-
Content Count
214,648 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdi ka socdo Dowladda Qatar iyo Hey’ad maalgashi laga leeyahay dalkaas ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wafidigaan ayaa soo dhaweyn loogu sameeyey garoonka Muqdisho, wuxuuna yahay qorshahooda si ay uga qeyb noqon lahaayeen loolanka loogu jiro maalgashiga Dekadaha Soomaaliya. Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay wafdigaan ayaa booqan doono Dekadaha Muqdisho, Kismaayo iyo Hobyo si ay u qiimeeyaan isla markaasna ay maalgashi Caalami ahugu sameyn lahaayeen. Sidoo kale waxaa jiro Dekado kale oo ay Qatar qorsheneyso inay la wareegto, waxaana circa isku sii shareeri doono Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo hadda marayo meel xun. Dowladda Qatar ayaa loolan adag oo dhanka Qaaradda Africa ah kula jirto dowladda Imaaraadka Carabta iyo dalka Turkey kuwaas oo labaduba saameyn ku leh dalka Soomaaliya. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Dekado badan kula heshiisay Maamul Goboleedyada dalka ka jiro iyo Maamulka Somaliland. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalka Itoobiya kula heshiisay inay maalgeshi ku sameysato ilaa afar Dekadood oo aan ilaa hadda magacyadooda la sheegin waxaana lala yaaban yahay sida ay isku qaban doonaan heshiisyadaan dhinacyada ka socdo. Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna la kulmay cadaadis aad u weyn ayaa doonayo inuu helo xasaanad si uu usii wato mucaaradnimadiisa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho lagu xiray kadib markii ay gurigiisa weerareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa isaga tagay Muqdishi, waxayna dowladda ka kansanshay kulan loogu qaban lahaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Haddaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isku dayey qorsho yaab badan oo ku aadan sidii uu uga mid noqon lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Kursiga Beesha C/raxmaan C/shakuur waxaa ku fadhiya Ganacsade weyn oo lacag badan ku bixiyey kursiga si uu xasaanad ugu helo, kaasoo ah xildhibaan Siciid Nuur Gariish, waxaana in muddo ah socday sidii loogu qancin lahaa inuu saayasiga beesha ku wareejiyo kursiga. Milkiilaha Shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airweys Siciid Nuur Giriish ayaa la sheegay inuu diiday qorshahan, iyadoo ay cadaadis weyn saareen odayaasha beesha iyo waxgaradka, iyadoo ay adag tahay inuu aqbalo arrintan. Waxaa sidoo kale jirta cabsi ku saabsan haddii kursigu bannaanaado inuu ka qeyb noqdo musharax ay wataan madaxda dowladda federaalka kuna dagaalamaan inuu ku soo baxo kursigaasi, taasoo ah khatar kale oo heysata damaca xildhibaanimo ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Arrimahan oo dhan waxay qorshaha C/raxmaan C/shakuur ka dhigeen mid ay adag tahay inuu shaqeeyo, waxaana sii adkaanaya fursadaha uu heysto si uu uga mid noqdo xildhaabana Baarlamaanka Federaalka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ku sugan Yurub, wuxuuna doonayaa inuu laba jibaaro qorshaha uu kaga soo horjeedo dowladda Soomaaliya oo iyada mar u adeegsaday howlgal Militari oo keenay in Maxkamad la saaro. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ku qasban inuu sugto doorashada soo socoto si uu uga mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo uu la kulmi doono cadaadis ku aadan kursiga Beeshiisa maadaama ganacsadahaan uu yahay nin lacag badan ku bixin karo si uu u difaacdo booskiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka. Eng Yarisow ayaa sheegay in dhammaan heshiisyadaas ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin,isla markaana dib loogala noqday heshiisyadii lagu bixiyey dhulalka darjiinooyinka iyo Beeraha. Sababaha loo baabi’iyey heshiisyadaas ayuu ku sheegay in markii heshiisyada la gelayey aan loo marin tartan furan,sidaasna ay sharcidarro ku noqdeen. Waxa uu ku amray Ganacsatada in ay dib maamulka ugu soo celiyaan goobaha danta guud sida darjiinada iyo Beeraha,oo uu sheegay in ay yihiin kuwo kor u qaadaya bilicda Caasimadda,mudo 30 Maalmood ahna ay ku soo wareejiyaan. Waxa uu sheegay in cid alaala iyo cidii cabasho qabta ay la soo xiriirto balse ciddii ka soo horjeesata amarkaas tallaabo sharci ah laga qaadi doono. Akhriso Wareegtada Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Markuu Arkay heshiisyadii lagu bixiyay dhulka jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho; isla markaasna uu hubsaday in heshiisyada loo maray hab khilaafsan shuruucda dalka, Madaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/Guud ah oo ka dhexeeya Bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir; Markuu hubsaday in lacagaha kirada ah ee dhulkaas lagu kireeyay ay yihiin Kuwo aad u hooseeya oo qiimo ahaan aan u qalmin dhulkaas Jardiinooyinka ah iyo sidoo kale muddada heshiiyada oo nidaam ahaan xad dhaaf ah iyo in goobahaas bixintooda lala baal maray habka toosan ee lagu maamulo hantida Dawladda oo ah in lagu bixiyo qandaras; Isagoo waajib ahaan ay ugu muuqatay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo soo celiyo billicda Magaalada iyo hantida Ummadda ka dhexysa. Wuxuu Soo Saaray Xeerkan: Qodobka 1aad. Laga billaabo maalinta Xeerkan la Saxiixo, waxaa dib looga noqday, isla markaana baabi’yay dhamaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho, maadaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/guud ah oo loogu tala galay in Dadweynaha Soomaaliyeed ay ku nastaan, waqtiyada fasaxa ay ka yihiin shaqadooda, isla markaana jardiinooyinku ay ka mid yihiin adeegyada ugu muhimsan dhanka aragtida guud iyo dib u soo cellinta billicda Magaalada Muqdisho; Qodobka 2aad. Ganacsatada Go’aankani sida tooska u quseeyo, waxaa la farayaa in muddo 30 maalmood gudohood ah ay ku banneeyaan ama ay kala baxaan wax allaale iyo agab shaqo ah ee u dhex yaal dhismooyinka dhulka Jardiinooyinka ah ee kor ku tilmaaman, maadaama qorshe ahaan lagu tala jiro in hatidaas dib loogu soo celiyo gacanta Maamulka D/Hoose ee Xamar, waxeyna muddadu ka billaabaneysaa maalinta Xeerkan la Saxiixo; Qodobka 3aad. Cid allaale iyo Ciddii Xeerkan jabisa ama u hogaansami weyda fulintiisa, waxaa laga qaadi doona tillaabo sharci ah oo arrimahooda waafaqsan, haddii ay jirto cid wax ka qabta amarkan, waxay waqtiga fullinta ka hor kala xiriiri karaan Maamulka Sare ee Gobalka Banadir iyo D/Hoose ee Xamar. DHAMMAAD Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Nairobi ee xarunta Kenya lagu diyaarinaayo kulan khaasa oo dhexmara Xildhibaanada mucaaradka ee ka tirsan BFS iyo Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi Dhagax. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Xildhibaanada doonaya qaabilaada Qalbi Dhagax uu horboodi doono Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha sida aadka ah uga soo horjeeda dowlada Somalia. Xildhibaanada wehlin doona Axmed Fiqi ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa Todobo Xildhibaan oo mucaarad ah, waxaana kamid noqon doona Xildhibaan Saabir. Mudanayaashan oo aad uga soo horjeeda dhiibista iyo xariga Qalbi Dhagax ayaa xiriir toosa iyo mid hooseba la sameeyay Madaxda ONLF ee ku sugan magaalada Nairobi si loogu cayimo wakhti ay kula kulmaan Qalbi Dhagax oo laga sugaayo magaalada Nairobi. Xildhibaanada ayaa la xaqiijiyay in la kulanka Qalbi Dhagax ay uga faa’iideysan doonaan laba arrin midkood: 1-In Xildhibaanada mucaaradka ay Qalbi Dhagax u adeegsadan duulaan Siyaasadeedka kala dhexeeya dowlada Somalia. 2-In mucaaradka ay Qalbi Dhagax la wadaagan shirar ay naceeb ugu abuurayaan DFS, iyadoo si guud loo soo bandhigi doono muuqaal wada jir ah oo looga hali doono in DF ay ka fogaato talaabooyinka lamidka ah kan lagula kacay Sarkaalka ONLF. Mucaaradka dowlada ayaa ahmiyad gaara u arka in xiligaan ay Siyaasadooda gaarka ah u adeegsadan qadiyada Qalbi Dhagax oo aad loo hadal hayo. Warar hoose ayaa sheegaya in iminka Xildhibaano ku sugan magaalada Nairobi ay kulamo la yeesheen Saraakiil ka tirsan ONLF kuwaa oo kala hadlay in meel lagu xiro waxa loogu yeeray gafka ay DFS ka gashay Qalbi Dhagax. Sidoo kale, warbaahinta Imaaraadka Carabta ayaa aad u buun-buunineysa arrinta Qalbi Dhagax iyo qeyla dhaanta waayadan kasoo yeereysay mucaaradka Dowlada, waxa uuna arrinku u muuqdaa mid ay kaalin dhaqaale ka qaadan doonto dowlada Imaaraadka oo inta ugu badan mucaaradka dowlada ku bixisa dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, Qalbi Dhagax ayaan la ogeyn sida uu ka yeeli doono talaabada lagu doonayo in deysmadiisa loo maro dhaliilaha mucaaradka uu ku hayo dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii June ee 2018 marti galisay dilalkii ugu badnaa oo dhaca tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Dilalka bishii tagtay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo geystay Mas’uuliyiin, Saraakiil, Askar iyo Shaqaale ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia. Dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Hodan, Dharkiinley, Waaberi, Wartanabadda, Howlwadaag, Kaaraan iyo Xamarweyne ee Gobolka Banaadir kuwaa oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab. Kiiska dilalka dhacay Bishii June ee noo diiwaan gashan ayaa dhan 29 dil, waxaana xusid mudan inay jira dilal kale oo aan la diiwaan galin sida Tooreeyo leysku dilay. HOOS KA AKHRISO DILALKA KA DHACAY MUQDISHO BISHII JUNE 2018 1- June 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Dowlada xili uu ku sugnaa Degmada Howlwadaag, gaar ahaan Suuqa bakaaraha. 2- June 2, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Suuqa bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaan Bosteejadda Baydhabo ku dilay Askari ka tirsanaa Booliska oo ku guda jiray shaqo maalmeedkiisa. 3- Jun 2, 2018, Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada ayaa darawal gaari BL ah ku dilay degmada Kaaraan kadib markii ay murmeen. 4- Jun 2, 2018, Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa agagaarka Isgoyska Tarabuunka ku dilay Gabar Magaceeda lagu sheegay Maandeeq Salaad oo arday aheyd. 5- Jun 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay ruux dhalinyaro ahaa. 6- Jun 3, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Yaaqshiid ku toogtay wiil kamid ahaa dhalinyarada xaafada oo la sheegay inuu la socon jiray dhalinyaro u shaqeyneysay Dowlada. 7- Jun 3, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa Degmada Howlwadaag, gaar ahaan suuqa Bakaaraha ku dileyn Ruux la sheegay inuu kamid ahaa dhalinyarada la shaqeysa Gaadiidka BL—ka ee ka shaqeeya Isgooska Bakaaraha. 8- Jun 3, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha ku khaarijiyay wiil dhalinyaro ahaa, kaa oo la sheegay inaanu xiriir la laheyn shaqo Dowladeed. 9- Jun 4, 2018, Waxaa xaafada Cali Turcaaye ee degmada Heliwaa gobolka Banaadir lagu gooracay mid kamid ah dadka deegaanka oo da’diisa lagu sheegay 30 Jir balse aan la helin magaciisa saxda ah. 10- Jun 4, 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa afaafka hore ee xarunta degmada Waaberi si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta. 11- Jun 4, 2018, Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa Waaxda Seddexaad ee Degmada Dharkiinley ku dilay Askari kale oo ka tirsanaa Dowlada kadib markii uu diiday inuu dhigo Hub uu sitay. 12-Jun 5, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay nin lagu magacaabi jiray Macalin Daahir Cali Tifow oo kamid ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya. 13– Jun 6, 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa degmada Xamarweyne si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta. 14- Jun 6, 2018,Dabley ku hubaysnaa bastoolado ayaa Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan xaaafadda Cali Shire ku dilay Nabadoon Xuseen Jimcaale Geedi oo horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanadii dalka soo maray. 15- Jun 7, 2018, Askari ka tirsan dowlada ayaa Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Oodweyne nawaaxiga Isbitaalka Kaamil ku dilay nin dhac bareera geysanaayay. 16- Jun 12, 2018, Askari ka tirsan dowlada Federaalka ayaa Wadada Warshadaha ee magalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano isgoyska EVECO ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ah. 17- Jun 13, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Buullada ee ku toola Suuq Boocle korkiisa ku dilay Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay), oo kamid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Sacabka ee Baarlamaanka Somalia. 18-Jun 13, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada howlwadaag gaar ahaan xaafada Shanta geed ku dilay gudoomiyhii Waaxda Saqaawudiin ee Degmada Jabloos. 18- Jun 15, 2018, Askari ka tirsanaa ciidamada Xasilinta ayaa ku dhintay Miino ku Qaraxday xili uu ku sugnaa degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Isgoyska Ifka Xalane qeybta degmada Dayniile. 19-Jun 18, 2018, Askari ka tirsan dowlada ayaa Degmada Kaaraan ku dilay Cabdullaahi Jeyte oo kamid ahaa dhalinyarada deegaanka. 20-Jun 18, 2018,Askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa si bareera Degmada kaaran ugu dilay Xasan Jeyte oo ay murmeen askariga. 21-Jun 18, 2018, Waxaa garaash ku yaalla xaafada Gumareey ama Al-Cadaala oo ka tirsan degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir lagu dilay Xuseen Jeyte oo ay wada murmeen askari ay qaraabo ahaayen. 22- Jun 19, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa NISA ayaa Askari kale ku dilay degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.Marxuumka la dilay ayaa ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada. 23- Jun 26, 2018, Koox ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xaafada Suuq Yaaraha ee degmada Xamar Jajab ku dilay nin ka mid ahaa Odayaasha degmada, kaasi oo si weyn looga garanayay degmada Xamar Jajab, oo lagu magacaabi jiray Cabdi Culusow. 24- June 27, 2018, Koox ku hubeysneed bastoolado ayaa Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ku dilay Xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho. 25- June 28, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay ganacsade lahaa goob dharka lagu tolo oo ku taalla Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho. 26-Jun 29, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska afarta darjiin ee magaalada Muqdisho ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee Canshuurta qaada. 27-Jun 29, 2018, Kooxo ku bubeysnaa bastoolada ayaa eeryada Isgoyska afarta darjiin ee Gobolka Banaadir ku dilay qof la sheegay inuu kamid ahaa ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa Militeriga ee XD. 28- June 30, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa deegaanka Ceelasha biyaha ku dilay Cabdirashiid Daahir Xasan oo ahaa wiil dhalinyar ah. 29- Jun 30, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada Dharkenley ee G/Banaadir ku diley Nabadoon Ibraahin Cali Xasan oo kamid ahaa ergadii Magaalada Baydhabo kusoo dooratay xildhibaanada BFS. Dilalka dhacay bishii June ee 2018 ayaa noqonaaya dilal badankiisa loo geystay dad u shaqeeya dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bono warns that existence of UN, EU and NATO are threatened
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Irish rock star Bono warned Monday that the United Nations and other international institutions including the European Union and NATO are under threat — and nations must work together to ensure their continued existence. Source: Hiiraan Online -
Baydhabo (Caasimada Online)-War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xabsi la dhigay Taliyaha Nabad-sugida Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Nuur Xasan Buule. Taliyaha ayaa lasoo sheegayaa in ciidamo badan oo isku dhaf ah ay hooygiisa kala baxeen kadib amar kasoo baxay maamulka Gobolka Koonfur Galbeed ee Somalia. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Somalia oo ka hadlaayay xariga Taliyaha ayaa sheegay in lala xiray dhowr askari oo xiliga xariga isku dayay inay bad-baadiyaan Taliyaha. Cali Xasan Ibraahim Cali Dheere, oo ah Taliyaha Booliska degmada Waajid isla markaana ka hadlaayay xariga ayaa sheegay in Taliyaha Xarigiisa uu yahay mid xabsi guri ah. Cali Xasan, waxa uu intaa ku daray in sababta xariga Taliyaha Nabad-sugida Degmada Waajid uu yahay in loo heysto isku dhac dhexmaray Ciidamo uu watay iyo ciidamada Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed oo ku guda jiray howlgal roondo ah. “Kiiska xariga Taliyaha waxa uu iminka gaaray meel fog,waayo rasaasta ay rideen ciidamadiisa waxa ay geysteen dhibaato’’ Isku dhaca loo xiray Taliyaha Nabad-sugida degmada Waajid ayaa waxaa ku dhintay illaa 2 Askari halka mid kalena uu ku dhaawacmay, waxaana falkaasi lagu sheegay mid aad u xun. Dhinaca kale, talaabada lagu xiray Taliyaha ayaa khilaaf ka dhex abuurtay maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa xalay Magaalada Garoowe kusoo bandhigay daahfurka wajiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo kadhacay hoolka Jaamacad Bariga Afrika ee magaalada Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas qaar kamida goleyaasha Dowladda Puntland, guddiga waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, ganacsato iyo bulshada qaybeheeda kala duwan gaar ahaan bulshada kasoo jeeda gobalada Sanaag iyo Haylaan. Guddiga dhismaha waddada ayaa Madaxweynaha uga xog-bixiyey meesha ay marayso shaqadda dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, isla mar’ahaantaana waxaa ay kulanku intii uu socdey soo bandhigeen muuqaalo muujinaya sida ay shaqadu u socoto iyo meesha ay marayso dhismaha waddadu. Guddiga ayaa sheegay in dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ay hada soo geba-geboowday wajigeedii koobaad ee wadada oo dherarkeedu yahay 90 km, shaqada laga qabtayna ay tahay simitaan iyo kushubid jay iyo caratuur, waxaana loo gudbay wajiga labaad oo ah dhigitaankii daamurka oo loo keenay qalab casri ah oo lagu dhiso wadooyinka wadamada horumaray. Sidoo kale Dhismaha waddada Ceel-daahir, Ceerigaabo kharashka lagu dhisayo ayaa kayimid iskaa-shiga shacabka iyo Dowladda Puntland, kuna hirgalay halkudhigii ”Puntland ha isku tashato”. Guddiga ayaa sheegay in dhismaha wadada qaybta hartay ay ku baxayso lacag badan waxaana ay ka codsadeen shacabka Puntland Gaar ahaan shacabka Gobalada Sanaag iyo Haylaan inay soo dadajiyaan qoondada kaga soo aaday wadada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa mahad balaaran u jeediyey jaamacadda Bariga Africa iyo guddiga wadada Ceel-daahir iyo Cirgaabo’’dhab ahaantii aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo xafladdaan si gaar ah ayey ii taabanaysaa ka soo qayb galkeedu, Mahad dhammaanteed Alle ayey u sugaantay marka laga yimaado haddii cid ammaan leedahay waxaa iska leh guddiga wadada oo uu shiikh Maxamuud gudoomiye u yahay’’ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dadka reer Puntland waajib iyo xujo ku tahay dhismaha wadadaas oo fure u noqon karta hourmar iyo shaqooyin badan oo Puntland ka hirgala’’haddii ay fashilanto wadada Ceel-dahir iyo cirgaabo wadooyin kale oo inoo dhismaya ma jiraan marka aan tijaabino awoodeena oo wadada ha laga qayb-qaato’’ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas. Madaxweynaha ayaa waxaa uu fariin u diray qurba joogta waxaana uu ka codsaday in lacagaha ay dalxiiska ku aadaan ku bixisaayaan dhismaha wadadaas muhiimka u ah hooyooyinka foosha ah, guusha wadadaas laga gaadhaa waxay fure u tahay guulo badan oo soo socda haddaan ku guulaysano Ceel-Daahir-Cirgaabo mashruuca ku-xigaa wuxuu noqonayaa Kalabaydh ilaa Baargaal. Sawirro. PuntlandPost.net The post (SAWIRRO)GUDDIGA DHISMAHA WADADA CEELDAAHIR-CEERI GAABO OO SOO BANDHIGAY WAJIGA LABAAD DHISMAHA WADADAASI appeared first on Puntland Post.
-
Cabdi Kariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan laga sii daayay xabsi ku yaala Dalka Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyay cida Itoobiya u gacan galisay. Qalbi Dhagax ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay i gacan galisay Itoobiya isaga oo sheegay in Ha’ada NISA ay ka soo qabatay Magaalada Gaalkacyo iyaga oo ku xiray Godka Jilicoow. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wax ka ogaa Xirintaankaasi iyo gacan u galintiisa Itoobiya. “Xarigeyga waa ka danbeeyay Maamulka Farmaajo, waxaa howsheyda gacanta igu hayay Hay’addii uu Sanbaloolshe madaxda ka ahaa, iyaga iga soo qabtay Gaalkacyo dhibaato badan ayay ii geysteen, Xamar ayey Godka Jilacow igu xireen,mudadii aan xirnaa waxay ila tahay madaxweynaha iyo madaxda dowladda waa ogaan kareen” ayuu yiri Qalbi dhagax. Qalbi Dhagax ayaa sheegay in kulan uu la qaatay Ra’isilwasaare Itoobiya ay sabab u aheyd in la sii daayay isaga oo sheegay in aanay jirin cid kale oo sii deeyntiisa ka dambeeysay. Dhowaan Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in codsi ay u dirtay Ra’isilwasaare Itoobiya Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/COd-C.kariim-Sheeq-Muuse-Qalbi-Dhagax.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Qalbi Dhagax” Xarigeeyga waxaa ka dambeeysay Dowlada Soomaaliya” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay kaalmooyinka iyo mashaariicda daruuriga ah ee loo baahan yahay ay gaarsiin doonaan Somaliland iyo deegaannada kale ee ay baahiyaha ka jiraan ee Soomaaliya. Peter de Clercq oo ah ku xigeenka ergayga QM ee Somalia ayaa u sheegay VOA-da in go’aanka dowladda Somalia ee kaalmooyinka looga joojinayay aan weli laga gaarin wax heshiis ah, balse ay filayaa in heshiis laga gaari doono. “QM waxay ku dadaalaysaa inay kaalmooyinka iyo mashaariicda baahiyaha deg-degga ah loo qabo aan gaarsiinno meel walba oo Somali ah – oo ay ku jirto Somaliland,” ayuu yiri danjire Peter de Clercq. Sidoo kale, wuxuu ka hadlay aragtidooda ku aaddan qorshaha xayiraadda ah ee Dowladda Somalia ay soo saartay, taasoo ka dhan ah Somaliland, isagoo sheegay in qorshahaas ay ka war-sagayaan halka uu ku dhammaado. “Kaalmooyinkii ugu dambeeyay ee la gaarsiiyay Qaybo ka mid ah Somalia, waxay Somaliland ka heshay qayb weyn, waayo qorshaha dhawaan soo jeedisay Dowladda Somalia wuxuu u baahan yahay wadahadal dheeraad ah iyo in rasmi laga dhigo,” ayuu hadalkiisa ku daray ku xigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya. Dhanka kale, Peter de Clercq ayaa la weydiiyay inuu jiro heshiis ay Dowladda Somalia iyo Beesha Caalamku ay ka gaareen qorshaha kaalmada ee Somaliland, wuxuuna ku jawaabay. “Maya… ma jiro xilligan wax heshiis ah oo laga gaaray qorshahan gaarka ah, sida aan sheegayna muhiimaddu waxay tahay in kaalmooyinka kala duwan ee bani’aadamnimada iyo kuwa horumarineed ay gaaraan goobaha loogu baahida badan yahay.” Peter de Clercq ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in hawlaha xilligan ay rabaan inay kaalmooyinka ku gaarsiiyaan Somaliland uu yahay qorshe aan rasmi ahayn, balse haddii is-af-garad uu ka dhex-dhaco Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay raaci doonaan wadiiqadii loo jeexo. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa horay uga dalbatay Beesha Caalamka in kaalmooyin aan lasoo marsiin aan la geyn Somaliland, sidoo kalena aan lala geli karin heshiisyo caalami ah, balse illaa hadda ma jirto wax heshiis rasmi ah oo arrintaan laga gaaray. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo ka hadashay deeqaha caalamiga ah ee lagu caawiyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa sheegay in heshiis laga gaaray xayiraaddii toddobaadyo ka hor ay Ciidankoodu ku xayireen guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llahi oo doonayay xiligaas in uu u dhoofo dalka Kenya. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi oo ay Wehlinayeen labadiisa ku xigeen iyo Madaxa Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madeira ayaa kulan ka yeeshay arrintaan, waxayna ka hadleen xiriirka labada dhinac,iyada oo AMISOM faahfaahisay xayiraadii guddoomiye Xaashi. “Wadahadalladii aan yeelanay waxay ku saabsanaayeen Arrimaha Amaanka iyo hab-maamuuska madaxda, si isku-dhow ayaan wax isugu fahanay, waxaana rajeynayaa in lagu qancay sharaxaaddii aan bixinay waxaana rajeynaya in si dhaw aan labadeenna dhinac u wada-shaqeyno doono,” ayuu yiri danjire Francisco Madeira. Dhinaca kale, Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa isagana dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka dhex-maray labada dhinac iyo kaalinta ay AMISOM kaga jirto nabadeynta Soomaaliya. Ciidamada AMISOM ayaa 19-kii bishii lasoo dhaafay waxay muddo kooban ku xayireen garoonka diyaaradaha guddoomiyaha aqalka sare iyo xubno la socday, taasoo ay aad uga caroodeen xubnaha aqalka sare ee baarlamanaka Somalia. Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ayaa xilligii ay xayirayeen guddoomiyaha aqalka sare waxay sheegeen inaanay amar u haysan in guddoomiyaha wax ka badan ay ka gudbaan albaabka ciidamada AMISOM ee ku yaalla dhabarka dambe ee garoonka diyaaradaha Muqdisho. PUNTLAND POST The post AMISOM oo raalli-gelin ka bixisay xayiraad ay dhawaan saareen Guddoomiyaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
Flag carrier Ethiopian Airlines, Africa's largest and fastest-growing commercial airline, has taken delivery of the first of 30 Boeing 737 MAX jets. Source: Hiiraan Online
-
ETHIOPIA is to develop a container dock that will handle imports and exports for the region, even though it no longer has access to the sea. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxda AMISOM Amb. Francisco Madeira, kaasi oo quseeyay tabasho uu qabay Aqalka Sare. Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Kuxigeenada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, waxaana si gaar ah looga hadlay dhacdadii ciidanka AMISOM bishii Juun ay ugu diideen inuu Garoonka ka dhoofo Guddoomiyaha Aqalka Sare, inkastoo markii dambe muran dheer kadib la fasaxay. Amb. Francisco Madeira ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay falkii lagu xayiray Guddoomiye Cabdi Xaashi, wuxuuna balan qaaday in mar dambe aanay arrintan soo laaban doonin, sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Hay’adood. “Een, Wadahadalkii aan yeelanay waxa uu ku saabsanaa arrimaha amniga iyo nidaamka, si isku dhow ayaan wax isugu fahanay, waxana rajeynayaa in lagu qancay sharaxaadii aan bixinay waxana rajeynayaa in si dhow an labadeena dhinac u wada Shaqeyno.” Ayuu yiri Ambassador Francisco Madeira. Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi cabdulalahi ayaa isna dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka dhexmaray labada dhinac iyo kaalinta ay AMISOM kaga jirto nabadeynta Soomaaliya,sida lagu daabacay Warbaahinta AMISOM.
-
The bulk of the contraband sugar impounded in the country is smuggled through the Somalia border, we can report. According to a June 2017 FDD report, Kenya imports $1.2 billion worth of sugar from Somalia. [FDD is the US-based think tank Foundation for the Defense of Democracy.] The report cites an International Business Times report dated June 4, 2014. That, from a country that does not own a single sugar mill. Source: Hiiraan Online
-
Dalka Sweden waxa bisha semtember haddii ilaahay yidhaa ka dhici doonta doorasho. Haddaba aniga oo Sweden deggen muddo 30 sano ah, kana tirsan xisbiga Socialdemokraterna (Social Democrats), waxan jeclahay in aan ummadda soomaaliyeed ee deggen Sweden Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa beeniyey in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya. Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax. Hadalkiisa ayaa imanaya laba maalin un kadib markii safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar uu sheegay in Qalbi-Dhagax lagu sii daayey codsiga dowladda Soomaaliya, oo markii hore u gacan gelisay dowladda Ethiopia. Ayada oo labadan hadal ay is khilaafayaan, ayaan haddana dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadal arrintan, mana shaacin inay kaalin ku lahayd sii daynta Qalbi-Dhagax iyo in kale. Labada hadal ee is-khilaafsan waxaan ku macneyn karnaa 1 – In Safiirka hadalkiisa uu sax yahay, balse laga yaabo in ururka ONLF uusan ka warhayn kaalinta dowladda Soomaaliya ka gashay arrintan. Waxaa xusid mudan in ONLF uu yahay urur aan awood lahayn inuu ogaado siyaasadda dowladda Ethiopia. Waxaa sidoo kale suurto gal ah in kasta oo Qalbi-Dhagax lagu daayey codsiga odayaasha beeshiisa, haddana dowladda Soomaaliya ay gadaal ka riixday arrinta. Dowladda Soomaaliya ayaa horey liiska argagixisada ugu dartay ururka ONLF, waxaana macquul ah in ONLF ay fursaddan uga faa’iideysatay inay mucaaraddada usii badiso dowladda. 2 – Arrinta labaad ee suurta-galka ah ayaa ah in ONLF ay saxan tahay, islamarkaana dowladda Soomaaliya aysan wax kaalin ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax. Qodobkan ayaa waxaa taageeraya xaqiiqda ah in odayaasha beesha Qalbi-Dhagax ay sheegeen in dadaalkooda lagu sii daayey sarkaalkan. Sidoo kale Qalbi-Dhagax oo hadlay ayaa sheegay in sii dayntiisa uu mas’uul ka ahaa kaliya ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. Xaqiiqda ah in sheegashada safiir Jamaaludiin ay asaga un ku kooban tahay, halka tan ONLF ay dhinacyo badan oo kale ay taageerayaan, waxay u muuqataa inay ONLF runta sheegeyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax lagu cadaadinayo inuu jeediyo hadal la mid ah kii uu sabtidii Muqdisho ka sheegay safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya. Safiir Jamaaludiin Mustaf Cumar ayaa sheegay sabtidii in Qalbi-Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, oo markii hore sarkaalkan ka tirsan ONLF u gacan gelisay dowladda Ethiopia. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online sheegay in saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre iyo Jamaaludiin ay ay ku cadaadinayaan Qalbi-Dhagax inuu sheego in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sii dayntiisa. Ma cadda, haddii arrintan ay ku lug leedahay dowladda Ethiopia guud ahaan iyo inay ku siman tahay safiirka. Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya ayaa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaare Kheyre. Wararka qaar ayaa sheegaya in Qalbi-Dhagax loo ballan-qaaday dhaqaale aan la shaacin cadadiisa. Ilo-wareedyadeena waxa ay sheegayaan in Qalbi-Dhagax uu illaa hadda ka caga jiidayo arrintan, isaga oo aaminsan inuu ku lumin karo taageerada dadkii sida aadka ah uga gubtay dhiibistiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lasoo sheegayaa inay ballanqaday dhaqaale xoogan oo la filaayo in loo adeegsan doono doorashada maamulka Puntland. Dhaqaalahaani ayaa la xaqiijiyay inuu ballanqaaday Dhaxal Sugaha Imaaradda ahna ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida ee dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in dhaqaalaha uu ballanqaaday Sheekh Maxamed Bin Zayed ay gaar u tahay Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo xusul duub ugu jira dib u hanashada maamulka uu kasii dagaayo. Sheekh Maxamed Bin Zayed, ayaa C/weli Gaas u ballanqaaday lacag dhan 1 Milyan taa uu u adeegsan doono codadka Xildhibaanada baarlamaanka, Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Ololaha oo qaadan doona dhaqaalaha ugu badan. Sheekh Maxamed Bin Zayed, ayaa doonaya in C/weli Gaas uu kusii ilaalshado Heshiiska Dekadda Boosaaso iyo Saldhigyo la sheegay in Imaaraadka uu ka dhex sameystay gudaha Garoonka magaalada Garoowe iyo Boosaaso. Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa Gaas u ballanqaaday inay ku bixin doonaan dhaqaale kale oo noqon doona keyd kaa oo loo adeegsan doono Musharaxiinta miisaanka leh si aysan u galin tartanka doorashada. Sidoo kale, Gaas ayaa laga doonayaa inuu fududeeyo xal u helida caqabadaha aadka u badan ee dowlada Imaaraadka ka heysta dhanka dowlada Somalia, waxaana arrintaasi dhiiri galinaaya Sheekh Maxamed Bin Zayed. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Imaaraadka ayaa dooneysa inay kusii nagaato Dekadda iyo Garoomada Puntland, waxa ayna dagaal dadban kula jirtaa musharaxiin ay wadato dowlada Somalia, kuwaa oo laga cabsi qabo haddii ay guuleystan inay meesha ka saaran Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Camey, ayaa daboolka ka qaaday inay la dagaalami doonaan maamulka Somaliland ee uu Hoggaamiyo Muuse Biixi. Camey, ayaa sheegay in Puntland aysan u dulqaadan doonin in maamul jaar la’ah uu sheegto dowlad ka madax-banaan Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Muuse Biixi uu kala ququbay Soomaalida. Camey, waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu yahay mid halis ku ah Somalia maadaama isagoo jooga muddo aad u yar uu bilaabay hurinta colaadaha ka oloosan Gobolka Sool, sida uu hadalka u dhigay. “Biixi waxa uu lasoo baxay colaad abuuris Puntland indhaha kama qabsan doonto falalka colaadeed ee uu abuuray Muuse Biixi’’ “Puntland waxa ay jiritaanka Somaliland kusoo gabagabeyn doontaa wax ka yar Lix bilood, wey adkaan doontaa inay sii dhisnaato Somaliland wixii xiligaan ka danbeeya”, ayuu yiri Cabdixakiin Camey. “Waxaa naga dhamaaday sabarka waxeynu kaashan doonaa awoodeena, Somalilandi-na ha kaashato muruqeeda”. Sidoo kale, Camey ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka fiirsadaan wixii u dana, ka hor inta aysan dhabar jabin buu yiri maamulka Muuse Biixi. Haddalka Camey, ayaa imaanaya iyadoo labada maamul ay ciidamo hor leh geeyen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Marna ma aragtay iyagoo ka hadlaya sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa qaxootiga ku dayacan dalka gudahiisa iyo dibadahaba? Ma aragtay iyagoo ka hadlaya sidii wax loogo qaban lahaa halaynta bay’adda iyo ka hortagga nabaad-guurka bad iyo birri midna? Ma aragtay iyagoo soo bandhigay fikrado xal u noqon kara dhaqaale darida, hagaajinta kabayaasha dhaqaalaha, yareynta saboolnimada, tacliinta iyo cadaaladda? Ma aragtay iyagoo hadal haya qorshe looga difaaci karo macaamiisha danyarta ah dhiig-miiratada mehradaha ganacsi leh ee hadafkooda keliya yahay sidii ay dhaqso ku taajiri lahaayeen? Miyaad aragtay iyagoo ka doodaya sida ugu wanaagsan ee dalka looga hirgelin karo demokaraatiyad hannaqaada? Miyaad aragtay hindiseyaal loo bogey oo ay golayaasha dalka hor keeneen? Waxyaabahas iyo kuwa kale oo badan oo danta muwaadinta Soomaaliyeed ku jirto annigu ma arag mucaraad ku sheega Soomaaliya oo ka doodaya ama hadal haya. Xaqiiqada se waxay tahay in aysan jirin cid aragtay iyagoo wax nuxur leh oo ay la soo shir tagaan. Waxa keliya ee ay xeel-dheerayaal ku nogdeen sida loo baahiyo waxa afka-qalaag lagu yiraahdo conspiracy theory (aragti shirqool) oo ah in tillaabo kasta oo la qaado iyo wax kasta oo la sameeyo ay ku duugan tahay shirqool iyo damac guracan oo ka dhan ah shacabka soomaaliyeed. Falcelintooda iyo hadalkoodana waxa uu ku soo koobmay ka daba dheh sida dhoocil dhaajis barad ah. Annigu ma difaacayo xukumadda Xamar maanta ka jirta, waxaana qirayaa in ay dhanka xukumadda ka jirto gaabis badan, liidnaansho xaad dhaaf ah iyo wax ba’in badan. Laakiin waxaa ka dar oo dibi dhal noqday mucaaradkii ay aheyd in ay ugu yaraan isku muujiyaan kuwo wax dhaama kuwa maanta awoodda haya. Labo aan kala maarmin Inkasta oo uusan caalamka maanta jirin waddan loo barbar-dhigi karo xalaadda soomaaliya ku sugan tahay sababo la xiriira amni la’aanta iyo xasilooni la’aanta dabada dheeraatay, hadana waxaa la oran karaa xukumad liidata waxaa u sabab ah mucaraad liita. Dabcan sidoo kale waa la oran karaa mucaarad liita waxaa sababa xukumad liidata. Micnahuna waa labo isku baahan oo aan midkoodna laga maarmin. Marka ay xukumad ma dhalays noqoto ama ka gaabiso howlahii loo igmaday waa waajibka mucaaradka u iftiiminta shacabka waxii ay xukumadda gabtay, tilmaamidda dhabahii laga lumay iyo curinta afkaaro cusub oo lagu gaaaro himilada bulshadu leedahay. Balse haddii kii awoodda hayay ee liitay ka sii daran yahay kii rabay in uu baddelo soo jugjug meeshaada joog ma ahan. Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed dowladnimada u haraadsan? Runtii maanta ma jiro mucaraad nuxur le oo abaabulan oo xambaari kara qarannimada ummadda Soomaaliyeedd. Waxa keliya ee jira shaqsiyaad danley ah oo waxtarkooda ku kooban yahay sidaan horey u sheegay beenta iyo warxumo tashiilka. Hadaan la helin sida ugu dhaqsiyaha badan mucaarad xalaal ah oo hanan kara quluubta shacab weynaha Soomaaliyeed waa nuga dheeraanayaa geedi socodka aan ugu jirno dowladnimo dhamaystiran. Waxaa xataa dhaci karta in ay naga burburto inta yar ee an hadda haysano. Suurta-galna ma ahan in laga dhexwaayo 12ka malyan ee Soomaaliyeed gabdho iyo wiilal qaluub wanaagsan oo toosiya dowladnimada yar ee aynu hadda haysano. W/Q: Warsame Elmi Saxafi madax-banaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
The national government wants farmers to produce more hay in order to export some to Djibouti. Agriculture Cabinet Secretary Mwangi Kiunjuri said the Government had struck a deal with Djibouti to buy all the hay Kenya can offer. Source: Hiiraan Online
