Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ,Madaxa Golaha wasiirrada Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta booqday xerada 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku taal duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ciidanka ku jira Xereda 21aad waxaa ay hoostagaan Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca waxaana Ma`uuliyiintii Maanta booqatay xeradaas ay sheegeen in wixii xiligaan ka danbeeya ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen. Gorod ayaa sheegay in Ciidamadan ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay mushaarka iyo tasiilaadkooda kaleba bixin doonto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamadan ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,sidoo kalena dib u dhis lagu sameynayo Xerada Ciidamada Xoogga Dalka ee 21aad kuna taal Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamadii Ahlusuna ee kujiray xerada 21aad oo lagu wareejiyay Dowladda (Sawiro) appeared first on Caasimada Online.
  2. Kenya(Caasimadda Online)-Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in xabsi ay maamulaan Al-shabab ay kasoo baxsadeen 5-qof oo ka tirsaneyd Al-shabaab kuwaas oo u baxsaday dhinaca Kenya. wararka ka imaanaya dalka kenya ayaa sheegay in ciidamadda dalkaas ay baadigoobayaan raglasheegay in ay kasoobaxsadeen xabsi ay gacanta kuhayaan kooxda alshabaab. wararku waxa ay intaas kudarayaan in raga soobaxsaday ay yihiin ilaa shan qofood kuwaas oo ay kooxda alshabaab uqorsheysay in ay gowracaan Axmed Iman Cali oo ka mid ah ragga baxsadka ah. shanta ruux ee lasheegay in ay kasoobaxsadeen alshabaab ayaa si dhumalaysi ah ku gaaray Kenya iyagoo rajo weyn ka qaba inay kaga badbadaan dagaalamayaasha Al-shabab. kooxdan baxsadka waxaa hogaaminaya Axmed Iman oo kamid ah hogaamiyaasha Al-shabab ee shacabka Kenya ugu yeeri jiray inay ku biiraan bartamihii sanadkii tagay ee 2017kii. Axmad ayaa ayaa isaga baxay Al-shabab kadib marki ay gowraceen dhowr dhalinyaro oo Kenyan ah oo ay ku eedeyen inay basaasnimo iyo macluumadka sirta ah ee Al-shabab ay u gudbinayeen xukuumada Kenya. shantaan qof ee ka baxsatay xabsiyada Al-shabab ayaa la tilmaamay inay kasoo jeedan magaalooyinka Lamu iyo Malindi waxana ay xirnaayen ilaa dhamadkii sanadkii tagay. Warbixinada sirdoonka Kenya ay helaan ayaa muujinaya in dadka ugu badan ee Al-shabab ka tirsan lagu dhibaateeyo ay yihiin kuwa Kenya kasoo jeeda. Muwadiniinta Kenyaanka ah ee Al-shabab ku jiray ee sanadkii lasoo dhaafay ay kooxda basaasnimo ku eedeysay kadibna gowraceen waxaa kamid ahaa Ardey horey wax uga bartay jaamacada Moi University Jared Mokaya Omambia, Faraj Abdulmajid, Ahmed Yusuf Hassan, Ahmed Nur Abdi Osoble, Abdullah Talal Musa, Hashim Othman Selali iyo kuwa kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamada Kenya oo Raadinaya hogaamiye iyo afar qof Oo ay gawrac kuxukumeen shabaab appeared first on Caasimada Online.
  3. Dhuusamareeb-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku taala magaalada Dhuuso Mareeb,isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil iyo ciidamo. Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka warbixiyay baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sida ay ugu diyaar san yihiin gulufka ka dhanka ah ALshabaab. Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan madaxda Galmudug,mas’uuliyiin iyo saraakiil kale ayaa amaan iyo Bogaadin ujeediyay ciidamo halkaasi ku sugan iyo saraakiishooda,wuxuuna sheegay in ay kaalin mug leh ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweyne Farmajo oo hadal kooban kajeediyay Xerada 21,aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ku taalla duleedka Magaalada Dhuusa Mareeb. Madaxweynaha ayaa sheegay in midowga Ahlusunna iyo Galmudug ay sahli karto in la qalabeeyo ciidamada si ay awood ugu yeeshaan xureynta deegaanada ka maqan Gacanta Maamulka Galmudug. Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dowladda Soomaaliya ay Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Galgaduud ee lagu daray kuwa Galmudug ay u sameyn doonaan qalabeyn iyo waliba tababarid. Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo. http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/01/Madaxweyne-Farmaajo.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo”Midowga Galmudug iyo Ahlusuna waxa uu sahlayaa xureynta deegaannada ka maqan” appeared first on Caasimada Online.
  4. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo qasaare geystay oo lala eegty oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose. Qaraxyadan ayaa la sheegay iney gaarayaan ilaa iyo labo qarax kuwaa oo lala eegtay kolonyo ciidamo huwan ah oo isugu jiray Mareykan, Kenya iyo kuwa Jubaland, oo marayay deegaanka Buula Guduud oo qiysaastii 30 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose. Sarakiisha ciidamada ee Gobalka Jubada Hoose oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay inuu jiro weerar loo adeegsaday qaraxyo in lagu qaaday ciidamada Jubaland iyo kuwa kenya iyo Ciidamo Cadaan ah oo kasoo baxay Magaalada kismaayo kuna sii jeeday deegaanka Buula-gaduud, kuwaa oo sahay Millitari u waday ciidamo kale oo saldhig ku lahaa deegaanka Buula-gaduud ee Gobolka Jubada hoose. Wali lama xaqiijin qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi ee loo adeegsaday miinoyinka dhulka lagu aaso. Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan weerarka lagu qaaday kolanyada huwanta aheyd ayaa lagu soo waramayaa iney usuura gali weysay iney horey usii socdaan oo ay dib ugu laabteen kismaayo oo aheyd halkii markii hore ay kasoo baxeen oo ay doonayeen iney sahay militari gaarsiiyaan d- Buula-gaduud. PUNTLAND POST The post Qaraxyo Lagu Weeraray Ciidamo Iskugu Jiro Mareykan Kenyaati iyo Soomaali appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in guri ku yaalla degamadaas uu ka kacay dab khasaaro dhaliyay. Guriga uu dabkan ka kacay ayaa u dhow Xarunta degmada Yaaqshiid oo ku taalla Xaafada Suuq Bacaad,waxa ayna Goobjoogayaal ay sheegeen in uu debka dhammaan Baabi’iyay Guriga. Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya Burburka uu Guriga u geystay debka iyo in ay Gubteen Agabkii kala duwanaa ee Gurigaas yaalay. Dadka ka Agdhow Guriga ayaa bilaabay in ay u gurmadaan Qoyskas uu Gurigooda dabka ka kacay si ay u demiyeen Weli lama sheegin khasaaro nafeed ee uu geystay debkaas. Hoos Ka Daawo Sawirrada. Caasimada Online Xafiiska muqdisho Caasimada@live.com The post Sawirro:-Dab Khasaaro dhaliyay oo ka kacay Guri ku yaalla Degmada Yaaqshiid appeared first on Caasimada Online.
  6. Iiraan-(Caasimadda Online)-Warar goordhow soobaxay ayaa sheegaya in Markab laga leeyahay dalka Iran uu ku degay badda Shiinaha, iyadoo la sheegay in markabkaasi uu haatan gubanaayo. Markabkan ayaa lagu magacaabaa Sanchi, waxaana la sheegay in hadda dabka uu ku faafay masaafo dhan 100km oo isku wareeg ah,iyadoo ay soconayaan howlo loogu gurmanayo shaqaalihii saarnaa Markabkaasi. Waxaa la sheegayaa in Markabkan Sanchi uu sidey 136,000 tan oo shidaalka ceyriinka ah,32 shaqaale oo saarnaa ayaa dhammaantood geeriyooday. Wararka ayaa sheegaya in Illaa afar goobood uu dabka ka holcayo sida ay ku waramayaan warbaahinta Shiinaha,dowladda Shiinaha ayaa waxaa ay wadda qorshe ku aadan sidii maraakiib gurmad ah loogu diri lahaa. Shidaalka uu waddo ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid sun ah, islamarkaasna ka gubasho og shidaalka kale,mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Iiraan ee ku aadan dhacdadaani. War ka soo baxay Wasaaradda gaadiidka Shiinaha ayaa lagu sheegay in ay kooxo u direyso halka uu markabka ku gubanayo si wax looga qabto dhibaatada deegaanka u iman karta. Ilaa iyo haatan lama sheegin macluumaad ku saabsan halka uu ku wajahnaa markabkan gubanaya. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Markab siday Shidaal oo laga leeyahay dalka Iran Oo ku gubanaya Badweynta India appeared first on Caasimada Online.
  7. Dhuuso-mareeb (PP) ─ Waxa magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ka furmay goor-dhaw shir lagu dhameystir heshiisyadii ay horay u gaareen maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, waxaana goob-joog ka ah madaxweynaha Dowladda Federaalka, madaxda maamullada ka jira dalka, xubno ka socda beesha calaamka iyo xubno kale. Goobta uu shirku ka furmay ayaa waxaa laga suray calanka Galmudug kaas oo muujinaya in magaalada ay wixii maanta ka dambeeya tahay caasimada maamulka Galmudug oo sannadihii lasoo dhaafay ku shaqeyayay Cadaado. Xubnaha ka socda Beesha Calaamka ee Dhuuso-mareeb ka gaaray ayaa waxaa ka mid ah; ergayga QM ee Somalia, Michael Keating, ergayga AU-da ee Somalia, Francisco Madeira, ergayga IGAD ee Somalia iyo xubno kale. Shirkan ayaa la doonayaa in lagu dhameystiro heshiiskii awood-qabisga ahaa ee ay horay u gaareen maamullada Ahlusunna iyo Galmudug, inkastoo kulankan ay ka biyo-diideen cuqaasha iyo waxgaradka reer Cadaado. Awood-qaybsiga maamullada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa waxaa qayb ka ah in baarlamaannada laga maamul la isku daro, in Ahlusunna ay wasiiro ku yeelato xukuumadda Galmudug iyo qodobbo kale. Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in degmada Cadaado uu ka socdo dibadbax looga soo horjeedo shirka ka furay Dhuuso-mareeb ee la doonayo in lagu dhameystiro heshiiska labada maamul. Ugu dambeyn, Lama oga saameynta uu Mudaaharaadkaan ku yeelan doono shirka ka socda Dhuuso-mareeb, iyadoo sidoo kalena loo diiday inay shirkan ka qayb-galaan xildhibaannada baarlamaanka ee degmad Cadaado kasoo jeeda. PUNTLAND POST The post Shirkii lagu Dhameystirayay Heshiiskii Ahlu-sunna iyo Galmudug oo ka Furmay Dhuuso-mareeb appeared first on Puntland Post.
  8. Cadaado-(Caasimadda Online)-Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa maanta ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo shirweynaha Galmudug iyo Ahlusuna ee magaalada Dhuusa-mareeb. Beesha reer xaaji ayaa ka soo horjeeda heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo ay u aragto mid dhib ku ah jiritaanka magaalada Cadaado oo caasimad kumaaegaar ah ahayd waxa ayna doonayaa in maqaamkeeda aan wali la cadeyn, Banaanbaxan oo ka dhacay wadooyinka waa weyn ee magaalada Cadaado ayaa waxaa horkacayay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug, sida ay inoo sheegeen Wariyeyaasha halkaasi ku sugan. Sidoo kale Banaanbaxayaasha oo u badnaa Haween iyo caruur ayaa waxa ay wateen boorar waa weyn oo ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin doonimeyno heshiiskii Jabuuti, doonimeyno shirka Dhuusa-mareeb. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Banaanbax ka Dhan ah shirka midnimada galmudug oo ka dhacay Cadaado appeared first on Caasimada Online.
  9. When a devastating drought hit Somaliland, crops failed and livestock perished. For some of the region’s most impoverished people, survival seemed impossible until a single text message gave them hope. Chinow Aden, a mother living in the Fadhi Gaab refugee settlement in Somaliland, received a cash transfer from Oxfam via cell phone that allowed her to buy the food her family needed. Photo: Allan Gichigi/OxfamChinow Aden’s cell phoned pinged, signaling the first bit of good news she had received in a long while. Drought had forced Aden and her six children from their home in Somaliland to a refugee resettlement camp in the middle of the Somaliland desert. Receiving this text message was the first time she sensed they would be okay—at least for the next few months. She felt a renewed hope that life would get better. The drought had been devastating for Aden, who was dependent on her herd of 50 animals to get by. “It was not hugely profitable, but it was enough to sustain us with food and clothing,” she explains. “We were content with what we had.” But as food and water ran out—and all of her animals died—Aden started to struggle. Throughout the region, the land had grown parched. Plants had withered. Pastures had turned to dust. Heartbreakingly, animals had died. Without livestock—their most valuable asset—families realized every day was going to be a struggle just to stay alive. Aden barely managed to eat a small meal once a day. With little left to lose, but everything on the line, she was forced to search for some place her family could at least survive. Aden and her children made the difficult journey to Fadhi Gaab, a camp in Somaliland for internally displaced people. There, Oxfam had 16,000 liters of water waiting for her—that’s how much we’re trucking in every day to keep families like hers safe from dehydration and disease. At last, she was able to give her children clean water for drinking and washing. “We started to look like normal people,” she remembers. “We did not look like that before.” The transformative power of a text message In Fadhi Gaab, Oxfam set up a system of cash transfers via mobile phone so its residents could buy food for their families. Through experience, we’ve found that when the circumstances are right, setting up cash grants are the best way to relieve hunger. When food is available locally but people can’t afford to buy it, giving them cash is quicker, cheaper, and more efficient than transporting in huge quantities of food from outside the affected area. Aden’s phone lights up with a text from Oxfam, altering her to a digital cash transfer. Allan Gichigi/OxfamPutting money in their pockets also supports local shops and markets, and gives traders an incentive to keep food coming into the area. This is key: If we’re aiming for a long-term solution to poverty, people need to be able to feed their families next month and next year, as well as today and tomorrow. When people can purchase what their families need rather than having to wait for food rations that may not fit their needs, waste is minimized and people start to feel in control of their own lives again. Aden remembers the moment she received one of these cash transfers. “I was sitting somewhere around here, when I heard the pinging notification sound in my mobile phone,” she recounts. “I thought it was from an unknown number. I had a look and saw the amount of $143. I said ‘thank God’ and started shouting. I appreciate it; it has relieved our hunger.” After converting her text message into physical cash, Aden went into the town of Fadhi Gaab, which is about an hour’s walk from the camp. She was able to buy enough food to feed her family for a few months. With the money she received from Oxfam, Aden bought enough food to last her family a few months. Photo: Allan Gichigi/OxfamToday, Aden doesn’t know what her family’s future holds. But thanks to the text message, they have food for the immediate future. And because of the water at the refugee camp, they can stay clean and healthy. With these things come breathing space—and hope. Your support is what allows OXFAM to help families survive the drought and begin to rebuild their lives.​ And we’ll be there to help people like Aden find sustainable ways to live free from poverty.​ Donate now
  10. Garoowe-(Caasimadda online)-Kulan Maanta Magaalada Garoowe ay ku yeesheen Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa waxaa ay ku go’aamiyeen in Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigaan degaanka Tukaraq ee gobalka Sool oo dhawaan ay dagaal kula wareegeen Ciidamo ka Amar qaata Maamulka Soomaaliland. Axmed Cali Xaashi Gudoomiyaha baarlamaanka ee Maamulka Puntland oo maanta saxaafada kula hadlayay Magaalada Garoowe ayaa cadeeyey in aan marnaba loo dulqaadan doonin faragalinta Somaliland, wuxuuna sheegay in ay baarlamaanku amreen in la qaado Talaabo lagu difaacayo xaduudaha iyo deegaanada Puntland. Sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa amar ku bixiyay in Xukuumada ay qaado talaabo dagaal, ayna tahay waajib dhameystiran oo laga sugayo ayna u balan qaaday Shacabka Puntland ee ay xilalka u hayaan. Warkan ka soo baxay Mudanayaasha Puntland ayaa ku soo aadayaa xili degaanka tukaraq ee gobalka Sool ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland,inkastoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga laga dareemayo degaankaasi,kuwaasi oo ay sameeynayaan Labada Maamul ee ka Soo kala Jeeda Puntland iyo Soomaaliland. Shacabka ku nool Degaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayaa Cabsi badan Waxaa ay ka muujinayaan in korkooda ay ku dagaalamaan Ciidamo kala Taabacsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Baarlamaanka Puntland Oo Dagaal iclaamiyay iyo xaalad kacsanaan ah oo kajirta deegaanka Tukiraq. appeared first on Caasimada Online.
  11. The State Hydraulic Works and Turkish aid organization Association of Friends of All Africa (TADD) have sped up efforts to help Ethiopia's Afar region, where people suffer from the lack of clean water and shortage of doctors. Source: Hiiraan Online
  12. Guddiga taakulaynta ciidanka difaaca Puntland ayaa shaaciyay inay dowladda Puntland diyaar garow xoogan ugu jirto xoraynta gobolka Sool, sidaasi waxaa Puntlandi u sheegay mid kamid ah 15 xubnood oo loo magacaabay taakulaynta ciidana difaaca. Guddigaan ayaa sheegay inay dowladda Puntland diyaarisay dhammaan qorshihii looga jawaabi lahaa duullaanka maamulka Hargeysa uu kusoo qaaday dhulka Puntland, Waxaa kale oo ay guddigu shacabka Puntland qeybihiisa kala duwan inay diyaar u yihiin difaaca Puntland. Aadan Gaadaalle oo xubin guddigaan ayaa sheegay dowladda Puntland inaysan colaad iyo dagaal horseed u ahaanayn, balse ay difaacandoonto dullaanka qaawan ee lagusoo qaaday dhulkeeda. Gaadaalle wuxuu ugu baaqeen shacabka inay u diyaar garoobaan xoraynta dhulka duullaanka lagusoo qaaday. Puntlandi.com
  13. Cadaado-(caasimadda online)-Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Odayaasha Beesha ay kuqasbeen xubnaha ugu jira dowladda Federaalka ah in aysan ka qeyb gelin Munaasabadda dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug ee kafurmay magaaladda Dhuusamareeb. Wararka ayaa sheegaya in Odayaashu ay ku andacoonayaan in aan wax talo ah lagu darsan iyaga inta uu socday Heshiiskan, sidoo kalena waxay dhaliilsanyihiin Sababta aan shirkaas Cadaado loogu Qaban. waxa ayna Odayaasha dhaqanka ee Cadaado sheegeen in ay kasoo horjeedaan Shirka maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee lagu dhammeystirayo Heshiiskii ka dhacay Muqdisho ee Ahlu-sunna iyo Galmudug. Waxgaradka Beesha Cadaado ayaa si gaar ah u xanibay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud Axmed Qoor Qoor, Xildhibaan Maxamed Abtidoon Yare oo intaba ka soo jeeda Beesha Cadaado. Xubnahan ayaa ka mid ahaa Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin shalay laga diray Dhuusamareeb, si ay u soo dhageystaan una soo qanciyaan tabashada Beesha. kulan saacado badan qaatay oo la isku mari waayay ayay Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Cadaado ku adkeysteen in aanay ka qeyb gelin Munaasabadda maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb. Beesha reer xaaji ayaa ka soo horjeeda heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo ay u aragto mid dhib ku ah jiritaanka magaalada Cadaado oo maqaamkeeda aan wali la cadeyn, iyadoo heshiiskaas uu u gogol xaarayo in loo guuro Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Muxuu ahaa Amarkii ay Waxgaradka Beesha Cadaado dul dhigeen Abshir Bukhaari, Qoor Qoor iyo Abtidoon Yare appeared first on Caasimada Online.
  14. Baarlamanka dowladda Puntland oo Maanta kulanka ku yeeshay Xaruntooda magaalada Garoowe ayaa si buuxda u taageeeray go’aankii Xumuudda Puntland ay ka qaadatay duullaankii Somaliland ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Sidoo kale Baarlamanka ayaa guddi gaar ah u saaray Xoraynta gobolka Sool,waxaana dhammaan shacab weynaha Puntland lagu wargeliyay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagu soo celinayo degaannada ay Somaliland kaga sugantahay Xuduudaha Puntland. Baarlamanka ayaa Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ogaysiiyay in Somaliland ay mas’uul ka tahay wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo ka dhalata,haddii dagaal ka dhaco gobolka Sool. Halkaan hoose ka akhriso PUNTLAND The post Baarlamanka Puntland oo guddi gaar ah u saaray Xoraynta gobolka Sool. appeared first on Puntland Post.
  15. Barlamaanka dowladda Puntland ayaa yeeshay Kullan wadatashi iyo xogwareysi oo looga tashanayay xaaladda colaadeed ee ka dhalatay duullaankii uu soo qaaday maamulka Somaliland todobaadkii lasoo dhaafay. Dood dheer iyo falanqayn kadib, waxaa laysla qaatay qodobadaan hoos ku xusan:- 1: In la taageero qorshaha xukuumada Puntland ku difaacayso dhulkeeda. 2: In barlamanka Puntland uu si dhow ula socdo xaaladda difaaca dalka, waxaana loo magacaabay guddi gaar ah. 3: Waxaa muwaadiniinta Puntland lagu wargaliyay in ka qeyb qaadashada difaaca Puntland uu yahay waajib dastuuri ah, sidaas darteed waxaa loogu baaqay qof kasta oo reer Puntland ah inuu ka qeyb qaato difaaca Puntland. 4: Waxaa ummadda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta dananeysa amniga nabadda Soomaaliya ky wargelinaynaa in aaney Puntland diyaar u ahayn duullaan iyo colaad abuur, kana shaqeynayso nabadda iyo dariswanaaga ummada Soomaaliyeed, hase yeeshee ay waajib dastuuri ah ku tahay difaaca ilaalinta dhulkeeda iyo muwaadininteeda. 5: Dowladda Puntland waxay sheegtay wuxuu dhibaato iyo cawaaqib xumo ah oo ka dhasha Duullaankaas inay masuuliyaddeeda qaadayso maamulka Somaliland. Warsaxaafadeedkii. Puntlandi.com
  16. Dhuusamareeb-(caasimadda online)-wararka ka imaanaya magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in uu furmay shirka daah-furka dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu-sunna. shirkaan waxaa goobjoog ka ah madaxda ugusaraysa dalka uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ergeyga Qaramada midoobey uqaalbilsan Soomaaliya Michael Keating, madaxda maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Axmed Madoobe . Ahlu-sunna waxa ay horay qeyb ka aheyd heshiiska maamul u sameyntii Galmudug, iyada oo ka mid aheyd saxiixayaashii heshiiskii July 30, 2014 ee qalinka ku duugeen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid : oo matalayay Galmudug, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo Ahlu Sunna Wal Jamaaca matalayay , Cabdullaahi Maxamed Cali Baarleex oo kawakiil ahaa maamulkii cadaado ka ariminayay ee Ximan iyo Xeeb iyo xubno kasocday dowladda federaalka ah sida Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow, Ducaale Aadan Maxamed, Axmed Cali Salaad Taako iyo Mahad Axmed Salaad. In kasta oo natiijada maamul goboleedkii heshiiskaasi ka dhashay Ahlu-sunna wax laga siiyay hadana kuma qancin oo garabyo badan ayey yeelatay kooxda, waxaa ay qabsatay magaalooyin ay ku jiraan caasimadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb. Sanadkii hore, dadaallo badan oo dowladda federaalka ah, Djibouti iyo hey’ado kale bixiyeen waxaa la gaaray heshiis hor-u-dhac ah. December 6, 2017: Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah, ah ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed. Heshiiskan kadib waxaa lagu wadaa in Sheekh Shaakir uu si rasmi u noqdo madaxa xukuumadda Galmudug, sidoo kale in la isku daro Xildhibaannada labada maamul, lana qeysado jagooyinka ugu waaweyn. The post deg-deg Daahfurka Shirkii Dhamaystirka Heshiiska Galmugug Iyo Ahlu-sunna Oo Furmay appeared first on Caasimada Online.
  17. The end-of-2017 U.S. decision to suspend military aid to the Somali national army until the federal government can demonstrate better accountability and performance of its forces is appropriate. Source: Hiiraan Online
  18. Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ayaa Al-shabaab ka saaray degaanka Baar Sanguuri oo qiyaastii Magaalada kismaayo u jirta 45 km ee gobolka jubbada hoose,sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka SONNA. Hawlgalka Al-shabaab looga saaray degaanka Baar Sanguuri ayaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo afar kamid ah saraakiil yihiin,waxaana lagu soo qabtay gaadiid dagaal,sida ay qortay Wakaaladda SONNA. Dhinaca kale taliyaha ciidanka xoogga qeybta 43aad General Ismaaciil Saxardiid oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha Maraykanka ay ka qeyb qaateen hawlgalkaan . Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net The post Kumaandooska Soomaaliya iyo Kuwa Maraykanka oo Al-shabaab ka saaray degaanka Baar Sanguuri appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira safar uu ku marayo qeybo ka mid ah dalka, wuxuuna la kulmayaa soo dhoweyn ballaaran. Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiro Safarada dhulka iska fogeeyay ciidamada AMISOM ee qeybo kamid ah la geeyay magaalooyinka uu ku maraayo booqashooyinka. Madaxweynaha ayaa waxaa la socda Madax kale oo aad u badan kuwaa oo inta badan aanu la socon ilaalo gaara, marka laga tago kuwa loo sii diyaariyay ee madaxda la socta inta ay marayaan waddooyinka isku xira Gobolada. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa laga barankaraa casharo badan oo muujinaaya in Somalia ay kasoo boganeyso dhibta, waxaana xusid mudan in Madaxweynuhu yahay kii ugu horeeyay oo wakhti ceynkaani ah ku bixiya nabadeynta Somalia iyo in Bulsho waliba lagu booqdo deegaankooda. Haddaba socdaalka nabadeed ee Madaxweyne Farmaajo waxaan ka baranay: 1-In Somalia ay ka maarmi karto ciidamo shisheeye maadaama Socdaalka nabadeed ee Madaxweynuhu ahaa mid amniga looga danbeeyay ciidamada Soomaalida. 2-In Soomaalidu tahay kuwo aan kala maarmin balse u baahan Madax u kacda isku xirkooda oo booqasho ceynkaan ah dhowrkii bilba sameeya. 3-In Bulshada ku nool Gobolada dalka ay yihiin kuwo ku wanaagsan marti soorka, soo dhaweynta iyo dulqaadka. 4-In Soomaalidu bislaatay isla markaana u bisilyihiin inay dhistaan dowlad. 5-In khilaafka Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyadu ahaa mid ku xeeran keliya afka balse aanu jirin meelo fog. 6-In AMISOM qudheeda ay aamintay in Soomaalidu xiligaan ka maarantay marba haddii shaqooyinkooda lagu soo koobay ilaalinta goobaha ay degan yihiin. 7-In ciidamada Soomaalida ay daacad yihiin haddii ay helaan xuquuq iyo daryeel gaara, marba haddii ay muujiyeen dulqaad ku aadan inay dhex gam’aan howdadka iyo waddooyinka cidlada ah ee uu socdaalka kusii maraayay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Wuxuu madaxweyne Farmaajo ku safray dhulka laga billaabo Garowe illaa Boosaaso iyadoo ay ilaalinayeen ciidammo Soomaali ah. Meelaha qaar ee uu ku safray waxaa ku yaalla buuro waxaana mararka qaar ku dhuunto mintidiinta Al-Shabaab. Waxaana goobaha qaar ku sugnaa ciidammo Soomaali ah oo aad u hubeysan oo saaran buuraha dushooda kuwaas oo sugaya amniga muddadii uu madaxweynaha ku jiray safarka dhanka dhulka ah. Madaxweynuhu intaa kadib wuxuu u gudbay dhanka Gaalkacyo illaa cadaado oo uu dhulka ku safray, wuxuuna u sii tallaabay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aanu ilaalineynin ciidamada AMISOM. Waxaa xusid mudan in Goboladda dhexe qeybo ka mid ah waxaa ku sugan Alshabaab, iyaga oo xitaa awood u leh in ay weeraro ka geystaan meelaha aysan joogin. Sidoo kale, Intii madaxweynaha uu ku jiray safarkiisa dhulka lama arag ciidammo shisheeye, inkastoo dadka dhalleeceeya ay ku doodayaan in ay ajaaniibta si qarsoon u ilaalinayaan madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Madaxweynaha waxa uu ifafaalo u noqonayaa in Somalia ay ka kaaftoonto ciidamo shisheeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaan ka baranay socdaalka Madaxweynaha ee Gobolada Dalka (Akhriso 7 arrimood) appeared first on Caasimada Online.
  20. Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud. Micheal Keating iyo Xubno ka tirsan Beesha caalamka uu horkacayo ayaa waxaa magaalada ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee magaalada Dhuusamareeb. U qaabilsanaha Qaramada Midoobay Soomaaliya Mr. Keating ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya shirka lagu dhaqan gelinayo heshiiskii Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna ay wada gaareen oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud. Sidoo kale Waxaa jira wafdi kale uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada dhuuso mareeb. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Puntland,Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Odayaal iyo waxgarad ayaa kusugan magaalada Dhuusamareeb halkaasi oo lagu wado inuu ka dhaco shirka dhaqan gelinta Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna ku gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wafuud ka socda Q.M iyo Midowga Afrika oo Maanta gaaray Magaalada Dhuuso-mareeb. appeared first on Caasimada Online.
  21. Security agencies are hunting for five al Shabaab abductees who escaped from cells in Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa marti galineysa falal amni darro oo isugu jira dhac iyo boob oo ay geysanayaan dhalinyaro ku labisan dareeska ciidamada dowlada. Falalkaan ayaa inta badan waxaa lagu geystaa Gaadiid iyo Mootooyin oo ay la socdaan dhalinyaro ku hubeysan Hubka noocyada yaryar sida AK47 iyo Bastoolado. Dhalinyarada dib usoo nooleyneysa falkaani ee wata dareeska ayaa qaarkood la xaqiijiyay inay ka tirsan yihiin Hay’adaha amniga, halka qaarna ay yihiin kuwo ay dantu biday. Falalka dhaca iyo boobka ee kusoo cusboonaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale dareen gaara ka muujiyay dadka shacabka ah oo aan iyagu waxba ka faa’iidin ciidamadii loogu tallo galay howlahaasi. Falalkaan dhaca ayaa waxaa inta badan lagu fuliyaa dadka wata Mobilada, Laptobyada, halka tuugada qaarna ay dhac ka geystaan guryaha. Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ee ku shaqada lahaa ka hortaga falalkaan ayaa u muuqda kuwo aan dano gaara ka laheyn cabsi galinta lagu hayo shacabka. Dhinaca kale, Degmooyinka ugu badan ee falalkaan ay ka dhacaan ayaa waxaa kamid ah Hodan, Howlwadaan, Waabari iyo Dharkiinle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muqdisho oo marti galineysa falal foolxun oo qalqal amni dhaliyay (Maxay yihiin) appeared first on Caasimada Online.
  23. BOSASO[Puntland Post]-Munasabad lagu daah- furayey barnaamij cusub oo loogu magac daray Suuq ilamarkaan aad qab online ah wax ugu iibsan karto ayaa lagu qabtay magaaladda Bosaso ee xarunta gobalka Bari,. Barnaamijka Suuq ayaa waxa soo bandhigaya shirkada SOMALI Developres waana mid ku cusub Deegnada Puntland. Daah-furka adeega Suuq ayaa waxa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka wasaradda Amniga ee DFS wasiir u dawlaha wasaradda warfaafinta Puntland masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Cabdixakiin Yuusuf Muuse oo ugu horan ka hadlaya goobta ayaa sheegay in soo wadan barnaamijyo cusub oo kale islamarkan bulshad u faa,idaynaya. Wasiir-ku xigeenka wasaradda Amniga ee Soomaliya ayaa shirkada ku dhiirigaliyey in ay dadaalka ay sii wadan. Wasiir u-dawlaha wasarada warfaafinta Puntland Cabdifatax Nuur Ashkar ayaa si rasmi ah u daah-furay shirkad SOMALI Developres iyo adeega cusub ee Suuq. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST-BOSASO The post BARNAAMIJ LOOGU MAGAC DARY SUUQ OO LAGU SOO BANDHIGAYA BOSASO appeared first on Puntland Post.
  24. Ugandan President Yoweri Museveni accused the United Nations on Wednesday of “preserving terrorism” in neighbouring Democratic Republic of Congo where U.N. peacekeepers have been unable to curb deadly attacks by Islamist rebels. Museveni levelled the criticism in a statement after meeting U.N. officials investigating an ambush of peacekeepers in eastern Congo last month that left 15 dead and 53 wounded. The Allied Democratic Forces (ADF), a Ugandan Islamist rebel group that has been operating in the chaotic eastern Congo jungles for years, was widely blamed for the attack. “The United Nations is responsible for preserving terrorism in the Democratic Republic of Congo,” Museveni told U.N. investigators, according to the statement from his office. It did not elaborate and Museveni’s spokeswoman did not respond to calls seeking an explanation. There was no immediate comment from the United Nations. The attack was described by U.N. Secretary General Antonio Guterres as the worst on the world body in recent history. Set up in 2010, the U.N. peacekeeping mission in Congo called MONUSCO is the global body’s largest but has struggled to neutralise a patchwork of rebel and militia factions in eastern Congo and has previously drawn criticism from Museveni. A few days after the ADF attack, Uganda carried out air and artillery strikes on the group’s camps. Kampala said it had intelligence the rebels were planning hostile acts against it. The East African country, which has a history of meddling in lawless eastern Congo, is eager to prevent the ADF from re-entering Uganda’s oil-rich western region as the resulting insecurity could force out investors. Uganda is aiming to start pumping crude in its west in 2020. Source: – Reuters The post Uganda’s Museveni accuses U.N. of “preserving terrorism” in eastern Congo appeared first on Caasimada Online.