Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dhawaan soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo in hantida dawladda lagu galo ololaha doorashada ee socda. Read More
  2. Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii mudaaharaad rabshado watey ay ka dhaceen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Read More
  3. Mudaharaad rabashado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kadib markii ay isu soo baxeen dad kacabanaya dekedda Boosaaso oo xiran in kabadan todobaad. Dadka mudaharaadayay ayaa isugu jiray xoogsato, ganacsatada wax kala soo daga dekedda Boosaaso iyo qaar kamid ah shacabka magaalada. Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhashay bannaanbaxaas, waxaana sidoo kale dhaawacmay 3 kale. Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada gaar ahaan kuwa gala dekedda Boosaaso, iyagoo ku gooyay dhagaxaan iyo taayaro. Qaar kamid ah dadka cabanaya oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inaysan saamaysay dhibaatada ka taagan dekedda, taasoo salka ku haysa lacago ganacsatadu sheegeen in lagu kordhiyay gaadiidka badeecooyinka keena. Balse arrintaas waxaa goor sii horaysay beeniyay wasiirka wasaaradda Dekedaha iyo gaadiidka Puntland Siciid Maxamed Raage oo sheegay in muranku salka ku hayay khidmada laga qaadayo ganacsatada maadama Boosaaso la keenay mashiinka hubinaya tayada cuntada, kaasna xal laga gaaray. “Dab gurigeena lagama shidan 24 saac, waxaana wax loo dul qaadan karo maaha waa in deg deg naloo ku furaa dekedda, carruurtii Gaajaa naga laysay, rafaad baa nahaysta,” sidaas waxaa yiri Maxamed Bile oo kamid ah dadkii dibadbaxa dhigayay. Sidoo kale qof kale oo aan magaciisa sheegin ayaa yiri, “Dekedda waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed cid gooni ah uma xirnaan karto, deg deg ha loo furo waxaa ku dhex dhumaya dhibaatadan waa shacabka.” Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid soo dagaysa, waxaana waddooyinka magaalada lasoo dhoobay ciidamo kuwaasoo kala eryay dadkii dibadbaxa dhigayay. Dhinaca kale waxaa maanta isla magaalada Boosaaso ka dhacay shir ay isugu yimaadeen ganacsatada gadoodsan iyo nabadoono, waxaana qodobo ay kasoo saaren shirkooda kamid ahaaa in dowladdu wax ka qabato dhibaatada ka taagan xarunta gobolka Bari. Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Puntland, waxaana dhacdadan kusoo aaday xilli Madaxweyne Gaas oo safar shaqo u joogo magaalada Muqdisho. HALKAN KA DAAWO VIDEO Halkaan ka akhriso
  4. Bosaso-[Puntland Post] Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa maanta ka dhacay Mudaaharaad ay ka qayb-qaateen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Bosaso. Mudaharaadka ayaa ka dhashay kadib markii muddo toddobaad ka badan ay xiran tahay Dekada Bosaso oo ah Isha dhaqaalaha Puntland. Dadka mudaahraadayay oo u badnaa xaamalatada Dekada Bosaso iyo ganacsatadii jeeblayaasha ahaa ee magaalada Bosaso ayaa dhagaxaan ku xiray wadooyinka waaweyne ee soo gala Dekada waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid tahay waa in si deg deg ah loo furaa Dekada Bosaso, dooni meeyno Shirkadda DP World iyo erayo kale oo ay uga soo horjeedaan dhibaatada ka taagan xirnaanshaha Dakeda. Dhinaca kale Warbaahinta Puntland Post oo la xiriirtay isbitaalka guud ee Bosaso waxa ay noo xaqiijiyeen in la soo garsiiyey sadex qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray rasaas ay rideen ciidamada dawalada, kadibna uu markii danbe uu geeryoodaya mid ka mid aha sadexdii qof. Xaalada guud ee magaalada Bosaso ayaa aad u kacsan waxana jira shirar u socda dawlada iyo ganacasatada sida uu xogta ku helayso warbaahinta Puntland Post Daawo Muuqaalka Mudaharaadka. Cabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso The post Daawo Banaanbax looga soo horjeedo Xirnaanshaha Dekada oo ka dhacay Bosaso appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (PP) ─ Xeer-iaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay marayso Dacwaddii muranka Badda ee u dhexeysay Somalia iyo Kenya, taasoo taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalladda ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands. Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inuu dhamaaday wajigii koowaad ee dacwada, isla markaana laga sugayo Kenya inay gudbiso jawaabta dulucdii dacwada ee ay horay Somalia u gudbisay. “Dacwadda wajigeedii koowaad wuu soo dhamaaday, Maxkamadduna waxay horay u sheegtay inay awood u leedahay inay dhageysato, go’aan ka gaarto, waxaana hadda ay Kenya ku khasban tahay in kama dambeys 18-ka bisha December ee sannadkan inay gudbiso dulucdii jawaabta dacwada,” ayuu yiri Dr. Dahir oo la hadlay warbaahinta gudaha. Sidoo kale, Xeer-ilaaliyuhu wuxuu sheegay in wixii ka dmabeeya 18-ka bisha December ay maxkamadda dhageysan doonto dulucda dacwada iyo doodaha labada dhinac sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in Maxkamadda ay labada dhinac u diri doonto wixii go’aano ah ee ka soo baxa jawaabta laga sugayo Kenya, isla markaana ay ka war sugayaan. Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday inay awood u leedahay inay dhageysato dacwada u dhaxeysa labada dal, isla markaana ay go’aan ka gaarto, taasoo meesha ka saartay is hor-taagii ay Kenya ku dooneysay ee ahaa in aysan dacwadan qaadi karin Maxkamadda. Ugu dambeyn, Muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ahaa mid soo jiitamayay, waxaana horay ay Kenya dalbatay in wada hadal ay ka yeeshaan arrintan, hase ahaatee ay diiday Dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post AKHRISO: Halkee Maraysaa Dacwadii Muranka Badda ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya? appeared first on Puntland Post.
  6. HALKAAN KADAAWO Shan qof oo saaxiibo ahaa oo u dhashay dalka Argentina ayaa ka mid ah kuwa lagu dilayweerarkii gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada New York. Siddeed qof ayaa lagu dilay, 11 kalena waalagu dhaawacay weerarka. Nin waday gaari xamuul ah ayaa dhex galay waddo loogu talagalay baaskiillada oo ki tirsan xaafadda Lower Manhattan. Dhimashada shanta qof ee Argentina waxaa xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkooda. Waxay qeyb ka ahaayeen 10 qof oo New Yor u tagay dabaaldegga sanad guurada 30-aad ee ka soo wareegatay markii jaamacadda ay ka qalin jebiyeen, sida warbaahinta ku warrameyso. Sida wasaaradda ay sheegtay, ragga oo dhan waxay da’dooda u dhexeysay 49-49 sano. Kuwa dhaawacmay ayaa weli lagu daawaynayaa. Mid ka mid ah dadkii dhintay wuxuu u dhashay dalka Belgium, halka labada kale aan weli la sheegin dalka ay ka soo jeedaan. Nin 29 sano jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Uzbek ayay booliska dhaaweceen, markii uu isku deyay in uu gaariga ka dego, waxaana lagu tyilmaamay weerar argagixiso. Warbaahinta ayaa ninkaa baabuurka waday magaciisa ku sheegtay Sayfullo Saipov, waxaanay sheegtay in uu dalka Maraykanka u haajiray sannadkii 2010-kii. Xog uu helay telefishanka CBS ayaa tibaaxday in qoraal baabuurka uu ninkaasi waday laga helay lala xidhiidhiyey kooxda la baxday Dawladda Islaamka. Eedaysanaha oo sida muuqata deganaa gobolka Florida ayaa la sheegay in isbitaal loo qaaday. Duqa magaalada New York, Bill de Blasio, ayaa yidhi “wuxu ahaa fal argagixiso oo fulaynimo ah oo lala beegsaday rayid aan waxba galabsan”. Waxaanu intaa ku daray oo yidhi “waanu ognahay in falka looga gollahaa in la nagu niyad jabiyo laakiin waxa kale oo aan ognahay in dadka ree New York ay yihiin dad adag, weligayo fal colaadeed oo looga dan leeyahay in lanagu cabsi geliyo u liici mayno” Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray waxa uu ku yidhi ” waxaan tacsi iyo duco ba u dirayaa dadka ku waxyeelloobay iyo qoysaska dadkoodii ku waayey falka argagixiso ee ka dhacay magaalada New York. Alle iyo dalkiinuba way idinla jiraan”. Halkaan ka akhriso
  7. Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa Salaasadii shalay buuxiyey waddooyinka waaweyn ee caasimadda Eritrea ee Asmara,kuwaasoo dalbanaya in si deg deg ah loo sii daayo maamule iskuul islaami ah oo ay xireen Booliiska dalkaasi,kadib markii lagu eedeeyay in uu diiday fulinta awaamiir ka soo baxday dowladda oo la xiriirtay mamnuucidda xijaabka,sida ay soo werisay Idaacadda Erena oo ay leeyihiin weriyaal reer Eritrea oo deggan magaalada Paris. Maamulaha la xiray oo lagu magacaabo Muasa Mohamed Nur ayaa madax ka ahaa iskuulka Islaamiga ah ee Aldiaa ee caasimadda Asmara,waxaana sidoo kale lagu eedeeyey diidmada awaamir kale oo ku saabsan in uu is-beddel ku sameeyo manhajka iskuulka oo uu ka saaro qaar kamid ah buugaagta tarbiyadda,islamarkaana gabdhaha iyo wiilasha ardayda ah isku-dhex daro. Muddaharaadka ayaa bilowday,kadib markii ay la helay warar sheegaya in dowladdu raadinayso in ay gebi ahaanba la wareegto iskuulka,taasoo keentay in guddiga waalidiinta ay soo abaabulaan in ka badan saddex kun oo arday ah,kuwaasoo dalbanaya in loo sii daayo maamulahooda,sidoo kalena faro-gelinta laga joojiyo iskuulkooda. Booliiska Eritrea ayaa rasaas huwiyey dibad-baxayaasha,waxayna xireen qaar kamid ah waddooyinka,si ay u xakameeyaan muddaharaadka oo lagu tilmaamay kii ugu horreeyey ee taariikhda ka dhacay dalkaasi. Safaaradda Maraykanka ee magaalada Asmara ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Amerikaanka ah ee ku sugan Eritrea,waxayna talo ku siisay in ay ka fogaadaan bartamaha magaalada oo laga cabsi qabo in rabshado ka bilowdaan,sidoo kalena ay taxaddar dheeri ah muujiyaan,xilliyada ay joogaan goobaha lagu badanyahay. “Safaaraddu waxay heshay xog ah, in dhowr goobood oo Asmara ku yaalla rasaas ka dhacday muddaharaadka awgiis,waxayna kula talinaysa in laga fogaado bartamaha magaalada oo u muuqata in muddaharaadku ku sii fidi karo,iyadoo laga yaabo in la xiro waddooyinka bartamaha magaalada oo Booliisku si weyn u joogaan”,ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Safaaradda Maraykanka. Warka ay soo saartay Safaaradda ayaa intaas ku daray”xataa haddii muddaharaadkan loogu talo galay in uu si nabad ah ku qabsoomo,wuxuu isu rogi karaan iska hor imaad iyo rabshado.Ka fogaada goobaha ay ka dhacayaan dibad-baxyada,taxaddar dheeri ahna muujiya marka aad joogtaan meelaha lagu badanyahay”. Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay in muddaharaad yar uu ka dhacay magaalada,kaasoo aan wax khasaare ah ka dhalan sida uu hadalka u dhigay”muddaharaad yar oo uu dhigay hal iskuul ayaa Asmara ka dhacay wax khasaare ahna kama dhalan”,ayuu yiri Gebremeskel. PUNTLANDPOST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Muddaharaadkii ugu horreeyay taariikhda oo ka dhacay Eritrea.Yaa looga horjeedaa? appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Qaramada Midoobay ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO ayaa soo saartay warbixin ku saabsan tayada Jaamacadaha ugu wanaagsan Somalia. UNESCO waxay sheegtay in siddeed ka mid ah Jamaacadaasi ay yihiin kuwo ay aqoonsatay, kaddib markii qiimeynta ballaaran ay sameysay ku ogaatay in tayada waxbarashadooda ay tahay mid heer caalami ah. Sidoo kale, Warbixinta UNESCO ee Waxbarashadda Sare (UNESCO World Higher Education Datebase) ayaa lagu sheegay in Liiska Jaamacadaha ku yaalla Somalia ee aqoonsiga ka helay UNESCO ay ka mid yihiin; Mogadishu University (MU) East Africa University (EAU) Puntland State University (PSU) SIMAD University (SU) Banadir University (BU) Somali National University (SNU) University of Burao University of Hargeysa. Afar Jaamacadood oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah Liiska UNESCO, halka Puntland ay kasoo galeen labo Jaamacadood, Sidoo kalena Somaliland ayaa waxaa kasoo galay labo Jaamacadood Dhanka kale, Warbixintaan kasoo baxday UNESCO ayaa waxay imaanaysaa xilli dhawaan ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya sheegtay inay dib u eegayso tayada Jaamacadaha dalka ku yaalla, kuwaasoo ay xustay in qaar ka mid ah aysan u qalmin jaamacado. Ugu dambeyn, Tobankii sano ee u dambeeyay ayaa waxaa Soomaaliya kusoo kordhayay Jaamacadaha, iyagoo haatan maraya in ka badan boqol jaamcadood, kuwaasoo qaarkood la sheego in tayadoodu aysan ahayn mid wanaagsan. PUNTLAND POST The post Hay’adda UNESCO oo soo bandhigtay Jaamacadaha ugu Tayada Wanaagsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (PP) ─ Waa wado godad badan oo ku taalla Degmada Kajiado ee dalka Kenya. Waa meel aad u kulul oo boodh badan. Waxa maraya laba nin oo xoolo dhaqato ah oo huwan go’yaasha guudan ee ay caanka ku yihiin dadka halkaa ku nooli. Waxa ay carraabinayaan ilaa lixdan neef oo lo’ ah, waxaanay sheegeen in ay ka yimaadeen dalka Tanzania. Laba sanadood halkaa roob kama da’in, xoolo dhaqato badan oo Joshua Nchoki ka mid yahay ayaa hayaamay oo xadka ka talaabay. Laakiin imika Kenya ayuu ku soo noqday ka dib markii dawladda Tanzania bilawday in ay qabqabato dadka ajaanibka ah ee xoolahooda sida sharci darrada ku daajinayey seerayaasha dalkaas. Laba boqol oo neef ayuu lahaa laakiin haatan wuxuu la soo noqday kala badh in ka yar. Julius Nchoki wuxu dul taaganyahay meel ay ku dhinteen neefaf kale oo lo’diisa ka mid ahaa oo markaas uun dhintay oo raqdooda diqsi ka buuxo. Wuxu yidhi gaajay la dhaqaaqi kari waayeen oo geedi dheer bay soo galeen oo halkan bay ku dhinteen. “Neefka halkaa ku dhintay wuxu ku jiray lo’dii aan Tanzania u hayaamiyey laakiin qasab bay igu noqotay inaan soo celiyo dhibaatadii halkaa naga qabsaday awgeed. Waayadii hore kolka abaaro dhacaan aayar uun baanu Tanzania u talaabi jirnay oo ilaa inta roob ka da’ayo xagan aanu ku maqnaan jirnay, laakiin imika waa la isku dacareeyey oo deg deg baan uga soo noqonay.” Ayuu ku cataabay Julius Nchoki Ilaa intii xadhigu bilaamay waxa la qabtay tobanaan qof oo Maasai-ga reer Kenya ah ayaa Tanzania lagu xidhay bishii la soo dhaafay oo keli ah. kumanaan neef oo lo’ ah ayey dawladdu qabsatay oo dadkii watay laga xaraashay. Magaalada ku taala xadka ee Loi-tok-tok ayaa cabsida ay dadku ka qabaan in la xidhaa ay aad u sii kordhaysaa, dad badan oo Maasai-ga Kenya ah ayaa ka cadhooday xoolahooga laga xaraashay. Gudoomiyaha dhinaca Kenya Harsama Kello ayaa sheegay in boolis la geeyey goobaha ay joogaan xoolo dhaqata ka too talaabay Tanzania si looga hor tago in weeraro aar goosi ahi dhacaan. “Haa waxa jirta cabsi laga qabo weeraro aar goosi ah. dadka Maasai-ga ah eek u nool dhinacan Kenya ayaa lo’ ka soo qaada Maasaaiga Tanzania. Markaa waxaanu ka baqaynaa in Masaai-ga reer Tanzania ee xagan u soo talaabay lo’da laga qaado, waana arrin aad u halis ah oo aanan doonayn in ay dhacdo.” Ayuu yidhi Harsama. Mar la weydiiyey sida ay doonayaan in ay arrinta ku xaliyaan, ayaa wuxu ku jawaabay “Waxaanu doonaynaa in dublamaasiyadu shaqayso, danjirahayaga ayaa wasaaradda arimaha dibadda Tanzania la xidhiidhaya rajo fiicanna waanu qabnaa.” Ilaa haatan Maasai-ga Kenya waxay Tanzania ka soo qaadeen ugu yaraan shan kun oo neef oo lo’ ah, laakiin dawladda Tanzania waxay ku adkaysanaysaa in aanay xoolo dal kale ka yimid daaqi karin dalkeeda. Warbxin ay soo saartay ayey ugu sheegtay Maasaai-ga reer Tanzania ee xoolahoodu joogaan Kenya in ay si dhakhso ah ugu noqdaan dalkooda. Luhanga Mpina oo ah wasiirka xoolaha iyo kalluumaysiga ee Tanzania, waxaanu yidhi “Daaqsintu qayb kama aha heshiisyada aanu dalalka jaarka ah la galnay. Xiidhiidhka naga dhexeeyaa waa mid sharciga ku salaysan, markaa qofka dalkayaga xoolahiisa iskala soo galaa wuxuu noola midyahay qof dambiile ah talaabo sharci ahna waanu ka qaadaynaa. Waxa jira xoolo dhaqato badan oo maxkamadaha dacwado kaga socdaan, sababtuna waaa in ay jabiyeen xeerarka heshiishyada laba geesoodka ah ee dalkayaga iyo kooga ka dhexeeya.” Khilaafkan u dambeeyey ee dhex yaal dawladaha Tanzania iyo Kenya wuxu tilmaan u yahay xiisada isa soo taraysa iyo sida ay hakadka u gashay wada shaqayntii fiicnayd ee labada dal lahaan jireen. Ugu dambeyn, Bulshada xoola dhaqatada ah ee labada wadan ku nool ayaa iyagana ay arintaasi saamaysay waxaanay caddayn u tahay dhaqaalaha labada dal ee xidhiidhkan xumaaday wax yeelay. Xigasho; BBC PUNTLAND POST The post WARBIXIN: Xaaladaha Nololeed Xoolo dhaqatada Abaaruhu ku habsadeen ee Bariga Afrika appeared first on Puntland Post.
  10. Waxaa Muqdisho iyo Baydhabo ka dhacaya Shirar iska soo horjeedo, oo ku aadan mooshin la sheegay in laga keenay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Magaalada Baydhabo waxaa kulan gaar ah ku yeeshay maanta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi, iyadoo sheegay in xilligan in aysan habooneyn Mooshinka in laga keeno Madaxweynaha. Xildhibaan Xasan Macalin Iidow (Xasan Black) wuxuu xusay in Xildhibaanada Baydhabo ku kulmay ay tiro ahaan gaarayaan 50 Mudane oo kasoo horjeeda Mooshinka laga diyaariyay Madaxweynaha. Waxay isku raaceen Xildhibaanada inay difaacaan Madaxweynaha, islamarkaana ay ka hortagaan mooshin iyo isku day kasta oo awooda looga xayuubinayo Shariif Xasan, oo hadda Muqdisho ku sugan. Xildhibaano kale ayaa kulan kaasi kasoo horjeeda ku yeeshay dhowr jeer Muqdisho, kuwaasi oo shaaciyay inay saxiixeen mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan, oo waxqabad la’aan ku dhaliileen. Mooshinkan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Shariif Xasan uu 22-kii bishii lasoo dhaafay ka furay Baydhaboo kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, isagoo kula dardaarmay Xildhibaanada inay maamulkaasi la shaqeeyaan. Shariif Xasan wuxu kamid yahay hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka, ee la saftay Sacuudiga iyo Xulufadiisa, islamarkaana hareer maray go’aankii dhex-dhexaadnimo ee dowladda Federaalka ee ku aadan khilaafka khaliijka. Halkaan ka akhriso
  11. Dibadbax rabshado wata, oo dad ay ku dhinteen ayaa saaka ka socda magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari kaasi oo looga soo horjeedo xirnaashaha dekedda magaaladaasi. Wariyaha Warsidahan uga soo waramaya Boosaaso, ayaa sheegay in banaan baxa xooggiisa uu ka dhacayo nawaaxiga Dekedda, iyadoo dadweyne caraysan ay isku dhaceen ciidamada Booliska. Isku dhaca ciidamada amniga ayaa ka dhashay khasaaro isagu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana Goobjoogiyaasha sheegeen in ugu yaraan hal labo ruux ay ku dhinteen rabshadaha socda, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen. Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaya boqolaal qof, oo ganacsato, haween iyo dhalinyaro ay kamid yihiin kuwaasi oo dalbanayay in la joojiyo canshuurta lagu kordhiyay badeecadaha kasoo dega Dekedda Boosaaso. Fahfaahinta warka kala soco wararkeena damne haddii ALLE idmo. Halkaan ka akhriso
  12. Gobolka Shabeellaha Hoose waxa Maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo Milateri oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Maxamed Ciise oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada xoogga ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in dhaq dhqaaqyadaas looga gol leeyahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay Gobolkaas ka joogaan. HALKAN KA DHAGAYSO Halkaan ka akhriso
  13. Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay magaalada New York 11 kalena dhaawac halisa ayaa gaadhay ka dib markii nin baabuur nooca xamuulka ah wada uu dad ku jiidhay haadka ay maraan dadka baaskiillada wata ee wado ku taalla xaafadda Lower Manhattan. Ninka baabuurka waday oo 29 jir ah ayaa markii uu dadka jiidhay ka dhaadhacay baaburka waxaana toogasho ku dhaawacay askari boolis ah oo waa la xidhay, waxaanay saraakiishu sheegeen in uu ahaa weerar argagixiso. Warbaahinta ayaa ninkaa baabuurka waday magaciisa ku sheegtay Sayfullo Saipov, waxaanay sheegtay in uu dalka Maraykanka u haajiray sannadkii 2010-kii. Xog uu helay telefishanka CBS ayaa tibaaxday in qoraal baabuurka uu ninkaasi waday laga helay lala xidhiidhiyey kooxda la baxday Dawladda Islaamka. Eedaysanaha oo sida muuqata deganaa gobolka Florida ayaa la sheegay in isbitaal loo qaaday. Duqa magaalada New York, Bill de Blasio, ayaa yidhi “wuxu ahaa fal argagixiso oo fulaynimo ah oo lala beegsaday rayid aan waxba galabsan”. Waxaanu intaa ku daray oo yidhi “waanu ognahay in falka looga gollahaa in la nagu niyad jabiyo laakiin waxa kale oo aan ognahay in dadka ree New York ay yihiin dad adag, weligayo fal colaadeed oo looga dan leeyahay in lanagu cabsi geliyo u liici mayno” Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray waxa uu ku yidhi ” waxaan tacsi iyo duco ba u dirayaa dadka ku waxyeelloobay iyo qoysaska dadkoodii ku waayey falka argagixiso ee ka dhacay magaalada New York. Alle iyo dalkiinuba way idinla jiraan”. PUNTLAND POST The post 8 Ruux oo lagu Jiirsiiyay Gaari Dalka Mareeykanka appeared first on Puntland Post.
  14. Dilkan ayaa ka dhacay barxada suuq Sayarad ee Xaafada Caashir ee magaalada Qaahira ee dalka Masar marxuumkan ayaa da,diisa lagu sheegay 16 sano jir waaxaana lagu magacaabi jiry Shaakir oo magaciisa lagu soo koobay. Xilliga dilka dhacayay ayaa la sheegay in marxuumka uu ka soo baxay maqaayad wuxuuna ku sii jeeday gurigiisa. Ciidamada amniga Masar ayaa meydka marxuumka la wareegay waxayna sheegeen in aan la aasi doonin inta baaristu socoto. Ciidamada dambi baarista oo goobta tagay dilka ka dib ayaa dad 50 ku dhow usoo xirxiray dhacdadan dilka ah iyo dadkii ladaganaa guriga marxuumka la dilay Waxaana haatan ku socota dadka laqabtay baaritano laxiriira kulug laahnshiyaha dilkan iyo inay wax ka og yihiin. PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Dilay Dalka Masar appeared first on Puntland Post.
  15. Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Rag miino aasayay in ay kula qaraxday deegaanka Daniga oo illaa 11km dhinaca Galbeed ka xiga Degmada Balcad ee Gobolkaas. Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Miinada ayaa la qaraxday ilaa afar Ruux oo ahaa kuwii aasayay, waxaana la sheegay in ay ka tirsanaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaas ku darayaa in ragga miinada la qaraxday uu ku jiro sarkaal sare oo u qaabilsanaa Al-shabaab dhinaca miinooyinka balse aan la sheegin magaciisa. Miinada ayaa la dhigi rabay buundo caan ah oo la yiraahdo buundada Macalin Weyne. Deegaanka daniga ee Degmada Balcad waaxaa dhawaan ka dhacay qarax Miino oo lala eegtay gaari caasi ahaa waxaa ku dhintay qaraxaas afar ruux oo shacab ahaa kuwaasi oo baaraley ahaa. Maamulka Dowlada iyo Degmada Balcad ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay ka hadli doonaan Dhacdadaasi. PUNTLAND POST The post Rag Miino Aasayay oo ay Kula Qaraxday Duleedka Degmada Balcad appeared first on Puntland Post.
  16. Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in qarax ka dhacay deegaanka Danida ay ku dhinteen ugu yaraan lix ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Read More
  17. Magaalada Muqdisho waxaa si si rasmi ah uga furmay oo ka socda shir u dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka. Read More
  18. Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa xalay ka furmay magaalada Muqdisho. Read More
  19. Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay u gudbisay baarlmaanka Somaliya nuqulka hindiso sharciyeedka Khayraadka dalka. Read More
  20. Guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Axmed Cabdullaahi (Fanax) ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku sheegay inuu la kulmay handadaad iyo is hortaag, taasina ay ku qasabtay inuu xiro xafiiska. Read More
  21. Labo wareegta oo mamnuucaya gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaado in ay maraan gudaha magaalada Muqdisho iyo waliba xadka culeyska rarka ee ay qaadi karaan ayaa ka soo baxey xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed. Read More
  22. Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda al-Shabaab ay degaanka Buq-Aqable ee gobolkaasi ku toogatay nin la sheegay inay ku eedeyeen in uu basaas u ahaa ciidamada Amisom, qeybta saldhiga ku leh degmada Jalalaqsi. Read More
  23. Maalmihii ugu dambeeyey waxaa xirnayd dekedda magalada Boosaaso, oo dhowaan lagu wareejiyey shrikadda P&O oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Boosaaso. Read More
  24. Hoggaamiyayaasha dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleed-yada ayaa la sheegay inay guda galeen ajandayaasha shirkooda ka socda magaalada Muqdisho. Read More
  25. Digniin: Wareysigani waxa uu si qayaxan uga hadlayaa sidii dilalku u dhaceen, kuwaas oo uu ku jiray ilmo yar oo lix bilood jiray, markaa qofkii uu ku adag yahay dhageysiga wareysigani ha ka digtoonaado Read More