyay ee heesa, dad qaar waxaa ay sheegaan in Koonfurta iyada ugu horreysay. Goobjoog News Source
-
Madaxweyne Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay socdaalkii dheeraa ee uu ku marayay gobolada Puntland, isagoo kusoo gabagabeeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo uu muddo labo cishe ah ku qaatay. Madaxweynaha ayaa maanta u ambo baxay magaalada Cadaado ee xarunta kmg ah ee maamulka Galmudug, isagoo ugasii gudbidoona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Dowladda Puntland iyo shacabkeeda waxaa kasoo gabagaboobay todobaad lagu mashuulqsanaa soo dhowaynta wafdiga madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya uu ku joogay Puntland. Puntlandi.com
-
Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan AL-bashiir ayaa fariin ka helay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn taasi oo ku saabsan arrimaha gobolka. Fariintan ayaa timid ka dib markii Al-bashiir uu ku soo dhoweeyay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu magaalada Khartuumo ee caasimadda Suudaan. Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Ibrahim Ghandour ayaa la kulmay dhigiisa Itoobiya waxayna ka wadahadleen wadatashi u socon doono Itoobiya iyo Suudaan kaasi oo ku saabsan xariirkooda laba geesoodka ah. Ibrahim waxaa uu sidoo kale ka hadlay in ay jiraan fallaago ku fir-fircoon bariga dalkaasi isla markaana ay isu diyaarinayaan i ay ka hortagaan cadawyga dhinac walbo oo ay ka yimaadaan. Wasiirka ayaa sheegay in uu waraaq ka wado ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayna ku saabsantahay arrimaha ku saabsan gobolka iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Arrintaani ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Suudaan ay xirtay dhammaan xaduudaha ay laleedahay Eritrea waxayna qeybta bari ay geysay ciidamo badan oo milatari ah. Sudaan waxaa ay todobaadkii hore sheegtay in Egypt iyo Eritrea ay tagaeeraan fallaagada ku kascan Khartoum, xiriirka Masar iyo Suudaan waxaa uu marayaa meeshii ugu xumeed. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dadka degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa saaka kusoo tuusay Ido gowracan oo min labo loo dhigay waddooyinka. Idahaan oo labo labo isku garabyaal ayaa la sheegay in la dhigay inta badan waddooyinka Degmada, gaar ahaan eeryada Xarunta Degmada, waxa ayna arrintaan qalqal iyo dareen gaara ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Degmada. Neefafkan gowracay oo labo labo leysku garab dhigay ayaa midna loo dhigay sida neef fadhiya, halka kan kale lagarab jiifiyay sida neef jiifa. Dhacdadaan oo ah mid ku cusub dadka deegaanka ayaa waxa ay ka dhacday Waaxda Sayidka oo ah waaxda ugu amniga badan marka la’eego Degmada inteeda kale. The post Arrin cajiib ah: Ido la gowracay oo lagu daadiyay eeryada Xarunta Degmada Howlwadaag + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul dagaal hor leh oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland. Wararku waxa ay tibaaxayaan in maamulada Puntland iyo Somaliland ay saaka ciidamo badan ku daabulayaan deegaano ka tirsan gobolka Sool. Labada dhinac ayaa ciidamada ku daabulaaya duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi, halkaa oo laga sameeyay Saldhigyo lagu uruuriyo ciidamada iska soo horjeeda ee gurmadka ah. Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaaya inuu jiro dhaqdhaqaaq labada dhinac ah, isla markaana xili walba la filan karo dagaal dhex mara labada dhinac, iyadoo shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Tukaraq ay kol hore bilaabeen iney isaga barakacaan halkaasi. Sidoo kale, Maamulada iyo Saraakiisha labada dhinac ayaa warbaahinta isku marinaaya hadalo colaad abuuri kara, mid walbana wuxuu sheegayaa inuu deegaankiisa difaacayo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa xiliyada qaar dhacaaya rasaas u muuqda in labada dhinac ay isku maqashiinayaan joogitaankooda iyo inay ku jiraan heegan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Gaadiid dagaal iyo Ciidamo farabadan oo ku qulqulaaya Nawaaxiga Tukaraq & Xaalada oo cakiran appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Amiir kasoo jeeda qoyska xukuma dalka Qatar ayaa sheegay inuu ku xiran yahay dalka Imaaraatka Carabta oo khilaaf Siyaasadeed uu kala dhexeeyo Qatar. Amiirkan oo lagu magacaabo Cabdallah Bin Cali Al-Thaani ayaa hadalkan ku sheegay fariin muuqaal ah oo uu ku baahiyey barta YouTube-ka. Waxa uu sheegay Cabdallah Bin Cali Al-Thaani inuu marti u ahaa dhaxal sugaha taajka Imaaraatka, Maxamed Bin Saayid Aal Nahyaan, laakiin uu haatan yahay mid xiran. Cabdallah Bin Cali Al-Thaani, wuxuu sheegay in wixii dhibaato ah ee soo gaara uu mas’uul ka yahay dhaxal sugaha taajka Imaraadka, isagoo intaa raaciyay inay jiraan xadgudubyo loo geystay. Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa caqabado dhanka Siyaasada ah ku heysa muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Qatar, iyadoo ujeedka uu yahay si dowlada Qatar loo dareensiiyo heerka uu gaarsiisan yahay xiriir xumida colaadeed ee kala dhexeeya. Geesta kale, dowladaha Sucuudiga, Imaaratka, Baxrayn iyo Masar ay dhamaantood xidhiidhka u jareen Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada iyo in ay Iran aad ugu dhawdahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arrin cusub: Imaaraadka oo xiray Amiir kasoo jeeda qoyska xukuma dalka Qatar appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Diyaarado dagaal ayaa saqdii dhexe ee xalay duqeymo culus ka geystay Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Deegaanka Ceelcadde oo 60km u jirta Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, ayaa waxaa ku yaala Saldhigyo waaweyn oo ay ku sugan yihiin Horjoogayaal iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab. Diyaaradaha duqeynta geystay oo la sheegay inay yihiin laba Diyaaradood ayaan si rasmi ahi loo ogeyn halka laga leeyahay, waxa ayna duqeyntu dhacday laba sano ka dib markii ciidamo ka tirsan Kenya lagu laayay Saldhiga Ceel-Cadde. Dadka deegaanka oo ka hadlaayay dareenkooda ayaa sheegay inay ka warheleen Jug culus oo is xigxigta, iyadoo wixii intaa ka danbeysay uu isbedelay jawiga. Waxaan la ogeyn ujeedka laga lahaa duqeynta aan khasaaraha geysan, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha Kenya. Si dhaba looma oga haddii ay jiraan khasaarooyin la qarinaayo oo ka dhashay duqeynta iyo inaanu jirin waxyeelo oo idil. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com The post Diyaarado aan la garaneynin oo duqeyn dukun-daakun uga dhigay deegan lagu xasuuqay ciidamo Kenyan ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo farabadan oo ka kala tirsan Militeriga dowlada iyo kuwa AMISOM, ay buux dhaafiyeen wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho. Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal ayaa wada qorsho leysugu furaayo wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho, waxa ayna sidoo kale howlgal kawadaan degaano iyo degmooyin dhinacyada ka saran wadadaasi. Ciidamada is garabsanaaya ayaa Saldhigtay degaanka jameeco oo 30 KM u jirta Degmada Buurhakabada ee gobalka bay. C/risaaq Cabdi Aadan oo ah Wasiir ku-xigeynka amniga maamulka Koofur Galbeed, ayaa sheegay in ay wadaan qorsho la isugu furayo wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho oo uu sheegay inay ka dhacaan dhibaatooyin badan. Wasiir ku-xigeenka waxa uu tilmaamay in dhawaan ay Ciidamada ay gaari doonaan Degaanka Leego ee gobalka Shabeelaha hoose, waxaa uuna xusay in Shabaab ay ka Saari doonaan guud ahaan degaanada koofur galbeed Soomaaliya. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili inta badan deegaanada Koonfur Galbeed ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Militeriga dowlada & kuwa AMISOM oo bilaabay qorsho cusub oo Shabaab looga eryinaayo.. appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceelka Geelow ee Shabellaha Dhexe, kaasi oo khasaare kala duwan ka dhasheen. Dagaalyahannada Al=-shabaab ayaa shalay weerar gaadmo ah ku qaaday deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo deeganakan ayaa sheegaya in xaaladda ay deggan tahay, islamarkaana ciidamada xoogga dalka ay dib ugu laabteen deegaankaasi, kadib saacado kooban oo Al-shabaab la wareegeen. Waxay ciidamada wadaan howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo, iyadoo la sheegay in ciidamada ay deegaankaasi ka degeen gudaha iyo duleedyada. Inta la xaqiijiyey dagaalladii shalay dhacay waxaa ku dhimatay Saddex qof, iyadoo dhaawacna uu jiro. Shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Ceelka Geelow ayaa sidooda halkaasi ujooga, balse waxay ka baqanayaan in mar kale lagu dul dagaallamo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Nairobi (Caasimada Online)-Dalka Kenya ayaa waxaa maanta laga xusayaa ciidamadii dhawaan Kenya looga xasuuqay weerarkii Saldhiga Ceel Cadde. Ciidamadan lagu laayay Ceel Cadde ayaa waxaa la weeraray xili ay ku howlanaayen nasiino waxa ayna ku beegneyd 15-kii January 2016. Ciidamadan ayey dowlada Kenya xustaa sanadkiiba mar waxa uuna weerarkaasi noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ku dhaca Kenya. Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo kor u dhaafaya Kontan ayaa weerarka ku qaaday Saldhiga Ceel-Cadde, waxa ayna maleeshiyada Shabaab xaqiijiyeen in weerarkaasi ay ku dileen ku dhawaad 200, halka dowlada Kenya ay dafirtay in weerarka lagu dilay tirro intaa dhan. Kenya ayaa bixisa mushaarka Askartii lagu laayay Ceel Cadde, taasi oo la siiyo qoysaskoodii sida in askartii nool yihiin, hayeeshee waalidiinta Askartaas waxa ay doonayaan in wax u kala cadaadaan. Sidoo kale, al-shabaab ayaa weerarkii Ceel Cadde ku qabsaday Askar nool oo Kenyan ah, qaarkood ayay muuqaalo ka soo duubeen oo ay soo geliyeen baraha Internet-ka, halka qaarka kalena ay weli heystaan. Dhinaca kale, Sanad walba xilligan oo kale Ciidamada Kenya waxaa ay galaan heegan iyo feejignaan dheeraad ah, oo ku aadan in Shabaab weeraro la mid ah kuwii horey ay fuliyaan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com The post Kenya oo laga xusaayo xasuuqii Ceel-Cadde & Dowlada oo weli aan ogeysiin qoysaska Askarta la xasuuqay appeared first on Caasimada Online.
-
Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen askari ka tirsan Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya. Askarigan ayaa lagu dilay xaafadda Xaawo Taako ee B/weyne, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyay howlgal aan natiijadiisa la shaacin. Sidoo kale, saakay oo Isniin ah waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada dowladda Federaalka ay howlgallo ka wadaan xaafado ka tirsan magaalada B/weyne. Magaalada B/weyne waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan, iyadoo habeen kahor sidan oo kale magaaladaasi loogu diley askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in uu Xariga Ka Jaro Dekada Hobyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa safar dhanka dhulka ah ku tagi doono Magaalada Hobyo si uu dekada Hobyo Xariga uga Jaro islamarkaasina si rasmi ah u shaqo biloowdo. Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf ayaa sheegay in uu mar uun uu ku haminayay in Madaxweynaha uu Xariga ka jiro Dekada Hobto isaga oo sheegay in Madaxweynaha uu geeyn doono Hobyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sii wadan doono socdaalkiisa uu ugu magac daray socdaalkii Nabada uu ku marayo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya. Maanta oo isniin ah ayaana lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu Safar ugu Amba baxo Magaalada Cadaado. La soco Puntland Post oo hel Wararka Safarka Madaxweynaha. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Xariga ka Jaraya Dekada Hobyo appeared first on Puntland Post.
-
The Islamist armed group Al-Shabab has threatened and abducted civilians in Somalia’s Bay region to force communities to hand over their children for indoctrination and military training in recent months. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan safar ku marayay Puntland ayaa gaaray xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo isaga oo shacabkii soo dhaweeyay u sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’antahay nabadeynta Galkacyo. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Mudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay higsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen khilaafaadka soo noq-noqday ee ragaadiyey nolashooda. “Nabad la’aanta waxaa idin kaga maqan horumar. Annaga dowlad ahaan wixii mashaariic horumarineed ah ee aad u baahantihiin waa idin keeneynaa, balse reer Gaalkacayo maanta waa in ay kala doortaan in ay ku tartamaan Colaadda ama horumarka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso midnimada iyo wada jirka bulshada Gobolka Mudug, isagoona faray dhammaan dhinacyada kale ee heer Gobol iyo heer Degmo in ay u istaagaan Dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee ku cool Galkacyo.. “Dib u heshiisiinta aan wadno waxa ay tahay in qofkasta oo gobolkan ku sugan uu kaalintiisa ka qaato sidii aan u ilaashan lahayn midnimadeenna iyo wada jirkeenna. Gaalkacayo oo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah.” Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayo Gaalkacayo. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay waddo isku xiri doonta degmada Hobyo iyo magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo wada tashi la qaatay Madaxda heer Dowlad Goboleed, duubabka dhaqanka, culumada iyo qeybaha kale ee bulshada, si loo dar dar geliyo dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka. DHAMMAAD Source
-
Fairfax Africa Fund, a US-based investment firm, in collaboration with multiple partners from Asian countries is planning to build an oil refinery in Ethiopia with a total investment cost of four billion US dollars. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors